-
Content Count
212,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
The Somali Finance Ministry notified drivers to register their vehicles to be able to pay road tax. Mogadishu (PP Report) — One of the remarkable milestones that the incumbent Federal Government of Somalia keeps quiet about is its tax collection capabilities in Mogadishu. The Somali Federal Finance Ministry has employed revenue protection officers to collect information about rents in different parts of Mogadishu. This strategy enables tax collectors to enforce what President Hassan Sheikh Mohamud stated at the Villa Somalia Mosque several months ago: “The government will use the police and intelligence service to collect tax,” President Mohamud said. Tax revenue protection officers concentrate their efforts on the Bakara Market, which is now located in three districts: Hawlwadaag, Hodan and Wardhiigley (Warta Nabadda). Landlords who withhold accurate information about the rent income or the number of tenants face sanctions in the form of excessive fines or arrest. Reluctance to pay tax is attributed to a lack of understanding about the importance of tax on the part of citizens and less confidence in the integrity of federal government institutions to use tax revenues judiciously. The Revenue Directorate of the Somali Federal Finance Ministry oversees tax collection in Mogadishu. Other sources of federal tax revenue include traders and merchants whom authorities compel to pay tax on profits they make, in addition to the value-added tax on certain goods and services that traders and merchants are required to charge. Ali (not his real name), an experienced accountant who has assisted several businesses in Mogadishu with their annual audits, criticised the federal Finance Ministry for its arbitrary approach to forcing businesses to pay their tax liabilities without proper consideration of business performance. “The Finance Ministry expects a food store owner to pay sales tax even when the business had made losses,” said the accountant. At a recent event in Mogadishu, the Mayor, Yusuf Hussein Jimale, urged the three newly formed Mogadishu districts to collect taxes to fund the maintenance of security and the administration of justice. The Somali Federal Finance Ministry opened offices within each district commissioner’s premises to oversee tax collection in the districts. A person familiar with the plans of the Finance Ministry told Puntland Post that the Finance Ministry intends to take over the ex-Revenue Ministry’s offices near the district commissioners’ offices in Mogadishu. In 1986, the ex-Revenue Ministry initiated a tax collection scheme. Districts’ income will probably increase due to other sources of tax revenue such as business license tax, transfer taxes and construction tax. The banning of cars without plate numbers in Mogadishu is expected to create a new source of tax revenue for the Banadir Regional Authority, enabling the introduction of road tax and mandatory car insurance. Mogadishu is leading the way in tax collection and may even subsidise other regions. “Our salaries are paid for by Mogadishu taxpayers. We must ensure Mogadishu attains federal status,” said Sadia Yasin Samatar, the First Deputy Speaker of the Federal Parliament of Somalia. © Puntland Post, 2024 The post Enhanced Tax Collection Strategies Drive Increased Government Revenue in Somalia appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed ayaa maanta caasimadda Muqdisho kaga guddoomay nuqul kamid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya Richard H. Riley. Wasiir Fiqi ayaa yididdiilo u muujiyay Danjire Riley, isaga oo u rajeeyay in uu ku guulaysto howsha diblomaasiyadeed ee cusub iyo mas’uuliyadaha loo igmaday. Sidoo kale waxaa uu caddeeyay muhiimadda gaarka ah ee howsha danjiraha laga sugayo inay tahay xoojinta xiriirka iyo sare u qaadidda wax wadaagga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo diirrada la saarayo suuragalnimada ka guul keenidda horumar wax ku ool ah oo laga gaaro dhammaan dhinacyada kala duwan ee iskaashiga. Danjire Riley oo dabayaaqaddii March uu madaxweynaha Mareykanka Joe Biden u magacaabay inuu noqdo safiirka cusub ee Soomaaliya, ayaa waxa uu beddelay Larry André Jr. oo xilkan hayey ku dhowaad laba sano. Larry André Jr ayaa waxaa lasoo magacaabay 16-kii April 2021, isaga oo beddelay Donald Yamamoto. Richard Riley waa diblomaasi muddo kasoo shaqeynayey wasaaradda arrimaha dibedda Mareykanka. Waxa uuna hayay markii la magacaabayay xilka la-taliyaha arrimaha dhaqaalaha ee safaaradda Mareykanka ee magaalada Ottawa ee dalka Canada. Mareykanka ayaa sanadihii ugu dambeeyey ahmiyad gaar ah siinayey Soomaaliya, ayada oo 2-dii October 2019 dib loo furay safaaradda Muqdisho oo xirneyd ku dhowaad 30 sano. Mareykanka ayaa tababara islamarkaana bixiya mushaharka ciidamada Danab ee Soomaaliya ee la dagaalama kooxda Al-Shabaab, lana rumeysan yahay inay yihiin ciidamada ugu waxtarka fiican kuwa Soomaaliya ay hadda leedahay. The post Sawirro: Fiqi oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay safiirka cusub ee Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Waxaa dunida hadal-hayn ka dhalisay qalin-jabinta Haweenay 105 jir ah oo lagu magacaabo “Ginger Hislop”, taasoo ka qalinjabisay jaamacadda caanka ah ee Stanford university ee dalka Mareykanka. Verginia Hislop oo haysata shahaadada mastarka ayaa markii ugu horreysay jaamacadda ku biirtay sanadkii 1936, qorshaheeduna waxa uu ahaa in ay hesho shahaadada koowaad ee waxbarashada, taas oo ay samaysay 1940-kii, waxayna fursad u heshay inay diyaariso shahaadada labaad ee master-ka, taas oo ay si toos ah u bilowday. wax yar ka dib markii ay dhammaysay heerka labaad ee waxbarashad ka hor intaanay u gudbin qoridda buugeedii qalin-jabinta ayay is guursadeen saygeeda George Hislop, oo xilligaas 41 jir ahaa, taas oo keentay inay waxbarashadii habsan ka noqato maadaama ay xaas noqatay, dagaalkii labaad ee dunidu uu socday. Hadda oo ah 83 sano ka dib markii ay ka tagtay jaamacadda ayay ka qalin-jabisay jaamacadda Stanford oo ay ka dhammaysatay heerka labaad ee master-ka, waxayna sheekadeedu qabsatay warbaahinta dunida. Source: goobjoog.com
-
Xukuumadda Somaliland ayaa xoriyadiisii u soo celisay siyaasi Cismaan Cumar Dool oo maanta ciidamada boolisku ka wabteen madaarka Cigaal international Airport ee magaaladda Hargeysa kadib markii uu ka soo anbabaxay dalka Norway oo uu deganaa. Siyaasi Cismaan Cumar Dool ayaa ka mid ah madaxda xisbiga ee delkaasi uu deganaa isla markaasina ka mid ah xubnaha firfircoon ee qurba jooga ah ee isbiga Waddani Xisbiga Waddani ayaa dhaleeceeyay xadhiga Cismaan Cumar Dool xaga gudoomiyaha xisbiga Ucid Mudane Faysal Cali Waraabe uu soo dhaweeyay kuna sheegay in xadhigaasi uu yahay bad baadadaiisa. Qoraal uu soo saaray oo uu baahiyayna waxa uubu dhignaa sidan hoos ku xusan Xadhiga ina Cumar Dool, waxaan u arkaa in ay tahay badbaadadiisa, ninkaasi shacbiga Somaliland Beel walba wuu aflagaadeeyay si ka baxsan dhaqankeena suuban iyo dhaqankeena islaamka, madaxda xisbiga KULMIYE iyo aniga shakhsi ahaanba si fool-xun ayuu noo aflagaadeeyay, aniga dhawaan ayuu I aflagaadeenayay, markaa haddii aan sharciga lagu kala baxsan oo qofkii sameeya magac-dil aanu sharcigu qaban de suuqa ayaa la isku dilayaa, marka maanta waa badbaadadiisa. Shacbiga Hargaysa waxaan u sheegaya ina Cumar Dool iyo Taageerayaashiisu ma xidhi-karaan Madaarka Hargeisa Qaran News
-
𝘾𝙀𝙀𝘽𝙏𝙄𝙄𝙎𝑨 𝙈𝘼𝘼𝙃𝘼𝙉 𝙀𝙀 𝙒𝘼𝘼 𝘾𝘼𝘼𝘿𝘼𝘿𝙄𝙄𝙎 Waxaan goor dhaweyd daawaday khudbadii Walaasheen Wasiir Fawsiyo Yuusuf Xaaji. 𝙆𝙤𝙤𝙬: Waligay garnaqsi ka culus oo ka degan maanan arag. 𝙇𝙖𝙗𝙤: Madaxweyne Xasan Sheekh muddo xileedkiisaan labaad, waa markii labaad oo uu dal shisheeye uga hiiliyey gabdho Soomaaliyeed. Ileen waxaa jirtay, in mudo xileedkiisii hore uu sidaan oo kale falay, oo uu dal shisheeye uga hiiliyey gabar Soomaaliyeed. Marka ceebtiisa maahee waa caadadiis. 𝙎𝙖𝙙𝙙𝙚𝙭: Ahlul Qubuur qof u diir nixi waayey oo soo faagay walluusan u danqaneynin Inanta Halgamaa Yuusuf Xaaji Aadan iyo Xaaska Jeneraal Aftooje. 𝘼𝙛𝙖𝙧: Khaladka ugu weyn ee ay Fawsiyo nafteeda ka gashay waa ineysan Xasan Sheekh fahamsiinin fursadaha dhaqaale iyo qandaraas oo ay usoo dhicin karto hadduu kursigaas la raadiyo. Haday taas fahamsiin lahayd Ciil walaal dhag jalaq uma siiyeen. Macal Asaf – Fahad Yaasiin Qaran News
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladd Itoobiya ayaa ka laabatay go’aan ay dhawaan baahisay oo la xiriiray aqoonsiga maamulka Somaliland. Hargeysa ayaa heshiis la gashay Addis Ababa horraantii bishii Janaayo ee sanadkaan, waxaana hoggaamiyaha maamulkaas Muuse Biixi uu bixinta qeyb kamid ah biyaha Soomaaliya la xiriiriyay inay ku beddelanayaan in qeyb Soomaaliya kamid ah loo aqoonsado dal, halkaas oo ah gobollada Waqooyi ee Soomaaliya ee hadda loo yaqaano Somaliland. Dowladda dhexe ee Soomaaliya ayaa si weyn u diiday arrintaas. 72 saac kahor wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha ee dowladda Itoobiya ayaa sheegay in dalkiisa uu noqon doono dalkii ugu horreeyay ee Somaliland aqoonsada. Ma sheegin waqtiga laakiin waxa uu sheegay inay taasi mar uun dhici doonto. Laakiin saacado kadib waa la tiray qoraalkaas. Inkasta oo aanay Itoobiya cudur-daar ka bixin hadalkaas, haddana waa ka saareen bogga uu wasiirka ku leeyahay X (ex-Twitter). Wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha ee dowladda Itoobiya wuxuu noqday qofkii koowaad ee madax ah oo Itoobiyaan ah ee si toos ah u sheega arrinta aqoonsiga Somaliland. Laakiin ka noqoshada hadalkii wasiirkaas waxay muujinaysa in aanay Itoobiya raadineynin inay xiisadda gobolka sii xoogeysato. Dhawaan dowladda Mareykanka ayaa kala hadashay labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya in xiisadda gobolka la qaboojiyo, waxaa kale oo soo baxay dhawaan warar sheegaya in Turkiga iyo Qatar ay isku dayayaan inay labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya xiisadooda xaliyaan. Horey hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxa uu sheegay in hal bil ku aqoonsan doonto Itoobiya, laakiin ku dhowaad lix billood oo laga joogo waqtigii is-afgaradka la saxiixay qofkii koowaad ee arrinta aqoonsiga Somaliland ka hadlay wuxuu noqday wasiiru-dowlaha wasaaradda warshadaha ee dowladda Itoobiya, kaas oo isla durba tirtiray qoraalkii la xiriiray aqoonsiga. Arrintaan waxaa lagu fasirin karaa in aysan Itoobiya hadda ku dag-dageyn aqoonsi ay siiso Somaliland, oo ay taas bedelkeeda raadineyso qaab ay kula heshiin karto dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo sii dhex-mareysa dowladda kale. Ictiraafkii Somaliland ka sugeysay dhanka magaalada Addis Ababa ayaa hadda u muuqda mid sii liicaya, mana cadda waxa uga dagsan Muuse Biixi iyo maamulkiisa mar haddii Addis Ababa si aan qarsooneyn uga cago jiiday qodobkii aqoonsiga. The post Itoobiya oo ka xeeladaysaneysa shuruudda Somaliland ay ku xirtay helitaanka bad appeared first on Caasimada Online.
-
Qaran News
-
Ra’iisul Wasaare Ku Xigeenka Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa la kulmay safiirro ka socday dalalka Midowga Yurub, kaasi oo looga hadlay arrimaha amniga, ciribtirka Shabaab, arrimaha bini’aadantinimada, xasilinta iyo mashaariicda horumarinta. Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka ayaa sheegay in dowladdu guulo waawayn ka gaartay dhinacyada amniga gudaha iyo hawllgada wajiga labaad ee dagaalka khawaarijta iyo sidoo kale dedaallada adeegga lagu gaarsiinayo shacabka Soomaaliyeed ee iska xoreeyey heeryada kooxda Shabaab. Dhankooda safiirrada ayaa qiray guulaha wax-ku-oolka ah ee dowladu ka gaartay dhinacyada amniga gudaha iyo horumarinta arrimaha bulshada, iyagoo intaa ku daray inay dawladda Soomaaliya ka taageerayaan howlgallada dalka looga xoreynayo Shabaab. Safiirrada kulanka la yeeshay Ra’iisul Wasaare Ku xigeenka, ayaa kala ahaa Safiirka EU Karin Johansson, safiirka Italy Dacco Coppi, safiirka Germany Sebastian Groth, iyo safiirka Sweden Joachim Waern. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa xaqiijisay in guulo laga gaaray howlgallada ka dhanka ah kooxda Kooxda Al-Shabaab ee ka socda gobollada dalka Tan iyo markii uu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ku dhawaaqay dagaalka ka dhanka ah Alshabaab labo sano ka hor, natiijooyin wax ku ool ah ayaana ka soo baxay dadaallada wadajirka ah ee ay wadaan ciidamada qalabka sida iyo kuwa deegaanka difaaca shacabka, sida lagu sheegay bayaan at dowladdu soo saartay Sidoo kale waxaa bayaanka lagu sheegay in Guulo la taaban karo ayaa laga gaaray dagaalka, ayadoo in ka badan 70 magaalo ayaa la xoreeyay, kuwaas oo ka kala tirsan dowlad Goboleedyada Galmudug, Hirshabelle iyo Jubbaland. Degaanadan ayaa markii hore fariisin u ahaa kooxda Alshabaab, balse hadda waxay gacanta ugu jirta dowladda, waxaana ka mid ah Aadan Yabaal, Ruun-Nirgood, Ceel Dheer, Xarardheere, Buulo Xaaji. Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa ku guuleystay inay dib u soo celiyaan dhaqdhaqaaqa dadka oo ku dhawaad 800 km u jira magaalada Muqdisho, taasoo u ogolaaneysa inay si aan xadidneyn u safraan. Olole ciidan oo firfircoon oo waxtar leh oo ay taageerayaan xulafada caalamiga ah ee ka dhanka ah Al Shabaab ayaa sidoo kale ka socda gobollada Shabeellaha Hoose, Baay, Bakool, Gedo, iyo Jubbada Hoose. Waxaa xusid mudan in ciidamada dowladda ay ku guuleysteen xasilinta caasimadda iyo ciribtirka khatarta falalka Alshabaab Muqdisho, guushaana waxaa loo aaneynayaa dadaalka wadajirka ah ee hay’adaha amniga qaranka iyo dadka deegaanka oo si firfircoon u taageeray tallaabooyinka xasilloonida ee ka socda caasimadda. Dadka deggan gobollada la xoreeyey waxay sidoo kale gurteen abaal-marinta dadaallada xasilinta qaranka, kuwaas oo ka kooban bixinta adeegyada muhiimka ah sida biyaha, caafimaadka, iyo waxbarashada, waxaana intaa waxaa dheer, maamullada maxalliga ah iyo xarumaha amniga loo sameeyay si kor loogu qaado xasilloonida meelahaas”. Dhanka kale dowladda Soomaaliya ayaa qaar kamida ah warbaahinta caalamiga ah ee dalka ka howlgala ku eedaysay warar been abuur ah, waxayna uga digtay inay ka fogaadaan wararka aan xaqiiqda ku salaysnayn Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa ku qaabilay Xafiiskiisa Wasaaradda ee Caasimadda Muqdisho, Siihayaha Safaaradda Jamhuuriyadda Shacbiga Shiinaha ee Soomaaliya Danjire Chen Wendi. Labada masuul ayaa kulankooda diiradda ku saaray sidii loo xoojin lahaa xiriirka iyo iskaashi ay wadaagaan labada iyo ajandeyaal kale oo labada dhinac ahmiyad weyn u leh. Shiinaha ayaa kamid ah dalalka ugu muhiimsan ee taageera Dowladda Federaalka Soomaaliya, asagoo ka gacan siiya dhinacyada mashaariicda, amniga, waxbarashada iyo siyaasadda. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan ayaa markii ugu horreysay ka hadashay cadaadis uga yimid madaxda sare ee dalka, xilli ay u tartameyso kursiga guddoomiyaha Midowga Afrika. Fowsiya oo warbaahinta la hadashay ayaa diiday inay ka tanaasusho kursigaasi, iyada oo sheegtay in madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaare Xamza ay si cad ugu yiraahdeen “iskaga har tartanka, una tanaasul musharaxa Jabuuti ay wadato”. Inkasta oo Fowsiya ay qirtay in markii hore uu madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha garab taagnayeen, balse ay gadaal iska beddeleen wax walba si lama filaan ah. “Bishii May bartamaheedii dhamaadkii shirka Madasha, Muqdisho waxaa ii yeeray madaxweyne Xasan Sheekh, ra’iisul wasaare Xamza iyo afar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada, odayaashaasi waxay ii sheegeen inay isla garteen in aan tanaasulo oo iskaga haro tartaankaas oo waxaas oo olole iyo howl ah usoo galay,” ayey tiri. Fowsiya ayaa sheegtay in markii ay weydiisay sababta Soomaaliya uga hareyso jagadaasi muhiimka ay u sheegeen inuu madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele ka codsaday inay uga harto, si uu isagu usoo sharaxo wasiirkiisa arrimaha dibadda. “Muddo markii aan doodda wadnay oo dhamaan ay ku adkeysteen in aan haro waxaan isku dayay in aan garnaqsado, gubaabiyo oo uga waramo danta weyn ee kursigaas ugu jirta umadda.” Waxay intaas kusii dartay “Waxaa madaxda weydiiyay waxa lagu beddeshay magaca Soomaaliyeed si aan ugu qanco, arrintaasi la igama jawaabin. Waqti dheer iyo dood badan kadib odayadii go’aankooda ayey ku adkeysteen ana marka waxaa ka codsaday in aan 10 maalmood oo soo fikiro la isiiyo, anigoo islahaa waxba iska beddeli doona.” Waxay ku dheeraatay faa’iidada Soomaaliya kursigan u leeyahay, ayada oo diiday inay u tanaasusho Soomaaliya, “Midowga Afrika wuxuu ku dhow yahay Jimciyada quruumaha ka dhaxeysa, waxaana dalka usoo hoyanaya maamuus, lagamana yaabo in aan ka tanaasulo musharaxnimada kursigaas.” “Lama arag tartame ama dal lagu qasbo inuu tartanka uga haro qeyrkiis, markaa intaas oo dhan eegay waxay ila noqotay in aan ka tanaasulin kursigaas, maadaama horey la igu amray in aan u tanaasulo dowlad kale 2016-kii,” ayey tiri Fowsiya Yuusuf Xaaji Aadan. Xildhibaannada ayaa sidoo kale sheegtay in hanka kursigan uu ku dhashay sanado hore, balse uu horey uga hor istaagay madaxweyne Xasan Sheekh kal xukunkiisi hore, uuna hadda markale dhabarka ka jabiyay, sida ay sheegtay. “Madaxweyne Xasan wuxuu ku adkeystay inuu codkiisa Kenya siinayo oo aan waqti iskaga lumin, waa la qaatay markaas arrinka oo waxaa goostay in aan sugo doorashada dambe ee sanadka 2025, waxay noqotay in aan siddeed sano kale sugo oo dib isku soo sharaxo waqtigan himika ah.” Xildhibaan Fowsiya marka lala barbar dhigo musharaxa ay Jabuuti wadato waxaa la aaminsan yahay in aysan ka liidan, haddiiba aanay meelo badan iyadu ku horeynin. Waa ra’iisul wasaare ku-xigeenkii hore ee Soomaaliya, wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya, aas-aase Jaamacaddeed, mid warbaahineed iyo haweenay wax badan ka beddeshay nolosha bulsho badan oo danyar ah. Waxay leedahay waayo-aragnimo ay ku geyso kursigaan. Dad badan ayay la-yaab ku tahay inuu Xasan Sheekh ku dhiiran waayay in kursigan u raadiyo dalkiisa, in uusan ku beddelan wax cad ah oo qaranka dan u ah marka laba reebo waxa shaqsiga ah ee isaga iyo Ismaaciil Cumar Geele ka dhaxeeya iyo inuu diidmadiisa la yimid mar Fowsiya waqti, kharash iyo han badan galay. Isla dhacdo middaan lamid ah dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr bilood kahor diiday inay taageerto Xildhibaan Marwo Cabdi Bashiir oo isku sharaxday madaxweynaha baarlamaanka adduunka, laakiin markaas dowladda qiil waxay ka dhigatay inay Tanzania uga beddelatay taageerada xubinnimada ururka bulshada Bariga Afrika. The post Daawo: Fowsiya oo diiday tanaasul, kashiftayna sida ay Xasan iyo Xamza uga hiiliyeen appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ay dooneyso in ay tartiibiso bixitaanka ciidamada nabad ilaalinta ee ATMIS, ayada oo ka digtay firaaq amni, sida ku cad dokumentiyo ay aragtay wakaaladda wararka Reuters. Hawlgalka ATMIS ayaa waxaa ka go’an inay dalka ka baxaan 31-ka December, markaasi oo la filayo in ciidamo cusub oo tiro yar lagu bedelo. Si kastaba, warqad ay bishii hore u dirtay ku-simaha guddoomiyaha golaha nabadda iyo ammaanka Midowga Afrika ayay xukuumadda Soomaaliya kaga codsatay in illaa bisha September dib loo dhigo bixitaanka bar ka mid ah 4,000 oo askari oo lagu waday inay baxaan dhammaadka bishan June. Dawladdu waxay hore ugu talisay, qiimayn wadajir ah oo ay la samaysay Midowga Afrika bishii March, in guud ahaan wakhtiga ka bixitaanka lagu jaangooyo “hadba heerka diyaargarowga dhabta ah iyo kartida” ciidamada Soomaaliya. Qiimaynta wadajirka ah, oo uu ansixiyey Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, ayaa ka digtay in “si deg deg u dhimista shaqaalaha ATMIS ay horseedi doonto firaaq amni.” “Weligey sidan oo kale ugama walaacin jihada dalkayga,” ayuu yiri Mursal Khaliif oo ah xildhibaan ka tirsan guddiga difaaca ee baarlamanka. Midowga Yurub iyo Mareykanka, oo ah labada maal-geliye ee uga sarreeyaa ee ciidamada ATMIS, ayaa doonaya in la dhimo tirada nabad-ilaaliyaasha sababo la xiriira walaacyo laga qabo maal-gelintooda mustaqbalka, sida ay sheegeen afar ilo-wareed diblomaasi iyo sarkaal Ugandan ah. Wada-hadallada ku saabsan ciidamada cusub ayaa noqday kuwa adag, ayada oo Midowga Afrika uu doonayey sharciyad ka xoog badan kan ay Soomaaliya ogoshahay, sida ay sheegeen ilo-wareedyo. Sidoo kale, khilaaf ayaa hoggaamin kara in ciidamada Itoobiya oo qeyb ka ah howlgalka ay dalka ka baxaan. Xafiisyada madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaan ka jawaabin codsi ku aadan inay ka falceliyaan warbixintan. Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Mohamed El-Amine Souef ayaa sheegay in uusan jirin jadwal go’an oo ku aadan soo geba-gebeynta wada-hadallada, balse dhammaan dhinacyada ay ka go’an tahay in ay gaaran heshiis caawin kara in lagu guuleysto nabad iyo amni. “Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya waxay adkeeyeen muhiimadda ay leedahay hoos u dhigista dhimista si looga hortago firaaq kasta oo amni,” ayuu u sheegay Reuters. Gelinka dambe ee Khamiista ayaa lagu wadaa in Golaha Nabadda iyo Ammaanka ay ka kulmaan arrimaha Soomaaliya, si ay uga doodaan dhimista iyo howl-galka xiga. Iyadoo dhimista ay socotay oo ay dalka ka baxeen 5,000 oo ka mid ah ku dhawaad 18,500 sanadkii tegay, dowladdu waxay muujisay kalsooni. Waxa ay sheegtay in ciidamada cusub aysan dhaafin 10,000, ayna tahay in lagu koobo howlaha ay ka midka yihiin sugidda amniga xarumaha waaweyn ee dadweynaha. Uganda iyo Kenya oo sidoo kale ku tabarucay ciidamada ATMIS, ayaa walaac muujiyey. Henry Okello Oryem, oo ah wasiiru dowlaha arrimaha dibadda Uganda, ayaa sheegay in inkastoo dadaallo xooggan oo dhanka tababarrada ah ay sameeyeen, haddana ciidamada Soomaaliya aysan sii wadi karin dagaal muddo dheer. “Ma dooneyno inaan galno xaalad aan kala cararno, oo la mid ah wixii aan ku aragnay Afghanistan,” ayuu u sheegay Reuters. Oryem ayaa sheegay in Kenya ay aqbashay dhimista ay codsadeen Mareykanka iyo Midowga Yurub, balse ay tahay in la maqlo walaaca dalalka ay ciidamada ka joogaan Soomaaliya. The post DEG DEG: DF Soomaaliya oo wax ka bedeshay qorshihii bixitaanka ciidanka ATMIS appeared first on Caasimada Online.
-
Ugu yaraan 34 qof ayaa dhimatay, iyadoo tobanaan kale lagu daweeyay isbitaal, ka dib markii ay ku cabbeen khamri si sharci darro ah looga soo saaray gobolka Tamil Nadu ee koonfurta Hindiya, sida ay masuuliyiintu sheegeen. Afhayeen u hadlay dowlad gobolleedka deegaankaas ayaa xaqiijiyay dhimashada ka dhalatay cabista khamriga ay ku jirto maadada halista ee methanol. “Dembiyada noocan oo kale ah ee bulshada burburiya waxaa lagu xakameyn doonaa gacan bir ah, “ayuu yiri madaxa gobolka MK Stalin oo soo dhigay bartiisa bulshada ee X. Arrintan ayaa ka dhacday degmada Kallakurichi, halkaas oo in ka badan 100 qof oo la ildaran matag, iyo calool xanuun la dhigay isbitaallada, taasoo dhalisay baaritaan ay boolisku sameeyeen. Mas’uul ka tirsan degmada MS Prasanth ayaa sheegay in tirada bukaannada ku jira xaalad halis ah ay isbedeshay, taasoo soo keentay in dhimashadu ay sare u kacdo. Dowladda gobolka ayaa bayaan ay soo saartay ku xaqiijisay in ay shaqada ka joojisay ugu yaraan 10 mas’uul oo ay ku jiraan aruuriyaha degmada iyo taliyaha booliiska, waxayna laama nabad-galyadu qabteen hal qof oo iibinayay khamriga sharci darrada ah iyo 200 litir oo qamri lagu daray maadada methanol, sida ay dawladu sheegtay. Gaadiidka gurmadka deg dega ah, dhaqaatiir iyo xeeldheereyaal ah ayaa la geeyay degmada si ay wax uga qabtaan dhibaatada dhacday, waxaana laga cabsi qabaa inay sii kororto tirada dhimashadu. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee dalka Mudane Baashe Yuusuf Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa safar shaqo ugu ambabaxay dalka Shiinaha, halkaas oo ay kaga qayb-gali doono shirka Guddoomiyeyaasha Maxkamadaha Sare ee Afrika iyo Shiinaha. Shirkaan ayaa waxaa looga hadli doonaa iskaashiga Garsoorka Afrika iyo Shiinaha oo muhiimad wayn u yeelan doona labada dhinac inay yeeshaan wada shaqayn joogta ah, gaar ahaan horumarinta Garsoorka. Inta uu dalka Shiinaha joogo Guddoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka Garyaqaan Baashe Yuusuf ayaa la filayaa inuu kulamo doceedyo kala duwan la yeelan doono masuuliyiinta dhigiisa ah ee ka qeyb-galaya Shirka. Source: goobjoog.com
-
Afhayeenka militariga Israa’iil ayaa daaha ka qaaday khilaafka sii ballaaranaya ee u dhaxeeya hoggaanka siyaasadda iyo ciidamada, isagoo su’aal galiyay hadafka dagaalka lagu hoobtay ee marinka Qasa oo uu sheegay Ra’iisul wasaare Benjamin Netanyahu inuu yahay burburinta Xamaas. Ka dib sagaal bilood oo dagaal ah oo in ka badan 37,000 oo Falastiiniyiin ah lagu dilay magaca ciribtirka kooxda hubaysan ee Maxaas, Rear Admiral Daniel Hagari ayaa u sheegay TV-ga Channel 13 ee Israa’iil in hawshu ay ahayd mid aan macquul ahayn oo si fudud “khalad”. “Xamas fikradeedu Waxay ku qotontaa quluubta dadka, qof kasta oo u malaynaya inaan baabi’in karno Xamaas waa khalad.” ayuu yiri janeraal Hagari. Hadalka Afhayeenka militariga Israa’iil ayaa muujinaya in ciidanku ay ka niyad jabeen dagaalka muddada dheer ka socda marinka Qasa, islamarkaana uu saameyn ku yeeshay khilaafka hoggaamiyaasha siyaasadda. Dhowaan ayay ahayd markii Ra’iisul Wasaare Netanyahu uu kala diray xukuumaddiisii dagaalka, sidoo kalena uu ka horyimid go’aan ay ku dhawaaqeen militarigu oo ku saabsanaa dagaalka. Source: goobjoog.com
-
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Macallin Fiqi Axmed, ayaa maanta oo Khamiis ah Caasimadda Muqdisho kaga guddoomay nuqul ka mid ah warqadaha aqoonsiga danjirannimo Safiirka cusub ee Mareykanka u qaabilsan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Richard H. Riley . Wasiir Axmed Fiqi ayaa yididdiilo u muujiyay Danjire Richard Riley. Waxaa uu rajeeyay in uu ku guulaysto howsha diblomaasiyadeed ee cusub iyo mas’uuliyadaha loo igmaday. waxaa uu caddeeyay muhiimadda gaarka ah ee howsha danjiraha laga sugayo inay tahay xoojinta xiriirka iyo sare u qaadidda wax wadaagga ka dhexeeya Soomaaliya iyo Mareykanka, iyadoo diirrada la saarayo suuragalnimada ka guul keenidda horumar wax ku ool ah oo laga gaaro dhammaan dhinacyada kala duwan ee iskaashiga. Source: goobjoog.com
-
Dibadbax xoogan ayaa ka socda agagaarka garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa ka dib markii xabsiga loo taxaabay siyaasi ka tirsan xisbiga mucaaradka ah ee wadani oo halkaas ka soo degayay. Dadweyne u diyaarsanaa inay soo dhoweeyaan siyaasiga Cismaan Cumar Dool oo garoonka diyaaradaha ka soo degayay, oo ay ciidamada Soomaaliland xabsiga dhigeen ayaa billaabay bannaan-bax ay arintaa ku diidanyihiin. Dibadbaxa oo rabshado watay, islamarkaana ku faafay meelo kale oo magaalada kamid ah ayaa waxaa hadda ku baxay duqa magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge iyo masuuliyiin kale oo doonaya inay xiisadda xalliyaan. Lama oga sababta ay ciidamada Soomaalilamd u xireen siyaasigan kamid ah xubnaha ugu cadcad Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, Xukuumadduna weli kama hadlin. Source: goobjoog.com
-
Xoghayaha guud ee urur Xisbullah, Xasan Nasrallah ayaa ku hanjabay in ay weerarri doonaan jasiiradda Qubrus oo uu ku eedeyay inay Israa’iil u oggalaatay saldhigyo militari iyo garoommo diyaaradeed , si ay u weerarto goobaha Xisbullah ee gudaha Lubnaan. waxaa kalo uu sheegay isagoo tixraacayay muuqaalka ay soo bandhigeen ee saldhigyada iyo xarumaha militariga Israa’iil inuu ka mid yahay qayb yar oo ay ka soo bandhigeen xog badan oo ay ka hayaan awoodda Israa’iil , isagoo intaa ku daray inay u diyaarsanyihiin dagaal dheer oo ay la galaan Israa’iil iyo xulafadeeda. Hanjabada Xisbullah ayaa markiiba laga dareemay gudaha Qubrus; hoteellada ayaa la joojiyay dhammaan dadkii sii qabsaday goobaha la isugu yimaado iyo xeebaha ayaa si la mid ah dadkii tagi jiray ay maanta hoos u dhaceen, iyadoo Qubrus ay joojisay fiisooyinkii ay bixin jirtay safaaradda ay ku leeyihiin Beirut. Dhinaca kale Afhayeenka dowladda Qubrus, Konstantinos Letymbiotis ayaa shir jaraa’iid oo uu qabtay, wuxuu cabasho ka muujiyay hanjabaada Xisbullah, isagoo sheegay ina ysan Qubrus wax lug ah ku lahayn colaadda gobolka, isagoo meesha ka saaray suurtagalnimada dhulkooda in laga weerarro Xisbullah. “Cyprus kuma jirto, kamana qayb qaadan doonto dagaal kasta…. xiriirka Jamhuuriyadda Qubrus la leedahay Lubnaan waa mid aad u wanaagsan dhammaan wada-xaajoodyadu waxay ku dhici doonaan heer diblomaasiyadeed. Ma jiro waddan loo ogolaan doono in uu hawlgalo milatari ka sameeyo Qubrus” ayuu yiri Konstantinos Letymbiotis. PUNTLAND POST The post Ururka Xisbullah oo ku hanjabay in ay weerarri doonaan jasiiradda Qubrus appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay. Madaxweyne Xasan ayaa toddobaadyaddii dambe ku maqnaa safaro shaqo oo dalka dibaddiisa, kuwaasi oo uu ku tagay dalalka Norwey, Switzerland, Turkiga iyo Jabuuti. Madaxweynaha ayaa magaalada Oslo ee dalka Norway uga qeyb-galey Madasha Nabadda ee Oslo, halkaas oo uu hadal ka jeediyay. Waxaa sidoo kale uu madaxweynaha uu kulamo la yeeshay Boqorka iyo ra’iisul wasaaraha Norway. Sidoo kale wuxuu madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud dalka Switzerland uga qeyb-galey shir caalami ah oo looga hadlayey colaadda u dhaxeysa Ruushka iyo Ukraine. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu dambeyn safarkiisa shaqo kusoo gaba-gabeeyay dalalka Turkiga iyo Jamhuuriyadda walaalaha nahay ee Jabuuti, isagoo la kulmay madaxda labadaasi dal. Xasan ayaa intii uu maqnaa waqtigiisa ugu badan ku qaatay dalka Turkiga, halkaas oo wasiirka arrimaha dibadda dalkaasi Hakan Fidan uu kula kulmay. Madaxweynaha ayaa dowladda Turkiga kala hadlay sii ay garab uga sii laheyd dagaalka Al-Shabaab, waxaana halkaas ka dhacay heshiis ay Turkigu si buuxda uga qeyb qaadanayaan dagaalka Al-Shabaab. The post Xasan Sheekh oo maanta dalka dib ugu soo laabtay iyo xogta safaraddii uu galay appeared first on Caasimada Online.
-
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Mudane Xirsi Cali X Xasan iyo Masuuliyin ka Tirsan Xisbiga WADDANI ayaa Magalada Burco kulan balaadhan kula qaatay Cuqaal ,Odayaal, dhalinyaro aqoonyahan iyo haween kaso jeeda gobollada Togdheer ,Saraar iyo Sanaag ee beesha Axmed Faarax Biciide ee East Burco Clan Waxgaradka Beesha ayaa tilmaamay in ay kaalin weyn ka qaadanayaan dadaalka isbedel ee xisbiga WADDANI, islamarkaana codkooda iyo cududooda la barbar istaagayaan hoggaanka xisbiga si isbedel hoggaamineed dalka uga dhaco xisbiguna ugu guulaysto dooroshooyinka muddaysan Madaxda Xisbiga WADDANI ayaa si kal furan u soo dhaweeyay haldoorka beesha, islamarkaana uga mahadceliyay taageeradooda.Sidokale tilmaamay in ay xil weyn iska saari doonaan wax ka qabashada deegaannada beesha iyo horumarintooda. Qaran News
-
Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax oo Beeniyay Warar Laga Faafiyay Safaarada Somaliland ee Jabuuti… Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, oo ku sugan dalka Ingiriiska, isla markaana u jooga hawlo gaar ah iyo kuwo shaqo, ayaa beeniyay Warar been Abuur ah, oo lagu faafiyay baraha Bulshada ee Facebook. Safiirka oo Warbaahinta Xogreeb Media khadka Telefoonka kula xidhiidhay, isla markaana waxka waydiisay Wararka sheegaya in Safaarada Somaliland ee Jabuuti, lagu amray inay dalkaas ka baxdo, ayaa sheegay in Wararkaasi yihiin been abuur. Safiirka Somaliland u Fadhiya Jabuuti Ambassador Cabdifatax Siciid Axmed, waxa uu sheegay inay Wararkaas ay faafinayaan dad cadow ah, isla markaana waxku raadsada faafinta dacaayadaha, waxa u dadkaas kula taliyay inay beenta iska daayan. Sidoo kale waxa u tilmaamay in shaqada safaarada iyo xidhiidhka wada-shaqayneed ee labada dalka aanay waxba iska bedelin. Qaran News