-
Content Count
211,367 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Turkey is set to construct and donate an embassy building and a plot of land to Somalia at a cost estimated to reach over $6m, according to a deal submitted to the Turkish parliament on Monday. Source: Hiiraan Online
-
Ankara (Caasimada Online) – Turkiga ayaa lagu wadaa in uu Soomaaliya u dhiso safaarad iyo dhul uu ku kacayo lacag lagu qiyaasay in ka badan $6 Milyan, sida ku cad heshiis loo gudbiyay baarlamaanka Turkiga Isniintii shalay. Sida ku cad heshiiskii Turkiga iyo Soomaaliya ay kala saxiixdeen 2022-kii, Ankara waxay ku gudeysaa tallaabadaan dhul ay dowladda Soomaaliya ugu deeqday Turkiga 2015-kii, kaas oo ku yaalla xeebta badweynta Hindiya ee Muqdisho. Dhulkii ay dowladda Soomaaliya siisay Turkiga waxaa laga dhisay safaaradda ugu weyn caalamka, warbaahinta Turkiga ayaa sheegtay in safaaradda Turkiga ee Muqdisho lagu dhisay lacag dhan $65 Milyan. Soomaaliya waxaa Ankara laga siinayaa 3 markii loo dhigo 2 meel dhul la eg kii Turkiga ay ka siisay Muqdisho. Turkiga ayaa qorsheynaya in dhulka uu siinayo Soomaaliya uu ka dhiso safaarad weyn, wuxuuna heshiiskaan u ogolaanayaa Soomaaliya inay mustaqbalka iibiso dhulka iyo dhismayaasha haddii ay rabto. Ilo xog ogaal ah ayaa warbaahinta Turkiga u sheegay in dhulka ay dowladda Soomaaliya Muqdisho ka siisay Turkiga uu wax badan ka weyn yahay dhulka hadda Soomaaliya laga siinayo caasimadda Turkiga ee Ankara, balse dowladda Soomaaliya ayaa macaasheysa dhismaha dhulkaas oo ugu yaraan 6 milyan oo dollarka Mareykanka ah ay ku baxeyso. Dowladda Turkiga ayaa tan iyo sanadkii 2011-kii waxay si weyn u maalgalineysay Soomaaliya, iyadoo ku bixisay in ka badan $1 bilyan oo gargaar bini’aadantinimo ah, taasi oo wax looga qabtay abaaro dad badan ay ku dhinteen oo sanado kala dambeeyey ku dhuftay Soomaaliya. Turkiga ayaa hadda awood ciidan oo xoog leh ku leh Soomaaliya, waxaana shirkado laga leeyahay dalka Turkiga ay maamulaan garoonka diyaaradaha iyo dekedda magaalada Muqdisho, kuwaas oo heshiisyo kula jira dowladda Soomaaliya. Turkiga waxa uu tababaray in ka badan 10,000 oo askari oo Soomaali ah, una dhiganta saddex meelood meel ka mid ah ciidamada Soomaaliya, saldhig militeri oo lagu tababaro ciidamada xoogga Soomaaliya ayuu Turkigu ku leeyahay koonfurta Muqdisho, halka diyaaradaha dagaalka ee dowladda Turkiga ay ciidamada Soomaaliya ka caawiyaan dagaalka Al-Shabaab. Sidoo kale dowladda Turkiga ayaa ku dhawaad $30 Milyan sanad kasta ku biirisa miisaaniyada Soomaaliya, halka sanadkii 2020-kii, uu Turkigu ka bixiyey Soomaaliya dayn dhan $3.4 Milyan oo hey’adda lacagta adduunka ee IMF ay ku laheyd. Bishii Febraayo ee sanadkaan Turkiga iyo Soomaaliya waxay kala saxiixdeen heshiis dhameystiran oo difaaca iyo iskaashi dhaqaale ah, kaas oo faraya in Turkiga uu biyaha Soomaaliya ka difaaco argagixisada, burcad-badeedda iyo khataraha dibadda, 10-ka sano ee soo socda. Bishii Maarso, waxay labada dal mar kale kala saxiixdeen heshiis sahamin iyo qodis shidaal ah, sidoo kale heshiiska waxaa qeyb ka ah sahmin dhameystiran oo dhulka Soomaaliya uu Turkigu ku sameynayo. Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa isha lagu hayay markii wiil uu dhalay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uu bishii November shil gaari ku dilay nin Turkish ah, shilkaas ayaa ka dhacay magaalada Istanbul, xilligaas oo Maxamed Xasan Sheekh uu watay gaari ay leedahay safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga. Wiilka madaxweynaha oo markii hore ka baxsaday dalkaas ayaa dib ugu noqday dalka Turkiga, isagoo hortegay maxkamadda, waxaana lagu xukumay xabsi labo sano bar ah, kaas oo markii dambe u uku iibsaday lacag dhan $900 oo ganaax ah. The post Xog: Turkiga oo Soomaaliya dhul ka siinaya Ankara, $6 milyan ugu dhisaya safaarad appeared first on Caasimada Online.
-
MOGADISHU (Xinhua) -- The United Nations Support Office in Somalia (UNSOS) on Tuesday vowed to galvanize efforts to develop the country's aviation sector. Source: Hiiraan Online
-
MOGADISHU (HOL) — Abdullahi Mohamed Ali Sanbaloolshe, director of the Somali National Security and Intelligence Agency (NISA), announced leadership changes in the Banadir region on Tuesday. Source: Hiiraan Online
-
436284634_462906126128237_83113206425746587_n Qaran News
-
Booliiska Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay Dhalinyaro gaaraysa 15 kuwaas oo debadbaxo rabshado wata ka sameeyay Degmada Daarusalaam ee Gobolkaan Banaadir, Dadkaan ayaa la wariyay in la horgeyn doono Maxkamadaha Awoodda uleh si ay Caddaaladda u maraan. Howl-gal ay sameeyeen Ciidanka Boliiska Qeyta Guud ee gobolka Banaadir,gaar ahaan Rugta Boliiska Dagamada Daarusalaam,waxayna ku soo qabteen 15 ruux oo iskugu jira Rag iyo Dumar ku Edeysan in ay Dagmada Daarusalaan ku qabteen isku soo bax fowda ah oo sababay Qasaare kala duwan. Sidoo kale booliska waxay shacabka ku nool caasimada iyo hareeraheeda uga digeen in ay ka fogaadaan ka qeyb noqoshada isku soo baxyada sababi kara falala ammaanka lidiga ku ah. Laba maalin ka hor ayaa sidaan oo kale waxaa loo xiray dhalinyaro badan oo lagu sheegay in dhaqan xumo ay ka wadeen Aaladda Tiktook,kuwaas oo aan Maxkamad weli la soo taagin. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa Khamiista toddobaadkan booqasho rasmi ah ku tagaya Aqalka Cad, halkaa oo uu kula kulmayo Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden. Tan ayaa ka dhigtay Ruto, hoggaamiyihii u horreeyay ee Afrika oo Aqalka Cad lagu soo dhaweeyo tan iyo 2008-dii, waxaa kalo uu noqonaya madaxweynihii u horreeyay ee Kenya oo muddo ka badan labaatan sanno lagu qaabilo Aqalka Cad. Biden ayaa sidoo kale markii u horreysay hoggaamiye Afrikan ah ku qaabbilaya Aqalka Cad, tan iyo markii uu xilkan qabtay, waana muujin uu Mareykanka ku soo bandhigayo iskaashiga uu la leeyahay Kenya. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Mareykanka oo aqalka cad ku qaabilaya madaxweynaha Kenya appeared first on Puntland Post.
-
Gaari Leylo ah oo la sheegay inuu Al-shabaab u siday hub, daawo iyo saanad kale oo ciidan ayaa maanta lagu qabtay soohdinta ay wadaagaan gobollada Sh/Dhexe iyo Galgaduud, gaar ahaan deegaanka Maraay-suuley oo u dhow deegaanka Mesegawaa. Ciidamada xoogga dalka, gaar ahaan ururka 86-aad ee Guutada 77 ayaa fuliyey howlgalka lagu qabtay gaarigaas, waxayna ciidanku soo bandhigeen sawirrada gaariga la qabtay iyo qeybo ka mid ah agabka la sheegay inuu Khawaarijta u siday. Maalmihii lasoo dhaafay howlgallo is dabajoog ah ayaa ka socday tuulooyinka iyo dhulka howdka ah ee dhaca soohdinta labada gobol ee Galgaduud iyo Sh/Dhexe, kuwaas oo amniga lagu xaqiijinayo. PUNTLAND POST The post Gaari waxyaabaha qarxa iyo hub u siday Al-shabaab oo la qabtay appeared first on Puntland Post.
-
MAXA KALA QABSADEY DALJIRE IYO DANJIRE DALJIRE Martida Gudaha oo Saxeedey Buuga Madaxtoyadda ee Maalinta Qaranka DANJIRE. Weger oo Procolka Dowladdnimada xagey kaga jirta. Isla inagii iyo Shaqalahii dowladda ineynu saxeexno. Waar adeer dowladdnimadda Ciyaarta ka daaya. Mise cid wax inoo saxeedeynu weyney. DALJIRE. Marna Qaranka Loo Baqi maayo. Saxeexa waxa ku jira Badhasaabkii Gobolka Sool oo Miisaaniyadii caasimadda Laascaanood Saxeexey. Maxaad ka hadleysa. File ka dabada ka gal. DANJIRE. Ma sidaasa. Horaa Loo soconaya baan maqli jiree. Waayahey. Wefti ila soda. Dalka jooge Laascaanod ma geyn karaa. DALJIRE. Waar Madaxweynaha Hoos isu wareysta. Anaga buugaasa naloo dhiibe. Waxii saxeexaya Sawir baanu ka qaadeyna eh. Noo keen kuwa kula socda aan ku sawirne. DANJIRE. Waar Caalamku wuu inagu qoslayaaye dowladdnimadda Ciyaarta ka daaya. DALJIRE. Warkaagu wuu na soo gaadhey, Maalmahan Mucaarkaad ku xidhan tahey. DANJIRE. Dee hadda macaal ninka xukumadda ka mida ee yidhaahda waar sidaasu sax, maaha mucaradka la qoraya iyo cadowga gudaha. Iga raali ahow. Macaslamaa. Xaalku Waa Pilotkii Qaranko Biyo Dhaaminaya. Waa isku fadhida. Hon-Envoy Abdirizak Diinaari diinaari1960@gmail.com Qaran News
-
Dacwadoogaha guud ee Maxkamadda Caalamiga Dambiyada ayaa dalbaday in la soo xiro ra’iisalwasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo hoggaamiyaha Xamas ee Gaza, waxaana loo haystaa in ay galeen dambiyo dagaal. Karim Khan ayaa sheegay in ay jiraan cadymo ku filan oo muujinaya in labadan ay galeen dambiyo dagaal iyo kuwa bani’aadanka ka dhan ah laga soo bilaabo toddobadii Oktoobar 2023-kii Maxkamadda oo fadhigeedu yahay Hague ayaa baareysay falalka Israel ee dhulka la haysto saddaxdii sano ee la soo dhaafay iyo sidoo kale falalkii Xamaas ee dhawaan. Netanyahu ayaa dhawaan sheegay rajada laga qabo in mas’uuiyiin sare oo Israel ah lagu daro liiska dadka ay maxkamadda ICC dooneyso ay tahay wax aan la aqbali Karin taariikhdana ay xusi doonto Qaran News
-
“When Bihi asserts the sanctity of colonial borders, he not only inadvertently defends the sovereignty of the Federal Republic of Somalia but also exposes Britain to potential calls for rectifying historical injustices.” Mogadishu (PP Editorial) — The speech delivered by Muse Bihi Abdi, the President of the Somaliland Administration, on May 18, 2024, contained deliberate misrepresentations and factual inaccuracies. Bihi asserted that President Hassan Sheikh Mohamud had claimed the maritime Memorandum of Understanding between Somaliland administration and Ethiopia “would lead young Somali men to wage jihad against Christian Ethiopia.” How does this align with Bihi’s claim in the same speech that President Mohamud said he was ready to let Ethiopia use Somalia’s coasts “on the condition that the agreement be signed by the Federal Government of Somalia”? Bihi claimed that Ethiopia did what the Federal Government of Somalia is reluctant to do: treat Somaliland as a separate country capable of signing agreements with other nations. Although Ethiopia has not officially recognised Somaliland as a separate country, Addis Ababa faced legitimate accusations that the illegal maritime Memorandum of Understanding undermines counterterrorism operations against Al-Shabaab and poses a threat to global security. Regarding the union, Bihi claimed that “Somaliland pioneered the search for Greater Somalia and dedicated resources and manpower to that goal.” This assertion, like his other far-fetched claims, aims to depict the sovereignty of the Federal Republic of Somalia as an irredentist project. Bihi is old enough to remember when in 1954 Britain, in violation of Protectorate Agreements, allowed Ethiopia to annex Somali-inhabited territories. In March 1968, at the Royal African Society, Mohamed Haji Ibrahim Egal, then a Prime Minister, commented on Britain’s actions that violated the Protectorate Agreements with Somali tribes.: “In the middle of the nineteenth century, only a few years after Britain had cynically signed flamboyant Treaties of Protection with the [Somali] people, it had secretly signed treaties with Ethiopia ceding to that country a portion of those very lands it had undertaken to protect.” When Bihi asserts the sanctity of colonial borders, he not only inadvertently defends the sovereignty of the Federal Republic of Somalia but also exposes Britain to potential calls for rectifying historical injustices. These injustices result from breaches of Protectorate Agreements with Somali tribes who upheld their end of the agreements. The Common Law system only safeguarded the rights of the coloniser. © Puntland Post, 2024 The post Misrepresentations of Somaliland President to the Public Opinion appeared first on Puntland Post.
-
Hoggaamiyaha Maamulka SSC Khaatumo Cabdiqaadir Axmed Aw Cali Firdhiye ayaa Somaliland uga digay in ay dagaal kale ku qaado deegaanada SSC-Khaatumo, isaga oo sheegay in ay jabindoonaan. Hoggaamiye Firdhiye oo ku sugan dalka Talyaaniga, ayaa mar uu la hadlayey jaaliyada reer SSC-Khaatumo ee magaalada Rooma waxaa uu sheegay in hadii maamulka Somaliland ay weerar kusoo qaadaan deegaanadiisa ay ku jabi doonto. “Hada Muuse waa soo xayd xaydanayaa, intii dagaalka lagu guda jiray hablaha reer Hargaysa waxaa hal ku dhag u ahayd Muusow ciidanka fasax, Muuse hada wuxuu leeyahay ka baydha waan fasaxayaaye, inshallah wuu ku jabi” ayuu yidhi Firdhiye. Somaliland ayaa dhankeeda sheegtay in ay si dhakhso ah gacanteeda ugu soo celin doonto deegaanadii ay ku lumisay dagaalkii kal hore ka dhacay gobolka Sool. Dhaqdhaaqyo dagaal ayaa laga soo warinayaa inay ka jiraan furimaha ay isku hor fadhiaan ciidanka Somaliland iyo kuwa SSC-Khaatumo, kadib markii Somaliland ay ciidan iyo saanad milatari kusoo daad guraysay, iyadoo xili kasta uu dagaal ka dhex qarxi karo labada dhinac. PUNTLAND POST The post Hoggaamiyaha SSC-Khaatumo oo digniin u diray Somaliland appeared first on Puntland Post.
-
War qoraal ah oo ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda ee Faransiiska ayaa lagu muujiyay taageerada ay Paris u hayso maxkamadda dambiyada caalamiga ah, ayadoo aqoonsan madax-bannaanideeda, iyo la dagaalanka isla xisaabtan la’aanta dhammaan kiisaska. Arrintan ayaa timid kadib markii dacwad oogaha guud ee ICC uu codsaday in la soo xirayo madaxda Israa’iil oo uu ku jiro Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, iyo wasiirkiisa dagaalku. Wasaaradda arrimaha dibadda Faransiiska ayaa bayaankeeda ku dartay in ay uga digtay Israa’iil lama huraan ahaanta u hoggaansanaanta sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimada, gaar ahaan heerka aan la aqbali karin ee waxyeelada rayidka ee marinka Gaza iyo helitaan la’aanta gargaarka bini’aadantinimo”. Faransiiska ayaa noqanaya dalkii ugu horreeyay reer galbeedka diidmada qaxayan leh oo taageeray amarka lagu soo xiro madaxda Israa’iil. Source: goobjoog.com
-
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada Qalabka sida ayaa xukun dil ku ridday Ibraahim Aadan Maadeey oo magaciisa Afgarashadiisuna yahay Cabdiraxmaan, kaas oo lagu eedeeyay ka tirsanaanta Al-shabaab iyo inuu geystay dilal qorsheysan oo ka dhacay degmooyin ka tirsan gobolka Banaadir. Eedeysanaha ayaa Al-shabaab kaga biiray degmadd Jillib ee Gobolka Jubbada dhexe, Tabbar gaaban oo dhinaca Dillalka Qorsheysan ah kadib waxaa loo soo diray in Muqdisho uu ka howlgallo, Gaar ahaan Kooxda Dilalka Gaadmada ah fulisa, ka hor inta uusan soo galin gacanta laamaha amniga. Dilalka loo heysto ayaa waxaa kamid ah dil 2024 loo geystay marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed oo Afaafka hore ee gurigeeda, marxuumadda ayaa ka tirsaneyd waaxda nadaafadda ee degmada, xilliga uu dilayay ayuu ka dalbaday biyo uu cabo kadibna uu sidaas ku toogtay sida lasoo bandhigay. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidmada ayaa codsaday mudeynta kiiskan, waxaana laga ogolaaday kow iyo Tobankii bishaan oo maxkamaddu u fariisatay dhageysiga kiiskaan isagoo qirtay inuu geystay falka dilka ah ee Allah unaxariistee Marxuumada Khadiijo Siyaad Maxamed. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn Maanta Ku xukuntay Ibraahim Aadan Maadeey Dil toogasho oo ah qisaastii Marxuumad Khadiijo Siyaad Maxamed, taas oo sanadkaan horaantiisii lagu dilay xaafadda Albaraka ee Hodan. Gabagabadii fadhigaya ayaa waxaa warbaahinta la sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, Maxkamadda ayaa maalmahaan ku howlaneyd kiisas kale duwan oo la xiriira dilal siyaabo kale duwan u dhacay. Source: goobjoog.com
-
Kulan balaadhan, qiimo iyo qurux badan oo xalay magaalada Hargeisa ka dhacay, oo haldoor, dhalinyar iyo aqoonyahan (rag iyo dumar ba leh) ee beesha Adan Madoobe la yeesheen Musharax Madaxweyne Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Party Mudane Xirsi Cali Xaji Hassan iyo madaxda Xisbiga Waddani. Qaran News
-
Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa ayaa sheegay in Israa’iil iyo Xamaas aan la is barbar dhigi karin ka dib markii maxkamadda ICC ay soo saartay amar la soo xirayo madaxda maamulka Israa’iil iyo hoggaamiyaasha ururka Xamaas. Biden ayaa yiri “Waxa Gaza ka dhacaya ma aha xasuuq,” sidoo kalena wuxuu si adag uga falceliyay go’aanka maxkamada caalamiga ee ICC ee ku saabsan dembiyada dagaal ee lagu eedeeyay madaxda Israa’iil. Hadalka Biden ayaa yimid ka dib markii Karim Khan oo ah dacwad oogaha maxkamada caalamiga ah ee ICC uu sheegay in uu dalbanayo in la soo xiro ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu iyo wasiirka difaaca Yoav Gallant oo lagu eedeeyay dambiyo dagaal oo ay galeen intii uu socday dagaalkii Gaza. Si kastaba ha ahaatee waxaa korortay khasaaraha dadka reer Falastiin ka soo gaaraya duqeymaha iyo duullaanka ee kala joogsiga lahayn ee Israa’iil waddo, reer galbeedka oo uu Mareykanka ugu horreeyona waxaa lama taabtaan u ah difaaca Israa’iil. Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar ku qaabilay Danjiraha Dowladda Qatar u fadhiya Soomaaliya Dr. Cabdalla Bin Saalim Al-Naciimi. Labada mas’uul ayaa ka wada hadlay arrima dhowr ah oo la xariira xoojinta xiriirka labada dhinac, dardar galinta heshiisyadii horey u dhacay ee la xariira fulinta barnaamijka mataaneynta Muqdisho iyo Doxa, dib u cusbooneysiinta mashaariicda ay Dowladda Qatar ugu talagashay dib udhiska Caasimadda JFS. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa uga mahad celiyay Boqortooyada Qatar kaalinta hagar la’aanta ah oo ay marwalba ka geysato garab istaaga Dowladnimada Soomaaliya iyo dib u dhiska dalkeena. Source: goobjoog.com
-
Ciidamada Israel ayaa hadda toogasho ku dilay shan qof intii lagu guda jiray weerarkii ay ku qaadeen xerada Jenin, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Wafa oo soo xiganaysa wasaaradda caafimaadka. Dadka dhintay ayaa waxaa ku jiray dhaqtar, macalin iyo arday. Warbaahinta gudaha ayaa baahisay sawir ay ku sheegtay inuu ahaa ardaygii la dilay. Waxa ay sheegtay in ciidanka Yahuuda ay si aan kala sooc laheyn u beegsanayso dadka falastiiniyiinta ah. Bishii Nofembar, ciidamada Israa’iil waxay dileen 14 falastiiniyiin ah weerar ay ku qaadeen xerada qaxootiga ee Jenin. Bishii Janaayo ee sanadkan, ugu yaraan 7 falastiiniyiin ah ayaa lagu dilay weerar ay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Israa’iil la beegsatay goob ay ku shirayeen muwaadiniinta magaaladaas. Source: goobjoog.com
-
Waayadan dambe waxaa baraha ay bulshadu ku wada xariirto, gaar ahaan aaladda TikTok si xoog leh uga socda falal guracan oo dhaqan iyo diin bi’is ah, kuwaasoo aad dadka mareegahaa adeegsada qaar kamid ihi ay ku kacaan. Dhallinyaro muuqaalada anshax-xumada ah iyo cayda dadka kale meherad iyo mucaash mooday ayaa u soo tafa-xaytay ficillo aad u xun xun oo carruur iyo cirrooleba ay la yaabeen. Facshar iyo foolxumo aan waligood la arag ayaa jaadad kala duwan ee internet-ka dhex wareegaya, kuwaasoo wadaad iyo waranleba bulshadu wada dhibsanayso. Damiirkii iyo sarriigtii dadka Soomaaliyeed lagu yaqaanay ayaa dhimasho qarka u saaran, qaawanaanta iyo ku qarraafaysiga dhaqan xumaduna waxay noqdeen xirfad maalinle ah. Fadeexaynta iyo sumcad dilka shaqsiyaadka bulshadeeda saamaynta ku leh ayaa bartilmaameed u noqday qolyo xishaadkii iyo xurmadii meel iska dhigay oo aan waxba xeerinayn, dadweynuhuna cid ka dhiidhisa daaye in badan oo kamida ayaa xiisaynaya daawashada muuqaalada anshax-xumada. Wadaad iyo waanadiisba la nac oo waxaa indhaha lagu wada taagayaa dumarka dhaqan dooriska noqday iyo ragga is nacay oo cayda qabiilada xirfadda ka dhigtay, taasoo keentay in hadal-haynya fagaare walba ay noqato heblaa la soo qarxiyay iyo hebel baa wax karbaashay. Saaqidiinta falfal xumidana ku howlan ka sokow waxaa jira kuwo kale oo buun buunin baahin ugu kaalmayna, oo anshax darrada iyo anafada ay wadaan ku sii dhiiri-gelinaya. Dhibaatada baaxadda weyn iyo halista ay falalkani nolosha dadweynaha iyo dhaqanka u geysteen markii laga tago , waxay xad-gudub iyo burburin ku yihiin mid kamida tiirarka waaweyn oo diinteena udub-dheex u ah,taasoo ah inaan qof sharafkiisa meel looga dhici karin. Shareecada islaamku waxay ilaalisaa nafta, maal, iyo milgaha”cisiga iyo cirdiga” dadka muslimiinta ah, ku xad-gubka 3-daa qodobna waxaa lagu mutaystaa caro Alle iyo cinqaab adag if iyo aakhiro mid ahaan lagula kulmo. Waxyaaba ay falalkan guracani keeni karaan waxaa kamid ah dil, maxaa yeelay waxaa laga yaabaa in qof dhan muuqaallo uu hayo dartood loo khaarajiyo ayadoo laga qabayo inuu faafiyo ama uu dano kale oo qalloocan u adeegsado. Sidoo kale waxaa suurta-gal ah in waalidka gabadhiisa ama wiilkiisoo qaawan baraha bulshada ku arkaahi uu xanaaq isla madax maro oo uu ilmaha gowraco ama ciddii wax ka duubtay kurka ka jaro oo talo faro ka haaddo, isku dir bulsho iyo hurin colaadeedna way horseedi karaan. Haddaba si falal-xumadan loo joojiyo waxaa dowlad iyo dadweynaha oo iskaashanayaahi ay u istaagaan, tillaabada ay booliisku qaadeen ee ay xabsiga ku dhegeen dhallinyarada dhaqan xumada caadaysatayna la sii xoojiyo. Source: goobjoog.com
-
Dacwad-oogaha guud ee maxkamadda dembiyada caalamiga ah ee ICC ayaa Isniintii sheegay inuu doonayo in waaran qabasho ah loo diro ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu, wasiirkiisa difaaca iyo saddex hoggaamiye oo ka tirsan ururka Xamaas, kuwaas oo loo haysto dembiyo dagaal oo ka dhacay Qaza, iyo dembiyo kale oo ka dhan ah bini’aadantinimada, intii uu socday dagaalka u dhexeeya Israa’iil iyo Xamaas. Dalabka dacwad oogaha maxkamadda ICC ayaa loo gudbinayaa saddex garsoore oo kuwaas oo qiimayn doona caddaymaha uu soo ururiyey, ka dibna ka go’aan gaadhi doona in waaran qabasho ah oo rasmi ah loo jaro saraakiisha eedda lagu soo oogay. Go’aanka ka soo baxay maxkamadda ICC ayaa dhaliyey falcelin kala duwan. Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa arrintan ku tilmaamay “inuu yahay wax laga xumaado oo muujinaya heerka uu nidaamka garsoorka ee caalamiga ahi uu khatarta ugu jiro inuu burburo”. Wasiirka arrimaha debedda ee Israa’iil ayaa isaguna go’aanka maxkamadda dembiyada caalamiga ah ku tilmaamay inuu yahay “go’aan fool xun” Madaweynaha dalka Maraykanka Joe Biden ayaa ku dhaleeceeyey go’aanka maxkamadda ICC, inay is-barbar dhigton weerarkii ay Xamaas qaadday Israa’iil ee ay dadka ku afduubatay iyo hawlgallada milateri ee ay Israa’iil ka waddo Qaza. Sidoo kale xoghayaha arrimaha debedda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa taageeray hadalka madaxweynaha, isaga oo ceeb ku tilmaamay, in maxkamadda ICC ay isbarbardhigto Israa’iil iyo Xamaas. Xoghayaha arrimaha debedda ayaa intaas ku daray in go’aankani uu wax u dhimmi karo, dedaalada socda ee la doonayo in heshiis xabbad-joojin ah lagaga gaadho dagaalka ka socda Qaza, isla markaana in la sii daayo la haystayaasha, lana kordhiyo gargaarka la geynayo Qaza, kaas oo ah, ayuu yidhi Blinken, inay yihiin dedaalada joogtada ah ee uu wado Maraykanku. Ururka Xamaas ayaa isaguna dhaleeceeyey go’aanka ka soo baxay dacwad oogaha ICC ee ah, in la soo xidho saddex ka mida saraakiisha sarsare ee ururkooda. Waxay ku eedeeyeen dacwadoogah ICC, Karim Khan inuu isku dayayo inuu simo, dhibbanaha iyo qofkii dilka geysanayey. Qoraal ay soo saareen Isniintii shalay ayay Xamas ku sheegtay inay xaq u leeyihiin inay iska difaacan qabsashada Israa’iil ee dhulkooda, oo ay ku jirto iska caabbin hubaysan. Balkees Jarrah, oo ah ku xigeenka agaasimaha cadaalada caalamiga ah ee ururka xuquuqda aadanaha ee Human Rights Watch, ayaa bogaadiyay go’aanka Khan. Wuxuu sheegay in tallaabadani ay iridaha u furi doonto, in lala xisaabtamo kuwii masuulka ka ahaa, dembiyada la geystay bilihii ugu dambeeyey, isla markaana in la soo taago maxkamad cadaalad ah. Madaxweynaha Koonfur Afrika ayaa sidoo kale soo dhoweeyey go’aanta ICC. Dacwad oogaha maxkamadda ICC ayaa sheegay in xafiiskiisu uu aaminsan yahay in shanta qof ay masuul ka yihiin, dembiyo ka dhan ah bini’aadantinimada. Qoraal uu soo saaray ayuu ku sheegay in ra’iisal wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu iyo wasiirkiisa difaacuba “ay qaadayaan masuuliyadda dembiyada dagaalka iyo dembiyada kale ka dhanka ah bini’aadantinimada ee dhacay, oo ay ku jiraan, inay gaajaysiinta dadka rayidka ah u isticmaaleen hab dagaal iyo inay si badheedh ah u bartilmaameedsadeen dadka rayidka ah “iyaga oo u arka hab ay ku cidhibtiri karaan Xamaas, una soo dayn karaan la haystayaasha gacanta ugu jira Xamaas, sidoo kalena waxay si wada-jir ah u ciqaabeen dadka rayidka ah eek u nool marinka Qaza, kuwaas oo ay aaminsan yihiin inay halis ku yihiin Israa’iil. Khan ayaa intaas ku daray in hoggaamiyaha Xamas ee Qaza Yaxya Sinwar, Taliyaha garabka milateri ee Xamaas Maxamed Diab Ibrahim al-Masri iyo hoggaamiyaha garabka siyaasadda Ismaaciil Haniyah inay ka masuul yihiin dembiyo dagaal iyo dembiyo kale oo ka dhan ah bini’aadantinimada, taas oo ay ku jiraan, dilal, qafaalashada la haystayaasha, kufsi, xadgudubyo kale oo dhinaca jinsiga ah iyo jidhdil. Dacwad oogaha ayay tahay inuu codsi waaran qabasho u gudbiyo saddex xaakin oo qiimayn doona caddaymaha uu hayo, ka dibna waxay go’aamin doonaan in aqbalaan in la soo xidho. Source