Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    214,751
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. magaalada wajale waxaa haysta dhibaato aad u farabadan waxay dhamaan ka aradan tahay kaabaha nololeed ee ay u xilsaarnaayen maamulka dagmada waxaa jooga maamul gaamuray oo joogay illa xiligii siiraanyo maamulkaasina wax alla wax ay qabteen majirto mudada ay xilka hayeen waxaana ay dhamaan idlaysteen ama ay boobeen dantii kuug gaar waxaa taabadalkeeda dayacmay howlihii loodiray side nadaafada oo magaaladu ay marayso halkii ugu hoosaysay waxaa meelkasta ayaala qashin bacaha iyo godadka bulaacadaha biyuhu ku jiraan waxaa iyana dayacan xarumaha caafimaadka waxbarashada oo aad moodo in aanay wax shaqo ah kulahayan hadii aad baahi ula tagto waabay kula yaabayaan mudane madaxwayne bal hoos u eeg arinka cabashada wajale nimankaa maamulka ahi waxaad moodaa tukaan ay leeyihiin meeshuge arinkaa wax halaga qabto allla mahadle ahmed mahamed ahmed togwajale somaliland togwajaale1994@gmail.com Source
  2. (SLT-Hargaysa) Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayay maanta hortaala weedho uu ku weeraray Madaxweyne Maxamed Xaji Ibrahim Cigaal. Xili Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi beeshiisa siiyay, Wasiirkii Maaliyada, Taliyihii Guud Ee Ciidamadda Qaranka, Garyaqaankii Guud, Guddoomiyihii Maxkamada Sare, Hantidhawrihii Guud iyo Boqol xil oo kale . Hoos ka DAAWO . Source
  3. (SLT-Hargaysa) Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo xilka hayay muddo sannad Ah ilaa hadda wuxuu u muuqda inuu yahay Madaxweynihii ugu saamaynta yaraa marka loo eego Madaxweynayaashi ka horeeyay. Safarkiisi ugu horreeyay ee uu Hargaysa bari uga baxo muddo sannad ah ayuu saaka ku gaadhay Magaaladda Berbera oo uu ilaa caawa ku suganyahay. Waxaana la filaaya Inuu Burco u dhaafo, marka la eego hanaankii socdalkiisa wararka laga baahiyay iyo doodaha baraha bulshada ee shacabka Somaliland waxa muuqanaysa inuu Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi yahay Madaxweyne aan saamayn xoogan ku lahayn bulshada. Somalilandtoday/Berbera/Office Source
  4. (SLT-Hargaysa)Muddo Sanad Ah Ayay Haatan Madaxa La Gashay Waqtigii Uu Hoggaanka Dalka Qabtay Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Sicir Bararkii Iyo Taagdaradii Dhaqaale Ee Bulshada Danyarta Ah Codkooda Ku Qaatay Inuu Wax Ka Qabanayo, Ayaa Weli Halkii Taagan Kana Sii Daray, Kadib Kolkii Ay Xal Lagu Maareeyo U Weyday Xukuumaddu. Shacbiga Oo Naawilayay Inay Xukuumadda Cusubi La Timaado Tab Iyo Xeelad Cilmiyaysan Oo Ay Halkii Wax Taagnaayeen Kaga Sii Amba Qaado,Ayaan Ilaa Maanta Haba Yaraatee Ka haynin Hagardaamo Mooyee Waxqabad La Taaban Karo Oo Ay Ku Talaabsatay Mudadaasi Sannadka Ah. Balanqaadkiisii Ahaa Inuu Muuse Biixi Soo Dhisi Doono Xukuumad Kooban Oo Tayo Leh Ayaa Ku Danbaysay “Xeradayadu Waa Wada Ul Oo Ul La Qaato Ma Leh”. Shacbiga Ayaa Weli Waxay Ku Dawakhsan Yihiin Goobaha La Isugu Yimaadana Isku Weydiiyaan, Danta Uu Ka Lahaa Iyo Dookha Uu Ku Xushay Masuuliyiin Aan Midkodna Xataa Waayo Aragnimo Loogu Xisho Iyo,Magac Ku Lahayn Bulshada, Danta Uu Ka Lahaa La Garan Karin,Isla Markaana Ku Jirin Mid Qudha Oo Xataa Beeshooda Runta U Sheegi Kara,Qancin Kara Ama Xiisad Ka Dhex Dhalatay Reerkiisa Xal U Raadin Kara. Goboladii Iyo Shacbigii Shabakadda Ahaa Ee Isku Duubnaa Ayaa U Muuqda Mid Sii Kala Durkaya Xilliba Xilliga Uu Ka Danbeeyo. Dhinacyada Intii Xukuumadda Muuse Joogtay Xaydaabka Ka Baxay Waxa Ugu Xamaasad Badan Shacbiga Gobolka Sool Oo Xiisadoodu Marnaba Aanay Hoos U Degin. Asbaabaha Saamaynta Ku Yeeshay Inay Kasii Fogaadaan Xayndaabka Somaliland-Ta, Ayaa Lagu Tiriyaa Kadib Markii Xukuumada Muuse Albaabada Ka Xidhatay Tabashooyinkii Jiray Iyo Wada Hadaladii Khaatumo State Iyo Somaliland U Dhexeeyay Ee Cali Khaliif Galaydh Odayga Ka Ahaa Oo Uu Meel Fiican Soo Gaadhsiiyay Madaxweynihii Hore Axmed Maxamed Siilaanyo. Sababta Kale Ee Taasi Hore Soo Raacda Ayaa Ahayd, Kadib Markii Shacbiga Gobolkaas Ay Si Weyn Saamayn Ugu Yeelatay Khudbad Si Aan Ka Fiirsasho Lahayn Madaxweynuhu Weedho Takoor Iyo Qabyaalad Xambaarsan Kaga Jeediyay Xafladii Xuska 18ka May,Isir Ahaana Uu Ugu Duray. Xanaftii Ka Dhalatay Loolankii Axsaabta Oo Shacbiga Aad U Kala Fogaysay Ayaa Xiisadeedii Iyana Weli Taagan Tahay,Wax Laga Qabtayna Aany Ilaa Haatan Jirin. Is Ka Dhaaf Wax Kaleba Waxaan Maanta Cidnaba Caad Ka Saarayn Sida Xisbigii Kursiga Saaray Muuse Biixi Uu Degel Degel Ugu Fadhiyo Ee Toban Degel Ugu Kala Fadhiyo,Kadib Markii Tiirarkii Xisbigu Ku Jaah Wareereen Dhinaca Uu Wax Ku Wado Hoggaankii Ay Halganka U Galeen Kursi Saaristiisa, Shacbigana Ugu Sheegeen Habeen Dhaladka. Dhinicii Siyaasada Arimaha Dibadda Iyo Dublumaasiyada,Ayaa Qof Kastaaba Maanka Ku Hayaa Sida Ay Inoogu Soo Oodantay Mudadaa Sannadka Ah . Arimaha Gudaha Dalka Ayaa Dhibaatooyin Badan Oo Maarayntoodu Adag Tahay Iyo Colaado Baahsani Ka Taagan Yihiin Weli, colaadii u danbaysay ee DHUMAY,waxa uu si qayaxan wasiirka arimaha guduhu warbaahinta ugu sheegay inaanay xukuumad ahaan waxba ka qaban karin hadii ay dhex galaana colaadu intaasi kasii badanayso taasi oo ay ka dhalatay inay hadh cad kaalintii ay gabtay ka dul qaado dawlada ethiopia oo talo bixin iyo taageero daaha dabadiisa ah ka helaysa beesha caalamka una soo gurmatay beelihii dirirtu ku dhex martay gobolka sool. Iyadoo Shaqo La’aan Baahsan Oo Naafaysay Shacbiga Ay Ka Jirto Dalka, Ayaa Kaaga Sii Darane Xukuumadda Uu Hoggaamiyo Muuse Biixi Mudadii Ay Xilka Haysay In Ka Badan 300 Oo Ka Mid Ah Hawlwadeenadii Hay’adaha Dawladda Waxay Banaanka Ka Dhigtay Shaqooyinkii Ay Ka Hayeen Hay’adahaasi,Taasina Waxay Sii Biirisay Nacaybkii, Qaybo Kamid Ah Shacbigu U Qabeen Xukuumadda Fudaydka Aqoon Darrada Iyo Eexda Uu Ku Anqariyay Gadhwadeenku. Waxa Hadaba Wax Lala Yaabo Ah In Xukuumadda Xaalkeedu Sidaa Yahay Iyo Boqol Waxyeello Oo Aan Lagu Koobi Karin Halkan,Ay Hadana 7aadkii U Danbeeyay Abaabul Ugu Jirtay Sidii Loo Curin Lahaa Barnaamijyo Gacan Ku Rimis Ah Oo Ay Ku Sheegayso Wax-Qabadyadii Sannadka Damacdayna In Looga Sii Daayo Bulshada Televisionada. Sida Laga Soo Xigtay Xubno Ka Mid Ah Hawl-Wadeenada Wasaarada Warfaafinta Waxa Agaasinka Hawshaasi Iyo Hanti Lacageed Oo Dhan Boqol Oo Kun Oo Dollar Oo Ah Kharashkii Programada Ay Madaxtooyada Somaliland U Xil Saartay Weriyihii Bbc-Da U Joogay Burco Ee Xasan Xagar,agaasimaha tvga dawlada jaambiir iyo xubno kale Oo Hawlahaasi Ku Guda Jira. Qaar ka mid ah weriyaasha oo ka cudur daartay magacooda ayaa ku cabanaya inay dawakh qaadeen amarka la dul dhigay,xilli aanay u muuqan wax ay dadka u sheegaan oo ay qabatay xukuumaddu. safarkiisa waqtigan uu ugu socdaalay gobolada ayaa dadka wax garadka ahi ku tilmaamayaan showgii ka dhinaa waxqabadkiisa gacan ku rimiska ah, kuna buuxsanyo in kastoo cabsi badani ku gadaaman tahay. Si Kastaba Ha Ahaatee Waxaynu Ka Dhur Sugnaaba Waa Bal Waxa Ay La Gole Timaado Xukuumadda Muuse Ee Ay ku Bixinayso Hantidii Ummadda iyo Cashuurtii Hooyada Danyarta Ah. Source
  5. (SLT-Addis-ababa)Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa ku kulmay magaalada Addis Ababa, kulankan ayaa qeyb ka ahaa kulamada gaar gaarka ee Madaxda Afrika ay yeelanayaan, kaddib shir madaxeedka Midowga Afrika. Kulanka labo geesoodka ee Madaxda Jabuuti iyo Itoobiya ayaa looga hadlay arrimaha gobolka iyo is bedeladii u dambeeyay ee ka dhacay. Wasiirka Arrimaha dibadda Itoobiya Dr Workneh Gebeyehu ayaa markii uu soo dhamaaday kulanka u sheegay wariyeyaasha in madaxda labada dal Jabuuti iyo Itoobiya ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labada dal iyo isdhexgalka gobolka. Labada hoggaamiye ayaa bogaadiyay isdhex-galka Geeska Afrika, waxayna si wadajir u ammaaneen go’aanka cunaqabataynta looga qaaday Eritrea. “Ra’isal Wasaaraha Itooboya ayaa u sheegay in Itoobiya ay sii wadi doonto kaalinteeda ku aadan dhisida xiriir wanaagsan oo dhexmara Eritrea iyo Jabuuti iyada oo loo marayo fududeynta dhammaan hababka wanaagsan”, ayuu yiri Workneh. Jabuuti ayaa qeyb ka aheyn isbaheysiga saddex geesoodka ee ka dhex sameysmay dalalka Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya, waxaana weli Jabuuti dhowreysa sidii loo sii wadi lahaa dadaalada lagu dhex dhexaadinayo iyaga iyo Eritrea. Source
  6. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa Ra’iisal wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ku ammaantay isbedelada la taaban karo ee uu ku soo dabaalay gudaha Itoobiya iyo guud ahaan gobolka iyo isdhex-galka Geeska Afrika, oo Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea ay heshiis ka gaareen. Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo maanta shir labo geesood ah ku yeeshay magaalada Addis-ababa ayaa ka wada hadlay arrimo badan oo ku saabsan dalalka Ethiopia iyo Jabuuti iyo waliba mida gobolka. Ka dib shirka labada hoggaamiye,Wasiirka arrimaha dibaddaEthiopia Workneh Gebeyehu ayaa u sheegay wariyeyaasha in Ra’iisal wasaaraha Itoobiya iyo madaxweynaha Jabuuti ay ka wada hadleen siyaabaha lagu xoojin karo xiriirka labada dal iyo isdhexgalka gobolka. Labada hoggaamiye ayaa bogaadiyay isdhex-galka Geeska Afrika,waxayna si wadajir u ammaaneen go’aanka cunaqabataynta looga qaaday Eritrea. Ra’isal Wasaaraha Ethiopia wuxuu sheegay in Ethiopia ay sii wadi doonto kaalinteeda ku aadan dhisida xiriir wanaagsan oo dhexmara Eritrea iyo Jabuuti iyada oo loo marayo fududeynta dhammaan hababka wanaagsan, ayuu yiri Workneh. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa sheegay in tan iyo markii Abiy Ahmed loo doortay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, uu ku guulaystay inuu bedelo muuqaalka siyaasadeed ee gobolka. Maxamuud Cali Yuusuf wuxuu intaas ku daray in Abiy uu yahay runtii horyaalka geedi socodka isdhexgalka Geeska Afrika, taasi oo Jabuuti ay ku ammaantay. Dhanka kale,Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed ayaa maanta magaalada Adis-ababa ee caasimadda Ethiopia kula kulmay dhiggiisa Masar Mostafa Madbouly. Labada hoggaamiye ayaa kullankooda xoogga ku saaray sida lagu xoojinayo xiriirka laba geesoodka ah iyo iney iskaashi ka sameeyaan dhinacyada amniga iyo dhaqaalaha. Intii lagu guda jiray wada-xaajoodka Ra’iisal wasaare Abiy Ahmed iyo Mostafa Madbouly waxay dhiiri geliyeen iskaashiga laba geesoodka ah ee lagu gaaray guulaha cusub.
  7. Addis-Ababa (Caasimada Online) – Dawladda Itoobiya ayaa ku dhawaaqday inay dib u qaabayn ku samaynayso siyaasadeeda arrimaha dibadda. Siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya ayaa isataraatajiyada ay ku hawlgalayso waxa la dejiyay sannadkii 2002, waxaanay hadda wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya sheegtay inay dib u habayn iyo qaabayn ku samaynayso qaabkii ay ku shaqaynaysay siyasadda arrimaha dibadda ee Itoobiya. Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Itoobiya Meles Alem, ayaa wakaaladda wararka ee Itoobiya toddobaadkan u sheegay in dib u eegis lagu samaynayo jidkaas ay ku socotay siyaasadda arrimaha dibadda Itoobiya 16-ka sannadood, waxaanu sheegay in dib u qaabayntan siyaasadda khaarajiga Itoobiya lagu salayn doono xaaladaha caalamka ee maanta iyo xaaladda gudaha Itoobiya ee wakhtigan. Siyaasadaas arrimaha dibadda ee Itoobiya ee la dejiyay sannadkii 2002, ayaa waxa ay ku qaabaysnayd oo ku shaqaynaysay ilaalinta ammaanka qaranka Itoobiya. Caasimada Online Xafiiska Addis-Ababa Caasimada@live.com
  8. Jilib (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo gobolka Jubadda Dhexe ayaa waxay sheegayaan in diyaarado dagaal ay duqaymo xoogan ka fuliyeen degmada Jilib, halkaasi oo ay maamusho xakarada Al-Shabaab. Dadka degaanka ayaa waxay kusoo waramayaan in weerarka cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay burburiyeen xarun lahayd idaacada ku hadasha afka Al-Shabaab ee lagu magacaabo Andulus. Saraakiil ka tirsan ciidanka xooga dalka ayaa sidoo kale sheegay in duqaynta lagu beegsaday Saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku leedahay Jilib, islamarkaana dil iyo dhaawac loogu geystay xubno ka tirsan Shabaab. Dhowaan ayay ahayd markii dagaal uu ku dhex-maray degmada Jilib xubno ka tirsan Al-Shabaab, kaasi oo ka dambeeyay markii uu yimid shaki xoogan oo ku saabsan inay xiriir la leeyihiin qaar kamid ah kooxda Daacish faraca Soomaaliya. The post Diyaarado dagaal oo duqaymo ka fuliyay Jubbada Dhexe appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha Idaacadda Shabelle ee ku xiran website-keena waxaan halkaan hoose aan idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos ka dhageyso http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-18112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  10. (SLT-Hargeysa)-Axmed Yusuuf Dirir Hanti dhawraha guud ee Somaliland ayaa waxaa uu sheegay inuu baadhitaan ku waddo wasaaradaga Maaliyada iyo arrimaha Dibadda oo dhawaan madaxweynuhu ka bedelay wasiiradii wasaaradaha ka ahaa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  11. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Xasan Cali Kheyre ayaa shirka looga hadlayo ganacsiga Somalia ee Muqdisho ka furmay maanta ka sheegay in ganacsadatada Soomaaliyeed ay door muuqda ka qaateyn kobaca dhaqaalaha dalka. Khayre ayaa sheegay in ganacsatada Soomaaliyeed ay xukuumadiisa kasoo ururiyeen canshuurtii ugu badnayd muddo 30-sanadood ah wuxuuna ku bogaadiyay garab istaaga xukuumadiisa. Sidoo kale, Xasan Kheyre ayaa sheegay in sannadkii aanu kasoo gudubnay ee 2017-ka ay ganacsatada Soomaaliyeed ay canshuur ahaan Dowladda FS u siiyeen lacag farabadn oo ay ku kabeen miisaaniyadda Dowladda, sidaas si la mid ahna ay sanadka 2018-ka ay ka rajeynayaan dhaqaale ka badan intaa sida uu sheegay. “Tani waxay ku timid waa ilaalinta ammaanada, waayo ammaanada ayaa ah dowladnimada dhabta ah, waana tan keenta dal mustaqbal leh,” ayuu ku yiri hadal uu Khayre ka jeediyay shirkan, isagoo ammaanay ganacaada oo uu ku sheegay inay bixiyeen canshuurihii loo baahnaa. Dhanka kale, Hadalka Ra’iisul Wasaarha Somalia ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay shacabka Soomaaliyeed qaarkodo ka cabanayaan inaanay jirin wax-qabad muuqda oo loogu qabtay canshuurihii ay Dowladda dhexe siiyeen. Ugu dambeyn, Shacabka Muqdisho oo ah canshuur bixiyeyaasha ugu badan ee Dowladda Federaalka ah ayaa waxay sheegeen inaysan haysan ammaan ay isku halleyn karaan, xilli dhawaanahan Muqdisho ay ka dhacayeen dilal ay geysanayaan kooxo hubeysan. DHAGEYSO: Hadalka Ra’iisul Wasaaruhu uu kaga hadlay Canshuuraha; https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/RW_Khayre_Canshuurta_Dalka.mp3 PUNTLAND POST The post RW Xasan Khayre oo sheegay inay ururiyeen canshuurtii ugu badnayd muddo 30-sano ah appeared first on Puntland Post.
  12. Fadeexada ka taagan dhsimaha jidka Hargaysa ilaa Kala-baydh: Part 2 Sidii aan kusoo sheegnay Maqaalkii hore waxa musuq wayni uu ka dhacay Mashruuca dhismaha ee Jidka isku xidha Hargaysa iyo Kala-baydh oo lacag malaayiin dollar ah ay ku bixinayso Dawlada Jarmalku, Mashruucan ayaa waxa lasoo mariyay oo naadiyay Guddida Qandaraasyada Qaranka, waxaana soo xareeyay shirkado kala duwan oo si niyaad wanaag ah uga soo qayb galay tartankii Mashruucan waxase arin layaab leh noqotay in xubno kamida Guddida Qandaraasyada ee Qaranku ay dhabarka taabteen ama ay si cadaalada ka fog u xusheen shirakado ay dano gaar ah oo lacageed ku qabaan Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada qaranka ee uu magacaabay Madaxwayne Biixi, Nuux Maxamed Xuseen oo kasoo jeeda beesha Madaxwaynihi hore ee Somaliland ayaa mudadii uu Gudidda Qandaraasyada gudoomiyaha u ahaa waxa si sharciga baal marsan qandaraasyo malaayiin Dollar ah uu u siiyay shirkado ay gacan saar hoose leeyihiin oo dane dhaqaale uu ku qabo iyo kuwo uu hab reernimo ah ku xushay, waxaana laga wada war hayaa in Mashaariic kasta oo soo marta Guddida Qandaraasyada oo la naadiyo ay ku guulaystaan shirkado kasoo jeeda beesha uu ka tirsan yahay Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranku Shirkadahan habka reernimada ah uu u xusho Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka ayaa ah kuwo gacan saar la leh kuwaas oo hadhawto u qoondeeya ama siiya Gudoomiyaha xaddi cayiman oo kamida lacagaha Qanadaarsyada ee uu shirkadahaas ku naas nuujiyay Gudoomiyaha Guddida qandaraasyada oo caan ku noqday eex iyo reernimo ayaa Mashruuca dhismaha jidka isku xidha Hargaysa ilaa Kala-baydh oo lacag badan ay ku bixinayso Dawlada Jarmalku, wuxu damacsan yahay inuu si gaar ah doorkan u siiyo ganacsadaha lagu magacaabo Cabdirisaaq (Cumaani) oo ah mulkiilaha shirkada Somaliland Hono Group oo hore ugu fashilantay dhismaha Madaarka Hargaysa oo Lacag 10 Million ka badan lagu lunsday, Dhismaha Madaarka Hargaysa oo ilaa hada dayacan isla markaana ay cabasho xoogan ka muujiyeen shirkadihii waawaynaa ee duulimaadyada ee caalamiga ahaa maadaama dhismaha Madaarka aan waxba laga qaban, dhabada diyaaraduhu ka haadaan ayaa waxa wali ka muuqata burbur laxaad leh oo sababi kara in dhaawacyo uu soo gaadho diyaaradaha isticmaala, Dhismaha madaarka ee cabashada xoogan ka timid ayaa hore dhismihiisa si reer nimo ah iyo hab naas nuujin ah loogu siiyay shirkadan uu iska leeyahay Ganacsade Cabdirisaaq (Cumaani) Markale ayuu ganacsadahan oo hore caan ugu ahaa Mashaariicdii boobka ahaa ee ay fulisay dawladii Axmed Siiraanyo maadaama oo uu kasoo jeeday jufada hoose ee Madaxwaynahaasi hore uu ku qaadan jiray mashaariic naas nuujin ah, taas oo dhaxal siisay in uu wali quudareeyo in hab sidii hore oo kale ah uu mashaariicda Qaranka Somaliland loogu deeqo afka ugu dhigto isaga oo hadba adeegsanaya cidii qabiilkiisa ah ee xil haysa si mashaariicdaas uu u qasaariyo isago dantiisa gaarka ah ka eegay Dhan kale waxa iyaguna jira xubno uu kamid yahay xubinta guddida Qandaraasyada Qaranka ugu jirta beesha madaxwaynaha Somaliland, uu kamid yahay xubnaha guddida qandaraasyada qaranka ku jira ee xidhiidhka dhaw la leh gudoomiyaha guddida qandaraasyada Xubinta kasoo jeeda beesha madaxwaynaha Somaliland ee Guddida Qandaraasyada ku jira ayaa isna ku sifoobay xubin musuqmaasuq oo dhexda u fadhiista qandaraasyadii Qaranka ee la baahiyay isla markaana sida niyad samida ah ay usoo xaraysteen muwaadiniinta reer Somaliland Dubintan ayaa isna waxa uu xidhiidh toos ah la leeyahay Maayarka Caasimada Hargaysa SOLTECO iyo xidhibaan lagu magacaabo Cabdicasiis (SIISTO) oo ka tirsan golaha deegaanka oo ah labada qof ee sida gaarka ah u kireeyay qalabkii dhismaha ee Dawlada Hoose ee Hargeysa kaas oo loogu talo galay in lagu dhiso jidadka dayacan ee Magaalada hargeisa Mr Maal iyo xildhibaan (SIISTO) ayaa waxay heshiis ku yihiin in qalabka dhismaha eeDawlada Hoose ee hargaysa si qarsoodi ah uu tartanka dhismaha ee jidka Hargaysa ilaa Kala-baydh uu ugu shaqaysto nin lagu magacaabo Axmed Baashe kaas oo isticmaalaya shirkad aan jirin oo leh magac qarsoodi ah oo la idhaa (Engineering and Management) Axmed Baashe ayaa isna kasoo jeeda jufada hooose ee Madaxwayne Biixi Xidhibaan (SISTO) ayaa isagu ah maskaxdii ka danbaysay ee Maayarka Hargeysa ku dhaaliyay in qalabkii dhismaha wadooyinka ee Dawlada hoose loo soo ibiyay oo ah warshad laga soo iibiyay Dawlada Ethiopia in qalabkaas oo dadka Caasimadu wada leeyihiin lagu rakibo Deegaanka Galbeedka Hargeysa gaar ahaan u dhaw tuulada Abaarso si dadwaynaha deegaankaasi ugu maleeyaan inay tahay hanti ay iyagu gaar u leeyihiin Sidoo kale siisto ayaa wuxu si sharciga baalmarsan u qaatay guri hanti dawladeed ah oo ay leedahay dawladu oo ku yaala xaafada shacabka ee magaalada Hargeysa Labadan ujeedo ee is barkan ee ay kala wataan xubnaha aan kor kusoo sheegnay ayaa dhamaantood waxay u tafaxayteen inay lunsadaan isla markaana ay musuqaan hantidii iyo deeqihii loogu yaboohay umada reer Somaliland waxana xubnahani ay weelal u toshen sidii ay u lunsan lahaayeen Mashaariicdaas hadii hab cadaalada ku salaysan loogu hawl gali lahaa wax wayn kuso kordhin lahayd horumarka bulshada iyo mustaqbaka danbe ee Qarankan curdinka ah Lasoco qaybta danbe oo aynu kuso qadan doono shirkadaha kale ee iyana kamida shirkadaha sida aadka ah ugu hawlan inay musuqaan mashruuca dhismaha jidka hargaysa ilaa kalabaydh iyo cidda dabada ka riixaysa oo aanu xogta danbe kuso gudbin doono. …………………. Axmed Maxamed cilmi Master of economic and policy planning Kampala, Uganda Ahmedmxd01@gmail.com Axmedatoshe@gmail.com Qaran News
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbaahinta dowladda federaalka ah gaar ahaan Radio Muqdisho ayaa daabacay in magaalada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe lagu burburiyey raadiyaha Al-shabaab ee Andolus, ka dib duqayn xoog leh oo xalay ka dhacday magaaladaasi. Sida Radio Muqdisho ay sheegtay, duqayntaan ayaa ahayd mid bartilmaameed ah oo xarumo dhowr ah oo Al-Shabaab ay ku dhuumaalaystaan hal mar lagu wada rusheeyay. Goobaha sida gaarka ah loola beegsaday Raadiyaha Andalus. Warbixinta Radio Muqdisho waxaa lagu xusay in shaqaale ka tirsan Raadiyaha Andolus ay ku jireen gudaha xilliga la bartilmaameedsaday, Jibril ayaa ka mid aha dadka halkaasi ku dhaawacmay. Dhowaan ayay ahayd markii magaalada Jilib ay ku dagaalameen maleeshiyada Al-Shabaab ka dib markii uu soo kala dhexgalay shaki ah in qayb ayaga ka mid ah ay doonayaan inay ku biiraan Daacish, taasi oo keentay in gabar ka mid ah laga saaro magaalada Jilib. Caasimada Online uma suuro-gelin inay si madaxbannaan u xaqiijiso warkan ku saabsan duqeynta ka dhacday magaalada Jilib ee lagu burburiyey Radio Andalus. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Hargeysa (Caasimada Online) – Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socodka cunaqabataynta hubka ee Ereteriya iyo Soomaaliya ee UN Monitoring Group, ayaa toddobaadkan soo bandhigay warbixintoodii sannadlaha ahayd, oo arrimo badan looga hadlay. Waxa warbixintan ka muuqata inuu maamulka Puntland kaga dheereeyay dawladda Somaliland faafinta dacaayadka ka dhanka ah Somaliland, halka ay kooxdu Somaliland ka weyday wax jawaab ah oo ku saabsan dacaayada Puntland. UN Monitoring Group, waxa qayb ka mid ah warbixinteeda ay kaga hadleen dagaaladii ka dhacay Tuko-raq, waxaanay sheegeen in Somaliland ay qabatay 14 ka mid ah maleeshiyaadka Puntland, halka ay Puntland qabatay 3 askari oo Somaliland ah. “7 ka mid ah askartaas Puntland waxa lagu daweeyay Hargeysa, halka toddobada soo hadhayna loo dhaadhiciyay xabsiga Hargeysa, sida uu sheegay Madaxweynaha Somaliland, qoyaskooda ayaa loo ogolaaday inay arkaan.” Ayay tiri warbixintu. Laakiin waxay kooxdu sheegtay inay heshay warbixino sheegaya in la jir dilay askar Puntland ah oo ay dileen ciidamad Somaliland 24 May 2018, “Iyagoo kaga aarsanaya dilka taliye Somaliland ah.” Ayay tidhi warbixintu. Koxoda ayaa iyadoo sheegaysa inay ka weyday Somaliland wax jawaab ah oo ku saabsan eedayntan waxay tiri, “Markii aanu qoraynay, UN Monitoring wax jawaab ah kamay helin taar ay u dirtay Somaliland 6 September 2018,”, taarka ayaa ku saabsanaa inay Somaliland ka jawaabto eeddaas Puntland. Ayada oo ay jirtay in askarta Somaliland ka qabatay Puntland ay ka badneyd midda laga qabtay, ayaa haddana waxaa warbaahinta ku badnaa in Puntland mar walba sheegeysa inay askar badan ka qabatay Somaliland, waxaana warbixinta QM muujineysaa sida Puntland ay dagaalka dacaayadda kaga adkaaday Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Hargeysa Caasimada@live.com
  15. Warbaahinta dowladda federaalka ah gaar ahaan Radio Muqdisho ayaa daabacay in magaalada Jilib ee Gobalka Jubbada dhexe lagu burburiyey raadiyaha Al-shabaab ee Andolus, ka dib duqayn xoog leh oo xalay ka dhacday magaaladaasi. Duqayntan ayey sheegtay in lagu bartilmaameedsaday xarumo dhowr ah oo Al-Shabaab ah, iyada oo si gaar ah loo duqeeyey Raadiyaha Andolus. Warbixinta Radio Muqdisho waxaa lagu xusay in shaqaale ka tirsan Raadiyaha Andolus ay ku jireen gudaha xilliga la bartilmaameedsaday, Jibril ayaa ka mid aha dadka halkaasi ku dhaawacmay. Goobjoog News uma suuro-gelin inay si madaxbannaan u xaqiijiso warkan ku saabsan duqeynta ka dhacday magaalada Jilib. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo duhurnimadii maanta ka dhacay degmada Kaxda, gaar ahaan halka loo yaqaano Cumar Fiyaasko ee duleedka magaalada Muqdisho. Waxaana lala eegtay qaraxaasi Gaari uu watay mid ka mid ah saraakiisha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed, sida uu Shabelle u xaqiijiyay Qof Goobjooge ah. Sidoo kale Goobjoogahan ayaa sheegay in qaraxa uu ku dhintay sarkaalkaasi, sidoo kalena uu ku dhaawacmay qof kale oo la saarnaa Gaariga. Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay dhanka laamaha amniga oo ku aadan qaraxaasi. Balse waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya oo baaritaano ka sameeyay halkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Cod-goob-jooge-.mp3 The post Qarax kkhasaaro geystay Oo ka dhacay duleedka Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  17. (SLT-Jigjiga)-Shir Lagu Gorfaynayey Taariikhda Sayid Maxamed Cabdule Xasan Oo Lagu Qabtay Jigjiga Iyo Wasiir Guri Barwaaqo Buugiisii Oo Lagu Bah-Diley, Halkan hoose ka DAAWO Source
  18. Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhaawac maanta degmada Jariiban loogu geystay Farxaan Faarax Cabdi oo ka mid ah Wariyeyaasha ka howlgala gobolka Mudug. Dhaawac Wariyaha ayaa yimid, kadib markii ay murmeen nin la sheegay in uu ka mid yahay dadka deegaanka, kaas oo Mindi ku soo weeraray. Wariye Farxaan Faarax Cabdi ayaa ka howlgala Radio Jariiban oo uu ka mid ahaa Aas Aasayaashii Idaacaddaasi. Ninka ka dambeeyay falkani ayaa lagu soo warramayaa in uu baxsaday, balse waxaa goobta gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo howlgallo ka wada halkaasi. Xaaladda caafimaad ee Wariyaha ayaa laga deyrinayaa, kaas oo haatan lagu dabiibayo mid ka mid ah isbitaallada ku yaalla magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug. The post Nin hubeysan Oo Wariye ku dhaawacay gobolka Mudug appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Afhayeenkii Ciidanka Xoogga dalka ee gobolka Gedo Korneyl Aadan Rufle oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa ka hadlay dhibaatooyin badan oo ka jira gobolka Gedo ee Koonfurta Soomaaliya. Korneyl Rufle ayaa eedeyn u jeediyay maamulka Jubbaland oo uu tilmaamay in ay gabood falo iyo caburin uu ku hayo shacabka ku dhaqan gobolkaasi. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in in shacabka Gedo aysan raali ka noqon doonin curyaaminta dowladda dhexe iyo rajada iyo Ummada Soomaaliyeed. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Rufle.mp3 The post Jubbaland Oo lagu eedeeyay tacadiyo ka dhan ah shacabka appeared first on Shabelle. View the full article
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ahna xildhibaan ka tirsan baarlamaanka ayaa la filayaa in uu berry billaabo safaro uu ku tagayo qaar ka mid ah gobolada dalka Soomaaliya. Gelinka dambe ee maanta ayaa waxaa magalada Kismaayo tegi doona wafdi horudhac u ah safarkiisa oo isugu jira xildhibaano ka tirsan labada aqal kana mid ah xisbigiisa UPD. Safarka madaxweyne Xasan Sheekh uu beri ku tagayo Kismaayo ayaa la sheegay in uu bilaaw u yahay safari kale uu ku tegi doono xarumaha maamul goboleedyada dalka ka jira. Booqashadaan ayaa ku soo aadeysa xilli khilaaf xoogan uu ka dhaxeeyo dowladda federaalka Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada, waxaana maamulka jubbaland uu yahay maamulkii ugu horeeyay ee dhisma xilligii madaxweyne uu dalka ka ahaa Xasan Sheekh. Sida aan xogta ku heleyno safarka Xasan Sheekh ayaa qeyb ka ah ololihiisa dib u doorasho, waxaana uu raadinayaa taageerada madax maamul goboleedyada, oo qaarkood kaalin ku lahaan doona soo xulista xildhibaanada cusub, haddii ay xukunka sii hayaan. Xasan Sheekh oo dhowaan dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, ayaa aas-aasay xisbi uu guddoomiye ka yahay oo lagu magacaabo UPD, isaga oo doonaya inuu xukunka kusoo noqdo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi ayaa waxaa uu maanta safar ku gaadhay magaalada Berbera ee xarunta gobalka Saaxil halkaas oo la filaayo in uu u sii dhaafo dhinaca magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer, Halkan hoose ka DAAWO Source