-
Content Count
212,014 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkey Rajap Dayyip Erdogan oo ka hadlay arrinta Qudus iyo Falastiin ayaa waxa uu yiri, “Mustaqbalka bini-aadminimada waxa go’aamin doonaa natiijada imtixaanka kasoo baxda mawduuca Falastiin iyo Qudus,ama bini’aadamnimadu waxay u dhaqaaaqi xagga iftiinka,madaxbanaanida,dhaqanka toosan, ama caddaalad darrada iyo dulmi “. Erdogan ayaa waxa uu hadalkan ka jeediyay xilli uu ka qayb qaadanayay munaasabadda Mashruuca loogu magac daray “Mount of Olives Peace Awards”,oo ka qabsoomay magaaladda Istanbul ee dalka Turkiga. Waxa uu intaa ku daray oo uu yiri”Arrinta Falastiiniyiinta iyo Qudus maaha kaliya arrin qaran gaar ah, gobol ama magaalo,Falastiiniyiintu waxay summad u yihiin dhammaan dadka dulman ee dunida oo dhan sababo la xiriira xadgudubyada, xasuuqyada iyo caddaalad darrada ay la kulmaan “. Waxa uu intaa raaciyay oo uu yiri”Aamusnaanta beesha caalamka ee tobonaanka shahiiday, kumanaanka dhaawacmay ee reer Falastiin waxa ay tilmaameysaa mustaqbal qofna ama bulsho aynan si nabad ah u noolaan doonin”. Erdogan oo hadalkiisa sii wata ayaa milicsaday dhacdooyin: “Waxa ka dhacaya Falastiin, gaar ahaan Qudus, waxa uu ku yimid oo uu qayb ka yahay dadaallada kuwa dulmiga wada si ay u sharciyeeyaan ama xataa ay u abuuraan caddaalad darro.” Madaxwayne Erdogan ayaa waxa uu sido kale tilmaamay in aynan dhici karin inuu sii socdo nidaam kaga tagaya nabadgalyada dalalka dunida mid u garbo duuban dano iyo xitaa waxa ay jecel yihiin 5 dal oo kaliya,waxana uu cadeeyay in dib-u-habeeyn lagu sameeyo Qaramada Midoobay oo noqotay mid lagama maarmaan ah. Erdogan ayaa waxa uu intaa raaciyay oo uu yiri”Waxa uu gaaray istus tuska beesha caalamku gaar ahaan ururada ay khusayso nabadda iyo arimaha ilaalida bini’aadanimada , heer aanan loo dul qaadan karin,waxana annagu aan sheegaynaa inaan kasoo horjeedno arrintaa oo aan leenahay caalamku uu ka wayn yahay dalal ka kooban 5 kaliya”. Erdogan ayaa waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay : “Waxaan sii wadi doonaa inaan adeegsano awoodeena iyo karaankeena si aan ugu faa’iidadayno bini-aadanka ah gaar ahaan walaalaheena Falastiiniyiinta,Syrian ka iyo Afrikaan ka, waxaanan sameeyn doonaa wixii karaankayaga ah ee aan awoodno si aan u garab joogsano kuwa dulman”. By: Abdiaziz Hassan Ibrahim (Loyal) E-mail: Abdiazizh99@gmail.com
-
New York (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa ku dhawaaqay in Mareykanka uu ka baxayo heshiiskii Niyuklerka ee ay wadamada reer galbeedka la galeen wadanka Iran. Mr Trump waxaa kale oo uu sheegay in Mareykanka uu cunaqabetyn horleh kusoo rogi doona dalka Iran, oo uu ku tilmaamay inay argagixisada taageerto. Madaxweyne Trump oo heshiiskaasi ku tilmaamay mid mussiibo ah ayaa sidoo kale sheegay in heshiiskaasi dhanka Niyuklerka ee Iran uusan Iran ka hor istaageyn inay yeelato hub Niyukler, waxaana uu intaa raaciyay in heshiiskaasi uu yahay mid hal dhinac u xaglinaya oo xitaa haddii Iran ay u hogaansato heshiiskaasi uusan wax nabad ah soo kordhin doonin. Madaxweynaha Iran, Hassan Rouhani oo hadlay daqiiqado un kadib markii Trump uu ku dhawaaqay go’aankaasi ayaa sheegay in Iran ay kusii socon doonto heshiiska, oo halkaasi ay kasii amba qaadi doonaan iyaga iyo dalalkii kale ee qeybta ka ahaa heshiiska. Hogaamiyeyaahsa dalalka Fransiiska, Jarmalka iyo Ingiriiska ayaa muddoyinkii dambe waday dedaalo ay ku doonayeen in Madaxweyene Trump uusan ka bixin heshiskaasi. Hasayeeshe waxaan ilaa iyo imika aan kala cadeyn waxa xiga iyo tallaabada xigta ee ay qaadayaan dalalka qeybta ka ahaa heshiiskaasi, madaama Trump uu sheegay in sidoo kale cunaqabateyn ay kusoo rogi doono dalalka kale ee xiriirka dhaqaale la sameeya Iran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shacabka Reer Muqdisho oo u jawaabay Axmed Madoobe.
-
President Trump declared on Tuesday that he was pulling out of the Iran nuclear deal, unraveling the signature foreign policy achievement of his predecessor, Barack Obama, and isolating the United States among its Western allies.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha dalka Kenya Uhurro Kenyatta ayaa khasriga dalka Kenya ku qaabilay Ra’isal wasaaraha Ethiopia Abiye Axmed. Labada mas’uul ayaa kawada hadlay xiriirka labada dal, Arrimaha Somalia iyo Khilaafka Imaaraadka kala dhexeeya Somalia. Uhurro Kenyatta ayaa Mr Abiye Axmed u sheegay in la doonaayo muujinta xiriirka labada dal iyo kor u qaadista wada shaqeynta waxa uuna ku taliyay inaan laga dhex shaqeyn labada dal. Kenyatta ayaa Abiye Axmed u sheegay in mowqifka Kenya uu yahay in ciidamada AMISOM ay kusii nagaadan gudaha iyo daafaha Somalia, maadaama ay weli jiraan weeraro ay qaadayaan al-Shabaab. Waxa uu Kenyatta tilmaamay in ciidamada Kenya ay kasii howlgali doonaan Somalia, inta xal waara looga helaayo dhaqdhaqaaqa al-shabaab. Kenyatta iyo Abiye Axmed, ayaa isla soo hadalqaaday Khilaafka ka dhexeeya Somalia iyo Imaaraadka waxa uuna si xoogan u difaacay go’aanka ay Somalia ka qaadatay faragalinta Imaaraadk. Imaaraadka ayuu sheegay inuu ka talaabay xeendaabkii loogu tallo galay, sidaa aawgeed ay talaabadaasi ku taageerayaan Somalia. Abiye Axmed, ayuu uga digay faragalin ay dowladiisa ku sameyso arrimaha Somalia, maadaama ay Somalia cagta saareyso wadadii burburka. Abiye Axmed, ayuu sidoo kale ugu baaqay inaanu dhex dhexaad ka noqon arrimaha Somalia iyo Imaaraadka, waxa uuna u cadeeyay in Somalia lagu xadgudbay Qaranimadeeda. Sidoo kale, Ra’isul wasaare Abiye Axmed ayaa Kenyatta u ballanqaaday inuu dhinac ka noqon doona arrimaha Somalia si ay Somalia ugu filnaato arrimaheeda. Si kastaba ha ahaatee, Kenyatta iyo Abiye Axmed ayaa mowqif ahaan isku raacay in Somalia aan la faragalin, isla markaana loo qasbin dowladaha Carbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Muuqaalkan oo ay baahisay Wakaaladda wararka Acmaaq ee Daacish ayaa la arkayaa ninka ay sheegeen inuu ka tirsanyahay sirdoonka Somalia oo gaari PL ah qeybta hore ka saaran isla markaana mar qura uu rasaas ku bilaabayo nin koofi wata oo ku hubeysnaa bistoolad Kooxda Daacish ayaa dilkan ka fulisay suuqa Bakaaraha sida ku qoran muuqaalka waxana uuna dilka dhacay maalinimadii shalay ahayd. Ninka toogashada geysanaya oo u muuqday nin gaariga ka degay ayaa isagoo bac kuwata gacanta waxa uu rasaastay ku bilaabayaa ninka ay ku sheegeen sarkaalka ka tirsan sirdoonka Somalia isagoo dhowr xabadood kaga dhufanaya qeybaha sare ee jirka Muuqaalka ayaa laga duubay ninka dilka fulinaya ayaa u muuqda mid uu ka duubay qof kale oo la socday gacan ku dhiiglaha dilka u geysanaya ninka ay ku sheegeen sarkaalka ka tirsan sirdoonka Somalia oo u muuqday qof dhallinyaro ahaa inkastoo aanan wajigiisa si fiican loo arki karin Waa muuqaalkii labaad oo ay kooxda Daacish duubto iyadoo dil fulineysa,dhawaan ayay ahayd markii muuqaal kan lamid ah ay ka duubtay iyadoo u geysaneysa sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliiska oo ka dhacay degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose Ciidamada ammaanka Somalia ayaa wali umuuqada kuwo aanan u diyaarsaneyn kahortaga falalkan oo kale mar hadii ay xaaladda mareyso in maleeshiyaadka dilalka geysanaya ay muuqaal iska duubaan iyagoo dil fulinaya Inkastoo aan muuqaalkaan idinla wadaagi karin, ayaa haddana waxaan idiin soo gudbineynaa qaar ka tirsan sawiradii laga dhex qaaday Muuqaalka. Halkaan hoose ka daawo sawirada
-
Shir jaraa,iid oo ay maanta ku qabteen magaalada Garoowe masuuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland iyo Saraakiil ka socota Hay,adda Islamic Relief waxay ku dhawaaqeen taakulo bisha ramadaan la siin jirey 1800 (Kun iyo Sideed boqol ) oo qoys in sanadkaan loo wareejiyay shacabka Baladweyn oo ay soo wajahday musiibo xoog leh oo ka dhalatey fatahaada biyaha wabiga Shabelle. Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Diinta Puntland Saalax Xabiib Jaamac ayaa sheegay gurmadkaan inuu ka dhigan yahay horumarin islamarkaana ay weli ka socoto gudaha Puntland taakulo balaaran oo shacabka iyo dowladdu ay ugu talagaleen caawinta dadka ku nool magaalada Baladweyne. Wasiir Xabiib ayaa sheegay in dowladda Puntland bixisay taakulo loogu talagalay dadka reer Baladweyn, wuxuuna sheegay inay ka damqanayaan dhibaatada taala Gobolka Hiiraan gaar ahaan Baladweyn. Dhinaca kale waxaa ka hadlay shirka jaraa,iid saraakiil ka socota hay,adda Islamic Relief oo sheegay ka dib wada hadal dhexmarey masuuliyiinta wasaaradda cadaaladda Puntland iyo masuuliyiinta hay,adda inay isla garteen u wareejinta shacabka Baladweyn deeqdii bisha ramadaan la siin jirey 1800 oo qoys oo ku nool gudaha Puntland . Isku soo wada duub gudaha deegaanadda Puntland sida goobaha cibaadada (masaajida) iyo meelaha dadku ay ku kulmaan waxaa ka socda olole taakulo oo la doonayo in loogu gurmado dhibaatada uu sababay fatahaada biyaha wabiga shabelle ee ka jidha magaalada Baladweyne xarunta Gobolka Hiiraan. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST. The post Puntland oo u wareejisay Baladweyn taakulo la bixin jiray bisha Ramadaan appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Isbaheysiga la magacbaxay soo xelinta Demoqraadiyada Jubbaland ayaa dhalii lu jeediyay Madaxweyne Axmed Madoobe. Isbahayesigaan ayaa war saxaafadeed xasaasi ah kasoo saaray xaaladda maamulka Jubblanad, gaar ahaan fatahaadada iyo kulankii Axmed Madoobe iyo Qalbi Dhagax. Haddaba halkaan hoose ka akhriso war saxaafadeedka oo dhamestiran oo uu ku saxiixnaa Cabdullahi Ciilmooge 08 May 2018 Anigoo ku hadlaya magaca JDRC Isbahaysiga dib-usoo noolaynta diimuqraadiyada ee maamulka jubbland, ayaan rabaa inaan idinla wadaago aragtida Isbahaysiga eek u aadan arimo dhawr oo madaxwyne Ahmed M Islan ka dhaawajiyay shalay garoonka kismaaayo: 1. Arinta laxiriirta Gurmadka Qaranka ee laxirirtayfatahada biyaha gobolka gedo oo uu hogaaminaYAY R/W kuxignka dawlada somalia oo loo diiday inuu ku dago Baardheere isaga iyo wafdigu AYAA HAYD MID NASIIBDARO AH. a. WAFDIGU WUU DAGAY WAAYO GUDOOMIYAHA GOBOLKA IYO SHACABKA AYAA LASHAQANAYAY. b. JBLND waxay ka kooban tahay 15degmo. Waxaan ogsoonahay in adaxwayne ahmed m islaan uu katagay 3 kaimd ah 15 ka degmo o udhiganta 20%.. soo ma cadda in 80% maamulkii uu madaxada u ahaa uusan booqan. Sidee kalsooni ooga heli karaa oo uu afkooda oogu hadli karaa meel uusan 80% dadkii daganaa ee hoos yimaada maamulka uusan booqan. Sidoo kale markii 6sano kadib uu xorayn waayay Gobolka Jubbada dhexse, oo dadkii deegaankaaasi ee xamar dulsaarka ku ah ay codsadeen in loo xooreeyoo dhulkaas; madaxwayne Ahmed M Islaan, wuxuu ku jawaabay dawlada dhexe ayaa isoo wareertay. 6sano ayuu dhaafi waayay 6km marka hadii dawladii rabto inay nabadiidka ka xorayso dhulka soo ma ahayn inuu soo dhaweeyo. 2. Arinta Khaliijka iyo Ciidamda. 2daas laamood waa qodobo distuuri ah oo dawlada dhexe ayaa si gaar ah uleh go’aan ka gaarida. a. 3jeer udambaysay doorshooyinka Somalia waxay ahaayeen kuwo si nabad ah la isugu wareejiyay. Tun sagaaro meel lakala qaado maleh. Inagoo 27sano la daalaa dhacaynay inaan lugaha isku duwano oo dib u hanano dalkeena; wax maslaxdad kuma jiraan in dawlda dhexe ladabro ama jidgooyo loo dhigto. Somalia oo idil waxay eegaysaa in wax u kordhaan. b. Qasab ma aha inaad jeclaato qofka talada dalka qabta; waxaad ku khasban tahay inaad la shaqayso. 2 c. Marka haloo daayo aragtida xukuumada ee la xiriirta arimaha dibeda. d. Madaxwayne ahmed M. Islaan wuxuu aaday Imaaraatka oo ku maqnaa (8)sideed casho jooga sida dadku wada ogyahay. Dhigiisa oo ah madaxwayne abdiwali ali gaas ma dhuuman ee warsaxaafadeed buu qabtay intuusan aadin UAE. Maxaa jubbaland baday in madaxdeedii dhuumatoo oo waliba aysan ka hadal safarkaas. Waxaa ku xigtay madax wayne ahmed madoobe oo gudbay Addis Ababa; waa dalkii labaad. Ma qabo inuu dawlda dhexe midna lasocosiiyay. Waxaa inoo qoran saraynta sharciga bacda shareeca. 3. Ugu dambayn Arinta Qalbidhagax. a. Igusawirta qalbidhagax waxaa ka fiicnayd inuu sadaqo ay unoqon lahayd inuu reerka guri udhiso ciyaalkana school kabixiyo hadii ay ka dhab ahayd oo uu si qalbi furan ugu unaxayay sarkaalka Qalbidhagax. Sarkaalaka allah ufududeeyo inuu isagoo nabad ah hello xoriyadiisa kuna soo biiro reerkiisa. b. Jubbland waa maamulka qura ee dadkii umudaharaaday qabidhagax xirxiray c. Waalkii madaxwayne ahmed madoobe soo wacayay xildhibaandada kasoo jeeda jubbland isagoo lahaa taageera in ladhoofiyo qalbidhagax d. Wali 10bilood kadib oo uu xirnaa Qalbidhagax madaxwyne ahmed lagama maqal mana soo qaadin magagca sarkaankaas. e. Marka waxaan u qaatay 2shay midkood. 1) inuu madaxwayne ahmed madoobe rabo score goal uu dhaliyo, ama 2) Buundo deebulo ka raadinayo madax dawlada dhexe. f. Ugu dambayn; madaxwayne ahmed madoobe oo ay la soo daristay mowjado siyasadeed oo rabay inuu culaysyadaas isga yareeyo igusawirta Qalbidhagax. Aniga iyo dad badan oo illa mid ah; kama iibsan arintaas; warjiraabase cakaaruu iman. Mahadsanidin Cabdullahi Ciilmooge JDRC, Chairman Mogadishu, Somalia
-
Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda Puntland, Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay arrimo ku saabsan Dastuurka Soomaaliya iyo Xildhibaanada Puntland ugu jira Aqalka Sare. Cabdiwali Gaas oo maanta ka qayb galayay shir looga hadlayay Dastuurka Soomaaliya oo ka dhacay magaalada Garoowe, ayaa khudbad dheer uu jeediyay ku sheegay in Xildhibaanada Puntland ugu jira Aqalka sare aysan kasoo bixin waajibkii laga sugayay inay gutaan. Wuxuu xusay in Puntland dagaal badan u gashay sidii loo dhisi lahaa Aqalka Sare gaar ahaan waqtigii la samaynayay Dastuurka isagoo tilmaamay in maamulkii waqtigaas dhisnaa uu aad uga soo horjeeday. “Anagaa Puntland ayaa ku doodnay Aqalka sare sababtoo ah markaas 2011 kii markii Dastuurka la samaynayay state-ka kaliya ee ku doodayay Aqalka sare Puntland bay ahayd, cida kale oo markaas jirtay waxay ahayd Galmudug oo aan markaas dhammaystirnayn oo Galkacyo barkeed ah iyo Caalim, waxay lahaayeen ma rabno Federaal ee waxaan rabnaa Regional autonomy” Gaas ayaa sidaas sheegay. Isagoo sii hadlaya wuxuu tilmaamay in rag badan oo khuburo ah islamarkaana xilal sar sare soo qabtay ay ku darsadeen Aqalka Sare balse aan war laga hayn meel ay ku suganyihiin. “Lama rabin in la dhiso Aqalka sare waa khasabnay laakiin hadda waxbana lama tarin, wax hadda uu na taray oo noo soo kordhiyay ma jirto, dagaal baan waxaa ku galnay waxaa la yiri dowlad goboleedyadu waxay leeyihiin 8 anaguna 11 ayaan leenahay, ma aragtay meel ay jiraan, waliba waxaan niri kuwo khibrad leh aan gaysano, Madaxweynayaashii, Ra’isal wasaarayaashii, Cabdiraxmaan Farole, Cumar Cabdirashiid, si khibradooda nooga faa’iideeyaan anagana waxeena noogu soo dhiciyaan, ma taqaaniin meel ay jiraan ma ka warqabtaan, ma hayno” ayuu yiri Gaas. Madaxweyne Gaas wuxuu sidoo kale ku eedeeyay aqalka sare in doodihii ay yeesheen kuwo badan oo kamid ah looga soo horjeeday danaha maamulkan gaar ahaan maalgashiga. “Hadana markii doodu socotay waad dhagaysanayseen danihii Puntland ayaa qaar badan kasoo horjeedeen, Idaacadaha ma ka dhagaysanayseen, ma ka aragteen, kuw leh yaan la maalgalin Puntland, Puntland maalgalinteeda raali kama nihin, kuwaanu gaynay weeye, gacantayda anaa ku qoray laakiin hadda waxba oran mayo” Sidaas waxaa hadalkiisa ku sii dayray Madaxweyne Gaas. Wuxuu sidoo kale xusay in mudanayaasha uu eedeeyay ay Puntland kusoo noqon doonaan mar kale iyagoo xil raadis ah, balse waqtigaas uu kashifi doono waliba isagu uu ka marag kici doono wixii ay sameeyeen. “Koley waa soo laaban doonaan mar kale oo waa noo imaan doonaan iyagoo kuraas raadinaya Afar sano ka bacdi laakiin markay yimaadaan waa sheegaynaa waxay sameeyeen waa ka marqaati kacayaa anigu” Ayuu yiri Madaxweyne Gaas. Xigasho: Radio Garowe
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Qaar ka tirsan beelaha dega deegaannada Afmadow, Bu’aale, Hoosingow iyo Jilib, ayaa ka cabanaya siyaasadda Axmed Madoobe ee maamulka Jubbaland. Waxgaradka deegaannadan oo kulan ku yeeshay magaalada Nairobi, ayaa sheegay in inta badan xilalka muhiimka ah iyo safarradaba, uu Axmed Madoobe u xusho dad kasoo jeeda dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya. Sidoo kale odayaasha dhaqanka ee deegaannadan, oo war saxaafadeed kasoo saaray kulankooda, ayaa eedeeyay qaabka uu maamulka Axmed Madoobe uga soo horjeystay siyaasadda arrimaha dibedda ee dowladda federaalka Soomaaliya. Axmed Madoobe oo dhowaan kasoo laabtay booqasho uu ku tagay Itoobiya, ayaa eedeeyay dowladda Soomaaliya, taas oo dad badan u arkeen in uu la saftay Imaaraatka carabta oo dooneysa in maamul goboleedyada ay ka hor keento dowladda dhexe.
-
Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed on Monday concluded a two-day state visit to Kenya during which he held talks with his counterpart Uhuru Kenyatta at State House in Nairobi. At the heart of deliberations was bilateral and historical agreements between the two nations. Issues of prime importance included security, trade, tourism and economic cooperation. Somewhere in the deliberations was the issue of regional security as affects Somalia and South Sudan. A communique issued by the Kenyan presidency stated plans by both governments to secure peace in South Sudan and to combat the threat of Al-Shabaab in Somalia. On South Sudan, the communique read: “The two leaders expressed their deep disappointment at the slow pace of progress in ongoing efforts to restore peace in South Sudan. In pledging their full commitment to the IGAD’s mediation efforts they urged the leaders of South Sudan to place the interests of their people above their own in order to give peace a chance. It continued with Somalia where it noted the continued potency of Al-Shabaab and the lack of support for the African Union Mission (AMISOM). “Both leaders noted that Al Shabaab continues to pose significant threat to Somalia and the region. In this regard, they expressed concern at the continued lukewarm international support for Somalia, in particular the inadequate and unpredictable funding for AMISOM, which poses a threat to gains made thus far. “In this regard, the two leaders committed to continue lobbying for adequate and sustainable support to AMISOM, including provision of force multipliers for the mission in Somalia, as well as training for the Somalia security forces. The leaders expressed deep concern at the effects of external interests that are aimed at further destabilizing Somalia,” it added. Kenya and Ethiopia, despite their own security headaches, are seen as ‘big boys’ in a turbulent Horn of Africa region. Kenya suffers a spillover of Al Shabaab attacks with the latest claiming the lives of nine soldiers. Ethiopia on the other hand, only gained a semblance of internal peace after over two years of anti-governments protests riled the country. Addis Ababa has routinely claimed that neighbouring Eritrea was backing anti-peace elements, claims Asmara has rubbished repeatedly. Ethiopia and Kenya are seen as major allies of the west especially in the fight against terrorism. Both countries have troops in Somalia helping in the fight against Al Shabaab. Source: – Africanews
-
Some 5,000 Somali families have availed of the aid provided by a joint Qatari-Turkish campaign to help flood victims in Baldwin, Somalia. This is the first humanitarian initiative to respond to relief calls by flood victims in this city located in the centre of the country. Qatar Charity (QC), jointly with Turkish TIKA Foundation and Turkish Red Crescent, oversaw the campaign that provided food and shelter assistance. Flooding in the city of Baldwin was caused by high water levels in the Shabelle river, produced by rainfall on the mountains of Ethiopia. It displaced about 100,000 households and caused material damage to land, markets and food stores. The campaign provided assistance and food to 5,000 affected families, as well as plastic wraps, drinking water, toilet facilities and medical services for those affected in the camps. According to Somali reports, some 26,000 families are now living in camps for the displaced, who have left their homes and are dependent on humanitarian aid. Mohamed Abdi, head of Hirshabelle State, said the water inundated vast tracts of land and almost destroyed the infrastructure of the city. He thanked QC, TIKA Foundation and the Turkish Red Crescent for their quick response to relief their affected brothers. In turn, the Somali Deputy Prime Minister Mahdi Mohamed Guled praised the humanitarian role of Qatar and Turkey in Somalia, describing it as a positive role. He stressed that the Somali people will remember the generosity of those who stood by their side in various circumstances and crises, revealing that the Somali government is working to rehabilitate the affected areas in co-operation with its partners through programs of development and restoration of stability. Source: – QNA
-
President Donald Trump will announce on Tuesday whether he will withdraw from the Iran nuclear deal and a senior U.S. official said it was unclear if efforts by European allies to address Trump’s concerns would be enough to save the pact. Trump has repeatedly threatened to withdraw from the deal, which eased economic sanctions on Iran in exchange for Tehran limiting its nuclear programme, unless France, Germany and Britain – which also signed the agreement – fix what he has called its flaws. The senior U.S. official said the European allies had moved significantly in Trump’s direction on what he sees as the defects – the failure to address Iran’s ballistic missile programme, the terms under which international inspectors visit suspected Iranian sites, and “sunset” clauses under which some terms expire. The official did not know, however, if the Europeans had done enough to convince Trump to remain in the deal. “The big question in my mind is does he think the Europeans have moved far enough so that we can all be unified and announce a deal? That’s one option,” said the official. “Or (does he conclude) the Europeans have not moved far enough and we say they’ve got to move more?” European diplomats said privately they expected Trump to effectively withdraw from the agreement, which was struck by six major powers – Britain, China, France, Germany, Russia and the United States – and Iran in July 2015. “It’s pretty obvious to me that unless something changes in the next few days, I believe the president will not waive the sanctions,” one European diplomat said, adding he saw only a “very small” chance that Trump stays in the deal. European leaders have warned that Trump’s withdrawal would strike a blow to the alliance between Western Europe and the United States, and undo years of negotiations that they say were successful in halting Iran’s nuclear ambitions. Iran has ruled out renegotiating the accord and threatened to retaliate, although it has not said exactly how, if Washington pulls out. Trump gave no indication of which way he was leaning on Monday, saying only in a Twitter post that he would announce his decision at 2 p.m. (1800 GMT) on Tuesday. IRAN BACKLASH? Under the deal, formally known as the Joint Comprehensive Plan of Action (JCPOA), the United States committed to easing a series of U.S. sanctions on Iran and it has done so under a string of “waivers” that effectively suspend them. Under U.S. law, Trump has until Saturday to decide whether to reintroduce U.S. sanctions related to Iran’s central bank and Iranian oil exports. The reimposition of sanctions would dissuade foreign companies from doing business with Iran because they could be subject to U.S. penalties. Bringing back U.S. sanctions could also trigger a backlash by Iran, which could resume its nuclear arms programme or punish U.S. allies in Syria, Iraq, Yemen and Lebanon, diplomats said. On Monday, Iranian President Hassan Rouhani suggested Iran could remain in the accord even if the United States dropped out but that Tehran would fiercely resist U.S. pressure to limit its influence in the Middle East. Rouhani said the Islamic Republic had been preparing for every possible scenario, including a deal without Washington – which would still include the other signatories that remain committed to it – or no deal at all. “We are prepared for all scenarios and no change will occur in our lives next week,” Rouhani said in a speech broadcast live on state TV. “If we can get what we want from a deal without America, then Iran will continue to remain committed to the deal. What Iran wants is our interests to be guaranteed by its non-American signatories. … In that case, getting rid of America’s mischievous presence will be fine for Iran.” Trump’s Iran tweet helped oil prices break $70 a barrel to reach their highest level since late 2014. ALLIES COMMITTED TO DEAL Britain, France and Germany remain committed to the accord and, in an effort to address U.S. complaints, want to open talks on Iran’s ballistic missile programme, its nuclear activities beyond 2025 – when pivotal provisions of the deal expire – and its role in the wars in Syria and Yemen. British Foreign Secretary Boris Johnson, in Washington this week, said the deal’s weaknesses could be remedied. “At this moment Britain is working alongside the Trump administration and our French and German allies to ensure that they are,” he said in a commentary in the New York Times. Johnson met U.S. Secretary of State Mike Pompeo and Vice President Mike Pence on Monday. Diplomats say Iran would rather the deal remain intact out of concern about a revival of domestic unrest over economic hardships that mounted over the years sanctions were in place. Sanctions imposed on Iran in early 2012 by the United States and European Union over its nuclear programme cut Iran’s crude exports from a peak of 2.5 million barrels per day before the sanctions to a little more than 1 million bpd. But Iran re-emerged as a major oil exporter in January 2016 when international sanctions were suspended in return for curbs on Iran’s nuclear programme. Iran’s clerical rulers have repeatedly ruled out reducing its sway across the region, as the United States and its European allies may seek as part of any new deal. Underlining Tehran’s growing regional clout, pro-Iranian group Hezbollah and its political allies won just over half the seats in Lebanon’s parliamentary election, unofficial results showed on Monday. Source: – Reuters
-
Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa isbedel ku sameeyey maamulka degmada Qoryooley,iyadoo maamul cusub loo magacaabay degmadaasi. Siid Cali Ibraahim Xasan ayaa loo magacaabay guddoomiyahay degmada Qoryoolay halka kuxigeenkana loo magacaabay Maxamed Cabdi Cabdullaahi Gaashaan. Waxaa sidoo kale xil ka qaadis lagu sameeyey maamulkii hore ee degmadaasi ka talinayay Akhriso magacaabista maamulkan cusub.
-
A bid by Nairobi to host a high profile United Nations field missions co-ordination office that is presently located in Entebbe, Uganda, has sparked a diplomatic row with Kampala terming it an “unfair” gesture from one of two “friendly neighbours”. United Nations secretary-general Antonio Guterres is said to have shortlisted Nairobi to host the UN Regional Service Centre in Africa, triggering Kampala’s rage. The UN office provides support for UN field missions in Africa. These include administrative, logistical, information and communications technology services to 13 client missions in Africa; representing over 73 per cent of all United Nations peacekeeping and special political missions worldwide. The location of the UN office in Nairobi would not only be expected to create new quality jobs but also generate business opportunities for Kenyan suppliers through its operations. The Entebbe centre is currently supported by 427 approved staff, including 134 international staff, 285 Ugandan staff and eight United Nations volunteers. President Museveni in the letter reportedly sent to the UN last week, has described the UN’s decision as “unfair.” Kenya’s Foreign Affairs ministry officials including Foreign Affairs secretary Monica Juma and principal secretary Macharia Kamau had not responded to the Business Daily’s queries made through their communication office by the time of going to press. Hungarian capital, Budapest, and Mexico City were the other two shortlisted recommendations, according to the report. Mr Museveni in his letter was quoted reminding the UN secretary-general that Uganda was the pioneer host of the office and remains the largest troop contributor to the African Union Peace-keeping Mission in Somalia (Amisom), and hence “deserves to host a UN regional service centre due to the country’s substantial contributions to regional peace and security.” Mr Museveni was quoted asking Mr Guterres to ensure that Uganda is fairly treated and that UN functions and facilities are “shared equitably among member countries.” The UN boss is yet to respond to the concerns raised, the paper said. It said that Mr Kamau had led Nairobi’s spirited bid for Kenya to host the UN centre from 2016. Mr Kamau, who previously served as Kenya’s representative to the UN, reportedly exploited his vast professional networks and presented Kenya’s plans to build a Standard Gauge Railway from Mombasa to Nairobi and start of Kenyan Airways’ direct Nairobi-New York flights, due in October, as sweeteners to sway the UN secretariat to accept Kenya’s capacity to handle staff movements and logistical supplies for an expanded regional centre, the Daily Monitor reported. “The location assessment proposal is contingent on host country consultations…this combination of locations (Budapest, Mexico City, and Nairobi) would provide time zone and regional coverage, ensuring a strong business continuity…” Mr Guterres was quoted saying in a May 1 report to the UN’s advisory committee on administrative and budgetary questions. Ugandan publication Daily Monitor Monday reported that President Yoweri Museveni has written to the United Nations indicating Kampala’s “displeasure” over the UN’s reported recommendation to drop Entebbe as a UN regional service centre in favour of Kenya. Source: – Business Daily
-
Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay wafti balaaran oo ka socday Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan cuna-qabataynta Hubka Soomaalliya. Waxaana hoogaaminayay Safiirka Qarmada Midoobay u fadhiya dalka Kazakhstan ee H.E Kiarat Umarow. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa gudiga u sharaxay xaaladda ay Soomaliya marayso iyo halka ay u socoto, isagoona u sheegay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay arrimaha Ciidanka iyo sida ay ugu diyaar gooroobeen in ay maamulan amaanka guud ee dalka. Sidoo kalena waxuu u soo jeediyay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, maadaama ay awood u yeelatay in ay la socoto dhaqdhaqaaqa hubkeeda. Amb. Mr Kiarat Umarow ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya u yimaadeen sidii ay ugu kuur gali lahaayeen halka ay marayso cunqa qabataynta hubka ee Soomaaliya saaran iyo xaaladda guud ee dalka , gaar ahaan horumarka ay ku tilaabsatay Xukuumaddu sida Amniga, Dhaqaalaha, Geedi-socodka doorashooyinka iyo soo noqoshada kaabayaasha qaranimada Soomaaliya. Kheyre ayaa u mahed celiyay madaxda Ururka Qarmadda Midoobay sida ay marwalba u garab taagan yihiin Soomaaliya iyo caawinaada ay u fidiyaan dawladda iyo shacabkeeda, waxuuna ballan qaaday in isbadel horumarineed ay ku talaabsan doonta Soomaaliya sannadaha soo socda.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Lammaanahan oo lagu kala Magacaabo Yaasiin Cabdille Xuseen (Abu Sumeiya ) oo 42 jir ah iyo Xaaskiisa, Fartuun Maxamed Guuleed, oo 41 jir ah, ayaa waxaa laga soo qabtay Xaafadda Islii (Eastleigh) ee Magaalada Nairobi. Labadan Qof ayaa sidoo kale la aaminsan yahay inay gacan saar la leeyihiin Cabdi weli Maxamed Guuleed, oo loogu yeero ( Abdiweli Kamaure) oo ah Maskaxdii ka dambaysay weerarkii kal hore ka dhacay Mandheera Kenya. C/wali Maxamed Guuleed ( Abdiweli Kamaure) oo ah Fartuun Walaalkeed ayaa la rumaysan yahay inuu soo maleegay weerarkii Novembar 2014-kii lagu qaaday Bas marayay nawaaxiga Mandheera, kaasoo lagu laayay Dad u badnaa Kiristan. Yaasiin Cabdille Xuseen , oo ah ganacsade ka shaqeeya howlaha qandaraasyada ayaa la sheegay inuu dhaqaala badan ku bixiyo dhaq-dhaqaaqyada Hubeysan ee ay Al-Shabaab ka fuliyaan qaybo kal mid ah Kenya iyo Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
London (Caasimadda Online)- Waxaa xalay xaflad ka dhacday London UK loogu sameeyey siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo sheegay in Dowladda Federaalka ay ka xoreeyn doonaan dalka, isagoo intaas ku daray in ay ahayd London meeshii lagaga dhawaaqay xoreyntii Soomaaliya markii Madaxweyne Siyaad Barre ka talinayey. Hadalkan oo ay la yaabeen siyaasiyiin badan ayaa u muuqda mid caadifad qabiil kujirto, balse aan la joogin oo lasoo dhaafay waqtigii qabyaaladda lagu awr kacsan jiray, hadalkiisuna yahay mid aan waxba laga soo qaadayn. Waxaa xusid mudan in Dowladda Kenya ay ka joojisay xaflado uu ku qaban lahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur magaalada Nairobi, kadib markii ay u aqoonsatay qaswade iyo nin mucaarad shisheeye ushaqeeye ah. Sida uu qoray wargeyska The Daily Nation ee kasoo baxa Kenya ayaa sheegay in Madaxweynaha Kenya u gudbiyey aragtidiisa ku aaddan dhaqdhaqaaqa iyo faragelinta Imaaraatku ka wadaan Soomaaliya ay khatar iyo xasilooni darro ku abuurayso geeska Afrika. Waxaa xusid mudan in Imaaraatku ay maalgeliyaan in siyaasiyiin gacan saar la leh iyaga si ay u farageliyaan siyaasadda gudaha dalalkaas. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa markii xabsiga laga soo daayay ku hadaaqay hadallo qabyaaladeysan oo uu madaxda qaranka ku tilmaamay inay marti ki yihiin magaalada Muqdisho, tanina waxaa loo qaadan karaa inuu doonayo hurin colaad iyo kicinta cuqdad ku saleysan qabyaalad. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kismaayo (Caasimadda Online): Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ah aanay waxba ka caawin Maamulkiisa dhinac kasta oo ay tahay, isaga oo iska indhatiray deeqda joogtada ah iyo mushaharaadka ciidamada jooga deeganada jubaland in ay bixiso Dowladda dhexe. Wuxuu intaas ku daray in Dowladda dhexe keliya aanay soo dhaafin dakhliga soogala, waxay imaanaysaa hadalkiisan kadib markii uu UAE ku maqnaa asbuucyo si loogu soo diyaariyo barnaamij uu Dowladda dhexe kula dagaalamo ama ay u ogolaato in UAE lala safto arinta la xiriirta qalalaasaha khaliijka. Axmed Madoobe ayaa Dowladda dhexe ku eedeeyey in ay yimaadeen deegaanada Jubaland oo fatahaado uu geystay wabiga Jubba awgiis wafti ka socday Dowladda dhexe ay gaareen si ay uga qeyb qaataan gargaarka dadkaas, kadib markii uu ka gaabiyey maamulka Jubaland u gurmashada dadkaas. Balse Axmed ayaa ku celceliyey waa in ay albaabada kasoo gasho Dowladda dhexe ee aanay noo gacan dhaafin maamulkayga. Iskusoo wada duuboo Axmed Madoobe ayaa u arka mashruuca UAE ee dekedda Berbera mid sax ah oo aan faragelin ku ahayn Soomaaliya, isaga oo doonaya in Dowladda Dhexe ay marti uga ahaato kaalmeynta dadka ay saameeyeen fatahaadaha. Mudane Madoobe ayaa ku wareersan siyaasadda uu raaci lahaa si uu ugusoo laabto markale kursigiisa, iyadoo magaalada Muqdisho lagaga dhawaaqay isbahaysi mucaarad ah oo kasoo horjeeda dhaqanka siyaasadeed ee Axmed Madoobe ku maamulo Jubaland.
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhaliilay siysaasadda dowladda federaalka ee ku aaddan khilaafka Khaliijka. Wuxuu ku eedeeyay dowladda inay ka weecatay mowqfikii ay horay u qaadatay ee dhexdhexaadnimada. “Arrinta khaliijka dowladdu dariiq sax ah ma ahan waxa ay ku dhaqmayso, ama dib ha uga noqoto go’aankeeda, annaga haddii aynu nahay Jubbaland, dowladda Soomaaliya waxtarkeeda maanta Imaaraadka ayaa nooga wacan.” ayuu yiri Axmed Madoobe. Wuxuu hadalkan jeediyay markii uu dib ugu soo laabtay Kismaayo isagoo dhowaan safar ku soo maray itoobiya, Kenya iyo Imaaraadka. Dowladda Soomaaliya ayaa bartamihii sanadkii hore go’aan ku gaartay in muranka Khaliijka ay dhexdhexaad ka noqoto , waxayna ku baaqday in dalalka muransan la dhexdhexaadiyo. Balse Axmed madoobe ayaa ku eedeeyay dowladdu inay arrintaasi ka weecatay oo ay hadda la safatay Qadar. “Hadday noqoto in miisaanka la saaro Qatar, Imaaraadka iyo Sacuudiga, waxa kaliya ee na taageera waa Imaaraadka iyo Sacuudiga,” ayuu yiri Axmed Madoobe. Dowladda federaalka ayaa ku adkeysatay in mowqifkeedii dhexdhexaadnimada uusan waxba iska beddelin. Bartamihii Abriil, Soomaaliya iyo Iimaaraadka waxay joojiyeen iskaashigii milateri. Tan iyo 2014, Iimaaraadka Carabta wuxuu tababaray oo mushaar siinayey askar Soomaali ah oo Muqdisho joogta, wuxuuna Puntland ka dhisay ciidan burcad badeedda la dagaallama. Boqollaal hub ah ayaa laga bililiqaystay xarunta tababarka ee Muqdisho markii la xirayey. Tani waxay timid kaddib markii ciidanka ammaanka ee Soomaaliya ay gacanta ku dhigeen ku dhowaad $10 milyan oo Iimaaraadku diyaarad ku keenay si loo siiyo askarta, waxaana muddo gaaban la xayiray dayaaraddii lacagtaas keentay. Iimaaraadku wuxuu kaloo xiray isbitaal bixin jiray adeeg caafimaad oo lacag la’aan ah. 16-kii Agoosto, 2017 war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada maamul goboleedka Puntland ayaa lagu sheegay in maamulka uu xiriirka u jaray Qadar, islamarkaasna uu la saftay xulufada Sucuudiga iyo Imaaraadka. Sababta ugu weyn ee loo cuskaday go’aankaas ayaa lagu sheegay in xiriir dhaqaale iyo mid iskaashi oo qotodheer uu ka dhaxeeyo Puntland iyo dalalka Sucuudiga iyo Imaaraadka. 18-kii bishan Sabtembar, 2017-ka ayaa war qoraal ah oo ka soo baxay madaxtooyada Koofur Galbeed ayaa waxaa isna lagu sheegay in xiriirka loogu jaray Qadar, laguna waafaqay mowqifka Sucuudiga iyo Imaaraadka ee Qadar. Galmudug ayaa noqotay maamul goboleedkii ugu dambeeyay ee la safta xulafada Sucuudiga iyo Imaaraadka. Maamul goboleedyada aanan weli wax go’aan ah ka qaadan, islamarkaasna aanan wax hadal ah ka soo saarin ayaa ah Jubbaland iyo Hirshabeelle oo iyadu maalmo uun kahor loo doortay madaxweyne cusub. 10-kii Bishii Juunyo ee 2017-ka, Jamhuuriyadda Iskeed ugu Dhawaaqday Madaxbannaanida ee Somaliland ayaa ku dhawaaqday in ay la safan tahay Sucuudiga iyo Imaaraadka, isla markaasna ay xiriirka u jartay Qadar. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Sacad Cali Shire ayaa yiri “Somaliland iyada oo aaminsan mabaadii’da nabad ku wada noolaanshaha, iyo xasiloonida gobolka, kana soo horjeedda wax kasta oo wax u dhimi kara nabadda iyo degenaanshaha, isla markaasna ka soo horjeedda xagjirnimada iyo cid kasta oo taageerta, ayaa waxay taageertay mowqifka iyo aragtida ay ka qaateen Sucuudiga iyo Imaaraadka khilaafka siyaasiga ah ee u dhaxeeya iyaga iyo Qadar”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Tiro Madaafiic ah ayaa goor dhow ku soo dhacay qeyb ka mid ah degmada Wartanaba ee gobolka Banaadir kuwaas oo khasaaro kala duwan geystay. Madaafiicda ayaa ku dhacday agagaarka Stadium Muqdisho iyo xaafadaha ka ag dhow, warar kala duwan oo soo baxaya ayaa sheegaya in mid ka mid Madaafiicda uu ku dhacay Guri ay daganaayeen Qoys islamarkaana khasaaro u geystay Qoyskaas. Waxaa sidoo kala jira khasaaro kale laakiin macado inta ay la egyahay khasaaraha ka dhashay Hoobiyaashaasi. Sidoo kale Wariyayaal goobta ay hoobiyasha ku soo dhaceyn gaaray ayaa waxa ay sheegeen in mid ka mid ah hoobiyaasha uu ku dhacay Guri ay dad Shacab ah ay degan yihiin,isla markaana ay ku dhaawacmeen ilaa 5 ruux oo guriga ku sugnaa kuwaas oo loola cararay Xarumaha Caafimaad ee ku yaalla Muqdisho. Weli macada cidda hoobiyayaashaas oo tuurtay iyo halka lagu waday,balse Xarunta Xisbiga oo wararku ay sheegayaan in mid ka mid ah hoobiyaasha uu ku dhacay in shalay xukuumadda Soomaaliya ay ku soo bandhigtay Ciidamo isku-dhaf ah oo loo diyaariyey amniga Caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho. Xarunta Xisbiga ee Muqdisho waa taliska Ciidamada xasilinta Muqdisho halkaas oo uu xalay Ra’isalwasaare Kheyre ku soo bandhigay Ciidamada Xasilinta ee Bisha Ramadaan sugaya amniga Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Axmed Madoobe wuxuu ku dooday in guryaha albaabkooda laga soo galo asagoo ula jeeda “waa in Jubbaland aniga la iisoo maro, gargaar aadaminimo iyo wax kale kay ahaataba. Wuxuu kaloo ku dooday in waxkasta ay federaalyihiin xitaa ciidanka Xoogga Dalka. “Ciidanku waa Federaal” asagoo ula jeeda in difaaca dalka laa maamul goboleediyo. Wuxuu isku subkay cadar waddaniyadeed iyo Qalbidhagax ayaan booqday oo aan arintiisa ku jiraa. Khaliijka iyo Imaaraad iyada meel inoo dhig. Labada qodob oo ah guryaha in alabaabbadooda laga soo galo iyo tan ciidanka XD Soomaaliyeed aan in yar ka taabano. Axmedow hadii aad ka bixiweydo guriga albaabkisa, seebaad uga filan kartaa in albaaka cid kaaga soo gasho? Gedo iyo Jubbaland dhibkeeda hadii aad u istaagi weydey, see u dalban kartaa in adiga wax laguugu dhiibo? Shacabka yaa masuul ka ah oo daryeelkiisa leh? Maxaa kuu diiday in sidii Waare aad dadka Soomaaliyeed ee Jubbaland aad dowladdooda ula hadasho gurmadna u weydiiso? Gedo ma kugu kalsoontahay? Jubbada Dhexe meel maku sheegi kartaa? 5 sano maxaa kuu diidey in aad Kismaayo dhaafto? Maxaad u diiddey isku dhafka ciidanka iyo furidda jidka Kismaayo iyo Muqdisho xilligii Dowladdii Xasan Sheekh? Tan Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waa masuuliyad dowladda dhexe, mana ahan wax gobol u yaal ama uu farogalin karo. Alhri dastuurka. Ugu dambayn, Qalbidhagax Soomaali waxay ogsoontahay in aad masaafuriskiisa kow ka ahayd uuna raacay diyaaraddii lagu dhoofiyey la talaiyahaaga aadka loo yaqaan laguna tilmaamo mulkiilaha Jubbaland. Soomaalidu way soo jeeddaa. #LIBAAX #NIN_GANAY_IYO_NIN_GALLADAY_KALA_OG W/Q: Raage Ugaas
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre ayaa kula kulmay maanta xafiiskiisa Wafdi balaaran oo ka socday Gollaha Amaanka ee Hay’adda Qaramadda Midoobay u qaabilsan cuna-qabataynta Hubka Soomaalliya. Waxaana hoogaaminayay Safiirka Qarmada Midoobay u fadhiya dalka Kazakhstan ee H.E Kiarat Umarow. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa gudiga u sharaxay xaaladda ay Soomaliya marayso iyo halka ay u socoto, isagoona u sheegay horumarka ay Soomaaliya ka samaysay arrimaha Ciidanka iyo sida ay ugu diyaar gooroobeen in ay maamulan amaanka guud ee dalka. Sidoo kalena waxuu u soo jeediyay in Soomaaliya laga qaado cuna-qabataynta hubka, maadaama ay awood u yeelatay in ay la socoto dhaqdhaqaaqa hubkeeda. Amb. Mr Kiarat Umarow ayaa tilmaamay in ay Soomaaliya u yimaadeen sidii ay ugu kuur gali lahaayeen halka ay marayso cunqa qabataynta hubka ee Soomaaliya saaran iyo xaaladda guud ee dalka , gaar ahaan horumarka ay ku tilaabsatay Xukuumaddu sida Amniga, Dhaqaalaha, Geedi-socodka doorashooyinka iyo soo noqoshada kaabayaasha qaranimada Soomaaliya. Ugu dambayn, RW Khayre ayaa u mahed celiyay madaxda Ururka Qarmadda Midoobay sida ay marwalba u garab taagan yihiin Somalia iyo caawinaada ay u fidiyaan dawladda iyo shacabkeeda, waxuuna ballan qaaday in isbadel horumarineed ay ku talaabsan doonta Soomaaliya sannadaha soo socda. PUNTLAND POST The post Madaxa Golaha Amniga ee Cunna-qabateynta Hubka Soomaaliya oo la Kulmay R/W Khayre appeared first on Puntland Post.