Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,816
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Kismayo (HOL) - Jubbaland Regional State Parliament has approved amendments to two provisions in the constitution, allowing the current leader, Ahmed Madobe, to run for a third term in the regional leadership election. Source: Hiiraan Online
  2. Eleven suspected members of the Islamic State (IS) have been detained in Türkiye's western province of Izmir on Tuesday, local media reported. Source: Hiiraan Online
  3. Protests continued in Kenya’s capital and elsewhere Tuesday over a finance bill that would raise the cost of living, even after the president said he would not sign it in the wake of the storming of parliament last week. Source: Hiiraan Online
  4. Mathias Olivera struck a second-half winner as Uruguay dumped the United States out of the Copa America with a 1-0 victory over the tournament hosts on Monday. Source: Hiiraan Online
  5. Yesterday, Shabaab, al Qaeda’s branch in East Africa, took responsibility for a suicide car bombing targeting Djiboutian and Somali troops at a military base in central Somalia. Source: Hiiraan Online
  6. Ethiopia and Somalia on Monday agreed to continue Turkey-mediated talks to resolve their disagreements after a controversial deal between Ethiopia and the breakaway region of Somaliland earlier this year brought the two countries to the brink of armed conflict. Source: Hiiraan Online
  7. In Somalia, quality medical care and disaster management remain difficult propositions. But one organisation is playing a pivotal role in bringing relief to the situation - the Erdogan College of Health Sciences in Mogadishu and its Department of Disaster and Emergency Management. Source: Hiiraan Online
  8. Cody Gakpo's opener and two late goals from Donyell Malen helped the Dutchmen to ease past Romania 3-0 into the quarterfinals of Euro 2024 at Munich's Allianz Arena on Tuesday. Source: Hiiraan Online
  9. Nairobi (Caasimada Online) – Bannaanbaxyo kale oo rabshado watay ayaa Talaadadi shalay ka dhacay magaalooyinka waaweyn ee dalka Kenya oo ay ku jirto magaalada caasimadda ah ee Nairobi. Booliska ayaa adeegsaday suntan dadka ka ilmeysisa isla markaana dacwado ku soo oogay dibadbaxayaal dhagxaan ku tuurayay bartamaha magaalada Nairobi, si ay isugu dayaan in ay xakameeyaan rabshadihi ugu ballaarnaa ee Kenya ka dhaca, tan iyo marki ugu yaraan tobnaan qof lagu dilay bannaanbaxyadi todobaadki hore. Mudaaharaadyada dalka oo dhan ka dhacay ayaa muujiyay in madaxweyne William Ruto uu ku guul darreystay inuu qanciyo dhaqdhaqaaqa dhalinyarada ee bannaanbaxyada dhigaya, inkasta oo uu ka tanaasulay qorshayaashii canshuur kordhinta ee dhaliyay qalalaasaha todobaadkii hore. Mudaaharaadyadii Talaadadii ayaa ku bilowday dareen xamaasad leh, balse waxa ay isku baddalay rabshado. Xooggooda ayaa ka dhacay tuulada ganacsiga ee bartamaha magaalada Nairobi. Ciidamo boolis ah oo xirnaa koofiyado isla markaana sitay budad alwaax ah iyo gaashaamo, ayaa ka hortahay dhallinyarada rabshadaha dhigayay. Dukaammo ayaa la gubay, shaqaalaha gargaarka dag dagga ahna waxay ku mashquul sanaayeen daweynta dadka dhaawaca ah, halka boolisku ay xirayeen dadka waddooyinka joogay sida ay xaqiijiyeen goob-joogayaasha iyo saxafiyiinta. Meelaha kale ee ay bannaanbaxyadu ka dhaceen ayaa waxaa ka mid aheyd magaalada labaad ee ugu weyn Kenya ee Mombasa. Dadka ayaa watay laamaha geedaha timirta isla makraana yeerinyay buun caag ah, iyaga oo ku qeylinayay “Ruto ha baxo!” Talefishinka NTV ee Kenya ayaa sheegay in laba qof lagu toogtay Mombasa, waxay kaloo baahiyeen sawirrada baabuur gubaneysa. Warbaahinta Kenya waxay sheegtay, in sidoo kale ay bannaanbaxyo ka dhaceen magaalooyinka Kisumu, Nakuru, Kajiado, Migori, Mlolongo iyo Rongo. Madaxweyne Ruto, ayaa wajahaya qalalaase tii ugu darneyd ee soo wajahda xakunkiisa laba sano jirka ah. Dowladdiisa ayaa dhexda u gashay lacagaha deymaha lagu leeyahay iyo midda ay ka amaahanayaan IMF iyo shacabka oo si weyn uga cabanaya sara u kaca ku yimid maciishada. Guddiga Qaran ee Xuquuqda Aadanaha ee Kenya (KNHCR) ayaa sheegay in 39 qof oo Kenyan ah lagu dilay dibadbaxyo iyo iska horimaadyo ay la galeen booliiska tan iyo 18-kii bishii June. Dadka intooda badan ayaa la toogtay xilli ay rabeen in ay xoog ku galaan xarunta baarlamaanka ee Nairobi. Reueters. The post Dibad-baxyada ka socda Nairobi oo sii xoogeystay iyo Wararkii u dambeeyay appeared first on Caasimada Online.
  10. Warbixin ay soo saartay hay’adda u doodda Xuquuqda Aadanaha ee Amnesty, ayaa lagu sheegay, in ay sare u kaceen heerarka dhimashada carruurta iyo hooyada ee gudaha Soomaaliya. Sare u kaca dhimashada hooyada iyo dhallaanka ayaa loo aanaynayaa xarumaha caafimaadka ee dowladda oo aan qalabeysnayn, heerarka tallaalka oo hooseeya, iyo cudurrada ka dhasha biyaha ee soo noqnoqda. Warbixinta ayaa muujinaysa in Soomaaliya dhibaato daran ka haysato la tacaalidda daryeelka caafimaadka hooyada iyo dhallaanka taasi oo badisay heerka dhimashada. Dhinaca kale hay’adda daah-furnaanta adduunka ee Transparency International ayaa sheegtay in musuqmaasuqa uu saameyn weyn ku yeeshay waaxda caafimaadka Soomaaliya. PUNTLAND POST The post Hay’adda Amnesty oo ka deyrisay caafimaadka hooyada iyo dhallaanka Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  11. Afgooye (Caasimada Online) – Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Sheekh Abuukar Maxamed Xasan oo caawa shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Doonka ee gobolka Sh/Hoose ayaa faahfaahin ka bixiyey howlgal maanta Khawaarijta Al-Shabaab looga soo badbaadiyey gaadiid ay madax-furasho u heysteen. Sidoo kale, Afhayeenka ayaa sheegay in dhul badan laga xoreeyey Shabaab, iyadoo howlgalkii maanta looga qabtay maxaabiis, sida uu sheegay Afhayeenka oo caawa ku sugan deegaanka Doonka oo u dhaxeeya Afgooye iyo Walaweyn. Howlgalka waxaa maanta hoggaaminayey taliyaha guutada 7-aad ee qeybta 12-ka Abriil Axmed Gaashaan, waxaana lagu guuleystay in dhul baaxad leh laga saaro kooxda Al-Shabaab, sida uu warbaahinta u sheegay Afhayeenka Ciidanka Xoogga Dalka. “Saakay waxaan ka dhaqaaqnay degmada Afgooye, sidoo kale ciidan kale ayaa ka soo dhaqaaqay Walaweyn, waxaan howlgalka ugu culus ka fulinay deegaanka Waraaboole, gaadiid 20 gaaraya oo Khawaarijtu ay baad ka rabeen ayaan ka sii deynay halkaas,” ayuu yiri Taliye Sheekh Abuukar. Afhayeenka ayaa sheegay in 300 oo doolar oo baad ah ay Shabaab ka rabeen gaadiidkaas, isla markaana ay halkaas ku xayirnaayeen maalmo badan, balse xogta ay heleen ciidamada qaranka ayaa fududeysay in gaadiidkaas lagu soo furto howlgalkaan. “Howlgaladii maanta waxaa lagu qabtay dhagarqabayaal la tuhunsanaa inay ka tirsan yihiin Khawaarijta, waxaana loo gudbinayaa cadaaladda, caawa waxaan joognaa deegaanka Doonka oo Khawaarijtu ay baad uga qaada jirtay dadka shacabka ah,” ayuu yiri Sheekh Abuukar. Afhayeenka ayaa sheegay in howlgalka maanta laga fuliyey dhul dhan 70 KM, isagoo shacabka ka codsaday in ciidamada qaranka ee naftooda u huray ay kala shaqeeyaan amniga, cadowgana ka difaacdaan deegaanadooda, si ay uga badbaadaan dhagarta argagixisada. “Howlgalkaan wax khasaare ah nagama soo gaarin, Khawaarijtii maanta waxaa ku dhacay kala carar, iyagoo shacab iska dhigaya ayey ku baxsadeen gaadiidka dadweynaha, jihaadka ay sheegayaan hadii uu dhab yahay waa dagaalami lahaayeen, meelaha ay baada ku qaadi jireen ayaan caawa joognaa,” ayuu yiri Sheekh Abuukar. Hoos ka daawo The post Daawo: Ciidanka Xoogga oo Al-Shabaab ka soo furtay gaadiid ay madax-furasho u heysteen appeared first on Caasimada Online.
  12. 449313287_1563052657587728_1312479857999260356_n Qaran News
  13. Two Arab diplomatic sources revealed that the United Arab Emirates suggested to the United States to use the breakaway Somaliland region to confront the Ansar Allah (Houthi) campaign in the Red Sea in lieu of the American aircraft carriers which require huge budgets and a considerable number of personnel. The sources told Sheba Intelligence that Sheikh Tahnoon bin Zayed, the National Security Advisor and the head of the UAE Foreign Intelligence Service, met with Jake Sullivan, the US National Security Advisor and other American officials in early June when bin Zayed visited Washington. According to the two sources who are familiar with the details of bin Zayed’s visit, the two sides discussed many regional files, including the Houthi operations in the Red Sea, the air and missile defense affairs, and maritime security affairs in the Arabian Gulf region. The Emirati proposal regarding the possible American use of Somaliland came during a talk about the continued refusal of the Gulf Cooperation Council countries to allow the American and Western military bases in the Gulf territories to launch attacks on the Houthis. The Houthi group in Yemen has been launching attacks on shipping lanes in the Red Sea, the Arabian Sea and the Gulf of Aden, showing their solidarity with Palestinians in Gaza where Israel has killed over 37000 people since October last year. The sources added that American officials opened a channel of communication with officials in Somaliland under the supervision of Abu Dhabi. The Emiratis aim to strengthen thier influence in the Horn of Africa and the Red Sea and join the United States to defend the Red Sea against the Houthi attacks and Somali piracy. Such moves would anger the central government in Mogadishu, and other countries in the region, including the Yemeni government, Saudi Arabia, and Egypt. Sheikh Tahnoon bin Zayed also discussed files related to the Emirati conditions for participating in a security force following the war on the Gaza Strip, in addition to discussing continued American concerns about relationship between Group 42 Holding Ltd and Chinese technology. Sheba Intelligence Qaran News
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa saluug ma muujiyey shaqada baarlamaanka federaalka oo xubin uu ka yahay, isagoo sheegay in hadda kadib uu ka fekerayo in uusan doonan kursi xildhibaan. Xildhibaan Cabdiraxmaan ayaa sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya aysan ka shaqeyn masuuliyadda ay u qaadeen umadda Soomaaliyeed, isagoo si gaar ah u dhaliilay guddoonka. Wuxuu sheegay in guddoonku uu afduubto golaha, halka xildhibaanadu ay xeeriyaan duruuftooda, sidoo kale xukuumadda ayuu ku eedeeyey inay ku takri faleyso awoodeeda. “Qaabka ay siyaasadu u sameysan tahay ayaaba naga qaldan, nidaamka baarlamaaniga ah ee dalkeena waxaa loogu tala galay in xildhibaanadu xisbiyo ka kala tirsan yihiin,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan. Xildhibaanka ayaa sheegay nidaamka hadda lagu shaqeeyo ay dhibaato weyn ku qabaan, maadaama looga baahan yahay metelaad, xukuumaduna ay rabto in xildhibaanka ay dan ku heysato. “Anigu waan ka fekerayaa in kurisi dambe oo xildhibaan aan raadiyo inta shaqada baarlamaanka ay sidaan tahay,” ayuu yiri Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo wareysigaan siiyey BBC. “Aniga Xildhibaan ayaan ahay, dadka aan metelo waa isku dhibanahay, sababtoo ah waxay rabaan inaan dowladda u soo baryo, qofkii shaqo raba, kii waxbarasho aadaya, kii caafimaad raba iyo wax kasta oo dowladda looga baahnaa, aniguna ma aqaan nidaamkaas,” ayuu yiri CC Shakuur. The post Xildhibaan CC Shakuur oo ka fekeraya in baarlamaanka uu ka sii mid ahaado appeared first on Caasimada Online.
  15. Baarlamaanka Jubalaand oo wax ka badel ku sameeyay dastuurka maamulkaas ayaa meesha ka saaray qodobo dhowr ah, islamarkaana kuwo kale dib u eegis ku sameeyay oo hab kii hore ka duwan u dhigay. Qodobada ay mudaneyaashu wax ka badeleen ayaa waxaa kamid ah inta jeer ee uu madaxweynuhu tartami karo iyo magaca rasmiga ah ee loogu dhawaaqayo hannaanka maamul ee deegaanadaas ka arrimiya. Erayga “dowlad Goboleed” oo ay la wadaagaan dhammaan ismaamullada kale ee dalka ayay sheegeen in la badelay oo laga dhigay dowladda jubbalaan, islamarkaana aan maanta ka dib “goboleed” la oran doonin. Tillaabadan ayaa u muuqata mid sii cakiraysa isku haysiga hannanka Federaalka oo laysku maandhaafysanyahay awoodaha labada heer dowladood, magaca loogu dhawaaqayo ismaamullada iyo hoggaankooda, iyo maaamulka guud ee dalka oo arrimaha qaar is qab-qabsi hareeyay. Source: goobjoog.com
  16. Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa maanta si wadajir ah magaalada Muqdisho ugu qabtay shirka sanadlaha ah ee Guddiga Wadajirka ah ee (JSC) ee looga hadlo horumarka laga gaaray qaab-dhismeedka Horumarinta Joogtada ah ee Qaramada Midoobay (UNSDCF) ee Soomaaliya (2021-2025). Shirkan oo si heer sare ah loo soo agaasimay ayaa waxaa si wadajir ah u shir guddoomiyay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) iyo Ku-xigeenka Wakiilka Soomaaliya ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ahna Isku-duwaha Arrimaha Banii’aadamnimada, Mudane George Conway, waxaana diiradda lagu saaray doodo istiraatijiyadeed iyo waafajinta taageerada QM ee qorshayaasha mudnaanta u leh Dowladda Federaalka Soomaaliya. Shirka waxaa kasoo qeybgalay mas’uuliyiin ka socday dowladda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howlgala dalka. Qodobadii ugu muhiimsanaa ee shirka laga soo saaray ayaa waxaa ka mid ahaa soo bandhigida iyo ansixinta Warbixinta Natiijooyinka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya 2023 iyo qorshaha istiraatijiyadeed ee 2024-ka, waxaana dib u eegis lagu sameeyay waxyaabihii u qabsoomay 2023 waxayna soo bandhigeen qorshaha istaraatiijiyadeed ee sanadka soo socda. Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamuud C. Sheekh Faarax (Beenebeene) ayaa ku nuux-nuux saday muhiimadda uu leeyahay iskaashigan, waxa uuna yiri, “ Qaab-dhismeedka Iskaashiga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (2021-2025)waxa uu daliil cad u yahay wada shaqaynta xooggan ee Dowladda Soomaaliya la leenahay hay’adaha Qaramada Midoobay, oo si wadajir ah kor u qaadeysa Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo himilooyinka horumarineed ee joogtada ah (SDGs). Waxaa naga go’an inaan xaqiijinno in horumarkan uu wax ka bedelo nolosha dadka Soomaaliyeed.” Qaab-dhismeedka Iskaashiga Horumarinta Joogtada ah ee Qaramada Midoobay (2021-2025) waa qorshaha istaraatiijiyadeed ee hagaya taageerada wadajirka ah ee hay’adaha ee lagu xaqiijinayo Ajendaha 2030 ee Horumarinta Joogtada ah iyo Yoolalka Horumarka joogtada ah ee Dowladda Federaalka Soomaaliya. Source: goobjoog.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Warfaafinta Somaliland Cali Xasan Maxamed (Cali Mareexaan) oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa mar kale arrimo ku aadan jabadda ay Somaliland sheegtay in lagu dhisay dalka Jabuuti. Cali Mareexaan oo jawaab ka bixiyay hadalkii kasoo yeeray Jabuuti oo waxba kama jiraan ku tilmaamay eedeynta Somaliland ayaa soo bandhigay caddeymo uu la wadaagay warbaahinta, wuxuuna soo qaatay xaflad ka dhacday Jabuuti oo ay kasoo muuqdeen rag uu sheegay inay yihiin kuwa hoggaaminaya kacdoonka ka dhanka ah Somaliland ee Awdal. “Waa kuwaa nimankii Awdal State sheeganayay waxay fadhiyaan fagaarihii waynaa 27 Juun laga xusayay, halkaana waxa fadhiisan kara uun qof lasoo martiqaaday, xaflalado waa wayn ayay qabanayaan iyaga oo abaabulaya in Somaliland iyo gobolka Awdal lagu kaco” ayuu yidhi Wasiir Warfaafinta Somaliland. Sidoo kale wuxuu tilmaamay in ay lama filaan ku noqotay inay Jabuuti hoy u noqoto jabhad kasoo horjeero Somaliland, sida uu hadalka u dhigay. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in Jabuuti ay uga fadhiyaan inay jawaab cad ka bixiso arrinta jabhaddaas, ayada oo la ilaaliyo xiriirka iyo walaaltinimada labada dhinac. “Jabuuti waxaynu naqaanaa in ay tahay dal cid aan dowladu ogayni anay iska soogali karin, heshiis hore ayaa jiray nabadgalyada xuduudaha ayaa la wada ilaalin jiray saxarka ayaa laga dhawri jiray, wax aanu filaynay may ahayn” ayuu yidhi Wasiir Cali Mareexaan. Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada dowladda Jabuuti ay iska fogeysay eedeynta uga timid Somaliland ee ku aadan jabadda la sheegay inay ku sugan tahay gudaha dalkaasi. Wasiirka Maaliyada Jabuuti Ilyaas Muuse Dawaale oo arrintaan uga jawaabay qoraal uu soo dhigay bartiisa X (ex-Twitter) ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in madaxweynaha Somaliland uu eedeyn culeyskaan leh u jeediyo Jabuuti. “Waxaan ka xumahay eedaynta aan raadka lahayn ee nooga timid madaxda Somaliland, Jabuuti waa goob u taagan wada-jirka iyo is dhex-galka gobolka, waa barada nabada gobolka, wax kale kama shaqayno,” ayuu Wasiir Ilyaas ku yiri qoraalka. Si kastaba arrimahan ayaa imanaya xilli ay dalka Jabuuti ku sugan yihiin madaxda maamulka dibad-wareega ee la baxay Awdal State, kuwaasi oo halkaasi ku qabsaday xaflad, taasi oo ay hanjabaad uga soo direen maamulka Somaliland. The post Somaliland oo caddeyn soo bandhigtay kadib tallaabadii ay qaaday dowladda Jabuuti appeared first on Caasimada Online.
  18. Xubnaha sheegta Awdal state ee dibad wareega ah ee todobaadkaniba ku sugnaa dalka Djibouti ayaa lagu wadaa in ay caawa dalkaasi Djibouti ka dhoofaan iyaga oo raaci doona diyaarada Turkish Airlines oo caawa ka kacaysa dalka Jabuuti. Xubnahani oo martiqaad rasmi ah ka haystay xukuumadda Djibouti ayaa sidoo kale kulan balaadhan oo ay kaga soo hor jeedaan xukuumadda iyo shicibka Somaliland kula yeeshay shaqaalaha safaaradda ay Somalia ku leedahay Djibouti Kooxdani oo uu hor boodayaal u yihiin Mr Obsiiyie iyo Cali Bashiir ayaa intii ay Jabuuti ku sugnaayeen hanjabaado argagaxle ka soo diraayay dalkaasi Djibouti, arinkaasi oo cirka ku shareeray xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti oo xumaaday tan iyo intii ay Somaliland iyo Itoobiya kala saxeexdeen heshiiska is fahan. Hadalo kul kulul ayay madaxda Somaliland iyo Djibouti is waydaarsadeen, taasina waxa ay salka ku haysaa kooxdani sheegata Awdal State oo hanjabaado dagaal oo ay ku soo qaadayaan gobolka Awdal oo ah goobaha ugu nabdoon Somaliland taasina waxa ay sii shiday khilaafkii hoose eebu dhaxeeyay labada dal. Madaxda Djibouti ayaa beeniyay in ay iyagu ka danbeeyaan xubnaha sheegta Awdal state ee dalkooda ka waday dhaq dhaqaaqa colaadeed isl markaasina ayna waxba kala socon arinkaasi. Wasiirka warfaafinta ee Somaliland ayaa maanta baahiyay sida ay xukuumadda Djibouti uga danbayso xubnahaasi sheegaayay in ay weerararo ku soo qaadi doonaan gobolka Awdal, isga oo sheegay in xataa xubnahaasi lagu marti qaaday xafladdii loo sameeyay dharaartii ay Djibouti xoriyadeeda ka qaadatay dalka faransiiska. Xukuumadda Djibouti ilaa hada kama ay hadlin xubnahaasi Awdal state sheegta eebcaawa dalkeeda ka dhoofaaya ee lagu wado in ay u baxaan dalalkii qurbaha ahaa ee ay ku noolaayeen ee markii arinka isfahanka Itoobiya iyo Somaliland uu soo baxay looga yeeshay qurbaha si ay khalkhal u galiyaan amniga Somaliland. Xukuumadda Djibouti ilaa hada kama ay hadal abaabulka colaadeed ay kooxdani sheegata Awdal State ay ugu soo hanjabayeen Somaliland. Qaran News
  19. Mas’uuliyiin ka tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa maanta ku guulaystay in ay isu keenaan odayaasha iyo waxgaradka labadii beelood oo dhawaan ku dagaallamay galbeedka Gobolka Mudug. Mas’uuliyiinta Galmudug iyo Puntland oo isugu jira xildhibaanno iyo wasiiro ay weheliyaan maamullada heer gobol iyo heer degmo iyo saraakiil ciidan ayaa gogol nabadeed oo hordhac ah isugu keenay odayaasha labada beelooda. Wasiirka Maaliyadda Puntland Maxamed Faarax Maxamuud oo qoraal kooban soo dhigay bartiisa Facebook ayaa sheegay in ay ku guulaysteen isu keenidda odayaasha labada dhinac si looga wada-hadlo xallinta colaadda ka taagan galbeedka Mudug. “Waxaan ku guuleysanay inaan isku keeno Waxgaradka labada Beelood ee walaalaha, si looga wada-hadlo colaadda ka taagan Galbeedka Gobalka Mudug” ayuu yiri wasiirka Maaliyadda Puntland. Tallaabadan ayaa imaanaysa maalmo kadib markii ay labada dhinac ka hirgashay xabbad-joojintii laga sameeyay degaannadii lagu diriray ee galbeedka Gobolka Mudug. PUNTLAND POST The post Puntland iyo Galmudug oo gogol nabadeed isugu keenay odayaasha beelihii ku dagaallamay galbeedka Mudug appeared first on Puntland Post.
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay qarax maanta ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho, kaas oo dhaliyay khasaare soo gaaray askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya. Qaraxa oo ahaa miino ayaa ka dhacay xaafadda Suuqa Xoolaha, waxaana lala eegtay sarkaal ka tirsan milatariga Soomaaliya oo lagu magacaabo Gaashaanle sare Cali Xaash, kaas oo qaraxa loo dhigay, xilli uu marayay halkaasi. Cali Xaash ayaa ka bad-baaday weerarkan, waxaase ku dhaawacmay saddex askari oo kamid ah ilaaladiisa, kadib markii ay miinadu haleeshay. Sarkaalkan ka bad-baaday qaraxa oo la hadlay Shabelle Tv ayaa sheegay in weerarka uu dhacay xilli ay kusii jeedeen shaqada, ujeedkana uu ahaa in la khaarijiyo isaga. “Waxa ay maleegeen nimanka shar-wadayaasha ah qarax miino ah ayay noo dhigeen aniga oo shaqadeyda kusii socda waa meel waxyar ka sugeyso Suuqa Xoolaha, baahasha xoogeeda waa na dhaaftay saddex askari ayaa nooga dhaawacantay” ayuu yiri. Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in qaraxa uu burburiyay baabuurkii ay wateen, iyaganuna uu soo gaaray firir yar, haatana ay wanaagsan tahay xaaladooda. “Aniga waxba ima soo gaarin waxyaalo yaryar ah oo firir ah ma ogiyee hadda waa iska fiicanahay adiga baabuurkii jug ayaa gaartay, wuuna jajabay” ayuu sii raaciyay. Inta badan waxaa magaalada Muqdisho ka dhaca weeraro khasaare gaysta oo lagu qaado ciidamada dowladda, xilliyada isaga kala kooshayaan guda caasimada. Weerarkan ayaa kusoo aaday, ayada oo maalmihii u dambeeyay ay daganeyd xaaladda Muqdisho oo ay howlgallo joogto ka sameeyaan ciidamada Booliska Soomaaliyeed. The post Faah-faahin: Qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho appeared first on Caasimada Online.
  21. Xubnahani uu maanta musharax Cirro qado sharafeedka ku maamuusay oo ka tirsanaan jiray xisbiga Kulmiye ee taladda dalka gacanta ku haya sidoo kale Xubnahani ayaa ka soo jeeda gobalada Maroodi-jeex, Saaxil iyo Togdheer Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo xalay jeediyay khudbad xasaasi ah ayaa mar kale ka hadlay arrimo ku aadan doorashooyinka dalka, isaga oo sameeyay ballan qaad la xirira inay dalka gaarsiiyaan doorasho qof iyo cod ah. Madaxweynaha ayaa sheegay in dalka ay ka dhici karto doorasho ay ka qayb-galayaan dadweynaha Soomaaliyeed, isla markaana dowladdiisa ay taasi ka shaqeyn doonto. “Dalka doorasho qof iyo cod ah waa ka dhici kartaa annaga ayaa nagala rabaa sida ay ku dhici lahayd inaan la imaano howl annaga noo taallo waayay ” ayuu yiri madaxweynaha. Sidoo kale Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay haddii ay dhici wayso doorasho qof cod ah in ay mas’uuliyadeeda qaadi doonaan inta haysa hoggaanka dalka oo uu isaga ugu horeeyo. “Haddii ay berri doorasho qof iyo cod ah dhici wayso cilad aan annaga leenahay waayay, dalkuna malaha dadka Soomaaliyeedna malaha, dowladda Soomaaliyeed iyo hoggaamiyeyaasheeda iyo ciidamadeeda ayaa ka mas’uul ah” ayuu sii raaciyay. Waxaa kale oo uu yiri madxweynuhu “Aad iyo aad ayaa ugu kalsoonahay in doorashadaasi noocaasi ah inay dalka ka dhaceyso”. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa meesha ka saaray cabsida laga qabo ammaanka, gaar ahaan weerarada Al-Shabaab, wuxuuna tilmaamay in aysan noqon karin mar marsiiyo arrintaas. Dowladda federaalka ee hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa horay u ballan qaaday in dalka gaarsiineyso doorasho qof cod ah, si ay dadka Soomaaliyeed ay codkooda ugu soo doortaan hoggaamiyaha ay rabaan, taas oo meesha ka saareyso in dib lagu laabto doorashooyinkii hore ee ka dhacay Teendhada Afisyoone ee magaalada Muqdisho. Si kastaba, xubnaha mucaaradka ee kasoo horjeeda dowladda ayaa si weyn uga biyo diidan qorshaha Xasan Sheekh oo ay horay ugu jeediyeen inuu isku soo koobay talada dalka. The post Xasan Sheekh oo sameeyay ballan-qaad culus oo la xiriira doorashada soo socota appeared first on Caasimada Online.
  23. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan la qaatay qaar kamida masuuliyiinta, Salaadiinta, Cuqaasha iyo Waxgarad kasoo jeeda Gobollada Awdal iyo Selel. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi, oo ay wehelinayaan wasiirka wasaaradda gaashaandhiga , mudane Rooble Muuse Cabdi, wasiir ku-xigeenka hawlaha guud, mudane Cabdimajiid Ibraahim Muumin,xildhibaan Axmed Daahir Jirde, guddoomiyaha gobolka hawd ayaa shalay kulan la qaatay cuqaasha, waxgaradka, aqoonyahanka, ganacsatada iyo dhalinyarada Gobollada Awdal iyo Salal kuwaasi oo ay ka mid ahaayeen Caaqil Cali Cumar Boon, Caaqil Cilmi Maxamed Warfaa, Caaqil Geelle Wacays, Caaqil Xasan Cabdilaahi iyo Oday Aadan Cabdilaahi Boodh. Waxa kulankaa lagaga wada hadlay in laga wada shaqeeyo lana xoojiyo danta guud iyo difaaca Qaranka Somaliland meelna looga soo wada jeedo wixii Qarannimada wax u dhimaya. Madax dhaqameedka iyo aqoonyahanka gobollada Awdal iyo Selel, ayaa madaxweynaha hortiisa ka caddeeyey inay weligoodba ahaayeen taageerayaasha xisbiga KULMIYE, imikana ay hiil iyo hooba la garab taagan yihiin si buuxdana u taageersan yihiin murrashaxiinta xisbiga KULMIYE ee madaxweynaha iyo ku-xigeenka madaxweynaha. Kulankan oo ka qabsoomay xarunta Qasriga madaxtooyadda Somaliland ayaa ku soo dhammaaday guul iyo is-afgarad buuxa iyo in meel looga soo wada jeesto wixii wax u dhimaya Qaranimada iyo geedi socodka dalka. Qaran News