-
Content Count
212,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa ka jawaabtay eedeyntii uu ujeediyay madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, taasi oo uu ku sheegay in Jabuuti ay marti-galineyso jabhad kasoo horjeeda maamulkaasi. Muuse Biixi ayaa sheegay in Somaliland aysan fileyn in Jabuuti looga dhawaaqi karo koox ka soo horjeeda jiritaanka Somaliland, balse arrintaas ay la noqotay la-yaab, isagoo ku goodiyey in maamulkiisa aysan waxba ka qaadi karin kooxo lagu aas-aasay waddamo kale. Eedeyntan ayay gebi ahaanba beenisay dowladda Jabuuti, ayada oo ku tilmaamtay mid aan sal iyo raad toona laheyn, iyaddoo sheegtay in Jabuuti ay ka shaqeyso nabadda gobolka oo aysan kicin xasaraddo. Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale oo arrintaan uga jawaabay qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweynaha Somaliland uu eedeyn culeyskaan leh u jeediyo Jabuuti. “Waxaan ka xumahay eedaynta aan raadka lahayn ee nooga timid madaxda Somaliland, Jabuuti waa goob u taagan wada-jirka iyo is dhex-galka gobolka, waa barada nabada gobolka, wax kale kama shaqayno,” ayuu Wasiir Ilyaas ku yiri qoraalka. Dowladda Jabuuti ayaa ku faantay in aanay marnaba dhex-gelin arrimaha gudaha ee jaarkooda, wuxuuna wasiirka uga digay madaxweyne Biixi iyo maamulkiisa in Jabuuti kusoo lifaaqan xasaradaha gudahooda ka taagan. “Sidaas awgeed fadlan Jabuuti ha dhex-galinina siyaasadihiina guddaha ama ajendayaashiina, xasuuso shalay waxa nalagu eedeeyay in aanu Somaliland gacan ka siinay dagaalkii gobolka SSC,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay wasiirka maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale. Arrimahan ayaa imanaya xilli ay dalka Jabuuti ku sugan yihiin madaxda maamulka dibad-wareega ee la baxay Awdal State, kuwaasi oo halkaasi ku qabsaday xaflad, taasi oo ay hanjabaad uga soo direen maamulka Somaliland. Sida muuqata xiriirka Somaliland iyo Jabuuti oo wanaagsanaa sanadihii lasoo dhaafay ayaa hadda xumaaday kadib heshiiskii badda ee ay Somaliland la gashay Itoobiya, kaasi oo dowladda Jabuuti ee horkacayo Geelle u aragto khatar dhaqaale, maadaama ay lacag adag ka hesho adeegsiga Itoobiya ee dekeddeheeda. The post Jabuuti oo si adag uga jawaabtay eedeyntii Muuse Biixi, beenisay in… appeared first on Caasimada Online.
-
Dalalka Carabta qaarkood ayaa Maanta Soomaaliya ugu hambalyeeyay xuska munaasabadda 1-da luulyo oo ku beegan sannad guuradii 64-aad ee Xorriyadda Soomaaliya. War-saxaafadeed kasoo baxay Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa lagu sheegay in Boqor Salmaan bin Cabdicasiis iyo Dhaxal-sugaha dalkaas Maxamed bin Salmaan ay dhambaal hambalyo ah usoo direen Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo shacabka Soomaaliyeed. Dhambaalka ayaa lagu muujiiyay in Hoggaanka Boqortooyada Sacuudi Carabiya ay la qaybsanayaan dadka Soomaaliyeed munaasabadda iyo dabaal degga maalinta kowda Luulyo. Sidoo kale Madaxweynaha Imaaraadka Carabta, Sheekh Maxamed bin Zayed iyo labadiisa kuxigeen ee Maxamed bin Raashid iyo Sheekh Mansuur bin Zayed ayaa ugu hambalyeeyay umadda Soomaaliya munaasabadda kowada Luulyo iyo sannad guuradii 64-aad ee kasoo wareegtay markii Soomaalidu yeelatay dowlad madax bannaan. Amiirka dalka Qatar Sheekh Tamim bin Hamad Al Thani ayaa sidoo kale hambalyo ku aadan sanadguurada xorriyadda dalka usoo diray Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo u rajeeyay dadka Soomaaliyeed nabad iyo barwaaqo. Dhinaca kale, Dhambaal kasoo baxay Boqortooyada Bahrain ayaa lagu sheegy in Boqor Xamad Bin Ciisa Al Khaliifa uu la wadaagay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud hambalyada munaasabadda 1-da Luulyo ee xornimada gobollada Koonfreed iyo midnimada labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur. PUNTLAND POST The post Qaar kamid ah dalalka Carabta oo Soomaaliya ku hambalyeeyay Munaasabadda 1-da Luuliyo ee Xorriyadda dalka appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa toddobaadkan ku khudbeeyay in aysan jirin goob ay ciidanka dowladda ka qabsadeen argagixisada oo ay kadibna dib uga soo baxeen, taas oo aad uga fog xaqiiqada dagaalka ee taalla dhulkii lagu diriray. Degmada Ceelbuur iyo deegaanafa Wabxo, Caad, Cowsweyne, Camaara, Ceela-helay, Ceel-garas, Galcad iyo deegaano kale oo ciidanka dowladda qabsadeen, qaarkoodna ay rag badan oo muhiim ah ku dhinteen qabashadooda ayaa dib looga soo baxay, oo ay dib ula wareegtay argagixisada. Madaxweynaha isaggaa horey ugu baaqay in aan dagaalka la siyaasadeyn, balse sida muuqata isaga ayaa asbuucan isku dayey inuu siyaasadiisa iyo waxgaradkiisa ku xoojiyo wax ka fog dhabta dagaalka ee taalla furimaha, xilli ay xukunkiisa ka harsan tahay hal sano iyo toban billood. Iyada oo aanay jirin dhibaato argagixisada ka daran oo taalla Soomaaliya, haddana madaxweyne Xasan Sheekh waxaa la gudboon inuu umadda Soomaaliyeed runta u sheego, waxa qaldan u sheego, danihiisa siyaasiga ah iyo xaalka dagaalkana kala sooco. Dadka Soomaaliyeed waxay sugayaan in dib loo bilaabo dagaalka. Argagixisada waxay heshay nafis dhowr dhinac ah, tan iyo markii uu istaagay dagaalkii tooska ahaa ee ay dowladda iyo dadka deegaanka ku hayeen argagixisada. Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa weli wasiirka gaashaandhiga u ah Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac), halka uu taliyaha xoogga u yahay Ibraahim Sheekh Muxiyadiin. Labadaas nin oo ay si weyn u masuugsan yihiin ayuu madaxweyne Xasan Sheekh weli kaga fadhiya fulin, qorsheyn iyo guul dagaal. Markii la fiiriyo labadaas nin ee ay shacabka iyo ciidanka sida weyn u masuugsan yihiin iyo dalaaliinta kale ee dagaalka ee madaxweynaha ku hareeraysan waxaa shaki ka galayaa in daacad laga yahay in lasoo afjaro argagixisada. Dad badan oo Soomaali ah ayaa la yaab ku tilmaamay sida ay isku khilaafsan yihiin hadalka madaxweyne Xasan Sheekh iyo xaqiiqada dagaalka. Dadka Soomaaliyeed ee wax-galka ah ee la socda xaalka dhabta ah ee dalka iyo culeyska argagixisada, waxay ku talinayaan in diirada la saaro muddada yar ee madaxweynaha u dhiman in kooxda ugu yaraan 80% la wiiqo. Tan oo macnaheedu yahay in laga howl-galo deegaanada ay kaga harsan yihiin Galmudug iyo HirShabelle, kadibna loo gudbo deegaanada ay ka joogaan Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda aad ugu xoogan tahay, welina aan shaqo laga qaban. Waqtigii uu madaxweyne Xasan Sheekh horey u qabsaday inuu kusoo afjari doono kooxaha argagixisada ayaa suurtoobi waayay. The post Xasan Sheekh iyo xaqiiqada dagaalka oo is khilaafsan – Maxay yihiin isdiidooyinka? appeared first on Caasimada Online.
-
449042510_355489194242043_5446616646450982493_n Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa dib u dhigtay go’aan ay ku mamnuucday ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha halka mar la isticmaalo. Wasaaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya ayaa shaacisay inay muddo saddex bilood dib u dhigtay dhaqan-galka go’aankaasi kadib codsi uga yimid ganacsatada Soomaaliyeed. Wasaaradda ayaa sheegtay in iyada oo tix-gelinayso codsiga ganacsatada ay qaadatay go’aankan cusub, islamarkaana uu go’aanka mamnuucista bacaha laga dhigay bisha September ee sanadkaan 2024. “Ganacsatadu waxa ay wasaaradda ka codsadeen in loo kordhiyo wakhtiga maadaam ay heshiisyo ganacsi (contracts) ay horay u galeen, kuwaas oo dhaqaale kaga maqan yahay islamarkaana ay u suurto gali wayday in wakhtiga loo qabtay (30-ka Juun 2024) ay kusoo dhameystaan hawlahaasi,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay wasaradda deegaanka iyo isbeddelka cimilada Soomaaliya. Sidoo kale waxay fartay cid kasta oo ay khusayso arrimaha la xiriira bacaha halka mar la isticmaalo inay u hogaansamaan ku dhaqanka wareegtada, ayada oo sheegtay in aan wax ka beddel lagu sameyn qodobaddii horey ugu soo baxday wareegtadi mamnuucista bacaha. “Wixii ka dambeeya 30 bisha September 2024 waxaa la joojiyay soo dejinta, dhoofinta, soo saaridda, ka ganacsiga iyo isticmaalka bacaha fudud ee halka mar la isticmaalo. Wareegtadu waxa ay si buuxda u dhaqan-galeys 1-da bisha Octoobar 2024.” Wasaaradda ayaa adkeysay in kadib taariikhda cusub ee ay mudeysan aan laga ganacsan karin bacahaasi, oo guud ahaan la mamnuucay. kahor ay tahay in ganacsatu suuqa uga saaran. The post DF oo dib u dhigtay dhaqan-galka arrin ay mamnuucday iyo sababta ka dambeysa appeared first on Caasimada Online.
-
Boqorka dalka boqortooyada midowday ee Ingiriiska mudane King Charles ayaa dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyay maalinta ciidda qaran ee sanad guurada 64-aad ee 1-da Luulyo. “Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu hambalyeynayaa dabaal degga maalinta xorriyadda ee kowda Luulyo. Mudane madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud aniga iyo xaaskeyga farxad weyn ayay noo tahay in aan dhambaalkan hambalyada ah idiinla wadaagno”, ayaa lagu yiri qoraal lagu daabacay bogga X ee safaaradda dowladda Ingiriiska ku leedahay Soomaaliya. Dowladda Ingiriiska ayaa kamid ahayd guulaysteyaashii ay Soomaaliya madax-bannaanida ka qaadatay, balse hadda waxay kamid tahay saaxiibada iyo xulufada ugu dhow ee dowladda federaalka Soomaaliya. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qeyb galay munaasabadda xuska sannad guurada 64-aad ee xornimada iyo Midnimada dalkeenna ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan wadajirkooda, xajistaana dhaxalka awooweyaashood. Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida ayaa salaan sharaf kaga qaatay Taalada Daljirka Daahsoon cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida oo gaardis ku soo maray qaar ka mid ah waddooyinka magaalada Muqdisho, isaga oo ubax dhigay Taalada Daljirka si loo maamuuso halyeeyadii Soomaaliyeed ee naftooda iyo maalkoodaba u huray gobanimada Soomaaliya. Dabbaal degga munaasabaddan waxaa ka qeyb galay diyaaradaha qumaatika u kaco ee Ciidamada Cirka, dabaabadaha iyo gaadiidka dagaalka ee ciidanka Xoogga Dalka, iyo Booliska, kuwaas oo soo bandhigay sida Ciidamada Qalabka Sida ee dalkeennu ay ugu diyaarsan yahay difaaca qarankeenna, ilaalinta amniga, midnimada iyo gobanimada dalkeenna. Source: goobjoog.com
-
Siyaasi Cismaan Cumar Dool oo dhawaan ay ciidamada boolisku ka qabteen madaarka Hargeysa kadib markii uu ka soo kicitimay dalka Norway oo uu mudo ku noolaa, ayaa maanta dib u helay xoriyadiisii Siyaasi Cismaan Cumar Dool ayaa ka mid ah madaxda xisbigaasi ee qurbaha Qaran News
-
449446017_1002670521251860_7139814976719485172_n Qaran News
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta ka qeyb-galay munaasabadda xuska sannad guurada 64-aad ee xornimada iyo Midnimada dalkeenna. Madaxweyne Xasan ayaa waxa uu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay xoojiyaan wada-jirkooda, islamarkaana ay xajistaan dhaxalka awooweyaashood. Madaxweynaha ayaa salaan sharaf kaga qaatay Taalada Daljirka Daahsoon cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida oo gaardis kusoo maray qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxa uu madaxweynaha ubax dhigay Taalada Daljirka, si loo maamuuso halyeeyadii Soomaaliyeed ee naftooda iyo maalkoodaba u huray gobanimada Soomaaliya. Dabbaal-degga munaasabaddan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa ka qeyb galay diyaaradaha qumaatika u kaco ee ciidamada Cirka. Waxaa sidoo kale qeyb ka ahaa dabaabadaha iyo gaadiidka dagaalka ee ciidanka xoogga dalka iyo booliska, kuwaas oo soo bandhigay sida ciidamada qalabka sida ee dalkeennu ay ugu diyaarsan yahay difaaca qarankeenna, ilaalinta amniga, midnimada iyo gobanimada dalkeenna. Waa bandhigii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah oo magaalada Muqdisho lagu qabto tan iyo burburkii dowladdii dhexe kadib, waxayna muujineysa horumarka wayn ee gaartay Soomaaliya. Hoos ka daawo The post Daawo: Xasan oo ka qeyb-galay dhoola-tuskii ugu cajiibsanaa ee ciidanka ee 1-da Luulyo appeared first on Caasimada Online.
-
Pyongyang (Caasimada Online) – Millatariga Kuuriyada Koofureed ayaa ku warramay in Kuuriyada Waqooyi ay aroornimadi hore ee maanta ay xeebteeda bari ka ridday gantaal nuuca riddada dhexe ah. Tallaabadan ayaa imaaneysa maalin kaddib markii ay Pyongyang wacad ku martay inay jawaab adag ka bixin doonto dhoolatus cusub oo Mareykanka ay si wada jir ah ula fuliyeen millatariga Kuuriyada Koofureed iyo Japan. Xafiiska Taliska ugu sarreeya ciidamada qalabka sida ee Kuuriyada Koofureed ayaa sheegay in wax u eg laba gantaal ay aroornimadi hore Kuuriyada Waqooyi ka tuurtay degmada Jangyon ee xeebta koonfur bari ee dalkaasi ka go’doonsan dunida inteeda kale. Taliyaha guud ee ciidamada ayaa sheegay in militariga Kuuriyada Koonfureed uu sare u qaaday howlaha ilaalinta xadka, islamarkaana ay si dhow xogta isu weydaartaan Mareykanka iyo Japan. Kuuriyada Waqooyi ayaa inta badan tijaabisa gantaallo kala duwan oo u badan kuwa xanbaara madaxyada niyukleerka, gaar ahaan xilliyada ay ciidamada Mareykanka iyo kuwa Kuuriyada Koofureed ay sameeyaan carbisyada millatari. Gantaalada ballistic-ga ah ee Kuuriyada Waqooyi iyo barnaamijka hubka Nukliyeerka waxaa horey u mamnuucay golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay. Laakiin tani kama joojin marnaba in Pyongyang ay sii waddo horumarinta hubkeeda iyo inay qabato dhoola-tus milatari oo aad u wanaagsan, si ay u muujiso awoodeeda. The post Kuuriyada Waqooyi oo gantaal uga jawaabtay tallaabaddii Mareykanka appeared first on Caasimada Online.
-
Xilli ay maanta ku beegantay 1-da Luulyo oo ah markii ay gobollada Koonfureed ee dalku madax-bannaanidooda ka qaateen gumeystihii Talyaaniga, islamarkaana ay waqooyiga iyo koonfurta dalku ku Midoobeen Jamhuuriyaddii koobaad ee Soomaaliya ayaa munaasabado maalintaas muunadda leh lagu waynaynayo lagu qabtay magaalo madaxda Muqdisho iyo inta badan gobollada dalka. Munaasabadda ayaa sanadkan ku soo aadday xilli ay dowladnimada dalku meel aad u sarraysa marayso oo inta badan degmooyinkii ay Alshabaab maamuli jireen laga saaray, dalkeenu uu xubin ka yahay golaha ammaanka Qaramada Midoobay iyo ururka iskaashiga dhaqaalaha bariga Afrika, sidoo cuna-qabateyntii hubka laga qaaday, deymihii dunidu ku lahaydna laga cafiyay. Sidoo dib u dhiska iyo qalabaynta ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed ayaa meel feecan maraysa, ayadoo ay dadka soomaaliyeed saaka ku indha doogsadeen raxan diyaaraha qumaatiga u kaca ee ciidanka cirku leeyihiin kamida oo dabbaaldeg 1-da Luulyo qeyb ka ah. Diyaaradahan oo dubaaqa iyo dareenka dadweynaha aad u soo jiitay ayaa kamida waxyaabaha astaanta u ah soo kabashada iyo dhismaha cududda ciidan ee dalka oo sanadaha soo socda la saadaalinayo inuu kamid noqdo militariga ugu xooggan qaaradda Afrika. Sidoo kale waxay sawir feecan oo u tusaale ah ka bixinayaan sida ay Soomaaliya isugu filantahay, islamarkaana ay ciidanka xoogga dalka si buuxda nabad-galyada dhulkooda u hannan karaan oo aan loo baahnayn in ciidamada shisheeye ay sii joogaan. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo xalay khudbad ka jeediyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa ka hadlay arrimo ku aadan qorshaha bixitaanka ciidamada ATMIS. Axmed Madoobe ayaa soo dhaweeyay bixista ciidamada howlgalka ATMIS, wuxuuna sheegay inay ku baxayaan jadwal qorsheysan oo ay tahay in loo diyaar garoobo. “Waxaan ku talinayaa ciidamada ATMIS oo horay loo oran jiray AMISOM oo ku baxaya jadwal qorsheysan inay tijaabo u tahay ciidanka Soomaaliyeed iyo dowladda Soomaaliyeed oo aan u diyaar garowno ATMIS dhulka ay ajendaha iyo jadwalka kaga baxayso inaan la wareegno” ayuu yiri madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland. Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa dhinaca kale saluug ka muujiyay diyaar garow la’aan uu sheegay inuu jiro, haddii ay baxaan ciidamada ATMIS, wuxuuna sheegay in bixitaankooda uu yahay tijaabo lagu sameynayo dowladda iyo ciidanka Soomaaliyeed. “Arrintan waa jadwaleysan tahay waa qorshe waxna laga waydiin maayo waa baxayaan jadwal ayayna ku socdaan, annaga diyaar garowgeena wuu liitaa, waana tijaabo oo ay way baxayaan fashilka ka yimaadaa waa mid xukuumadda taabanaya & ciidanka” ayuu raaciyay. Dhinaca kale waxa uu ka hadlay dagaalka adag ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo uu ugu baaqay shacabka inay ka qayb-qaataan howlgallada xoreynta ee haatan socda. “Waxaan rabaa inaan baaq u diro dada ku nool meelaha ay haystaan Al-Shabaab inay u diyaar garoobaan oo ay ka qayb qaataan ololaha Shabaabka lagaga xoreynayo deegaanada ay ku nool yihiin” ayuu mar kale khudbaddiisa ku yiri madaxweynaha maamulka Jubbaland. Hadalka Axmed Madoobe ayaa imaanaya, ayada oo shalay ciidamada ATMIS ay wareejiyeen saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Cabdale Biroole, kaas oo lagu wareejiyay ciidamada daraawiishta Jubbaland iyo kuwa Xoogga dalka Soomaaliyeeda. Xarunta ay wareejiyeen ciidamada ATMIS ayaa ah tii afaraad, inta uu billowdey wajiga seddexaad ee dhimista Ciidamada ATMIS ee Midowga Afrika. ATMIS ayaa horay u wareejisay dhowr saldhig oo ku kala yaalla HirShabelle, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana haatan ka howlgala ciidamada Xoogga dalka. The post A/Midoobe oo war culus ka soo saaray bixitaanka ATMIS appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay maanta diyaarado dagaal oo ay leedahay kusoo bandhigtay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliy-, kuwaas oo lagu arkay iyaga oo socda hawada sare ee degmooyinka gobolka Banaadir. Diyaaradahan ayaa ka qayb-qaadanayo dabaal-degga xuska maalinta kowda Luulyo oo ah markii ay xornimada qaateen Gobollada Koonfureed iyo midowga labadii gobol ee Waqooyi iyo Koonfur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya oo maanta ku beegan. Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo warbaahinta kula hadlay fagaaraha uu ka socda badhiga ayaa sheegay in diyaaradaha ay soo iibsatay Soomaaliya ay tahay guul wayn oo ay gaaray dowladda dhexe. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in tani ay tahay farriin cad oo ay direyso Soomaaliya, maadaama ay sameyneyso soo kabasho aad u wayn oo dhanka milatariga ah. “Markii ugu horeysay diyaarado dagaal oo dalka leeyahay ayaa maanta lagu soo bandhigayaa Taalada Daljirka,f ariin cad ayeyna dirayaan, rumeysta ama ha rumeysanina” ayuu yiri guddoomiye Yabooh. Waxaa kale oo uu intaasu kusii daray “Kowdii Luulyo ee lasoo dhaafay ma jirin waxa maanta lasoo bandhigaayo dabcan tan soo socotana way ka fiicnaan doontaa”. Yabooh oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in ay xoogeysaneyso awoodda dowladda Soomaaliyeed, sidoo kalena la dhisay ciidamada Soomaaliyeed oo tayo leh. “Badhigga diyaaradahan waxa na tuseysaaa awoodda dowladnimada sidoo kalena kor u kacday, ciidamadii qalabka sida oo dhismahoodii uu xoog u socdo” ayuu sii raaciyay. Bandhigga socda waxaa sidoo kale qayb ka ah gaadiid dagaal oo ay ku jiraan kuwa gaashaman iyo ciidamada sameynayo dhuulatus aad u wayn. Waa bandhigii ugu horreeyay ee noociisa oo kale ah oo Muqdisho lagu qabto tan iyo burburkii dowladdii dhexe ee kadib, waxayna muujineyaa horumar wayn oo la gaaray The post Daawo: DF Soomaaliya oo diyaarado dagaal maanta ku soo bandhigtay Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
-
Munaasabadda xuska 1-da Luulyo ayaa habeenkii xalay siweyn looga xusay dowlad goboleedyada dalka, taas oo lagu weynaynayay maalintii xornimada qaateen gobollada Koonfureed iyo midowgii labada gobo lee lagu unkay Jamhuuriyadda Soomaaliya sanadkii 1960-kii oo dowladnimo la helay. Munaasabado waaweyn ayaa ka kala dhacay magaalooyinka Garowe, Kismaayo, Dhuusamareeb, Baydhabo iyo Laascaanoon oo 33 sano kadib markii ugu horeysay looga dabaaldegay xuska 1-da Luulyo, tan iyo markii maamul KMG ah loo aqoosaday SSC Khaatumo oo maamul buuxa sugaya. Magaalada Garoowe Munaasabad ka dhacday magaalada Garoowe ayaa waxaa ka qeybgalay Ku-simaha Madaxweynaha, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad goboleedka Puntland Mudane Ilyaas Osmaan Lugatoor, isagoo ugu hambalyeeyay bulshada ku dhaqan deegaannada maamulkaasi munaasabadda Luulyo. Dabaaldegga xuska oo ka dhacay xarunta Madaxtooyada ayaa waxaa kasoo qeybgalay mus’uuliyiin kale, cutubyo ka tirsan ciidanka iyo bulshada caasimadda, kuwaas oo muujinayay dareenkooda ku aadan munaasabadda weyn ee 1-da Luulyo oo ah 64-sano guuradii xornimada iyo midowga. Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sidoo kale ka qeybgalay munaasabadda calan saarka oo ka dhacday madaxtooyada, xilli ciidanka ilaalada uu ka qaatay salaam Sharaf markii la saaray, Garoowe ayaa laga dareemayay xalay in siweyn loo xusay xornimada iyo midowga Koonfur iyo Waqooyi ee Luulyo. Magaalada Dhuusamareeb Sidoo kale munaasabad weyn oo ka dhacay xarunta madaxtooyada maamul goboleedka Glamudug ee magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa kasoo qeybgalaya madaxweynaha dowlad goboleedka Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, goleyaashada maamulka iyo bulshada isaga yimid deegaannada. Magaalada Dhuumareeb ayaa noqotay magaalo siweyn looga maamuusay xuska 1-da Luulyo oo ah maalintii xornimada qaateen gobollada Koonfureed iyo midowgii labada gobo lee lagu unkay Jamhuuriyadda Soomaaliya sanadkii 1960-kii oo dowladnimo la helay iyo Jamhuuriyad xor ah. Canka Buluugga ah ayaa laga taagay bartamaha xarunta madaxtooyada maamulka Galmudug waxaana salaam siiyay cutubyo ka tirsan ciidanka ilaalada madaxtooyada iyo Daraawiishta oo ku sugnaa goobta munaasabaddu ay ka dhaceysay, xilli sidoo kale shacabku door muuqda lahaayeen. Magaalada Kismaayo Madaxweynaha Dowladda Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa xalay Xarunta daawad kaga qeygalay munaasabada xuska 1da Luulyo ee xornimada gobollada Koonfureed iyo midowga labada gobolka ee Waqooyiga iyo Koonfurta, taas oo lagu dhisay jamuuriyadda Soomaaliya. Mas’uuliyiin kala duwan, cutubyo ka tirsan ciidanka daraawiishta iyo bulshada qeybaheeda,kuwaas oo qeyb ka qaadanayay xuska weyn ee maalinta 1-da Luulyo, waxaana siweyna magaalada Kismaayo looga dareemayaa xuska iyo sida bulshada iyo mas’uuliyiinta dowlad goboleedku ugu dabaaldegayaan. Goobta ay munaasabadda ka dhacay ayaa sidoo kale waxaa laga taagay calanka Jamhuuriyadda oo xalay u aheyd 64-sano guuradii kasoo mareegatay markii uu gumeysteyaashii Taliyaaniga iyo Ingiriiska uu ka xoroobay lana helay jamhuuriyadda uu astaanta u yahay Calanka ee lagu yaqaan ee Soomaalia. Magaalda Baydhabo Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo kagala qeybgalay munaasabadda lagu weynaynayo 1-da Luulyo, taas oo ah 64-sano guuradii kasoo wareegtay xornimadii iyo midowgii. Munaasabadda ayaa qeybgalay masuuliyiinta dowladda, saraakiil ciidan iyo qeybaha kala duwan Bulshada, kuwaas oo muujinayay dareenkooda ku aadan maalintaan weyn ee munaasabadda Luulyo, waxaana Baydhabo xalay ay kamid aheyd magaalooyinka siweyn looga xusay maalinta Qaranimada. Calanka Jamhuuriyadda oo ayaa sare loo qaaday bartamaha xarunta madaxtooyada cutubyo ka tirsan Daraawiishta iyo ciidanka xoogga qeybta 60-aada ayaa maamuus iyo salaam Sharaf siiyay, Luulyo ayaa sanadkaan u muuqata mid ka duwan sanadadii tagtay marka la eego wacyiga bulshada. Magaalada Laascaanood Maamulka KMG ah ee SSC Khaatumo oo dhowaan helay aqoonsiga dowladda dhexe ayaa habeenkii xalay 33 sano kadib waxaa laga taagay calanka Buluugga ah, Laascaanood ayaa xalay waxay u aheyd habeen u gaar ah oo ay ka miro-dhalisay dadaalkii muddo lagu doonayay maamulka Khaatumo. Madaxweyne ku-xigeenka maamulka cutubyo ka tirsan ciidanka daraawiishta maamulka ayaa ka qeyb galay munaasabadda 1-da Luulyo, waxaana magaalada Laascaanood siweyn looga dareemayaa isbedelka laga sameeyay dhinaca maamulka waxaana bulshadu ay isugu hambalyeeynayaan luulyo. Calanka Buluugga ah ayaa laga taagay bartamaha magaalada muddo 33 sano kadib ah, Khaatumo ayaa ah maamul sugayo inuu dhowaan aqoonsi buuxa uu ka helo dowladda federalka, kadib dagaal muddo socday oo Somaliland ciidankeeda looga saaray magalaada oo muddo ay ka arriminayeen. Magaalada Jowhar? Maamul goboleedka Hirshabeelle oo heysta sharciyad buucda ayaa haddana xilligaan wajahaya xasarad siyaasadeed oo xalay majirin xus ka dhacay munaasabad ah oo lagu weynaynayay marka laga reebo hambalyada madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe uu la wadaagay shacabka. Wadashaqeynta magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne ayaa muddooyinkii dambe aheyd mid hoos u dhacday, taas oo saameyn xooggan ku yeelatay wadashaqeynta guud ee maamulka, laakiin Cali guudlaawe iyo madaxweyne ku-xigeenka Yuusuf dabageed ayaa siyaabo kale duwan u hambalyeeyay. Source: goobjoog.com
-
Ka sokow halganka hubaysan ee loo soo galay gobanimada iyo madax-bannaanida dalkeena, waxaa jiray rag suugaanuahanno ah oo guubaabo iyo tirtirsiin uga qeyb-qaatay sidii gumeystaha laysaga dulqaadi lahaa. sanado badan ayay hal-abuurkooda dadka dhiiggooda ku dhaqaajinayeen si ay ugu dhiirradaan inay saancaddaalaha addoonsiga iyo bah-dilka ku haya, markii calanka la qaatayna waxay suugaantooda ku muujiyeen ahmiyadda madax-bannaanida, midnimada, iyo muunadda calanka. Raggaas waxaa kimad ahaa Cabdillaahi Suldaan Maxamed oo ku caan ahaa ama loo garan ogaa (Timacadde) oo ku dhashay duleedka magaalada Gabiley, sanadkii 1920-kii. Geeraarkiisii layaabka lahaa oo habeenkii xorriyadda uu Magaalada hargeysa ka tiriyay, ayaa noqday hormuudka suugaanta Soomaaliyeed ee gobonimada iyo waddaniyadda ku saabsan. Waa geeraarkii ay dhextaalka u ahayd: Sareeyow ma nusmaaqow Saqdhaxaanu ahayne Kii sooo saaray cadceedow Aan siduu yahay eego e Kan siib kaana saar. Allaha u naxariistee Abwaan Cabdullaahi suldaan timacadde wuxuu geeriyooday sanadkii 1973-dii, asagoo lagu xasuusan doono kaalintii wax ku oolka ahayd ee uu guubaabada dadkiisa, iyo ku hagidda dantooda ku soo qaatay. 2) Abwaanka labaadi waa Cali Xuseen Xirsi oo ku dhashay miyiga magaalada Burco sanadkii 1913kii, waxaana suugaantiisa guubaabada ah waxaa kamid ah geeraarkiisii caanka ah ee ka billowda Calanyahow Shanta geees lihi Guul alaha ku siiyoo cadowgaagu ha guura oo Gurigaa lagu saaray Waligaa ku gabow. 3) Abwaan Xuseen aw faarax dubad Abwaanku wuxuu ku dhashay, kuna barbaaray deegaanka salaxlay ee duleedka magaalada hargeysa sanadkii 1928-kii, ka dibna wuxuu u soo wareegay magaalada Hargeysa oo uu waxbarashadiisa illaa dugsiga sare ku qaatay, waxaana suugaantiisa kamid ah heesta calanka ee qolaba calankeedu waa cayn oo uu qaado hoobalkii asaga qudhiisu abwaanka weyn ahaa ee Cabdullaahi qarshe. Qolaba calankeedu waa cayn Anaga keenu waa cirkoo kale Oo caadna lahayn ee Caashaqayee Xidigyahay cadi waa Naa ciidamaye Carada kaligaa Adow curaday 4) Abwaan Saxardiid Maxamed jabiye oo alifay heesta maandeeq oo ay ka billaabata” Waa maalin murankiyo Makeegi haree Aan maalno hasheena maandeeq” Oo uu qaado hoobalkii weynaa ee Maxamed Axmed Kuluc. Abwaanku wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa sanadkii 1938, isagoo ku koray waxna ku bartay magaalada Hargeysa, Wuxuuna ku geeriyooday magaalada hargeysa sanadkii 2019. 4) Abwaan Siciid xarawo wuxuu ku dhashay gobolka mudug agagaarka magaalada gaalkacyo, wuxuuna hadda ku noolyahay magaalada Muqdisho, waxaana suugaantiisa gobonimada iyo waddaniyadda ku saabsan kamida: heesta caanka ah ee goormaan ladnaanay, “Kuwa cadowgii laayoo Isticmaarkii lumiyoo Liidan baan nahay Goormaan ladnaanayay Lixdankii lugooyadii na daysay Lixdii saac” Dhammaan haldoorka suugaantan curiyay suugaantan ayaa haatan mootan oo sanado hore dhintay, markii laga reebo Abwaan Siciid Xarawo oo qudhiisu jeerkan gabow la tiicaya, waxayna inaga mudanyihiin duco iyo ku dayasho. Source: goobjoog.com
-
Munaasabada Xuska 1-da Luuliyo ayaa maanta si weyn looga xusaya meelo badan oo ka mid ah dalka, Munaasabadaan ayaa uga duwan Munaasabadihii hore in ay ka qeyb qaadanayaan diyaarado helicopter ah kuwaasoo hawada sare kasoo daadinaya calanka Jamhuuriyadda Federaalka ee Soomaaliya. Sidoo kale diyaaradaha ayaa daadinaya warqado ay ku qoran yihiin hal dhigyo ku saabsan midnimada umadda. Waxaa ka mid ah Soomaaliya waa Ul iyo diirkeed. Guutooyin ka tirsan Ciidanka kala duwan ee dalka sida Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, Ciidanka Booliska iyo Ciidanka Asluubta ayaa Munaasabada kusoo bandhigay gaada ka cayaar ay ku muujinaayeen awooda ay leeyihiin Ciidanka Soomaaliya. Guutooyinka sida gaarka u tababaran iyo gaadiidkooda ayaa dhexmaray Dabka ilaa daljirka Dahsoon iyadoo dadweyne calanka lulaya ay u taagan yihiin hareeraha wadooyinka. Guutooyinkaan ayaa salaan sharaf ka qaatay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo ku sugan taalada daljirka Dahsoon ee Muqdisho halkaasi oo lagu qabtay Munaasabada. Munaasabadaan oo si weyn loogu diyaar garowbay waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay gaadiidka Gaashaaman ee ay ku dagaallamaan ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Gorgor iyo Danab. Dowladda Soomaaliya ayaa sanadkaan u xustay 1-da Luuliyo si weyn taasoo muujinaysa sida ay uga go’an tahay midnimada dalka. Source: goobjoog.com
-
Dowladda Jabuuti ayaa jawaab ka bixisay eedaynta uga timid madaxweyne Muuse Biixi ee ku saabsan in jabhad ka dhan ah Somaliland lagu soo dhaweeyay dalka Jabuuti. Wasiirka Maaliyadda Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaaleh ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in ay jirto jabad ka horjeeda Somaliland oo ku sugan dalka Jabuuti islamarkaana dowladdiisu gacan siisay. Wasiir Ilyaas Muuse Dawaaleh oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa ‘X’ ee hore loo oron jiray Twitter-ka ayaa sheegay in ay ka xun yihiin waxa uu ku tilmaamay “eedaha beenta ah ee aan waxba ka jirin ee uga imaanaya Somaliland”. Ilyaas Dawaaleh ayaa ku dooday Jabuuti ay tahay meel wada jir iyo is-dhexgalka gobolka u taagan. Waxaana uu sheegay in ay ka shaqeeyaan wixii dan u ah nabadda iyo xasiloonida Gobolka balse aysan dhibaato ku lug yeelan marnaba. Wasiir Ilyaas ayaa sida oo kale xusay in maskaxda lagu hayo sida oo kale in hore loogu eedeeyey in Soomaaliland ay ka taageereen dagaalkii Gobolka SSC sida uu hadalka u dhigay. PUNTLAND POST The post Dowladda Jabuuti oo been-abuur ku tilmaantay eedayntii uga timid Somaliland ee taageeridda jabhadda Awdal appeared first on Puntland Post.
-
Beesha uu ka dhashay wasiir Maxamed Kaahin ayaa xalay si rasmi ah iskaga xaadirisay kuna biirtay xisbiga WADDANI. Xisbiga WADDANI ayaa xalay xaflado dhoolatus ah ku qabsaday magaalooyinka Burco iyo Hargeysa. Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa caawa magaalada Burco kaga qayb-galay laba xafladood oo waaweyn oo uu xisbiga WADDANI uu ku soo dhawaynayay beelaha kala reer Daahir iyo Samane Abokor, oo si rasmi ah cududooda ugu soo biiriyay xisbiga rajada shacabka ee WADDANI. Beesha reer Daahir oo ah beesha uu ka dhashay Wasiir Maxamed Kaahin ahna guddoomiyaha xisbiga KULMIYE kana mid ahayd beelaha laf-dhabarta u ahaa xisbiga KULMIYE, tani waxa ay muujinaysaa sida ay u kala huleeleen beelaha Habar-jeclo iyo xisbiga KULMIYE. Waxa xusid mudan in labada xafladoodba ay ka soo qayb-galeen Salaadiinta, Cuqaasha, siyaasiinta iyo dhammaan haldoorka beelaha Reer Daahir iyo Samane Abokor. Dhanka murrashaxa madaxweynaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro ayaa isaguna caawa kaga qayb-galay magaalada Hargeysa xaflad ballaadhan oo ay beelaha Bilaal iyo Gobdoon ku shaacinayeen taageerada weyn ee ay u hayaan xisbiga WADDANI. Xisbiga WADDANI ayaa u muuqda in uu kasbaday Kalsoonida iyo taageerada shacabka Somaliland. Source
-
Ummad walba oo dunida ku nool waxay leedahay maalmo ay si gaar ah ay u maamuusaan isla markaana ku weyn quluubtooda, kuwaasi oo ku astaysan diiwaan taariikheedka bulshada. Maalmaha xorriyadda waxay mudnaantaan goonida ah ku heleen waa gaaritaanka guulo mudan in si joogta ah loo xasuusto ,kadib kolkii maalmahaasi loo huray naf iyo maal, gaar ahaan kuwa qiimaha badan sida maalmaha qarannimada. Shacbiga soomaaliyeed oo ka mid ah umadaha ku sharfan magac weyna ku helay kifaaxii ay u soo galeen hanashada gobanimadooda ayaa halgankoodii gobanimodoon wuxuu la soo bilawday soo ifbaxii damcii gumaysiga ee xeebaha bariga afrika. Dhaqdhaqaaqii ugu horeeyay ee lagaga soo horjeeday gumeystaha ee ka hana qaaday dhulka soomaalida wuxuu ahaa kii Axmed Garaad Ibraahim “Axmed Gurey” oo halgankiisu bilowday 1528 illaa 1543. Axmad Gureey waxaa u suuro gashay in uu geesinimo leh kaga hortago gumaystayaashii isa soo bahaystay,muddo kadibna Waxaa shucladdii difaacidda sharafta dalka iyo dadka soomaaliyeed kor u qaaday Darwiishkii sayid Max’ed Cabdulle xasan oo dagaal muddo dhowr iyo labaatan sano socday la galay gumaystigii ingiriiska, wuxuuna jab taariikkaysan ku riday ingiriiska ciidamadiisii dhulka kuwaasi oo ka quustay inay u babac dhigaan ciidamadii jadbaysnaa ee Daraawiishta. sanadkii 1919-kii ayaa saraakiishii hogaaminaysay ciidamadii gumaystaha Ingiriiska waxay dowladooda u gudbiyeen in aysan dagaal dhinaca dhulka ah kaga guulaysan Karin ciidamada sayidka, isla sanadkaas ayaa ingiriisku go’aan ku gaaray in dhinaca cirka laga weeraro qalcadihii adkaa ee Sayidka, 21kii Jannaayo 1920-kii ayaa diyaarado dagaal oo ingiriisku leeyahay noocooduna ahaa DH9 ayaa waxay weerar ku qaadeen Saldhigyadii ciidamadii daraawiishta. Sidoo kale waxaa jirey halgamayaal badan oo naftooda iyo hantidooba u hurey dhulkooda hooyo waxaana ka mid ahaa Shiikh Xasan barsame, Xaaji Faarax Oomaar iyo sheikh Bashiir iyo dhalinyaradii Xisbigii S.Y.L ee laga dhisay Muqdisho 15kii may 1943dii iyo sidoo kale kuwo kale oo ka socday xisbiyadii S.N.L & U.S.P oo iyaguna ka qeybgalay kifaaxii goballada waqooyi ee dalka. 1948dii waxaa magaalada muqdisho ka dhacay dagaalkii Hanoolaato oo ku soo beegmay maalintii Q/M dalka Soomaaliya u soo dirtay guddi xaqiiqo raadin oo ka kooban 4tii dal ee ku guulaystay dagaalkii 2aad ee dunida, isla sanadkaad Q/M waxay go’aamisay in gobollada koonfureed ee Soomaaliya muddo toban sano ah oo ka bilaabanaysa 1950ka ay si wada jir ah ay u sii maamulaan Q/M & dalka Talyaaniga kadibna xornimo la gaarsiiyo. 12kii octoobar 1954tii ayaa S.Y.L guddi xirfadlayaal iyo hal abuurayaal waxay u saartay inay alifaan naqshadda uu yeelanayo Calanka Soomaaliya, waxaana ku guulaystay Allaha u naxariistee Maxamad Cawaale Liibaan oo ka mid ahaa Leegada iyo midowga shaqaalaha ganacsatada. Xiddigta cad ee shanta gees leh waxaa ay ka tarjumeysaa 5-ta qeybood ee dhulka Soomaalidu degto ka kooban yahay Midabka buluugga khafiifka ah waxaa uu u taagan yahay midabka cirka. 24tii March 1956dii waxaa la dhisay Dowladdii Ugu horeysay abid ee dad soomaaliyeed hogaanka u qabtaan, waxay ahayd daakhili ka kooban 6 wasiir waxaana R/wasaare u noqday Allaha u naxariistee C/llaahi Ciise Maxamuud waxayna gobollada koonfureed maamulaysay illaa 1960kii. Xilligii gobollada koonfureed ee dalka ay ku jireen mudada xornimo gaarsiinta , waxaa wada hadallo u bilaawdeen madaxdii koonfur iyo waqooyi oo ku heshiiyay in ay midoobaan labada gobol, lana yagleelo hal dal oo soomaaliyeed. 26kii juun 1960kii ayaa beerta xoriyadda ee magaalada hargaysa waxaa la suray Calankii ugu horeeyay ee xor ah oo laga taago ciid Soomaaliyeed, waana habeenkii uu goobtii calansarka ka mariyay Allaha u naxariistee marxuum C/llaahi Suldaan Tima- cadde gabaygii taariikhda galay ee ahaa ( Sareeyoow ma Nusqaamoow aan siduu yahay eega’e kanna siib kanna saar). 4 maalmood kadib oo ku beegnay 1dii luulyo 1960kii waxaa xornimadooda qaatay goballadii koonfureed, isla markaana waxaa midoobay gobolladii waqooyi iyo koofur,waxaana dhidibada loo taagay Jamhuuriyaddii koowaad ee Soomaaliya. July 1, 1960: Madaxweynihii u horeeyey ee Soomaaliya waxaa noqday Aaden Cabdulle Cismaan (Aaden Cadde), waxana uu madaxweyne ahaa ilaa June 10, 1967, markaas oo doorasho uu madaxweynanimada kula wareegey C/rashiid Cali Sharmarke. [Aaden Cadde waxa uu noolaa intii u dhexeysey 1908 ilaa June 8, 2007]. Gabagabadii,dadka Soomaaliyeed waxa ay manta u dareereen xuska sanadguurada 64-aad ee ka soo waregatay dhalashadii xornimada,sidaa aawadeed, waxaa lagama maarmaan ah in dib boorka looga jafo wadaniyaddii iyo is jacaykii ay ku mataanobeen dadka soomaaliyeed,kaas oo abwaanada soomaaliyeed ay ka yiraahdeen(Dhaaxaan murugo iyo harraad mudanee, maantay curatoo mataanaysee aan maalno hasheenna Maandeeq). W/Q: Abuukar Goobdoon The post 1-da Luuliyo: Mataanayntii Maandeeq appeared first on Puntland Post.
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey munaasabadda qiimaha badan ee 1-da Luulyo ee xornimada dalkeenna. Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in 1-da Luulyo ay tahay maalin gaar ah oo xusuus iyo sharaf u leh dhammaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, maadaama ay tahay maalintii dalkeenna uu ka xoroobay gumeysiga isla markaana gobannimada iyo dowladnimada ay ka hanaqaadday dhammaan gobollada dalka. Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda ayaa xusay muhiimadda ay leedahay midnimada iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed, isagoo ku boorriyay shacabka in ay sii xoojiyaan isku duubnida iyo wada shaqaynta hay’adaha dowladda kala dhaxaysa, si loo gaaro horumar iyo nabad waarta. Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa ku bogaadiyey halgamayaashii Soomaaliyeed ee u soo halgamay xorriyadda, midnimada iyo madax bannaanida dalkeenna, isaga oo Alle uga baryay in uu naxariistii janno ka waraabiyo. Mudane Xamsa wuxuu shacabka ugu baaqay in ay u dabaal degaan maalintaan qiimaha badan si nabad ah oo muujinaysa qiimaha iyo qadarinta weyn ee ay leedahay xornimadu. Waxaa uu sidoo kale tilmaamay horumarka iyo isbeddelada waaweyn ee dalka ka socda, isagoo rajo weyn ka muujiyey in Soomaaliya ay gaari doonto mustaqbal ifaya oo ka tarjumaya himilooyinka shacabka Soomaaliyeed. Source: goobjoog.com