Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Ethiopia swore in its first female Supreme Court chief on Thursday, part of a wave of appointments of women to top government positions backed by Ethiopia's new Prime Minister Abiy Ahmed. Source: Hiiraan Online
  2. Golaha Iskaashiga dowlad Gobolleedyad waxa ay xiriirkii wada shaqeyneed ee kala dhexeysay dowladda Federaal-ka ah ku hakiyeen kulan ay Kismaayo ku yeesheen horraantii bishii hore. Hase ahaatee, waxaa khilaafka labada dhinac u dhexeeya cirka sii galiyey jawaabtii ay dowladda Federaal-ka ah ka bixisay qodob ka mid ah nuxurkii war-murtiyeedkii ay soo saareen, oo ay ku dalbadeen in haddii iyaga iyo dowladda dhexe loo gar qaadayo la helo damaanadda DARAF saddexaad ah. Maalmo kaddib, Ra’iisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayaa ganafka ku dhufty dalabka Maamul Gobolleedyada isaga oo si cad u sheegay in la soo dhaafay waqtigii shisheeye wax ka goyn jiray siyaasadda iyo masiirka umadda Soomaaliyeed. Iyada oo ay halkaas xaajo joogto, kulan kale oo ay Golaha Iskaashiga Maamul Gobolleedyada ku yesheen Garowe, waxa ay ka soo saareen qodobo ka xasaasi sanaa kuwii Kismaayo, oo ay ka mid ahaayeen sameynta ciidamo afar kun ah oo isku dhaf ah, iyo wali shirweyne ay bishan u qoondeeyeen in ay ku qabsadaan Dhuusomareeb. Intaas waxaa socday dadaallo uu Aqalka Sare waday, kaas oo kaddib Shirkii Kismaayo sameeyey gudiyo ku kala baxa Maamul Gobolleedyada, oo soo qiimeeya halka sarartu ka quruntay kaddibna raadiya xal. Dadaalada Aqalka Sare waxa uu u muuqday mid fashil ku socday, hase ahaatee, Arbacadii ayey maamul gobolleedyada iyagu dalbadeen in Aqalka Sare galo hawsha oo loo gar naqo dowladda! Hadaba maxaa is bedelay? Is bedelka ku yimi go’aankii Maamul Gobolleedyada waxaa loo aaneyn karaa lama mid; 1 – In ay ku soo dheceen jidkii saxda ahaa oo ay danta qaranka u hiileen. 2 – In laga adkaaday oo ay is dhiibeen 1 – DANTA QARAN Go’aanadii ka soo baxay shirkii Kismaayo, qodobkii ugu weynaa ee ay ku waayeen taageerada shacaka, waxa uu ahaa midka dhigayey dhexdhexaadinta iyo damaanadda DARAFKA saddexaad. Waxaa muuqata in hoggaamiyeyaasha Maamulada ay dareemeen kulka dareenka shacabka oo ay meesha ka saareen qodobkaas, ayna ugu dambeyn garteen in danta qaranka ay ku jirto in Soomaalida ayagu heshiiyaan. 2 – IS-DHIIBiD Waa xaqiiqo in labada dhinacba qodobada qaar ay isku haystaan mid walba ku saxan yahay, sida in dowladda looga gar leeyahay tabashooyinka qaar ee ay qabaan Maamulada, hase yeeshee, inta badan waxyaabaha salka u ah khilaafka waxa ay u muuqdaan in aysan ahayn kuwa la gaarsiin karo heerka ay hoggaamiyayaasha maamulada gaarsiiyeen. Shirkii ugu dambeeyey ee Garowe waxa uu xaqiijiyey in Maamulada aysan meesha ku hayn qodobo muhiim ah oo ay la gola yimaadaan, waaxaana caddeyn u ahaa war-saxaafadeedkii ay soo saareen oo lagu qoray waxyaabo bulshada oo dhan ka yaabiyey sida isku dhafka ciidamada iwm. Gunaanad, marka dhinac walba laga fiiriyo go’aankii ugu dambeeyey ee ay Maamul Gobolleedyadu ku aqbaleen in xalinta khilaafka kala dhexeeya dowladda dhexe noqdo mid maxali ah, waxa uu noqonaa kii ugu saxnaa ee ay qaataan marka loo eego kulamadoodii badnaa ee ay marba dhinac ku shirayeen. W/Q: Jabriil Cabdullaahi Calasow Minneapolis, United States Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  3. Cabdirxmaan Cabdishakuur Warsame Gudoomiyaha Xisbiga Wadajir Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo maanta u waramaaya Idaacad BBC lanteeda afka Somaaliga ayaa sheegay hadalkii Madaxweyne Farmaajo uu ka jeediyey South Sudan waxa uu ahaa mid mid Daan-daansi iyo Dagaal ka muuqdo, isla markaana kulankii iyo gogoshii uu ugu baaqay Madaxda Maamul Goboleedadu waa waxba kama jiraan iyo hadal aan xaqiiq aheyn. Sidoo kale Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa barta uu ku leeyahay Facebook soo dhigay qoraal uu ku muujiyey in Madaxweyne Farmaajo ku fashilmay in uu wax ka qabtåo hawlihii loo igmaday, lakiin nasiib xumo uu ka qeyb galay oo marqaati ka noqday heshiis nin isagoo kale aha waa (Salva Kiir Madaxweynaha South Sudaan ) oo labo sano ka hor sidaan oo kale buur fuulay; laakiin waaqaca uu ku qasbay in uu dhulka u soo dego oo ninkii (Riek Machar ) ay is hayeen la heshiiyo. Halkan ka akhriso Qoraalka Mudane Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu soo dhigay bartiisa uu ku leeyahay Faceboon : Haddii ciidanka, dakhliga, garsoorka iyo shaqaalaha rayadka ay gobollada dalka ku kala firirsan yihiin. Haddii inta badan amniga dalka uu ku tiirsan yahay 22-kun oo askar shisheeye ah; kuwaas oo aan toos kaaga amar qaadan, iyaguna aan kala amar qaadan ee caasimadaha dalalkooda toos uga amar qaata. Haddii lagaa rabo in aad Al-Shabaab meel saarto oo aad isku duubni, awood ciidan, fikir diineed, falsafad siyaasadeed iyo aragti qaran ku maquuniso ama kula heshiiso; taasina ay kaaga baahan tahay dadaal, dood, hadal deeqsiin iyo dad soo jiidasho leh. Haddii dastuurka dalkaagu qabyo yahay, doorasho qof iyo cod ah in aad qabato lagaa rabo. Haddii aysan misaaniyadda dalkaaga dhammayn xafiiska xeer ilaaliyaha dawladda deriskaaga ah ee Kenya. Haddii aad marqaati ka tahay heshiis nin (Salva Kiir) labo sano ka hor sidaan oo kale buur fuulay; laakiin waaqaca uu ku qasbay in uu dhulka u soo dego oo ninkii (Riek Machar ) ay is hayeen la heshiiyo. Haddii adigoo intaasoo idil og aad buur dheer saarantahay oo markii aad hoos u eegto intii talada kula lahayd kula yaryaradaan , iyaguna markii ay kor kuu eegaan adigoo buurta dhaladeeda saaran wax yar aad la tahay. Tolow waa su’aale sideed xal ku gaari kartaa? mise kolkii aad soo xiiqdo ayaad mar ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen “haddaan soo xasilay na oran doontaa”?? Halkan ka dhegeyso Wareysigii Mudan C/raxmaan C/Shakuur maanta uu siiyey BBC laanta afka somaaliga
  4. Garowe (Caasimada Online) – Saraakiisha ciidamada maamulka Puntland ee dhawaan uu shaqada uu ka ceyriyay madaxweyne C/Welli Maxamed Cali Gaas, ayaa sheegay inay dhawaan soo saarayaan warqad dacwo ah oo ka dhan ah Gaas. Saraakiishaan oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in madaxweyne Gaas, ay ka gudbiyaan dacwad ay ku cadeynayaan dhibaatooyinka uu ka geystay deegaanada Puntland, sida ay sheegeen. Waxay sheegeen in Maxkamadda sare iyo xeer ilaalinta qaranka ay u gudbin doonaan dacwadooda ka dhanka ah madaxweynaha maamulka Puntland C.Welli Maxamed Cali Gaas. Saraakiisha ayaa ugu baaqay dowladda Soomaaliya inay soo farageliso xiisadda u dhaxeysa iyaga iyo madaxweyne Gaas, taasi oo dhalisay inay xilalkooda waayaan. Warqadda ay soo saareen saraakiisha ciidamada Putland ayaa waxay sheegeen inay ku wargeliyeen madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul wasaaraha, Aqalka Sare, madaxweynaha Puntland iyo masuuliyiin kale. Khilaafka u dhaxeeya madaxweyne Gaas iyo saraakiisha Ciidamada ayaa ka dhashay markii saraakiisha ay ka biyo diideen go’aan madax maamul goboleedyada ay ku gaareen magaalada Garowe oo ay kaga horjeesteen dowlada Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Addis Ababa (PP) ─ Haweeneydii ugu horreysay ayaa loo magacabay inay madax ka noqoto maxkamadda ugu sarreysa ee dalkaas, taasoo macnaheedu yahay inay tahay madaxa garsoorka Itoobiya oo dhan, taasoo ka dhigaysa in Xukuumadda Itoobiya ay awood badan siisay haweenka. Baarlamaanka Itoobiya ayaa maanta oo Khamiis ah xilka cusub u dhaariyay Meaza Ashenafi, waxaana tallaabadan soo dhaweeyay inta badan xubnaha ku jira baarlamaanka iyo xukuumadda Itoobiya, kuwaasoo ku tilmaamay in tani ay isbedel ku keeni doonto garsoorka Itoobiya. Magacaabidda Meaza Ashenafi ayaa imaanaysa kaddib laba todobaad kaddib markii ra’iisul wasaaraha Itooiya Abiy Ahmed uu 10 haween ah u magacaabay xilal sare oo wasiirnimo ah, sidoo kalena madaxweyne dalkaas loo doortay haweeney khabiirad ah. Haweeneydan oo ahayd aasaasihii ururka qareennada haweenka Itoobiya, ayaa waxay xilliyadii dambe shaqadeedu ahayd la taliye xuquuqda haweenka ee xafiiska Qaramada Midoobay ee ku yaalla magaalada Addis Ababa. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa u sheegay qareennada Itoobiya in tani ay ka dhigan tahay hagaajinta cadaaladda Itoobiya, si loo helo dalabyada kaga imaanaya shacabka, gaar ahaan helidda cadaalad, dimuqraadiyad iyo sidoo kale hagaajinta isbedellada dalka. “Waxaan magacaabay Ashenafi anigoo aaminsan inay aqoon dheeraad ah u leedahay arrimaha sharciga, waxaana magacaabiddan ay ku timid si heer caalami ah,” ayuu yiri Abiy Ahmed. Sidoo kale, Xildhibaannada Baarlamaanka Itoobiya ayaa si aqlabiyad ah leh ku meel-mariyay magacaabidda haweeneydan oo aqoon sare u leh sharciga. Iyadoo dastuurka Itoobiya uu qabo in hay’adaha garsoorka dalkaas ay yihiin kuwo ka madax-bannaan xukuumadda. Dhanka kale, Toddobaadkii lasoo dhafay ayay ahayd markii madaxweynaha cusub ee dalka Itoobiya loo dhaariyay Sahle-Work Zewde oo ah haweeneydii ugu horreysay oo madaxweyne ka noqoto dalkan ku yaalla Bariga Afrika. Tan iyo markii uu Ra’iisul Wasaare ka noqday dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed waxaa dhacay isbedello waaweyn, waxaana ka mid ah in xukuumadda awood badan laga siiyay haweenka iyo in lasoo afjaray colaaddii dalkaas kala dhexeysa dalka ay dariska yihiin ee Eritrea, taasoo soo jiitamaysay 20-sanadood. Ugu dambeyn, Inkastoo Abiy Ahmed uu dadaal badan sameeyay haddana weli waxaa ka socda dalka Itoobiya rabshado dhaliyay dhibaatooyin intooda badan ku dhacay shacabka dalkaas, waxaana sannadkan dhacay dagaallo ay ku barakaceen in ka badan laba milyan oo qof. PUNTLAND POST The post Haweeneydii u Horreysay oo loo Magacaabay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  6. Saudi Crown Prince Mohammed bin Salman described slain journalist Jamal Khashoggi as a dangerous Islamist days after his disappearance in a phone call with President Trump’s son-in-law Jared Kushner and national security adviser John Bolton Source: Hiiraan Online
  7. Muqdisho (Caasimadda Online) – Wakiilka Urur Gobaleedka IGAD ee u qaabilsan Arimaha Soomaaliya Maxamed Cali guy iyo Gudoonka Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulan ku yeesheen Magaalada Muqdisho. Masuuliyiinta ayaa waxaa ay ka wadahadleen Xiisada u dhexeysa Maamulada Puntland iyo Soomaaliland, Xaalada Siyaasadeed ee ka taagan Galmudug iyo Khilaafka u dhexeeya Dowlada dhexe iyo kuwa Maamul Gobaleedyada ka jira Dalka. Ergayga Gaarka ah ee Urur Gobaleedka IGAD ayaa waxaa uu amaanay door wanaagsan ee aqalka sare ay ka qaadanayaan xal u raadinta Khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Dowlada dhexe iyo kuwa Maamul Gobaleedyada ee Ka jira dalka. Cali Maxamed Jaamac Xoghayaha Guud ee Aqalka Sare ayaa waxaa uu sheegay in kulanka uu ahaa mid aad xasaasi u ah, islamarkaana uu soo dhaweeyay wakiilka dadaalka ay wadaan Aqalka Sare, kaasi oo ku aadan in la dhameeyo khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya Madaxda Dowlada dhexe iyo kuwa Dowlad Gobaleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Muqdisho (Caasimada Online) – Ururka Al Shabaab oo ka dagaalama Somalia ayaa bishii lasoo dhaafay waxay dileen ku dhawaad 10 ruux oo ajaaniib ah kuwaasi oo la sheegay inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab. Al-Shabaab ayaa bishii lasoo dhaafay ee October labo jeer sameeyay toogasho wadareed, sida lagu sheegay warbixin kasoo baxday Sirdoonka Kenya oo kaashanaya Hay’addaha CIA iyo MI6 oo dalalka Mareykanka iyo Ingiriiska laga leeyahay. Al SHabaab ayaa toogashadaasi labada jeer ku sameeyay dagaalyahano Ajaaniib ah oo ka barbar dagaalamayay, waxaana badankood la sheegay inay Kenyan ahaayeen, sida warbixinta lagu sheegay. Sidoo kale waxaa ku jiray dadkaasi Soomaali u dhalatay dalka Kenya iyo Cawaale Axmed Maxamed oo la sheegay inuu yahay Dagaalyahan Soomaali ah oo heysta dhalashada dalka Ingiriiska. Al-shabab ayaa Raggaas ku eedeeyay in ay u basaasayeen Hay’adaha sirdoonka ee waddamada ay dhalashada ka heystaan, laakiin ay iska dhigayeen inay yihiin dagaalyahano daacad u ah Jihaadka. Warbixinta waxaa lagu sheegay in Ragga la toogtay ay da’dooda u dhaxeysay 22 ilaa 36 jir,waxaana qeybta 1aad la toogtay 10kii October halka qeybta labaad la toogtay 12kii October laguna hor dilay boqolaal dadka Degmada Saakow ka tirsan. Sirdoonka Kenya ayaa sheegay in xubno Kenyaan ah oo ka baxsaday Al-shabaab ay xaqiijiyeen in weerarrada isqarxinta ah iyo Ciidamada lugta ee dagaalka gala badanaa Al-shabaab u adeegsato dadka ajannabiga ah si loo yareeyo saameynta ay ku dhex yeelan karaan Ururka loona hubiyo heerka daacadnimadooda. Dowladda Kenya waxaa ay sheegtay in tobanka qof ee la toogtay ay AL-shabaab ku eedeeyeen in ay la shaqeeyeen Hay’adaha sirdoonka Dowladda Federaalka ah,Kenya, Ingiriiska iyo Mareykanka,islamarkaana mas’uul ka ahaayeen duqeyn loo geystay madax sare oo ka tirsan Al-shabab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. Ha’adaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa ku soo bandhigay saldhiga degmada Hodan ee Muqdisho koox ay sheegeen in ay lacago sharci daro ah ay ka qaadanayeen barakacayaal degan Muqdisho. Kooxdaasi oo gaareeysa 10 -ruux ayaa waxaa ay ku sheegeen in ay isaga dhigayeen dadka barakacayaasha ah in ay ka socdaan Ha’adaha gargaarka islamarkaasina ay sawiro ka qaadaan sidaasina ay lacago uga qaateen. Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir Saalax Xasan Cumar Carab iyo Taliyaha Saldhiga Degmada Hodan Cabdifataax Bashiir Cali ayaa warbaahinta u soo bandhigay. Masuuliyiintaasi ayaa waxa ay sheegeen in tilaabo sharciga waafaqsan ay ka qaadi doonaan cid kasta oo isku dayda in ay lacago ka qaataan dadka barakacayaasha ah. Shacabka ayeey ugu baaqeen in ay ka digtoonaadaan dadka sameeynaya falalka ceenkaan oo kale ah. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Hay’adaha Amniga oo Muqdisho ku qabtay Koox lacago sharci daro ah ka qaadanayay Barakacayaal appeared first on Puntland Post.
  10. The United Nations refugee agency is asking Canada to resettle more refugees from the Horn of Africa, emphasizing the needs of particularly vulnerable Somalis displaced by a decades-long conflict in the war-torn country. Source: Hiiraan Online
  11. Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan ayaa maanta ka hadlay xiriirka isaga iyo madaxweynaha Galmudug, xilli wararka qaar ay sheegeen inuu khilaaf soo kala dhex-galay. Sheekh Maxamed Shaakir oo maanta dadweyne fara badan kula hadlayay magaalada Dhuusamareeb ayaa sheegay inuusan jirin khilaafka la sheegay in isaga uu kala dhaxeeyo madaxweyne Xaaf. Waxa uu sheegay in Madaxweyne Xaaf uu yahay hoggaamiyaha Galmudug, islamarkaana go’aamadda uu soo saaro ay qaadan doonaan, kana dambeyn doonaan. “Waxaan idin sheegayaa in been abuur uu yahay khilaafka ay soo hadal qaadeen warbaahinta qaar, Galmudug hal madaxweyne iyo hal Dastuur ayay leedahay, go’aamada Xaaf ayaanu ku shaqeyn doonaa”. ayuu yiri Sheekh Maxamed Shaakir. Weli waxaa xal buuxa laga gaarin khilaafka u dhaxeeya madaxda maamulka Galmudug oo sababay in Galmudug ay laba u qeybsanto oo ay ka kala arrimiyaan Dhuusamareeb iyo Cadaado. Kadib markii warqad ka soo baxday xafiiska Sheekh Shaakir lagu soo dhaweeyay gogol uu madaxweynaha Soomaaliya u fidiyay madaxda maamul goboleedyada, ayaa lagu warramay in laga yaabo inuu kal furtay Xaaf, kuna biiray dhinacyada taageersan dowladda. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Sheekh-Shaakir.mp3Caasimada Online Xafiiska Dhuusomareeb Caasimada@live.com
  12. Golaha xukuumadda Puntland ayaa maanta si buuxda u taageeray qodobadii ka soo baxay shirkii golaha iskaashiga dowlad goboleedyada ee todobaadkii hore ka qabsoomay magaalada Garoowe,sida lagu sheegay war-murtiyeed ka soo baxay madaxtooyada Puntland. War-murtiyeedka shirka Khamiislaha ee golaha wasiirada Puntland ayaa sidoo kale lagu dhaliilay hannaanka siyaasadeed ee xukuumadda Federaalka Soomaaliya ay dalka ku maammulayso,kaasoo sida qoraalka ku xusan lagu tilmaamay mid baal-marsan shuruucda dalka. Dhinaca kale shirka ayaa lagu meel-mariyay siyaasadaha shaqada &shaqaalaha iyo horumarinta dhalinyarada,kuwaasoo ay soo diyaarisay wasaaradda shaqada iyo shaqaalaha dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland,sida war-murtiyeedka ku qoran. PUNTLAND POST The post Golaha wasiirada Puntland oo taageeray shirkii GIDG appeared first on Puntland Post.
  13. NOVEMBER 1, 2018 (GAROOWE): Magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, waxaa maanta soo gaaray si diirranna loogu soo dhoweeyey Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye oo ah musharrax u taagan xilka madaxwaynaha Puntland sannadka 2019. Boqollaal dadwayne ah oo ruxayey caleemo qoyan iyo calannada Puntland iyo Soomaaliya, kuna dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ka turjumaya sida ay u taageersan yihiin Ololaha Karti iyo Hufnaan, ayaa musharraxa kusoo dhoweeyey garoonka diyaaradaha ee Garoowe. Intaas kaddib, waxaa musharraxa loo soo galbiyey dhanka Fagaaraha Barxadda, halkaasoo uu kula hadlay boqollaal kamid ah dadwaynaha ku dhaqan Garoowe. Musharraxa ayaa ka mahadceliyey sida diirran ee loo soo dhoweeyey, isagoo xusay in marnaba aanu hilmaami doonin taageerada ay reer Garoowe u muujiyeen. “Waxaan doonayaa marka u horraysa inaan u mahadceliyo bulshada reer Puntland oo aad noogu soo dhoweeeyey magaalada Garoowe. Gaar ahaan dadka deggen magaaladan aad iyo aad baan ugaga mahad celinayaa” Injineer Jebiye ayaa yiri isagoo sii raaciyey “Midda labaad waxaan u mahad celinayaa si khaas ah ciidanka qalabka sida oo runtii aminiga si xad dhaaf ah u sugay aad iyo aad baan ugu mahadcelinayaa.” Ugu dambeyntii wuxuu musharraxu shir-jaraa’id ku qabtay hoyga uu ka deggen yahay Garoowe, isagoo si kooban uga warbixiyey qorsheyaashiisa siyaasadeed iyo ujeedada uu xilligan dalka dib ugu soo laabtay. Musharrax Jebiye wuxuu sheegay in sababta uu dalka u yimid tahay sidii uu kulammo wadatashi ah ula qaadan lahaa qaybaha kala duwan ee bulshada, islamarkaana uu wax badan uga ogaan lahaan xaaladda dhabta ah ee dadka iyo dalku ku sugan yihiin. Mar uu ka hadlayey arrimaha uu diirradda saari doono haddii xilka madaxwaynaha loo doorto, wuxuu sheega in a ugu muhiimsan yihiin: hirgelinta nidaamka doorashada dimuqraadiga ah ee ‘hal qof,hal cod’, tayeynta waxbarashada, kobcinta dhaqaalaha iyo abuurista fursado shaqo oo dhallinyarada loo sameynayo. Si gaar ah wuxuu ugu nuuxnuuxsaday hirgelinta nidaamka doorashada dimuqraadiga ah ee ‘hal qof,hal cod’, isagoo sheegay in muwaadin kasta oo reer Puntland ahi uu xaq u leeyahay in uu doorto cidda madaxda u noqonasa iyo waliba in laga tala geliyo go’aan kasta oo masiiri ah oo noloshiisa saameyn ku leh. Dhanka kale, Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye wuxuu baaq u diray Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada, isagoo ku boorriyey in ay xal ka gaaraan khilaafaadka siyaasiga ah ee dhexdooda ka aloosan, maadaama danta dalka iyo dadkuba ku jirto midnimada iyo wadashaqaynta labada dhinac. Taas isaga oo sharraxaya waxaa Jebiye hadalladiisii kamid ahaa “Miiska wadahadalka inay tagaan ayaan ugu baaqayaa oo ay ka wada hadlaan wixii dhexdooda yaalla, umadda maslaxaddeeda ayaa ka wayn wax kasta oo laysku hayo.” Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye wuxuu muddada uu Garoowe ku sugan yahay kulammo gaar gaar ah la qaadan doonaa qaybaha kala duwan ee bulshada, gaar ahaan madaxda dhaqanka, haweenka iyo dhallinyarada. The post Musharrax Jebiye oo si weyn magaalada Garoowe loogu soo dhoweeyey appeared first on Puntland Post.
  14. Muqdisho (Caasimadda Online) – Taliyaha ciidanka Booliska degmada Cabdi Casiis ayaa sheegay in dumarka lagu faraxumeeyo hotellada xeebta kuyaal islamarkaana ciidamada Booliska ay dumar ilma wacalla ah sida ka aruuriyaan liido si aysan badda ugu ridin. Saraakiisha Booliska degmada Cabdi Casiis waxay sheegayaan in ay qabteen tobanaan dumar uurleh kuwaas oo damcay in ay ku dhalaan xeebta kadibna ilmaha aaba la’aanta ah ku daadiyaan badda!. Taliyaha oo Hoteel kuyaal degmada Cabdi Casiis kula hadlayay qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa si qota dheer uga hadlay falalka anshax xumo ee kajira magaalada Muqdisho, wuxuu carrabaabay in marka lagaaro gelinka dambe ee maalin kasta ay xeebta tagaan gabdho kuwaas oo jirkooda ka ganacsanaya waxayna latumayaan rag ubadan qurba joog. Wuxuu sharraxaad ka bixiyay goobaha ugu xun ee dumarka jirkooda uga ganacsadaan wuxuuna carabaabay laba Hoteel iyo baarar kuyaal Liido “ciidamada Booliska marwalba xeebta Liido waxay ka aruuriyaan dumar Uur leh oo ilma wacalla ah sida kuwaas oo doonaya in marka ay umulaan ilmaha ku daadiyaan badda taasina waa dambi weyn” ayuu yiri Taliyaha. Dhacdooyinka yaabka leh ee uu ka sheekeeyay waxaa kamid ah in gabdho yaryar lageeyo maqaayadaha Liido kadibna lasiiyo maandooriyayaal ay kamid yihiin shiishad xashiish leh iyo waxa loo yaqaan Taabuugga kadibna marka ay miir daboolmaan xummaan idilkeed lagu sameeyo. Taliyaha Booliska degmada Cabdi Casiis ayaa waalidiinta Muqdisho ku eedeeyay in ay dayaceen gabdhahooda oo marka ay jaamacadaha iyo iskuullada udiraan aan dabagal ku sameyn taas oo keentay in gabdho badan oo waxbarasho lagu ogaa ay aadaan xeebta Liido halkaasna lagu faraxumeeyo oo ay uur xaaraan ah qaadaan. Yariisoow oo ah guddoomiyaha gobolka Banaadir ayaa bishii lasoo dhaafay amray in Hotellada Liido la xiro marka lagaaro lix saac habeennimo arrinkaas oo qeyb weyn kasii qaadanaya faafinta fasahaadka. Halkaan hoose ka daawo Muuqaalka Taliyaha Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Madaxa xukuumada Gal-Mudug Sheekh Maxamed Shaakir Cali Xasan oo maanta ka hadlayay munaasabad lagu qabtay magaalada Dhuusamareeb ayaa ka hadlay khilaaf la sheegay in uu soo kala dhexgalay isaga iyo madaxweyne Xaaf. Sh Shaaakir ayaa sheegay in aanay jirin xiligaan qilaaf u dhaxeeyo madaxda Gal-Mudug isaga oo sheegay in madaxda Gal-Mudug ay tahay mid mideeysan. Waxa uu sheegay in uu ku dhaqmayo heshiiskii Ahlusunno iyo Gal-Mudug ay ku saxiixdeen magaalada Djabuuti ee caasimada dalka Djabuuti. Tan iyo markii Madaxda Xukuumada Gal-Mudug uu soo saaray warqad uu ku soo dhoweeynayo shirkii uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo waxaa soo ifbaxayay qilaaf la sheegay in uu soo kala dhaxgalay. Hoos ka Dhageeyso codka https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/Shaakir.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Madaxa Xukuumada Gal-Mudug ” Majiro Khilaaf madaxda Gal-Mudug u dhaxeeyo” appeared first on Puntland Post.
  16. Baydhabo (Caasimadda Online)– Guddiga doorashada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay Magaalada Baydhabo ee Xarunta maamulka Koonfur Galbeed ayaa ansixiyey illaa seddex qosob oo xasaasi ah. Guddiga ayaa soo saaray shuruudo horudhac ah oo la xiriira doorashada madaxtnimada ee la qorsheeyey in 17-ka bishan ay ka dhacdo magaalada Baydhaba. Guddiga ayaa maanta si cad u sheegay in Mukhtaar Cabdiraxmaan Robow Abuu Mansuur uu u tartami karo doorashada Madaxweynenimo ee Koonfur Galbeed Soomaaliya, islamarkaana aysan jirin wax sharci ah oo u diidi kara. Waxaa kale oo ay guddigu ay sheegeen in qofka noqonaya madaxweynaha Koonfur Galbeed ay qasab tahay uu helo codad gaaraya (Saddex meelood labo meel), 2/3, tirada Xildhibaannada Baarlamaanka ee Koonfur Galbeed. Sidoo kale Guddiga Doorashada ayaa Musharrax Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ka dalbaday in uu soo gudbiyo warqadaha is casilaadda xilka wasiirnimo uu ka hayo dowladda federaalka ah. Hadalka kasoo baxay guddiga doorashada ayaa meesha ka saaraya isku daygii dowladda federaalka Soomaaliya ay ku doneysay inay uga hor-tagto musharaxnimada Mukhtaar Roobow. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib markii Afar maalin ka hor ciidamada Midowga Yurub ay qarxiyeen dooni mareysay inta u dhaxeya Xarardheere iyo Degmada Hobyo, ayaa waxaa arintaasi ka hadlay Milkiilahii doontaasi. Maxamuud Abuukar Xasan oo ah Ganacsade Soomaaliyeed, ayaa sheegay inuu yahay milkiilaha doonida ay qarxiyeen ciidamada la dagaalanka kooxaha Burcad badeeda ee Midowga Yurub. Maxamuud Abuukar, ayaa warbaahinta u sheegay in doonidaasi ay ku xirneyd dekad Macmal ah oo ku taala duleedka degmada Hobyo ee gobolka Mudug, kadibna ay burburiyeen ciidamada Midowga Yurub. Midowga Yurub waxay sheegeen in doonidaasi ay aheyd mid ay lahaayeen kooxaha burcad badeeda Soomaaliya, ayna ka hortageen in maraakiibta ganacsiga lagu dhibaateeyo. “Doon aan leeyahay oo kuwa waaweyn ah ayaa waxaa afar habeen ka hor waxaa Marsada Faax oo u dhow Hobyo, noogu yimid diyaarado iyo doomo, leyr ayay nagu daareen, kadib qoryo ayay nagu qabteen, kadib doonta ayay fuuleen weyna baareen, sababtana nooma sheegin, kadib shaqaalaha ayay baareen” “Kadib waxay dhaheen doonta waan ka shakinay, weyna qarxiyeen waxayna sheegeen inay doon burcad badeed qarxiyeen, taasina waa been anigaa ahaa milkiilaha doonta”ayuu yiri Maxamuud Abuukar. Hoos u dhac weyn ayaa ka jira weerarada ay geysan jireen kooxaha Burcad badeeda Soomaalida tan iyo sanadkii 2012, waxaase wali xeebaha dalka Soomaaliya ku sugan ciidamada ka socdo dalal dhowr ah oo la dagaalamaya kooxaha burcad badeeda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Muqdisho (Caasimadda Online) – War goor dhow na soo gaaray ayaa sheegay in qarax xooggan uu ka dhacay Wadada Maka almukarama ee magaalada Muqdisho. Wararka horudhaca ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay gaari la dhigay wadada, gaar ahaan intabu dhaxeysa Isgoyska Dabka iyo Sayidka. Qof goobjooge ah ayaa sheegaya in qaraxa uu ahaa gaari lagu xiray waxyaabaha qarxa oo ah nuuca Soomaalida u taqaano gaari qooqan. Illaa iyo hadda si dhab looma oga khasaaraha ka dhashay qaraxa, iyadoo xilli hore ay tahay. Ciidamada ammaanka ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, kuwaasoo xiray wadada sida dad goobjoog ay sheegayaan. Gaadiidka Gurmadka deg degga ah ayaa ku qulqulaya goobta qaraxu uu ka dhacay si ay ugu gurmadaan dhibbanayaasha. Wadada Maka almukarama ayaa ah kan ugu mashquulka badan ee magaalada Muqdisho, waxaa wadada adeegsada mas’uuliyiinta dowladda, saraakiisha iyo shacabka, waxaana wadadaas caan ku tahay ganacsiga. Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Ergeygii gaarka ahaa ee Qaramada Midoobay Soomaaliya Michael Keating ayaa loo magacaabay maamulka machad Yurub ah oo ka shaqeeya arrimaha nabadda. Michael Keating oo shaqada la wareegi-doona 5ta November 2018, waxaa uu badalayaa Mr. Martin Griffiths. The European Institute of Peace(EIP) waa machad nabadda ka shaqeeya oo ku yaallo magaalada Brussels, shaqaalaha joogtada ah waxaa ay gaarayaan 31 qof, miisaaniyadiisa waa 9 Milyan oo euros. Machadka waxaa uu la sheeqeeyaa xukuumadaha, bulshada rayidka, waxaa ay olog yihiin midowga Yurub iyo dalalka Yurub, waxaa uu dhiirigeliyaa wada hadallada aan tooska aheyn, waxaa ay sidoo kale faraha la galaan xalinta khilaafaadka iyo dhexdhexaadintooda. 2026- ilaa September 2018, Michael Keating waxaa uu ahaa ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay Soomaaliya, isaga oo muddada uu joogay wax badan ka qabtay arrimaha Soomaaliya. Inta aanu Soomaaliya iman, waxaa uu UNKa kala soo shaqeeyay Kabul, Lilongwe, Jerusalem, New York iyo Geneva. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimadda Online) – Aroornimadii hore ee Subaxdii Axadda Nofembay 1, 2015, rag hubeysan ayaa weerar toos ah ku galay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho. Weerarka tooska waxaa ka horeeyay baabuur lagu qarxiyey albaabka hotelka iyo mid ka dambeeyay oo meel aan albaabka ka fogeyn lagu qarxiyey. Weerarka oo qaatay ku dhowaad maalin ayaa ugu dambeyntii saraakiisha amniga ee Dowladda ku dhawaaqeen in la soo afjaray lana dilay kooxdii hubeysneyd ee weerartay hotelka oo tiradooda 5 lagu sheegay. Weerarkaasi oo ka mid ahaa weeraradii hotelada badan lagu qaaday, dad badanna ku dhinteen, waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh. Dad ka badan 20 ayaa la xaqiijiyey inay weerarkaasi ku dhinteen. Waxaa ka mid ahaa AUN Jeneral Cabdikariim Dhegabadan oo horey xilka Abaanduulaha Ciidamada Xoogga Dalka u soo noqday. Waxaan si gaar ah u xusuustaa sawirqaade Mustaf Shafaana oo la shaqeynayey Al-Jazeera TV iyo idaacadda Shabeelle oo qaraxa baabuurkii labaad ku geeriyooday. Jeneraal Dhagabadab ayaa ka hor inta aysan dilin kooxdii Hotelka weerartay waxa uu si adag ula dagaalamay raggaasi hubaysan isaga oo qori ak47 ah kula dagaalaamay, balse markii dambe rasaasta ay ka dhamaatay. Isbitaalka Madiina oo markaa dhaawaca ugu badan la geeyay waxay sheegeen 27 dhaawac ah gelinkii hore ee maalinta. Mulkiilihii hotelka Cabdirashiid Ilqeyte iyo ugu yaraan hal xildhibaan ayaa ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday weerarkaasi. W/Q: Abdalle Ahmed Mumin Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirto sidii madaxda maamul goboleedyada ay shirkii ay ugu yeertay kaga qeyb gali lahaayeen magaalada Muqdisho, waxaana dadaaladaasi kusoo biiray QM iyo Midowga Africa. Wararka aan ka heleyno magaalada Dhuusomareeb ayaa sheegaya in halkaasi ay kulan ku yeesheen madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo Madaxa xukuumadda Galmudug Sheikh Maxamed Shaakir Cali. Kulankaasi ayaa waxay inta badan diiradda ku saareen sidii Xaaf u aqbali lahaa inuu ka qeyb galo shirka dowladda Soomaaliya ay ugu baaqday maamul goboleedyada iyo sidii labadooda ay shirkaasi kaga qeyb gali lahaayeen. Warar Caasimadda Online heleyso ayaa sheegaya in Axmed Ducaale Xaaf uu aqbalay ka qeyb galka shirka Muqdisho, labadoodana ay imaan doonaan magaalada Muqdisho, balse waxaa jiro arrimo u baahan in xal laga gaaro. Haddii labada masuul ay ka qeyb galaan shirka ka dhacaya magaalada Muqdisho ee dhexmaraya dowladda iyo maamul goboleedyada, waxaa xal laga gaari doonaa madaxweynaha lagu doortay magaalada Cadaado iyo Guddoonka baarlamaanka ee lagu doortay magaalada Dhuusomareeb, iyadoo labadoodaba ay dadkooda dhinac ka raaci doonaan. Waxaa muuqaneyso in markii seddexaad heshiis ay gaari doonan guddoomiyaha baarlamaanka iyo madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo isku dhinac ah iyo madaxweyne Xaaf oo marar badan is qabtay lana heshiisiiyay. Beesha Caalamka ayaa la kulantay madaxweynayaasha Koofur Galbeed, Jubbaland iyo Hirshabeelle, kuwaasi oo dhamaantood laga doonayo inay ka qeyb galaan shirka dowladda Soomaaliya ay ugu baaqday dowlad goboleedyada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Wax garad garaaya illaa 30 oo iskugu jira cuqaal, ganacsato iyo siyaasiyiin uuna hogaaminaayo Islaan Ciise Islaan Maxamed oo kamida isimada ugu magaca dheer Soomaaliya ayaa u ambabaxay degaanka Dhumay ee Gobalka Sool oo ay dhawaan ku dagaalameen labba beellood oo walaalo ah. Waftigan ballaaran ee uu hogaaminaayo Islaan Ciise ayey wararka soo gaaraaya PUNTLAND POST sheegayaan inay halkaas u aadeen sidii ay u dhex geli lahaayeen beellahan walaalaha ee isku hor fadhiya degaamadii ay dhawaan dagaallada dadka badan ku dhunteen ka dhaceen. Ergadan ka ambabaxday Gobalka Nugaal ayaa lagu wadaa inay kulamo deg-dega la yeeshaan beelLaha isku horfadhiya degamadaas si loo baajiyo in mar kale uu dhiig daato, waxaana la rajaynaayaa inay xal wanaagsan ka garaan collaadan soo noq-noqtay inta ay ku sugan yihiin Gobalka Sool. Dhawaan ayey ahayd markii ay dagaalo kharaar oo ay ku dhinteen ku dhawaad boqol qof ay labadaas beellood ku dhex mareen degaanka Dhumay ee gobalka Sool waana markii ugu horaysay oo wafti noocaana uu gaaro degaanka ay collaadu ka dhacday tan iyo markii ay dagaaladani dhaceen si loo baajiyo in mar kale dhiig daato. PUNTLAND POST The post Wax garad uu hogaaminaayo Islaan Ciise Islaan Maxamed oo u ambabaxay degaanka Dhumay Gobalka Sool appeared first on Puntland Post.
  23. Baydhabo (Caasimadda Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa gaaray wafdi ka socday Q.Midoobe iyo Ururka Midowga Afrika, Wafdigan caalamiga ah ayaa ujeedkiisu ahaa sidii uu u indha indheyn lahaa qaabka ay u socoto qaban qaabada doorashada madaxtinimada maamulka Koonfur galbeed. Nicholas Haysom oo ay Ergayga Q.Midoobe uqaabilsan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Afrika ee Soomaaliya Francisco Madiera ayaa kulan albaabadu u xiranyihiin laqaatay dhammaan musharrixiinta utaagan xilka madaxweynaha Koonfur galbeed waxaana kamid ahaa Mukhtaar Rooboow Abuu Mansuur. Wafdiga ka socday caalamka ayaa si rasmi ah u aqbalay musharaxnimada Mukhtaar Rooboow oo dowladda Federaalka ay horay uga joojisay in uu tartanka ka qeyb galo sida ay sheegayaan siyaasiyiin ku sugan magaalada Baydhabo. Ilo wareedyo ayaa sheegaya in Rooboow uu kulamo laqaatay Nicholas Haysom uuna uballan qaaday in uu la shaqeyn doono haddii uu kusoo baxo xilka madaxtinimada Koonfur galbeed. Warar horay usoo baxay ayaa sheegayay in qaar kamid ah hay’ada Q.Midoobe ay gadaal ka riixayaan musharaxnimada Rooboow waxaana jira xifaaltan dhanka siyaasadda oo uu Afhayeenkii hore ee Al Shabaab kala kulmayo siyaasiyiin deegaanka ah oo ay wadato DF-ka. Doorashada madaxtinimada maamulka Koonfur galbeed ayaa lafilayaa in ay qabsoonto 17,Novembar 2018 oo ay naga xigto 16 maalmood. Dowladda Soomaaliya ayaa horey u sheegtay inuusan Roobow doorashadaas ka qeybgeli karin iyadoo fulineyso heshiisyo caalami ah oo ay gashay. Dowladda Soomaaliya oo dhawaan Magaalada Baydhabo kula kulantay Roobow ayaa lasoo sheegayaa inay go’aankeeda ka laabatay inkastoo aysan si rasmi ah u shaacin. Roobow Abuu Mansuur ayaa wado loolan adag oo dhanka Doorashada ah, wuxuuna ku jiraa Liiska Musharixiinta loo saadaalinayo inay xilkaas qaban doonaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  24. Aweys Cali Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur ayaa si wada jir ah loogu soo qabtay iyagoo dhac u geysanayo muwaadiniin Soomaaliyeed oo ku sugnaa degmada Cabdi-caziiz ee gobalka Banaadir. Labada eedeysane ayaa dhac u geystay Wiil dhallinyara ah oo kamid ah kuwa ku shaqeysto xirfadda sawirrada ee nolal maalmeedka ka raadiyo meelaha dadka isugu yimaadaan, waxa ay sidoo kale dhac u geysteen gabar wadatay Teleefanada gacanta iyadoo u adeeg doona-neysay suuqa. Dadka ay dhaceen waxaa sidoo kale kamid ahaa laba wiil oo xeebta liido ka baadi goobayay meyd qof ka maqan oo ay weysanaayeen kuwaasi oo ay ka qaateen laba teleefoon oo ay wateen. sidoo kale waxa ay isla xilligaas dhac u geysteen mid kamid ah ciidamada amniga oo xilligaas u socday shaqadiisa amniga balse aan hub wadan iyo dharka ciidamada, waxa ayna taasi dhalisay in uu baadi goob u galo kuwii dhaca u geystay oo uu kula kulmay iyagoo joogo xeebta liido. Hey’adaha dambi baarista ayaa eedeysanayaasha ku soo wareejiyay Xafiiska Xeer ilaalinta Ciidamada kadib markii ay kala wareegeen Saldhiga Boliiska degmada Cabdi-caziiz, waxa uuna xafiiska weydiistay garsoorayaasha in loo gudbiyo labada eedeysane xabsiga dhexe si gar-suge ahaan ah 13-ka bishii sagaalaad. Baaritaana dheer oo xafiisku sameeyay ayay ku ogaadeen In labada eedeysane ay horay u galaan dambiya kala duwan, waxaana horey ugu dhacay xukunno iyagoo midi maqana yahay xilligaas. Aweys ayaa sheegay in uu dil geystay balse ay si gaar ah u macaamileen reerihii dhibka kala dhexeeyay falkaasi oo ka dhacay degmada Kaaran halka Ayaanle lala soo qabtay afar eedeysane oo ay kuwada eedeysanaayeen dil balse loo qeybiyay in ay bixiyaan magta marxuumkii geeriyooday ayay horey Maxkamadda ugu xukuntay. 22-ka bishan ayay Codsadeen xafiiska xeer ilaalinta Ciidamada in la muddeeyo dacwad qaadista labada eedeysane oo ay sheegeen in ay ku filantahay caddeymaha ay uhayaan kiiska. Garsoorayaasha ayaa aqbalay soo jeedinta xeer ilaalinta, waxaa loo ballamay in la isugu yimaado Maxkamadda 25-kii bishan, waxa la dhageystay dhinacyada dacwadda sida xeer ilaalinta iyo Qareenada u doodayay labada eedeysane. Xeer ilaalinta ayaa fadhiga Maxkamadda hor-keenay afar dhibane oo loo siiyay fursad in ay ka hadlaan goobta, qaar kamid ah agabkii ay dhaceen labada eedeysane oo laga helay xaafad ay ku keydsadeen oo ku taal degmada Kaaraan, baarihii kiiska iyo qiraalka eedeysanayaasha iyo hubkii ay dhacca ku geysteen, halka Qareenada ay ku doodeen in loo fududeeyo loona fiiriyo sifaalaha dambiga fududeeyo, waxa ay sidoo kale weydiisteen in Maxkamadda aysan u fiirin dambiyadii ay horey u galeen maadaama aan hada loo fadhin dacwadooda . Garsoorayaasha ayaa la tashi dhexdooda ah kadib go’aan ku gaaray Aweys Cali Macalim iyo Ayaanle Axmed Nuur in si wada jir ah loogu xukumo sideed sano oo xabsi ciidan ah, sida uu u sheegay dhammaan dhinacyada dacwadda Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute guddoomiyaha Maxkamadda Darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka Side. Maxkamadda ayaa sidoo kale ku wareejisay agabkiisa wiil dhallinyara ah oo ay ka dhaceen camera uu ku raadsan jiray nolol maalmeedkiisa. Xukunsanayaasha ayaa heysta fursad kale oo ay ku dalban karaan Rafcaan hadii aysan ku qancin Xukunka Maxkamadda Darajada Koowaad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  25. Garowe (Caasimada Online)-Wakiilada Midowga Africa iyo Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeeyay waday kulamo ay la qaadanayaan madaxda maamul goboleedyada oo khilaaf uu kala dhaxeeyo dowladda Soomaaliya. Wakiilka Xoghayaha Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya iyo Wakiilka Midowga Africa ee Somalia ayaa la kulmay madaxweynaha Hirshabeelle oo heshiis la ah dowladda Soomaaliya, madaxweynaha Jubbaland oo mucaarad ah iyo madaxweynaha Koofur Galbeed. Arrinta keentay khilaafka dowladda iyo maamul goboleedyada ayaa waxay tahay kadib markii la isku fahmi waayay siyaasadda maamulka dhaqaalaha caalamka ay bixiyaan iyo cunaqabateynta maamulada laga saaray xiriirkoodii dalalka deriska la ah Somalia. Axmed Madoobe, Shariif Xasan iyo C/Welli Gaas waxaa heysta Culeesyo kaga imaanayaan doorashooyinkooda isku xig xiga ee dhacaya bilaha soo socdo, waxaana masuul kastaa uu doonayaa inuu dagaal u galo soo laabashadiisa. Shariif Xasan iyo Axmed Madoobe ayaa u muuqdo kuwo aqbalay wadahal ay la galaan dowladda Soomaaliya, kadib balanqaadyo loo sameeyay, waxaana aad looga baqayaa culeeska siyaasadeed ee Shariif Xasan Heysta inuu sababo inuu xilkiisa waayo. Axmed Madoobe ayaa u muuqdo mid rajo weyn ka qabo inuu soo laabto, sababtoo ah waxaa jiro Hanjabaado wasiirkiisa amniga uu jeediyay Shalay, taasi oo si cad u muujisay in marnaba aysan aqbaleyn shaqsi dhaqaalo lagu bixiyo inuu ka tartamo magaalada Kismaayo. C/Welli Gaas ayaa heysta Fursad u horseedi karta inuu dib usoo laabto, taasi oo ah inuu saaxiib dhow ka dhigto hogaanka sare ee dalka, maadaama marar badana arrimo siyaasadeed ay isku qabteen. Culeesyada Gaas ka heysto madaxweyne ku xigeenkiisa, saraakiisha ciidamada iyo fulin la’aanta balanqaayadii uu sameeyay ka hor doorashadiisii ayaa horseedi kara in musharixiin kale uu culees kala kulmo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com