Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    194,769
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. At least 61 people have been killed in clashes between different ethnic groups in Ethiopia’s Oromiya region, officials said, the latest bout of violence to highlight increasing instability in a province racked by bloody protests in 2015 and 2016. From Thursday, 29 ethnic Oromos were killed by ethnic Somali attackers in the region’s Hawi Gudina and Daro Lebu districts, regional spokesman Addisu Arega Kitessa said. The violence triggered revenge attacks by ethnic Oromos in another district, resulting in the killing of 32 Somalis who were being sheltered in the area following a previous round of violence. “The region is working to bring the perpetrators to justice,” the spokesman said in a statement. The cause of the latest violence was not known, but it followed protests in Oromiya’s Celenko town where the region’s officials said 16 ethnic Oromos were shot dead on Tuesday by soldiers trying to disperse the crowd. “We do not know who ordered the deployment of the military. This illegal act should be punished,” said Lema Megersa, the region’s president. The clashes are likely to fuel fears about security in Ethiopia, the region’s biggest economy and a staunch Western ally. Lema’s comments also illustrate growing friction within Ethiopia’s ruling EPRDF coalition, since unrest roiled the Oromiya region in 2015 and 2016, when hundreds of people were killed. At that time, the violence forced the government to impose a nine-month state of emergency that was only lifted in August. The unrest was provoked by a development scheme for the capital Addis Ababa that dissidents said amounted to land grabs and turned into broader anti-government demonstrations over political and human rights. It included attacks on businesses, many of them foreign-owned, including farms growing flowers for export. (Source: Reuters)
  2. During decades of civil war, illegal fishers ransacked the country’s waters. New research shows that foreign fleets took vastly more fish from Somali waters than official statistics suggested. Photo by Africa Collection/Alamy Stock Photo Somalia was at war with itself. The Siad Barre government, which had taken power in a coup in 1969, fell in 1991, plunging the nation of 10 million into civil war. In the aftermath, warring warlords tore the Horn of Africa apart. And into this 3,330-kilometer-long void—the longest coastline in continental Africa—foreign fishing fleets swarmed. According to a new study, from 1950 to 2015—though mostly after 1990—foreign fleets took 2.4 million tonnes of Somalia’s fish, 80 percent more than official statistics suggested. For years, Somalia’s subsistence and commercial fishers lost out to foreign industrial fleets from Italy, Japan, Greece, Singapore, Egypt, the former USSR, and China. Not all of the fishing was illegal, but the period was essentially a free-for-all as unlicensed foreign fleets devoured Somalia’s fish with rampant disregard for domestic and international law, says Tim Cashion, a fisheries expert with the Sea Around Us project at the University of British Columbia who worked on the new research. Unsurprisingly, the species and number of fish being caught by Somali and foreign fishers alike was largely undocumented during this period. The United Nations Food and Agriculture Organization, which tracks fish catches globally, was left to estimate the scale of the catch in the region, Cashion says. To fill the gap, Cashion and others with the Sea Around Us project worked with Secure Fisheries, a program of One Earth Future, a United States foundation, to reconstruct the actual domestic and foreign fleet catch data in Somali waters from 1950 to 2015. Digging up the missing data felt like detective work, says Dirk Zeller, the executive director of Sea Around Us. The team scoured the globe for information, going well beyond traditional fisheries science sources. They dug into reports from development agencies, human health projects, and news articles, and reached out to people who worked in Somalia at some point over the past five decades to glean any information they could. “You feel like a literature sleuth, snooping and searching for anything suitable,” Zeller says. “Once you have amassed what you could find, it then becomes like a large puzzle.” The easy pieces represented by the official data made up the corners and outside frame of the puzzle, Zeller says. That set the scene within which the team gradually evaluated additional information to see where it might fit. Over time, they assembled the whole puzzle. The work resulted in the first accurate time series of total domestic and foreign fisheries catches in Somalia, Cashion says. “Not only does this research give a more accurate picture of how much was caught, but also what was caught by whom,” he says. Somali has had an internationally recognized federal government for five years, and Cashion says the reconstructed catch data should give the country a better understanding of past fishing activities. This could help the government devise suitable policies for domestic fisheries development and determine any access given to foreign fleets. Foreign licensing would generate income, which could help fund government programs, including fisheries management. However, it’s important to balance the need for long-term domestic food security and opportunities for domestic fishermen with short-term earnings that come from foreign licensing. Many African nations are faced with making similar decisions about domestic versus foreign fishing access, and incomplete or missing catch data can lead to decisions that tip the scale in a detrimental way, Cashion adds. Fisheries managers need data to guide effective fisheries policy, says Omar Mahadalle, a Somali master’s candidate in marine biology at Silliman University in the Philippines. But Somalia doesn’t have professionals to perform data collection, analyses, and processing, he says. In the absence of effective fisheries policy and enforcement capability, the benefit to be gained from this new data could be limited. “That does not stop the study being considered as a reference for further research,” he adds. Munyaradzi Makoni is a freelance science journalist from Zimbabwe who lives in Cape Town. He writes about agriculture, climate change, environment, marine sciences, health, higher education, sustainable development, and science in general. He was Canada’s International Development Research Centre-Research Africa science journalism fellow in 2012. His journalism work has appeared in various media organizations including Africa Renewal, Forskning & Framsteg, Intellectual Property Watch, IPS, SciDev.net, Thomson Reuters Foundation, and University World News among others. Hakaimagazine
  3. Xulka kubada cagta Puntland ayaa galabta maraya tijaabo culus oo ku saabsan tartanka kubada cagta dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, iyagoona la ciyaaridoona gobolka Banaadir. Kooxda matalaysa Puntland oo ah horyaalka Soomaaliya, ayaa galabta haddii ay badiyaan waxay ugudbidoonaan kama dambaysta tartankaan, iyagoo goortaas sugaya midka soo baxa Jubbaland iyo Koonfur galbeed. Puntland, xulkeeda waxaa ka go’an inay mar kale koob usoo galbiyaan Puntland halka kooxda Banaadirna ay doonayso inay koobkaan qaado markii ugu horeysay. Maxaa ku cusub ciyaartaan? Banaadir waxay waayidoontaa saddex ciyaaryahan oo muhiim ah oo kala ah, gool dhaliyahooda numberka sagaalaad u xiran, sidoo kale numberka todobaad iyo numberka shanaad oo difaac ka ciyaara, waxayna dhammaantood kulankaan ku seegidoonaan ganaaxyo labo jaalle ah. Xulka Puntland, waxaa ka maqan difaacoodii Jaamac Muuse oo xanuusan, kaasoo aan tartanka ka qeyn qaadan iyo labo ciyaaryahan oo kulamadii hore ku dhowaacmay. Tababaraha xulka kubada cagta Puntland, Maxamed Ciiro ayaa sheegay inay galabta xulka Puntland lasoo bixidoono awoodiisa lagu yaqaanay islamarkaasna aysan wax wel wel ah ku haynin ciyaarta galabta. Puntlandi.com
  4. Garowe (Puntlandi) Xarunta dowladda hoose ee Garowe ayaa maanta lagu qabtay shir ku saabsan dajinta baraanimjka qorshaha horumarinta degmada Garowe shanta sano ee soo socota, waxaana ka qeyb galay dadweyne lagasoo xulay xaafadaha iyo tuulooyinka. Barnaanmijkaan oo ku bilaabanaya xog aruurin laga sameynayo xaafadaha Garowe iyo tuulooyinka hoos yimaada caasimadda, ayaa ujeedadiisu wuxuu yahay sidii loo diyaarin lahaa buuga horumarinta qorshaha shanta sano soo socota ee degmada Garowe. Degmada Garowe oo kamid ah degmooyinka sida wacan uga faa’idaystay mashruuca JPLG, ayaa hadana mar labaad ku guulaystay mashruucaan shanta sano ee soo socota, waxaana dadweynaha fursad loo siiyay inay soo bandhigaan baahiyahooda horumarinta kaabayaasha. Meelaha ugu badan ee caasimaddu ka faa’idaysatay mashruuca JPLG waxaa kamid ah, xaga wadooyinka, iyadoo Garowe ay noqotay magaalada ugu laamiyada badan Puntland. Guddoomiyayaasha xaafadaha Garowe, ayaa soo dhoweeyay mashruucaan in mar labaad loo ansixiyay magaalada Garowe iyo degmooyin kale ee Puntland, waxayna cadeeyeen inay diyaar u yihiin inay la shaqeeyaan kooxaha sameynaya xog ururinta sameynaya. Ku xigeenka duqa degmada Garowe, Cismaan Towxiid, ayaa kula dardaarmay guddoomiyayaasha xaafadaha inay wadatashi la sameeyaan laamaha xaafadaha islamarkaana ay xaafad kasta kasoo qoraan baahida dhabta ah ee ka jirta, si shanta sano ee soo socota wax looga qabto baahiyahaas. Guddoomiye ku xigeenka wuxuu qiray in degmada Garowe tahay degmada sida ugu wanaagsan uga faa;idaysatay mashruucaan JPLG, oo ah mashruuc ay ku bahoobeen shan hay’addood oo katirsan Qaramada Midoobay. Agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Puntland, Maxamed Cali Nuur Jubba, ayaa sheegay qorshayaashaan inay qeyb ka yihiin dadaalada dowladda Puntland ugu jirto in la horumariyo degmooyinka Puntland, isagoo in dadweynaha fursad loo siiyay inay iyagu dajiyaan qorshaha horumarinta degmadooda. Puntlandi.com .
  5. Muqdisho (Caasimadda Online) – Saacado kaddib markii Ciidamada NISA ay xalay weerareen Guriga siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, kadibna ay xireen, iyadoo intii howlgalkaas socday uu ka dhashay dhimasho iyo dhaawac waxaa Magaalada Muqdisho maanta ka jiro Xaalado. Xildhibaano iyo Siyaasiyiin kasoo jeedo Beesha Habargidir ayaa Muqdisho ka bilaabay kulamo kala duwan oo looga hadlayo arrintaan, waxaana kulamo ka kala socdaan Hotelo ku yaalo Magaalada Muqdisho. Hotel Saxafi ayaa sheegaya in xilligan uu kulan u socdo siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada ku abtirsada Beesha Hawiye, waxaana gogoshan la sheegay inay dhigeen Xildhibaanada Beesha H/gidir oo ka carooday falkii xariga ahaa ee siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, waxaana Xildhibaanadaas hoggaanka u hayo Axmed Macalin Fiqi. Sida aan xogta ku heleyno kulankaan ayaa ah mid albaabada u xiran yihiin, waxaana looga arrinsanayaa xarigga Cabdiraxmaan Cabdishakuur, waxaana laga yaabaa in laga soo saaro war murtiyeed looga soo horjeedo xarigaas ay ku tilmaameen inuu yahay mid sharci darro ah. Dhanka kale kulan kale oo ay leeyihiin Odayaasha dhaqanka ee Beesha H/gidir ayaa ka socda Hotelka Diblomatic, waxaana kulankan uu qeyb ka yahay kulamada siyaasadeed ee ka dhashay dhacdadii xalay ka dhacday magaalada Muqdisho. Ciidamada Dowladda ayaa xiray inta badan Magaalada Muqdisho, waxayna wararkii ugu dambeeyey sheegayaan in jidadka loo xiray madaxweyne Farmaajo oo Gaashaandhigga kula hadlayo Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliya. Dadka reer Muqdisho ayaa waxaa u taagan dhegaha, iyadoo xaalad walba isha lagu haayo, waxaana baraha bulshada hareeyay qoraalo lid isku ah oo looga hadlayo dhacdadii xalay lagu xiray siyaasiga C/raxmaan C/shakuur. Howlgalkii Xalay lagu qaaday guriga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay in lagu dilay 6 kamid ah ilaaladiisa oo isugu jiray Habargidir iyo Raxanweyne. Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa hadda ku xiran Habar Khadiijo, waxaana laga yaabaa in lagu soo oogo dambiyo, waxayna wararka qaar sheegayaan inuu xarigiisa amray Xeer Ilaaliyaha Qaranka kaasoo amray in si deg deg ah loo soo xiro. Sidoo kale Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ayaa laga dhigay waraaq lagu amrayey inusuan dalka ka bixi karin maadaama la doonayo in baaritaan lagu sameeyo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Wararkii ugu dambeeyay xaalada Muqdisho iyo kulamo siyaasadeed oo ka kala socdo Hotelo ku yaal Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  6. Bosaso-[Puntland Post]-Kooxo hubaysan ayaa goor dhaweyd ku dilay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada Canshuuraha Boosaaso. Labada Askari oo lagu dilay Bartamaha Boosaaso, ayaa loo dilay si gaadmo ah sida ay Puntland Post u sheegen Dad ka ag dhawaa Goobtu dilku ka dhacay waxaana Kooxaha dilka geystay ay ka baxsadeen goobta. Halka dilku uu ka dhacay ayaa ahayd goob mashquul badan waxaana aad ugu badnaa Gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa dadka. Maydka labada Marxuum, ayaa la geeyay Cisbitaalka wayn ee magaalada Boosaaso, halkaas oo ay tageen ehelada dad ka shaqeeya Canshuuraha. Ciidamada amniga Boosaaso ayaa tagay goobta, waxayna sameeyen hawlgalo ka dib markii uu dilku dhacay. Waxaa dilku uu kuso aadayaa xilli Ciidamada Amaanka Bosaso ay malmihii ugu danbeeyey hawlgalo la xirii aminag ay ka wadan Bosaso. Faahfaahin dheeraad ah filo goor dhow Puntland Post insha allah The post DEG DEG: Laba Askari Oo Lagu Dilay Magaalada Boosaaso appeared first on Puntland Post.
  7. Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xiray waddooyinka magaalada Muqdisho qaarkood, waxaana la arkayaa askar badan oo daadsan waddooyinkaasi. Laga soo bilaabo isgoyska Zoobe, KM-4, wadada aadda dhanka Tarbuunka iyo qeyb kamid ah wadada Makka Al-mukarrama ayaa loo diidayaa iney isticmaalaan gaadiidka dadweynaha. Lama oga sababta ka dambeysay in la xiro waddooyinkaan, iyadoo ciidamada ay darawallada gaadiidka ku wargelinayaan in aan la ogoleyn marista waddooyinkaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source
  8. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Nabadsugida Qaranka ayaa xalay gacanta ku dhigay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame, kaddib markii ay weerareen Guri uu ka degenaa magaalada Muqdisho oo ku dhow Garoonka Diyaaradaha. Wararka ayaa sheegaya in Ciidamada Nabadsugida oo watay gaadiidka dagaalka ay xalay saqdii dhexe weerareen gurigiisa, iyadoo la maqlayay rasaas culus oo ay is weydaarsadeen Ilaaladiisa iyo Ciidamadii Nabadsugida. Is rasaaseynta kaddib Ciidamada NISA ayaa u suuragashay inay la wareegaan gurigiisa, kaddibna ay ka soo kaxeeyaan, wararka ayaa sheegaya in la xiray C/raxmaan C/shakuur Warsame. Goob joogayaal ayaa sheegaya in is rasaaseynta lagu dilay afar ka mid ah Ilaalada C/raxmaan C/shakuur. Ilaalada Cabdiraxmaan Cabdishakuur laga dilay ayaa la xaqiijiyey inay yihiin ilaa 6 Askari kuwaas oo saakay meydkooda la geeyey CID-da. Caasimdda Online ayaa heshay Beelaha ay kasoo kala jeedaan lixdaas Askari oo kala ah sida hoos kaaga muuqato: 4 Ceyr ah 1 Saleebaan iyo 1 Raxanweyne ah Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Akhriso beelaha ay kasoo kala jeedaan Ciidamadii Ilaalada u ahaa Cabdiraxmaan Cabdishakuur ee la dilay appeared first on Caasimada Online.
  9. Helidda adeegyada caafimaad, waxaa ay muhiimad u tahay qof kasta oo Soomaaliya ku nool, xilligii hore, waxaa ay ka mid ahaan jirtay wadamadii heli jiray adeegyada caafimaad ee loo simanyahay xilligii dowladdii dhexe, dadkuna adeeyadaasi waxa ay u heli jireen si siman, mana u kala saarneyn mid wax heysta iyo mid dan yar ah. Dr Maxamed Maxamuud Cali Oo ka howl-gala xarunta caafimaad ee Bulaale oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay ay muhiim u tahay in qof kasta uu helo daryeel caafimaad. “Mar haddii ay dowlad bixineyso adeeg sharciga koowaad waxaa waaye in loo sinnaado barnaamijkii la dhihi jiray daryeelka asaasiga ah ee caafimaadka waxaa uu ku saleysanyahay in caafimaadka uu qof kasta helo loona simanyahay oo aysan kala sareyn jirin “. Dad badan ayaa halis ugu jira inay dhintaan iyaga oo aan haysan kharashaad ay ku badbaadiyaan nafsadooda haba ugu badnaadaan hooyada iyo dhallaanka kuwaasi oo ah kuwo u nugul dayaca caafimaad. Maano Cali, Hooyo Danyar Ah isla markaana ku nool Kaamka Bay iyo Bakool ayaa waxaa ay tiri “Isbitaallada kaama yeelayaan lacag ma heysti”. Hooyooyinka Soomaaliyeed ee danyarta ah waxay la kulmaan halis xooggan oo soo wajahda xilliyada dhalmada waxayna ku dhex dhalaan xeryaha qaxootiga oo ay dhex deganyihiin, waxaana jira qaar u dhintay diig bax ka dib markii ay waayeen gargaarkii caafimaad oo ay u baahnaayeen. Aamina Maxamed Hooyo Danyar Ah oo iyadana isla Kaamkaas ku nool waxaa ay tiri “ Shan ruux ayaa umul raacday oo gargaar waayeen dig baxna u dhintay iyaga oo dhalay markaasi “. Cabsi ayaa soo wajahda xilliyada dhalmada hooyooyinka uurka leh ee waxbana heysan maadaama aysan heli Karin Isbitaallo u qaabilo si lacag la’aan ah waxaana kala badan lacagaha ay Isbitaallada ka qaadaan caruurta dhalaneysa iyada oo loo eegayo lab iyo dhadig. Mulki Cali ayaa ka mid ah dadka Kaamka ku jira oo la hadlay Goobjoog News “ Waxaan ka cabsanayaa dhibaato ah markey foosha i qabato inaan waaye Isbitaal, Isbitaalkii hadaad tagtana waxaa lagu leeyahay lacag keen wiil hadaad dhashay $100 keen ayaa lagu dhahaa gabar hadaad dhashay waxaa lagu leeyahay $50 keen”. Dowladdi dhexe uu dalku lahaa muhiimadda ugu badan waxay siin jirtay hooyada iyo dhallaanka waxaa uuna dalku lahaa xarumaha ugu badan oo bixiya adeegyada caafimaad lana xiriira hooyada iyo dhallaanka. Dr Maxamed Maxamuud Cali ayaa sidoo kale ka hadlay daryeelka hooyada iyo dhallaanka “ Hooyada iyo dhallaanka meesha ugu muhiimsan waaye sideedaba caafimaadka ma jiro karo haddii dadka aad u nugul aan waxba loo qaban oo ah Hooyada iyo Dhallaanka degmo aan laheyn xarun Hooyo iyo Dhallaan ma jirin”. Xilli habeena goor saqdhexana la joogo gurmadkii kuu imaan lahaa uusan diyaarsaneyn ayaa hooyooyinka danyarta ah la kulmaan fool kadis ah macquulna ay tahay daruufaha nolosha inay u sii dheeryihiin. Haddii aad heysato adeeg caafimaad ama aad heli karto lacag aad naftaada ku badbaadsato waxaa jira dad aan gadan Karin cirbad dhiig joojin ah sidaasna ku weynayo noloshooda. Goobjoog News Source
  10. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaan C/fataax Ibraahim Maxamed Geeseey oo xildhibaannada baarlamaanka Somalia ka mid ah ayaa sheegay in xalay markii weerarka lagu qaadayay guriga C/raxmaan C/shakuur Warsame uu ku sugnaa guriga, isla markaana uu dhacay dagaal muddo nus saac ah socday. Weerarkan ayaa waxaa la xaqiijiyay in lagu dilay shan ka mid ah ilaaladii gaarka ahaa ee C/raxmaan C/shakuur, isla markaana siyaasiga dhaawac uu kasoo gaaray mid ka mid ah gacmihiisa. “Intuusan weerarku dhicin 5-daqiiqo ka hor ayaan galay guriga C/raxmaan C/shakuur, waxaana ila socday dhawr dhallinyaro ah, markii aan salaanay, ayaa waxaa bannaanka guriga ka dhacay buuq muddo daqiiqado ah socday, kaddibna dagaal ayaa billowday,” ayuu yiri Xildhibaan Geeseeye oo VOA-da u warramayay. Sidoo kale, Xidhibaankan ayaa sheegay in dagaalka uu socday muddo nus-saac ah, isla markaana qof walba uu argagaxay, wuxuuna intaas ku daray in C/raxmaan C/shakuur Warsame uu ka dhaawacmay inat u dhexeysa xusulka iyo gacanta, dhaawiciisana uu ahaa mid fudud. “Weerarkan waxaan u arkaan inuu ahaa kaa awood badni, waana weerar abuuri kara shakiyo badan oo ku aaddan maamulka dalka,” ayuu hadalkiisa ku daray xildhibaan C/fataax Geeseeye. Dhanka kale, Xlidhibaanka ayaa sheegay in shan ka mid ah dhallinyaradii ilaalada u ahayd C/raxmaan C/shakuur ay goobta ku Geeriyoodeen, isla markaana lagu armay dagaalka kaddib inaan dibadda u soo baxno, markaas ayayna ciidamadu wateen C/raxmaan C/shakuur. Hay’aadaha Ammaanka Dowladda Somalia ayaan weli ka hadlin weerarkii ay xalay ciidamada amnigu ay xalay ku qaadeen guriga C/raxmaan C/shakuur, iyadoo weerarkan uu noqonayo kii ugu horreeyay noociisa oo ay ciidamada Dowladda Somalia la beegsadaan siiyaasiyiinta mucaaradka ah.kuna xiraan. Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa waxaa si aad ah u dhaleeceeyay qaar ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia, wuxuuna weerarkan kusoo beegmayaa iyadoo shalay Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka uu sheegay inay jiraan xildhibaanno dambiyo galay, kuwaasoo uu dalbaday in xasaanada laga qaado si sharciga loo horkeeno. PUNTLAND POST The post Xildhibaan C/fataax Geeseey oo Sharaxay sidii xalay lagu Qabtay C/raxmaan C/shakuur appeared first on Puntland Post.
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowlada Federaalka ah ee Somalia ayaa habbeenimadii xalay weerar qorsheysnaa oo dhiig ku daatay ku qaaday Hooyga Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur. C/raxmaan C/shakuur, ayaa lagu weeraray Hoygiisa oo ku yaala Degmada Wadajir, gaar ahaan agagaarka Garoonka Aadan Cadde, waxaana soo baxaya warar sheegaya in ciidamada ay kolkii dambe la wareegeen Hoyga. Wararka, ayaa sheegaya in iska horimaadkaasi uu ku dhaawacmay C/raxmaan C/shakuur, inkastoo aanay weli arrintaasi wax war ahi ka soo saarin hay’adaha amniga dowlada Somalia kadib markii ay waxyeelo kasoo gaartay dhanka xusulka gacanta. Dowlada Federaalka oo iminka dhameysaneysa sanadka koowaad ayaa waxa uu weerarkaas uga dhigan yahay mid lagu qaboojinaayo kacdoonka ay wadaan Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta mucaaradka ah. Weerarkan ayey dowladu rumeysan tahay in cabsi galin ay u tahay kuwa mucaaradka ah ee aadka u dhaliila howlaha dowlada waxaana arrintaan talo ku leh Siyaasiyiin iyo Saraakiil xilal ka haya dowlada oo ku dhow dhow C/raxmaan C/shakuur. Dowlada oo ku dhiiran weli Xildhibaanada BFS ee xasaanada leh ayaa talaabadaasi tusaale uga dhigeysa si waxbadan looga bedelo faragalinta ay mucaaradka ku hayaan dowlada. Sidoo kale, dadka qaar ayaa rumeysan in dowlada Somalia ay ku degdegtay talaabada lagu weeraray Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur, iyadoo la heli karo in looga yeero Maxkamada dalka iyo Xarumaha waaweyn ee Hay’adaha amaanka. Geesta kale, waxa ay talaabadan qalqal galineysaa Kooxaha mucaaradka ku ah dowlada ee aadka uga soo horjeeda howlaha ay wado dowlada, waxaana xusid mudan in weerarka uu ku daatay dhiig. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Maxey DFS uga dhigan tahay weerarkii C/raxmaan C/shakuur ee dhiiga ku daatay? appeared first on Caasimada Online.
  12. Dawlada Soomaaliya oo u muuqata mid uu kusii yaraanaayo dul-qaadka kooxo isku xiran oo siyaasiyiin iyo xildhibaano ah oo doonayey inay maalmahan xididada usiibaan xukuumada ay hogaanka u hayaan Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo Raisul wasaare Xassan Cali Khayre ayaa bilaabay inay shabakadaas isku xiran awood ku muuquniyaan. Shalay ayuu xeer ilaaliyaha guud ee qaranku ku dhawaaqay inay baarlmaanka u gudbiyeen labba xildhibaan oo lagu eedeeyey qaran dumis si ay xasaanada uga qaadaan markaasna la horkeeno sharciga, labadan mudane oo kala ah Xasan Macalin Maxamuud iyo Cabdisaabir Nuur Dhuuriye ayaa kamid ahaa xubnaha baarlamaanka ee sida aadka ah dabada uga riixaaya in baarlamaanka la keeno mooshin ka dhana Dawlada madaxweyne Farmaajo. Isla xalay ayey ciidamada nabad sugida qaranku hawlgal ay ka sameeyeen magaalada muqdisho waxay xabsiga u taxaabeen Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo kamid ahaa siyaasiyiinta sida aadka ah u diidan xukuumada taladda haysa ee madaxweyne Farmaajo, wararka ayaa sheegaya in xiligii la qabtay siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur uu ahaa dhaawac kadib isku dhac dhex maray ciidamada NISA iyo ilaalada siyaasigan, iyadoo intaas wararku ku darayaan in halkaas lagu diley afar kamida ilaalada khaaska ah ee siyaasiga. Yaa dabada ka riixaaya shabakadda isku xiran ee diidan xukuumada Farmaajo? Dawlada uu hogaanka u hayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi waxay bilowgiiba la kowsatay kooxo mucaarada kuwaas oo isugu jirey dhawr qaybood oo kala ahaa xubno siyaasiyiina oo markoodii hore si aada u taageersanaa madaxweyne Farmaajo quud daraynaayeyna inay xukuumadda farmaajo ka helaan xilal muhiima kuwaas oo iska dhex waayey markii lasoo dhisay xukuumada cusub. Kooxda labaad ayaa ah tiro xildhibaano ah oo u badan kuwii codka siiyey madaxweynaha si lamida kuwa aan kor kusoo xusnayna doonaayey in madaxweyne Farmaajo uu codkoodii ugu badelo mansab siyaasadeed oo ay ka helaan xukumadiisa si lamidana ku hungoobay wixii ay ka filaayeen madaxweyne Farmaajo. Kooxda sadexaad ayaa ah siyaasiyiintii xilalka ugu tunka weyn ka hayey Dawladii madaxweyne Xassan Sheekh Maxamuud kuwaas oo u muuqda inay ka samri waayeen dha-dhamadii afartii sano ee ay kursiga kusoo fadhiyeen, waxaana la rumaysan yahay inay siyaasiyiintani yihiin kuwa ugu daran ee baasiinka ku shubaaya diidmada xoogan ee ka dhanka Farmaajo iyo Khayre waana kuwa la rumaysan yahay inay maalaayiin dollar oo ay kula dagaalamaan hogaanka Soomaaliya kasoo qaateen Dawlado shisheeye oo danahooda ka waayey hogaanka talada u haya Soomaaliya. Doorka Dawladaha carabta Markii khilaaf ba’ani ka dhex qarxay Dawladaha Khaliijka Carabta ee ay kala hogaaminayaan Sacuudi Carabiya iyo Qadar waxay Dawlada Soomaaliya ku dhawaaqday inay qaadatay go’aan dhex-dhexaada oo aysana midna la safanayn Dawladaha Carbeed ee isku hardinaaya siyaasada carabta ee bariga dhexe, waxayna taas masuuliyiinta Dawladu kala kulmeen cadaadis xoogan oo uga imaanaya Dawlado ay kamid yihiin Sacuudi Carabiya iyo Imaaraadka Carabta. Dawlada Imaaraadka oo ah tan ugu daran ayaa la rumaysan yahay inay malaayiin dollar faraqyada ugu shubtay siyaasiyiin Soomaaliyeed oo caana si ay u dumiyaan xukuumada madaxweyne Farmaajo iyo raisul wasaare Khayre oo ay danahoodii ka waayeen, Siyaasiyiintan oo fulinaaya danaha Dawladaha carbeed ayaa iyaguna dhaqaalihii ay ka heleen Imaaraadka kusoo daabulay magaalada Muqdisho si ay fuliyaan shaqooyinka loo igmaday. Isku soo wada duubo Madaxweyne Farmaajo iyo Raisul wasaare ayaa u muuqda markii y xal kale waayeen in ay bilaabeen inay seefta galka kala baxaan ayna awood ku muuquniyaan shabakadan isku xiran ee khatarta ku ah xukunkooda. PUNTLAND POST The post Farmaajo iyo Khayre oo seefta galka kala baxay appeared first on Puntland Post.
  13. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Giriiga ayaa gacanta ku dhigay Koox isku diyaarineysay inay toogasho ku dilaan Madaxweynaha Turkiga Rrdogan intii uu ku sugnaa Greece. Warbixin lagu daabacay Wargeyska To Vima ee dalkaasi ayaa waxaa lagu sheegay in Kooxdan ay ahaayen shabakad loo diyaariyay inay dilaan Erdogan. Kooxdan dilka qorsheyneysay ayaa la sheegay in tirro ahaan ay ka koobnaayen 9, isla markaana ay ka tirsanaayeen Xisbiga Kacaanka ee magaciisa loo soo gaabiyay DHKP-C. Kooxdan ayaa dilka Erdogan u adeegsan lahaa sida uu qoray Wargeyska To Vima hubka noocyada culus sida Basuukayaal, Bam gacmeedyo iyo Hub kale oo awood leh. Kooxdan ayaa la xaqiijiyay in weerarka ay ka geysan lahaayen laba dhinac oo ay kaga qaadi lahaayen Gaadiid galbineysay Erdogan. Sarkaal u hadlay ciidamada amaanka Greece ayaa sheegay in iminka ay ku howlan yihiin qorshaha lagu soo qaban lahaa Hubka loo isticmaali lahaa weerarka ka dhanka ah Erdogan. Dhinaca kale, Kooxdan weerarka qorsheyneysay ayaa kasoo jeeda dalka Turkiga, waxaana loo adeegsan jiray fulinta weerarada qorsheysan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Arrin cusub: Koox dil qorsheysan la damacsanaa Erdogan oo gacanta lagu dhigay (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  14. Shirkadda “Facebook” ayaa maanta oo Sabti ah soo kordhisay adeeg cusub oo wata magaca “snooze” oo qofku marka uu doono uu qof kale oo saaxiibkii ah muddo 30 cisho ah iskaga xayiri karo qoraalladiisa iyo waxyaabaha uu bartiisa soo dhigo. Website-ka “TechCrunch” ee teknoolajiyadda ayaa sheegaya in adeeggan cusub uu qofku iskaga xayiri karo waxyaabaha uu soo qor saaxiibkii ee aan u cuntamin, iyadoo gabi ahaanba muddo 30 cisho ah aanuu arkayn posts-kiisa iyo waxyaabaha uu soo qoro. Website-ka ayaa intaa sii raaciyay in adeeggan cusub ee “snooze” uu u dhexeeyo Unfollow iyo unfrend oo midna aad qofka saaxiibtinimadiisa iskaga xayireyso, halka mid ka kalena aad qoraalladiisa iskaga joojineyso gabi ahaan. Danta ay adeeggan cusub shirkaddu ka leedahay ayaa ah in qofku iska xayiri karo qoraallada saaxiibkii muddo kooban. Waxaana hadda adeeggan si kooban u isticamaali kara dad gaar ah oo ku dhaqan Mareykanka, waxaase wakhti dhaw loosii dayn doonaa dhamaan macaamiisha adduunka shabakadda ee adduunka oo dhan. Goobjoog News Source
  15. Muqdisho (PP) ─ Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka mid ahaa xubnihii u tartamay Xilka Madaxweynaha, ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha shacabka ayaa si weyn uga soo hor-jeestay tallaabadii xalay Ciidamada ammaanka ku weerareen Guriga C/raxmaan C/shakuur Warsame. Xildhibaanka ayaa ku tilmaamay falkaan mid fool-xumo iyo caqabad weyn ku ah jiritaanka Dowladnimada Somalia, wuxuuna qoraal uu soo saaray ku yiri. “In qof siyasad kugu khilafsan loo adeegsado ciidanka qaranka welina ay dad ku dhintaan waa dembi keeni kara burbur ku yimada dowladnimada mana aqbali doono haddii aan nahay masuuliyiinta Qaranka.” Sidoo kale, Xildhibaanka ayaa sheegay inay Somalia ka gudubtay xilligii ku tagri-falka awoodda iyo ciidanka Qaranka, arrintii xalay Muqdisho ka dhacdayna waa arrin khatar ku ah dowladnimada iyo xasiloonida dalka. “Waxaan aaminsan-nahay in Somalia ay ka gudubtay waqtigii ku tagri-falka awoodda iyo ciidanka qaranka, arrinta xalay ka dhacday Muqdisho waa arrin khatar ku ah Dowladnimada iyo Xasilloonida Dalka, waxay u baahan tahay in laga hortago, si anan u burburin wixii yaraa ee an gaarnay Sannadihi lasoo dhafay,” ayuu xildhibaanku hadalkiisa ku daray. Ugu dambeyn, Ciidanka Amniga, gaar ahaa kuwa NISA ayaa xalay weeraray guri uu degenaa C/raxmaan C/shakuur, iyagoo xabsiga u taxaabay, waxaana howl galkaas ku dhintay afar ka mid ah Ilaaladiisa. PUNTLAND POST The post Xildhibaan Cosoble: Weerarkii xalay dhacay wuxuu khatar ku yahay Dowladnimada iyo xasilonida appeared first on Puntland Post.
  16. Garowe (Puntlandi) Wasaaradda warfaafinta dowladda Puntland ayaa saakay joojisay tababar loo qaban lahaa qaar kamid ah weriyayaasha Puntland ee ka howlgalla magaalada Garowe. Tababarkaan oo uu soo qaban qaabiyay ururka NUSOJ, oo kaashanaya ururka MAP, ayay masuuliyiinta wasaaradda warfaafinta ka dul dhaceen goobta seminaarkaan lagu qabanayay, waxaana lagu amray in la joojiyo tababarka. Tilaabdaan ayaa kusoo beegmaya, kadib markii Warfaafinta Puntland ay Sharci Daro Ku tilmaamtay Shaqada Ururka Map kadib markii uu mudo xileedkiisii dhamaaday ururkaasi islamarkaana uusan haysan sharciyad uu tababar ku qabto. Waxaa haatan socda shir labo geesood ah oo u socda wasaaradda warfaafinta iyo labada urur, iyadoo looga hadlayo khilaafka jira. Puntlandi.com
  17. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo Kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadalay weerarkii xalay lagu qaaday Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi Ayaa sheegay in weerarkaasi uu ka xunyahay waxaana uu sheegay in weerarkaasi uu tusayo sida uu sheegay fashilka dowlada ku yimid. Xildhibaanka ayaa sheegay in dowlada markii ay taag u weeysay Mooshinada laga wado in ay bilaawday beegsi toos ah. Waxa uu sheegay in arintaani ay sababi karto in dib loo furo kalfadhiga Baarlamaanka oo hadda fasax ku maqan. “Weerarkii xalay xqiiqdii waa mid madaxda Qaranka ay ku doonayaan in ay ku daboolaan fashilka heysta iyo in looga hortago kacdoonka uga imaanaya Xildhibaanada oo diyaar u ah in ay kulamadoodii caadiga ahaa qabsadaan” Ayuu yiri Xildhibaan Fiqi. Xalay Ciidamo katirsan kuwa amaanka dowlada Soomaaliya ayaa weerar qorsheeysan ku qaaday hooyga uu Muqdisho ka daganyahay Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame oo xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii dalka soo maray. Hoos ka Dhageyso Codka Xildhibaan Fiqi. http://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2017/12/Cod-Fiqi.mp3Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Xildhibaan Fiqi” Weerarkii Xalay Waxa uu ina Tusinayaa Fashilka Dowlada” appeared first on Puntland Post.
  18. Guddoomiyaha xisbiga Wadajir Kamaal Guutaale oo wareysi siiyey Goobjoog News, ayaa cambaareeyay xarigga siyaasi C/raxmaan C/shakuur oo kamid ah aas aasayaasha xisbigaasi. Guutaale ayaa sheegay in wax lala xumaado ay tahay in la weeraro rag madax ah oo xilli ay la shirsanaayeen xildhibaanno, isaga oo sheegay in halka lagu soo weeraray Mr. Shakuur ahayd xafiiska xisbiga. Ammarka lagu xirey C/raxmaan C/shakuur ayuu sheegay in laga soo bixiyey xafiisyada madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha waa sida uu hadalka u dhigaye. Guutaale ayaa sheegay in ciidamada nabad sugidda ay mid mid u dileen ilaaladii xafiiska xisbiga oo uu tilmaamay inaanay hubeysneyn, isaga oo dhanka kale sheegay inuu jiro dhaawac soo gaaray C/raxmaan C/shakuur. Halkaan hoose ka dhageyso wareysiga: http://www.goobjoog.com/business/wp-content/uploads/2017/12/WAREEYSKI-KAMAAL-GUDOOMIYAHA-XISBIGA-WADAJIR.mp3Goobjoog News Source
  19. Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa saakay xiray wadooyinka Muhiimka ah ee magaalada Muqdisho. Ciidamo aad u farabadan oo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa saakay la soo dhoobay wadooyinka Muqdisho iyaga oo gaadiidka u diidaya in ay isticmaalaan qaar kamid ah wadooyinka Muqdisho. Ciidamada ayaa xiray laga soo bilaabo Wadada Isgooyska Banaadir ilaa madaxtooyada Qaranka ee Villa Soomaaliya. Sidoo kale ciidamada ayaa xiray Wadooyinka dhanka Degmada Xamarweyne ee Magaalada Muqdisho. Lama oga sababta rasmiga ah ee ka dambeeysa xiritaanka saaka wadooyinka Muqdisho. Xalay ciidamo katirsan kuwa dowlada Soomaaliya ayaa weeraray hooyga Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdi Shakuur Warsame. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciidamo badan oo la soo dhoobay Muqdisho iyo wadooyinka oo Xiran appeared first on Puntland Post.
  20. In June, an American Green Beret was reportedly strangled to death in Mali by U.S. Navy SEALs, allegedly in connection with a shadowy money-skimming scheme. (The military is currently investigating.) In July, The Intercept, the London-based research firm Forensic Architecture, and Amnesty International revealed that a drone base used by U.S. forces in Cameroon was also a site for illegal imprisonment, brutal torture, and even killings on the part of local forces. (The military is investigating.) In August, according to a blockbuster investigation by the Daily Beast, U.S. Special Operations forces took part in a massacre in which 10 Somali civilians were killed. (The military is investigating.) In October, four Special Operations soldiers were killed in murky circumstances during an ambush by militants in Niger. (The military is investigating.) This spate of questionable, scandalous or even criminal activity involving U.S. forces in Africa should come as little surprise. Over the last decade and a half, operations on that continent have been expanding and evolving at an exponential rate. A token number of U.S. troops has grown into a cast of thousands now carrying out about 10 separate missions per day, ranging from training to combat operations, which are up 1,900% since last year alone. U.S. commandos sent to that continent have jumped from 1% of special ops forces deployed overseas in 2006 to nearly 17% today, the highest total outside the Middle East. There have also been numerous indications of U.S. forces behaving badly from one side of the continent to the other. Few in the mainstream media or among those tasked with oversight of such operations have, however, taken any significant notice of this. “We don’t know exactly where we’re at in the world, militarily, and what we’re doing,” said Senator Lindsey Graham, a member of the Senate Armed Services Committee, in the wake of the ambush in Niger. More recently, Congressman Ted Lieu of the House Foreign Affairs Committee added, “From combating al-Shabaab in Somalia to Boko Haram in Nigeria, U.S. military personnel are deployed across the African continent with little public scrutiny or awareness.” This attention deficit helped set the stage for the recent scandals that have forced lawmakers and the public to take some notice. The situation of the U.S. military in Africa is, in some respects, not unlike that in California, where TomDispatch regular Rebecca Gordon begins her latest article, “The President Plays with Matches.” There, climate-change-charged dry weather and unseasonably warm temperatures made the state a tinderbox that recently burst into a series of devastating wildfires. The U.S. military has created its own tinderbox in Africa, where longtime expansion without oversight has led to a series of blazing scandals. And all of this is just a small part of the larger story told by Gordon ― of a world filled with the dry underbrush of decades of failed U.S. policies and of a president with a penchant for setting fires. Once, ignoble political calculations, futile strategies, ideological idiocy, and intellectual ineptitude provided flashpoints capable of sparking foreign policy failures, conflicts, or ruinous domestic policies. Today, writes Gordon, the commander-in-chief functions as a one-man flamethrower, setting blazes the world over as a matter of whim and embracing the inferno as an end in itself. Source: – Huffingtonpost The post The U.S. Military Has Created Its Own Tinderbox In Africa appeared first on Caasimada Online.
  21. One of the key priorities of Benadir Regional Administration (BRA) is to provide access to public education at the primary and secondary level across the seventeen districts of Benadir Region. The Benadir Regional Administration (BRA) led by Mayor Thabit Abdi Mohamed, in close coordination with the UNHCR based in Mogadishu, launched the implementation of rehabilitation and furnishing of schools within the city as well as improvement of self-reliance and livelihoods of the people. “Our aim is to have at least one public school for each of our districts, so that children have access to free education which is imperative for the advancement of our children, it is a powerful investment and speaks to public accountability” Thabit Abdi Mohamed Mayor of Mogadishu said However, the main objective of the ambitious project is to strengthen access to primary school education benefitting 10,000 children of school going age through renovating and expanding the capacity of 5 primary schools and 1 TVET centre in Mogadishu and also to improve livelihoods opportunities for returnees, IDPs and poor host community In a bid to re-build and shape the image of the city, the project is investing in locally available skilled labour including engineers, masonry and plumbing for employment opportunities. The project is guided by community participation and strengthens community ownership. Aside from the project benefit of skilled labour, 1000 (Thousand) unskilled Internally Displaced Persons (IDPs) and returnees’ youth are employed in their district of their residence. All seventeen districts in BRA provided access to employment to vulnerable IDPS/returnees and host community youth. ENDS Benadir Regional Administration (BRA) Federal Republic of Somalia subeida.mukhtar@gmail.com The post Benadir Regional Administration to provide free education for 10,000 kids in Mogadishu BA appeared first on Caasimada Online.
  22. Ciidamada amaanka dowlada Soomaaliya ayaa xalay weerar ku qaaday hooyga uu Muqdisho ka daganyahay Siyaasiyada Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Warsame. Ciidamadaan oo ah ciidamada sida gaarka ah u tababar ee loo yaqaano Alfa Garoup ayaa weerarkaan ku qaaday Hooyga Siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur oo ku yaala Meel aan ka fogeeyn Garoonka Muqdisho. Ciidamada Dowlada iyo Ciidamo uu watay Siyaasigaan ayaa iska hor imaad dhexmaray kaasi geeystay qasaaro dhimasho iyo dhaawac. iska hor imaadkaasi ayaa waxaa dhaawac ka soo gaaray siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur waxaana wararka ay sheegayaan in 6 Askari oo katirsanaa ilaalada Siyaasiga Cabdi raxmaan Cabdishakuur weerarkaasi lagu dilay. Ciidamada ayaa watay oo xabsiga u taxaabay siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame. Sida ay sheegayaan ilo lagu kalsoonaan karo ciidamadaaan weeraray hooyga Cabdi raxmaan Cabdi Shakuur Ma wadan wax Warqad xiritaan ah oo ka soo baxday maxkmadaha dalka. Wali Dowlada Soomaaliya wax war ah kama soo saarin falkaasi ay ku weerareen hooyga Cabdi Raxmaan Cabdishakuur Warsame. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciidamada Dowlada oo Weeraray Siyaasiga Cabdi Raxmaan Cabdi Shakuur Warsame appeared first on Puntland Post.
  23. The African Union peacekeeping mission (AMISOM) forces ended a ten-day training course on Sunday in a move aimed at stepping up efforts to counter widespread use of explosives. The training for the South West state police officers held in the administrative capital, Baidoa in southern Somalia, focused on prevention and detection of Improvised Explosive Devices (IEDs) which has become the preferred weapon of choice for Al-Shabaab and other militant groups in Somalia. AMISOM Inspector of Police, Sahr Emmanuel Kobai-Aruna noted in his closing remarks that the training was meant to enhance the capacity of the South West Police Force, adding that the officers were taken through a number of topics on safety and security. “This is part of AMISOM’s mandate to capacitate Somali Police Force and we taught them some components of IED/ Explosive Ordnance Disposal (EOD); the types EOD/IED and other management course modules,” said Kobai-Aruna in a statement issued after the training. “We even taught them first aid at crime scene and casualty awareness assessment,” added Kobai-Aruna. The training course, which reviewed threats, posed by IEDs was aimed at equipping the Somali police with vital skills to detect explosives planted by terrorists. “We have just finished the course on IED and Explosive Ordnance Disposal (EOD) for 15 participants drawn from Somali police force,” said Tresphord Kasale, the AMISOM Police Coordinator for South West State. “The purpose of this course was to create awareness (among) the officers so that they are able to identify IEDs and be able to call upon experts to come and defuse them,” Kasale added. He said the training was also aimed at creating awareness among the general public on the dangers of explosives and how to identify them. He urged the public to inform security officers whenever they detect or identify an IED, for safe handling and detonation, to prevent loss of life and destruction of property. Kasale said the AU mission has played a crucial role in establishing the South West State Police Force, by training 600 police officers, who have played a major role in improving security in the region. In addition, another 600 police officers in Jubbaland have also been trained and plans are underway to recruit and train more officers in HirShabelle state next year. Source: – Xinhua The post AU trains Somalia police on countering explosive devices appeared first on Caasimada Online.
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay ciidamada dowladda Somalia, ayaa waxa ay xalay weerar abaabulan ku qaadeen hoyga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame. Ciidamada oo watay gaadiidka dagaalka, ayaa waxa ay weerarkan qaadeen xili uu hoygaasi ku sugnaa Siyaasiga uu bartilmaameydku ahaa. Ciidamada ilaalada u ah Siyaasiga ayaa iska caabin ku sameeyay ciidamada oo ahaa kuwo aad u badnaa, waxaana halkaa ka dhacay dagaal socday ku dhawaad 40 daqiiqo oo xiriir ah. Howlgalka oo saqdii dhexe ee Xalay dhacay, ayaa sas iyo argagaxba ku riday qoysaska ku dhaqan dhismooyinka ku dhow dhow hoyga la weeraray. Inta uu howlgalka socday ciidamada ayaa jaray gabi ahaan isku socodka iyo gaadiidka eeryada Garoonka Aadan Cadda iyo dhammaan waddooyinka gala Xaafadaha. Wararka, ayaa sheegaya in iska horimaadkaasi uu ku dhaawacmay C/raxmaan C/shakuur, inkastoo aanay weli arrintaasi wax war ahi ka soo saarin hay’adaha amniga. Siyaasiyiin ku dhow dhow C/raxmaan C/shakuur ayaa intooda badan aaminsan in Siyaasiga ay xabad uga dhacday Xusulka, inkastoo aan la xaqiijinkarin. Sidoo kale, Siyaasiyiinta aan dhacdadaan ka wareysanay ayaa xaqiijiyay in dhaawaca Siyaasiga la geeyay Xarunta weyn ee Hay’adda Sirdoonka Somalia, halka qaarna ay sheegayaan in la geeyay Xarunta Jilacow oo iyana ka tirsan isla Hay’adda Sirdoonka. Warar madax-banaan ayaa sheegaya in Siyaasiga halkaa loo qaaday saacad kadib markii uu dhaawiciisa yaalay Hooygiisa oo weerarka lagu qaaday, waxaana jira warar hoose oo tibaaxaaya in loo diiday in la geeyo Xarun Caafimaad balse dhakhaatiir loogu geeyay halka uu ku sugan yahay. Saraakiisha dowladda Federalka Soomaaliya kama aysan hadlin weerarka qorsheysan ee xalay lagu qaaday hoyga C/raxmaan C/Shakuur Warsame. Weerarkaan xalay lagu qaaday hoyga C/raxmaan C/shakuur ayaa wuxuu ku soo aadayaa, iyadoo shalay Xeer ilaaliyaha Qaranka uu laba Xildhibaan oo ka mid ah Golaha Shacabka ku eedeeyay inay yihiin qaran dumis, islamarkaana dowladda Shisheeye ay ka soo qaateen lacago, inkastoo mid ka mid ah Xildhibaanadaasi uu beeniyay arintaasi. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com The post Halkee ayaa la geeyay C/raxmaan C/shakuur gacan ku dhigistiisa kadib (Warbixin) appeared first on Caasimada Online.
  25. Ciyaar Xiiso badan oo u dhaxeeyso Kooxaha Banaadir iyo Puntland oo ah mid Semifanal ah ayaa galabta ka dhici doonto Muqdisho. Ciyaartaan ayaa waxa ay dhici doontaa 3:30 Xiliga Muqdisho . Labadaan kooxood ayaa ka soo gudbay heerka Group-yada ee tartanka maamul Goboleedyada Dalka. Ciyaartaan ayaan la sii saadaalin karin iyada oo natiijada ciyaartaana ay sii daalindoonto cida loo saadaalinayo koobkaan. taageerayaal badan oo Reer Muqdisho ah ayaa isku diyaarinaya in ay daawadaan. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ciyaar Xiiso Badan oo Banaadir iyo Puntland ku Dhexmari Doonto Koonis appeared first on Puntland Post.