Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,144
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The U.S. Defense Department awarded a more than $12 million contract for “emergency runway repairs” at Camp Baledogle, Somalia, last month. Source: Hiiraan Online
  2. A former Al-Shabaab deputy leader has announced his entry into politics, local media portals and journalists in Somalia have confirmed. Source: Hiiraan Online
  3. Article 25 (1) of the Provisional Constitution of the Federal Government of Somalia (FGS) states that “Every person has the right to an environment that is not harmful to their health and well-being, and to be protected from pollution and harmful materials. Source: Hiiraan Online
  4. Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa dhowaan soo shaac-baxay Website lagu sameeyey magaca Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, kaasoo keenay shaki weyn oo ku aadan inuu Ra’iisul wasaaraha isku soo sharixi doono doorashada soo socoto ee sanadka 2020 ama 2021. Websitekaan Hawada soo galay oo ay weli ku socoto dhismo ayaa waxaa diiwaan geliyey mid ka mid ah Gacan yarayaasha Ra’iisul wasaare Kheyre sida ay xogta sheegeyso, kaasoo lagu magacaabo Yaxye Cali, taariikhda markay aheyd 07-06-2018. Si kastaba, shalay ayaa qeybta warfaafinta xafiiska Kheyre waxay sheegeen in website-kan uusan shaqo ku lahayn ra’iisul wasaaraha, balse ay sameysteen dad iska dhigaya Kheyre oo doonaya inay ka been sheegeen, ayaga oo xilli aan la gaarin doorasho, olole gelinaya ra’iisul wasaaraha. Xafiiska Kheyre waxa uu sidoo kale sheegay inay baaritaan ku sameynayaan arrintan si ay usoo ogaadaan cidda ka dambeysay. Hase yeeshee, warka kasoo baxay xafiiska Kheyre ayaan sameyn wax aan ka ahayn inay ayaga xaqiijiyaan in tuhunka la qabay uu yahay mid run ah, waxayna sidan sameeyeen ayaga oo aan ogeyn ama aan dareensaneyn. Tusaale, webka waxaa markii hore diiwaankiisa ka muuqda Yaxye Cali, hase yeeshee markii warbaahinta ka war-heshay arrintan, waxaa durba la sameeyey in la qariyo magaco, oo laga dhigo mid private ah (Gaar), oo aysan arki karin cid aan ahayn qofka diiwaan gashtay. Sidaas darteed, waxaa is-weydiin mudan, haddii webka uu sameeyey qof adeegsanaya magaca Kheyre, oo doonaya inuu xasarad siyaasadeed abuuro, maxaa ku kalifaya inuu magaca qariyo ileen ujeedkiisa ayaaba ah in dadku arkaan magaca website-ka. Xaqiiqda ah in magaca qofka ku saxiixan webka durba la qariyey ayaa muujineysa in cidda qarisay ay tahay kaliya cid aan dooneyn in la ogaado qofka xaqiiq ahaan webka u diiwaan gashan yahay. Xog ay heshay Caasimada Online ayaa muujineysa in sababta xafiiska Kheyre u qariyey magaca webkan ay tahay inaan la ogaan hamigiisa madaxweynenimo, taasina aysan xasarad ka abuurin isaga iyo Villa Somalia. Halkan hoose ka arag sawir aan ka qadnay webka oo uu ku diiwaan gashan yahay Yaxye Cali iyo sawirka markii dib laga qariyey. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  5. Muqdisho (PP) ─ Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Inj. C/raxmaan Cismaan [Yariisow] ayaa qoraalka soo baxay xafiiskiisa uga joojiyay xilka la-taliyihiisa arrimaha Saxaafadda, Shadoor Xaaji Maxamuud. Qoraalka shaqo-jojinta ah ayaan la ogeyn sababta rasmiga ah ee shaqada looga joojiyay, waxaana la-taliyahan uu muddo lasoo shaqeynayay Eng. C/raxmaan Cumar Cismaan [Yariisow]. Sidoo kale, Shadoor Xaaji ayaa hore u ahaa Agaasimihii Warfaafinta Xarunta Madaxtooyada xilligii uu Madaxweynaha ahaa Xasan Sh. Maxamuud, iyadoo xilligaas ay saaxiibbo aad isugu dhaw ahaayeen Guddoomiye Yariisow oo ka mid ahaa la-taliyeyaasha wasaaradda warfaafinta Soomaaliya. Dhanka kale, shaqo-joojintan ayaa kusoo beegantay xilli maanta Muqdisho lagu qabtay munaasabad looga dhawaaqay xisbiga cusub ee mucaaradka ah oo uu horboodayo Xasan Sheekh Maxamuud oo ahaa Madaxweynihii hore ee Somalia. Ugu dambeyn, Wararka hoose ee la helayo ayaa sheegaya in Shadoor Xaaji sababta xilka looga joojiyay ay tahay inuu ka qayb-galay ku dhawaaqista xisbiga cusub ee UPD, kaasoo uu hoggaaminayo Xasan Sheekh, iyadoo la sheegay in madaxda ugu sarreysa dalka ay ka dalbadeen Eng. Yariisow inuu shaqada ka joojiyo Shadoor Xaaji Shadoor. Haddaba, AKHRISO: Qoraalka kasoo baxay Xafiiska Eng. Yariisow PUNTLAND POST The post Duqa Muqdisho oo Shaqada ka joojiay mid ka mid ah La-taliyeyaashiisa Gaarka ah appeared first on Puntland Post.
  6. Muqdisho (PP) ─ Ra’iisul wasaaraha Somalia, Xasan Cali Khayre, ayaa la kulmay maanta Ergayga Cusub ee Xog-hahaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabishan Arrimaha Soomaaliya, Nicholas Haysom oo shalay soo gaaray dalka. Ra’iisul Wasaare Xasan Khayre iyo Nicholas Haysom ayaa ka wada-hadlay wada-shaqaynta iyo dar-dar-gelinta Qorshayaasha Qaranka. “Waxa aan ku faraxsanahay in maanta aan xafiiskayga kusoo dhaweeyo ergayga Xog-hayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabishan Soomaaliya, Nicholas Haysom. Waxaan rajaynayaa inaan wadajir uga shaqayno qorshayaasha Qaran,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Somalia. Sidoo kale, Xog-hayaha Guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, ayaa Nicholas Haysom u soo magacaabay wakiilkiisa Soomaaliya, wuxuuna beddelay ergaygii hore, Michael Keating oo Dalka ka howl-galayay laga soo billaabo 2016-ka. Ugu dambeyn, Ergayga cusub ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa waxaa horyaalla hawlo badan oo ay ka mid yihiin; dhameynta muranka u dhexeeya madaxda maamul-goboleedyada dalka iyo kuwa dowladda dhexe o gaaray heer aad u xun. PUNTLAND POST The post Ra’iisul Wasaare Khayre oo Maanta la Kulmay Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha wasiirrada xukuummadda federaaka Soomaaliya ayaa kulan ay maanta ku yeesheen Muqdisho oo uu guddoominayay ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre, waxa ay ku ansixiyeen go’aan khuseeya hay’adaha caalamiga ah oo dhawaan ay soo saartay wasaaradda qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha. Go’aanka ayaa mamnuucaya in hay’adaha caalamiga ah ee hawl-gala gudaha Soomaaliya ay xafiisyadooda khuseeya arrimaha dalka ay ku yaallaan meel ka baxsan gayiga Soomaaliya. Wasiirka qorshaynta, maalgashiga iyo horumarinta dhaqaalaha, Jamaal Maxamed Xasan, oo August 29, 2018 kulan la qaatay madaxda hay’adaha caalamiga ah ee dalka ka hawl-gala ayaa ku war-geliyay ga’aan ay dawladdu qaaday oo dhigaya in dhammaan hay’adaha caalamig ah ay xafiisyadooda ka furtaan gudaha dalka, kuna shaqo billaabaan kahor Janaayo 01, 2019, isaga oo ku wargeliyay in hay’addii u hogaansami wayda go’aanka dawladda lagala laabanayo ruqsadda. Qorshaha hawl-gelinta xafiisyada hay’adaha caalamiga ah ee Soomaaliya ayaa fududaynaya dardar-gelinta hawlaha isku tolan iyo wada-shaqaynta hay’adaha iyo dawladda federaalka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  8. Mukhtaar Roobow Cali(Abu-mansuur) oo hore u soo noqday guddoomiye ku xigeenka iyo af-hayeenka Al-shabaab ayaa maanta ku dhawaaqay in uu sharraxanyahay xilka madaxtinimada maamul goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya. Roobow oo saaka ka soo kicitimay caasimadda Muqdisho ayaa markii uu gaaray magaalada Baydhabo halkaasi ka shaaciyay in uu u tartamayo doorashada madaxtinimada Koonfur Galbeed oo mudda kooban ka hartay. Abu-masnuur wuxuu Musharraxnimadiisa ku tilmaamay mid ka dhalatay codsiyo badan oo uga yimid bulshada ka soo jeedda degaannada Koonfur Galbeed Soomaaliya,sida uu hadalka u dhigay. Ninkan oo sannado badan ka tirsanaa Al-shabaab,islamarkaana ka soo mid noqday hoggaanka sare ee ururkaasi,ayaa dowladda Soomaaliya isu-soo dhiibay bishii Agoosto ee sannadkii 2017,kadib markii Maraykanku ka saaray liiska argagixisada,islamarkaana uu la noqday lacag dhan $5 malyan dollar oo madaxiisa lagu raadinayay. Khilaaf ba’an oo kala dhex galay hoggaanka sare ee Al-shabaab ayaa sababay in Abu-mansuur uu ka baxo ururka,isagoo in mudda ahna duurka ku jiray,ka hor inta uusan isu-dhiibin dowladda Federaalka Soomaaliya,waxaana jiray dagaallo ku dhex maray isaga iyo malayshiyaadkii uu ka goostay degaanno ka tirsan gobolka Bakool. Qaar kamid ah dadka la socda siyaasadda maamul goboleedka Koonfur Galbeed,ayaa aaminsan in Abu-mansuur ku guulaysan karo doorashada madaxtinimada maamulkaas ee bisha soo socota la qaban doono,haddii uu barnaamij siyaasadeed oo gadmi kara soo bandhigo. PUNTLAND POST The post Rooboow oo isu-sharraxay xilka madaxweynaha Koonfur Galbeed appeared first on Puntland Post.
  9. Waxaa maanta Muqdisho lagu daahfuray xisbiga midowga nabadda iyo horumarka, waa xisbi qaran oo ay ku bahoobeen in ka badan 80 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin bulshada caan ka ah, aqoonyahan, indheergarad, haween, dhalinyaro iyo dhammaan qeybalaha kala duwan ee ku nool guud ahaan jamhuuriyadda Soomaaliya. Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka, waxaa guddoomiye KMG u ah Xasan Sheekh Maxamud, oo ahaa madaxweynihii 8-deedaad ee Soomaaliya 2012-2017. Haddaba, khudbad uu goobta ka jeediyey waxaa uu xusay inuu yahay nin tanaasul, oo wixii hore uu ka soo tagay, isaga oo arrintaas ka hadlaya waxaa uu yiri “umadaha dagaallada sokeeye ka soo baxay, taariikhdii la soo dhaafay, waa lagu kala aragti duwanyahay, geesigii shalay ninbuu burcad u yahay, burcadkii shalayna ninbuu geesi u yahay, laakin aniga waxaan rabaa hal meel in aan ka qaato, taariikhdii la soo dhaafay, wixii wanaagsanaa oo dhacay ayaan rabaa in aan ka qaato”. Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka mudane Xasan Sheekh mar uu ka hadlay Somaliland waxaa uu ku booriyey shacabka Soomaaliyeed iyo dowladdaba in loo tago arrintaas waxaa uu ka yiri “Walaalaha waqooyiga ee sida taarikhda halkan looga dhawaajiyey, soo keenay midnimada iyo walaaltinnimada halkan u yimid, oo la isugu biiray, kuna sameysantan jamhuuriyaddii Soomaaliya 1960, runtii waxaa ay mudanyihiin in taariikhda lagu xuso, wanaaggaas iyo niyad samida Soomaalinnimada ay maalintaas noola yimaadeen, maanta duruufta waa isbadashay, oo walaalahaas waa maqanyihiin, oo waxbey tabanayaan, magaca dowladnimada ayey wax ku tabanayaan, magaca dowladnimada in lagu dhibay, oo wax looga bi’iyey ayey tabanayaan, waxaa ila haboon marka dadka Soomaaliyeed dowlad iyo shacaba in aan walaalahaas garawshiyo siinno, markeenna aan u geynno, oo aan u tagno, oo aan midnimadii , dowladnimadii iyo walaaltinimadii in aan qaadno, oo aan agtooda geyno, waan hubaa in aaney nagu soo celineynin”. Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka mudane Xasan Sheekh waxaa uu soo jeediyey in Somaliland iyo Puntland looga deydo waxa ay ku fiicanyihiin“Somaliland ayaa kiis ah, oo tijaabo ah, oo doorashooyinka iyo nidaamka ay sameysay iyo baahinta xukunka ilaa heer degmo ay u gaarsiiyeen, waa tarjubo Soomaaliyeed oo la qaadan karo, degenaashiyaha iyo nabadda ka qaadasho ayey leedahay, Puntland oo ku xigta ayaa sidoo kale ah, degenaashiyaha iyo nabadda iyo horumarinta, waayo-aragnimo iyo ka qaadasho ayey leedahay”. Mudane Xasan Sheekh waxaa uu sheegay in joogo xilligii gorgortanka, wadahadalka ee laga soo tagay kaligii-taliyennimada “In qof ama wiil Soomaaliyeed inta soo baxo aniga ayaa dalka xoog ku qabsaday, anigaana u taliya inta ha laga baxo inuu yiraahdo, oo keligiis oo talada maroorsado, waa laga soo quustay, reer reer qurac la yiraahdo inat isku tagaan, wiilashooda qoryo u dhiibaan, dalkan xoog ku qabsaneynaa ay dhahaan iyadana waa laga yimiday, oo waa laga soo quustay, maxaa soo haray marka? Waxaa soo haray in si nabad ah, oo wadajir ah, oo wadatashi ah, loo tashado, oo talada loo wadaago fursadda hartay waa middaas, waa midda aan waayihii dhowaa ku soo mashquulsaneyn, hadda iyo mustaqbalka soo socdana aan ku soo mashquuli-doonno”. Ugu dambeyntii, Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka mudane Xasan Sheekh waxaa uu soo jeediyey in la ixtiraamo xeerarka iyo hey’adaha dastuuriga ee dalka ka jira iyo muddada xil-heynta, isaga oo arrintaas ka hadlayey waxuu yiri “Muddada talada laguu igmaday markay dhammaato, si qaanuuni ah, oo nidaami ah in aad uga tago, oo aadan talada ka sii laalacshoomin, oo aadan raaracsoomin”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  10. Waxaa maanta Muqdisho lagu daahfuray xisbiga midowga nabadda iyo horumarka, waa xisbi qaran oo ay ku bahoobeen in ka badan 80 xildhibaan oo ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, siyaasiyiin bulshada caan ka ah, aqoonyahan, indheergarad, haween, dhalinyaro iyo dhammaan qeybalaha kala duwan ee ku nool guud ahaan jamhuuriyadda Soomaaliya. Xisbigan oo isaga oo weyn dhashay, waa isbadal-doon, waa midowga ururada Daljir, Peace and Development Party (PDP), Kutlada Horusocod, siyaasiyiin iyo aqoonyahan indho u ah bulshada Soomaaliyeed. Marka laga soo tago mas’uuliyiinta, xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka, xafladda daahfur-ka waxaa sidoo kale goobjoog ka ahaa 3 xisbi qaran, siyaasiyiin madaxbannaan iyo marti sharaf kale, iyada oo si weyn looga hadlay isbadalka uu xisbigan cusub ku keeni karo siyaasadda Soomaaliya. Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka, waxaa guddoomiye KMG u ah Xasan Sheekh Maxamud, oo ahaa madaxweynihii 8-deedaad ee Soomaaliya 2012-2017. Mudane Xasan waaa aabihii Federalism-ka Soomaaliya, isaga ayaa dhisay Jubbaland (2013), South West (2014), Galmudug (2015) iyo HirShabelle (2016), wuxuuna dhismahooda ka galay gorgortan iyo dadaal dheer oo sanado qaatay. Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) waxaa uu fursado gaar ah u diyaariyey dhalinyarada, waayo waa laf-dhabarta umadda, waxaa ay dhalinyarada noqon-doonaa hoggaanka lagu tashto. Si la mid ah dhalinyarada, Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) waxaa qeyb muhiim ka ah haweenka, waxaa ay ka mid yihiin aasaasayaasha, waana kuwa u suuro-gelin-doono inuu xisbiga galo guri walba oo Soomaaliyeed. Mas’uuliyiinta xisbiga oo la hadlay Goobjoog News waxaa ay sheegeen in ay hadda xoogga saarayaan sidii shirweyne heer qaran, oo dal iyo dibad la isaga yimaado, laguna doorto maamul rasmi ah u yeelan lahaayeen March 2019-ka. Goobjoog News Sawirrada Xafladda Daahfurka Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) Source: goobjoog.com
  11. It was 25 years ago this week that some of America's most elite military forces were pinned down by hundreds of Somali fighters in an intense battle in Mogadishu that killed 18 U.S. service members. Source: Hiiraan Online
  12. Muqdisho (Caasimadda Online) – Isaga oo ka hadlayey Munaasabadda ku dhawaaqtista ayuu Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi waxuu sheegay in Midowga Axsaabtaan ay doonayaan iney ku badbaadiyaan dalka loogana shaqeeyo sidii lagu hor marin lahaa ayuu yiri Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi,khudbaddiisa oo aad u dheereed waxa uu kaga hadlay Xisbigaan iyo sidii uu ku yimid aas-aasitaankiisa waxaana uu tilmaamay in Madaxweynihii hore uu hormuud u yahay nidaamka Xisbiyada badan ee dalku uu galay. “Xisbigan Midowga Nabadda iyo Hormarka wuxuu mideynayaa Xisbiyada Daljir, BDB, iyo kutladda Horusocod oo ay ku mideysanyihiin Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka oo Siyaasad ahaan la aaminsanyahay in ay ka soo hor jeedaan Dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo Siyasiyiin badana ay u arkaan in ay tahay sababtii loo unkay. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi ayaa shaaca ka qaaday in ujeedka Midowga Xisbiyadaan uu yahay sidii dalkan looga samatabixin lahaa dhibaatada uu ku jiro “ayuu yiri Fiqi,waxaana maanta ka qeybgalay Siyaasiyiin badan iyo Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka Munaasabadda lagu soo bandhigayay Xisbiga uu Hogaamiyaha Madaxweynihii hore ee Soomaaliya. Xildhibaan Fiqi ayaa sheegay in Howlka ay ka socotay Xaflada xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ay yihiin Siyaasiyiin faraxsan balse kuwo maqan ay yihiin kuwo cuqdadeysan. “Siyaasiyiinta Farxsan Waa kuwaan Kuwa Xanaaqsan Waa Kuwa Kale” Sidoo kale Axmed Macalin Fiqi ayaa soo dhaweeyay xisbiga Cusub oo dhawaan la filayo inay ku dhawaaqdo xukuumadda Soomaaliya ee uu dhawaan shaaciyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar). Ugu dambeyn waxa uu sheegay in Hantida dowladda dadka dhan ay ka wada dhaxeyso,isla markaana uu ka digayo in dad gaar ah ay si qaldan u isticmaalaan. Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi waxa uu ka mid ahaa Siyaasiyiin ka soo hor jeeday Xasan Sheekh Maxamuud xiligii uu ahaa Madaxweynaha dalka sanadkii 2012-2017 hase,ahaate badi Siyaasiyiintii mucaaradka ku ahaa dowladdaas ayaa maanta ka qeybgalay Munaasabaddaan iyaga kuwa ka mida ay yihiin Hogaamiyaal Xisbi. Halkaan hoose ka dhageyso hadalkiisa: https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Xildhibaan-Fiqi.mp3
  13. MOGADISHU (Caasimada Online)–Somali PM Hassan Ali Khaire has held talks with the new UN Secretary-General’s special representative and Head of UN peacekeeping mission to Somalia, Nicholas Haysom in Mogadishu. Somali PM Khaire says he had fruitful talks with newly appointed UN Secretary-General’s special representative to Somalia. “We look forward to working in partnership with you as you begin your deployment”, he said. UN envoy Nicholas Haysom says he had met with PM Khaire. Haysom says he is pleasure to have talks with Somali PM, saying United Nations is committed to continue supporting Somalia. Nicholas Haysom succeeded Michael Keating of Britain, after arriving Somali capital Mogadishu on Wednesday. Haysom, born in 1952, is a lawyer with a long international career with a focus on democratic governance, constitutional and electoral reforms, reconciliation and peace processes, said the press office. Last month, UN Secretary-General Antonio Guterres has appointed Nicholas Haysom of South Africa as his special representative for Somalia and head of the UN peacekeeping mission in the country. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  14. Muqdisho[Puntland Post]-Kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho Golaha Wasiirada ee Xukuumada Soomaaliya ayaa waxaa ay maanta oo khamiis ah kaga doodeen qodobada ay ka mid yihiin qabya-tirka iyo dib-u-eegista dastuurka, amniga, siyaasadda, iyo Hantida Qaranka. Ra’iisul Wasaaraha xukuummadda Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta Shir guddoomiyay kulanka golaha wasiirrada. Xasan Cali Khayre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa amar ku bixiyay in dhammaan dhinacyada wada-shaqaynta la leh wasaaradda arrimaha dastuurka ay fududeeyaan hawlaha ay qaybta uga yihiin qabyo-tirka dastuurka, islamarkaana dalka uu u helo dastuur dhammays-tiran. Hoos ka daawo warmurtiyeedka shirka golaha wasiirada soomaliya Cabdiqani Boos Puntland Post The post Shirkii Golaha Wasiirada Soomaliya oo loga hadlay Qabyo tirka Dastuurka. appeared first on Puntland Post.
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, ahaana duqa Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa waxa uu ka hadlay dilalka ka dhacaya Muqdisho iyo kooxo burcad ah oo xilliyada habeenkii dhac ka geysanaya Magalada Muqdisho. Isaga oo wareysi siinayey Idaacadda Dalsan ee Muqdisho ayuu sheegay in dhibaatooyinka amni ee ka dhacaya Muqdisho xilligaan ay yihiin kuwo sii kordhaya, isla markaana dhibaato ku tahay Shacabka ku nool Gobolkan Banaadir. Waxa uu sheegay in dadka dhibaatooyinka Shacabka u geysanayo ay u baahan yihiin in gacan bir ah lagu qabto, cadaaladana la hor-geeyo dadka ka dambeeya falalka ee loo qabtay. Isaga oo sii hadlayay ayuu sheegay in Muqdisho albaabooyin farabadan ay ka furan yihiin, islamarkana ay ku soo kordheen dhibaatooyin aan jirin xilligii uu ahaa guddoomiyaha Gobolka Banaadir. Ugu dambeyn Hay’adaha aniga ayuu ugu baaqay in mar walba ay ku dadaalaan sidii ay uga hortagi lahaayeen dadka dhibaatooyinka geysanaya si dadku ay ugu noolaadaan amni wanaagsan. Hoos ka dhageyso wareysiga guddoomiyihii hore ee gobolka Banaadir https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/10/Wareysi-Yuusuf-Xuseen-Jimcaale-Guddoomiyihii-hore-Ee-G.Banaadir-1.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  16. MOGADISHU (Caasimada Online) The African Union Mission in Somalia (AMISOM), sent a congratulatory message to Nigeria on its 58th Independence anniversary, which was marked in the Somali capital of Mogadishu on Monday. The deputy Head of AMISOM, Mr. Simon Mulongo, hailed Nigeria for its contribution to global peace support operations. Mulongo officiated the country’s Independence day celebrations, held last evening. “As a police contributing country, Nigeria is one of those that have made impeccable contributions and have one of the strongest contingents of police, the Formed Police Units, here in Somalia,” said the deputy AU Special Representative for Somalia. The Independence Day celebrations was attended by senior AMISOM and UN officials, among them, the Head of UNSOS Ms. Lisa Filipetto, the AMISOM Force Commander Lt. Gen. Jim Beesigye Owoyesigire, and the AU Mission’s Head Mission Support Maj. Gen. (Rtd) Fidza Dludlu. Nigeria’s contribution to peace support operations in Somalia dates back to 1992 when the country contributed troops to the United Task Force in Somalia (UNITAF). In her remarks, Head of UNSOS Ms. Lisa Filipetto recognized the efforts and achievements of Nigeria, in the furtherance of global peace, and at the same time paid tribute to the Nigerian Armed Forces, the police and other security and law enforcement agencies, who are making supreme sacrifices by “working under such difficult conditions in various parts of the world, including Somalia”, to foster peace. “I would like to pay homage to the Nigerian Formed Police Unit, the Individual Police Officers and the civilians of both AMISOM and UN, for their efforts to find peace in Somalia,” said the Head of UNSOS. Ms. Filipetto assured AMISOM and the Troop Contributing Countries, of the UN’s unwavering support. “We, in the UN, will do our best, to ensure we provide AMISOM and all the TCCs and PCCs, the most effective and efficient logistical support to enable the Mission achieve its mandate. We are really guided by the fact that the success of AMISOM is the success of us all,” she stated. Nigeria has been a major contributor of troops and police to UN peacekeeping operations since 1960. “We solely believe and share a common goal of making Nigeria a great nation,” noted Lt. Col. Ogbonnaya Igwe, the lead organizer of the Independence celebrations. Nigeria maintains police presence in Somalia through the deployment of Individual Police Officers (IPOs) and the Formed Police Units (FPUs), under the African Union banner. PRESS RELEASE
  17. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa magaalada Muqdisho ka dhacday Munaasabad lagu daah furayo Xisbiga cusub ee Midowga Nabadda iyo Horumarka oo uu hoggaaminayo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Xafladda ayaa waxaa kasoo qeybgalay boqolaal dad ah oo ka kala yimid magaalada Muqdisho, waxaana ka mida tobanaan xildhibaan oo ka tirsanaa kooxdii Qabyo iyo Xisbiga Daljir, iyadoo hoolka ay ay camireen xubnaha xisbigii hore ee madaxweyne Xasan Sheekh. Xafladdaan ayaa waxaa Maanta ka qeybgalay ku dhawaad 2 Kun oo qof kuwaas oo isugu jiray XIldhibaano, Siyaasiyiin iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada. Durba waxaa dalka Soomaaliya ka bilowday hadal heyn ku aadan Xisbigaan cusub ee Xasan Shiikh Maxamuud hoggamiyaha u yahay. Inta badan dadka Muqdisho ayaa Maanta hadal hayo Xisbiga maanta Xasan Shiikh Maxamuud loogu caleymo saaray inuu hoggaamiye u noqdo. Meelaha lagu Falanqeeyo siyaasadda ee Magaalada Muqdisho ayaa Maanta si weyn looga hadal hayey Xisbigaan oo ay dadka qaar ku tilmaameyn inuu yahay mid adag oo tartan culus ka geli doono Dowladda Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo waqtigeeda uga dhiman yahay muddo laba sano ah. Sidoo kale dadka qaar ayaa aaminsan inuu xisbigaan yeelan doonin wax saameyn ah maadaama uu madax u yahay Madaxwyenihii hore ee Xasan Shiikh kaasoo ku fashilmay tartankii uu Farmaajo la galay. Prof. Cabdiraxmaan Maxamed oo ah aqoon yahay ku takhasusay Cilmiga siyaasadda ayaa Shabakadda Caasimada Online u sheegay in Xisbigaan cusub uu u baahan yahay siyaasad adag si uu ugu guuleysto doorashada soo socoto maadaama uu sheegay inay jiraan Siyaasiyiin kale oo adag oo xisbiyo sameystay. Xasan Shiikh Maxamuud ayaa dalka Soomaaliya madaxweyne ka aha Afar sano, wuxuuna waqtiga uu xilka hayey la kulmayey eedeymo badan oo ku aadan inay dhaceyn musuq maasuqyo waaweyn oo aan horey Soomaaliya looga arag. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. MOGADISHU (Caasimada Online)–Former Al-Shabaab deputy leader Mukhtar Robow Abu Mansour has announced his candidacy for the leadership of Southwest regional administration. The election is set to take place next month as Abu Mansour will compete against the incumbent Sharif Hassan Sheikh Aden and several others Sheikh Mukhtar Robow was removed from the terror list in June last year and a $5 million bounty on his head was withdrawn. In August last year, he surrendered to Somali government after several days of clashes between his militias and Al-Shabab. He reportedly has support from some regional lawmakers. Robow once freed several Somali MPs after Al-Shabaab captured Baidoa in 2009. Al-Shabaab accused him of having ideological differences with leadership. Human Rights Watch (HRW) has also accused Robow of being had a leadership role in the group when it documented indiscriminate attacks on civilians, forced recruitment of children and other abuses in Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  19. Sida uu qorshuhu yahay Somaliland waxaa ka dhacaysa sannadka soo socda ee 2019ka doorashada baarlamaanka iyo degaanka taasi oo ku muddaysan 27ka bisha March. Hase ahaatee qabsoomidda doorashooyinkan oo horay walaac looga muujiyay ayaa waxaa haddana ka taagan muran la xidhiidha guddida doorashooyinka oo xisbiyada mucaaridka ah iyo ka muxaafidka ahi ku kala fog yihiin in ay doorashada soo socota maamulaan. Xisbiyada mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa soo jeediyay in guddida doorashooyinka lagu kordhiyo laba xubnood oo dhinacooda ka socda ama la kala diro, halka muxaafidku ay ku doodayaan in aan la kordhin karin guddida lana kala diri karin. Axmed Cabdi Dheere guddoomiye ku xigeenka xisbiga muxaafidka ah ee KULMIYE oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in ay diyaar u yihiin Doorasho xilligeedii ku dhacda ama haddii la kordhinayo lagu daro bil iyo laba. Labada xisbi mucaarid ee UCID iyo Waddani oo iyaguna shalay warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in dib u dhac ku iman karo doorashada. Axmed Cabdi Abyan, musharaxa madaxweyne ku xigeenka xisbiga UCID ayaa yidhi; “kollay habsan ayaa imanaya iyo dib u dhac laakiin inay baaqdaan arrintaasi waa arrin musiibo ku ah waddanka iyo dadka” Xarunta daraasaadka siyaasadda CPA ee fadhigeedu yahay magaalada Hargeysa ayaa horay walaac uga muujisay dib u dhac ku yimaadda doorashooyinka barlamaanka iyo degaanka ee Somaliland. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. MOGADISHU (Caasimada Online)–Kenyan fighter jets carried out an airstrike targeting Al Qaeda linked Al Shabaab group in south of Somalia. The strike took place near El-Adde town in Somalia’s Gedo region, after Kenyan warplanes targeted group’s camp, killing at least 10 militants, including a senior commander. Somali military says the strike killed at least ten Al Shabab militants, including a senior commender, whose name has not been released yet. El-Adde is a town where Kenyan troops under the African Union mission in Somalia had a military base before being withdrawn when nearly 100 Kenyans were killed in deadly gun attack by Al Shabaab in 2016. There was no immediate comment from Al Shabaab over the claims. The rebels have since carried out a string of assaults to punish Kenya for its intervention. Kenyan warplanes often carry out such airstrikes on areas believed to be Al Shabaab hideouts. Neither Kenya nor Al Shabaab have commented on the bombing in the south of Somalia. Caasimada Online Mogadishu News Desk Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa Maanta xaflad soo bandhigis ah loogu sameeyey Muqdisho Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee hoggaamiyaha looga dhigay Xasan Shiikh Maxamuud. Xisbigaan cusub oo ay ku midoobeyn Kooxdii Qabty, Daljir iyo Horusocod ayaa walaac weyn ku abuuray Dowladda Federaalka Soomaaliya oo u aragto XIsbigan inuu caqabad ku yahay qorshahooda ku aadan Doorashada soo socoto. Dowladda Soomaaliya ayaa durba bilowday olole ay uga hortageyso xisbigaas waxaana la sheegay inay dowladda hadda wado diyaarinta Dastuurka Xisbiga ay dowladda Soomaliya ku dhawaaqi doonto dhawaan. Madaxda ugu sareyso dalka ayaa wadatashiyo ka yeeshay sidii xisbigaan looga hortagi lahaa sida ay xogta ku heshay Shabakadda Caasimadda Online oo arrintaan ka wareystay illo wareedyo ku dhow Xafiiska Ra’isulwasaare Kheyre. Sidoo kale madaxda ugu sareyso dalka ayaa wado olole dhanka Baarlamaanka ah oo looga hortagayo inuu xisbigaan awood ku yeesho xubnaha Baarlamaanka taasoo keeni karto inay culeys badan kala kulmaan sida Mooshino joogto ah. Dhawaan ayaa waxaa madaxda ugu sareyso dalka soo kala dhex galay shaki weyn kadib markii la faafiyey website magaca Kheyre lagu sameystay oo la sheegay in laga abuuray Xafiiska Kheyre balse markii dambe ay dowladda ku bilowday baaritaano iyadoo wararka hordhaca ah ay sheegayaan inuusan wax shaqo ah ku laheyn Ra’isulwasaare Kheyre. Soomaaliya ayaa la filayaa inay u gudubto nidaamka axsaabta siyaasadda, iyadoo dhamaadka sanadkan ay ku eg tahay diiwaan gelinta Xisbiyada siyaasadda, sanadka soo socda 2019 ayaa la ogolaan doonin in xisbi la diiwaan geliyo, sidaas darteed 20-kii Xildhibaan ayaa laga doonayaa inay Xisbi ka mid noqdaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Bosaso[Puntland Post]-Munaasibadan oo ahayd mid ay ciidanku kusoo bandhigayeen gaado kaciyaar iyo waliba dhoolatus ayaa mudaddii ay socotay waxa halkaasi kahadlay saraakisha ciidanka badda Puntland ee magacooda looyqaano PMPF . Saraakisha ciidanka ayaa iyagu dhamaanba waxa ay hambalyo ku aadan sanad guuradaasi hawada umariyeen Ciidanka ilaalada xeebaha Puntland ee PMPF,waxana ay ku amaanen howsha adag ee ay uhayaan shacabkooda. Taliyaha Ciidamada Badda Puntland ayaa Cabdirisaq Diiriye Faarax oo ka hadlay goobta ayaa ku dheeraday mihiimada ciidankan loo asaasay iyo waxayabaha ay Puntland ka qabtan. ”Sababtii loo asaasay ciidankani waxa uu ahaa ladagaalanka waxa loogu yeero burcad badeeda Puntland iyo sidokale dib usoo noolaynta sharciga xeebaha,waxana ay ciidankani kamid yihiin ciidamada Puntland ”Sidaasi waxa yiri Taliyaha ciidanka badda Puntland Admiral C/risaaq Diiriye Cismaan ”Runtii waxaan leeyahay ciidanka sanadkan sanadkiisa kale ku gaara nabad iyo barwaaqo iyo idinka oo guta waajibaadkiina qaran ee idin saaran,waxana filaya in dadaal dheer oo lataaban karo aad qarankiina usoo gasheen hadana siiwada guulaysta”Ayuu yiri Admiral C/risaaq Diiriye Cismaan Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Ciidamada Badda Puntland oo u dabaal dagay sanad guuradii 8-aad ee aasaaskooda appeared first on Puntland Post.
  23. Kenya is set to acquire six new US-made light attack helicopter gunships in a multi-billion shilling deal that is being closed in the middle of severe austerity, an international arms magazine has said. Source: Hiiraan Online
  24. The recent arrest of Eritrea’s former finance minister is a troubling sign that repressive tactics continue despite changes in Eritrea’s diplomatic engagements. Source: Hiiraan Online
  25. Wareegto ka soo baxday xafiiska xeer ilaaliyaha guud ee dowlad goboleedka Jubaland,Maxamed Sheikh Cusmaan ayaa lagu mamnuucay in Booliiska iyo maamulka degmada Kismaayo ay ka garnaqaan khilaafaadka ku saabsan la’haanshaha dhulka. Wareegtada ayaa lagu sheegay in Booliiska iyo dowladd hoose degmada Kismaayo aysan awood qaanuuni ah u lahayn,ka go’aan gaarista khilaafaadka dhulka,marka laga reebo in dowladda hoose ay hubiso,soona caddayso ducumintiyada la’ahaanshaha dhulka ee loo yaqaan(sabar logo),halka Booliiskuna mas’uul ka yahay fulinta awaamiirta hay’adaha sharciga. Sidoo kale wareegatada waxaa lagu caddeeyay in hay’adaha dowladdu aysan ka garnaqi Karin dacwadaha salka ku haya muranka dhulka,marka laga reebo hay’adaha garsoorka iyo guddiga xallinta khilaafaadka dhulka. PUNTLAND POST The post Jubaland: Awaamiir laga soo saaray muranka dhulka appeared first on Puntland Post.