Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,415
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa soo gabo gabeysay dhageysiga dacwad loo heystay sagaal eedeysane oo ay ku jireen masuuliyiintii kastamka dekadda magaalada Muqdisho. Sagaalka xubnood ee maanta maxkamadda gobolka Banaadir ay go’aanka ka gaartay ayaa la xiray bishii Agoosto ee sanadkaan, waxaana markii ugu horey ay maxkamad kasoo muuqdeen bishii September, iyadoo maanta dacwadooda lasoo gabo gabeeyay. Masuuliyiinta kala duwan ee go’aanka laga gaaray waxaa kamid ah Axmed C/llaahi Samow oo ah madaxa fursada ee dekada magaalada Muqdisho. Sidoo kale waxaa jira Go’aano laga gaaray 2 eedeysane oo ka tirsan Wasaaradda Wasaarada Gargaarka iyo Maaraynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya. La soco Goordhow Go’aanka maxkamadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Muqdisho (PP) ─ Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa furay Xarunta Luqadaha iyo Tababarrada oo laga howlgeliyey Muqdisho. Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ayaa sheegay in muhiimad weyn ay ku fadhiyaan dib u soo nooleynta xarumihii waxbarashada, gaar ahaan machadyada tababarada iyo luqadaha ee aqoonta bulshada lagu dhisayo. “In dib loo howlgeliyo xarumihii Tababarka iyo Luqadaha ee Caasimadda waa mid ahmiyad weyn ku fadhida oo uga mahadcelinayno Jaamacadda Jobkey ee howshan xilka iska saartay, si kor loogu qaado aqoonta bulshada ee dhinaca Luqadaha”. Eng. Yarisow ayaa xusay in Maamulka Gobolka Banaadir uu had iyo jeer u taagan yahay sidii aqoonta bulshada Caasimadda kor loogu qaadi lahaa, isla markaana loo soo nooleyn lahaa xarumihii kala duwanaa ee waxbarashada ka shaqeyn jiray. “Waxaan rabnaa in muwaadin walba uu wax qori karo waxna akhrin karo, waana sababta aan waxbarashada dadka waaweyn uga hirgelinayno Caasimadda, sidoo kale waxaan rabnaa in caruur walba uu waxbarto”. Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ayaa dhinaca kale shahaadooyin guddoon siiyey degmooyinkii kaalimaha hore ka galay tartan aqooneedkii bisha Ramadan oo iska kaashadeen Jaamacadda Jobkey iyo Idacaadda Shabelle ee Muqdisho. PUNTLAND POST The post Maamulka Gobolka Banaadir oo Muqdisho ka Daah-furay Xarun Waxbarasho oo Casri ah appeared first on Puntland Post.
  3. Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi oo maanta ka hadlayey kulanka golaha shacabka ayaa codsaday in xukuumadda federaalka ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya ay la timaado qorshe sanadeed la mid ah miisaaniyadda, si loogula xisaabtamo sanad walbo dhammaadkiisa. Xildhibaan Fiqi, oo arrintaasi ka hadlayey wuxuu yiri “Barmaamijka xukuumadda sanadkii hore si degdeg ah ayaa lagu keenay, warqadu runtii nuxurkoodu aad u liito, aad u yaryar, oo aan ka tarjumeyn caqabadaha iyo shaqooyinka laga rabo xukuumad Soomaaliyeed, marka waxaan ku dari lahaa, in sanad walbo qorshaha cusub ama barnaamijka sanadkaas la joogo..’ Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi waxaa uu soo-jeediyey inay sanadka soo socda ee 2019-ka ka bilaabaan xukuumadda soo gudbinta qorshaha “ Masalan, 2019-ka ayaa noo bilaabaneysa, qorshaha xukuumadda ee sanadka 2019-ka in la keeno sanadkaas, si sanadkan aakhirkiisa xukuumadda loogula xisaabtamo ay u cadaadaan”. Ugu dambeyntii, waxaa uu Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi ka digay in duubduub wax walbo loo qaato, taasina ay sahli karto in xukuumadda iska qabato wax cusub oo aan lagu ballamin, sida hadda socota “Laakin sidii hore haddii ay tahay si duubduub ah ayaa loo keenay, makala go’neyn, tafasil mala heyn, wax cusub oo aan ku qorneyn, oo tiro badanna waa socdaan hadda oo ka duwan wixii la soo gudbiyey, marka in qorshaha si miisaaniyadda loo sarifaayo, oo sanad sanad looga dhigaayo, in qorshaha xukuumadda ee sanadkaasna la soo raacsiiyo. Arrinta uu xildhibaanka ka hadlayo ee xukuumadda inay lahaado barnaamij sanadeed la ogyahay waxaa ay ka jirtaa dunida inteeda kale, laakin xukuumadda nabad iyo nolol waxaa ay xildhibaannada u qeybisay qorshe 4 sano ah oo dheer, oo aaney muuqan wax ka qabashada. Ra’isul Wasaare Xasan Kheyre oo ka hadlayey buug uu xildhibaannada u qeybiyey waxa uu ballan-qaaday in xukuumadiisa ay soo afjari doonto amni darida, faqriga, musuq-maasuqa, colaadaha iyo arrimo kale oo ay muhiim tahay in muwaadinka ogaado, si berri lagula xisaabtamo ra’isul waaraha iyo golihiisa wasiirrada. Barnaamijkan waxaa ku qornaa in wax looga qabanayo arrimo badan oo ay ku jiraan, gurmadka abaaraha, sugidda amniga, cadaaladda, kobcinta dhaqaalaha, la dagaalanka Musuqa, qof iyo cod 2020-ka, Dowlad wanaag, Adeegga bulshada, dib-u-heeshiinta iyo xiriirka caalamiga. Arrinta uu Xildhibaan Axmed Macallin Fiqi waa arrimaahaas oo kale, maanta ma jirto qaab looma xisaabtamo, waayo sida ay wax ku socdaan waa duubduub iyo marin habiin shacabka Soomaaliyeed, kuwaas oo aan ogeyn meel ay wax marayaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Ethiopia is set to launch its first earth observatory satellite in September 2019, joining a list of few African countries that have put the devices into orbit. Source: Hiiraan Online
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Amb. Nicholas Haysom ayaa maanta booqashadiisa u horeysay ku tagay magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland. Socdaalka Danjire Nicholas Haysom ayaa qeyb ka ahaa safaro maalmihii la soo dhaafay uu ku tagayay xarumaha maamul goboleedyada, isagoo raadinaya xal u helida khilaafka dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada. Kulan gaar ah oo albaabada u xirnaa ayaa waxay Madaxtooyada Garowe ku wada qaatay Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas iyo Wafdigii uu hoggaaminayay Nicholas Haysom, iyagoo ka wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda Soomaaliya, amniga iyo taageerada Beesha Caalamka. Shir jaraa’id oo ay si wadajir u qabteen, waxaana Madaxweynaha Puntland C/weli Gaas uu sheegay in Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ay markii u horeysay tahay uu soo booqdo Puntland, isla markaana Puntland u tahay wanaag. Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in Ergeyga cusub ee Qaramada Midoobey inay ka wada hadleen arrimo badan oo ay ka mid yihiin siyaasadda Soomaaliya ee cakiran, kala aragti duwanaanshaha Dowladda Federaalkaiyo maamullada dalka, arrimaha amaanka, siyaasadda iyo tageerada beesha caalamka ay siiso Soomaaliya. Sidoo kale Ergeyga Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa dhankiida sheegay in Madaxweynaha Puntland kala hadleen arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wanaajinta wada shaqaynta dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada. “Waaxan ku faraxsanahay inaan markii ugu horaysey imaado Puntland, waaxaan ka wada hadalnay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kaleba arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wada shaqaynta beesha caalamka iyo Soomaaliya, caqabada ka dhexjira dowladda dhexe iyo dowladdaha Xubnaha ka ah, xasiloonida, nabadda iyo ka faa’iidaysiga fursadaha” ayuu yiri Ambassador Nicholas Haysom. Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom ayaa horay booqasho ugu tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo, halkaasoo uu kula kulmay Madaxweynayaasha maamul goboleedyada Jubbaland iyo Koofur Galbeed, sidoo kale waxaa uu dhowr cisho ka hor kula kulmay Muqdisho Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  6. Cadaado (Caasimada Online) – Madaxweynaha ay dhawaan ay Cadaado ku doorteen garabka xildhinaabada maamulkaas ee kasoo horjeeda madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf, ayaa ku dhawaaqay golohiisa wasiirada. Axmed Maxamuud Xasan oo ku magac dheer Baasto ayaa shaaciyey 11 xunood oo noqonaya golihiisa xukumaddiisa, aan la aqoonsaneyn. Arritan ayaa lagu faafiyey digreeto qoraal ahayd oo ay heshay Caasimadda Online. Tallaaabadan waxa ay uga sii dareysaa khilaafka Glamudug oo dhawaan u muuqday mid gaaray heer aan waxba laga qaban karin. Sidoo kale waxa ay ku soo aaday xilli garabka Dhuusomareeb ee madaxweyne Axmed Ducaale Geelle Xaaf ay dhabar jab kala kulmeen Ahlu Sunna Wal Jamaaca kaddib markii uu Sheekh Axmed Shaakir ku biiray kooxaha taageersan Villa Somalia.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga joogtada ah ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta kulankooda uga hadlay arrimo badan oo muhiim ahaa, Ajanadaha Maanta Waxaa uu Ahaa: Warbixinta Guddoomiyaha shirarkii uu la yeeshay madaxda hay/addah Caalamiga ah Muddaynta xogwaraysi Golaha la yeesho Raiisal Wasaaraha JFS. Diyaarinta ajandaha Kulanka Axadda ee Golaha Aqalka Sare. Dhegeysiga soojeedinta Guddiga Haweenka Baalamanka ee Aqalka Sare. Warbixinta Guddoonka dhexdhexaadintii khilafka DFS & DXDF. Ugu dambeyntii, xogheyaha aqalka oo saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in guddiga joogtada ah uu warbixin la xiriirtay jawaabihii xukuumadda federaalka ah iyo maamul goboleedka la wadaagay guddoomiyaha golaha aqalka sare Cabdi Xaashi, intaasi kadibna la magacaabay guddi arrinta khilaafka wax ka qabto, kaas oo weli aan la sheecin magacyadooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Guddiga joogtada ah ee golaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta kulankooda uga hadlay arrimo badan oo muhiim ahaa, Ajanadaha Maanta Waxaa uu Ahaa: Warbixinta Guddoomiyaha shirarkii uu la yeeshay madaxda hay/addah Caalamiga ah Muddaynta xogwaraysi Golaha la yeesho Raiisal Wasaaraha JFS. Diyaarinta ajandaha Kulanka Axadda ee Golaha Aqalka Sare. Dhegeysiga soojeedinta Guddiga Haweenka Baalamanka ee Aqalka Sare. Warbixinta Guddoonka dhexdhexaadintii khilafka DFS & DXDF. Ugu dambeyntii, xogheyaha aqalka oo saxaafadda la hadlay wuxuu sheegay in guddiga joogtada ah uu warbixin la xiriirtay jawaabihii xukuumadda federaalka ah iyo maamul goboleedka la wadaagay guddoomiyaha golaha aqalka sare Cabdi Xaashi, intaasi kadibna la magacaabay guddi arrinta khilaafka wax ka qabto, kaas oo weli aan la sheecin magacyadooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  9. Ciidamo gadoodsan oo la wareegay Madaarka Garoowe & Xoggo kale oo xasaasiya Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ciidamo ka gadooday Mushaar la’aan ayaa goor dhaw la wareegay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garowe ee General Maxamed Abshir. Ciidankaan ayaa lagu soo waramayaa inay ka soo baxeen furinta dagaalka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaasi oo bilihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen. Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaayo Sarkaal lagu magacaabo Col. Sumaysane oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Maamulka Puntland ee furinta dagaalka Tukaraq ku jiray. Xaaladda Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ayaa kacsan, ciidamada ayaana gudaha u galay Garoonka, inkastoo aanan la soo sheegin rasaas ay rideen ciidanka. Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku fashilanay bixinta Mushaaraadka Ciidamada oo muddooyinkii dambe ciidamo kala duwan ay ka cabanayeen. Qaran News
  10. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta qasriga Madaxtooyada Garoowe ku qaabilay wefti uu hogaaminayo Wakiilka Cusub ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliaya Ambassador Nicholas Haysom. Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa kulanka ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Dowladda Puntland, waxaana ay weftiga Ambassador Nicholas Haysom la qaateen kulan gaar ah, isla markaana Madaxweynaha Puntland iyo Wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya ayaa markii kulankii soo gebageboobay si wadajira ula hadlay Warbaahinta. Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horayn kusoo dhoweeyey Wakiilka qaramada midoobey Soomaaliya u qaabilsan iyo weftiga uu hogaaminayey Puntland, iyadoona Madaxweynuhu uu tilmaamay in ay tahay booqashadiisii ugu horaysey tan iyo intii la magacaabay wakiilku uu ku yimaado Puntland, isla markaana ay ka Puntland ahaan wanaag u tahay imaanshaha wakiilka iyo weftigiisa. “ Waxaa sharaf weyn noo ah inay nooyimaadan wefti uu hogaaminayo Wakiilka Cusub ee qaramada Midoobey uqaabilsan Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom iyo ku-xigeenkiisa Mr. Rai Zenenga, Ambassador Nicholas Haysom, wakiilku waa cusub yahay sida aad la socotaan waa boqashadiisii ugu horaysey ee uu ku yimaado Puntland, waan ku faraxsannahay booqashadii ugu horaysey inuu noogu yimaado, kulankayaga maantana waxaan ka wadahadalnay arrimo badan oo ay ka mid yihiin siyaasadda Soomaaliya ee cakiran, kala aragti duwanaanshaha DFS iyo maamullada dalka, arrimaha amaanka, siyaasadda iyo tageerada beesha caamku ay siiso Soomaaliya iyo wixii feker ah oo aanu ka qabno xal u helidda mushkiladdaha Soomaaliya oo amnigu ugu horeeyo, wada shaqaynta Soomaaliya iyo beesha caalamka’’ ayuu yiri Madaxweynaha dawladda Puntland. Dhinaca kale Xoghayaha Qaramada Midoobey u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom ayaa dhankiisa xusay inuu ku faraxsan yahay imaanshiyaha Puntland markiisii ugu horaysey, waaxa uu tilmaamay inay isaga iyo Madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiinta kaleba ka wada hadleen arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wanaajinta wada shaqaynta dowladda Dhexe iyo maamullada dalka. “Waaxan ku faraxsanahay inaan markii ugu horaysey imaado Puntland, waaxaan ka wada hadalnay Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kaleba arrimaha siyaasadda Soomaaliya, wada shaqaynta beesha caalamka iyo Soomaaliya, caqabada ka dhexjira dowladda dhexe iyo dowladdaha Xubnaha ka ah, xasiloonida, nabadda iyo ka faa’iidaysiga fursadaha” ayuu yiri Ambassador Nicholas Haysom. Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa qado sharaf ugu sameeyey Qasriga Madaxtooyada Garoowe wakiilka Qaramada Midoobey Soomaaliya Ambassador Nicholas Haysom iyo weftiga uu hogaaminayey. PUNTLANDPOST The post Warbixin:- Maxay ka wada-hadleen madaxweyne Gaas iyo Mr Nicholas Haysom? appeared first on Puntland Post.
  11. Ciidamada booliska Somaliland ayaa maanta soo bandhigay tirakoobka falal-dambiyeedyadii sannadkan (2018) ka dhacay guud ahaan Somaliland iyo tirada dilalka ka dhacay. Ilaa 19,664 dhacdo ayaa la sheegay inay ka dhaceen guud ahaan Somaliland sannadkan 2018-ka, kuwaasi 61 kamid ah ay yihiin Dil, halka 101 kamid ah dambiyadaasna ay yihiin Kufsiyo. Falalka dilka ayaa loo qabtay 55 eedaysane halka la raadinayo 5 ruux oo kale, sidoo kale falalka kufsiga ayaa loo qabtay 87 eedaysane hase ahaatee waxaa ku eedaysan falalka kufsiga 105 ruux kuwaasi oo uu ku jiro kufsi wadareed. Falalka kufsiyada ayaa hoos u dhacay marka la barbar dhigo sannadkii hore iyadoo ay sannadkii hore dhaceen 108 kufsi sida ay boolisku sheegeen. Dhinaca kale, boolisku waxay sheegeen in sannadkan ay Somaliland ka dhaceen 3,457 shil kuwaasi oo ay ku dhinteen 161 ruux waxaana ku dhaawacmay 2,255 ruux. Booliska Somaliland ayaa xusayay sannad guuradii 25aad ee kasoo wareegtay markii la aas-aasay ciidankaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Garoowe (Caasimada Online) – Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Magaalada Garowe ee xarunta Puntland ciidamo ka gadooday Mushaar la’aan ayaa goor dhaw la wareegay Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garowe ee General Maxamed Abshir. Ciidankaan ayaa lagu soo waramayaa inay ka soo baxeen furinta dagaalka deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, halkaasi oo bilihii la soo dhaafay ay ku sugnaayeen. Ciidamadan ayaa waxaa hoggaaminaayo Sarkaal lagu magacaabo Col. Sumaysane oo ka mid ah Saraakiisha ciidamada Maamulka Puntland ee furinta dagaalka Tukaraq ku jiray. Xaaladda Garoonka Diyaaradaha Magaalada Garoowe ayaa kacsan, ciidamada ayaana gudaha u galay Garoonka, inkastoo aanan la soo sheegin rasaas ay rideen ciidanka. Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) ayaa ku fashilanay bixinta Mushaaraadka Ciidamada oo muddooyinkii dambe ciidamo kala duwan ay ka cabanayeen. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
  13. Baydhabo (Caasimadda Online) – Ololaha Doorashada Maamulka Koonfur Galbeed ayaa marayo meel xasaasi ah, waxaana isbadal ku imaaday filashadii laga qabay doorashada iyo cidda kusoo bixi doonto. Sida ay Caasimadda Online ogaatay waxaa jiro musharixiin dhawr ah oo ka quustay u tartamidda Kursiga Koonfur Galbeed maadaama ay soo meesha soo galeen Musharixiin awood leh oo ay wadato Dowladda Federaalka Soomaaliya. Musharixiinta ku dhow inay ka tanaasulaan u tartamidda kursigaan ayaa waxaa kamid ah Maxamed Aadan Fargeeti oo horey usoo noqday Wasirka Maaliyadda. Fargeeti oo markii hore kamid ah Musharixiinta ugu cad cad doorashada ayaa lasoo sheegayaa inuu hadda ku jiro xaalad walwal ah kadib markii ay ballanta uga baxeyn Xildhibaan iyo Musharixiin markii hore ku dhiiragelinayey inuu isku soo taago xilkaan. Fargeeti oo hadda ku sugan Magaalada Muqdisho ayaa la filayaa inuu Axadda Berri ah u dhoofo Magaalada Baydhabo ee Xarunta Koonfur Galbeed, waxaana laga yaabaa inuu halkaas kaga dhawaaqo inuu ka tanaasulay musharaxnimadiisa maadaama uu kalsooni ka waayey Xildhibaanadada. Sidoo kale musharax Xuseen Calool kuus ayaa isna wajahayo cadaadis weyn, mana jirto kalsooni buuxda oo uu ku qabo inuu xilkaas u tartamo inkastoo ay wadato Dowladda Soomaaliya. Xuseen Calool Kuus ayaa ah dooqa labaad ee Musharixiinta Dowladda ay wadato, waxaana kaalinta koowaad kasoo galay Cabdicasiis Lafta Gareen oo ah Siyaasi si weyn ugu xiran Xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Doorashada Koonfur Galbeed ayaa la filayaa inay Magaalada Baydhabo ka dhacdo 17 Bishaan waxaana xilkaas u taagan illa 8 Musharax oo ay ku jirto hal haween ah. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee golaha Shacabka Maxamed Sheikh Cusmaan Jawaari ayaa maanta muddo Afar sano iyo Bar kadib ku fariistay Kursiga Xildhibaanada ay ku fariistaan ee golaha Shacabka isaga oo Xildhibaan ah. Maxamed Cusmaan Jawaari ayaanan lix bilood xaadirin kulanka xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka, waxaana uu ku maqnaa magaalada Nairobi ee dalka Kenya oo uu tagay kadib iscasilaadiisii Bishii April ee sanadkan. Jawaari, ayaa ka qeyb galay kalfadhiga Afaraad kulankiisa 21 aad oo arrimo badan looga hadlayay, waxaana socdo kulamada looga hadlayo wax ka badalka xeer hoosaadkii uu ku dhaqi jiray golaha Shacabka. Guddoomiyaha xilka kala wareegay Jawaari ayaa dhawaan digniin u diray xildhibaanada fasax la’aanta isaga maqnaa dalka Dibadiisa, isagoo u qabtay inay muddo kooban dib ugu soo laabtaan dalka kana qeyb galaan kulamada baarlamaanka. Imaanshihiisa ayaa kusoo beegmaya xilli magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin xildhibaano ka tirsan baarlamanka Koonfur Galbeed, oo dowladda ay u yeertay, kuwaas oo qeyb ka ah olole looga adkaanayo Shariif Xasan. Ma cadda weli in Jawaari qeyb ka yahay ololaha, balse waxaa jira warar Muqdisho aad looga hadal hayo oo sheegaya inuu la safan yahay Cabdi Casiis Lafta-Gareen oo dowladda ay wadato, inkastooo aan la xaqiijin karin. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Shacabka ku dhaqan magaalada Muqdisho ayaa ka aragti dhiibtay sida xilligan lagu xalin karo karo khilaafka ka dhaxeeya dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamul goboleedyada. Dadkan qaarkood ayaa u sheegay Goobjoog in muhiim ay tahay in loo midoobo danta dalka, la iskana ilaaliyo wax walbo oo kala fogeyn kara Labada dhinac. Sidoo kale, shacabka ayaa sheegay in dowladda dhexe looga baahan yahay iney xaliso tabashada dowlad goboleedyada, bedalkii ay ku dhowaaqi lahayd hadallo sii fogeeya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/VOX-POP.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Wakiilka cusub ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Nicholas Haysom iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal. Waxa uu kulan la qaatay madaxweynaha dowlad goboleedka Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas oo ay ka wadahadleen arrimo badan. Kulanka kadib, madaxweyne Gaas ayaa sheegay in waxyaabaha laga wadahadlay ay ka mid tahay khilaafka dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada. Sidoo kale, Gaas ayaa sheegay iney ka wada hadleen Nicholas Haysom arrimaha ammaanka sidii loo dardargelin lahaa howlaha amni ee dalka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Warbixinta-Waiilka-Qaramada-Midoobay-Soomaliya-iyo-Gaas-3-12-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Wararka ka imaanaya duleedka magaalada Muqdisho, gaar ahaan inta u dhaxeysa Weydow iyo Macaani ayaa waxay sheegayaan in halkaasi qarax Miino lagula eegtay gaari ay la socdeen askar ka tirsan ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya. Goobjoogayaal ayaa u sheegay Goobjoog News, in miinadan ay haleeshay gaari nooca dagaalka ah oo ay ciidankaan la socdeen, waxaana halkaasi ku dhintey Saddex ka mid ah askartii gaarigaasi la socotay, iyadoo sidoo kale ay dhaawacmeen Labo kale. Goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa waxaa gaaray ciidamo kale oo dowladda ah kuwaasi oo wada howlgallo ballaaran. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Bosaso[Puntland Post]-Mid kamid ah beelaha Dega Puntland ayaa si rasmi ah u shaciyay Magacyada Xubnaha u matalaya Golaha wakiilada ee Puntland 2019. Nabadoonada ayaana kulanka ku soo bandhigay Magacyada shaqsiyaadkaasi oo kala ah Dr Yaasiin Cartan Mxamed iyo General Cabdi Cismaan Firdhiye. Waxa sida oo kale kulanka laga soo jeediyay hadlo u badan dardaaran kaas oo xildhibaanada beeshu ay kula dar daarmayeen in ay umada u shaqeeyan iyagoona Ale uga baryay in uu u fududeeyo xilkan ay qadeen. The post Mid kamid ah beelaha Dega Puntland ayaa si rasmi ah u shaciyay Magacyada Xubnaha u matalaya xildhibaanad ee Puntland appeared first on Puntland Post.
  19. Muqdisho (Caasimadda Online) – Gaari Cabdi bile ah oo ay saarnaayeen askartaan ayuu qabsaday qaraxa oo ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, xilli Kolonyada ciidanka ay ku soo socdeen Magaalada Muqdisho gudaheeda. Afar ruux ayaa ku geeriyootay oo mid ka mid qof shacab ah uu yahay, halka saddex kalena ay yihiin ciidan la socday gaari cabdi bile ah, kadib markii qarax lagula eegtay deegaanka Waydoow ee duleedka Muqdisho. Masuuliyiin ka tirsan Maamulka deegaanka Garasbaaley ee duleedka Magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in saddex askari oo Alpha Group ay dhinteen, sidoo kalena laga cabsi qabo rasaasta ay fureen ciidanka dad inay ku dhinteen. Ciidanka qaraxan lala eegtay oo ka tirsan Alpha Group ayaa u soo socday Muqdisho, kadib markii ay ka yimaadeen Gobolka Shabellaha hoose. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Wararka naga soo gaaraya degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa waxa ay sheegayaan in ciidamada magaaladaasi ay gacanta ku dhigeen gaadiid loo maleynayo in ay sidaan hub. Saraakiisha Cadaado ayaa sheegay in gaadiidkan oo ah ilaa 6 gaadiidka Xamuulka lagu qabtay halka laga soo galo magaalada Cadaado. Wariye Xasan Axmed Qasaaro oo ku sugan magaalada Cadaado ayaa soo sheegaya in gaadiidkaasi iminka ay baaritaano ku wadaan ciidamada amaanka, isaga oo sheegay in ay jiraan warar sheegaya in gaadiidkaan ay u socdeen magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug. Hoos ka dhageyso wareysi aan la yeeshay wariyaha Cadaado ku sugan. https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Wareysi-Cadaado.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Gadiid loo maleynayo in ay hub sidaan oo lagu qabtay Cadaado appeared first on Puntland Post.
  21. Wasaarada Shaqada, shaqaalaha, dhalinyarada iyo cayaaraha ee dowlada Puntland, ayaa sheegtay inay ku guulaysatey diyaarinta siyaasadaha xeerarka iyo habraacyada maamulka shaqaalaha dawladda Puntland iyo sidoo kale diyaarinta siyaasada horuumarinta dhalinyarada. Agaasimaha guud ee wasaaraddaas, Axmed Cabdalla Tigaana ayaa sheegay inay xeerarkaan dhammaantood mareen golayaasha kala duwan ee dawladda Puntland, ayna bilaabanayso fulintooda iyo baahinta siyaasadaha iyo xeerarka maamul. Tigaana, ayaa u mahad celiyay dhamaan shaqaalaha wasaaradda oo muujiyey dedaal iyo hufnaan aqooneed taas oo u horseeday guulaha wasaaradu gaashey. Waxaa si gaar ah agaasimuhu ugu mahad celiyay wasiirka iyo wasiir kuxigeenka sida kalsoonida leh oo ay u maareeyeen hawlahan shaqo awood buuxda iyo kalsoonina ku bixiyeen in la hir geliyo howshaan adag ee juhdiga badan lagu bixiyay.. Puntlandi.com
  22. Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Soomaaliya haddana ah xildhibaan katirsan Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa maanta ka soo muuqday fadhigii Baarlamaanka ee ka dhacay xarunta golaha shacabka ee Muqdisho. Kulankii Baarlamaanka ayaa ahaa kii kulanka 21-aad kalfadhigiisii-4aad ee uu shir gudoominayay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Ajendaha kulanka aya ah aqrinta koowaad mashruuc sharci ku saabsan xuquuqda liil-tirka ( dheyma nololeedka) siyaasiyiinta dowladda iyo sii wadista dooda iyo ansixinta xeer hoosaadka golaha shacabka. Proff Jawaari ayaan ka soo muuqan kulamada Baarlamaanka tan iyo markii uu xilkaasi iska casilay 9-kii Apr , 2018 . Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Jawaari oo Kulankii Baarlamaanka muddo kadib ka soo muuqday. appeared first on Puntland Post.
  23. Ciidanka xeebaha dalka Japan ayaa baadigoob xooggan ugu jira raadinta jasiirad ku luntay ag-agaarka xeebaha waqooyi, kadib markii ay qarsoontay iyadoo aaney cidina dareemin, arrintan oo keenaysa isbedel ku yimaadda khariidada dalka Japan. Jasiiraddan ayaa muhiimad istiraatiijiyadeed u leh dalka Japan, waxey ku dhex qarsoontay biyaha hoostiisa badda Okhotsk, dhanka waqooyi ee gobolka Hokkaido ee xuduudda Japan iyo Ruushka. Jasiiradda “Esanbe Hanakita Kojima“, waxey ka mid ahayd 158 jasiiradood oo dalka Japan ku yaalla oo aaney cidina daganeyn, xukuumadda Japan ayaa diiwaangelisay 4-sano ka hor si ay calaamad ugu noqoto xuduuda goboleedka badda ee ay dalka Ruushka la leeyihiin. Qaanuunka dowladiga ah ayaa sheegaya in jasiiradaha ay suuraggal tahay in loo diiwaangeliyo calaamadeynta xuduud goboleedka, waa marka ay muuqato, arrintan oo baqdin gelinaysa dalka Japan, halka biyaha goboleedka uu sii nuqsaamayo. Dadka deegaanka ugu dhow ee Sarufutsu, kuma aaney baraarugin jasiiraddan iney indhaha ka qarsoontay, taas oo kiiloomitir barkii u jirta deegaankooda. Cilmibaare Japanese ah oo la yiraahdo Hiroshi Shimizu ayaa khatarta ka dhawaajiyay mar uu booqnayay deegaan ka dhowaa jasiiradda oo safar dhanka badda uu ku bixinayay, isagaana wargeliyay dowladda dalkiisa inuu la’yahay halkii ay ka xigtay Jasiiradda “Esanbe Hanakita Kojima“. Dowladda ayaana xilli dambe ogaatay inaan jasiiradda la hayn oo ay indhaha ka qarsoontay isla markaana halkii ay ku taallay xitaa aan la hayn. Jasiiraddan ayaa waxaa baadi goob ugu jira oo raadinaya ciidanka xeebaha badda, si loo xadeeyo halkii ay ku taallay, si ay uga ilaashadaan xuduud goboleedka badda ee dalkooda. Goobjoog News Source: goobjoog.com