Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyihii hore ee ciidamada Militariga General Cirfiid ayaa markii uu la wareegay xilka, waxa kulan uu la qaatay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ugu sheegay in Xukumadda Soomaaliya ay caqabad ku tahay xorreynta dalka. Hadalka taliyaha ayaa yimi kaddib markii uu Madaxweynaha ka dalbaday in uu u sharraxo sababta hortaagan ee ay tallaabo uga qaadi la’yihiin Al-Shabaab ama aysan u dar dar galin dagaalka looga soo horjeeddo kooxdaas. General Cirfiid ayaa ugu jawaabay Madaxweyaha in Xukumaddu ay sabab u tahay isaga oo ku yiri “Ciidamada waxa ay ku maqan yihiin wasiirada”. Taliyaha waxa uu hadalkaas ula jeeday ilaalada Wasiirada oo aad u tira badan kana mid ah ciidamada Militariga, kuwaas oo aad u yareeyey ama wiiqay cududda ciidan ee uu dalka haysto. Tusaale, Wasaaadaha dalka oo dhan waxaa ilaaliya ciidammo Militari ah oo aan tiradooda ka yareyn 20 haddii aysan ka badneyd, halka Wasiir walba ay si gaar ah u ilaalin ilaa iyo shan – lix kale oo uu isaga mushaar gaar ah siiyo. Hadalkaas markii uu dhaggeystay Madaxweynaha waxa uu Cirfiid ka dalbaday in uu yimaaddo shirka Golaha Wasiirada maalinta uu dhaco oo uu arrintaas ka hor sheego. Sida uu Caasimada Online ugu warramaya mas’uuliyiin ka ag dhaw xafiiska Ra’iisul Wasaaraha, Taliye Cirfiid wuu horyimi Golaha waxa uuna ka hor jeediyey arrintaas dib u dhaca ku noqotay la dagaalanka Al-Shabaab iyo xorreynta dalka. General Cirfiid kaddib hadal jeedintiisii waxa uu kala dooran siiyey Wasiirada laba mid kood; 1 – in ay soo celiyaan ciidamada Militariga ah ee ilaaliya oo ay qortaan Boolis 2 – in Ciidamada ay haystaan ee Militariga ah looga dhigo Boolis oo Gaashaandhiggu qorto ciidamo hor leh oo u buuxiya booskooda. Wasiirada waxa ay iska dhigeen kuwo arrintaas ka garaabay balse waxba lagama fulin sida uu mas’uulka ka tirsan xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ugu warramaya Caasimada Online. Hase ahaatee, waxaa hadda arrintaas dar dar galiyey oo diiwaan galin iyo sixid ku wada ciidamada Militariga taliyaha cusub ee uu dhawaan Madaxweynaha magacaabay Sarreeye Gaas Daahir Aadan Cilmi Indho Qarshe. Waxaa xusid iyadana mudan, on mudaneyaasha labada Gole ee Baarlamaanka ay ilaaliyeen ciidamo Militari ah taas oo sii badineysa ciidamada ka maqan Gaashaandhigga ee aan dagaalka dalka lagu xorreynayo loo adeegsan karin. Waxaa sidoo kale intaa dheer, in ciidamada Militariga ay ilaaliyaan xarrumo badan oo ay dowladda leedahay sida Bangiga dhexe iyo IWM. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. GLENDALE, Ariz. (Reuters) - President Donald Trump said on Friday that Saudi Arabia’s explanation for how journalist Jamal Khashoggi died at its consulate in Istanbul was credible. Source: Hiiraan Online
  3. Ilhan Dahir ’15 has traveled the world in pursuit of her studies and in service to others. Source: Hiiraan Online
  4. Ilhan Dahir ’15 has traveled the world in pursuit of her studies and in service to others. Source: Hiiraan Online
  5. Kismaayo (Caasimada Online) – Hogaamiyaha Maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa daboolka ka qaaday in dowlada Somalia ay kala garan la’dahay mas’uulyada ka saran amniga Jubbooyinka iyo Khilaafka kala dhexeeya maamulka. Axmed Madoobe, oo xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Soomaaliyeed Gen- Daahir Aadan Cilmi (Indha Qarshe), ayaa sheegay in dowlada Somalia laga doonaayo inay sugto amniga deegaanada Jubbooyinka iyadoo aan isku xirin Khilaafka jira iyo howlaha amniga. Axmed Madoobe, waxa uu tilmaamay in dowlada Somalia ay mas’uul ka tahay amniga deegaanada Jubbooyinka iyo goobaha ay gacanta ku heyso Al-Shabaab, waxa uuna tilmaamay in dowlada un wax laga weydiin doono ka hor inta aan la weydiin maamula Jubbaland. Axmed Madoobe oo ka hadlaayay kulanka uu la qaaday Indha Qarshe ayaa yiri “Dowlada maaha inay isku xirto xoreynta deegaanada Jubbooyinka oo qaar ay heystaan al-Shabaab iyo khilaafka nagala dhexeeya, runtii aad ayaan uga xunahay in leysku qabto laba arrin oo aan is laheyn” Axmed Madoobe, waxa uu Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Indha Qarshe u sheegay in Jubbaland ay dooneyso inay qaado dagaal toosa oo ay la gasho Al-Shabaab, sidoo kalane laga doonayo in taliska uu qaato kaalintiisa ciidan ee ku aadan la dagaalanka Al-Shabaab. Sidoo kale, Axmed Madoobe ayaa Indha Qarshe u cadeeyay in Jubbaland ay ka gaashaman doonto Al-Shabaab, hase yeeshee Taliska ciidamada Xoogga laga doonayo muujinta kaalintooda, si Al-Shabaab looga saaro deegaanada ay gacanta ku hayaan. Dhinaca kale, Taliyaha Ciidanka Xooga Dalka Indha Qarshe oo wali wadahadal kula jira Axmed Madoobe ayaa lagu wadaa in dowlada Somalia uu ku dhiiri galiyo sida ay kaalin uga qaadan laheyd xoreynta deegaanada Jubbooyinka gaar ahaan qeybaha gacanta ugu jira Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  6. Soomaaliya iyo beesha caalamka waxay qorsheynayaan in mar kale ay hirgeliyaan kalagguur. Markan, ujeedku waa in ciidamada Amisom laga wareejiyo sugidda amniga iyada oo lagu wareejinayo ciidamada qaranka Soomaaliya. Qorshehan kalagguurka wuxuu soo baxay sanadkan 2018. Wejigiisa koowaad, waxaa la qorsheeyay in lagu xaqiijiyo saddex ujeeddo: 1. In Garoonka Muqdisho lagu wareejiyo ciidamada Soomaaliya. 2. Sugidda amniga waddada iskuxirta baydhabo iyo Muqdisho. 3. In laqabto magaalada leego. Ujeedka hore waa la gaaray laakiin labada dambe weli lama xaqiijin. In Amisom laga qaado sugidda amniga dalka ma aha mid sahlan. Haddii aan lagu heshiin, waxay qaadanaysaa toban sano. Ugu dambayn, xilliga uu hirgelayo kalagguurka Soomaaliya waa in la tixgeliyaa afar arrimood. 1. DIFAAC GELINTA ALSHABAAB Alshabaabku wuxuu haystaa fursado siin kara in uu sii jiro sanado badan. Wuxuu dib u qabsaday qaybo ka mida koonfurta Soomaliya. Dagaalyahankiisu wuxuu cabsiggaliyaa dadka magaalada, wuxuu ku dhex jiraa ciidamada Soomaaliya. Wuxuu dadka ka dhex sameeyaa dhaqaale badan. Wuxuu weerar ku qaadaa ciidamada Soomaaliya iyo Amisom. Intii u dhexeysay Oktoobar 2017 ilaa April 2018, Alshabaabku wuxuu sheegtay afar boqol toban iyo siddeed weerar, oo isugu jira weeraro toos ah, qaraxyo, weeraro dabaggal, iyo dilal qorsheysan. Marka afar loo dhigo weeraradaas laba dhig waxaa lagu bartilmaamaystay ciidamada qaran Soomaaliya (SNA). In yar oo ka mida waxaa lagu qaaday Amisom. Alshabaabku wuxuu kordhiyay weerarada uu ku bartilmaamaydsado ciidamada Amisom iyo dowladda Soomaaliya ka dib markii ay yaraadayn hawlgaladii Amisom iyo ciidamada dowladda ay uga soo horjeedayn Alshabaab. Ka soo bilow sanadkii 2016, ciidamada amisom iyo ciidamada kummaandooska Soomaalida ee loo yaqaano Danab, iyaga oo is garabsanaya waxay weeraro ku qaadayn Alshabaab. Ka bilow 2017, waxaa jiray konton weeraro cirka ah ay qaadayn dorooniska (drones) maraykanka. Hawlgaladaas waxay keeneen guul, iyada oo sidaas ah haddana maysan joojin saamaynta Alshabaabku ku leeyahay shacabka. Muqdisho gudaheeda, ganacsatada waxaa lacag uga qaata Alshabaab. 2. XOOJINTA CIIDAMADA SOOMAALIYA Waxqabadka ciidamada Soomaaliya waa mid isku qasan. Waxaa jira horumaro ay sameeyeen ciidamada booliska federaalka iyo maamul gobolleedyada. Tani waa muhiim maxaayeelay halista ugu badan ay Soomaaliya wejihayso waxay u baahan tahay sharci xoojin (Law enforcement) ee uma baahna xoog militari. Dhanka kale, marka laga reebo DANAB, ciidamada qaranka Soomaaliya ma aha kuwa diyaarsan. Qiimayn la sameeyay sanadkii 2017, waxaa lagu sheegay in iskudhexyaac badan ka jiro qayb walba oo ka mida ciidanka, ka soo bilow amar qaadashada, iskusocodka, khalabka, kaabayaasha iyo asluubta (Dishibiliinka). Waxaa ka sii daran musuqa saraakiisha ciidanka iyo madaxda siyaasadda. Ciidanka Qaran Soomaaliya waa ciidan qaran laakiin magacuyaal ah. Awood uma laha in ay qaadaan weeraro ka dhan ah Alshabaab, dadka gaar waxay ka haystaan aragti taban. 3. DIBUGULAABASHADA AMISOM Qorsheha kalagguurka Soomaaliya wuxuu dhalinayaa in dib loogu laabto Amisom. Sida aan ku faahfaahiyay buuggayga “Fighting for Peace in Somalia: A history and analysis of the African Union Mission (AMISOM), 2007-2017.” Midowga Afrika iyo Beesha Caalamka, labaduba waxay qiimayn ku sameeyeen awoodaha Amisom iyada oo hadafku ahaa in laga caawiyo doorkeeda cusub. Wixii horusocod ah waxay ku xiran tahay golaha amaanka iyo midowga Afrika. Caqabadaha haysta Amisom waxaa ka mida in aysan haysan ciidamo u tababaran fulinta weerarada degdeg ah iyo in aysan weli la falgelin shacabka sababo xaga luuqadda ah. Shaqada ugu muhiimsan ee Amisom qabatay waxaa la dhihi karaa: Kasaariska Alshabaab magaalooyinka waaweyn, furista iskusocodka waddooyinka (sida tan baydhabo ilaa Muqdisho), iyo in ay Alshabaab difaac gelisay. Iyada oo sidaas ah, haddana waxay wejihayaan caqabado badan. Dalalka ciidamadooda soo diray waxaa ka mida Burundi, Jabuuti, Itoobiya, Kenya iyo Ugaandha. Ujeedka wuxuu ahaa fulinta hawlgalo looga soo horjeedo Alshabaab iyada oo suurtaggal tahay in uu ka soo gaaro khasaaro. Tani waa mid cad waayo Amisom waxay samaysay hawlgalo badan, kaas oo ka dhashay khasaaro. Caqabadda labaad, tirada ciidamada Amisom ma aha kuwa meesha ka saari kara awoodda Alshabaab. Marka laga soo tego ciidamada militariga, waxaa kaloo jira toddoba boqol oo saraakiil boolis Amisom ah, waxay tababar siiyaan ciidamada booliska Soomaaliya. 4. ISKUDDUWIDDA BEESHA CAALAMKA Dadaalka caalamiga ah ee la rabo in lagu nabadeeyo Soomaaliya waxaa qayb ka ah in ka badan afartan dowladood iyo ururo badan. Qaybaha ugu muhiimsan hawlahooda waxaa ka mida ‘iskuddubarrid’ si loo rumeeyo malada ah suurtaggalnimada in lagu guulaysan karo nabadaynta dal ku sugan marxalad kalagguur ah-ka soo baxay colaad u socda nabad. Iyada oo aysan muuqan xaal nabadeed ku aaddan soo afjaridda colaadda Alshabaab. Maanta, beesha caalamka laba meelba dhib baa kaga furan: Tan koowaad, lacag fiican ma siiso ciidamada Amisom. Ka bilow bishii jannaayo 2016, nabad ilaaliyaasha Afrika waxay bilgoosad u helayn siddeed boqol oo doollar halka nabad ilaaliyaasha qaramada midowbe ay ka qaataan kun saddex boqol iyo konton doollar. Lacag yarida haysata Amisom waxay saamayn taban ku reebtay mooraalka iyo waxqabadkooda. Tan labaad, beesha caalamka waxaa looga fadhiyaa in ay la timaaddo qorshe cusub oo ku aaddan taageerada ciidamada Soomaaliya gaar ahaan dhanka amniga. Bangiyada in lacag loogu shubo dowlad sida ciidamada qaranka oo kale musuq badan waa mid halisteeda leh laakiin ugu yaraan waxay is-hortaagaan Alshabaab. Yeelkeeda, tobankii sano ee u dambeysay waxaa jiray dadaallo badan oo lagu bixiyay nabadda Soomaaliya balse shaqayn waayay. Waddada ugu macquulsan ee loo mari karo nabadaynta Soomaaliya waa su’aal ku taagan hoggaamiyaasha Soomaalida. WQ: Paul D. Williams Paul D. William wuxuu bare sare ka yahay jaamacadda George Washington. WT: Hassan Mudane Hassan Mudane wuxuu bare ka yahay jaamacadda City.
  7. Nairobi (Caasimada Online) – Sida ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa magaalada Nairobi ee dalka Kenya waxaa xabsi la dhigay Wasiirkii hore ee cayaaraha Kenya Xasan Wario iyo Saraakiil la shaqeyneysay. Wasiirkii hore ayaa la sheegay in lala xiray Sarkaal ka tirsan xiriir cayaaraha oo lagu magacaabo Kipchoge Keino iyo laba xubnood oo kale. Wasiirkii hore iyo Saraakiisha oo markii leysku daro gaaraya Afar xubnood ayaa lagu eedeeyay inay boobeen dhaqaale loogu talo galay Wasaarada. Wasiirkani hore iyo Saraakiisha lala xiray oo waayadan la baadi goobayay ayaa is geeyay waaxda danbi baarista ee CID oo gal dacwadeed uu ka yiilay. Wasiir Wario oo hada ah safiirka Kenya u fadhiya Austria iyo xubno kale oo ka tirsan wasaarada cayaaraha ayaa wajahaya eedo musuq maasuq oo ay geysteen mudada ay xilka hayeen. Sidoo kale, xubnahaan ayaa dowlada Kenya ku eedeysay in ay lunsadeen 55 million oo loo qoondeeyay cayaartoyda dalkaas ee ka qeyb galay intii uu socday koobkii Olympic-da ee lagu qabtay magaalada Rio de Janeiro ee caasimada Brazil. Si kastaba ha ahaatee, mas’uuliyiintan ayaa lagu wadaa inay kasoo muuqdan maxkamada Kenya oo la sheegay in loo gudbiyay nusqooyin kamid ah dacwadooda. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Qaramada Midoobay ayaa dowlada Mareykanka ku eedeysay inay taageerto Kooxaha argagixisada ee ka dhisan dalka Suuriya. Safiir ku-xigeenka Qaramada Midoobay u qaabilsan wadanka Iran Es’haq Al-e Habib, ayaa dowlada Mareykanka ku dhaliilay inay fangareyneyso Kooxaha argagixiso ee wali Saldhigyada ku leh Suuriya. Es’haq Al-e Habib, ayaa ugu baaqay dowlada Mareykanka in ay Joojiso taageerada ay siineyso kooxaha argagixisada ee ku sugan gudaha wadanka suuriya. Waxa uu Mr Es’haq Al-e Habib hadalkan ka sheegay shirka golaha amniga oo uu ka hadlaayay waxa uuna tibaaxay in ay sharci daro tahay,in Milatariga mareykanka uu ku sii sugnaado gudaha Suuriya,xilli ay socoto xal u raadinta qalalaasaha siyaasadeed ee sababay dagaalo socday sideedii sano ee la soo dhaafay. Es’haq Al-e Habib, waxa uu sheegay inaanu suuragal aheyn in dowlada Mareykanka ay baalmarto sharciyada adduunka waxa uuna soo jeediyay in arrintaasi ay Mareykanka wax ka bedesho. Es’haq Al-e Habib, oo ah Safiir ku-xigeenka ayaa Xukuumada washington ka dalbaday in ay joojiso maalgalinta kooxaha argagixisada ee dagaalka kula jira xukuumada Asad, iyadoo la doonaayo in taageeradaasi bedelkeeda la qaado talaabo ka wanaagsan. Sidoo kale, Mr Es’haq Al-e Habib ayaa dagaal yahanada ajaaniibta ah ee ku suga Suuriya ugu baaqay in ay dib ugu laabtaan dalalka ay ka soo jeedaan,halka kuwa u dhashay Suuriya uu ku booriyay in ay isku dhiibaan dowlada. “Waa in kuwa shisheeye dib ugu laabtan dalalkooda si ay u helaan cafis, dagaalyahaanada kuwa u dhashay Suuriya waa in iyaguna ay isku dhiibaan dowlada si ay u helaan cafis, waayo waxaa khaldan jihada ay ku helayaan caawinaada” Dhinaca kale, Safiir ku-xigeenka Qaramada Midoobay u qaabilsan wadanka Iran Es’haq Al-e Habib, ayaa ka digay in dowlada Mareykanka kusii fogaato taageerida Kooxaha argagixiso. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Waxaa guud ahaan dadka Soomaaliyeed gaar ahaan dhallinyarada daneeya arimaha bulshada lagu wargelinayaa inuu hawada soo galay Website cajiib ah oo ka hadla dhammaan arrimaha bulshada noocyadooda kala duwan oo lagu magacaabo Www.aayaha.net. Website-ka Www.aayaha.net, oo ah mid waxyaabo badani ay ka kororsan karaan dhallinyarada iyo lamaanayaasha isjecel isla markaana ay qoraan inkabadan 5 wariye oo qibrad u leh arrimaha bulshada, ayaa waxa uu ka hadlaa arrimahan soo socda ee hoos ku qoran: 1- Arrimaha jacaylka 2- Kobcinta Qoyska 3- Caafimaadka 4- Sheekooyin jacayl, geeraaro jacayl iyo dhambaallada jacaylka 5- Talooyin jacayl 6-Casharro la xiriira nolosha sariirta ee lamaanayaasha. Www.aayaha.net, – waxaad sidoo kale ka heleeysaa talooyin caafimaad oo ku anfacaya. Qoraallada heesihii ugu dambeeyay ee ay dhallinyarada aadka u xiiseeyaan. Booqo oo goor walba ku xirnoow www.Aayaha.net, Hoyga Arrimaha Bulshada. Si aad u booqato halkan click sii
  10. ISTANBUL — The Saudi government acknowledged early Saturday that journalist Jamal Khashoggi was killed while visiting the Saudi consulate in Istanbul, saying he died during a fist fight. Source: Hiiraan Online
  11. Riyadh (Caasimada Online) – Dowladda Sacuudiga ayaa xaqiijisay in weriye Jamal Khashoggi uu dhintay. Dowladda ayaa shaaca ka qaaday caawa baaritaan ay ku haysay kiiska, waxaana ay sheegtay in Khashoggi oo 60 jir ah uu ku dhintay dagaal ka dhacay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul, labadii October. “Xeer ilaaliyaha Sacuudiga waxa uu sheegay in Khashoggi uu dhintay kadib markii uu dagaal dhex-maray isaga iyo dad ku sugnaa qunsuliyadda. 18 qof ayaa arrintan loo xiray” ayuu yiri taleefishinka qaranka Sacuudiga. Waxaa sidoo kale ay dowladdu sheegtay in boqor Salmaan uu ceyriyey ku-xigeenkii madaxa sirdoonka dalkaas Ahmed Assiri. Waxaa sidoo kale shaqada laga ceyriyey Saud al-Qahtani oo la taliye sare u ahaa dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan. Dowladda waxa ay sidoo kale sheegtay in dib u habeyn lagu sameyn doono sirdoonka dalkaas kadib kiiskan. Jamal Khashoggi oo ahaa suxufi Sacuudiyaan ah oo ku noolaa Mareykanka ayaa si aad ah uga soo horjeeday boqortooyada, waxaana la la’aa 17 maalmood, ayada oo aan dib loo arag tan iyo markii uu galay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Saraakiisha Turkiga ayaa horey u sheegay in Khashoggi ay dileen oo ay hilibkiisa cad cad u jar jareen 15 wakiil oo Sacuudiyaan ah oo Turkiga u yimid inay dilaan. Meydkiisa weli meel laguma sheego. Caasimada Online Xafiiska Jeddah Caasimada@live.com
  12. Madaxda dowladda federaalka ee fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho ayaa hadallo kale duwan ka jeedisay shirweyne ka dhacay magaaladani. Shirka oo lagaga hadlayay qorsheyaasha xukuumadda federaalka ayaa lagu soo hadal qaadin arrimo dhowr ah sida arrinta barakacayaasha. Danjire Maxamed Caalim oo kamkd ah dadka ka faallooda siyaasadda arrimaha Soomaaliya ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegaya in hoggaanka dalku aysan haynin dhabbihii saxda ahaa ee ahayd in dalka lagu hoggaamiyo. “Shirkii khamiistii dhacay waxaa iiga baxay in dowladda federaalka ay hor yaallaan duruufo adag, marka aynu aragno arrimaha bulshada waxay u baahan yihiin sharcigii lagu fulin lahaa, arrimaha amniga sharcigii lagu fulin lahaa ayay u baahan yihiin, cadaaladda sharci lagu fuliyo ayay u baahan tahay, marka haddii aynaan dowladi sharci lahayn hadalkeedu wuxuu u ekaanayaa hadal been ah” ayuu yiri Danjire Maxamed Caalim. Dhanka kale, Danjire Maxamed Caalim ayaa sheegay in xukuumadda federaalka ay muhiim tahay in ay caddeeyso wada shaqeeynta ay la leedahay baarlamaanka Soomaaliya. Waxaa kaloo uu tilmaamay in Raysal wasaaraha iyo gollihiisa wasiirrada aynaan iska war heynin, marka la eego qaabka ay isugu jawaabayeen shirka gudahiisa. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/DANJIRE-MAXAMED-CAALIM-19-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Madaxweynaha qaranka Soomaaliyeed mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo) oo hadal jeedin ka sameeyay shirkii Khamiista ka qabsoomay magaalada Muqdisho ayaa ku soo hadal qaaday arrimaha dibadda. Wuxuu sheegay madaxweynaha in siyaasadda arrimaha dibadda Soomaaliya ay tahay mid aanan fadhin islamarkaana ay muhiim tahay in tubta siyaasadda lagu soo daro ka hadalka arrimaha dibadda. Isbedalka wadamada gobolka ka dhacay ayuu sheegay in siyaasad lagu la jaan qaado loo baahan yahay, isagoo carrabaabay in dowladdiisa ay culeyso ka heysteen arrimaha Khaliijka oo khilaafkaasi siyaasadda gudaha ee dalka sameeyn aan yareyn ku yeeshay. Madaxweyne Maxamed Farmaajo ayaa wasaaradda arrimaha dibadda faray in la timaado qorshe lagu diyaariyo siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya. “Wadan kasta waa in aynu ka yeellanaa siyaasad gaar ah waxaana ka horreeya annaga danteeda” ayuu yiri madaxweynaha dowladda federaalka. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/CODKA-MW-FARMAAJO-19-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. NAIROBI (Reuters) - Security guards aboard a Hong Kong-flagged cargo ship repelled an attack by pirates in a gunbattle off Somalia’s coast this week, the European naval force in the region said on Friday. Source: Hiiraan Online
  15. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye (Nacnac) oo kamid ah gollaha wakiillada Somaliland ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News kaga hadlay arrimo xasaasi ah oo ku aaddan wada hadalka dowladda federaalka iyo Somaliland iyo arrinta dekadda Berbera. Wuxuu ku eedeeyay xukuumadda Soomaaliya in aynaan doonayn in loo wada hadlo laba dowladood oo kale, islamarkaana Somaliland ay u aqoonsato. Xildhibaan Axmed Nacnac ayaa daboolka ka qaaday in Somaliland aynaan jirin wax ay uga baahan tahay Soomaaliya, wuxuu soo hadal qaaday arrinta la xiriirta dhaqaalaha adduunyada ugu yaboohdo oo uu tilmaamay in dowladda federaalka ay ku guul dareysatay qorshe ay doonaysay in ay ku cunaqabateeyso. Dhanka kale, wuxuu ka hadlay arrinta dekadda Berbera oo uu sheegay in shirkadda DP World wuxuuna tilmaamay in qorshahaasi horumarka ahi uu ka careysiiyay Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay. Hoos Ka Dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAREYSIGA-XILDHIBAAN-NACNAC-19-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Guddoomiyaha degaanka Faafaxdhuun ee gobolka Gedo Aadan Shuqul Nuunoow oo Goobjoog News uga warramay fal ciidanka Kenya ay ku xasuuqeen qoys deganaa meel aan ka fogayn degaankaasi ayaa sheegay in ay ka xun yihiin. Wuxuu sheegay in dhibaatada qoyskaasi ku dhacday ay ka xun yihiin haseyeeshee ay sababteeda leeyihiin Xarakada Alshabaab, oo qarax wadada u galiyay ciidanka Kenya. Guddoomiye Aadan Shuqul Nuunoow ayaa tilmaamay inay wadaan baaritaanno la xiriira qaabka ay dhacdada u dhacday. Waxaa uu sheegay in baaritaannada kaddib ay sugayaan natiijada ka soo baxda. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/GUD-FAAFAXDHUUN-19-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Suldaan Maxamed Suldaan Xaaji Cabdi oo kamid ah ehelka qoyskaasi dhibtu soo gaartay ahna adeerka labada wiil ee dhintay ayaa wareysi uu siiyay Goobjoog News ku sheegay in tacadigaasi ay ku kaceen ciidanka Kenya uu kamid yahay gaboodfallo ciidankaasi ay ka geystaan gobolka Gedo. Wuxuu sheegay in carruur aan qaan gaar ahayn ay dileen waalidkii dhalayna ay dhaawaceen oo iminka ay yihiin garaab xaaladdooda kuwaas oo isbitaal loagu dabiibayo yaalla. Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, oo iyada dalka mas’uul ka ah ayaanan ka hadlin inta badan falalka xasuuqa ah ee ciidamada shisheeye u geysanayaan shacabka. Suldaan Maxamed ayaa tilmaamay in qaab xun ay ula dhaqmeen ciidanka Kenya. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/EHELKA-DADKA-LA-DILAY-19-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. MOGADISHU (HOL) – The former president of Ethiopia’s Somali region broke his prison cell’s windowpane and attempted to strangle a prison guard to escape before was captured, Ethiopian police said Friday. Source: Hiiraan Online
  19. Wasiir ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo soo jeediyay in dalka midnimadiisa ay qorshe ka lahaato dowladda uu hoggaamiyo Farmaajo. Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa su’aal ka keenay qorshayaasha Xukuumadda oo maanta lagu soo bandhigay Kulan Golaha Wasiirada isugu yimaadeen, kaasoo uu shir guddoominayay Madaxweynaha Soomaaliya, waxaana kulankan si toos ah looga daawanayay Telefishinka Qaranka. Wasiir Maareeye ayaa dood ka keenay in aan lagu soo darin Tubta siyaasadda loo dhan yahay arrinta Wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Mr Maareeye ayaa sheegay in dadka reer Somaliland ay heystaan nabad muddo 30 sano ku dhow, isla markaana ay u dhibaateysan yihiin inay dowladdu gaarto oo ay helaan waxbarasho iyo shaqo. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/COD-WASIIR-MAAREEYE-19-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Istanbul (Caasimada Online) – Sida ay qoreen warbaahinta Turkiga, masaajid ku yaalla dalkaasi ayaa jiho khaldan ugu tukanayeen jamaacadiisu muddo ku dhow 40-sano, khaladka dhismaha masjidka waxaa dareemay imaam masaajidka ku cusub oo dhowaan la wareegay xilkiisa. Masaajidkan ayaa ku yaalla Sugoren ee gobolka Yalova ee galbeedka Turkiga, imaamku waxa uu tilmaamay in si khaldan loo dhisay mixraabka masaajidka, arrintaas oo ka dhigan in dadkii ku tukanayay ay muddo dheer kacbada ka leexsanaayeen xagal 33 darajo ah, waa sida ay qortay jariidada Daily Sabah ee dalka Turkiga ka soo baxda. Jariidada kale ee Hurriyet Daily News oo soo xiganeysa wakaaladda wararka ee Demiroren News Agency, ayaa sheegtay in imaanka cusub ee masaajidka Isa Kaya, sanadkii hore uun loosoo magacaabay masaajidka inuu imaam ka noqdo, markaa waxaa imaamka u soo baxday iney khaldan tahay halka laga dhisay mixraabka masjidka, arrintaas oo imaamka khasab uga dhigtay inuu raadiyo culumo kale si uu ugala tashado xaaladda masaajidka. Markii dambe waxaa la isla meeldhigay oo la wada qirtay in masaajidka mixraabkiisa meel khaldan laga dhisay sanadkii 1981, waa sida ay warbixinnada ku sheegeen warbaahinta Turkiga. Intii islamarkiiba mixraabka la dumin lahaa, ayaa si ku-meel gaar ah loo sameeyay calaamado dadka Qiblada saxda ah ku hagaya oo lagu muujiyay rooggii masaajidka. Imaamkan ayaa wakaaladda Demiroren u sheegay: “Xaaladda dadka waan u sharraxnay, badankood falcelintoodu wey wanaagsaneyd.”, engineer dhismo ayaa loo xilsaaray inuu masaajidka mixraab cusub u sameeyo. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  21. Baydhabo (Caasimada Online)-Wadaadka Muqtaar Roobow Abuu Mansuur oo mar soo noqday Hoggaamiye Ku-xigeenkii hore ee Shabaab iminkana ah musharax u tartamaaya doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa wajahaaya culeysyo dhanka doorashada ah. Abuu Mansuur oo iminka ku sugan magaalada Baydhabo, ayaa culeyska ugu badan kala kulmaaya dhinacyada Odayaasha dhaqanka iyo qaar kamid ah Siyaasiyiinta ku dhow dhow. Kulamada ugu badan ee taageerada uu ku raadinayo Roobow, ayaa ka socda Hotelka Horyaal, halkaasi oo maalmihii la soo dhaafay uu kula kulmaayay Odayaal iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda beeshiisa. Roobow Abuu Mansuur ayaa dhinacyada ku heebta ah ka waayay taageero rasmi ah kadib cadaadis la sheegay inuu kasoo wajahay dhanka Odayaasha dhaqanka.. Sababta ugu weyn ee hoos dhaca ku keenay ololaha Abuu Mansuur ayaa la sheegay inay tahay kadib markii Saraakiil ka tirsan kuwa la shaqeeya Roobow ay taleefoono ku handadeen Odayaasha Dhaqanka reer Koonfur Galbeed, iyagoo ku cadaadinaaya inay taageero u muujiyaan. Saraakiisha sida dhow ula shaqeeya Mukhtaar Roobow ayaa sabab u noqday in Abuu Mansuur uu waayo taageero badan oo uu ka sugaayay inuu ka helo Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed. Odayaasha dhaqanka oo dacwado ka gudbiyay Saraakiisha la shaqeeya Abuu Mansuur ayaa sheegay in Saraakiishu ay wali yihiin kuwo heysta habdhaqanka Jabhada Al-Shabaab ee duurka ay la joogi jireen. Abuu Mansuur oo u muuqda mid quus taagan ayaa lasoo sheegayaa in wali uu ku sugan yahay Hotelka Horyaal ee Magaalada Baydhabo, halkaasi oo xaalad murug siyaasadeed ay ku haysato. Waxaa xaaladaasi murugada leh u sabab ah weysmada Odayaal uu taageero waydiistay, sidoo kalena ma jirto hal Xildhibaan oo ka tirsan Maamulka Koonfur Galbeed oo isku aamini karo inuu kulan la qaato Roobow, maadaama ragga hareeraha ka jooga Roobow ay yihiin kuwa halis ah amni ahaan. Dhinaca kale, Abuu Mansuur ayaa laga cabsi qabaa inuu ku dhawaaqo is casilaad maadaama uu wajahaayo culeysyo dhanka Siyaasada ah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  22. Muqdisho (PP) ─ Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii ugu horreysay ka hadlay ololaha doorasho ee uu wado Sheekh Muqtaar Roobow Cali [Abu-mansur] oo horey uga tirsanaan jiray Kooxda Al-shabaab. Xasan Sheekh, ayaa wuxuu sheegay illaa hadda inaysan caddeyn mawqifka Abu-mansur ee ku aaddan ka bixitaankiisa Al-shabaab, kaasoo ka mid ah xubnaha musharraxiinta ah ee u taagan hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed. Sidoo kale, Madaxweynihii hore ee Somalia ayaa sheegay Muqtaar Roobow in laga doonayo dhawr siyaabood inuu ku qeexo sababaha uu kaga tagay Al-shabaab, si ay ummadda ugu caddaato mowqifkiisii hore iyo midkan cusub ee uu cagaha la galay. Dhanka kale, Xasan Sheekh ayaa xusay inaysan sax ahayn in hadda uu Sh. Abu-Mansuur isku soo taago doorasho, maadaama weli uusan caddeyn inuu ka tanaasulay fikirka argagixisinimada, wuxuu kaloo sheegay in illaa hadda ciidamadii uu watay ay ku jiraan duurka. “Waa jiraa qodob dastuuri ah oo ah inuu jago u tartami karo maadaama uu yahay muwaadin, wax ka reebi karana ma jirto, balse waxaan qabaa inaysan sax ahayn hadda inuu isku soo taago doorasho, mashruucii uu ku jiray weli ma dhameystirna, Sheekh Roobow weli ma caddeyn inuu ka soo hor-jeedo argagixisada. Waa jirtaa in Al-shabaab iyo isaga ay dirirsan yihiin, wax dhib ahna ma lahan, waayo dhexdooda ayay maalin ka dagalaamaan, Wiilashiisa weli duurka ayay ku jiraan, waxaan qabaa in hadda aysan wanaagsaneyn in uu xil isku soo sharraxo,” ayuu yiri Xasan Sheekh. Ugu dambeyn, Hadalka Xasan Sheekh aya kusoo beegmaya iyadoo Sheekh Mukhtaar Roobow oo ahaa ku xigeenkii hoggaanka Al-shabaab iyo weliba af-hayeenkii hore ee kooxdaas, wuxuuna u taagan yahay inuu qabto xilka ugu sarreeya maamulka Koonfur-galbeed Somalia, inakstoo ay mas’uuliyiin kale oo fara badan ay kula tartamayaan xilka. DHAGEYSO: Hadalka Xasan Sheekh Maxamuud uu kaga hadlay Arrintan; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/DHAGEYSO_Xasan_Sheekh_Roobow_Doorasho.mp3 PUNTLAND POST The post Madaxweynihii hore ee Somalia oo ka hadlay Musharraxnimada Sheekh Mutkhaar Roobow appeared first on Puntland Post.
  23. By late 1960s, signs of growing tensions came to the surface in Somalia becoming a lot more evident between 1967 and 1969. Much of the hope with which Somalis greeted independence in July 1960 had evaporated: too little had changed Source: Hiiraan Online
  24. Istanbul (Caasimada Online) – Baarayaasha dalka Turkiga ayaa ogaaday bartii rasmiga aheyd ee lagu dilay suxufi Jamal Khashoggi markii uu galay gudaha qunsuliyadda Sacuudiga, sida ay shaageen ilo-wareedyo Turkish ah. Baarayaasha, oo adeegsanaya codka la duubay dilka Khashggi, ayaa sidoo kale xaqiijiyey in khabiirka jirka bani’aadamka ee Salah Muhammad al-Tubaigy, uu billaabay inuu cad cad u jaro jikra Khashoggi islamarkii la dilayba. Saraakiisha Turkiga ayaa la sheegay inaysan ku faraxsaneyn waqtiga aadka u dheer ee Sacuudiga ay ku qaadaneyso inay war rasmi ah kasoo saaraan kiiskan, sidaas darteedna ay xog xasaasi ah u dusinayaan saxaafadda. Dhinaca kale shaqaalaha qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul ayaa ka jawaabaya su’aalaha dacwad oogaha Turkiga, taasi oo qeyb ka ah baaritaanka kiiska Jamal Khashoggi. Ilaa 15 shaqaale ayaa maanta oo jimce ah la su’aalo weydiiyey, waxaana ka mid ah darawalka qunsulka Sacuudiga, farsamoyaqaano, xisaabiyeyaal iyo howl-wadeenada taleefonnada. Jamal Khashoggi, oo ahaa suxufi Sacuudiyaan ah, oo deganaa dalka Mareykanka, waxna ku qori jiray Washington Post, ayaan la arag tan iyo labadii October markii uu galay qunsuliyadda Sacuudiga ee Istanbul. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  25. Addis Ababa (Caasimada Online) – Booliiska dalka Ethiopia ayaa ku eedeeyey madaxweynihii hore ee dowlad deegaanka Soomaalida Ethiopia, Cabdi Maxamed Cumar Cabdi Iley inuu isku dayey inuu xabsiga ka baxsado. Cabdi Iley ayaa la xiray kadib rabashadihii dalka Ethiopia ka dhacay bishii August. Booliska ayaa maanta maxkamadda federaalka Ethiopia, oo markii shanaad lasoo taagey Cabdi Iley, u sheegay inuu isku dayey inuu ka baxsado daaqadda xabsiga. “Sababo la xiriira walaac laga qabo ammaankiisa iyo caafimaadkiisa, waxaa lagu hayey xafiis gooni ah, si kastaba, waxa uu isku dayey inuu ka baxsado xafiiska, isaga oo jebiyey muraayadda dariishadda, isaga oo sidoo kalena ceejiyey mid ka mid ah ilaalada” ayey boolisku ay yiraahdeen. Si kastaba, Cabdi Iley ayaa falkaas ka hor beeniyey maxkamadda, isaga oo sheegay in warka kasoo baxay booliska uu yahay mid aan jirin, oo qorshaha laga leeyahay uu yahay in lagu baneysto in jirdil loo geysto islamarkaana sumcaddiisa la waxyeeleeyo. “Arrintan waa been, aniga shaqsi ahaan waxaa la igu hayaa cadaadis aad u weyn, waxaana la igu hayaa xabsi aan munaasab ahayn, laba mar ayaa nafteeda halis gashay oo nin maskaxda ka jiran oo lagu hayo qol igu dhegan uu iisoo jebiyey albaabka” ayuu yiri Cabdi Iley. Cabdi Iley ayaa sidoo kale maxkamadda ka horsheegay inuu caafimaad ahaan liito. Cabdi Iley ayaa dib maxkamadda loogu soo celin doonaa 29-ka bishan, kadib markii boolisku codsadeen 10 maalmood oo ay ku sameeyaan baaritaan dheeri ah, maxkamaduna ay ka ogolaatay. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com