-
Content Count
212,816 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Hantidhowraha guud ee qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale oo maanta shir jaraa’id u qabtay Wariyeyaasha ayaa shaaciyay xog cusub oo ku aadan baaris ay ku sameeyeen laba xafiis oo ka tirsan hay’adaha dowladda Soomaaliya. Hantidhowraha ayaa sheegay in baaris fatash ah lagu sameeyay xafiisyada ruqsadda shaqada shaqaalaha shisheeyaha ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo adeegga kordhinta dal ku jooga shisheeyaha ee hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, isla markaana lagu ogaaday inay ku kaceen musuq-maasuq iyo wax is daba-marin. Axmed Ciise Guutaale ayaa sheegay in xafiisyadan ay ku maqan tahay lacag ka badan 20 milyan oo dollar, taas oo aan lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda Soomaaliya. Shirkiisa jaraa’id ayuu ku sheegay in xafiisyadan ay qabteen lacag dhan $33,370,260 balse $12,437,690 oo kaliya lagu shubay qasnadda dowladda, wuxuuna sheegay inay maqan tahay lacag gaareyso illaa $20,932,570, taas oo la waayay intii u dhexeysay sideeddii Maarso ee 2018-kii, illaa 19 April ee sanadkii lasoo dhaafay ee 2023-kii. “Lacagta dakhliga ah ee ay qabteen xafiisyada ruqsadda shaqada iyo shaqaalaha shisheeyaha ee wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada iyo adeegga kordhinta dal ku jooga shisheeyaha ee hay’adda socdaalka jinsiyadda intii u dhexeysay sideeddii Maarso 2018 ilaa 19 Apriil 2023 waxa ay ahayd lacag dhan $33,370,260, hase yeeshee $12,437,690 keliya, kana mid ah dakhliga guud ee ay xafiisyadaasi qabteen intii u dhexeysay sideeddii Maarso 2018, illaa 19-koo April 2023 oo ah muddo 5 sano iyo dheeraad ah waxay u xareeyeen DFS, iyaga oo marsiiyay nidaamka SFMIS-ka” ayuu yiri Guutaale. Waxa uu intaas kusii daray “Balse farqiga u dhexeeya dakhliga ay xareeyeen iyo kan ay qabteen waa lacag dhan $20,932,570, taas oo ah cadadka lacagta dakhliga ah ee baarista fatashka ah ay daboolka ka qaaday inay ka maqan tahay qasnadda dowladda, isla markaana aan lagu shubin qasnadda dhexe ee dowladda.” Guutaale ayaa waxa kale uu sii raaciyay “Taas micnaheedu wuxuu yahay in lacagtaas ay ka maqan tahay dakhliga guud ee dowladda sanadihii 2018 illaa 2023, kuna maqnaatay xafiisyada ay baarista fatashku quseysay ee kor ku xusan”. Hanti-dhowraha guud ee qaranka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in lunsashada lacagtan ay saameyn ku yeelatay dowladda dhexe oo uu tilmaamay in xittaa ay deyn u gashay sidii mushaaraakooda loo siin lahaa shaqaalaha dowladda, ciidamada iyo xildhibaannada. “Lunsashada $20,932,570 waxay qayb ka tahay sababta dhiig baxa dakhliga dowladda iyo cajsiga ku dhacay qasnadda dhexe ee dowladda, ayada oo ay taasi horseeday in dowladda Soomaaliya qaadato dayn iyo kab, si ay u bixiso oo kaliya mushaarka shaqaalaheeda, haddii uu yahay ciidanka, haddii uu yahay baarlamaanka iyo haddii uu yahay shaqaalaha guud ee dowladda” ayuu mar kale ku yiri shirkiisa jaraa’id. Hoose ka daawo:- The post Daawo: Lacag ka badan 20 milyan oo laga waayay qasnadda DF – Yey ku maqan tahay? appeared first on Caasimada Online.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa gaaray deegaanka Waragaadhi ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Xasan ayaa furinta dagaalka u tegay dardar-galinta howl-gallada dib u xoreynta dalka, isaggoo halkaasi ugu safray diyaarad ay leeyihiin ciidamada xoogga dalka, taas oo dhawaan lagu soo bandhigay dabaal-deggii xuska 1-da Luulyo. Madaxweynaha ayaa saraakiisha hoggaamisa ciidamada xoogga dalka ee deegaanka ku sugan ka dhegeystay warbixinno ku saabsan guulaha laga gaaray argagixisada. Saraakiisha ayaa sidoo kale madaxweynaha la wadaagtay warbixinta ciidamada ay hoggaamiyaan iyo qorshaha waqtiga kooban ee kooxda Al-Shabaab looga xoreynayo deegaanada haray. Qorshaha ayaa qeyb ka ah bilaabashada wejiga labaad oo dhowr jeer uu dib u dhac ku yimid, kaasi oo kooxda siisay nafis ay dib isugu soo abaabuli karaan, ayaga oo weeraro rogaal celin ku qaaday deegaano horey looga qabsaday. Wejiga koowaad ee dagaalka ayaa markii uu bilowday laga gaaray guullo wax ku ool ah, ayada oo ciidanka dowladda iyo shacabka hubeysan ay dagaal adag la galeen kooxda, iyaga oo ka xoreeyay deegaan iyo degmooyin muhiim ah. Wejiga xiga ee dagaalka ayaa la filayaa inuu si rasmi ah looga sifeeyo deegaanada ay weli kooxda kaga harsan tahay maamulka HirShabelle iyo Galmudug, ayada oo loo gudbi doono maamullada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland oo kooxda ku xoogan tahay. The post Sawirro: Xasan Sheekh oo maanta ku laabtay furimaha dagaalka + Qorshaha socda appeared first on Caasimada Online.
-
Xildhibaannada Baarlamaanka Puntland ayaa maanta ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee Lixda bilood ee ka harsan sannadkan 2024. Qoraal ka soo baxay wasaaradda Maaliyadda Puntland ayaa lagu sheegay in Baarlamanku maanta ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee Lixda bilood ee July ilaa December. Miisaaniyadda Lixda bilood ee uu ansixiyay Baarlamaanka ayaa dhan $207, 009, 112 (Labo boqol iyo todoba milyan, sagaal kun, boqol labo iyo toban Dollar) siday sheegtay wasaaradda Maaliyadda. “Miisaaniyadda ay maanta Golahu ansixiyeen ayaa dhan $207, 009, 112 (Labo boqol iyo todoba milyan, sagaal kun, boqol labo iyo toban Dollar)” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaaradda. Wasaaradda Maaliyadda ayaa dhawaan horgeysay golaha Wakiilada Miisaniyadda Lixda bilood ee (July-December) 2024 taasi oo akhris dheer iyo doodo dibna golahu ay ansixiyeen. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Puntland oo maanta ansixiyay Miisaaniyadda Lixda bilood ee ka harsan sannadkan 2024 appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ayaa maanta xukun ku ridday dable xoogga dalka Maxamed Xiireey Maxamuud oo horay u dhaawacay taliyihiisa oo lagu magacaabo Axmed Cabdullaahi Maxamed, isaga oo xabad uga dhuftay afka. Askarigan oo muddo baxsad ahaa ayaa lagu soo qabtay gabar shukaansi ahaan ugu ballamisay goob loogu talagalay in lagu qabto, kadibna sidaas ayaa kusoo gacan galay. Maxkamadda ayaa Maxamed Xiireey ku xukuntay Magta Dhaawaca iyo bixinta Kharashkii ku baxay taliyaha uu dhaawacay, Shan sano oo Xabsi Ciidan ah, waxaana sidoo kale maxkamadda ay ka saartay Xubinnimada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Warsaxaafadeedka ayaa u qoranaa sidatan:- Dable Xoogga Maxamed Xiireey Maxamuud oo ka tirsan guutada Cali bin abii Daalib, ayaa loo soo xiray inuu dhaawac culus uu u geystay taliye unugiisa oo Xabad uu afka uga dhuftay, kaasi oo lagu magacaabo Dable xoogga Axmed Cabdullaahi Maxamed, falkaan ayaana ka dhacay degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan taariikhdu markii ay aheyd Kow iyo tobanka bishii January ee Sanadkaan. Falka kadib Eedeysanaha oo lagu xiray Xabsi ku yaalla Guriceel, ayaa kasoo baxsaday Xabsigaasi, isaggoo soo galay Muqdisho. Waxaana uu si dhuumaaleysiya uu in muddo ah uu ku joogay Tabeelaha Sheekh Ibraahim, Baadi goob kadib gacanta hay’addaha ammaanka ayuu soo galay Afar iyo tobanka bishii afaraad ee sanadkaan. kadib markii ay soo gacan geliyey gabar haasaawe Jaceyl la jishay, isaggoo lagu qabtay Xeebta Liido degmadda Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddex iyo tobankii Bisha lixaad ee Sanadkaan. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn Maanta Ku xukuntay Ex Dable xoogga Maxamed Xiireey Maxamuud, Magta Dhaawaca iyo bixinta Kharashkii ku baxay, Shan sano oo Xabsi Ciidan ah, waxaana maxkamadda ay ka saartay Xubinnimada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida The post Askarigii xabadda afka uga dhuftay taliyihiisi oo maanta la xukumay appeared first on Caasimada Online.
-
Hanti-dhowraha Guud ee qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in Ku dhowaad $21 Milyan oo dollar aysan qasnadda dowladda ku dhicin oo gaar loo leexsaday, islamarkaana baaritaan ay sameeyeen sidaa ku ogaadeen. Lacagtan ayuu sheegay in la xaday ama la lunsadau intii u dhexaysay Maarso 2018 ilaa Abriil 2023, islamarkaana qasnadda dowladda laga waayay, balse ma sheegin cid gaar ah oo la ogaaday inay hantidaas dhacday. Lacagta maqan ayuu sheegay inay qeyb ka tahay daqligii ay sanadahaas qabteen Hay’adda socdaalka iyo jinsiyadda, waaxda bixinta baasaboorka, Wasaaradda Arrimaha shaqada iyo Arrimaha bulashada iyo laamo kale oo dowladda ka tirsan. Dowladda Soomaaliya ayaa sanadihii la soo dhaafay maxkamadaysay masuuliyiin badan oo ka tirsan wasaaraha iyo laama kala duwan ee dowladda, kuwaas oo loo haysatay eedaymo musuqmaasuq. Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa goordhow gaaray magaalada Wargaadhi ee gobolka Shabeellaha Dhexe, halkaas oo uu kulamo gaar ah kula leeyahay saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka ee dagaalka kula jira kooxda Alshabaab. Inkastoo aan horay loo sii shaacin haddana safar madaxweynaha ayaa salka ku haya dardargelinta dagaalka iyo howlgallada ka dhanka ah kooxda Alshabaab, sida xoga hoose oo ku dhowi ay sheegeen. Wargaadhi waxaa ku sugan cutubyo ka tirsan ciidanka qalabka sida gaar ahaan xoogga dalka iyo kuwa macawislayda oo dagaal xooggan kula jira kooxda Alshabaab, islamarkaana halkaa saldhigyo ku leh. Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa ku booqday hoyga ay ka daggan yihiin magaalada Muqdisho qoyska Allaha u naxariistee Prof. Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari, si uu ula qeybsado geerida, una saxiixo buugga tacsida marxuumka oo halkaas ka furan. “Prof. Jawaari waxuu ka baxay Qaranka iyo ummadda Soomaaliyeed dhammaanteed, halgankiisii dheeraa ee uu u soo maray dowlad dhiska Soomaaliya waa mid lama ilaawaan ah, Ilaahay naxariistiisa janno ha ka waraabiyo, ehelkiisa, asxaabtiisa, iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeedna samir iyo iimaan ha ka siiyo.” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Ra’iisul Wasaaraha ayaa qoyska marxuumka la wadaagay in dadka Soomaaliyeed oo dhan ay si siman u dareemeen geerida marxuumka, taas oo muujinaysa kaalintii uu ugu fadhiyey intii uu noolaa Prof. Maxamed Shiikh Cismaan (Jawaari) Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka. Source: goobjoog.com
-
Dable Xoogga Maxamed Xiireey Maxamuud oo ka tirsan guutada Cali bin abii Daalib, ayaa loo soo xiray inuu dhaawac culus uu u geystay taliye unugiisa oo Xabad uu afka uga dhuftay, kaasi oo lagu magacaabo Dable xoogga Axmed Cabdullaahi Maxamed, falkaan ayaana ka dhacay degmadda Maxaas ee gobolka Hiiraan taariikhdu markii ay aheyd Kow iyo tobanka bishii January ee Sanadkaan. Falka kadib Eedeysanaha oo lagu xiray Xabsi ku yaalla Guriceel, ayaa kasoo baxsaday Xabsigaasi, isaggoo soo galay Muqdisho. Waxaana uu si dhuumaaleysiya uu in muddo ah uu ku joogay Tabeelaha Sheekh Ibraahim, Baadi goob kadib gacanta hay’addaha ammaanka ayuu soo galay Afar iyo tobanka bishii afaraad ee sanadkaan. kadib markii ay soo gacan geliyey gabar haasaawe Jaceyl la jishay, isaggoo lagu qabtay Xeebta Liido degmadda Cabdicasiis ee gobolka Banaadir. Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Seddex iyo tobankii Bisha lixaad ee Sanadkaan. Garsoorka Maxkamadda Ciidamada oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn Maanta Ku xukuntay Ex Dable xoogga Maxamed Xiireey Maxamuud, Magta Dhaawaca iyo bixinta Kharashkii ku baxay, Shan sano oo Xabsi Ciidan ah, waxaana maxkamadda ay ka saartay Xubinnimada Ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed. Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida. Source: goobjoog.com
-
Jowhar (Caasimada Online) – Ciidamada xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta gacanta kusoo dhigay Shabaab ku dhuumaaleysanayay deegaanno hoostaga degmada Ruun-nirgood ee Sh/Dhexe. Howl-gal ay ciidanka ka sameeyeen deegaannadaasi ayaa waxaa lagu soo qabtay Cabdullaahi Macallin Cusmaan (Ilyaas), kaasi oo ku dhuumaaleynaysay halkaasi. Ilyaas ayaa kooxda Al-Shabaab ka tirsanaa ku dhawaad laba sano, waxaana ugu dambeyntiina uu maanta soo galay gacanta ciidanka dowladda ee aagga Ruun-nirgood. Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa ku sugan Ruun-nirgood iyo aageeda, waana dhul howd ah oo kooxda ay aad u jeceshahay marar badana ay ciidamada dowladdu kula dagaaleen. Degmadaan oo dhacda halka ay iska galaan gobollada Shabeellada Dhexe iyo Galgaduud ayaa kamid noqotay magaalooyinkii ay sanadkii tegay dib uga baxeen ciidamada dowladda oo ka gadooday hoggaan xumada ciidanka. Marar badan ayey Al-Shabaab ciidamada dowladda ku soo weerareen Ruun-nirgood oo ah degmo istaraatiiji ah, waxaana socd qorshaha guluf cusub oo la doonayo in aagga degmadaas looga nadiifiyo kooxda. Si kastaba, dagaalka Al-Shabaab ayaa xilligaan maraya meel xasaasi ah, waxaana socda dadaallo horleh oo dowladda ku dardar-gelinayso howl-gallada ka dhanka ah kooxda oo muddooyinkii dambe uu gaabis ku yimid. The post Ciidamada dowladda oo maanta gacanta kusoo dhigay Shabaab ku dhuumanayay… appeared first on Caasimada Online.
-
Kulan ay goor dhow yeesheen Baarlamaanka maamulka Jubbaland oo ku saabsan wax-ka-bedelka Dastuurka ayaa lagu ansixiyay wax ka bedelka qaar ka mid ah qodobada muhiimka ah ee Dastuurka Jubbaland. Mid ka mid ah qodobada muhiimka ah ee wax ka bedelka lagu sameeyay waxaa ka mid ah qodobka 70aad ee Dastuurka Jubbaland, kaasoo ahaa in Madaxweynaha uu xilka isku-sharaxi karo labo jeer, qodobkan ayaa gebi ahaanba meesha laga saaray. Qodobka 65aad ayaa loo guuray waxaana laga dhigay in muddada xilheynta Madaxweynaha ay tahay shan sano, u tartamida Madaxweynaha ay tahay mid furan oo aan xadidneyn. Qodobkaan ayaa la aaminsanaa in uu sanadkaan ka hor istaagi lahaa Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam in uu markii Saddexaad uu isku taago xilka Jubbaland. Baarlamaanka Jubbaland ayaa horay loogu eedeeyay in ay daacad u yihiin Madaxweynaha Jubbaland, islamarkaana aysan qabsan howlaha isla xisaabtanka. Doorashada Jubbaland ayaa la qorsheynaya in la qabto dhamaadka Sanadkaan. Source: goobjoog.com
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Baarlamaanka dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa goordhow isugu yimid kulan aan caadi aheyn, kaasi oo ku saabsan wax-ka-bedelka dastuurka. Mudaneyaasha golaha ayaa u coddeeyay ansixinta wax ka bedelka qodobo kamid ah dastuurka dowlad-goboleedkaas, kaasi oo loogu gogol xaarayo damaca madaxweynaha maamulkaasi Axmed Madoobe. Sida ay ogaatay Caasimada Online, mid ka mid ah qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay ayaa waxaa ku jira qodobka 70-aad ee dastuurka maamulka Jubbaland. Qodobkan ayaa dhigaya in madaxweynaha uu xilka isku-sharaxi karo labo jeer, waxaana qodobkan gebi ahaanba maanta laga saaray meesha. Sidoo kale waxaa loo guuray qodobka 65-aad, iyada oo laga dhigay in muddada xil-heynta madaxweynaha ay tahay shan sano, u tartamida madaxweynaha ay tahay mid furan oo aan xadidneyn. Tallaabadan ayaa dhabaha u xaareysa in Axmed Madoobe uu markale isku soo taago xilka madaxtinimo, kaasi oo intii ay jirtay Jubbaland uu ku fadhiyo, lamana oga sida ay wax ku dambeyn doonaan. Ninkan oo Jubbaland majaraha u hayo tan iyo markii la aas-aasay 2013-kii, ayaa markale isku diyaarinaya inuu isku caano shubi, uuna qabsado doorasho lamid ah kuwii horey uga dhacay Kismaayo. The post Baarlamanka Jubaland oo ansixiyey damacii A/Madoobe – Sidee maanta wax u dhaceen? appeared first on Caasimada Online.
-
Dowladda Itoobiya ayaa markii u horraysay ka warbixisay Kulamadii Turkigu dhex-dhexaadinayay ee lagu wada-hadal siinayay Soomaaliya iyo Itoobiya. War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa looga warbixiyay Kulamadii ka dhacay magaalada Ankara ee Turkigu ku dhex-dhexaadinayay Soomaaliya iyo Itoobiya si loo xalliyo Khilaafka labada dal. War-saxaafadeedka wasaaradda Arrimaha dibadda Itoobiya ayaa lagu sheegay in Kulamadii labada dhinac lagu soo bandhigay aragtiyo ku wajahan sidii wax loo qaban Khilaafka loona heli lahaa hannaan la wada aqbali karro oo ku aaddan arrintii badda ee muranka sababtay. Dowladda Itoobiya waxay sheegtay in Kulamadii dhacay la isku weydaarsaday aragtiyo daacadnimo iyo niyad-sami ku dhisan oo ku aaddan xallinta Khilaafka labada dal islamarkaana horumar laga sameeyay aragtidii la soo bandhigay. Itoobiya ayaa sidoo kale tilmaantay in labada dowladood ee Itoobiya iyo Soomaaliya ay ka go’an tahay in si nabad ah lagu dhameeyo khilaafka, una mahadcelinayaan dowladda Turkiga. PUNTLAND POST The post Dowladda Itoobiya oo sheegtay in Kulamadii Ankara looga wada hadlay Arrinta Badda ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
-
Koox hubeysan ayaa Saddex qof oo xoolo dhaqato ah ku dilay baadiyaha deegaanka Dalsan oo hoos yimaada degmada Caabudwaaq ee Galgaduud, Dilkaan ayaa salka ku haya aano qabiil. Maleeshiyaadka dilka geystay ayaa ka yimid dhanka degmada Cadaado. Kooxda dilka geystay ayaa si nabad ah goobta uga tagay iyadoo aysan jirin cid gacanta ku dhigtay. Baadiyaha deegaanka Dalsan hadda waxaa ka taagan xiisad ka dhalatay dilka ay geysteen kooxdda hubeysan. Galmudug ayaa billihii lasoo dhaafay waxaa kordhay dilalka la xariira anooyin qabiil. Sidoo kale gobollada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa ka dhacay dagaallo socday saacado badan oo u dhaxeeyay laba beellood. Galmudug ayaa ku guuldareystay in ay xal u hesho dagaal beeleedyada iyo dilalka la xariira anooyinka qabiil. Source: goobjoog.com
-
Ankara (Caasimada Online) – Dowladda Turkey ayaa sheegtay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay isku raaceen in ay wsii wadaan wada-hadallada shalay ka dhacay Ankara ee aysan wax natiijo la taaban karo ah ka soo bixin. Wada-hadallada ayaa si aan toos aheyn u dhex-maray wasiirada arrimaha dibedda labada dal Axmed Macallin iyo Taye Atske Selassie. Dowladda Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku tiri “Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa, gaar ahaan Dowladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in dawladda Ethiopia ay ka noqoto MoU-gii sharcidarrada ahaa ku adkaysatay iyo in aan wax gorgortan laga galeyn ilaalinta madaxbanaanida dhuleed ee dalkeenna oo u ah dowladda Soomaaliya lama taabtaan.” Wasiirka arrimaha dibedda Turkey Hakan Fidan ayaa sheegay in wada-hadallada aysan aheyn fool ka fool balse labada dhinac ay si kala gooni gooni ah u fadhiyeen oo loo kala dab qaadayey. “Wasiirradu, iyada oo loo marayo fududaynta Turkiga, waxay awood u yeesheen inay si gooni gooni ah u yeeshaan wada-hadal daacadnimo, niyad sami iyo aragti fog oo ku saabsan khilaafaadkooda iyo sahaminta aragtiyo ku wajahan sidii wax looga qaban lahaa hab la wada aqbali karo,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Hakan Fidan. “Wasiirrada Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa ku celceliyay inay ka go’an tahay in si nabad ah lagu dhammeeyo khilaafaadka, waxayna sheegeen inay ku faraxsan yihiin inay Turkiga fududeeyaan.” Fidan ayaa sidoo kale sheegay in wasiirrada ay isla garteen in la sii wado wada-hadallada socda si loo xalliyo arrimahooda, loona xaqiijiyo xasilloonida gobolka. Wasiirada ayaa isku raacay in ay ku kulmaan Ankara 2-da September 2024 si ay u yeeshaan wareeg labaad oo wadahadal ah, sida uu sheegay Fidan. “Labada dhinacba waxay dadaalkan uga mahad-celiyeen Mudane Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga,” ayaa lagu yiri bayaanka. Inkasta oo Soomaaliya iyo Turkey ay bayaano kasoo saareen wada-hadallada, haddan waxaan weli ka hadal Itoobiya. The post Turkey oo sheegtay arrin ay isku raaceen Soomaaliya iyo Itoobiya kadib wada-hadalkii appeared first on Caasimada Online.
-
President Muse Bihi is a leader who raises controversial issues frequently which is not expected from president. President Muse never paid respect the constitution and the law of rule in his country. While speaking in our media, Muse Bihi never spoken in constructive objectivity. Muse bihi believe, somaliland is his own property. This is reason why President Muse Bihi Habitually speak irresponsibly & illogically . Animal farm is a story writen by George Orwell. It is about a story of Animals that revolted against their boss who used to terrorized them. The story was writen during soviet Stalin authoritarian rule in 1945. Stalin period in Russia was worst period in Russia revolution. President Muse rule in Somaliand reminds us the story of Animal farm which is painful story. It is great shame to sing you prefer none muslim Amharaic in contrast with somali muslim from Garawo. This is immoral expression as after all, we are somalis by origin even though somaliland was separated from somalia innm 1991. The guy who composed this so called song lost image. We share with somalis language, religion, culture and traditional values, origin as thousands of our mothers and grand moms originate from somalia, while we share with Amhara only the black color and nothing more. We never expected somaliland citizen who was invited in national event was discriminated by his President. It was heart broken story president Muse Bihi rejected to shake hand with somaliland traditional leader called Nasir who extended his hand to shake hand with his president. It is regrettable story which will be remembered long lasting . Somaliland wadani party become political centre that units somaliland population across the country. The party is experiencing unprecedented expansion & landmark enlargement. This is because the party leaders have attracted the hearts & minds of somaliland society collectively. In view of above, kulmiye failed system is experiencing its worst period since founded as majority of Somaliand voters put their weight and votes behind wadani party. This is made kulmiye party politically bankrupted. The possibility of Somaliand ethiopia deal with regard somaliland offering sea excess to somaliland in exchange ethiopia recognizing somaliland has a grim chance to proceed as turkey which have strong backing of America and qatar have inserted heavy pressure to ethiopia which made impossible to deal to proceed. Hence, we are living on false hopes . Unlike the dictator Muse bihi, somaliland wadani political party which have solid support and strong backing to the entire somaliland population across the country will form a unity government which it’s first priority is to uniy somaliland total population throughout somaliland as unity and victory are twins. Unity means power and strength. Wadani party promote the power of oneness. The party preach and advocating one people,one voice, one nation and strong somaliland. President Muse Bihi who is self dictator has the intention to hijack the due presidential election. Answering questions about ethiopia and somalia, American official Molly phee said, they hearing somaliland government has the intention to delay the presidential election. This will damage somaliland democratic image, Molly . Said . As somaliland is not his own property, president Muse Bihi who is typically a dictator can’t hold the power of Somaliand through gun point. He can’t remain power in Somaliand through the use of force. He can’t able to hijack somaliland right to vote through democratic election. He can’t be able to silent somaliland democratic voices . Ali Behi al.adam29@googlemail.com Qaran News
-
Turkey has begun mediating talks between Somalia and Ethiopia over a port deal Addis Ababa signed with the breakaway region of Somaliland earlier this year, Ankara and four officials familiar with the matter said. The negotiations are the latest attempt to mend diplomatic ties between the East African neighbours, whose relationship soured in January when Ethiopia agreed to lease 20 km (12 miles) of coastline from Somaliland, in exchange for recognition of its independence. Mogadishu called the agreement illegal and retaliated by expelling the Ethiopian ambassador and threatening to kick out thousands of Ethiopian troops stationed in the country helping battle Islamist insurgents. Turkey’s foreign ministry said Foreign Minister Hakan Fidan had hosted both his Ethiopian and Somali counterparts in Ankara, adding the three had signed a joint statement following “candid, cordial and forward-looking” talks on their differences. The Somali and Ethiopian ministers discussed ways to address their differences “within a mutually acceptable framework”, and agreed to hold another round of talks in Ankara on Sept. 2, the statement said. “The Ministers of Somalia and Ethiopia reiterated their commitment to the peaceful resolution of differences,” it added. Spokespeople for the Somali government and Ethiopia’s foreign ministry, government and intelligence service did not immediately respond to requests for comment. A spokesperson for Somaliland, which has struggled to gain international recognition despite governing itself and enjoying comparative peace and stability since declaring independence in 1991, said it was not involved in the talks. The goal of the negotiation was unclear, and expectations of a resolution were low, two of the officials said. “Despite rumours that Somalia has softened its stance on refusing to engage in dialogue until Ethiopia withdraws the (agreement), it seems unlikely,” one of the officials said. “I don’t see a way forward, and I don’t expect much will come from these talks.” Turkey has become a close ally of the Somali government since President Recep Tayyip Erdogan first visited Mogadishu in 2011, training its security forces and supplying development assistance. The two nations signed a defence pact in February under which Ankara will provide maritime security support to Somalia to help the African country defend its territorial waters. Turkey has built schools, hospitals and infrastructure and provided scholarships for Somalis to study in Turkey, and in return secured a foothold in Africa and on a key global shipping route. A Turkish diplomatic source said Ankara’s mediation efforts began after Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed visited Erdogan in Ankara in May and conveyed a letter asking Turkey to mediate between Somalia and Ethiopia. Source: Reuters The post Turkey mediating Somalia-Ethiopia talks on port deal appeared first on Puntland Post.
-
Xildhibaannada Baarlamaanka Jubaland ayaa maanta oo Talaado ah wax ka beddel ku sameeyay qodoba kamid ah Dastuurka Jubaland. Baarlamaanka Jubbaland oo maanta isugu yimid kulan aan caadi aheyn oo ku saabsan wax-ka-bedelka Dastuurka ayaa u coddeeyay ansixinta wax ka bedelka qodobo ka mid ah Dastuurka dowlad goboleedkaasi. Qodobada wax ka bedelka lagu sameeyay ee Dastuurka ayaa waxaa ka mid ah qodobka 70aad ee Dastuurka Jubbaland, kaasoo ahaa in Madaxweynaha uu xilka isku-sharaxi karo laba jeer, qodobkan ayaa gebi ahaanba meesha laga saaray. Xildhibaannada Baarlamanka Jubaland waxay ansixiyeen in loo guuro Qodobka 65aad waxaana laga dhigay muddada xilheynta Madaxweynaha in ay tahay shan sano, u tartamida Madaxweynaha ay tahay mid furan oo aan xadidneyn. PUNTLAND POST The post Baarlamaanka Jubaland oo wax ka beddel ku sameeyay Qodoba kamid ah Dastuurka Maamulkaas appeared first on Puntland Post.
-
Dawladda Turkiga ayaa magaalada Ankara ku casuuntay Wufuud kala matalaysa Soomaaliya iyo Ethiopia si looga wadahadlo xiisadda taagan. Kulamada labada dhinac ma ahayn kuwo “fool ka fool” inkastoo gabagabadii shirka ay goobjoog ka wada ahaayeen labada wafdi warmurtiyeed wadajir ah, waxaa soo jeediyay dhexdhexaadiyaha, wasiirka arrimaha dibedda dalka Turkiga. Kulankaan oo ahaa kii koowaad ayaa soo gaba-gaboobay waxaana lagu ballamay wareeg labaad oo wadahadal ah 02 September 2024. Wadahadalka ayaa si weyn loogu kala aragti duwanaa, gaar ahaan Dawladda Soomaaliya oo mawqifkeedii hore ee ahaa in dawladda Itoobiya ay ka noqoto heshiiskii is af-garad ee ay la gashay dalka Somaliland. Wadahadalka oo xalay fiidkii soo gebo gaboobay ayaa waxaa lagu ballamay in dib la isugu soo noqdo walow aanu jirin is fahan toos ah oo la shaaciyay. Labada dhinac waxay u mahadceliyeen Recep Tayyip Erdoğan, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Turkiga. Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga Hakan Fidan oo shir jaraa’id qabtay gaba-gabada shirka kadib ayaa yidhi “ wada-hadallada Ankara ay ku gaadheen Itoobiya iyo Soomaaliya waa kuwo leh horumarro la taaban karo, isla markaana wareeggii labaad ee wadahadallada uu bisha September mar kale ka dhici doono dalka Turkiga”. “Maanta waxaan ku faraxsanahay in aan taagannahay hortiina anniga oo ay ila jiraan labada wasiir ee dhigayga ah, wasiiradda Soomaaliya iyo Itoobiya walaaladay Taye Atske-Selassie, iyo Axmed Macallin Fiqi. “Maantana wadahadalku waxa uu joogaa kaalin aan mudnaan weyn ku leenahay ayna ku jirto kalsooni xooggan, sidoo kale waxaa xusud mudan ogolaanshaha ay muujiyeen in ay ku qabaan madaxweyne Erdogan iyo Turkigaba waxay muujineysaa in aan ku taagannahay jidkii saxda ahaa”, ayuu sii raaciyay wasiir Fidan. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo isla markii shirka uu soo idlaaday hadlay isaga oo ku sugan Muqdisho ayaa yidhi, “Waxaa jirtay in dowladda Itoobiya ay Turkiga ka codsatay in ay wadahadal nala yeeshaan, dowladda Turkigana waa ay noo yeedhay iyada oo wadahadal hore uu nooga socday Kenya ayuu ku soo beegmay codsigan ay dirtay Itoobiya”. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in Itoobiya ay fashilisay wadahadalladii hore ee Kenya xilli ay Itoobiya sheegtay in ay dib ugu laabaneyso wadahadal dhexdeeda ah balse ayna dib u soo noqon. “Annagu waligeen wadahadal ma aynaan diidin, Turkigu marka ay yidhaahdeen maxaad ka qabtaan in deriskiinnii soo codsaday wadahadalka aad la hadashaan waan aqbalnay”. Madaxweyne Xasan Sheekh waxa uu carrabka ku dhuftay in ayna jirin wax lagu heshiiyay balse la’isku soo noqon doono. “Waan jeclaan lahayn in mushkiladdaasi ay naga dhamaato oo wax waliba ay ku noqdaan sidii ay ahaayeen 1-dii January kahor, nimankaas deriska aan nahay meel aan wanaagsaneyn ayey taabteen mana ay muujin meel ay kaga noqonayaan”, ayuu sii raaciyay Madaxweyne Xasan Sheekh. Hadabba maxaa lagu micneyn karaa wadahadalkan? Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka faallooday kulankan isaga oo yidhi, “Kulanku waxa uu aha amid loo baahan yahay, Soomaaliya wey ku saxneyd in ay kulankaa tagto, diblomaasiyaddu waa wadahadal, arrintanna waa mid culus haddiise xal laga gaadhayo waa mid muhiimad leh”. Wasiirku waxa uu sidoo kale wax aan wanaagsaneyn ku tilmaamay in wasiirrada labada dowladood ee Turkiga kuwada hadlay ayna si toos ah isku hor fadhiisan isaga oo ku sheegay in ay tahay mid diblomaasiyadda aan shaqo ku lahayn. “Haddiiba ay labada wasiir isla istaagi karaan maxaa ku jaban in ay wada fadhiistaan maadaama dhammaadkii shirka ay si wada jir ah usoo istaageen shirka jaraa’id” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir Cawad. Dawladda Itoobiya weli kama hadlin kulanka Ankara. Source
-
Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aaney jirin wax ka dhaxeyn kara dowladdiisa iyo Shabaab isaga oo meesha ka saaray in aaney jirin aragtiyo la isbarbadhigi karo oo jira. Hadalka Madaxweynaha oo uu jeediyay munaasbadda gunaanadka todobaadka xoriyadda oo 1-da Luulyo ugu dambeysay ayaa jawaab u ah wararka sheegayay in ay jiraan dadaallo dhexdhexaadin ah oo socda “Shabaab iyo annaga wax naga dhaxeeyo malahan, wax naga dhexeeyo oo aan ka wadahadlno oo sidaan sidaan aa ka fiican aan isdhahno ma heyno, haddii aan heyn laheyn waaba la hadli laheyn waana hor fariisan laheyn, maanta wadahadal majirio, wax naga dhaxeeyo majiraan wali ” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baqay in ay iska ilaaliyaan wararka aan saxda aheyn ee socda isaga oo xaqiijiyay in kooxdan ay haddii ay isbadalaan markaas albaabada loo furi doono. Dowladda Soomaaliya ayaa guluf kula jirta kooxda labadii sano ee ugu dambeysay iyada laga saaray boqolaal deegaan oo maanta ay ka jirto Xasillin, laga hirgeliyay adeegyo kala duwan ee dowladnimada. Source: goobjoog.com
-
Milatariga Israa’iil ayaa xalay ku amray dadka Falastiiniyiinta ah ee ku nool degmada Khan Yunis ee badhtamaha Marinka Gaza, in ay isaga baxaan, tallaabadaasi oo u muuqata mid direysa in Isra’il ay mar kale weerari doono magaalada labaad ee ugu weyn Gaza. Amarkan ayaa muujinaya in Khan Yunus ay noqoneyso bartilmaameedka ugu danbeeya ee dagaalka ay Isra’il ka waddo Gaza tan iyo horraanii October ee sannadki hore. Ciidanka Isra’il ayaa horay u burburriyay inta badan Khan Yunus, hase yeeshee shacabka ayaa dhawaan dib ugu soo laabtay, kaddib weerarki ay Isra’il ku qaadday magaalada kale ee Rafax. Dadka lagu amray in ay ka baxaan Khan Yunus ayaa sheegay, in farriin qoraaleedyo ay ciidanka Isra’il ugu soo direen telefoonnadoodu loogu sheegay, in ay aadaan degmada Muwasi ee dhinaca xeebta badda Meditareeniyaanka, halkaas oo ay horay ugu barakaceen boqollaal kun oo ruux. Dhanka kale, kooxaha Islamic Jihad iyo Xamaas ee ka dagaallama Gaza ayaa sheegay in ay Isniintii shalay gantaallo ku weerareen deegaanada ku yaalla koofurta Israil ee xadka Gaza. Millatariga Isra’il ayaa sheegay in ilaa 20 gantaal oo lagaga soo tuuray dhanka Gaza aysan cidna wax ku noqon, hase yeeshee weerarkaasi ayaa muujiyay in wali ay kooxaha Falastiiniyiinta ee Gaza ay leeyihiin awood, kaddib muddo 9 bilood ah oo ay dagaal kula jiraan ciidamada Israil. Source
-
Jamhuuriyada Jabuuti ayaa markale iska fogaysay in ay martigalinayso jabhad ka dhan ah jiritaanka Somaliland. Qoraal kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Jabuuti ayaa lagu sheegay in ay Jabuuti ku suntantahay wada noolaanshaha iyo ilaalinta waddamada ay jaarka la tahay. “Siyaasada Jamhuuriyada Jabuuti waxay ku dhisantahay isxaqdhawr iyo wada noolaanshaha dowladaha iyo umadaha aanu jaarka nahay, Jabuuti waxay ka shaqaynaysa nabada iyo daganaanshaha gobolka Geeska Afrika” ayaa lagu yidhi qoraalka. Jabuuti waxay nasiibdaro ku tilmaantay eedayntii Madaxweyne Biixi ee ahayd in ay martigalisay jabhad ka dhan ah jiritaanka Somaliland, waxayna sheegtay in hadalkaasi uu ahaa mid abuuraya xaalad aan loo baahnayn. Qoraalku waxa uu intaa ku daray in shacabka reer Jabuuti iyo shacabka Somliland ay yihiin laba shacab oo daris wanaag iyo walaalnimo ka dhaxayso isla markaana anay Jabuuti ka suuroobin in ay ku kacdo fal wax u dhimanaya nabadgalyada Somaliland. “Jabuuti waxay sii wadi doontaa siyaasadeeda ku suntan adkaynta nabada iyo wax wada qabsiga umadaha aan walaalahanahay” ayaa lagu yidhi qoraalka. Marka laga yimaado iska fogaynta Jabuuti ee jiritaanka jabhada, Hoggaamiyayaasha Awdal State ayaa ku sugan Jabuuti, iyaga oo caasimada Jabuuti hadal hanjabaad ah uga soo diray Somaliland. Source
-
Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa Isniintii shalay soo saartay xakun xasaanad ballaadhan siinaya madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump, taasoo ka dhigan in dib u dhac uu ku imaan doono maxkamadeynta Trump ee kiiska rabshadihi ay qaar ka mid ah taageerayaashiisa ku weerareen xarunta Coongareeska horraanti sannadki 2021-ki. Dacwadda la xiriirta in Trump uu isku dayay inuu dhinac kale u rido doorashadi looga guuleystay ee sannadki 2020-ki, ayaa tan iyo sannadki hore ka socotay maxkamad ku taalla magaaladan Washington D.C, waxana loo ballansanaa in la qaado ka hor doorashada 5-ta Novemebr. Xakunka Maxkamadda Sare ayaa waxaa aqbalay 6 garsoore, halka ay saddex kasoo horjeesatay. Waxa uu laalayaa go’aanki maxkamadda hoose ee lagu diiday sheegashadii Trump ee aheyd inuu leeyahay xasaanad madaxweyne oo ka hor istaageysa in hey’adaha federaalka Mareykanka ay dacwad ku soo oogaan isaga. Maxkamadda Sare ayaa 9-ka garsoore eel eh awoodda ugu sarreysa ay 6 ka mid ah yihiin Jamhuuri, halka saddex-da kale ay dimoqraaddi yihiin. Maxkamadda Sare ayaa go’aamisay inaanan Trump loo maxkamadeyn karin ficillada uu ku dhaqaaqay inti uu heystay awoodda dastuuriga ah ee madaxtinimo, balse lagu soo oogi karo danbiyada gaarka u ah. Go’aankaan taarikhiga ah ayaa ka dhigan guul weyn oo siyaasadeed oo u soo hoyatay madaxweynihi hore ee Mareykanka Donald Trump. Qoraal uu soo dhigay barta X ee horay loo dhihi jiray Twitter, ayuu Trump ku muujiyay dabaal-daggiisa go’aankan, isaga oo yiri “GUUL WEYN” Madaxeyne Joe Biden oo arrintan war kasoo saaray ayaa go’aanka maxkamadda sare ee Mareykanka ku tilmaamay mid tusaale khatar ah u jideynaya xakunnada Mareykanka. Maxkamadda Sare ee Mareykanka ayaa horay u diidday dadaallo lagu doonayay in Trump laga mamnuuco codbixinta, sababo la xiriira ficilladiisii ka dib doorashadii 2020-ka. Donald Trump, madaxweynihi hore ee Mareykanka ayaa hadda ah murashaxa xisbiga Jamhuuriga ee doorashada madaxtinimada Mareykanka ee Bisha November, wuxuu la baratami doonaa, madaxweynaha xilligaan Joe Biden, oo ah murashaxa xisbiga Dimoqraadiga. Source