Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismaayo (Caasimada Online)-Maamulka Jubbalad ayaa digniin adag usii diray dadka uu sheegay inay ku mashquulsan yihiin carqaladeynta doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose. C/rashiid Xasan Janan, Wasiirka Amniga ee Jubbaland ayaa digniin adag u diray qof kasta oo isku mashquulineysa carqaladeynta doorashada Jubbaland, isagoo fariintiisa laga dheehan karay inay toos u taabaneyso madaxda dowladda. Wasiirka ayaa sheegay in Wasiir, Oday dhaqameed, Xildhibaan iyo cid walbaa oo la timaado faragelinta doorashada Jubbaland aysan ugu dulqaadan doonin, waxaana uu sheegay inay leeyihiin labo cadow oo kala ah mid ay yaqaanaan iyo mid aysan aqoon. “Wasiir ayaan ahay, xildhibaan ayaan ahay, Taliye ayaan ahay, Oday dhaqameed ayaan ahay, ha yiraahdo wuxuu doono ha sheegto, darajo kasto ha sheegto, hadduu isku dayo inuu Liin ku dhiijiyo waxaan muddo ka shaqeyney walaahi kama yeeleyno, Ciddii Liin ku dhiijiso, Waxaan rabnaa Kashii lagu dhufto inay waligeed ummada ka sheekeyso”ayuu yiri wasiirka amniga ee Jubbaland. Wuxuu sidoo kale sheegay inay ka warhayaan in madaxda dowladda ay doonayaan inay carqaladeeyso doorashada Jubbaland sida uu hadalka u dhigay, isaga oo tusaale usoo qaatay gaadiidka aan xabada karin ee laga dajiyay magaalada Baydhabo iyo wasiirada ku sugan magaalada Baydhabo. Sidoo kale wuxuu sheegay inay soo dhaweynayaan musharax walbaa oo wanaag la yimaado, isaga oo sheegay inaaney jirin cid sidii Boqortooyo xilka isaga dhaganaan karta oo uu kala jeeday madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe. Dhawaan ayaa la filayaa inay doorasho ka dhacdo deegaanada Jubbaland gaar ahaan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose Caasimada Online Xafiiska Jubbaland Caasimada@live.com
  2. CNN)Two years ago, Patrick Eugene Stein hatched a plot with two other men to kill Somali refugees by blowing up an apartment complex in Kansas that contained a mosque. Source: Hiiraan Online
  3. Washington (CNN)President Donald Trump offered a dramatic, if legally dubious, promise in a new interview to unilaterally end birthright citizenship, ratcheting up his hardline immigration rhetoric with a week to go before critical midterm elections. Source: Hiiraan Online
  4. The Turkish government has inaugurated the gleaming world’s largest airport on Monday, a magnificent project which fulfills president Erdogan’s dream of making Turkey a global player. But Somalia has not been represented at the ceremony attended by most of Turkey’s major partners, sources told Hiiraan Online on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  5. MOGADISHU (HOL) – The bodies of six people including four from one family have been found outside Somali capital, in a shocking attack in an area which has seen mysterious murder attacks by unidentified gunmen in recent months, officials said on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  6. The Garissa government will map out all businesses to improve planning and services. Source: Hiiraan Online
  7. A delegation led by Somalia’s Post, Telecom and Technology minister is attending the 20th Plenipotentiary Conference (PP-18) of the International Telecommunication Union (ITU), which kicked off at the Dubai World Trade Center in Dubai, UAE. Source: Hiiraan Online
  8. Baydhaba (Caasimada Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulan qarsoodi ahaa oo Baydhabo ku dhexmaray Madaxweynaha waqtiga ka dhamaaday ee Koofur Galbeed iyo xubnaha ugu muhiimsan ee Guddiga doorashada Koofur Galbeed, kuwaasoo la soo magacaabay 21kii Bishan. Shariifka oo dalbaday kulankan, waxaa kaalin ka qaatay isku imaatinka Gudoomiyaha Baarlamaanka Koofur Galbeed C/Qaadir Shariif Sheekhunaa Maye oo laftiisa hardan ugu jira inuu dib ugu soo laabto kursiga Doorashada Madaxweynaha kadib. Shariifka ayaa guddigan u sameeyay balanqaadyo isugu jirta lacago iyo xilal, taasoo ay aqbaleen inta badan xubnihii kulanka fadhiyay, waloow qaarkood ay shaki geliyeen dhaqan galka balanta Shariifka, iyagoo soo xasuusiyay balamo hore oo uu u dhigay taasoo aan meel laga soo qaadin. Qorshe ka kooban ilaa iyo 5 Qodob ayuu miiska soo saaray Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana ugu muhiimsan in tartanka doorashada laga hor istaago inta badan raga ugu cad-cad tartanka dhacaya bisha danbe. Shariifka, ayaa Guddiga doorashada u soo jeediyay iney dib u dhigaan waqtiga doorashada ilaa iyo bilowga Sanada cusub ee 2018, Guddiga ayuu u sheegay in malamahan aan sameyn wax qaban qaabo doorasho ah, Balse diyaar garowgooda ay bilaabaan oo kaliya Bisha December ee sanadan. Guddiga ayaa u muuqda iney hada qaateen qoodbkaas, maadaama aaney jirin wax dhaq dhaqaaqyo ah oo ay sameeyeen tan iyo markii la magacaabay guddigan. Shariifka, ayaa sidoo kale doonaya in doorashada lagu qbato Gudaha Xarunta Madaxtooyada ee Baydhabo, maadaama dhaq dhaqaaqeeda uu xadidi karo, wax kastana ay ugu dhici karaan sida uu isaga daneynayo. Waxaa kaloo jiri qorshe dhinacyo badan leh oo uu Ku doonayo inuu doorashada kaga hor istaago Musharixiinta beesha Digil ah, Gudoomiye Maye, ayuu u soo jeediyay in guddiga aysan ku soo darin dadka tartamaya maadaama isaga oo digil ah uu ku fadhiyo Kursiga Gudoomiyaha baarlamaanka. Hadey taasi dhacdo, waxaan tartameynin Taliyihii hore ee Nabad Sugida Somaliya Xuseen Cismaan Xuseen iyo musharaxa kale ee Xasan Macalin. Amarrada uu siiyay Madaxweyne Shariif Xasan guddiga doorahsada, ayaa waxaa kamid ah in doorahsada ka hor istaagaan inuu tartamo qof ka soo mid noqday urur diimeedyadii dalka ka jiray, Qodobaaksna waxa uu qabanayaa Mukhtaar Rooboow (Abuu Mansuur) oo mar soo noqday Kuxigeenkii Hogaamiyaha Al-Shabaab. Shariifka ayaa durba dayactir iyo qlaabeyn ku bilaabay Dhismaha Xarunta Wasaarada Qorsheynta ee Maamulka Koofur Galbeed, halkaas oo uu doonayo iney ka dhacdo doorahada, Xaruntan waxey ku dhex taalaa Madaxtooyada Baydhabo. Guddiga doorashada, ayaa indhaha uun ka daawanaya tilaabooyinka uu qaadayo Madaxweynaha Sharaxan, Iyadoo qaarkood ay inoo sheegeen iney dareemayaan cabsi la xiriirta in la dhibaateeyo hadii ay si cad isaga diidaan fariimaha ka soo yeeraya Shariifka. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
  9. Muqdisho (Caasimada Online)- Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixiyay cidda ay ahaayeen dadkii shalay lixda ruux ku dishay duleedka magaalada Muqdisho. Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose, ayaa sheegay inay hayaan xog dheeraad ah oo ku saabsan dadkii ka dambeeyay dilkii shalay ka dhacay duleedka magaalada Muqdisho, waxaana Maamulka ay sheegeen in gacanta lagu dhigay dadkaasi qaar kamid ah. C/Fataax Xaaji Cabdulle Guddoomiye ku xigeenka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay inay gacanta ku dhigeen wadaha Gaariga lagu hor jaray gaariga dadweynaha Shacabka ah ay la socdeen, isaga oo sheegay in laamaha amaanka loo gacan geliyay si baaritaan loogu sameeyo. Wuxuu sheegay in dadkaasi ay ahaayeen Maleeshiyaad u hubeysan qaab beeleed kuwaasi oo aargoosi ahaan u dilay shacabka gaariga saarnaa, oo seddex kamid ah ay walaalo ahaayeen. Guddoomiye ku xigeenka ayaa ka dalbaday maamulka Koofur Galbeed iyo dowladda Soomaaliya ay kaalin weyn ka qaataan baaritaanka lagu sameynayo dadka falka dilka geystay, waxaana dadkaasi lagu xerey saldhiga degmada Afgooye, walow markii dambe Muqdisho loosoo wareejiyay. Dadka ay kasoo jeedaan dadkii lagu laayay duleedka magaalada Muqdisho, ayuu ka dalbaday inay xaalada dajiyaan oo ay ka war sugaan baaritaanka laamaha amaanka ay wadaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Halkan ka aqriso qeybihii hore ee qormadan. Al-Shabaab Tan iyo sanadkii 2006, kooxda seef la boodka ah ee Alshabab waxay dhibaatooyin aan la qiyaasi karin u geysteen, nabadda, dib-u dhiska dowladnimada, xoriyadda iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya. Alshabab ayaa u dhaqanta si bahalnimo, naxariis darro iyo jaahilnimo ku dheehan. Waxay caadaysteen inay dilaan cid kasta oo aan aaminsaneyn fikirkooda xagjirnimada ah isla markaana ay abuuraan jawi dalka ka dhigaayo meel aan la maamuli karin. Hab-dhaqanka iyo fikirka xagjirka ah ee ay Alshabab qaadatay, waxay keentay in dalka ay soo galaan ciidamo faran badan oo ajnabi ah, hay’ado sirdoon ah iyo shirkado calooshood u shaqeysteyaal ah, taasoo dhaawacday xoriyaddii iyo madaxbanaanidii dalka. Haddaba, iyadoo qofkasta oo soomaali ah uu ogsoon yahay dhibaatada ay Alshabab u keentay dalka, waxaan ku soo koobi karnaa dhibaatadooda: Amni darro joogto ah: waxay xilli kasta ku mashquulsan yihiin sidii ay u abuuri lahayeen dhibaato amni oo aan si fudud looga soo kabsan karin. Waxay abuureen jawi keenaya inaan si fudud loogu guuleysan soo celinta amigii iyo kala dambeyntii luntay. Waxay u sahleen cidkasta oo rabta inay abuurto qas iyo jahawareer amni, in ay isticmaasho magaca Alshabab dhibaato weyna u geysato nafta iyo hantida dadka. Dhaawac siyaasadeed: markasta oo Alshabab geystato dhibaato amni, waxay dhaawac weyn ku tahay dowladnimo iyo nabad ka hana qaadda Soomaaliya. Arrintaan ayaa noqota marmarsiiyo ay faragelin kaga timaaddo dalal aan dooneyn Soomaaliya in ay ka dhalato dowlad awood u leh hanashada maamulka dalkeeda, soona celin karta sharaftii luntay ee dadka Soomaaliya. Burbur dhaqaale: qaraxyada iyo weerada ismiidaaminta ah ee ay kooxdan seef la boodka fuliyaan, ayaa sababa burbur xoog leh oo soo gaara hantida qaranka iyo midda dadka shacabka oo laga yaabo inaaney lahayn awood ay kaga kabtaan ama dib ugu yagleelaan. Waxaa wax laga naxo ah in khasaaraha dhaqaale ee ay keenaan dadka naftooda halliga ay dhacaan iyadoo aysan jirin cid isweydiisa iyo cid mas’uuliyadooda qaadata . Waxay noqotay arrin caadi ah in dadka dhiiggooda iyo hantitoodaba ay Alshabaab iyo kuwa ay isku hadafka yihiin baneystaan. Dhimashada: weerarada bahalnimada iyo cadaawadda ku dhisan ee ay geeystaan kooxaha isqarxiya ayaa markasta galaafta nafta dad shacab ah oo aan waxba galabsan. Tusaale, waxaa loo soo qaadan karaa dhacdadii murugada iyo xanuunka badneyn ee 14 Oktoober, 2017, ee ka dhacday isgoyska Soobbe ee magaalada Muqdisho iyo kuwa kaloo badan oo lagu xasuuqay dad rayid ah oo aan waxba galabsan. Dhaawac maskaxeed/nafsi ah: qaraxyada iyo dilalka arxan darada ah ee ay geeystaan kooxaha xagjirka ayaa waxay sababaan dhaawacyo jireed iyo kuwo maskaxeed ama nafsi oo saameyn joogta ku yeeshay nolosha boqollaal kun oo qof. Waxaa nasiib darra ah inaan cidina ka war qabin dhaawacyada maskaxeed ee ay reebaan qaraxyada,weerarada is-miidaaminta iyo qaarajinta isugu jira. Waxay dhaawacyada maskaxeed keenaan in waxba laga qaban waayo dad badan oo ay nolosha ka quustaan. Dhaawacyada maskaxeed ayaa waxay inta badan soo gaaraan dadkii goob joogga ka ahaa markii xasuuqa la geystay iyo ehelada dadkii la xasuuqay. Dadka qaba dhaawacyada maskaxeed ama nafsiga ah ee la il-daran naxdinta, welwel joogta ah, isla hadal/isku-buuq, quusta iyo rajo xumadda ayaa ku soo badanaya dalka gaar ahaan dhulka amni xumadu daashatay. Dhaqan burburin: kooxda Alshabab waxay keentay in aaanan waxba la ixtiraamin oo cidkasta dhiigeeda, maalkeeda iyo sharafkeeda la baneysto. Dhaqanka soomaaliyeed ee suuban wuxuu dhowraa waxa loo yiqaano “Bir-mageydo” oo ah in dilka lagala xishoodo dadka nugulka ah (caruurta, haweenka, waayeelks IWM) iyo dadka xurmadleyda ah sida culimadda diinta, oday-dhaqameedyada, gabyaaga, aqoon yahanka, dadka samafalka ka shaqeeya IWM. waxay keeneen inaan waxba laga xishoon cidna aan la badbaadin. Arrintaan waxay naafeysay hab-dhaqankii bulshada, iyadoo sii fogeeyeysay xallinta dhibaatooyinkii dhacay. Dowlad la’aan: Falsafadda iyo aragtida siyaasadeed ee kooxdaan ayaa ah inay kala gooyaan xiriirka ka dhexeeya dowladda iyo shacabka. Waxay qasab ka dhigaan inaan qofna ka hadli karin waxa ka socda deegaanka uu ku nool yahay ee ku mashquulo naftiisa iyo sida uu ku badbaadi karo keliya. Ma jirto meel aduunka ka mid ah oo qofku si sharaf leh ugu noolaan karo dowlad la’aan iyo xorriyad la’aan. Kooxahaan seef la boodka ah waxay dadka ku qasbayaan inaan go’aan iyo talo lagu yeelan dadka madaxda u noqonayo, sida ay kuu maamulayaan iyo sida aad ula xisaabtami lahayd. Waxay dadkii ku abuureen cabsi iyo argagax xad-dhaaf ah taasoo ku kalliftay inaan qofna iyaga waxba ka sheegi karin waxna u sheegi karin. Cibaado yaraan: Kooxahan xagjirka ah, waxay bartimaameedsanadaan cid walba uu ay u arkaan inaaney ku feker ahayn. Xoogdaani waxay dad ka ugaartaan masaajidyada ilaahay lagu caabudo. Maadaama gobihii ilaahay lagu caabudaayey lagu baxsan waayey, dad badan ayaa naftooda uga baqay inay cibaadada Alle ku gudaan masaajidyada. Waxay natiijada arrintaani noqotay in dadka masaajidyada ku cibaadeysanaya ay yaraadaan ama ay hub masaajidka la soo dhex galaan. Waxaa wax lala yaabo in dadka dhibaatadaan abuuray ay sheeganayaan inay arrimo diineed ka shaqaynayaan. Cunaqabateyn iyo Barakac: maadamaa dalka ay inta badan soo wajacdo masiibooyinka sida abaaro iyo daadad, waxaa badata baahida ay dadka iyo deegaanada dhibaatadu ka habsatay ay qabaan taageero meel kale laga keenay. Alshabab oo inta ay haysato khatar amni oo ka imaaney xooggaga la dagaalamaaya ayaa waxay qaataan talaabo kasta oo keenaysa inaan dadka baahan wax caawimo la gaarsiin Karin. Arrintaan ayaa waxay keentaa barakac iyo qaxootimo. Tusaale waxaa loo soo qaadan karaa abaartii dhacday sanadkii 2011, xilligaas oo dad badan oo ku noolaa gobolada koonfureed ay u barakaceen xeryaha qaxootiga ee dhinaca Kenya iyo Ethiopia ku yaalo….la soco qeybta xigta oo ku saabsan qaswadeyaal iyo danleey, insha allah. W/Q: Dr Cabdullaahi Maxamed Xersi (Qorax). Dr. Qorax, waa aqoonyahan ku takhasusay cilmiga nabadda iyo xalinta khilaafyada haystana shahaada PhD da. Wuxuu ku noolyahay magaaladda Nairobi, dalka KenyaEmail: abdullahi.qorah@gmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  11. Warrankii ugu dambeeyey ayaa ku dhacay Madaxwynaha ay taladu ka qalloocatay ee maamulka Galmudug kaddib markii uu madaxa xukumadda Sheekh Axmed Shaakir soo saaray war-saxaafadeed uu ku garab istaagay dowladda dhexe. Xaaf oo markii horeba ceeldheer ku sii riday masiirka Galmudug kaddib markii uu ku xirtay Axmed Madoobe iyo Gaas oo iyagu heesta maamullo turuqa aastay oo aan looga daba hadlin ayaa waxaa iminka muuqata in waayihiisa Galmudug gebi’ahaanba soo gabagaboobay. Guul-darrada lama filaan ah ee Xaaf ku habsatay waxaa sababay inuu fahmi waayey maqaamkiisa iyo farqiga u dhaxeeya isaga iyo kuwa uu ku xirtay ee bohosha ka tuuray. Farqiga u dhaxeeya Xaaf iyo kuwa xulufada la noqday. Gaas Hoggaamiye Cabdiweli Maxamed Cali Gaas waxa uu maamulaa gobollo nidaamkoda dowliga ah ka horreeyey midka Federaal-ka ah ee Kenya lagu soo dhisay. Waxa uu halkiisii kasii ambaqaaday DHAQANKII Puntland ee majaxaabinta ama qabbaan (Ransom) u haysashada dowladnimada Soomaaliya, ogow, inta badan Puntland hoggaamiyeheedu muranka sad bursi uu la galo Federaal-ka waxba ugama hallaabaan! Madoobe Horjoogaha Kismaayo waxa uu dib u casriyeeyey qabqalenimadii marba uu qof ku haysan jiray magaalada Kismaayo. Waxa uu xeyn-daab Ogaadeen galiyey magaaladaas Soomaali oo dhan u siman yihiin. Waxaa u jooga ciidamo Kenyan ah oo kula shiraakoobay dhoofinta dhuxusha kuwaas oo awood u siiyey in uu wiiqo dowladnimada Soomaaliya. Madoobe qudhiisa waxa uu u bartay ka macaashka muranka iyo sad bursiga uu la galo dowladda dhexe. Fahanka Waare! Madaxweynaha Hirshabeelle Waare, oo qudhiisa ay markii hore ka waaleen Madoobe iyo Gaas ayaa markii dambe si miir qab ah u fahmay dabinka ay wataan raggaas danahooda gaarka ah ku hiifay madaxa dowladda Federal-ka ah. Waare, oo og inuu madaxweyne ka yahay maamul taba-darran, oo qabaa’ilo badan ka kooban, ayna salan tahay in si fudud xilka looga tuuro, ayaa la heshiiyey dowladda, waanaka macaashay oo maanta maamulkiisa curdunka ah waa mid is haysta oo cagta saaray waddada. Xaaf, maanta waa nin dhintay oo socda! Sida muuqata, dowladdaayaa dhinaca Ahlu-Sunna ka martay Xaaf, si deg deg ahna meel cidlo usoo joojisay Xaaf, oo hadda ay u furan tahay kaliya inuu meesha ka baxo ama isu dhiibo dowladda. Cadaado waxaa ka dhisan maamul leh Madaxweyne, Dhuusamareeb waxaa gacanta ku haya Sheekh Axmed Shaakir oo si cad u taageeray dowladda dhexe – Su’aasha ayaa ah, Xaaf ma Kismaayo ayuu magangaliyo u doonan mise Garowe! W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  12. GAROOWE: Garoowe oo ahayd xaruntii heshiiskii GAROOWE KOW IYO LABO, maanta geed iyo geddi kale ayey ku galgalaneysaa. Ma Gaas ayaa ugu wacan? Mooji. Si walba, reer Bari way ka wareegtay Burhaantii bajinta iyo boqnogoynta, in kasta oo kan hadda lagu jiraa yahay; halgan awood qaybsi iyo wadaag maamul. Dan in ay u tahay ayaa suuragal ah, ee ha is ku mashquulaan. Saddaxdii ma soo dhaafi doontaa madaxnimada Puntaland? Aan dhawrno. DUSMO REEB: Dusmo reeb, in kasta oo ay xilligii ka la guurka qayb ka ahayd awood qaybiga, talo jeedinta iyo taabbagelinta Road Map-kii, balse, ay dhumisay waa dhexe, haddana, hadda waxay ku soo laabatay kaalin qaadashadii iyo kasmaamulkii, ee maxaa xigi doona? Damac iyo doonis waa halkeedii, maqaamka magaaladaa iyo muujinteeda muunad waxay i la tahay, in aan laga hormarin dhawr kursi ama dhadhamo kimis. Anigu waxaan dhawrayaa shirka NABADEED, ee maamulladu ku dhawaaqeen, oo Dusmo reeb ka dhici doona. Xusuusin; shirkii dhismama Galmudug iyo nabadaynta beelaba Dusmo reeb ayuu ka dhacay 2015, iyadoon shisheeye iyo dawlad midna shilin iyo shuqul ku yeelan. Weli in dadkii iyo dareenkaa nool yahay waan quuddarraynaa. CADAADO: “Cadaado cidi kaa ma xigto” hal ku dheggii ahaa, oo hormar iyo haybad u soo jiiday magaalada, waxaa caabuqiyey: “Cadaado Casir iyo Carrabeey ayey u cammiran tahay!” Ayaandarradu waxay tahay, marka reer Cadaado u dhaqmeen sida beelaha ay ka soo jeedaan Formaajo iyo Kheyrre, oo aysan ka la har iyo yeelan is celin. Tan ka sii daran baa ah, marka magac-dilka magaaladaa ay u wada duuban yihiin badi kuwii xalalka siyaasadeed ku metelayey, oo magacdhawgooda lagu dambaababayo. Waan is lahaa, waayo’aragnimo ku filan hele, mase muuqato, wax dhaafsiisaan Cadaado iyo reer Cadaado! KISMAAYO: Kismaayo oo aan khariiradda siyaasadeed iyo khaafiyadda sed-helid ku jirin xilligaa, maanta waxay hormuud u tahay diidmada la la hortaagan yahay hororka afarta Xaafad ee Xamar ku taalla xukuma iyo laamiga Maka Al Mukarrama. Axmad Madoobe, si walba oo looga duwan yahay, waa uga duwan yahay madaxdii hore iyo kuwan madax falluuqaqaba waxyaabo lagu heli karo ama lagu hanan karo hoggaan -boobba ha ahaadee!- laguna hanan karo taageero ku dhisan talo miisaamaan. BAYDHABO: Baydhabo hore ugu ma jirin si degaanaysan, oo ma jirin maamul metela, halkaana waxay ka la mid eheed Kismaayo, balse, siyaasad ahaan ayey uga duwaneed, oo metelaad xooggan ayey leheed. Shariif Sheekh Aadan, oo wasiir maaliyad noqday iyo guddoomiye Barlamaan, ayaa dhextaal u ahaa awoodda xilliyadaa. Sidoo kale waxaa joogay Aadan Madoobe iyo Xoogsade. Hadda weli waa dhextaal, oo is diidka taagan, dhanka ay u ciirto ayaa miisaanka siyaasadeed culayskiisu u liicayaa, in kasta oo loollan adag ka taagan yahay doorashada bisha november dhici doonta. Midda baraarugga u baahan ayaa ah, reer Baydhabo, in ay ka digtoonaadaan, in jidkii Jawaari la mariyey, ee MAYDKA la keensaday aan maamulkooda loo marin. Tuug ku dhaca dadkana kaa dhiciya, ayaa ka fiican nacas lagugu dhaco magaciisa iyo maqaamkiisa! BELEDWEYN IYO JAWHAR: shalay maabka metelaad waa ka maqnaayeen, oo maamul degaan oo adag ama metelaad siyaasadeed oo magac ama muquunin mid ku muuqata labadaba ma helin, oo waxaad ka garee, in uu ahaa maamulkii ugu dambeeyey, oo ay dhistey dawladdii Xasan Sheekh, oo weliba dhib badan iyo is mariwaa adag laga maray. Maanta waxaad mooddaa, in weli ay sidii tahay ama u egtahay; BALADWEYN BAL KU MA TAAL! Oo run ahaan xaalad laga xumaado ah, maxaa yeelay, 2010 – 2018 waxaad mooddaa, in degaannadaa iyo magaalooyinkaa aan dadkoodu waa ku kordhin. MUQDISHO: shalay madaxdeeda ayaa weerar lagu ahaa, oo marba meel laga doocinayey, iyada oo weliba marxalad amni iyo siyaasadeed adag ku jirtay. Dafalaqsi iyo farafarayn mid ay tahay, waxoogaa dheeri ah laga dhacsay. Labadii mar ee doorashada la qabtayna, iyadoon qofna danteeda iyo duruufteeda fiirin, ayaa lagu durduriyey, weliba kuwii magac beel ama degaan loogu xaglin lahaa ama is xijin lahaa, maxaa yeelay, MAQAAMKA MUQDISHO, oo uu baarlamaanku xalal ka soo saaray, ay eheed, in la ka la doorto, midna la ma fiirin, ee waxaa lagu illoobay qasnaddii la geliyey ama miiskii la dulsaaray. Ewel haddii madaxda Muqdisho horor lagu ahaa, oo wax badan laga ritay, maanta iyagii ayaa horor ah, oo magaalooyinkii kale iyo maamulladii laga celcelinayaa, oo ay hore isugu dayeen, in ay qaarkood is ku dayaan dumintiisa, sida Galmudug, balse, Suldaan uu dharbaaxo siyaasadeed iyo dhabarjab ku riday, maadaama ay moodeen, in sidii Hirshabeelle ay uga farxalan doonaa, markaa ka dibna Koofur Galbeed, Jubbaland iyo maxaa ka reebaa Somaliland ku sii xijin karaan. Midda hubban, oon halacsi u baahnayn waxay tahay, in hororka magaalooyinka hadba mooshin ama maqasho ka ridaya, qofka ama qolada ku fiirsata iyada oo awoodda, in ay si uun uga dhiciso, in ay wareegta ama wiiftadu meeshooda ugu imaanayso sugid la’aan, oo salka la isu wada rujin doono, ee ha ku sirmin maqalka wanaagsan iyo maqaallada wacan, ee magac suubban lagu sheego, iyadoo boholo la qodayo, balaayana la abuurayo. BAM! F.G: Hargaysa waan ka reebayaa, oo buugga Xersi iyo Tuka-Raq ayaa ugu filan dhulgeriir iyo dhegxumo, kaba muhimsane guddoominta Muuse iyo gebidhaclaysntiisa ayaan u daayey. REER WOQOOYIYOOW; MUUSE WAA KAAS! Dirirta beelaha keliya ha joojiyo, oo ha dhexdhigo nabad keenta nolo. W/Q: Bashiir M. Xersi Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  13. Nairobi (Caasimada Online) – Guddoomiyihii ku xigeenkii hore ee baarlamaanka Kenya, Faarax Macalin ayaa riday qish weyn oo muujinaya hagardaamada ciidamada Itoobiya iyo Kenya ee ku sugan Soomaaliya. Ciidamo aad u tiro badan ayaa labada dal ee jaarka la ah Soomaaliya jooga gudaha dalka iyaga oo aan ku soo galin amarka dowladda Soomaaliya. Kenya waxa ay xoog ku soo gashay 2011 iyada oo sheeegeysa in ay Shabaab ka difaaceyso dalkeeda hawlgal ay ugu magacdartay ‘Linda Inchi’ ama difaaca dalka. Hase ahaatee, difaaca Kenya ayaa soo gaaray goboladda Jubbooyinka oo dhan, taas oo ah arrin lagu qoslo, markii dambena waxa ay ku biireen ciidamada AMISON! Sidaas oo kale, Itoobiyaanka oo dalka ka baxay 2009-kii ayaa iyagana ku soo laabtay amar la’aan dowladdii Xassan Sheekh, gaar ahaan gobolka Hiiraan iyo waliba Bay iyo Bakool. Intii ay dalka joogeen, labadaas ciidan ee kuwada biiray AMISON, ma jirto dagaal muuqda oo ay ku qaadeen Al Shabaab waxa ayna hawlgalkooda ku soo koobeen joogidda magaalooyin iyo is difaacid oo qura! Faarax Macallin oo ah siyaasi cod dheer oo ka falcelinaya maqaalka laga qoray dibin daabyada Itoobiya iyo Kenya oo lagu daabacay Website-ka thenewstatesman.com ayaa yiri- “Haddii ayni u aadnay Soomaaliya (Jubbaland) 7 sano kahor in aan meesha ka saarno cabsida Al-Shabaab ee dalkeena Kenya, waxaan u baahannahay in aan dagaalka ula tagno xarumaha Al-Shabaab maadama aan haysanno hub kuwooda ka fiican. Dhanka kale, haddii aan u tagnay wiiqidda Muqdisho waxaa soo bixi doona cabsida maqaalkan.” Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  14. Marka (Caasimada Online) – Musharax xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya talihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen ayaa shalay gaaray Magalada Marka ee Xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose. Xuseen Cismaan xuseen ayaa Magaalada Marka ka bilaabay ololaha Barnaamijka isxilqaan oo uu horay amar ugu bixiyay in dalka lagu dhiso Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Wadooyinka Waaweyn ee Magalada Marka waxaa gooyay Geedka loo yaqaano(Geed Yahuudka),waxan adag in dadka iyo Gaadiidka ay isaga kala goosahaan. Dadka degmaa Marka ayaa bilaabay inay qaataan baaqii madaxweyne Farmaajo ee ahaa isxilqaan dalkaaga ku dhiso,waxana barnaamijkaas Galabta kala qeyb galay Musharax xilka Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya talihii hore ee NISA Xuseen Cismaan Xuseen. Qaar ka mid ah dadkii ka qyeb qaadanayay ololaha Isxilqaan ee Magalada Marka ayaa musharaxa waxa ay uga mahad celiyeen sida uu u garab istaagay. Waxa ay ka dalbadeen inuu garab ku siiyo dib u soo celinta bilicdii degmada Marka si looga gudbo dhibaatooyinkii ay soo martay,iyaga oo taageere u muujiyay maadaama uu yahay musharax Madaxweynaha Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Marka Caasimada@live.com
  15. MOGADISHU (Xinhua) -- The United Nations senior envoy in Somalia has called on Somalis to pursue homegrown solutions to their problems amid tensions between the federal and regional state governments. Source: Hiiraan Online
  16. Xukuumadda federaalka ayaa lagu eedeeyay in ay faragalin ku sameyneyso arrimaha gudaha ee dowlad goboleedyada, xilli qaar kamid ah maamulladu ay galayaan doorashooyinka madaxtinimada. Siyaasi Ciise Maxamuud oo kamid ah siyaasiyiinta ka faalooda siyaasadda Soomaaliya ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka ee Puntland ku soo food leh. Wuxuu ku eedeeyay xukuumadda Soomaaliya in ay faragalin ku heyso doorashooyinka dowlad goboleedyada oo ay doonayso in baarlamaan iyada daacad u ah ay ka soo baxaan gobollada sida uu hadalka u dhigay. Si gaar ah wuxuu farta ugu fiiqay Puntland oo uu sheegay in arrintaasi ay ka jirto, waxaana uu sheegay in ay ogsoon yihiin faragalinta ka soconaysa gudaha Puntland. “Dowladda federaalka ahi waqtigeedu waxay ku dhuminaysaa in ay beddasho baarlamaannada dowlad goboleedyada” ayuu yiri Siyaasi Ciise Maxamuud. Wuxuu intaas raaciyay in madaxda Villa Somalia aynaan ka war heynin in aysan ahayn dowlad xooggan oo dalkoo dhan heysa, islamarkaana awood ciidan oo dadka ay ku maquuniso aysan lahayn. Dhanka kale, waxaan wax ka weydiinnay khilaafka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedtyada. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/SIYAASI-CIISE-MAXAMUUD-29-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Xilli ay soo baxayeen warar sheegaya in ciidamo Itoobiyaan oo ka baxay gobolka Hiiraan ay fariisimo ka sameysteen degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa warkaasi waxaa gaashaanka ku dhuftay xukuumadda Galmudug. Wasiir xigeenka wasaaradda amniga Galmudug Mahad Xasan Maxamed oo waereysi siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in ciidamadaasi ay ahaayeen ciidamo ay ka war qabeen. Wuxuu meesha ka saaray in fariisin ciidan ay ka sameeysteen degmada Guriceel, haseyeeshee wuxuu qiray in dhowr saac ay ku hakadeen degmada iyagoo sii maray degmada Balanbal. Wasiir xigeenka amniga Galmudug Mahad Xasan ayaa intaas ku daray in ay ka gudbeen xuduudka oo ay Itoobiya gudaha u galeen. HALKAN HOOSE KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Wasiir-ku-xigeenka-galmudug-30-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Guddoomiye xigeenka arrimaha bulshada ee gobolka Hiiraan Sheekh Xuseen Cismaan Cali oo wareysi gaar ah siiyay Goobjoog News ayaa kaga hadlay saameyn ay nolosha magaalada Baladweyne ku yeesheen roobab maalmihii dambe ku hooray magaaladaasi. Sheekh Xuseen Cismaan ayaa daboolka ka qaaday in qoysas danyar ah oo magaalada iyo hareeraheeda deggan ay yihiin kuwa ugu horreeya ee saameeyeen biyaha ka yimid roobabkani. Garoonkii diyaaradaha magaalada Baladweyne ayay sidoo kale saameeyeen roobabka xilliga deyrta ee ku da’ay magaaladaasi. Dhanka kale, wuxuu ka dhawaajiyay in ay jirto walaac ay ka qabaan fatahaad wabiga Shabeelle uu mar kale ku sameeyo magaaladaasi. Arrintaasi wuxuu u sababeeyay in ay dhici karto haddii roobabka ka da’aya magaalada Baladweyne ay sii lixaadsadaan. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAREYSI-GUD-XIGEENKA-HIIRAAN-30-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso 6-ruux oo dableey hubeeysan ay ku dileen duleedka magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya. Dilkaan ayaa waxa uu ka dhacay deegaanka Xaawo Cabdi oo dhaca duleedka Muqdisho kadib markii dadkaasi oo gaari saarnaa lagala dagay kadibna la dilay. Dadkaasi la dilaya ayaa waxa ay ka yimaadeen degmada Wanla-weyn ee gobolka Sh/hoose. Masuuliyiinta Gobolka Sh/hoose oo aan la xariirnay ayaa faah faahin ka bixiyay qaabka uu falkaasi u dhacay waxaana Puntland Post uga waramay Gudoomiye ku xigeenka amniga Gobolka Sh/hoose Cabdifitaax Xaaji Cabdulle. Gudoomiyaha ayaa sheegay in dadkaasi aana qabiil loogu dilay islamarkaasina ay wadaan baaritaano arintaasi la xariirta. Hoos ka dhageeyso Codka waxaa wareeystay Wariye Xasan Maxamed Samatar Cowke oo katirsan PP. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/10/Wareeysi-Cowke-Cabdifitaax-Xaaji-Sh-Hoose.mp3 The post Faah Faahin: 6 Odoyaal Dhaqameed oo lagu dilay duleedka Muqdisho appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (PP) ─ Taliska ciidamada AMISOM ayaa beeniyay in ciidammo Itoobiyaan ah oo marayay deegaan ka tirsan Gobolka Hiiraan miino dhulka lagu aasay lala beegsaday ayna uga dhinteen 30-askari. AMISOM ayaa sheegtay in ciidanka oo kolonyo ahaa ay afar askari oo kaliya uga dhaawacmeen weerarkaas, ayna dhaawacyadoodu ahaayeen kuwo aad u fudud lana daaweeyay, iyagoo aanay jirin faahfaahin intaas ka badan oo la bixiyay. Sidoo kale, Taliska AMISOM ayaa intaas ku daray in Ciidamada weerarka lala beegsaday ay marayeen deegaank Ceel-gaal, ayna ahayeen kuwo dalkooda dib ugu laabanayay ayna ka tallaabeen xadka ay leeyihiin Somalia iyo dalka ay ka socdeen ee Itoobiya. Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo Al-shabaab ay sheegtay in weerar la beegsadeen ciidammo Itoobiyaan ah ayna dileen 30-askari, kuwo kalena ay dhaawacyo kala duwan gaarsiiyeen. Dhanka kale, Ciidammo Itoobiyaan ah ayaa la sheegay inay maanta gaareen degmada Guriceel ee Gobolka Galguduud, halkaasoo ay fariisimo kala duwan ka sameysteen, lamana oga ujeedka ka dambeysa tallaabadan. Ugu dmabeyn, Ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah AMISOM, ayaa waxay ka hawl-galaan bartamaha Somalia, sida Hiiraan iyo Galguduud, halkaasoo ay kala kulmeen dhawr jeer weerarro ay la beegsatay Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Taliska AMISOM oo ka Hadlay Weerar Ciidamo AMISOM ah lagula eegtay Gobolka Hiiraan appeared first on Puntland Post.
  21. Muqdisho (PP) ─ Warbixin ay soo saartay Dowladda Mareykanka ayaa lagu sheegay inaysan jirin musharax ka mid ah kuwa ku loollamaya hoggaanka maamulka Koonfur-galbeed ee Somalia oo ay si gaar ah u taageersan yihiin. Qoraalka ayaa lagu xusay inay taageerayaan dhammaan musharraxiinta u tartamaya maamulka Koonfur-galbeed, isla markaana ay soo dhaweynayaan cid walba oo ku guuleysata doorashada oo dhici doonta 17-ka November ee 2018-ka. Sidoo kale, Qoraalkan oo kasoo baxay Xafiiska u Qeybsan Soomaaliya ee Xukuumadda Wanshigton ayaa lagu sheegay inuu soo dhaweynayo guddiga doorashada Madaxweynaha ee maamulka Koonfur-galbeed Somalia ee Toddobaadkii hore looga dhawaaqay Baydhabo. Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa iyadoo dhawaan la isla dhex-marayay in mid ka mid ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweynaha maamulka Koonfur-galbeed ay wataan Dowladaha Mareykanka iyo Soomaaliya, balse Dowladda Somalia ayaa weli ka hadlin arrintaan. Dhanka kale, waxaa jira xildhibaanno ka tirsan kuwa maamulka Koonfur-galbeed iyo Dowladda Federaalka ah oo ka dalbaday dowladda Somalia inay fara-gelin ka dayso doorashada la filayo inay dhawaan ka dhacdo Baydhabo. Ugu dambeyn, Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay waxaa ka socda ololaha doorashada Madaxweynaha Koonfur-galbeed, iyadoo musharaxiintana ay ka mid yihiin musharixiin xilal hore uga soo qabtay Dowladda Federaalka iyo musharax xil sare ka soo qabtay Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Mareykanka oo si Taxadar leh uga hadashay Doorashada Maamulka Koonfur-galbeed appeared first on Puntland Post.
  22. Cadaado (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaray degmada Guriceel ee gobolka Galguduud ayaa sheegaya in halkaa ay gaareen ciidamo kasoo jeeda dalka Ethiopia. Ciidamadan ayaa lasoo sheegayaa inay watan gaadiid dagaal iyo hub xoogan waxa ayna fariisimo ka dhigteen duleedka Degmada. Gaadiidka ay wataan ciidamadan ayaa waxaa ku jira nooca looyaqan beebaha iyo kuwo kale oo lagu daabulo ciidamada. Gaadiidka ay wataan ayaa waxaa kamid ahaa nooca xambaara booyadaha biyaha iyo shidaalka kuwaa oo la rumeysan yahay inay ku qaatan biyaha iyo shidaalka. Dadka deegaanka ayaa soo sheegaya in ciidamadu ay yihiin kuwo aad u xoogan isla markaana ay dhufeysyo ka sameysteen dhul duleedka ka ah degmada. Warar madax-banaan ayaa sheegaya inay jirto cabsi la xiriirta in maleeshiyaadka Al-Shabaab ay duulan ku qaadan deegaanada la dajiyay ciidamada inta lagu guda jiro khilaafyada dowlada Dhexe iyo maamulka. Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaya Saraakiil isugu jirta Ethiopian iyo kuwa Soomaali ah waxaana la garan la’ yahay waxa uu yahay qorshahooda. Weli lama oga sababta ka dambeysa in Ciidamo Ethiopian ah ay xiligan tagaan degmada Guriceel oo ay ku sugan yihiin Ciidamo ka tirsan Maamulka Galmudug.
  23. Baydhabo (Caasimada Online)-Gudiga doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa kulan ay maanta yeesheen ku go’aamiyey qaabka ay u dhici laheyd doorashada maamulkaasi. Inta uu kulanka socday Gudiga Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa soo bandhigay hab raaca loo dooran lahaa maaxweynaha maamulkaasi. Guddiga ayaa Jawdwalkaani doorashada soo saaray xili dhawaanahaan gudiga maamulkaasi aad looga dhowr sugaayey in ay soo saaran Jadwalka. Halkaan hoose ka akhriso jawdalka ay soo saareen Gudiga doorashada Maamulka Koonfur Galbeed Somalia:-
  24. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibada ee dawladda federaalka Axmed Ciise Cawad oo shalay isniintii hortagay golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa sheegay sida uu u xoogeystay xiriirka Soomaaliya iyo dalalka dariska. Cawad oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri “Waad ka war heysaanbaan u maleynayaa xiriirka dalalka dariska waa soo xoogsanayaa, aad ayaan isugu soo dhowaaneynaa, waxaad ka arkeysaan isu socodka badan, Soomaaliya markii ugu horeysay waxaa ay horey uga jirtaa isu soo dhoweynta gobolka, waxaad arkeysaan kala yaacii dalalka qarakood ay nagu sameyn jiree iyo buuqii inuusam jirin, oo hadda Itoobiya, Eretrea, Djibouti iyo Kenya kulligood ixtiraamayaan qarannimada Soomaaliyeed” Waxa uu intaas ku daray “Madaxweyneheennu booqashadii uu Eretrea ku tagay, booqashooyinkii kala duwanaa iyo heshiisyadii aan saxiixnay waxa ay ahaayeen kuwoo adduunka oo dhan soo dhoweeyey, dalalka dibadda ama Yurub ha ahaadeen ama jimciyadda qurumaha ka dhaxeysa, ama Mareykanka waxaa ay noo sheegaan waxa ugu weyn aan qabanay inay aheyd in dalalka dariska aan isku soo dhowaney”. Dhinaca kale, wasiirka arrimaha dibada ee dawladda federaalka Axmed Ciise Cawad waxaa Senatorrada u sheegay in Abiy Axmed sheegay in Farmaajo uga muhiimsan yahay Donald Trump. “Ra’isul wasaaraha Itoobiya wuxuu yiri, Farmaajo ayaa iiga muhiimsan madaxweynaha Mareykanka Trump, waayo Trump waxyar buu ii dhimi karaa ama isiin karaa, laakin Soomaaliya ama waa isla dageynaa ama waa isla koreynaa, marka wuxuu yiri, Soomaaliya ayaa aad iiga muhiimsan, annaguna sidaas ayaan u aragnaa”. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. For the last six years, Elmi Noor, 38, has been making $4,000 a month from what he terms a ‘lucrative business’ – smuggling young people from across East Africa to Libya, where they are invariably held for ransom by criminal gangs under cruel conditions. Source: Hiiraan Online