-
Content Count
211,357 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Ugu yaraan 28 qof ayaa ku dhintay shil gaari oo ka dhacay gobolka Balochistan ee koonfur-galbeed Pakistan ka dib markii bas ay la socdeen uu ku dhacay meel tog ah, sida ay saraakiishu sheegeen. Baska oo ka yimid magaalada Turbat ee koonfurta Balochistan ayaa ku wajahnaa xarunta gobolka Quetta, oo qiyaastii 750km, kana xegta dhanka waqooyi, markii uu shil ku galay gobolka buuraleyda ah subaxnimadii Arbacada. Noorullah Essazai oo ah sarkaal ka tirsan caafimaadka dowladda oo ku sugan degmada Washuk oo uu shilku ka dhacay ayaa warbaahinta u xaqiijiyay tirada dhimashada, isagoo intaa ku daray in 54 rakaab ah ay la socdeen baska. Qaar ka mid ah dadkii badbaaday ayuu sheegay in ay soo gaareen dhaawacyo halis ah, waxaana lagu daweynayaa isbitaal deegaanka ah. “Waxaan haynaa 8 ilaa 10 bukaan oo si xun u dhaawacmay, waxaanan diyaarineynaa inaan u dirno Quetta oo aan saarno diyaarad helikobter ah, halka qaar kalena loo wareejin doono isbitaal ku yaal Khuzdar,” ayuu yiri Essazai. Maxamed Ismaaciil oo ka mid ah saraakiisha dowladda ee degmada Washuk ayaa sheegay in baska uu ka dhacay buundada, kadibna uu ku dhacay tog dhagxaan leh, darawalkii baska ayaana ka mid ah dadka dhintay. War qoraal ah oo uu soo saaray Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayuu ugu tacsiyeeyay dadkii ku waxyeelloobay shilkaas, wuxuuna faray mas’uuliyiinta inay caawiyaan dadka dhaawacmay. “Waan garab taaganahay qoysaska ay ka geeriyoodeen waqtigan adag, waxaana u muujineynaa sida aan uga xunahay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha. Source: goobjoog.com
-
Diinsoor (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Bakool ayaa sheegaya inuu sii xoogeysanayo dagaalka ka dhex-qarxay ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyada kooxda Al-Shabaab oo mar kale dib u billaabay inay weeraraan ciidamadaasi. Dagaal labaad ayaa muddo 24 saacad gudahood labada dhinac ku dhex-maray degmooyin ka tirsan gobolka Bakool oo ay fariisimo ku leeyihiin ciidamadan oo qayb ka ah ATMIS. Al-Shabaab ayaa lasoo wariyay inay xalay weerar ku qaadeen saldhigga ciidanka Itoobiya ee degmada Diinsoor, waxaana xigay dagaal toos ah oo la’isku adeegsaday hub culus. War kasoo baxay kooxda ayaa lagu sheegay inay dagaalka Diinsoor ku dileen askar ka tirsanaa ciidamada Itoobiya, ayna ku dhaawaceen kuwa kale, sida lagu sheegay bayaanka. Dhankooda taliska ciidanka Itoobiya ayaa shaaca ka qaaday inay iska caabiyeen maleeshiyada soo weerartay, dibna ay u celiyeen, kadib dagaal ka dhacay halkaasi. Xaaladda ayaa haatan mid deggan, waxaana degmada Diinsoor iyo nawaaxigeeda howlgallo culus ka wada ciidamada Itoobiya oo baadi goob ugu jiro xoogagii xalay soo weeraray. Dagaalkan waxaa ka horreeyay mid kale oo shalay labada dhinac ku dhex-maray degmada Xudur, kadib markii saldhig ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ay weerareen Al-Shabaab. Weerarkaas ayaa ku billowday madaafiic, waxaana xigay iska hor imaad toos ah oo labada dhinac uu kasoo gaaray khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac. Bakool ayaa kamid ah meelaha ay ku xoogan tahay kooxda Al-Shabaab, waxaana sidoo kale kus ugan ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya ee qaybta ka ah howlgalka ATMIS. The post Dagaalka ka dhex-qarxay ciidamada ITOOBIYA iyo Al-Shabaab oo sii xoogeystay appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – The Minister of Finance of the Federal Government of Somalia, Mr. Bihi Iman Ige, attended the 21st Summit of the Horn of Africa Initiative, held during the annual meeting of the African Development Bank in Nairobi. The Horn of Africa Initiative focuses on: Reviewing and evaluating ongoing projects initiated in 2019, funded by various donors, to ensure transparency and accountability within the Forum. Discussing the border cooperation system, with updates provided by designated officials. This system received approval in 2023. Welcoming new donors to the Forum, who have joined this year to support the development objectives of East African countries. In his briefing, Minister Ige underscored the importance of economic integration among regional countries, highlighting that such efforts would boost domestic production and promote economic growth in Somalia. The Somali government is optimistic about achieving significant economic outcomes through the implementation of the Horn of Africa Cooperation Forum’s plans. After enduring over three decades of turmoil and lacking effective government institutions, Somalia is working to re-establish its position on the global stage. The Federal Government of Somalia, with the support of international partners, has recently achieved notable improvements in its financial system, following more than a decade of dedicated efforts. This progress has resulted in partial debt relief and has positioned the country to undertake new financial commitments. These ongoing state-building initiatives are fostering optimism among both the Somali people and the international community. There is a growing belief that Somalia, once a prominent leader among African nations, can reclaim its former stature. The post Somalia eyes economic growth through the Horn of Africa Initiative appeared first on Caasimada Online.
-
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Biixi Imaan Cige oo ku sugan magaalada Nairobi ee Dalka Kenya ayaa ka qeybgalay shirka 21-aad ee Iskaashiga Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative) xili Magaalada Nairobi uu ka soconayo shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika. Shirkaan waxaa diiradda lagu saaray Dib-u-eegista iyo qiimaynta mashaariicda socda laga soo bilaabo 2019, oo aay maalgelinayaan dhammaan deeq bixiyayaasha, iyada oo la muujinayo ka tarjumaysa daah furnaanta Madashaan. Sidoo kale waxaa laga dooday nidaamka wada shaqaynta xududuudaha iyadoo warbixin laga dhagaystay quburo loo xilsaaray arkiis, maadaama hore loo ansixiyay nidaamka wada shaqeynya Xuduudaha sanadii tagtay ee 2023-kii. Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, sanadkaan waxaa ku soo biiray deeq bixiyeyaal cusub oo maalgalin doona hadafka horumarineed ee wadamada dhaca Bariga Afrika. Wasiirka Maaliyadda XFS oo hadal kooban ka jeediyay shirka ayaa waxa uu diiradda saaray muhiimada ay u lee dahay dhaqaalaha Soomaaliya Isku xirka Wadamada Gobolka, taas oo uu ku tilmaamay mid sare u qaadi doonto soo saarka gudaha iyo kobaca dhaqaalaha dalka. Dowladda Soomaaliya waxa ay ka filaysaa natiijo dhaqaale oo aad u sareysa marka ay hirgalaan qorshayaasha Madashaan iskaashi ee dalalka geeska Afrika oo hada meel wanaagsan maraya. Source: goobjoog.com
-
In December 2002, former President George W. Bush welcomed Daniel arap Moi of Kenya and Meles Zenawi of Ethiopia to the White House. The timing of the invitation of the two African leaders is straightforward. About a year and three months ago by the time the meeting takes place, the tragic event of 9/11, the most heinous act of terrorism in the U.S. soil, happened, and the agenda of the meeting with Moi and Zenawi was to bring both leaders on the table as “partners” against the “global war on terrorism.” As it was reported by the BBC, the two leaders were described by Bush as "two strong friends of America... two leaders of countries which have joined us to fight the global war on terrorism.” After the brief address by Bush, both Moi and Zenawi spoke as they underscored their full support of the war on terror. Mr. arap Moi stated that he was most concerned with the security in and around his country and the global fight against terrorism. President Moi’s security concern “around his country” was mainly referring to Somalia. On the other hand, unsurprisingly, the language used by Zenawi was more stronger than the language of Moi as Zenawi affirmed his belief that the war against terrorism “is a war against people who have not caught up with the 21st century; people who have values and ideals that are contrary to the values of the 21st century.” He continued noting that the war “is not a fight between the United States and some groups; it's a fight between those who want to catch up with the 21st century and those who want to remain where they are." Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Isgaarsiinta iyo Teknolojiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Aadan Cali ayaa ka qeyb-galay Shirka Wasiirada Isgaarsiinta ee ka qeyb-galaya Madasha WSIS20 oo sanadkaan lagu qabtay Magaalada Geneva ee wadanka Switzerland. Shirkaan ayaa diiradda lagu saaray Guusha dabaal degga sanadguurada 20-aad ee ka soo wareegtay xilliga la aasaasay, heerarka ay soo martay iyo halka loo jiheesanaayo, waxaana la Isla qaatay in la xoojiyo mabaadii’da WSIS20 ee Nidaamka Maamulka Dhijitaalka ah ee Caalamiga ah iyo sida la isaga kaashankaro. Wasiirka Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa Shirka Wasiirada ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneyso. Soomaaliya waxa ay meel fiican ka gaartay Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada marka la fiiriyo Tobankii sano ee la soo dhaafay, Adeegga Internetka oo la baahiyey iyo xarkaha keeno oo la dhigay meelo badan oo Dalka ah si loo fududeeyo isku xirka kaabayaasha dhijitaalka Dalka, waxaana gaarsiindoonaa wadamada deriska ah kuwa aan la heyn badda oo ka faa’iideesanaya isku xirka Bariga Afrika” Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in Dowladda Soomaaliya diyaar u tahay kobcinta iskaashiga caalamiga ah iyo arrimaha muhiimka ah ee dhijitaalka ah, iyadoo la hubinayo in horumarka Teknoolojiyada mustaqbalka ay faa’iido u leeyihiin qof walba, gaar ahaan dadka aadka u nugul. Sanad walbo Madasha WSIS20 waxaa qabanqaabiya Ururka Isgaarsiinta Caalamiga ah (ITU) waxaana sanadkaan dib loo milicsaday 20 sano kadib iyo guulaha la gaaray. Source: goobjoog.com
-
Dawlad Gobaleedka Puntland oo kaashanaysa hay’adaha UNHCR iyo NRC ayaa 78 guri iyo musqulahooda oo ay u raacaan xarumaha bixiya adeegyada bulshada sidda caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha oo hay’ado kale ay dhismahooda taageereen waxay ku wareejisay qoysas isugu jira barakacayaal iyo qaxooti mudo dheer ku noolaa magaalada Qardho. Guryahaan ayaa qayb ka ah mashruuca xalka waara, kaas oo mudo dheer ka shaqaynayay deegaanada Puntland, kaas oo ujeedadiisu ay tahay in dadka barakacayaasha ah iyo qaxootigga ay noqdaaan kuwa deegaan ah oo is-dhexgal la sameeya bulshada ay mudada dheer la nool-yihiin. Masuuliyiin ka socotay hay’ada UNHCR oo uu hogaaminaya madaxa xafiiska ee Somalia, Madaxda hay’ada NRC ee Puntland, wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha Puntland, maamulka degmada Qardho iyo kan gobolka Karkaar, ka faa’ideystayaasha mashruucaan ayaa goob-joog ka ahaa munaasabada lagu wareejinayay guryahaan cusub ee la dhisay. Ugu horeyn Cabdilaahi Cumar Maareeyaha NRC Puntland, madaxa hay’ada UNCHR Somalia Mr Chales Mballa, iyo madaxa UNHCR ee Puntland Iyo Galmudug Mrs Wanjiru ayaa sheegay in guryahaan ay meesha ka saarayaan baahidii ay qabeen barakacayaasha iyo qaxootiga, hada ka dibna ay heli doonaan hoy iyagu ay mulkiyadiisa leeyihiin, waxayn xuseen in wixii karaankooda ay wax ka qaban-doonaan baahiyaha jira. Gudoomiyaha degmada Qardho,Taliyaha qaybta booliska ee gobolka, iyo wasiir ku xigeenka wasaarada arimaha gudaha Puntlan ayaa dadka kula dardaarmay inag ka faa’ideystayaasha guryahan cusub ee lagu wareejiyay. Source: goobjoog.com
-
Dalka Shiinaha ayaa waxaa dhowaan lagu soo gaba-gebeeyey dhoolatus ballaaran oo muddo15-ka maalmood ah ka socday xurunta tababarrada ee gobolka Kampong Chhnang iyo badda gobolka Preah Sihanouk. Tababarkan oo ay ka qeyb-galeen kumanaan ka tirsan ciidanka qalabka sida, boqolaal gaadiidka gaashaaman ah, tiro maraakiib ah, diyaarado, iyo taangiyo ayaa waxaa lagu soo bandhigay noocyada kala duwan ee ay militariga dalkaasi ay u howl-geli karaan. Waxyaabaha layaabka leh ee dhoolatuska ku jiray ayaa waxaa kamid ahaa eeyo macmal ama boonbale ah oo sida askarta u dagaalami kara, kuwaas oo meel fog laga hagi karo, laguna rakibi karo qoryaha darandoorriga u dhaca. Sida laga soo xigtay mareegta vnexpress eeyahan xirfad sare u leh inay ka qeyb-qaataan howl-galaga gaarka ah, sidoo kalena waxay awood buuxda u leeyihiin inay toogasho ka fuliyaan bartilmaameedyada qorshaysan. Qalabkan militari ee dunida ka yaabiyay ayaa ka mid ah hubka ugu horumarsan saanadda ciidanka, waxayna eeyahani caqliga badani mari karaan deegaanno aanay gaadiidka taayirrada lihi ka gudbi karin, waxaana hubka ku rakiban u dheer kaamirooyin duubaya goob kasta oo ay ka howl-galayaan. Si kastaba ha ahaatee Qalabka noocan ihi dunida kuma cusba oo Mareykanka ayaa markii ugu horeysay ku soo bandhigay 2021-kii shirka sanadle ah oo ku saabsanaa arrimaha ciidamada, sida uu sheegay Jerrin Parikh oo ah Maamulaha guud ee shirkadda Ghost Robotics,taas oo saarta eeyaha macmalka ah, balse qaabka uu Shiinuhu dhoolatuska ugu soo bandhigay ayaa dunida ka yaabisay. Source: goobjoog.com
-
Wajeer (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dhacdo argagax leh oo Talaaladadii ka dhacday gudaha magaalada Wajeer ee dalka Kenya, kadib markii wiil Soomaali ah uu si arxan darro gudaha magaaladaas ugu dilay hooyadiis. Falkan ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Cali Macow oo ka tirsan degmada Wajeer, waxaana eedeysanaha magaciisa lagu sheegay Cabdifitaax Maxamed, kaas oo lasoo xiray. Eedeysanaha ayaa dilka u adeegsaday baangad uu qoorta kaga jaray hooyadiis, sida ay sheegeen dadka deegaanka oo si aad uga naxay falkaasi argagaxa leh. Guddoomiyaha xaafadda uu falkan ka dhacay oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah ayaa ka sheekeeyay sida ay wax u dhaceen, wuxuuna sheegay in ay goobta ay ugu tageen hooyada oo mayd ah, isla markaana uu wiilkeeda qoorta kaga baangada uu usoo qaatay. “Annaga oo shaqo ku jirno ayaa dadka nasoo waceen waxaa nalagu soo wargeliyay yar Cabdifitaax Maxamed la dhaho in hooyadiis uu qoorta baangad uga jaray, askar ayaan soo qaatay meesha ayaan ugu tegnay maamada oo mayd ah” ayuu yiri guddoomiyuhu. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ninka gaystay falkan horay loo xiray, kadib dhibaato uu ka gaystay magaalada, haatana la geeyay saldhigga, si tallaabo looga qaado. “Mar dhow ayaa ninkan jeelka laga soo daayay, waana qabanay hadda saldhigga ayuu ku xiran yahay” ayuu kusii daray guddoomiyaha xaafadda Cali Macow ee magaalada Wajeer. Eedeysane Cabdifitaax ayaa la sheegay inuu isticmaalo noocyada kala duwan ee maandooriyaha, horayna hooyadiis ay u sheegi jirtay inuu qatar ku yahay noloshiisa, balse ugu dambey shalay ayuu nolosha dhaafiyay, Booliska dalka Kenya ayaa haatan la wareegay kiiska ninkan, si loo guda galo maxkamadeyntiisa, ayada oo loo haysto dilka hooyadiis. Horay dhacdo tan lamid ah waxay uga dhacday magaalada Kismaayo ee Soomaaliya, kadib markii nin watay mindi ku gowracay hooyadiisa, kaas oo isna mar dambe la toogtay. The post Wiil si arxan darro ah u dilay hooyadiis oo gacanta lagu soo dhigay appeared first on Caasimada Online.
-
Nairobi (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda dowladda federaalka Soomaaliya Biixi Imaan Cige oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ee caasimada alka Kenya ayaa ka qeyb-galay shir maaliyadeed muhiim ah, kaas oo looga hadlay saddex qodob oo waa wayn. Shirkan ayaa 𝟐𝟏-𝐚𝐚𝐝 ee Iskaashiga Wasiirada Maaliyadda dalalka Geeska Afrika (Horn of Africa initiative), wuxuuna kusoo aaday xili magaalada Nairobi uu ka soconayo shirka sanadlaha ah ee Bangiga Horumarinta Afrika. Saddexda qodob ee diiradda lagu saaray shirkan ayaa kala ah:- Dib-u-eegista iyo qiimaynta mashaariicda socda laga soo bilaabo 2019, oo aay maalgelinayaan dhammaan deeq bixiyayaasha, iyada oo la muujinayo ka tarjumaysa daah furnaanta Madashaan. Sidoo kale waxaa laga dooday nidaamka wada shaqaynta xududuudaha iyadoo warbixin laga dhagaystay quburo loo xilsaaray arkiis, maadaama hore loo ansixiyay nidaamka wada shaqeynya Xuduudaha sanadii tagtay ee 2023-kii. Madasha Iskaashiga Dalalka Geeska Afrika, sanadkaan waxaa ku soo biiray deeq bixiyeyaal cusub oo maalgalin doona hadafka horumarineed ee wadamada dhaca Bariga Afrika. Wasiir Biixi oo hadal kooban ka jeediyay shirka ayaa waxa uu diiradda saaray muhiimada ay u lee dahay dhaqaalaha Soomaaliya Isku xirka Wadamada Gobolka, taas oo uu ku tilmaamay mid sare u qaadi doonto soo saarka gudaha iyo kobaca dhaqaalaha dalka. Sidoo kale waxa uu kulamo doceeyo kala duwan la yeeshay wasiirada dhiggiisa iyo madaxda kale ee kasoo qayb-gashay shirka ka dhacay magaalada Nairobi. Si kastana Dowladda Soomaaliya waxa ay haatan ka filaysaa natiijo dhaqaale oo aad u sareysa marka ay hirgalaan qorshayaasha Madashaan iskaashi ee dalalka geeska Afrika oo hada meel wanaagsan maraya. The post DF oo maanta ka qeyb-gashay shir maaliyadeed muhiim ah iyo qodobada looga hadlay appeared first on Caasimada Online.
-
Dadka reer Koonfur Afrika ayaa maanta ah u dareeraya goobaha codbixinta, taas oo noqon karta doorashadii ugu saamaynta badnayd tan iyo markii uu dhamaaday midab-takoorka. Cadhada ka dhalatay adeegyada dadwaynaha ee sii xumaanaya, fadeexadaha musuqmaasuqa iyo dembiyada sii kordhaya ayaa muujinaya in xisbiga tallada haya ee ANC uu ku lumin karo aqlabiyaddiisa markii ugu horreysay soddon sanno. Weriyaha BBC-da ee Johannesburg ayaa sheegaya in haddii xisbigii Koonfur Afrika ka xoreeyay xukunkii caddaanka tirada yaraa uu lumiyo taageero badan, in lagu qasbi doono in uu isbahaysi la sameysto xisbiyada mucaaradka. Taasi, oo keeni karta xasilooni darro. Source
-
Kooxda Xuutiyiinta Yemen ayaa 5 gantaal oo nooca ballistic-ga ah ku garaacay markab ganacsi oo laga leeyahay dalka Giriiga, saddex ka mid ah gantaallada ayaa ku dhacay markabka, kuwaa soo la sheegay inay dhaawac gaarsiiyeen. Markabkan oo lagu magacaabo M/V Laax, ayaa la sheegay inay u suuragashay inuu sii wato safarkiisa, iyadoo weerarkan uu qeyb ka yahay xayiraada ay Xuutiyiinta ku soo rogeen maraakiibta xiriirka la leh Israa’iil iyo dalalka taageerra ee reer galbeedka. Weerarradan oo socda tan iyo November sannadkii hore ayaa Xuutiyiinta waxay shuruud uga dhigeen si ay u joojiyaan inay ciidanka Israa’iil ka baxaan Qasa oo la joojiyo weerarrada xasuuqa ah ee ka dhacaya dhulka Falastiiniyiinta. PUNTLAND POST The post Xuutiyiinta Yemen oo gantaalo ku dhuftay markab ganacsi oo laga leeyahay Giriigga appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Dowlad goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenkiisa Mudane Ilyaas Cismaan Lugatoor ayaa kulan la qaatay Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Puntland oo kala ah Mideeye, Horseed, Sincad, Ifiye, Mustaqbal, Shaqaalaha, Runcad iyo Kaah. Kulanka ayaa looga hadlay u diyaar garowga qabashada Doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godabjiiraan , Waxaana la Isku raacay in Doorashada saddexda degmo la qabto inta ka horeysa 1-da August 2024. kulanka ayaa waxaa ka qeyb-galay Wasiirka arrimaha gudaha Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Puntland Mudane Cabdi Faarax Juxa, Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdifataax Maxamed Cabdinuur, Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Mudane Maxamed Jaamac Cabdiraxmaan iyo Af-hayeenka Ahna Agaasimaha Warfaafinta Madaxtooyada Mudane Jaamac Dabaraani. Source: goobjoog.com
-
Wakaalada wararka ee AFP ayaa ku warameysa in isku dhacyo ku dhex maray booliska iyo dad mudaaharaadayay afaafka hore ee safaarada Israa’iil ee caasimada Mexico, dibadbaxa ayaa u muuqdo mid rabshado wata. Dadkaan ayaa bilaabay dhibaatada kadib markii qaar ka mid ah dadka isku soo baxay ay dhagxaan ku tuureen ciidamo hor taagnaa irida laga galo safaaradda oo diyaar u ahaa in ay ka hortagaan. Booliska ayaa adeegsaday sunta dadka ka ilmeysiisa, waxayna dib u tuureen dhagxaanta ay ku tuurayeen dibadbaxayaasha, xilli ay doonayeen inay kala eryaan dadka, sida ay sheegtay AFP. Ku dhawaad 200 oo qof ayaa ka qeyb galay mudaaharaad ka dhacay dhismaha diblumaasiyadeed ee ku yaala xaafada Lomas de Chapultepec ee magaalada Mexico. Dibadbaxaan ayaa looga soo horjeedo weerarkii Israel ay ku dishay 45 Falastiiniyiin ah oo ku barakacay Rafah. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Ilyaas Cismaan Lugatoor iyo Madaxda Xisbiyada Siyaasadda Puntland ee Mideeye, Horseed, Sincad, Ifiye, Mustaqbal, Shaqaalaha, Runcad iyo Kaah ayaa yeeshay kulan looga hadlayo qabashada doorashada degmooyinka goleyaasha deegaanka degmooyinka dhiman ee gobolka Nugaal. Kulanka ayaa looga hadlay u diyaargarowga qabashada doorashooyinka goleyaasha deegaanka ee degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiraan oo ka tirsan gobolka Nugaal. Xukuumadda iyo Madaxda xisbiyada siyaasadda ayaa isku raacay in inta ka horaysa 1-da agoosto 2024 la qabto doorashooyinka goleyaasha deegaanka degmooyinka Garoowe, Dangorayo iyo Godobjiraan. Degmooyinka Garoowe, Dangoroyo iyo Godobjiraan ayaan lahayn gole deegaan kadib markii ay ka qabsoomi wayday doorashadii goleyaasha deegaanka Puntland sababo la xariira khilaaf ka dhashay doorashadii madaxtinada Puntland. PUNTLAND POST. The post Xukuumadda iyo madaxda xisbiyada oo isku raacay xiliga la qabanayo doorashada goleyaasha deegaanka degmooyinka dhiman appeared first on Puntland Post.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Hoggaamiyaha maamulka la baxay Hiiraamn State ee fadhigiisu yahay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, Cabdullahi Cabdiraxmaan Aadan (Ganey) ayaa si adag uga hadlay safar uu shalay madaxweyne HirShabelle, Cali Guudlaawe Xuseen ku tegay degmada Matabaan ee gobolkaasi. Cabdullahi Ganey ayaa ku eedeeyayHirShabelle in ay dhibaato horleh ka abuureyso gobolka, gaar ahaan xuduud u sheegay inay u taallo maamulkooda iyo HirShabelle. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in wixii dhibaato ah ee ka dhaca halkaasi uu mas’uuliyadeeda qaadi doono madaxweyne Cali Guudlaawe Xuseen. “Wixii mas’uuliyada ah HirShabelle ayaa qaadeyso, waayo waxay dhibaato keeneen xuduuda oo waxay fowdo ka sameeyeen degmada Matabaan” ayuu yiri hoggaamiyuhu. Dhinaca kale wuxuu ku hanjabay in madaxweynaha HirShabelle tegi karin Beledweyne, isla markaana uu hadda Hiiraan kasoo garay dhinaca Galmudug, sida uu hadalka u dhigay. “Cali Guudlaawe ma imaan karo Beledweyne, waxaa nagu maqaalo ah in uu Guriceel kasoo dagay maamulka Galmudug magan-galyo siiyay, kadibna sidaas kusoo gudbay” ayuu sii raaciyay. Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya labada dhinac ayaa weli halkiisii ah, wuxuuna saameyn ballaaran ku yeeshay horumarkii gobolka Hiiraan ee Soomaaliya. Lama oga sida ay wax noqon doonaan iyo halka ay ku dambeyn doonto xiisaddan oo muddo soo taagnayd, maadaama reer Hiiraan ay sameysteen maamul gooni ah. The post Hoggaamiyaha ‘Hiiraan State’ oo hanjabaad culus u diray Cali Guudlaawe appeared first on Caasimada Online.
-
In June 2023, I had the privilege of joining a select group of intellectuals at Villa Somalia for a crucial discussion with President Hassan Sheikh Mohamud. This meeting came on the heels of a controversial National Consultative Council (NCC) agreement on Somalia’s election future, which proposed significant changes including a shift to a presidential system, limiting political parties to two, and setting ambitious timelines for local council elections. Source: Hiiraan Online
-
Somaliland Will Be an Independent Nation, Vows UK Lawmaker Somaliland will be recognized as an independent nation, a United Kingdom lawmaker has vowed. Gavin Williamson, a lawmaker in the UK’s House of Commons, made this vow during a ceremony held to commemorate Somaliland’s National Day. Speaking at the event held on May 18, Williamson vowed not to rest on his laurels until Somaliland enjoys global recognition as an independent nation. For years, Somaliland has insisted on its independence from Somalia. It broke free from Somalia in the early 1990s during the Civil War. Qaran News
-
Experts expect AfCFTA to promote inclusive growth in Africa
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
NAIROBI, May 27 (Xinhua) -- African experts said here on Monday that the full implementation of the African Continental Free Trade Area (AfCFTA) will foster inclusive growth across the continent. Source: Hiiraan Online