Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Millatariga Kuuriyada Koofureed ayaa ku warramay, in Kuuriyada Waqooyi ay aroornimadi hore ee saaka xeebteeda bari ka ridday gantaal nooca riddada dhexe ah. Tallaabadan ayaa imaaneysa maalin kaddib marki ay Peyongyang wacad ku martay in ay jawaab adag ka bixin doonto dhoolatus cusub oo ay si wada jir ah u fuliyeen millatariga Mareykanka, Kuuriyada Koofureed iyo Japan. Xafiiska Taliska ugu sarreeya ciidamada qalabka sida ee Kuuriyada Koofureed ayaa sheegay, in wax u eg laba gantaal ay aroornimadi hore Kuuriyada Waqooyi ka tuurtay degmada Jangyon ee xeebta koofurbari ee dalkaasi ka go’doonsan dunida inteeda kale. Taliyaha guud ee ciidamada ayaa sheegay in militariga Kuuriyada Koonfureed uu sare u qaaday howlaha ilaalinta xadka, isla markaana ay si dhow xogta isu weydaartaan Mareykanka iyo Japan. Kuuriyada Waqooyi ayaa inta badan tijaabisa gantaallo kala duwan oo u badan kuwa xanbaara madaxyada niyukleerka, gaar ahaan xilliyada ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kuuriyada Koofureed ay sameeyaan carbisyada millatari. PUNTLAND POST The post Kuuriyada Waqooyi oo saaka tijaabisay gantaal kale appeared first on Puntland Post.
  2. Madaxweynaha Kenya , William Ruto ayaa waraysi uu bixiyay ku soo bandhigay dhacdooyin halis ku ahaa ammaanka Kenya oo lagu arkay inta uu socday mudaaharaadyadii lagu diidanaa sharciga maaliyadda. Mid ka mid ah dhacdooyinka uu soo qaatay waxay ahayd in markii bannaanbaxayaasha ay gudaha u galeen xarunta Baarlamaanka in qayb ka mid ah ay si toos ah u aadeen goobta lagu kaydiyo hubka ee loogu talagalay in dhismaha lagu difaaco, isagoo intaa ku daray; “Waxaa jiri doona baaritaan lagu ogaanayo sida dadkan ay u ogaayeen in bakhaar hub uu ku yaallo dhismaha Baarlamaanka.” Waxaa kaloo uu sheegay in kaamirada CCTV ay qabatay wajiyada dadkii weeraray Baarlamaanka,Maxkamadda Sare iyo xarumo kale, isagoo sheegay in muuqaallada CCTV lagu maxkamadeyn doono kuwii iskudayay inay gudaha u galaan bakhaarka hubka ee dhismaha Baarlamaanka, isagoo caddeeyay shaqsiyaadka la xiray inta mudaaharaadka uu socday in 1-da July la horkeeni doono maxkamadda. Qof kasta oo dambiyo gaystay inta dibadbaxa uu socday ayuu sidoo kale sheegay inay Booliiska xogtiisa kaydiyeen si gacanta loogu soo dhigo. Ruto, waxaa kalo uu soo bandhigay in diidmada hindise sharciyeedka Maaliyadda 2024 ay ka dhigan tahay in Kenya ay ku qasban tahay in ay amaahato $7.7 bilyan si loogu buuxiyo qorshaha miisaaniyadda. PUNTLAND POST The post Madaxweynaha Kenya oo halis Amni ku tilmaamay Muddaharaadyo dhawaan ka dhacay dalkaasi appeared first on Puntland Post.
  3. Dalka Soomaaliya burburkii kadib waxaa soo gaaray dhibaatooyin aad u waaweyn oo gumeysigii soo jireenka ahaa uu helay fursad aad u weyn uu kala qeybin karo soomaalida. Dalalka Itoobiya iyo Kenya waxay hore innaga heysteen dhul aad u ballaaran laakiin maadaama aan leheyn dowlad adag waxay ogaayeen inay iman doonto waqti ay soomaalidu dib u midoobi doonto balse rajadaasi waxay burburtay markii aan dowladdeennii duminnay. Kenya waxay isku dayday inay beddesho qaabkii dhuleedkii Soomaaliya iyadoo isleh Soomaaliya aad ayey u nugushahay awoodna ma leh waxay sheegatay inay leedahay dhowr iyo boqol miles oo baddeennii ka mid ah inkastoo aysan ku guuleysan inay baddii qaadato 100% misena waxaa ay qaadatay marin biyood ay Mombasa ku tagto taasoo aysan leheyn markii hore. Haatan waxaa taagan xaaladda Itoobiya ay baddeennii tiri waxaan qaadanayaa illaa 50 miles oo bad ah kana dhisanayaa Deked aan anigu maamulo iyo saldhig military oo aan ciidanka badda u dhiso. Isweydii haddii Itoobiyaan uu dhisto deked ay iyadu leedahay oo dowladda Itoobiyana ay maamusho ka fikir maxaa ka dhalan kara ? Jawaabtu waa mid kooban waxaa dhici doonta inay xirmaan dekedihii Soomaaliyeed ee waqooyiga Soomaaliya ee Berbera iyo Jabuuti taasoo dekedahaasu aheyd isha keliya ay shacabkaasi dhaqaale ka heli jireen noloshooduna ku tiirsaneyd. Maadaama Itoobiya ay bad heshay waxay ka maarmi doontaa adeegsigii dekedaheenna taasina waxay keeni doontaa soo wajihi doona shacabkii Soomaaliyeed ee waqooyiga oo markii horeba la daalaa dhacayey faqri iyo shaqo la,aan. Tan ku saabsan inay Itoobiya rabto inay saldhig ciidan badeed ka sameysato Soomaaliya waa mid khatarteeda leh waxaa iska fudud inay timaaddo baddeenna si kastaba haku timaaddee balse waxaa adkaan doonta in laga saaro dhulka Soomaaliyeed. Waxaad mooddaa in dowladdii Soomaaliyeed ee dalkan xukuntay ineysan uba jeedin khatartan aadka u weyn ee Soomaaliya ay wajihi doonto sanooyinkan soo socda iyadoo had iyo jeer aan maqleyno waxaa la wada hadashiisiinayaa Itoobiya iyo Soomaaliya arrinta ku saabsan heshiiskii badda ee Muuse la saxiixday Itoobiya. Haddii ay Soomaaliya oggolaato inay la hadasho Itoobiya arrinta badda maxaa diiday inay dhici doonto halheyskii ahaa *ku qabso ku qadimeyside* Waxaan dowladda Soomaaliyeed kula talin lahaa ineysan lumin heybaddii iyo sharaftii Soomaalida lagu yiqiin ayna ilaaliyaan karaamadii Soomaaliyeed. Wabillaahi Towfiiq Qore: Maxamed X Seeraar The post Waxa dhici doona haddii DF ay Itoobiya dekad u ogolaato wada-hadallada Turkey appeared first on Caasimada Online.
  4. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay ka qeyb galay Munaasabadda Calan-saarka habeenka 1-da Luuliyo, isagoo salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed. Mudane Xasan Sheekh Maxamuud madaxweynaha JFS ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo ee xornimada dalkeenna, iyadoo dhanka kale la riday Buula-layr loogu dabaal-dagayay munaasabadda qiimaha wayn ku leh dadka Soomaaliyeed 1-da Luuliyo ayaa ku astaysan 64 sano guurada xornimada Gobollada Koonfureed iyo midowga Labadii Gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, iyadoo maanta lagu wado inay dalka ka dhacaan munaasabado lagu wayneynayo maalintan qiimaha leh. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka qayb galay Xuska Munaasabadda Xorriyadda dalka ee 1 Luuliyo appeared first on Puntland Post.
  5. Hargeysa (Caasimada Online) –Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo la kulmay masuuliyiinta maamulkaas ee ka soo jeeda gobolka Awdal iyo qaar kamid ah odayaasha dhaqan Gobolkaas ayaa jeediyay hadal uu eedeymo culus ugu jeediyey dowladda Jabuuti. Muuse Biixi ayaa sheegay in Jabuuti ay dhistay ‘jabhad’ ku goodineysa inay Somaliland ka xoreynayaan gobolka Awdal, isagoo sheegay in taasi aysan dhaceyn. Madaxweyne Muuse ayaa sheegay in Somaliland aysan fileyn in Jabuuti looga dhawaaqi karo koox ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland, balse arrintaas ay la noqotay layaab, isagoo ku goodiyey in maamulkiisa aysan waxaba ka qaadi karin kooxo lagu aas-aasay wadamo kale. “Maalmahan waxaan arkeynay qolo jabhad ah oo Jabuuti ka dhex hadleysa oo leh Awdal ayaan xoreyneynaa, Jabuuti taas kama filaneyn, hadeysa sidaas la noqotay wixii ka dhasha ee guud weynu arki doonnaa” ayuu yiri madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi. Madaxweynaha ayaa sheegay iIn siyaasiyiinta Somaliland ay ka mideysanyihiin mabda’a ilaalinta qaranimada Somaliland, balse ninkii aragtidiisu ay taas ka duwanaato uu yahay mid soo raacaya cadawga, sida uu hadalka u dhigay Muuse Biixi. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa baraha bulshada laga arkay rag badan oo deegaan ahaan ka soo jeedaan gobolka Awdal oo isku abaabulay gudaha Jabuuti, kuwaas oo toos uga horyimid go’aanada Muuse Biixi, si cadna u sheegay in aysan ogoleyn heshiiskii uu Muuse badda ku siiyey Itoobiyaanka. Sawirrada siyaasiyiinta uu ka hadlay Muuse Biixi ayaa la baahiyey iyagoo booqanaya safaaradda Soomaaliya ee dalka Jabuuti, iyaga oo la kulmay Danjire Salaad Cali Jeelle, sidoo kale waxay mar tageen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Ragaani waxay mar walba sheegaan in aysan ogolayn in dhul xeebeen laga kireeyo dawladda Itoobiya, balse marna ma aysan sheegin in ay Jabhad yihiin iyo in kale, Muuse Biixi ayaa hadalkiisa u dhigay, carabkana ku adkeeyey in ragaasi ay jabhad yihiin. Wax kacdoon dadweyne ah hadda kama jiraan gobolka Awdal iyo deegaanada kale ee dhaca xadka Jabuuti iyo Somaliland, balse waxaa jira guux dadweyne oo lagu diidan yahay damaca Itoobiya, halka Somaliland ay muujineyso feejignaan ay kaga hortegeyso wax kasta oo kacdoon ah. The post Muuse Biixi oo Jabuuti ku eedeeyey inay dhistay jabhad ka soo jeeda gobolka Awdal appeared first on Caasimada Online.
  6. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliska booliska Soomaaliya iyo xeer ilaalinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa soo saaray amar wadajir ah oo ay ku cadeynayaan in caawa inta loo dabaal-degayo 1-da Luuliyo aan xabado la ridi karin. Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamadda ciidamada qalabka sida Cabdullahi Buulakamey iyo Afhayeenka Booliska Soomaaliya Cabdifitaax Aadan Xasan ayaa qabtay shir jaraa’id oo ay ku soo saareen amarkaan. Ugu horeyn Afhayeenka booliska ayaa sheegay in qofkii xabad rida lasoo xiri doono dushana laga saari doono wixii khasaare ah oo caawa dhaca, isagoo hoosta ka xariiqay in xabado la rido inta lagu jiro munaasabadaha toddobaadka xoriyadda Soomaaliya. Booliska Gobolka Banaadir ayaa maalmo ka hor shaaciyey in la soo xiray 9 askari oo jebisay amar ahaa in “xabado aan laga ridi karin Muqdisho” askarta lasoo xiray ayaa habeenkii calan saarka ee 26-kii Juun kor u riday xabado. Xabadihii habeenkaas la riday ayaa Muqdisho ku dilay ugu yaraan labo qof iyagoo dhaawacay dad kale, taas oo khasabtay in lasoo qabto askartii xabadaha riday intooda badan. Xeer ilaaliyaha maxkamadda ciidamada Jeneraal Cabdullahi Buulakamey oo shirkaan jaraa’id la qabtay afhayeenka ayaa sheegay in askartii lasoo xiray ay u gudbiyeen xabsiga dhexe, iyadoo dhowaan lasoo taagi doono maxkamad. Wuxuu sheegay in askartaas loo heysto dadkii xabadaha ku dhintay iyo kuwii dhaawacmay habeenkii 26-kii Juun iyo amarkii booliska oo ay jebiyeen, Buulakamey ayaa ku goodiyey inay maxkamad soo taagi doonaan 9-ka askari ee lasoo qabtay. Hoos ka daawo The post Daawo: Amar la dul-dhigay ciidamada DF iyo xogta kiis loo heysto askar lasoo xiray appeared first on Caasimada Online.
  7. Muslinimo nimaan kugu dhaqayn, mu’minimo khaas ah Gaal maxasta kuu nabadgashood, magansataa dhaama Gabayaagii reer Somaliland ee ay isku dhaceen Sayid Maxamed Cabdulle Xasan oo xiligaasi ay colaadi ka dhaxaysay isga iyo Cali Jaamac Haabiil oo.ka yaabay sayidku sida uu wax u laynaayo una dhacaayo xoolahooda ayuu Cali Jaamac isga oo ka yaabay ficiladii Sayidka ayaa uu tiriyay tixdan gabayga ah ee hoos taala. Badda mootan meydkii Fircoon, baa la moosiyaye Sir mitaminiyo meeqaanba way, kala masoobaane Kolkii ay majaro leexatee, xaajo marin dhaafto Murti qodob ku miisaaman baa, muranka noo dhaanta Madi cararta maqasheeda-koris, minow san baa dhaanta Marwo hadal xun maangaab ninkeed, maqasha baa dhaanta Magoog been ah talo muuqatoo, marag leh baa dhaanta Hal miirshaw leh maya oo tidhaa, milow horaa dhaanta Mayey aafo miidhan ah abaar, mudhuxsan baa dhaanta Haddaan xididku maamuus lahayn, ma lihi baa dhaanta Mirta weerar dirir maalinoo, rag is madhshaa dhaantaa Mataan midiq ah laas miir ah baa, kuu mitabis dhaama Boqorkii mallay dabi midgaan, xadhig martaa dhaama Masjidkii cibaadada ka madhan, lama mudaa dhaanta Mufti nacab ah Aw kula masoo, macallinaa dhaama Walaalkaan mushaawiro lahayn, maqanahaa dhaama Malab sun ah mariid laga kacaa, muudsashada dhaama Muslinimo nimaan kugu dhaqayn, mu’minimo khaas ah Gaal maxasta kuu nabadgashood, magansataa dhaama. Hadaba heesta maanta laga qaaday Somaliland ee cadawga u aragta Muqdisho iyo Garoowe, waxa u dhigma gabaygaasi Cali Jaamac Haabiil uu tiriyay 100 sano ka hor. Waxa nasiib daro ah in markii horeba la raaco oo lala midoobo Muqdisho iyo Garoowe Qaran News
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan afar qof oo ay ku jiraan askar militariga Soomaaliya ka mid ah ayaa lagu dilay qarax galabta ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halka ugu yaraan 10 kalena ay ku dhaawacmeen. Qaraxaas ayaa ka dhacay meel u dhow saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin duleedka magaalada Baledweyne, sida uu sheegay gudoomiyaha maamulka magaalada Baledweyne Cumar Calasow. Guddoomiyaha oo la hadlay Idaacadda VOA ayaa sheegay in qaraxaas loo adeegsaday gaari Home ama Caasi ah, kaas oo qof naftiisa haligay uu waday. Gaariga ayaa soo istaagay goob u dhow saldhig ay maanta ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed kala wareegeen ciidanka ATMIS ee ka baxaya Soomaaliya, waxaana la ogaaday inuu qarax sido, balse wuxuu u cararay dhinaca suuq ay dad shacab ah ku sugnaayeen halkaas ayuuna ku qarxay. Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay waxaa ku jirta askartii dooneysay inay qaraxa fashiliyaan, waxaana lasoo werinayaa in dhaawacyadu ay aad u badan yihiin, balse waxaa la xaqiijiyey dhimashada afar qof oo askar ay ku jirto. Dadkii dhaawacmay ayaa loola cararay isbitaallada, waxaana saacadaha soo socda lagu wadaa in Muqdisho la keeno dhaawacyada daran, xaaladda magaalada Beledweyne ayaa caawa cabsi badani ay ka jirtaa. Ciidamada amniga ayaa kuujinaya feejignaan dheeri ah, maamulka degmada iyo shacabka ayaa dhaawacyada u fidinaya gurmad xoog leh, waxayna dadka goobjoogayaal ah Caasimada Online u sheegeen in qaraxaas sida uu u weynaa iyo khasaaraha uu geystay ay aad u kala fogyihiin. Inkastoo dad badan oo afar qof gaaraya ay dhinteen, tobaneeyo kalena ay dhaawacmeen, hadana waxaa la soo werinayaa in qaraxaas uu burburiyey dhul aad u baacad weyn, maadaama uu qarxay gaari weyn oo Caasi ah. The post Dad badan oo lagu dilay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Beledweyne appeared first on Caasimada Online.
  9. Dowladda Pakistan ayaa lagu wadaa in ay bilowdo wajigii labaad ee qorshe muran badan dhaliyay oo qaxootiga Afgaanistaan ​​ee aan sharciga haysan dib loogu celinayo dalkooda, kuwaas oo dalkaan soo galay markii xukunka ay qabsadeen Taliban. mas’uuliyiinta Pakistan ayaa qorshaynaya inay dalka ka saaraan in ka badan 800,000 oo Afgaanistaan ​​ah, ka dib markii ku dhawaad ​​541,000 lagu qasbay inay dalkooda ku noqdaan wajigii hore oo ku beegnaa bishii November ee sannadkii tagey. qaxootiga reer Afgaanistaan wajahaya xarig iyo masaafurin, haddii aysan u hoggaansamin qorshahan ay waddo Xukuumadda Islaamabaad ee ayaga ka dhanka ah. dowladda Pakistan ayaa sheegtay in ay jiraan ku dhawaad ​​4.4 milyan oo qaxoonti Afgaanistaan ​​ah, kuwaas oo lagu qiyaasay 1.73 milyan oo ka mid ah in aysan sharci haysan, amarka masaafurinta ayaana yimid xilli ay aad u kordheen weerarrada hubeysan ee ka dhacaya guud ahaan dalka Pakistan. ,dowladda Pakistan ayaa ku tilmaantay weerarradaas kuwo ay ka dambeeyaan kooxo fadhigoodu yahay Afgaanistaan, eedeyntaas oo ay diiday xukuumadda Taliban ee Afgaanistaan. Source: goobjoog.com
  10. *Masuul daacadoo, *Dalka iyo dadkaba, *la dareena ahoo, *isagoon dab shidin, *dib u hanan karaa, *waa digtoor cirree, *dad waynaw dhamaan, *dacal joogsadoo, *waa danteena ee, *yuumka doorashada, *codka ugu daldala, *Masuul daacadoo, *diblamaasiyo, *dalka iyo dadkaba, *isagoon dirqiyin, *daadihin karaa, *waa digtoor cirree, *dad waynaw dhamaan, *waa danteena ee, *dacal joogsadoo, *yoomka doorashada, *codka ugu daldala, *Masuul daacadoo, *Nabad doon ahoo, *wafti loo diriyo, *ergo diidin abid, *waa digtoor cirree, *dad waynaw dhamaan, *dacal joogsadoo, *waa danteena ee, *yoomka doorashada, *codka ugu daldala, *Masuul daacadoo, *hooyooyin da”ah, *ka ducaystayoo, *diiftay qabeen, *dusha saartayoo, *Ka dajiyay culays, *waa digtoor cirree, *dad waynaw dhamaan, *dacal joogsadoo, *waa danteena ee, Yoomka doorashada *codka ugu daldala, *Masuul daacadoo, *hadal laga damqado, *cidna aan ku durin, *waa digtoor cirree, *dad waynaw dhamaan, *dacal joogsadoo, *waa danteena ee, *yoomka doorashada, *Codka ugu daldala *Shaygii dahsoon, *Rabbaa daalacdoo, *danbi kuma lihine, *dusha sare intaan, *ka aqaan Digtoor, *Cirro waa Nin duna ah, *oo dul qaad lahoo, *Dal hogaamin kara, *ee doorkan aan isaga, *duubka u xidhnee *dad waynaw dhamaan *dacal joogsadoo, *yooka doorashada *codka ugu daldala. Garaad Sheekh Axmed Cali Adan Qaran News
  11. Tripoli (Caasimada Online) – Safiirka cusub ee Soomaaliya u qaabilsanaan doona dalka Liibiya Cabdi Aadan Diiriye ayaa kasoo muuqday warbaahinta isaggoo xiran dhar u muuqda kuwa dhaqameedka dalkaasi, xilli laga guddoomayay warqadaha aqoonsiga danjirannimo. Danjire Diiriye ayaa si weyn loogu dhalleeceeyay arrintaan, iyadoo dad badan oo ka fal-celiyay ay sheegeen in ugu yaraan ay aheyd inuu xirto dharka dhaqan ee dalka uu metelayo ee Soomaaliya. Safiirka Soomaaliya ee Liibiya ayaa waxaa warqadaha aqoonsiga danjirannimo ka guddoomay madaxweynaha golaha Madaxtooyadada Liibiya Dr. Maxamed Yuunis Al-Manfi. Caasimada Online oo idin soo aruurisay fal-celinta ka dhalatay sawiradda la baahiyay ee danjire Diiriye ayaa waxaa kamid ah; Maxamed Cadnaan: “Malaha safiirka Soomaali uma eeka!.” Shuceyb: “Waxa iiga daran muu dharka dhaqankiisa ku labisto kuna faano inta uu ku labisan lahaa dhar umad kale dhaqankooda ah.” “Waa Safiir Soomaaliyeed ma waayay dharka Dhaqanka u ah Soomaalida? Ma Liibiyaan baa iyagaa dharkaan xirta?. Dal burburay iga dheh,” ayuu yiri Sakariye Maxamed Isticmaar. Axmed Jaamac: “Hadda labadaas qof kuma u eg Liibiyaan. Wallaahi waan ka naxay dharka uu xidhay safiirku.” Cabdicasiis Yuusuf Cigaal oo kamid ah dadka ka fal-celiyay ayaa isna waxa uu yiri “Maxay Safiirnimaddiisa taraysaa hadiiba uusan hal ruux magafe ka sii dayn karin, bal waxa aad noola imaateen eegga!!.” Si kastaba, Soomaaliya iyo Liibiya ayaa leh xiriir wanaagsan, ayada oo dhawaan ay labada dhinac yeesheen wada-hadallo dhabaha u xaaraya sidii dalka dib loogu soo celin lahaa muwaadiniin Soomaaliyeed oo sanado ku dhibaateysan xabsiyada dalkaasi. Liibiya ayaa sidoo kale waxaa ku sugan dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed, kuwaas oo sanado magafe uu ku haysto dalkaasi, waxaana ku haysata xaalado nololeed oo aad u daran. The post Safiirka Somalia ee Libya oo si weyn loogu dhalleeceyay arrin uu sameeyay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
  12. Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Daa’uud Aweys Jaamac ayaa magaalada Baqdaad ee Jamhuuriyadda Ciraaq uga qayb galay munaasabad lagu xusayay maalinta Saxaafadda Ciraaq oo loo asteeyay markii ugu horeysay oo wargeys laga soo saaray magaalada Baqdaad sannadka markii uu ahaa 1869. Wasiirka oo qeyb ka ah wufuudda Wasiirrada Warfaafinta ee waddamada Jaamacadda Carabta ee ka qeybgelaya xuskan ayaa tagay goobaha loogu dabaaldayay oo lagu soo bandhigay waxqabadka saxaafadda Ciraaq oo gobol walba si gaar ah u soo bandhigayay. Xuska 155 guuradii maalinta Saxaafadda Ciraaq ayaa munaasabad heer qaran ah oo maanta la dhigay, ayaa waxaa horkacayey Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq, Mudane Eng. Maxamed Shuyaac Al- Suudaani. Source: goobjoog.com
  13. Tehran (Caasimada Online) – Natiijadii kasoo baxday doorashadi madaxtinimada ee Jimcihi ka dhacday dalka Iran ayaa muujisay in uusan murashaxna helin codad ku filan si uu unoqdo madaxweyne. Tan ayaa ka dhigan in labada musharrax ee ugu sarreysa ay ku loollami doonaan doorasho ku celis ah oo dalkaasi ka qabsoomi doonto 5-ta bisha Luulyo. Wareegga labaad ee doorashadan ayaa waxaa isugu soo baxay Massoud Pezeshkian oo ah xildhibaan qunyar socod ah iyo Saciid Jalili oo ah murashax heysta taageerada hogaamiyaha ruuxiga ah ee Iran. Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa sheegtay in midkoodna uusan helin boqolkiiba 50 oo lagu daray hal cod, kaddib marki la tiray codadki ay dhiibteen ilaa 25 milyan oo cod-bixiye. Hase yeeshee Pezeshkian ayaa codad dhan ku dhawaad nus milyan ka horreeya Jalili. Labadani nin ayaa midki guuleystaa baddali doona, madaxweynihi hore Ebrahim Raisi oo dhawaan ku dhintay shil hellikobtar. Jagada madaxweynaha Iran ayaa ka dhigan awoodda fulinta, maadaama awoodda iyo go’aannada kama danbeysta ah ee qaranka uu leeyahay hogaamiyaha ruuxiga ah Ayatollah Ali Khamenei. The post Doorashada madaxtinimo ee IRAN oo yeelatay weji cusub appeared first on Caasimada Online.
  14. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/06/449330178_821279482986221_4225720780709462478_n.mp4 Qaran News
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dhisay sanduuqa qaran ee cimilada. Madaxweynaha oo ka duulaya dib u habaynta iyo horumarinta qorshaha qaran ee isbeddelka cimilada ayaa xeer madaxweyne LR.235, ku dhisay sanduuqa saran ee cimilada. Xasan ayaa u magacaabay Mudane Liibaan Daahir Obsiiye in uu noqdo agaasimaha fulinta ee sanduuqa qaran ee cimilada. Liibaan ayaa khibrad durugsan u leh siyaasadda maaliyadda, sida lagu sheegay wareegtada kasoo baxday xafiiska madaxweynaha oo lagu baahiyay bogga Villa Somalia. Sanduuqa Qaran ee wax ka qabashada isbeddelka cimilada ayaa ka kooban labo heer oo kala ah; Heerka Guddiga Maamulka Sare Heerka Fulinta Qaab dhismeedkan ayaa la jaan-qaadaya hannaanka daah-furnaanta, sida lagu yiri wareegtada madaxweynaha ee daabacday Villa Somalia. Madaxweynaha ayaa sidoo kale caddeeyay in xilligaan ay dowladda dadaal badan ku bixinayso ka hortagga, la qabsiga iyo xakamaynta isbeddelka cimilada, maadaama ay saameyn toos ah ku leedahay duruufaha nololeed ee dalkeenna iyo musiibooyinka soo noq-noqday ee abaaraha iyo fatahaadaha. The post Xasan oo dhisay sanduuq ay horey u laheyn Soomaaliya iyo waxa uu qabanayo appeared first on Caasimada Online.
  16. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka duulaya dib u habaynta iyo horumarinta qorshaha qaran ee isbeddelka cimilada ayaa Xeer Madaxweyne LR.235, ku dhisay Sanduuqa Qaran ee Cimilada. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa u magacaabay Mudane Liibaan Daahir Obsiiye oo khibrad durugsan u leh siyaasadda Maaliyadda in uu noqdo Agaasimaha Fulinta ee Sanduuqa Qaran ee Cimilada. Sanduuqa Qaran ee wax ka qabashada Isbeddelka cimilada ayaa ka kooban labo heer oo kala ah; Heerka Guddiga Maamulka Sare iyo Heerka Fulinta, qaab dhismeedkaas oo la jaanqaadaya hannaanka daah-furnaanta. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa dadaal weyn ku bixinaysa ka hortagga, la qabsiga iyo xakamaynta isbeddelka cimilada, maadaama ay saameyn toos ah ku leedahay duruufaha nololeed ee dalkeenna iyo musiibooyinka soo noqnoqday ee abaaraha iyo fatahaadaha. Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la muddeeyay inuu furmo 6-da bisha July 2024 oo ku beegan maalinta Sabtida. War-saxaafadeed kasoo baxay guddoonka labada gole ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa waxaa lagu sheegay in muddeynta kal-fadhiga ay ku timid kulan wada-tashi oo guddoonka ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee BJFS. “Waxaa laga wada-hadlay maalinta la qaban karo kulan wada-jir ah oo lagu furayo kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka 11-aad. Guddoonku waxay isku raaceen in kal-fadhiga uu furmo maalinta Sabtida,” ayaa lagu yiri qoraalka. Furitaanka kal-fadhiga 5-aad ee baarlamaanka ayaa waxa uu qorshuhu yahay inuu meel-mariyo sharciyo dhowr ah oo kamid yahay kan doorashooyinka, guddiga doorashooyinka iyo xeerka lagu dhisayo iyo weliba sharciga axsaabta, sida ay ogaatay Caasimada Online. Madaxtooyadda oo gacan ka helaysa guddoonka baarlamaanka ayaa qorsheynaysa in sharciyadan ay marsato baarlamaanka marka la furo kal-fadhiga 5-aad, xilli ay Xildhibaannada qaar muujinayaan saluug iyo balamihii hore loo fulin. Villa Somalia ayaa horey u marsatay baarlamaanka afartii cutub ee dastuurka ee mucaaradka ka qeyliyay iyo heshiiskii Turkiga ee illaa hadda baarlamaanka aqoonin wax ku qoran, kuwaasi oo dhamaantood ku gacan isiyay guddoonka baarlamaanka Soomaaliya. Horey waxaa buuq badan ka dhashay, kaasi oo illaa hadda diidan yihiin mucaaradka wax ka beddelka dastuurka oo ay ku jireen qodobo culus oo qeyb ka tahay nooca doorasho ee la aadayo, taasi oo illaa hadda wax tallaabo ah loo qaadin. Lama oga sida ay wax noqon doonaan, waxaana muuqata in markaan Villada ay rabto inay dhameystirato qorshaha qabyada ka ah, kaasi oo diidan yihiin Xildhibaannada qaar oo la safan mucaaradka. The post Xilliga uu furmayo kal-fadhiga BF oo la muddeeyay iyo qorshaha Villa Somalia – Xog appeared first on Caasimada Online.
  18. Mogadishu (HOL) - A Somali government delegation, led by Minister of Foreign Affairs Ahmed Maalam Faqi, left for Turkey on Sunday to participate in talks between Somalia and Ethiopia facilitated by the Turkish government. Source: Hiiraan Online
  19. Safiirka cusub ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ay dhowaan u magacaabatay dalka Liibiya ayaa warqadaha aqoonsiga danjirenimo si rasmi ah looga Guddoomay, taas oo qeyb ka dib usoo celinta safaaradaha dalka. Madaxweynaha Golaha Madaxtooyada Liibiya Mudane Dr. Maxamed Yuunis Al-Manfi ayaa warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjire Cabdi Aadan Diiriye, oo Soomaaliya u fadhin doonaa dalkaas. Labada dal oo ka wada tirsan dowladaha jaamacadda Carabta ayaa leh xariir qoto-dheer, ayagoo dano badan wadaaga, sidoo kale Liibiya waa dalka ay sii maraan tahriibayaasha Soomaaliyeed ee ugu badan, kuwaas oo halkaas kala kulma dhibaatooyin iskaashiga labada Xukuumadood lagu xallin karo. Source: goobjoog.com
  20. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa furay buugga tacsida ee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. buugga tacsida oo ay masuuliyiin badani saxiixeen ayaa muddo seddax maalmood ah ka furnaan doona gurigii uu ku geeriyooday guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Prof Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari. Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BJFS Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe ayaa guud ahaan Qaranka Soomaaliyeed uga tacsiyadeeyay geerida guddoomiyihii hore. Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo dowladnimada Soomaaliya kaalin weyn ka soo qaatay ayay geeridiisu wada taabatay dhammaan bulshada Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta wafdi culus u dirtay dalka Turkiga, si uu uga qayb-galo wada-hadallo cusub oo u bilaabanayo dalalka Soomaaliya iyo Itoobiya, isla markaana ay martigelineyso xukuumadda Ankara. Wadiga maanta u baxay Turkiga ayaa waxaa hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda, Mudane Axmed Macallin Fiqi, kaas oo ka qeyb-galayo wadahadallo cusub oo ay xiisadda taagan ka yeelanayaan Soomaaliya iyo Itoobiya, taas oo ka dhalatay heshiiskii badda. Qoraal kooban oo lagu daabacay bogga Twitter-ka ee wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa waxaa lagu xaqiijiyay in Turkiga uu dhexdhexaadinayo wada-hadaladan, balse lagu sheegin wax ajendi ah marka laga tego inay isugu tegayaan magaalada Ankara. “Wasiirka arrimaha dibadda iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa u safray caasimadda Ankara ee dalka Turkiga, oo ay uga qeyb-geli doonaan wada-hadallo u dhaxeeya Soomaaliya iyo Itoobiya oo ay dhex-dhexaadineyso dowladda Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraal kooban oo kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Waxaa kale oo lasii raaciyay “Dowladda Federalka Soomaaliya waxaa ka go’an mabaadi’deeda adag ee ilaalinta midnimada dhuleed”. Wararka kale oo madax bannaan ayaa sheegaya in ujeedka wada-hadalladan uu yahay in lagu soo afjaro xiisadda ka dhalatay is-afgaradka ay Itoobiya la gashay Somaliland ee lagu sheegay in ay ku aqoonsaneyso, ayada oo uga bedeleneysa dhul-badeed ay ka dhisato dekad iyo saldhig ciidan badeed. Sidoo kale waxaa wada-hadalladan oo muddo ay ka taagnayd caqabad ayaa waxaa labada dal ogoleysiiyey dowladda Turkiga oo muddo bilo ah wadday dadaal ay isugu keeneyso Muqdisho iyo Addis-Ababa, waxaana jira warar sheegaya in sidoo kale ay dalal kale gadaal ka riixayaan, oo Mareykanka uu ka mid yahay. Waxaa dhinaca Soomaaliya u matalaya wafdi uu horkacayo wasiirka arrimaha dibedda Axmed Macallin Fiqi, halka Itoobiya uu wakiil u yahay wasiirka arrimaha dibedda Taye Atske Selassiem kaas oo shalay gaaray Ankara. Xogta Caasimada Online ayaa sheegeysa in Itoobiya ay diyaar u tahay in ay ka laabato is-afgaradka Somaliland, halka Soomaaliya la filayo in ay Itoobiya u ogolaato in ay ka kireyso dekad ganacsi. Soomaaliya marna ma ogolaan doonto saldhig ciidan badeed. Waxaan caddeyn habka loo maamuli doono dekaddaas. Itoobiya ayaa sida la sheegay dooneyso in ay dekaddaas ayada maamusho, balse weli ma cadda haddii ay Soomaaliya ogolaan doonto iyo in kale. Xogta ayaa sheegeysa in Itoobiya ay isha ku hayso dekadaha Baraawe iyo Hobyo midkood. The post Wafdiga DF ku metalaya wada-hadallada Itoobiya oo u baxay Turkiga – Maxaa socda? appeared first on Caasimada Online.