Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,014
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Gogoshan ayaa waxaa fidisay Beesha Xussen Nuux (Dhaadar) ee Siwaaqroon, waxayna isla Beelaha Siwaaqroon kaga codsadeen in xubinnimada Baarlamaanka sanadka 2019 ee Puntland la siiyo si ay u matalaan mid ka nida labada xubbood ee ay Beeshu Ku ledahay Baarlamaanka Puntland. Gogoshan ayaa Waxaa goobjoog ka ahaa Odayaasha dhaqanka, waxgarad, ganacsatada, dhalinyarada, aqoonyahanada iyo indha geradka belwaynta Siwaaqroon. Odayaasha iyo waxgaradka ayaa madasha Ku kafa guray sidii ay Beelaha Siwaaqroon u heli kahayeen aqoonyahano u matala 2019 Baarlamaanka Puntland, waxayna si weyn usoo dhaweeyeen codsiga Beesha Xuuseen Nuux (Dhaadaar) ay kaga codsadeen xubin ka mida xubnaha beelaha Siwaaqroon ku matalaya Baarlamaanka Puntland. Nabaddoonadii ka soo qaybgalay shirkaas ayaa sheegay in ay ayagu dhankooda siiyeen xubintaas Beesha gogoshaas fidisay ee Xuseen Nuux (Dhaadaar), ayna aad usoo dhaweeyeen musharaxa aqoonyahanka ah Eng. Cabdullaahi Yuusuf Qaylo ee ay beesha (Dhaadaar) doonayso inuu matalo kana mid noqdo xildhibaanada Puntland ee 2019ka. Waxaa shirka furay Cabdixamiid Yuusuf Qaylo asagoo halkaas kusoo bandhigay sidii ay beelaha Siwaaqroon wax usoo qaybsadeen 19 sano ee ay Puntland dhisnayd aysanna beesha (Dhaadaar) wax dowr ah ku lahayn matalaadda dowladda. Sidoo kale Nabaddoon sheekh Yuusuf Muuse ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan Cabdulaahi Yusuf Qeylo oo uu ku tilmaamay shaqsi da’daal badan. Nabaddoon Muuse Aw-xuseen, Cali xoolaside, Maxamed Samatar,Maxamed Jaamac, Buruuj Cali kolan, Siciid Muuse Gaargaar, Cabbane Caynab iyo Waxgarad kale ayaa tilmaamay iney garabtaaganyihiin aqoonyahan Eng.Cabdalla. Gabagabadiina Gudoomiyaha Ururka dhalinyarada Gardafuu ayaa sheegay in ay mudanyihiin xaqna u leeyihiin in Beesha Dhaadaar xubintaas la siiyo, maadaama aysan wali matalin beelaha Siwaaqroon. DAAWO SAWIRRO : Cabdiqani Boos Boosaso The post Mid kamid ah Beelaha Puntland oo kulan ku yeeshay Bosaso appeared first on Puntland Post.
  2. Hay’adda Save the Children ayaa waxa ay ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland labo doomood oo loogu talagalay gargaarka caafimaadka degdegga ah si addeeg caafimaad oo tayo leh ay u helaan dadka deegaanada bariga Puntland, gaar ahaan hooyada iyo dhallaanku. Doomahan ayaa waxa lagu wareejiyey dawladda maantaoo Talaado ah. Waa kuwii ugu horeyey oo noocan oo kale ah oo ay dawladdu la wareegto looguna talagalay in kor loogu qaadoadeega caafimaadka ee gobbolada Bari, Gardafu iyo Karkaar. Waxaa doomaha loo isticmaali doonaa iney soo gaarsiiyaan dadka bukaanka ah oo ay ka mid yihiin hooyooyinka uurka leh iyo carruurta xanuunsan cusbitaalka magaalada Bossaso si loogu daweeyo. Fikradda in lahelo doomahan ayaa waxa lahaa Wasaaradda Caafimaadka Puntland. Dadka deegaanada Xafuun, Baargaal, Qandala iyo Caluula ayaa waxa dhib ka haystaa sidii ay usoo gaarsiin lahayeen dadka bukaanka ah cusbitaalada. In kabadan 36 sacadood ayaa deegaanada qaar loo safra dhanka barriga. Badda ayaa ah waddada ugu dhow ee ay dadka deeganadan isticmaali karaan lakiin ma jirin doomo loogu talagalay gargaarka degdegga ah oo bukaanka soo gaarsiin kara goobaha caafimaadka si ay u helaan daawo. Safarka badda ayaa ah 45 daqiiqo oo kaliya halka uu kan barriguna yahay 36 sacadood iyo wax ka badan. “Hooyooyin badan ayaa naftoodu ku waayi kara dhibaatada wadooyinka ee gobolka ka jira. Waxa aan ka fakarnay qaab loo dhimo karo dhimashada ay sababi karto waddo xumadu, waana sababta aan u keenay doomahan loo isticmaalayo gargaarka degdegga ah,’’ Cabdiqafar Cilmi Xange, hormuudka Hay’adda Save the Children ee Puntland ayaa yiri. “Waxaan rajaynaynaa in ay doomahan badbaadiyaan nolosha hooyooyin badan oo qaarkood uur leeyihiin iyo carruurtooda.’’ Marka laga reebo in ay doonyuhu ka dhakso badanyihiin gaadiidka barriga, waxa kale oo doonyahan laga heli karaa dhammaan adeegyada gargaarka degdegga ah ee uu bukaanku u baahanyahay ka hor intuusan goobaha caafimaadka soo gaarin. Wasiirka Caafimaadka Puntland, Dr. Cabdinasir Cusman Ciise ayaa soo dhoweeyey dadaalka Save the Children, waxa uuna sheegay inay tahay wada shaqayn mudan in lagu daydo, tusinaysana muhiimadda ay leedahay in laga jawaabo baahiyaha jira. “Taageeradan iyo iskaashigan oo kale waxa uu inoo suurta galinayaa in aan badbaadino nolosha dad badan, si gaar ahna waxa inoo soorta galaysa in hooyada uurka leh iyo ilmaheeda oo ay khatar badan soo wajahdo xilliga dhalmada ay badbaadaan.’’ Ayuu yiri Dr. Ciise “Waxa aan u mahad celinaynaa hay’ada Save the Children oo ku deeqday doonyahan. Waxa aan aad u rajeyn wada shaqeynteena ay intaa kasii ballaarato.” Soomaaliya waa mid ka mid waddamada dhimashada hooyada iyo dhallaanku aad u sarreyso. 22 kii dumar ahba mid ka mid ah ayaa khatar ugu jirta inay dhimato xilliga dhalmada. Waxa la qiyaasaa in 732 xaaladood oo dhimasho ah ay dhacdo 100,000 oo xaalad dhalmo. Dhinaca Kale Wasiirka Caafimadka Puntland iyo Masuuliyiintii la socotay ayaa dhagax-dhigay Xarun Caafimad oo laga dhagax-dhigay Xaafadda Al-fardows ee Magaalada Boosaso, iyadoona ay kamid noqon doonto Xaruntan Goobaha loogu adeego Hooyada iyo Dhalaanka. Sida UNICEF laga soo xigtayna, 12kii dumar ahba mid ka mid ah ayaa waxa ay u dhimataa sababo la xiriira uurka. Puntland 38% oo kaliya dumarka ayaa ku dhala cusbitaalada ama ay ka umulisaaumuliso xirfad aqooneed leh. Save the Children waxa ay adeegyada caafimaadka ka shaqaynaysay tan iyo sanadkii 2006. Sanadkii inasoo dhaafay oo ay deeganaada Puntland ka jirtay abaar dad iyo duunyaba samaysay, Save the Children waxa ay adeeg caafimaad gaarsiisay ku dhowaad 1.6 milyuun oo qof. SAWIRRO : Cabdiqani Boos Boosaso The post Save the Children oo Doonyo loogu talagalay gargaarka caafimaadka ku wareejisay Wasaaradda Caafimaadka Puntland appeared first on Puntland Post.
  3. Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed on Monday concluded a two-day state visit to Kenya during which he held talks with his counterpart Uhuru Kenyatta at State House in Nairobi. Source: Hiiraan Online
  4. Nairobi (Caasimadda Online) – Ra`iisul Wasaaraha dalka Itoobiya Abi Ahmed oo booqasho ku jooga magaalada Nairobi ee dalka ayaa madaxweynaha dalka Kenya kala hadlay arimo ku aadan dalkeena Soomaaliya. Waxyaabaha ey isla soo qaadeen labada hogaamiye waxaa ugu waaweynaa xaaladda Ciidamda Midawga Afrika ee AMISOM ey ku shaqeeyaan, Khatarta Alshabaab ee Gobolka, Iyo Khilaafka ka dhex taagan dowladaha Soomaaliya Iyo Imaaraadka Carabta. War murtiyeed si wadajira ay usoo saareen Abi Axmed Iyo Uhuru Kenyaatta ayaa waxaa ay ku sheegeen in Khatarka Alshabaab ee gobolka aan la dhayal-sankarin loona baahanyahay in labada dowladood ay iska kaashadaan iska caabinta xaaladaasi adag. Waxa ay qireen awoodda Alshabaab ee Gobolka iyaga oo hoosta ka xariiqay in xilligan ey muhiimtahay in il gooni ah ay ku eegaan Dhaqdhaqaaqa Al-shabaab. Dhanka kale war mutiyeedkan waxaa looga hadlay AMISOM waxayna isla garteen labada hogaamiye sida lagu sheegay bayaaanka in lasii xoojiyo taageerada Ciidamda AMISOM. Labada hoggaamiyeba waxa ay hoosta ka xarriiqeen in Alshabaab ay weli halis weyn ku tahay Soomaaliya iyo gobolkaba.Sidaasi awgeed, waxa ay walaac ka muujiyeen taageerada cagajiidka ah ee caalamku Soomaaliya siiyo, gaar ahaan maalgelinta caatada ah ee aan la sadaalin karin ee Amisom hesho, taasi oo khatar ku ah guulaha ilaa hadda la gaarey. Sidaasi darteed, labada hoggaamiye waxa ka go’an inay sii wadaan u ololeynta in Amisom hesho taageero ku filan oo joogto ah, taasi oo ay kamid tahay in hawlgalka la siiyo hub awooddooda sare u qaada, iyo weliba tabbabarka ciidamada amniga Soomaaliya. Hoggaamiyayaashu waxa ay walaac ka muujiyeen saamaynta danaha dibadeed ee damacsan sii curyaaminta Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa lagu wadaa in ay xayiraaddii saarneyd Xoolaha Soomaaliya ay qaaddo iyada oo muddo dhawr sano ah aan Xoolaha Soomaaliya loo dhoofin Sacuudiga. Ilo ku sugan dalka Sacuudiga kana mid ah Ganacsatada Xoolaha ee ku nool dalka Sacuudiga ayaa sheegay 1-da Bisha Ramadaan ay Dowladda Sacuudiga go’aansatay in ay xayiraadda ka qaaddo Xoolaha Soomaaliya. Wasaaradda Beeraha iyo Xoolaha ee Sacuudiga ayaa sheegtay in baaritaan dheer ay ku sameysay waxyaabaha sababay markii horeba joojinta dhoofka Xoolaha Soomaaliya iyada oo markii hore la sheegay in Cudurro laga helay. Inta badan Xoolaha Soomaaliya waxaa laga dhoofiyaa Dekadaha Berbera, Boosaaso, Muqdisho iyo Magaalooyin kale waxaase ay hakad ku jireen muddo dhawr sano ah. Mid ka mid ah Ganacsatada Xoolaha ee ku sugan Sacuudiga ayaa u sheegay Warbaahinta in inta Xoolaha Soomaalida ay xayiraadda saarneyd uu Sacuudiga ka dhoofsan jiray dalka Jabuuti. Xiriirka ganacsi oo wanaagsan ayaa ka dhaxeeya dalalka Somaliya iyo Sacuudiga, waana midda keentay in hadda uu Sacuudiga wado qorshahaha ku aadan in la qaado Xayiraadaasi.
  6. Nauru (Caasimada Online) – Qaxooti u dhashay dalalka Soomaali iyo Iran ah oo ku sugan xeebaha dalka Nauru ee ku yaalo koonfurta badweynta Pacific-ga ayaa la sheegayaa in imtixaankii dib-u-dejin loogu sameyn lahaa Mareykanka lagu riday. 150 qaxooti ah ayaa loo ballamiyay imtixaanka, waxaana lagu waramayaa in lagu riday imtixaanka dadka ka soo jeeda dalalka Soomaaliya iyo Iran. Dadka imtixaanka lagu riday waxaa ka mid ah qoysas iyo caruur, sida laga sheeganaya haweeneyn Iran ayaa Isniintii isku-deyday inay is disho kadib markii ay ku dhacday Imatixaanka. Dalka Iran keliya waxaa ay matalaan saddex u dhig hal meel dadka ku sugan Nauru, Wararka waxaa ay sheegayaan in la aqbalay 155 qof oo qaxooti tan iyo markii uu barnaamijkan bilowday 2016-kii, laakin mar haddii la diiday qaxootiga Soomaalida iyo Iran waxaa muuqato in heshiiskii loo yaqaanay “Heshiiska qaxootiga ee Australia inuu burburay.
  7. A bid by Nairobi to host a high profile United Nations field missions co-ordination office that is presently located in Entebbe, Uganda, has sparked a diplomatic row with Kampala terming it an “unfair” gesture from one of two “friendly neighbours”. Source: Hiiraan Online
  8. Kenya could be staring at a health crisis as raging floods that have wreaked havoc in many parts of the country threaten to unleash a wave of communicable diseases like cholera, typhoid, malaria and flus. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in Sarkaalka ONLF C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax) uu aqbalay inuu ka tanaasulo fekerkiisa ku aadan ONLF. Wararku waxa ay tibaaxayaan in Qalbi Dhagax uu qirtay dhammaan danbiyadii ay ku eedeyneysay dowlada Ethiopia, kadib markii uu horay u beeniyay ku lug lahaanshiyihiisa. Illo wareedyo ku dhow dhow Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe, qeybna ka ahaa socdaalkiisa Ethiopia ayaa inoo xaqiijiyay inuu jiro isbedel weyn oo ku imaaday fekerka Qalbi Dhagax. Waxa ay sheegen illo wareedka in Qalbi Dhagax uu tanaasul ka muujiyay arrimo dhowr ah oo ay kamid tahay wada shaqeyntii kala dhexeysay ONLF. Waxa ay qireen inay u badan tahay in Qalbi Dhagax laga sii daayo Xabsiga, iyadoo ay intaa dheertahay wadahadal ay Jubbaland ku dooneyso in Ethiopia kusii deyso Sarkaalka. Sidoo kale, haddii lagu guuleysto deysmada Qalbi Dhagax, ayay xaqiijiyeen in sarkaalka laga sugaayo inuu dhex dhexaad ka noqdo Dagaalka Ethiopia kala dhexeeya Jabhada dib u xoreynta ONLF ee aadka uga soo horjeeda Xasiloonida dalka Ethiopia. Si kastaba ha ahaatee, waxaan la xaqiijinkarin in Sarkaalka Qalbi Dhagax uu Ethiopia la shaqeyn doono haddii uu ka laabto fekerkiisa ku saleysan ONLF, waxaana suuragal ah in aamusnaan uu ku bedesho xoriyadiisa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Daruuf adag ayaa soo food saartay isbitaalka guud ee caasimada Dawlada Puntland ee Garowe markii isbitaalka laga waayey dhamaan adeegyadii asaasiga ahaa ee uu dadweynaha u qaban jiray, ayna inta badan joojiyeen dhakhaatiirtii ka shaqayn jiray inay u shaqa tagaan. Isbitaalka ayaa laga jartay biyihii, waxaana soo food saaray daruuf dhaqaale oo adag, waxaana la waayey dhamaan dhaqaalihii lagu fulin lahaa adeegyada Isbitaalka ka socda, dhakhaatiirtii iyo kal-kaalisooyinkii ka hawlgeli jirey isbitaalka ayaa intooda badan joojiyey shaqadii ay ka hayeen. Maxaa sababay in Isbitaalka Garowe uu qarka u saaran yahay inuu is xiro? Dhamaan hay’adihii caawin jirey isbitaalka ayaa joojiyey caawimadii ay ku bixin jireen, inkastoo sanadihii u danbeeyeyba uusan Isbitaalku wax badan ka helin hay’ado caalami ah hadana marba meel ayey xaaladiisu soo maraysay, waxaana muuqata inuu maanta taagan yahay meeshii ugu danbaysay, iyadoo sababta ugu weyna tahay daruufaha dhaqaale ee soo food saaray. Wasaarada Caafimaadku shaqadeedii ma gabtay? Xarunta dhexe ee Wasaaradda Caafimaadku way u muuqataa isbitaalka guud ee Garowe, sidoo kale illaa shan kamida masuuliyiinta ugu saraysa wasaaradan oo ay kamid yihiin Wasiirka iyo agaasimaha guud waxay kasoo jeedaan magaaladan, waxaana muuqata iskadaa wasaaradu inay wax ka qabato caafimaadka degaanada fog-foge waxay ku guul daraysatay inay adeeggii asaasiga ahaa siiso isbitaalka magaaladii saldhiga u ahayd wasaaradan, waxaana marag madoonta ah inaysan Wasaarada caafimaadku masuuliyad iska saarin daryeelka xarumaha caafimaadka guud ahaan Puntland, taasina waxay ka marqaati kacaysaa inay ku guul daraysatay wax yaabihii loo igmaday. Saamayn intee le’eg ayey isbitaalka ku yeesheen xarumaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay? Inta badan maamulayaasha Isbitaalka guud ee Garowe iyo madaxda ugu saraysa Wasaarada Caafimaadku waxay bartamaha magaalada ku leeyihiin xarumo caafimaad oo ay gaar u leeyihiin, sidoo kale dhamaan dhakhaatiirta ka hawlgala isbitaalka guud waxay sidoo kale ka shaqeeyaan xarumahan gaarka loo leeyahay, waxaana muuqata masuuliyiintii loo igmaday adeegga dadweynuhu inay tan guud ka door bidaan sidii ay si wanaagsan ugu socon lahaayeen kuwooda gaarka ah. In badan oo kamida dadweynaha magaalada Garowe waxay aaminsan yihiin in Isbitaalka loo dayacay sababo la xiriira dano gaara iyo sidii loo socodsiin lahaa goobaha ganacsiga u furan. Doorka maamulada Gobalka Nugaal, degmada Garowe iyo dadweynaha Sidoo kale waxaa meesha ka baxay dhamaan doorkii maamulka gobalka Nugaal iyo kan degmada Garowe, waxayna masuuliyiintani ku hawlan yihiin wax yaabo aan muhiimad badan lahayn, halkii ay maanta wax ka qaban lahaayeen xaaladan adag ee soo food saartay Isbitaalka, mararka qaar waxaa la is waydiin karaa tolow masuuliyiintani ma oga miyaa in hagaajinta caafimaadku kamid tahay tirarka ugu waaweyn ee masuuliyadooda shaqo. Sidoo kale waxaa muuqata inay meesha ka maqan tahay guud ahaan doorkii ay dadweynuhu ku lahaayeen wax ka qabashada iyo taageerada isbitaalka, odadayaasha magaalada, dhalinyarada, ganacsatada iyo bahda caafimaadka magaalada ayaan wax masuuliyada iska saarin xaalada adag ee isbitaalka ka taagan. Isku soo wada duubo xaaladan ka taagan Isbitaalka guud ee magaalada Garowe ayaa kusoo aadaysa xili lagalay wakhti roobaadkii markasta oo roobabku bilowdana waxaa siyaada daruufaha caafimaad ee soo wajaha dadka danyarta u badan oo ahaa dadweynaha ugu badan ee uu isbitaalkani u adeegi jirey. PUNTLAND POST The post Isbitaalka guud ee magaalada Garowe oo qarka u saaran in albaabada loo laabo appeared first on Puntland Post.
  11. Donald Trump’s Muslim travel ban is influencing Australia’s offshore processing system – with all Iranian and Somali refugees rejected for resettlement in the US. Source: Hiiraan Online
  12. Japan and North Korea should begin talks to normalise relations between the two countries and contribute to peace and stability in the region, South Korean President Moon Jae-in told a Japanese newspaper on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  13. Mogadishu (HOL) - Automotive giant Toyota Motor Corporation has officially resumed its operations in Somalia on Monday after a 27-year hiatus. Source: Hiiraan Online
  14. President Donald Trump will announce on Tuesday whether he will withdraw from the Iran nuclear deal and a senior U.S. official said it was unclear if efforts by European allies to address Trump’s concerns would be enough to save the pact. Source: Hiiraan Online
  15. Kismaayo (PP) ─ Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam oo warbaahinta kula hadlayay Kismaayo ayuu ka hadlay arrimo fara badan oo khuseeya xaalada siyaasadeed ee waddanka ka jirta. Axmed Madoobe ayaa markii u horeysay ka hadlay arrinta Khaliijka, isagoo soo hadal qaaday go’aankii dowladda Federaalka ka qaadaya khilaafka Khaliijka ee dhex dhexaadnimada ahaa. Waxaa uu sheegay inuu ahaa dadka markii hore ku taliyay in khilaafka meel dhexe laga istaago, hase ahaatee halkii shalay qorshuhu ahaa aanu ku socon, isla markaana dowladda ay kala xigsatay, dhanka Qatar ay jufo la noqotay sida uu yiri. Axmed Madoobe ayaa sheegay in aanay sax aheyn in dagaalka Khaliijka loo soo xawilo Somaaliya, hadii ay noqoto Qatar, Imaaraad iyo Sacuudiga. Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Imaaraadka Carabta ay tahay meeshii ay tallaay hantida umadda Soomaaliyeed iyo xawaaladaha. “Xagee tahay inaan u xillano shey sax ah ma ahan, dhex dhexaadnimadii waa laga baxay, dowladda Qatar ayay jufo la noqotay, arrintaas dariiq sax ah haku soo noqoto, maanta Imaaraad ayaa wax nooga tarsan,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Ugu dambeyn, Wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in shaqada dowladda ay noqoto baraha bulshada iyo Facebook, isla markaana nidaamka iyo maamulka uu ka baxo dhinacaas. DHAGEYSO: Shirka Jaraa’id ee Madaxweynaha Jubbaland A. Madoobe http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/05/DHAGEYSO_shir-jaraaid-Axmed-Madoobe-Kismaayo.mp3 PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Jubbaland oo eedeyn kulul u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  16. Four buildings in Cedar-Riverside to get $825,000 for better security. Source: Hiiraan Online
  17. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre ayaa maanta kormeer ku tagay xarunta xisbiga ee Muqdisho oo ay ku sugan yihiin ciidanka xasilinta amniga caasiamda, waxaana booqashadiisa ku weheliyay Wasiir ku xigeenka Amniga, Xildhibaano, Taliyaha Ciidanka Asluubta iyo Guddoomiyaha Gabalka Benaadir ahana Duqa Caasimadda Muqdisho. Khayre ayaa warbxinno ku saabsan amniga dalka gaar ahaan caasimada Muqdisho ka dhagaystay taliyayaasha ciidanka,waxayna tilmaaeen in si wanaagsan loo wado howlaha amni ee magaalada, iyagoona cadeeyay in ay dajisteen qorsheyaal lagula soconayo guud ahaan amniga gobolka, gaar ahaan bisha Ramadaan iyo dhaq-dhaqaaqayada cid-walba oo doonayso in ay carqaladayso amniga gobolka. Sidoo kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa mahad-celin ka dib waxuu boggaadiyay howlaha muhiimka ah ee ay qabtaan ciidamadda Soomaaliyeed, taas oo shacabkuna ay ku qanacsan yhihiin sida ay ugu adeegaan meel-walba oo ay joogaan. Isagoona ku dhiiri galiyay in sii labo jibaaraan shaqada ay qaranka u hayaan. “Wada-shaqaynta maamulka gobolka Benaadir iyo ciidanka xasilinta Muqdisho waxay ka turjumaysaa dadaalka loogu jiro in la soo celiyo amaanka magaalda oo waayahan laga shaqeynaayay, shacabka Soomaaliyeed dhammaantoodna waxaan faraynaa in la shaqeeyaan ciidanka,” ayuu yiri Khayre. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha Somalia ayaa ciidanka u soo jeediyay in ay aad u ilaaliyaan shacabka ay amnigooda suagayan si wanagsan ay ula macaamilaan marka ay shaqada ku jiraan, si ay sacabku ugu kalsoonaadaan ciidamada ka dibno loo helo wadashaqay buuxda. Ugu dambeyn, waxaa isagana goobta ka hadlay Duqa Muqdisho, C/raxmaan yariisoow oo kula dardaarmay ciidamada inay xoojiyaan ammaanka guud ee caasimadda, si looga hor-tago kuwa dhibaatooyinka ka geysanaya, isla mar ahaantaana shacabka loo badbadiyo. PUNTLAND POST The post RW KHAYRE: Ciidamadu ma ahan inay shacabka cabsi geliyaan, balse waa inay u shaqeeyaan appeared first on Puntland Post.
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha baarlamaanka Somalia Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa daboolka ka qaaday inuu ku dhaqaaqayo baaritaano degdeg ah oo lagu xaqiijinaayo lacago bil waliba laga jari jaray Xildhibaanada. Guddoomiye Mursal ayaa hadalkaan u sheegay Xildhibaanada maalinimadii shalay, waxa uuna tilmaamay inay doonayaan in meel lagu soo hubsado lacagtaasi oo Xildhibaanada laga qaadi jiray min 100$ bil waliba ah. Guddoomiyaha ayaa sheegay in baaritaankooda uu noqon doono mid ku qotomo halka la marin jiray lacagtaasi oo dhowrkii sano ee ugu danbeeyay laga qaadi jiray Xildhibaanada. ‘’Lacagtaan waa min 100 boqol dollar bile aheyd waxaan dooneynaa inaan ogaano halka ay ka bixi jirtay iyo baahida keentay in Xldhibaanada laga jaro lacagta’’ Sidoo kale, Guddoomiye Mursal ayaa Xildhibaanada ugu baaqay inay noqdaan kuwii u dulqaadan lahaa baaritaanka si loo xaqiijiyo halka ay mari jirtay lacagta. ‘’Waxaan Xildhibaanada ka dalbanayaa inay muujiyaan dulqaad baaritaankeenu waxa uu banaanka soo dhigi doonaa xaqiiqda jirta si aan u wada ogaano halka ay mari jirtay lacagtaas’’ Shalay ayaa Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka waxa ay shaki geliyeen halka ay ku baxday lacag gaareyso afar boqo iyo afartan kun oo doolar oo gudaha golaha ku maqan tahay. Dhinaca kale, Guddoomiye Mursi ayaa sheegay in lacagtaas laga jari jiray Xildhibaanada uu bilaabay Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, hase ahaatee aan la ogeyn halka la marin jiray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Workmen on Monday put up street signs to the US embassy due to open in Jerusalem in one week, a move hailed as historic by Israel but loathed by Palestinians. Source: Hiiraan Online
  20. Some 5,000 Somali families have availed of the aid provided by a joint Qatari-Turkish campaign to help flood victims in Baldwin, Somalia. Source: Hiiraan Online
  21. NAIROBI, May 7 (Xinhua) -- Kenyan President Uhuru Kenyatta on Monday mourned the death of nine soldiers who were killed after the vehicle they were traveling in was hit by improvised explosive device (IED) near the Somalia-Kenya border on Sunday. Source: Hiiraan Online
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Uhurro Kenyatta Madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay xasuuq loo geystay ciidamo ka tirsan dalkiisa. Kenyatta ayaa sheegay in Qaraxii lagu laayay ciidamadiisa ee ka dhacay degmada Dhoobley ee gobolka Jubabdda Hoose uu aha mid ay al-Shabaab ku niyad jabisay ciidanka. ‘’Waxa uu ahaa fal xanuun iyo niyad jab u geystay ciidamadeena, waayo waxaa lagu waayay naf’’ Kenyatta ayaa sheegay in uu Murugadda la qeybsanaayo qoysaska Askartii ku dhimatay Dhoobley, islamarkaana ay ka go’an tahay in ay sii waddaan howlgalkooda Somalia. Ciidamada Kenya ayaa qeyb ka ah Ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Soomaaliya, waxaana inta badan ay ku sugan yihiin degaanada maamulka Jubbaland. Weerarkaan oo ahaa Qarax ayaa waxaa lagu dilay 7 Askari oo xiligaa ku howlaneed howlgal, halka ay maleeshiyaadka al-Shabaabna sheegteen inay ku dileen ku dhawaad 15 askari. Docda kale, Kenyatta ayaa ku goodiyay inay jawaab celin ka sameyn doonaan falka lagu laayay ciidamadiisa, waxa uuna dusha u saaray al-Shabaab, oo markeedii horaba sheegatay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe ayaa ka digay in Somalia ay xilliggaan faraha la gasho Cakirnaan Siyaasadeed. Waxa uu sheegay Madoobe in waxyaabihii maalmihii lasoo dhaafay soo baxaayay ay yihiin kuwo Soomaaliya dib u celinaya. Axmed Madoobe, waxa uu ugu baaqay Madaxda Soomaalida ay in wakhti badan ku bixiyaan sidii Soomaaliya ay horumar u sameyn laheyd laakiin aysan wakhti ku bixin wax dumin. Wuxuu sheegay in dowladda Somalia ay wadatashi kala yeelatay qaabka loo wajahaayo khilaafka wadamada Khaliijka ee sababay in Imaaraadka,Sacuudiga iyo Masar ay xiriirka ugu jareen Dowladda Qatar. Madoobe waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia uu arrintaasi ka siiyay tallooyin wanaagsan, hase ahaatee aysan meel kasoo qaadin tallooyinka. Nuqul kamid ah haddalkiisa ayaa ahaa “Runtii xiligii uu khilaafka bilaabanayay Farmaajo Imaaradka ayuu ku sugnaa waxa uu igala tashaday waxa laga yeelayo waxaana u sheegay in dowladdu ay ka fiirsato go’aankeeda’’ ‘’Tallooyinkeygu waxaa kamid ahaa inay dhex dhexaad ka noqoto khilaafka khaliijka si xal buuxa loo gaaro laakin sidii aan rabay manoqon waayo dowladdu waxa ay la safatay jufo gaar ah oo ah Qatar” Sidoo kale Axmed Madoobe ayaa ku eedeeyey Madaxda dowladda in sidii uu qorshaha ahaa khilaafkii wadamada Khaliijka ay waxka bedeleen,isla markaana ay la safteyn dowladda Qatar oo uu sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan waligeyd waxba u qaban. Waxa kaloo uu yiri madaxweynaha maamulka Jubbaland khilaafka kala dhaxeeyana qaar ka mid ah dowlada Khaliijka dowlada Soomaaliya gacmaheeda ay ku raadsatay. Axmed Madoobe ayaa dhanka kale eedeeyay wafdigii gurmadka Qaran ee fatahaadaha ee dhawaan booqday magaalooyin katirsan gobolka Gedo, kuwaas oo qiimeynayay xaalada dhabta ah ee ay ku noolyihiin dadkii ka barakacay fatahaada Wabiga Jubba iyo saameyntii ka dhalatay fatahaadaasi. Hadalka Axmed Madoobe ayaa ku soo beegmaaya xilli weli uu taagan yahay khilaafka u dhaxeeya dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Imaaraadka Carabta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Wiil 13 jir ah oo ku sugan gobolka Alabama ee dalka Maraykanka ayaa soo naaxay waxyar uun ka dib markii ay waalidkii sixiixeen waraaqo ay ku caddaynayaan in ay si mutadawacnimo ah u bixiyeen xubnaha jirkiisa si looga faa’iideeyo bukaanno kale. Trenton McKinley ayuu dhaawac culus ka soo gaaray maskaxda ka dib markii uu dhulka ku dhuftay madaxa bishii Maarso. Dhakhaatiirta ayaa waalidkii u sheegay in uusan ka kacaynin dhaawaca soo gaaray oo uu u dhiman doono, waxayna intaas ku dareen in xubnaha jirkiisa ay is waafaqeen shan carruur ah oo xannuunsan oo sugaya in xubno loogu deeqo. Maalin ka hor markii la qorsheeyay in laga saaro qalabkii uu ku neefsanayay ayuu billaabay in uu dareen muujiyo. Wiilkan yar ayaa aad uga dhaawacmay madaxa. Trenton McKinley hooyadii ayaa sheegtay in wixii intaas ka dambeeyay uu wiilkeedu galay qalliino kala duwan markaas ka dibna ay kalyihii hawlgabeen wadno xannuunna uu soo wajahay. Reindl ayaa sheegtay in wiilku uu mayd ahaan u saarnaa miiska 15 daqiiyo, dhakhatiirtuna ay ku wargaliyeen “in uusan waligii caadi ku soo noqon doonin”. Reindl ayaa CBS News u sheegtay in ay markaas ogolaatay in ay sixiido in ay si mutadawacnimo ah u bixiso xubnaha jirka wiilkeeda laguna wareejiyo shan carruur ah. “Waxaan sidoo kale ogolaanay in Trenton lagu sii rakibo qalabka uu ku neefsanayo si uu u sii neefsado xubnaha jirkiisana loo bixiyo” Intaas ka dibna Reindl ayaa ka sheekaysay sidii uu wiilkeedu u soo naaxay ama u soo miyirsaday bishii Maarso. Waxay tiri maalinta xigta ayuu lahaa baaritaankii maxkaxeed ee ugu dambeeyay marka xubnaha jirkiisa ee muhiimka ah ayaa dhaqdhaqaaqay sidaas darteed ayayna u baajiyeen baaritaankii. Trenton ayaa hadda tartiib tartiib u soo kabanaya. “Madaxa ayaan shub ku dhuftay gaariga alaabta lagu jiido ayaana korka igaga dhacay, intaas wixii ka dambeeyayna waxba kama xasuusto ayuu yiri” ayuu yiri Wali neerfaha ayaa xanuuna wuuna wareeraa wuxuuna u baahan doonaa qalliin kale. Wuu socon karaa, wuuna hadli karaa, waxbuu akhrinkaraa oo xitaa xisaab ayuu ka shaqayn karaa, ayay tiri Reindl waxayna arrintaas ku tilmaantay mucjiso”. Trenton laftirkiisa ayaa WALA u sheegay in uu isu haystay in uu janada joogo intii uu miyir daboolnaa. “Sidii ruux meel bannaan ah ku lugaynaya ayaan ahaa” ayuu yiri wiilkan 13 jirka ah “Sharaxaad kale uma baahna ee arrib Illaahay ayay ahayd.” Qoyska wiilka ayaa lacag ku aruurinaya Facebook si ay ugaga bixiyaan kharashaadka caafimaadka ee uu u baahan yahay. ISHA BBC
  25. Muqdisho (Caasimada Online) – Xukuumada Somalia ayaa la xaqiijiyay inay bilowday qorshaha lagu magacaabi lahaa Safiirada u fadhiya caalamka intiisa kale. Qorshaha cusub ee xukuumada ayaa waxaa barbar socda xil ka qaadista Safiiro hor leh oo iminka ku magacaaban ilaa 7 Safaaradood, kuwaa oo u badan garabka dowladii hore ee Damul-Jadiid. Safiirada cusub ee la magacaabayo ayaa waxaa ku jira Siyaasiyiin xilal hore uga soo qabtay dowladihii hore, halka ay jiraan wajiyo cusub oo kasoo dhex muuqan doona Safiirada la magacaabayo. Waxaa ku jira Safiirada cusub Taliyayaal ciidan oo horay ula soo shaqeeyay Talisyada Militeriga iyo Booliska, kuwaa oo dhawaan waayay xilalkooda. Xukuumada Somalia, gaar ahaan Wasaarada Arrimaha dibadda ayaa iminka diyaarisay ku dhawaad 16 Safiir, oo u badnaan doona dalalka ay Somalia kala dhexeyso xiriirka sida Carbaha iyo Africa. Sidoo kale, magacaabida iyo xil ka qaadista ayaa markii hore saameyn ku yeelatay buuq Siyaasadeedka ka dhex aloosnaa Xukuumada iyo baarlamaanka Somalia oo saameeyay dadaaladii lagu dhisi lahaa Siyaasada arrimaha dibadda. Ma cadda in shaqsiyaadka la magacaabi doono ay kasoo dhex muuqan doonaan qurba joog ku cusub Siyaasada Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com