Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. EDMONTON — A tentative trial date has been set for a man charged with attempted murder after an Edmonton police officer was attacked. Source: Hiiraan Online
  2. ADDIS ABABA, May 4 (Xinhua) -- Ethiopian Prime Minister's recent rounds of talks with various groups of the Ethiopian society have brought effective mutual understanding and unity among Ethiopians, according to the Ethiopian Minister of Government Communications Affairs Office, Ahmed Shide. Source: Hiiraan Online
  3. The flag of the United Arab Emirates has been raised over public buildings on Yemen's pristine Socotra island. Source: Hiiraan Online
  4. Torrential rains have uprooted hundreds of thousands of people across East Africa in recent weeks, offsetting a humanitarian disaster that is threatening the lives of entire communities. Source: Hiiraan Online
  5. Wasiirka wasaaradda Aminiga qaranka dowladda Soomaaliya Mohamed abukar islow ducaale oo ka qeybgalaayey shirka caalamiga ah ee loogahadlaayey Amiga Soomaaliya ee ka dhacay magaalada Brussels ee Bilguim-ka, ayaa waxaa uu sheegay in ciidamada Qaranka Soomaaliyeed ay dhawaan la wareegidoonaan goobo muhiim ah oo ay hada ku suganyihiin Ciidamadda AMISOM ee joga Soomaaliya iyadoona qorshaas uu qeyb kayahay qorshe kumeelgaar ah oo ay dowlaadda Soomaaliya ay u soo bandhigtay besha caalmka. Wasiir islow, ayaa waxaa xuusay in Gooroonka Stadio Muqdisho oo ay hada ay daganyihiin Ciidamadda Amisom ay dhawaan la wareegidoonaan ciidanka Soomaaliyeed islamrkaana lagu wareejindoono Wasaarada dhalinyarada iyo Sports -ka Soomaaliya si looo soo ciliyo haybadii Sports-ka Soomaaliyeed si dhalinyarado badan ay fursad ugu helaan goob nabdoon oo ay ku cayaaraan. Maxamed Abukar islow Ducaale, waxaa uu hoosta ka xariiqay in madaxweynaha Jamhuuriyada Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo uu hoy ka sameystay xarunta Wassaradda gaashaanidhiga Soomaaliya si uu isugu dubarido Ciidamada qaranka Soomaaliyeed taasi oo uu kutilmaamay mr isloow wax lagu farxo horeyna ay san u sameynin Madaxdii hore ee dalka Soo martay. Wasiirka Aminiga qaranka Maxamed abuukar islow ducaale ayaa waxaa uu timaay in uu guul ku soo dhamaaday howlihii shaqio ay u yimaadeen Magaalada Brussels ee Bilguim-ka islamarkaasi dowladda Soomaaliya laga aqbalay qorshihii kumeelgaarka ahaa ee ay u soo bandhitay beesha caalmka ee ku saabsanaa in la dhiso cidan qarn oo mustaqbalka dhaw Amisom kala wareegan goobaha ay Amisom ka jogaan Soomaaliya. ”waxaa la gaaray xiligii Ciidanka Soomaaliyeed ay gacanta ku dhigi lahaayeen guud ahaan amniga dalka waxaan ka codsaneynaa shacabka Soomaaliyeed in ay taageeraan ciidamada ayna kala shaqeeyaan sidii loogu guuleysan lahaa kooxaha Nabad diidka ah oo shacabka Soomaaliyeed u diiday Nabada” ayuu yiri wasiir Islow. Shirkaan lagu soo gaba babeeyey Magaalada Brussels ee Bilguim-ka ayaa waxaa shir gudoominaayey Ra”iisulwasaraha Jamuhiiriyada Somaaliya Mudane Xasan Cali kheyre, waxaana la si la gartay in dib u habeyn buuxda lagu sameeyo ciidamada Qaranka loona diyaariyo sugidda Aminiga guud ahaan dalka Soomaaliya, iyadoona shirka ay goob joog ka ahaayeen ,Qm ,Midowga Africa, Midowga yurub ,turkiga ,iyo guud ahaan xubanaha deeqaha ku bixiya dalka Soomaaliya. W/D Abdullahi Taajiroow
  6. Muqdisho (PP) ─ Dowladda Mareykanka ayaa dib u dhis iyo ballaarin ku sameysay saldhigga ciidankii cirka Somalia ee Balli-doogle oo ku yaalla Gobolka Shabeellaha Hoose ee Koonfurta Soomaaliya. Warbixin uu daabacay Wargeyska Vice News ayaa lagu xusay in Mareykanka uu garoonka Balli-doogle dayactir iyo dib-u-habeyn lagu sameeyay si ay diyaaradaha dagaalka ay Weerar dhanka cirka ah uga qaadaan. Sidoo kale, Warbixinta Wareyska ayaa lagu xusay in dowladda Mareykanka ay ballaarisay dhismaha garoonka ciidanka Balli-doogle, iyadoo laga dhigayo saldhig weyn, dhismayaasha ku dhax-yaalla saldhigga waxaa lagu diyaariyay in ka badan 800 oo sariirood, in ka badan 200 oo ka mid ah sariirahaas waa la dhameystiray, waxaana filayaa in sariirahaas ay jiiftaan askar iyo saraakiil Mareykan ah. Ciidamada Mareykanka ayaa si qarsoodi ah Bali-idoogle uga dhigay saldhiga seddexaad ee ugu weyn ee Qaaradda Afrika ay ku leeyihiin marka laga reebo saldhigyadiisa ku yaalla Jabuuti iyo Niger. Sidoo kale, Dhismaha saldhigga Balli-doogle ayaa wuxuu socday illaa 2017kii isagoo ahaa mid Qarsoodi ah. Askari ka mid ah Soomaalida joogta Garoonka Balli-doogle ayaa u sheegay wargeyska Vice News in maalin walba ay halkaa ka duulaan kuna dagaan diyaarado dagaal, kuwaasoo dowladda Mareykanka ay leedahay. Xukuumadda Washington ayaa horay u sheegtay in ciidammo gaaray 500 ay joogaan Somalia, kuwaasoo meelaha qaar kula dirira Ururka Al-shabaab, ayna si wadayaan dagaalkaas ka dhanka ah kooxdan Al-qaacida ku xiran. Dhanka kale, Ballaarinta Garoonka Balli-doogle ayaa kusoo beegmaya xilli ciidamada Maraykanka ay dhibaato ku qabaan Saldhigyo uu Shiinuu ku leedahay waddanka Jabuuti. Iyadoo sheegtay in ciidamada Shiinaha ee ku sugan Jabuuti ay dhaawacyo indhaha ka gaarsiiyeen duuliyeyaashooda ku sugan Jabuuti, iyagoo adeegsanaya laysar, inksatoo uu shiinuhu beeniyay eedeyntaas. Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa imaanaya iyadoo dhawaan Mareyanka uu ku dhawaaqay inuu kordhinayo weerarrada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay ka fuliyaan Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo dib u dhis ku wada Saldhigii Ciidankii Cirka Soomaaliya ee Balli-doogle appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyada oo laga ambaqaadayo heshiiskii November 5, 2017 ee dhex maray dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada ee la xiriiray hirgelinta qodobada 44aad iyo 54aad ee dastuurka KMG ah oo ku saabsanaa in dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada ka wada hadlaan doorashada 2020-ka, awood iyo kheyraad qeysiga ayey dowlad goboleedyada soo magacaabeen ilaa 5 xubin. Xubnahan waxaa ay mas’uul ka noqon-doonaan sidii dowladda federaalka ah ugala hadli lahaayeen arrimahan iyo kuwa kale ee soo kordha iyo inay horay u dhaqaajiyaan dhameystiran howlaha dastuurka. Xubnaha Maamul Goboleedyada Iska Soo Saareen Ayaa Kala Ah: Cabdi Cali Raage, Hoggaamiyaha kooxda Cabdiraxmaan Warsame Cabdi, Xubin Cali Ibrahim Cali, Xubin Cabdikadir Aden Maxamud, Xubin Cabdul Maxamed Farax Makaran, Xubin Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Qaraar ka soo baxay Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey Bishii September ee Sanadkii 2017kii ayaa AMISOM lagu amray in ay isu diyaariso ka bixitaanka Soomaaliya. Intaas kaddib AMISOM waxaa ay billowday dhimista Ciidankeeda jooga Soomaaliya,waxaana ay ahaayeen 22,000 oo Askari iyada oo hadda ay gaarayaan 21,000 oo Askari. Taliyayaasha Howlgalka AMISOM ayaa sheegaya in ay ka walaacsanyihiin diyaar garoow la’aanta ka muuqata Ciidanka Soomaliya oo la doonayo in 2021ka lagu wareejiyo amniga dalkooda. Afhayeenka AMISOM,Richard Omwega ayaa sheegay in Ciidamada AMISOM ay ka walwalsanyihiin in ay meel cidlo ah uga dhaqaaqaan dadaalladii ay sameeyeen. Waxaa uu xusay in Ciidamada Soomaaliya la tababaray,waliba si wanaagsan laakiin aysan diyaar u ahayn in ay amniga kala wareegaan howlgalka AMISOM. Taliyaha ayaa yiri “ 10 sano oo aan joogno Soomaliya Qaramada Midoobay waxa ay isku dayeeysay in ay dhisto Ciidamada Xogga, basle wali waxaad umoodaa in Ciidamadu aysan gaarin halkii loo baahnaa” ayuu yiri Richar Omwega afayeenka AMISOM. Waxa uu sheegay in 75 Saraakiil Soomaali ah ay ku tababaranayaan Dalka Uganda, 4,000 oo kalena ay isla Uganda horay u tababartay,sidoo kale Dalalka Turkiga iyo Imaaraadka ayuu sheegay in ay saraakiil ciidan tababareen,kuwaas oo gaaraya 1,500 Saraakiil ah haddana aysan muuqan in Ciidamada Soomaalida loo dhiibo amniga dalka. “Waa ay fududadahay in la qorto Askar dagaallanta,laakiin waxaa adag sidii loo heysan lahaa,annaga howlgalkeenna ka mid maha in aan faragelinno arrimaha gudaha,dowladda ayey shaqadeeda tahay,waxaan kaliya ku leenahay talo”ayuu yiri Mr Omwega. Howgalka AMISOM ayaa kal hore bilaabay daabulidda Ciidamadooda iyada oo Bishii October ee sanadkii hore ee 2017-kii dalka laga saaray 1,000 Askari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxammed Cali(Gaas) oo maanta soo gaaray magaalada Garowe ayaa shacab weynaha Puntland ugu baaqay in ay ilaashadan midnimada iyo wadajirkooda,islamarkaana ka digtonaadan cid kasta oo wiiqaysa jiritaanka dowladnimada Puntland. Madaxweyne Gaas oo shir jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada,kadib markii uu ku soo laabtay magaalada Garoowe,ayaa sidoo kale sheegay in Puntland ay ku filantahay shacabkeeda,balse haddii ay jirto cid meel kale u hanqal-taagaysa ay u fasaxantahay. “Waxaan dadka reer Puntland kula dardaarmayaa in ay marwalba ilaashadan midnimadooda. Puntland iyadaa na hurran,iyada ayaana nagu filan,Haddii ay jirto cid meel kale u hanqal-taagays,waxaa runtii habboonan lahayd in qofkii meel kale u hanqal-taagaya in meesha uu aadayo aado”,ayuu yiri madaxweyne Gaas. Dhinaca kale madaxweyne Gaas ayaa kalsooni buuxda ka muujiyay in Puntland ay ku filantahay dhammaan arrimaheeda gaarka ah oo aysan cidna uga baahneyn in ay ku tiirsanaato”Puntland waa isku filantahay,waana isku kalsoontahay,waana isku tashanaysaa haddii Ilaahay yiraahdo”,ayuu raaciyay madaxweyne Cabdiweli Gaas. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas”Puntland iyadaa na hurran iyada ayaana nagu filan” appeared first on Puntland Post.
  10. Mogadishu (Caasimada Online) – Millateriga Mareykanka ayaa sii ballaarinaya howgalladooda Soomaaliya, iyadoo Ballidoogle ka dhistay Saldhiggooda seddaxaad ee ugu weyn ee ay ku leeyihiin Africa, kaasoo ay jiifan karaan 800 boqol oo askari, sida laga soo xigtay shabakadda looga dambeeyo xogaha qarsoon ee VICE News. Dhisamahaan ayaa wuxuu yahay mid qarsooni ah, waxaana tusaale wanaagsan uu u yahay qaabka soo koraya ee muranka leh ee uu Mareykanku isugu diyaarinayo dagaallada Africa. Saldhigga Ballidoogle wuxuu ka mid yahay mashaariic tusaale u ah qaabka uu Malliteriga Mareykanku horumarka uga sameynayo dagaallada Soomaaliya, iyadoo Mareykanku uu ugu yaraan lix saldhig oo cusub ka dhisan doono Soomaaliya sannadkaan 2018ka, sida ay VICE News u sheegeen Shirkadaha qandaraaska ka qaatay Wasaaradda Gaashaandhigga Mareykanka. Dhismaha Saldhiggaan ayaa sidoo kale muujinaya sida ay Millateriga Mareykanka uga go’an tahay dagaallada ay kaga soo horjeedaan Ururka al-Shabaab ee xiriirka la leh al Qaida. Waaxda U.S. Africa Command (AFRICOM) ayaa waxay haatan 500 oo askari ku leeyihiin Millateriga Mareykanka ee ka shaqeeya Soomaaliya, sida laga soo xigtay gabar afhayeen ah oo u hadashay. Waana tiro si aan caadi aheyn sarre ugu kacday tan iyo 2016kii, markaasoo AFRICOM ay 50 sarkaal ku lahaayeen howgalkaan. Tan iyo bishii Jannaayo 2017kii, Xooggaga Mareykanka ayaa ugu yaraan 48 weerar oo cirka ah ka geystay Soomaaliya, marka loo barbardhigo 2016kii oo ay 14 weerer ka geysteen iyo 2015kii oo ay 11 weerar ka geysteen, sida laga soo xigtay Xarunta Bureau of Investigative Journalism, oo fadhigeedu yahay London. Mareykanka ayaa haatan Saldhiggooda Seddaxaad ee ugu weyn Africa ka sameystay Soomaliya, marka xisaabta laga reebo Saldhigyadooda Djibouti iyo Niger. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Muqdisho (PP) ─ Sida uu daabacay wargeyska The Observer ee kasoo baxa dalka Uganda, saraakiisha AMISOM ayaa isku khilaafsan Qaraarka Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ee dhigaya in ciidamada AMISOM ay Somalia ka baxaan Sannadka 2021-ka, Murankan oo ku saleysan diyaarinta Ciidanka Dowladda Somalia si ay ula wareegayaan mas’uuliyadda guud ee Amniga dalka. AMISOM ayaa bilowday in ay ciidamadeeda ku sugan Somalia annadkii aan soo dhaafnay ee 2017-ka, iyadoo tirada ciidamada Midowga Afrika ee hadda ku sgan Somalia ay tahay 21,000 oo askair, halka markii hore ay ka ahayd 22,000 oo askari. Afhayeenka ciidamada AMISOM Col. Richard Omwega ayaa sheegay in dal walba oo ka tirsan dalalka ay ka socdaan ciidamada AMISOM uu ciidamadiisa ka dhimayo qiyaastii 250-Askari. “Toban sano oo aan Somalia ka hawl-galaynay kaddib, Qaramada Midoobay waxay doonaysaa inay xoojiso ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya, balse mar-xaladda kala guurka ah waa mid ku saleysan shuruud, marka la gaaro xilliga aan baxayno waa inuu jiro waddan xasilloon amni ahaan,” ayuu yiri Col. Omwega. Sidoo kale, Waxaa bisha Oktoobar ee sannadkan ka bixi doona Somalia illaa 1,000 askari oo kale oo ka tirsan AMISOM, kuwaasoo ka imanaya ciidamada furimaha jooga, kuwaasoo ka koobnaan doona dhammaan waddamada ay ka socdaan ciidamada AMISOM. Ciidamada ka socda Midowga Afrika ayaa waxay ka socdaan dalalka Kenya, Itoobiya, Jabuuti, Burundi iyo Uganda, waxayna dowaldda Federaalka ah ee Somalia ka caawiyaan la dagaalanka Al-shabaab. Taliyeyaasha ciidamada AMISOM ayaa waxaa ka dhex-taagan dood weyn oo ku aadan halka ay dalka Soomaaliya uga tagayaan marka la gaaro xilliga loo qoondeeyay inay baxaan oo ay ka dhiman tahay saddex sano oo keliya. “Waa in la beddelo habka ciidanka Somalia ay u Tababartaan, isla markaana loo diyaariyo inay mas’uuliyadda dalka oo dhan la wareegaan, Inkastoo ay yihiin kuwo tababar wanaagsan leh haddana uma diyaarsana inay si dhaqso ah ula wareegaan mas’uuliyadda culus ee la doonayo in dusha loo saaro, ayuu mar kale yiri Afhayeenka u hadlay AMISOM oo oo kasoo jeeda dalka Kenya. Wuxuuna hadalkiisa ku daray. “Waxay u baahan tahay in si fiican gacanta loogu qabto arrintan, haddii kale waxaan dib ugu laabanayaa halkii hore.” Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa wadda qorshe ay ku qalabeyneyso Cidamadeeda si ay ula wareegaan amniga waddanka, mar la gaaro xilliga la sheegay inay AMISOM uga baxayso dalka. PUNTLAND POST The post Taliska AMISOM oo walaac ka muujisay Sida Tababarrada loo siiyo Ciidamada Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  12. LISBON (Thomson Reuters Foundation) - Providing clean energy to Somalis, including those uprooted from their homes in the conflict-torn country, could both improve lives there and provide new opportunities for entrepreneurs, the U.N. envoy to Somalia said. Source: Hiiraan Online
  13. The Home Office is refusing to acknowledge the Somali identity of Bajuni asylum seekers. Source: Hiiraan Online
  14. Xuseen Yaasiin Goda-goda oo kamid ah dadka wax ku qora baraha bulshada ee dhaliila xukuumadda Puntland ayaa in maalmo ah ku xiran magaalada Garoowe,sida ay xaqiijiyeen qaar kamid ah eheladiisa. Goda-goda ayaa hadal dhaliil ah ka qoray agaasimaha madaxtooyada Puntland,Cabdinaasir Biixi Soofe,ka hor intaan lagu xirin Garoowe,waxaana wararka qaar sheegayaan in amarka lagu xiray ay bixisay madaxtooyada Puntland,inkastoo aanay jirin cid si rasmi ah u xaqiijisay. Ninkaan la xiray ayaa inta badan qoralladiisa ku duri jiray xukuumadda,isagoo marar hore madaxweyne Gaas ku dhaliilay in uusan daacad ka ahayn dagaalka lagu soo celinayo xuduudaha maqan ee Puntland. Dowladda Puntland weli wax war ah kama soo saarin xarigga loo geystay,Xuseen Yaasiin Goda-gada,balse qaar kamid ah xigtadiisa ayaa madaxda sare ee xakuumadda ugu baaqay in xorriyaddiisa dib loogu celiyo. Wixii ka soo kordha kala soco: Puntlandpost The post Mid kamid ah dadka xukuumadda dhaliila oo Garowe ku xiran appeared first on Puntland Post.
  15. Socotra (Caasimadda Online) – Calanka Emirate-ka Carabta ayaa laga taagay dhismayaasha dowlada Yemen ku leedahay deekaanka Socotra oo ah jasiirad u dhow Xeebta Waqooyi Bari Soomaaliya oo ah goob ah hay’ada UNESCO ku dartay goobaha taariikhiga ah, waxayna Soomaaliya u jirtaa 80 km/ Dadka deekaanka waxay u arkaan awooda Emirate-ka daafaha caalamka ku baaheyso inay si xawli ah ku socoto xukuumada uu hogaamiyo madaxweyne Abd-Rabbu Mansour Hadi. Madaxweyne Abd-Rabbu Mansour Hadi ayaa sheegay talaabooyinka dowlidiisa Emirate-ka qaadeyso ay tahay ka hortaga halista xukumadiisa soo wajihi karto. Sida sharciga ah ee la wada ogyahay Emirate-ka waxay heshiis is xulafeysi kula jiraan Sacuudiga oo dagaal ka dhan ah Xuutiyiinta gudaha Yemen ka wadaan. Laakiin Emirate-ka Koonfurta Yemen si gaar ah ayay kaga hawl galayaan haatana waxay sal dhigteen qaybta ugu balaaran koonfurta Yemen gaar ahaan magaalada Socotra. Emirate-ka kaliya Koonfurta Yemen iskuma balaarin laakiin waxay hawl galkooda military ku baahinayeen badda cass isku gudubkeeda iyo geeska Afrika. Haddaba su’aasha is weydiinta mudan ayaa ah maxay Emirate-ka Ciidan u geenayaan Socotra iyo meelo kale? Halkaan hoose ka daawo dood ay arrintaan ka sameysay Al-jazeera. <span data-mce-type=”bookmark” style=”display: inline-block; width: 0px; overflow: hidden; line-height: 0;” class=”mce_SELRES_start”></span> Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cusmaan “Yariisow” ayaa Baarlamaanka Feeraalka Soomaaliya ka raali geliyay hadal uu dhawaan jeediyay oo ku saabsanaa inuu ka shaqeyn la’yahay Xubno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xubno Wasiiro ah. Yariisow oo Bartiisa Facebook ku soo qoray Qoraal kooban ayaa sheegay in si qaldan loo fasiray hadal uu dhawaan siiyay Warbaahinta, sidaas darteedna uu ka raali gelinayo Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya. “Xildhibaanada Sharafta leh ee BFS waxaan ka raali gelinayaa fasiraad laga bixiyey hadal ujeedku ahaa inaan shacabka waqti badan u helo” sidaas waxaa Bartiisa Facebook ku soo qoray Guddoomiyaha Gobalka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Eng Yariisow. Wax faah faahin intaasi dheeraad ah kama sii bixin guddoomiye Yariisow caqabada keentay in Xildhibaannada uu raali gelin siiyo kadib hadalkii ka soo baxay marka laga reebo in sixun hadalkaasi loo fasiray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ilaalo u shaqaynaysay laanqayrta cas ee caalamiga ayaa ku lug yeelatay afduubka kalkaaliso jarmal ah oo hay’adda uga shaqaynaysay Muqdisho sida ay dawladda Soomaaliya sheegtay. Kalkaalisada oo magaceeda lagu sheegaywaxaa 8:00 fiidnimo ee Arbacadii laga afduubtay xarunta ICRC, markii ay rag hubaysan oo la garan waayey soo galeen dhismaha. Afhayeen u hadlay wasaaradda amniga, C/casiis Cali Ibraahim, wuxuu sheegay in ilaalada laanqayrta cas ay ku lug lahaayeen, ka dib markii shaqaalaha maxalliga ay sheegeen in ragga dableyda ah ay si fudud Nientiet ugala baxeen dhinaca dambe, oo ay ku riteen gaari sugayey. Haddaba wxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa afar arrimood oo ku saabsan afduubkaasi. Afduubkii ugu horreeyey sanado badan Markii ugu dambaysay ee dad u dhashay waddamada galbeedka u dhashay lagu afduubto waxay ahayd 2009, markaasoo laba nin oo u dhashay waddanka Faransiiska lagala baxay Hotel ku yaalla bartamaha magaalada. Waxay dawladda Soomaaliya ka caawinayeen dhinaca amniga iyo ciidamada, waxayna markii dambe gacanta u galeen Al Shabaab. ICRC xalane xarun uma ahan Hay’adaha caalamiga ah ee ka shaqeeya Muqdisho ama xafiisyada ku leh, waxay intooda badan ama gabigood ka hawl galaan gudaha xerada Xalane iyo garoonka dayaaradaha ee Aadan Cadde. Hay’adda Laanqayrta cas kama mid aha hay’adahaas, waxayna xafiis ku leeyihiin magaalada gudaheeda. Shaqaalaha maxalliga iyo kuwa caalamiga waxay labadaba ku shaqeeyaan xafiiskaas, walow tirada shaqaalaha ajnabiga ah ee xafiiska jooga ay aad uga yar yihiin kuwa maxalliga. Dowladdu waxay aaminsan tahay in mid ka mid ah ilaalada xarunta ICRC ee Muqdisho uu ka dambeeyay afduubkan Sonja Nientiet waxaa afduubtay ilaaladeeda. ICRC iyo dawladda Soomaaliyaba waxay xaqiijiyeen in ilaalaada hay’adda ay ka dambeeyeen afduubka gabadhaas kalkaalisada ah. Dawladda Soomaaliya waxay sheegtay in ay xabsiga dhigtay ilaaladii shaqada ku jirtay xilligii uu afduubku dhacay, ayna wadaan baaritaan iyo qorshe ay doonayaan inay ku soo furtaan kalkaalisada. Weerarkii labaad ee shaqaale ICRC lagu qaaday dhawaan Afduubka gabadhan kalkaalisada ah ayaa noqonaya weerarkii labaad ee loo gaysto shaqaale u shaqeeya laanqayrta cas . Cabdulxaafid Yuusuf Ibraahim oo ahaa muwaadin Soomaali ah oo mudo 5 bilood oo kaliya ah u shaqaynayey hay’adda ayaa 25 Maarso geeriyooday, ka dib markii qarax loogu xiray gaarigiisa xilli uu a baxayey xafiiska ICRC. BBC
  18. Hargeysa (PP) ─ Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ee ka dhisan Somaliland, C/raxmaan Maxamed Cabdullaahi [Cirro] ayaa sheegay in saldhigga ay Dowladdda Imaaraadku ka furanayso magaalada Berbera oo dhali karo cawaaqib aa u fool xun. C/raxmaan Cirro oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in saldhiggaas uu u keeni karo Somaliland khatar weyn, isagoo intaas ku daray inuu noqon karo xabsiyada ugu xun caalamka. Sidoo kale, Wuxuu carrabka ku dhuftay in taas ay dhibaato badan ku tahay Shacabka ku nool deegaanada Somaliland, maadaama ay horay warbixin ka dhan saldhiggaan u soo saartay kooxda Xuuthiyiinta ee waddanka Yemen ka dagaalanta. Dhanka kale, Guddoomiyaha xisbiga Waddani wuxuu tilmaamay in shirkadda lagu wareejiyay dekedda Berbear ay caqabad weyn ku noqoty shaqaalaha ka hawl-gala dekeddaas, isla markaana ay ciriiri gelisay lacagaha xilligaan ku shaqeeyaan. Shirkadda DP WORLD ee laga leeyahay Imaaraadka oo sanadkii hore heshiis ay kula wareegayso Dekeda Berbera la gashay Somaliland ayaa haatan si rasmi ah u la wareegtay maamulka Dekeddaas. Ugu dambeyn heshiiskan oo ahaa saddex geesood ayaa horey waxaa u wada gaaray Shirkada DP WORLD, Somaliland iyo Dowladda Itoobiy, waxayna DP WORLD maal-gashiga Dekedda Berbera ku leedahay saami dhan 51%. PUNTLAND POST The post C/RAXMAAN CIRRO: Cawaaqib xun ayaa laga dhaxlayaa Saldhigga Imaaraadka ee Berbera appeared first on Puntland Post.
  19. Baydhabo (Caasimadda Online) – Waxaa maanta xariga laga jaray xaruunta Wasaaradda Warfaafnta ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Xaig jarka waxa ka soo qeyb galay mas,uuliyiinta ugu sareysa maamuka koonfur galbeed oo uu ugu horeeyey maxadweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan, Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabduqaadir Shariif Sheekhuna, Wasiirka Amniga Koonfur Galbeed, Wasiirka Warfaafinta iyo agaasimihiisa, xubno ka tirsan Golaha Shacabka Koonfur Galbeed, Odayaal dhaqameedyo iyo xubno badan oo kamid ah Ururada Bulshada Rayidka. Mas’uuliyintii meesha ka hadashay waxaa kamid ahaa Gudoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed, waxa uu goobta ka sheegay muhiimada ay leedahay xaruuntan Wasarada warfaafina oo uu ku tilmaamay in ay tahay Golihii nabadda lagana doonaya in ay ka qeybqaadato in dalkaan nabad lagu soo celiyo. Waxa kalo goobtaasi ka hadlay wasiirka Amniga koonfur Galbeed Xasan Xuseen Maxamed oo loo yaqaano Eelaay, waxa u dhankiisa amaan usoo jeediyey cidii suura galisay dhismaha xaruuntan Wasaaradda warfaafinfa KGS isagoona xusay in ay baahi u qabeen wasaarad warfaafin sababtuna uu ku sheegay in ay ahay isha kaliyah ee isku xiri kara iska war qabka shacabka iyo mas,uuliyiinta Koofur Galbeed. Waxaa kaloo goobtaasi ka hadlay Wasiirka Warfaafinta KGS Xasan Cabdi Maxamed waxa uu kaga warbixiyey madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan dadaalkii ay u galeen dhismaha xaruunta wasaaradda Warfaafina KGS, Arinta xiisaha leh ee uu ka hadlay wasiirka warfaafinta ayaa waxa ay ahayd isagoo la hadlay madaxweyne shariif xasan. ” Mudane madaxweyne tan iyo markii aad ii magacawaday xilkaan wasaaradda Warfaafinta waxa an orod dheer u galay in ay dowlada Koonfur Galbeed hesho Wasaarad Warfaafineed oo aan aaminsanahay in ay jirto baahi loo qabo waana ku guulasaney waa tan maanta aad adiga noo xarig jareyso, waxaa kaloo aan kuu sheegayaa mudane madxweyne xilku waa meerto wasiirkii ibadalaa waxa uu heli doonaa goob diyaarsan waayo xaruntaan ma aha xarun aan aniga leeyahay waa xarun ay leeyihiin shacabka Soomaliyed gaar ahaan reer Koonfur Galbeed”. ” Ugu danbeyn mudane Madaxweyne waxaan kaa codsaneynaa in aad nagala shaqeyso Horumarka Wasaaradda warfaafinta KGS”. Gabagabadii waxaa goobta ka hadlay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan waxa uu si weyn u soo dhaweeyey dhismahaan cusub ee wasaaradda warfaafina, isagoona xusay in Koonfur Galbeed ay Maanta heshay wasaaraddii ugu muhiimsaneyd, sababta uu muhiim ugu tilmaamayna uu ku sheegay in ay tahay meeshii lagu kala war qaadan lahaa in ay tahay. ” Waxaan aan ku celinayaa wasaaradan waa inoo muhiim sababtoo ah buu yiri Shariif Xasan war helaa talo hela waxaa kaloo tusaale usoo qaatay in ay galayaan shirka golaha wasiirada hadaan la sheegin micnaheedu waa wax kama jiraan kulankeena waayo anagaa qol ku wada hadalnay shacabkiina nama oga laakiin wasaaradda Warfaafina waxa ay awood u leedahay in ay daqiiqad warkeena ku gaarsiiso kumaan kun oo qof” . Ugu danbeyn madaxweynaha aya xariga ka jaray xaruunta Wasaaradda Warfaafinta Koonfur Galbeed isagoona qeyb qeyb u booqday xaruunta ay ka kooban tahay wasaaradda warfaafinta KGS.
  20. A UN security council resolution requiring the African Union Mission in Somalia (AMISOM) to withdraw by 2021 is causing a lot of debate among the AMISOM commanders in regard to the preparedness of the Somali National Army (SNA) to take on the challenge. Source: Hiiraan Online
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Sida aan wararkeenii hore ku sheegnayba waxaa socda qorsho ay Xukuumada Somalia ku buuxineyso Kuraasta ka banaan Golaha Wasiirada Xukuumada Somalia. Qorshaha lagu buuxinaayo kuraasta banaan ayaa la sheegayaa inuu dhaqan gali doono gudaha bishaan waa haddii aanu dhicin dib u dhac ka imaada dhanka Ra’isul wasaaraha. Warar hoose aanu helnay ayaa muujinaaya in Kuraasta banaan ay buuxin doonaan shaqsiyaad ka tirsan baarlamaanka Somalia, gaar ahaan Xildhibaanadii ka shaqeeyay dhicitaanka Guddoomiyihii hore ee BFS Jawaari. Xildhibaanada kasoo dhexmuuqan doona Xukuumada la dhameystiraayo kuraasteeda ayaa iminkaba gudbinaaya araajidooda, si ay u maraan fadhiga xulashada. Sidoo kale, qorshaha muuqda ayaa waxaa kamid ah in Wasiirada qaar ay weyn doonaan xilalkooda, kuwaa oo ay bedeli doonaan Wasiiro kale oo garab u ah dowlada iminka jirta. Wasiirada laga cabsi qabo inay weyn doonaan xilkooda ayaa waxaa kamid ah Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo kiisas badan lagu heysto. Isbedelka la filaayo in lagu sameeyo Xukuumada Somalia ayaa waxaa dhowr jeer baajiyay culeysyo Xukuumada Somalia kasoo foodsaartay dhanka baarlamaanka Somalia oo iminka ay hanatay isla Xukuumada, kadib is casilaada Guddoomiyihii hore Jawaari. Si kastaba ha ahaatee, waxaa la filayaa in Xukuumada imaan doonta ay ka dhexmuuqan doonaan Xildhibaano dhowr ah oo kaalin weyn ku lahaa riditaanka Jawaari. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Over 630,000 people have been affected by floods after Shabelle and Jubba rivers breached their banks, UN said. Source: Hiiraan Online
  23. NAIROBI (HOL) - UN expert has called an end to the use of minors in armed conflict in the Horn Africa nation. Source: Hiiraan Online
  24. A campaign launched by Tower Hamlets Council invites Muslims in the community to sign up to ‘Quit Tobacco Before Ramadan’ for help and support to quit smoking and chewing tobacco in the lead-up to Ramadan Source: Hiiraan Online
  25. Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa Xalay soo xiray shirkii ganacsiga ee ganacsatada Soomaaliya iyo Turkiga uga socday Magaalada Istanbul ee Dalka Turkiga. Shirkaan uu soo xiray Ra’iisul wasaare Kheyre oo labadii maalmood ee lasoo dhaafay socday ayaa ujeedada laga lahaa waxa ay aheyd in lagu dhiiri geliyo ganacsatada turkiga in ay maalgashadaan dalka Soomaaliya, arintaas oo intii shirku socday aad loo falanqeeyay. Shirkan oo daba socday shirkii hore uga dhacay Magaalada Ankara ee isla dalka Turkiga ayaa ganacsatada Soomaaliya uga qeyb gashay waxaa hogaaminayay wasiirka ganacsiga iyo warshadaha, Mudane Maxamed Xayir Maareeye, ganacsatada Turkiga iyana waxaa hormuud u ahaa Mr. Deik oo Dalka Turkiga u qaabilsan hay’adaha xiriirka dhaqaalaha dibadda. PUNTLAND POST The post RW Kheyre oo Soo Xiray Shirka Ganacsiga Soomaaliya iyo Turkiga appeared first on Puntland Post.