Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre oo booqday ciidamada Xasilinta ee xaqiijin doona amniga magaalada Muqdisho Bisha Ramadaan ayaa sheegay in qorshaha laga leeyahay abaabulkooda uu yahay inay casharo u dhigaan kuwa nabadiidka. Ra’isul wasaare Kheyre waxa uu ciidamada u sheegay in maleeshiyaadka al-Shabaab ay ku taamayaan inay xasuuqaan shacabka Soomaaliyeed inta ka harsan sidaa aawgeed laga doonaayo inay dhabar jabiyaan maleeshiyaadkaas. Waxa uu sheegay in Askari waliba laga doonaayo in maskaxdiisa uu ku xiro mas’uuliyada ka saaran ciidanka iyo sida ay u fashilin lahaayen halista al-Shabaab. ‘’Waa inaad ogsoonaatan sababta uu Qaranka idiin dugaashanaayo waa inaad noqotaan kuwa amniga iyo xasiloonida gaarsiin lahaa dalka, si carruurtiina ay ugu noolaadan amni iyo dowladnimo buuxda’’ ‘’Shabaabku waxa uu doonayaa inuu indhaha rido Qaranka iyo jiritaankeena waa inaan dhexda u xiranaa sida aan uga ceshan laheyn dalkeena’’ Kheyre oo siyaabo kala duwan ula sheekeystay Askarta ayaa waxa uu uga digay 2 arrin oo kala ah:- 1-Inay ku kacaan falal lid ku ah xasiloonida dalka iyo in shacabka ay u isticmaalan wajiyo kale. 2-Inay dayacaan mas’uuliyada ka saaran amniga, iyadoo Askarigii ka leexda sharciyada loo jideeyay uu dusha saran doono wixii kaga imaada arrintaas. Kheyre waxa uu sheegay in Madaxda Qaranka ay dhex taagnaan doonaan goob waliba oo ay ku sugan yihiin ciidamada Qaranka, waxa uuna ballanqaday inay ku booqan doonaan dhammaan difaacyada la geeyo. Haddalka Kheyre ayaa imaanaya xili ay dowlada Somalia diyaarisay ciidamo dhan 1,800 oo sugi doona amniga guud ee caasimada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa galabta booqday garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garowe, kaas oo hada ka socoto nashqadeyn iyo qalabayn. Booqashada Madaxweyne Gaas ee garoonka diyaaradah Garowe waxaa ku wehelinaayey Wasiiro, xildhibaano, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale, wuxuuna Madxweynuhu mudadii uu ku guda jiray booqashadiiisa kormeer ku sameeyey dhammaan qaybaha uu ka kooban yahay garoonku. Qeybta dejinta iyo rarida xamuulka diyaaradaha ee garoonka ayaa mudadii Madaxweyne Gaas booqashada ku joogay lagu soo bandhigay galabka socodsiinta shaqada oo ahaa mid casriya oo loogu talagalay in si dhamaystiran loogu hawl galo. Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ee magaalada Garowe oo ah mid caalamiya waxaa dhisay shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, waxaana 8dii Janaayo ee sanadkan xariga ka jaray Madaxweyne Farmaajo. Garoonka waxaa mudooyinki danbe ka socday nashqadayn iyo qalabayn taas oo hada mareysa gebogebo, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda garoonku si toos ah u shaqo bilaabo. PUNTLAND POST The post Garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir oo lagu sameeyay nashqadeyn iyo qalabayn appeared first on Puntland Post.
  3. A minister in Israel's security cabinet says it could topple Syrian President Bashar al-Assad if he allows Iranian forces to attack Israel from Syria. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Maamulka Jubaland Axmed Madoobe oo maanta dib ugu laabtay Magaalada Kismaayo, ayaa ka hadlay Xaalada guud ee Sarkaalka ONLF Cabdi Kariin Qalbi Dhagax. Madoobe ayaa sheegay in dowlada Ethiopia ay kawada hadleen arrinta Qalbi Dhagax, isla markaana ay jiraan rajooyin muujinaaya in xal ay u noqon doonto Qalbi Dhagax. Madoobe waxa uu sheegay in codsigiisa uu hordhigay Ethiopia uu kamid ahaa inay u ogolaato in uu la kulmo Qalbi Dhagax, isla markaana ay ka aqbashay sidaasna uu Xabsiga ugu booqday. Waxa uu Hoggaamiye Madoobe cadeeyay in Xaalada Qalbi Dhagax ay xiligaani tahay mid wanaagsan, isla markaana uu aad ugu rajo weyn yahay in laga gudbo gabi ahaan kiiskiisa oo lasoo afmeero, sida uu hadalka u dhigay. Xaalada Qalbi Dhagax ee Xabsiga ayuu sheegay iney tahay mid aan wax dhib ah heysan, Madaxda ugu sareysa ee dalka Itoobiya ayuu sheegay inuu kala soo hadlay sidii loo sii deyn lahaa Sarkaalkan. Wuxuu ku nuux-nuuxsaday inay jiraan waxyaabo gaara oo ay kawada hadleen Qalbi Dhagax, hase ahaatee ay soo ifbixi doonaan goordhow natiijada kasoo bixi doonta wadahadalkooda. Sidoo kale, waxa uu Axmed Madoobe sheegay in Jubbaland ay kawarqabi doonto xalada Qalbi Dhagax, wallow ay gacanta ku heyso dowlad aad uga warqabta xaladiisa. Hadalka Axmed Madoobe ayaa u muuqda mid isbedel weyn ku imaaday mowqifka Qalbi Dhagax, waxaana jira warar hoose oo sheegaya inuu soo dabcay Qalbi Dhagax. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Shirka Dib u eegista Shaqada Caafimadka ee Gobolada bari & Gardafuu ayaa Lagu qabtay Magaalada Boosaso, waxaana goob jooog ka ahaa xubnaha wasaaradda ee degmada , hay’adaha la shaqeeya wasaaradda iyo masuuliyiinta u saraysa ee wasaaradda caafimaaadka dawladda Puntland . Isuduwaha Wasaaradda caafimaadka ee Gobalka Bari Siciid Maxamed Waraabe iyo Agaasimaha Caafimadka aasaasiga ah ee Wasaaradda Dr. Cabdirsaaq Abshir Xirsi (Garweyne) oo furitaanki shirka ka Hadley ayaa sharaxay muhiimadda ay ka leedahay wasaaraddu qabashada shirarka la xiriira dib u eegsita lagu sameynayo shaqada wasaaradda ee socota iyagoona tilmaamay in ay tahay mid dib loogu eegayo sidii hawlaha caafimaad ee ka jira gobalka Bari. Wasiirka caafimaadka Puntland Dr. Cabdinaasir Cismaan ciise oo gebagebadii shirka hadlay ayaa shaqaalaha wasaaradda ku amaanay dadaalka shaqo ee ay wadaan , waxaana uu isla xisaabtankaan ku tilmaamay mid muhiimad gaar ah uleh wasaaradda si shaqadeeda loo sii dardargeliyo . “Dhamaan shaqaalaha Wasaaradda iyo Hay’adda Save the Childaren Oo La shaqeysa Wasaaradda waxaan ku dhiirgalinaya Shaqadu Culus ee ay qabteen, Aad iyo aad ayaan idinka mahadcelinaya runtii Shaqada Qurxoon ee socota, waana inaan ogaana waxa inoo qabsoomay sadexdii bilood ee la soo dhaafay, hadiina la Is weydiiyo maahan waa la diriraye, waa aan Wax saxano, oo wixii naga dhiman buuxino, Runtii waxaadna ka kala timaadeen dhul kala fog ” Ayuu Yiri Wasiir Cabdinaasir Cismaan ciise. Maahan markii ugu horaysay oo kulan noocan oo kale ah laqabto kaas oo dib loogu eegayo hawlaha caafimad ee ka jira magaalad Boosaso, Waxaana Sadexdii Biloodba mar Lagu Qabtaa Magaalada Boosaso. DAAWO SAWIRADDA : Cabdiqani Boos Boosaso The post Shirka Dib u eegista Shaqada Caafimadka oo lagu soo xiray Boosaso. appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Kenya ayaa soo bandhigtay burburka ka dhashay Qarax lagu dilay 7 ka mid ah ciidanka Kenya, iyadoo ay laba kale dhaawacmeen. Saraakiishan dowlada u qaabilsan taxqiiqa ayaa sheegay in qaraxa markii uu dhacayey wadeen howlgallo roondo ah oo amniga lagu sugayey. Gaariga qaraxa haleelay ayaa qeyb ka ahaa gawaari roondo wada waxaana mar qura mid kamid ah gaadiidka dagaalka ciidamada Kenya haleelay qarax aad u awood badan. Waxa ay saraakiishu sheegtay in Qaraxa uu ahaa mid awood badan isla markaana baab’iyay gaarigii uu haleelay, waxaana isla goobta ku dhintay askartii saarneyd. Maleeshiyada al-Shabaab ayaa sheegatay qaraxa miinada inay ku dileen askar gaareysa illaa 15 askari oo Kenyan ah. Xoogaga Shabaab ayaa qaraxyada miinooyinka ah waxa ay ku aasaan wadooyinka ay maraan ciidamada Kenya.
  7. Muqdisho (Caasimada Online)-Dowlada Mareykanka ayaa si rasmi ah u bilowday in dhammaan waddooyinka Qudus ay ku surto Calaamadaha muujinaaya halka ay ku taallo dhismaha Safaaradooda Qudus. Inta badan waddooyinka magaalada Quddus ee dhulka Reer Falastiin oo ay maamusho Israel ayaa waxaa ka muuqanaaya calaamadaha waxaana howshaasi si wada jira u wada ciidamo ka tirsan Israel iyo Mareykanka. Shaqaalaha dhejinayay Caalamadaha ama boorarka yaryar ee tilmaamaya halka ay safaaradda ku taal ayaa la arkayay iyaga oo boorarka suraya Koofurta Magaalada Quddus gaar ahaan halka ay hadda ku taallo Safaarada Mareykanka. Gaadiidka waaweyn ee qaada boorarka ayaa lagu arkayaa magaalada kuwaa oo qaarna waddooyinka suraaya boorarka Safaarad,halka qaarna ay yihiin kuwo cabiraaya waddooyinka iyo goobaha la suraayo boorarka. Mareykanka oo dhismo weyn ka sameystay Koofurta Magaalada Quddus, ayaa sheegay in todobaadka soo socda ay howlgalinayaan Qunsuliyada oo laga wareejinaayo caasimadda Israel. Sidoo kale, boorarka la suray Waddooyinka Quddus ayaa lagu qoray Afafka Carabiga,Ingiriiska iyo Hebrew oo ay ku hadasho Israel. Dhinaca kale, Mareykanku waxa uu sheegay in 14ka Bishan uu Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump tagi doono Magaalada Quddus si uu halkaas uga furo Safaaradda iyada oo ay dood badan ka taagan tahay arrintaas. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimadda Online)– Magaalada Muqdisho ayaa maanta lagu soo bandhigay ciidamo gaar ah oo loogu talagalay inay qeyb ka noqdaan xasilinta amaanka caasimada Muqdisho. Ciidamadaan oo isku dhaf ah ayaa waxaa soo bandhigooda ka qeybgalay ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre, wasiir kuxigeenka amniga, Guddoomiyaha gobolka Banaadir, taliyeyaasha ciidamada Nabadsugida iyo Asluubta. Ra”iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo la hadlay ciidamada loo diyaariyay amniga Muqdisho ayaa dardaaran dheer faray, isagoo ka codsaday inay mas’uuliyad iska saaraan amaanka dalka, gaar ahaan caasimada. Xukuumada Federalka ayaa qorsheeneysa in ciidamada iminka loo diyaariyay xasilinta amaanka caasimada ay dardargalinayaan howlooda la xiriira amni soo celinta, saraakiisha ayaana ku rajaweyn in ciidamadana ay ku guuleystaan howshaas loo igmaday.
  9. The conflict between Eritrea and Ethiopia left tens of thousands dead or injured in the space of just two years. But despite a peace deal signed in December 2000, the two sides remain on a war footing – their massive armies still facing off. So what happened 20 years ago to spark Africa’s unfinished war – and what hope is there that it might finally come to an end? ‘Two men fighting over a comb’ The war began on 6 May, 1998, sparked by a battle for control of the border town of Badme – a humble, dusty market town with no apparent value. It had neither oil nor diamonds, but it did not matter: both Eritrea and Ethiopia wanted it on their side of the border. At the time, the war was described as “two bald men fighting over a comb”. As the war spread, so did the massive displacement of communities. “This war destroyed families on both sides,” recalls Kasahun Woldegiorgis, who comes from the Ethiopian town of Adigrat, close to the border. “We are intermarried across the border and we cannot attend each other’s weddings or funerals,” says Asgedom Tewelde, who comes from Zalambesa, a town once divided in two by the border. “There was a family from a village called Serha on the Eritrean side of the border and their daughter married someone on the Ethiopian side. Later, after the war, she died, but her family could only see the funeral procession from a hilltop across the border.” It was not just family ties: the economic impact on the border trading communities was significant too. “The active commercial activities that we used to see before the war no longer take place,” says Kiflom Gebremedhin, from a border village on the Eritrean side. The border ruling The war ended in June 2000, but it was another six months until a peace agreement was signed, establishing the Eritrea-Ethiopia Boundary Commission. A woman sits among the ruins of Zala Ambesa, Ethiopia, in 2001. AFP It was meant to settle the dispute over Badme once and for all. But its “final and binding” ruling 18 months later, awarding Badme to Eritrea, was not accepted by Ethiopia without the preconditions of further negotiations with Eritrea. Eritrea, in turn, refuses to talk to its former ally until the ruling is adhered to. With neither side budging from their respective positions, peace between them remains elusive. Border skirmishes continue – either directly, or through rebel groups acting on their behalf. All the while, Badme remains in Ethiopian hands. And there have been other, bigger implications for the two countries – and the wider world. Treacherous sea crossing Eritrea says it needs a constant large army due to the “continuous occupation of Eritrean territories by Ethiopia” – and it feeds that army with compulsory national service. However, what was originally designed to last for only 18 months can last indefinitely. For many of those who don’t want to enlist, the only way out is to flee. Algeria’s Abdelaziz Bouteflika (c) brokered the deal between Eritrean President Isaias Afewerki (left) and then-Ethiopian Prime Minister Meles Zenawi (right) AFP Today, they crowd into large refugee camps in Ethiopia and Sudan, or risk their lives to trying to reach Europe through the Sahara Desert and over the Mediterranean Sea. Eritreans make up one of the largest groups attempting to make the crossing, despite the fact many have died, drowning in the treacherous sea, or falling victim to militants and traffickers who control the route. Timeline * 24 May 1993: Eritrean independence from Ethiopia officially declared * 6 May 1998: Border war beings * 18 June 2000: Agreement on Cessation of Hostilities signed * 12 December 2000: Algiers Peace Agreement signed * 13 April 2002: The Eritrea-Ethiopia Boundary Commission delivered its “final and binding” ruling Eritrea also uses the conflict with Ethiopia to justify suspending the constitution, banning free press and quashing any dissent. During a crackdown in 2001, many of the editors and journalists of the fledgling private newspapers were detained. At the same time, prominent leaders of the ruling People’s Front for Democracy and Justice (PFDJ) who criticised President Isaias Afewerki’s handling of the war and his reluctance to be accountable, were also detained. Their whereabouts remains a mystery to this day. Political prisoners never appear before courts and visitations are not permitted. Government officials accuse those detained of endangering the country’s “national security”. Eritrea is accused by the UN Human Rights Commission for serious violation of human rights violations, including possible crimes against humanity. Meanwhile, Ethiopia, which is also accused of human rights abuses, appears more concerned with internal political instability than the border town of Badme. It has recently declared a state of emergency, in an attempt to quell protest movements across the country. Imagining peace But could the stand off over Badme finally be coming to an end? The newly elected Ethiopian Prime Minister, Abiy Ahmed, has called for a peaceful resolution of the impasse and extended an olive branch for talks to the Eritreans, who dismissed the offer as similar to those made by previous Ethiopian leaders. “Peace will indeed be beneficial to the two peoples but obviously, this must be predicated on respect of international law, which Ethiopia continues to flout to-date,” Minister of Information Yemane Gebremeskel said. There is hope that the road from Ethiopia to Eritrea will one day reopen. AFP However, the recent visit by Donald Yamamoto, the US acting Assistant Secretary of State, to Eritrea for the first time in a many years has added to the renewed hope. He also travelled to Ethiopia on the same visit. “The people are demanding peace on both sides and it is good to hear that political leaders are talking of peace now,” Eritrean Kiflom Gebremedhin says. “I am sure the people will put pressure on their governments and secure peace and return to their normal relations.” Over the border in Ethiopia, Kasahun Woldegiorgis is also hopeful. “We believe this road [to Asmara] will not remain closed for ever,” he says. Source: BBC
  10. Police have arrested a couple suspected to be financiers and logistical operatives for the al-Shabaab terror group. Yassin Abdille Hussein aka Abu Sumeiya and his wife Fartun Mohammed Guleid were arrested in Eastleigh, Nairobi. The two are also believed to be accomplices of a key al-Shabaab operative in Mandera, Abdiweli Mohamed Guleid alias Abdiweli Kamaure. Kamaure is the mastermind behind the November 2014 Mandera bus attack where the militants killed all the non-Muslims on board the Mandera-bound bus. The couple, from the Marehan clan, emigrated from Gedo region in Somalia and has been operating in Kenya using fake documents. Police reports indicate that the two have various businesses whose finances are channelled to support al Shabaab activities. The 42-year-old Hussein is a contractor who mainly operates his renovation trade in South B and parts of Eastleigh. His wife Fartun Mohammed Guleid, 41, is a sister to Kamaure. An inquiry into how they were able to open businesses and operate in the country under false documentation is still ongoing. Initial reports confirm that the two have been channeling funds to Kamaure for over five years now. Police said Kamaure joined al Shabaab in 2007 and is currently the deputy Governor of Gedo Region serving under al Shabaab head Sheikh Abdirahman Fillow. He is said to be instrumental in the coordination of attacks by Alshabaab in Bulla-Hawa, Mandera and along the border of Mandera and Somalia. He also also believed to be behind the deployment of militants to kill teachers and quarry workers in Mandera County. Kamaure has also been in charge of some of the attacks by the group in Wajir. Source: – The Star
  11. Somali Poet, Naema Ahmed Ibrahim was released from Prison on Monday by Somaliland authorities after receiving a pardon from President Muse Bihi Abdi. Ibrahim was arrested in January this year and charged with bringing the country into contempt over her poetry that advocated Somali unity. The director of Somaliland Human Rights Centre based in Hargeisa, Guleid Ahmed Jama confirmed the release saying she was released on a Presidential pardon. “I am glad that poet Naema Ahmed Ibrahim has been released on a Presidential pardon,” He has expressed his dismay over the verdict of the court, insisting her constitutional right of freedom of speech was violated. “She should not have been arrested in the first place. Freedom of speech is protected by the constitution and international human rights law,” Last month, a court in Hargeisa found Ibrahim guilty and sentenced her to three years in prison. Somaliland declared independence in 1991 after Somalia’s central government was toppled by rebels. Despite its relative stability, the region has not yet been recognized by the international community.
  12. Police have arrested a couple suspected to be financiers and logistical operatives for the al-Shabaab terror group. Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu, 7 May 2018 - At the opening of a two-day, UN-supported conference on charcoal in Mogadishu, the Federal Government of Somalia has called for international, African and Gulf States cooperation in halting the illegal export of charcoal from the country. The export of charcoal from Somalia has been banned, both by a 2012 United Nations Security Council resolution and by the Somali Government, due to its destructive effect on the environment and its exacerbation of conflict and humanitarian crises. Source: Hiiraan Online
  14. Fadeexad Musuq-maasuq Oo Dul Hoganaysa Guddoomiyihii Iyo Agaasimihii Hore Ee Baanka+Lacago Malaayiin Dollar Ah Oo Ay Lunsadeen & Hanti Dhawrka Oo Baadhis Ku Wadda+Agaasimihii Hore Ee Baanka Oo Laga Soo Celiyey Madaarka Hargeysa Xili Uu Doonayey Inuu Dalka Ka Baxo.. Guddoomiyihii hore ee Baanka Dhexe Somaliland Maxamed Dhoobaale iyo Agaasimihii hore ee Baanka Cabdilaahi Xasan, kuwaas oo uu dhawaan Madaxweyne Biixi xilalkii ka Qaaday, ayaa la sheegey inay jirto Lacag cadad badan oo ay kala baxeen qasnadaha Baanka maal mihii kala guur ka hor inta aanay xilka ku wareejin masuulinta cusub ee loo magacaabay Baanka. Labadan masuul ayaa la wariyey inay lacag kor u dhaafaysa hal Mayan oo dollarka Maraykan ka ah ay si wada jir ah ugala baxeen qasnadaha Baanka Dhexe ee Somaliland, taasi oo ahayd Lacagtii kayd ahayd ee Qaranka Somaliland, waxaana la sheegay inay lacgtaa hab aan sharciga waafaqsanay ula baxeen Guddoomiyihii hore ee Baanka iyo Agaasimhii hore ee Baanka dhexe Somaliland. Dhanka kalene Odhadka gaar ka ah ee ka howl-gala Baanka dhexe ee Jamhuuriyada Somaliland , ayaa la sheegay inuu baadhitaan la xidhiidha amuurtan ku waddo Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe Somaliland Maxamed Dhoobaale iyo Agaasimhii hore ee Baanka Cabdilaahi Xasan, kuwaas oo lala xidhiidhanayo inay ku kaceen Musuq-maasuq, isla markaana la sheegay inay lacag dkor u dhaafaysa hal milyan oo dollarka Maraykanka ah. Geesta kalena Warar xog-ogaal ah oo aanu ka hellayno illo wareedyo kala duwan ayaa sheegay in Agaasimihii hore ee Baanka dhexe Cabdilaahi Xasan laga soo celiyey Madaarka Hargeysa xili uu doonayey inuu dalka ka dhoofo, kaasi oo hadda uu odhadka Baanku uu ku waddo Baadhitaano la xidhiidh musuq-maasuqaa la tuhunsanyahay inay ku kaceen isaga iyo guddoomiyihii hore ee Dhoobaale. Waxa kale oo xoggaha aanu hellaynaa ay xuseen in Xukuumadda Madaxweyne Biixi ay qorshaynayso inay xabsiga u taxaabto Guddoomiyihii hore ee Baanka dhexe iyo agaasimhii hore ee Baanka, haddii uu odhadka baadhista ku wadaa ay usoo baxdo inay ku kaceen Musuq-maasuq , isla markaana ay lacagtaa halka mayan ah ka badan ay lunsadeen, waxaanay xukuumaddu ka dhursugaysaa baadhitaanka waxa kasoo baxo uu odhanku ku hayo labadaa masuul. Fadeexad Musuq-maasuq Oo Dul Hoganaysa Guddoomiyihii Iyo Agaasimihii Hore Ee Baanka+Lacago Malaayiin Dollar Ah Oo Ay Lunsadeen & Hanti Dhawrka Oo Baadhis Ku Wadda+Agaasimihii Hore Ee Baanka Oo Laga Soo Celiyey Madaarka Hargeysa Xili Uu Doonayey Inuu Dalka Ka Baxo.. Qaran News
  15. Warbixinta sanad laha ah ee uu daabacay wargeyska top10zen ayaa waxa uu kaga hadlay 10-ka magaalo ee sanadkan 2018 ugu khatarta badan dhanka Amaanka waxa uu sheegay in Magaalooyinkan la isku weeraro sidoo kalena la isku dilo waxaana dambiyada ay gareen heerkii ugu sareysay. Dhacdooyinka ugu badan ee ka dhacay 10-kan Magaalo waxaa kamid ah dilalka, weerarada, dhaca, afduubka, qaraxyada iyo rabshado kala duwan oo dadka shicibka ah waxyeelo ka soo gaarta. 1: Magaalada Muzaffarabad ee dalka Pakistan: Magaalada Muzaffarabad waxaa caadi ka ah rabshado ka dhaca, waxaana ay noqdeen kuwa lamid ah nolosha caadiga ah , dibad baxayo rabshada wata iyo howlgalo ciidamada Boolisku sameeyaan oo amaanka sii xumeeya ayaa ka dhaca. Waxaana Magaaladan Muzaffarabad ay dhacdaa xadka Pakistan, heerka falalka liddiga ku eh amaanka waxa ay gaareen meeshii ugu sareysay 2016-kii oo boqolaal qof lagu dilay. 2: Magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil: sanad waliba waxa ay soo jiidtaa Malaayiin Dalxiisa yaal ah, waxaa intaas sii dheer dambiyada ka dhaca oo sii kordhaya, qiyaas la sameeyay waxaa lagu ogaaday in todobaad walba 30 qof ay u dhintaan falal amaan darro oo ka dhaca Magaalada Rio de Janeiro ee dalka Brazil. 3: Magaalada Kinshasa ee Jamhuuriyadda Dimuquraadiga Congo: Waxaa Kinshasa caadi ka ah boobka iyo jeebsiibka inta badanna waxaa la kulma caruurta aan guryaha laheeyn, waxaa dadka lagula taliyaa in deeqadaha aysan furin, saas ay tahayna gadiidka dadweynaha ee Magaalada Kinshasa waa kuwa u nugul falal amni darro, marwalbana la kulma. 4: Mgaalada Cape Town ee dalka South Africa: Magaaladan waxa ay kamid tahay kuwa ugu qurxoon koofur Africa, balse si isadaba joog ah ayaa dadka looga dhacaa alaabahooda, waa lagu dilaa waana lagu afduubtaa, sababta ugu weyn ee rabshadahan waa kala duwanaasho dhanka dhaqaalaha ah, sidoo kale Magaalada Cape Town waa mida ugu khatarta badan koofur Africa. 5: Magaalada Ciudad Juarez ee wadanka Mexico: Ciudad Juarez waxaa loo aqoonsaday Magalada ugu rabshadaha badan caalamka sanadii 2009, walina waa sideedii, waxaa ka dhaca weeraro ay geestaan kooxo ka ganacsada wax-yaabaha maanka dooriya, in dumarka lagu xadgudbana caan ayeey ku sii tahay, heerka dilalka ayaa ah in 1,00,000 maalin lagu dilo 130 qof. 6: Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya: Muqdisho waxaa burburiyay dagaaladii sokeeye ee ka dhacay, shacabka qaar ee Muqdisho waxeey ku noolyihiin gudaha dalka iyagoo barakacsan. Waxaa Magaalada ka dhaca dilalka qorsheysan, Qaraxyada, dhaca, Israsaaseenta iyo Afduubka. Dowladda Soomaaliya waxeey wali xakameyn la’dahay heerka dambiyada ka dhanka ah amaanka oo kor u kacaya, oo inta badan ay ka dambeeyaan kooxo hubeysan. 7: Magaalada Baqdaad ee dalka Ciraaq: heerka falalka ka dhanka ah amaanka iyo dambiyada ayaa cirka isku shareeray tan iyo markii ciidamada Mareykanka laga howlgaliyay Ciraaq, qaraxyada Ismiidaaminta iyo kuwa loo adeegsado gawaarida aya si joogta ah ugu dhaca Baqdaad, sidoo kale dadka ayaa lakala iibsadaa, tan iyo markii la riday Taliskii Saadaam Xuseen 2003-dii. 8: Magaalada Caracas ee dalka Venezuela: Dowladda Venezuela ayaa qiratay heerka dambiyada ka dhaca Magaalada Karakas (Caracas) dadka dalxiisa yaasha ee imaanaya Magaalada ayaa lagu wargeliyaa iney feejignaadaan, dibad baxayo ayaa dhaca, kooxo hubeysanna wadooyinka ayey ka fuliyaan weeraro ay kamid yihiin: afduubka , dhaca, boobka waana kuwa maalin kasta dhaca. 9: Magaalada Santa Domingo ee Jamhuuriyadda Dominican: Heerka dambiyada ayaa marna kor u kaca marna hoos u dhaca, inta badan dalxiisa yaasha ayaana ah dhibanaayaasha ugu badan, waana Magaalada ugu khatarta badan Jamhuuriyadda Dominican. 10: Magaalada Detroit oo ka tirsan Gobalka Michigan ee dalka Mareykanka: Detroit waa magaalada ugu khatarta badan Mareykanka, heerka falalka Dambiyada waa 2,135 waxaana la kulma 1,00,000 qof oo kamid ah dadka deegaanka, sababta ugu weyn ee rabshadaha ayaa ah- hoos u dhac dhanka dhaqaalaha iyo shaqo la’aan jirta. By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) E-mail: Abdiazizh99@gmail.com
  16. Beeraleeyda khudaarta ee degaannada Puntland ayaa bilowday in ay khudaar badan u iib-geeyan koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya,kadib markii fatahaad xooggan oo ay sameeyeen webiyada Jubba iyo Shabeelle ay dhalisay in beerihii khudaartu ka soo go’ijirtay ee goboladaas gebi ahaanba daad qaado. Beeraleeyda khudaarta ee Puntland ayaa sheegaya in maalmihii la soo dhaafay ay khudaar badan u iib-geeyeen magaalooyin ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya oo ay ka jirtay khudaar la’aan baahsan,kadib markii webiyada Jubba iyo Shabeelle ay ku fataheen dhul-beereedyo ballaaran oo khudaartu ka bixi jirtay,kuwasoo ku yaalla gobollo uu kamid yahay Hiiraan. Khudaarta la iib-geeyay ayaa u badan;yaanyada,mooska,kaarootada,cambaha,qaraha iyo liinta,waxaana ganacsatada Puntland sheegayaan in halkaas uu ka furmay suuq cusub oo dhinaca khudaarta ah,iyadoo haatan lagu jiro xilli roobaadka gu’ga oo beeruhu si weyn u mireeyaan. Khudaarta la iib-geeyay ayaa inta badan ka soo go’day beero ku yaalla gobolada,Nugaal,Bari,Sanaag iyo Hayland oo kamid ah meelaha degaannada ku wanaagsan beerashada khudaarta noocyadeeda kala duwan. halkaan ka eeg sawirada. PUNTLAND POST
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay Xeerka lagu Aasaasay Midowga Africa ee Khuseeya Midowga Baarlamaanada Afrika, xeerkaas oo shalay ay ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukumadda Fedraalka Soomaaliya. Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta meel mariyay xeerkaas oo sanadihii dambe mugdi gelinayay ka mid ahaanshaha Midowga Baarlamaanada Afrika, Baarlamaanka Soomaaliya. Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha shacabka Mahad Cabdalla Cawad oo Baarlamaanka ka hor akhriyay natiijada ayaa sheegay in si deg deg ah loo hor geyn doono shrcigaan Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo. 141-Mudane ayaa ogolaaday xeerkan, waxaana ka aamusay 3-Xildhibaan, sidaas ayuuna ku meel maray, sida gudoonka golaha shacabku sheegeen. Xeerkan ayaa shalay Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ay ansixiyeen, ka dib markii uu horgeeyey Gudoomiye ku xigeenka 2-aad ee golaha shacabka, mudane Mahad Cabdalla Cawad. Dhankale xubnaha Baarlamaanka ayaa isku soo qaaday in ay lacago ugu yaboohaan kumanaanka qoys oo ku dhibaateysan gobolada dalka kuwaas oo kabarakacay fatahaadaha ay sameeyeen Wabiyada Jubba iyo Shabeele. Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxaan ayaa markii ugu horeeyay maanta shir Guddoomiyay kulankii Baarlamaanka Soomaaliya kaas oo ka dhacay xarunta Golaha shacabka ee magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo kulan la qaatay Danjiraha Dawladda Norway u fadhiya Soomaaliya Vebjorn Heines, ayaa kala hadlay xal-u-helidda arrimaha Barakacayaasha ku nool gudaha iyo daafaha iyo Horumarinta caasimada. Duqa Caasimadda ayaa ka warbixiyey horumarka uu dhinacyada kala duwan ka sameeyey maamulkiisu, gaar ahaan xuquuqul insaanka, dawlad wanaagga, nabadda iyo qorshihiisa ku aadan sidii horumar wax ku ool ah loo gaarsiin lahaa magaalada Muqdisho. Inj. Yarisow ayaa uga mahadceliyey Norwey sida ay ugu heelan tahay inay gacan ka gaysato dadaallada lagu caawinayo bulshada nugul ee gurmad u baahan. Waxuna tilmaamay in guullo wax ku ool ah laga gaaray dhowrkii bilood ee la soo dhaafay arrimaha Barakacayaasha, gaar ahaan dajinta qorshaha mustaqbalka looga fekerayo 4ta sano ee soo socota in loo helo dib-u-dajin dhameystiran barakacayaasha. “Dalka Norway wuxuu Soomaaliya ka taageeraa arimaha horumarinta, waana waddan aan leenahay xiriir wanaagsan, waxaana safiirkooda ka wada hadalnay sidii ay gacan nooga siin lahaayeen dhanka dib-u-dhiska, gaar ahaan dhismaha Studiom Muqdisho, dib-u-casriyeynta nalalka ku shaqeeya Cad-ceedda iyo sidii aan xal ugu heli lahayn dadka magaalada ku soo barakacay,” ayuu yiri Guddoomiye Yarisow. Ugu dambeyn, Danjiraha Norwey u fadhiya Soomaaliya Vebjorn Heines ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu uu sii wadi doono taageerada dhinacyada kala duwan ee uu siiyo Somalia, gaar ahaan arrimaha amniga bani’adamnimada, dib-u-heshiisiinta iyo dhismaha hay’adaha dawladda. PUNTLAND POST The post Gudoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Safiirka Dalka Norway u fadhiya Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  19. HARGEISA (HOL) - Somali Poet, Naema Ahmed Ibrahim was on Monday released from Prison by Somaliland authorities. Naema was arrested in January this year for alleged facebooks... Source: Hiiraan Online
  20. HARGEISA (HOL) - Somali Poet, Naema Ahmed Ibrahim was on Monday released from Prison by Somaliland authorities. Naema was arrested in January this year for alleged facebooks... Source: Hiiraan Online
  21. Two decades have passed since two of Africa's poorest countries began the continent's deadliest border war. Source: Hiiraan Online
  22. Dhoobley (Caasimadda Online) – Ugu yaraan todobo askari oo ka tirsan ciidamada Kenya ayaa lagu dilay qarax miino degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda Hoose oo u dhow xuduuda Kenya. Kolonyo ciidamada Kenya la socdeen ayaa waxaa lala helay qarax xooggan, kaasoo dhaliyay khasaare aad u ballaaran uu ka soo gaaray. Goob joogayaasha ayaa sheegay in gaariga ay la kacday Miinada ay saarnaayeen Kolonyo ciidamo ah, kuwaasi oo sameynayey Roondo, waxaana burburay gaarigii ay saarnaayeen ciidamada. Ma’uuliyiin ka tirsan ciidamada Millatariga Soomaaliya oo diiday in magacooda la shaaciyo ayaa sheegay in ay arkeen meydadka 7 askari oo ka tirsan ciidamada Kenya iyo dhaawaca labo kale,kuwaas oo ay waxyeello ka soo gaartay qaraxa. Saraakiisha Soomaaliya ayaa sheegay in qaraxa uu haleelay qeyb ka mid ah baabuurka,arrintaasi oo soo dadjisay dhimashada ciidamada. Goob joogayaasha ayaa sheegay in qaraxa miinada uu dhaliyey qasaaro badan qof ka mid ah dadka deegaanka ayaa sheegay in qaraxa sidoo kale ay waxyeello ka soo gaartay labo baabuur oo kale, isaga oo tilmaamay in tirada dhimashada ay dhaafeyso 10 qof, halka tiro kale oo dad ahna ay soo gaaareen dhaawacyo. Kolonyada ciidamada Kenaya ee qaraxa lala beegsaday ayaa ka tirsan howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM, waxayna u socdeen saldhig millatari oo ku yaallo magaalada Dhoobley ee gobolka Jubbada Hoose. Todobaadkii la soo dhaafay ayaa 7 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya lagu dilay isla goobtaan ka dib markii lala beegsaday qarax miino oo burburiyey gaarigii ay saarnaayeen. Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah howl galka nabad ilaalinta Midowga Afrika, waxaana ay ka howl galaan Gobolda Jubooyinka iyo Gedo. Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxa miino, waxaana ay tilmaameen inay ku dileen illaa 15 askari oo ka tirsan ciidanka Kenya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com