-
Content Count
212,836 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Deegaanada maamulka Somaliland maanta waxaa si rasmi ah uga billowday imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada hoose, dhexe iyo sare ee deegaanada maamulkaasi, kaas oo uu daah-furay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Imtixaanka ayaa waxaa sanadkan ka qayb-galaya illaa 38489 Arday, kuwaas oo kala ah 15542 arday oo dugsiyada sare ah iyo 22947 arday oo dugsiyada hoose/dhexe ah, waxaana lagu gelayaa 129 goobood oo dalka oo dhan ah, sida ay shaacisay Somaliland. Waxaa sidoo kale ardayda maanta u fariisatay imtixaanka kamid ah laba arday oo ku jira xabsiga wayn ee Gabiley, kuwaas oo xabsiga loogu geeyay imtixaanka, sida uu shaaciyay taliyaha xabsigaasi Khaalid Sheekh Xuseen Nuuriye oo la hadlay warbaahinta. Taliyaha ayaa sheegay inay xiriir la sameeyeen guddiga waxbarashada, kadibna ay ka aqbaleen in labadaas arday imtixaanka loogu geeyo xabsiga, iyaga oo xiran. “Imtixaanka shahaadiga ah ayaa maanta billowday saas daraadeed waxaan la xiriirnay guddoomiyaha waxbarashada Jaamac Raage oo runtii kal horana nagala shaqeeyay labadan maxabuus oo midna Wajaale ah, midna Hargeysa uu yahay waxbarashadoodana waa sii wataan oo maanta waxay u fariisteen imtixaanka” ayuu yiri taliyey xabsiga Gabiley. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray inay xaq u leeyihiin imtixaanka, uuna u ogolaanayo sharciga, iyaga oo fududeeyeen, sida sheegay taliye Khaalid. “Xaq waa u leeyihiin inay xabsiga kusii dhex wataan waxbarashadooda, waayo waxaa na faraya sharciga annaga oo dabaqeysa shuruucda xabsiga” ayuu sii raaciyay. Dhankiia guddoomiyaha waxbarashada gobolka Jaamac Raage oo isna ka hadlay goobta ayaa sheegay in markii labaad ay tahay in arday xiran imtixaanka looga qaado xabsiga Gabiley, wuxuuna arrintaas si gaar ah ugu amaanay taliska ciidamada ee gacanta ku haya. “Taliyaha Jeelka haysta ee Gabiley waa markii labaad ee uu suurageliyay inaan arday kaga qaadno imtixaanka iyaga oo xiran, labadan arday waa fasalka 8-aad” ayuu yiri Jaamac. Si lamid ah imtixaanaadka shahaadiga ah waxay maanta uga bilowdeen koonfurta, kawaas oo ay u fariisteen in ka badan illaa 37 kun oo arday, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya. The post Daawo: Arday imtixaanka maanta billowday ku galeyso xabsiga – Maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online.
-
Foosiya Yuusuf Xaaji Aadan, ayaa sheegtay in ay waajahayso cadaadis dhanka madaxda sare ee Soomaaliya ah oo ku aaddan doonisteedii in ay u tartanto kursiga ugu sarreeya Midawga Afrika. Yaa jaanis helaya cadaadiskaas darted? Kulankii 44aad ee golaha midowga Africa ee ka dhacay sanadkaan magaalada xarunta Midowga Africa ee Addis Ababa ayaa lagu sheegay in hoggaanka xiga ee midowga Afrika uu ka iman doono wadamada dhaca bariga Africa. Fawsiya inkasta oo ay sheegtay in aanay tanaasulayn, haddana way adkaan doontaa helitaanka kursigaas haddii aanay madaxda dawladda Federaalku tartankaas taageeradeeda qayb ka qaadan. Hoggaayimaha mudada dheer ee mucaaradka ah ee Kenya Raila Odinga ayaa shaaciyay in uu u tartamayo xilka guddoomiyenimada Midowga Afrika kal hore, cadaadiska Fawsiya wuxuu siin doonaa jaanis hor leh. Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti, ayaa isaguna haysta jaanis fiican oo ku qaban karo xilkaas, maadaama uu yahay musharraxa Jabbuuti booskaas ugu tartami doona. Hoggaanka haddeer xilka hayana waxaa la doortay 2021 muddo xileedkiisana waxuu ku egyahay 2025 bisha Febraayo, oo markaas xilka uu wareejin doono doorashada ka dib. Haatan waxaa xilka guddoonka Midowga Afrika haya Moussa Faki, oo ka soo jeeda dalka Chad, kaasoo ay u dhammaaneyso muddo-xileedkiisii labaad. Muddo-xileedka kursigan ayaa ah 2025-2028. Source
-
Madaxweyne ku xigeenka maamulka Khaatumo iyo Masuuliyiinka kale ayaa 33 sano ka dib magaalada Laascaanood ka daahfuray Imtixaanka Shahaadiga ah ee ay qaadeyso Dowladda Federaalka Soomaaliya. Madaxweyne ku xigeenka Maamulka SSC-Khaatumo Dr Maxamed Cabdi Shiine, ayaa daahfurka Imtixaankan ku tilmaamay taariikhi ah oo deegaanadaas oo ay ku dhowaad 20 sano Soomaaliland maamulaysay hormar ah. In ka badan 1,154 arday oo kala socda 17 Dugsi oo ku yaala SSC-Khaatumo ayaa Imtixaanka galaya, waxaana deegaanadaas ku sugan saraakiil ka socota Wasaaradda Waxbarashada Hiddaha iyo Tacliinta Sare ee dowladda federaalka Soomaaliyeed, kuwaas oo kor joogtaynaya habka uu imtixaanku socdo. Tillaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli Soomaaliland oo gobolka horay uga arrimin jirtay isla maanta laga daahfuray Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada 8-aadka iyo kan 12-aad, balse sool,ceyn, iyo Sanaag qeybo kamida ardayda joogtaahi ay galayaan imtixaanka Wasaaradda Waxbarashada ee dowladda federaalka Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa daah-furay bilowga imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada sare iyo Siddeedaad ee dugsiyada Hoose Dhexe oo maanta dalka si rasmi ah uga bilaabmay. Madaxweynaha qaranka oo ay wehelinayaan madaxda wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska iyo hormuudka xafiiska Imtixaanaadka qaranka, islamarkaana ay hareera joogaan qaar kamid ah madaxda jaamacadaha dalka oo sannadkan qayb ka ah maamulka Imtixaanka, ayaa dugsiga sare ee Faarax Oomaar ee badhtamaha Hargeysa ka daah-furay Imtixaanka, waxana uu Ardaydii ku sugnayd fasallada u qaybiyey nuqullada imtixaanku ka kooban yahay. Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka qaranka, Mudane Daa’uud Axmed Faarax oo ugu horrayn goobta ka hadlay, ayaa sheegay inay ka xafiis ahaan xil weyn iska saareen ilaalinta nuqullada rasmiga ah ee imtixaanka, islamarkaana kalsooni buuxda ku qabaan hannaanka uu imitxaanku u qabsoomayo. Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Dr. Axmed Aadan Buuxane oo munaasibadda daah-furka Imtixaanaadka ka hadlay, ayaa ka hadlay bilowga Imtixaanka ee saaka, waxana uu sheegay inuu imtixaanku si nabadgelyo ah ku gaadhay dhammaanba goobaha dalka ee uu lagu gelayo. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka hor daah-furka Imtixaanka Ardayda la dardaarmay, ayaa hoosta ka xariiqay inuu imtixaanku yahay jaranjaro nololeed oo badiba dadku soo maraan, waxana uu si qoto dheer u sharraxay marxaladihii kala duwanaa ee loo soo maray hirgelinta waxbarashada dalka oo ay sannadkan imtixaanka u fadhiisanayaan in ka badan 38-kun oo Arday oo isugu jira dugsiyada sare iyo kuwa Hoose/dhexe. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu Ardayda saaka Imtixaanka u fadhiisatay u rajeeyey guul ay ka gaadhaan Imtixaanka maanta, isaga oo ku adkeeyey inay niyad wanaag iyo filasho wanaagsan ku galaan Imtixaanka, waxana uu yidhi,“Calool-adayg iyo niyaad ku gala imtixaanka, cabsiyina ma jirto oo jaamacado waad helaysaan, dhammaantiinna waad guulaysan doontaan.” Imtixaanka shahaadiga ah ee fasallada Afraad ee dugsiyada sare iyo kuwa Hoose/dhexe waxa guud ahaan sannadkan u fadhiistay 38489 Arday, kuwaas oo kala ah 15542 Arday oo dugsiyada sare ah iyo 22947 Arday oo dugsiyada Hoose/dhexe ah, waxana lagu gelayaa 129-goobood oo dalka oo dhan ah. Source
-
Ruun-nirgood (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa sheegaya in maanta ciidamada deegaanka ee Macawiisleyda ay howlgal culus ka sameeyeen degmada Ruun-nirgood iyo deegaanada hoos yimaada ee gobolkaasi. Taliyaha ciidanka Macawiisleyda ee aggaasi Cabdi Taakow oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa faah-faahin ka bixiyay howlgalkooda, wuxuuna sheegay inay cagta mariyeen goobo iyo talisyo ay kooxda Al-Shabaab ku lahayd halkaasi. Cabdi Taakow ayaa xusay inay howlgalladan ku gaareen dhulka hawdka ah ee u dhexeeya deegaanka Daarunimca iyo degmada Ruun-nirgood, ayna isku fureen waddooyin xiran. “Waxaan howlgal qorsheysan kusoo qaadnay howdka degmada Ruun-nirgood annaga oo kasoo dhaqaaqnay Daarunimca, hadda meesha aan taaganahay waa waddada isku xirta Ceel Bacad iyo Ruun-nirgood waxaana soo marnay deegaano badan” ayuu yiri taliyuhu. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Lix nin illaa sideed nin oo ka tirsan Khawaarijta ayaa ilaalisa koontaroolada ay meeshaan ku lahaayeen Al-Shabaab”. Taliyaha Macawiisleyda degmada Ruun-nirgood oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in awoodda Al-Shabaab ee deegaanadaas ay aad u yartahay, wuxuuna tilmaamay inay sii wadi doonaan halgankooda, iyaga oo kaashanaya ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed. “Howdkan wax joogo oo laga cabsado ma joogaan, waxaan rabnaa inaan horkacno ciidanka Xoogga dalka” ayuu mar kale yiri taliye Cabdi Taakow. Xaaladda ayaa haatan ah mid kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo iska soo horjeedo laga dareemayo deegaanada u dhexeeya xadka gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe. The post Daawo: Macawiisleyda oo jab culus gaarsiisay Al-Shabaab appeared first on Caasimada Online.
-
ADDIS ABABA, Ethiopia (HOL) – The African Union Peace and Security Council (PSC) has endorsed the creation of a new AU-led mission to support Somalia's security transition after the African Union Transition Mission in Somalia (ATMIS) concludes its mandate at the end of 2024. The decision was made during the PSC's 1217th meeting on June 20 following the Joint Strategic Assessment report from the African Union Commission. Source: Hiiraan Online
-
Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya oo jawaab ka bixisay tallaabada Ururka Midowga Afrika ayaa soo dhaweysay go’aanka Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee ururkaasi oo aqbalay codsiga Soomaaliya ee ku aadan bixista ATMIS iyo dhismaha ciidamada cusub ee beddelaya. Safiirka Soomaaliya u fadhiya Midowga Afrika Danjire Cabdullahi Maxamed Warfaa ayaa ka warbixiyey aqbalaadda codsiga Soomaaliya iyo waxa uu ka dhigan yahay, isaga sheegay in go’aanada kasoo baxay Golaha Nabadda iyo Ammaanka Midowga Afrika ay yihiin kuwa masiiri ah oo saameynaya Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu hoosta ka xariiqay inay masiiri yihiin, isla markaana ay wax badan ka beddali doonaan nabadgelyada Soomaaliya, maadaama ay la wareegayaan ciidanka qaranka. “Qaraarada kasoo baxay Midowga Afrika waa go’aano masiiri ah oo nabadgelyada Soomaaliya saameyn ku leh, wax badana ka beddalaya sida ay wax u socdeen, sidoo kalena abuuraya jawi cusub oo ka duwan sidii hore oo ay wax u socdeen” ayuu yiri Danjire Warfaa. Safiirka Soomaaliya ee Midowga Afrika ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in la gaaray xilligii isku filnaashaha Soomaaliya, ayna amnigeeda ku filan yihiin ciidankeeda. “Soomaaliya inta badan waxay aad ugu tiirsaneed ciidamadan baxayo, hase yeeshee waxaa la gaaray waqti ay Soomaaliya go’aankeeda qaadan karto oo ay rabto inay isku filnaato ciidamadeeda ay ku filnaadaan, ayna la wareegaan nabadgelyada dalka” ayuu raaciyay. Waxaa kale oo uu kusii daray “Sanadihii u dambeeyay waxaa socday wada-hadallo u dhexeeyay Midowga Afrika iyo dowladda Soomaaliya, waxayna ku saabsanaayeen sida mas’uuliyadda waddanka loogu wareejin lahaa dowladda dhexe”. ATMIS ayaa la filayaa inay dalka ka baxdo dhammaadka sanadkan 2024-ka, waxaana haatan si tartiib ah u socda qorshaha bixista ciidamada ku jira howlgalkaasi. Dhinaca kale Midowga Afrika ayaa taageeray in la sameeyo howlgal cusub oo ururkooda hoostaga, maadaama howlgalka hadda socda ee ATMIS uu dhamaanayo bisha December ee sanadkaan 2024. Midowga Afrika ayaa warbixinta ay soo saareen ku sheegay in howlgalka cusub ay diiradda ku saari doonaan taageeridda dowladda federaalka Soomaaliya, si dalka looga xoreeyo kooxaha argagixisada ah. Howlgalka bilaabanaya ee ATMIS bedelaya ayaa mudnaanta lagu siinayaa ilaalinta rayidka Soomaaliya, wuxuuna sidoo kale dowladda dhexe ka caawi doonaa xasilinta iyo amniga dalka, iyadoo awood la siinayo mudnaanta dowlad-dhiska, sida lagu sheegay warbixinta. The post Soomaaliya oo ka jawaabtay go’aanka Midowga Afrika appeared first on Caasimada Online.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa daahfuray imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad oo ay sanadkan u fariisanayaan ku dhowaad 40 kun oo arday, kuwaas oo kala joogaa caasimadda iyo gobollada dalka. Ra’iisul Wasaaraha ayaa bogaadiyay habka ay u socata howsha imtixaanka ee ay waddo Wasaaradda Waxbarashadu, wuxuuna ardayda kula dardaarmay ardayda inay dadaalaan oo ay imtixaanka si feecan uga shaqeeyaan, ayagoo faray howl-wadeenada iyo kormeerayaasha Wasaaradda inay adkeeyaan masuuliyadda adag ee ilaalinta imtixaanka. Sidoo laamaha nabad-galyada ayuu faray inay xoojiyaan ammaanka iyo bedqabka ardayda iyo howl-wadeenada imtixaanka ka shaqaynaya oo ay ku dadaalaan inay howshaasi ay si nabdoon ku dhammaato, loona fududeeyo ardaydu inay imtixaanka si dhib yar ku galaan. Imtixaanka shahaadiga ah ee fasalka 12-aad ayaa saaka si rasmi ah uga billaabmaya Muqdisho, koofur galbeed, Jubbland, Hirshabelle, Galmudug, iyo Khaatumo, ayadoo dhanka Soomaaliland-na in ka badan 37,000 kun oo arday ay isla maanta u fariisanayaan imtixaanka dugsiyada dhexe iyo sare. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Gaadhaandhigga Soomaaliya, Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) oo khudbad ka jeediyay kulan maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aadan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab iyo waxa ay ka dhigan tahay in imtixaanka qaran lagu galo degmooyinkii la xoreeyay. Ugu horreyn wasiirka ayaa u jawaabay dad uu sheegay inay ka xun yihiin horumarada laga gaaray howlgallada xoreynta ee ka socda dalka, wuxuuna ku eedeeyay inay mar walbo niyad-jebinayaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed ee ku sugan furimaha dagaalka, iyaga oo baraha bulshada ku faafinayo warar been abuur ah, sida uu hadalka u dhigay. Jaamac ayaa shaaca ka qaaday in dadkaasi oo uusan cararb baabin in ay ka xun yihiin horumarka maanta la gaaray, maadaama degmooyinkii la xoreeyay maantadan la geeyay imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare, kaas oo qay qaadeyso dowladda Soomaaliya. Wasiirka ayaa meesha ka saaray in inta badan dib loo qabsaday deegaanadii iyo degmooyinkii lagu xoreeyay wajigii koowaad ee ay dagaalka Al-Shabaab. “Waxaan aragnaa baraha bulshada iyo meelaha doodaha ka furan yihiin deegaanadii la xoreeyay Al-Shabaab ayaa dib u wada qabsaday. Hadda oo idinla hadlayo Ceeldheer imtixaan gabdho iyo wiilal Soomaaliyeed oo tobanaan sano kahor ugu dambeysay ayaa ka socda, Aadan Yabaal 700 oo arday ayaa iyaguna imtixaanka ku jirto” ayuu yiri Jaamac. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Horumarka uu shacabka Soomaaliyeed gaaraayo maxaa looga xanuunsanaa? maxaa loo jecelyahay in cadowga uu ina qabsado?”. Wasiirka gaashaandigga oo hadalkiisa sii wata ayaa sidoo kale boggaadiyay ciidanka qaranka iyo kuwa deegaanka ee Al-Shabaab la diriraya, wuxuuna ku amaanay halganka ay ugu jiraan xoreynta dalka. “Maanta furimaha dagaalka wiilal iyo gabdho ayaa ku ciiday oo ilmahooda iyo waalidiintooda ka fogaaday”. ayuu mar kale yiri wasiirka gaadhaandhigga. Waxaa kale oo uu kusii daray “Shacabka Soomaaliyeed wuu dhaqaaqay, tareenkiisana wuu dhaqaaqay ciddiika hartay nasiibkeed, horay ayaan usoconeynaa Shabaab ayaa dhameyneynaa”. The post Maxay ka dhigan tahay in imtixaanka DF lagu galo degmooyinkii la xoreeyay? appeared first on Caasimada Online.
-
24 Juun 1812 ayuu Napoleon Bonaparte kala gudbay xuduuda wabiga Neman, ciidankiisa Grande Armée, si’uu usoo qabsado Ruushka oo ballamo uga baxay, uguna soo dhigo cashar Czar Alexander 1, boqorkii Ruushka. Qaar kamida wasiiradiisi ayaa udigay oo kuyiri Ruushku waa dal ballaaran mana wada qabsan karno, balse Napoleon oo ahaa nooca insaanka u sameysan inuu mar walba isla saxsan yahay, wuxuu yiri guushu waaba ii muuqataa, Ruushna waa dad aan laheyn disibiliin. Wuxuu doortay wakhtiga xagaaga si’uu caws ugu helo 150 kun faras ee ciidanku wattay, wuxuuna diyaarsaday qorshe uu ku dagaal gelinayo 450 kun oo ciidan ah iyo 150 kun oo kashaqeysa sahayda, wadartu waxay aheyd 650 kun ciidankii ugu ballaarnaa ee uu Napoleon dagaal geliyo dagaaladiisi loo yaqaanay Napoleonic wars. Dhanka Ruushku roobabkii xagaaga ayaa sii burburiyay wadooyinki liitay oo dhiiqo noqday, kadibna waxaa hoos udhacay jaanqaadkii ciidanka iyo fardihii oo cunay cows uu cayayaan kujiray. Taasi waxay sababtay in ay dhintaan 10 kun oo faras iyo cuduro ciidanka dilay. Reer baadiyihii Ruushka waxay gubeen wixii ay cows iyo raashin haysteen. Fardooleydii baadiyaha Ruushka loo yaqaanay Cossacks waxay maalintii kudhufo-kadhaqaaq kudili jireen 900 askari. Calaa kulli xaal Napolean wuxuu islahaa ciidanka rasmiga ee Ruushku, magaalada Smolensk ee Moskow u jirta 100km ayay kugula dagaalami doonaan, mise magaaladii waa gubeen, waana u baneeyeen. Borodino oo ah duleedka Moskow, ayay dagaal adag kula galeen Ruushka, kadibna Moskow intii ay dab qabadsiiyeen, tuubooyinkii biyahana xireen, ayay uga baxeen. Halka Napoleon islahaa calan-cad iyo caleemo ayaa lagugu soo dhaweyn, magaalo gubaneysa oo hal nafar joogin ayuu qabsaday isaga iyo ciidankiisi oo ay kasoo hareen 100 kun askari. Shan maalin markuu Moskow oo gubaneysa ku sugnaa, ayuu 19 October 1812 go’aansaday inuu dib isaga noqdo. Waxaa jidka u galay fardooleydii Cossacks, ciidankii Faransiiska ee bilowga ahaa 650 kun askari, waxaa la xusaa 25-kun ee kasoo badbaadday dagaalka Ruushka, in ay qaarna dhinteen, qaarna curyaanimo iyo cuduro la jiifeen muddo. Napoleon jabkaas dib ugama soo kaban, Ruushkuna waxay noqotay qabriga xukunkiisa, kadibna waxaa loo tarxiilay jaziieradi Elba. Hadda waxan la nool nahay dhacdadaas mid lamida oo waliba ka qaab iyo qorshe liidata. Dagaal u dhaxeeya Madaxweyne Xasan Sheekh keligii iyo kooxda Alshabaab ee cadow ku ah Soomaali oo idil. Wuxuu xukunka qabsaday bilaa qorshe iyo aragti la’aan uusan wakhti u helin una heyn, loona abuurinba inuu wax nidaamsan la yimaado, waayo Madaxweynaha waxay xiiqdii iyo dacaskii kaga soo dhamaadeen mucaaradnimadii Marinaayo, ee Madaxweynihii hore Farmaajo oo dalka qarka usaaray dagaal sokeeye. Waxaa uun safarkiisi 21 Juun 2022 laga warhelay kaambeyn dagaal, 10 cisho kadib caleemo saarkiisa isagoo Abu-Dabi la fadhiya Maxamed Bin Zayed iyo 2-3 July Ankara isagoo la jooga MW Erdogan oo haddana khudbo u akhrinaya ciidan-arday kujira xero Sparta kutaal, lacagna u qeybinaya! Waagaas Madaxweynuhu, sidii Profosoor jaamacad cashar ka akhrinaya wuxuu usheegayay Soomaalida iyo dunida labo kalmadood oo aad moodday inuu markaa bartay; xakameyn-iyo-hoos-udhigid argagaxisada (containment iyo degrading). Wuxuuna afka kasheegay inuu watto siyaasad kudhisan tirtirid, feker kala dagaalamid iyo cunaqabateyn dhaqaale. Uma qorneyn mana haysan Madaxweynuhu wax kabaxsan micneynta kalmadahaas af-ingiriisiga ah oo ula muuqday casharadii uu kadhigi jiray jaamacaddii Simad. Majirin qorshe mideyn siyaasadeed, mid istiraatiji dagaal-ciidan, mid juquraafi, mid mukhaabaraad, mid taaktiik, mid howl-galeed ama kaambayn guud oo dalka, dariska iyo dibadda u dajisnaa, waa uun iska hadaafayay sida uu Mall-ka BBS ee Nairobi udhex hadaafayay oo kale. Iska hadaafidaas ayaa lagula jalbooday, ciddii si macquula u dhaliishana jigraar iyo tuhun argagaxisnimo ayaa lagu shaabadaynayay. Waa dhaqan lamid ah midkii uu Madaxweyne Farmaajo iyo NN-tiisi dalka ku hayeen, cidii kaa feker duwan shaabadee, cayayaan kukici, dalgal ama safar udiid, dalka dhan kadhig dukaan-xaafadeed (corner shop) adigu leedahay oo dollarka carabta lagu sarifo. Iyadoo qorshe-xumadu sidaa tahay, ayuu haddana Madaxweynuhu helay ciidamo 5000 si adag loogu soo tababaray Eriteria, Danab, Gorgor, Haramacad, Macawiisleey, dhowr kun oo loo kala diray Uganda, Masar iyo Eriteria. Inkastoo sida magacyadu ay ugu egyihiin bahallo, aysan ciidamadaasi disibilin iyo kala danbeyn uga dhex jirin, loona sameyn, balse loo sameeyay in dadka lagu waabsado, baraha bulshadana lasoo dhigo iyagoo ku fiican sida loo dhaanteeyo ama heeso uun loo qaado. Haddana, sidaas oo ay tahay, waxaa la qiyaasaa iskudhaf ciidan dhan 30-40 kun askari inuu Madaxweynuhu haystay, markaana Alshabab waxaa lagu qiyaasi jiray 7 kun. Alshabaab waxay go’aansadeen qorshe ah in aysan gelin dagaal fool-ka-fool ah, una dagaalamaan sidii Ruushku ula dagaalameen Napolean 1812, oo ah u firaaqee, gub meel walba, kadibna kudhufo-kana dhaqaaq. Xusuus dhow waa xasuuqii ka dhacay Cowsweyne, Masagawaa, Budbud, Wabxo, Galcad, Galhareri oo illaa hadda dadka laga qariyo. Ciidankii Gorgor ee ugu hubka iyo tababarka fiicnaa intoodi badneyd waxay ku la’deen Cawsweyne, qaarna firxadkiisi Yurub ayay qaxootinimo isaga dhiibeen. Kuwii Ariteria-na waaba la xasuuqay. Maanta sida ka muuqata video-yada dhoolatuska AS iyo warbixinada caalamiga ah iyo walwalka Pentagon, kooxda argagaxisada waa ka hub badan yihiin, waa ka tababar iyo tayo fiican yihiin, waana ka disibilin wacan yihiin sidii hore. Su’aashu waxay tahay Madaxweyne XSM ma isagaa AS ku sameeyay (containment iyo degrading) mise isaga iyo Ciidankii Xoogga Dalka ayaa sidaas lagu sameeyay? Mise qorshuhuba sidaas ayuu ahaa oo uu rabay? Madaxweynaha iyo kooxdiisa DJ (Dam-Jadiid) waxaas oo dhan dan kama laha, waxaana siyaasad, qorshe, diblomaasiyad oo dhan loo fahmay “loo joojin maayo”. Sidii qolodii hore NN, kalmadaas siday ugu hayeen ugu danbeyntii bohol kadhacay. Wuxuuse qolodan danbe, uga sii liitaa markii uu ka adkaan waayay kuwii joogay dhulka dushiisa ee shiddada ku hayay dadka iyo duunyada, wuxuu udhacay lafihii marxuumiinta dhulka hoostiisa kujiray!. Waxaana walwal ba’an laga qabaa Soomaaliya in ay ka dilaacdo wixii Edinburgh-UK ka dilaacay sanadkii 1832 ee ay bilaabeen William Burke and William Hare, loona yaqaanay Burking, oo ah in lafaha dadka geeriyooda laga beecmushataro, xubnahoodana la iibsado, ganacsi-cusub Intaa waxaa dheer, in Madaxweynihii 2022 lahaa waxan AS kusoo afjareynaa 2 usbuuc, uu Oslo Forum 11 Juun 2024 kacadeeyay inuu isdhiibay, kana adkaan waayay AS oo uu diyaar uyahay maanta iyo barriba laxaajood AS, waliba sedexda dal (Qatar, Norway iyo Finland oo mashruucan watta) ka dalbaday in ay kasoo dhaadhiciyaan AS wada-hadlid!. Arrintan oo jugweyn ku ah qof walba oo suud-siyaasadeed usoo toshay ka ceyshidda Soomaaliya, gaar ahaan labada koox DJ iyo NN iyo inta la halmaasha ee iyagu ka beecmushtarayay 15-kii sano lasoo dhaafay siyaasadda Soomaaliya ee kudhisan Petrodollar-ka Carabta. Waa yaabe, haddan Soomaali nahay manoo bidhaami weyday caqliyad aan labadan qolo aheyn? Yurubiyaanku markii ay u taag-waayeen waalidii Napoleon oo ciidamadii Faransiiska ugu badnaa xasuuqay, waxay waalidiisa isaga soo xireen, kuna soo afjareen Jazeeradii uu 1821 kudhintay. Laakin dadka dunida jooga waxay u akhriyaan inuu ahaa halyeey taarikhda Dunida galay, xaqiiqduna waa inuu faashil ahaa, dunida dad badan xasuuqay sidii Hitler. Inaga hadda yaan u duceynaa oo inaga qaban kara Dr. Madaxweyne Xasan Shiikh inta uusan isku ceejin xariga qoorta u suran ama aysan isaga kuceejin Soomaalida dhulka dushiisa saaran iyo kuwa dhulka hoostiisa kujira? Kadibna, markaan dowlad noqono oo yara weynaano waxan dunida u akhrineynaa inuu Dr. Madaxweyne Xasan Sheekh halyeey ahaa!. Laakiin nasiib darro Soomaaliduna ilbax uma aha sida Yurubiyaanka, Dr. Xasan Sheekh istiraatijiiste uma aha sidii Napoleon, laakin waxaa hubaala inuu XSM u halaagay ciidamadii Soomaalida sidii Napoleon u halaagay ciidamadii Faransiiska. Madaxweynow, askari aabihii ka horreeyay ciidan ahaa oo aad qabrigii aabihii qodaneyso, sidee qori kuugu qaadayaa? Ilaahay ha xifdiyo Soomaali, danahooda ha u tuso meel walba oo ay dunida ka joogaan. W/Q: Luqmaan-Xakiim Xuseen luqmaanxakiimxuseen99@gmail.com AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada admin@caasimada.net Mahadsanid. The post Madaxweyne Xasan xariga uu qoorta isaga xiray, inta uusan isku marjin, yaa ka furaya? appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay xilliga kama dambaysta ah ee ay ciidamada midowga Afrika ee loo yaqaanno ATMIS dalka ka baxayaan, asagoo lagu badeli doono howl-gal kale oo ay ciidan shisheeye oo tiro yari goobaha qaar ee muhiimka ah ku sii joogi doonaan. Codsi arrintaas oo saabsan oo ay dowladdu horey u gudbisay ayaa waxaa si aqlabiyad leh u oggolaaday golaha ammaanka ee midowga Afrika, ayagoo sheegay inay si buuxda u aqbaleen dalabka Soomaaliya ee la xariira bixitaanka ciidamadan ku dhowaad 20-ka sano ku sugnaa dalka. Danjiraha Soomaaliya ee midowga Afrika Cabdullaahi Maxamed Warfaa ayaa sheegay in la gaaray xilligii ay ciidamada ATMIS dalka ka bixi lahaayeen, islamarkaana Soomaaliya ay nabad-galyadeeda ku filantahay, asagoo xusay xilliga askariga ugu dambeeya ee ciidankaasi uu bixi doono. Danjiraha ayaa tibaaxay in bisha December ee sanadkan 2024 ay ciidanka ATMIS gabi ahaantooda dalka ka bixi doonaan, asagoo intaa ku daray in askar tiro yar oo Midowga Afrika hoos tagaahi at goobaha qaar sii joogi doonaan in la soo afjarayo dagaalka ka dhanka ah kooxda Alshabaab. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli ay Soomaaliya dhowaan qeyb ka noqatay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay, islamarkaana ay sii xoogaysanayso saameynteeda dublamaasiyadeed, nabad-galyaduna ay soo hagaagayso. Source: goobjoog.com
-
Sida ay sheegtay Warbaahinta dalka Spain Markab nooca dalxiiska ah ayaa badbaadiyay 68 qof oo tahriibayaal ah, kuwaas oo dooni ay la socdeen laga helay meel u dhaw jasiiradda Canary. Markabka ayaa sidoo kale helay meydadka shan qof oo ka mid ahaa muhaajiriinta. Wakaaladda Howlaha Badbaadinta Badda ee Dalka Spain ayaa warbixin ay soo saartay ku sheegtay markab kuwa shidaalka qaada ah oo ka soo socdaalay waqooyi-galbeed ee Spain, kuna sii jeeday Brazil uu arkay doonidan muhaajiriinta ay saaraayeen oo dul sabeeneysa badda Atlaantigga intaasi ka dibna waxaa dhacday in uu u sameeyay gurmad. Maamulka Isbaanishka ayaa u weeciyay markabka dalxiiska ee Insignia, dhinaca Jaziiradaas si uu u badbaadiyo muhaajiriinta. Shaqaalaha markabka Insignia ayaa sidoo kale soo saaray saddex ka mid ah shantii meyd ee saarnaa doonida kalluumeysiga, iyagoo ka soo tagay meydadka labada qof ee kale sababo dhinaca cimilada oo xumeyd la xiriira. Doonta ay saaraayeen Muhaajiriinta ayaa aheyd nooca loo yaqaanno Pirogues oo ay isticmaalaan kalluumaysatada dalalka Mauritania iyo Senegal. Source: goobjoog.com
-
Maamulka Galmudug ayaa bilaabay in uu tilaabo ka qaado dadka sida sharci daro ah dhuxusha uga shida dhirta deegaanada gobolka Mudug ka dib markii dhawaan wareegto kasoo baxday lagu mamnuucay. Gudoomiyaha deegaanka Dowgaab ee gobolka Mudug Maxamed Axmed Sheekh Cusmaan iyo laamaha amniga deegaanka ayaa gubay qoryo si sharci daro ah looga soo guray deegaanka oo horay looga joojiyay. Maamulka ayaa sidoo kale gacanta ku dhigay kooxdii jartay dhirta la gubay, waxaana dhawaan la horkeeni doonnaa sharciga. Deegaanka dowgaab ayaa waxaa mamnuuc ka ah jarista dhirta iyo Xaalufka degaanka iyadoo Gaadiidleyda looga digay inay qoryo ama dhuxul ka sameeyaan Degaanka, ciddii lagu arkana tilaabo sharciga waafaqsan laga qaadi doono Maamulka gobolka Mudug ayaa maalmihii lasoo dhaafay waday dadaallo kala duwan oo looga hortagayo xaalufka deegaanka, iyadoo gacanta lagu dhigay dad badan oo dhuxul ka sameeyay dhirta markii ay jaraan. Source: goobjoog.com
-
Dabley hubaysan ayaa lagu soo warramaya in ay ganacsade lagu magacaabi jiray Cabdulqaadir Cabdi Daahir Axmed ay ku dileen xalay degaanka Kalabayr Gobolka Nugaa. Kalabayr waa deegaan u dhexeeya Garoowe iyo Buurtinle islamarkaana qiyaastii 60km u jira caasimadda Garoowe. Sida ay Goobjoognews u sheegeen dadka deegaanka ganacsadaha la dilay ayaa ka mid ahaa dadka sida weyn uga shaqeyn jiray horumarinta bulshada deegaanka Jalam. Dilka ganacsadaha ayaa salka ku haya arimo la xariira anooyin qabiil. Kooxdii dilka geystay ayaa la sheegay in ay goobta si nabad ah uga tageen. Ciidanka Booliiska Puntland ayaa la sheegay in ay waddaan dadaallo ku aadan sidii gacanta loogu soo dhigi lahaa gacan ku dhiiglayaasha dilay ganacsadaha. Source: goobjoog.com
-
Danyeerka nooca loo yaqaan Chimpanzee ee duurjoogta ah, waxay cunaan dhirta ka hor tagta bakteeriyada iyo xanuunada kale, sida ay sheegeen seynisyahanada. Waxay baaris ku sameyeen xayawaanada ku nool keymaha dalka Uganda, gaar ahaan kuwa dhaawaca soo gaara iyo kuwa xanuunsanayaba, inay dhirta isku daweeynayaan iyo on kale. Marka xayawaanku dhaawacmo oo uu keynta u raadsado wax gaar ah oo uu cuno. Cilmi-baarayaashu waxay soo ururiyeen dhirta uu xayawaanka cuno, kadibna baaris ayay ku sameeyeen. Inta badan dhirta la baaray, waxay noqdeen kuwo leh maadooyin ka hor taga bakteeriyada. Seynisyahannada, oo natiijada baaritaankooda ku daabacay wargeyska PLOS One, waxay rumeysanyihiin in chimpanzeega uu xitaa ka caawin karo raadinta dawooyin kale oo cusub. “Ma baari karno noole kasta oo ku nool kaymahaas, ayuu yiri cilmi-baare, Dr Elodie Freymann, oo ka tirsan Jaamacadda Oxford. “Marka maxaa noo diidaya inaan baarno nooca dhireed ee ay raadiyaan daanyeerka chimpanzee?” ayuunyiri. Afartii sano ee la soo dhaafay, Dr Freymann waxa ay muddo bilooyin ah si taxadar leh ula socotay xaaladda chimpanzee duurjoog ah oo ku noola keynta Budongo Central Forest Reserve ee dalka Uganda. Iyada iyo saaxibadeeda shaqada, waxay si gaar ah isha ugu hayeen dhirta uu sida gaarka ah u cuno chimpanzeega dhaawaca ah ama midka xanuunsanaya, dhirtaas oo ah kuwa aysan hore u cuni jirin. “Waxaan baaritaan ku sameyneynay hab-dhaqanka iyo tuhunka ah ah in laga yaabo in dhirtu dawo tahay ayay tiri” Dr Freymann. Waxay arkeen mid kamid ah xayawaankaasi oo dhutinaya isla markaana raadinaya geedka loo yaqaano ferns. Cilmi baarayaashu waxay sidoo kale uruuriyeen oo ay falanqeeyeen geedka nooca Christella parasitica, kaas oo isna leh maaddo yareysa xanuunka. Guud ahaan, baarayaashu waxay soo uruuriyeen 17 tijaabooyin oo lagu sameeyay 13 geed oo kala duwan, waxaana loo diray Dr Fabien Schultz, oo ka howl gasha jaamacadda Neubrandenburg ee dalka Jarmalka. Baaristaas waxaa lagu ogaaday in ku dhowaad boqolkiiba 90% ee dhirtaas ay leedahay maaddo ka hor tagta bakteeriyada isla markaana ay yareeyaan xanuunada. Ma uusan isticmaaleyn gacanta si uu u lugeeyo, wuu dhutinayay,” ayay tiri. Iyadoo inta kale ee kooxdan xayawaannada ay ag fadhiyeen oo ay wax cunayeen, daanyeerka dhaawacan ayaa dhutinayay isagoo raadinayay dhir. “Wuxuu ahaa kan keliya ee raadinayay ee cunayay dhirtaas.” Baarayaasha ayaa dhirtaas soo qaaday oo baaritaan ku sameeyay. Waa dhir lagu magacaabo Christella parasitica, taasoo la ogaaday inay tahay qallajiye xooggan. Guud ahaan, baarayaasha ayaa ururiyay 17 nooc oo 13 dhir kala duwan laga soo qaaday waxayna u direen inuu baaro Dr Fabien Schultz, oo ka howlgala Jaamacadda Neubrandenburg ee jarmalka. Waxay natiijadu sheegtay in ku dhowaad 90% dhirtaasi ay bakteeriyada ka hortagaan, halka saddex meeloodna ay leeyihiin maaddooyin dabiici ah oo qallajiye ah, taasoo micnaheedu yahay inay yareyn karaan xanuunka ayna bogsashada wax ka taraan. Dhammaan daanyeerrada dhaawacan iyo kuwa xanuunsan ee lagu sheegay daraasaddan ayaa si buuxda u caafimaaday, iyadoo Dr Freymann ay ku faraxsaneyd. “Kii cunay dhirta ayaa isticmaalayay mar kale gacantiisa maalmihii yaraa ee xigay,” ayay tiri. “Dabcan, ma caddeyn karno 100% in kiisaskan ay yihiin natiijada tooska ah ee ka dhalatay cunidda kheyraadkan,” ayay u sheegtay BBC. “Balse waxay diiradda saartay aqoonta caafimaad ee laga dhaxlay u kuurgelidda dhirta kale ee keymaha.” Ayay tiri. bbcsomali Qaran News
-
Ardayda Dugsiyada sare ee dalka ayaa saaka u fariisanaya Imtixaanka shahaadiga ah oo ay qabanayso Wasaaradda Waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta sare Xukuumadda Soomaliya, kaas oo sanad waliba wasaaraddu qaado. In ka badan 37-kun oo arday ayaa galaysa Imtixaanka, oo ka bilaabanaya xarumo ku yaalla Muqdisho, Galmudug, Koofur Galbeed, SCC Khaatumo, Hirshabeelle iyo Jubbaland, marka laga reebo Somaliland iyo Puntland. Goobaha lagu gelayo Imtixaanka ayaa aad loo adkeeyay, waxeyna dowladda sheegtay in ay u diyaarisay ku dhawaad 2,000 askari oo ilaalinaya. Dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii lasoo dhaafay soo saartay digniino kala duwan oo ku saabsan ilaalinta anshax Imtixaanka iyo hanaanka saxda ah iyadoo sanadkaan Imtixaanka laga ilaaliyay in uu banaanka u baxo. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya iyo gobollada dalka waxaa maanta ka furmay imtixaanaadka shahaadiga ah ee dusiga sare, kaas oo ay sanadkii 10-aad qaadeyso wasaaradda waxbarashada, hidaha iyo tacliinta sare. Sanadkan waxaa imtixaanka ka qayb-galaya arday ka badan 37 kun, sida uu shaaciyay wasiirka waxbarashada Soomaaliya Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Wasiirka oo ka hadlay furitaanka imtixaankan ayaa sheegay in ay gaarsiiyeen magaalooyin cusub iyo deegaano laga xoreeyay kooxda Al-Shabaab. “Wax badan ayaa sanadkan lagu soo kordhiyay imtixaanka tirada ka qayb-galayaasha waxay gaartay 37038 arday, tirada xarumaha waa 136 goobood, tirada dugsiyada ka qayb-galaya 736 dugsi, tirada shaqaalaha kormeerayo 2,870 ah iyo tirada ciidanka booliska ee ka howlgalaya oo ah 2176 askari” ayuu yiri wasiir Faarax Sheekh Cabdulqaadir. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in imtixaanka uu sanadkan ka duwan yahay sanadihii hore, ayna ku dadaaleen dhanka tayada iyo ilaalintiisa. “Lixdii bilood ee lasoo dhaafay waxaa aad looga shaqeeyay inuu imtixaanka ka duwanaado imtixaanadii hore dhanka tayada iyo dhanka gaarsiinta” ayuu sii raaciyay wasiirku. Dhankiisara’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Xamza Cabdi Barre oo imtixaanaadkan ka daah-furay Muqdisho ayaa farriin guud u diray dadka Soomaaliyeed, wuxuuna yiri “Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan waxaan ugu baaqayaa inay imtixtaanka qayb ka noqdaan oo ay kala shaqeeyaan wasaaradda”. Waxaa kale oo ra’iisul wasaaruhu boggaadiyay in sanadkan imtixaanka lagu galaayo degmooyinkii u dambeeyay ee laga xoreeyay maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. “”Goobo badan oo xagga amniga sanadihii hore aan imtixaanka laga gelin ayay hadda suurtagal noqotay in imtixaanka la geeyo” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaruhu. Dhinaca kale magaalooyinka Laascaanood iyo Buuhoodle waxaa 33 sano kadib maanta looga fariistay imtixaanka shahaadiga ah ee ay qaadeyso dowladda federaalka Soomaaliya, waxaana imtixaanka u fariistay illaa 1,154 arday oo wiilal iyo gabdho isugu jira. The post Ardeydii ugu badnayd oo u fariisatay imtixaanaadka dugsiyada sare + Video appeared first on Caasimada Online.