-
Content Count
212,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay waxa ka jira wadahadaladii la sheegay in dowladda Soomaaliya ay la fureyso Khawaarijta Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan jirin habayaraatee wax ay dowladdu kala hadli karto Al-Shabaab, isagoo hoosta ka xariiqay in aanu jirin xal aan aheyn in kooxdaasi ay hubka dhigto oo dowladda isku dhiibto. “Maalmahaan waxaa baraha bulshada qabsatay dowladdu waxay wadahadal la fureysaa Al-Shabaab, waxaan idiin cadeynaa Shabaab iyo annaga wax naga dhaxeeya ma jiraan,” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh. “Hadii ay jiri lahaayeen waxyaabo aan odhan karno sidu doonaynaa iyo waxaan ayaan idinka khaldan waa la hadli laheyn, waana hor-fadhiisan laheyn,” ayuu yidhi Madaxweyne Xasan Sheekh. Source
-
Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa soo saartay xukun xasaanad ballaaran siinaya madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump. Go’aanka Maxkamada ayaa ka dhigan in dib u dhac uu ku imaan doono maxkamadeynta Trump ee kiiska rabshadihi ay qaar ka mid ah taageerayaashiisa ku weerareen xarunta Coongareeska horraanti sannadki 2021-ki. Kiiska Dacwadda la xiriirta in Trump uu isku dayay inuu dhinac kale u rido doorashadi looga guuleystay ee sannadki 2020-ki, ayaa tan iyo sannadki hore ka socotay maxkamad ku taalla magaaladan Washington D.C, waxana loo ballansanaa in la qaado ka hor doorashada 5-ta Novemebr. Xukunka Maxkamadda Sare ayaa waxaa aqbalay 6 garsoore, halka ay saddex kasoo horjeesatay. Waxa uu laalayaa go’aanki maxkamadda hoose ee lagu diiday sheegashadii Trump ee aheyd inuu leeyahay xasaanad madaxweyne oo ka hor istaageysa in hey’adaha federaalka Mareykanka ay dacwad ku soo oogaan isaga. Maxkamadda Sare ayaa go’aamisay inaanan Trump loo maxkamadeyn karin ficillada uu ku dhaqaaqay inti uu heystay awoodda dastuuriga ah ee madaxtinimo, balse lagu soo oogi karo danbiyada gaarka u ah. Go’aankaan taarikhiga ah ayaa ka dhigan guul weyn oo siyaasadeed oo u soo hoyatay madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump. Source: goobjoog.com
-
Kulamadii u horreeyay ee dowladda Turkigu ku dhex-dhexaadinaysay Soomaaliya iyo Itoobiya oo ka qabsoomay magaalada Ankara ayaa lagu soo warramayaa in ay dhammaadeen natiijo la’aan. Bayaan ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda dowladda Soomaaliya ayaa lagu xaqiijiyay in Kulamada labada dhinac aysan ahayn kuwa fool ka fool ah, islamarkaana si weyn loogu kala aragti duwanaa, maadaama labada dhinac ee Soomaaliya iyo Itoobiya uu dhinac kasta ku adkaystay go’aankiisi hore. “Kulamada labada dhinac ma ahayn kuwa fool ka fool ah maadaama ay Dawladda soomaaliya meel adag ka taagantahay qaddiyadda la xiriirta ilaalinta Midnimada iyo Madaxbanaanida Qaranka, inkastoo gabagabadii shirka ay goobjoog ka wada ahaayeen labada wafdi warmurtiyeed wadajir ah oo uu soo jeediyey dhexdhexaadiyaha wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga” ayaa lagu yiri Qoraalka. Bayaanka wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu sheegay in wareeg labaad oo Wada-hadal ah lagu ballamay 2 bisha September ee sannadkan 2024″Kulankaan oo ahaa kii koowaad ayaa soo gabangaboobay waxaana lagu balamay wareeg labaad oo wadahadal ah 02 September 2024″. “Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa Gaar ahaan Dawladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in Dawladda Ethiopia ay ka noqoto MOU-gii sharcidarrada ahaa ku adkaysatay iyo in aan wax gorgortan laga galeyn ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed ee Dalkeenna oo u ah dawladda Soomaaliya lama taabtaan” ayuu sii raaciyay bayaanka wasaaradda Arrimauha dibadda Soomaaliya. Dhinaca kale, markii uu kulanka soo dhammaaday ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey oo ay garbihiisa taagan yihiin wasiirrada dhiggiisa ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, waxaana uu Hakan Fidan sheegay in kulamadu ay sii socon doonaan oo dib la isugu soo laaban doono 2 bisha September ee sannadkan. PUNTLAND POST The post Wada-hadalkii Turkigu ku dhex-dhexaadinayay Soomaaliya iyo Itoobiya oo natiijo la’aan ku soo dhammaaday appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa markii u horraysay xalay si rasmi ah u caddeeyay in aysan jirin wax wada-hadallo ah oo hadda u dhexeeya dowladda iyo ururka Al-shabaab. “Waxaan rabaa in aan Caawa halkan si cad uga caddeeyo in aysan jirin wax wada-hadal ah oo anagga iyo Shabaab noo dhexeeya Caawa la taagan yahay. Yaan dadka lagu marin-habaabin oo halganka iyo dagaalka aan ku jirno lagu waxyeellaynin”. “Waxaan rabnaa Al-shabaab kuwa Soomaalida ahna in ay u soo noqdaan dadkooda, dalkooda iyo dowladdooda, kuwa aan Soomaalida ahayna in ay na dhaafaan oo ay aadaan meelihii ay ka yimaadeen” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud. “Qofkii raba in uu ka soo noqdo fikirka Shabaab waxaan ku soo dhaweynaynaa gacmo furan waana muujisay dowladda Soomaaliya in ay gacmo furan ku soo dhaweynayso oo ay qaabilayso kuwa ka soo baxa” ayuu sii raaciyay mudane Xasan Sheekh. Hadalkani ayuu xalay madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay munaasabad lagu xusayay 1-da Luuliyo ah oo ku beegan 64 sanno guuradii ka soo wareegtay markii Soomaaliya xorriyada qaadatay. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Xasan Sheekh oo si cad u beeniyay in uu jiro wada-hadal u dhexeeya dowladda Soomaaliya iyo Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Milatariga Israa’iil ayaa xalay ku amray dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool degmada Khan Yunis ee bartamaha Marinka Gaza, in ay isaga baxaan, tallaabadaasi oo u muuqata mid direysa in Israa’il ay mar kale weerari doono magaalada labaad ee ugu weyn Gaza. Amarkan ayaa muujinaya in Khan Yunus ay noqoneyso bartilmaameedka ugu danbeeya ee dagaalka ay Israa’iil ka waddo Gaza tan iyo horraanii October ee sannadki hore. Ciidanka Israa’iil ayaa horay u burburriyay inta badan Khan Yunus, hase yeeshee shacabka ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay, kaddib weerarki ay Isra’il ku qaadday magaalada kale ee Rafax. Dadka lagu amray in ay ka baxaan Khan Yunus ayaa sheegay, in farriin qoraaleedyo ay ciidanka Israa’iil ugu soo direen telefoonnadoodu loogu sheegay, in ay aadaan degmada Muwasi ee dhinaca xeebta badda Meditareeniyaanka, halkaas oo ay horay ugu barakaceen boqollaal kun oo ruux. Dhanka kale, kooxaha Islamic Jihad iyo Xamaas ee ka dagaallama Gaza ayaa sheegay in ay Isniintii shalay gantaallo ku weerareen deegaanada ku yaalla koofurta Israil ee xadka Gaza. Millatariga Israa’il ayaa sheegay in ilaa 20 gantaal oo lagaga soo tuuray dhanka Gaza aysan cidna wax ku noqon, hase yeeshee weerarkaasi ayaa muujiyay in wali ay kooxaha Falastiiniyiinta ee Gaza ay leeyihiin awood, kaddib muddo 9 bilood ah oo ay dagaal kula jiraan ciidamada Israil. PUNTLAND POST The post Israa’iil oo khasab kaga bara-kicinaysa Falastiiniyiinta degmada Khan Yunis appeared first on Puntland Post.
-
Wada hadaladii Turkiga uga socday Somalia iyo Itoobiya ayaan sidii loogu talagalay u hir galin. Dawlada Turkiga oo shirkani isugu keentay labada dhinac ayaa markii la isku mari waayay ayaa waxa shirkaasi laga ilaaliyay in uu fashilmay waxana wasiirka arimaha dibada ee Turkigu uu sheegay in laba bilood kadib hadana dib la isugu soo noqon doono wada hadal kale kulankaasi oo dhici doona bisha 9’aad labadeeda nuxurka hadalkiisa ugu waynina waxa uu ahaa in uu kulan danbe uu dhici doono isga oo luuqad qurxin ah ku ladhay hadalkiisa sidii uu maanta u dhacay kulankii labada dhinac. Wararka aan helayno ayaa sheegaay in ay Itoobiya ku adkaystay in heshiiskii is fahamka ahaa ee ay la gashay Somaliland uu sidiisa u fili doono isla markaasna ay Itoobiya diiday in ay isticmaasho dekada Hobiyo kadib markii ay dawlada Soomaaliya ay soo jeedisay in ay joojiso isticmaalka dekada Berbera iyo heshiiska is faham ee ay la gashay Somaliland. Halkan hoosenka daawo hadalada wasiirka arimaha dibada ee Turkiga oo ka hadlaaya arinkaasi. https://qarannews.com/wp-content/uploads/2024/07/449086844_1004940700780655_3231425742259225098_n.mp4 Qaran News
-
"Freedom is never dear at any price. It is the breath of life. What would a man not pay for living,” The words uttered by Mahatma Gandhi during his fight for freedom. These words serve as a poignant reminder of the struggles and sacrifices our forefathers endured in their pursuit of liberty. On June 26, 1960, the northern protectorate of Somalia gained independence from Britain and Five days later on July 1, 1960, the south Italian protectorate and British northern united forming the Republic of Somalia under President Aden Abdullah Osman, Prime Minister Abdirashid Ali Shermarke, and a 123-member National Assembly representing both territories. The words of Mahatma Gandhi have led to a reflection on just how far our country has come, the victories we have achieved, and the challenges we still face. Source: Hiiraan Online
-
ANKARA, Turkey (HOL) – Diplomatic efforts took a significant turn as the foreign ministers of Somalia and Ethiopia met in Ankara on July 1, 2024, to address escalating tensions between the two nations. Facilitated by Turkey, this meeting marks a new step towards discussing the highly contentious Ethiopia-Somaliland MoU that has rattled regional stability in the Horn of Africa. Source: Hiiraan Online
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo caawa khudbad ka jeediyey munaasabad lagu soo gunaanaday dabaal-degyadii toddobaadka xoriyadda ayaa ka hadlay waxa ka jira wadahadaladii la sheegay in dowladda Soomaaliya ay la fureyso Khawaarijta Al-Shabaab. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in aysan jirin habayaraatee wax ay dowladdu kala hadli karto Al-Shabaab, isagoo hoosta ka xariiqay in uusan jirin xal aan aheyn in kooxdaasi ay hubka dhigto oo dowladda isku dhiibto. “Maalmahaan waxaa baraha bulshada qabsatay dowladdu waxay wadahadal la fureysaa Al-Shabaab, waxaan idiin cadeynaa Shabaab iyo anaga wax naga dhaxeeya ma jiraan,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Maxaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in kooxdaas aan la toosi karin, dowladuna aysan u baahneyn, “Hadii ay jiri lahaayeen waxyaabo aan dhihi karno sidaan ayaan rabnaa iyo waxaan ayaan idinka qaldan waa la hadli laheyn, waana hor fariisa laheyn,” ayuu yiri madaxweynuhu. Madaxweynaha ayaa balanqaaday hadii Soomaali ay wadahadal la fureyso Al-Shabaab oo wax la isla ogyahay kala hadli doonto dowladdu. “Hadii la helo wax aan isla qirno waan la hadleynaa, laakiin maanta wadahadalna ma jiro wax naga dhexeeyana ma jiraan weli,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweyne Xasan Sheekh. Ugu dambeyntii madaxweynaha ayaa dadka Soomaaliyeed ka codsaday in shakigaas ay ka baxaan, isagoo u cadeeyey in dowladdu aysan kaligeed qaada doonin go’aan hadii ay noqoto in wadahadal lala furo Khawaarijta. The post Xasan Sheekh oo ka hadlay wadahadalka la sheegay in Shabaab iyo DF ay u furmayaan appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Qoraal ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya oo faahfaahin looga bixiyey waxahadalka la sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya uu u bilowday ayaa lagu sheegay in Dawladda Turkiga ay magaalada Ankara ku casuuntay wafuud kala matalaysa Soomaaliya iyo Ethiopia, si looga wadahadlo xiisadda taagan. “Kulamada labada dhinac ma ahayn kuwa fool ka fool ah, maadaama ay Dawladda Soomaaliya meel adag ka taagantahay qadiyadda la xiriirta ilaalinta midnimada iyo madax-banaanida Qaranka, inkastoo gabagabadii shirka ay goobjoog ka wada ahaayeen labada wafdi warmurtiyeedka wadajir ah oo uu soo jeediyey dhexdhexaadiyaha wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga,” ayaa lagu yiri qoraalka DF. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in kulankaan uu ahaa kii koowaad, isla markaana lasoo gabangabeeyey, waxaana lagu balamay wareeg labaad oo wadahadal ah labada September 2024, in kastoo aan la cadeyn sida uu u dhacayo wadahadalka dambe, maadaama kan la isku fahmi waayey. “Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa. Gaar ahaan Dawladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in Dawladda Ethiopia ay ka noqoto MOU-gii sharci darrada ahaa ku adkaysatay iyo in aan wax gorgortan laga galeyn ilaalinta Madaxbanaanida dhuleed ee Dalkeenna oo u ah dawladda Soomaaliya lama taabtaan,” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya. Dawladda Soomaaliya ayaa si weyn ugu mahadcelisay Dawladda Turkiga oo sida qoraalkana lagu sheegay kaalin wanaagsan ka qaadatay xasiloonida Geeska Afrika – saaxiibka ugu weyn ee Turkigu Geeska Afrika ku leeyahay waxaa lagu tilmaamaa Soomaaliya. Markii kulanka lagu kala tegay ayaa waxaa warbaahinta la hadlay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkey oo ay garbihiisa taagan yihiin wasiirrada dhiggiisa ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya. Wasiir Hakan Fidan ayaa sheegay in kulamadu ay sii socon doonaan, dibna la isugu soo laaban doono labada bisha September ee sannadkan 2024. Itoobiya ayaa cadaadis la kulmeysay tan iyo markii ay heshiiska la saxiixatay Somaliland, dowladda federaalka Soomaaliya ayaa abuurtay xiisad diblumasiyadeed oo adag, taas oo Itoobiyaanka ku kallifay inay raadiyaan dowlado wadahadashiiya iyaga iyo Soomaaliya. The post DF oo shaacisay qodobka fashiliyey wada-hadalkii ay Ankara kula gashay Itoobiya appeared first on Caasimada Online.
-
Ethiopia has reportedly rejected a new offer of port use by Somalia. The offer was made at ongoing talks between the countries in Ankara Turkey. The delegations from Ethiopia and Turkey led by foreign ministers are meeting in Turkey to resolve the dispute over port access. Ethiopia, in January this year, signed a controversial Memorandum of Understanding with Somaliland. The MoU, if implemented, would enable landlocked Ethiopia to establish a naval base in Somaliland and gain access to sea on lease. In return, Ethiopia would recognize Somaliland as an independent country. Somaliland is internationally recognized part of Somalia but it has been operating as an independent entity, struggling to get international recognition. Somalia termed the MoU a violation of its territorial integrity and sovereignty. It cut off diplomatic ties with Ethiopia and refused to enter into any talks with Ethiopia until Ethiopia withdraws from MoU. But on weekend, Somalia agreed to talk to Ethiopia. The two countries, mediated by Turkey, are holding talks in Ankara. The Somali delegation led by Foreign Minister Ahmed Fiqi, reportedly, offered Hobyo port to Ethiopia. Hobyo port is situated in Galmudug regional state of Somalia. Situated on the Indian Ocean, it is located around 200 km away from Ethiopian border. In 2019, Qatar showed interest in constructing this port and Obbia airport in the area. But progress could not be made. In 2020, Oriental Terminal, a consortium of Turkish, Somali and British companies, showed interest in building this port but again no progress happened. Earlier this year, engineers from Djibouti also visited the port. Obbia airport in this area is basically an airstrip with one runway only. The Ethiopian delegation reportedly rejected this offer from Somalia. Ethiopia is more interested in using Berbera port which is fully operational port, developed by UAE’s DP world. Berbera has an airport too and road infrastructure from Berbera to Ethiopian border is in good condition. The two delegations are still in Ankara. Final outcome of the talks has not been announced so far. Qaran News
-
Ankara (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya dalka Turkiga ayaa sheegaya in uu natiijo la’aan ku soo dhammaaday kulan la isugu keenay wakiillo kala matalayay Soomaaliya iyo Itoobiya oo la rabay in xal looga gaaro khilaafka labada dal. Ilo wareedyo ayaa Caasimada Online u xaqiijiyay in wafdiga dawlada Soomaaliya ay ku adkaysteen in aysan gorgortan ka galaynin arrimaha uu khilaafku ka taagan yahay oo ah heshiiskii badda ee sida sharci-darrada ah ay Itoobiya ula saxiixatay Somaliland. Kulankan ayaa ahaa mid ku yimid codsi ay Itoobiya soo marsiisay dalalka Qatar, Mauritania iyo Turkey oo ay ka dalbatay inay dhex-dhexaadiyaan iyaga iyo Soomaaliya. Markii la isugu tegay miiska wada-hadalka dowladda Soomaaliya ayaa ku adkeysatay mowqifkeedii ahaa “in Itoobiya ay ka laabato heshiis beenaadkii ay la gashay Muuse Biixi, si loo guda-galo wada-hadalka.” Wasiirka arrimaha dibadda Turkey Hakan Fidan oo garbihiisa ay taagan yihiin wasiirrada dhiggiisa ah ee Soomaaliya iyo Itoobiya, ayaa sheegay in kulamadu ay sii socon doonaan, dibna la isugu soo laaban doono labada bisha September ee sannadkan 2024. Dawladda Soomaaliya ayaa mawqif adag ka taagan difaaca madax-bannaanida dalka, waxaana go’aankeedaas oo ay meel walba ka caddeysay loo arkaa inuu caqabad ku noqday Itoobiya, oo cadaadis caalami ah kala kulmay heshiiskii Somaliland. Heshiiska badda ayaa Itoobiya quus caalami ah geliyay, kadib cadaadiska diblumasiyadeed, taasi oo Itoobiyaanka ku kallifay inay raadiyaan dowlado wada-hadashiiya iyaga iyo Soomaaliya. The post Somalia iyo Itoobiya oo ku kala tegay wada-hadaladii Turkey – Maxaa dhacay? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Saraakiil sare oo ka tirsan Waaxda Difaaca ee dalka Mareykanka ayaa sheegay in kooxda Al-Shabaab ee Soomaaliya ay xiriir iskaashi la billaabeen kooxda Xuutiyiinta Yemen, si ay isugu dayaan in awoodooda ay ku ballaariyaan Soomaaliya. Sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada difaaca Mareykanka oo codsaday in aanan la magacaabin ayaa sheegay in Al-Shabaab ay la shaqeeyaan Xuutiyiinta, isagoo ku tilmaamay wax la yaab leh oo laga walaaco. Falanqeeyayaasha ayaa sheegay in Xuutiyiinta, oo ah koox gacan ka hesha dowladda Iran ay doonayso in ay abuurto jiho cusub oo badweynta Hindiya ah oo Al-Shabaab ay ka heli karaan gantaalada casriga ah iyo diyaaradaha aan duuliyaha lahayn. Haddaba xiriirka iyo iskaashiga la sheegayo inay xuutiyiinta oo shiico ah doonayaan inay la yeeshaan kooxda suniga sheegata ee Al-Shabaab, muxuu uga dhigan yahay Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka Geeska Afrika? Axmed Kaboole oo falanqeeya arrimaha ammaanka ayaa arrintaan uga waramay VOA, isagoo ku sugan dalka Sweden ayuu sheegay in xiriirka Shabaab iyo Xuutiyiinta uu sii kordhinayo weerarada iyo beegsiga ay Shabaab ka wadaan gobolka. “Al-Shabaab waxay u baahantahay hub casri ah, Xuutiyiinta waa heystaan, sida diyaarado iyo gantaalo halis ah oo Iran iyo saaxiibadooda kale ay ka heleen, hubka ay Xuutiyiintu heli karaan hadii uu gacanta Shabaab galo, caqabad weyn ayey dowladda Soomaaliya ku noqon doontaa,” ayuu yiri. Sidoo kale falanqeeye Axmed Kaboole ayaa sheegay in Shabaab ay xuudadaha dalka ka gudbi doonaan, hadii ay helaan awood intaan ka badan, “waxaa halis loogu jiraa inay helaan hub casri ah oo ka fiican midka dowladdu heysato, mar kasta oo ay awood teeshaan culeys weyn ayaa soo kordhaya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Axmed Kaboole. Inkastoo kooxahaan ay kala yihiin Shiico iyo Suni, waxaa xiriirkooda loo sababeynayaa in Shabaab ay aad u rabaan hub casri ah, halka Xuutiyiintu ay daneynayaan inay awood u yeeshaan maamulka Badweynta Hindiya. Falanqeeye Axmed Kaboole ayaa dowladda Soomaaliya u soo jeediyey inay ka fikirto sidii ay uga hortegi laheyd in xiriirka Shabaab iyo Xutiyiinta uu dhaqan galo, iyadoo kaashaneysa caalamka, sidoo kale wuxuu ku taliyey in badaha Soomaaliya laga difaaco Al-Shabaab, si aysan hub ula soo degin. Hoos ka dhageyso wareysiga. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2024/07/Xuuti.mp3The post Qorshaha halista ah ee xiriirka Al-Shabaab iyo Xuutiyiinta iyo walaac caalami ah oo ka dhashay (Dhageyso) appeared first on Caasimada Online.
-
Beledweyne (Caasimada Online) – Waxaa isisoo tareysa murugada uu reebay qaraxii Axadii ka dhacay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, dadkii ku dhintay qaraxaas waxaa ka mid noqday qoys ka koobnaa Hooyo, Aabe iyo Gabadhooda. Qaraxaas ayaa goor galab ah ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee galbeedka magaalada Beledweyne, waxay masuuliyadiisa sheegatay Khawarijta Al-Shabaab, bartilmaameedku wuxuu ahaa xero ay ka guurayeen ciidanka Jabuuti ee Hiil-walaal, balse waxaa fashiliyey oo meel fog uga hortegay ciidanka Ilaalo Qaran ee xoogga dalka oo xeradaas kala wareegay ATMIS. Aabe Xasan Cabdi Aadan iyo xaaskiisii Muslimo Maxamed waxaa la geeriyootay gabadhooda oo 7 sano jirtay, markii uu qaraxu haleelay waxay ka yimaadeen beer ay ku lahaayeen duleedka magaalada, sida ay Caasimada Online u sheegeen ehellada reerka. Feylow Cabdi Aadan oo ay walaalo ahaayeen Aabaha reerkii lagu laayey qaraxaas ayaa warbaahinta u sheegay in reerkaas oo ka yimid beertooda oo mararka qaar ay aadi jireen uu haleelay qaraxa ka dhacay xaafadda Howlwadaag ee magaalada Beledweyne. “Waxa aan tagnay meeshii ay dhibaatadu ka dhacday, runtii waxa ay ahayd wax aan la qiyaasi karin hilbihii ehelkeenna oo googo’ay ayaan Meesha kasoo aruursannay”, ayuu Feylow Cabdi oo BBC uga waramay dhacdadaan xanuunka badan. Xasan iyo Muslimo waxa ay ifka kaga tageen 7 carruur ah oo kale oo hadda ku sugan magaalada Beledweyne, sida laga soo xigtay walaalkiis Feylow Cabdi oo aad uga walaacsan nolosha carruurta uu adeerka u yahay ee la dilay Aabahood, Hooyadood iyo walaashood. Beledweyne ayaa lagu tilmaamaa magaalada labaad ee Soomaaliya ugu qaraxyada badan, marar badan oo Shabaab ay qaraxyo ka geysteen magaaladaas, waxay ku xasuuqeen boqolaal qof, kuwaas oo mar kasta loola soo cararo caasimada Muqdisho, maadaama isbitaal weyn oo dadka dhaawacma daryeeli kara uusan ku oolin magaaladaas. Qaraxii maalin ka hor ka dhacay magaalada waxaa lagu sooratay gaafi Home ama Caasi ah, kaas oo nin naftiisa haligay uu waday, wuxuuna ka dhacay afaafka hore ee xerada ciidamada Jabuuti ku lahaayeen Xaafada Howlwadaag, iyadoo askartii ugu dambeysay ee ciidanka Jabuuti isaga guureen xerada ayuu qaraxu dhacay, waxaana ka hortegay oo fashiliyey ciidanka qaranka Soomaaliya oo u diyaarsanaa inay la wareegaan amniga xeradaas. The post Murugo: Qaraxii Beledweyne oo hal qoys ka galaaftay Aabe, Hooyo iyo Gabar appeared first on Caasimada Online.
-
Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye(Qoor-Qoor) ayaa maanta la kulmay odayaasha iyo waxgaradka labada beel ee kasoo kala jeeda Xeraale iyo Cabudwaaq ee dhawaan dagaalamay. Qoor-Qoor ayaa labada dhinac ku bogaadiyay heshiiska horudhaca ah ee ay gaareen, isaggoo kula dardaarmay in si buuxda loo dhammeystiro qaybaha haray heshiiska. Sidoo kale waxaa goobjoog ka ahaa kulanka xubno ka tirsan baarlamaanka dowladda federaalka, mudanayaal ka tirsan goloyaasha dowlad-goboleedka Galmudug iyo odayaashada labada beel iyo culimaddii garwadeenka ka aheyd heshiiska. Kulankan ayaa qeyb ka ah bilowga shirka dib u heshiisiin ah oo ay Galmudug u qabaneyso beelaha diriray, si xal kama dambeys ah looga gaaro colaadda. Qoor-Qoor ayaa dhawaan shaaciyay in la hayo xogta dadkii ka dambeeyay hurinta dagaalka, isaggoo caddeeyay in uusan iska dhicin dagaalka labada beelood ee uu ahaa mid ay ka dambeeyeen siyaasiyiin ka dhex raadinayay dano siyaasadeed, islamarkaana ay hay’addaha ammaanka hayaan caddeymaha dadkii ka shaqeeyay arrinkaasi, lana soo bandhigi doono. Waxa uu markaas sheegay in waqtiga ku habboon lasoo bandhigi doono dadka uu sheegay inay ka dambeeyeen hurinta colaadda ay ku baxeen dadka badan. Si kastaba, Dagaal beeleedka gobolka Galgaduud ayaa noqday midkii ugu khasaaraha badanaa, waxaana hal maalin ay beelahaan ay iska dileen in ka badan illaa 50 qof, halka ay iska dhaawaceen ku dhowaad 100 kale, kadib dagaallo ka dhacay waqooyiga Galgaduud. Gobollada dhexe ee dalka ayaa waxaa muddo dheer ka taagan colaad beeleedyo saameyn ku yeeshay nolosha shacabka, waxaana usii dheer dilal ay isku gaysanayaan beelaha. The post Xogta kulan xasaasi ah oo Qoor-Qoor uu la qaatay odayaasha beelihii dagaalamay + Sawirro appeared first on Caasimada Online.
-
Charles III, the King of the United Kingdom. Mogadishu (PP News Desk) — King Charles III, the King of the United Kingdom sent a message of congratulations to President Hassan Sheikh Mohamud on the 64th anniversary of Somalia’s independence. In a formal message, King Charles wished “our countries can continue to work closely together on important global issues, whether they be peace and prosperity, or environment and climate change, which will benefit our future generations for years to come.” President of the Federal Republic of Somalia Dr Hassan Sheikh Mohamud. “As you and the people of Somalia celebrate the special occasion of your National Independence Day, my wife and I have great pleasure in conveying our heartfelt congratulations to Your Excellency and the Somali people. I value the bond between our nations, and hope that our countries can continue to work closely together on important global issues, whether they be peace and prosperity, or environment and climate change, which will benefit our future generations for years to come. My wife and I would like to take this opportunity to send you and all Somalis our warmest good wishes for the coming year” wrote Charles III. © Puntland Post, 2024 The post King Charles III Congratulates President Hassan Sheikh Mohamud on Somalia’s 64th Independence Anniversary appeared first on Puntland Post.