Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Rand Paul oo ka tirsan Senetarada Jamhuuriga ee dalka Mareykanka, ayaa shaaca ka qaaday in dowlada Sacuudiga ay si rasmi ah ugu sifowday garabsiinta argagixisada. Senator Rand Paul, ayaa hadalkan sheegay mar uu ka hadlaayey isku soo baxa montana ayaa waxa uu tilmaamay inay jiran cadeymo muuqda oo ay u hayan in dowlada Sacuudiga ay dhaqdhaaqe iyo maskaxba ku bixiso argagixisada, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu Senator Rand Paul tusaalo usoo qaatay dhacdooyinka Sacuudiga ee Yemen isagoo carab ***** inay jirto wada shaqeyn hoose oo ay la leeyihiin Kooxaha argagixisada ay kula jiran dagaalka. Dagaalka Sacuudiga ee Yemen, ayuu sheegay inuu yahay mid mala awaal ah oo aan waxba ka jirin, balse ay xaqiiqdu tahay in Sacuudiga uu Yemen ku dhex barbaarinayo argagixisada. Senator Rand Paul, waxa uu intaa raaciyay in Sacuudiga xitaa uusan garankarin sababta ay ku laayen 15,000 ruux ee ku geeriyootay kumanaan kalana ay ku dhaawacmen duqeymaha iyo dagaalada ka socda Yemen. Nuqul kamid ah haddalka Senator Rand Paul ayaa ahaa “Marka hore waa in aan si foojigan u eegnaa tilaabooyinka sharci darada ah oo ay Sacuudiga qaadeyso, dagaalo dhiig fara badan ku daatay ayey si muuqata ugu lug yeesheen ama abuureen mana jirto cid ka hadashay” “Waa inaan is weydiinaa cida lagu leynaayo dagaalka, ma dhacdo inay laayan cadowga balse waxa ay laayan keliya shacabka, taasi waxa ay noo muujineysaa tuhunka jira” Sidoo kale, Senator Rand Paul waxa uu sheegay in Mareykanka France iyo Boqortooyadda Ingriiska ay hub ay ka iibiyaan Sacuudiga hubkaasina ay ku abuuraan dagaallo hor leh oo aan loo baahneyn. Dowladaha awooda leh ayuu ugu baaqay inay soo saaran kiiska taakuleynta argagixisada oo ay wado dowlada Sacuudiga, waxa uuna ku nuux-nuuxsaday inay halis tahay in indhaha laga fiirsado. Si kastaba ha ahaatee, waxa uu tuhunka Senator Rand Paul kusoo aadayaa iyadoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu sheegay in Sacuudiga uu yahay saaxiib wanaagsan oo uu Mareykanku leeyahay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Ankara (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa ka baaqday shirkii shalay sabtidii ka dhacay Muqdisho ee ay yeesheen kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka iskaashiga Islaamka(OIC) sabab lagu sheegay inuu ka dhiidhiyey warqaddii ay xukuumadda Soomaaliya ku taageertay Sacuudiga ee dilka saxafiga Jamal Khashoggi . Ilo sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa xaqiijiyey in wasiir Mevlut Cavusoglu uu marka hore aqbalay ka soo qeyb-galka shirka balse markii xukuumadda Kheyre ay taageertay Sacuudiga uu ka laabtay go’aankii imaatinka Muqdisho. Warqad soo baxday October 15, 2018, loona diray xogheynta ururka Iskaashiga Islaamka ee Jeddah iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ku qorneyd in wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu uu tagayo shirka Muqdisho ee October 27, 2018. Go’aanka wasiirka Turkiga waxaa uu beeninayaa hadalka Wasiirka arrimaha Dibada ee Dawladda Federaalka Axmed Ciise Cawad kaas oo shalay sheegay inuu Mevlut Cavusoglu u baaqday sabab la xiriirta shir ku saabsan Suuriya, uu isaga shir guddoominayey. October 15, 2018, xukuumadda Kheyre ah ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay iney diideyso in dhib la gaarsiiyo Sacuudiga, Qoraalkan oo koobnaa waxaa uu u qornaa sidan: Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale. Waxaana lagu soo gabagabeeyey “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya”. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
  3. The President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo, met with Minister of State for Foreign Affairs H E Sultan bin Saad Al Muraikhi. Source: Hiiraan Online
  4. Ergada Qaramada Midoobey Iyo Midowga Afrika Ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Ambassador Francisco Madeira oo maanta la kulmay guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi ayaa sheegay inay bilaabayaan dhex-dhexaadinta dowladda federaalka ah iyo dowlad goboleedyada. Mudane Cabdi Xaashi oo arrintan ka hadlayey wuxuu yiri “Saaka waa ii yimid Ergada Qaramada Midoobey Iyo Midowga Afrika Ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo Ambassador Francisco Madeira, waxaa ay yiraahdeen waxaa rabnaa in aan tagno dowlad goboleedyada, adinka waxaan idiinka rabnaa in wixii talo ah oo aad na sii neysaan na siisaan, waxaan siinney, intii aynu soo wadnay iyo arrimhii sidii ay u dhaceen oo dhan, waxay dhaheen, maxaan ku dhahnaa dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexaba? “. Dhinaca kale, xoghayaha guud ee Golaha Aqalka sare Mudane Cali Maxamed Jaamac oo kulanka faahfaahin ka bixiyey wuxuu yiri” Gudoomiyaha Golaha Aqalka sare iyo Wakiilada Qaramada Midoobe iyo Midowgga Afrika u qaabilsan Soomaaliya waxay ka wada hadleeen sidii xaladda hadda jirta loo dejin lahaa, sidii shaqada aqalka sare loo taageeri lahaa iyo talaabooyinka ugu muhiimsan ee la qaadi karo sidii nabad iyo xal waaro loogu heli lahaa qarannimada Soomaaliya, waxaa uu guddoomiyaha uga mahadeceliyey xog raadin-doontooda iyo waqtiga ay ku bixiyeen, guddoomiyahana wuxuu siiyey xog balaaran shaqadii aqalka soo qabtay, meesha wax marayaan iyo tallaabooyinka la rabo in la qaado”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Garoowe (Caasimada Online) – Taliyaha guud ee ciidamada daraawiishta Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa maanta ku dhawaaqay inuu u taaganyahay doorashada madaxtinnimada Puntland ee sanadka soo socda, Gen. Siciid Dheere ayaa go’aanka qaatay xilli uu weli ahaa Taliyaha guud Ee Daraawiishta Puntland. Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) oo arrintaas ka hadlayo wuxuu yiri “Waxaa waayadan dambe dhankeyga ku soo badanayey talo iiga imaaneysa bulshada Puntland qeybaha kala duwan isimmada, cuqaasha, aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, taladaas oo ah in aan ka mid noqdo mas’uuliyiinta u tartameysa hoggaanka Puntland sanadka 2019-ka. Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa Sababaha uu isu soo sharaxay waxaa uu ku sheegay sarreynta sharciga oo hoos u dhacday, isaga oo intaasi raaciyey “ markaan arkey dhaqaalaha dalka meesha uu marayo, markaan arkey amniga dalka meesha uu marayo, markan arkey arrimaha bulshada dhan dhaqan iyo dadweynaha, markan arkey cawadga Puntland oo daafaha deegaannada ka soo fidaya, markaan arkey colaadaha ka dhex aloosan beelo ka mid ah deegaanka, waxaan garwaaqsaday in baahi weyn loo qabo hoggaamiye ku dhaqa shacabka reer Puntand midnimo, cadaalad iyo sinnaan”. Taliyaha guud ee ciidamada daraawiishta Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), waxaa uu ugu dambeyntii sheegay inuu doonayo inuu reer Puntland uga faa’ideeyo khibradiisa 40 sano iyo inuu ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah ee ka nool aasaasayaashii Puntland. Kadib go’aankaas, ayaa madaxweynaha Maamulka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, waxa uu xikii ka qaaday Saciid Dheere, waxa uuna isla maanta oo ah 28 October 2018 waxa magacaabay taliye cusub. Gaas ayaa soo saaray xeer Madaxweyne Lr.157 October 28, 2018, kuna saabsan magacaabid Taliyaha Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. Madaxweynaha Dowladda Puntland. Markuu Arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Markuu arkay: Aqoontiisa iyo Khibradiisa shaqo Wuxuu Xeeriyey: Waxaa S/Guuto Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen loo magacaabay Taliaya Ciidanka Daraawiishta Dowladda Puntland. Xeerkani waxa uu dhaqan gelayaa markuu madaxweynuhu Saxiixo wuuna saxiixay madaxweynuhu. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Golaha aqalka sare ee Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ka hadlay khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ah iyo dowlad Goboleedyada. Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa sheegay in warka ka soo baxay Madaxtooyada ee ku baaqayay shir ay isugu yimaadaan dowladda dhexe iyo dowlad Goboleedyada uusan ka muuqan hadalka Madaxweyne Farmaajo oo ay qortay sida uu yiri gacan saddexaad. Waxaa uu sheegay in dowlad Goboleedyada iyo dowladda Federaalka ah aysan si dhameystiran raalli uga ahayn xallinta khilaafka u dhaxeeya. Waxaa uu Guddoomiye Cabdi Xaashe sheegay in Madaxweynaha Maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam uu isaguna ka mid yahay dhinacyada ay wax ka socon la’yihiin. ‘Axmed Madoobe aniga waan la hadlay,dadka ay wax ka socon la’yihiin ayuu ku jiraa,wuxuuse igu yiri si deg deg ah ayaan kuugu soo jawaabayaa’ ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullahi oo labada dhinac ka dalbaday iin ay tanaasul muujiyaan. Sidee ayey u qorneyd Caasuumadii la sheegay inuu Farmaajo soo diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdulaahi Maxamed Farmaajo ayaa isaga oo garwaaqsan baahida loo qabo ilaalinta midnimada, wadajirka iyo qarannimada Soomaaliyeed, isla markaasna tixraacaya shirkii ay bishan Oktoober yeesheen madaxada Dowlad Goboleedyada, wuxuu mar kale ku celinayaa baaqiisii ku aaddanaa in shir wadatashi ah ay kasoo qeyb galaan Madxda Dowlad Goboleedyada kaas oo looga wada hadlayo xal u helista tabashooyinka ay qabaan. Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Madaxda Dowlad Goboleedyada in iyaga oo eegaya danta dalka iyo dadka ay aqbalaan dalabka Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo sii xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo midnimada, wax wada qabsiga iyo wadajirka ummadda Soomaaliyeed. “Uma ogolaan karno kala aragti duwanaansho siyaasadeed darteed in gaabis ku yimaado guulihii sida adag aanu ku yagleelnay ee la xiriiray dib u dhiska dalka iyo hay’adaha dowliga ah. Wadahadal iyo midnimio dhab ah oo kelliya ayaa inoo sahli kara inaanu hore uga sii dhaqaaqno halka aan hadda taagannahay. Talo iyo cudud mid ah ayaanu uga adkaan karnaa kooxda arxan laaweyaasha ah ee Alshabaab si aanu u gaarsiino dadkeenna nabad, barwaaqo iyo horumar.” Madaxweynaha ayaa sheegay inay Dowladda Federaalka Soomaaliya ka garaabeyso wixii tabashooyin ah ee ay tirsanayaan Dowlad Goboleedyada, isagoo intaas ku daray in wadahal ku dhisan wadatashi, isqancin iyo isu-tanaasul ay diyaar u tahay Dowladda Federaalka Soomaaliya si loo dardargaliyo dadaallada dib u dhiska, dib u xoreynta iyo nabadeynta dalka. Madaxweyne Maxamed Cabbdullaahi Farmaajo ayaa intaas raaciyay inuu xiriir la sameynayo dhammaan Madaxda Dowlad Goboleedyada, isaga oo aaminsan in dhabbaha wadahadalka, iskaashiga iyo isu-tanaasulka uu yahay midka kaliya ee lagu gaari karo nabad iyo horumar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  7. MOGADISHU (Caasimada Online)–The President of the Federal Republic of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo, met with Minister of State for Foreign Affairs H E Sultan bin Saad Al Muraikhi. At the outset of the meeting, the Minister conveyed greetings of Amir H H Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani to the President and his wishes of further progress and prosperity to the people of Somalia. For his part, the President entrusted the Minister to convey his greetings to H H the Amir and his wishes of health and happiness to him as well as his wishes of more progress and prosperity to the people of Qatar. During the meeting, the President thanked the State of Qatar for its efforts to support the government and people of Somalia. The two sides discussed bilateral relations and means of boosting them in various fields. Sources: The Peninsula
  8. Garoowe (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali (Gaas) oo wareysi gaar ah siiyay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in puntland aysan diidaneen qeybgalka shirka dowlada dhaxe ay ugu baaqday Maamul-Goboleedyada, balse waxaa uu tilmaamay in dhaw jeer oo hore shirar ay Muqdisho u yimaadeen, islamarkaana aan wax qodobo ah ka soo baxay shirarka lagu qabtay Muqdisho. Cabdi Weli Gaas Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in hada xal raadin ay wadaan Xubnaha aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana waxaa uu tilmaamay in mar walba ay diyaar u yihiin in la soo afjaro khilaafka u dhexeeya Madaxda Dowlada dhexe iyo Kuwa Maamul Gobaleedyada. Wareysi uu siiyay Idaacada Kulmiye ee fadhigeeda yahay Muqdisho ayuu sheegay inay ka war sugayaan dhex dhexaadinta iyo howsha uu wado Aqalka Sare, isagoo mar kale calaamad su’aal geliyay inay Muqdisho imaanayaan iyo in kale, “Dowlad goboleedyada waxay u taagan yihiin nidaamka dowliga ee Federaalismka in la ilaaliyo, dhul badan ayay mas’uul ka yihiin waa in lagu ixtiraamo oo lagyla shaqeeyo, waxyaabaha ka socda Koofur Galbeed iyo Galmudug waxaa moodaa in aysan sax aheyn, oo aan nidaamkii la rabay aan loo maareyn”ayuu yiri Madaxweyne Gaas. Mar la weydiiyay su’aal aheyd waxa ay ku diidan yihiin martiqaadka loo fidiyay ayuu sheegay in aanay diidaneyn casuumaada, balse dhowr jeer la wada hadlay go’aamo horay loo gaarayna aanay waxba ka fulin. “Dhowr jeer oo horay shirar la isugu yimid go’aamo la gaaray, go’aamadaas waxba kama hirgelin, marka waxay noqotay in la isu imaado oo wada hadlo, hadana go’aamo kale la gaaro, hadana la fulin waayo waqtina sidaas ku dhamaado, waxay tareysa ma jirto oo aan aheyn in daraf saddexaad la helo”ayuu yiri Madaxweynaha Puntland. Waxaa uu sheegay inay wanaagsan tahay in la wada hadlo oo la heshiiyo, balse loo baahan yahay in si dhab ah loo wada hadlo cida doonta daraf sadexaad ha gasho, isagoo xusay in shuruudooda aanay aheyn kaliya faragelin shisheeye. “Faragelin shisheeye muhiim ma ahan, meel aan uga hadalnay ma jirto, hada Aqalka Sare oo matal dowlad goboleedyada oo dad Soomaaliyeed ah nidaamka Federaalka saldhig u ah ayaa waan waanta galay, waana soo dhoweynay, haddii ay dhankaas ka ogoleysiinayaan in la heshiiyo wax dhibaato ah kuma jirto anaga diyaar ayaa u nahay howshaas inay dhex dhexaadin ka noqdaan”ayuu yiri C/weli Gaas. Mar la weydiiyay inay Muqdisho u imaanayaan gogoshii uu fidiyay Madaxweynaha ayuu sheegay in go’aankii horay uga soo baxay uu sidiisa yahay, wax laga laabtay aanay jirin, howsha dhex dhexaadinta ay Aqalka Sare ku jiraan, ayna ka war dhowrayaan. War saxaafadeed ka soo baxay xalay Villa Soomaaliya oo ku qornaa hadalo dabacsanaan iyo tanaasul ayaa maamul goboleedyada lagu martiqaaday shir wadatashi ah oo lagu dhammeynayo tabashooyinka ay qabaan, iyadoo markii labaad ay tahay Madaxweynaha uu shir ugu baaqo maamul goboleedyada. Lama oga go’aanka Maamul goboleedyada ka qaadan doonaan baaqa cusub ee Madaxweynea Farmaajo, iyadoo shirkii bishii September uu isugu yeeray ay ku gacan seyreen, iyagoo shuruudo ku xiray. Halkaan hoose ka dhageyso: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Wareysi-Cabdiwali-Gaas.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Madaxweynaha dowladda Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa xilka ka qaaday taliyihii ciidanka Booliiska Puntland,Sarreeye Guuto Cabdullaahi Shire Dool. Digreeto ku suntan 28 October 2018 oo Axadda maanta ah ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa taliyaha ciidanka Booliiska loogu magacaabay,Sarreeye Guuto Muxiyadiin Axmed Muuse oo sidoo kale ah taliyaha la-dagaallanka Daroogada iyo Argagixisada ee Puntland. Madaxweyne Gaas ayaa tan iyo shalay soo saaray ilaa afar digreeto oo ku socota saraakiisha ciidadamada,waxaana shaqada laga rukhseeyay saraakiil ka kala tirsanaa Daraawiishta iyo Booliiska,kuwaaasoo lagu eedeeyay falal liddi’ ku ah jiritaanka Puntland iyo anshaxa ciidannimo. Sidoo kale ciidanka Daraawiishta ayaa loo magacaabay taliye cusub,kadib markii taliyihii hore ee Daraawiishta Gen Siciid Dheere uu shaaciyay in uu tartan u galayo doorashada madaxtinimada Puntland ee sannadka 2019. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Taliye cusub oo loo magacaabay Booliiska Puntland appeared first on Puntland Post.
  10. Madaxweynaha Puntland,Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) ayaa taliye cusub u magacaabay ciidanka Daraawiishta dowladda Puntland. Digreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha oo ku taariikhaysan 28 October 2018 ee ku beegan maanta oo Axad ah ayaa taliyaha ciidanka Daraawiishta Puntland loogu magacaabay,Sarreeye Guuto Cabdishukri Cabdullaahi Xuseen. Taliyaha la magacaabay ayaa beddelaya Gen Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) oo xilkan hayay,balse saaka ku dhawaaqay in uu u tartamayo doorashada madaxtinimada Puntland ee 2019. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Madaxweyne Gaas oo taliye cusub u magacaabay ciidanka Daraawiishta appeared first on Puntland Post.
  11. Kenya's Abraham Kiptum is the new World half Marathon record holder. Source: Hiiraan Online
  12. Nairobi (Caasimadda Online) – Dowladda Kenya ayaa sheegtay in ay Hay’adahadeeda amaanka ka war heleen in al-Shabab ay qorsheynayaan weerarro ka dhaca xarumo waaweyn oo ku yaalla Magaaladaas. Saraakiisha Amaanka Kenya ayaa sheegay in Ragga ka tirsan Al-shabab ee qorsheynaya weerarkaas uu hoggaaminayo Ahmed Harith Mahmoud, kaas oo saaxiib dhow la ah Ahmed Iman Ali, oo ka tirsan hoggaanka sare ee Al-shabab una dhashay Kenya. Ciidamada la dagaallanka Argagixisada ee Nairobi ayaa heegan sare la geliyay waxaana ay sugayaan amaanka magaalada. Meelaha Hay’adaha sirdoonka heleen in la weerarayo waxaa ka ka mid ah dhismaha Times Tower,Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, iyo meelo kale oo bartamaha Nairobi ka mid ah. Ciidamada ayaa helay Warqad ay ku qoran yihiin goobaha la doonaayay in la weeraro, waxaana halkaasi la geeyay Ciidamo dheeraad ah. Joseph Boinnet Taliyaha Booliska Kenya , ayaa sheegay in warqadda la helay ee xogtan ay ku qoran tahay ay been abuur noqon karto laakiin haddana aysan dhayil saneyn Hay’adaha ammaanka. Meelaha Hay’adaha Sirdoonka heleen in la weerarayo waxaa ka ka mid ah dhismaha Times Tower, Xarunta Wasaaradda Maaliyadda, iyo meelo kale oo bartamaha Nairobi ka mid ah Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in warqaddaasi dhab noqon karto, iyada oo laga hortagayana Ciidamo badan la geeyay dhismayaasha la beegsanayo. Weerarka ayuu sheegay in la qorsheynayo 28ka Bishan October oo ku beegan maanta oo Axad ah ilaa 4ta November inta u dhaxeysana la fulinayo haddiiba ay sax tahay. Sarkaal sare oo ka tirsan Booliska Kenya ayaa sheegay in warqaddaasi dhab noqon karto,iyada oo laga hortagayana Ciidamo badan la geeyay dhismayaasha la beegsanayo. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  13. A consortium of international bankers, Papersoft Africa, and Digital Transformation company iVEDiX have teamed up to launch a transformative blockchain and digital currency initiative Source: Hiiraan Online
  14. Gen Siciid Dheere oo ku dhawaaqaya musharraxnimo Garoowe 28 October 2018 Taliyaha ciidamada difaaca dowladda Puntland,Sarreeye guud Siciid Maxamed Xirsi(Siciid Dheere) ayaa maanta oo Axad ah ku dhawaaqay in uu u sharraxanyahay doorashada madaxweynaha Puntland ee 2019. Sarreeye guud Siciid Dheere ayaa shir jaraa’id oo uu ku qabtay magaalada Garoowe ku faahfaahiyay damaciisa siyaasadeed ee ku aaddan qabashada xilka madaxweynaha Puntland iyo waxyaabaha ku dhaliyay in uu u tartamo xilkaasi. “Markaan arkay,sarreyntii sharciga oo hoos u dhacday, markaan arkay dhaqaalaha dalka meesha uu marayo,markaan arkay amniga dalku meesha uu marayo,markaan arkay ciidowga Puntland oo daafaha dalka ka soo fidaya,waxaan go’aansaday in aan shacabka Puntland u caddeeyo in aan ahay musharrax jagada madaxweynanimada Puntland”ayuu yiri Siciid Dheere. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu fahamsanyahay baahida shacabka Puntland haatan u qabaan hoggaamiye ku maamula midnimo,caddaalad iyo sinnaan,islamarkaana soo celin kara,sarreyntii sharciga iyo sugidda amniga degaannada Puntland. “Waxaan garwaaqsaday in baahi weyn loo qabo hoggaamiye ku dhaqa shacabka reer Puntland midnimo,caddaalad iyo sinnaan” ayuu raaciyay Generaalka oo shaacinayay musharraxnimadiisa xilka madaxweynaha Puntland. Musharraxa oo hadalkiisa sii wata ayaa ku daray in uu shakhsi ahaan waaya-aragnimo dheer u leeyahay arrimaha dalka oo uu sheegay mudda ka badan 40 sano in uu ku soo jiray halgan ku salaysan difaaca Puntland iyo Soomaaliyaba,sidaasi darteedna uu wax badan u qaban karo shacabkiisa. Dhinaca kale Siciid Dheere ayaa sheegay in uu kamid ahaa raga fara’ku-tiriska ah ee ka nool as’aasayaashii Puntland,islamarkaana uusan weligiisa dalka ka bixin oo dhib iyo dheefba la qabay shacabkiisa,uuna mudda in badan qorraxda u taagnaa ilaalinta iyo difaaca Puntland. Mar wax laga weydiiyay in uu xilka ciidamada iska’casilay,maadaama uu siyaasad galay? Ayuu ku jawaabay”xilka horta anigu isma casilin,waayo? Umaddeydu waa iscasilay in ay maqasho waa uga tudhay”. PUNTLAND POST Cabdiraxmaan Ciise Cumar The post Sarreeye Guud Siciid Dheere oo isu’ sharraxay xilka madaxweynaha Puntland appeared first on Puntland Post.
  15. Taliyaha guud ee ciidamada daraawiishta Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa maanta ku dhawaaqay inuu u taaganyahay doorashada madaxtinnimada Puntland ee sanadka soo socda, Gen. Siciid Dheere ayaa go’aanka qaatay isaga oo weli ah Taliyaha guud Ee Daraawiishta Puntland. Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) oo arrintaas ka hadlayo wuxuu yiri “Waxaa waayadan dambe dhankeyga ku soo badanayey talo iiga imaaneysa bulshada Puntland qeybaha kala duwan isimmada, cuqaasha, aqoonyahanka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada, taladaas oo ah in aan ka mid noqdo mas’uuliyiinta u tartameysa hoggaanka Puntland sanadka 2019-ka. Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) ayaa Sababaha uu isu soo sharaxay waxaa uu ku sheegay sarreynta sharciga oo hoos u dhacday, isaga oo intaasi raaciyey “ markaan arkey dhaqaalaha dalka meesha uu marayo, markaan arkey amniga dalka meesha uu marayo, markan arkey arrimaha bulshada dhan dhaqan iyo dadweynaha, markan arkey cawadga Puntland oo daafaha deegaannada ka soo fidaya, markaan arkey colaadaha ka dhex aloosan beelo ka mid ah deegaanka, waxaan garwaaqsaday in baahi weyn loo qabo hoggaamiye ku dhaqa shacabka reer Puntand midnimo, cadaalad iyo sinnaan”. Taliyaha guud ee ciidamada daraawiishta Puntland Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere), waxaa uu ugu dambeyntii sheegay inuu doonayo inuu reer Puntland uga faa’ideeyo khibradiisa 40 sano iyo inuu ka mid yahay dadka fara ku tiriska ah ee ka nool aasaasayaashii Puntland. Waxaa xusid mudan in Gen. Siciid Maxamed Xirsi (Siciid Dheere) uu weli yahay Taliyaha guud ee ciidamada daraawiishta Puntland, taasi oo su’aalo ka keeni karto dhex-dhexaadnimada ciidanka, oo lagu yaqaano inay ka fogaadaan siyaasadda, isla markaana ilaaliyaan danaha dalka, dadka iyo diinta. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Baydhabo (Caasimadda Online) – Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya ee waqtigiisu sii dhammaaneyso Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa si weyn ugu eedeeyay dowladda Federaalka Somalia inay faragelin ku heyso doorashada maamulkaasi. Shariif Xasan ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya aymagaalada Baydhabo ku soo daadgureyneyso diyaarado sida baabuur aan xabada karin iyo xubno ay u soo magacawday inay madax ka noqdaan maamulka K/Galbeed, taasoo sharci darro ah sida uu yiri. Wuxuu sheegay in dadka reer Koofur Galbeed ay yaqaanaan dadka dooranayaan iyo sida ay wax u dooranayaan, isagoo dowladda Soomaaliya ku sheegay inay qas ka wado degaanada K/Galbeed. Musharaxa xilka Madaxweynaha ee C/casiis Lafta-gareen oo Shalay xaflad ku qabtay magaalada Baydhaba ayaa u jawaabay Shariif Xasan isagoo sheegay in Shariif Xasan uu doonayo inuu keligiis Baydhaba u wato baabuurta aanay rasaastu karin, wuxuuna u tilmaamay in baabuurtaasi lagu iibiyo magaalada Muqdisho, isaguna uu hore u lahaa. C/casiis Lafta-gareen ayaa ku eedeeyay Shariif Xasan inuu ka xun yahay in dad la yimid oo wata Gadiidka oo u wato oo kale inaysan imaan Baydhaba. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  17. Kismaayo (Caasimadda Online) – Xaalada magaalada Kismaayo ayaa saaka degan, kaddib iska hor imaad sababay dhimasho iyo dhaawac oo shalay gelinkii dambe dhex maray Ciidamo ka wada tirsan Jubbaland, kaasoo sababay dhimasho iyo dhaawac. Afhayeenka Laamaha Amniga Jubbaland Saciid Joogsade ayaa sheegay in kooxaha hubeysan ee ku lug lahaa is rasaaseynta gacanta lagu dhigay, isla markaana ay yihiin Maxkamad Sugayaal. Saciid Joogsade ayaa sheegay in kooxahan oo gaarayay 11 ruux ay ahaayeen kuwo qalqal gelinayay ammaanka Kismaayo, sidoo kalena ay dileen Nabadoon caan ah oo ku howlanaa xal u helida xaalada ka jirtay magaalada. Ugu yaraan afar ruux oo uu ku jiro Nabadoonka ku howlanaa xalinta xiisadii taagneyd ayaa ku geeriyooday, halka askari kale uu ku dhaawacmay. Ciidamada Jubbaland ayaa guri ay ku sugnaayeen Ciidamada gadoodsanaa ku duqeeyay, waxaana shalay xaalada magaalada Kismaayo ay noqotay mid qalqal iyo cabsi ku reebtay dadka deegaanka, markii ay maqleen madaafiic. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Xasan Cali Kheyre ayaa ka hadlay halka ay Somalia heegsaneyso ka hor inta aan la gaarin xiliga doorashada. Kheyre waxa uu sheegay in Somalia ay is dhinac taageyso wadamad kale ee saaxiibada la’ah marka loo eego dhinacyada Amniga, Dhaqaalaha, Horumarka iyo bilicda. Wuxuu tilmaamay in rajada Somalia ay tahay mid muddo laba sano ah ay ku gaari doonto halka uu hankeedu yahay waxa uuna carab ***** in taasi ay tusaale u tahay shirarka heerka caalami oo Somalia ay marti galineyso. Ujeedka muuqda ee shirarka heerka caalami oo Somalia ay marti galineyso ayuu ku qeexay laba arrin oo kala ah: 1-In Somalia ay adduunka ka iibiso hankeeda ku aadan inay diyaar u tahay in wadamada dhigeeda ah ay la qeybsato wax walba. 2-In wadamada saaxiibada ah ay tusto in Somlia ay amni tahay, isla markaana ay kasii baxeyso burburka iyo xasil darada ayna u qalanto marti galinta shirarka heerka caalami. Ra’isul wasaare, Kheyre waxa uu cadeeyay in Somalia ay maslaxad weyn u aragto inay marti galiso shirarka ay qabtaan wadamada dhigeeda ah, wuxuuna carab ***** in Somalia markii hore laga aaminsanaa faker xun. Sidoo kale, Umadda Soomaaliyeed ayuu sheegay inay yihiin keliya kuwa magaca dalkooda kor u qaadi kara, taa oo lagu gaari karo isgarabsi iyo wada shaqeyn lala sameeyo dowlada. Haddalka Kheyre ayaa imaanaya xili dowlada Somalia ee uu Hoggaamiyo Farmaajo tan iyo markii la doortay ay marti galisay shirar waaweyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Garoowe (Caasimada Online)-Sida aan wararkeena hore ku sheegnay Digreeto kasoo baxday xafiiska Hoggaamiyaha Puntland C/weli Gaas ayaa lagu ruqseeyay saraakiil sar sare oo ka tirsan ciidanka daraawiishta iyo booliska Puntland. Saraakiishan ayaa xilalkooda ku waayay ka dhinac noqoshada Khilaafka u dhexeeya maamulka iyo Dowlada Dhexe, waxa ayna ruqseentoodu timid kadib markii ay qabteen shir Jaraa’id oo ay ku shaaciyeen inaanu taageersaneen shirarka Garoowe ee lagu garaafeynayo dowlada Dhexe iyo waxyaabo kale. Ruqseynta Saraakiisha ayaa waxaa ka hadlay G/sare Axmed Cabdullaahi Samatar (Layli) kaas oo horey mar u soo noqday taliyihii booliska gobolka Nugaal basle haatan ka tirsanaa Booliiska Puntland. G/Sare Layli oo ruqseynta kadib baraha soo dhigay Muuqaal uu uga hadlaayo ruqseyntiisa ayaa sheegay in C/weli Gaas uusan awood sharci u laheyn inuu ka dhigo darajooyinka. G/Sare Layli, ayaa sheegay in C/weli Gaas aysan ku taageereynin haddii uu galo khaladaad dhanka shaqada ah waxa uuna caadeeyay inuusan u dhiman doonin xil uu waayay. HOOS KA DAAWO HADDALKA G/SARE LAYLI RUQSEYNTA KADIB:
  20. Jigjiga (Caasimada Online)-Warar soo baxaaya ayaa sheegaya in maamulka DDSI uu xabsi dhigay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka kadib markii lagu eedeeyay falal lid ku ah maamulka oo ay kamid tahay faafinta dhaliilaha Madaxweyne Mustaf. Xildhibaanada ayaa waxaa xarigooda ka danbeeyay ciidamo ka tirsan maamulka oo iyagu kala soo baxay hooy ay kaga sugnaayen magaalada Jigjiga ee xarunta maamulka DDSI. Xildhibaanada la xiray ayaa waxaa kamid ahaa Xildhibaanad Nasra Xasan iyo kuwo kale oo qeyb ka ahaa falka xariga. Xildhibaano ka tirsan baarlamaanka DDSI ayaa waxa ay sheegen in hada ay wadaan dadaalo lagu sii deynayo Xildhibaanada ay xireen ciidamada amaanka ee dowlada deegaanka Soomaalida. Sidoo kale, Madaxweynaha maamulka DDSI Mustafe Maxamed Cumar, ayaa laga dalbaday in ay ilaaliyaan sharciga, islamarkaana aan lagu xadgudbin Xildhibaanada oo leh xasaanad. Dhinaca kale, Xildhibaanada la xiray ayaa la sheegay in deegaan ahaan ay kasoo jeedan Magaalada Shillaabo. Caasimada Online Xafiiska Jigjiga Caasimada@live.com
  21. Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu ayaa ka baaqday shirkii shalay sabtidii ka dhacay Muqdisho ee ay yeesheen kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka iskaashiga Islaamka(OIC) sabab lagu sheegay inuu ka dhiidhiyey warqaddii ay dowladda Soomaaliya ku taageertay Sacuudiga ee dilka saxafiga Jamal Khashoggi . Ilo sare oo ka tirsan dowladda Turkiga ayaa u xaqiijiyey Goobjoog News in wasiir Mevlut Cavusoglu uu marka hore aqbalay ka soo qeyb-galka shirka balse markii ay Villa Somalia taageertay Sacuudiga uu ka laabtay go’aankii imaatinka Muqdisho. Warqad ay heshay Goobjoog News oo soo baxday October 15, 2018, loona diray xogheynta ururka Iskaashiga Islaamka ee Jeddah iyo dowladda federaalka ah ee Soomaaliya waxaa ku qorneyd in wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu uu tagayo shirka Muqdisho ee October 27, 2018. Go’aanka wasiirka Turkiga waxaa uu beeninayaa hadalka Wasiirka arrimaha Dibada ee Dawladda Federaalka Axmed Ciise Cawad kaas oo shalay sheegay inuu Mevlut Cavusoglu u baaqday sabab la xiriirta shir ku saabsan Suuriya, uu isaga shir guddoominayey. October 15, 2018, Dowladda Federaalka ah ayaa qoraal ay soo saartay ku sheegtay iney diideyso in dhib la gaarsiiyo Sacuudiga, Qoraalkan oo koobnaa waxaa uu u qornaa sidan: Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay markale ku celinaysaa mowqifkeeda sugan ee taageeraya degganaanshaha iyo qarannimada dalalka Carabta, waxayna ku dhawaaqeysaa garab istaaggeeda dhammeystiran ee dowladda Boqortooyada Sacuudi Carabiya ee aanu walaalaha nahay, kana soo horjeedno cid kasta oo isku dayeysa inay dhib gaarsiiso ama wax u dhinto kaalinteeda iyo danaheeda dhaqaale. Waxaana lagu soo gabagabeeyey “Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay adkeyneysaa laga maarmaanshaha in laga fogaado dhagar iyo olole ujeeddooyin kale leh oo lagu hagardaamaynayo Boqortooyada Sucuudi Carabiya”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa khadka Teleefanka kula hadlay dhigiisa dalka Kenya Uhuru Kenyatta. Madaxweyne Farmaajo iyo dhigiisa Kenyatta ayaa si qoto dheer uga wadahadlay iskaashiga dhinacyada dhaqaale iyo amniga ee ka dhaxeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu khadka kula hadlaayay dhigiisa soo hadalqaaday dhameystirka heshiisyadii ay wada gaareen keddib booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku tagay Kenya horraantii sanadkii tagay. Hoggaamiyayaasha labada dal ayaa inta uu wadahadalka socday isku afgartay in lasii wado xiriirka iyo wada shaqeynta isla markaana la adkeeyo xiriirka diblomaasiyadeed, isdhexgalka dhaqaale iyo midka bulsho ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Hoggaamiyayaasha waxay sidoo kale ka wada hadleen fududeynta isu socodka dadka iyo badeecadaha iyada oo la dhiirrigelinayo ganacsiga xorta ah iyo suuq furan oo ka dhaxeeya labada dal. Dhinaca kale, Hoggaamiyaha Somalia Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa dhigiisa uga mahadceliyay aqbalaada iyo tixgalinta uu dalkiisa u haya Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Shacabka ku dhaqan magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa ka aragti dhiibtey shirkii 25-kii bishan magaaladaasi ugu soo dhammaaday madaxda dowlad goboleedyada. Inta badan shacabkan oo la hadalay Goobjoog waxay sheegeen in shirkan uu ahaa mid loo baahnaa, madaxda dowlad goboleedyadana ka tashadeen aayaha gobollada ay maamulaan. Qaarkood ayaa sheegay in shirkan u arkaan mid lagu carqaladeynayo dowladda federaalka Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/Warbixinta-Rayiga-Shacabka-Shirkii-Garowe-GOOBJOOR-27-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo caawa khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Kenya Mudane Uhuru Kenyatta ayaa waxa uu kala hadlay iskaashiga dhaqaale iyo amni ee ka dhaxeeya labada dal. Agaasimha Warfaafinta iyo Xiriirka Warbaahinta Madaxtooyada JFS C/nuur Maxamed Axmed ayaa sheegay in Madaxweynaha uu lasoo qaaday dhigiisa dalka Kenya dhameystirka heshiisyadii ay wada gaareen keddib booqashadii rasmiga ahayd ee uu ku tagay Kenya horraantii sanadkii tagay. Labada Madaxweynaha ayaa isku afgartay in lasii adkeeyo xiriirka diblomaasiyadeed, isdhexgalka dhaqaale iyo midka bulsho ee ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Kenya. Waxay sidoo kale, ka wada hadleen fududeynta isu socodka dadka iyo badeecadaha iyada oo la dhiirrigelinayo ganacsiga xorta ah iyo suuq furan oo ka dhaxeeya labada dal. Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Mudane Uhuru Kenyatta kaalinta ay Dowladda Kenya ka qaadanayso nabadgalyada gobolka iyo adkeynta xiriirka labada dal oo ah mid ku dhisan iskaashi iyo is-ixtiraam. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo ka wada hadlay iskaashiga labada dal appeared first on Puntland Post.
  25. Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in xaalad adag oo dhanka nolosha ah ay soo wajahday qoysaskii dhowaan ka barakacay dagaalladii xooganaa ee ka dhacay deegaanka Dhumay ee gobolka Sool. Wariyaheena Faarax Dubad ayaa soo sheegaya in dadkan ay hadda soo wajahday xaalad cunno la’aan, biyo la’aan iyo sidoo kale inaanay haysan meelo ay degaan. Dadkaan ayaan helin gurmad muddo 7-aad ah, sababta ugu weyn ee aanay gargaarka u helin ayaa ah in aanay jirin meello loo maro deegaannada ay dadkaan tageen maadaama waddooyinkii la mari lahaa ay weli isku horfadhiyaan maleeshiyaadkii dagaallamay. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/FAARAX-DUBAD.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com