Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi wuxuu si weyn u iibinayay dhowrkii billood ee lasoo dhaafay in uusan madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud diidaneyn heshiiska ay Somaliland la gashay dowladda Itoobiya, balse uu dood ka qabo cidda saxiixaysa heshiiska. Muuse Biixi wuxuu leeyahay Xasan Sheekh isaga raba inuu heshiiska saxiixo, laakiin madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii koowaad ka jawaabaya eedahaasi ka yimid dhanka Somaliland, isaggoo hadal ka jeedinayay munaasabadda 26-ka June. Xasan Sheekh wuxuu sheegay in aanay isaga iyo Muuse Biixi isku haynin saxiix, balse ay dooddiisa tahay in aan badda la bixin, mowduuca saldhiga ciidankana meesha laga saaro. Madaxweyne Xasan wuxuu tusaale usoo qaatay heshiiska dekedda Berbera. Wuxuu xusay in heshiiskaas 69% qaadanayaan faa’iidada dowladdo ajnabi ah oo ah Imaaraadka iyo Itoobiya, halka Somaliland ay heshay 31%. Haddana sidaas oo ay tahay wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay ka fuqday heshiiskaas, maadaama uu yahay heshiis aan lagu qaadan karin dekedda Berbera. Midkaan hadda la isku haystana haddii uu ganacsi ahaan lahaa wuxuu xusay madaxweyne Xasan Sheekh in aysan dhib u arki laheyn dowladda Soomaaliya. Wuxuu markale ku celiyay madaxweynaha Soomaaliya in aan la aqbaleynin nooca uu u dhigan yahay heshiiska ay Muuse Biixi iyo Abiy Axmed gaareen 1-dii bisha Janaayo ee sanadkaan, kaasi oo Itoobiya siinaya dhul, bad, saldhig ciidan iyo heshiis 50 sanno. Addis Ababa weli waxay ku adkeysaneysa heshiiska, laakiin dhinaca kale waxaa la soo warinayaa in dowladdaha Turkiga iyo Qatar ay meel macquul ah wax u marayaan oo ay isku diyaarinayaan inay labada waddan ee Soomaaliya iyo Itoobiya arrintooda xaliyaan. Dowladda Itoobiya ayaa habeen hore deg-deg u beenisay qoraal been abuur ahaa oo lagu sheegay inay heshiiska ka laabteen, taas oo dhinaca kale xoojisay sida ay Addis Ababa ugu diyaarsan tahay in is-afgaradkan xiisadda abuuray inuu wax u dhalo. Hoggaamiyaha maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi waxaa hadda hortaalla inuu beddelo doodda ah Xasan Sheekh isna waa saxiix doon, oo taas beddelkeeda uu keeno aragti uu heshiiska ugu beddeli karo mid ganacsi, wallow la fahamsan yahay in Itoobiya aysan rabin heshiis ganacsi. The post Xasan iyo Muuse Biixi ma waxay isku hayaan cidda Itoobiya u saxiixaysa badda mise? appeared first on Caasimada Online.
  2. Gudoomihii hore Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa goor dhow ku geeriyooday magaalada Muqdisho Sida ay xaqiijiyeen masuul ka tirsan Dowladda Soomaaliya. La taliyaha Madaxweynaha ee arrimaha dastuurka Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka mid ah dadka sida aadka ugu dhawaa Gudoomiye Jawaari ayaa xaqiijisay geerideeda. Gudoomiyaha Jawaari ayaa bukaan socod ahaa sanadyadii lasoo dhaafay iyadoo dhowr jeer laga soo dayriyay xaaladdiisa caafimaad. Maxamed Sh. Cusmaan jawaari waxa uu 7dii bishii December ee sanadkii 1945tii ku dhashay degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose. Dhinaca tacliinta sare, waxa uu sanadku markuu ahaa 1982 ka qalan jabiyey kulliyadda Qaanuunka ee Jaamacadii Ummadda Soomaaliyeed, isaga oo xiligaas ka horna qaatay shahaado macalinimo oo luuqadda Ingiriiska iyo dimploma sharciga Islaamka ah. Sanadkii 2012 ayaa loo doortay Gudoomiyaha Golaha Shacabka. Waxaa sidoo kale mar kale dib loo doortay 2017 kii wallow uu xilkaaasi iska casilay 2018 kii. Prof Maxamed Cismaan Jawaari wuxuu horay u soo noqday wasiir dhowr jeer ka tirsanaa dowladii Maxamed Siad Barre ee xukunka laga tuuray sanadkii 1991. Wuxuu kaloo dowladaas ka qabtay xilal kale oo dhowr ah. Tababar ahaan, waa qareen, wuxuuna prof Jawari horay u soo guddoomiyay guddiga madaxa bannaan ee dastuurka ee soo diyaariyay dastuurkii ugu dambeeyay. Source: goobjoog.com
  3. 449202445_1206839983584860_1110467348752196910_n (1) Qaran News
  4. Three Somali nationals who were found after drifting onto Vavathi, an uninhabited island in Noonu atoll located in northern Maldives last Saturday, have been handed over to Maldives Immigration today. Source: Hiiraan Online
  5. A climbdown by Kenya's president over plans to raise taxes brought no end to nationwide protests on Thursday, with at least two people reported killed in clashes near the capital Nairobi and others shot by police elsewhere. Source: Hiiraan Online
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin Maxamuud ayaa sharaxaad dheeraad ah ka bixiyay hadal uu dhawaan madaxweyne Xasan Sheekh ku sheegay inuu ogol yahay in wada-hadal lala furo Al-Shabaab, kadib muddo uu diidanaa arrintaas. Xuseen ayaa caddeeyay in uusan jirin wax wada-hadal ah oo dowladda federaalka la furtay kooxda Al-Shabaab ama qorsheysan waqti dhow, uuna hadalka madaxweynaha ahaa marka ay fikirka xagjirka ah ka tanaasulan in lala fariisto. “Dowladda federaalka Soomaaliya wax wada-hadal ah kulama jirto Al-Shabaab (Al-Khawaarij). Madaxweynuhu wuxuu soo bandhigay shuruudo cad oo ku saabsan soo jeedintan,” ayuu yiri La-taliyaha amniga qaranka. Waxa uu intaas kusii daray “Waa inay jaraan xiriir kasta oo ay la leeyihiin kooxaha argagixisada caalamiga ah ayna aqbalaan midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Waa inay diyaar u yihiin inay barnaamijkooda siyaasadeed si nabad ah u wataan.” Xasan Sheekh oo horraantii bishaan June booqasho ku tegay dalka Norway ayaa mar wax laga waydiiyay in dowladdiisa ay wada-hadal la fureyso Al-Shabaab ku jawaabay inay diyaar u yihiin, si wax kasta loogu dhameeyo miiska wada-hadalka. Madaxweynaha ayaa markaas sheegay in dhammaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, islamarkaana dowladda Soomaaliyeed ay ku dadaali doonto, sidii loo wada-hadli lahaa. “Waxaan rumeysanahay in dhamaadka Al-Shabaab uu yahay wada-hadal, goormee ayay diyaar yihiin? dowladda Soomaaliya waa diyaar,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wada-hadalkaas uu waqti dheer qaadan karo, balse ay ku dadaalayaan sidii loo abuuri lahaa wada xaajoodkaas, kadibna looga miro dhaliyo. “Waxaan rajeyneynaa inay arrintaasi diyaar u noqdaan, marka ay diyaar noqdaan waan wada-hadli doonaa, wada xaajoodkaas wuxuu qaadan karaa waqti, laakiin ugu yaraan waxaan abuuri doonaa waddo cusub” ayuu sii raaciyay madaxweynaha Soomaaliya. Arrimahan ayaa kusoo aadayo, ayada oo haatan dowladda federaalka Soomaaliya ay dagaal culus kula jirto kooxda Al-Shabaab, kaasi oo deegaano badan looga xoreeyay kooxda. The post Villa Somalia oo sharaxaad ka bixisay arrin uu ogolaaday Xasan oo la xiriirta Al-Shabab appeared first on Caasimada Online.
  7. The National Interest Joe Biden’s Failed Strategy Against the Houthi Threat in the Red Sea Topic: Security Region: Middle East Tags: HouthisRed SeaYemenJoe BidenCounter-TerrorismSomaliland Despite their attacks on global shipping, the Houthis are much weaker than they appear. by Michael Rubin Follow @mrubin1971 on TwitterL With their increasing attacks on shipping passing through the Bab el-Mandeb Strait and the Red Sea, the Houthis, an Iranian-backed tribal group from the Saada region of Yemen who seized power a decade ago, continue to endanger freedom of navigation and trade. The Biden administration initially used the U.S. Navy to counter the threat, but this was, at best, whack-a-mole and, at worst, military virtue signaling that wasted tremendous resources for little result. The Biden administration has quietly acknowledged failure by withdrawing the USS Dwight D. Eisenhower Carrier Strike Group from the Red Sea to the eastern Mediterranean should fighting escalate between Israel and Hezbollah. From the very beginning, a far better military strategy to counter the Houthi threat might have been to use the Somaliland airport at Berbera to run operations to counter Houthi threats and protect shipping. While it takes 4,000 men to crew an aircraft carrier, it takes only four to crew an Osprey or two to fly and fight in an F-16. President Joe Biden’s team, however, often downplays military strategies in favor of the belief that diplomacy alone can end threats posed by ideological and aggressive adversaries. Here, too, though, a lack of creativity and attention to local dynamics lead the White House and State Department to miss opportunities to end the Houthi threat and bring stability and prosperity to the Yemeni people. Throughout much of the country’s civil war, southern Yemen has been relatively peaceful and stable. Just as with Somaliland, South Yemen, with Emirati support, closed the door on Al Qaeda. Local attitudes matter, and if tribal leaders and politicians reject Al Qaeda, the group moves on to find more fertile ground. To recognize South Yemen’s and Somaliland’s rights to self-determination rather than sacrifice freedom of navigation and U.S. interests to a pro-Iranian regime in Sana’a and a pro-Chinese one in Mogadishu should have been an easy decision for U.S. policymakers seeking to consolidate stability and deny ungoverned space where Al Qaeda or other extremist groups could thrive. Local politics also matter. In the run-up to and immediately following the 2020 election, Biden, Secretary of State Antony Blinken, and National Security Advisor Jake Sullivan all declared, “Diplomacy is back.” By allowing Saudi Arabia to host the American mission to Yemen rather than operate a consulate in Aden, the State Department slammed the door on opportunities for diplomacy. This leads the State Department to miss opportunities to checkmate the Houthis and return peace to the Arabian Peninsula. On June 22, 2024, Major General Aidrous Al Zubaidi, president of the Southern Transitional Council and Vice Chairman of the Presidential Leadership Council, met a dozen anti-Houthi officials from Saada in the northwest portion of the country. Zubaidi promised to support anti-Houthi resistance in Saada and across the Houthi-occupied provinces in Yemen. That tribal leaders from the Houthi heartland are willing to turn their back so publicly on the Houthis signal that the pro-Iranian tribal group has lost local legitimacy. Zubaidi’s meeting is akin to the flight of Afghans away from the Taliban after September 11, 2001. Too often, the State Department’s Bureau of Near Eastern Affairs appears more inclined to preserve the status quo rather than recognize the benefit of its collapse. For more than a decade before the Syrian civil war, American diplomats parroted the line, for example, that Hezbollah was a Lebanese nationalist organization that the United States must not simply dismiss as a foreign-backed terror organization. However, Hezbollah’s willingness to deploy units to fight for Bashar al-Assad during the Syrian Civil War belied this notion, as Lebanese from southern Lebanon are the first to point out. The Zubaidi meeting reflects a similar dynamic. The notion that the Houthis have popular support is risible, especially when public opposition emerges in their home province. It is time to recognize that the Southern Transitional Council and Yemenis from both north and south have now turned the corner. The Biden administration has again imposed sanctions on the Houthis entity after lifting them in the first weeks of 2021. It also recognizes that the Houthi drug trade fuels instability across Yemen and the Middle East. Rather than disengage from Yemen, now is the time to double down and recognize the United States has potential local partners from Saada to Seiyun and from ‘Amran to Aden who wish to see the end of the Houthi reign of terror. About the Author: Dr. Michael Rubin. Michael Rubin is director of policy analysis at the Middle East Forum and a senior fellow at the American Enterprise Institute. Main Image: Mohammed al-Wafi / Shutterstock.com. The text image is from the U.S. Navy Qaran News
  8. Galkacyo (HOL) - At least 20 people were killed and 50 others wounded in inter-clan fighting in the west of Mudug in north-central Somalia. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimada Online) – Soomaaliya waxaa lagu jiraa toddobaadka xoriyadda. Muqdisho illaa Hargeysa xaflado ayaa taxan, qolo walba sida ay doonto ayay u sheegaysa halgankii dhalay in calan Soomaaliyeed laga taago ciida Soomaaliya 26-kii June 1960-kii. Gobollada Waqooyi waa uga xaq badan yihiin Soomaalida kale maalinta la yiraahdo 26 June. Waxaase jira dad badan oo dood ka qaba dabaal-degga asbuucan, kuwaas oo aaminsan inay xafladahan ka muhiimsan tahay in la iska wareysto maxaa maanta hayna haddii ay ahaan laheyd midnimo, dowladnimo, walaalnimo iyo horumar. Jabhaddo hubeysan ayaa cagta mariyay nidaamkii kaligii teliska ahaa ee Maxamed Siyaas Barre 1991-dii. Laakiin 33 sano kadib wax xafladdo ka badan ma jiraan iyo runta oo laga dhuunto. 64 sano kadib maalintii xoriyadda ee Soomaaliya, maanta kow amni ma jiro. 1: Amni la’aan Soomaaliya weli waa soo kaban la’dahay, nidaamkii Siyaad Barre wax badanba ha qaldee dalka amni ayuu ahaa. Maanta dagaallo qabiil, kuwo argagixiso iyo ciidan shisheeye ayaa ku lifaaqan xaalka amni ee Soomaaliya. 17 sano oo ay ciidan Afrikaan ah ilaalinayeen ammaanka Soomaaliya waxaa dhawaan markale Midowga Afrika aqbalay inuu howlgal saddeexaad ka fuliyo Soomaaliya, taas oo ka dhigan in amnigii la hanan waayay. 2: Midnimo ma jirto Burburkii dowladddi dhexe ee Soomaaliya ee 1991-dii kadib dadka waxay filayeen in deg-deg la iskugu soo noqon doono oo uu jiri doono dal Soomaaliyeed oo mideysan oo cadowgiisa u babac dhigi kara, laakiin 33 sano kadib dalkii waa la isku keeni la’yahay. 3: Isku filnaasho la’aan Soomaaliya 9 sano oo colaad ah kadib waxaa sanadkii 2000 loo dhisay dowlad uu caalamka kaalmeeyo. 24 sano ayaa dowladda Soomaaliya waxay caalamka ku bixinayaan sanad walba malaayiin dollar oo lacag ah, haddana weli isku filnaasho majirto, qarankiina waa loo dawarsanaya weli, dadkiisuna kama doodayaan sidii ay taas uga bixi lahaayeen. 4: Dhulkii maqnaa oo weli go’aan lagama gaarin Soomaaliya waxaa dad iyo dhulba ka jiraan dhinacyada Itoobiya iyo Kenya. Lixdan iyo afar sano oo Soomaaliya xor tahay weli go’aan lagama gaarin qaddiyadahaasi waaweyn. 5: Dadka illaa hadda madaxdooda ma doortaan Tan iyo 1969-kii oo aheyd markii milateriga xukunka xooggeen illaa maanta oo ah 55 sano dadka Soomaaliyeed ma doortaan madaxda hoggaamisa. Haddana rejo badan ma muuqato. 6: Qabyaaladdii oo xal loo la’yahay Burburkii dowladda kacaanka kadib qabyaaladda ayaa meel xun la gaartay Soomaalida. Dowlad walba oo timaada Villa Somalia waa uga sii dartaa xaaladda, oo qeybta ayay sii qaladaa, maantana siyaasadda Soomaaliya waxay ku dhisan tahay hanaanka 4.5 oo u taagan inay qabiiladda kala sareeyaan. Dalka xaaladdahaasi ku jira ayaa xafladeynaya, halkii laga dooddi lahaa xornimada kadib maxaa naga xumaaday iyo mushkiladaha na haysta maanta sidee u maareynaa. Mushkiladahaas waaweyn ee taagan iyo soo kabasho la’aanta waxaa la isku raacsan yahay inay sababteedu tahay hoggaan xumo, wax badana isma doorin raggii madaxda ka noqday dalka tan iyo 1991, waana ku filnaan waayeen inay dalka hagaajiyaan. Umaddii aan xaqiiqada u bareerin, xalka ma gaarto. The post Soomaaliya: Qaranka uu xaalka ku xun yahay ee maalin walba xafladeynaya (6 qodob) appeared first on Caasimada Online.
  10. Madaxweynaha Bolivia Luis Arce ayaa beeniyay inuu ku luglahaa ama uu horay u ogaa isku daygii afgambi ee dhicisoobay ee dhowaan ka dhacay dalkaas, kaas oo uu hoggaaminayay taliyihii hore militariga oo ku eedeeyay madaxweynaha in uu ka codsaday in uu sameeyo wax uu kor ugu qaadayo sumcadiisa. Arce ayaa u sheegay suxufiyiinta mar uu shir jaraa’id ku qabtay xarunta dowladda in aanu taliyuhu waxba ka ogeysiin qorshihiisa inqilaabka, islamarkaana aanu ka war hayn waxa uu damacsanyahay. Abaabulka cutubyo militari ayaa arbacadii la arkay, kuwaas oo uu Juan Jose Zuniga isugu soo uruuriyay fagaaraha weyn ee caasimadda La Paz, isaga oo albaabka qasriga madaxtooyada ku garaacay baabuur gaashaaman si ay askartu ugu daataan dhismaha. Wakaaladda wararka maxalliga ah ee Fides ayaa tibaaxday in Zuniga uu u sheegay booliska in madaxweyne Arce uu saddex maalmood ka hor u oggolaaday inuu abaabulo baabuurta gaashaaman , iyada oo ujeedadu tahay in lagu xakameeyo xaaladda cakiran ee dalka. Si kastaba ha ahaatee daba-galka isku daygii afgambi ee dhicisoobay ee arbacadii ka dhacay dalkan xiran oo ku yaalla koofurta ameerika ayaa socda, ayadoo saraakiil badan xabsiga loo taxaabay. Source: goobjoog.com
  11. Wasiir arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay inay ayaan darro tahay in xilli ay Dadka Soomaaliyeed oo u dabaal-degaya maalmaha Xoriyadda in Hargeysa looga heeso qowmiyad kamid ah Itoobiya oo qudheedu kamid ah gumeysteyaashii halganka lala galay. Wasiirka oo ka hadlay munaasabadda magaalada Muqdisho lagu qabtay ayaa sheegay in xorriyadda halgan dheer oo dhiig badani ku daatay loo soo maray, islamarkaana aanay habboonayn in madal madax-bannaanida loogu dabaaldagayo lagu raaligeliyo Itoobiya oo aan weligeed qancayn. Hadalka wasiirka Fiqi ayaa ku soo beegmaya xilli habeennimadii 26-ka juun ee madax-bannaanida loo dabaaldegayay magaalada Hargeysa laga qaaday hees hal ku dheggeedu ahaa ” ma lihin cadow xamar iyo Garoowe ka daran”. Source: goobjoog.com
  12. Wasiirka Wasaaradda Amniga dowlad goboleedka Jubbaland ayaa ka hadlay Howl-gallada ka socda deegaanada Jubbaland oo ay wadaan Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dowlad gobolleedku oo maalmihii la soo dhaafay tuulooyin dhowr looga saaray gacanta Alshabaab. Sarreeye gaas Yuusuf Xuseen Cusmaan ayaa sheegay in loo baahanyahay in si wadajir ah loo wajaho gulufka Alshabaab oo ay dowladda Soomaaliya iyo dowlad gobolleedyadu iska kaashadaan sidii magaalooyinka iyo deegaanada ay kooxdu wel maamusho looga saari lahaa, islamarkaana aan la dhayalsan dagaalka. Wasiirka ayaa sidoo kale dowladda ugu baaqay in goobaha laga soo saaray kooxda Alshabaab ay di degdeg ah u gaarsiiso adeegyada dowliga, islamarkaana laga hirgeliyo kaabeyaasha aas-aasiga ah ee nolosha. Hadalka Sarreeye Gaas Yuusuf Xuseen Cusmaan Wasiirka amniga Jubbaland ayaa ku soo beegmaya xilli uu howl-galka dhanka ah kooxda Alshabaab si xoog leh uga billowday deegaanada dowlad gobolleedkaas, islamarkaana kooxda loogala wareegay deegaanno ay kamid tahay buulo xaaji. Source: goobjoog.com
  13. Dadka reer Iran ayaa maanta u dareeraya goobaha codbixinta si ay u doortaan madaxweynaha cusub ee jamhuuriyadda islaamiga ah oo ay ku tartamayaan afar musharax ka dib geeridii madaxweyne Ibrahim Raisi. Doorashada madaxtinimada ayaa loo qorsheeyay 2025-ka, balse geerida ku timid madaxweynaha Iran ibrahim Raisi iyo toddobo ka mid ahaa saaxiibadiisa oo ku dhintay shil diyaaradeed oo ka dhacay waqooyi galbeed ee dalka 19-kii May ee sanadkan. Doorashadan waxay dhacaysaa iyadoo Iiran ay wajaheyso xiisaddo gudaha ah iyo kuwo siyaasadeed, laga soo bilaabo dagaalka Qasa ilaa faylka nukliyeerka. Golaha Ilaalada, oo ah hay’ad aan la soo dooran oo ay u badan yihiin muxaafid, ayaa ansixiyay u-qalmitaanka lix murashax, oo ka mid ahaa siddeetankii soo gudbiyay murashaxnimadooda. Pazashkian, oo 69 jir ah, ayaa ka mid ah saddexda musharax ee ugu cadcad ee la filayo in doorashada jimcaha maanta inay bedeli doonaan madaxweyne Ebrahim Raisi oo geeriyooday. Labada musharax ee kale ayaa kala ah afhayeenka baarlamaanka muxaafidka ah, Mohammad Baqir Qalibaf, iyo muxaafidka mayalka adag, Siciid Jalili. Source: goobjoog.com
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland oo muddo ka badan 30 sano u dhaqmeysay sidii dal madax-banaan, balse aan helin aqoonsi caalami ah ayaa hadda sii fogaatay, iyada oo god dheer uu ku dhacay wada-hadallo iyo isu soo dhawaansho labada dhinac ah waa dowladda dhexe iyo Somaliland. Somaliland oo horraantii sanadkaan la xiratay Addis Ababa oo ay ka aragtay danteeda iyo wixii ay 30 sano raadineysay ayaa 1-dii Janaayo la saxiixatay heshiis ay Addis Ababa uga beddelanayso aqoonsi, halka Somaliland ay siineyso ama sida ay ugu yeertay “kireynayso” qeybo kamid ah biyaha Soomaaliya, islamarkaana dhaca xeebaha gacanta ku hayso Somaliland. Hargeysa iyo Muqdisho ayaa sii kala fogaaday heshiiska badda kadib, kaasi oo Muqdisho si adag uga hortimid, midaasi oo sii fogeysay Somaliland, heer ay maanta mareyso in Hargeysa looga heeso “Ma lihi cadow iiga daran Xamar, Garoowe iyo kuwa xintama, waxaa iga xiga Amxaar xurmo iyo sharaf igula nool”. Somaliland oo u muuqata mid indhaha iyo caqliga uu tiray qaddiyada gooni-goosadka, ayna ka qaalib noqotay caadifaddu ayaa xilligaan wada dadaalo ay Itoobiya uga xod-xodaneyso inay ku dhawaaqdo “aqoonsi” si is-afgaradkii Janaayo loogu rogo heshiis rasmi ah. Itoobiya oo laftigeedu danaheeda raacaneysa ayaa la filan karaa inay aqoonsi uga dhawaaqdo Somaliland, waaba haddii Abiy uu ku dhiiran karo inuu Itoobiya u horseedo dagaal diblumaasiyadeed caalami ah, maadaama ay horey Soomaaliya ugu taageereen mowqifkeeda ay ku ilaalineyso midnimadeeda dalalka ugu waaweyn caalamka, oo ugu horreeyo Mareykanka. Soomaali badan ayay fajaciso ku noqotay iyo af kala qaad in Somaliland ay hoosta soo gashato Itoobiyaan la ogyahay waxa kala raacay Soomaaliya iyo inuu yahay cadow aan dhicin oo Soomaali leedahay, sida ay muujinayaan taariikhi hore. Somaliland oo Arbacaddii u dabaal-degtay xuska 26-ka June ayaa waxay madaxdeedu sheegeen in Somaliland iyo Itoobiya ay labadaba ka go’an tahay fulinta heshiiska, kaasi oo ay sheegeen inuu Somaliland u horseedi doono “aqoonsi iyo horumar.” Isku soo wada duubo, heshiiska Somaliland iyo Itoobiya ayaa gobolka ka abuuray xiisad diblumaasiyadeed xooggan oo ka dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, ayada oo sidoo kale qaar badan oo kamid ah urur-goboleedyada caalamka ay ganafka ku dhufteen heshiiskan ay Itoobiya ku dooneyso rumeynta riyadeeda badda. The post SOMALILAND ‘oo sii fogaatay’ iyo waxa ka socda Hargeysa oo fajiciso noqday appeared first on Caasimada Online.
  15. Jose Fajardo scored late as Panama kept alive its hopes of reaching the Copa America quarterfinals with a 2-1 victory over the United States on Thursday. Source: Hiiraan Online
  16. Mogadishu (HOL) - Somali Prime Minister Hamza Abdi Barre appointed State Minister for Foreign Affairs and International Cooperation Ali Mohamed Omar to be in charge of East Africa Community Affairs. Source: Hiiraan Online
  17. Mas’uuliyiin ka kala tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa magaalada Gaalkacyo ku yeeshay kulan hordhac ah oo ku saabsan joojinta colaad beeleedda galbeedka Gobolka Mudug. Mas’uuliyiinta labada dhinac ee Puntland iyo Galmudug ayaa sheegay in ay kulankooda uga hadleen sidii deg deg loogu joojin lahaa dagaal beeleedka khasaaraha xooggan sababay ee galbeedka Mudug. Kulanka ayay mas’uuliyiinta labada dhinac ku go’aamiyeen qodoba hordhac ah oo lagu baajinayo in uu sii socdo dagaalka beelaha ku diriray galbeedka gobolka Mudug. Go’aannada ka soo baxay kulanka ayaa waxa u horreeya in si shuruud la’aan ah lagu joojiyo xabbadda islamarkaana labada maamul ee Puntland iyo Galmudug xaqiijiyaan hirgelinta xabbad-joojintaasi. Waxaa sidoo kale la go’aamiyay in mas’uuliyiinta labada maamul ay si wadajir ah ugu baxaan aagagga maleeshiyaadku isku hor fadhiyaan si loo kala raro. Ugu danbayn in dib loo bilaabo wadahalladii islamarkaana sida ugu dhakhsaha badan loo fidiyo gogol nabddeed oo la isugu keeno dhinacyada colaaddu dhextaal. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Galmudug oo go’aanno hor dhac ah ka soo saaray joojinta dagaal beeleedka galbeedka Mudug appeared first on Puntland Post.
  18. Madaxweyne Erdogan , hadal uu u jeediyay Xildhibaannada xisbigiisa AK Party, wuxuu u xaqiijiyay in uu Turkiga taageerri doono Lubnaan haddii ay weerar kala kulmaan Israa’iil. Waxa uu sheegay inay tahay wax laga ‘naxo’, taageerrada reer galbeedka ay siinayaan Israa’iil , taa oo uu ku sheegay in ay fududeynayso in uu dagaalka ku baaho bariga dhexe. “Waxay u muuqataa in Israa’iil ay hadda indhaha u jeedisay Lubnaan ka dib markii ay burburisay oo gubtay Qasa. Waxaan aragnaa dalalka reer galbeedka oo taageero siinaya Israa’iil daaha gadaashiisa”. “Qorshayaasha Netanyahu ee ah inuu dagaalka ku fidiyo gobolka waxay horseedi doontaa masiibo weyn… Turkigu wuxuu garab taagan yahay shacabka walaalaha ah iyo dawladda Lubnaan” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan. Xiisadda xudduudaha ee u dhexeeysa Israa’iil iyo Xisbullah ayaa sare martay toddobaadyadii la soo dhaafay, taas oo kicisay cabsida laga qabo dagaal toos ah oo dhexmara Israa’iil iyo Xisbullah ah. Horraantii toddobaadkan, wasiirka arrimaha dibadda Turkiga , Hakan Fidan ayaa sheegay dawladda Turkiga inay aragtay khatarta ah in colaaddu ay faafto, isagoo ka hadlaya xiisadda u dhexeysa Israa’iil iyo Xisbullah. PUNTLAND POST The post Turkiga oo sheegay in uu Lubnaan garab istaagi doono haddii Israa’iil soo weerarto appeared first on Puntland Post.
  19. Police in Kenya’s capital, Nairobi, have fired tear gas and rubber bullets to disperse demonstrators who rallied in another day of protests sparked by a controversial bill that would have raised taxes on essential goods. Source: Hiiraan Online
  20. Baghdad (HOL) - Somali Ambassador to Iraq, Ridwan Hirsi Mohamed, presented his credentials to Iraqi Deputy Prime Minister and Foreign Minister Fuad Hussein at the Ministry's headquarters in Baghdad on Wednesday, June 26, 2024. Source: Hiiraan Online
  21. Saudi Arabia has entered into a three-way agreement with the OPEC Fund and Somalia to support the East African country’s economic recovery. Source: Hiiraan Online
  22. Ethiopia on Thursday said that Somalia’s accusation that Ethiopian soldiers crossed the Somalian border is “baseless.” Last week, Somalia accused Ethiopian troops of crossing the Somalian border without authorization from the Somali Federal government. Source: Hiiraan Online
  23. Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa ka jawaabtay eedayn ay dhawaan Soomaaliya u gudbisay QM oo ku saabsan in ciidamo Itoobiyaan ah ay ‘si sharci darro ah ugu tallaabeen dhinaca Soomaaliya.’ Waxay sidoo kale ka hadashay qorshaha ay ciidamadooda u joogaan Soomaaliya iyo cidda iska go’aanka iyo xilliga ay ka baxayaan iyaga oo sheegay inay muddo sii joogi doonaan. Nebyu Tedla, afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya oo waraysi siiyay laanta Amxaariga ee BBC-da ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaha Soomaaliya ee ka dhanka in ciidan Itoobiyaan ah ay si sharci darro ah u galeen gudaha Soomaaliya. “Arrintaas waa waxba kama jiraan. Sida aad ka warqabto Soomaaliya waxa noo jooga ciidammo ka tirsan ATMIS iyo kuwo aan ka tirsanayn ba. Arrintanna waxba kaga ma duwana. Waanu la hadalnay saraakiisha sarsare ee ciidankeenna ee aaggaasi ku sugan,” ayuu yiri afhayeenka. “Xogta ay nala wadeegeen waa mid aan ka duwanayn sidii hore. Waxa uu ahaa dhaqdhaqaaq caadi ah oo laga ga hor tagayay halis amniga ka dhan ah oo laga yaabo in ay dhacdo sidii horaba u dhacday.” Maxaa keenay xiisadda ka soo cusboonaatay Itoobiya iyo Soomaaliya? Doodda la xidhiidha bixitaanka ciidammada ayaa in muddo ah soo jiitamaysay laga soo bilaabo heshiis is af-garad ahaa oo ay bilowgii sannadkan wada gaadheen Somaliland iyo Itoobiya. Danjiraha Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobay Abuukar Cusmaan Baalle oo ka hadlayay kulan xaaladaha Soomaaliya looga hadlayay oo ay goobjoogayaal ka ahaayeen masuuliyiinta QM iyo kuwo ka socday Midowga Afrika waxa uu Itoobiya ku eedeeyay in askarteedu ay “si sharciga baalmarsan u galeen gudaha Soomaaliya”. Itoobiya waxa ay muddo dheer ka mid tahay waddamada ciidammada nabad-ilaalineed ee hawlgalka ATMIS ee jooga gudaha Soomaaliya, kuwaasi oo tiro ahaan gaadhaya 3000 oo kun oo askari balse waxaa jira ciidamo Itoobiyaan ah oo lagu qiyaaso inta u dhaxaysa 5000 ilaa 7000 oo aan ka tirsanayn hawlgalka kuwaasi oo ku sugan qaybo dalka ka mid ah. “Sida aad ka warqabto dawaldda Soomaaliya ka sakow Villa Soomaaliya ma aha mid maamusha dalka oo dhan. Ciidankeennu waa mid mar walba isbed-beddel lagu sameeyo, gaar ahaan kuwa aan ka tirsamayn hawlgalka ATMIS. Waa middaas uun, laakiin ma jiro hawlgalka soohdinta ka tallaabsan oo aan fulinnay,” ayuu yidhi afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Itoobiya. Goorma ayay baxayaan ciidammada Itoobiya ee jooga Soomaaliya? Dowladda Soomaaliya ayaa hadda doonaysa in labada nooc ee ciidammada ah Itoobiyaanka ah ay isaga baxaan Soomaaliya sida ay sheegeen saraakiil Soomaali ah. Dhawaan ayay ahayd markii la Taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Xuseen Macallin oo ka jawaabayay su’aalo lagu weydiinayay barta X (oo horey loo oran jiray Twitter) ayaa sheegay in dhammaadka bisha Diiseembar ay gabi ahaanba ciidamada Itoobiya ka bixi doonaan dalka, sababo la xiriirra khilaafka labada wadan u dhaxeeya. Afhayeenka u hadlay dawladda Itoobiya ayaa iska fogeeyay in uu jiro codsi uga yimid dawladda Soomaaliya oo ay Itoobiya kaga dalbanayso in ay ciidammadeeda ka saarto Soomaaliya. “Sidaan kuu sheegay codsigu ma aha mid ka imaanaya Soomaaliya oo keliya. Haddii se uu yimmaado, marka aan ka soo baxno masuuliyadda na la saaray, Beesha Caalamku haddii ay danaynayso joojitaanka ciidammada Itoobiya ee Soomaaliya, diyaar ayaan u nahay in aan waajibkayaga gudanno.” “Laakiin inta ka horraysa ma doonayno in aan arrimhaasi galno. Annaga waa noo fududahay. Marka aniga iyo adigu aan u wada hadalayno sidii laba qof oo Itoobiyaan ah, ciidankeenna in aan soo celinno oo aan dejinno aag dagaalka ka caaggan/ buffer zone waa noo fududahay. Sidaas darteed, ciidanka cusub ee Soomaaliya loo diri doono weli waa xilli hore oo ay adag tahay in la saadaaliyo.” Itoobiya waxa ay sheegtay in bixitaanka ciidamadeedu aanu qusayn keliya Soomaaliya balse ay tahay arrin u taalla Beesha Caalamka. Isaga oo ka hadlaya arrimahan Nebiyu Tedla waxa uu yidhi: “Hawlgalka nabad-ilaalinta ee aan ku joogno Soomaaliya. Ma aha mid keliya khuseeya dawladda Soomaaliya. Waa masuuliyad caalami ah. Waa hawlgal uu maamulo Midowga Afrika oo taageero ka helaya Qaramada Midoobay. Sidaas daraadeed, marka ay arrimaha noocan ah yimaaddaan, geestayada si rasmi ayaan uga wada hadalaynaa waxna waa la iska weyddiinaynaa,” ayuu yiri. “Sidaas oo ay tahay, hadda ma jiraan codsi rasmi ah oo odhanaya Itoobiya ha la baxdo ciidankeeda jooga Soomaaliya oo naga soo gaadhay dawaldda Soomaaliya, Midowga Afrika ama Qaramada Midoobay.” Ururka Al-Shabaab ayaa la xasuusan yahay in sannadkii la soo dhaafay uu hawlgallo ka fuliyay gudaha Itoobiya. Afhayeenka ayaa sheegay in Itoobiya ay qasab ku tahay in ay qaaddo tallaabo kasta oo amnigeeda ay ku ilaashan karto oo ka dhan ah Soomaaliya. “Sida aad og tahay, arrimaha ka jira Soomaaliya haddii ay halis ku noqdaan amniga qaran Itoobiya ma aha mid ay cid uga fasax qaadanayso. Waxa aan qaadaynnaa tallaabo noo gaar ah.” Isha: BBC The post Itoobiya oo qiil u sameysay ciidankii kasoo gudbay xadka Somalia ee awoodda lagu celiyay appeared first on Caasimada Online.
  24. Hargeisa,(Qaran news)-Gudoomiyaha xisbiga UCID- Ee Somaliland Ing. Faysal Cali Waraabe ayaa qoraal uu ku baahiyay barta uu ku leeyahay X- ku baahiyay in dawladda Jabuuti ay dalkeeda ku soo dhawaynayso xubno ku mucaarid ah Somaliland isla markaasina ay doonayso in ay abuurto jabhaddo ku mucaarid ah Somaliland. Waxana uu ku baaqay in ay Somaliland dalkeeda ku soo dhawayso mucaaridka Ismaciil Cumar Geele ee Canfarta iyo Ciisaha waxana uu qoraalkiisu u dhignaa sidan hoos ku xusan. Waxa Jabouti laga soo dhaweeynayaa madaxa jabhada gobalka Awdal Ali Baxaar Waxa nala gudboon in aynu martiqaadno jabahada qomiyada Canfarta ee Furud. Iyo Jabahada Ciise Ee ka so horjeeda kaligii taliye Ismail. I.Geele Qaran News