Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,146
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. (SLT-Jigjiga) Wararka naga soo gaadhaya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ah oo wata gaadiidka dagaalka ay gaadheen deegaano dhawr ah oo ka tirsan gobolkaasi. Ciidamada ayaa la sheegayaa inay halkaasi u tageen nabad ilaalin ahaan, kadib markii deegaanada Saax Dheer, Dhumayga iyo Doocmo ay ku dagaalameen maleeshiyaad halkaasi wada daga oo dirirtooda muddo kusoo laalaabatay halkaasi. Wararka ku soo dhacay xarunta Shabakada wararka ee Somalilandtoday ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia uu hogaaminayo Garaad Kulmiye oo kamid ah wafdi ka yimid dawlad deegaanka Soomaalida kuwaasi oo doonayo inay dhameeyaan dagaalka soo kusoo noqnoqday deegaankaasi. Xildhibaan Indho Indho oo kamid ah golaha Guurtida Somaliland ayaa soo dhaweeyay in ciidamada Ethiopia ay kala dhex galeen maleeshiyaadka ku dagaalamaya deegaanka Dhumay. Laakiin Qaar kamid ah xubnaha golaha wakiilada ayaa walaac ka muujiyay in ciidamadaasi ay tagaan deegaanada gobolka Sool oo marar badan ay dagaalo ka dhaceen. Wafdi uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa shalay gaadhay deegaanada maleeshiyo beeleedyada ku dagaalameen, isaga oo doonayo in xal waara laga gaadho colaada deegaanka. Madaxweynaha Somaliland Muuse biixi ayaa dhawaan shaaciyay inay soo dhaweynayaan cid kasta oo ka qeyb qaadaneyso dhameynta colaadka u dhaxeyso maleeshiyaadka ku dagaalamaya Dhumay iyo Saax Dheer ee Beelaha Qayaad iyo Baharsame. Madaxweynaha Dawladda Degaanka Soomaalida Itoobiya Mustafe Cagjar ayaa ka hor ciidamadda wuxuu todobaadkan soo gaadhsiiyay deeq gurmad raashin Ah dadkii ku barakacay colaada, waxaana muuqanaysay inuu uga faro dhuu dhuuban yahay nabad raadinta dhanka Somaliland . Somalilandtoday/Hargaysa/Office Source
  2. Wixii ka dambeeyey burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya waxaa marba marka ka dambaysa hoos u dhacayey qiyamkii iyo qaabkii hoggaamiye ku soo bixi jirey. Qof waliba waxa uu noqday xil iyo darajo doon. Maxaa yeelay xilalkii ayaa waxa ay noqdeen badeecad dukaan taal oo lagu kala gato hadba qiimaha ugu sareeya, ayna ku guulaysato hadba ciddii jeeb dheeri. Waxaa kale oo iyana soo baxay tilmaamo cusub oo lagu xusho hoggaamiyaha xil iyo darajo doonkaa, kuwaas oo ay ugu horayso inuu yahay qurba-jooge aqoon yahana oo af-gaalaadka yaqaan. Taas oo meesha ka saartay qiyamkii laf-dhabarta u ahayd hoggaaminta suuban sida amaanada, kartida, hufnaanta, hawl-karnimada, iyo wadaniyadda. Hoggaanka aynu ka hadlaynaayi maahan oo kaliya maqaamka ugu sareeya ee dalka looga arimiyo ee waa xil walba oo ay Soomaali qabato, laga bilaabo maamule dagmo ilaa Madaxwayne qaran. Nasiib daro waxaa iyaguna aan ka badbaadin aafadaan aynu soo sheegnay hoggaankii dhaqanka oo uu cayn-wareeg wayni ku dhacay qiyamkii iyo xeerarkii loo cuskan jiray caleemo saarkooda. Taas oo sabab u noqotay hoos u dhaca wayn ee ku yimid magacii iyo muunaddii ay bulshada dhexdeeda ku lahaayeen. HOGGAANKA QURBA JOOGTA Laga soo bilaabo doorashadii Madaxwayne shariif Shekh Axmed waxaa dalka kusoo qulqulayey qurba joogta xildoonka ah, kuwaas oo isu fahmay inay yihiin cidda kaliya ee xidhan karta shaati ummadda Soomaaliyeed qiima wayn ugu fadhiyey wixii ka dambeeyey burburkii, shaar kaas oo ahaa aqoonta. Aqoonta iyo aqoon-yahanka ayaa ahaa yididiilo wanaagsan oo Soomaalidu u fahantay in ay xal u tahay masiibada hoggaan xumo ee ay muddo la daalaa dhacayeen. Inkasta oo qurba joogta xildoonkaayi uuba ku yaryahay aqoon-yahanku haddana iyaga ayaa isu fahmay inay yihiin cidda la baadi goobayo, maadaaba ay ka yimaadeen goobo ay ilbaxnimo ka hirgashay. Laakiin sidii aynu horayba usoo sheegnay, aqoonta iyo aqoon-yahankeeda midna looma shardiyo hoggaanka. Haddii uu dalku yahay mid nooceena oo kalaana aqoon-yahanimada hoggaamiyuhu waxba ma soo kordhiso. Maxaa yeelay oqoonta uu xambaarsanyahay ayaan looga baahnayn dalka uu u sharaxan yahay, taas badalkeedana waxaa looga baahanyahay aqoon isaga ka maqan oo ah dhaqan-siyaasadeedka bulshada raacatadaa iyo xeerarka lagu dhaqo dal burburay oo ah waayo-aragnimo burburkii laga kasbaday. Dr. Mohamed Yunis oo ah hoggaamiyaha bangiga Qaramin (bangiga danyarta) iyo hantaha abaal-marinta Nobel Prize ayaa waxa uu yiraahdaa kolkii dalkaygu (Bangladhesh) uu xoriyaddiisa ka qaatay Pakistan bartamihii todobaatanaadkii ayaan ku laabtay aniga oo xanbaarsan shahaadada sare ee cilmiga dhaqaalaha si aan uga qayb qaato horumarkiisa. Dr Yunis waxa uu yiri, wixii ugu horeeyey ee ii soo baxay waxa ay ahayd in dalkaygu uusan u baahnayn cilmiga aan xanbaarsanahay, maxaa yeelay ma ahayn mid iyaga loogu tala galay. Sidaas daraadeed ayuu ugaga tagay kuliyadii dhaqaalaha ee uu baraha sare ka ahaa, waxa uuna aasaasay bangigaga danyarta oo ah bangi ay sabooolku leeyihiin laguna dhidbay afkaar iyo aqoon maxaliya. Dr. Yunis xilligaas illaa iminka waxa uu fakhriga ka saaray dad ka badan siddeed milyan oo qof. Dr Yunis waxaa loo aqoonsaday halyey caalamiya sanadkii 2006 oo la gudoon siiyey abaal marinta Nobel Prize. Dr Mohamed Yunis uma uusan shaqa tagin Bangaladesh ee waxa uu doonayey inuu u shaqeeyo, kolkii uu arkay inaanu cilmigiisu dadkiisa saboolnimada ka saarayna, dhan ayuu iska dhigay, waxa uuna qaaday waddo kale oo ku haboon dadkiisa. CAQABADAHA HAYSTA HOGGAANKA QURBA-JOOGTA. Inkasta oo aan ka mid ahay dadka aaminsan in waxa inaga khaldani aanay ahayn hogaan xumo oo keliya ee ay tahay dawlad iyo nidaam la’aan, haddana Inta badan madaxda aan waaya aragga iyo waaqiciga midna ahayn marka la doorto waxaa ka hor yimaada daruufo qalafsan oo aysan horey ugu xisaabtamin, kuwaas oo marada ka fayda ceebahooda. Caqabadaha ugu waaweyn ee hoggaan kaan ka horyimaada waxaa ka mida. 1- Maqnaanshaha ay maqantahay awoodii dawladnimo ama baas abuur ( the Monopoly on violence ) ama ay cid kale gacanta ugu jirto sida hoggaamiye dhaqaneed, horjooge maleeshiyaad qabiil, hoggaamiye-siyaasadeed hore iyo ganacsade gaamuray kuwaas oo iyaga ka dhiga la gudoomiyayaal iyo hoggaamiyayaal aan lahayn kalmadda ugu dambaysa. 2- Maadaama ay wakhtigooda intiisa badan qurbaha ku soo qaateen waxa aysan waxba kala socon taariikhdii uu dalku soo maray gaar ahaan middii burburka iyo waaqica rasmigaa ee uu iminka dalku ku suganyahay, taas ayaana sabab u ah mugdiga iyo is-maandhaafka ka dhex aloosma iyaga iyo shacabka ay xukumaan. 3- Waayo aragnimo la’aan maamul oo haysata , gaar ahaan dal iyo dad burburay oo u baahan in lagu dhaqo xeerar aan ka jirin caalamka intiisa kale. 4- Aqoon daro baahsan oo ka haysata dhaqanka, hidaha, iyo qaab dhismeedka reeraha Soomaaliyeed taas oo keenta inay mararka qaarkood qaataan go’aamo xasilooni daro abuuri kara amaba ay ku khaldamaan saami-qaybsiga reeraha kaas oo saldhig iyo seesba u ah nidaam siyaasadeedka Soomaalida. 5- Badankoodu waa hoggaamiyayaal jilicsan oo aanay ka muuqan karti iyo go’aan qaadasho rasmiya, taas badalkeedna waxa ay xoogga saaraan inay nusqaantooda ku kabaan khudbooyin xamaasiya oo kiciya dareenka shacabka maalmo ka bacdina si fudud loo hilmaamo. Si kastaba ha ahaatee qodobadaan iyo kuwa kale oo badan oo aynaan xusin ayaa ka dhigaya hoggaankan aan waaya-araga ahayn kuwo aan hoggaamin karin dal aan xasiloonayn oo ay daruufo xasaasiyana ku meersan yihiin, maxaa yeelay waxaa ka maqan karti iyo aqoon. Aqoontaas oo ah waaya-aragnimo lagu maamulo dad iyo dal burburay. Si aad waaya aragnimadaas u kasbatana waxaa lagama maarmaan ah inaad dadka aad xukumayso ka mid tahay la dhaqan iyo la xeerna tahay, ee maahan inaad ku soo biirto kolka aad xil-doon tahay. GUNAANAD Waxaa laga yaabaa inay maskaxdaada ku soo dhacdo maxaa ka khaldan haddii la helo qurba-jooge amaano iyo akhlaag wanaagsan leh. miyaanu ahayn haggaankii aynu raadinayney? Maya ayaan si fudud kuu leeyahay, maxaa yeelay Kartida iyo waaya-aragnimada ayaa waligeed laga hormarin jirey aqoonta iyo akhlaaqda aysan labada hore ku ladhnayn. Nabigeenii Muxamed nabad galyo iyo naxariisi korkiisa ha ahaatee oo ahaa hoggaamiyihii ugu waynaa ee caalamkaan soo maray, ayaa mid kamida saxaabadiisa oo ku xeel dheeraa aqoon diimeed iyo Alla ka cabsiba, waxa uu ku yiri rasuulkii Allow miyaadan xil ii dhiibayn. kolkaas ayaa suubanuhu ugu jawaabey “Abu darroow waa amaano, adiguna daciif ayaad tahay, maalinta qiyaamana waa shalayto” Waxa uu suubanuhu ina barayaa sida ay kartida iyo qawinimadu muhiimka ugu tahay hoggaaminta. Saxaabigan waxa ka maqani maahan aqoon, akhlaaq iyo Alla ka cabsi ee waa qiyaamkii hoggaaminta laf-dhabarka u ahaa, sidaas daraadeed waa lagama maarmaan in hoggaamiyaha maamulaya dal nooceena oo kalaa uu noqdo waayeel waaya-araga oo haddana ah wax-garada, ee maahan inaynu afartii sanaba mar tijaabino inyar-garad wax-mooga oo aan dhaadi karin xajmiga uu lee yahay xilka lagu aaminay. Qormadaan waxaan ku soo gaba gabaynayaa halkudhagii aan cinwaanka uga dhigay oo ahaa tuduc ku jirey tix uu lahaa abwaan Hadraawi oo ahaa ” sidaad isu doorataan, ayaad isu doorisaan” Hadii aad doorato hoggaamiye ku haboon daruuftaada wuxuu doorin karaa wax wayn, haddaadse doorato hoggaan daciifa wuxuu doorin karaa wax yar amase waxba. Qalinkii:- Maxamed Axmed Cilmi The post Hoggaanka Soomaalida: Sidaad isu Doorataan ayaad isu Doorisaan – Qaybtii labaad appeared first on Puntland Post.
  3. (SLT-Muqdisho)-War saxaafadeed kasoo baxay xafiiska Qaramada midoobay ee Soomaaliya ayaa lagu canbaareeyay weerar lagu qaaday kolonyo gaadiida oo ay leedahay Qaramada midoobay oo lagu weeraray inta u dhaxaysa Gaalkacayo iyo Cadaado 3dii bishaan November, kolanyadaan oo ay la socdeen qaar ka mida shaqaalaha qaramada midoobay ayaa ku wajahnaa Dhuusa mareeb iyagoo gogol xaar u ahaa booqashada madaxda qaramada midoobay balse waxaa joojiyay malayshiyaad hubaysan oo sheegtay in ay booliska ka tirsan yihiin, markii ay damceen in kolanyadu ay ku laabato Gaalakacayo oo ah halkii ay ka yimaadeen ayaa waxaa rasaas ku furay mid ka mida gawaaridii ay malayshiyaadku wateen. “Weerarkii loo geystey kolonyada Qaramad Midoobay ma aha wax la aqabali karo,waxaana ugu baaqeynaa Maamulka Galmudug iyo Dowlada Federalka in lala xisaabtamo maleeshiyaadka rasaasta ku furay saaxibadeen, weerar noocaan oo kale ahna laguma qaadin shaqaalaha Qaramada Midoobay waqti dheer.”ayuu yiri wakiilka gaarka ah ee Xoghayaha guud ee qaramada midoobay dalka Soomaaliya Nicholas Haysom. Ugu danbay Haysom wuxuu ku baaqay in shaqaalaha Qaramada midoobay ay heleen marino xor ah oo ay si nabad gelyo ah ugu safri karaan. Source
  4. (SLT-Muqdisho)-Waxaa maalinta Magaalada Muqdisho kusoo wajahan wafti heer sare ah oo ka socda Dowlada Turkiga oo uu hoggaaminayo Wasiirka Difaaca dalkaas. Wafdigan waxaa kamid ah Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Turkiya ,Saraakiil sare iyo madaxa Hay’adda TIKA. Wafdiga ayaa wada hadallo la yeelan doona mas’uuliyiin Soomaali ah iyagoo ka wadahadli doona sidii loo hormarin lahaa xiriirka ka dhaxeeya Hay’addaha amniga Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga. Dowlada Turkiga ayaa kaalin wanaagsan ka qaadaneysa dib u dhiska Ciidanka Xoogga dalka iyadoo Magaalada Muqdisho ka dhistay saldhig ay tababar tayo sare leh kusiinayso ciidamada Xoogga Dalka oo ay ku jiraan Saraakiil, Saraakiil xigeen, waxaana sidoo kale labada dal dhex mara heshiisyo iskaashi ah. Source
  5. (SLT-Washington)-Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa soo dhaweeyay guusha xisbigiisa oo ka soo hooyay doorashada xilliga dhexe, gaar ahaan aqalka sare. Trump ayaa bartisa Twitter-ka soo dhigay qoraal uu ku sheegay in xisbigiisu uu gaaray guul wanaagsan, waxa uuna dadka dalkaasi uga mahadceliyay guushaasi. Xisbiga Trump ee Jamhuuriga ayaa lagu soo waramayaa in uu helay aqlabiyadda uu u baahan yahay ee aqalka sare balse waxaa looga guuleystay aqalka wakiillada. Toddobo xubnood oo aqalka Senetka ku matalayay xisbiga Dimuqraadiga ayaa loo malaynayaa in ay difaacdeen kuraastoodii gobollada waqooyi bari, deegaannadaasna waxaa ka mid ah Connecticut, Massachussetts iyo Pennsylvania. Dhanka aqalka sare ama Senedka, 33 xubnood oo aqalka Senedka ah ayaa dhanka kalana loo loolamayaa, si xisbiga Dimuqraadigu uu u helo aqlabiyaddana, wuxuu u baahan yahay in uu ku guulaysto labo kursi oo Jamhuurigu horay u ugu fadhiyay. Warbaahinta CBS ayaa sheegtay in xisbiga Dimuqraadigu uu kursi ka helay Virginia, kaa oo ay ku guuleysatay Jennifer Wexton ayaana ka guulaysatay. 36 gobol oo dalka Maraykanka ku yaalla ayaa sidoo kale dooranaya barasaabyo., waxaana aad la isugu hayaa labada gobol ee kala ah Florida and Georgia. Source
  6. (SLT-Riyadh)-Boqorka dalka Sucuudi Carabiya, Boqor Salmaan ayaa billaabay booqasho gudaha dalkiisa ah markii ugu horreysay tan iyo markii uu qabtay xukunka boqortooyada, xilli haatan uu wajahayo dhaliil caalami ah oo ku aadan dilkii wariye Jamaal Khaashuq-ji. Maalin kasta wax cusub ayaa kasoo kordhaya xaaladda uu ku dhintay weriye Jamal Khashoggi, waxaana weli taagan cadaadis arinkaa ka haysta dowladda Sacuudiga. Falcelinta arinkaasi ee dowladda Sacuudiga ayaa waxaa ka mid ah in fadhiga laga kiciyo boqor Salmaanka 82 jirka ah, oo bilihii la soo dhaafay awood badan gacanta u galiyay wiilkiisa dhaxal sugaha ah. Socdaalka uu ku marayo dalkiisa ayaa Boqor Salmaan fursad u siinayso inuu u muuqdo astaan mideyneysa Sacuudiyiinta. Qaar ka mid ah shacabka dalkaasi ayaa walaac ka muujiyay in isbedellada dhaqaale iyo kuwa bulsho ee uu soo bandhigay dhaxal sugaha ay khatar uga iman karto tuhunka ah inuu ku lug lahaa dilki lagula kacay wariye Khashoggi. Dhanka kale, BBC qeybteeda afka Carabiga ayaa ogaatay in shakhsiyaadka fadhigoodu yahay London ee aadka u dhaliila hab-dhaqanka arrimaha xaquuqul insaanka ee dowladda Sucuudiga la siiyay boolis ammaankooga aad u ilaaliya, kaddib markii ay sheegeen in nolashoodu ay halis ku jirto. Inkastoo ciidamada la dagaalanka argagixisada ay sheegeen in aysan ka hadli karin arrintaasi, haddana BBC-du waxay ogaatay in shakhsi aan sababo ammaan awgii magaciisa la shaacin karin isla markaana aad u dhaliila dowladda Sucuudiga ammaankiisu 24-ka saac ay ilaaliyaan ciidamada kaddib dilkii weriye Jamaal Khaashuqji. BBC Arabic waxay shaacisay afduub iyo tacaddiyo muddo ka jiray gudaha Sucuudiga iyo waddamada reer Yurub, kuwaasi oo ka dhan ahaa dadka dhaliila siyaasadda Sucuudiga waxaana ay sidoo kale daboolka ka qaaday caddeymo muujinaya qof xabsi lagu dhex dilay sanad ka hor dilkii Khaashuqji. Source
  7. Taliyaha ciidanka Puntland S/Guuto Cabdishukri Cabdullaahi, ayaa shaaciyay inay dowladda Puntland galayso dagaal lagu difaacayo midnimadeeda, lagunasoo celinayo dhulkeeda. Hadalkaan ayuu ka sheegay, kadib markii uu maalintii shalay xilka kala wareegay taliyihii ciidanka Daraawiishta Punland, sareeyo guud Siciid Dheere. Halkaan ka daawo. Puntlandi.com Source
  8. Ilhan Omar ayaa ku guulaysatay tartanka gobolka 5th ee Minnesota, waa qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo ka mid noqda Aqalka Congress-ka ee dalka Mareykanka, waxa ay guushaasi ka gaartay doorashaddii dhexe ee Mareykanka ee shalay dhacday. Ilhaan Cumar ayaa bedeshay Keith Ellison oo ahaa Muslimiinkii ugu horreeyay ee ka mid noqdo Aqalka Congress-ka ,islamarkaana kasoo galay dhanka Minnesota. Ilhaan Cumar ayaa taariikh samaysay iyada oo noqonaysa gabadhii ugu horreysay ee loo doorto Congress-ka oo Soomaali ah. Waxa ay sidoo kale noqonaysaa mid ka mid ah haweenka ugu horreeyay ee Muslimka ah ee loo doorto Congress-ka. Waxa ay ka socotay Xisbiga Dimoqraadiga ah, waxaana la aaminsan yahay in guusha Ilhaan ay soo dedejisay Caddaadiska lagu haayo dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Mareykanka. Ilhaan Cumar oo 35 sano jir ah ayaa taariikh sameysay kadib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo Xildhibaan ka noqdo dalka Maraykanka sanadkii 2016-kii. Waxay Soomaaliya ka qaxday xilligii dagaalka sokeeye iyadoo 8 sano jir ah, Afar sano oo ay ku nooleyd Xeryaha Dhadhaab, kadib waxa ay gashay Mareykanka iyadoo 12-sano jir ah. Halkaan ka daawo iyadoo ka hadlaysa dareenkeeda. Puntlandi.com Source
  9. Wasiirada Amniga Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada ayaa maanta shir uga furmayaa magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah Jubaland. Golaha ayaa ka kooban Dowlad Goboleedyada kala ah; Puntland,Jubaland,Koonfur Galbeed iyo Galmudug,waxaana ay shirkan kaga arrinsanayan dhismaha ciidamo isku’dhaf ah oo u gaar ah,sida lagu go’aamiyay shirkii ay Garoowe ku yeesheen madaxda Golaha Iskaashiga. Shirkan ayaa la filayaa in lagu dhiso ilaa 4 kun oo ciidamo isku’dhaf ah,kuwaas oo ay saami siman u qeybsanayan afarta Dowlad Goboleedk ee Kismaayo ku shiraya. Dhammaan wasiirada Amniga Golaha Iskaashiga ayaa haatan ku sugan magaalada Kismaayo,waxaana sida qorshuhu yahay goor dhow furmi doona shirka. PUNTLAND POST The post GIDG Dowlad Goboleedyada oo dhisanaya Ciidamo gaar ah appeared first on Puntland Post.
  10. Ilhaam Cumar oo asalkeedu Soomaali yahay iyo Rashida Tlaib oo kasoo jeeda Falastiin ayaa noqday labadii gabdhood ee ugu horeeyey ee Muslima oo kamid noqda Congress-ka Maraykanka. Ilham iyo Rashida Rashida ayaa kasoo baxday Gobalka Michigan iyadoo siweyn ugu guuleysatay codadkii laga dhiibtay gobalkaas halka Ilhaam kasoo baxday Gobalka Minnesota ee ay Soomaalida ku badan tahay waxayna si xoogan uga adkaatay musharixii la tartamaayey. Dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan siweyn ayey ugu farxeen guusha Ilhaam Cumar oo ah mid tariikhiya, waxaana baraha bulshada qabsaday hambalyada loo diraaya Congress Ilhaam Cumar maadama loo arko inay taariikh baal dahaba ku qoran usoo jiidey umadda Soomaaliyeed. Ilhaam ayaa Wadanka Maraykanka tagtay iyadoo 14-sano jirta kadib dagaaladii sokeeye ee ka dhacay Soomaaliya, waxayna horay usoo noqotay xildhibaan katirsan baarlamaanka Gobalka Minnisota. PUNTLAND POST The post Ilhaam Cumar iyo Rashida Tlaib oo noqday labadii gabdhood ee muslima oo kamida noqda Congress-ka Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  11. Washington ( Sh. M. Network )-Ilhaan Cumar oo ah Gabar Soomaaliyeed, kana tirsan xisbiga Dimoquraadiga ee dalka Mareykanka ayaa ku guuleysatay doorashada Aqalka Congress-ka Mareykanka, waxaana ay noqoneysaa Qofkii ugu horreeyay ee Soomaali ah ee xil mansabkaas leh ka qabata dalkaasi. Ilhaan Cumar ayaa qaxootinimo ku gashay Mareykanka, waxayna horay u soo noqotay mid ka mid ah Xildhibaanada wakiilada qalka Hoose gobolka Minnesota ee dalkaasi. Hase’ahaatee Ilhaan ayaa haatan fariisan doonta Aqalka Cad ee looga arrimiyo dalka Mareykanka. Soomaalida ku nool gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka ayaa si weyn u soo dhaweeyay guusha ay gaartay Ilhaan Cumar. The post Ilhaan Cumar Oo ka mid noqotay Aqalka Congress-ka Mareykanka appeared first on Shabelle. View the full article
  12. (SLT-Washington)Ilhan Cumar, Hodan Xasan, iyo Maxamuud Nuur ayaa ku guuleystay doorashooyinkii ay ka galeen gobolka Minnesota, iyada oo Ilhan Cumar ay ka mid noqon doonto Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka, halka Hodan Xasan iyo Maxamuud Nuur ay ka mid noqon doonaan Aqalka Hoose ee baarlamaanka gobolka Minnesota. Dhinaca kale, Keith Ellison oo horay u ahaa xubin ka tirsan Aqalka Hoose ee Congress-ka Maraykanka ayaa u dhow inuu ku guuleysto xilka Xeer Ilaaliyaha Guud ee gobolka Minnesota oo uu u tartamayey. Guud ahaan doorashada, labada xisbi ayaa kala qeybsaday labada aqal ee Congress-ka, iyada oo Dimoqraadigu uu qaatay Aqalka Hoose, Jamhuuriguna uu sii xajistay Aqalka Senate-ka. Source
  13. (SLT-Beijing) Bilyaneerka iyo aasaasaha Microsoft Bill Gates ayaa waxaa uu gacanta ku haya saxaro ku jirta dhalo, xilli maanta uu ku sugnaa magaalada Beijing. Waxaa uu khudbad ka jeedinayay xaflad lagu soo bandhigayay Suuli cusub oo casri ah oo aan biyo u baahneen. Hay’adda samafalka ee Bill & Melinda Gates ayaa ku kharash gareeysay lacag ka badan $200 milyuun oo doolar cilmi baaris lagu sameeyanayay Suuligaan taas oo qaadatay muddo toddobo sano ah. Waxaa masraxa lagu soo bandhigay agab loogu talagay nadaafadda, kuwaas oo baabi’inaya bakteeriyada khatarta ah sidoo kalana ka hor tagaya cudurada. Agabkaan ayaa sidoo kale kala saaraya saxarada iyo biyaha suuliga “Waxaan dhihi karaa 10 sano ka hor waligay kuma fikirin in aan wax badan ka ogaado saxarada”,ayuu Mr Gates ku kaftamay intii lagu guda jiray shirka. Ganacsadahaan ayaa waxa uu furayay xaflad 3 maalmood soconaysa oo ka dhacaysa dalka Shiinaha-taas oo uu ka soo qeyb galay hogaamiye Xi Jinping. Mashruucaan ayaa looga gol leeyahay in isbedel lagu sameeyo suuliga. Mr Gates ayaa sidoo kale agabkaan la soo bandhigay ku tilmaamay in uu yahay hormarkii ugu muhiimsanaa ee la gaaro ku dhawaad laba boqol oo sano. Madaxa Microsoft ayaa dhalada saxarada ay ku jirto ee dhiniciisa taalay ku tilmaamay in ay ku jirto 200 oo tirilyan oo rotavirus ah… 20 bilyan oo bacteeriya ah iyo 100,000 oo ah ukumaha aan isha qaban. Sida ay sheegtay Hay’adda Caafimaadka Aduunka ee (WHO) ilaa 2.3 milyan oo qof oo dunida ku nool ayaan weli haysan adeegyada aasaasiga ah ee nadaafadda. Waxa ayna arintaan sababi kartaa cudurada sida daacuunka, shuban biyoodka iyo santariyada. Source
  14. Baydhabo ( Sh. M. Network )-Waxaa xalay kulamo siyaasadeed oo iska soo horjeeda ay siyaaba kala duwan ka dhaceen gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Kulamadan ayaa waxa ay u dhaxeeyeen Xildhibaano ka tirsan BFS, Mas’uuliyiin ka mid ah madaxda maamulka K/ Galbeed iyo xubno ka tirsan guddiga doorashada maamulkaasi. Intooda badan waxaa diirada lagu saaray kulamadani xaaladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha doorashada iyo sidii ay ugu qabsoomi laheyd waqtigii loogu talagalay. Dhinaca kale Nabadoon Axmed Xaaji Dulmidiid oo ka mid ah waxgradka deegaanada Koonfur Galbeed oo la hadlay Shabelle ayaa baaq u diray dowladda Soomaaliya. Nabadoon Dulmidiid ayaa ka codsaday madaxda DFS in ay tallaabo ka qaadaan cidkasto oo marin habaabineysa shacabka maamulkaasi, gaar ahaan Odayaal uu sheegay in shalay Baydhabo ay uga dhawaaqeen in dib loo dhigo doorashada Madaxweynaha K/ Galbeed. Halkan hoose ka dhageyso Codka. The post Kulamo iska soo horjeeda Oo Xalay ka dhacay M/ Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-071118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  16. Muqdisho (Caasimada Online)-Waxaa sii adkaanaya xaaladda Siyaasadeed ee doorashada Koofur Galbeed waxii ka dambeeyay markii shalay odayaasha dhaqanka ay ku dhawaaqeen in dib u dhac uu ku yimid doorashada Koonfur Galbeed. Odayaasha dhaqanka ayaa sheegay in wax walbaa oo ka dhaca Koonfur Galbeed ay masuuliyadeeda qaadeyso dowladda Soomaaliya oo ay sheegeen inay dhaqaalo badan ku bixineyso doorashada Koonfur Galbeed. Waxaa socdo kulamo xal loogu raadinayo xiisadda doorashada Koonfur galbeed oo xumaatay waxii ka dambeeyay markii xubnaha ugu badan ee guddiga ay u dhawaaqeen doorashada. Xubnaha ka haray guddiga doorashada ayaa u muuqda inay la safan yihiin dhanka dowladda, waxaana ay sheegeen inaan maalin lagu dari doonin waqtiga doorashada loo madalsanaa. Xildhibaanada Koonfur Galbeed ee loo jeedinayay eeda ugu badan ayaa ka jawaabay eedaha loo jeediyay, waxaana ay sheegeen in magaalada Muqdisho ay u yimaadeen latashi ay la sameynayeen guddoomiyaha Baarlamaanka oo Koonfur Galbeed kasoo jeeda. Xildhibaan Ilyaan Xasan Cali oo kamid ah xildhibaanada ku sugan magaalada Muqdisho lana kulmay guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya, ayaa sheegay iney dib ugu laaban doonaan Baydhabo doorashadana ay dhaceyso waqtiga loo balamay. “Anagaa Xildhibaanada Koofur Galbeed ah, waxaana na casuumay guddoomiyaheena baarlamaanka, wada tashi ayaana u nimid guul fiican ayaana ka gaarnay, dibna ayaan u laaban doonaa” “Guddoomiyaha baarlamaanka maadaama uu kasoo jeedo Koofur Galbeed isagaa na casuumay, doorashadana sidii loogu talo ayayna u dhaceysaa, Odayaasha dhaqanka meel ay doorasho kasoo galayaana malahan, waa Muhiim in la kala saaraa siyaasadda iyo dhaqanka, doorashadana maalin laguma darayo”ayuu yiri xildhibaan Ilyaas. Waa wali taagan xiisadda siyaasadeed, lamana oga sida saacad walbaa ay wax isku badali karaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  17. Ilhan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed ayaa loo doortay xubin kamid ah Aqalka hoose ee Congress-ka Maraykanka doorashadii dhexe ee dalkaasi shalay ka dhacday. Ilhan oo 36 sano jir ah ayaa taariikh sameysay ka dib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo xubin ka noqda Aqalka hoose ee Congress-ka dalkaasi. Dhinaca kale Hodan Xassan iyo Maxamud Nuur labaduba Soomaali ah ayaa ku guulaystay Aqalka hoose ee Baarlamanka gobolka Minnesota,sida ay sheegtay warbaahinta Maraykanka. Dadka Soomaaliyeed ee dunida dacalladeeda ku nool ayaa si weyn u bogaadiyay guusha ay doorashada dhexe ee Maraylanka ka soo hoyiyeen saddexdan qof ee Soomaalida ah,islamarkaana qaxootiga ku galay dalkaasi. PUNTLAND POST The post Ilhan Cumar oo loo doortay xubin kamid ah Congress-ka Maraykanka appeared first on Puntland Post.
  18. Xildhibaannada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa maanta magaalada Muqdisho ku leh kulankoodii caadiga ahaa. Ajendaha kulanka oo aan helnay ayaa ah Akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Duulista iyo Hawada, waxaana sidoo kale ay xildhibaannada akhrinta Labaad marsiinayaan mashruuca Liil tirka. Ammaanka guud ee xarunta golaha shacabka ayaa ah mid aad loo adkeeyey, iyadoo shaqada mudanayaasha golaha shacabka ay maalmahan dambe dar-dar ku socoto. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  19. Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Somaliland Axmed Daauud Geeddi ayaa wuxu si toos ah u soo dheegtay warqad uu qoray xisaabiyaha guud ee qaranka ee Soomaliya taas oo uu ku socodsiinayo Wasiirka Horumarinta Maaliyadda ee Somaliland Mudane Yuusuf Maxamed Cabdi. Warqaddan uu xisaabiyuhu soo qoray ayaa waxay ka danbeysay ka dib markii uu wasiirka horumarinta maaliyadda mudane Yuusuf Maxamed Cabdi uu wax ka bedel ku sameeyay shaqaalaha ka hawl gala xafiiska xisaabaadka qaranka, isaga oo uu xisaabiyuhu sheegay in aanay Xisaabaadka Qaranku ka mid ahayn wasaaradda maaliyadda iyada oo laga wada war hayo in uu xisaabaadku ka tirsanaa wasaaradda maaliyadda tan iyo intii dalka lagu soo noqday. Xisaabiyaha guud ee qaranka ee Somaliland ayaa waxa uu u dooday si la mid ah sidii uu xisaabiyaha guud ee Soomaaliya ula doodday wasiirkiisa maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle. Dhinaca kale, xisaabiyaha guud ee qaranka ee Somaliland Axmed Daauud Geeddi ayaa waxa ay u egtahay in uu kaga dayanayo xisaabiyaha qaranka Somalia dagaalka ay ku hayso wasiirkiisa maaliyadda ee Soomaaliya taas oo wax u dhimaysa wada shaqaynta Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda iyo wasaaradaha kale, sida ay sheegeen dadka arrintan dhaliila, maadaama oo ay xisaabaadka qaranku u qaabilsantahay qaranka lacag-sii-daynta taas oo ay ka dhalatay in aanay wasaarado badan ku adkaato in loo sii daayo lacagihii ay ku fulin lahaayeen hawlaha shaqo ee u yaalla. Marka laga yimaaddo caqabadaha kala duwan ee uu xisaabiyaha guud ee qaranku ku hayo wasaaradaha Somaliland ee dhinaca lacag sii daynta, hadana, warqadda uu ka soo dheegtay xisaabiyaha guud ee Soomaaliya waxay hoos u dhigaysaa doodda Somaliland ee ah inay tahay qaran, madax-banaan. Isku eeg labada warqad, midda kowoaad waa tan xisaabiyaha guud ee Soomaaliya, tan labaadna waa Somaliland Qaran News
  20. Maanta oo Arbaco ah ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu soo gaaro wasiirka difaaca dowladda Turkiga iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo. Waxaa wafdigan ka mid ah taliyaha ciidanka xoogga dalka Turkiga, madaxa hay’adda TIKA iyo saraakiil kale. Waxa ay kulamo la qaadan doonaan mas’uuliyiin DFS oo ay ka wada hadli doonaan arrimo dhowr ah. Turkiga ayaa saaxiib dhow la ah Soomaaliya, waxaana dalka ay ka hirgeliyeen mashaariic badan oo horumarineed. Warkaan wixii kusoo kordhaan kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya gobolka Sool ayaa sheegaya in ciidamo Ethiopian ah oo wata gaadiidka dagaalka ay gaareen deegaano dhowr ah oo ka tirsan gobolkaasi. Ciidamada ayaa la sheegayaa inay halkaasi u tageen nabad ilaalin ahaan, kadib markii deegaanada Saax Dheer, Dhumayga iyo Doocmo ay ku dagaalameen maleeshiyaad halkaasi wada daga oo dirirtooda muddo kusoo laalaabatay halkaasi. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ciidamada Ethiopia uu hogaaminayo Garaad Kulmiye oo kamid ah wafdi ka yimid dowlad deegaanka kuwaasi oo doonayo inay dhameeyaan dagaalka soo kusoo noqnoqday deegaankaasi. Xildhibaan Indho Indho oo kamid ah golaha wakiilada Somaliland ayaa soo dhaweeyay in ciidamada Ethiopia ay kala dhex galeen maleeshiyaadka ku dagaalamaya deegaanka Dhumayga. Laakiin Qaar kamid ah xubnaha golaha wakiilada ayaa walaac ka muujiyay in ciidamadaasi ay tagaan deegaanada gobolka Sool oo marar badan ay dagaalo ka dhaceen. Wafdi uu hogaaminayay wasiirka arrimaha gudaha Somaliland ayaa shalay gaaray deegaanada maleeshiyo beeleedyada ku dagaalameen, isaga oo doonayo in xal waara laga gaaro colaada deegaanka. Madaxweynaha Somaliland Muuse biixi ayaa dhawaan shaaciyay inay soo dhaweynayaan cid walbaa oo ka qeyb qaadaneyso dhameynta colaadka u dhaxeyso maleeshiyaadka ku dagaalamaya Dhumayga iyo Saax Dheer. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Guddomiye Cirro Oo Kulan Meeqam sare leh La qaatay Xildhibaano Ka Tirsan Barlamaanka Yurub & UK+Sawirro Gudomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI Md Dr. Cabdiraxman Maxamed Cabdilahi (Cirro) oo wali ku dhexe jira safarkii samawade WADDANI-UK ayaa maanta wuxuu kulan laqaatay xildhibaano ka tirsan barlamaanka dalalka eurpe iyo uk kulanka ayaa lagaga wada hadlay waxyaabo badan oo khuseeya arimaha jamhuuriyada somaliland gudomiye cirro xaga xisbiga waddani waxaa ku wahelinaayey gudomiyaha xisbiga waddani uk mudane maxamed cali kulankaas maanta magaalada london ku dhex maray dr cirro iyo xidhibaanada isugu jiray barlamaanada europe iyo dalka uk ayaa si fiican laysula fahmay arimihii lagaga wada hadlay. Qaran News
  23. Wararka ka imaanaya gobolka Sool ayaa waxay sheegayaan in halkaasi ay gaareen ciidamo badan oo Itoobiyaan ah, kuwaasi oo doonaya iney kala dhexgalaan beelo walaalo ah oo dhowaan ku dagaallamay deegaanno ka mid ah gobolkaasi. Ciidamadan ayaa tagay sida la sheegay deegaannada Dhumay iyo Saax-dheer, halkaasi oo dagaallo culus ay ka dhaceen. Waxay ciidamadaan la socdaan Garaad Kulmiye oo ah nabadoonka Somali State oo dhowaan isna yimid gobolka Sool si nabad loo kala dhex-dhigo beelahan. Dhowaan ayeey ahayd markii madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu sheegay iney soo dhoweynayaan cid walbo oo nabad ka dhex dhalineysa beelahan ku dagaallamay Sool. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa ka jira jahwareer siyaasadeed, iyadoo xalay illaa saq dhexe magaaladaasi ka soconayeen kulamo gaar gaar ah. Xubnihii ka haray guddiga doorashada ayaa waxay sheegayaan in doorashada la qaban doono 17-ka bishan, iyadoo la ogyahay in kala bar ay guddigaasi iska casishay. Sidoo kale, xubnahan waxay sheegayaan in lasoo dhammeystiri doono xubnaha guddiga doorashada ka harsan, islamarkaana waqtigeeda ay doorashada ka dhici doonto. Waxgaradka K/galbeed oo shalay hadlay waxay tilmaameen in iyaga oo adeegsanaya awoodooda dastuuriga ah ay dib u dhigeen doorashada maamulkaasi. Waxay waxgaradkan sheegeen in dowladda dhexe ay min Shan Kun oo doolar siisey xildhibaannada baarlamaanka K/galbeed ee ku sugan magaalada Muqdisho. Siyaasad ahaan Baydhabo ma degana, xilli walbana waxaa la filan karaa iney soo kordhaan warar dheeraad ah oo ku aadan arrimaha doorashooyinka. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com