-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somalia, facing severe challenges, also shows signs of hope
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Despite important progress through years of international assistance around counterterrorism, counterinsurgency, humanitarian efforts, and state-building, peace and stability remain elusive in Somalia. On April 6, the Africa Security Initiative in the Foreign Policy program at Brookings hosted a discussion with experts on the challenges Somalia faces now and potential paths forward. Source: Hiiraan Online -
Muqdisho (Caasimada Online)-Wasiirka Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Xukuumadda Somalia Khadiijo Diiriye ayaa si carol eh u beenisay wararka sheegaya in si fool xun loola dhaqmay ciyaartooyda 17-jirada. Wasiir Khadiijo waxa ay sheegtay in wararka been abuurka ah ay faafiyeen kuwa ay xanuunjineyso Horumarka Somalia, waxa ayna carab dhawday in dhalinyaradaasi qudhooda la weydiinkaro waxa loo sameeyay. Ciyaartooyda ayey sheegtay in soo dhaweentooda ay ka qeybqaaten Madax iyo shacaba isla markaana ay marqaati leedahay in si wanaagsan looga soo dhaweeyay magaalada Muqdisho, hase ahaatee wararka beenta ah aysan u joojin doonin wanaaga jira. Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye waxa ay intaa ku dartay in Ciyaartoyda aysan aheyn kuwo Xabsi ku jira, isla markaana Magaalada halkii ay doonaan ay ka mari karaan. Waxa ay sheegtay in Caruurtaas Iskuulkii ay dhiganayeen fasax laga soo qaaday iyo sidoo kale Waalidintooda,isla markaana aysan mudneyn in la yiraahdo maxaa saas loo yeelay, waxa ayna ku talisay in laga Shaqeeyo horumarka Ciyaaraha dalka. Mas’uuliyiinta soo dhaweysay ee wakhtiga kula qaatay qeybta VIP Garoonka ayaa waxaa kamid ahaa Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Kheyre, Wasiirka amniga iyo Mas’uuliyiin kale. Haddalka Wasiir Khadiijo ayaa kusoo beegmaaya xili baraha bulshada lagu faafiyay Sawiro la sheegay in looga been abuuray Ciyaartooyda kuwaa oo waxbadan loogu dhimaayo Wasaarada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ethiopia and Djibouti agreed to swap stakes in strategic public enterprises including airlines, ports and telecommunications companies, as the Horn of Africa neighbors pursue deeper economic integration. The deal would include exchanges of shares in Ethiopian Airlines Enterprise, Africa’s biggest carrier by revenue, Djiboutian Finance Minister Ilyas Dawaleh said in an interview. Shareholdings in companies such as the Doraleh Container Terminal and in a new oil terminal, Ethiopian Telecommunications Corp. and Djibouti Telecom SA will also be swapped, he said. While the deal has been politically “endorsed,” the two countries will form a committee to work out the details, Dawaleh said by phone April 30. Ethiopian Information Minister Ahmed Shide confirmed the agreement in a text message. The pact came as Ethiopia’s new prime minister, Abiy Ahmed, made his first foreign visit at the weekend to Djibouti, the tiny state located where the Indian Ocean meets the Red Sea and that’s become a strategic hub for the U.S. and China. Landlocked Ethiopia — which the International Monetary Fund ranks as the fastest-growing economy on the continent — is trying to boost its export-oriented manufacturing, making it reliant on neighboring nations with ports. Dawaleh said Abiy told Djiboutian officials that both countries should start referring to their state-owned enterprises as belonging to all, rather than one nation. Abiy said in a statement on his Facebook page that officials from both countries “underlined the importance of working towards the realization of complete economic integration of the two economies.” He didn’t elaborate. Source: – Bloomberg
-
Mogadishu. The African Union Peace-keeping Mission in Somalia (AMISOM) has shifted operational tactic from military engagement to talking with communities in order to win hearts of Somalis. The new approach involves reaching out to clan heads and ordinary citizens to challenge the dominant al-Shabaab propaganda that AMISOM troops are infidels who must be ousted. According to Lt Col Robert Nahamya, the commander of UPDF’s 19th Battalion Operating in Buufow under Battle Group 22, the al-Shabaab had won many hearts by convincing Somalis that AMISOM seeks to impose paganism on the country. “This harmful propaganda cannot work anymore because we have started engaging these communities and we are telling them, ‘look, AMISOM is composed of Muslims [as well]; it is wrong for you to simply fight on religious grounds’,” he said. The Colonel added: “This is already working and soon we shall defeat the enemy.” Uganda was the first to deploy in Somalia in March 2007, and still has the largest number of soldiers in the 22,000-strong AMISOM. The UPDF drove the militants out of the capital, Mogadishu, and are, alongside other troop contributors such as Burundi, Djibouti, Ethiopia and Kenya, helping to keep al-Shabaab in check. Some security lapses have resulted in deadly attacks by the militants, the recent one being last month’s simultaneous attacks on three Ugandan bases in which President Museveni, the Commander-in-Chief, said up to eight soldiers were killed. The militants, Col Nahamye said in Mogadishu on Tuesday, used the polarised clan system to spread its propaganda by setting up one clan against another. THE POWER OF CLANS Capturing minds. Clans and religion are central to the lives of Somali people and war planners have decided that capturing the minds of the people, rather than military confrontation, is essential for lasting peace in the country. Opinion leaders. Regarding the clan system, Col Nahamye said that they have identified key opinion leaders, mainly the elders, whom they are encouraging to preach oneness. Although Somalis are principally the same people, speaking a common language, the clan-based governance structure is so divisive and often erupts in inter-communal violence. AMISOM, field commanders say, is playing the neutral arbiter to bridge the divide. Source: – Daily Monitor
-
The Somali government said that it has made headway in the investigation of the ICRC nurse who was kidnapped from the ICRC compound on Wednesday evening. Interior Ministry spokesperson Abdiaziz Ali Ibrahim announced that they have identified one of the kidnappers as Mohamud Mohamed Alas. Security officials have also identified the missing aid worker as Sonja Nientiet, a German national. Investigators believe that Alas, who worked as a security guard at the ICRC compound, had intimate knowledge of the compound layout and security measures and used this knowledge to facilitate the kidnapping. The ministry spokesman theory seems to corroborate with eyewitness accounts from Red Cross workers told media on Wednesday that the gunmen easily evaded the compound’s security guards and successfully snuck the nurse out of a back entrance and into a waiting vehicle. Ibrahim said that an extensive manhunt is underway to save the nurse and bring her captors to justice. He mentioned that the vehicle that was used in the kidnapping is now in police custody. A LinkedIn profile for Sonja Nientiet with extensive employment history with the ICRC gives us a glimpse of her professional career. She is a career humanitarian aid worker with postings in Syria and the Democratic Republic of Congo. “I have a strong believe [sic] in the Human Rights, which is why I have chosen to change my focus from nursing in Germany to international humanitarian aid,“ reads her LinkedIn bio. In Somalia, aid workers and journalists have been targeted in the past by armed gangs or Al-Shabaab militants and held for ransom.
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta daah furay Barnaanijka Dhismaha Goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Gobolka Benaadir, ayaa sheegay ujeedka ugu weyn ee arrintan laga leeyahay in ay tahay shacabka talada in dib loogu celiyo. Barnaamijkan ayaa waxaa dhinac socda qorshaha Isku xirka Maamulada Degmooyinka, Hey’adaha Amniga iyo Garsoorka dalka, arrimaha lagu falan qeeyey kulanka ayaa waxaa ka mid ahaa dowrarka iyo kaalinta Maamullada degmooyinka, hey’adaha amaanka iyo garsoorka Degmooyinka Gobolka Banaadir, Hoggaaminta suuban, Xalinta Khilaafaadka, sareynta sharciga iyo Dawladda wanaagga. Gudoomiyaha ayaa tilmaamay muhiimada ay u leedahay bulshada iyo Dawladnimada Soomaaliya in la hello maamul hoos laga soo dhisey, si bulshadu ay iyagu go’aan uga gaarto cidda matalaysa. “Si magaalada Muqdisho looga hirgeliyo dimuqoraadiyad hana-qaada looguna diyaar garoobo doorashooyinka 2020 dalka oo dhan ka dhici doona muwaadinkuna u helo fursad ah inuu wax doorto lana doorto, waxaan bilownay geeddigan oo leh habraac dhameystiran oo ku jirto wada shaqeynta hay’adaha amniga iyo Garsoorka dalka,” ayuu yiri Yarisow. Duqa Muqdisho ayaa tilmaamay dhowrkii bilood ee la soo dhaafay shacabka ku nool Caasimadda in loo dhaweeyey maamulka, isla markaana arrintaas ay ka dhalatay kalsooni iyo wadashaqeyn buuxda. Waxuna xusay sida ay lagama maarmaan u tahay in shacabku ay yeeshaan talada lagu hagayo deegaankooda. Ugu dambeyn, Kulan howlleedkan ayaa socon doona 3da ilaa 9 ka bisha, waxaana degmo walba uga soo qeyb galay toddoba xubnood oo kala ah, Gudoomiyaasha degmooyinka, Kuxigeenada 1aad ee amniga iyo siyaasadda, Kuxigeenada 2aad ee Arrimaha Bulshada, Xoghayaha Degmada iyo taliyeyaasha qeybaha Ciidamadda. PUNTLAND POST The post Muqdisho oo lagu Daah-furay Barnaamijka Dhismaha Golayaasha Deegaanka Xamar appeared first on Puntland Post.
-
Suqatra (Caasimada Online) – Dibadbaxyo carreysan ayaa ka billowday jasiiradda Suqatra ee u dhow Soomaaliya kadib markii Imaaraadka ay geeyeen 10 askari oo lagu daad gureeyey afar diyaarad. Dadka deegaanka ayaa taleefishinka Al-Jazeera u sheegay in afarta diyaarad ee Imaaraadka ay si sharci darro ah ku yimaadeen, si ay u cabsi geliyaan dowladda beesha caalamku ay aqoonsan tahay ee Yemen. Jaziiraddaan ayaa kaliya 80 KM u jirta Soomaaliya, hase yeeshee waxaa lahaanshaheeda sheegta Yemen. Muuaqaallo lagu baahiyey baraha bulshada ayaa muujinaya dibadbaxayaasha oo ku qeylinaya erayo ay ku taageerayaan madaxweynaha Yemen Abd-Rabbu Mansour Hadi. سقطرى تهتف لليمن بحضور ابن دغر. شعب نبيل،يعاني ويهتف لوطنه. بالله عليكم مثل هذا الجمهور ألا يستحق أن تكونوا معه؟ إنه يبحث عنكم. عودوا إليه. pic.twitter.com/VqUzzW6pcL — Dr Mohammed Jumeh (@MJumeh) May 2, 2018 Dadka deegaanka ayaa ka carreysan in ciidamada Imaaraadka ay ceyriyeen ciidamadii dowladda Yemen ee ilaalada ka ahaa jaziiraddan. Jaziiraddan ayaa waxaa ku nool 60,000 oo qof, waxaana maamula dowladda Yemen.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan dhiirrigelin, qado sharaf iyo bogaadin ah oo ku saabsan guushii Qaranka ee koobkii Bariga iyo Bartamaha Qaraadda Afrika (CECAFA) waxa uu la qaatay Guddiga Ciyaaraha Qaranka, Macalimiinta, Tababarayaasha iyo Ciyaaryahannada Qaranka Soomaaliyeed ee da’doodu ka yartahay 17 sano. Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey xulka da’yarta Soomaaliyeed ee heer Qaran, daadaalka ay muujiyeen iyo sida ay caalamka ugu soo bandhigeen in dhallinyarada Soomaaliyeed ay kaalin muuqata ku lahaan karaan saaxada tartannada heer qaaradeed. “Annaga waxa ay noo xisaabsan tahay in aad guuleysateen, sababtoo ah waxaad ka soo guuleysateen intaas oo dal, idinkoo dalkiinnu uu soo kabanayo ayaad ka badiseen dowlado badan oo aan bur bur ku dhicin, dowladahaas oo sannadadii aan bur burka ku jirnay iyagu soo dhismayey.” Ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa ku dhiirri geliyey Maamulka iyo shaqaalha Wasaaradda Cayaaraha, dhallinyarada iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed dadaalka ay ku bixiyeen da’yarta heer Qaran iyo guud ahaan cayaaraha dalka. Xulka Da’yarta Qaranka ee U-17ka ayaa isu diyaarinaya ka qeyb galka Koobka Qaaradda Afrika ee 17-jirrada oo saddex bilood kaddib fumi doona.
-
Majalada caanka ah ee “the New Statesman” ee ka soo baxda dalka Ingiriiska, ayaa shalay baahisay in dawladda Ingiriisku doonayso inay taageerto qaddiyadda madaxbanaanida Somaliland, laakiin haddana ay jirto cabsi haysa taas oo ku qasbaysa inaanay doonayn inay noqoto dalka u horeeya ee aqoonsada Somaliland. Majaladan, ayaa sheegtay in dawladda Ingiriisku iftiimisay inay doonayso inay taageerto qaddiyada madaxbanaanida Somaliland, laakiin aanay haddana doonayn inay noqoto dawladda u horaysa ee banaanka u soo baxda, “Iyadoo ka cabsi qabta.” Ayay warbixintu tidhi, “In lagu eedeeyo inay dib u gumaysanayso maxmiyadeedaas hore [Somaliland.” Laakiin wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaanay doodda dawladda Ingiriisku qancin, “Mawqifkayagu waxa weeye inaanad go’aamada u qaadan oo aanad ku salayn waxa ay dadku odhan doonaan, laakiin maxaa sax ah, maxaase khalad ah lagu saleeyo.” Wasiir Sacad Cali Shire, wuxuu kaloo wargeyskan u sheegay in Somaliland ay gobalka Geeska Afrika ka hirgelisay nidaam doorasho oo dimuqraadiyad ku salaysan, “Waxaanu ilaa hadda qabanay saddex doorasho oo madaxtooyo, mid walibana nabadglelyo ayay ahayd, mid walbana waxa lagu doortay madaxweyne. Sannadkii 2003 80 cod oo keliya ayaa lagu kala helay kala helay.” Waxase ay warbixintu soo qaadatay inkastoo uu wasiirku sidan u ammaanay nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland haddana in dhawaan lagu xidhay gabadh dhallinyaro ah oo abwaanad ah. Wasiir Sacad Cali Shire, wuxuu sheegay in Somaliland ay arrimaheeda ku maamulatay gacanteeda, iyadoo dib u heshiisiintii beelaha Somaliland. Waxa kale oo uu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland sheegay in aqoonsi la’aanta baasaborka Somaliland ay caqabad ku tahay ganacstada Somaliland ee doonaya inay dibadaha u safraan. Waxa kale oo uu sheegay in aqoonsi la’aantu ay Somaliland ku hayso caqabad ah inaanay soo jiidan Karin maalgashedayaasha, taas oo dib u dhac ku haysa dhaqaalaha Somaliland.” Geeska Qaran News
-
Taliye ku-xigeenka kowaad ee Booliska dowladda Puntland,G/sare. Bile Faarax Cali ayaa goor dhoweyd koox hubaysan dhaawac ugu geysteen goob is-baaro ah oo ku taalla degaanka Buura-wadal ee gobolka Sool,sida ay xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan Booliiska. Taliyaha ayaa dhaawac ka soo gaaray lug iyo gacan,kadib markii koox hubaysan ay rasaas huwiyeen gaari uu saarnaa,kaasoo si kedis ah u soo galay is-baaro kooxdu ay dhigteen degaanka Buura-wadal,sida uu xaqiijiyay sarkaal Boolis oo diiday in magaciisa la xigto. Wararku waxay sheegayaan in ciidanka Booliiska iyo kooxda hallkaas uu dagaal kooban ku dhex maray,inkastoo aan weli la xaqiijin akrin khasaaraha ka dhashay dagaalkaasi. Sidoo kale waxaan weli la ogayn kooxda is-baarada joogtay iyo halka ay ka yimaadeen. Faahfaahinta kala soco:Puntlandpost.net The post Deg deg: Taliye ku xigeenkii Booliiska Puntland oo la dhaawacay. appeared first on Puntland Post.
-
Dood-cilmiyeed ku saabsan sidii Booliiska iyo bulshada ku dhaqan Garoowe uga wada-shaqeyn lahaayeen arrimaha amniga,gaar ahaanna ka hortagga tacaddiyada loo geysto haweenka iyo carruurta ayaa maanta Garoowe lagu qabtay. Doodda ayaa waxaa ka soo qeyb galay saraakiil ka soctay Booliiska,mas’uuliyiin ka tirsan dowladda hoose,qaar kamid ah guddiyada xaafadaha Garoowe iyo guddoomiyaashooda,iyo dhalinyaro kala metalaysay bulshada ku nool dhammaan xaafadaha ay ka koobantahay caasimadda Garoowe. Booliiska iyo bulshadii kulanka isku arkay ayaa dood dheer ka yeeshay caqabada hortaagan wada-shaqeynta Booliiska iyo shacabka Garoowe ee ku aaddan arrimaha amniga caasimadda,gaar ahaanna ka hortagga tacaddiyada loo geysto haweenka iyo carruurta,waxaana sidoo kale laga dooday habka ugu fiican ee si wadajir ah looga wada-shaqeyn karo amniga. Dhammaan ka qeyb galayaashii dood-cilmiyeedka ayaa geba-gabadii cod midaysan ku sheegay, in la isku raacay wada-shaqeyn buuxda oo dhex marta Booliiska caasimadda iyo bulshada qeybaheeda kala duwan si looga hortago guud ahaan wixii amniga dhibaateynaya,gaar ahaanna tacaddiyada haweenka iyo carruurta. Halkaan ka eeg sawirrada PUNTLAND POST The post Booliska iyo bulshada Garowe oo dood ka yeeshay arrimaha amniga iyo tacaddiayda haweenka iyo carruurta. appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Cusub ee Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta si rasmi ah ula wareegay xilka Guddoomiyaha Golaha sahacabka ee Soomaaliya. Munaasabad maanta ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho uu xilka uu kala wareegay Guddoomiyihii ka horeeyay ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, kaas 12 bishii hore ku dhawaaqay in uu iska casilay xilka guddoomiyaha Golaha shacabka kadib khilaaf ka dhashay Mooshin asaga laga gudbiyey. Sedax maalin ka hor ayey aheed markii doorasho ka dhacday xarunta Golaha Shacabka lagu doortay Guddoomiyaha Cusub ee Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Jawaari ayaa mar uu hadlayay wuxuu soo hadal qaaday arimo ku aadan xaditaanka dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya, wuxuuna tilmaamay in aan la xadin Dastuurka Soomaaliya. Maxamed Mursal ayaa sheegay in Jawaari uu baarlamaanka soo maamulay xilli aad u adag oo ay wajahayeen caqabado badan isaga oo intaas ku daray in shaqada uu soo qabtay uu ku tilmaami karo naf hurnimo. Waxaa uu Guddoomiyaha cusub ballan qaaday in uu talo weydiisanayo Guddoomiyihii isaga ka horreeyay sidoo kalena uu meel isugu keenayo dadka la soo shaqeeyay Guddoomiye Jawaari ee Maamulka Baarlamaanka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho CaasimadaQ@live.com
-
Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Hay’ado caalami ah oo ka howlgala gudaha Soomaaliya ay caqabad ku yihiin dowladda Soomaaliya. Waxaa uu ka hadlayay khudbaddiisa sanadlaha ah ee uu u jeediyo Shacabka Kenya,waxaa uu sheegay in Hay’adaha ku sugan Soomaaliya ay doonayaan in ay dhabarka ka jebiyaan guulihii xanuunka laga maray ee ay gaartay AMISOM. Waxaa kale oo uu sheegay in hay’adahaas ay ka shaqeynayaan kala qeybinta Soomaaliya,shacab ahaan,dowlad ahaa iyo gobol ahaamba. Waxa uu Madaxweyne Kenyatta sheegay in amni soo celinta Soomaaliya iyo Koofurta Suudaan ay yihiin waxyaabaha ugu weyn ee ku jira qorshahiisa maamulka shanta sano ee soo socota. Madaxweynaha Kenya waxa uu ku eedeeyey Wakiilladda Shisheeyaha inay abuureen inta badan Rabshadaha ka jira Somalia, ee ay ku wiiqayaan DFS, laguna kala qeybinayo dadka Soomaalida. “Inta aan ku jirno la dagaallanka argagixisada,waxaa noo dheer in ay wiiqayaan dadaalladeenna kuwa dadka tahriibiya,kuwa sohdimaha si sharci darro ah uga shaqeeya,inta ay Soomaaliya amni darro tahay annagana waan nahay,haddii ay nabad helaan annagana nabad ayaan heleynaa”ayuu yiri Madaxweyne Kenyatta, wuxuuna intaasi ku daray inay Siyaasadda Kenya tahay inaan Somalia caawino, si ay ugu so olaabato Nabaddii iyo Barwaaqadii horey loogu yiqiinay Caasimada Online Xafiiska Muqdisho CaasimadaQ@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Haweeney u dhalatay Jarmalka oo ah kalkaaliso caafimaad oo u shaqeyneysay Hay’adda ICRC, lagna afduubtay xarunta ururkaasi ee magaalada Muqdisho ayaa faahfaahin dheeraad laga helay. Haweeneydan ayaa lagu magacaabaa Sonja Nientiet, waxayna Hay’adda ICRC u shaqeyneysay ilaa sanadkii 2014, waxayna kasoo shaqeysay dalalka qalalaasaha ka jiraan sida Syria iyo the Democratic Republic of Congo. Toddobaadkan oo ay magaalada Muqdisho timid ayaa la sheegay inay tababar ku saabsan gargaarka degdega ah siineysay Shaqaalaha Soomaaliya ah, waxayna sidoo kale caawineysay bukaanada isbitaalada iyo xarumaha caafimaadka. Wasiirak Arrimaha dibadda Germany Heiko Maas ayaa ka sheegayay magaalada Adis ababa ee dalka Itoobiya in dowladda Germany aysan wax faahfaahin ah ka bixineynin afduubka lagu kacay muwaadinka Jarmalka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho CaasimadaQ@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyihii hore ee golaha shacabka Soomaaliyeed, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta si rasmi ah xilka ugu wareejiyay guddoomiyaha la doortay ee Aqalka Hoose ee Baarlamaanka DF Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan. Munaasabadda xil-wareejinta oo ka dhacday xarunta Villa Somalia oo hoy iyo xafiisyo u ah guddoonka baarlamaanka Somalia ayaa waxaa goobjoog ka ahaa xildhibaanno badan oo baarlamaanka ka tirsan iyo mas’uuliyiin kale. Prof. Jawaari oo xafladda xil-wareejinta ka hadlay ayaa sheegay inuusan jirin dastuur la xaday, wuxuuna nuqul ka mid ah dastuurka qabyada ah ee dalka ku wareejiyay afhayeenka cusub ee aqlka hoose ee Baarlamaanka Somalia, Maxamed Mursal. Sidoo kale, Prof. Jawaari ayaa ku boorriyay guddoomiyaha cusub inuu hawsha halkii uu ugu yimid kasii wado, waxaana sidoo kale goobta ka hadlay xubno badan oo uu ka mid yahay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka. Hadal kooban oo uu jeediyay guddoomiyaha cusub ayuu ku sheegay inay ka go’an tahay inuu si cadaalad ah ugu shaqeeyo dalkiisa iyo dadkiisa, wuxuuna xusay inuu ku shaqeyn doono dastuurka dalka iyo xeerar hoosaadyada u yaalla baalamaanka Somalia. Hadalka Guddoomiyihii hore ee baarlamaanka ee ku aaddan dastuurka la sheegay in la xaday oo uu beeniyay ayaa imaanaya iyadoo dhawaanahan la isla dhexmarayay in la xaday dastuurkii dalka ee la ansixiyay 2012-kii, taas oo walaac badan abuurtay, basle mar dambe la sheegay in la helay. Dhanka kale, Prof. Maxamed Sheekh Cismaan [Jawaari] ayaa xilka ka dagay 12-kii bishii hore ee Abriil, kaddib markii uu la kulmay culeysyo badan, iyadoo lasoo doortay guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan 30-kii bishii hore ee Abriil, isagoo ka adkaaday musharraxiin badan oo la tartamay. Ugu dambeyn, Prof. Jawaari ayaa ka guuraya wixii maanta ka dambeeya xarunta Villa Somalia halkaasoo hoy iyo xafiis shaqo u noqon doona Mursal oo dhawaan la doortay, mana jirin wax dhaarin ah oo guddoomiyaha cusub loo sameeyay maanta. PUNTLAND POST The post Afhayeenkii Hore ee Baarlamaanka Somalia oo Xilkii Wareejiyay kana Hadlay Datuurka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Dowladda Federaalka Somalia, waxay xuseysaa maalinta caalamiga ah ee xoriyadda saxaafadda, iyadoo si dhab ah u muujinaysa sida ay uga go’an tahay badbaadada saxaafadda iyo xaqiijinta xoriyadda saxaafadda Soomaaliyeed. 03-da May 2018, waa maalinta Xoriyadda Saxaafadda ee Dunida oo dhan. Sanadkan waxaa cinwaanku yahay ‘Hubinta Awoodda Maamulada’ Warbaahinta, Cadaaladda iyo Sharciga. Dabaal-degyada Sannadkan 2018, waxay diiradda saarayaan muhiimadda abuuridda jawi sharcigu ilaaliyo xoriyadda saxaafadda, iyo in si gaar ah loo tilmaamo doorka madaxa bannaan ee hey’adda sharciga si loo xaqiijiyo damaanad qaadka xoriyadda saxaafadda iyo soo oogidda dacwadaha la xiriira dambiyada lagula kaco saxafiyiinta. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Cabdiraxmaan Iidaan Yoonis, ayaa sheegay in Wasaaraddu ay si hagar la’aan ah uga shaqeyn doonto xaqiijinta xoriyadda iyo badbaadada saxaafadda. “Waxaan isbadal ku sameynay Sharciga Saxaafadda si aan u tixgalinno qodobo ay saxaafadda madaxa bannaan soo jeediyeen in laga badalo sharcigii jiray. Sharciga, ayaa hadda horyaalla baarlamaanka federaalka si loo ansixiyo kadibna madaxeynuhu u saxiixo, markaas kadib oo uu si rasmi ah sharci u noqonayo, Lana hirgalin doono. Waxay kaloo wasaaradda bishii April abuurtay nidaamka qaran ee badbaadada saxafiga, iyadoo sidoo kalena dhistay guddi qaran, oo ilaaliya badbaadada saxafiga. Hey’adaha cadaaladda, ayaa guddiga xubin ka ah si ay u taageeraan baahida sharciga ee saxaafadda Soomaaliya. Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay dastuurkeeda ku damaanad qaadday Xoriyadda Saxaafadda,” ayuu Yoonis yiri. Sidoo kale, Wasaaraddu waxay xuseysaa maalinta Xoriyadda Saxaafadda ee 03-da May 2018, iyadoo si buuxda ula shaqeynaysa Ururka Qaranka ee Midowga Saxafiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) iyo warbaahinta gaarka ah ee Soomaaliya si loogu xaqiijiyo in dowladda Federaalka ay si buuxda u garab taagan tahay saxaafadda Soomaaliyeed, iyadoo damaanad qaadaysa xoriyadooda, isla markaana si hagar la’aan ah uga shaqeyn doonta ilaalinta warbaahinta Soomaaliyeed. Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay fulinaysaa baaqa Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee ah “Dowladaha Adduunku in ay xoojiyaan xoriyadda saxaafadda, ayna difaacaan saxafiyiinta. Dhiirigalinta xoriyadda saxaafadda, waxay ka dhigan tahay in aan helno xaqa aan u leenahay ogaanshaha runta.” Ayuu yiri António Guterres, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay. Ugu dambeyn, Maalinta Caalamiga ah ee Xoriyadda Saxaafadda, waxaa markii ugu horeysay lagu asteeyay shirkii guud ee Qaramada Midoobay bishii Diseembar 1993, kadib markii lagu soo jeediyay shirkii guud ee UNESCO. Wixii markaa ka dambeeyay maalinta 3 May, sanadguuro kastaa, waxaa la xusaa Cahdigii Windhoek ee maalinta Xoriyadda Saxaafadda Dunida. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo ka hadashay Maalinta Xorriyadda Saxaafadda oo ku beegan Maanta appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa maanta si rasmi ah xilka ula wareegay guddoomiyaha cusub ee golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan isaga oo lagu wado inuu guda-galo shaqo howleedka golaha shacabka iyo fulinta barnaamijkiisa siyaasadeed. Haddaba, waxaa akhristayaasha xusuusineysaa khudbaddii uu Mursal ka horjeediyay golaha shacabka April 26, 2018, isaga oo xilligaasi ahaa murashax ayuu golaha soo hordhigay barnamij ay tahay inay kula xisaabtammaan fulintiisa sanadaha soo socda. Akhriso 10 Qodob uu Ka Ballanqaaday Golaha Shacabka: 1. Ku Dhaqanka Dastuurka Dalka Iyo Xeer-hoosaadka Golaha Shacabka:Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan waxaa uu khudbadii murashaxnimada ku ballan-qaaday inuu u hoggaansami-doonno dastuurka dalka iyo xeer-hoosaadka golaha shacabka iyo in howlaha galaha shacabka noqdaan kuwoo waafaqsan dastuurka KMG ah ee dalka iyo xeer-hoosaadka golaha shacabka. 2. Dhameystirka Howlaha Golaha Shacabka: Waxaa Maxamed Mursal ballan-qaaday sidii loo dhameystiri lahaa howlaha qabyada u ah baarlamaanka sida ansixinta xeerarka muhiimka u ah xukuumadda iyo ka miro-dhallinta in dalku nidaam doorasho oo xor ah si shacabka Soomaaliyeed u go’aansadaan in talada dalka ay u doortaan shakhsigii ay doonaan. 3. Ilaalinta Xasaanadda Golaha Shacabka JFS: Maxamed Mursal waxaa uu sheegay inuu ilaalin-doonno xasaanadda dhammaan xubnaha golaha shacabka, isaga oo intaasi raaciyay in aanu ogolaan-doonin in lagu xad-gudbo karaamada xildhibannada golaha shacabka dhinac kasta sida uu qabo qodobka 70aad, faqradiisa 1aad ee dastuurka KMG ah: sida ilaalinta karaamada, codka, aragtidooda iyo soo-jeedintooda si waafaqasan dastuurka KMG ah iyo xeer-hoosaadka golaha shacabka. 4. Daryeelka Caafimaadka Xildhibaannada Iyo Qoysaskooda: Maxamed Mursal waxaa uu Xildhibaannada u sheegay inuu ka shaqeyn-doonno sidii xildhibaannada u heli lahaayeen daryeel caafimaad iyaga iyo qoysaskooda iyo inuu ku dadaali-doonno inay xildhibaannada helaan daryeel caafimaad oo joogta ah iyaga oo kuwa hadda xanuunsanna ay heli-doonaan gurmad caafimaad oo degdeg ah, waxaa kale oo uu ka hadlay in xildhibaannada heli-doonaan xuquuqdooda gaar ah sida mushaaraadkooda iyo waxa kale ee ay xaqa u leeyihiin. 5. Ixtiraamka awoodaha golaha shacabka ee JFS: Maxamed Mursal waxaa uu khudbadiisa ku ballan-qaaday inuu ixtiraami-doonno awoodaha uu golaha leeyahay sida dejinta sharciyada iyo ansixintooda, la xisaabtanka hey’adaha fulinta ee dalka sida uu qabo qodobka 69aad, faqradiisa 1aad xarafka “A” ee dastuurka KMG ah oo qeexaya in golaha shacabka uu leeyahay awood sharci-dejin kaas oo ah inuu ansixiyo, wax ka badalo ama diido sharciyada la horkeenno iyo ixtiraamka awoodaha kale ee dheeriga ah ee golaha shacabka ee ku xusan isla qodobkaas, faqraddiisa 2aad xarafka“B” ee dastuurka KMG ah kaas oo qeexaya awoodda la xisaabtanka iyo korjoogteynta ee hey’adaha dowladda heer qaran gaar ahaan dhinaca hubinta dhaqan-gelinta sharciyada dalka. 6. Wada-shaqeynta Guddoonka iyo Guddiyada Joogtada Ah Ee Golaha Shacabka:Maxamed Mursal waxaa uu ballan-qaaday inuu wada-shaqeyn dhow la yeelan-doono xubnaha kale ee guddoonka golaha iyo guddoomiyeyaasha guddiyada golaha shacabka, isaga oo intaasi raaciyay in maamulka golaha iyo howlihiisa noqon-doonaan kuwoo ku saleysan wada-shaqeyn iyo la tashi iyo in go’aannada la xiriira maamulka noqon-doonaan kuwoo ay isku waafaqsan yihiin xubnaha guddoonka si looga baaqsado inay dhacdo isku dhex-yaac dhinaca maamulka ah. 7. Iskaashiga Golaha Shacabka, Golaha Aqalka Sare Iyo Gololayaasha Shacabka Ee Maamul Goboleedyada Dalka: Maxamed Mursal waxaa uu ballan-qaaday inuu xiriir dhow la yeelan-doonno aqalka sare ee dalka iyo goleyaasha shacabka ee maamul goboleedyada, xiriirkaas oo noqon-doonno mid ku saleysan wada-shaqeyn iyo iskaashi si waafaqsan dastuurka iyo shuruucda kale ee dalka u taalla. 8. Wada-shaqeynta Golaha Shacabka Ee Hey’adaha kale ee Dowladda: Maxamed Mursal waxaa uu khudabdiisa ku ballan-qaaday inuu wada-shaqeyn la yeelan-doonno dhammaan hey’adaha dowliga ah si waafaqsan dastuurka KMG ah ee JFS, isaga oo sheegay in uu la socon-doono shaqada fulinta si loo hubiyo inay shacabka helaan adeegyadii ay dowladda ka sugayeen. 9. La-socodka Dareenka Shacabka Soomaaliyeed: Maxamed Mursal waxaa uu ballan-qaaday inuu la socon-doonno dareenka shacabka Soomaaliyeed iyo inuu xubnaha ku baraarujin-doonno waxa shacabka rabaan, maadaama sida uu sheegay baarlamaanku yahay mid matala guud ahaan shacabka Soomaaliyeed isaga oo golaha la wadaagi-doonna cabashooyin ay Shacabka Soomaaliyeed qabaan si golaha uga doodaan isla markaana looga qaado tallaabooyin ku haboon si waafaqsan dastuurka KMG ah ee dalka. 10. Xoojinta Xiriirka Dibadda Ee Golaha Shacabka JFS: Maxamed Mursal waxaa uu kaloo ballan-qaaday inuu xoojin-doonno xiriirka golaha shacabka la leeyahay baarlamaannada caalamka, dar-dar-gelinta dib u dhiska xarumaha golaha shacabka iyada oo la raacayo heshiisyadii horay loo galay. Xigasho: Goobjoog Caasimada Online Xafiiska Muqdisho CaasimadaQ@live.com
-
Brussels (Caasimada Online) –Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, ayaa magaalada Brussels ee dalka Belgium kula kulmay guddiga ammaanka iyo siyaasadda ee Midawga Yurub (EU PSC), oo ka kooban safiirro si toos ugu jawaaba wasiirrada arrimaha dibadda ee dalalkooda madala. Intii uu socday kulanka, ayaa Ra’iisal wasaare Kheyre waxa uu gudbiyey farriinta dowladda, waxa uuna u cadeeyay in hadda ay jirto rejo wanaagsan oo ku aadan soo kabadashada iyo horumarka dalka Soomaaliya ayna muhiin tahay in rajadaas laga mira dhaliyo, isaga oo xusay in dowladda oo ay ka go’antahay in ay fuliso dhamaan qorshayaasha horumarinta dalka. Safiirrada midawga Yurub ee ku sugnaa kulanka ayaa waxa ay muujiyeen inay si buuxda u taageersanyihiin qorshayaasha dowladda Federaalka Soomaaliya iyo in sida ugu fudud loo hirgeliyo, iyaga si qota dheer u fahmay caqabadaha soo wajihi kara Dowladda inta lagu gudo jiro ka miro-dhalinta qorshayaasheeda. Qodobada ugu muhiimsan ee kulanka lagu falanqeeyay ayaa waxaa kamid ahaa in €100 milyan oo Yuuro oo deeq ah si toos ah loo siiyo dowladda Federaalka Soomaaliya, in €80 milyan oo Yuuro midawga Yurub uu ku bixiyo dadaalada xasilinta dalka iyo in taageero joogta ah la siiyo ciidanka AMISOM. Lacagta sida tooska ah loo siinayo dowladda iyo tan lagu bixinayo Barnaamika xasilinta waxaa la ansixinayaa dhamaadka Bishaan May, iyada doodaha la xariira ka baaraan degidda taageerada joogtada ah ee ciidanka AMISOM ay sii socon doonaan ilaa dhamaanta bisha June ee sanadkaa.
-
Mid ka mid ah kooxda dhanka sharciga ee madaxweyne Donald Trump ayaa sheegay hadal burinaya mid uu horay u sheegay madaxweynaha oo ku saabsanaa 130,000 oo doolar oo la siiyay Stormy Daniels oo ah gabadh aflaanta galmada ah jisha. Duqii hore ee magaalada New York Rudy Giuliani ayaa sheegay in Michael Cohen oo ah qareenka madaxweynaha uu sii bixiyay lacagta gabadha la siiyay, Trump-na uu u celiyay qareenka lacagtaas intii lagu gudo jiray ol’olihii doorashada ee 2016kii. Madaxweynaha Maraykanka ayaa sheegay in uusan waxba kala soconin lacagtaas gabadha la siiyay, laakiin dhawaan ayuu qirtay in “heshiiskaasi” dhacay. Daniels ayaa sheegtay in lacagtaas loo siiyay in aysan kasii hadlin eedaynta ay soo jeedisay ee sheegaysa in ay madaxweynaha gogol dhaaf la samaysay. “Shirkad dhanka sharciga ah ayaa la sii mariyay lacagta, madaxweynaha ayaana dib ka bixiyay” ayuu yiri Giuliani oo la hadlayay telefeshinka Fox News. Ninkan ayaa dhawaan ku soo biiray kooxda dhanka sharciga u qaabilsan madaxweynaha. Wuxuu sheegay in lacagtaas lakala bixiyay “dhawr bilood”. Giuliani wuxuu intaas ku daray in bixinta lacagtaas loo maray waddo sharci ah aysanna ka dhignayn kharash ol’ole doorasho, sababtuna ay tahay “in aysan ahayn lacag ol’ole doorasho loo adeegsanayay”. Michael Avenatti oo ah qareenka Daniels ayaa sheegay in ay tahay in dadka Maraykanku ay ka caroodaan hadalka Giuliani. “Muddo bilooyin ah ayaan saadaalinaynay in dadka Maraykanka looga been sheegay 130kun ee la bixiyay iyo waxa uu madaxweynuhu ka ogyahay arrintaas. Ayuu Twitterka ku soo qoray. Cohen oo ah qareenka madaxweyne Trump ayaa markii hore diiday in uu lacagtas bixiyay ka dibma wuxuu gadaal ka qirtay in uu si shaqsi ah u siiyay Daniels oo magaceeda rasmiga ah yahay Stephanie Clifford, wuxuu sheegay in uu lacagtaas ka bixiyay kaydkiisa bangiga ee khaaska ah bishii Oktoobar ee 2016kii iyadoo gabadha lagaga badalanayay in ay arrinta galmada ka aamusto. Wuxuu diiday in madaxweynuhu uu qayb ka ahaa bixinta lacagtaas. War qoraal ah oo uu soo saaray Cohen oo lagu daabacay wargeyska New York Times ayuu ku sheegay in arrinta lacagta aysan waxba kala soconin ol’olihii doorashada ee Trump iyo shirkadihiisa, wuxuuna intaas ku daray in loo celinin lacagta u gabadha u shubay. Lacagtan ayaa la xiriirtay eedeymo ay soo jeedisay Daniels oo ku saabsan in ay la seexatay Trump sannadkii 2006dii, balse madaxweynuhu wuu diiday eedaymahaas. Bishii Maarso ee sannadkan ayay Daniels maxkamad gaysay dacwad ka dhan ah madaxweynaha, heshiiskii ku saabsanaa in ay arrintan ka aamustana waxay ku sheegtay mid aan waxba ka jirin maadaama oo madaxweynuhu uusan sixiixin.
-
Muqdisho (PP) ─ Maamulka Gobolka Benaadir ayaa munaasab casho sharaf ah u sameeyey Xulka Qaran ee da’doodu ka yar tahay 17 ka sano oo guul taariikhi ah ka keenay koobkii Bariga iyo Bartamaha Qaaradda Afrika ee lagu qabtay dalka Burundi. Munaasabaddan waxaa ka soo qeyb galay Ra’iisul Wasaare Kuxiigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Mudane Mahdi Axmed Guuleed (Khadar), Wasiirka Dhallinyarada iyo Cayaaraha Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye, Taliyeyaasha Ciidanka Booliska iyo Asluubta,masuuliyiinta heer Gobol iyo heer Degmo ee Gobolka Benaadir. Kusimaha Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ahna Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka oo bogaadiyey dadaalkii ay muujiyeen da’yarta Qaranka ee ka qeyb galay Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ayaa sheegay in soo dhaweynta iyo maamuuska sare ee Guddoonka Gobolka Benaadir ay u sameeyeen dhallinyaradaas ay ka tarjumeyso lexjeclada iyo mudnaanta ay shacabka Soomaaliyeed u hayaan. Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa ka warbixiyey dadaalkii iyo garab istaaggii uu u sameeyey Maamulkiisu xulka Qaranka ee ka qeyb galay Koobka Bariga iyo Bartmaha tan iyo markii ay umba baxaayeen dalkaas Burundi, waxa uuna xaqiijiyey in ay sii dardar gelin doonaan qorshayaasha horumarineed ee la xiriira Cayaaraha, maadama ay qeyb weyn ka tahay arrimaha isu soo dhaweeya dhallinyarada iyo guud ahaan bulshada. “Waxaan soo jeedinyaa in aan dhammaanteen kawada shaqeyno sidii dhallinyaradan aan u gaarsiin laheyn in ay dalka iyo dadkaba u soo hoyaan guulo kale oo heer qaarad iyo mid caalamiba ah, sababtoo ah maanta waxa ay inoo caddeeyeen in Soomaaliya ay dib u soo ceshan karto magacii iyo sumcaddi ay ku lahayd dhanka Cayaaraha.” Ayuu yiri Guddoomiye Yarisow. Ugu dambeyn, Munaasabadda waxaa hadallo dhiiri gelin iyo dardaaran ah ka jeediyey qaar ka mid ah masuuliyiinta heer Federaal ee ka soo qeyb gashay, Madaxda Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliya iyo marti sharafta kale ee lagu casumay munaasabadda, iyadoona dhammaan looga mahad celiyey Maamulka Gobolka Benaadir maamuska iyo soo dhaweynta qiimaha badan ee ay u sameeyeen da’yarta Xulka Qaranka Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Xulka Kubadda Cagta ee 17-jirrada Somalia oo Muqdisho loogu sameeyay Munaasabad appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Kooxda kubadda cagta ee Liverpool oo ka dhisan dalka Britain ayaa iska xaadirisay cayaarta kama dambeysta ah ee Koobka Yurub ee loo yaqaan EUFA Champions League, kaddib markii ay xalay ay cayaar adag la yeelatay kooxda Roma eek a dhisan dalka Talyaaniga. Naadiga AS Roma ayaa qaybta hore ee cayaarta weerar xooggan ku qaaday kooxda Liverpool, sidoo kalena kooxda Talyaaniga waxay rabtay inay goolal fara badan la timaaddo qaybta hore ee cayaarta. Bale Sadio Nianglon ayaa kubad isku qalday asigoo khadka dhexe ku sugan waxaana kubaddii lugta ku dhigay Firmino oo baas qurux badan gaarsiiyay Mane, kaddibna shabaqa ku hubsaday daqiiqadii sagaalaad ee cayaarta qaybteeda hore. Sidoo kale, James Milner ayaa gool iska dhaliyay Daqiiqadii 15-aad, kaddib markii kubad uu Lovren uu iska bixin rabay ay madaxa kaga dhacday cayaartana waxay noqotay cayaartu 1-1. Kooxda Liverpool wax cabsi ah ma muujinin, waxaana hoggaanka u soo celiyay Georginio Wijnaldum oo cayaarta 2-1 ka dhigay daqiiqadii 26-aad ee qaybta hore, kaddib markii uu madaxa ku dhaliyay kubad koorno ahayd oo Dzeko madaxa ku dhuftay. Naadiga Roma dadaal dheeri ah ayay muujisay balse ma jirto wax natiijada ay ka bedeleen goolashii ay dhaliyeen, iyadoo Qaybtii hore ee cayaarta lagu kala nastay 2-1 oo ay Liverpool ku hoggaamineyso Qarkana u saaran in ay kama dambeysta koobka horyaallada Yurub u soo baxaan. Sidoo kale, markii la isugu soo laabtay qaybtii labaad ee cayaarta ayay AS Roma dadaalkeeda kordhisay, iyadoo cayaaryaan Edin Dzeko uu cayaarta ka dhigay barbaro 2-2 ah. Radja Nainggolan ayaa mar kale shabaqa Liverpool ku hubsaday kubad taas oo cayaarta ka dhigtay 3-2 ay ku hoggaaminayso cayaarta Kooxda AS Roma inkastoo aysan kooxdu gaarin hadafkeedii. Dhanka kale, daqiiqaddii ugu dambeysan cayaarta ayaa cayaaryahan Radja Nainggolan wuxuu cayaarta ka dhigay 4-2, kaddib markii uu kubad qurux badan daba-mariyay goolahayaha kooxda Liverpool. Ugu dambeyn, Kooxda Liverpool ayaa 7-6 kaga soo gudubtay kooxda Roma afar dhammaadka tartanka UEFA Champions League, iyadoo kooxdan aan laga adkaan inta uu tartanka socday, waxayna ku dhici doontaa Kooxda ka dhisan dalka Spain ee Real Madrid oo iyaduna habeen hore u soo baxday Final-ka koobkan. PUNTLAND POST The post Kooxda Kubadda Cagta ee LIVERPOOL oo u soo baxday Final-ka Koobka Horyaallada Yurub appeared first on Puntland Post.