-
Content Count
212,054 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay wareegto lagu baabi’nayo dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya. Sida ay warbaahinta dowladda qortay wareegtada wasaaradda waxaa ay u qorneyd sidan: “Iyaddoo laga ambaqaadayo dardar-gelinta waajibaadka shaqo ee Wasaaradda u xilsaaran tahay sidoo kale muhiimad gaar ah la siinayo horumarinta nabad gelyada iyo badbaadada nolosha badmaridda waxay Wasaaradda soo saartay qodobadaan soo socda:- 1-Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waxay Baabi’isay/tirtirtay dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya. 2-Dhammaan shahaadooyinka Diiwaan gelinta ee Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga kana diiwaan geshan Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda waa in lagu soo celiyaa sida uu qabo Sharicga Badda Soomaaliyeed. 3-Markabkii /Doontii ku qaadata Calanka Soomaaliyeed si aan waafaqsaneyn Sharciga Badda waxaa laga qaadayaa tallaabo waafaqsan xeerarka dalka iyo kuwa Caalamiga ahba. 4-Wasaaradda waxay soo saari doontaa Xeer-nidaamin cusub oo lagu diiwaan gelin doono Maraakiibta iyo Doonyaha iyaddoo la hubinayo inuu buuxiyey sharruudaha uu tilmaamay qaanuunka, si loo oggaado Calanka Soomaaliyeed. 5-Milkiileyaasha Maraakiibta iyo Doonyaha u hoggaasami waaya qodobada ku xusan wareegtadaan waxaa si deg deg ah looga qaadayaa talaabo waafaqsaneyn Sharciga.” Gabogabada Wareegtada kasoo baxday Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ayaa lagu sheegay in laga bilaaboTaariikhda wareegtadaan la saxiixo la baabi’iyey dhammaan Shahaadooyinkii diiwaan gelinta Maraakiibta Ganacsiga iyo kuwa Kalluumeysiga ee sita Calanka Soomaaliya, waxaana sidoo kale Wareegtada lagu xusay in Wasaaradda 25 Novermber ee Sanadkaan 2018 ay bilaabeyso diiwaan gelinta rasmiga ah ee Maraakiibta, si waafaqsan Sharciga dalka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Yariisow ayaa sheegay in wixii ka dambeeya 12-ka saq dhexe aanay furnaan karin Hoteellada iyo maqaayadaha ku yaalla xeebta Liido. “Maamulka Gobolka Banaadir isagoo tixgelinaya cabashooyin kala duwan oo kasoo gaaray bulshada, waxuu joojiyay in wixii ka danbeeya 12ka Saqda dhexe aysan furnaan karin makhaayadaha ku yaalla Xeebta Liido. Makhaayaddii ama Hoteelkii lagu helo wax ka soo horjeeda Diinteena, anshaxa suuban iyo Dhaqanka Soomaaliyeed waa la xiri doonaa”. Waxaa kale oo uu sheegay in halkaasi aan lagu isticmaali karin wax maandooriye ah, cid walbo oo falkaas ku kacdana la ciqaabi doono. “Xeebta Liido waa goob shacabku isagu yimaado laguna nasto ,mana lagu isticmaali karo wax maandooriye ah noocuu doono ha-ahaadee, cid walba oo falkaas ku kacdana, waxaa Hay’adaha amniga la farayaa in tallaabo ay ka qaadaan sharcigana horkeenaan”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tech entrepreneurs in Somalia are holding a first-ever summit in battle-scarred Mogadishu, attracting hundreds to talk about business and innovation in a city more used to conflict and suffering. Source: Hiiraan Online
-
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa Wasaaradaha Maaliyadda ee dowlad goboleedyada ku wargelisay inay u diri-doonta maamullada $5 Milyan oo Dollar oo qeyb ka aha barnaamijka Surge Support ee bangiga adduunka, iyaga dowlad goboleedyada laga codsaday inay soo gudbiyaan dalabkooda ku aadan qeybta labaad ee lacagaha cusub, isla markaana ay soo diraan Xisaabta celinta lacagahii hore. Wasiirka Maaliyada Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaalle Beyle ayaa sheegay in Bankiga adduunka uu soo fasaxay lacagaha kabka ah, waxaana dowlad goboleedyada uu ka codsaday soo gudbinta xisaab celinta iyo dalabka lacagaha kabka ah ee cusub. Akhriso Qoraalka Beyle: Source: goobjoog.com
-
UN: 14 Million Yemenis face 'imminent and great big famine'
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
The United Nations aid chief sounded the alarm at the body's Security Council Tuesday that half the population of war-torn Yemen — some 14 million people — could soon be on the brink of famine and completely relying on humanitarian aid for survival. Source: Hiiraan Online -
Leaders of Kenya’s northeastern counties have vowed to fight against al Shabaab, the Somalia-based militant group that has terrorised the region for the past seven years. Source: Hiiraan Online
-
The televised meeting of the Council of the Ministers (the Cabinet) chaired by President Mohamed Abdullahi Farmajo on October 18 represented a unique event of government transparency while it has also damaged the under stress Somali embryonic democratic system of governance. T Source: Hiiraan Online
-
Shirka 4aad ee golaha iskaashiga dowlad goboleedyada dalka oo mudda 5 maalmood ah ka socday magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland ayaa maanta lagu wadaa in la soo geba-gabeeyo. Shirka ayaa intii u socday looga hadlay qodobo ku saabsan amniga,Federaalis-ka,doorashooyinka,Khilaafka u dhexeeya madaxda Federaalka & dowlad goboleedyada iyo arrima kale,waxaana la filayaa in war-saxaafadeedka ka soo baxaya uu qodobada kor ku xusan diiradda saaro. Madaxda dowlad goboleedyada,Puntland,Galmudug,Jubaland iyo Koonfur Galbeed ayaa furitaankii shirkan si adag u dhaliilay hannaanka ay xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku waddo siyaasadda dalka,iyagoo ku eedeeyay in ay duminayso nidaamka Federaalism-ka ee dalku qaatay. Madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare oo la heshiiyay xukumadda Federaalka Soomaaliya ayaa isagu ka maqan shirka Garoowe uga socda madaxda kale ee dowlad goboleedyada. PUNTLAND POST The post Shirka GIDG oo maanta lagu wado in la soo geba-gabeeyo appeared first on Puntland Post.
-
A Somali restaurant that was a mainstay of East Boston’s Orient Heights neighborhood before shuttering in 2011 will be open once again, this time at 389 Maverick St. in East Boston’s Jeffries Point neighborhood. Source: Hiiraan Online
-
Leaders from Mandera yesterday joined hundreds of Rhamu residents in Mandera North to celebrate five years of peaceful coexistence between the Garre and the Degodia. Source: Hiiraan Online
-
With hundreds of multi-hued cranes and stacked shipping containers, the construction site rises from the swamps east of Lagos like a Technicolor hallucination. It is Nigeria’s latest hope for transforming its stagnant economy: a $10.5 billion oil refinery that will be Africa’s biggest, Source: Hiiraan Online
-
Ethiopian lawmakers on Thursday will meet to appoint a new president, a largely ceremonial post in the Horn of Africa nation, the state-affiliated Fana Broadcasting Corporate reported. Source: Hiiraan Online
-
Kismaayo (Caasimada Online) – Ayada oo shalay warqad ka soo baxday wasiirka wasaarada maaliyada xukuumada Soomaaliya Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle looga dalbaday maamul goboleedyada in ay soo gudbiyaan xisaab celinta lacagihii horay loogu diray ayaa waxaa ka jawaabay Maamulka Jubbaland. Wasiirka maaliyada ee maamulka Jubbaland C/rashiid Jire Qalinle ayaa arrintaasi ka hadlay, waxaana uu sheegay in aanay jirin lacag ay dowlada siisay maamul goboleedyada gaar ahaan maamulka Jubbaland. Wasiirka ayaa ku macneeyay warqadii ka soo baxday Xafiiska wasiir Beyle in ay tahay mid lagu calqaladeeyno shirka maamul goboleedyada ee Garoowe ka socda. Wasiir Qalinle ayaa sheegay in warqadii hore ee isla arintaasi looga codsanayay maamul goboleedyada lagu soo beegay shirkii madaxda maamul goboleedyada dalka ay ku yeesheen magaalada Kismaayo. Dr Bayle ayaa shaay sheegay in Bangiga aduunka soo daayey kaalmadiii labaad ee uu siiyo dowladda (Surge Support) oo loogu talagalay in lagu dhiso hay’adaha dowliga ah. Sidoo kale Wasiirka Maaliyadda waxa uu ka dalbaday maamul gobolleedyada in ay soo diraan dalabka lacagaha hadda ay u baahan yihiin. Wasiirka waxa uu sheegay in xisaab celinta ay muhiim u tahay maamul gobolleedyada, maadama ay ku heli doonaan qondadooda lacagta taageerada ah ee uu Bangiga aduunka soo daayey. Hoos ka aqri warqadda Beyle ee shalay soo baxday
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxaysa dilka taliye ku xigeenkii hore ee kooxda Daacish-ta Soomaaliya Mahad Macallim Maxamuud, oo sidoo kale loo yaqaan Mahad Macallim Jajab, kaasi oo 13-ka bishan lagu dilay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Inkasta oo xog laga soo xigtay BBC-da ay shalay sheegtay inay dileen xubno isla kooxda ka tirsan oo boos ka dilanayey, ayaa Caasimada Online waxay ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay kasoo xigatay in dilka Mahad ay fulisay kooxda Al-Shabaab, oo ogaatay halka uu ku dhuumanayey. Mahad ayaa sida la sheegay Muqdisho u joogay inuu la socdo howlgallo ay maleeshiyada Daacish ka fulinayaan Muqdisho iyo deegaanada ku hareereysan. Al-Shabaab ayaa horey u dishay horjoogeyaal badan oo ka tirsanaa Daacish. Mahad Macallim Jabab, waxa hore u ahaa hoggaamiyihii Dacwada kooxda Al-Shabaab, waxaana uu hadda ku xigeen u ahaa amiirka Daacish ee Soomaaliya Sheekh Cabdulqaadir Muumin. Sida Muumin oo kale waxa uu ka soo jeeda beesha Cali Saleebaan, Majeerteen/Daarood, sida laga soo xiganayo Mareykanka oo ku daray liiska argagixisada caalamka bishii Febraayo. 2018 waxa uu mas’uul ka ahaa in uu maraakiib ka caawiyey dagaalyahanno iyo hub Soomaaliya ka soo galay Yamen. Waxa uu ka soo goostay Al Shabaab bishii December 2015, markaas oo uu ahaa ku xigeenka madaxa dhaqaalaha Al-Shabaab ee buuraha Golis. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
London (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Britain Theresa May ayaa sheegtay in eedeysanayaashasi u dhashay Sacuudiga laga mamnuuci doono in ay gudaha usoo galan Britain. “UK waxay fiisaha kala laabaneysaa dhammaan muwaadiniinta Sacuudiga ee lagu tuhunsan yahay inay ku lug leeyihiin dilka Jamal Khashoggi si looga hortago inay soo galaan Uk”. Ra’isul wasaaraha waxa ay hadalkaasi ka sheegtay mar ay ka hadleysay baarlamaanka dalkeeda waxayna sheegtay in wali ay harsan yihiin baahiyaha degdega ah si loo ogaado xaqiiqda waxa ku dhacay xiriirka arrintan. Theresa May, hadalkeeda ayaa soo baxay kadib markii waaxda arrimaha dibadda Mareykanka sheegtay in 21 muwaadiniin Sacuudiyan ah aan lasiin doonin fiiso ay ku galan Mareykanka. Dhinaca kale, Dowlada Faransiiska ayaa sheegtay inay go’aan ka qaadan doonaan mustaqbalka istiraatiijiyada xiriirka ay la leeyihiin Sacuudiga. Illo ku dhow qasriga Madaxweynaha Faransiiska ayaa u sheegay wakaalada wararka Reuters inay go’aan ka qaadan doonaan arrintasi marka lasoo bandhigo xaqiiqda dhabta ah ee dilkaas iyo marka la cadeeyo dadka sida dhabta ah uga mas’uulka ah dilkaas. Source: Al-Jazeera
-
MUqdisho (Caasimada Online) – Jeneral Maxamed Axmed Tuuryare ayaa daaha ka rogay xeeladda ay Al-Shabaab adeegsato marka ay Zakawaadka ama canshuuraha ka qaadeyso ganacsatada magaalada Muqdisho iyo guud ahaan dalka. Iyada oo ay muddooyinkan oo dhan ay soo shaac baxaysay ilaa iyo baaxadda canshuuraa ay Al-Shabaab qaaddo ayuu Tuuryare uga warramaya barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa Idaacadda VOA-da, waxa uuna ka sheekeeyey sida ay ku bixiyaan ganacsatada Zakawaadka, cashuuraha iyo qaab ay Al-Shabaab adeegsato. Tuuryare oo ahaa taliyihii Nabadsugidda xilligii Xassan Shikeh Maxamuud oo u warramaya soo saaraha barnaamijka Galka Baarista oo uu soo saaro Haruun Macruuf ayaa sidan yiri:- “Sideedaba nimankaani inta qoriga haysata waxaa u dhiganta inta ama nabaddoonada ah ama ganacsatada ah ama caadiga ah ee suuqyada ku jirta oo dadka kala taqaana oo tabineysa qof kasta iyo wixii soo kordhay oo uu keeno iyo sireynta. Markaa maktabkaan la yiraahdo maktabka zakawaadka ama maktabka maaliyadda kulli shacab ayuu u badan yahay, shacab ay qoreyn ayuu u badan yahay” “Marka xeelada kowaad ee ay adeegsanaayaa qofka ma yaqaanaan waa u imaanayaan waxa ay leeyihiin waan ognahay dukaankaaga intaa baa intaas oo dukaan ayaad leedahay intaas oo xoolo marka canshuurtaas baa lagaa rabaa canshuurtaas ayaa kugu soo waajibtay inaa iska bixiso qaabkaa iyo qaabkaana ku bixi qof haddii uu ogaadana adigaa ogeysiiyey wakkaa halkaabey howsha ka bexeysaa, waxaa loo sii sheegayaa lagu handadayaa haddii uusan intaas sameyn waxa ku dhici doona oo carruurtiisii iyo ilmihiisii iyo gurigiisii markaa qofkii isaga ahaayoo oo suuqa joogay waxa uu kala dooraayaa marka in oo wixii uu bixiyo iyo in ay isaga dhib soo gaarto.” Kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya waxa ay leedahay laba waaxood oo dadka shacabka ah uga soo qaada canshuuraha, sida lagu sheegay daraasad cusub. Waax waxaa la yiraahdaa Zakawaat, midka kalena Waaxda Maaliyadda. Halkan ka aqriso faah-faahinta. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) –Maamulka Garoonka diyaaradaha Muqdisho ayaa dhawaan ciidamada la socda madaxda ka kala tirsan Golaha Wasiirada iyo Baarlamaanka ka mamnuucday inay Hubka la galaan gudaha Garoonka. Amarkaasi oo ahaa mid si wada jira ay usoo saaren maamulka Garoonka iyo Hay’adaha amaanka ayaa waxaa ugu horeeyay oo jabiyay mas’uuliyiin ka tirsan isla dowlada. Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee dowlada Somalia, ayaa la sheegay in hubkooda ay awood kula galaan gudaha Garoonka, halka qaarna ay yihiin kuwo daacad u ah amarka kana taga istaafkooda. Mas’uuliyiinta ugu badan ee sida awooda leh hubka ula galo garoonka Aadan Cadde ayaa la tilmaamay inay yihiin Wasiiro ka tirsan xukuumada Somalia, kuwaa oo qalqal amni ku haya howlaha Garoonka. Mid kamid ah ciidamada amaanka Garoonka ayaa inoo sheegay in Wasiirada badi ay yihiin kuwo isku daya in Garoonka ay ku galaan awood iyaga iyo Hubkooda, waxa uuna arrinka noocaasi ah ku sheegay mid sumcad darro usoo jiideysa dowlada. Waxa uu sheegay in amniga mas’uuliyiinta la damaanad qaaday inta ay ku jiraan Garoonka, hase yeeshee aysan garan karin sababta ku khasbeysa amar diidada. Sidoo kale, waxa uu cadeeyay in hagaaga dalka uu yahay mid ku xiran amar u hogaansamida Madaxda dowlada gaar ahaan Wasiirada, Xildhibaanada iyo Siyaasiyiinta hubeysan. Arrintan ayaa muujineysa in mas’uuliyiinta ugu badan ee dowlada ay yihiin kuwo aan u hogaansaneyn amarada dowlada, waxa ayna taasi muujineysa inaanu wali jirin kala danbeyn. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Ankara (Caasimada Online) – La-taliyaha Madaxweynaha Turkiga Rajap Dayib Erdogan oo la hadlaayay warbaahinta kasoo baxda gudaha Turkiga ayaa sheegay in dhiiga Saxafigii Jamaal Khashoggi uu yahay mid ku jira gacanta Dhaxal-sugaha Sacuudiga. Hadalkan ayaa waxa uu sheegay la-taliyaha oo lagu magacaabo Alnuur Jayfik, kadib macluumaadyo dheerada oo laga helay baaritaanka gabagabada ah. La-taliyaha oo wareysi siinaayay Wargeyska Yeni Berlek ee kasoo baxa dalka Turkiga, ayaa sheegay in Dhaxal-sugaha Sacuudiga mas’uul ka yahay arrintaasi, iyadoo wali uu socdo baaritaanka. La-taliyaha Erdogan, waxa uu tilmaamay in Dhaxal-sugaha Sacuudiga uu dusha saran dooono dilka Jamaal, isagoo intaa raaciyay inay jiraan cadeymo isa soo taraaya oo ku aadan kaalinta Bin Salmaab ee dilka Jamaal. “Ma jiri doonto si uu Bin Salman uga dhex boxo kiiska dilka Jamaal, waana mid ku jira dhiigasi gacanta dhaxal-sugaha” Dhinaca kale, Wasiirka Caddaalada ee Turkiga, C/xamiid Guul waxa uu sheegay inay Xeer-ilaalinta u yeerayso Qunsulka Sacuudiga u joogay Istanbul, Maxamed Al-cutayba, si wax looga weydiiyo Kiiskii lagu dilay AUN Jamaal Khashoggi. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Haweeneyda Agaasimaha ka ah Hay’adda Sirdoonka Mareykanka (CIA), Gina Haspel, oo booqasho gaaban ku tagtay dalka Turkiga ayaa la kulantay Saraakiisha Sirdoonka Turkiga oo ay kawada hadleen kiiska dilka Suxufiga Jamal Khashoggi. Wargeysaka maalin laha Sabah Daily oo taabacsan dowlada Turkiga ayaa qoray in Gina Haspel la dhageysiyay isla markaana ay daawatay cadeymaha muuqaalka qaabka loo dilay Jamal Khashoggi. Gina Haspel inta ay wadahadalka la laheyn Saraakiisha Hay’adda Sirdoonka Qaranka Turkiga (MIT), ayaa waxaa miiska loo soo saaray dhammaan cadeymayaashii ay soo uruuriyeen baarayaasha oo ay ku jiran Codad iyo Muuqaalo la duubay iyo waxyaabo kale oo laga soo helay dhismaha Qunsuliyada Sacuudiga ee Istanbuul. Agaasimaha CIA-da Gina Haspel, waxa ay sheegtay in Mareykanka uu gacan ka geysan doono dhameystirka baaritaanka dilka Suxufiga Jamaal ee dunida gilgilay. Booqashada Gina Haspel, ayaa kusoo beegantay xili Madaxweyne Trump uu sheegay in dilkaasi uu kaalin ku yeelankaro Bin Salman balse la baarayo. Source: Sabah Daily
-
Waa aan kuray ahaa ayaa niga oo marar kala duwan raadye daarnaa mawjadihiisa warwareejinaya, waxa aan geeyey meelo ay ku kala jireen raadyihii Kulmis iyo kan BBC da. Dhawr mar oo kala duwan baa waxaa maankayga ku soo dhacayey erayada jihaad iyo mujaahid oo ay adeegsanayeen dhaqdhaqaaqyadii SSDF iyo SNM ee ka horjeeday dawladdii Kacaanka. Si fiican waagaas uguma baraarugsanayn waxa uu jihaadku yahay, laakiin xilli dambe oo aan kitaabbo raacanayey baan waxa aan ogaaday, in uu jihaadku yahay dagaal barakaysan oo muslimka kala dhexeeya gaalada cadawga ku ah ee aan heshiis nabadeed kula jirin. Ayaan u dhaw waagaas uu macnaha jihaadku wax iiga bidhaamay, baa aniga oo fadhiya makhaayad waddo saarnayd oo shaaha laga cabbo ayaa waxaa magaaladii soo galay gaari; nooca loo yaqaan Jaamiska oo uu saarna qoriga loo yaqaan 37 oo aad sheellaraha loogu cadaadinayey, hoon dheerna yeerinayey. Waxaa gaariga dusha ka saarnaa 5 nin oo, laba ka mid ah qoriga labada dhinac ka saarnaayeen isla markaasina xabbado ridridayeen, laba kalana go`yaal ayey warfinayeen, iyaga oo ku qeylinayey “War ka kacooy, magaalada cadaw baa ku soo socdee, war jihaad u kaca, war jihaada…” mid kalana uu seeri dhawaajinayey. Gaarigii oo xiimaya ayaa i dhaafay, isaga oo magaalada oo dhan ku wareegayey. Magaaladu waxa ay ahayd magaalo col-u-joog ehe, daqiiqado yarba, waxa ay noqotay qof iyo qori. Xilligu casar buu ahaaye, waxa aan aaday masaajidka jaamaca ah oo ii dhawaa, si aan casarka ugu soo tukado jamaacada. Markii casarkii laga baxay baa waxaa istaagay imaamkii oo horay dhiilladu ka soo gaartay, kolkaas buu waxa uu masjidkii ka iclaamiyey jihaad, isaga oo ka sheekeeyey fadliga jihaadka iyo qofka ku dhinta jihaadkaas jannada halka uu ka galayo. Culimo iyo caammo, intii galabtaas masjidka joogtay qoryahoodii bay iyaguna gurteen. Jihaadkii waa la qaaday galabtaas.Waa laga hortagay cadawgii. Waa la jabiyey. Gawaari, hub iyo saad badanna waa laga soo qanimaystay. Waagaas keliya ma ahayne, dhawr mar oo dambe ayaan arkayey dadka deegaanka oo jihaadyo kala duwan, mar qaadaya, kolna isku difaacaya. Aniga oo aad ula yaabbanaa kala duwaanashaha jihaadka aan kutubta ku soo arkay iyo midka dadka deegaanka ay isticmaalayaan, baan ayaan dambe waxa aan u socdaalay koofurta Soomaaliya. Xilligaas aan koofurta imaanayo, waxaa ka jiray dagaallo sokeeya oo qaab qabiil u abaabulnaa oo ay kala hoggaaminayeen qabqableyaal jabhado beeleed oo intooda badan watay xarfo magacyo Ingiriirska ah oo la soo gaabiyey oo ay badankood ka sinnaayeen xafarka ʻSʻ. Kolkii aan koofurta soo gaaray, waxa aan ugu imid erayada jihaad iyo mujaahid oo ay u isticmaalayaan dhammaan qabiilladii iska soo horjeeday. Qolo kasta waxa ay aaminsanayd in ay jihaad xaq ah kula jirto qolada kale ee ka soo horjeedda. Deegaankii aan ka imid, kuma arki jirin dumar jihaadka ku jira iyo qof la leeyahay ʻMujaahid hebel` laakiin waxa aan koofurta ugu imid oo igu cusbaa dumar jihaadka dhinacooda uga jira iyo dad mujaahidiin loogu yeerayo. Marar kala duwan baan waxa aan arkay dad kala duwan oo daagaallo ku nafoobey oo loogu yeerayey mujaahid hebel/mujaahidad hebla iyo kuwo dagaallo ku dhintay oo la leeyahay, Ilaahay ha u naxariisto mujaahid hebel. Sidii uu u socday jihaadkaas qabaa`ilka ka dhexeeyey baa Soomaaliya waxa ay misena sii gashay marxalad kale oo dadkii u kala miirmeen laba geesood (Laba maamul oo midna dawlad hoggaaminayso midna Alshabaab horkacayo). Sidii hore oo kale, labadaas dhinacna, horay bay jihaadkii ka sii wadeen. Aniga oo muddo dheer la amakaagsanaa habka uu jihaadku kitaabka ugu qoran yahay iyo sida Soomaalidu u taqaan, wax ii fasirana intaa aan laʻaa, ayaa maalin dhaweyto soo ag fariistay odayaal meel ku qaxweynayey. Ilaahay amarki, dooddoodii ay kaga hadlayeen xaaladda waddanka ayaa waxa soo dhexgalay erayga jihaad, kolkaas bay cabbaar ka hadleen jihaadka waxa uu yahay iyo sida ay Soomaalidu u taqaan. Nin aad u da`weynaa oo waara-arag ahaa ayaa waxa uu ka sheekeeyey in waagii uu erayga jihaad soo galay carrada Soomaaliya, ay Soomaalidu u fasiratay (Culimo iyo caammaba), in uu yahay dagaal xaq ah oo la isaga dhiciyo qof kasta oo ka soo horjeeda, gaal iyo islaan, kuu doono ha ahaadee. Isaga oo faahfaahin galay buu odaygii sii lahaa, “Marka, xilligii uu erayga jihaad afka Soomaaliga soo galay, inta saas loo qaatay baa labadii qolo ee is dagaashaba, jihaad uu dagaalkoodu ahaa.” Odayga oo caddaynayey in uusan farqiga saasa u dhaxayn jihaadkii hore ee Soomaalida iyo kan hadda, ayaa waxa uu lahaa, “Weligiisba jihaadka Soomaaliya ka socday nafhur wuu lahaa, laakiin, waxaa jihaadkan hadda ah ku soo siyaaday hub cusub iyo hab cusub.” Odaygaas sidii uu taariikhdaas u waday buu markii dambe isaga oo suuljaawinaya, waxa uu hadalkiisii uga baxay, “Jihaadku ma wax hadda Soomaaliya ku cusub baad u qabtaan, tani weligeed bay jihaadaysay.” Waxaa qoray: Suldaan Nayruus Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Ku soo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid