Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Cadaado (Caasimada Online)-Iyadoo uu wali khilaaf xoogan ka dhextaagan yahay dowlada Dhexe iyo maamulka Galmudug ayaa waxaa arrintaasi markii ugu horeysay ka hadlay Madaxa xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan. Sheekh Shaakir oo soo saaray qoraal ku aadan khilaafka labada dhinac ayaa sheegay inuu soo dhaweynayo gogosha uu mar labaad fidiyay madaxweynaha Somalia Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo). Sheekh Shaakir, ayaa sheegay in gogoshaasi ay tahay mid lagu doonayo in lagu daweeyo khilaafyada jira sidaa aawgeedna uusan garankarin sabab uu kaga hor imaado. Sheekh Maxamed Shaakir ayaa dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada ugu baaqay inay midoobaan, islamarkaana muujiyan tanaasul, iyada oo la xusuusanayo weerarkii Soomaalida badan ay ku dhimatay ee 14-kii October 2017 ka dhacay isgoyska Zoobe.
  2. Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali Xassan ayaa soo dhoweeyay gogosha uu madaxweyne Farmaajo mar kale u fidiyay golaha islaashiga dowlad goboleedyada,si xal looga gaaro khilaafka labada dhinac. Sheikh Shaakir ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Galmudug aqoonsantahay jiritaanka dowlada Federaalka Soomaaliya,uuna ku baaqayo in wada-hadal lagu xalliyo khilaafka xukuumadda Federaalka iyo madaxda dowlad goboleedyada. Sidoo kale wuxuu qoraalka ku sheegay in uu shakhsi ahaan mas’uuliyad iska’ saarayo xal u helidda khilaafka u dhexeeya labada dhinac,isagoo madaxda Federaalka iyo dowlad goboleedyada xasuusiyay qaraxii lagu hoobtay ee Soobe 14 October 2017 iyo muhiimadda ay leedahay in loo midoobo dagaalka Al-shabaab. PUNTLAND POST The post Sheikh Shaakir oo soo dhoweeyay gogosha uu fidiyay Farmaajo appeared first on Puntland Post.
  3. Waxaa hakad galay howlihii shaqo ee garoonka diyaaradaha magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, kadib markii ay galeen biyo badan, roobab ka da’ay magaaladaasi. Saraakiil ku sugan Garoonkan ayaa u sheegay Goobjoog News, in wax duulimaad ah aanu jirin, iyadoo aan la ogeyn xilliga sida rasmiga ah ay duulimaadyadan dib ugu billaaban doonaan. Dayactir wanagsan ma uusan helin garoonka magaalada B/weyne , balse maamulka gobalka Hiiraan dhankiisa waxa uu sheegay in guddi ay u sameyn doonaan garoonkan si dhismihiisa looga qeyb qaato sida ugu dhaqsiyaha badan… Xilli walbo oo uu roob ka da’o garoonka B/weyne waxaa sidan oo kale hakad u gala dhammaan duulimaadyadii magaaladaasi. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Maamulka degmada walaweyn ee gobolka Shabellaha hoose ayaa ku baaqay in si shuruud la’aan ah loo joojiyo xiisado colaadeed oo degmadaas ka jira. Yuusuf Maxamed, guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga maamulkaas ayaa sheegay in ay wadaan dedaallo ku aadan sidii loo dhameyn lahaa dagaal u dhexeeya Laba meleshiye beeleed oo wada daga degmadaas. Dagaalka ayaa salka ku haya dhul daaqsin Labada dhinac ay isku qabteen, walow weli aan si rasmi ah loo kala dhex-gelin dhinacyada dirirtu ka dhaxeeyso. Khasaare kala duwan ayaa ka dhashay dagaalkii ka dhacay degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabellaha Hoose, mana jirto weli xal rasmi ah oo laga gaaray. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAR-MUUSE-CABAAS-AFGOOYE-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. BAIDOA (HOL) - Officials and elders in the Southwestern State accused Somali government of using its resources to interfere in the region’s upcoming election process in favor of certain candidates allied to it, a charge dismissed by the government. Source: Hiiraan Online
  6. The nomadic nature of communities in Mandera county is hampering immunisation coverage exposing children below the age of five to measles, polio and pneumonia. Source: Hiiraan Online
  7. The European Union Naval Force say they have blown up an abandoned boat from which pirates had attempted to hijack a Hong Kong-flagged ship on the Indian Ocean. Source: Hiiraan Online
  8. PARIS (AP) — French President Emmanuel Macron has expressed support for Ethiopian Prime Minister Abiy Ahmed’s ambitious reforms and diplomatic peace efforts. Source: Hiiraan Online
  9. Leicester, England (CNN)No words can soothe heartbreak, which is why Leicester has fallen silent. It is a city stunned, a city grieving. Source: Hiiraan Online
  10. Following months of sleepless nights and a huge personal investment, Abdukadir Mohamed Salad, the owner of the first milk processing plant in Mogadishu in 25 years, is now relishing his growing success. Source: Hiiraan Online
  11. The European Union Naval Force say they have blown up an abandoned boat from which pirates had attempted to hijack a Hong Kong-flagged ship on the Indian Ocean. Source: Hiiraan Online
  12. Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday ee Koonfur Galbeed, ayaa kulan degdeg ahaa iusgu yeeray la-taliyayaashiisa dhinaca amniga iyo xubno isaga ku dhow. Kulanka oo ka dhacay Madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa looga wada xaajooday amniga Baydhabo iyo Ciidmaada faraha badan ee magaalka ku soo qul qulayay maalmihii u danbeeyay, Kuwaasoo qaarkood ay wataan Dadka kursiga kula loolamaya. Shariif Xasan Sheekh Aadan, ayaa kulanka kaidb qaaday tilaabo ay aad ula yaabeen Shacabka iyo Siyaasiyiinta ku sugan magaalada Baydhabo, taasoo dadka qaarba ay u fasirteen iney soo dadajineyso shakiga la xiriira in Shariifka ku soo bixi waayo doorashada. Shariifka, ayaa shaqada ka eryay dhamaan askarta iyo saraakiisha ilaalada ka heysay Xarunta Madaxtooyada Koonfur Galbeed ee magaalada Baydhabo. Dadka ku dhow Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday, ayaa sheegaya in arintan la xirirto kala shaki soo kala dhex galay Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo ilaaladiisa, maadaama uu ka soo hor jeedsaday Taliyihii booliska Koonfur Galbeed iyo Saraakiil kale. Xubnaha la hadlay Caasimada Online, ayaa sidoo kale ku waramaya in Shariif Xasan uu u cabsaday amaankiisa, Isagoo maalmahanba ku cataabayay erayo ku aadan suura galnimada in la bartilmaameedsado, Taasoo ay aad ula yaabay dadka la jooga. Ciidamada iyo Saraakiisha laga saaray Madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa la geeyay xero ku taala gudaha Baydhabo, kuwaasoo loo sheegay iney meesha ku xareysnaadaan inta dib looga yeerayo. Ciidamada iyo saraakiisha la wareegay amaanka Madaxtooyada Koonfur Galbeed, ayaa badankood ah dadka ku heyb/Qabiil ah Shariifka, Kuwaasoo joojiyay dhaq dhaqaaqii badnaa ee ka jiray Madaxtooyada. Ciidamadan, ayaa sidoo kale albaabka Madaxtooyada ka celiyay Saraakiil ka tirsan Koonfur Galbeed iyo Xildhibaano la balan sanaa Shariif Xasan, Kuwaasoo loo sheegay in aqoon buuran aan loo leheyn, Isbadal dhinaca amniga ahna uu ka dhacay Madaxtooyada. Shariif Xasan, ayaa fahansan in wax walba isbadali karaan maalmahan yar ee ka harsan doorahsada, Isagoo shaki ka muujiyay in ilaaladiisii hore loo soo maro, Kuwaasoo xanibi kara howlaha uu ka hayay gudaha Madaxtooyada, maadaama aan cidi soo geli karin. Lama oga sida uu xaal noqon doono maalmahan, waxaase maalinba maalinta ka danbeysa cirka sii galaya walaaca Shariif Xasan Sheekh Aadan ee la xiriirta inuu dib ugu soo laabto kursiga uu isaga fadhiyay sanadaha dheer ee aanu wax badanna ku qaban. Baydhabo, ayaa marti galineysa bisha danbe 17-keeda doorashada Madaxweynaha, Waxaana wax soo dooranaya Xildhibaanada Koonfur Galbeed, kuwaasoo codadkooda siinaya Musharaxa ay ka dhex xulanayaan ku dhowaad 10-ka Musharax ee kursiga u loolamaya. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
  13. Is-beddelka siyaasadeed ee Itoobiya ka dhacay waxa uu noqday mid sare u qaaday dhawrista xuquuqul insaanka, ayada oo tacaddiyadii badnaa ee maamulkii ka talin jiray magaalada ee Cabdi Iley lasoo afjaray. Jigjiga oo ka mid ahayd magaalooyinka ugu horreeya marka ay timaado ku tumashada xuquuqul Insaanka ayaa noqotay mid ka mida kuwa ka faa’ideystay hoggaanka is bedelay ee Itoobiya iyo imaatinka ra’iisul wasaare Abiy Ahmed. Cabdi Iley oo ahaa shaqsigii mas’uulka ka ahaa ddaqankii waxashnimada ahaa ee ka mid noqday nolol maalmeedka shacabka Jigjiga iyo dhammaan gobolada Soomaali Galbeed ayaa ugu dambeyn xabsi galay oo uu ilaa iyo hadda liinta ku cabbaa. Yeelkeede, saameyntii dulmilow Iley, kuma koobneyd Soomaali Galbeed balse waxa ay soo gaadhay gobollada Jumhuuridda Soomaaliya sida kuwa Waqooyi oo uu dad ku laalay, qaar ku xidhay halka gobolada dhexe ay sidoo kale dulmaneyaal u noqdeen xukunkii tacaddiga badnaa ee Iley. Waxaa dulmiga u adeegsan jiray ciidamada Liyu Police oo uu ku gumaaday boqolaal kun oo Soomaali ah meel walba oo ay degan tahay. Hase ahaatee, haddii Jigjiga maanta ka nabad qabto dhibaatadii ay Iley iyo Liyu Police ku hayyeen, Kismaayo ayey ku harsan tahay mushaakilaadka raadkii Iley iyo ciidamadiisa waxuushta ah. Ciidamada Kismaayo ku sugan ee u qoran Axmed Madoobe, waaa kuwo naqshadooda laga soo koobiyey Liyu Poilice-ka Soomaali Galbeed. Hab dhaqankooda iyo sida ay ula dhaqmaan bulshada Soomaaliyeed oo ay ugu dameeyeen xubnaha beesha Cawlyahan ee Ogaadeen, waa mid aan ka qarsooneyn dadka ku dhaqan Kismaayo. Qofka aan Kismaayo joogin ee looga sheekeeyo in ciidamada tacadiga ka geysta magaaladaas in ay yihiin Liyu Police ama kuwo shabaha waxa ay moodi karaan in HAYB/ISKU QABIIL ahaan loogu anaanayo arintaas maadama Liyu Police ay ahaayeen Ogaadeen sooc ah iyo hoggaamiyehoodii hadda xiran iyo Axmed Madoobe balse sawirada hoose ayaa xaqiiqada ku taabsiin doona. Liyu Police waxa ay caan ku yihiin in qoorta la surto macawiis ama cimaamada! Hadda fiiri sawirada laga soo qaaday ciimadii dhawaan xasuuqa Kismaayo ka geystay iyo qaabka ay u labisan yihiin! Kaliya ma ahan in sawiradan iyo hab labiska ay ciidamada Kismaayo ee Axmed Madoobe ka dhigayaan Liyu Police, balse waxa ugu darran ee sidaas ka dhigaya ayaa ah dhaqankooda iyo dhibaatada ay ku hayaan dhammaan dadka kasoo horjeeda maamulka Axmed Madoobe. Haddii ay Jigjiga xorowday, dhabtii Kismaayo ayaa maanta u baahan xornimo. W/Q: Mahad Cabdullaahi Diini Nairobi, Kenya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  14. Kaddib markii shakay lagu dhawaaqay miisaaniyadda dowladda federal-ka ee 2019, waxaa muuqday is bedel weyn iyo guulo la taaban karo oo laga gaaray sare u qaadista dhaqaalaha dalka iyo dakhliga dowladda ay soo xareyso. Lamabrka 340, oo iha inta milyan ee miisaaniyadda 2019 ay tahay ayaa ah astaan muujineysa guulaha dowladda madaxweyne Farmaajo ay ku tallaabsatay intii ay dalka maamuleysay. Xukumadda Federal-ka ah ee la baxday magaca Nabad iyo Nolol ayaa sameysay laba miisaaniyadood intii ay dalka mamaulkiisa gacanta ku haysay waxa ayna kala yihiin sida soo socota Labadii miisaaniyadood ee ugu dambeeyey dowladdii Xassan Shikeh 1 – $246m (2016) 2 – $260m (2017) Labada miisaaniyadda ee xukuumadda Nabad iyo Nolo. 1 – $274M (2018) 2 – $340M (2019) Labada miisaaniyadood waxaa u dhexeeya farqi gaaraya $66m. Dhinaca kale, haddii aan la barbardhigno farqiga u dhexeeya labadii miisaaniyadood ee ka horreeyey waxaa ku soo baxay – $260-%246 waa $16m! Labada miisaaniyadood ee dambe iyo labada miisaanoyadood ee hore marka aad si gaar ah isha ula raacdo waxaa kuu soo baxaya in koritaanka dhaqaalaha ee dalka iyo koboca miisaaniyadda in ay xawaare ku socota dowladda marka la eego dowladda hadda ee Nabad iyo Nolol. Sidoo kale waxaa halkaas ku cad, in ay is waafaqeen hadallada dowladda ah ee ay In dakhliga gudaha ka soo xerooda uu aad u kordhay, taas oo ay si cad uga muuqato miisaaniyadda shalay lagu dhawaaqay. Dakhliga dowladda waxaa si muuqata kordhiyey laba arrin, oo midda koowaad ay tahay horumarka xagga dhaqaale ee dalka ka jira. Dhaqaalaha dalka oo kordha waa dhaqaalaha dowladda oo kordhay, maadaama dowladda wa ka hesho oo ay canshuurto ganacsiga. Arrinta labaad ayaa ah in dowladda ay si aad ah ula dagaashay ugana hortagtay musuq-maasuqa, ayada oo malaayiin dollar oo laga dhici jiray dekedda Muqdisho iyo wasaaradaha dowladda ay xukuumadda xakameysay. Labada arrinba waxay muujinayaan dowlad ay daacad ka tahay wax qabad. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  15. In badan waxay kooxaha mucaaradka ku ah dowladda hadda jirta iyo madaxda maamul goboleeyadu dowladda ku eedeeyeen inay xoogga saartay baraha bulshada. Taageerayaasha badan ee dowladdu ku leedahay baraha bulshada ayaa lagu tilmaamay kuwo lagu bixiyay lacag badan. Waxaa eedaha lagu daray in shacabki Soomaaliyeedba ay kasoo qaadday inta ooga sacab tunto Faysbuugga. Haddaba eeddaasu ma saxbaa dowladduse ma ku saxantahay inay ku tiirsanaato baraha bulshada si ay u ogaato rabitaanka shacabka? Waxaa qabaa inay sax tahay arrintaas. Bulsho walba oo dal ku nool waxay ka koobantahay saddex un. Koox siyaasadda ku jirta ama talo ha hayso ama mucaarad ha noqoto. Koox ree balad ah oo ku xiran idaacadaha lana socoto waxa dalka ka socdo sidaas darteedna wixii soo kordha wax ka yiraahda iyagoo isticmaalayo kannaalo kala duwan sida wargaysyada iyo baraha bulshada. Kooxda seddexaad waa dadka meesha uu u badan yahay. Waa shacab weynaha aan waxba ka ogayn waxa socda. Waxaa dhici karto ianysanba kala jeclayn cidda talada dalka hayso, waxaa dhici karta inaysan war u ahayn waxa dalka ka socda oo aysan marin (access) u haysan warbaahinta iyo baraha bulshada sida dadka miyiga iyo tuullyinka fog fog ku nool. Dowlad walba oo jirta iyo mucaaradka doonayo inuu talada kala wareego wuxuu xoogga saaraa hanashada aragtida dadka u dhuun daloola waxa dalka ka socda. Dadkaas oo ku teegeera waa tubta lagu gaaro kursiga dalka ugu sarreeyo. Haddii aad talada hayso waa dadka aragtidooda aad ku qiimayn karto in la rabo iyo in la nacay maamulkaada. Waddamada dadka codkiisa madaxda lagu noqda, baraha bulshada ayay dadaal badan iyo qarashba ku bixiyaan dadka tartanka ugu jira hoggaanka dalka iyo kuwa talada hayaba. Tusaale sanadki hore doorashadi ka dhacday dalka Ingiriiska xisbiga shaqaalaha oo tartarnka ku jiray wuxuu ku bixiyay faysbuugga hal miyal oo gini (qiyaasti hal milyan iyo labo boqol oo kun oo doolar). Sidoo kale xisbiga talada hayay ayaa isna caddad intaas ka badan ku bixiyay faysbuugga si uu dadka ooga gado siyaasaddiisa dibna loogu doorto. Waddamada aysan cidna u baahnayn codka shacabka naftoodu kama maarmaan idaacadaha iyo baraha bulshada. Dalalka Carabta ayaa lacag aan xisaab lahayn ku bixiyo baraha bulshada si ay sawir qurxan ooga bixiyaan maamulladooda shacabkooda iyo bulshooyin kalana u indha sarcaadiyaan. Tusaale, dowladda Sacuudiga ayaa malaayiin doolar siisay shirkado xayaysiin oo fadhigoodu yahay Ingirriska si ay indhaha shacabka caalamka ooga jeediyaan ceebta kasoo gaartay dilkii wariye Jamaal Khashooki sida uu qoray wargayska The Guradian. Warbixintaas waxaa lagu sheegay in hal muuqaal oo soconayo 15 daqiiqo kasoo lagu soo xayaysiinayay dalxiiska Sacuudi Carabiya uu soo jiitay malaayiin dad ah waqti yar gudahiis. Dunida casriga ah, baraha bulshadu waa meesha ugu dhaqsaha badan ee dadka warka lagu gaarsiiyo. Tusaale qarixii ka dhacay magaalada Boston ee dalka Maraykanka, dhowr ilbiriqsi un ka dib marki uu dhacay waxaa lagu faafiyay Tiwiterka. Idaacaddii ugu hooraysay waxay isla warkaas baahisay 15 daqiiqo ka dib markuu dhacay. Waqtiga ay idaacaduhu billaabeen baahinta warkaas, malaayiin qof oo ku nool dunida dacalladeeda ayaa mar hore kala socotay baraha bulshada. Arrintaan waxay keentay in idaacaadaha dunida ugu afka dheer, inta aysan warka ay helaan kasoo dayn taleefishinnada iyo raadiyayaasha hawada ku jiro ay kusoo qoraan baraha bulshada sida tiwiterka iyo faysbuugga. Dalkeennu miyuu dunida kale ka duwan yahay? Waxaa aaminsanahay inuusan ka duwanayn balse uu ka mid yahay dalalka ugu mudan isticmaalka baraha bulshada marki la doonayo sara u qaadidda sumcadda dalka iyo soo jiidasahada shacabka. Waayo dadka soomaaliyeed waa dad soo jeeda si aad ahna ugu xiran idaacadaha iyo baraha bulshada. waa xaqiiq in dadka intiisa badan uusan marin u lahayn internetka, laakiin kuwaas maahan yoolka loo socdo. Yoolka waa dadka eegayo dhaqdhaqayada dowlada iyo dhinaca ay u socoto siyaasaddeeda. Dadkaasu waa dadka ku xiran baraha bulshada. Sidoo kale, dadka ku xiran baraha bulshada waxay ka turjumayaan rabitaanka ama nacitaanka bulshada guud. Haddii inta badan dadka ku xiran baraha bulshadu ay diidaan arrin waxay ka dhigan tahay in bulshadu arrinkaas kasoo horjeeddo sidaa darteed in la tixgaliyo xalna loo helo muhiim ayay noqon. Sababta in fahmo maahan mid u baahan cilmi iyo aqoon durugsan ee mid iska cad. Waayo ma dhici karto in lagu doodo inta faysbuug ku xiran waa dad gooni ama hal faker aaminsan ama hal beel ah ama hal deegaan kasoo jeedda. Maadaama, dadkaan yihiin dad kala da’ ah, kala deegaan ah, kala aqoon ah, kala aragti ah waxay si buuxdo u matalaan qaybaha kala duwan ee bulshada. Maxay mucaaradku arrintaas ceeb ooga dhigayaan? Mucaaradku waa labo. Kooxda kurisga doonayso sida C C Shakuur iyo Fiqhi iyo kuwa la mid ah. Kooxdaan eedayntaasu waxay ka tahay weerer iska caadi oo lagu yaqaan mucaaradka waana mid lagu tilmaami karo labo wajiilaynta siyaasiyiinta dunida, waayo iyaga ayaaba dowladda ooga badan inay baraha bulshada taageero ka raadiyaan ama aragtidooda kula wadaagaan bulshada guud. Uma arko inay ku khaldan yihiin isticmaalka weerarka noocaan ah waayo meel walbaoo ay u arkaan inay kaga guulaysan karaan dadka talada hayo inay gacanta galiyaan waa lagu yaqaan mucaraad oo dhan, khaladna maahan hadduusan hagardaamo dalka wax u dhimayso la socon. Kooxda laabaad waa madaxda maamul goboleedyada. Kooxdaan waxay u badan yihiin odayaal siyaasadda aan tacliin usoo marin. Sidoo kale, sida waayeelka kale ee dunida ku nool, waxaa ku adag isticmaalka baraha bulshada iy guud ahaan Internetka. Waxay fahmi karaan maahan dagaalka baraha bulshada iyo sida ay u sahlan tahay in lagu hanto aragtida dad weynaha. Ma fahmi karaan saamaynta ay leeyihiin farriimaha ay dowladdu marinayso faysbuugga. Ma fahmi karaan khalgiga tiro dhaafay dadka Faysbuugga ka taageero dowladda iyo sida hadba dhinac loogu jiheeyo. Waxayba fahmi la’yihiin waxa dowladdu muhiimmada u siinayso baraha bulshada oo ay iyaga ula hadli la’dahay. Waxaanba u muuqan in yoolka xukuumaddu yahay hanashada shacabka taageersan madaxda maamul goboleedyada. Waxaysaba ogayn in farriimaha la marinayo baraha bulshada ay ka xoog badan yihiin in iyaga lala kulmo ama la qanciyo. Dhowrka wasiir ee ree magaalka ah ee ku jira maamul gobaleedyadu waa ay yaqaannaan muhiimmada baraha bulshada waqti badan ayayna galiyaan diridda farrimaha ay rabaan inay bulshada gaaraan. War iyo dhammaantii dowladdu kuma khaldana inay ka shidaal qaadato baraha bulshada. Waxaa sax ah inay qiimayso rabitaanka shacabka iyadoo ku tiirsan baraha bulshada iyo meelaha uu dad weynuhu kusuoo bandhigo aragtidiisa. Taasi kama dhigna inaysan qancin shaqsiyaadka wax tabayanaya ee meelaha haysto magaca uu rabo ha watee. Waxaa muhiim ah inay labadaba isku garab wato si loo gaaro waxa u roon dalka iyo dadka. W/Q: Ibrahim Aden Shire ishire86@gmail.com kala soco: https://ibrahim-shire.blogspot.com/ Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka oo 27-Okt-2018 ka dhacay magaalada Muqdisho waxa uu kadhigan yahay tallaabo fiican oo ay qaadday siyaasadda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, waxaana suuragal ah in dhaqaaqa siyaasadda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Soomaaliya 5tii sano ee ugu dambeysay ay sabab u ahaayeen dadaaladii is xigxigay ee ay wasaaradda arrimaha dibaddu kuhirgelisay xiriirka wax wadaqabsiga iyo kala macaashka kudhisan, kaas oo weji cusub u yeelay muuqaalka diblomaasiyadda ee Soomaaliya. Sida lagu qoray webka www.oic-oci.org kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ee ururka iskaashiga Islaamku waxa uu ahaa mid heer wasaaradeed ah oo ay kaqaybgaleen wakiilada 16 dowladood oo xubno ka ah Ururka iskaashiga Islaamka. Sida lagu sheegay bogga www.oic-oci.org waxa kulakaas xoogga lagu saaray lafagur kusaabsan habka ugu wanaagsan uguna sahlan ee lagu xoojin karo dhinacyada dib u heshiisiinta qaran ee Soomaaliya, xaqiijinta siyaasad deggan, Joogtenya nabadgelyada, horumarka iyo dhaqaalaha Soomaaliya. Wasiirka koowaad ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa kasheegay furitaankii kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC in qabashada iyo taabbagelinta Soomaaliya ee kulankaas ay dalliil cadiyo tusaale u tahay isbeddelka wanaagsan ee sameysay, isaga oo sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay si dhab ah uga shaqeyneyso dib u habaynta dhammaan hay’adaha dowladda. Danjire Hishaam Yuusuf Kaaliyaha guud ee arrimaha bani’aadminiada ee OIC oo ku hadlayey magaca xog-hayaha guud ee ururka iskaashiga Islaamka Dr Yuusuf Axmed ayaa kasheegay kulanaka kooxda xiriirka Soomaaliya uu tusaale u yahay sida ay OIC uga go’an tahay taageeradadadaalka shacabka Soomalaiyeed iyo xkuumadduba ugu jiraan dhismaha mustaqbal wanaagsan oo uu yeesha dalka Soomaaliya. Guusha siyaasadeed ee Soomaaliya ka macaashtay kulanka kooxda xiriirka Soomaaliya ee OIC ayaa ah in gunnaanadkii kulanka uu ka soo baxay warmurtiyeed ugu yeeray dowladaha xubaha ka ah OIC in ay ka taageeraan jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya dhinacyada kaladuwan ee horumarka. Soomaaliya waxa ay xubin firfircoon ka ahayd asaaskii ururka Iskaashiga Islaamka, waxaana Kudhowdaan 50 sano akhor sanadkii 1969-kii lagu qabtay magaalada Muqdisho kulankii OIC, taas oo kadhignayd in Soomaaliya ka ciyaareysay dunida Muslimka kaalin weyn oo siyaasi ah, sidaas oo kalana waxa qayb muhiim ah ka ahayd ururkii midnimada Afrika oo maanta ah midowga Afrika. 2016, waxa agaalada Muqdisho kadhacay kulamo is xigxigay oo heer qaaradeed iyo heer goboleed ah kuwaas oo uu qayb ka ahaa kulamada midowga Afrika iyo urur goboleedka IGAD. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Maamulka Madaxweyne Trump ayaa darsaya tirro ficilo ah (Different options) oo ay kaga jawaabi lahaayen falkii ay dowlada Sacuudiga ku dileen Jamaal Khashoggi. Xoghayaha warfaafinta Aqalka Cad Sarah Sanders ayaa hadalkaasi sheegtay mar wax laga weydiiyay qorshayaasha maamulka uu kaga fal celinaayo dilka Saxafiga Sacuudiyanka ah. Sarah Sanders, waxay sheegtay in la uruuriyay dhammaan xogihii mukhaabaradka isla markaana uu maamulka Mareykanka haatan miisaamayo kala xulashada dhowr ficil. “Maamulka wuxuu garwaaqsanayaa talaabada aan horay u qaadi doono iyadoo aasaas looga dhigayo warbixintii madaxweyne Trump loo soo gudbiyay asbuucii hore” ayey tiri Xoghayaha. Mar wax laga weydiiyay inay agaasimaha Sirdoonka Mareykanka ay dhageysatay codadka Saraakiisha Turkiga sheegen ayey ka gaabsatay inay xaqiijiso ama beyniso nooca Sirdoonka ee loo gudbiyay Gina Haspel. Haddal kasoo baxay Aqalka cad ayaa lagu sheegay in go’aan qaadashadaasi ay ka danbeysay kadib markii agaasimaha mukhaabaraadka Mareykanka Gina Haspel ay dhawaan Madaxweyne Trump u gudbisay cadeymaha dilka Jamaal. Haddalka kasoo baxay Aqalka cad laguma faafin talaabooyinka miiska saran iyo heerka uu gaarsiisan yahay fulinta go’aankaas. Agaasime Gina Haspel, waxa ay dhawaan booqasho gaaban ku tagtay magaalada Istanbuul ee dalka Turkiga halkaa oo ay kula kulantay Saraakiil dowlada Turkiga u qaabilsan baaritaanka dilka Jamaal oo ay ka heshay muuqaalo iyo codad muujinaaya dilka Jamaal. Tifaftiraha Telefeshinka CNN ee arrimaha diblumaasiyada caalamiga Nic Robertson ayaa sheegay in Madaxweyne Trump keliya uu soo afjari karo xiisada ismari’waaga ee ka dhalatay dilka Jamaal. Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Trump waxa uu horay u sheegay in dowlada Sacuudiga uusan kusoo rogi Karin cunaqabateyn maadaama hubka ugu badan ay ka iibsadan. Xigasho: CNN + Anadol
  18. Muqdisho (Caasimada Online) – Shil gaari oo ka dhacay Gobolka Amxaarada ee waqooyiga Ethiopia ayaa waxa uu horseeday in ciidanka ay gacanta ku dhigaan Hub farabadan oo sharci darro ah. Warbaahinta maxaliga Ethiopia ayaa sheegtay in gaari booyadle shidaal waday Hub oo kasoo ambabaxay dalka Sudan kuna soo jeeday waqooyiga Ethiopia uu qalibmay xili uu la dhuumanaayay Hubka. War-saxaafadeed kasoo baxay Xafiiska isgaarsiinta dowlad Goboleedka amxarida ayaa lagu sheegay in ciidamada amaanka ay gacanta ku dhigeen 97 qoryaha AK47 iyo 1,291 oo bistoolado ah, kuwaasi oo lagu soo qariyay haanta shidaalka. Waxaa kaloo lagu sheegay war-saxaafadeedka in Hubkaasi la doonaayay in lagu qalqal galiyo amniga Ethiopia oo iminka aad u wanaagsan. Tahriibinta Hubka waxay si guud caadi uga tahay Waqooyi galbeed Ethiopia si ay isugu difaacan iyo inay u adeegsadan dagaalada deegaanka. Si kastaba ha ahaatee, tahriibinta hubka Ethiopia waxaa kaloo isticmaala danbiilayaasha si ay ugu geystaan dhac iyo inay u adeegsadan dagaalka looga soo horjeedo dowlada. Xigasho: Xinhua
  19. MOGADISHU, Oct. 29 (Xinhua) -- Somalia's cabinet on Monday approved a budget of 340 million U.S. dollars for the 2018/2019 financial year which is 65 million dollars more than the previous fiscal year Source: Hiiraan Online
  20. The Ottawa police’s homicide squad is investigating after a man in his early 20s was found dead following an early morning shooting in Mechanicsville. Source: Hiiraan Online
  21. KISMAYO (Caasimada Online) – With his first planned trip to a regional centre coinciding with tensions between the federal and state governments, the new United Nations envoy to Somalia encouraged Somalis to work together to find their own solutions to their problems. The Secretary-General’s Special Representative for Somalia, Nicholas Haysom, visited Kismayo, the capital of Jubaland, a Federal Member State in the country’s south, with his counterpart from the African Union (AU), the Special Representative of the Chairperson of the AU Commission, Francisco Madeira. “I’m aware that Somalia is not Mogadishu, Mogadishu is not Somalia – it’s necessary for me to visit the regions to see my own staff, but also to see how people live across the breadth and length of Somalia,” Mr. Haysom said. “I’m also coming here at a difficult moment in the relationship between the Federal States and Federal Government, and I’m here with my colleague from the African Union, Ambassador Francisco Madeira, to really encourage all of the different parts and levels of Somali political life to work together,” he added in a joint press encounter with Mr. Madeira and Jubaland’s President Ahmed Mohamed Islam Madobe. Working together “We are convinced that Somalia needs all of its people to work together and to find a solution as to how to work together,” Mr. Haysom said. “We say in my part of the world – I come from southern Africa – that the doctor cannot take medicine on behalf of the patient. What we can do is to encourage the patient to take their medicine and find a solution which the Somalis themselves must find.” Earlier, the UN and AU officials had met with President Madobe, and heard first-hand his views on the recent tensions. “We had a long discussion about wide ranging issues in Somalia, for example, the conflict between the FGS [Federal Government of Somalia] and Federal State Members. We shared with him our view on how the conflict can be resolved. We also stated that Somalia needs true and durable solutions to the problems facing it,” President Madobe said in the joint press encounter. He also welcomed the new UN Special Representative, noting his previous service in countries such as Afghanistan, Iraq and Sudan. “It was a good day for the people of Jubaland that the new UN envoy to Somalia visited us today,” President Madobe added. “He has vast knowledge about conflict and countries that have experienced war like Somalia.” In his comments to the media, Ambassador Madeira flagged the importance of hearing directly from those involved in the recent tensions. “I want to thank President Madobe because he has been very open with us; he spoke with us and he told us his feelings,” the AU official said. “This will help us to see how we can be of better use to Somalia, to its people and the Federal Member States.” PRESS RELEASE
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar oo ka tirsan xildhibaanada BFS ayaa si caro leh uga hadlay habdhaqan xun oo uu dheegay inay leeyihiin qaar kamid ah Xildhibaanada baarlamaanka. Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar waxa uu tilmaamay in Xildhibaanada qaar ay garan la’yihiin shaqooyinka loo igmay, waxa uuna carab ***** inay faragalin ku hayan howlaha Dowlada Dhexe ee ku aadan maamul Goboleedyada. Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar, waxa uu sheegay in arrin nasiib darro ah ay tahay in Xildhibaano gabay howshooda ay Dowlada Dhexe uga hormaran shaqooyinkeeda dhanka maamulada. Xildhibaanka oo dhaliilsan faragalin uu sheegay in Xildhibaanada qaar ay ku hayaan howlaha Dowlada ayaa ku baaqay in xasaanada mudanayaasha gabay howshooda. Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar ayaa soo jeediyay in Xildhibaanada dhaliilaya Dowlada Dhexe laga qaado Xasaanada maadaama ay gafeen isla markaana dhaliilo aan xaqiiq aheyn u jeediyeen dowlada. Waxa uu sheegay in loo baahanyahay in xildhibaanada aqalka sare iyo golaha sahacabka ee kasoo jeedo maamulka Koonfur Galbeed ee shalay ku shiray magaalada Muqdisho ay la yimaadaan cadeymo muuqdo oo muujinaya in dhowladda dhexe ay faragelin ku heyso doorashada Maamulkaasi. Xildhibaan Idiris Cabdi Dhakhtar, oo hadalkiisa sii wata ayaa Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ka codsaday in xildhibaanada dowladda dhexe ku eedeeyay in hub ay u dirtay Koonfur Galbeed dad lagu dilay in maxkamada lala tiigsado ayna la yimaadaan cadaymaha ay haayaan. “Haddalka ay Xildhibaanadu ku dhaliileen dowlada Dhexe maaha mid sahlan waayo waxa ay sheegen in Hub ay dowlada u dirtay Koonfur Galbeed lagu leynaayo shacabka, waa in Xildhibaanada noocas ah maxkamad lala tiigsadaa” “Dowladu xaq bey u leedahay inay maxkamad la tiigsato Xildhibaanada jeediyay dhaliisha aan cadeymaha loo heyn waa in laga qaadaa Xasaanada” Haddalka Idiris Cabdi Dhakhtar, ayaa kusoo beegmaya xili Xildhibaano ka kala tirsan labada Aqal ay dowlada Dhexe ku eedeeyen inay faragalin ku heyso doorashada Koonfur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Muqdisho (Caasimada Online)-Wakaalladda Wararka Turkiga ee ANADOLU News Agency ayaa sheegay inuu Xeer-ilaaliyaha Guud ee Sacuudiga, Sacuud Al-macjab uu waaberigii hore ee maanta (Isniinta) ka degay Garoonka Diyaaradaha Atatürk ee magaallada Istanbul, isagoo la socday Diyaarad Khaas ah. Xeer-ilaaliyaha Guud ee Turkiga, Carfaan Faydaan iyo dhigiisa Sacuudiga waxay Kulan xasaasi ah ku leeyihiin Xarunta Dhexe ee Xeer-ilaalinta Turkiga ee magaallada Istanbul. Labada Mas’uul waxay ka wada arrinsanayaan heerka uu marayo Baaritaanka dilkii Jamaal Khashoggi. Waxay kaloo booqasho ku tegi doonaan dhismaha Qunsulliyada Sacuudiga ee ku taalla Istanbul, dalkaasi oo bishan October 2-dii lagu dilay Saxafigaas. Booqashada Xeer-ilaaliyaha Guud ee Sacuudiga ayaa ku soo beegmaysaa iyadoo uu Madaxweyne Erdogan ka codsaday Madaxda Sacuudiga inay Dowladda Turkiga ku soo wareejiyaan 18-kii xubnood ee ka tirsanaa Sirdoonka Sacuudiga ee sida xun u dilay AUN Jamaal Khashoggi. Xigasho: Anadolu news Agency W/turjumay Usataad Nuradin
  24. JOHANNESBURG, Oct 29 (Reuters) - UK-based off-grid power company BBOXX is looking to enter two new African markets in partnership with France’s EDF Group next year as it capitalises on growing interest in the sector from large energy companies, its chief executive said on Monday. Source: Hiiraan Online
  25. The maiden Kenya Airways direct flight from Nairobi to New York ended shortly after 2pm on Monday, with a touchdown at John F. Kennedy International Airport (JFK Source: Hiiraan Online