Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    211,144
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow nasoo gaaray ayaa sheegaya inay geeriyootay AUN Fannaanadda caanka ah Shamsa Xuseen Shumey. Fannaanada Shamsa Shumey ayaa magaalada Muqdisho ku geeriyootay habbeenimadii xalay kadib markii waayadan ay xanuunsaneyd. Fannaanada Shamsa Shumey ayaa inta ay nooleed ka mid aheyd Fanniinta Hobolada Waabari, waxaana ay qaaday Hees Isugu jira Wadani iyo kuwo Jaceyl intuba. Fannaaniin ka tirsan Hoboladda Waabari ayaa xaqiijiyay in bilihii lasoo dhaafay ay heysatay Fannaanada Xaalad Caafimad daro oo ugu dambeyntii sababtay geerida. Sidoo kale, Shamsa Shumey ayaa lagu wadaa in maanta oo sabti ah lagu aaso magaalada Muqdisho waxaana ka qeybgali doona Fannaaniin iyo shacab. Si kastaba ha ahaatee, waxaa magaalada Muqdisho dib ugu soo laabtay inta badan fannaaniinta qurba joogta ahaa kadib isbedelo dhanka amni oo ka dhacay dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. Dowladda Qatar oo loo sii marinayo safaaraddeeda Soomaaliya ayaa loo ogolaaday inay dalkeeda u dhoofsato duurjoogta nooceedu yahay Sagaaro gaaraya (14 Sagaaro), sidaas waxaa lagu sheegay qoraal ka soo baxay wasaaradda xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Arrimaha kale, ee qoraalka wasaaradda ku jiray waxaa ka mid ah in duurjoogta ay dhoofsaneyso Safaaradda caafimaadkooda la baaray, iyadoo warqada fasaxa loo diray Hey’adaha ay quseyso. Qoraal ka soo baxay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha oo uu ku saxiixnaa agaasimaha guud Maxamed Cumar Nuur, laakin Goobjoog News xiriir ay la sameysay wasiirka uma suuro-gelin inay hesho wax xog ah. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  3. Allaha u naxariistee waxaa xalay magaalada Muqdisho ku geeriyootey Shamsa Xuseen Shumey oo ka mid ahayd fanaaniinta ugu caansan dalka. Shamso ayaa ka tirsaneyd fanaaniinta hobollada Waaberi, waxaana la sheegay in maalmihii ugu dambeeyey ay xanuunsaneysay. Waxa ay Shamso qaadday heeso badan oo isugu jira, wadani iyo jaceyl, waxaana ay ka mid ahayd hablaha ugu cad cad hobollada Waaberi. Maanta ayaa lagu wadaa in meydka Shamsa Xuseen lagu aaso magaalada Muqdisho. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ayaa magaalada Gaalkacyo ka sheegay in shacabka Soomaaliyeed iyo baarlamaanka federaalka dartiis u daayay dacwad uu ka gudbin lahaa shaqsiyaad uu sheegay in isaga ay ku xadgudbeen. Waxa uu tilmaamay inuu haysto awood badan oo shacabka Soomaaliyeed ah sidoo kalena haystay fursado uu madaxda dalka ugu dacweeyo maxkamado caalami ah. Shacabka Soomaaliyeed ayuu sheegay iney u muujiyeen dareen dhab ah oo ku aadan iney la xanuunsanayan dhibta soo gaaray, sidoo kalena Labada aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ka horyimaadeen wixii lagu sameeyey. Qalbi Dhagax aya sidoo kale sheegay in dowladda federaalka dhibaatooyinka haysta ay ka mid tahay in aysan raaligelin ka bixin qaladaadka ka dhaca. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAR-CALI-CEYN-GAALKACYO-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Waxaa 30-kii bishii tagtay Seteembar Xamar looga dhawaaqay Xisbi cusub oo magaciisu ka kooban yahay saddex eray “Midoowga Nabadda iyo Demoqradiyadda”, kuwasoo xagga micnaha ka tarjumaya arrimo ay bulshada Soomaaliyeed si aad ah u tabeeyso, harraad…... Source: Hiiraan Online
  6. Ganacsatada suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in amniga suuqaasi uu sii xumanayo. Waxa ay sheegeen in aanay shaqeysan karin gelinka dambe, maadaama dadka kala hoyaadayaan, ragga wax dhacana ay xilliyadaasi ka faa’ideystaan. Xaaji Cismaan oo ka mid ah ganacsatada suuqa Bakaaraha ayaa u sheegay Goobjoog News, in buracaddan ay qaadanayaan lacagaha iyo taleefannada gacanta. Waxa u tilmaamay in dowladda federaalka looga fadhiyo sidii ay wax uga qaban lahayd burcaddan. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/10/WAREEYSI-XAAJI-CISMAAN-GANACSATO-BAKAARO-1.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  7. The UN migration agency said on Friday that it has helped 17 Somali migrants to voluntarily return home from Tanzania following months of confinement in detention centers. Source: Hiiraan Online
  8. The UPDF General Court Martial is in Somalia to try soldiers over cases the army has not disclosed. Source: Hiiraan Online
  9. French police are investigating the apparent disappearance of the head of Interpol, Meng Hongwei. His wife reported him missing after a trip to China in late September. Source: Hiiraan Online
  10. Attacks on aid workers delivering supplies in Somalia resulted in the death of eight staff and injuries of 12 others between January and September, the UN humanitarian agency said in a report on Friday. Source: Hiiraan Online
  11. Originally worn in 19th century by explorers, the pith helmet has become symbol of colonial rule Source: Hiiraan Online
  12. Saudi Arabian Crown Prince Mohammad bin Salman responded publicly to President Donald Trump's recent spate of Tweets and statements concerning oil. Source: Hiiraan Online
  13. Muqdisho (Caasimada Online) – Warbixin uu daabacay machadka darasaadka amniga ee Hiraal Institute, ayaa lagu sheegay in qabaa’ilka ay kaalin weyn ka cayaaraan in kooxda Daacish ayu ku badbaado kana howl-gasho Koonfurta Soomaaliya. Warbixinta ayaa lagu sheegay in beesha Ogaadeen ee deegaannada Jubbaland ay tahay midda Daacish ay aadka isugu haleyso, sababtuna ay tahay in beesha ay dhibaatooyin badan ka tirsaneyso kooxda Al-Shabaab. Ogaadeenka waxa ay Al-Shabaab u arkaan urur Mogadishu Clan, oo aan dantooda matalin, waxaana ay ka tirsanayaan dhibaatooyin, xarigyo been abuur ah, iyo xitaa dilal ay si joogta ah ugala kulmaan Amniyaat-ka, ayay tiri warbixinta. Deegaanada Jubbooyinka, cidna su’aal kama keeni karto xukunada Al-Shabaab, islamarkaana Amniyaatka ayaa u shaqeeya si madaxbanaan. Nin soo goostay oo ku jiri jiray xabsiga Al-Shabaab ee Kuunya Barrow ee gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in 20 maxbuus oo lagu hayey xabsigaas ay 15 ka mid ah ahaayeen Ogaadeen, mid Mogadishu Clan, Laba Raxanweyn, midna Daarood. Maxbuuska Mogadishu Clan ah ayaa la siin jiray cunto ka wanaagsan maxaabiista kale, waxaana loola dhaqmi jiray si wanaagsan, markii la sii daayeyna wxaa la siiyey 1,000 dollar, halka maxaabiistii kale ay ka heleen kaliya 300, sida warbixinta machadka ay tiri. Dhinaca kal, Cali Diyaar oo ah sarkaalka ugu sarreeya Ogaadeen ee ku jira Al-Shabaab, ayaa waxaa laga kala diray oo unugyo kale loo qeybiyey ciidankiisa oo gaarayey 500 oo dagalayahan, kadib markii lagu tuhmay inuu u janjeero dhanka Daacish. Ciidankiisa oo badankood kasoo kala jeeday Ogaadeenka iyo Shiikhaasha Ethiopia ayaa isaga daacad u ahaa in ka badan inta ay daacadda u yihiin kooxda Al-Shabaab, sidaas darteed ayey Al-Shabaab ugu kala qeybisay horjoogeyaal kale, taasi oo adkeyn karta inay goostaan ama ay maleegaan shirqool halis ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  14. Baydhaba (Caasimada Online) – Kadib Wareegtadii ka soo baxday Wasaaradda Amniga Soomaaliya ee Muqtaar Roobow looga mamnuucay inuu isku sharxo xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, ayaa hogaamiyahan hore u ahaa Shabaabka wuxuu u muuqda inuu dhegaha ka fureystay warka dowladda, uuna sii wato ololihiisa. Roobow ayaa shalay magaalada Baydhaba kulan kula qaatay qaar ka mid ah waxgaradka iyo dayaasha dhaqanka magaalada Baydhaba, iyo xildhibaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed. Dhinaca kale Roobow ayaa xildhibaanada Koonfur Galbeed shalay diray farriin ku saabsan ololahiisa doorashada iyo inuu qaban doono xaflad weyn oo si rasmi ah uu ugu shaacinayo musharaxnimadiisa maanta. Si kastaba lama oga tallabada ay qaadi doonto dowladda Soomaaliya hadii Muqtaar Roobow uu kusii adkeysto inuu u tartami doono madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, waxaama sidoo kale wax jawaab ah weli laga hayn madaxweynaha maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa khamiistii si cad uga hor-timid musharaxnimada Mukhtaar Roobow Abu Mansuur, oo shalay isku soo taagey xilka madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya, oo lagu tartamayo bisha November ee soo socota. Wasaaradda Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa soo saartay war-Saxaafadeed lagu caddeeyay in Mukhtaar Roobow aanu geli karin doorashada Maamulka Koonfur Galbeed iyadoo ay weli saaran tahay cunaqabateyn caalami ah. Wasaaradda ayaa sheegtay in go’aankan lagau saleeyey heshiisyada ay la gashay beesha caalamka ee la dagaalanka argagixisada, islamarkaana aanu Mukhtaar Roobow (Abu-Mansuur) buuxin, fulina shuruudihi lagaga qaadayey dhamaan cuna qabataynta la saaray ee falalka argagixiso. Caasimada Online Xafiiskii Baydhaba Caasimada@live.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa u ogolaatay dalka Qatar inay dalka ka dhoofsadaan nooc ka mid ah duur-joogta, sida ku cad qoraal ay heshay warbaahinta. Qoraal kasoo baxay Wasaaradda Xanaanada Xoolaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in Qatar loo fasaxay inay Soomaaliya ka dhoofsadaan 14 noole duurjoog ah, gaar ahaan sagaarada, oo ah xoole hilibkiisu aad u dhadhan macaan yahay. Qoraalka oo uu ku saxiixan yahay Agaasimaha guud ee wasaaradaasi Maxamed Cumar Nuur ayaa lagu sheegay in safaaradda Qatar loo fasaxay 14 Sagaaro, kuwaasoo la sheegay in la baaray caafimadkooda. Amiirada dalalka Khaliijka ayaa si weyn caan ugu ah ugaarsiga, waxaana hadiyad lagu siiyaa Duurjoog kala duwan, sida ka dhacay Somaliland iyo dalal badan oo Afrikaan, laakiin waa markii ugu horeysay si rasmi ah loogu fasaxo mudooyinkan danbe. Ma cadda, haddii arrintan tahay mid hal mar-dhacday iyo inay jiraan kiisas kale oo la mid ah oo Qatar loogu fasaxay dhoofsiga duurjoogta Soomaaliya, kuwaas oo aan laga warqabin.
  16. Minneapolis (Caasimada Online) – Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa mar kale xalay bah-dilaad culus ku sameeyey boqorka dalka Sacuudiga, laba maalin ku kadib markii uu sharafta ka qaaday ee uu yiri “Mareykanka la’aantiisa xukunka ma aadan haysateen xitaa laba toddobaad”. Trump oo xalay taageerayaashiisa kula hadlayey gobolka Minnesota, ayaa sheegay in Sacuudiga ay tahay inay lacag ku biixiyaan difaaca ay ka helaan Mareykanka, maadaama dalkaas uu yahay dal hodan ah. “Waxaan ku iri, ‘iga raali noqo, boqor Salman, ma dhib ayaad u aragtaa inaad bixiso lacagta ciidamada militariga Mareykanka’, kadib boqorka wuxuu iigu jawaabay ‘arrintan weligey cid ima weydiin’, waxaan kadib ku iri ‘aniga ayaa hadda ku weydiinaya, boqor’” ayuu yiri Trump. Madaxweynaha Mareykanka ayaa intaas ku daray in kadib wada-hadalkiisa boqor Salman, ay boqortooyada Sacuudiga ogolaatay inay lacagta kodhiso. Ayada oo ka jawaabeysa bah-dilaadda joogtada ah ee uu Trump ku hayo, ayaa Iran waxay qaaday tallaabo aan caadi ahayn oo ay gacan ugu fidineyso Sacuudiga “Madaxweyne Trump wuxuu si joogto ah u bah-dilayaa reer Sacuud, isaga oo leh, la’aanta taageeradiisa laba tododbaad xukunka ma joogi karaan. Tani waa abaal-marinta dhallanteedka ah in qof amnigiisa uu sugi karo qof kale” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibedda Iran, Mohammad Javad Zarif oo qoraal soo dhigay twitter-ka. Waxa uu intaas ku daray “waxaan mar kale gacan u fidineynaa deriskeena, aan dhisno gobol xooggan, oon joojinno isla-weynida”. President Trump repeatedly humiliates the Saudis by saying they can’t last 2 weeks without his support. This is the recompense for the delusion that one’s security can be outsourced. We again extend our hand to our neighbors: let’s build a “strong region”, and stop this conceit. pic.twitter.com/pKEreBBbNN — Javad Zarif (@JZarif) October 4, 2018 Caasimada Online Xafiiska Minneapolis Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Maleeshiyada Al-Shabaab ayaa qafaashay Hub u socday ciidamo ka tirsan Booliska oo Saldhig ku leh deegaanka Lafooy oo ku dhow Mandheera. Hubka laga dhacay ciidamada Kenya ayaa saarna Gaari qafilnaa oo ay wehlinayeen ciidamo Kenya ah xili ay kusii jeeden Saldhiga, isla markaana ka baxeen Xero ciidan oo aan ka fogeyn Lafooy. Maleeshiyaadka Al-Shabaab ayaa jabadka uga soo baxay gariga iyo ciidamada la socday waxaana lasoo sheegayaa in maleeshiyaadka dhacay Hubka ay hoostagan Horjoogaha Al-Shabaabka Kenya Sheekh Axmed Iimaan Cali. Hubka laga dhacay ciidamada Kenya ayaa lasoo sheegayaa inay u badnaayen Rasaas noocyo kala duwan ka kooban waxa ayan sidoo kale maleeshiyaadka qoryaha horay uga sii furteen ciidamadii ilaalinaayay Hubka oo qaarkood ay sii ka xeysteen. Saraakiisha ciidamada Booliska Kenya ayaa sheegay inay hayaan macluumaad muujinaaya in Hubkaasi la geeyay goob ay ku dhuuntaan Al-Shabaabka oo aan ka fogeyn deegaanka Lafooy. Waxa ay sheegen Saraakiisha inay ku howlan yihiin soo badbaadinta Hubka iyo Gaariga, iyagoo intaa raaciyay in ciidamo tababar gaara heysta ay u direen halka lagu hayo Hubka. Dowlada Kenya ayaa dhibaatooyin badan kala kulmeysa maleeshiyaadka Al-Shabaab oo weeraro toosa ka geysta gudaha iyo gobolada Kenya kuwaa oo qaarkood ay ku naf waayan Saraakiil ka tirsan Kenya. Si kastaba ha ahaatee, Al-Shabaabka ka amar qaata Horjooge Axmed Iman ayaa dhowr jeer ciidamada Kenya ka furtay Hub, Gaadiid, halka ay nolosha ku kaxeysteen Askar. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  18. Sen. Susan Collins (R-Maine) and Sen. Joe Manchin III (D-W.Va.) said Friday that they will vote to confirm Judge Brett M. Kavanaugh, likely ensuring that President Trump’s nominee will ascend to the Supreme Court after a bitter partisan fight that has included allegations of decades-old sexual misconduct. Source: Hiiraan Online
  19. Jowhar (Caasimada Online) – Guddoonka Baarlamaanka Maamulka Hir-Shabeelle Sheekh Cismaan Barre ayaa Caawa aqbalay Mooshin ka dhan ah Hogaamiyaha maamulka Hir-Shabeelle Maxamed Cabdi Waare. Guddoomiyaha Baarlamaanka oo isla caawa la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu aqbalay Mooshinka ka dhanka ah Hogaamiyaha maamulka oo ay usoo gudbiyeen Xildhibaanada Baarlamaanka. Waxa uu Gudoomiye Cismaan sheegay in Xildhibaanada Mooshinka gudbin karta isla markaana uu Dastuurka qabo ay tahay 33, balse iminka ay ku saxiixan yihiin 57-Xildhibaan. Waxa uu sheegay in uu aqbalay ka gudoon ahaan Mooshinkaas, maalmaha soo socdane la guda geli doono, si dhinac loogu rido Mooshinka. Xildhibaanada Mooshinka ka gudbiyay Hogaamiye Waare ayaa ku eedeeyay inuu cuuryaamiyay hormarka Deegaanada Hir-Shabeelle sida ay hadalka u dhigeen. Hogaamiye Maxamed Cabdi Waare kama hadlin Mooshin, waxaana Muddooyinkaan socday Guux siyaasadeed la xiriira Mooshinkaan.
  20. Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa gudbiyay mooshin ka dhan ah madaxweyne Maxamed Cabdi Waare. Mooshinka oo taariikh ahaan xildhibaannada ay gudbiyeen 15-08-2018 ayaa iminka laga qabtay. Afhayeenka baarlamaanka Hirshabeelle Cismaan Barre Maxamed ayaa ka guddoomay mooshinka ka dhanka ah madaxweyne Waare. Mooshinkani kalsooni kala noqoshada ee laga gudbiyay madaxweyne Maxamed Cabdi Waare, ayaa loo cuskanayaa eedeymo dhowr ah sida in madaxweynuhu uu ku kacay ku tagrifal awoodeed, musuq hanti qaran, xil gudasho la’aan iyo arrimo kale. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  21. Wasaaradda amniga gudaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka joojisay inuu xilka Madaxtinimo ee maamul Goboleedka Koofur Galbeed isu soo sharraxo, Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali (Abuu-Mansuur), markii uu Shalay ku dhawaaqay inuu u tartamayo xilka Madaxweyne-nimo ee K/G Soomaaliya. Roobow Abuu Mansuur ayaa August 13, 2017 isku soo dhiibay Dowladda Federaalka Soomaaliya, sidoo kalana waqtigaas ka hor ayey Dowladda Mayrekanka ka saartay Liisk Argagixisada. Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu Roobow dalbaday cafis isla markaasna uu aqbalay inuu Dowladda isku soo dhiibo, sidoo kalana waxay dowladda ballan qaaday Amaankiisa oo ay u wakiilatay Maamulka Koonfur Galbeed. Haddaba Su’aasha is waydiinta mudan ayaa ah maxay tahay Sababta kaliya loo ugaarsanayo Roobow looguna diidan yahay inuu isku soo sharaxo Maamulka Koonfur Galbeed maadaama ay jiraan xubno ka tirsanaa Shabaab haddana ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya. Xubnaha Shabaab horey uga tirsanaa iyo midowgii Maxkamadaha ee haddana kamid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa kamid ah: Shiikh Shariif: Inkastoo Markii Shabaab soo baxayeen uusan ururkaas ka tirsaneyn haddana wuxuu ahaa sanadkii 2004-2006 Hoggaamiyihii Maxkamadihii Islaamiga ahaa ee ka hirgalay Muqdisho iyo Bartamaha Soomaaliya, wuxuuna mar galay Liiska Agrgixisada iyadoo markii damabana laga saaray Liiskaas sidaasna uu ku noqday Madaxweynaha Soomaaliya . Shiikh Shariif ma jirin cid ka hor istaagtay inuu u tartamo xilka Madaxweynimo ee Soomaaliya maadaama uu maxkamadihii ka tirsanaa kana mid ahaa dadka uu Mareykanka doon doonayey iyadoo weliba uu madaxweyne noqday xilli ay Shabaab xoog ku lahaayeen Muqdisho iyo Bartamaha Soomaaliya. Axmed Madoobe: Axmed Maxamed Islaam waxaa uu ku soo caan baxay Xiligii Maxaakiimta Islaamiga 2005/2006-dii, Madoobe waxaa uu ahaa Guddoomiyaha Maamulka Gobolada Jubbooyinka, waxaa sidoo kale la shaqeyn jiray Afhayeenka maxkamadaha Jubbooyinka sheekh Ibraahin Shukri iyo Sheekh Ismaaciil Caraale. Markii Maxakiimtii laga saaray Kismaayo, Waxaa uu saldhig ka dhigtay Xadka Soomaaliya iyo Kenya, isagoo halkaas la joogay garab hubeysan oo lagu magacaabi jiray Raas Kambooni, Axmed waxaa uu ahaa Guddoomiyaha Raas Kambooni, kooxdan ayaa qeyb ka ahaa ururka Xibsul Islaam. Axmed Madoobe, waxaa uu dagaal kula jiray xilligaas dowladaha Soomaaliya, Itoobiya, Kenya iyo Xitaa Mareykanka, mid ka mid ah dagaalladaas ayuu ku dhaawacmay kadibna waxaa lagu daweeyay dalka Itoobiya. Axmed Madoobe waxaa uu sidoo kale la dagaallay Al-shabaab, Sheekh Xasan Turki oo ay xulufo soke ahaayeen waxaa uu taageeray Al-shabaab balse Madoobe ciidamadiisa ayuu kala baxay Kismaayo, isagoo dagaal ku dhufo oo ka dhaqaaq ah la galay Al-shabaab. Intii uu socday dagaal-ka Madoobe iyo Al-shabaab, waxba isuma reeban labada dhinac, Al-shabaab waxaa ay ku eedeysay Madoobe in uu Itoobiya garab ka helo, Xisbigii uu ka tirsanaa Madoobe ee Xisbul Islaam waxay ku biireen Al-shabaab, Axmed waxaa uu xulafo la noqday Ahlu-sunna iyo dowladda Soomaaliya. Muddo markii uu socday dagaalka Madoobe iyo Al-shabaab, waxaa dagaalka soo gashay Kenya iyo Gen. Gaandi oo bishii April 2011 isaga iyo ciidamo uu hogaaminaayo oo garab weyn ka helay Militariga Kenya ay Kismaayo ka qabsadeen Al-Shabaab, kadib dagaal muddo dheer qaatay oo laga soo waday Badda iyo Barriga, Gandi ayaa horkacayey maamul loogu magac daray AZANIA, oo ka talinayey Jubbooyinka 2011-dii ilaa 2013-kii. Axmed Modoobe, waxaa uu meesha ka saaray AZANIA isagoo dhisay Jubbaland, Maamulka hadda loo yaqaano Jubaland waxaa la dhisay 15-may 2013, kadib 500 oo ergo ah isugu yimaadeen magaalo madaxda Jubada Hoose ee Kismaayo, iyagoo u doortay Axmed Madoobe inuu noqdo Madaxweynaha maamulka Jubbaland. Madoobe waxaa uu aqoonsi ka helay dowladda Federaalka ee Soomaaliy, Bishii Augusto 2013-ka Dowladda iyo Maamulka Jubaland ee Madoobe ayaa heshiis ku gaaray magaalada Adis Ababa, Waxaa labada wafdi kala hogaaminayey Madoobe oo Jubaland ah iyo Faarax Sheekh C/qadir oo wakiil ka ahaa Dowladda Xasan Sheekh. Haddaba Axmed Madoobe looma diidin inuu Qabto Maamulka Maamul Goboleed kamid ah Soomaaliya, waxaana wax lala yaabo ah inay Dowladda Maanta is hor istaag ku sameyso Roobow Abuu Mansuur oo la filayo inuu seddexdaas Gobol ka sifeeyo Al-Shabaab. Zakariye Ismaaciil xirsi: Zakariye wuxuu Horey usoo noqday Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab kuwaas oo nolosha dhaafiyey Kumamaan qof oo Soomaali, markii uu Al-Shabaab kasoo goystay waxaa lagu daray Nabad Sugidda iyadoo ugu dambeyn loo magacaabay Taliyaha qeybta Sirdoonka Hey’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya ee NISA. Hay’addaan oo ah meesha laga ilaaliyo Dalka Soomaaliya ayaa lagu aaminay Zakariye oo soo noqday Madaxii Amniyaadka Al-Shabaab, sidoo caqli gal ku tahay in Roobow loo dhiibo Maamulka Koonfur iyadoo weliba la ogyahay inay isaga iyo AL-SHabaab kala go’eyn oo uusan marnaba ku laaban karin. Jen. Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) Koofi Wuxuu ka tirsanaa Ururadii Al-Shabaab iyo Xisbula Islaam, welina ma dhicin inuu dadka soo hor istaago isla markaasna uu ka dalbado cafis, saas oo ay tahay waxaa lagu aaminay Hey’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha oo ah Meesha laga koontaroolo dadka dalka ka baxayo iyo kuwa soo galayo, mana jirin cid ka hor imaaday in xilkaas loo magacaabo maadaama uu sheegay inuu kasoo goystay Al-Shabaab. Gabagabo: Waxaan ugu dambeyn anigoo ah qoraalka Warbixintaa Dowladda Soomaaliya kula dardaarmi lahaa inay Roobow u ogolaato musharaxnimadiisa Koonfur Galbeed, maadaama aan anig ahaan u arko inuu yahay nin u qalmo xilkaas isla markaasna dadka Koonfur Galbeed u horseedi karo Nabad iyo in dhulalka maamulkaas laga sifeeyo Ururka Al-Shabaab oo ah caqabadda koowaad ee hortaagan Dowlanimada Soomaaliya. Roobow ayaa leh xirfad ciidan, mid maamul iyo inuu karti uu dadka Koonfur Galbeed uga dhaadhacsiin karo inay deegaanadooda ka horeeyaan Ururka Al-Shabaab ee Nolosha iyo horumarka u diidan. W/qoray: Ibraahim Cali Yarow Ibrahimyarow114@hotmail.com Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  22. Gudoonka Golaha shacabka maamulka Hir-Shabelle ayaa goordhow oo caawa ah aqbalay mooshin laga soo gudbiyay madaxweynaha maamulkaasi Maxamed Cabdi Waare. Gudoomiyaha Baarlamaanka Hir Shabelle Sheikh Cismaan Barre ayaa aqbalay caawa in mooshinkaasi cod loo qaado. In ka badan 50 Xildhibaan oo katirsan baarlamaanka maamulka Hir Shabelle ayaa soo gudbiyay mooshin xilka looga qaadayo madaxweynaha Hir Shabelle ahna gudoomiye ku xigeenka Kutlada maamul Goboleedyada. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Gudoonka Hir Shabelle oo Aqbalay Mooshinka Madaxweynaha Maamulkaasi appeared first on Puntland Post.
  23. Waa arin ku cusub maqalka dhagaha Dadka Soomaaliyeed in dad shacab ah ay dilaan sarkaal sare oo katirsan Al-Shabaab. Arintaan ayaa maanta waxa ay ka dhacday Duleedka degmada Afgooye ee Gobolka Sh/Hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya. Dad shacab ah oo u badan dhalinyaro ayaa dilay Axmed Nageey oo kamid ahaa saraakiisha Al-Shabaab ee maamusha Gobolka Sh/Hoose. Waxaa ismaandhaaf uu soo kala dhexgalay sarkaalkaasi iyo dhalinyarada kadib markii uu isku dayay in uu joojiyo Turub ay ciyaarayeen dhalinyaradaasi. Sarkaal dhintay ee Al-Shabaab ayaa kadib dhowr xabo Bastoolad ah ku riday dhalinyaradii. Dhalinyaradii ayaa falkaasi ka carooday iyaga oo xoog kaga qaatay Bastooladii uu watay kadibna isagii ku dilay. Dhalinyaradii falkaasi geeystay ayaa isaga soo cararay waxaana goobtaasi gaaray ciidamo katirsan Al-Shabaab oo qaatay maydka sarkaalka la dilay. Dadkii ayaa iminka waxaa soo wajahay cabsi ay ka qabaan weerar ay soo qaadaan Al-Shabaab. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Dad Shacab ah oo Toogtay Sarkaal sare oo katirsan Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
  24. Wararka naga soo gaaray gobolka Gal-Gaduud ee bartamaha dhulka Soomaaliya ayaa waxa ay sheegayaan in caruur ay u geeriyoodeen miino ay ku ciyaarayeen. Falkaasi naxdinta leh ayaa waxa uu ka dhacay tuulada Bali-cad oo oo in ka badan 10- km dhinaca Waqooyi kaga beegan deegaanka Dhabbad ee Gobolkaasi Galgaduud. Qaraxa ayaa waxaa ku dhintay 2 caruur ah xili ay gar gaaraaceen Miinadaasi oo kamid aheyd haraadiga waxyaabo qarxa oo ka haray dagaaladii soo maray Gobolkaasi. Caruurtaan geeriyooday ayaa waxa ay yihiin labo wiil oo walaalo ah oo isku xigay da’doodana lagu sheegay 15 iyo 14-Jir. Dhowr jeer Gobolka Gal-Gaduud ayaa waxaa ka dhacay dhibaatooyin ceenkaan oo kale kadib markii caruur da’yar ay gar garaacaan Miino kadibna ay ku qaraxdo. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Caruur ku Geeriyootay Miino ay ku Ciyaarayeen Gobolka Gal-Gaduud appeared first on Puntland Post.
  25. Nairobi (Caasimada Online)-Maxkamada Kenya ayaa amar ku bixisay in Xabsiga laga sii daayo Haweeneyda lagu magacaabo Hania Sagar oo uu ka dhintay Horjooge ka tirsanaa Al-Shabaab oo lagu magacaabi jiray Sheekh Aboud Rogo Maxamed. Qaaddiga Maxkamadda sare ee magaalada Mombasa Dalka Kenya Dora Chepkwony ayaa sheegay in baaritaano dheer kadib ay danbiyo ku waayen Xaaska uu ka dhintay Horjoogaha oo sanadii 2012-kii ay dileen Ciidamada Kenya. Qaadiga ayaa sheegay in xariga Hania Sagar uu ahaa mid ku saleysnaa argagixisonimo, hase yeeshee xogaha lagu qabtay oo ahaa mid qabyo ah, sidaana ay ku muteysatay in Xabsiga laga sii daayo. Sida ay baahiyeen wargeysyada kasoo baxa magaalada Kenya Haweeneyda Hania Sagar ayaa Bishii February ee Sanadkan 2018-ka racfaan ka qaadatay Maxkamadda sare ee Mombasa, iyadoo sheegtay in xukun 10-sano ah uu si cadaalad darro ah ugu dhacay. Waxa ay intaa raaciyeen qoraalkooda in Hania Sagar ka hor inta aan la xukumin lagu oogay in Haween saddex ah oo weeraray Saldhig Booliis Magaalada Mombasa 2016-kii. Sidoo kale, Hania Sagar ayaa sheegtay in danbigeeda uusan aheyn mid argagixisonimo, hase yeeshee ay aheyd Hooyo lagu cadaadinaayay inay qirato danbiyo aysan laheyn. Si kastaba ha ahaatee, Xabsiyada Kenya ayaa waxaa labadii sano ee ugu danbeysay buux dhaafinaayay Haween loo heysto kiisas argagixiso. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com