-
Content Count
214,951 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Bar___-Qubanaha-Shabelle-25112018.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxa ay sheegayaan in ay is casileen maanta xubnihii ugu badnaa ee musharixiinta doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi u taagneyd. Musharixiintaan oo tiradooda ay gaareeyso ilaa 5 Musharax ayaa ku dhawaaqay in ay ka tanaasuleen u tartamida doorashada madaxtinimo ee maamulkaasi. Musharixiinta ayaa shir ku yeeshay magaalada Baydhabo iyaga oo go’aankaasina gaaray iyaga oo is casilaadoodana ku sababeeyay faragalin ay ku heeyso dowlada Soomaaliya. Magacyada Musharixiinta is casilay. 1- Maxamed Aadan fargeeti 2- Yuusuf Macalin Baadiyoow 3- Saalax Sheekh cismaan 4- Xuseen Kacaan 5- Xasan Amiin Mid kamid ah musharixiintaasi oo la hadlay wariyaasha ayaa ka warbixiyay sababaha ay uga tanaasuleen in doorashadaasi ay ugu tartamaan. Hoos ka Dhageeyso Codka;- https://puntlandpost.net/wp-content/uploads/2018/11/musharixiintii-tanaasulay.mp3 Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Musharixiintii ugu badnaa ee Koonfur Galbeed oo is casilay appeared first on Puntland Post.
-
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay kaga qeyb galayaan shirka dhaqaalaha badaha. Shirkan oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa laga arrinsanayaa horumarinta dhaqaalaha badaha, gaar ahaan dhinacyada la xiriira maalgashiga, sare u qaadista fursadaha shaqo ee dhallinyarada, yareynta saboolnimada, horumarinta tiknaloojiyadda kalluumaysiga, badbaadada iyo ilaalinta hannaanka caalamiga ah ee marinnada badda. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirkan ku soo bandhigaysa qorsheheeda la xiriira maalgashiga casriyeynta dekadaha, kobcinta dalxiiska iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee magaalooyin xeebeedka, maadaama Soomaaliya ay leedahay xeebta ugu dheer qaaradda Afrika. Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ka digtay kalluumeysiga sharci darrada ah ee badaha Soomaaliya iyo shirkadaha shisheeye ee burburkii dalka kaddib sida sharci darrada ah ugu shaqeysanayey, iyadoo haatan dib loo xoojinayo tallaabooyinka sharci ee lagaga hortagayo arrinkaas. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa shirar doceedyo la yeelan doona qaar ka mid ah Madaxweyneyaasha iyo masuuliyiinta ka soo qeyb galaya shirka, isagoona kala hadlaya sidii Dowladda Federaalka Soomaaliya loogu gacan siin lahaa qorsheyaasha ku saabsan horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha iyo maalgashiga dalka. Shirkan waxaa si wada jir ah u soo qaban qaabiyey Dowladaha Canada, Japan iyo Kenya, iyadoona ay ka soo qeyb gali doonaan in kabadan 4000 oo qof oo isugu jira mataleyaal dalal, ganacsato iyo xeeldheereyaal arrimaha dhaqaalaha iyo badda. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Farmaajo oo Nairobi kaga qeyb galaya Shirka Dhaqaalaha Badaha appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Heerka musuq-maasuqa wasaaradda maaliyadda Soomaaliya ayaa maraya meel aad u sareysa, waxaana soo baxay caddeymo muujinaya ku xadgudub hanti dadweyne oo caqliga ka baxsan. Waa muhiim dagaalkaan lagula jiro Musuq maasuqu waana talaabo soo kordhin karta horumar dhaqaale, dhaqan dowlad wanaag iyo islaxisaabtan. hase yeeshee su’aasha ayaa ah dagaalka ma ku wajahan yahay dadkii la rabay. Maalmahaan waxaa warbaahinta aad looga hadal hayey shaqaale iyo askar loo xiray Musuq awgiisTusaalihii u dambeeyay wuxuu ahaa askar mushaarkoodu ahaa 100 doollar oo si farsamaysan laba mushaar u qaatay. In sharciga lagu fuliyo dadka aan garabka haysan oo ay Soomaalidu u taqaan “looma ooyaanka “ iyada oo aan lala xisaabtamin ama aan sharciga la hor keenin dadka isbidaya inay haystaan garab ay isku hallayn karaan. Arrintaan waxaa ka dhalan kara Ciqaab iyo caro ka timaadda Ilaahay Inay yaraato kalsoonida ay dadweynuhu ku qabaan dawladda Inaan madaxda dawladda marka ay Musuqa ka hadlayaan aan dheg loo jalaqsiin Inay dhiirrogeliso in tuugada waaweyn ay ku dhiiradaan xatooyada xoolaha dadweynaha Sida ay dad badan la socdeen waxaa Wasaaradda Maaliyadda ka dhacay Musuq baahsan oo markii uu soo shaacbaxay Hantidhawrka Qaranku uu baaris ku sameeyay sedex (3) nin oo ka mid ah gacan yarayaasha Wasiirka Maaliyadda isla markaana ay xigto dhow yihiin mudane Beyle, sidoo kale Agaasimaha Wasaaradda Maaliyadda mudane Shire Jimcaale oo isagu ahaa ninka u fududeeyay in Musuqaas uu ka dhaco Wasaaradda Sidee wax u dheceen? Yaa qaata seddex mushaar iyo ka badan? Xaggee ka qaataan? Saddexdooda sanadkii waxay qaataan $385,800 (saddex boqol & sideetan iyo shan kun iyo sideed boqol Hanti dhowrka qaranku wuxuu baaritaan ku waday kiisaskaan musuq maasuqa ah muddo lix bilood ah. Kiisaskaan ayaa ahaa mushaaraaad iyo gunooyin ay ka kala qaadan jireen Wasaarada Maaliyada, Arimaha Dibada, Safaarada Sweden, Baniga Aduunka, iyo Bangiga Afirka, lacagtaan oo qaarkood la qaadanayey mudo 2 sano ah. Dhacdadaan Musuq Maasuqa ee foosha xun oo lagu lunsaday lacag gaaraysa $385,800 sanadkiiba mudadaas ilaa iyo hadda shacabka Soomaaliyeed ma helin cadaalad la horkeeno arintaan oo si cad u muuqata lana hayo cadymihii ducomentiyada lagu qaatay lacagaahaas. Arrintaan waxay noqonaysaa mid lagu ogaado in ay Xukuumadda ka dhab tahay inay Musuqa la dagaasho iyo in kaliya looma ooyaanka la ugaarsanayo caddaalad ma aha ee caddaalad darro lagula kacaayo shacabka masaakiinta ah ee lagu helay xatooyo $100 doollar ah. Haddaba waxaad hoos ka daalacataa baaritaankii Hantidhowrka uu ka sameeyay seddexda nin iyo caddeeymo wareeysiyadii lala yeeshay ee ay ku qirteen in ay danbiga galeen, balse, halkii laga sugaayay in caddaaladda la horkeeno wuxuu Hantidhowrka amray oo kaliya in ay soo celiyaan lacagta ay ka dhaceen qaranka. Haddii ay caddaalad jirto, dhabna ay ka tahay madaxweyne Farmaajo waa in uu caddaaladda hor keena tuugada qiratay dhaca hantida ummadda, lana marsiiyaa ciqaabta ay mudan yihiin. Halkan hoose ka akhriso wareysiga iyo warbixintii Hanti Dhowrka
-
Somaliland iyo Kelidii Taliye Cusub Muuse Biixi Hamigiisa, Dhisida hayadaha uu rabo inuu hamigiisa ku gaadho, suurgalnimada hamigiisa, Cida joojin karta. Hamigiisa ugu wayni waa inuu sameysto awood Ciidamo adag kala noocnooc ah oo 80% ka soo jeeda Beeshiisa iyo Beelaha kale ee uu ku kalsoon yahay. Askari, Qori, iyo Cabdi. Surtagelintii hamigaasi Already way bilaabantay waxaanu ku bilaabay inuu kaysado oo uu xidho lacagtii iyo dhaqaalihii yaraa ee dalka soo galayay!. Inuu dadkii ku soo rogo nidaamka shuuciyada ee ah qofna ma dhergi karo hadaad qado cuntay waad badsatay ee , casho ha sugin. Suuqyadii Ganacsigu waa dhaag, iibkii hantida ma guurtada ahi waa dam. Weli qiiqii Axmed Siraanyo ayaa sii baxaya ee 2019 ka afkaa juuqda gabi doona In damaciisa la joojiyaa waxay suuro gal tahay 30%. Waayo? Marka hore dadka dalka ku nooli way kala qaybsan yihiin, oo wuxuu haystaa tageerayaal badan oo sax iyo khaladba ku difaaca ,waa mida labaade dadku waxay la falgaleen nidaamyo doorashooyin Qabyaaladaysan lakiin dadku si nafisa ugu wada noolaayeen, kuraasida dalkana lagula kala wareegi jiray markaa kama fikiri karaan mana hayaan qaaciidadii ay ku joojin lahaayeen nin Kelidii Taliye ah oo intuu waxoodii ka tagey toobiye kala qabsaday! Waa kee ninka ugu dhaw ee Joojin kara inuu Muuse Biixi noqdo Kelidii Taliye Isagoo wax dili kara aan aqbalin inuu duco qaato ?. Waa Faysal Cali Waraabe. Sababtoo ah waa nin inbadan hal hayskiisu ahaa in aanu cidna ka yeelaynin in Somaliland la baabiyo. “Aabahay ayaan ka diiday” Ayuu yidhaahdaa. Bal aynu eegno inuu Muuse ka yeelo inay Somaliland noqoto Xero Askareed oo uu kelidii Taliye maamulo iyo in ay hayso dariiqeedii ahaa Not so good not so bad. Bal aynu sugno halka ay ku danbeeyaan Muuse Biixi iyo Somalilandta aanay cidina aqoonsan ee daawaha ku socotaa. Alla Mahad Leh Osman Omar Dool Oslo Norway Qaran News
-
Somali government says 15 militants killed in new airstrike
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Fifteen Alshabaab fighters have been killed and more than 30 others wounded in an airstrike on Saturday evening. According to official Somali National News Agency (SONNA) the attack targeted meeting of the militants in Hargeysa Yarey in the middle Juba region of Somalia at 11PM local time on Saturday. SONNA said top Al Qaida linked group officials including Daahir Gacmay, Abdirahman Takar, Sayid Dheere, Abdullahi Rabbi and among others were in the meeting during the attack. No confirmation or denial from US Africa command press department on the attack reportedly carried out by its aircraft. US drone attacks constantly target alshabaab fighters in Somalia. Drone strike killed group leader Ahmed Godane on September 2014. Last week group’s convoy was destroyed by suspected US strike in Galmudug region of Somalia. The number of casualties or scale of damage is still unclear. The post Somali government says 15 militants killed in new airstrike appeared first on Shabelle. View the full article -
Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda federaalka ah Soomaaliya Cabdiraxmaan Belye oo sabtidii hor yimid golaha shacabka si uu isaga difaaco eedeynta guddiga maaliyadda ee golaha ayaa dhinaca kale sheegay in dalka aaney ka jirin wax maxkamado ah. Mr. Belye oo arrintaas ka hadlaayo wuxuu yiri “arrimaha meeshaa lagu soo qoray waa malo-awaal, arrin suuq ah iyo kutiri-kuteen, la habeeyey, oo dabadeedna internetka la geliyey, adduunyada kale maxkamad aya ala isgeyn lahaa sow ma aha, tanoo kale adduunyada kale, I can tell you, maxkamad ayaa la isgeeyaa, ee innaga maxkamad miyaan leenahay, qabiilbaa maxkamad noo ah sow ma aha”. Wasiirka maaliyadda Cabdiraxmaan Beyle ma sii faah-faahin ujeedka iyo sababta uu sidaa u yiri, laakin taasi waxaa ay ka hor imaaneysaa dadaalladii uu sheegay madaxweyne jamhuuriyadda federaalka ah Maxamed Cabdullahi Farmaajo. Mudane Farmaajo waxaa uu mar hore ballan-qaaday inuu hagaajin-doono ama isbadal ku sameyn-doono garsoorka dalka, isaga oo guddoomiyaha maxkamadda sare u magacaabay Baashe Yuusuf Axmed, waxaa kale oo isbadal lagu sameeyey 6 ka mid ah garsoorayaasha maxkamadda sare iyo guddoomiyeyaasha maxkamadaha gobolka Banaadir. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dabley ku hubeysan Bastoolado ayaa lagu waramayaa in maqribnimadda Axad ay ku dishay degmada Shibis ee magaalada Muqdisho ruux la sheegay inuu ka tirsanaa ciidamada dowladda. Goobjoogayaal ayaa usoo tabiyay idaacadda Shabelle in dilka oo ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Maanabolyo, gaar ahaan afaafka hore ee masjidka Dhagawayne ay geysteen labo nin oo Bastoolada watay xili ay goobta ka baxsadeen. Hay’addaha nabad-gelyada Soomaaliya oo meesha ay wax ka dhaceen soo gaarey saacado kadib markii uu falka dhacay ayaa sameeyay howlgalo baaris ah, kuwaasi oo aanan la ogayn hadii cid lagu soo qabtay. Ma jiro cid sheegatay masuuliaydda dilkaan, kaasi oo imaanaya xili isgoysyadda caasimada lagu soo daabulay ciidamo badan, kuwaasi oo loogu talagalay inay sugaan nabad-gelyadda magaalo madaxda dalka. The post Koox hubeysan oo dil ka geystay degmada Shibis ee Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Hamigiisa ugu wayni waa inuu sameysto awood Ciidamo adag kala noocnooc ah oo 80% ka soo jeeda Beeshiisa iyo Beelaha kale ee uu ku kalsoon yahay. Askari, Qori, iyo Cabdi. Surtagelintii hamigaasi Already way bilaabantay waxaanu ku bilaabay inuu kaysado oo uu xidho lacagtii iyo dhaqaalihii yaraa ee dalka soo galayay!. Inuu dadkii ku soo rogo nidaamka shuuciyada ee ah qofna ma dhergi karo hadaad qado cuntay waad badsatay ee , casho ha sugin. Suuqyadii Ganacsigu waa dhaag, iibkii hantida ma guurtada ahi waa dam. Weli qiiqii Axmed Siraanyo ayaa sii baxaya ee 2019 ka afkaa juuqda gabi doona In damaciisa la joojiyaa waxay suuro gal tahay 30%. Waayo? Marka hore dadka dalka ku nooli way kala qaybsan yihiin, oo wuxuu haystaa tageerayaal badan oo sax iyo khaladba ku difaaca ,waa mida labaade dadku waxay la falgaleen nidaamyo doorashooyin Qabyaaladaysan lakiin dadku si nafisa ugu wada noolaayeen, kuraasida dalkana lagula kala wareegi jiray markaa kama fikiri karaan mana hayaan qaaciidadii ay ku joojin lahaayeen nin Kelidii Taliye ah oo intuu waxoodii ka tagey toobiye kala qabsaday! Waa kee ninka ugu dhaw ee Joojin kara inuu Muuse Biixi noqdo Kelidii Taliye Isagoo wax dili kara aan aqbalin inuu duco qaato ?. Waa Faysal Cali Waraabe. Sababtoo ah waa nin inbadan hal hayskiisu ahaa in aanu cidna ka yeelaynin in Somaliland la baabiyo. “Aabahay ayaan ka diiday” Ayuu yidhaahdaa. Bal aynu eegno inuu Muuse ka yeelo inay Somaliland noqoto Xero Askareed oo uu kelidii Taliye maamulo iyo in ay hayso dariiqeedii ahaa Not so good not so bad. Bal aynu sugno halka ay ku danbeeyaan Muuse Biixi iyo Somalilandta aanay cidina aqoonsan ee daawaha ku socotaa. Source
-
Sanad Ka dib, haddii aynu qiimayno xukuumada ,qiimaynta imtixaankeedu sidan ayuu noqonayaa. Wasaarada arrimaha debeda D Wasaarada arrimaha gudaha D Wasaarada warfafinta D Wasaarada caafimaadka C Wasaarada maaliyada ,C Wasaarada waxbarashada C Wasaarada biyaha B Wasaarada beerha B Wasaaradaha ciyaaraha iyo diinta iyo aw qaafta , qiimayntan laguma Darin . Source
-
Hadalkii madaxweynuhu ka jeediyay Burco ee ku saabsanaa arrimaha ka socda Geeska afrika, waxa uu u muuqday rajo la’aan iyo in culays soo food saaray xidhiidhka arimaha debedda Somaliland. Madaxweynuhu, waxa uu inoo sheegay in Somaliland weyday saaxiibkii ugu weynaa dhanka diblomaasiyadda ee dunida ay ku lahayd oo ahaa Itoobiya, sidoo kale aanay jirin meel aynu kaga jirno dhaqdhaqaaqa isbeddelka siyaasadeed ee Geeska Afrika ka socday sanadkan. Taa beddelkeeda, ma sheegin meelo kale oo aynu uga wareegnay arrimahan, dalal kale oo aynu garabsano iyo in aynu xulufo la nahay Imaaraadka iyo Maraykanka oo loo malaynayo in ay yihiin awoodaha ka danbeeya isbeddelkan siyaasadeed. Madaxweynuhu, waxa uu innagu dhiiri geliyay dhabar adayg iyo in Eriteriya u adkaysatay cadaadis siyaadeed muddo dheer, imikana guul lama filaan ah gaadhey. Sidoo kale, dadka Somaliland u diyaar garoobaan adkaysi la mid ah ama kasii muddo dheer kaa Eriteriya iyo halgan danbe oo lagu xaqiijinayo himilada dalkeenna Somaliland. Hadalkii Danjiraha Maraykanka ee Soomaaliya Yamamoto, u sheegay VOA-da, nuxurkiisu ahaa in isaga iyo dawladdiisuba la dhacsan yihiin sida ay wax uga socdaan geeska iyo siyaasadaha uu hormuudka ka yahay Aabi Axmedka Itoobiya. Innaga oo ogsoon in Somaliland iyo Jabuuti daawadeyaal ka yihiin isbeddelka Geeska! Yamamoto, waxa uu maragga u furay hadalkii madaxweyne Muuse iyo in Somaliland ku jirto go’doon diblomaasiyadeed, xataa aanay saadaalin karin sida xaalku ku danbayn doono. Haddaba, dadka Somaliland diyaar ma u yihiin dhabar adayg iyo halgan danbe sida Eriterya? Mahadsanid, Source
-
Dalal badan oo Carabta ah ayaa waxay ahaayeen dhul lama degaan, saxarre ah, dadkoodii ku noolaa way ku samreen, iyagoo carrabkoodu qabatimay kalmaddo wanaagsan oo ay ka mid yihiin: Maansha Allah, Alxamdulilaah iyo hadallo wanaagsan oo Illaahay raaligelin iyo tawaadac u muujinaya. Dhulkoodii waynu aragnay sida uu isku bedelay, ha shaqaystaan oo tacab ha sameeyaan laakiin waxa Alle u qaaday hadalkoodii wanaagsanaa oo ilaa maanta waa kuwaa Illaahay mahadinaya, shiidaalka, beetroolka iyo nimcadda Alle ku galadayna waynu aragnaa. U kaalay inaga Soomaali ahaan dhaqan uma lihin oo afkeenna kuma badna xamdi naqa Alle iyo odhaahda Maansha Allah, carrabkeenuna waxa uu qabatimaa canaan, cay iyo catow. Waa ta maanta keentay in Soomaali meel kasta oo ay joogto u dareemi laayihiin nimcada Alle ku galaday ee u aamini laayihiin dhulkooda, tamarta ay wax ku tabci lahaayeenna looga qariyay. Soomaalilaand markaynu u nimaadno waxa maalmahan danbe odhaahdeedu afafka dad badan ku badatay kelmadda “Handaraab”. Waynu ognahay oo meel handaraabanni waa meel laga maqan yahay ama aan la joogin markaa oo lasii xidhay, miyaynaan ka baqanayn in qabatinka carrabkeenna ee kelmaddaas Alle inoo qaado oo handaraab rabaanniyi inagu dhaco. Waayo waynu is ognahay oo markaynu odhaahdaa isticmaalayno uma adeegsano in wixii xun ee aan wanaagsanayn la inaga handaraabo sida qaadka, laakiin waxaynu ula jeednaa in dalkii inagu handaraabmay oo aanay waxba kala socon, Subxaan! Illaahow carrabkayagu markuu wax aan haboonayn ku hadlayo hanoo qaadin. Alle aynu wanaag ka rajayno odhaah yididiilo iyo xamdinaq tilmaamaysana Alle aynu ku qaabilno meel kasta iyo milay kasta. Waad mahadsantihiin walaal waa iga waano un intanni. Walaalkiin: Maxamed Fuaad Dhago-cadde Source
-
Musharraxa xilka Madaxwaynaha Puntland ee sannadka 2019, Injineer Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye iyo wafdi ballaaran oo uu horkacayo ayaa si mug weyn maanta loogu soo dhoweeyey degmada Dangorayo ee gobolka Nugaal. Kumannaan dadwayne ah oo ku dhawaaqayey hal-ku-dhigyo ay kamid yihiin “Annagu Jebiyaanu Nahay, kulligeen Jebiyaanu nahay”, kuwaas oo ruxayey callamo iyo caleemo qoyan ayaa musharraxa kusoo dhoweeyey bartamaha degmada Dangorayo. Musharraxa ayaa intaas kaddib loo soo gelbiyey Dugsiga Sare ee Kalyixeed, halkaasoo uu bulshada kul hadlay, isagoo ugu horrayn ka mahadceliyey sida qiimaha badan ee isaga iyo wafdigiisa loo soo dhoweeyey. Injineer Maxamuud Khaliif wuxuu sheegay in degmada Dangorayo tahay degmo muhiim ah oo dhacda goob istaraatiiji ah, ayna mudan tahay in baahiyaheeda si dhaqso ah looga jawaabo, xil gaar ahna layska saaro. Taas isagoo ka jawaabaya, Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Jebiye wuxuu degmada Dangorayo ugu deeqay $20,000 (labaatan kun oo doollar), lacagtaas oo lagu bixin doono mashaariicda dhanka horumarinta ee degmada Dangorayo. Musharrax Maxamuud Khaliif Xasan Injineer Jebiye ayaa weli ku guda jira socdaalka uu ugu magac daray ‘Tashi iyo Tabasho’. Socdaalkan ayaa ah mid Musharraxu ugu kuur gelayo xaaladda guud ee dalka, islamarkaana uu kula tashanayo qaybaha kala duwan ee bulshada. The post Musharrax Jebiye oo $20,000 ugu deeqay horumarinta degmada Dangorayo ee Gobolka Nugaal. appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe Online (Caasimada Online) – War Saxaafadeed kasoo baxay maamulka Puntland ayaa waxaa lagu beeniyay in dowladda Federaalka Soomaaliya lacag ugu deeqday dhismaha Jidka Ceeldaahir-Ceerigaabo. War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu yiri” Puntland waxay la wadaagaysaa ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan shacabka reer Puntland in ay tahay libin sheegasho beena, sheegashada Dowladda federaalka Soomaaliya ay ku sheeganayso inay ugu deeqday wadada Ceeldaahir-Ceerigaabo lacag dhan $1500,000.00 (Hal Milyan Iyo Shan Boqol oo Kun oo Doolar). Sidoo kale War-Saxaafadeedka ayaa waxaa lagu sheegay in lacagtaas Midowga Yurub uu ugu deeqay, hayeeshee loo soo marsiiyay dowladda federaalka Soomaaliya. Dhinaca kale Puntland ayaa qoraalkeeda ku shaacisay arrin aysan dad badan ka war-hayn oo ah in dowladda Qatar ay dowladda Soomaaliya siisay lacag gaareysa 200 oo milyan oo dollar.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Saraakiisha ugu sareysay ee maxkamada ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta waxay ay hortageen Guddiga arrimaha Diinta, Awqaafta iyo Garsoorka ee Gollaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya. Masuuliyiinta maxkamada ka socotay oo uu hogaaminayay Gudoomiyaha maxkamada Liibaan Jenaraal Liibaan Cali Yarow, waxaa wehliyay Gudoomiyaha darajada koowaad ee ciidamada Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute. Xubno ka socday xafiiska xeer-illaalinta dalka ayaa sidoo kale kulanka ay qaateen masuuliyiintaan qayb ka ahaa, kaasi oo lagu lafaguray hanaanka cadaaladeed ee dalka iyo sidii loo shacabka Soomaaliyeed loogu xaqsoori lahaa. Sidoo kale, madaxda ayaa inta uu socday kulankooda waxay isla soo qaadeen arrimo ku saabsan wadashaqayn buuxda oo dhex-mara Guddiga iyo maxkamadaha dalka si loo gaaro cadaalad. Dhanka kale, xarunta Villa Hargeysa waxaa kulan ku yeeshay xubnaha Guddiga Gadiidka, Dekadaha iyo Wadooyinka Golaha Wakiilada Shacabka ayaa kulan yeeshay, xili ay kawada hadleen sharciga duulista Hawada. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Mahad-3.mp3 The post Saraakiisha Maxkamada CQS oo la kulmay Guddiga A/Diinta ee BFS appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Waxaanu halkan idinku soo gudbinaynaa sannadkii 2009-kii muran u dhexeeyay xisbiyadii mucaaridka ahaa ee KULMIYE iyo UCID iyo xukuumaddii wakhtigaa ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin iyo xisbigeedii UDUB kaasi oo ku saabsanaa komishan doorashooyinka iyo halka ay kala taagnaayeen, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-25112018.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
In 1991, President Mohammed Siad Barre was overthrown by the armed opposition in Somalia. A new round of civil confrontation broke out in the country, leading to devastation and terrible famine; at least 300 thousand people were killed. In the spring of 1992, the UN Security Council established a mission, the purpose of which was to provide food for the people of the Somali Republic. From the very first days, however, humanitarian convoys began to encounter obstacles in the form of locally armed formations. Food could be transported only by paying the militants a fee. Moreover, even the missing goods rarely reached the needy. The UN decided to introduce a limited peacekeeping contingent to Somalia, which included representatives from 20 countries, including the United States. However, international interference in the internal affairs of the republic was perceived as hostile by the leader of the Somali National Alliance (SNA), Mohammed Aidid, who effectively declared war to the peacekeepers. The fighting between the UN forces and the rebels began after the cessation of broadcasting of the SNA radio station, which, according to the UN representatives, did nothing but incitement. On June 5, 1993, the peacekeeping forces suffered their first losses. First, 24 Pakistani soldiers were shot in a prepared ambush, later on, the same day, the militants attacked several more groups of peacekeepers. In response, the US Air Force launched a series of strikes against rebel bases, destroying the SNA headquarters, a radio station and Aidid’s house. However, such actions only complicated relations with the local population, much of which took a frankly hostile position towards the United States. However, the UN leaders demanded that the peacekeeping contingent be arrested or in the event of the liquidation of Aidid. Over the head of the leader of the militants appointed a reward of 25 thousand dollars. The operation to capture Aidid was assigned to the US military leadership, for which an operational-tactical Ranger Special Forces group was deployed in Somalia. After conducting several highly controversial and extremely unsuccessful operations, the US military decided to temporarily switch from Aidid to his closest comrades. The goal of the US command was to capture Omar Salad, Advisor to Aidid, who, on October 3, 1993, after an anti-American rally, was supposed to stay in a white three-story building near the Olympic Hotel, in the slums of Somalia’s capital Mogadishu. According to some information, Aidid himself could dwell there. The “Black Sea” quarters (the Americans called this region) were populated mainly by supporters of Aidid, who had an impressive arsenal of weapons. According to various estimates, there were from 2 to 6 thousand fighters and militias. The “Rangers” were going to carry out the operation with forces of 160 people. This alignment did not bode well for the Americans. The operation started at 15:00. American troops from helicopters using the “fast ropes” landed on the building they were looking for and threw assault grenades at the courtyard. However, in less than a minute, heavy fire came down on the Rangers from neighboring buildings. This reaction of the rebels was an extremely unpleasant surprise for Americans. Nevertheless, the Special Forces managed to capture Omar Salad and another 23 members of the SNA (Muhammad Aidid was not in the house). The ringleaders of the militants and escorts managed to get into the “Hummers” which arrived at the scene of the operation, but the road to freedom was a long one. In a matter of hours, the streets of Mogadishu turned into barricades, and as they approached the next obstacle, the American convoy was subjected to the most severe shelling. During the loading of the column by the rebels one of the American helicopters was shot down in which there were 6 servicemen in it. The “Rangers” were forced to send part of the fighters to protect the fallen helicopter, but on arrival at the scene of the accident, they were in a tight ring of rebel actions. A shootout ensued. The fierceness of the battle is indicated by the fact that in a few hours at least 60,000 rounds of ammunition were fired at the enemy. Every hour the situation for the eighty surrounded American military was getting worse. They ran short of ammunition, water, and medicines. It was only late at night after the arrival of reinforcements from the peacekeeping forces that the “rangers” managed to escape from the encirclement with great losses. For all the fighting on the streets of Mogadishu, the “Rangers” killed 18 people, and another 84 soldiers were injured. In addition, the rebels destroyed three Black Hawk helicopters, three Hammers and one truck. Considering that the elite of the American Special Forces participated in the operation, its results were considered catastrophic. The failure in Somalia was painfully perceived by US Secretary of Defense Les Aspin, who immediately resigned. What happened in Mogadishu caused a wide public response in the United States to which President Bill Clinton could not but respond. Under his order, all military operations in Somalia were curtailed, and by March 31, 1994, the final withdrawal of the contingent of American troops from the country is planned. An indefinite truce was concluded with the leader of the Somali opposition, Aidid. The operation in Mogadishu was the last in which such large ground units of the American troops were involved. From now on, the Pentagon will be more careful about the lives of its military, preferring to rely on air strikes. In 2001, Ridley Scott directed The Black Hawk Down, a film about the tragic events of October 1993. Source: Modern Ghana
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo ku guda jira safar uu ku marayo gobollada bariga Somaliland ayaa waxa uu gaadhay gobolka Sanaag waxaana lagu soo dhaweeyay degmooyinka Gar-adag iyo Ceel-afweyn. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa caawa seexan doona degmada Ceel-afweyn iyada oo la filayo in bari u anbabaxo magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag. Haddaba dadweynaha Somaliland shacab iyo waxgaradba waxa ay is weydiinayaan Madaxwene Muuse Biixi Cabdi ma booqan doonaa bariga gobolka Sanaag oo in dhawaydba ay dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed ka wadeen maamulka Puntland iyada oo uu dhawaan safar ku yimid Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas. Murrashaxiin dhawr ah oo u tartamaya Madaxweynenimada maamulka Puntland ayaa maalmihii u dambeeyay safaro ku marayay deegaano ka tirsan bariga gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Badhan, oo maamulka Puntland ka dhisanayo xarunta Baarlamaankooda. Xildhibaanno iyo waxgaradka reer Somaliland oo maalmihii u dambeeyay la hadlayay warbaahinta ayaa waxa ay sheegayeen in degmada Badhan ay ka sii baxayso gacanta Somaliland, taasi oo ay dayacday xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi. Xildhibaano ka tirsan labada golle baarlamaan ee wakiillada iyo guurtida oo la hadlay warbaahinta ayaa soo dhaweeyay safarka Madaxweyne balse waxa ay tilmaameen inay muhii tahay in uu gaadho bariga gobolka Sanaag gaar ahaan degmada Badhan oo muhiim u ah Somaliland. Dadka baraha bulshada wax ku qora ayaa waxa ay sheegayaan in safarka Madaxweynuhu uu dhammaystirmayo marka uu tago degmada Badhan. Somalilandtoday/Hargaysa/Office Xamse Maxamed Iiman Hamzeiiman123@gmail.com Source
-
New US ambassador to Somalia sees path to peace, prosperity
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
A week before Donald Yamamoto arrived in Mogadishu, three car bombs exploded in the heart of the city, just outside the Sahafi Hotel. Dozens of nearby motorists and pedestrians were killed or maimed. A fourth bomb went off when first responders arrived, bringing the death toll to at least 52, with more than 100 casualties. It was the latest in a string of attacks by the Islamist terror group al-Shabab, which for more than a decade has sought to dismantle the Somali federal government. But Yamamoto, the United States’ new ambassador to Somalia, isn’t deterred. By strengthening its institutions and economy, Somalia can achieve security and stability, Yamamoto told VOA’s Somali service. “We see hope. I think, for the first time in a long time, we’re seeing opportunities that are expanding and growing,” Yamamoto said. ‘We’ve got to be seen’ Yamamoto brings 20 years of experience, both in Somalia and the broader East Africa region, to his new post. He has held top diplomatic positions in Eritrea, Ethiopia and Djibouti. In Somalia, his experiences include engagement with both the Islamic Courts Union and the Somali Transitional Government, competing factions that preceded the current federal government. Yamamoto hopes to use his experiences to build on unprecedented rapprochements among East African neighbors to create new opportunities for Somalia. Now, the goal is to establish a permanent diplomatic presence in the capital, Mogadishu, and find ways to support the Somali people in their efforts to build peace and prosperity. “What is the old American adage? It’s ‘90 percent is to be seen’? And so we’ve got to be seen. We’ve got to be present. And I travel through most of Somalia, so I think I’d like to do that as well,” Yamamoto said. He plans to be operating out of Mogadishu on a permanent basis, with a small team, in the next few weeks. Multipart strategy Yamamoto acknowledges the work ahead won’t be easy. Despite an international presence, routine U.S. airstrikes, and elections in 2016 and 2017, security remains elusive. “Is it dangerous? Sure. Is it challenging? I think it is. But we need to do it because it’s important,” he said. Yamamoto has nearly four decades of experience in U.S. Foreign Service. He attended Columbia College, at Columbia University, in New York. His graduate degree in international affairs and language studies prepared him for his career in diplomacy where, at the State Department, he has received four Superior Honor awards for exceptional service. In testimony to the Senate Committee on Foreign Relations this summer, Yamamoto said he would, as ambassador, strengthen institutions and governance; shift security responsibilities from AMISOM, the African Union’s peacekeeping mission in Somalia, to Somali forces; build economic opportunities, particularly for Somalia’s young labor force; and address humanitarian food and health crises. Local, regional, international integration Key to those efforts, Yamamoto said, is integration — within Somalia and beyond. “You can’t have peace in East Africa without peace in Eritrea, Ethiopia, Djibouti, Kenya, Somalia, Tanzania. They’re all interrelated, and I think they can all benefit from a vibrant economic program. And that’s what we’re trying to do, not just for Somalia, but for the whole region,” he said. For Yamamoto, that means tapping into a broad set of resources in East Africa — Djibouti’s port and sea cargo facilities, Eritrea’s strategic coastline and mining industry, and Ethiopia’s level-one airport in Addis Ababa, which permits direct cargo shipments to the U.S. Yamamoto also sees a need for better communication within Somalia. “You have to have a really strong integration and coordination and cooperation between the federal government and the federal member states,” he said. The country is now experiencing “growing pains,” he added, and that highlights the importance of factions in the country understanding one another’s needs and demands. Encouraging collaboration with a gamut of international players, from Gulf states to Russia and China, is also important, Yamamoto added. “We’ve talked to the Chinese and the Russians very closely on a lot of areas. We see a lot of commonality. We also see some competition. We see some differences. So we have to resolve differences and emphasize commonality, but more important, we need to … focus [on] what is in the benefit of Somalia and the people of Africa, and how’s it going to help them.” An African future Yamamoto cautioned that ignoring Africa isn’t an option. In less than a century, he said, 40 percent of the world’s population and 30 percent of its labor force will be African. Those numbers mirror United Nations projections. “So Africa is going to be a major, major player. And you want a stable, vibrant, economically progressive continent. You do not need an unstable or a divided continent,” Yamamoto said. And that, he added, is cause for optimism. “The future really is, I think, potentially very bright, particularly in Somalia.” Source: VOA -
Murashaxiintii Koonfur galbeed ee ku Midoobey isbeddel-doonka ayaa qoraal ay soo saareen ku sheegay inay u tanaasuleen murashaxa Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Kooxdan waxaa ay adkeeyeen xuquuqda dastuuriga ee dastuurka federaalka siinayo dadka reer koonfur galbeed inay yeeshaan maamul hoosaadkooda u madaxbannaan. Waxay sidoo kale qoraalka ku xuseen inay jirto faragelin toos ah oo ay dowladda federaalka ku heyso nidaamka doorasho ee Koonfur galbeed. Duruufahan iyo qaar kale oo ay tahay rabitaanka bulshada ayey sheegeen inay go’aansadeen in murashaxooda uu noqdo Mukhtaar Abuu Mansuur Roobow. Doorashada ayaa Baydhabo ka dhici doonta 5ta bisha soo socota Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in kooxo hubeysan ay dil ka geysteen magaalada Muqdisho. Dilka ayaa wuxuu ka dhacay agagaarka isgoyska Maanabooliyo ee degmada Shibis, waxaana goobta ka baxsaday kooxaha dilka ka geystay degmada Shibis. Ruuxa la dilay ayaa la sheegay inuu ahaa wiil dhalinyaro ah oo kasoo baxay ciyaarta Kubbada Cagta oo uu ku ciyaarayay meel aan ka fogeyn halka lagu dilay, waxaana la ogeyn sababta ka dambeysay dilkiisa. Lama oga waxa uu ahaa wiilka dhalinyarada, balse warar soo baxaya ayaa sheegaya inuu kamid ahaa ciidamada Nabad sugida, inkastoo aan la xaqiijin. Ciidamada kala duwan ee dowladda ayaa dilka ka dib waxay baaritaan ka bilaabeen halka ay wax ka dhaceen, iyadoo ay baxsadeen dadkii falka ka dambeeyay. Maalmihii ugu dambeeyay magaalada Muqdisho waxaa kusoo badanayay dilalka qorsheysan ee loo geysanayo dadka ka tirsan dowladda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Baydhabo (Caasimadda Online) – Musharixiinta Golaha Isbadal doonka Koonfur Galbeed ayaa soo saaray go’aan xasaasi ah oo ku saabsan Doorashada la filayo inay dhacdo 5 Bisha soo socoto. Musharixiinta oo daqiiqado ka hor Shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Baydhabo ayaa sheegay inuu Musharax koowaad u yahay Golaha isbadal doonka Koonfur Galbeed Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Golaha ayaa go’aankooda ku sheegay inuu imaaday kadib markii ay fiiriyeen rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed sida ay hadalka u dhigeen iyo la tashiyo ay la sameeyeen Odayaasha deegaanadaas. Golaha Isbadal doonka Koonfur Galbeed ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya ku eedeeyey inay faragelin ku heyso Doorashada isla markaasna aysan macquul aheyn in laga shaqeeyo waxaan aheyn rabitaanka Shacabka. Golaha ayaa sheegay inuu Musharax u yahay Roobow Abuu Mansuur oo ay ku sheegeen inuu yahay Musharax ay rabaan shacabka Koonfur Galbeed. Waxay tilmaameyn inay ka tanaasuleen mowqifkoodii gaar ahaaneyd isla markaasna ay u tanaasuleen rabitaanka Shacabka Koonfur Galbeed. Musharixiinta uu tanaasulay Roobow ayaa ah illaa 5 kamid ah musharixiintii isbadal doonka Tartanka Doorashada Koonfur Galbeed ayaa hadda la aaminsan yahay inay u dhaxeyn doonto Mukhtaar Roobow iyo Cabdicasiis Lafta Gareen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
