-
Content Count
211,144 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Maxamed Sheekh oo dekadda Xamar u qaabilsan warbaahinta ayaa Goobjoog News u sheegay in dakhliga guud ee dekadda ka soo xarooda uu gaaryo $10 Mliyan. Maxamed waxaa uu intaasi ku daray in markii hore inta aaney dekadda la wareegin Shirkadda dhismaha Turkiga ee Albayrak uu dakhliga guud ahaa $2.5 Milyan, iyada oo keentay qalab fiican, shaqada kor u qaaday. Dakhliga $10 Milyan ee bishii ka xarooda dekadda, shirkadda Albayrak waxaa ay adeeg ahaan sameysaa $2.5 Milyan halka canshuurka ay dowladda Soomaaliya ka hesho dekadda gaareyso $7.5 Milyan. Shirkadda Albayrak oo maamuli-doonta dekadda Xamar 20 sano, waxaa ay $2.5 Milyan ee adeeg ahaa keento ku leedahay 45% halka ay dowladda Soomaaliya ay leedahay 55%. September 21, 2014: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa rasmi ah shaaca uga qaaday in maamulka Dekadda Muqdisho ay ku wareejisay shirkad Turkish ah oo la yiraahdo Albayrak. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — Somtel Telecom staff member has been shot and killed by unknown gunmen on Tuesday, the latest in string of assassinations in Somali capital Mogadishu. The victim, whose name has been released as Mohamud Abdi Madhin was gunned down by men armed with pistols near Hared mosque in the city’s biggest Bakara market. Madhin, was one of the youth, who studied at the University of Mogadishu. He was reportedly in charge of financial department for Somtel Telecom, his colleagues said. The killers escaped from the crime scene. It remains unclear why he was targeted. “We are now preparing his burial”, his relatives said. Last week, a 9-year-old school girl has died after being shot in the head in heart of Somali capital Mogadishu. Deko left her life to gun fire opened by a government soldier while on board heading to home from her school in the capital, relatives said. Following the fatal shooting of a nine-year-old pupil, Amnesty International has urged Somali government to launch an independent investigation and hold to account the officers behind the act of recklessness that took the life of a child. Earlier this month, six people, including two school children were killed and six other school students injured in an Al-Shabaab suicide bomb attack at local government building in Somali capital Mogadishu. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Hargeysa (Caasimadda Online) – C/Kariin Sheekh Muuse Qalbi-Dhagax oo ka mid ah saraakiisha Ururka ONLF ayaa maanta booqasho ku tagay magaalada Hargeysa ee Xarunta Maamulka Somaliland. Qalbi-dhagax oo qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta iyo dadweynaha Somaliland kula hadlay Magaaladaas ayaa sheegay in Hoggaanka ugu sarreeya Jabhadda ay maalmaha soo socda booqan doonaan Hargeysa. Waxaa uu sheegay in uu salaam ka wado Hoggaamiyaha Ururka ONLF Admiraal Maxamed Cumar Cismaan iyo Xoghayaha guud ee Ururka C/raxmaan Sh. Mahdi Maaddeey,kuwaas oo tagaya Hargeysa. Qalbi-dhagax ayaa sheegay in dhamaan Gobollada Soomaalida uu tagayo kana billaabay Hargeysa,halkaas oo maanta lagu soo dhaweeyay. Hogaanka xisbiyadda kala duwan ee Somaliland – muxaafad iyo mucaarad – ayuu qorsuhu yahay inuu Qalbi Dhagax la fariisto mudada uu caasimada gobolka Moraadi-jeex ku sugan yahay, sida ay xaqiijiyeen illo wareedyo. Isaga oo dareenkiisa kula wadaagayey warbaahinta dibadda garoonka diyaaradaha ee Cigaal kadib soo dhawayntiisa wuxuu carabka ku dhuftey inuu ku farax-san yahay qaabka loosoo dhaweeyay. Qalbi Dhagax iyo wafdiga uu hogaaminayo ayaa kasoo dhoofey magaalada Nairobi ee caasimada dalka Itoobiya, halkaasi uu kulan kula soo yeesheen Aadan Bare Ducaale, hogaamiyaha Aqlabiyada Baarlamaanka Kenya. Tan iyo markii horaantii sanadkaan laga soo daayey Xabsi ku yaala Addis Ababa, halkaasi oo uu ku jirey mudo sanad ah, markii ay dhiibtey dowladda Soomaaliya, Qalbi Dhagax ayaa kulamo la qaadanayey dhinacyo kala duwan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
MOGADISHU (Caasimada Online) — Somali Islamist militant group Al-Shabab has claimed to have overrun an army base runs by Kenyan military forces in Lamu town. The group said its fighters carried out massive attack on Kenyan military base in the coastal town of Lamu, killing ten soldiers. In a statement aired by Radio Andulus, an Al-Shabaab mouthpiece said, the group’s fighters also captured three Kenyan soldiers with injuries. The group’s claims coincides after Kenyan military said its forces launched a dawn operation against Al Qaeda inspired group of Al Shabaab. KDF Colonel, Public Affairs, Paul Njuguna said the militaray forces killed 10 Al-Shabaab militants and recovered seven AK47 rifles, ammunition during in Lamu operation Njuguna says 3 Kenyan military officers sustained injuries from the raid and were airlifted to Nairobi for medical treatment. Kenya says its suffered since their arrival in Somalia in 2011 – but, adding, it will not affect its mission and will only strengthen their resolve to achieve regional peace. Kenya contributes about 4,000 troops to the 22,000-strong African Union force in Somalia, battling against Al Shabaab. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Koox hubeysan ayaa maanta magaalada Muqdisho ku dishay mid ka mida shaqaalaha shirkadda Isgaarsiinta SOMTEL oo ahaa wiil dhalinyaro Aqoonayahan ah. Maxamuud Cabdi Maadhiin ayaa dilkiisu ka dhacay agagaarka masjidka Xareed, Suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-wadaag. Kooxdii dilka geysatay ayaa goobta ka baxsaday, iyadoo aan la ogeyn sababta dilkiisa, inkastoo dilkiisa ay kasoo baxayaan warar kala duwan. Marxuumka ayaa ka mid ahaa dhalinyarada Jaamacadaha Muqdisho wax ka baratay, isagoo u shaqeynayey shirkadda isgaarsiinta SOMTEL. Wuxuu Shirkadda u qaabilsanaa Dhanka Maaliyadda waxaana la dilay xilli uu u socday shaqadiisa sida ay noo xaqiijiyeen dad qaraabadiisa ah. Dilka maanta ayaa dhacay ayada oo maalmihii dhoaa magaalada Muqdisho au kusoo badanayeen dilalka loo geysanayo Mas’uuliyiinta ka shaqeeyo Shirkadaha waaweyn ee ku yaal Muqdisho. Warar xog ogaal ah ayaa sheegaya in dilalkaan ay ka dambeyso Kooxda Daacish oo lacago baad ah ka rabto ganacstada. Kooxdaan ayaa tooganeyso cid kasta oo ka tirsan shirkaddii diido inay bixiso lacagtaas, waxaana muuqato inay kooxdaan dooneyso in looga cabsado sida Al-Shabaab oo kale taasoo iyadana markii ay soo caan baxeyso ganacsatada dili jirtay si aan loogu diidin lacagaha baadda ah. Kooxda AL-Shabaab ayaa hadda yareysay dilka ganacstada maadaama ay u suurtagashay wixii ay dooneyso oo ah inay dhammaan ganacstada ka qaado lacago, waxaana muuqato in Daacish ay rabto in looga dambeeyo sida Al-Shabaab oo kale. Bishaan gudaheeda ayey aheyd markii Suuqa Bakaaraha dhexdiisa lagu rasaaseeyey Mas’uul ka tirsan Shirkadda AMAL kaasoo hadda ah dhaawac aad u liito oo lagu daaweenayo dalka Debadiisa. Illo wareedyo ayaa noo xaqiijiyey in Shabaab ay AMAL u xaqiijiyeen inaysan dilkaas shaqo ku laheyn, taasoo ah shakiga weyn ee kaanayo inay howsha dilka ganacsatada ay wado Kooxda Daacish inkastoo aan loo heyn xaqiiq dhan ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Kenya has acquired nine Fennec helicopters from the United Arab Emirates as it ramps up its security measures amid increased threats from Al Shabaab insurgents in Somalia. Source: Hiiraan Online
-
NEW YORK (Caasimada Online)– Somalia and Qatari governments have signed new three agreements at United Nations headquarters in New York. The new agreements to empower Somali youth with creation of 75,000 jobs were jointly signed by Somali envoy to UN, Aboukar Osman and Sheikha Mozah Bint Nasser from Qatar. Somalia’s Minister of Foreign Affairs and International Cooperation, Ahmed Isse Awad was present at the three-state agreements signed in New York. In Twitter feed, Somali FM says the latest agreements would allow for financial support of Somali youth in Somalia with creation of 75,000 jobs. Meanwhile, the Secretary-General has met with the Ambassador of the Federal Republic of Somalia to Qatar, Abdul Razak Farah Ali. The two sides discussed bilateral relations and mutual cooperation between the two countries and ways of boosting them, as well as issues of common concern. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda darajada 1aad ee Ciidanka Qalabka Sida Xasan Cali Nuur SHuute ayaa ka hadlay dilalka ay Muqdisho ka geysteen Ciidamada dowladda todobaadyadii la soo dhaafay. Guddoomiye Xasan Cali Nuur ayaa dowladda Federaalka ah ku eedeeyay in Ciidamada Milatariga ay ku dhex heyso Magaalada islamarkaana ay amaan darrada magaalada qeyb ka yihiin. Waxaa uu sheegay in Ciidamada Milatariga haddii loo diri lahaa aagagga hore ee dagaalka aysan Magaalada dhib ka geysan lahayn oo aysan dili lahayn dadka shacabka ah. Waxaa uu tusaale u soo qaatay Askartii Muqdisho ku dishay Gabadha 9 jirka ahayd,kuwii dilay wiilka Bajaajlaha ahaa iyo kuwii dilay wiil watay Gaari nooca Raaxada ah. Waxaa kale oo uu Xasan Cali Nuur Shuute ka hadlay dil loo geystay Gabar dhiganeysay Jaamacad ku taalla Muqdisho oo inta Fasalka loogu galay laguna dhexdilay. “Gabar Fasalkeeda dhiganeysa oo jaamacad Ku jirto, weliba diinta Islaamka baraneysa in la kor tagaa oo la dilaa fadhigeenna keenay, Ciidan gaadiid wata oo Magaalada dhex jooga rasaas inay ku furaan baabuurka ka horeeya iyo midka ka dambeeya ciidanka Magaalada lagu dhex haayo ayaa sabab u ah.” ayuu yiri Shuute. Xasan Cali Shuute ayaa sheegay in inta Ciidamada Milatariga ay ku jiraan gudaha ay fursad helayaan kuwa faldamiyeedyada geysta sida tuugonimada iyo in Al-shabaab aan culeys la saarin oo ay dadka shacabka ah ku dilaan Muqdisho. Wuxuu sheegay ciidamada inay u baahan yihiin hoggaamin iyo in la dagaal galiyo, balse aysan u baahneyn in Magaalo lagu dhex haayo, haddii Magaalada lagu dhex haayana ay dhacayaan falalka hadda dhaca. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/09/Xasan-Cali-Nuur-Shuute.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
NAIROBI (Caasimada Online)–President Uhuru Kenyatta affirmed Kenya’s support for fighting against Al Qaeda linked Al Shabaab group in Somalia. Speaking during the 73rd United Nations General Assembly in New York, Uhuru said Kenya is committed to continue supporting Somalia in eradicating Al-Shabaab. He said that Kenya has over the years supported peace and political stabilization of Somalia through hosting and facilitation of negotiations, contributing troops to AMISOM and providing technical support. The Head of State said through regional and international support, remarkable progress has been made in achieving peace and security in Somalia. In 2011, Nairobi sent its troops into Somalia to thwart deadly border cross attacks and kidnappings allegedly carried out by Al Qaeda inspired group Al Shabaab. Kenya has soldiers serving under African Union peacekeeping mission in Somalia to help the weak-western backed government battling against Al Shabaab. Caasimada Online Nairobi News Desk Caasimada@live.com
-
New York (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ee jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, ayaa waxa uu goob joog ka ahaa seddex heshiis oo dowladaha Soomaaliya iyo qatar ay ku saxiixdeen magaalada New York ee dalka Mareykanka. Heshiiskan oo ka dhacay xarunta QM ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay safiirka QM Abuukar Cusmaan Baalle. Heshiisyada ay kala saxiixdeen dowladaha Soomaaliya iyo Qatar, ayaa waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin kale ka socotay labada dal, waxaana ka mid ahaa Marwo Sheikha Moza bint Nasser, oo uu qabo amiirkii hore ee Qatar Hamid Bin Khalif Al-Thani, sidoo kalena aas-aasta hay’adda Qatar ee waxbarashada. Heshiisyadan ayaa u suurto-gelinaya in lagu awood siiyo dhaqaale ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo gudaha dalka Soomaaliya uu ka abuuri doono 75,000 fursado shaqo ah. Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa waxaa ka dhaxeeyay xiriir wanaagsan, ayada oo dowladda Soomaaliya ay saaxiibo kale oo carbeed oo ay ku jiraan Sacuudiga iyo Imaaraadka ku weysay markii ay ka diiday inay xiriirka u jarto Qatar.
-
Dowladaha Soomaaliya iyo Qadar ayaa kala saxiixday saddex heshiis oo sida la sheegay shaqa abuur u ah dhalinyarada Soomaaliyeed. Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Axmed Ciise Cawad iyo Marwo Sheikha Moza bint Nasser, Guddoomiyaha Golaha Xoghayeyaasha Hey’adda Silatech ayaa shalay oo Isniin ahayd goob joog ka noqday saddex heshiis oo labada dal ay ku kala saxiixdeen Magaalada New York ee dalka Mareykanka. Heshiisyadan ayaa la sheegay in ay suuragelinayaan in lagu awood siiyo dhaqaale ahaan dhalinyarada Soomaaliyeed, iyadoo la abuurayo 75,000 oo fursado shaqo ah gudaha dalka Soomaaliya. Axmed Ciise Cawad Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ayaa Soomaaliya uga qeyb galay shirkii Qaradamada Midoobay ee New York. Dhalinyaro Soomaaliyeed oo qaarkood jaamacado ka baxeen ayaa shaqo la’aan baahsan ku haysataa gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo taasi kalifto in qaarkood naftooda ku biimeeyaan tahriib. PUNTLAND POST The post Soomaaliya iyo Qadar oo heshiisyo kala saxiixday appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamo badan oo ka tirsanaa hay’adda nabad-sugidda qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa dhowaan lagu biiriyey ciidamada booliiska, kadib markii NISA ay go’aansatay in ciidankaas la baabi’iyo. Si kastaba, xog ramsi ah lagama hayn tirada ciidamadaasi, hase yeeshee qoraal soo baxay oo uu ku saxiixan yahay agaasime ku xigeenka NISA Fahad Yaasiin ayaa muujinaya tirada ciidamadaasi iyo sidoo kale hubkii NISA ay ku wareejisay booliiska. Qoraalka oo ku taariikheysan 2-dii bishan September ayaa waxaa lagu caddeeyey in tirada ciidamadaas ay gaarayaan 1,522 oo ah Ciidamo hubeysan iyo 206 dharcad ah. Qoraalka ayaa waxaa sidoo kale uu caddeynayaa in tirada hub iyo gaadiid ee NISA ay ku wareejisay booliska ay yihiin 13 gaadiid cabdibile saaran yahay qori iyo 12 cabdibile dul banaan ah. Halkan hoose ka akhriso
-
Magaalada Hargeysa ee Somaliland waxaa maanta gaaray xubno ka mid ah jabhadda ONLF oo uu hoggaaminayey C/kariin Qalbi Dhagax. Waxaa halkaasi kusoo dhoweeyey wasiirro, xildhibaanno iyo siyaasiyiin Somaliland ah, iyadoo sidoo kale halkaasi ay ku sugnaayeen dadweyne badan oo watey calanka Somali State. Qalbi Dhagax ayaa sheegay in maalmaha soo aadan ay Hargeysa imaan doonaan xubno kale oo ONLF ah, isaga oo sheegay in ay la kulmi doonaan madaxda Somaliland. Lama oga ulajeedka rasmiga ah ee Qalbi Dhagax u tagay magaalada Hargeysa, balse Somaliland ayaa horey u casuuntay Qalbi Dhagax. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Hargeysa (Caasimada Online) – Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ka mid ah Saraakiisha Ururka ONLF ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland. Soo dhaweynta Qalbi Dhagax waxaa ka qeyb qaatay xubno ka tirsan xisbiyadda Siyaasadda ee Somaliland, waxaana la sheegay in uu Casuumaad ka helay Somaliland. Soo dhaweyn kadib Warbahinta ayuu kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magalada Hargeysa waxa uuna ka mahad celiyey soo dhaweynta loo sameeyey, isaga oo sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay inuu tago Magalada Hargeysa. Sidoo kale wax auu sheegay in uu Shacabka iyo madaxda Somaliland uu salaan uga sido mas’uuliyiin ka tirsan Ururka ONLF, isla markaana dhawaan imaan doonaan. Inta uu ku sugan yahay magaalada Hargeysa Qalbi-Dhagax ayaa waxa uu la kulmi doonaa Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi iyo Madaxda Xisbiyada Mucaaradka Soomaaliland. Qalbi Dhagax oo ah Sarkaal Sare ayaa dhaawaan saameyn weyn yeeshay ka dib markii dowladda Soomaaliya ay ku wareejisay dowladda ayna ku tilmaamtay Urur Argagixiso ONLF. ONLF ayaa hadda laga saaray Liiska Argagixisadda kadib Isbedelkii ka dhacay dalka Itoobiya ee uu horseedka ka ahaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Itoobiya Abiy Axmed. Hoggaamiyaha Xibiga UCID Faysal Cali Waare ayaa dhawaan sheegay in Qalbi Dhagax ay ku Casuumi doonaan Hargeysa,Maadaama lagu jirdilay Muqdisho kadib Itoobiya gacanta loo geliyay.
-
Sida ay qortay wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka waaxdeeda qunsuliyadaha, waxaa jira shaqooyin ay muwaadiniinta Mareykanka ku lumin karaan dhalashada dalkaasi haddii ay ka qabtaan dal ajnabi ah. Qofka Mareykanka ah ee qaan-gaarka ah shaqo waa ka heli karaa dal ajnabi ah, haddii shaqada tahay mid hoose, oo aan siyaasad ku shaqo laheyn, uma baahna inuu wasaaradda arrimaha dibadda u sheego ama uu bixiyo sabab. Laakin haddii shaqada ay tahay mid siyaasadeed, sida madaxweynennimo, ra’isul wasaare, wasiir ama jago kasta oo siyaasi ah, marka hore, waxaa ay u badantahay inuu lumiyo jinsiyadda Mareykanka. Isla xeerka 349(a)(4), oo hoos tagaya Immigration and Nationality Act (INA) waxaa ku qoran inay jirto hal sabab uu qofka siyaasadda dal ajnabi ah ku biiray sida madaxweyne, ra’isul wasaare, wasiir ama xil kale uu ku sii heysan karo jinsiyaddiisa Mareykanka, taas oo ah inuu la xiriiro wasaaradda arrimaha dibadda, una sharaxo ujeedka shaqada uu ka leeyahay iyo in shaqadaasi aaney ka hor imaaneyn ama dhibaato u geysaneyn danaha Mareykanka uu ka leeyahay caalamka! Sida sharciga wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ku qoran, muwaadin Mareykan ah haddii uu shaqo siyaasadeed ka qabanayo dal ajnabi ah waa inuu lumiyo jinsiyadda, waayo danaha ayaa is jiiraya balse haddii uu rabo inuu sii heysto dhalashada Mareykanka waa in uu wasaaradda u sharaxo inuu halkaasi u joojo ilaalinta danaha Mareyakanka (hadal iyo ficil ahaan). Hadal: Mas’uulka heysta dhalasho Mareykan, ee dal kale ka noqdo mas’uul siyaasadeed, isla markaana aan celin jinsiyadda, ee ka codsaday wasaaradda arrimaha dibadda inuu sii heysto dhalashada Mareykanka waxaa laga rabaa in hadalkiisa aanu ka hor imaanin qiyamka iyo siyaasadaha Mareykanka ee la xiriira dimoqoraadiyadda, xuquuqda haweenka, taageeriyadda dadka laga tirada badanyahay iyo wax walba oo Mareykanka ay u ololeeyaan. Ficil: Mas’uulka heysta dhalasho Mareykan, ee dal kale ka noqdo mas’uul siyaasadeed, isla markaana aan celin jinsiyadda, ee ka codsaday wasaaradda arrimaha dibadda inuu sii heysto dhalashada Mareykanka waxaa laga rabaa in ficilladiisa aaney wax u geysan danaha Mareykanka, inuu ku fakir ahaado madaxdiisa Aqalka cad, waa inuu ku raacaa Washington go’aannada la xiriira arrimaha dowliga ah sida Falastiin, lana saftaa Mareykanka marka laga codeynayo Qaramada Midoobey iyo meel walbo. Ficillada ay tahay inuu ilaaliyo waxaa ka mid ah; dowlad wanaagga, xuriyadda hadalka, waa inuu ka fogaadaa musuqa, in aanu ka hor imaanin xeerarka dalka Mareykanka la diiday sida dilka. Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo heystay jinsiyadda Mareykanka, weli uma caddeyn shacabka Soomaaliyeed inuu weli heysto dhalashadii ama inuu celiyey, haddii aanu celin waxaa xaqiiq ah inuu ka shaqeynayo danaha Mareykanka, waayo taasi waxaa ka dhigantahay inuu la xiriiray wasaaradda arrimaha dibadda, una balanqaaday ilaalinta danaha Mareykanka Abuukaate Cabdiwaxid Cabdullahi Warsame, oo ku nool Mareykanka, xeerkanna soo akhriyey waxaa uu Goobjoog News u sheegay “Farmaajo ma hubo inuu dhalashada Mareykanka iska celiyey iyo in kale, balse haddii aanu celin, ee uu Mareykanka ka codsaday inuu sii heysto, waa nin xujeysan, marka hore dan Soomaaliyeed kama shaqeynayo, marka xigta ficilladiisa uu sameynayo waa arrimo ka hor imaanaya wixii ay u taagnaayeen jiritaanka Mareykanka”. Abuukaate Cabdiwaxid Cabdullahi Warsame waxaa uu intaasi raaciyey “Farmaajo ciidamadiisa sir qaldan oo ay bixiyeen ayaa lagu dilay askar Mareykan ah, dowladiisa waxaa ka jira musuq baahsan, waxaa uu garab maray dowlad wanaaggii Mareykanka, waxaa kale oo jirta inuu baabi’yey awoodihii garsoorka iyo golaha sharci-dejinta…”. Ugu dambeyntii, Abuukaate Cabdiwaxid Cabdullahi Warsame waxaa uu soo-jeediyey in madaxweyne Farmaajo ay tahay inuu shacabka Soomaaliyeed u caddeeyo haddii uu weli heysto jinsiyadda Mareykanka iyo inuu celiyey, waayo hadda lama oga cidda uu u shaqeeyo ama daacad u yahay. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbi-dhagax oo kamid ah saraakiisha ONLF ayaa goordhow gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta Somaliland. Qalbi-dhagax ayaa soo dhoweyn baraalan loogu sameeyay magaalada Hargeysa uu oo gaaray goordhow. Dadweyne xidhan calanka Soomaalida Itoobiya ayaa soo dhoweysay Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbi-dhagax, sidoo kale soo dhoweynta waxaa ka qeyb galay masuuliyiin ka tirsan maamulka Somaliland iyo xisbiyada mucaaradka. Cabdikariim Qalbi-dhagax oo la hadlay warbaahinta ayaa ka mahad ciliyay soo dhoweynta loo sameeyay, isaga oo sheegay in uu ku faraxsan yahay imaatinka uu yimid Hargeysa. Waxaa uu sheegay in sidoo kale xubno ka tirsan ONLF ay Hargeysa iman doonaan “Waxaan salaan idiinka sidaa madaxda jabhadda ONLF oo maalmaha soo socda Hargeysa iman doona” ayuu yiri Qalbi-dhagax. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Qalbi-dhagax oo gaaray Hargeysa appeared first on Puntland Post.
-
Maxamuud Cabdi Maadhiin Oo ahaa dhalinyaro ka tirsanaa shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta SOMTEL ayaa maanta lagu dilay agagaarka masjidka Xareed, Suuqa Bakaaraha ee degmada Howl-wadaag, Muqdisho. Lama oga sababta dhabta ah, qaar ka tirsan shaqaalaha shirkadda oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegeen inuu dhac Mobile ahaa, markii uu diidayna sidaasi loo dilay. Kooxda dilka geysatay ayaa la sheegayaa inay goobta ka baxsadeen Dilalka ayaa ku soo badanaya magaalada Muqdisho, mana jirto dad oo qabto arrimahaas. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Madawxeynaha Dalka Turkiga Rajab Deyib Erdogan ayaa Magaalada Newyork ee Dalka Mareykanka kulan guud kula qaatay boqolaal muslimiin ah oo dalkaasi ku nool. Madaxweyne Erdogan ayaa inta uu ku howlanaa la kulanka muslimiinta daawaday muuqaal taariikhi ah oo laga diyaariyay waxqabadkiisa ku aadan inta uu xilka hayay iyo waxa uu muslimiinta u qabtay. Muuqaalka loo daaray Erdogan ayaa waxaa ka mid ahaa gurmadkii uu u sameeyay muslimiinta wadamada Somalia, Myanmar, Syria, Falastiin iyo wadamo kale. Muslimiinta uu la kulmay Erdogan ayaa waxaa kamid ahaa Soomaali farabadan oo deegan ku ahaa dalkaa waxa uuna Erdogan khudbadiisa kusoo qaatay Somalia. Erdogan ayaa yiri “Dadka Soomaalida ah waa dad aad u adag, qiimo badan, ad adeeg yaqaan, waxaase heysta daruuf iyo xaalad adag” Waxa uu intaa raaciyay “Soomaalidu waxa ay u baahanyihiin sida aan anaga u garab istaagnay oo aan u kaalmeynay in loo garab istaago, Soomaalidu waa dad abaal leh oo aan lagu daawankarin dhibta”. Maadxweynaha Turkiga ayaa ka mid ah Hoggaamiyayaasha Caalamka ee ka qeybgelaya shir madaxeedka 73aad ee Golaga Guud ee QM kaa oo ka socda Xarunta Golaha ee Newyork. Haddalka Erdogan ayaa kusoo beegmaya xili uu dhawaan sheegay in dowladiisa ay dhan waliba ka garab istaagi doonto Somalia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaare ku xigeenka Somalia, Mahdi Maxamed Guuleed ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay cabsi awgeed ay Garsoor ugu doontaan Kooxda Al-shabaab. Khadar ayaa intaas ku daray, in Dowladda ay mas’uuliyad ka saaran tahay inay sugto amniga guud ee muwaadinka Soomaaliyeed, isla markaana laga doonayo muwaadinka Soomaaliyeed inuu naftiisa mas’uul ka noqdo oo uusan u tagin marka ay Al-shabaab u yeerto. Sidoo kale, RW ku xigeenka Somalia oo Wareysi siinayay Telefishinka Horn-cable ayaa sheegay in Al-shabaab aysan ka shaqeyn cadaalad, laakiinse ay shacabka aysan ka baaqan karin haddii ay u yeeraan iyagoo ka baqaya in dhibaato ay uga timaaddo. Baarlamaanka Federaalka Somalia, Mucaaradka iyo shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay RW ku xigeenku in arrintaan ay mas’uuliyad ka saaran tahay oo aan xukuumadda keliya lagu dhaliili karin, isgaoo ku baaqay in hawshan si laga wada-shaqeeyo. “Marka u horreysa yaa leh dhaliisha ah in Al-shabaab Garsoor loo doonto iyo inaan loo doonan. Al-shabaab marka ay kusoo wacdo mas’uuliyada dowladda ka saarsan waa inay ammaankaaga ilaaliso, adiguna aad iska diiddo inaad u tagto. Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ayay mas’uuliyad weyn ka saaran tahay sidii wax looga qaban lahaa arrintan,” ayuu RW ku-xigeenka ku sheegay wareysiga. Xildhibaannada Baarlamaanka Somalia ayaa dhawaan waxay sheegeen inay shacabka Soomaaliyeed u doontaan garsoon Al-shbaaab oo deegaanno aad uga fog Muqdisho ay u aadaan, kaddib markii ay Dowladda Federaalka ah ka waayeen garsoor la isku halleyn karo. Ugu dambeyn, Hadakan ayaa imaanaya iyadoo Dad badan oo Muqdisho iyo gobollada ay garsoor u raadsada maxkamadaha Al-shabaab ay ku leeyihiin Gobollada dalka, xilli deeaannadooda ay ku yaallaan maxkamado ay gacanta ku hayaan maamullada ka tali deegaannadooda. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo ka hadashay Shacabka Garsoorka u doonta Ururka Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (PP) ─ Kooxo hubeysan ayaa toogasho ku dilay Marxuum lagu sheegay magaciisa Maxamuud Cabdi Maadhiin, iyadoo mas’uuliyadda dilka aysan jirin cid sheegatay. Goobjoogayaal ayaa sheegay in rag bastoolado ku hubeysan ay marxuumka ku dileen agagaarka masjidka Xareed ee Muqdisho, kuwaasoo dilka kaddib goobta ka baxsaday. “Waxaan u maleynaynaa in kooxda dilka geystay ay ahaayeen burad inay taleefoonka gacanta ka qaataan doonayay, waayo maalmihii u dambeeyay sidan oo kale ay kooxo hubeysan dhibaatooyin uga geysanayeen degmada,” ayuu yiri goobjooge la hadlya warbaahinta. Marxuumka la dilay ayaa la sheegay inuu ka tisranaa shaqaalaha shirkadda isgaarsiinta ee SOMTEL oo ka mid ah shirkadaha ka hawlaha galka, iyadoo la sheegay inuu ku socday xarunta shirkadda ee Suuqa Bakaaraha. Hay’adaha Amniga Dowladda Federaalka Somalia ayaan wlei ka hadlin dilka marxuumkan loogu geystay Muqdisho, waxaana tani ay imaanaysaa xilli uu amniga Muqdisho kasoo darayay toddobaadyadii ugu dambeeyay. Sidoo kale, falkan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo shacabka ku nool degmooyinka Wardhiigley iyo Hawl-wadaag, gaar ahaan xaafadaha Baar-ubax illaa Xamar Jadiid ay xalay dhigeen bannaan-bax kadib markii Kooxo hubeysan ay taleefannadii ka arursadeen. Ugu dambeyn, Amniga Magaalada Muqdisho ayaa noqday mid aan xilligaan la isku halleyn karin, maadaama ay soo kordheen dilalka lala beegsanayo hal-doorka bulshada Soomaaliyeed. PUNTLAND POST The post Kooxo hubeysn oo Muqdisho ku dilay mas’uul ka tirsanaa Shiradaha Isgaarsiinta Dalka appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay Muqdisho uga qeeybgalay ciyaarta finalka ee tartanka degmooyinka gobolka Banaadir oo sanadkii labaad xili habeen ah la qabtay. Finalka Tartanka ayaa waxaa isugu soo haray Kooxaha degmooyinka Waabari iyo Shibis ee gobolka Banaadir. Kooxda degmada Waabari ayaa ku guuleeystay koobkaasi kadib markii 1-0 ay uga badiyeen dhigooda degmada Shibis. Madaxweyne Farmaajo ayaa u hambalyeeyay kooxda Waabari ee guuleeystay isaga oo sidoo kale bogaadiyay dadaalkii iyo ciyaar wanaagii ay muujiyeen ciyaartooyda Degmooyinka Shibis iyo Hodan oo galay kaalimaha 2aad iyo 3aad ee tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir. Madaxweynaha ayaa ugu dambeeyntii gudoonsiiyay koobka degmada Waabari ee gobolka Banaadir oo sandkii labaad ku guuleeystay koobkaasi. Puntland Post The post Madaxweyne Farmaajo oo koobka Gudoonsiiyay Kooxda Waabari appeared first on Puntland Post.
-
Jigjiga (Caasimada Online)-Madaxweynaha DDSI Mustafe Muxumed Cumar ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dhameystir la’aanta howlaha magaacibadda hoggaanka maamulkiisa. Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sheegay in muddo 5 cisho gudahood lagu soo dhisi doono maamulada degmooyinka waxa uuna garwaaqsaday inay jirto qabyo dhanka maamulka ah. Mustafe Muxumed Cumar, waxa uu sheegay inuu dib u dhac ku yimid dhamaystirka howlaha magaacibadda hoggaanka maamulkiisa balse ay ku dhameystiri doonaan muddo kooban. Madaxweynaha waxa uu amar ku siiyay Taliska Booliska maamulka inaysan u dul qaadan cid kasta oo carqaladeynayso ammaanka isla markaasna sharciga lala tiigsado dadka doonaya inay amni darrada abuuraan. “Waxan Taliska iyo Saraakiisha Booliska ku amrayaa inay dhaqan galiyaan sharciga, waa in cid waliba oo qalqal amni ku heysa deegaanka la dhigaa halka sharciga xarunta u ah” “Yeeli ma doono in la qalqal galiyo amniga waxa aan qirayaa inaan mas’uuliyada amniga kula xisaabtami doono Booliska” Mustafe Muxumed Cumar, ayaa sidoo kale sheegay inay iska ilaalinayaan inay xadgudub sameeyaan balse tallaabo laga qaadani doono cid kasta oo wadata calanka urur aysan horey uga tirsanaan jirin, sida uu hadalka u dhigay. “Cidii isku daydaa in calan aysan ururkeed ka tirsaneyn ku ololeysa waxaa la marin doonaa sharciga, waa in qof walba uu ka adkaada naftiisa” Si kastaba ha ahaatee, haddalkaMustafe Muxumed Cumar ayaa imaanaya xilli saacadihii la soo dhaafay uu iska hor imaad aan waynayn uu ka dhacay xarunta qeybo kamid ah magaalada Jigjiga kaa oo u dhexeeyay dhalinyaro sitay calanka ONLF iyo kuwo kasoo horjeedo. Caasimada Online Xafiiska Jigjig Caasimada@live.com
-
Shirkadda dhismaha Turkiga ee Albayrak, ee maamusha dekadda Muqdisho ayaa shaaca ka qaaday inay bishii ay dekadda ka soo sooraan $10 Mliyan. Axmed Sami Isler, oo ka tirsan maamulka shirkadda ayaa TRT World u sheegay dhibka ay ka soo mareen isaga oo ku bilaabay hadalkiisa “Dekadda shaqo fiican kama socon markii aan nimid, howllo la taaban karo kama jirin sababtana qalab la’aan iyo maamul xumo”. Axmed Sami Isler oo sii hadlayey waxa uu yiri “sida aan ula wareegnay, waxaan soo saarnaa afar jibaar tii ay dowladda Soomaaliya ka soo saari jirtay, waxaa ay soo saari jireen $2.5 Milyan bishii, hadda waxaa uu wax soo saarka bishii gaaray $10 Milyan” September 21, 2014: Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ayaa rasmi ah shaaca uga qaaday in maamulka Dekadda Muqdisho ay ku wareejisay shirkad Turkish ah oo la yiraahdo Albayrak. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo wareysi siinayay HCTV ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan xaalada dalka iyo garsoorka. Mahdi Maxamed Guuleed, waxa uu sheegay in dowlada Somalia ay xooga saarto sida looga gudbi lahaa dhibaatooyinka ka jira dalka, waxa uuna qiray inay jiraan khaladaad badan. Waxa uu tilmaamay inay jiran waxyaabo badan oo lagu dhaliilo dowlada Somalia kuwaa oo laga gaabiyay wax ka qabashadooda. Ra’isul wasaare ku-xigeenka waxa uu tusaale usoo qaatay Garsoor xumi ka dhex jirta dalka waxa uuna sheegay in shacabka Soomaaliyeed cabsi darteed ay garsoor ugu doontaan Al Shabaab. Wuxuu sheegay mas’uuliyadda muwaadinka Soomaaliyeed ka saaran dowladda inay tahay in ammaankiisa ay sugto, muwaadinka isagana laga doonayo inuu naftiisa mas’uul ka noqdo oo uusan u tagin marka ay Shabaab u yeeran. Waxa uu qiray Al Shabaab in aysan ka shaqeyn cadaalad, balse shacabka ay u tagaan cabsi ay ka qabaan darteed, marka laga soo waco telefoonada ay wataan, sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu Mahdi Maxamed Guuleed carab ***** in arrintaasi ay mas’uuliyad ka saran tahay BFS, mucaaradka DF iyo shacabka Soomaaliyeed keliya aanan xukuumadda lagu dhaliil karin, wuxuuna ku baaqay in hawshan si wadajir ah looga wada shaqeeyo. Nuqul kamid ahaa hadalkiisa ayaa ahaa “Waa inaan is weydiinaa marka ugu horeysa yaa leh dhaliisha ah Al Shabaab garsoor yaan loo tagin ama haloo tago, Al Shabaab marka ay ku soo wacaan mas’uuliyadda dowladda ka saarsan waxa weeye inay ammaankaada ilaaliso, qofkana waxaa laga doonayaa inuu iska diido” “Baarlamaanka iyo shacabka Soomaaliyeed ayay mas’uuliyad ka saaran tahay arrintan sidii wax looga qaban lahaa balse anigu maqabo in cabsi aawgeed loogu tago Al-Shabaab.” Sidoo kale, Mahdi Maxamed Guuleed waxa uu qiray inay badan yihiin isla markaana la socdaan inay sii kordhayaan dadka u garsoortaga Al-Shabaab ee ku dhaqan magaalada Muqdisho iyo Gobolada dalka. Haddalka Ra’isul wasaare ku-xigeenka ayaa kusoo beegmaya xili Xildhibaano badan ay dowlada ku dhaliishay inay sabab u tahay in shacabka ay garsoor u doontaan Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com