Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,836
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Asalaamu Calaykum Shacbiga reer Somaliland waxaan u sheegayaa in Cismaan Cumar Dool uu yahay muwaadin Ciiddiisa iyo Calankiisa hoos jooga oo la xidhi karo, la eedayn karo, la xukumi karo, dembi lagu heli karo, dembina lagu waayi karo si la mid ah muwaadin kasta oo Somaliland u dhashay. Cismaan arrinkiisa waxa gacanta ku haya laamaha sharciga, cid dulmiyi karta ama waxaanu qabin dusha ka saari kartaana ma jirto, cid ka difaaci karta dembi uu galayna ma jirto, arrinkiisana waan ku gudo jirnaa. Cismaan waxaanu ku booqanay Xabsiga aniga iyo masuuliyiin sare oo Xukuumada ka tirsan, waxaanan si 100% ula soconaa xaalkiisa, waana muwaadin hoos jooga ciiddiisa iyo calankiisa. Waxaan leeyahay kuwa arrinta Cismaan ka dhiganaya Kubad siyaasadeed ee ka shaqaynaya kicinta bulshada, inaan meeli uga bannaanayn ee ay ku foofaan danahooda. Waxaa kale oo aan jecelahay inaan bulshada la wadaago in hadalkii Suldaanka Guud iyo salaadiinta kale ee arrintan ka hadlay ay ujeedadoodu ahayd dejinta dhalinyaradii Madaarka ka mudaharaaday, balse aanay jirin wax kale oo xumaan ah oo ku jiray hadalkoodii, balse si khaldan loo turjumay. Waad mahadsan tihiin Amb Kaysar Cabdilaahi Maxamed Hargeisa. Qaran News
  2. Boosaaso (Caasimada Online) – Inta badan isbtaalada ku yaalla magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Barri ayaa xiran maalmihii u dambeeyay. Sida ay ogaatay Caasimada Online, isbitaalladan ayaa la xiray kadib amar kasoo baxay kooxda Daacishta Soomaaliya, kadib markii ay kooxda kusoo rogtay lacago baad ah oo fara badan. Isbitaallada xiran oo ah kuwa gaarka loo leeyahay ayaa waxaa kamid ah National, Kaafi iyo kuwa badan oo ku yaalla magaalada, sida ay Caasimada Online u xaqiijiyeen illo si dhow ula socda arrinkaan. Waa markii ugu horreysay oo xarumo caafimaad albaabada la isugu laabo, xilli kal hore ay kooxda lacago baad ah kusoo rogtay goobaha ganacsi ee magaalada, kuwaasi oo qaarkood la xiray. Shirkado badan oo ganacsi ayaa iyana albaabada la isugu laabay oo diiday inay bixiyaan baada kooxaha argagaxisada ah ee Daacish. Maamulka Puntland iyo madaxweyne Saciid Deni ayaa lagu eedeynayaa in magaalada ku daawanayaan culeyska amni ee Daacishta Soomaaliya ay saartay reer Boosaaso, si gaar ahna ganacsatada, oo laf dhabar u ah dhaqaalaha maamulka. Si kastaba, Boosaaso oo ah magaalada ugu dhaqaalaha badan maamulka Puntland ayaa muddooyinkii dambe la daala dhacaysa khatarta amni ee kooxaha argagixisada, welina wax muuqda kama qaban arrintaan maamulka uu hoggaamiyo madaxweyne Saciid Deni. The post Xog: Isbitaallada Boosaaso oo hal sabab u xiran maalmo badan – Maxay tahay? appeared first on Caasimada Online.
  3. Xisbiga KULMIYE oo culays wayni ka haysto kasbashada taageerayaasha ayaa maanta shaqaalihii dowladda iyo taagerayaal Safaari ah la tagay Balligubadle. Arrinta foolxumada wayn ah ee ay sameeyeen dadkuna aad ula yaabeen waxa weeye inay soo kalifeen oday wayn oo ah Gudoomiyeha Maxkamadda Gobol/Degmo ee Gobolka Hawd. Sh. Cabdillaahi Maxamuud Aw Cabdi! Xeerka Nidaamka Garsoorka Somaliland Xeer Lr.24/2003 Qodobkiisa 28aad ayaa si cad u sheegaya Dhowrsanaanta Sharafta Garsooraha/Xeer Ilaaliyaha Garsoorka waxa ka xaaraan ah inay siyaasada ku milmaan. Waxa ay dhex u yihiin dhamaan xisbiyada iyo ururada siyaasada, xisbi gaar ah kuma biiri karaan kamana dhex muuqan karaan. Si waafaqsan Dastuurka JSL iyo xeerk nidaamka Garsoorka waxa reeban inay xisbi/ urur ku biiraan, u ololeeyaan ama astaantiisa qaataan. Talaabada uu ku kacay guddoomiyaha maxkamada gobol/degmo Baligubadle waxa ay wax u dhimaysaa kalsoonida lagu qabo garsoorka. Guddoomiyaha Maxkmada Sare waxa laga filayaa isaga oo dhawraya haybada iyo sharafta garsoorka inuu foolxumadaas talaabo ku haboon ka qaado, hadii kale waxa muuqanaysa in uu raali kaga yahay! Very Shocked!. Afhayeenka garabka dhallinyarada heer Qaran Cabdiraxmaan Ismaaciil Qaran News
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horeysay si qoto dheer uga hadlay xiisada badda ee u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo salka ku haysa heshiiskii Addis Ababa ee Somaliland iyo Itoobiya. Xasan Sheekh ayaa waxa uu sheegay in Itoobiya iyo Soomaaliya aysan isku haysan in Itoobiya badda gaarto, balse ay isku haystaan sida ay Itoobiyaanka badda kusoo gaarayaan ama wadada ay usoo marayaan. “Waxaan isku haysanaa sidee Itoobiya badda kusoo gaaree. Dadka Soomaaliyeed iyo caalamkaba waxaan rabaa in aan markale u caddeeyo Itoobiya haddii ay dooneyso xeebaha Soomaaliya soo gaarto waa soo dhaweynayna,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. Waxa uu hadalkiisa sii raaciyay “Waxaan rabnaa in ay usoo gaarto sida Uganda ay xeebta Kenya usoo gaarto, sida Burundi iyo Rwanda u gaaraan xeebta Tanzania, iyo sida Itoobiya laftigeeda xeebta Jabuuti u gaarto oo xeebta Kenya usoo gaarto oo kale ay Soomaaliya usoo gaarto.” Sidoo kale waxa uu sheegay in wax ka duwan midaasi aysan yeelayn Soomaaliya, islamarkaana sida keliya ee Itoobiya baddeena kusoo gaari karto ay tahay hab lamid ah kuwa dalalka deriska oo kale. “Annaga iyo Itoobiya iskuma haysanno in ay Itoobiya badda gaarto, waxaan isku haysannaa Itoobiya sidee bay badda ku gaaraysaa, maaha dagaalku in ay Soomaaliya dowladda Itoobiya bad u diiddan tahay,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. “Soomaaliya mushkilad ma qabto, wax intaas ka duwan ma yeelayno, wax Soomaaliya u gaar ah oo isticmaalka baddeeda u gaar ah oo dal deris iyo mid fogba midba ka leeyihiin marnaba ma dhaceyso.” Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sida muuqata diidan in Itoobiya la iska siiyo qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, balse wuxuu ogol yahay in heshiis dekedeed la siiyo Itoobiya, si ay uga baxdo baahida badda, sida dalalka jaarka oo kale. “Adduunyadu xeerar ayay leedahay oo ay ku dhaqanto oo dowladdaha ka dhaxeeya oo mushtamaca adduunka ku wada nool yahay, Soomaaliyana taas ay kamid tahay una hoggaansan tahay.” The post Xasan oo shaaciyay in uusan diidanayn in Itoobiya hesho bad iyo shuruud uu ku xiray appeared first on Caasimada Online.
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Isxaaq Sheekh Cali Cabdullaahi oo tirsanaa Al-Shabaab ayaa maanta isku soo dhiibay ciidanka dowladda Soomaaliya. Ninkan oo muddo 14 sano kamid ahaa kooxda Al-Shabaab ayaa waxa hadda gacanta ku haya taliska qeybta 60-aad ee ciidanka xoogga dalka, oo uu isku soo dhiibay. Isxaaq Sheekh ayaa dagaalo badan kala qeyb qaatay kooxda, isaggoo muddo dheer kamid ahaa Shabaabka ku dhuumaaleysata gobolada Baay iyo Bakool, sida ay baahisay warbaahinta dowladda. Ninkan ayaa la sheegay inuu u adkeysan waayey xaaladda adag ee soo wajahday kooxda iyo sidoo kale gulufka ka dhanka ah, ee ay iska kaashanayaan ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka. Isxaaq Sheekh Cali ayaa sidoo kale wuxuu saaxiibadiis kula taliyey inay isku soo dhiibaan dowladda, ayna ka faa’iideystaan fursada cafis ee loo fidiyay xubnaha ka barbar dagaalamaya kooxda. Isa-soo dhiibista Isxaaq oo muddo dheer kamid ahaa kooxda ayaa qeyb ka ah Shabaab badan oo dhowrkii bilood ee la soo dhaafay u soo gacan galayey ciidamada dowladda. Dowladda ayaa muddooyinkii dambe soo bandhigaysay xubno ka tirsanaa kooxda oo isku soo dhiibayay, kuwaasi oo inta badan sheega in lagu qalday fikrad Diimeed ay salkeeda soo taabteen in aysan waxba ka jirin iyo inay u adkeysan waayeen gulufka ay kooxda wajaheyso. The post Isxaaq Sheekh oo 14 sano kadib isku soo dhiibay dowladda iyo sababta ka dambeysa appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa maanta ka furmay shirwaynaha xoojinta iskaashiga ee urur goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika ee EAC, kaas oo ay dhowaan xubin ka noqotay Soomaaliya. Shirkan ayaa waxaa furitaankiisa ka qayb-galay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, oo daa-furay kulanka, kaas oo muddo laba cisho ka socon doono Teendhada Afisyoone. Sidoo kale waxaa shirka qayb ka ah wasiirro, xildhibaanno, safiirada caalamka, madaxda jaamacadaha dalka iyo aqoonyahanno ka socda Bariga Afrika iyo caalamka. Inta uu socdo shirkan waxaa looga hadlayaa sidii Soomaaliya ay uga faa’iideysan lahayd ku biirista ururka dhaqaalaha ee Bulshada Bariga Afrika. Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya Maxamuud Cabdikariin Gabayre oo madasha ka hadlay ayaa yiri “Rugta Ganacsiga waxa ay xubin ka tahay rugta ganacsiga Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika, ku biiradda ururka wax badan ayey u tartay ganacsatadeena”. Gabagabada ayaa la filayaa in shirka laga soo saaro go’aanno waxtar u leh Soomaaliya iyo sida ay uga faa’iideysan karto fursaddan muhiimka ah. Soomaaliya ayaa dhowaan noqotay xubintii 8-aad ee ku biirta urur-goboleedka iskaashiga dhaqaalaha bulshada bariga Afrika ee EAC. Si kastaba, Soomaaliya waa mid kamid ah dalalka aan weli kheyraadkooda la isticmaalin ee ku yaalla caalamka. Waxaana dhinaca kale dalalka ku jira dalladan ay iyaguna sugayaan inay wax badan ka faa’iidaan dalkaan hodanka ah ee kheyraadkiisa weli ku nacfin. The post Shirka ururka dhaqaalaha bulshada bariga Afrika oo ka furmay MUQDISHO appeared first on Caasimada Online.
  7. Galgacyo (HOL) - At least ten people were killed and 15 others wounded in inter-clan fighting that erupted in the Labi Maygaag area in the east of the Mudug region in north-central Somalia on Sunday. Source: Hiiraan Online
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa isku dhac dhex-maray ciidamada ammaanka iyo qaar kamid ah ardayda galeysa imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga sare, oo ka dhacay afaafka Jaamacadda Ummadda, qaybta Gaheyr. Isku dhaca ayaa yimid, kadib marlii ardayda oo kasoo dib dhacay waqtiga imtixaanka laga celiyay inay galaan fasalka, waxayna markaasi is qabteen ciidanka ammaanka. Intaas kadib waxaa goobta ka bilowday fowdo iyo dibad-bax ay sameeyeen ardayda oo aad u badnayd, waxaana hakad galay isku socodka waddada laamiga ah. Mid kamid ah ardayda oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen iyo cabashadooda, wuxuuna sheegay in culays ka jira wadooyinka ay usoo daaheen, kadibna loo diiday imtixaanka. “Saaka halkan dhibaato ayaa ka dhacday oo weliba dhanka ardayda ah boqolaal arday ah ayaa laga celiyay imtixaanka, cilado jiro aawgeed waxay dib uga soo dhaceen waqtiga” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in haatan la xalliyay cabashadooda, ayna galeen fasalka, kadib markii ay goobta tageen saraakiil ka tirsan laamaha amniga Soomaaliya. “Magaalada waa laga dareemay oo ardayda waxa ay sameeyeen waddooyinka ayay xirteen, rabshado ayay sameeyeen taayaro ayay gubeen. Hadda waa la xalliyay waa xaroodeen” ayuu mar kale yiri mid kamid ardayda oo la hadlay warbaahinta. Dhinaca kale hooyo kamid ah dadka deegaanka ayaa sheegtay in wax laga xumaado ay tahay in waddooyinka oo xiran, kadib roob ka da’ay ardayda laga celiyo imtixaankooda. “Saaka meeshaan waxaa ka dhacay wax aan la filaneyn, waalidna uusan filaneynin shalay oo dhan arday uu roob ku da’aayay in saaka albaabka laga xirto waa wax aan la qaadan karin oo laga fiican yahay” ayay tiri hooyo kamid ah dadka deegaanka. Waxaa kale oo ay tiri “Ardaydii marka laga xirtayne waxay sameeyeen banaanbax, kaas oo gaystay khasaare oo baabuur ayaa la jajabiyay ilaahey mahaddiisa ciidamada ka hortaga rabshadaha ee dowladda ayaa meesha soo gaareen, haddana waa la xaliyay”. Xaaladda ayaa haatan ah mid deggan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay wasaaradda waxbarashada iyo saraakiisha booliska oo ku aadan dibadbaxa ay dhigeen ardaydaasi. The post Daawo: Arday careysan oo xirtay waddo ku taalla Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  9. Ugu yaraan 7 qof ayaa la dilay, halka 100 kalena waa la afduubtay kaddib markii rag hubeysani ay weerar ku qaadeen dad reer miyi ah oo ku nool gobolka Katsina ee waqooyi-galbeed ee Nigeria, dadka deegaanka iyo booliiska ayaana sheegay in weerarkani uu dhacay xilli habeennimo. ah, islamarkaana lala beegsaday qoysas reer guuraa ah. Afhayeenka booliiska gobolka Abubakar caliyow Sadiiq ayaa xaqiijiyay weerarka iyo dhimashada 7-da ah, balse ma sheegi doono in qof la la’yahay iyo in kale, Wuxuuna xusay in laamaha nabad-galyadu ay dhacdada baarayaan. “Ragga soo haray ee aan cararin waxay ku nool yihiin cabsi, waxayna sugayaan inay maqlaan warka ku saabsan eheladooda la afduubay,” ayuu yiri Muhammad Sani, oo walaashiis lagu afduubay weerarka. Dadka deegaanka ayaa sheegay in rag hubeysan oo watay mooto bajaaj ay soo gaareen tuulada Maidabino oo ka tirsan ismaamulka Danmusa ee gobolka Katsina, waxaana ay bilaabeen in ay rasaas goos goos ah furaan, taas oo dadka ku qasabtay in ay kala cararaan. Xasan caliyu oo la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa sheegay in weerarku uu dadka deegaanka ku noqday lama filaan, waxaana la xaqiijiyay in la la’yahay tobanaan haween iyo carruur ah. “Waxay dileen toddobo qof, oo ay ku jiraan laba carruur ah oo gubtay,” ayuu yiri xasan caliyu, asagoo intaa raaciyay”Waxay ku qaadatay in ka badan lix saacadood burburinta hantidayadu.” Isku dhacyada qabaa’iilka xoola dhaqata iyo beeralayda ah ayaa ku badan waqooyiga dalka nigeria, sidoo kale waxaa aaggaas falal argagax leh ka gaysata kooxda booka xaaraan. Source: goobjoog.com
  10. Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay dagaal beeleed goordhow ka qarxay duleedka magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug, kaas oo u dhexeeyo laba maleeshiyo beeleed oo hubeysan. Dagaalka ayaa si gaar ah uga soca deegaanka lagu magacaabo Taragaduud oo dhaca bariga gobolka Galgaduud, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac leh. Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalka oo ah mid xoogan ku dhintay ugu yaraan hal qof oo shacab ah, halka uu ku dhaawacmay mid kale, sida ay sheegeen dadka deegaanka. Xaaladda ayaa ah mid kacsan, waxaana sii xoogeysanaya dagaalka ayada oo gurmadyo ay helayaan labada beeleed oo kasoo kala jeeda magaalooyinka Dhuusamareeb iyo Ceelgaras. Ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug oo ku aadan dagaalka ka qarxay aagga magaalada caasimada ah ee Dhuusamareeb. Dagaalkan ayaa daba socda dil argagax leh oo shalay ka dhacay deegaanka Bulacle oo isna u dhow Dhuusamareeb, kaas oo loo gaystay Macallin Dugsi Qur’aan iyo xaaskiisa, waxaana lasoo wariyay inay dileen maleeshiyaad hubeysan oo kadib goobta isaga baxsaday. Isku dhacyadan ayaa uga sii daraya xiisadaha colaadeed ee haatan ka jira gobollada dhexe, kuwaas oo noqday tusbax furtay oo kale, waxaana dhowaan dagaal lagu hoobtay uu ka dhacay duleedka Caabudwaaq, kaas oo hal maalin oo kaliya lagu dilay illlaa 50 qof. Galmudug ayaa haatan wadda dadaallo dheeri ah, waxaana haatan gogol nabadeed oo uu dhigay Qoor Qoor ay taallaa Dhuusamareeb, balse weli colaadda kasii dareysa. The post DAGAAL culus oo ka socda duleedka Dhuusamareeb appeared first on Caasimada Online.
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo qeyb-galay Shirweynaha Xoojinta Iskaashiga Urur Gobaleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika oo ka furmay magaalada Muqdisho, kaasi oo soconaya muddo labo maalmood ah. Shirkaan waxaa sidoo kale ka qayb-galaya wasiirro ka tirsan xukuumadda, danjireyaal, qaar ka mid ah Madaxda Jaamacadaha dalka, mas’uuliyiin iyo aqoonyahanno ka socda Bariga Afrika iyo caalamka. Shirka ayaa lagu falanqeyn doonaa habraacyada looga loo marayo la jaanqaadida ururka Iskaashiga Dhaqaalaha bulshada bariga Afrika, ayadoo diiradda la saarayo dhinacyada muhiimka u ah Soomaaliya ee ay is dhexgalka ururkaas uga faa’iidaysan karto. Shirkan ayaa ku soo beegmaya xilli todobaadkii hore kulan muhiim oo ku saabsan tubta wada shaqaynta iyo shax howleedka Soomaaliya ay ururka kula jaanqaadayso lagu qabtay magaalada Nairobi. Source: goobjoog.com
  12. Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey ayaa Maanta oo Isniin ah shir albaabadu u xiran yihiin ka yeelanaya Xaaladda Siyaasadeed iyo tan Amni ee Soomaaliya. Qoraal kooban oo ka soo baxay Qaramada Midoobey ayaa lagu sheegay in Maanta oo ku beegan 24 June 2024 uu Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey shir ka yeelanayo Xaaladda Soomaaliya. Qoraalka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Shirka uu warbixin ka jeedin doono Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan. “Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa shir ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya Isniin taarikhda 24ka Juun saacadu markay tahay 5:00 galabnimo xiliga magaalada Muqdisho. Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan ayaa ka mid noqon doona dadka warbixinta ka jeedin doona” ayaa lagu yiri Qoraalkaasi. Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay muddo 53 sanadood ah waxa dhawaan loo doortay in ay xubin aan joogto ahayn ka noqoto 15-ka xubnood ee Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobey. PUNTLAND POST The post Golaha Ammaanka Qaramada Midoobey oo Maanta Shir ka yeelanaya Arrimaha Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  13. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta gelinka dambe ka shiraya xaaladaha dalka Soomaaliya. Kulankaan oo lagu gorfeyn doono xaaladihii ugu dambeeyay ee Soomaaliya ayaa dhacaya shanta galabnimo xilliga Soomaaliya waxaana lagu wadaa in uu halkaa hadal ka jeediyo ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay James Swan.Sidoo kale mas’uuliyiin kale ayaa lagu wadaa in ay halkaa ka hadlaan. Si qoto dheer looma faahfaahin qodobbada sida gaarka ah looga hadli doono shirka, hase-yeeshee waxaan la fahamsanyahay in xaaladaha guud ee dalku marayo lagu soo qaadi doono kulanka. Qaran News
  14. Mudaaharaadyo la filayo in ay ka dhacaan Kenya Mudaaharaadyo kale ayaa la qorsheynayaa in ay ka dhacaan dalka Kenya, kuwaas oo looga soo horjeedo canshuur kordhinta. Madaxweynaha Kenya William Ruto ayaa sheegay in uu diyaar u yahay wadahadal uu la yeesho dibadbaxayaasha. Dhallinyarada waddooyinka dibadbaxaysa marka lag ayimaado, badan oo Kenyan ah oo dabaqadda dhexe ah ayaa sidoo kale ka walaacsan tallaabooyinka ay dowladdu ku kordhineyso canshuuraha. Qaran News
  15. Dowladda Sucuudiga wasaaraddeeda Caafimaadka ayaa ku dhawaaqday tiradadadka sanadkaan 2024 ku geeriyooday Xajka, xilli sanadkaan Maka uu ka jiray Kuleel saa’id ah marka loo eego sanadkii 2023 xilliga Xagaaga, dhimashada ayaa dhaaftay 1,000 ruux. Bayaan kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay ilaa (1,301) qof ay ku dhinteen xajka sanadkaan ee Sacuudi Carabiya ,kadib markii la sheegay in badi dadka geeriyooday ay ahaayeen kuwo aan heysan fasax,isla markaana masaafo dheer ku socday kulayl daran. wakaaladda wararka ee Sucuudiga ee SPA ayaa sheegtay in heerka kulka xajka ee sanadkaan uu gaaray 50C (122F) ,iyadoo qaar ka mid ah dadka dhintay ay ahaayeen kuwo da’ ah oo xanuunsan waxaana inta badan ku dhagay naqaska oo dhimasho sababtay. Wasiirka caafimaadka iyo arrimaha bulshada dowladda Sucuudiga Fahad Al-Jalaajel ayaa sheegay in lagu dadaalay sidii dadka looga wacyi galin lahaa qatarta kulaylka ,waxaana xarumaha caafimaadka ay sheegeen in ay daweeyeen ku dhawaad nus malyuun xujey ah. Wasiirka ayaa hadalkiisa ugu duceeyay dadkii ku geeriyooday Xajka “Alle ha u dambi dhaafo, hana u naxariisto marxuumiintaasi, waxaanna tacsi tiiraanyo leh u diraynaa qoysaskii ay ka geeriyoodeen,” ayuu yiri wasiirka oo ka hadlay arrinta ku saabsan geerida xujeyda. Wakaaladda wararka ee AFP oo soo xiganaysa dublamaasi Carab ah ayaa sheegtay in 658 Masaari ah ay dhinteen. Indonesia ayaa sheegtay in in ka badan 200 oo muwaadiniinteeda ah ay naftooda ku waayeen, halka Hindiya ay sheegtay in ay dhinteen 98 qof. Pakistan, Malaysia, Jordan, Iran, Senegal, Sudan iyo ismaamulka Kurdistan ee Ciraaq ayaa sidoo kale la xaqiijiyay in dad ay ka dhinteen, xilli Soomaaliya dadka sanadkaan ka dhintay ay gaarayaan 6 ruux, inta lagu guda jiray gudashada waajibaadka xajka 1445 sanadkaan. Ra’iisul Wasaaraha Masar Mostafa Madbouly, ayaa Sabtidii shatiyadii ka xayuubiyay 16 shirkadood oo kuwa dalxiiska ah, wuxuuna maareeyayaashooda u gudbiyay maxkamad, waxaana lagu soo oogay in ay dayaceen badqabka ilaalada Xujeyda reer Masar ee sanadkaan tagay. Jimcihii madaxda Dalka Jordan ayaa sheegay in ay xireen dhowr wakiil, kuwaas oo la tilmaamay in ay fududeeyeen socdaalka xujeyda Muslimiinta ah ee ku socday Maka, maadaama ay jireen kuleel daran majirin digniino ay siiyeen marka laga reebo tan ka timid Sucuudiga. Dhanka kale madaxweynaha Dalka Tunisia Kais Saied ayaa la sheegay un uu xilkii ka qaaday Wasiirkii Arrimaha Diinta ee dalkaasi, sababo la xiriira geerida in in ka badan 200 oo dalkaas u dhalatay taas oo aan mas’uul uu ka ahaa wasiirka oo gabay shaqadii uu dowladda u hayay. Qiyaastii 1.8 milyan oo qof ayaa ka qayb qaatay xajka sanadkan 2024 kuna beegan 1445 Hijriya, xilli la warinayo in sanadkaan uu ahaa sanadkii ugu dhimashada badanaa muddo, waxaana loo aaneynayaa kulka saa’idka ah ee ka jiray Xajka marka la eego sida ay wararku ay tibaaxayaan. Source: goobjoog.com
  16. VID-20240624-WA0001 448594613_1184140492598234_8174148944583178726_n Qaran News
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray digniin culus oo ku socota shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho, taas oo ku aadan roob xoogan oo la saadaalinayo in saacadaha soo socda uu ka da’o degmooyinka gobolka Banaadir. Afhayeenka Gobolka Saalax Xasan Cumar (Saalax Dheere) oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in saadaasha ay muujineyso halis ka dhalan karta roobkaas, ayna ka digayaan. Saalax ayaa ugu baaqay bulshada degan goobaha biyo fariisadka ah iyo kuwa ku nool guryaha qadiimiga ah inay ka taxadaraan roobabkaasi. “Digniin, waxaa bulshada ku nool Gobolka Banaadir looga digayaa inay ka feejignaadaan, isla markaana ay ka taxadaraan sadaasha laga bixinayo roob xoogan oo saacadaha soo socda kusoo food leh magaalada Muqdisho” ayuu yiri afhayeenka Gobolka Banaadir. Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaa si gaar ah loogu digayaa dadka deggan goobaha biyo fariisadka ah iyo kuwa ku nool hareeraha guryaha burbursan”. Dhinaca kale afhayeenka ayaa ka warbixiyay khasaaraha ka dhashay roob xoogan oo shalay ka da’ay Muqdisho, wuxuuna sheegay inuu dhaliyay dhimasho, dhaawac iyo burubur. “Waxaa ku dumay 11 guri, waxaa ku geeriyooday canug yar ayada oo uu dhaawac fudud kasoo gaaray hal qof” ayuu mar kale yiri afhayeenka gobolka. Afhayeenka ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in waddooyin badan ay burbureen, sidoo kalena qaarkood ay biyaha xireen, isla markaana uu hakad galay isku socodka gaadiidka. The post Digniin culus oo ku socota shacabka MUQDISHO oo la soo saaray kadib markii ay… appeared first on Caasimada Online.
  18. Ciidanka Booliska Puntland ayaa sheegay in ay fashiliyeen qarax miino oo lagu aasay meherad ku taalla degaanka Laag ee gobolka Bari. Warbixin uu soo saaray Taliska qeybta Booliska Puntland ayuu ku sheegay in qaraxaasi laga soo saaray mid kamid ah meheradaha ku yaalla degaanka Laag ee ka tirsan degmada Boosaaso ee gobolka Bari. “Ciidanka Booliska Puntland gaar ahaan qaybta Gobolka Bari ayaa fashiliyey Qarax lugu aasay mid ka mida meheradaha Kuyaal deegaanka Laag ee hoostagta magaalada Boosaaso” ayaa lagu yiri warbixinta Booliska. Taliyaha qybta Gobolka Bari ayay warbixintu ka soo xigatay in Ciidanka Booliska ay shaqo adag qabteen xaqiijinta amniga gobolka islamarkaana waqti walba ay ku bixin donaan Sidii oooga hortagi lahaa dhagarta Nabaddiidka. PUNTLAND POST The post Puntland: Booliska oo fashiliyay qarax miino oo lagu aasay goob meherad ah appeared first on Puntland Post.
  19. Dagaal beeleed xooggan ayaa maalintii labaad ka socda galbeedka gobolka Mudug gaar ahaanna degaanka lagu magacaabo Jiicboor. Dagaalka oo shalay bilowday ayaa u dhexeeya laba maleeshiyaad beelood oo ka soo kala jeeda degaannada Bandiiradley iyo Galdogob ee gobolka Mudug. Ugu yaraan 10 ruux oo dhinacyadii dagaallamay ah ayaa ku dhintay dagaalkaasi in ka badan 20 kalena waa ku dhaawacmeen sida ay wararku sheegayaan. Sidoo kale waxa socda dadaalo ku aaddan sidii loo damin lahaa colaadda labada beelood taasi oo ay wadaan waxgarad iyo mas’uuliyiin kala duwan oo labada dhinac ah. Dhinaca kale guddoomiyayayaasha gobolka Mudug ee Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in awood ciidan loo adeegsandoono joojinta colaadda labada dhinac. Waxay sheegeen in si degdeg ah ciidamo isku dhaf ah loogu diridoono halka ay colaaddu ka socoto. PUNTLAND POST The post Dagaal beeleed maalintii labaad ka socda galbeedka gobolka Mudug appeared first on Puntland Post.
  20. MOGADISHU (Xinhua) -- The Food and Agriculture Organization of the United Nations (FAO) announced on Sunday that it has inked a 25-million-U.S.-dollar project to improve food security and resilience in Somalia. Source: Hiiraan Online
  21. In the recent allegations made by Hon Fawsia Yusuf Adam about her candidacy to the African Union Chairwoman or leader - who stated that the Somali Government's leadership requested she pull out of the contest in favour of the Djibouti candidacy even after she received verbal and formal assurances from the Somali President Hassan Sheikh Mohamud. Source: Hiiraan Online
  22. In ka badan 15 askari oo boolis ah iyo dhowr qof oo rayid ah ayaa lagu dilay weerar ay malleeshiyo hubeysan la beegsatay gobolka koofureed ee Jamhuuriyadda Dajestan ee dalka Ruushka. Bayaan aroornimadi hore ee saaka kasoo baxay guddoomiyaha Dajestan Sergei Melikov ayaa lagu sheegay, in kooxda weerarka qaadday ay rasaas ku furtay kaniisad ay leeyihiin masiixiyiinta madhabta Ortodokis-ka iyo macbad ay dadka yahuudda ah ku leeyihiin halkaasi, iyo sidoo kale bar koontarool oo ay leeyihiin ciidanka booliska. Guddiga qaran ee la dagaallanka argagixsiada Ruushka ayaa weerarki Axaddi ku tilmaamay fal argagixiso. Gobolka Dajistan oo ka mid ah gobollada ay ku badanyihiin Muslimiinta Ruushka ayaa waxaa looga dhawaaqay saddex maalin oo baroor-diiq ah oo ka billaabmeysa maanta oo Isniin ah. Weerarka ayaa ka dhacay caasimadda gobolka Dajestaan ee Makhachkala. Mana jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan ilaa iyo hadda. PUNTLAND POST The post Dabley hubaysan oo askar boolis ah iyo dad rayid ah ku dilay dalka Ruushka appeared first on Puntland Post.
  23. Dhusamareb (HOL) —The Somali National Army (SNA) and local forces in the El-dher district of the Galgaduud region have captured a foreign national believed to be an Al-Shabaab operative. The suspect, identified as a Yemeni national, was apprehended while attempting to flee by boat from the Mareeg beaches area. This arrest marks a significant victory in the ongoing efforts to dismantle Al-Shabaab's presence in central Somalia. Source: Hiiraan Online
  24. Kismaayo (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta ciidamo horleh ka dajisay garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan ee magaalada Kismaayo, kuwaas oo ah guuto ka tirsan qaybta 43-aad ee ciidamada Xoogga dalka. Ciidamadan oo aad u qalabeysan ayaa waxaa Kismaayo kusoo dhaweeyay saraakiil ka tirsan milatariga Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta maamulka Jubbaland. Ujeedka ciidamadan loo geeyay Kismaayo ayaa ah inay ka qayb-qaataan howlgallada xoereynta ee ka socda Jubbaland, waxayna xoojin doonaan ciidamada ku sugan halkaasi. Qorshaha ciidamada ayaa waxaa sidoo kale qayb ka ah xoojinta wajiga labaad ee dagaalka oo haatan ka billowday Jubbaland, sida ay sheegtay dowladda Soomaaliya. Shalay sidaan oo kale waxaa dowladda dhexe ay laba diyaaradood oo siday ciidamo uga dajisay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kuwaas oo iyagana amniga degmadaas kala wareegaya ciidamada howlgalka ATMIS oo la filayo inay isaga baxaan halkaasi. Wasiirka amniha gudaha Soomaaliya, Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo dhowaan hadal jeediyay ayaa sheegay dowladdu qaaday wajiga labaad ee dagaalka, uuna ka socd aagga magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka jubbada Hoose. Fartaag ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada ay dhaq-dhaqaaqeen, kuna sii socdeen aagga degmada Badhaadhe oo hadda ay ku sugan yihiin maleeshiyaadka kooxda Al-Shabaab. Si kastaba, waxaa dhawaan ciidamada huwanta ay la wareegeen deegaanka Buulo Xaaji oo 90 KM u jira magaalo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose. The post Daawo: DF oo ciidamo ka dajisay Kismaayo + Ujeedka appeared first on Caasimada Online.
  25. Hargeisa (HOL) — Somaliland's sports community is mourning the loss of Abdishakur Mohamed Ahmed, known as Boqole, and Abdirahman Yasin Ali Gadhle, who died in a car accident today. Source: Hiiraan Online