-
Content Count
211,204 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Bosaso [PuntlandPost] Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, oo Wareysi siinayay Idaacada VOA-da ayaa sheegay in ay lahaayeen qeyb ka mid ah lacagtii Imaaraadka ee lagu qabtay Garoonka diyaaradaha ee Magaalada Muqdisho. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in markii lacagtaas la qabtay uu la hadlay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dowladda Imaaraadka Carabta Mohammed Ahmed Othman Al-Hammad, uuna u sheegay in lacagta oo ah $9.6 Milyan oo doollar, ay $3.6 Milyan oo kamid ah ugu talagaleen Ciidamada PMPF ee Puntland oo ay iyagu tababaraan, sidoo kalena ay siiyaan Mushaarka. ‘’lacagtaa $3 Milyan iyo 600 oo Kun oo ka mid ah Puntland ayaa qeyb ahaan laheyd sida uu inoo sheegay safiirka, waayo Puntland waxaa ku sugan Kumannaan ciidamo ah oo ay tababaraan Imaaaraadka, lacagtaana waxaa loogu talagalay mushaarka iyo saadka ciidamada’’ ayuu yiri Madaxweyne Puntland Dr Gaas. Madaxweynaha Puntland Dr. Gaas ayaa markale beeniyay inay baxeen Saraakiishii Imaaraadka Carabta ee tababari jiray CIidamadda Badda Puntland ee loo yaqaan PMPF. Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo beegmaya xili uu shalay booqday xarunta Ciidamada Bada ee Bosaso islamarkana uu Dawlada Imaaraadka Carabta uu ka codsaday in ay taageerada sii wadan. Cabdiqani Boos Puntland Post- Bosaso The post Madaxweyne Gaas:- Waxaanu leenahay qeyb kamid ah lacagtii Imaaraadka ee Muqdisho lagu qabtay appeared first on Puntland Post.
-
By:Saad Ali Shire This week, leaders from the 53 member-states of the Commonwealth are gathering in London for the biennial Commonwealth Heads of Government Meeting (CHOGM). Representatives from across Africa, Asia, the Americas, Europe, and the Pacific will work towards the laudable goal of delivering a fairer and more prosperous, secure, and sustainable future for all Commonwealth citizens, and particularly young people. However, the Republic of Somaliland, despite being a former British protectorate that attained independence from the British Empire in 1960, won’t be afforded the opportunity to participate in these important discussions as a Commonwealth member-state. More than 27 years after Somaliland dissolved its political union with neighbouring Somalia, resuming its position as an independent state, and fulfilling all the requirements of a sovereign state, our country is still waiting for recognition as a sovereign nation. Somaliland’s exclusion from the Commonwealth is particularly unfortunate because we have long embodied the core values on which the organisation was founded and have a storied track record of working to address the challenges we face. For example, the fundamental values of democracy, human rights, and the rule of law enshrined in the Commonwealth Charter are the cornerstones of Somaliland’s political culture. Our citizens have participated in six consecutive multi-party elections certified as free and fair by international observers since 2002. With 70% of our population of 4 million people below the age of 30, we also share the strong focus on youth that will be a central theme of this year’s CHOGM. It is thanks to the concerted activism from groups across civil society, but in particular youth groups and women in Somaliland and the UK diaspora, that Somaliland is in the latter stages of passing new bills targeting sexual offenses and FGM, in line with international human rights norms. Youth participation in politics has also been expanded in recent years, with Somaliland now boasting of several young mayors and local councillors following a successful campaign to lower the age of participation in local government from 35 to 25 in 2011. It’s not just at home that Somalilanders are making a positive impact, but also in the diaspora across the Commonwealth. From the UK and Canada to Uganda and Malaysia, Somalilanders living abroad and their dual-citizen children are opening businesses, attending universities, becoming elected officials, and generally contributing to the economic and social prosperity of their adopted or host nations. We consider ourselves very much part of the fabric of the Commonwealth patchwork. Moreover, Somaliland stands tall as an able and willing partner for the international community, not only ensuring that terrorists and pirates find no refuge within our borders, but also helping to contain and weaken their impact within the Horn of Africa as a whole. The fact that we do not have observer status or associate membership at the Commonwealth to enhance our engagement with the other member states in such areas is a missed opportunity to reward and build upon our valiant efforts to date. Given this extensive alignment of values, it’s hardly surprising that the common challenges that Commonwealth member-states are gathering to confront are practically identical to those that the Somaliland government has designated as its top priorities. As CHOGM prepares to debate weak global trade and investment flows, cross-border security threats, and climate change, we are working to attract foreign investment that will drive economic development, combat the threat of international terrorism beyond our southern border, and to insulate Somalilanders from the devastating effect of recurrent droughts by building community resilience and better preparation. We are therefore steadfastly committed to further developing our engagement with the Commonwealth, and with the UK in particular, as it succeeds Malta as ‘Chair-In-Office’ of the Commonwealth until 2020. As the UK approaches a post-Brexit future, the Commonwealth is taking on a renewed importance, as a forum with which the country can translate its historic ties and position as a leading world force into a new international network of economic opportunity and diplomatic influence. Somaliland, with its century-long special relationship with Britain and enduring goodwill among its citizens, is just the sort of international partner that the UK and wider Commonwealth needs to forge this new order. What better way to solidify this partnership than by welcoming Somaliland into the Commonwealth with open arms?
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyaha maamulka Puntland Cabdiweli Gaas ayaa mar kale ka hadlay dhaqaale dhawaan ay Dowlada Somalia ku qabatay Garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho. Cabdiwali Gaas, ayaa sheegay in dowlada Somalia ay ku khaldan tahay dhaqaalaha Imaaraadka ee lagu qabtay Garoonka Aadan Cadde. Gaas, waxa uu sheegay in lacagta lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho qeyb ka mid ah in loo waday Ciidanka Puntland, waxa uuna talaabo khaldan ku tilmaamay in lagu degdego qabashada lacagahaasi. C/wali Gaas oo la hadlaayay Idaacada Voa-da ayaa yiri ‘’Lacag dhan Saddex Milyan iyo Lix Boqol oo Kun Dollar waxaa loo waday Ciidanka Puntland si mushaar ahaan loo siiyo, waxaan xaqiiqsanay in lagu qabtay Garoonka Muqdisho’’. Waxa uu Cabdiwali Gaas, intaa ku daray ‘’Waxaan la xiriiray safiirka Imaaraadka ee Somalia waxaan weydiiyay arrintan, wuxuu ii cadeeyay lacagta qeyb ka mid ah in loogu tala galay Puntland’’. Waxa uu intaa kusii daray ‘’arrintaan waxaan kala hadalnay Madaxda dowlada waxaan ka dalbanay in qeybta ay lacagta ku leedahay Puntland laga siiyo si Mushaarka looga siiyo ciidamada’’ Sidoo kale, Cabdiwali Gaas, ayaa cod dheer ku sheegay in dowlada Somalia laga doonaayo in dhaqaalahaasi ay si dhaqsi ah ku siiso Puntland, waxa uuna carab ***** in ciidamo badan oo kuwooda ah aysan heysan Mushaarkooda. Gaas, ayaa imaanaya xili uu sii xoogeysanaayo Khilaaf Siyaasadeedka ka dhextaagan dowlada Somalia iyo Imaaraadka Carabta. Haddalka Gaas ayaa u muuqanaaya mid xeelad cusub dhaqaalaha loogu badbaadinaayo Dowlada Imaaraadka Carabta oo qalqal laga galiyay lacagta laga qabtay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Shiikh Axmed oo wareysi siiyay TV-ga Al-Carabiya ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta. Shiikh Shariif ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta iyo Soomaaliya uu ka dhaxeeyo xiriir soo jireyn ah, islamarkaana madaxda dowladda Soomaaliya, Golaha Shacabka iyo Xukuumadda laga rabo inay u istaagaan sidii meesha looga saari lahaa dhibaatada taagan. Sidoo kale Shiikh Shariif ayaa sheegay in xiriirka Soomaliya iyo imaaraadka carabta uu xoogeystay markii uu Madaxweynaha ka ahaa Soomaaliya. “Cilaaqaadka imaaraadka iyo inaga wuxuu xoogeystay xiligii aan madaxweynaha ahaa sidaa la socotaan booqashooyin joogto ah ayaan ku imaan jiray imaaraadka hogaanka uu ugu horeeyo shiikh khaliifa iyo Maxamed bin Sayid kulamo ayaan la qaadan jiray ,allaha ha ugu abaal gudo, maalina ma aysan hakin caawinta Soomaaliya, tababarka ciidankana inaga ayaa ka codsanay madaama xiligaa aan dagaal kula jirnay Al-shabaab, waxaan dooneynay waqtigaa dhisida ciidamadda waxaana hubaa in Imaaraadka uu door muhiim ah ka qaatay”, ayuu yiri Shiikh Shariif Shiikh Axmed. Hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shiikh Shariif Shiikh Axmed ayaa kusoo aadaya xili uu xumaaday xiriirkii Soomaaliya iyo Imaraadka Carabta ka dhaxeeyay kadib markii Hay’adaha amniga ay gacanta ku dhigeen boorsooyin lacagaha ah oo ku socday Safaaradda Imaraadka ee Magaalada muqdisho. PUNTLAND POST The post Shariif “Imaaraadka Soomaaliya wax fiican ayuu u qabtay” appeared first on Puntland Post.
-
Hargeisa —-President Muse Bihi Abdi attended the marking of plants day event in Hargeisa on Monday. The event attracted the motto,”plant a tree in the paradise” in a bid to enthuse about the importance of the plants for the survival of the human being in a number of ways. “Today everybody who is not a pastoralist can plant a tree and if any mature person plants a tree our land will become green and lush and it will prevent the droughts, said Muse Bihi Abdi. “Because scientists say wherever forests are, the rains are too. Therefore, I urge every matured person to plant a tree.” ‘To escape from the disasters brought by the Air pollution which will possibly fill up our lungs if the urban living persons don’t feel their responsibilities to plant a tree, he added. Shukri Haji Ismail Bandare, Minister for the environment, who highly organized the event said that the degrading or destroying forests must be stopped.
-
Garowe (Puntlandi) Shirkada ku guulaysatay qandaraaska dhismaha Wadada Garowe iyo Gaalkacyo gaar ahaan inta udhexaysa Xarfo iyo Jalam ee Isxilqaan, ayaa soo saartay war saxaafadeed jawaab celin ah oo ay ku beeninayso warar laga faafiyay dhismaha waddada. Nuqulka warsaxaafadeedkaan oo lasoo gaarsiiyay Warsidaha Puntlandi, ayaa lagu cambaareeyay warar ay qoreen qaar kamid ah warbaahinta Puntland ka howlgalla, wararkaas oo ku saabsanaa in uu joogsaday mashruuca dhismaha waddada iyo in shirkadu ay la imaan weyday awoodii shaqo ee laga filayay, taasoo ay qandaraaska ku hanatay. Shirkada Isxilqaan waxay cadeysay in gabi ahaanba wararkaasi ay yihiin kuwo been abuur ah oo aan sal iyo raad toona lahayn, waxayna ummadda reer Puntland u cadeysay in howsha dhismaha uu meel wanaagsan marayo. Shirkada Isxilqaan waxay tilmaamtay ujeedada laga leeyahay wararkaasi inay yihiin sidii loo fashilin lahaa mashruucaas qiimaha ugu weyn ugu fadhiya ummadda reer Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya ayna ka dambeeyaan kooxo is bahaystay oo kasoo horjeeda danaha horumarka Puntland iyo in mashruucaan lagu guulaysto. Shirkadu waxa kaloo ay hadalkeeda ku dartay inay cadeymo uga fadhido warbaahinta wararkaan been abuurka ah daabacay. Isxilqaan, mar ay ka hadlaysay dib udhaca mashruucaan waxay masuuliyadaas dusha ka saartay madaxdii hore ee hay’adda wadooyinka Puntkand PHA iyo shirkada GIZ oo mashruucaan maalgelinaysa, waaxayna sheegtay inaan weli loosoo gudbin saxiixii mashruucaan. Ugu dambayn, shirkada Isxilqaan waxay cadeysay inay ka go’an tahay in mashruucaan sida ugu tayada fiican loo fulinayo. Waxaa kaloo ay tilmaamtay inay adeegsanayso qalabka ugu casrisan aduunka, iyadoo dadkii qibrada u lahaana ay joogaan goobta dhismaha. Waxay shirkada Isxilqaan hadalkeeda kusoo afjartay inaysan waxba ka hagrandoonin mashruucaan uuna ahaandoona mid ka wanaagsan qaabka la filayo. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa markii ugu horeysay ka hadlay Khilaaf Siyaasadeedka dowlada Somalia kala dhexeeya dalka Isutaga Imaaraadka carabta. Sheekh Shariif Sheekh, oo wareysi gaar ah siinaayay Telefashinka Al-Carabiya ayaa sheegay in xiriirka labada dal uu ahaa mid fog oo soo jireen ah. Sheekh Shariif Sheekh, waxa uu tilmaamay in xiriirka soo jiray uu ahaa mid ka fac weyn kan iminka Somalia kala dhexeeya dhowr dal oo iminka saaxiib la’ ah Somalia. Waxa uu Sheekh Shariif Sheekh, ku baaqay in Khilaafka Somalia iminka kala dhexeeya Imaaraadka Carabta lagu xaliyo wadahadal si meesha looga saaro waxa uu ugu yeeray Tashwiishka. Xiriirka Somalia kala dhexeeya Imaaraadka ayuu sheegay Sheekh Shariif Sheekh Axmed inaanu ku ekeen Siyaasad, balse uu gaarsiisan yahay heer Ganacsi, waxa uuna qiray inuu jiro xiriir Ganacsi oo aad u wanaagsan. Madaxweynihii hore ee Somalia Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa sidoo kale tilmaamay in Imaaraadka uu qeyb ka yahay Dowladaha Somalia ka taageeraya la dagaalanka al-shabaab, sidaa aawgeedna la doonaayo in dowlada ay dhinacyo badan ka eegto xaalada jirta. ‘’Dowlada Imaaraadka wey cadahay wanaaga kala dhexeeyay Somalia, waxaa jiray xiriir soo jireen oo isugu jiray dhan waliba, anigu waxaan qaba in xal laga gaaro khilaafka dheeraaday ee ka dhexeeya labada dal’’ ‘’Hadii uu yimaado khilaaf ama is fahan waxaa muhiim ah in lagu xaliyo wadada saxda ah, waxaan Baarlamaanka, Xukuumadda iyo Madaxda Dowladda ugu baaqayaa in arrintan ay dadaal dheer u galaan sidii loo xalin lahaa, si shacabka aanay u dareemin niyad jab.” Sidoo kale, waxa uu Sheekh Shariif sheegay inay dareemayaan heerka uu iminka gaarsiisan yahay Khilaafka, balse waxa uu ku taliyay in loo degdego dhanka wanaaga iyo xalka. Dhinaca kale, Khilaafka u dhaxeeya labadan wadan ayaa xoogeystay kadib markii Xukuumadda Somalia ay cambaareysay saldhigga Imaaraadka uu ka dhisayo degaanada Somaliland iyo markii Ciidanka NISA ay la wareegeen lacag Imaaraadka Carabta uga soo degtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ciidamadii Imaaraatka Carabta u tababara dowladda federalka Soomaaliya, ayaa boob iyo biliqo xoogan ugeystay Xarunta Dugsiga Tababarka Ee General Gordan oo ay dowladdu Imaaraatka Carabta gacanta ku haysay kuna tababari jiray ciidamada. Ciidamada ayaa boobay agab milatari iyo qalabka kale oo ka koobnaa, Gaadiid Ciidan,Qalabkii tababarka ciidanka iyo Gaadiid kale ay isticmaali jireen saraakiisha tababarka. Sawirro lagu faafiyay baraha bulshada ayaa la arkayay saraakiisha Imaaraatka oo gaadiid Tareelayaal ah ku raranayay agabkii xarunta, laakiin islamarkiiba waxaa halkaas si xoog ah ula wareegay ciidamadii ay tababareen oo boob kula kacay agabkii goobta yiilay. Xeradii ayaa haatan haawanaysa, waxaana saraakiishii Imaaraatka ay guud ahaanba faarujiyeen xeradaas, kadib markii dowladda Imaaaraatku ay shaacisay inay joojinayso taageeradii milatari ee ay siin jirtay dowladda federalka Soomaliya. Puntlandi.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Senator Cabdirisaaq Cismaan Xasan Jurile , oo ah Gudoomiyaha xiriirka dibadda ee xildhibaanada aqalka sare ee barlamaanka Somalia ayaa taageeray Mowqifka ay Puntland ka qaadatay Imaaraadka Carabta. Senator Cabdirisaaq Cismaan Xasan Jurile, waxa uu sheegay in dowlada Imaaraadka Carabta ay wakhti badan siisay maamulka Puntland, sidaa aawgeedna ay rumeysan yihiin inaanu jirin cid u dhigmata. Xildhibaan Jurile, waxa uu farta ku goday in Imaaraadka uu waligiis gacanweyn siin jiray Maamulka Puntland,isla markaana sinaba asyan u kala go’aynin. ‘’Waxaan taageerayaa mowqifka uu Hogaamiye Gaas ku taageeray Imaaraadka carabta, waa arrin sax ah waayo Imaaraadku waxbadan ayuu u qabtay maamulka Puntland’’ Jurile, ayaa sheegay inay muhiim tahay in Puntland aysan xaqirin abaalka ay u gashay dowlada Imaaraadka oo uu sheegay inay siisay wakhti badan. Haddalka Xildhibaanka ayaa imaanaya xili shir jaraa’id uu magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolka Bari ku qabtay Hogaamiyaha Maamulka Puntland Cabdiweli Gaas, kaa oo uu ku taageeray Dowladda Imaaraadka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
The global race to own 5G technology is on — and China is winning.That's according to a report released Monday by CTIA, a trade association for the US wireless industry. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Sida uu qoray wargeyska the star Edmonton waxaa go’ay xiriirka Macaamil ee Bankiga ‘’The Royal Bank of Canada’’ ee dalka Canada uu la lahaa dhammaan Xawaaladaha lacagta ee Soomaalida. Maamulka ‘’The Royal Bank of Canada’’ayaa sheegay inuu joogsaday xiriirka Bankiga kala dhexeeyay Xawaaladaha Soomaalida, isla markaana ay soo afmeeri doonaan xisaab xirkooda. Maamulka Bankiga ayaa laga soo xigtay in talaabadaasi ay ku dhaqan galin doonaan saacado kooban gudahooda, waxa uuna maamulka tilmaamay inay ku howlan yihiin Xisaab-lacageedka Shirkadaha Xawaaladaha Soomaalida ee macaamilka la ah Bankiga. Maamulka ayaa sheegay in xisaabaadka la xiri doono ay yeelan doonaan shirkadaha Xawaaladaha ee Amal Express iyo Iftin Money Transfer ku lahaayeen Bangigaasi. Go’aanka lagu xiraayo Bankiga ‘’The Royal Bank of Canada’’, ayaa waxa uu saameyn xoogan ku yeelan doonaa Soomaalida ku dhaqan dalka Canada. Sidoo kale, go’aankaan aya saameyn ku yeelan doona Soomaalida laga soo biilo dalka Canada oo aan iyagu heli doonin dhaqaalihii uga imaan jiray Canada. Geesta kale, waxaan talaabadaani ka hadal maamulada shirkadaha Soomaalida uu saameynta xoogan ku yeelan doono go’aanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya Xarunta maamulka HirShabelle ee magaalada Jowhar ayaa sheegaya in halkaa uu ka socdo kulamo gaar gaar ah oo u dhexeeya Xildhibaanada Mooshinka kawada Hogaamiyaha maamulka Maxamed C/waare. Xildhibaanada Mooshinka kawada Waare oo iminka tirro ahaan kordhay ayaa waxaa lasoo sheegayaa inay wadaan diiwaan galinta Xildhibaano dheeri ah oo kusoo biiray Mooshin wadayaasha. Xildhibaanada ilaa iyo hadda is diiwaan galiyay ayaa la xaqiijiyay inay kor u dhaafayaan Afartan iyo Shan Xildhibaan oo si rasmi ah u saxiixay Mooshinka Hogaamiye Waare. Xildhibaanada Mooshinka saxiixay ayaa qaarkood sheegay inuu u yeeray Hogaamiye Waare si ay u wadahadlaan, hase ahaatee ay diideen. Waxa ay sheegen inaanu xiligaan dooneynin wadahadal ay la galaan Waare, waxa ayna ku goodiyeen inay marin doonaan halka ay mariyeen Cosoble. Sidoo kale, Siyaasiyiin kasoo jeeda deegaanada maamulka ayaa ku lug leh Mooshinka laga keenay Waare, kuwaa oo u hanqal taagaaya Kursiga. Ma cadda sida uu xaalku noqon doona waxaana socda dadaalo uu wado Hogaamiye Waare, si uu kaga badbaado Mooshinka heerka gabagabo maraaya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho marka la joogo, cid kasta oo ka baqaysa in la beegsado, waxa ay samaysataa ciidan waardiyeeya. Haddii ay meel gaar ah deggan yihiinna, waxa ay samaystaan xad ay dhigaan dhagaxaan shub ah ama jawaanno ciid laga buuxiyey, waxa ayna meel gaar ah ugu sameeyaan waardiye gaariyaasha iyo dadka meelaha maraya u diga, wixii soo dhaafa xadkaasina rasaas huwiya. Waad og tahay, oo waddanka shaqo la’aan iyo faqri ba’an ayaa ka jirta, sidaas darteed, dadku iyaga oo iska lugaynaya ayaad arkaysaa, iyaga oo iska maqan, oo maanka is kala sheekeysanaya. Markaas baa waxaa laga yaabaa, in qofka maqalkisii caadi yahay laakiin is ka maahsan, uu ku yimaado meel inta qolo xirtay ay ciidan waardiyeynayaan. Marka hore, qofka iyaga oo aan la la hadlin ayaa qoriga lagu soo jeediyaa, markaas baa haddii la arko, in uu iska soo socdo, qaylo iyo xabbad kor loo rido la isugu daraa. Qofkii inta argagaxo, oo maahsanaantii ka baxdo, ayuu arkaa isaga oo meel jinni maraya, kolkaas buu inta ka leexo, dhabbe islaan qaadaa. Ka warran, ninkaas nolosha Soomaaliya ka jirta la maahsan, haddii uu ahaan lahaa dhagoole?! Qofka dhagoolaha ah, isaga oo iska socda oo maahsan, haddii uu ku yimaado meelahaas, oo dhowr jeer ‘joog’ lagu yiraahdo, oo uu maqli waayo, waxaa dhacda, in xabbad lagu furo, oo uu halkaas ku dhinto. Waayadan qof la dilay wax ba la iskama weydiiyo, haddii uu sii yahay qof laangaab ahna, kaba sii daran. Shabaab wax dilay ama Shabaab la dilay ayey dadka oo dhan wada noqdaan. Inta aan maqlay, saddexdii sano ee ugu dambeysay, afar dhagoole ayaa sidaas ku dhimatay, oo qaar ka mid ah ku baxay gacanta ciidamada shisheeye ee waddanka jooga, oo dhagoole iska lugayna inta ku soo baxay, ay inta u maleeyeen wadkoodii, ay markaas xabbad raacsiiyeen. Inta aanan maqal ee dad kale maqleen waa ka sii badan karaan tiradaas. Fadlan, haddii ay farrintani ku damaqday, la wadaag asxaabtaada iyo ciddii mas’uul ah oo aad garanayso, adiga oo aan minguurin. Waxaa qoray: Suldaan Nayruus E-mail: nayruus@gmail.com
-
Yusuf-kii kale… Taxanaha 89 iyo 90 – Qaybta Lix iyo Tobnaad
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Qaybtan waxaan ku soo qaadanayaa arrin aniga ila soo gudboonaatay laakiin aan khuseyn dhacdooyinkii woqooyiga. Waa ninkeed-guba’ aniga i saameysay, sawrika guud ee nolosheydii berigaasna in yar ka tilmaameysa. 1988 ayaan filayaa in ay ahayd aniga oo gaari wata oo ka imid dhinaca Jaamacadda Ummadda, ayaa ka dib markii uu gaarigeyga meel fog ka aqoonsaday waxaa astaan baaq ah i siiyay oo i joojiyay nin saaxiibkeey ah oo mooto wata oo jihada aan u socdo cagsigeeda u socda. Axmed waa xisaabiye ka tirsan wasaaradda Sportiga laakiin markaas arday ka ah Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed. Wuxuu ii sheegay in lacagtii Wasiirku uu ii soo qoray ay diyaar tahay oo aan maanta qaadan karo. Anigu Wasaarad Sport uma shaqeyn weligeey. Lacagna kuma lihi. Waan ku wareeray waxa uu ii sheegay saaxiibkeey. Markii aan ka xaqiijiyay cadadka lacagta, in magaceyga ay ku qoran tahay iyo in Wasiirku uu amarka bixiyay, laakiin aanuu aqoon sababta ayaan toos u abbaaray Wasaaradda Cayaaraha. Xisaabiye kale, Siciid, oo isagana aan is naqaan oo Wasaaradda ka tirsan ayaan u tegey. Waraaqo ayuu baarbaaray wuxuuna ii sheegay in Yusuf-Garaad uu saaka qaatay lacagtiisa. Dabcan qofka lacagta bixiyay ma ahayn qof aniga wejigeyga yaqaan wuxuuse u haystay in weriyaha Radio Muqdisho uu yahay qofka uu lacagta siinayo. Madax Wasaaradda ah ayaan wargeliyay in qofka lacagta magaceyga ku qaatay aanuu aniga ahayn. Aniga oo arrintaas la yaabban ayaa maalin waxaan Wasaaradda Warfaafinta isku aragnay AUN Cali Siyaad oo ka tirsan kooxda Iftiin ee Wasaaradda Waxbarashada. Wuxuu ii sheegay in uu Xafiiska Wasiirka Waxbarashada ka ceyriyay nin Wasiirka sugayay oo magaceyga ku socday. Waxaa xigay dhowr dhacdo oo yaryar oo mid kastaa ay iskeed iigu muujisay in uu jiro qof inta aan fahmay magaalooyinka Muqdisho, Wanla Weyn iyo Baydhaba dad kula kulmay oo magaceyga iyo mehereddeydaba u sheegtay kuna daneystay. Dadka la khalday waxaa ka mid ahaa Saalax oo gurigeyga iga soo wacay oo aan xusuusan waayay safarka baska ee aan wada raacnay ee uu ka sheekeynayo. Oo ay ka darnayd in uu isna la yaabay in xataa aan xusuusan waayo martiqaadkii uu saaxiibbadiis isugu yeeray oo aniga madaxeyga uu noogu sameeyay Wanla Weyn. Nambarka telefoonka sida uu ku helay markii aan weydiiyay wuxuu ii sheegay saaxiibkiis ay Wanla Weyn ku wada nool yihiin uu ka ogaaday in aan qaraabo nahay ka dib markii ay iga wada dhegeysteen Idaacadda. Markaasna uu sidaa uga soo qaatay nambarka. Ninkii waan ka cudur daartay. Waxaan u sheegay in aanan weligeey bas u raacin Wanla Weyn, martiqaadna aan la iigu sameyn. Sidoo kale waxaan u sheegay in aanan aqoon xataa hal qof oo u shaqeeya sharikadda uu ii sheegay in uu isagu wakiil uga yahay Wanla Weyn magaceeduna uu isaga naaneys u yahay. Isaga oo jahawareeray, codkiisana aan ka tuhmay in uu u qaatay in aan ka abaal dhacay ayaan telefoonka dhammeynay. Waxaa i galay welwel ku saabsan in qofka magacayga adeegsanayaa uu magaceyga dembi ku geysan karo ama ugu yaraan uu fadeexad sameeyn karo. Si aan taas uga hor tago, waxaan afeef geeyay oo aan arrinka la socodsiiyay Laanta Dembi-Baariista Booliiska, CID iyo Hoggaanka Baarista ee Nabadsugidda, NSS. Sidoo kale waxaan wargeliyay dhammaan Xafiisyada aan ka shaqeeyo – Radio Muqdisho, ICRC iyo Xarunta Dhaqanka Faransiiska. Saaxiibbadeey iyagana waan la socodsiiyay arrinta. Meher Maalintii iigu darnayd, gabar dhallinyar oo will yari uu la socdo ayaa timid Radio Muqdisho. Waa gabar aniga i goobeysa. Markii la ii keenayna waxay aniga, weriyayaal aan wada taagnayn Xafiiska Wararka oo aan ka tirsanaa hortiisa iyo ninkii oo keenayba ay cod hoose nagu weydiisay – Yusuf-Garaad kale ma jiraa oo Radio Muqdisho ka shaqeeya? Waxaan ku niri maya. Iyada oo xishooneysa, isla markaana jahawareersan ayay igu tiri abbow iska raalli ahow, wayna naga dhaqqday. Anigu sidaa Gabadha ugama harin. Markaan qalada ka saaray ee ay oggolaatay bal in aan is yara wareysanno ayaan meel la fariistay iyada iyo wiilkii keenay Wasaaradda Warfaafinta. Sheeko dheer oo aan eray kasta oo macluumaad xambaarsan aan dirqi iyo dulqaad uga soo saaray ka dib waxaan fahmay in ninka ay raadineysaa uu yahay nin Radio Muqdisho yaqaan. Sababta oo ah wuxuu u tilmaamay oo ay si sax ah iigu sheegtay qaabka uu u dhisan yahay studio-ga warka laga tebiyo. Waxay tilmaan fiican iga siisay sida uu ninku u eg yahay. Waa tan ugu darane waxay ii sheegtay in ninku uu yahay ninkeeda. Waxay kula mehersan tahay magaceyga. Qalbiga ayaa la igu dhuftay oo dhulka ayaa ila wareegay. Meher oo dhami adduun ii dhimman ayuu ahaa. Iskaba daa maareynta meher been abuur ah, magaceygana ah! Ma aqoon si aan wax yeelo. Gaari markaa ma wadan, laakiin haddana waan helay mid aan Gabadha ku geeyo guri ay ku soo degtay oo ku yaalla Howl Wadaag meel aan ka fogeyn Dugsiga Sare. Muhiim ayay ii ahayd meesha ay deggan tahay in aan soo arko si haddii aan u baahdo aan dib ugu laaban karo. Weliba waan la ballamay. Waxaan markiiba la tashaday culimmada Radio Muqdisho oo aan aad isugu fiinceyn iyo qaar kaleba. Waxaan la tashaday saaxiibbo dhowr ah oo iga khibrad badan. Arrintu waxay igu khasabtay in aan dhab uga shaqeeyo si aan u joojiyo ninkaan magaceyga iyo shakhsiyaddeyda weerarka ku ah. Dhowr nin oo dadka weriyayaasha aad u jecel ah, qaar ay yihiin weriyayaal-iska-yeel, kuwo aanan shaqsiyaddooda ku kalsooneyn oo ka shaqeeya saxaafadda laakiin aan magac weyn ku lahayn ayaan qaar ka shakiyay. Aniga oo gabadha kaashanaya oo ay dusha iga eegeyso ayaan nimankii midba meel kula kulmay – Radio Muqdisho, Tiyaatarka, Xarunta Ururka Dhallinyarada iyo goobo kale. Midkoodna wuu noqon waayay ninkii aan goobayay ee “sammigey” ahaa. Gabadhii si aan qarsoodi lahayn ayaan isugu warrannay. Waxay iga qancisay in aan dhankeeda culeys iiga imaan doonin. Waxayna ka qanacday in aan meesha meher jirin. Ayaan ka dib waan amba bixiyay. Waxay ku laabatay reerkooda iyo gobolkii ay ka timid. Wiil Jalaqsan Sannad iyo ku dhowaad laba markii aan baadi-goob ku jiray, ayaa maalin aniga oo jooga Berbera waxaa ii soo dhacday farriin iigu timid teleprinter oo ah aalad isgaarsiineed oo ka horreysay Fakis, kana duwan Telekis. Wuxuu ahaa qalab ka duwan messenger, SMS iyo email oo iyagu farriinta marka aad wada qorto aad mar keliya direyso. Teleprinter, marka aad fartaada xaraf dhag ku siiso xarafkaasi sida uu uga muuqanayo shaashaddaada uguna qormayo xaashi suran mashiinkaaga ayuu isla markaas uga muuqanayaa shaashadda qofka kale ee aad la xiriireyso wuxuuna ku qormayaa waraaqda u suran mishiinkiisa. Xarafkii aad dhag-siiso isku mar ayuu ku qormayaa labada dhinacba oo markaan ah Muqdisho iyo Berbera. Farriinta ii soo dhacday waxay leedahay: Yusuf, waa la qabtay Yusuf-kii kale. Dhakhso u soo gal Muqdisho. Farriintu waxay ka soo billaabatay saaxiibkeey weriye Cabdulqaadir Cali Iidle. Subaxaas ayuu goor hore shaqo weriyennio u tegey wakaaladda Hargaha iyo Saamaha oo ku taallay nambar Afar. Gabar shaqaalaha ka mid ah ayaa salaantay oo ku tiri saaka maxay weriyayaashu noogu soo wada kallaheen? Markii uu weydiiyay weriyaha kale ee ay aragtay saaka ayay u sheegtay in Yusuf-Garaad uu fadhiyo Xafiiska Maareeyaha. Cabdulqaaddir maaddaama uu dacwaddeyda la socday, in aan Berbera ku maqan ahayna uu ogaa, laamiga ayuu ka tallaabay. CID ayuu tegey oo ka soo kaxeystay laba askari. Ninkiina waxaa lagu jeebbeeyay isaga oo fadhiya xafiiska Maareeyaha. Cabdulqaadir wuxuu wargeliyay Xafiiska ICRC oo ii soo diray farriinta. Subixii xigay ayaa aniga oo ay i wehliyaan Cabdulqaadir Cali Iidle, Madaxa Radio Muqdisho, Maxamed Faarax Xalane Dhaashane iyo weriyayaal kale oo aan u maleynayo in uu midkood ahaa Cabdullaahi Khaddiib waxaan tagnay Xarunta CID. Waxaa na qaabbilay mas’uul ay xusuusteydu ii sheegeyso in uu ahaa Cusmaan-Gasgas. Ninkii markii la soo saaray wuxuu noqday nin aan dhowr jeer ku arkay Radio Muqdisho oo salaan wanaagsan iyo xushmad reer magaalnimo ay naga dhaxeyso. Waxay saaxiib yihiin weriye caan ah oo ragga i tababbaray ka mid ah. Waa nin dheer, jalaqsan, igana lebbis qurxoon. Nin adeer u ah oo hanti haysta ayuu keligii kula noolaa guri weyn. Wuu isku keey duubay. Wuxuu muujiyay in uu ka xun yahay falalka uu sameeyay. Cafis ayuu i weydiistay. Booliisku markii ay horteenna ku wareysteen wuu qirtay waxyaabo dhowr ah. Qaarna wuu dafiray. Anigu waxaan isaga iyo booliiskaba u sheegay in aan cafinayo haddii uu ii ballanqaadayo in uu magaceyga ii nabadgeliyo. Su’aalo ay booliisku weydiiyeen iyo waraaqo ay ka saxiixeen ka dib, waa la sii daayay. Maaddaama aan ahaa nin aad u mashquulsan, shaqadeydana ay ka mid ahayd howl samafal oo xasaasi ah khatarna wadata, ma sii dabakicin ee waxaan ku laabtay Berbera. Nasiib wanaag, TV iyo internet dartood, maanta suurta gal ma ahan in qof caan ah magaciisa lagu caana maalo maaddaama qof walba oo caan ah sawirkiisa la arki karo marka loo baahdo. W/Q: Yuusuf Garaad -
The 24-year-old Somali-British poet Momtaza Mehri, who has been chosen as the new young people’s laureate for London, is hoping to spend her year in the role convincing young people “to see poetry as part of their every day, rather than in some dusty tome, or academic niche interest”. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU - The Somali government has said it will utilise millions of dollars from United Arab Emirates seized last week at the Aden Adde International Airport for their intended purpose. Source: Hiiraan Online
-
Magaalada Baqdaad ee Caasimada Dalka Ciraaq ayaa maanta waxaa ka dhacay Banaanbax balaaran oo looga soo hor jeeday Weerarkii dhawaan Syria ay ku qaadeen Xuluufada uu hogaaminayo Maraykanka. Wadooyinka waawayn ee dalkaasi Ciraaq ayaa waxaa isugu soo baxay dadweyne aad ufarabadan kuwaas oo wadooyinka ku gubay Calanka Mareykanka . Shacabka dalkaasi Ciraaq ayaa ku dhawaaqayay Ereyo ay ka mid ahaayeen ” jooji duqaynta Syria aad ku hayso, taas oo ah midii aad ku bur burisay wadankeena kuna riday dowladdii noo dhisneed . Mareykanka,France iyo UK ayaa Syria ku eedeeyay in ay ka dambaysay weerarkii sunta loo adeegsaday ee ka dhacay Magaalada Duuma ,waxayna taasi ay keentay in Xuluufadan ay Weeraraan Xarumaha hubka kiimikada ay uyaalaan dowladda uu hogaamiyo Bashaar All-Asad.
-
Maxkamad ku taala dalka Israa’iil ayaa maanta dib xoriyadooda ugu celisay Maxaabiis gaaraysa ilaa iyo 207 qof oo dhamaantood ka soo jeeday Qaaradda Afrika, kuwaas oo ukala dhashay wadamada Eritrea, Somalia iyo sudan. Dadkan ayaa ahaa Muhaajiriin si sharci daro ah ugu xirnaa dalkaasi Israa’iil ,kuwaas oo diiday in ay dib ugu laabtaan wadamadii ay ka yimaadeen. Israa’iil ayaa shaacisay in Todobaadyada soo socda dalka Suudaan ay u mastaafurin doonto Muhaajiriin gaaraysa ilaa iyo 500 oo qof kuwaas oo ka yimid Qaaradda Afrika . Dowladda Israa’iil ayaa Muhaajiriinta u balan qaaday hadii ay dalkooda ay ka baxaan in ay siin doonto lacag gaaraysa 3,500 oo Dollar ,si ay nolo shooda ugu maareeyaan .
-
Degmada Ceel-buh ee gobolka Sanaag ayaa isku diyaarinaysa sidii ay u yeelan lahayd Golle deegaanka ee Degmadaasi , waxaana socda Dadaalo ay wadaan Odayaasha dhanka ee Degmada kuwaa oo sheegeen in ay soo dhisi doonaan Gollihii Deegaanka . Degmada Ceel-bu ayaan horay ulaheen Golle deegaan ,waxaana xiligan sababtay baahi ay u qabto Degmada in ay hesho Golle Deegan, taas oo ku qasabtay Odayaasha in ay baaq udiraan Wasaarada Arimaha Gudha iyo dowladdaha hoose . Wasaarada Arimaha Gudha iyo dowladdaha hoose ee Puntland oo qaabilsan soo dhisida Golle yaasha Deegaanka ayaan jirin ilaa iyo hada wax war ah oo ay arintan ka soo saartay . Xubnaha ka mid noqon doona Golaha Deegaanka ayay sheegeen Odayaashu in ay ka koobnaan doonaa ilaa 17 xubnood . Horay Degmada ugama jirin wax Maamul ah oo ku magacaaban. Halkan ka dhagayso Odayaasha Deegaanka oo ariuntan ka hadlay . odayaasha
-
Addis Ababa (PP) ─ Xukuumadda Itoobiya ayaa qorsheynaysa inay isbedel ku sameyso sharciyada la sheegay inay ka dhanka yihiin Xuquuqda Aadanaha, kuwaasoo sababay in lagu tunto xuquuqda siyaasiyiinta iyo suxuufiyiinta dalkaas. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Ahmed oo la hadlayay dadweyne dibadbax ku dhigayay magaalada Addis Ababa maalintii shalay ahayd, ayaa shacabka ka dalbaday inay dulqaad muujiyaan, isla markaana ay ogaadaan in xilligan ay wadaan dadaallo lagu soo af-jarayo waxyaabihii sababay bannaanbaxyo dalkaas ka socday saddexdii sano ee lasoo dhaafay. Sidoo kale, Abiy Ahmed ayaa ka hadlay doorashooyinka dalkaas ka dhacaya, isagoo sheegay in sannadka 2020-ka ay dalkaas ka dhicayso doorasho xor ah; wuxuuna xusay in mucaaradku ay si furan uga qayb-qaadan karaan doorashooyinkaas. Abiy Ahmed ayaa booqashooyin ku kala bixinayay gobollada ay Itoobiya ka kooban tahay, isla markaana ay dadaal ugu jiraan sidii xalaadda dalkaas ay kusoo celin lahaayeen, wuxuuna xusay in dadaalkan uu qayb weyn ka yahay sidii loo bedeli lahaa ra’yiga guud ee Itoobiya laga qabo. “Isbedellada aan doonayno waa kuwo lagu dhayayo dhaawacyadii dalka soo gaaray kaddib saddex sano oo ay ka socdeen bannaanbaxyo dowladda looga soo hor-jeedo kuwaasoo horseeday dhimashada boqolaal qof,” ayuu Ahmed ku yiri hadal uu u jeediyay dibadbxayaasha isugu soo baxay Addsi Ababa. Mar uu ka hadlayay doorashooyinka Itoobiya ka dhici doona, ayaa wuxuu yiri. “Waxaan ballan-qaadaynaa inaan isbedel ku sameyno sharciyadii hor-seeday ku tumashada xuquuqda aadnaha Itoobiya, waxaana naga go’an in aan suuro-gelinno in mucaaradku ay door ka ciyaaraan doorashooyinka soo socda.” Dhanka kale, Rai’sul wasaaraha cusub ee Itoobiya ayaa billaabay dadaallo tan iyo intii xilka loo dhaariyay bishii hore. Waxaa xabsiyada Itoobiya laga siidaayay tira saxafiyiin ah, dad u xirxirnaa siyaasadda, waxaana albabaada la isugu dhuftay xabsiyo islamarkana waxaa dib loo soo celiyay khadadka internetka ee taleefoonada gacanta oo muddo bilooyiin ah laga jaray qayba ak mid ah dalkaasi. Ugu dambeyn, Waxaa wali dalka Itoobiya ka jirta xaaladdii deg-dega ahayd ee lagu soo rogay taasi oo dadka dhaliilsan ay ku baaqayaan in la qaado, si ay xaaladdu caadi ugu soo laabato. PUNTLAND POST The post Dowladda Itoobiya oo isbedel ku sameynaysa Xeerarka ka dhanka ah Xuquuqda Aadanaha appeared first on Puntland Post.