Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    192,560
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Jabka Daacish ka raacay Ciraaq iyo Suuriya iyo ka bixitaankooda sida Muusil(July 10, 2017 ) iyo Raqqa(October 17, 2017) waxaa ay soo dedejisay su’aalo badan oo ay ka mid yihiin Intee Ku Socdaan? Daacish waxaa ay qaabab kala duwan u joogeen gobolkaasi 10-kii sano ee la soo dhaafay, waa adag tahay in si fudud ku baaba’aan, waana hubaal in meelo kale u dhaqaaqi-doonaan si ay gabbaad uga dhigtaan. Yaa Jibiyay Daacish: Ciraaq: Daacish waxaa Ciraaq ka saaray ciidamo kala duwan oo isugu jira ciidamada Ciraaq, maleeshiyaad Shiico ah oo ay Iran soo tababartay, ciidamada Kurdiyiinka Pesh-merga loo yaqaano iyo Maleeshiyaad Sunni ah, dhinac walbo ayaa laga weeraray, illaa markii dambe ay iska cararaan. Suuriya: Dalka Suuriya waxaa Daacish magaalooyinka ka saaray ciidamo daacad u ah Bashaar Al-asad iyo xulafadooda Ruushka iyo Iran, waxaa kale oo dagaalka ku jiray mucaaradka Kurdish-ta hogaamiyaan ee taageerada ka hela Mareykanka. Daacish waxaa ay ka jirtaa dhammaan Qaaradaha adduunka balse waxaa ay ku xoog badan yihiin inta u dhaxeysa North Africa illaa India. Daacish, sidee Ku Bilaabatay? 2004-tii, markii ugu horeysay , Abu Musab al-Zarqawi ayaa faraca Al-Qaa’ida ka furay dalka Ciraaq, dalkaasi waxaa xilligaas qabsaday ciidamo Mareykan ah. April 2010 – waxaa Daacish madax ka noqday Abu Bakr al-Baghdadi kadib markii Mareykanka duqeyn ku dileen Cumar al-Baghdadi iyo al-Masri, waxaa uu waday dagaal hoose illaa January 2014 –kii ay qabsadaan Falluja. February 3, 2014 – Al Qaeda waxaa ay sheegtay in aanu xiriir kala dhaxeyn Daacish, 3 bil kadib kooxda waxaa ay qabsadeen magaalooyinka Muusil iyo Tikrit iyaga oo ku dhawaaqay dowladda Islaamiga ah, Amiir waxaa noqday Sheekh Abu Bakr Al-Baqdaadi. July 2014 – wixii ka dambeeyay Daacish waxaa ay qabsadeen magaalooyin caan ah sida Ximis oo ah magaalo Shidaal, waxaa kale oo ay dagaal ka galeen dhul 90-mile ah oo u dhaxeeyay Deir Al-zuur illaa xadka Suuriya la wadaagto Ciraaq. Daacish waxaa lagu eedeeyay in ay dileen haween, caruur iyo dadka laga tirada badan yahay sida Yazidi. Dhowr Xaqiiqo Oo Daacish Ku Saabsan: 2014, Daacish waxaa ay xoog ku hesyteen dhul gaaraya illaa 34,000 square miles oo ka tirsan Suuriya iyo Ciraaq, waxaa dhulka u dhaxeeyay xeebta Mediterranean-ka illaa koonfurta Baqdaad halka 2016-kii dhulka ay Daacish ka taliyaan waxaa uu ku soo koobmay 23,320 square miles. Dalalka ay u dhaceen Daacish waxaa ugu badnaa illaa lix dal: Tunisia, Sacuudiga, Ruushka, Turkiga iyo Urdun. Kooxdan Daacish waxaa lacag ka heli jireen shidaalka, canshuurta, madax furashada, iibinta waxyaabaha taariikhiga ah iyo dalagga. Daacish Intee Ku Socdaan: Mar haddii la soo afjarayo Daacishta Ciraaq iyo Suuriya waxaa su’aal ka taagan tahay halkee ku socdaan, waxaan su’aasha ugu muhiimsan. Marka hore, waxaa ay cabsi gaar ah heystaa dalal ay ka soo jeedaan dagaal-yahannada ee Daacish sida Tunisia, Sacuudiga, Ruushka, Turkiga iyo Urdun, waxaa hubaal in qaar badan ay dalka dib ugu noqon-doonaan. Yurub Iyo Mareykanka: Dagaalyahanada qaar sidoo kale, waxaa ay ka yimaadeen Qaaradaha Yurub iyo Mareykanka, in badan oo ka mid ah waxaa ay ku noqon-doonaan dalalka reer galbeedka. Gacanka Cadan: In badan oo ka mid ah dagaal-yahannada Daacish waxaa ay soo aadi-doonaan Yemen iyo Soomaaliya, dalka Yemen waa dhul si fudud loogu dhuuman karo, waxaa aad u adkaatay in ay qabsadaan dalal badan oo hadda ugu dambeyeen xulafada Sacuudiga. Soomaaliya: Waxaa ay dhanka Soomaaliya ka faa’ideysan karaan dhulka u dhaw xeebaha, hadda waxaa la sheegayaa in 200 oo Daacish ay joogaan Puntland. Daacish lagama maqal Soomaaliya wixii ka horeeyay 2015-kii , jiritaankoodaba waxaa uu soo shaac-baxay sanadkaasi gaar ahaan markii ay kala jabtay xarakada Al-shabaab. Waqooyiga Afrika: Daacish meelaha ay xoogga saari-doonta waxaa ka mid ah dalalka Waqooyiga Afrika gaar ahaan Masar iyo Libya, dalka hore waxaa jooga ciidan iyo hoggaamiye aad u neceb Ismaaliyiinta waa Cabdifitaax SISI halka Libya aaney laheyn dowlad iyo nidaam xoog leh. Afgaanistaan, Pakistaan Iyo India: Daacish waxaa ay joogaan dalalkaasi, waxaana la filan-karaa in ay sii kordhaan tirada joogta. Dalalka Ku Dhaw Ruushka: Islaamiyiinta iyo Ruushka xiriirkooda ma fiicneen tan iyo dagaalkii qaboobaa, waxaa intaasi dheer, Ruush-ka waxaa uu kaalin-weyn kulahaa in Daacish ka baxaan Suuriya, waxaa la filayaa in ay aadaan dalalka ku dhaw Ruushka si ay u qal-qal geliyaan Moscow. Shiinaha: Waxaa jirta cabsi ku saabsan in Daacish ay aadi karo bariga fog iyo Shiinaha halkaas oo in badan ay xer ku lahaayeen.
  2. Waxaan qormadi hore kaga warrannay si kooban heerka aqoonta caruurta dhigato iskoollada ee ku nool dacallada adduunka. Waxaa soo sheegnay in dalka baraasiil ay ku qaadanayso 75 sano inuu soo gaaro heerka aqoonta xisaabta ay ka gaaraan caruurta ku nool waddamada hodanka ah, halka ay 260 sano ku qaadanayso inay kala mid noqdaan akhriska. Hadaba maxaa sababay fogaanta intaas la eg? Maxay fogaanta xisaabtu ooga yartahay midda akhriska, miyuusan akhrisku ka fududayn xisaabta? Su’aalahaan jawaabahooda loogama faalloon warbixinta Bankigu daabacay laakiin waxaa isku dayi inaan fikrad kooban idinka siiyo annigoo isticmaalayo waayaragnimadyda iyo baaritaan kale oo aan sameeyay. Marka hore, xisaabta iyo akhriska waxaa fudud in la barto xisaabta. Uma baahnid inaad aqoonyahan tahay inaad taas ogaato. Dib u milicso dadki aad taqaanay. Odayga reer miyiga iyo haweeneeyda suuqa wax ku gadato oo aan waligood iskool dhigan xisaab kama qaldanto. Waa yaqaanaan sida ay u xisaabsadaan iyagoo buug iyo qalin qaadan. Xirfadda xisaabinta waxyaabaha aasaasiga ah waa mid ku abuuran aadanaha iskool iyo iskool la’aanna uu baran karo ilaa xad. Marki iskool la geeyo inuu raaco qaacidada loo dhigayna ma adka. Midda kale, xisaabtu muhiim uma aha sida akhrisku muhiim ugu yahay horumarka shaqsiyadeed iyo kan daleed. Akhrisku waa shayga lagu cabbiro ilbaxnimada ummadi gaartay. Maqli maysid dal ama qowmiyad lagu ammaanayo waa xisaabyahan laakiin waxaad arki in akhriska la isku ammaano, kaan aqoonna lagu caayo, wax ma akhriyo. Sababtu waxa ay tahay akhrisku wuxuu saamayn joogta ah ku leeyahay horumarka shaqsiyadeed iyo midda daleedba. Akhrisku waa shayga shaqsiga ka dhigo mid la socdo ammuuraha siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee dalkiisa iyo caalamkaba ka jiro. Waa midka hago hiigsiga shaqsiyadeed iyo shulshaba. Bulshadi aan wax akhrin, lama xisaabtami karaan siyaasiyiintooda, lamana socon karaan sooyaalka dalkoda. Muhiimmada akhriska waxaa kaaga filan inuusan jirin dad yoolkiisu yahay in dadkiiso oo dhan saynisayhan ama xisaab-yahan wada noqdaan laakiin wuxuu adduunku ka midaysanyahay rabitaanka ummad wax akhrisa, ummina uusan ku jirin. Waa tan looga dhigay halbeegga ugu muhiimsan ee lagu cabbiro horumarka dal samaynayo. Qoraalku akhriska ayuu daba socdaa. Ma dhici karto in qof aan wax akhrin wax qoro laakiin lidku wuu badan yahay. Maadaama uu akhrisku sidaas muhiim u yahay, waddamada hodanka ah waxay xoogga saaraan inay ubadkooda ka dhisaan akhriska. Waqtiga ugu badan ee sanadaha hore waxaa la galiyaa baridda akhriska. Waana meesha ay ku kala tagaan caruurta ku kala nool waddamada aan soo sheegnay. Si aan u fahanno waxa keenay inay aad ugu kala fogaadaan akhriska caruurta ku nool waddamada saboolka ah iyo kuwa nool waddamada hodanka ah, waxaan soo bandhigi tusaale. Tusaalahaan wuxuu ku saabsanyahay wiil iyo gabar ilmo-adeer ah. Mid wuxuu ku dhashay Ingiriiska midna Soomaaliya. Waa labo qof oo jiro laakiin magacyada aan isticmaalayo kuwooda maahan. Amaal waxay ku dhalatay Northampton England. Qoyskoodu waa mid sabool ah marki loo eego dalka uu ku nool yahay. Aabaheed waa murqumaal. Waxaa uu kasbado kuma filna noloshooda sidaas awgeed dowladda ayaa kabto. Guriga ay daganyihiin waa mid aad u cariiri ah kirana ay ka bixiyaan. Waliba waa kuwa dowladdu siiso dadka saboolka ah. Marki ay jirtay sadex sano waxaa la geeyay iskool ay ka bilowday naasari sadex saacadood ah maalinka shan cishana ay tagayso. Muddo sanad ah ayay dhiganaysay. Muddadaan waxbarasho la taaban karo lama siin. Inta badan waa la cayaarsiinayay. Waxaa loo qaadayay heeso gaagaaban oo alifbeetada iyo lamabarada ilaa toban lagu kulmiyay. Sidoo kale waxaa loo akhrinayay sheekooyooyin gaagaaban oo sawiro wato laga tusayay buugaag. Waxaa kaloo la baray sida caruur kale fasal loola wadaago, alaabta lagu cayaarana (toys) loola wadaago. Ayadoo loo heli karo alaab ku filan ayaa dhowr xabbo kaliya la dhex dhigaa si ay u wadaagaan. Halkaan waxaa laga ogaadaa midka hunguriga xun iyo kan maro u dhagga ah. Kuwa noocaas laga dareemo si gooni ah ayaa xoogga loo saaraa waxaana la baraa sida ay ugu noolaan lahaayeen bay’ad wax yaraan ka jirto. Sanadka xigo oo ay afar jirtay waxay u gudbtay fasal kale oo aan hayn wax barashadii rasmiga ahayd laakiin maalin dhan ah (lix saacadood). Sanadkaan waxaa la sii balaariyay intii la baray sanadki hore. Sidoo kale waxaa loo billaabay habka dhawidda alifka, muuqoolkooda iyo qoriddooda. Waxaa xoogga la saaray in la fahamsiiyo sida qalinka loo qabsado. Waxaa sidoo kale loo billaabay higgaada. Ka dib waxaa loo dhiibay buugaag yar yar oo 10 bog iyo ka yar ah oo sawiro u badan laakiin xeyn erayo ah ku qoran yihiin. Waxaa kaloo la siiyay caddad erayo oo la yiri waa inaad sanadkaan ku xafiddaa. Erayadaan waa kuwa silloon oo dhawaqooda iyo dhigiddoodu kala duwan tahay. Sidoo kale waxaa la baray sida loo hadlo iyo sida loo istaago marki la hadlayo. Asbuucii subax ka mid ah ayaa la yiraahdaa soo istaag oo ka waran wax loo cayimay (ogow waa afar jir). Waxay ka hadlayo aqoon iyo wax muhiim ah. Waxay noqon karaan inay ka waranto waxay jidka kusoo aragtay ama ay saaka cuntay. Intaas waxaa dheer, sadex bilood oo walba waxaa loo yeeraa waalidkeed si loo siiyo warbixin ku saabsan horumarka gabadhoodu samaynayso, meelaha ay ka liidato oo caawin dheeraad ah ooga baahantahay iyo meelaha ay ku fiicantahay oo in lagu ammaano ay tahay. Sanadki dhammaadkiiisa waxay kor ka taqaan alifka oo dhan, dhawaqiisa iyo dhigidiisa, waxay kor ka haysaa 45 eray oo ah kuwa silloon. Waxay soo akhrisay ilaa labaatan buug oo ay iyadu kickicisay. Waxay fahansantahay macnaha iskool. Waxay ogtahay in dad kale wax ay la wadaagayso. Iyadoo wacdigaas qabto waxna akhriso haba yaraadeene ayay bilowdaa waxbarashadi rasmiga ahayd waxayna fadhiisan sanadki koowaad. Sanadka koowaad waa ka adag yahay kuwii hore. Waxa la barayo waxaa lagu dhisi aasaaski hore balse aad ayaa loo balaarin. Wali akhriska ayaa ugu muhiimsan. Waxaa loo samayn yool ay tahay inay gaarto dhammaadka sanadka. Inta khasabka ku ah ka sakow waxaa la siin buugaag akhris oo maalinle ah kuwaas oo ay guriga la aaddo. Maalin walba ugu yaraan hal buug oo 24 bog ah inay soo akhriso ayaa laga rabaa laakiin kuma ay khasbana. Si loo baro inay iskeed wax u barato qof is wadana u noqoto, waxaa lagu dhihi haddii marki uu sanadka dhamaado aad akhriso 50 buug abaal marin qalin ah ayaa lagu siin, haddii aad 100 gaartana mid dahab ah (maahan dahan dhab ah). Sidaa awgeed waxay ku dadaashaa inay ugu yaraan hal buug akhriso maalintii iyadoon cidna u dirin. Buugtaan waa wada 24 bog. Waxay ku saabsanyihiin mowduucyo kala duwan oo dhab iyo dhayalba leh. Buug walba waxaa ku cayiman erayo gooni ah oo ku cusub lagana rabo inay barato. Iyadoo shan sano jirto ayay asbuucii shan buug akhrisaa kana sheekaysaa waxa ku qoran. Waalidka ayaa ka dhagaysto sheekada si ay xiiso ugu yeelato waxaana lagu waaniya waalidka inuu la fadhiyo marki ay akhrinayso buugaagta. Dhinaca kale waxaa taagan ina adeerkeed Ayuub. Wuxuu iyada ka weyn yahay sanad. Waxaa uuna ku dhashay Balad-xaawo Gedo. Aabihii waa shaqaale laakiin wuxuu ku jiraa dadka ugu mushaarka badan meesha uu ku nool yahay. Lacagta uu qaato way ka badan tahay mida Amaal aabaheed qaato sidaa awgeed wuxuu ka mid yahay dabaqdda dhexe ee deegaankaas. Waxay dagan yihiin guri weyn oo sar ah iyaguna leeyihiin. Waxaa u yaal wax walba maacuun raaxo ah oo dhulkaas laga heli karo. Ayuub hadda wuxuu jiraa 6 sano. Wax iskool ah ma dhigto waligiina lama geyn. Iskoolada ka furan meesha uu ku nool yahay 7 sano ka yar ma qabtaan. Aabihii uma qaban macalin u gaar ah. Sidoo kale dugsi ma dhigto. Taasi macnaheedu waxaa weeye wax dhigaal ah oo u akhrin karo ma jiraan. Sanad ka dib ayaa iskool la geyn loogana billaabi sanadka koowaad ee waxbarashada rasmiga ah. Subixii la geeyo macalinku wuxuu ula dhaqmi sidii wiil waligiis iskool dhigan jiray. Cashar bixintana waxaa laga billaabi erayo sabuurad lagu qoray caruurtana lagu yiraahdo iga daba qaada. Ayuub waa subixii koowaad ee uu caruur tiro intaas la eh soo dhex fadhiisto. Sidoo kale waa subixii ugu horeeyay ee uu fasal soo galo. Waxaa uu la yaaban yahay sawirada ku yaal darbiyada ee caruurti sanadka hore ku qoreen qaarna lagu qurxiyay. Marka macalinku sabbuuradda ku mashquulsanyahy Ayuub maskaxdiisu caradaan ma joogto. Argagax iyo cabsi ayaa buux dhaafisay. Yaa meesha kaa kaxeeyo ayay ka joogtaa. Sidaas ayuu ku qaadan sanad dhan. Cidna oran mayso xagee dhibkaa haystaa. Ma jirto cid u kuur galayso fahamkiisa waxbarasho iyo meelaha uu ku liito. Ma jirto cid xaaladiisa ka warqabto oo waalidkiis xog siiso. Sidaas ayuu ku gaari fasalka sadexaad isagoo wali aan baran sida loo kiciyo jumlo labo xaraf ah. Ogow markaan isaga iyo Amaal waa isku fasal oo mid walba waa sadexaad. Laakiin aqoontiisa waxay joogtaa tii ay kusoo qaadatay sanadki labaad ee waxbarashada aan rasmiga ahayn. Taasi macnaheedu waa inay ka horrayso afar sano waxbarasho ah, tayada ka sakow. Maalintaas ayaa qiimayn lagu sameeyay. Amaal jumlo walba hal ilbiriqsi ayay ku akhrisay halka Ayuub midna akhrin waayay. Waxa looga jeeddo Baraasiil 260 sano ayay ka danbaysaa maahan in canuga ku dhasho Baraasiil uu baahan yahay 260 inuu waxbarto si uu usoo gaaro kan ku dhashay Fillaan. Waxaa looga jeedaa, haorumarka waxbarasho ee dalkaas hadda ka socdo hadaysan wax iska badalin waxay qaadan 260 inuu soo gaaro heerka ay maanta joogaan waddamada hodanka ah. Qarashka ku baxao Amaal iyo inta dadaal la galiyay inay si siman u helaan caruurta dalka ku nool oo dhan waa mid ay adag tahay inay gaaraan waddamada saboolka ah. Laakiin haddii dadaal laga helo dowladaha iyo shucuubta dalalkaas si fudud ayaa lagu gaari karaa. Waliba waxay qaadan waqti aad ooga yar kan ay ku qaadatay Maraynkanka iyo ngriiska. Side? La soco qormada xigto hadduu Eebe idmo. Balse aan ku xiro erayadaan. Inkastoo fursaddaan la siiyo caruurta Ingriiska ku dhalato oo dhan haddana duruufo badan dartood isku si loogama faaiidaysto. Sidaa darteed waxaa suura gal ah in Amaal aysan sidii la rabay wax u baran. Dhinaca Ayuub, inkastoo aysan jirin dowlad fursad siiso hadana eedda waxaa wax ku leh bay’ada iyo dhaqanka oo waalidka gacmo xiray. Maadaama ay jiraan waalidiin badan oo maal qabeen ah ama shaqo wacan haysto waxay heli karaan inay abuurtaan nidaam waxbarasho oo caruurtooda u gooni ah. Laakiin habka nololeed dhulka ka jiro ayaa saameeyay dhammaan dadkoo dhan sidaas ayayna ubad badan ku waayeen fursad ay heli lahaayeen. Hasa ahaatee waxaa muuqdo isbadal tartiib u socdo waxaana filayaa inuu xawaaraha kordhi doono sanadaha soo socdo. Ibrahim Aden Shire Kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.co.uk/ Ishire86@gmail.com
  3. Mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda Lebanon iyo Xisbiga Lebanon’s Future Movement party ayaa Boqortooyada Sacuudiga ka dalbaday in si deg deg ah dalkiisa loogu soo celiyo ra’iisul wasaarihii hore ee Lebanon Saad al-Hariri oo 5 maalmood ka hor is-casilay isagoo ku sugan Sacuudiga,xilli ay soo baxayan warar sheegaya in al-Hariri lagu khasbay is-casilaadda,sida ay soo werisay Wakaaladda Wararka AP. Bayaan uu soo saaray Xisbiga Lebanon’s Future Movement oo uu ka tirsanaa al-Hariri,ayaa walaac looga muujiyey xaaladdiisa,waxaana lagu dalbaday in uu ka soo laabto dalka sacuudiga,haddii aan xabsi lagu hayn. Al-Hariri ayaa is-casilaaddiisa ka sheegay television laga leeyahay sacuudiga 4 bishaan Nov,isagoo sheegay in Hezbollah iyo Iran ay af-duubteen dalka Lebanon,islamarkaana ay doonayeen in ay shir-qool isaga ku dilaan. Laakiin hoggaamiyaha Hezbollah,Hassan Nasrallah ayaa hadalkaas ku tilmaamay mid ay Boqortooyada Sacuudigu u soo yeerisay oo khasab looga keenay”si loogu khalkhal geliyo midnimada iyo wadajirka dadweynaha reer Lebanon”. Ninka haatan laga hadlayo ee Saad al-Hariri aabbihiis oo ra’iisal wasaare ka soo noqday dalkaasi,ayaa ku dhintay qarax gaari oo ka dhacay caasimadda Beirut sannadkii 2005,waxaana dilkiisa lagu eedeeyey Ururka Hezbollah,hase yeeshee wuu beeniyey. Wasiirka Arrimaha debadda Lebanon ayaa sacuudiga ku eedeeyay in ay xabsi-guri ku hayaan Saad al-Hariri,wuxuuna codsaday in si deg deg ah loo soo celiyo,laakiin Sacuudiga ayaa beeniyey wararka tibaaxaya xiritaanka al-Hariri,waxayna ku tilmaameen”kuwo aan sal iyo raad lahayn”. Al-Hariri ayaa Khamiistii maanta sheegay in uu la kulmay safiirka France u jooga Sacuudiga,Ergeyga Midowga Yurub ee Sacuudiga iyo deblomaasiyiin kale,laakiin madaxweynaha France,Emmanuel Macron oo booqanaya Sacuudiga ayaa diiday in uu ka hadlo arrintaasi,wuxuuna sheegay in uu rajeynayo in xukuumad cusub loo dhiso dalka Lebanon . Dhinaca kale dalalka sacuudiga iyo Kuweyt ayaa muwaadiniintooda uga digay in ay u safraan waddanka Lebanon,halka kuwa ku suganna ay ugu baaqeen si deg deg ah in ay uga soo baxaan. Wakaaladda Wararka sacuudiga ee SPA,ayaa ka soo xigatay mas’uul ka tirsan Wasaaradda Arrimaha debadda Boqortooyada in xaaladda waddanka Lebanon ay qasantahay. “Boqortooyadu waxay talo ku siisay dhammaan muwaadiniinta in aanay u safrin dalka Lebanon,kuwa joogana ay uga soo baxaan sida ugu dhaksaha badan”,ayaa lagu yiri qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha debadda. Saacado yar kadib Xukuumadda Kuweyt ayaa muwaadiniinteeda ku waanisay in ay ka soo baxaan dalka Lebanon,sida lagu xusay bayaan lagu daabacay wakaaladda wararka KUNA. Taariikh kooban. Saad Hariri wuxuu ku dhashay magaalada Riyadh ee caasimadda Sacuudiga 18 April sannadkii 1970,waxaana dhalay ra’iisulwasaarihii hore ee Lebanon,Rafic Hariri, wuxuu ku soo barbaaray guri siyaasadda laga jecelyahay. Labo dhalasho ayuu ka haystaa sacuudiga iyo Lebanon Sannadkii 1992 ayuu ka baxay Jaamacadda McDonough Georgetown ee waddanka Maraykanka oo uu ka dhammeeyey Kuliyadda Maamulka iyo Maaraynta. ka hor intaanu siyaasadda gelin wuxuu soo noqday madaxa guddiga fulinta ee shirkadda Oger Telecom oo ah mid isgaarsiin oo ka shaqeysa Bariga dhexe iyo Afrika. 20 April sannadkii 2005 ,xilligaas oo aabbihiis qarax ku dhintay,waxaa loo magacaabay hoggaamiyaha Xasbiga Lebanon’s Future Movement oo uu horay madax uga ahaa abbihiis Rafic Hariri. 9 November 2009 waxaa loo magacaabay ra’iisul wasaaraha Lebanon,isagoo xilkaasi hayey tan iyo 13 June 2011. 12 December 2012 xukuumadda Syria ayaa soo saartay warqad lagu soo xirayo oo ay ku eedeysay in uu hubaynayey mucaaradkeeda,balse Al-hariri ayaa arrintaasi ku gacan sayray. 18 December 2016 ayaa mar kale loo magacaabay ra’iisal wasaaraha Lebanon,laakiin 4 November 2017,ayuu iska-casilay jagadaasi isagoo ku sugan Boqortooyada Sacuudiga,wuxuuna sheegay in dalkiisa ay af-duubteen Iran iyo Hezbollah,islamarkaana uu ka baqayo in ay shirqool ku dilaan. 9 November 2017 maanta ayaa Xukuumadda Lebanon ka dalbatay Sacuudiga in uu soo celiyo Al-hariri oo ay ku tilmaantay “mid guri ugu xiran Sacuudiga”. PUNTLANDPOST W/Q:Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Saad al-Hariri” Hezbollah iyo Iran ayaa af-duubtay Lebanon”. appeared first on Puntland Post.
  4. Madaxda Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dowladda Puntland oo uu wehliyo maamulka Gobolka Karkaar,Gudoomiyaha Degmada Rako raaxo, Cuqaal, iyo Waxgarad kala duwan ayaa si wada jir ah u dhagax dhigay Biyo-xireen cusub oo laga dhisayo Togga Dabqax oo ku yaala deegaanka Uur-jire ee Degmada Rako Raaxo. Dhagax dhiga biyoxireenkan cusub ka hor waxay waftigu soo indha indheeyeen xaalada deegaanada u dhexeeya Degmada Qardho iyo Degmada Rako Raaxo gaar ahaana xaalada Deegaanku ku sugan yahay iyagoo soo dhawayn balaaran kala kulmay qaybabaha kala duwan ee bulshada. Eng, Abdiweli Yuusuf Adan oo ah Injineerka Wasaarada Deegaanka ayaa sheegay Dhismaha biyo xireenka Dabqax uu ka mid yahay qorshaha Wasaarada Deegaanku ay ugu jirto latacaalida saamaynta isbedelka cimilada oo ay kamid tahay Biyo-yaridu, wuxuuna sheegay Injineerku in biyo xireenkan loogu talagalay inay ka faa’iidaystaan in kabadan 2,000 oo qoys oo ku nool deegaanka laga dhisayo iyo deegaanada kale oo u dhow. Kusimaha Gudoomiyaha Gobolka Karkaar,Cuqaasha,Waxgaradka Deegaanka iyo Maamulka Degmada Rako-Raaxo ee Gobolka Karkaar ayaa si wayn usoo dhaweeyey in biyo-xireenkii labaad oo Wasaaradda Deegaanka Puntland ka dhiseyso Gobolka,waxayna sheegeen inay ilaashan doonaan islamarkaasna ay rajaynayaan inay si wayn uga faa’iidaystaan. Wasiir kuxigeenka wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL Mudane, Maxamuud Ciise Maxamed (Maareeye) oo gabagabadii dhagax dhiga biyoxireenka Dabqax ka hadlay ayaa sheegey inuu yahay biyo xireenkani nooc casri ah islamarkaasna la rajaynayo inuu kaydiyo in ka badan toban Milyan litir oo biyo ah taas oo uu sheegey inay wax ka badali doonto nolosha dadka,xoolaha iyo duurjoogtaba. Wuxuuna kula dardaarmay Dadweynaha deegaanka inay ka fogaadaanwaxkasta oo waxyeeli kara dhismaha biyoxireenka. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Wasaarada Deegaanka Puntland oo biyo-xireenkii 2aad ka dhisaysa G.Karkaar appeared first on Puntland Post.
  5. Muqdisho (Caasimada Online)-Jeneraal Cabdullaahi Cali Caanood oo ah Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, ayaa ka hadlay howlgal ay ciidamada xoogga dalka ka wada deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Dhexe. General Caanood ayaa sheegay in howlgalada socda ay ku dileen Saddex ka tirsan maleeshiyaadka Al-shabaab, halka qaarna la dhaawacay. General Caanood ayaa sheegay in howlgaladani ay qeyb ka yihiin gulufka ka dhanka ah Al-Shabaab oo la doonayo in guud ahaan looga saaro dalka. Saraakiisha dowladda ee gobalka Shabellaha Dhaxe ayaa maalmahaan la soo dhaafay kordhiyay howlgalada waxayna Al-Shabaab kala wareegayn deegaano badan. Geesta kale, Al-shabaab dhankooda kama aanay hadal khasaaraha kasoio gaaray dagaalladii ka dhacay duleedka deegaana Basra. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Dood cilmiyeed ku saabsan dhiirigalinta dhalinyaradda iyo sidey ku gaari lahaayeen yoolkooda ayaa lagu qabtey galabta magaalada Garowe, waxaana soo qabanqaabisay xarunta The City Center Youth oo loo soo gaabiyay xarunta dhalinyaradda iyo wax akhriska. Waxaa kasoo qeybgalay doodaan oo socotey muddo ku dhaw shan saacadood Aqoonyahano,Dhalinyaro iyo Qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool magaalada Garowe. Gudoomiyaha xarunta The City Center Youth Cabdisalaan Faarax Cali (Karood) oo ka waramay ujeedada dood cilmiyeedka ayaa sheegay inay u baahan tahay dhalinyaraddu goobo loogu talagalay inay ku falanqeeyaan baahidooda. Dr Cabdiraxmaan Sulub oo ka mid ahaa aqoonyahanadii ka qeybgalay dooda ayaa ku booriyay dhalinyaradda inay isu diyaariyaan sidii ay ugu diyaargaroobi lahaayeen ka qeybqaadashada hanaanka kordhinta tacliinta iyo hogaaminta dalka. Dr Sulub ayaa ku dhaliilay hogaamiyaashii dalka soo marey inaysan uga tagin dhalinyaradda wax mustaqbal ah sidaas darteed loo baahan yahay dhalinyaro iminka abuurta mustaqbalka kuwa ka dambeeya. Dood cilmiyeedkan waxaa soo xaadirey qiyaastii dhalinyaro kor u dhaafeysa 100 qof oo isugu jira wiilal iyo gabdho ayay dhalinyaradu su,aalo ku weydiiyeen tirada ku dhawaad 8 Aqoonyahan oo intooda badan haysta shahaadada PHD. Ciid Qaran PUNTLAND POST The post Xarunta The City Center Youth oo dood cilmiyeed ku qabatey Garowe appeared first on Puntland Post.
  7. Mohammed bin Nayef, Saudi Arabia’s ex-crown prince who was ousted as next in line to the throne in June, has reportedly become the latest royal family member to be targeted in the kingdom’s expanding anti-corruption crackdown. According to Reuters news agency and the Wall Street Journal, bank accounts linked to Mohammed bin Nayef and to some of his immediate relatives were frozen by Saudi authorities. Both reports on Wednesday cited sources “familiar with the matter”. The Reuters report was also carried by Saudi state-owned media. The freezing of Mohammed bin Nayef’s accounts came as Saudi authorities launched a new arrest campaign as part of the widening purge that began on Saturday, according to Reuters. Dozens of royals, government officials and influential entrepreneurs have already been detained, facing, a number of allegations, including money laundering and bribery. Among those held are 11 princes, four ministers and several former ministers, in what is seen as an unprecedented crackdown that has shaken the kingdom. Meanwhile, the number of domestic bank accounts frozen as a result of the purge is more than 1,700 and increasing, according to the reports. High-profile detentions The steps were the latest in a series of policies widely seen as an effort by Crown Prince Mohammed bin Salman to assert power over the country and its political and business elite. On Saturday, King Salman bin Abdulaziz Al Saud announced that his son, the crown prince, would oversee a newly formed anti-graft commission that would purge the country of corruption. Prince Alwaleed bin Talal, a billionaire businessman who owns investment firm Kingdom Holding was among those held. The list of detainees also included senior ministers who were recently sacked, such as Prince Mitaab bin Abdullah, the head of the National Guard, and Adel Faqih, the economy minister. Mohammed bin Salman replaced his cousin, Mohammed bin Nayef, as the kingdom’s crown prince in June. Mohammed bin Nayef made his first confirmed public appearance since his ousting at the funeral on Tuesday for Prince Mansour bin Muqrin Al Saud, deputy governor of Asir province, according to Saudi media. Mansour bin Muqrin died in a helicopter crash on Sunday. No cause has been given for the crash. ‘Rights concerns’ On Wednesday, US-based Human Rights Watch (HRW) said in a statementthe “mass arrests” carried out by Saudi Arabia raises human rights concerns. “The middle-of-the-night simultaneous establishment of a new corruption body and mass arrests over corruption raise concerns that Saudi authorities detained people en masse and without outlining the basis of the detentions,” Sarah Leah Whitson, Middle East director at HRW, said. “While Saudi media are framing these measures as Mohammad bin Salman’s move against corruption, the mass arrests suggest this may be more about internal power politics,” she added. The rights group noted that arbitrary detention is in contravention of international human rights law, and demanded those arrested be informed of the “specific grounds for their arrest” and ” be able to fairly contest their detention before an independent and impartial judge”. “Saudi authorities have not disclosed the specific reasons for the detention of the dozens of other people since mid-September. But the detentions fit a pattern of human rights violations against peaceful advocates and dissidents, including harassment, intimidation, smear campaigns, travel bans, detention, and prosecution,” its statement added. Source: Aljazeera
  8. The Somali government on Tuesday pledged to donate $1 million to families of victims of the heinous Al-Shabaab truck bomb attack that occurred last month in Mogadishu. Somali prime minister, Hassan Ali Khaire said his government will stand shoulder by shoulder with the families of the victim. “The government of Somalia will deposit $1 million into the account of the committee assigned to help the victims by tomorrow (Wednesday).” Over 350 people were killed and more than 600 injured on October 14 when a truck detonated at a busy intersection close to homes to hotels, shops, restaurants, NGOs and government offices. Khaire said his government flown hundreds of injured to abroad with the help of its ally countries. The victims who were critically injured in the truck bomb explosion were airlifted to several countries including Turkey, Sudan, Kenya and Qatar for further treatment. No group has yet officially claimed the responsibility for the worst terrorist attack in Somalia’s violent history, although the Somali government blamed Al-Shabaab for it. Al-Shabaab, Al-Qaida affiliate has been fighting Somalia’s internationally recognised government to overtake the control. AMISOM and SNA troops launched operations to flush out from Somalia after the leaders of federal and state government agreed counteroffensive strategy against the group.
  9. Muqdisho (PP) ─ Taliska AMISOM ayaa joojiyay muddo shan maalmood ah dhammaan shaqooyinkii iyo dhaqdhaqaaqyadii ka socday Xalane ee xarun u ah ciidamada AMISOM, kuna dhagan garoonka diyaaradaha Muqdisho. Tallaabadan ayaa timid kaddib markii ay soo baxeen warar sheegaya inay Al-shabaab qorsheynayso inay weerarro la beegsadaan garoonka iyo Xalane oo ah xarunta AMISOM. Ciidamada Midowga Afrika ayaa soo saaray Qoraal agu amrayo dhammaan shirkadaha iyo shaqsiyaadka ka hawl-gala Xalane inay shaqadii laga joojiyay inta u dhexeysa 09-ka illaa 13-ka bishan November, iyadoo amarro culus oo dhinaca amniga ah laga soo saaray. Haddaba, Amarrada ay AMISOM soo saartay waxaa ka mid ah: In baaritaan xagga ammaanka la xiriira ka sameyn-doonto xerada shant amaalmood ee l xiray, iyada oo la adeegsan-doono tillaabooyin dheeraad ah sida Bandow la soo rogo, Eeyo wax baara iyo isbaarooyin ama Checkpoints. Dhammaan dadka halkaasi u shaqo-tagi jiray waxaa loo sheegayaa in ay u hoggaansamaan xayiraadda, waxaa kale oo Xerada Xalane laga mamnuucay shaqada dhismaha, ganacsiga, dhaqista gawaarida iyo dukaameysiga iwm. Sidoo kale, Dharka maalmood ee ay hawlaha amni socdaan waxaa lagu war-geliyay dhammaan; safaaradaha, shaqaalaha ajaanibta, Qandaraaslayaasha, shirkadaha iyo ganacsatada ka dhex-shaqeeya Xalane Amarradan soo socda; Inay xisaabiyaan gawaarida (yar iyo weyn) ee ku jira gudaha Xerada, sidoo kale waa in gawaarida taarkada cusub lagu dhaji-yaa sanadka 2018-ka. Shirkadaha waa in ay keenaan xogta ugu dambeysay ee shaqaalaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah iyada oo la soo raacinayo shahaadada (good of conduct) dalalka ay ka soo jeedaan Hoteellada Waa in ay soo gudbiyaan liiska macaamiisha, qolalka ay degan yihiin iyo wax ay qabtaan si maalinle ah. Waa in AMISOM loo ogolaado in ay baarto guryaha iyo dhammaan dhismayaasha iyada oo la adeegsanayo Eeyaha qaraxyada baara si hubka iyo waxyaalaha qarxa ee qarsoon loogu raadiyo. Waa in la joojiyaa dhammaan wixii shaqo inta bandowga socda xittaa haddii horay loo sii ballansanaa. Caddeyn ka keen labiska, kaararka aqoonsiga iyo Qandaraaska, kaasoo laga arki karo magaca shirkadda si loogu dabagelo dhib la’aan. Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Kaamka ka dhex-sahaqeeya waa in ay soo gudbiyaan liiska hubkooda iyo licences-ka lagu diiwaangeliyay, waxaa laga soo qaadaa dowladda federaalka ah. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa noqonaysa tii ugu horreysay oo AMISOM ay u soo saaraan sababo ammaanka la xiriira, iyadoo tani ay imaanayso xilli uu socdo abaabul dagaal oo ka dhan ah Al-shabaab. PUNTLAND POST The post AMISOM oo joojisay Shaqooyinkii ka socday Xalane iyo Amarro ay soo saartay [AKHRISO] appeared first on Puntland Post.
  10. Muqdisho (Caasimada Online)-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir guddoominayey Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre. Shirka ayaa waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo uu ugu horeeyo amniga, Warbixin la xiriirta Maxaabiista Soomaaliyeed ee ku xiran Hindiya, Tanzania, Cumaan, Uganda, Suudaan iyo wadamo kale. Ra’isal wasaaraha Somalia Xasan Cali Khayre ayaa faray wasiirka maaliyada Xukuumadda Federaalka Somalia C/raxmaan Ducaalle Bayle in maanta oo Khamiis la bixiyo lacagtii halka Milyan aheyd oo Dowladdu ay ugu deeqday dadkii ay wax yeelladu ka soo gaartay Qaraxii Zoobe. Waxaa sidoo kale kulanka Golaha Wasiirada looga hadlay xaaladaha amni ee ka jira dalka, waxaana Warbixin laga dhageystay Ku-simaha Agaasimaha Nabad Sugidda Somalia oo ka hadlay xaalada amni ee dalka iyo wixii u qabsoomay, wuxuuna sheegay in ay gacanta ku soo dhigeen rag abaabulayay Haamo Qaraxyo ah. Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Dib u heshiisiinta Federaalka Cabdi Faarax Juxa ayaa Golaha Warbixin ka siiyay shirkii Muqdisho ugu soo gaba gaboobay Madaxda Dowladda Federaalka iyo kuwa Maamul Goboleedyada, kaasi oo looga hadlay Doorashooyinka, Dastuurka iyo arrimo kale. Waxa ay sidoo kale, Golaha Wasiirada ansixiyeen siyaasadda Qaran ee dhalinayarad oo ay soo diyaarisay Wasaaradda Dhalinyarada, iyada oo sidoo kale la ansixiyay siyaasadda Qaran ee Maareynta Masiibooyinka, waxaana ugu dambeyn Golaha loo qeybiyay Miisaaniyada 2018-ka, oo Wasiirada ay soo aqrin doonaan. Ugu danbeyntii, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumada Federaalka Soomaaliya C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa warbaahinta u aqriyay waxyaabihii looga hadlay kulankii maanta ee Golaha Wasiiarada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  11. Waxaa laga yaabaa in aysan micno weyn kula lahayn doorashooyinka ka dhacaya jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday gooni isu taaga ee Somaliland, balse waa dhacdo taariikhi ah oo adduunka oo dhan isha lagu hayo, gaar ahaan Afrika. Waa goobtii ugu horeysay oo qaarada Afrika ay ka dhacdo codbixin dadka ay isticmaalayaan tijnoolajiyadda casriga ah. Doorashada oo ay ka qeybqaadanayaan wax ka badan toddobo boqol kun oo codbixiyeyaal ayaa waxaa u loolamaya saddex musharax oo ka kala socda saddexda xisbi ee kala ah Kulmiye oo uu u sharaxanyahay Muuse Biixi Cabdi, Waddani oo uu u sharaxanyahay Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) iyo UCID oo uu u sharaxanyahay Faysal Cali Waraabe. Madaxweynaha xilka haya ma tartamayo Waxyaabaha taariikhiga ah ee doorashadan ay kaga duwantahay kuwa badan oo Afrika inteeda kale ka dhaca ayaa ah in uusan tartamaynin madaxweynaha hadda xilka haya Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Waxaa intaas sii dheer in ololaha doorashada oo billowday 21-dii Oktoobar uu si nabad galyo ah ku socdo, aysana jirin wax dhibaato ah oo ka dhacday, iyo xanibaad dhanka dowladda ka timid. Guddiga doorashooyinka iyo habka doorashada u dhacayso waa mid waqti badan la galiyay, wadar-ogolna laga wada yahay si ka duwan meelo badan oo Afrika ka mid ah. Inkasta oo doorashada marar badan ay dib u dhacday, haddana kama dambays waxa ay dhacaysaa 13-ka bishan November. Doorka Tijnoolajiyadda Adduunka horumaray, gaar ahaan reer galbeedka ayaa xagga hore kaga jira in tiknoolajiyadda la isticmaalo marka ay doorasho dhacayso, balse Afrika waa xaajo ku cusub. Waxay noqonaysaa markii koowaad oo Afrika gudaheeda doorasho loo isticmaalo aaladaha casriga ah ee loo yaqaano Iris ee wajiga qofka aqoonsanaya, haddii uu markale soo laabtana sheegaya. Aaladahan ayaa waxaa la gaynayaa 1,642-da goobood ee laga codaynayo, kuwaas oo ku kala yaalaa 21-da deegaan-doorasho ee Somaliland. Waxaa doorashada hubinaya xalaalnimadeeda illaa 60 kormeerayaal caalami ah oo ka kala socda 24 dal oo adduunka ah, kana tirsan ururka caalamiga ah ee korjoogtada doorashooyinka ee lagu magacaabo EOM oo ay maalgaliso dowladda Ingiriiska. “Waa dhacdo taariikhi ah maadaamaa uusan ka qeybgalaynin madaxweynaha xilka haya” ayuu yiri Dr Michael Walls oo jaamacadda London University College oo hormuud ka ah kormeertada doorashada. Doorashadan ayaa waxa ay sidoo kale la gaar ahayd in musharixiinta ay ka qeybqaateen dood taleefishinka si toos ah looga baahiyay oo si furan su’aalo lagu weeydiinayay. Taleefishinka BBC-da oo kaashanaya HCTV iyo SBC TV ayaa sidoo kale maanta dood u qabanaya saddexda musharrax, waana tii labaad oo ay yeeshaan musharixiinta. W/Q: Cabdinaasir Saxansoxo BBC Somali, Nairobi
  12. Muqdisho (PP) ─ Ergayga Qaramada Midoobey ee Somalia Michael Keating, ayaa ka hadlay rajadooda ku aaddan in la dhaqan-galiyo heshiiskii 05-tii bishan dhex-maray Madaxda Dowladda Federaalka Somalia iyo Maamul-goboleedyada dalka ee ka dhacay Muqdisho. Danjire Keating, wuxuu sheegay in heshiiskii dhex-maray madaxda Qaranka uu ahaa mid guul, wadajir iyo midnimo ku soo dhammaaday. Wuxuuna intaa ku daray isagoo warbaahinta la hadlayay inay qabaan rajo weyn, wuxuuna ku caddeeyay hadalkiisa inuu jiro farqi kala geynaaya Dowladda hadda jirta iyo middii hore ee dhacday. Sidoo kale, Ergayga ayaa tilmaamay in Dowladda Somalia ee hadda jirta ay heysato fursado ay ku dhaqan galinkarto Qodobada ay la saxiixatay maamullada, halka dowladii hore ay ku furnaayen kacdoono siyaasadeed. ”Waxaan Qirayaa in Dowladda Somalia ee hadda jirta ay heysato fursado badan oo aysan haysan Dowladdii hore, farqiga u dhexeeya ayaa ah in Dowladdaan jirta ay haysato taageero shacab oo ka difaaci kara kacdoon siyaasadeed,” ayuu yiri Keating. Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. ”Sidaas darteed Waxaannu ku rajo weyn ka qabnaa in Dowladda Federaalka ah hada jirta ay sideeda u dhaqan-galiso heshiisyada jira si ay Somalia uga hanaqaado halka ay taagan tahay.” Dhanka kale, Danjire Michael Keating ayaa xusay inay filayaan in Dowladda ay ka fursado badnaan doonto middii hore, balse ay ka rajeynayaan inay ka dhabeyso himiladeeda dhanka siyaasada iyo horumarka. Ugu dambeyn, Ergayga QM ee Somalia ayaa tilmaamay in Somalia ay cagta-saartay dhabadii horumarka, wada jirka, midnimada iyo iskutashiga iyagoon cidna ka dhawraynin tageero iyo gacan qabashoba. PUNTLAND POST The post DANJIER KEATING: Madaxda Qaranka waa inay Hirgaliyaan Heshiiskii lagu saxiixay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  13. Ku-simaha taliyaha Booliiska Soomaaliyeed Gen. Mukhtaar Xuseen Afrax oo maanta Warbaahinta kula hadlay Xarunta taba-barka Booliiska Somaaliyeed ee General kaahiye ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in wax badan laga beddelayo hannaanka sugida amniga caasimadda Somaaliya. Taliye Afrax ayaa tilmaamay in ay samaynayaan qorshe cusub oo lagu sugayo amniga magaalada Muqdisho,iyadoo markii ugu horreysay la hirgelinayo sanaadiiq lagu uruurinayo ra’yiga dadweynaha ee ku aaddan horumarinta ammaanka. Shacabka caasimadda Muqdisho,ayuu ka codsaday in ay Booliska ka gacan siiyaan qorshahan cusub si loogu guulaysto xasilinta magaalada,halka uu ciidankana ugu baaqay in ay shacabka soo dhoweystaan,taaso uu ku tilmaamay”habka ugu fiican ee lagu wado shaqeyn karo”. Amniga magaalada Muqdisho ayaa sii xumaanayey bilihi ugu dambeeyey,waxaana lagu qaaday weerarro argagixiso dhowr ah,kuwaaso uu ku jiray qaraxii ugu khasaaaraha badnaa ee Taariikhda Soomaaliya,kaasoo lagu beegsaday Isgoyska Soobe,islamarkaana ay ku dhinteen ugu yaraan 358 ruux,laakiin hay’adaha ammaanka ee Muqdisho,sida Booliiska,Nabad Sugidda iyo kuwa Xasilinta caasimadda ayaa dhankooda sii waday hawlgallada,lamana oga qorshahan cusub iyo sida u wax uga beddelayo amni-darrada magaalada PUNTLANDPOST The post Magaalada Muqdisho oo markii ugu horreysay laga hirgelinayo sanaadiiqda Ra’yiga dadweynaha. appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimadda Onlne) – AMISOM ayaa qoraal ay soo saartay maanta ku sheegay in dhammaan wax alle wixii shaqo ah oo ka socday Xalane la joojiyay maalmaha 9-13, November 2013-ka. Qoraalka Waxaa Ugu Muhiimsanaa: AMISOM waxaa ay sheegeysaa in baaritaan xagga amaanka la xiriira ka sameyn-doono Kaamka 5-taas maalmood, iyada oo la adeegsan-doono tillaabooyin dheeraad ah sida Bandow la soo rogo, Eeyo wax baara iyo isbaarooyin ama Checkpoints. Dhammaan dadka halkaasi u shaqo-tagi jiray waxaa loo sheegayaa in ay u hoggaansamaan xayiraadda, waxaa la kale oo Kaamka laga mamnuucay shaqada dhismaha, ganacsiga, Airportiga, dhaqista gawaarida iyo dukaameysiga. Inta uu bandowga ama howlaha ammaanka socdaan waxaa safaaradaha, shaqaalaha Ajaanibta, qandaraaslayaasha, shirkadaha, dukaanleyda lagu war-gelinayaa: In ay xisaabiyaan gawaarida(yar iyo weyn) ee ku jira gudaha Kaamka, sidoo kale waa in gawaarida taarkada cusub lagu dhaji-yaa sanadka 2018-ka. Shirkadaha waa in ay keenaan xogta ugu dambeysay ee shaqaalaha maxaliga iyo kuwa caalamiga ah iyada oo la soo raacinayo shahaada( good of conduct) dalalka ay ka soo jeedaan Hotellada Waa in ay soo gudbiyaan liiska macaamiisha , qolalka ay degan yihiin iyo wax ay qabtaan si maalinle ah. Waa in AMISOM loo ogolaado in ay baarto guryaha iyo dhammaan dhismayaasha iyada oo la adeegsanayo Eeyaha qaraxyada baara si hubka iyo waxyaalaha qarxa ee qarsoon loogu raadiyo. Waa in la joojiyaa dhammaan wixii shaqo inta bandowga socda xittaa haddii horay loo sii ballansanaa. Cadeyn ka keen Unifomka, IDyada iyo qandaraaska kaas oo laga arki karo magaca shirkadda si loogu dabagelo dhib la’aan. Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee Kaamka ka dhex-sahaqeeya waa in ay soo gudbiyaan liiska hubkooda iyo licences-ka lagu diiwaangeliyay, waxaa laga soo qaadaa dowladda federaalka ah. Qoraalkan waxaa lala socod-siinayaa oo la geeyaa Sector 1 gaar ahaan xafiiska sirdoonka, inta uu socda bandawga. Dhammaan dadka howshan ay khuseyso, waxaa lagu wargelinayaa in ay u hogaansamaan maadaama aan shaqaale iyo gawaarida xamuul aan la ogaan-doonin dhammaan waddooyinka ama ka baxa Kaamka. Shaqada waxaa ay dib u bilaaban-doontaa 13-ka November marka dib u eegis lagu sameeyo in shaqada lagu guuleystay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. The post Shirka Golaha Wasiirada Puntland oo Looga Hadlay Amniga Xuduudaha Puntland, Siyaasad Wadaagga iyo Arrimo Kale. appeared first on Puntland Post.
  16. Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Puntland ayaa ku dhawaaqay Cabdulqaadir Axmed Cumar (Gurdux) inuu ku guulaystey jagada xeer ilaaliyaha Gobolka Nugaal ka dib markii uu ka guulaystey labo imtixaan oo ay ku tartameen lix qof. Xeer ilaaliye Gurdux ayaa bedelaya xeer ilaaliyihii horre ee Gobolka Nugaal Dheeraad oo muddo dheer soo hayay xilkaan. Dikreeto kasoo baxday xafiiska Xeer ilaaliyaha guud ee Dowladda Puntland Maxamuud Xasan Awcismaan ayaa lagu sheegay inay ka dambeysay arrintan ka dib markii uu ogeysiiyay Gudoomiyaha Maxkamadda sarre inay banaan tahay jagada xeer ilaalinta Gobolka Nugaal. Xeer ilaaliyaha cusub ee Gobolka Nugaal ayaa ka mid ahaa ardeydii ka aflaxday Jaamacadda PSU qeybta sharciga. Akhriso Dikreetadda. Abshir Dhiirane PUNTLAND POST The post Gobolka Nugaal oo yeeshay xeer ilaaliye cusub. appeared first on Puntland Post.
  17. Muqdisho (PP) ─ Wasaaradda Gaashaandhigga Somalia ayaa digniin kasoo saartay hawl-gallada ka dhanka ah Al-shabaab ee ay Ciidanka Millateriga DF iyo kuwa AMISOM ay fulin doonaan gobollada dalka. Ciidamada Huwanta ah ayaa looga digay inay askar ahaan u adeegsadaan carruurta da’doodu ka yar tahay 18-jirka iyo inay ku dhaqaaqaan boobka hantida shacabka deegaanada laga saaro ururka Al-shabaab inta ay socdaan hawl-gallada. Agaasimaha Wasaaradda Gaashaandhigga Prof. Sokor Jaamac Geyre ayaa ugu baaqay Ciidanka Dowladda Federaalka iyo kuwa AMISOM inay ilaaliyaan Qorshaha dowladda u dhigtay dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-shabaab. “Waxaa Khatar badan ka dhalan kartaa askareynta caruurta ka yar 18-jirka meelaha ay ciidamadu gaaraan, waxaa kaloo ka digaynaa in ciidanku boob u geystaan dadka ay ugu tagaan goobaha caddowga laga sifeynayo,” ayuu yiri Sokor Geyre. Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab wuu bilowday, Ciidanka Somalia iyo AMISOM waxay la wareegeen deegaano dhowr ah, Ciidamada waxaan ugu baaqayaa inay wanaagsan ula dhaqmaan shacabka, madaxda dalka ayaana dhiirri-gelinaya Ciidamada Qaranka.” Ugu dambeyn, Hadalkan ayaa kusoo beegmaya iyadoo ciidammo fara badan oo isugu jira kuwa Somalia iyo AMISOM ay gaareen deegaanno dhar ah si ay dagaal ugu qaadaan Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Wasaaradda Difaaca oo u digtay Ciidamada Somalia iyo AMISOM ee Dagaalka la galaya Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  18. Ciidanka militeriga Soomaaliya ayaa siyaadiyey hawlgallada lagu beegsanayo Al-shabaab ee degaannada ku yaalla xadka u dhexeeya gobollada Shabeellooyinka,halkaasoo ay ku sugan yihiin cutubyo ka tirsan ciidanka Xoogga Dalka,sida ay ku warrantay Wakaaladda SONNA. Abbaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. C/llaahi Cali Caanood,ayaa Wakaaladdu ka soo xigatay”in ugu yaraan saddex ka tirsan al-shabaab ay ku dhinteen,afar kalena ay ku dhaawacantay ” ,dagaal kooban oo militeriga Soomaaliya iyo Al-shabaab ku dhexmaray degaanka lagu magacaabo Basra,balse ma sheegin khasaaraha dhankooda gaaray. Sidoo kale ma jirto cid ka madax-bannaan dowladda oo warkaasi xaqiijisay. Dhinaca kale guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Hoose Ibraahim Aadan Cali (Najax) oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa sheegay in uu socdo hawlgal cusub oo lagu doonayo in Al-shabaab looga saaro degaannada ay kaga sugan yihiin gobolka,kaasoo sida uu hadalka u dhigay ay ka qayb qaadanayaan shacabka,inkastoo uusan faahfaahin ka bixin doorka shacabku hawlgalkaas ku leeyihiin. Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in degaannada laga xoreynayo Al-shabaab loo samaynayo maamul soo celiya nidaamkii iyo dowladnimadii,islamarkaana hirgeliya adeegyadii bulsho ee muddo ka maqnaaa,wuxuuna rajo ka muujiyey in hawlgalkaasi guulaysto. PUNTLAND POST The post Militeriga Soomaaliya oo sheegtay in ay dileen xubno ka tirsan Al-shabaab. appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Mudoo 4 Maaliin Wax Dhismo ah Kama Socdaan Garoonka Aadan Cadde iyo Fariisinta ugu Weyn AMISOM ee Xalane, sababtu waxay tahay baqdin laga qabo in Al-shabaab ay Gaadiid ay AMISOM ka qabsadeen ku weeraraan Garoonka iyo Xalane. Laba Gaari ayaa laga qaatay AMISOM waxaana ay ku dhaceen Gacanta Al-shabaab, waxaana aad looga baqanayaa iney Shabaab Qaraxyo usoo Adeegsadaan oo Xarumaha UN-ka lagu Weeraro. Saraakiil dhanka Ammaanka Garoonka iyo xarunta Xalane ah ayaa sheegay in Al-shabaab ay sidoo kale diyaariyeen 15 qof oo ka mid ah Shaqaalaha sida aan Joogtada aan aheyn uga Shaqeeya Dhismooyinka Xalane oo Qaraxyada kadib Weeraro Toos ah fulin doona. In ka badan 700 oo Shaqaale ah ayaa Shaqadii laga Joojiyay Cabsidaas Dateed, Gawaaridii Waaweynaa ee Dhismooyinka ka shaqeynayayna waa la Hakiyay. Banaanka Garoonka oo Kaliya ayaa laga Dareemayaa Arintan oo Gudaha Garoonka Xaalkeeda waa Caadi. AMISOM, UN iyo Dowladda Federal-ka ah ayaa qaba feejignaan Amni middii ugu xoogganeyd maaddaama ay AMISOM gaadiidka laga dhacay sababi karaan in si kedis ah ay ugu gudbaan gudaha Garoonka ama Xarunta Xalane, halkaas oo shabaabku ay qaraxyo iyo weerarro Toos ah ku fulin karaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Federaalka Soomalaiya ayaa waxa ay dhaq dhaqaaq Ciidan ka wadaan degaanka Basra oo shalay gelinkii gelinkii dambe ay kula dagaalameen Dagaalyahano ka tirsan Uurka Al-Shabaab. Dagaalkan ayaa wuxuu yimid kadib markii Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-shabaab ay weerar saf balaaran ku soo qaadeen fariisin Ciidanka Dowladda ay ku leeyihiin degaanka Basra, halkaasi oo uu ku dhexmaray dagaal aad u qaraar. Ciidamada Dowladda oo aad u hubeysan, watana Gaadiidka dagaalka ayaa waxaa lagu arkayaa wadooyinka waa weyn ee soo gala degaanka Basra, iyo meelo gaar ah oo ay u maleynayaan in ay soo mareen Shabaabkii weerarka soo qaaday. Degaanka Basra ayaa ka mid ah degaano Ciidamada Dowladda Soomaaliya ay Todobaadkan kala wareegeen ururka Al-shabaab, oo ku yaalla Shabeellooyinka, kuwaasi oo ay ka mid yihiin Buulo-Kuuto, Daniga Baalow iyo Degaanka Jabaluul. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. By Rageh Omaar : Throughout that time I never thought I would see people in Somaliland turn out in their tens of thousands for a multi-party election. Yet that is exactly what is happening right now. A country that had been in the grip of hunger and disease is now in the grip of election fever. SOURCE: ITV
  22. If yes, we do. Have you ever asked why our system is so uncompromising or irreconcilable? They are a confluence of problems that make up the tectonic shifts in our politics. Firstly, we are facing challenges in building inclusive national identity. Unlike, the exclusivist clan, Somali, Islam identity. Somalilandism is the common ground that unites all of us. Secondly, the first phase of democratization in Somaliland is successful. So far, three free and fair elections were held in the country peacefully. Unluckily, clan politics gained ground to race. This has eroded the faith in our electoral system because it revealed the stabbing division and that clan linkage is stronger than common citizenship. Some of the society are excluded from the system or their voices are not heard because they don’t belong to clan x or y. I strongly believe that our society are victims of tribal demagogue who have imposed falsified perception about tribes. In addition, Somaliland’s political trajectory has shown the world the fragility of democracy. It is delicate ecosystem that needs free media and civic consciousness. Ordinary citizens can’t exercise their rights to probe, criticize and question about people in power. Therefore, Somaliland seems illiberal from far due to its record of curbing freedom of press and religious tolerance. More importantly, Somaliland has made economic progress. But, the current financial crisis exposed the deep ties between government and systemic corporate greed, aided by stench of envy, mixed with resentment, the justification for national theft filled the air. These big companies are run by Sheikhs who purposefully polarize their own society for political profit, the result is rage and violence in the making. To consolidate the little progress, we need market based economy guided by macro-economic policies set by competent state. Currently, our society are in a state I call “the normalization of absurdity”. No one questions why some corrupt ministers are looting their wealth. It does not matter how much he has taken as long as he is their tribe or in other words the thief is theirs. The sense of commonality and collective consciousness is lost long ago. That will eventually lead to the failure of state to rationally respond to legitimate grievances and, will give rise to extremism. Lastly, we have fake democracy, growing less responsive and less representative by the day. It is the responsibility of the parliament to take into account to government. But, they prefer their interests rather than majority will. Abdiqani Suleiman Abdiqani Suleiman or can be reached by qani623@gmail.com or by twitter @abdiqanisuleim3 Dr in making and seasonal writer based in adisababa, Ethiopia
  23. Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-shabaab oo ay ka qeyb qataan, Ciidanka DFS kuwa AMISOM, Maamul Goboleedyada iyo xataa Shacabka Soomaaliyeed. Gobollada Bakool iyo Hiiraan waxaa ka billowday durba Ciidamo iskood u abaabulan oo diyaar u ah in ay la dagaallamaan Al-shabaab, kuwaas oo aan ka amar qaadan DFS. Ciidankaas oo tiro ahaan ka badan 300 oo Askari isla markaana ilaa hadda ah maleyshiyo aan cidna ka amar qaadan marka laga reebo Talis ay iyagu leeyihiin, waxaa ka dhalan karta halis kale oo dhanka Ammaanka ah. Taliye ku xigeenka Ciidamadaas iskood isu Abaabulay oo la yiraahdo Cabdullaahi Cabdi Zabriye ayaa u sheegay mid ka mid ah Idaacadaha Muqdisho in ay halkooda ka billaabayaan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, haba noqotee waxaa kuwaasi ay sababi karaan Amniga waxyeello soo gaarta, maaddaama aysan jirin cid ay Hoos tagaan. Durbadiiba wuxuu sheegay in dhankooda ay diyaar garoobeen isla markaana ay howsha ugu horreysa ka billaabayaan in ay Isbaarooyinka Shabaab ka nadiifiyaan waddooyinka isku xira Hiiraan iyo Bakool. Madaxweynaha ayey dadka siyaasadda Indhaha ku haya ku dhaliileen go’aanka uu ugu dhawaaqay in shacabku ka qeyb qaataan dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, waxaana taasi ay noqon kartaa halis Amni oo hor leh, maaddaama uusan jiri Karin iska warqab buuxa oo ciidanka Dowladda, Kuwa AMISOM iyo dadka iskood isu abaabulaya ee dagaalka isku dhanka ah kula jira Shabaab. Khataraha ka dhalan kara waxaa ka mid ah, in ciidanka DFS iyo kuwa AMISOM aysan kala garan doonin Maleyshiyaadka iyaga Garabka siinaya iyo Al-shabaab oo ah cidda ay la dagaallamayaan, taas oo keeni karta in xataa malleyshiyadaas iyo ciidanka qaranku ay isku dhacaan. Qorshaha shacabku uga qeyb qaadan karo dagaalka lama Caddeyn sida ay Ogaatay Xogdoonnews, haddii hadalka Madaxweyne Farmaajo uu ahaa in shacabku hubka qaataan waa Khatar Amni oo hor leh, haddiise uu ula jeeday in ay garab siiyaan ciidanka DFS iyagoo aan hubeysneyn waa in hubka laga dhigo malleyshiyaadka durbadiiba billaabay dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab, taaso u baahan in laga fiirsado oo dib loo eego xaaladda Ammaan ee dalku geli karo marka ay shacabku hubka qaataan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. By: Farah Yusuf HARGEISA— Voting in the presidential election will begin in a matter of days in Somaliland. Somaliland security heightened amid fears of terrorist attacks carried out before and after the elections. Security remains tight across the country on the directives of the interior ministry and the police commissioner. Police nabbed on last Monday 7 suspects in Hargeisa who are thought to be masterminding attacks against Somaliland. Two other suspects were arrested in the down town armed with weapons as reports indicate. The nine suspects who are in detention as police are interrogating at the moment. The landlord whom the suspects rented a house is under police custody.They are said to be in the country for two weeks planning to conduct terrorist attacks against Somaliland. Al Shabab conducted terrorist attacks in Somaliland in 2008 targeting the presidential palace, UNDP compound and Ethiopian Consulate in Hargeisa. In another development ahead of SL presidential polls that Puntland, a provincial administration in Somalia which borders with Somaliland is said to be amassing troops in amid a border spat with Somaliland’s armed forces. Puntland deployed armed vehicles and troops in Tukaraq and Taleeh which is under SL’s control. The objective behind Puntland amassing troops in the Sool is perceived as an act of aggression with Somaliland. Somaliland defense forces in the front lines are on high alert and have moved to the areas that Puntland have deployed its forces. It is likely that the two forces will clash in a deadly skirmishes. This comes after Puntland parliament voted that its forces must stop SL to conduct elections in Sool, Sanaag and Ayn regions. It is said that Somaliland exceeds Puntland in terms of defense forces. Defense reports confirm that Puntland cannot withstand SL’s armed forces due to lack of equipment and as well as robust forces.
  25. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wasiirkii hore ee Warfaafinta Soomaaliya Mustaf Dhuxulow ayaa Magaalada Muqdisho ka bilaabay olole cusub oo shaqaalaha dowladda uga saarayo shaqaalanimo, isagoo garab maray sharciga Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda Soomaaliya. Mustaf Dhuxulow ayaa bilaabay olole uu laf kamid ah Beeshiis Murusade oo lagu magacaabo Saciid Abakar uga saarayo Liiska Shaqaalaha dowladda Soomaaliya, isagoo boos kasta oo kamid ah boosaskaas uu ku badalayo shakhsiyaad kale oo kasoo jeedo Beeshiisa Habarceyn,gaar ahaan Orgaale. Mustaf Dhuxulow ayaa asbuucii lasoo dhaafay Liiska Shaqaalaha dowladda ka saaray Wariye ka tirsan Idaacadda Radio Muqdisho oo lagu magacaabo Maxamed Muuse Maxamed (Gulfaan) kaasoo aan gelin wax dambe qaran oo uu ku muteystay inuu ku waayo shaqadiisa, maadaama uu Dastuurka Soomaaliya dhigayo inaan shaqaalaha rayidka laga saari karin liiska illaa lagu helo dambi qaran oo lasoo marsiiyey maxkamad. Mustaf Dhuxulow oo garab ka helayo Wasiirka Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Eng. Yariisow ayaa si sharci darro ah shaqada uga ceeriyey Wariyahaas ka tirsan Idaacadda Radio Muqdisho, wuxuuna mar qura ka war helay waraaq laga dhigay albaabka hore ee Xafiiska Raadiyaha isagoo aan la siin wax degniin ah ama loo sheegin sababta uu shaqadiisa ku waayey. Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegeyso inuu Mustaf Dhuxulow la xiriirayo shaqaale kasta oo ka tirsan dowladda Soomaaliya kana soo jeedo Beeshiisa isagoo waydiisanayo lacag baad ah oo laga siiyo mushaaraadkooda, wuxuuna tallaabo shaqo joojin ah ka qaadayaa cid kasta oo diido baadaas aan la ogeyn marka ay sharci noqotay. Wasiirkii hore ee Warfaafinta Dowladda Soomaaliya ayaa si qaldan uga faa’ideysanayo awoodda dowladinimo, mana jirto xil uu dowladda Soomaaliya u hayo marka laga reebo xubinimadiisa Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana is waydiin mudan xilka uu Dhuxulow ka hayo Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya. Maahan markii ugu horeysay ee uu Mustaf Dhuxulow qaado tallaabo noocaan ah, waxaana horey loo xasuustaa inuu shaqada ka ceeriyey Agaasimihii hore ee Radio Muqdisho Axmed Faarax Gaatamow oo kasoo jeedo Beesha Daguuro, wuxuuna Mustaf Dhuxulow ka sheeqeeyey in booskaas loo magacaabo Cabdifataax Daahir Jeyte oo kasoo jeedo Beesha Habarceyne. Cabdifataax Daahir Jeyte oo gudayo abaalkii uu Mustaf Dhuxulow u galay ayaa Mustaf ka caawiyey in shaqada laga ceeriyo Wariyahaas ka tirsan Radio Muqdisho oo si sharci darro ah shaqada looga joojiyey. Musftaf Dhuxulow oo garab taageero ka heysto Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa bilaabay inuu ku takrifalo awoodda dowladeed, isagoo liiska Shaqaalaha dowladda ka saaray shakhsiyaad badan oo kasoo jeedo Saciid Abakar. Mustaf Dhuxulow ayaa lasoo baxay dabeecado aan horey loogu aqoon, lamana garanayo sababta ilaa hadda keentay inuu si gaar ah u ugaarsado beeshiisa. Waxaa Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya ka socdo kulamo waaweyn oo ay leeyihiin Odayaasha, Xildhibaanada iyo Waxgaradka Beesha Murusade, waxaana la filayaa in laga soo saaro qodobo ka dhan ah ugaarsiga uu maalmihii dambe bilaabay Muftaf Dhuxulow.