Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,154
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa duqeyn ay xalay saq dhexe diyaarado dagaal ka fuliyeen deegaanka Basra ee gobolka Shabellaha Dhexe. Wararka ay heshay Goobjoog News ayaa waxay sheegayaan in duqeyntan lala eegtay xubno ka mid ah Al-shabaab oo halkaasi ku sugnaa. Waxaa jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta oo duqeyntan ka dhalatay, balse lama oga inta khasaaruhu la egyahay. Lama oga weli diyaaradahan duqeynta fuliyey dalka laga leeyahay, balse inta badan weerarada sidan oo kale ah waxaa fuliya diyaaradaha Maraykanka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  2. Ciidamada Mareykanka ayaa sheegay inay qaadeen weerar cirka ah oo ka dhan ah Al-shabaab, isla markaana ay dileen ilaa 9 ka tirsan kooxda. Weerarka ayaa jawaab u ahaa mid ay Al-shabaab ku soo qaadeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed. Warbixin ay soo saareen Mareykanka waxaa lagu sheegay in weerarkan ay qaadeen maalintii isniinta, kaas oo dhacay meel dhacda 40km waqooyi galbeed magaalada Kismaayo. Weerar oo iska kaashadeen Mareykanka iyo Soomaaliya, waxaa qoraalka lagu sheegay in Al-shabaab looga dhaawacay dad kale, sidoo kale weerarka ayaa la sheegay in ay rayidku ka badbaadeen, oo aan khasaare jirin. Mareykanka waxaa uu sanadkan Al-shabaab ku qaaday 24 weerar, kooxdan oo ay Washington ku sheegtay midda ugu khatarsan dalalka saxaraha ka hooseeya. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Group from Whistler, B.C., had been fighting to bring Hassan Al Kontar to Canada Source: Hiiraan Online
  4. Mohamed Hassan feels his panic rising as he strolls on a hushed University of Minnesota campus one brilliant summer afternoon. Source: Hiiraan Online
  5. At least 73,000 have been displaced in the clashes that followed last week's killing of four people in eastern Ethiopia's Benshangul/Gumz region, the state broadcaster said Tuesday. Source: Hiiraan Online
  6. Mozambique will on Wednesday put on trial 180 national and foreign citizens accused of involvement in deadly Islamist attacks in the northern province of Cabo Delgado, sources said. Source: Hiiraan Online
  7. Uganda is experiencing ‘relative quiet’ and remains less vulnerable to Al Shabaab extremism attacks compared to her East African neighbors, Kenya and Tanzania – a new report has revealed. Source: Hiiraan Online
  8. Pressure is mounting on Somaliland and Somalia to sit on a round table and sort their political and border disputes. Source: Hiiraan Online
  9. Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan Axmed Macalin Fiqi oo ah xubin kamid ah xisbiga Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda ayaa si carro leh uga jawaabay warbixin lagu soo daabacay Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA. Fiqi ayaa sheegay inay Wakaalataan tahay mid ka dhaxeyso Ummadda Soomaaliyeed isla markaasna aysan aheyn in loogu adeego siyaasiyiin gaar ah. Fiqi ayaa aad uga carooday qeyb kamid ah warbixin lagu soo qoray Wakaaladda oo ku saabsaneyd Ra’isulwasaare ku xigeenka Dalka Mahdi oo booqday Xarunta Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka. Ereyga uu fiqi sheegay inay qalad aheyd in la adeegsado ah ayaa ah “Xisbul Haakim” maadaama uu sheegay inaysan jirin meel ay ku tartameen Xisbiyo sidaasna uu talada dalka ugu guuleystay Xisbi la dhihi karo Xisbul Haakim. Haddaba Halkaan hoose ka akhriso hadalka Fiqi uu soo dhigay Bartiisa Facebook: Waxaa ii soo dhacday daqiiqado ka hor, fariinta hooose oo ka timid Wakaaladda wararka Soomaaliyeed (SONNA), oo inta aan ka ogahay ah wakaalad dawladeed oo umadda ka wada dhexeysa. “Raiisul Wasaare kuxigeenka Dalka ayaa booqday xarunta Guddiga Madaxa Banaan ee Doorashooyinka,isagoo ka soo qaatay xeerka Axsaabta iyo Shuruudaha Diwaangelinta Xisbiyada Siyaasadeed ee Dalka,si loo waafajiyo Dastuurka Xisbul Xaakimka oo dhawaan looga dhawaaqi doono magaalada Muqdisho. SONNAWES. Waxaa la yaab leh, ayagoo ah wakaaladdii xogta iyo wararka dalka in ay baahiyaan loogu talagalay in ay qaldaan waxyaalo asaasi ah, sida xisbul xaakim, goormaa dalkaan xukunkiisa xisbiyo ku tartameen oo xisbi ku guuleystay xukunka dalka si loo yiraahdo “xisbul xaakim”. Tan kale in xisbi la furtaa muwaadiniinta oo dhan ayey ka dhexeysaa, laakin in mid gaar ah wararkiisa si gaar ah looga tabiyo warbaahin umadda ka dhexeysa soo qalad iyo cadaalad darro umadda laga galayo maahan! Talo, hawlwadeenada wakaaadda iyo warbaahinta qaranka waxaa looga baahan yahay in ay dhowraan sumcadda hey’adaha dawladeed ee ay gacanta ku hayaan, ka digtoonaadaan in xisbi gaar ah loo adeegsado, ama si siman xisbiyada wararkooda loo baahiyo. Dhanka kale waxaan soo dhowaynayaa in la galo tartan saldhiggiisu yahay “Xisbiyo”,lana samaysto summado xisbiyeed, Isla markaana waa in laga fogoodaa in hantida qaranka loo adeegsado dano gaar ahaaneed sida Xisbi oo kale.
  10. A shortage of qualified workers is good incentive for change. Germany's coalition government has reached a deal on several key immigration issues, including making it easier for non-EU citizens to work in the country. Source: Hiiraan Online
  11. When the the non-Muslim world thinks of clothing for observant Muslim women, they tend to picture unflattering and loose silhouettes in drab, dark colors. But style options are endless as long as modesty is a component: some women choose to cover their hair with turban styles, others with hijabs wrapped in soft layers to frame the face; and others do not cover their hair at all, choosing to focus on long dress lengths and sleeves. Source: Hiiraan Online
  12. Riyadh (Caasimada Online) – Kaddib markii Mohammed bin Salman uu noqday qofka labaad ee ugu awoodda qasriga boqortooyada Sacuudi Careebiya, waxa uu diiradda saaray sidii uu u burburin lahaa qoyska caanka ah Bin Laden. 2015-kii, xlligaas oo uu ahaa 29 jir, Maxamed Bin Salman waxa uu ku dhawaaday Bakr bin Laden, oo ah gudoomiyaha shirkadda weyn ee dhismaha ee Bin Laden Group, waxa uu u sheegay sida laga xiganayo lix qofood oo waxa dhexmaray loo sheegay, in uu ka dalbaday in uu doonayo in la shiraakoobo shirkadda. Amiirka waxa uu dalabkiisa u arkayey mid wadanninimo taas oo uu uga caawinayo shirkadda si ay uga gudubto dhibaatada dhaqaale. Bakr bin Laden, maadama uu yahay madaxa shirkadda dhismaha ee ay qoyska uu ka dhashay Osama Bin Laden, islamarkaana boqortooyada ka heli jiray qandaraasyo, waxa uu u nuglaa codsiyada boqortooyada. Laakiin waxa uu markan diiday dalabkii Amiirka, wuxuuna dalbaday waqti uu kula tashado saamileyda kale ee qoyska. Bilihii ku xigay, Amiir Mohammed bin Salman, oo ay dadka inta badan u garan ogyihiin MBS, awooddiisa wey sii korotay. Dhinaca kale shirkadda Bin Laden, waxa ku yimi hoos u dhac awoodeed oo aad u hooseeya. Markii uu xukunka qabsaday Bin Salman, mid ka mid ah tallaabooyinka dowladda qaaday 2015 waxa ay ahayd in dib u eegis lagu sameeyo qandaraasyada dowladda, iyada oo diiradda la saarayo mashaariicda waa weyn kuwaas oo ay ku tiirsanaayeen kooxda Bin Laden. September 2015, maalmo kahor xilligii gudashada Xajka wiish dhisme oo ay leeyihiin kooxda Bin Laden, oo ku dhacay Masjidka weyn ee Makka ayaa sababay dhimashada 107 ruux. Dowladda waxa ay tallaabo ka qaaday shirkadda, iyada oo ka mamnuucday qandaraasyadii ay heli jireen halka ay xannibaad safar ku soo rogtay madaxda sar sare ee shirkadda. Sidoo kale waxa ay dowladda Wasaaradda Maaliyadda ku amartay in ay dib u eegis ku sameyso maashaaricda ay hadda haystaan, iyaga oo u aaneeyey tayo xumadooda. Mas’uul sare oo ka tirsan shirkadda Bin Laden iyo Ilo wareed ka ag dhaw qoyska ayaa sheegay in shilkaas uu dowladda siiyey albaabkii ay shirkadda ka soo geli lahaayeen. Markii la waayey lacagtii ay ka heli jireen dowladda, dhaqaalaha shirkadda Bin Laden hoos u dhac ayaa ku yimi, waxa ayna joojiyeen mushaaraadkii ay siin jireen tobanaan kun oo shaqaaleheeda ah taas oo horseeday rabshado. Bartamihii 2016 waxaa inta badan joogsaday shaqadiii dhisme ee shirkadda Bin Laden oo ay ku jiraan dhismeyaal aas aasi u ahaa qorshaha is bedel ee Maxamed Bin Salman. Habeenkii ay bisha November ahayd 4, 2017, mas’uuliyiinta Sucuudiga wax ay xireen Bakr bin Laden iyo 200 oo ka mid ah madaxda waa weyn ee boqortooyada Sacuudiga, waa tallaabo ay ugu yeeraan mas’uuliyiinta in ay kula dirirayaan mausuq maasuqa. Sidoo kale, Daraasiin ka mid ah qoyska Bin Laden oo ay ku jiraan carruurta ay dhaleen walaalahood waxaa laga xannibay akoonnadoodii iyo safaradda dibedda. Bakr waxa u bilowday xarig soconayey muddo ka badan 10 bilood. Sida kuwo badan oo kale waxaa lagu hayey Hotel-ka Rits-Carlton ee ku yaal Riyaad. Sidaas oo kale waxaa lagu hayey walaalahiis Saleh iyo Saad kuwaas oo saamiley waa weyn shirkadda ka ah. Walaalaha kale ee Bin Laden – Omar, Ahmed, Mohamed Abdullah iyo Yahya waxaa muddo yar iyagana lagu hayey Hotel-ka, sida laga soo xiganayo afar qof oo xiriir la leh qoyska. 23kii April, dowladda oo soo mareysa shirkadda Istidama Holding Company waxa a la wareegtay 36.2% saamiga shirkadda Bin Laden, iyada oo ka faa’iideysaneysa dhibaaooyinkii garay. Waxa ay taas ka dhigneyd intii ay saamiga u lahaayeen Bakr iyo Saleh, sidaas waxaa laga soo xiganayaa dikuminti ay heshay Reuters oo ka timi Wasaaradda Ganacsiga. Mas’uuliyiin sar sare oo ka tirsan dowladda ayaa u xaqiijiyey Reuters in Wasaaradda Maaliyadd ay leedahay Istidama. Si Shaaric ah looma yaqaan shirkadda maadama aysan ahayn mid diiwaan gashan, Reuters wey ku adkaatay in ay xiriir la sameyso shirkadda. Dowladda waxa ay sameysy guddi shan nin ka kooban oo la socday sida shirkadda Bin Laden loo maamulo. Xubnaha waxaa ka mid ah Abdulrehman al-Harkan,oo hore u ahaa madaxii fulinta ee shirkadda horumarinta Dar Al Arkan ee fadhigeedu yahay Riyaad; Khaled Nahas, oo ah xubin ka mid ah petrochemical producer Saudi Basic Industries Corp; iyo Khalid al-Khowaiter, madaxa maaliyadda ee at Advanced Electronics Company, shirkad Teknooloji oo ay sameysay dowladda. Dadkan ay dowladda magacowday ayey dad badan u arkaan in ay maamulidda shirkdda loolan ugu jiraan. “Gundhigga waxa weeye in dowladdu la wareegtay,” waaa sidaas yiri qof Jidda jooga. Saddex meelood labada meel shirkaddda Bin Laden ka soo hartay waxaa wali haysta 15 da’yar ah oo la dhashay walaaha Bin Laden, sida laga soo xigaayo dikuminti ay leedahay Wasaaradda Ganacsiga. Laba qof oo ka tirsan qoyska Bin Laden ayaa lagu daray gudiga shanta ah ee kor joogteenaya habka shirkadda loo maamulayo, Yaha kaas oo jooga xafiiska dame iyo Abdullah, abukaate wax ku soo bartay Jaamacadda Harvard kaas oo gacanta ku haya danaha shirkadda ee Mareykanka. Sidaas darteed shirkadda Bin Laden Group ayaa ayada oo hadda aad u liidata, waxaa qeyb ka mid ah yeeshay Maxamed Bin Salman. Caasimada Online Xafiiska Qaahira Caasimada@live.com
  13. SOUTHAVEN, Miss. (Reuters) - President Donald Trump made an undiplomatic remark about close ally Saudi Arabia on Tuesday, saying he warned Saudi Arabia’s King Salman he would not last in power “for two weeks” without the backing of the U.S. military. Source: Hiiraan Online
  14. Dunidan aan ku Nool nahay Waxaa ka jira Dhaqan Siyaasadeed oo ah Hal mar ayaad Fursad Siyaasadeed lee dahay, Hadaad markaa ka Faa’iideysan waydo Hoggaankaa lagugu aaminay, oo ay kugu Cadaato in Xilkaaga ka soo bixi weyday waa inaad ogolaataa in aad Siyaasada Ka fariisato. Waa inaad noqota nin Aqbalay Fashilkii Siyaasadeed ee uu ka hantiyay Tijaabadii iyo Hoggaankii loo dhiibay, ee uu ku Furay Geediga Ruun aan Cows iyo Biyo toona laheyn, lagana Dhaxlay Dhib iyo Daal ka dhashay Waqtigii Dheeraa ee la soo socday. Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xassan Sheekh Maxamuud, oo ahaa nin Siyaasadda Soomaaliya ku soo galay Waji Cusub oo aysan Bulshadu horey u Arag Xiligiisii, una Hamuum qabto Haggaankiisa, waxaa uu ka tagay Dal Soomaaliyeed oo aan la Dhaqaajin, lana Dibin daab-yeeyay Dadkiisii. Waxaan Arkayaa Mudane Xassan Sheekh oo Haatan ku Mashquulsan inuu Mar kale dib u soo koro Masraxa Hoggaanka Siyaasadeed ee Soomaaliya, Yag leelayna Xisbi Siyaasadeed, la Sheegay inuu Gun dheer yahay, kuna Mideysan yihiin Xubno Siyaasiyiin iyo Xildhibaano ah. Waa Arrin I Cajab gelisay, waana mid aan Horey u Filayay inaan Arki doono Damac Xassan Sheekh Weli uu ka lee yahay Hoggaanka Siyaasadeed ee Soomaaliya, maadama Siyaasiyiinta Soomaaliyeed aysan Aqoon Fashil haduu ku Taabto Fadhi Wanaag ku Bedel, taas oo ah tan Hor-taagan in Soomaaliya horey u Socoto. Madaxweynihii Hore ee JF Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh, Isagu Sidee isku Arkaa? Taariikh-du se Sidee u Aragtaa ? Waa inaan Wax Iska Waydiino Ma Shacabka Soomaaliyeed ayaa liita oo wax Magarato ah Mise Madaxda Soomaaliyeed ayaa ah dad aan damiir lahay oo aan xishoon. oo aan Khaladka ka ay galaan aan xisaabin. Madaxweynihii Hore ee Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, tan iyo Socdaalkiisii uu dib ugu laabtay Magaalada Muqdisho, waxaa soo baxayay inuu noqonayo Hoggaanka Xisbi Siyaasadeed ay ku mideysan yihiin Mucaaradka, kaas oo ka qeyb-galaya Doorashada 2020-ka, taas oo si Rasmi ah loogu dhawaaqay 30-September-2018-ka. Xisbigan cusub oo loo bixiyey yahay Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda, ayaa waxaa ku Midoobay Xisbiga Daljir, Kutlada Horu-socod, PDP iyo Siyaasiyiin, mana aha Aragti ahaanteyda Xisbi lagu abuuray dareen dad kala gadisan iyo qadiyada dalka soomaaliya dhibaatada dheeraatay looga saarayo. Waxaa Is-weydiin Mudan Xisbiyadda iyo Siyaasiyiin ku Midoobay Xisbigan Cusub, Sidee u tir-tiri karaan Taariikh-da Madow ee u Gashay Masraxa Siyaasadda Soomaaliya Xassan Sheekh, iyadoo Xusid mudan tahay in Siyaasiyiinta Xisbigan qeybta ka ah inay ahaayeen kuwii ugu Caansanaa ee Dhaliili jiray Siyaasadda Fashilmatay ee Mr. Xassan. Xassan Sheekh Maxamuud, waxaa taabtay Fashil Siyaasadeed intii u dhaxeysay 2012-2016-kii, ee uu Hoggaanka u hayay Siyaasadda Soomaaliya, waxaa uu Soomaaliya Dhaxal siiyay Ceebo aysan Hortiis laheyn, waxaana uu Hanjab ku riday Shacabka Soomaaliyeed oo Qaarkood Ilmo ilaa ay haatan ka Qubaneyso. Maxaad Ka Xasuusataa Hoggaamintii Fashilmatay Ee Madaxweynihii Hore Mudane Xassan Sheekh ? Anigoon Aragti ahaanteyda aan soo Koobi Karin Xasuusihii Xumaa ee laga Dhaxlay Hoggaamiyihii ku Fashilmay Siyaasadda Xassan Sheekh, ayaa waxaan ku soo koobi Doonaa 5 Qodob, oo ay Muhiim aheyd inuu Mr. Xassan uga baxo Damaca weli uga jira Hoggaanka Siyaasadeed ee Soomaaliya. 1)Aqoontiisa Siyaasadeed oo Saldhig u Noqotay Abuurida Ururo gaar ah. 2)Dhicida iyo boobka Dhaqaalaha Wadanka iyo Xilalkii dawladda. 3)Magacaabista iyo Is-qabashada Ra’iisulwasaarayaal badan. 4)Fashilinta Siyaasadii Arrimaha Dibedda Soomaaliya, oo Meeshii ugu Hooseysay Gaartay. 5)Sharci u Sameyn-sashada iyo Dhaca Dhulkii Danta Guud ee Muqdisho ku yaallay. 7)Dilka xildhibaano iyo siyaasiin iyo dad qiimo kuleh bulshada 8 Fadeexadii Gobalka hiiraan iyo Galmudug Qasbida shacabka 9)xil u dhiibida wiila u adeer u yahay Taliyaasha Ciidanka Qaranka sida NISA 10)Iska horkeenida madaxda maamul gobaleedyada bur burinta heshiisyada laga lay. Talo ku Socota Madaxweynihii Hore ee JF Soomaaliya Xassan Sheekh. Soomaalidu Waxa ay ku Maah-maahdaa “Baso Waa Baso, Si Kastoo Loo Subko”, Sidoo kale Waxa ay ku Maah-maahdaa Soomaalidu “Wax Tagay Tiigsimaad ma Leh”, Mudane Xassanow hadii aad Hoggaan Siyaasadeed oo Wanaagsan lee dahay, horaan kuugu soo Aragnay Hoggaan xumi. Waxaa ku haleelay Fashil Siyaasadeed oo aan Marnaba Fursad ku siin doonin inaad Hoggaamiso Siyaasadda Soomaaliya, “adna Waxba Carro iyo Ceeb ha ka sii Fagin”, Fadlan Jaanis sii Siyaasiyiinta kale ee Soomaaliyeed ee Damacuna uga jiro inay Hoggaan-shaan Dalka. Danjire Maxamed Caalim Aqoonyahan Soomaaliyeed, oo Muddo 30 Sanno ahna kusoo Dhex jiray Siyaasadda Soomaaliya. Email: Caalim68@hotmail.com Telfoon: +358458712195 Helisink, Finland Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  15. Hordhac/Gogol-Dhig Allaah ayey mahad oo idili usugnaatay. Nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo. Intaa kabacdi, aqristoow safaaradaha Soomaaliya waxbadanoo kamid ah musuqmaasuqa xad dhaafka ah ee kasocda, weey kadharagsan yihiin ardeyda, ganacsatada, iyo qoysaska dalalkaa jooga, mahubo in dowlada dhexee loowada dhanyahaye hadda jirtaahi, sidaa si la mid ah iyana uga dharagsan tahay. Aan toos ugalee anigoon wadamo gaar ahna tilmaamin, hadana dalalka qaar ee safaaradaha aan kuleenahay, waxeey bixiyaan deeq-waxbarasho/Minxooyin/Scholarships, ama hadaan sikale udhahno, waxbarasho lacag la’aan ah, oo nuuckasta isugu jirta.Waxbarashadaas lacag la’aanta ah, waxaa loogu deeqay ummadeena Soomaaliyeed, ee dhibka dagaalka sokeeye uu haleelay. Waxaana loogu dhiibaa safaaradaha dalalkaa inooga wakiiilka ah. Meeshii ummada Soomaaliyeed, si xalaal ah, oo cadaaladi kujirto, lagusoo gaarsiin lahaa, ayaa nasiibdarro! Waxaa gatoo booba, dhaqaalana kasameeya deeqdaa waxbarasho, ee loogu talagalay ardeyda Soomaaliyeed, safiirka, kuxigeenkiisa, iyo inta sida hoose ugala shaqeeysa. Waxaa deeqdaa waxbarasho lagu gataa, qiimo kala duwan, waxaana loogadaa, qaab qabyaaladeed, mararka qaarna, sida loo kala dhaqaale badanyahay. Tusaale ahaan; kuraasta deeqda waxbarasho, ee caafimaadka (Medicine), waxaa lagu kala gataa, inta udhaxeeysa: Lix kunoo doolar-Illaa-toban kunoo doolar ($6000-to-$10,000). Kuraasta Injineerinka (Engineering), iyana waxaa lagu kalagataa: Sadex kunoo doolar-illaa-lix kunoo doolar ($3000-to-$6000). Taqasusyada kalee waxbarasho, sida shareecada, ganacsiga, dhaqaalaha, arimaha qaanuunka, saxaafada……iwm iyaga waxa lagu kala gataa: Kun iyo shan boqoloo doolar-illaa-sadex kunoo doolar ($1500-to-$3000). Waxaa intaa kuusiidheer, in kuraasta ama boosaska deeqaha waxbarasho, ee sanadkasta dowladahaa bixiyaan, aaneey aheyn hal iyo labo kursi, oo xaqiiqdii tira badan yihiin. Nasiibdarro! Dhaqaalahaa ardeyda Soomaaliyeed, ee masaakiinta ah laga qaado, masoogaaro dowlada Soomaaliya, oo jeebka shaqsiyaad gaar ah, ayey si toos ah ugu dhacdaa, sida: Safiirka, Kuxigeenkiisa, iyo inta ka agdhow. Waxaa intaa kuusii dheer, marka kuraastaa madaxda safaaradu isla gataan, lacagtana sida eey hore ugu heshiiyeen ukala qeybsadaan, ayaa hadana waxaa jira, kuraas dheeri ah, oo eey uqaraab tagaan. Waxaa jira wadamo qani ah, sida Carabta guud ahaan, gaar ahaana kuwa Khaliijka, kuwaasoo kahela sanadkasta, deeqo waxbarashoo aaneey ubaahneyn. Qaar kamid ah safaaradaha Soomaalida, oo arintaa kadharagsan, ayaa uqaraab iyo lufluf taga safaaradaha dalalkaa, si kuraastaa wadamadaa kale aaneey ubaahneyn ugasoo qaataan, iyagoo kusoo tuugsanaya, in dalkeenu burburay, xarumihii waxbarshoo dhanna inaga baaba’een, cidkastana aan uga baahi badannahay deeqahaa waxbarasho, sidaa daraadeedna ummada Soomaaliyeed lasiiyo, kuraasta deeqahaa waxbarasho. Marka lasoo siiyana, nasiibdarro! Waxeey sidaa si lamid ah, hadana uga gadaan ummadii Soomaaliyeed, ee madaxooda, iyo magacooda deeqahaa waxbarasho, eey kusoo qaadeen, iyagoo uga iibinaya, qaabkii iyo qiimihii aan hore usoo sharaxnay. Safaaradaha marka eey sidaa uga gadanayaan, ummadeena Soomaaliyeede tabaaleeysan, kuraasta deeqihii waxbarasho, ee iyaga loogu talagalay, waxeey ku andacoodaan, in dhaqaalahaa eey ukaashanayaan qarashaadka safaarada, sida: Korontada, biyaha, ijaarka guriga iyo mushaarka….iwm. Hadana qaarkoodbaa guryo waaweynoo dibadaha ah kadhistay. Waxaase xusid mudan, in safaaradaha qaar waxkastoo qarashaad ah, eey kabixiyaan dowladaha eey inoo fadhiiyaan. Taasoo masiibo qaran inoo keentay. Halkan kafiiri qormo aan arintaa kasameeyney. Sababta kuqasbeeysa Ummadeena Soomaaliyeed, ineey safaaradahaa kagataan kuraasta deeqda waxbarasho, ee magacooda lagusoo qaaday, looguna talagalay in lacag la’aan, si cadaalad ah loogu qeeybiyo ayaa ah, waa marka koobaade, hadii eeysan lacagtaa bixin, cidkaloo bixineeysa ayaa hore looga gadanayaa, cid waxkaqaadeeysa madaxdaa safaaradaana, aaneey hore ujiri, sidii burburkaba udhacay, waloow hadda xaalku isasoo badalayo, oo eey muuqato in safaaradaha eey laxisaabtameeyso xukuumada Nabad iyo Nolol. Tusaale waxaa inoogu filan, arintii kadhacday safaarada Suudaan. Tan labaad hadii aad dhahdo si shaqsi (Private), ayaan isaga bixinayaa, dadka intiisa badan ma awoodi karaan, maxaayeelay booska caafimaadka, marka aad wadamada qaar, adiga qarashka iska bixineeyso sanadkii, waxaa laga yaabaa, in lagu dhoho iskabixi sanadkii: Kow iyo labaatan kunoo doolar ($21,000/year), sidaa daraadeed, waxaa ummada udhib yar, ineey waxoo dhan iska bixiyaan, inta udhaxeeysa: Lix kunoo doolar-illaa-toban kunoo doolar ($6000-to-$10,000). Wixii intaa kadambeeyana qarashaadka nolosha (living cost) ardeyga, waalidka iska bixiyo, waloow eey xaq ugu lahaayeen safaarada, in si lacag la’aan ah lagusiiyo deeqda waxbarsho. Waxyaabaha ugu calool xumada badan, ayaa waxaa ka mid ah, sida safaaradaha qabyaalad ugu bixiyaan kuraasta deeqaha waxbarasho, maxaayeelay iyadoo dadka lacag wax looga wadagadayo, ayaa hadana labadii qofoode lacagta wada bixin lahaa, midkood lacagta looga qaadayaa, oo lagu hormarinayaa oo lagu tixgainayaa qaab qabyaaladeed. Waxaa sidoo kale dhacda, in qof saf (Line) mudo sanado ah kujiray, oo sugayey ineey usoo baxdo deeqdaa waxbarasho, laga hormariyo qof hada cunigiisa dugsigii sare soodhameeyey, balse dhaqaale hoogan heeysta, bixinayana lacag kabadan tii lagula heshiiyey, qofkaa safka sanadaha kujiray. Nasiibdarro! Cid uu uga dacwoodo malaha, maxaayeelay marka horaba, warqad cadeyn ah lagama siinayo lacagtii uu bixiyey. Waxaa sidoo kale jira, dadka tahriibayaasha ah, ee qaab mukhallasnimo ah safaaradaha ugu soosaaraan, dhaqaalana uga qaataan, fiisooyinka dalalkaa eey kusoo dhexmarilahaayeen. Safaaradaga qaar waxaa lagu eedeeyaa ineey xitaa kaganacsadaan Soomaalida kuxiran dalalkaa eey joogaan.Kabasii darane, qaarbaa ganacsato usoo galiya dalalkaa badeecooyin kotorabaan ah. Talooyin soojeedin (Recommendations) Safaaradaha isu badalay dhiig-miiratada, mukhallasiinta, iyo kuwo kaganacsada kotorabaanka, fadlan dowlada hadda jirta, gaar ahaan Wasaarada Arimnaha Dibada Soomaaliyeed, wax hakaqabato, arimahaa oo dhanna, marka hore si dhab ah ha ubaarto, xaqiiqda marka eey ogaatana, si dhab ah, oo degdeg ah wax ha uga qabato. Maxaa yeelay Ummada Soomaaliyeed iyagaa ka mas’uul ah, iyaga cid aan aheyn, oo eey sugayaana majirto. Mahadsanidiin. Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor). Dhaqaaleyahan, qoraa, iyo falanqeeye siyaasadeed. abdulkadirphd@hotmail.com. Minnesota-USA. Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  16. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha dalka Ethiopia Abiy Axmed ayaa daboolka ka qaaday in dowladiisa ay ku khasban tahay inay xal waara u raadiso dalalka dhaca Qaarada madow ee colaaduhu ka jiran. Ra’isul wasaare Abiye oo ka qeybgalaayay shir looga hadlaayay Amniga iyo Xasiloonida ayaa sheegay in dowladiisa ay ahmiyad gaara siineyso degnaanshiyaha dowladaha kale ee Africa. Abiy Axmed, waxa uu sababta ku sheegay in nabad la’aanta ka jirta wadamada deriska la’ah dalkiisa ay saameyn xoogan ku yeelankarto Ethiopia, waxa uuna carab ***** in Nabadda Ethiopia ay tahay mid ku xiran tan Somalia. Waxa uu tilmaamay inay doonayaan in Ethiopia ay hesho Nabad iyo Xasilooni balse taasi ay ku imaankarto keliya iyaga oo marka hore Nabad iyo wada shaqeyn ka dhex abuura dalalka ku hareersan Ethiopia iyo kuwa aan ku hareereysneen. Nabada Ethiopia ayuu sheegay inay tahay mid ku xiran Nabad ka dhalata Somalia iyo South Sudan oo uu cadeeyay inay saameyn ku yeelan karaan Ethiopia oo iminka nabdoon. “Nabada Ethiopia waxa ay ku xiran tahay Somalia iyo South Sudan oo helaa degnaanshi, maxaa yeelay waxa aanu wadaagnaa soohdin dalka deriska kula ah oo aan heysan Nabad waxa ay meesha ka saareysaa in adigana aad heshaa Nabad” Ra’isul wasaare Abiy Axmed ayaa sheegay in dowladiisa ay dhibka intaa la’eg u martay sida ay Ethiopia ku heli laheyd nabad waarta, waxa uuna meesha ka saaray inay ka raali noqon doonaan carqalad loo geysto amniga. Waxa uu tusaale usoo qaatay qaar kamid ah dhalinyarada dalkiisa oo caqabad ku ah amniga hase yeeshee waxa uu ku goodiyay in dadka noocaasi ah ay muteysan doonaan ciqaab adag oo aan cafis laheyn. Dadka kasoo jeeda deegaanada Soomaalida iyo Oromada ayuu ugu baaqay inay la shaqeeyan ciidamada isla markaana ka fogaadan carqalada ay ku hayaan amniga, isagoo Hay’adaha amaanka ku amray in sharciga ay horgeeyan dadka dhibta ku haya amniga. Sidoo kale, nabada Ethiopia ayuu sheegay inay mas’uul ka yihiin dhamaan dadka ku nool dalka maadaama nabad xumo ay wada saameyneyso dadka dhan. Geesta kale, Abiy Axmed ayaa dhinacyada dhaliilsan Siyaasada ay ku shaqeyneyso dowladiisa ugu baaqay in dhankooda ay ka raacan muwaadiniinta kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaliilo kala duwan oo dhanka amniga ah ayaa waxa ay kasoo baxayan isku biirida ciidamada labisan ee Hay’adda NISA iyo kuwa Booliska Somalia. Dadka qaar ayaa dowlada Somalia ku dhaliilay inay ku fududaatay isku darka labada ciidan oo kala quwad badnaa, iyadoo isku darkooda lagu sheegay mid wiiqay amniga Muqdisho. Axmed Xasan Cadow (Axmed Daaci) oo mar soo noqday Guddoomiye degmo ayaa kamid ah dadka sida aadka ah u dhaliilay isku darka labada ciidan. Axmed Daaci, waxa uu sheegay in talaabadaasi ay tahay mid lagu fududaaday, isagoo soo jeediyay in dowlada Somalia ay sameyso ciidamo u dhigmi kara kuwa la burburiyay. Axmed Daaci, oo la hadlaayay idaacada Knn ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in amni darada ka jirta magaalada Muqdisho ay u sababtahay burburinta ciidamada NISA ee lagu daray Booliska, waxa uuna cadeeyay in amni darada jirta ay gaartay meel xun. Waxa uu xusay in koox bistoolad wadata ay dilal ka geystaan Muqdisho, taasina ay tahay mid aad looga xumaado maadaama ciidamada aadka looga baqi jiray ay ahaayen kuwa NISA. “Waan dareemi karnaa howsha ay ciidamada NISA ee lagu daray Booliska u hayeen Muqdisho, NISA iyo Boolis isma qaadan karaan waayo Booliska ma sameyn karaan waxyaabo badan oo ay sameynayeen ciidamada Nabadsugida” Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo kordhay mudooyinkii ugu dambeeyay dilal qorsheysan oo ay geystaan Kooxo kala ceyn ah oo Bistoolado ku hubeysan kuwaa oo qaabab silac ah u dila dhalinyarada. Hadalka Axmed Daaci ayaa kusoo beegmaya xili amniga magaalada Muqdisho uu yahay mid faraha kasii baxaaya, waxaana xusid mudan in ay kordhayaan dilalka bareerka ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Dhambaalkaani wuxuu ku socdaa Madaxa Dowlad Goboleedka K/Galbeed Shariif Xasan Sh.Aadan, waana tusaale iyo wax xasuusin laga yaabo inay anfacdo isaga iyo wixi la jaanqaada. Waxaa jiray beri nin nolosha aad ugu dhibtooday oo ugu dambeynti go’aan ku gaaray inuu is-dilo. Asagoo socda meel xeeba ee u dhaw jabal ama buur uu rabay inuu iska tuuro, ayaa waxaa ka hor yimid nin aad u lebis fiican oo weydiiyay “xageed ku socotaa”..markaasuu ku yiri “waxaan rabaa inaan is-dilo oo noloshi ayaa aad iigu adkaatay”.. Ninkiibaa ugu jawaabay “waxba ha-isdilin, aniga waxaan ahay MALAKUL MOWT wixi manta ka dambeeyana waad I arki doontaa ee qofki aan ka fadhiyo lugaha waa ruux nolaa naaya ee Qur’aan saar, lacagna ka qaado…laakin qofki aan madaxa ka fadhiyo u sheeg dadkiisa in qofkaani ay tiisi gashay”. Ninkii wuxuu naqday maal-qabeen la wada yaqaanno magac fiican iyo ictiraaf ku yeeshay bulshadi oo dadki oo dhan ay radinayaan. Maalinti dambe ayuu xanuunsaday markaasaa MALAKUL MOWTKI ka soo fadhiistay madaxa..markaasuu lugaha xejiyay..Malaki waa soo wareegtay uu madaxi ka fadhiistay..markaasuu isku dayay inuu lugaha u wareejiyo…markaasaa la yiri manta ama madaxa I xeji ama lugaha manta waa maalintaadi ee bal xasuuso maalinti aan kaa soo celiyay inaad is-disho!!! Haddaba Shariif Xasan manta waa maalintaadi, ma ahan saadaalin inay dhimaneyso, ee ama Baydhabo ka dhuumo ama god qodo ee gal waxaa la soo gaaray xilligaad socoheysay ee Ilaahey dembi dhaaf weydiiso iyo inaad ka sabarto jagadaan dhibka badan kaa qanciyo waayoo dadka ku taagersan iyo kuwa kaa soo horjeeda waxaa laga yaabaa in tiro ahaan ay isla egyihiin..waxaana iga tala ah inad dadka ka qariso wejigaaga ood meel kale raadsato iskana illawdo ood isku qanciso in Madaxweyennimo dambe iyo adiga aad kala socoteen…ma laga yaabaa inaad ku qanacdo hadalkaan oon wax dan ah ka lahayn Koofur/Galbeed ciddi madax ka noqota. W/Q: Axmad Calasow
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Xisbi siyaasadeedka cusub ee magaalada Muqdisho laga sameeyey, islamarkaana uu hogaaminayo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa lagu sameeyey isbeddel lama filaan ah oo dhinaca magaca ah. Xisbigan oo magaciisa hore uu ahaa Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda ama Union for Peace an Democracy (UPD), ayaa waxaa loo beddelay Midowga Nabadda iyo Horumarka ama Union for Peace an Development (UPD), kadib markii muran la geliyey laguna qabsaday magacii hore. Siyaasiga Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa markii xisbigaas lagu dhawaaqay durba sheegtay in magaca xisbiga uu leeyahay isaga, islamarkaana kooxda Xasan Sheekh ay bililiqeysatay. Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa soo bandhigay caddeymo muujinaya inuu magacaas isaga la baxay sanaddii 2011. Kooxda Xasan Sheekh ayaa markii hore ku doodday in magaca ay qaadaan karaan maadaama uusan Cabdullaahi Sheekh Xasan si rasmi ah u diiwaan gashan. Si kastaba waxaa hadda muuqata inay magacaas ka tanaasuleen una daayeen Cabdullaahi Sheekh Xasan. Xisbiga cusub ee Union for Peace an Development (UPD) ayaa waxaa si rasmi loogu dhawaaqi doonaa xaflad weyn oo maalinta khamiista ah lagu qaban doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Xisbigan cusub ayaa waxaa ku midoobay kooxaha Damu-Jadiid, Daljir iyo Kutladda Horusocod, waxaana la sheegay inay xubno ka yihiin ilaa 80 xildhibaan oo ka tirsan baarlamanka Soomaaliya. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada xoogga dalka Daahir Aadan Cilmi oo ku magac-dheer Indha-qarshe, ayaa markii ugu horeysay digniin kasoo saaray qorshooyin uu sheegay in lagu doonaayo in lagu iibiyo dhulalka ciidamada. Indha-qarshe, waxa uu sheegay inay la socdaan in shaqsiyaad gaara ay ku howlan yihiin iibinta dhulalka ciidamada Xoogga, waxa uuna ku goodiyay in dadkaasi lagu soo oogi doono danbi Qaran. Waxa uu ka digay in dhulkaas la iibiyo,isla markaana aanan marnaba la aqbaleyn in dhulkii ciidanka ay dad Shacab ah iibsadaan. Waxa uu tilmaamay in ciidamada Xoogga ay dhulal badan ku leeyihiin min caasimad ilaa iyo Gobol, waxa uuna cadeeyay in dhamaantooda la doonaayo in ciidamada looga dhiso xirooyin inta lagu guda jiro 2019. “Waxaa socda qorsho dib loogu dhisayo Xarumihii Ciidamada xoogga dalka waxaa jira dad ku sheekeeya in ciidamada aysan u baahneyn dhulalkooda burbursan adeer yaan been niila sheegin cidii laga iibiyaa dhul ay leeyihiin ciidamada waa laga qaadi doonaa” Indha-qarshe, waxa uu sheegay inay jiraan Xarumo badan oo dalka ku yaalla oo uu ciidanku lahaa balse dad Shacba ah ay gacanta ku hayaan, isla markaana dowladda ay dayactir iyo dib u dhis ku sameysneyso lana doonayo in laga raadsado guryo kale. Haddalka Taliyaha CXD Daahir Aadan Cilmi ayaa imaanaya xili inta badan dhulalka xirooyinka u ahaa ciidamada Xoogga ay guryo u yihiin dad shacab ah, halka ciidamadu ay yihiin kuwo aan heysan xirooyin ku filan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. Raysal wasaare xigeenka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed ayaa maanta tegay xarunta guddiga madaxabannaan ee doorashooyinka qaranka. Diinwaagaliyaha xisbiyada qaranka ayuu sheegay in uu ku soo wareejiyay foomka xisbiyada iyo sharuucdooda. Ra’iisal wasaare xigeenku, mudane Mahdi baa hadalkiisa intaa ku daray in ay soo wadaan xisbi sal weyn oo dastuur iyo siyaasad laga baaraandegay wata. Qorshaha lagu doonayo in lagu dhiso xisbigani oo ka soconaya Villa Somalia ayaa ku soo aadaya iyadoo dhowaan magaalada Muqdisho looga dhawaaqay isbahaysi ay ku midoobeen seddex xisbi siyaasadeed oo heysta aqlabiyadda baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kaasi oo uu guddoomiye KMG ah u yahay madaxweynihii hore Mudane Xasan Sheekh Maxamuud. Horay Villa Somalia ayaa loogu eedeeyay in ay ku mashquulsan tahay olaha doorashada 20250-ka ee Soomaaliya. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/RW-ku-xigeynka-Mahdi-Guled-oo-la-soo-wareegay-Fomka-diiwaan-gelinta-Xisbigooda.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Guddoomiye xigeenka gobolka Hiiraan Cabdiraxiin Muxamed Taakooy, ayaa wareysi uu siiyay mareegta Goobjoog News kaga hadlay howlgalladii u dambeeyay ee ciidamada AMISOM iyo kuwadowladda ee wadada isku xirta magaalooyinka Baladweyne iyo Buuloburde oo ku wada yaalla gobolka. Wuxuu sheegay in howlgalka oo socda maalmo uu qorshahoodu yahay sidii loo furi lahaa waddooyinka isku xira degmooyinka gobolka oo badi u xirnaa muddo sanado ah colaado awgood. Guddoomiye xigeenka amniga Hiiraan baa sidoo kale waxaan wax ka weydiinnay duqeyn diyaaradeed oo shalay galab Hiiraan ka dhacday iyo dagaalladii dhacay khasaaraha ka dhashay. Dagaallada u dhaxeeyay ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Alshabaab oo dhinac ah ayaa ku dagaallamay degaanno dhowr ah oo xiriiriya magaalooyinka Baladweyne iyo Buuloburde. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/GUD-XIGEENKA-HIIRAAN-AMNIGA-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Guddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa gallinkii dambe ee maanta xabsiga u taxaabay shaqaale ka tirsan wasaaradda maaliyadda ee Hirshabeelle. Shaqaalahani oo ka howlgalayay xarunta maaliyadda gobolka ee magaalada Baladweyne ku taalla ayaa caawa xabsiga ku hoyanaya. Goobjoog News ayaa ogaatay in amar ka soo baxay guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar lagu xiray shaqaalahani. Xubnaha la xiray ayaa la garanayn sababta xarigooda ka dambeeysa, waxaase warar horudhac ah ay sheegayaan in muran uu soo kala dhex galay, waxaana sidoo kale tiradooda lagu sheegay inay yihiin labo qof oo rag iyo dumar. Waa amarkii ugu horreeyay oo ka soo baxa guddoomiyaha dhowaan loo magacaabay gobolka Hiiraan Yuusuf Dabageed. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/MSIYAAD-XARIGA-02-10-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa lagu wadaa in gudaha bishan October 2018 magaalada Muqdisho ee caasimada Somalia looga dhawaaqo Xisbi cusub oo ay hoggaamin doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Xasan Kheyre. Xisbigan ayaa waxaa isku dubaridkiisa ku howlan Wasaare ku-xigeenka Somalia Mahdi Maxamed Guuleed oo maanta gaaray Xarunta Guddiga doorashooyinka madaxa banaan. Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka oo maraayay nidaamka dalka ayaa halkaa ka soo qaatay xeerka asxaabta siyaasadda iyo shuruudaha diiwaan gelinta Xisbiyada siyaasadeed iyadoo ujeedka ugu weyn uu yahay hanaanka sharciyeyenta xisbiga cusub. Ra’isul wasaare ku-xigeenka dalka Mr. Mahad Guuleed oo warbaahinta qaar kula hadlay xarunta ayaa sheegay in uu xarunta ku maraayay sharciga axsaabta oo loo siman yahay. ”Xisbi weyn ayaanu soo wadnaa oo ah xisbiga xisbiyada, madaxweynuhuna uu hormuud u yahay, siyaasaddii guushii Febraayo-na lagu hogaamin doono” Waxa uu Mahad Guuleed sheegay in gaaristiisa xarunta ay tahay si uu u guddoom xeerka asxaabta siyaasadda dalka, si loo waafajiyo Xisbiga dhowaan lagu dhawaaqo doono oo ay Hoggaamin doonaan Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’isul wasaare Kheyre. Xisbiga talada dalka haya ayaa la filayaa in dhowaan lagu dhawaaqo, iyadoo in muddo ah soo socotay diyaar garowga Xisbiga dowladda ee (Nabad Iyo Nolol) oo la filayo inuu hoggaaminayo Madaxweyne Farmaajo. Xisbiga diiwaan galintiisa ay socto ayaa waxaa la filayaa in loogu wanqali doono Nabad Iyo Nolol oo iminka ka dhaqan galay dalka oo idil. Ololaha bilowga ah ee xisbiga Nabad Iyo Nolol waxa uu soo ifbaxay labo maalin un ka hor markii magaalada Muqdisho looga dhawaaqay Xisbi siyaasadeed oo ay ku mideysan yihiin Xildhibaano iyo Siyaasiyiin mucaarad ah kaa oo uu Hoggaaminaayo Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale, waxaa muddo sannad iyo bar ah laga joogaa markii la doortay dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xiligaasi oo ay Soomaaliya ka baxday ololihii doorashada ee muddada socday. Si kastaba ha ahaatee, dadka aragtida fog ayaa qaba in DFS ay iminka ku mashquushay sidii dib loogu soo dooran lahaa si ay wax muuqda uga qabato amniga iyo dhisida ciidan qaran. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  25. Xildhibaan Axmed Maxamed Diiriye(Nac-nac) oo ka tirsan golaha wakiilada Somaliland iyo xildhibaan Cadiraxmaan Cismaan Jaamac(Shaadh) oo kamid ah golaha guurtida maamulkaas,ayaa si kulul uga jawaabay hadal ka soo yeeray ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya,Mahdi Maxamed Guuleed(Khadar),kaasoo ahaa in madaxweyne farmaajo diyaar u yahay in uu booqdo Hargeysa,haddii Somaliland ogolaato. Labada xildhibaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hargeysa ayaa si wadajir ah u sheegay in ra’iisal wasaare ku xigeenka Soomaaliya uu yahay nin reer Somaliland ah oo u shaqa-tegay magaalada Muqdisho,islamarkaana uusan hadalkiisu wax dhib ah ku hayn Somaliland,balse marnaba aan la aqbali Karin in Farmaajo Hargeysa yimaado isagoo xil iyo mas’uuliyad u haya Soomaaliya. Xildhibaannadu waxay intaas raaciyeen in wadada keliyah ee madaxweyne farmaajo ku tegi karo Somaliland,isagoo xilka haya ay tahay,in uu marka hore u aqoonsado dal ka madax-bannaan Soomaaliya oo deris la’ah,haddii kalese ay tallaabo sharci ah ka qaadayaan,sida ay hadalka u dhigeen. Dhinaca kale xildhinaabbadu waxay sheegeen in ra’iisul wasaare ku xigeenka Soomaaliya ee ay hadalkiisa ka jawaabayeen,haddii uu isagu shakhsi ahaan Somaliland ku laabanayo cafis loo fidin doono,balse marka hore ay waajib ku tahay in uu ka tego mas’uuliyadda uu Soomaaliya ka hayo. PUNTLAND POST The post Xildhibaano ka tirsan Somaliland oo Farmaajo u hanjabay appeared first on Puntland Post.