-
Content Count
215,307 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (Caasimada Online)- Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ee gobolka Baay ayaa sheegaya inuu socdo diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ku aadan doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed oo beri ka dhaceyso magaalada Baydhabo. Amaanka magaalada ayaa aad loo adkeeyay waxaana banaanka loosoo saaray ciidamadii dhawaan dowladda Soomaaliya ay geysay magaalada Baydhabo. Ciidamada dowladda Ethiopia iyo ciidamada maamulka ayaa sidoo kale qeyb ka ah xaqiijinta amaanka magaalada Baydhabo oo beri loo qorsheeyay inay ka dhacdo doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed. Maalintii shalay ayaa lasoo gabo gabeeyay dhageysiga khudbadaha ay jeedinayeen ilaa shan musharax oo ka qeyb galaysa doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed. Markii ugu horeysay musharax buuxiyay sharuudihii la doonayay ayaa ka maqan doorashada ka dhacaysa magaalada Baydhabo waana musharax Mukhtaar Roobow oo dowladda Soomaaliya ugu xiran magaalada Muqdisho. Caasimadda Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Faah faahin ayaa ka soo baxaya kulan saacado qaatay oo xalay dhex maray Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre, iyadoo kulankan uu ka dhacay meel ka baxsan Madaxtooyadda. Kulankan ayaa ahaa kii u horreeyay ee dhex mara Labada Mas’uul, tan iyo markii todobaadkii hore uu Guddoomiye Mursal ka soo guuray Madaxtooyada, waxaana jiray waan waan ay wadeen Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka oo ka shaqeynayay sidii Madaxda la isu keeni lahaa, hase ahaatee waxaa lagu guuldareystay in midba midka kale uu xaruntiisa ugu tago, taas ayaana keentay in meel dhex dhexaad ku kulmaan, gaar ahaan Xarunta Wasaaradda waxbarashada iyo Tacliinta Sare. Ra’iisul Wasaare Kheyre ayaa markii uu kulanka soo dhamaaday xalay saqdii dhexe qoraal soo dhigay barta Twitter-ka, kaasoo lagu sheegay inay ka wada hadleen xoojinta wada shaqeynta Xukuumadda iyo Golaha Shacabka. Kulanka markii uu dhamaaday labada dhinac ayaa dib ugu laabtay xarumahooda, iyadoo Guddoomiye Mursal uu dib ugu laabtay Hoyga Shabeel oo uu maalmahan deganaa, tan iyo markii uu ka soo guuray Madaxtooyada. Ilo wareedyo kala duwan ayaa xaqiijinaya in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu hordhigay Ra’iisul Wasaaraha labo qodob oo kala ah Doorashada Koofur Galbeed in dib loo dhigo iyo in arrinta Mooshinka uu kala hadli doono Madaxweynaha, maadaama cida laga keenay uu isaga yahay. Khilaafka ka dhashay doorashada Koofur Galbeed, xadhigga Roobow iyo Mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo ayaa dhaliyay qalalaase siyaasadeed oo sababay heer Madaxda ku kala fogaato, isla markaana Guddoomiyihii oo ahaa ninka labaad ee dalka uga sareeyay uu ka soo guuro Madaxtooyada, kaddib xayiraado la saaray markii uu qabtay Mooshinka 9-kii bishan. Source
-
(SLT-Jigjiga)-Toddobaadyadii la soo dhaafay iskudhacyo u dhaxeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada dalka Itoobiya ayaa waxaa ku dhintay dad badan, kumannaan qof oo kalana waxaa qasab ku noqotay inay guryahooda isaga qaxaan. Wufuud ka socotay Midowga Yurub ee booqatay gobolka Soomaalida ee dalka Itoobiya halkaas oo ay u kuurgaleen dhibaatada haysata dadka ay colaaduhu barakiciyeen. Wafdigu waxaa la kulmay Maxamed Fataax oo ah madax xafiiseedka xafiiska ka hortaga iyo xakamaynta musiibooyinka ee Dowlad Deegaanka Soomaalida, waxay ka wadahadleen wafdigaasi xaaladdaa barakacayaasha Source
-
Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya, kuwa K/galbeed iyo ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM ayaa aad u adkeeyey ammaanka guud ee magaalada Baydhabo xarunta gobolka Baay. Wararka waxya sheegayaan in ciidamo badan lagu arkayo maanta xaafadaha magaalada Baydhabo iyo sidoo kale waddooyinka waa weyn ee magaaladaasi. Waxa ay baarayaan gaadiidka gudaha magaalada isticmaalayo, waxaana jira xaafadaha qaar gaar ahaan kuwa ku dhow madaxtooyada oo isku socodka la xadiday. Ulajeedka howlgalladan ayaa ah doorashada la filayo in maalinta berri ah ka dhacdo magaaladaasi, waxaana ku tartami doona Shan Musharrax. Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa doorashadaasi si awood ah waxay uga reebtay musharra Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo weli Xamar ku xabisan. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Afgooye ( Sh. M. Netwotk )-Maxamed Ibraahim Barre guddoomiyaha maamulka gobolka Shabeelaha Hoose oo Wareysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa ka warbixiyay duqeymo xoogan oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay qeybo ka mid ah gobolkaasi. Guddoomiye Barre ayaa sheegay in ay si u dhow ula socdaan duqeymaha ka dhanka ah Al Shabaab ee ka dhaca gobolka Shabeelaha Hoose ee koonfurta Soomaaliya. Sidoo kale waxa uu ugu baaqay dadka shacabka ah ay la shaqeeyaan Ciidamada dowladda, kuna soo wargaliyaan goobaha ay ku sugan yihiin Dagaalyahannada Al Shabaab Shalay ayey aheyd markii Mareykanka uu sheegay in illaa 6 duqeymood uu ka fuliyay deegaankada Gandarshe ee gobolkaasi, kuna dilay 62 ka tirsanaa Al Shabaab. The post Guddoomiye Barre Oo ka warbixiyay duqeymaha Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Ankara)-Wasiirrada arrimaha dibadda ee Ruushka, Turkiga iyo Iiraan ayaa lagu wadaa in maanta shir ku saabsan waddanka Suuriya ay magaalada Geneva kula yeeshaan madaxda Qaramada Midoobay. Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan waddanka Suuriya, Staffan de Mistura, ayaa ku baaqay in kulankan si loogaga xaajoodo qabashada guddi ka soo shaqeeya dastuurka, arrintaas oo ay Qaramada Midoobay u aragto inay gundhig u tahay in Suuriya ay hesho nabad waarta. Dalalka Ruushka,Turkiga iyo Iiraan ayaa galangal xooggan ku leh arrimaha dalka Suuriya. Qaramada Midoobay ayaa rajaynaysa in galaangalkooda ay dalalkan u siticmaali doonaan in ay gacan ka gaystaan nabad waarta oo lagu soo dabaalo Suuriya. Tallaabadda ugu horreysa ayaa ah in la dhiso guddi ka shaqeeya samaynta dastuurk cusub,waxaana taasi xigi doonta doorashooyiin dalkaasi laga qabto. Dowladda Suuriya iyo mucaaradka ayaa ku heshiin waayay qaabka loo dhisayo guddigan iyo baaxadda ay tahay in dastuurka wax laga badalo. Ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Suuriya, Staffan de Mistura, ayaa ku baaqay in nabad lagu soo dabaalo Suuriya. Waxa uu de Mistura rajaynayaa in ka hor inta uusan xafiiska ka tagin dabayaaqada bishan la dhiso guddigaasi dastuurka. Source
-
(SLT-Hindiya)-Gabadh saddex sanno jir ah oo ku nool dalka Hindiya ayaa xaaladdeeda caafimaad laga dayrinayaa, ka dib markii uu nin daris la ahaa ku kufsaday magaalada Delhi. Ninka falkan lagu soo eedeeyey ayaa ah 40 sano jir waardiye ah oo ka howlgalayey dhismaha ay gabadha yar ku nooleyd. Xabsiga ayaa loo taxaabay ninka lagu soo eedeeyay dambigan. Booliska ayaa helay gabadha oo suuxsan, isbitaalka ayeyna ula carareen, halkaas oo ay qalliin ku marayso. Falkan ayaa dhacay maalintii Axada ahayd, xilligaas oo ku beegnayd lix sanno guuradii ka soo wareegatay markii ay koox rag ah si wada jir ah gabar ardayad ah ugu kufsadeen basuu lahaa Iskuul ku yaalla magaalada Delhi. Madaxa guddiga dumarka ee magaalada Delhi ayaa tiri ” Dhacdadan niyad jab ayey ku noqotay dalka oo dhan”. dad fara badan oo ka carooday dhacdadan ayaa sameeyay dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan dhacdadan. Source
-
Wasaaradda amniga gudaha ayaa qoraal ay soo saartay waxa ay gabi ahaanba shaqooyinkii dalka ka haysay lagaga joojiyey hay’adda Sahan Research oo ka shaqeynaysay Soomaaliya, taasi oo howlaheeda ahayd cilmi baaris. Sababo la xiriir amniga qaranka iyo xasiloonida dalka ayeey wasaaraddu ku sheegtay in shaqada looga joojiyey hay’addan. Halkaan hoose ka akhriso: Source: goobjoog.com
-
Toos: Waxqabadka musharax madaxweyne dowladda Puntland 2019-2023.Madaxweyne Dr Cabdiweli maxamed Cali Gaas. Slået op af Warbaahinta Dawladda Puntland PLTV i Mandag den 17. december 2018 Source
-
Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan albaabada u xiran ku yeeshay guddoomiyaha golaha shacabka ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre. Wararka aan helnay ayaa waxay sheegayaan in kulankaan looga hadlay arrimo dhowr ah, waxaana ka mid ah wadashaqeynta Labadan Mas’uul iyo sidoo kale arrimaha mooshinka. Lama oga waxa ay isku afgarteen guddoomiye Mursal iyo Kheyre, wuxuuna kulankan imaanayaa xilli guddoomiye Mursal uu gacanta ku hayo mooshin ka dhan ah madaxweyne Farmaajo. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Members of the Federal Parliament of Somalia from south-western state of Somalia have appealed the situation in south-west, especially the election expected to happen in Baidoa. The meeting of these lawmakers in Mogadishu addressed the latest clashes in Baidoa, suggesting the postponement of the South-western presidential election, until a political agreement. These MPs have accused the Federal Government of Somalia of interfering in the affairs of the south western administration and expressed their displeasure about the deadly clashes in recent days in Baidoa. The lawmakers also criticized the arrest of Mukhtar Robow Abu Mansour, one of the candidates running for the South West president. In the same way, these MPs accused AMISOM peacekeepers, especially Ethiopian troops, as part of the interference of the Somali Federal Government in the south-west. In recent days, Baidoa city has been hit by tensions that resulted in deaths and injuries, these tensions came after the Somali government arrested Mukhtaar Roobow, one of the top candidates of the southwest presidential election. PUNTLAND POST The post Somali MPs from south west state call for postponement of presidential election in south-west appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasi Salaad Cali Jeelle ahna lataliyaha dhanka siyaasadda madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in marnaba Shacabka Soomaaliyeed aysan aqblayn dad Qandaraaslayaal ah inay siyaasadda Soomaaliya maamulaan. Isaga oo ka hadlay kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa wuxuu sheegay in shaqsiyaadka wada mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya inay yihiin dad qandaraaslayaal ah sida uu hadalka u dhigay. Sidoo kale wuxuu sheegay in shacabka Soomaaliyeed looga baahan yahay inay sanadkaan doortaan hogaanka matalaya, maadaama dadka hadda jooga aysan shacabka dooran, balse dad wakiilo ka ah ay doorteen. “Nin qandaraasley ah inuu siyaasadda meel ku ceshado ma aqbaleyno, Shacabka waxaa laga rabaa inay sanadkaan doortaan ruuxii matali lahaa, Dalkaan horey ayuu u soconayaa”ayuu yiri Salaad Cali Jeelle. Sagaalkii bishaan December ayaa xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya waxay gudbiyeen mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya, kaasi oo sababay in guddoomiye Mursal Cadaadis kadib uu isaga guuraa aqalka Villa Somalia. Hadalka Salaad Cali Jeelle ayaa u muuqdo mid uu ku durayo xildhibaanada baarlamaanka ee wada mooshinka ka dhanka ah madaxweynaha Soomaaliya, waxaana uu horey xildhibaanada ugu eedeeyay inay qaarkood matalaan Al Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada maamulka Koonfur Galbeed ayaa saaka ka socoto magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Doorashada oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa la filayaa in ay dhacdo 19 bishan oo ku beegan maalinta beri ah. Guddiga doorashada K/ Galbeed ayaa wada diyaar garoqwgii ugu dmabeeyay ee doorashadaasi iyo sidoo kale diyaarinta hoolka lagu qabanayo. Dhinaca kale waxa si aad ah loo adkeeyay amaanka Baydhabo, iyadoona Ciidamo badan saaka lagu arkayo gudaha magaaladaasi. Ciidamada amniga ayaa howlgallo ka bilaabay xaafado ka tirsan M/Baydhabo, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga, loogana hortagayo in qal qal la galiyo doorashada K/ Galbeed. Illaa 5 Musharrax oo daneynaya qabashada hoggaanka ugu sarreeya maamulkaasi ayaa ku tartami doono doorashadaasi. The post Qaban qaabada doorashada K/ Galbeed Oo ka socota Baydhabo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulankan oo qabsoomay xalay waqti dambe ayaa waxaa wada qaatay guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan iyo Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Mudane Xasan Cali Kheyre. Kulanka oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa la sheegay in uu ku soo dhamaaday is faham ku aadan dhameynta khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka. Sidoo kale labada mas’uul ayaa ka wada hadlay xoojinta wada shaqeynta laamaha sharci dajinta iyo fulinta. Dhinaca kale warar hoose oo ay heleyso Shabelle ayaa ku warramaya in dhawaan kulan gaar ah ay wada qaadan doonaan Madaxweynaha iyo guddoomiyaha BFS, si loo soo afjaro khilaafka ka taagan Golaha Shacabka. Xaaladda siyaasadeede ee dalka ayaa muddooyinkii aheyd mid kacsan, kadib markii Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka ay Mooshin ka keeneen Madaxweyne Farmaajo. The post R/wasaare Khayre iyo guddoomiye Mursal Oo xalay kulan ku yeeshay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jowhar (Caasimada Online)-Maamulka Degmada Jowhar ayaa ku fashilmay dayactir ay sheegeen in lagu sameeyay qaar kamid ah waddooyinka dhexmara xaafadaha magaalada Jowhar oo caasimad u ah maamulka Hirshabeelle. Dayactirka Waddooyinka oo dhaqaalo badan loo qorsheeyay ayaa waxaanan si wanaagsan loo sameyn laamiyada ku yaala xaafadaha magaalada Gaar ahaan wadada hormarta agagaarka saldhiga iyo madaxtooyada Hirshabeelle. Marka uu roob da’o waxaa xerma waddooyin badan oo xaafadaha magaalada Ku yaala iyadoo uusan jirin maamul isku xilsaaray dayactirka laamiyada burbursan ee bartamaha magaalada ku yaal. Guddoomiyaha degmada Jowhar ayaa maalmo kahor kasoo muuqday sawiro muujinayo dayactir laamiga hormara saldhiga magaalada Jowhar lagu bilaabay, balse fashil ayaa yimid kadib markii maalmo kadib gaari marayay halkii la dayactiray uu rogman gaaray. Gaariga oo waday xamuul ayaa halis galay, waxaana uu sii dheereeyay godada laamiga bubursanaa ee dhawaan la sheegay in la dayactiray, taasi oo fashil ku ah guddoomiyaha degmada oo dhawaan isaga dayactirka kasoo dhex muuqday. Caasimada Online Xafiiska Jowhar Caasimada@Live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-War qoraal ah oo ka soo baxay Wasaaradda Amniga ee XFS ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba shaqada laga joojiyay, isla markaana dalka laga mamnuucay shirkadda Sahan Research, taasi oo ay ku socoto baaritaano xagga amniga. Wasaaradda amniga ayaa shirkaddan ku eedeysay falal liddi ku ah nabadgalyada, iyadoona sheegtay in haatan lagu hayo daba-gal xoogan. Shirkadda Sahan Research Hey’addan waxaa madax ka ah Matt Bryden oo u dhashay dalka Canada, kaas oo horay isku duwe uga soo noqday Kooxda Monitoring Group. Halkan hoose ka Akhriso:- The post XFS Oo shaqada ka joojisay Shirkadda Sahan Research appeared first on Shabelle. View the full article
-
BERBERI MA HIIL BAY U BAAHANTAHAY MISE HAMBALYO.? (Qaybtii 3aad ‘………………. Waxaynu qormooyinkeeni hore kusoo xusnay waxyaalaha iyo Sababaha Berberi maanta Haadaanta ugu dhacday, Haddaba waxaa ay iswaydiintu tahay, Maxaa keenay waxyaabahaas aan soo sheegnay? Ma si Lama filaana ayay u dhaceen mise ku talo gal? Berberi miyaanay lahayn oo aanay joogin dad waxan dhacaya ee Foolxumida badan arkayaa? Maxayse ka eeganayaan arintan waji gabaxa iyo Yakhyakhsiga xambaarsan? Meeye Golahii deegaanka ee loo soo doortay inay dadka Degmada Berbera metelaan? Iyo Su’aalo kale oo badan. Maya dadka reer berbera maaha dad aan arkayn waxaas oo gef iyo gabbood fal ah. Xildhibaanadii, aqoonyahankii, Ahlu sharafkii, indheer garadkii iyo Da’yartiiba way joogaan oo kamay idlaan ee waxaa xaqiiq ah Markasta oo uu Maamul xumi meel qabsado waxaa uu xooga saaraa oo uu ku dedaalaa sidii uu u hirgalin lahaa Macangagnimadiisa iyo xukun qarqooshnimadiisa, Oo waxaa uu Bulshada u qaybiyaa, Qaybo iska soo horjeeda oo midna aanu kan kale arki karin ama maqli karin, Oo waxaa uu abuuraa Nacayb iyo kala irdhayn uu Bulshada walaalaha ah, uu kala dhex dhigo. IWM. Haddaba Maalintii Maayar Cidin Berbera qabsaday kumuu iman jaceyl la jecelyahay, Aqoon uu qayrkii kaga hormaray iyo Fariidnimo uu ku kasbaday Maayarnimada ee, wuxuu Jaranjarada kusoo fuulay, Cunfi iyo nidaam qabyaaladeed, Oo uu markiisa horeba caan ku ahaa Mr Cidin. Wuxuu Duubka Derejada ku helay Tolaay yaa reer hebelaay, Reer Hebel baa inagu soo duulay, Xaalad abuur iyo qaylo dhaan dhiiladeeda wadatay oo aad u xun, walina Tiibuu wadaa oo wuuba sii kala tifay, Oo waxaad arkaysaa magaaladii Berbera ee laga xishoon jiray Qabyaaladda oo hada lagu xaragoodo. Golahii deeganka ee ay ahayd inay xilka ku ilaaliyaan, lana xisaabtamaan oo shaqada ku daba galaan, mid walba meelbuu iskaga tiiriyey, waxaa uu ka dhigay qaar uu awood dheeraada siiyey Oo gacanta usii daayey si ay tooda ugu mashquulaan, qaar uu Saaxiibo dhaw ka dhigtay oo isaga u adeega. Iyo intii hoggaan sami wayday oo uu Faquuqay, iskastoo ay markay mudo Takoornaayeen ay intoodii badnayd u hoggaansameen si aanay Dhanwalba u seegin oo ay taas dambe isku qanciyeen. Maayar Cidin, Reer berbera wuxuu u qaybiyey. 1- inuu reernimo iyo qabyaalad ku haysto. 2- inuu Laaluush iyo dhaqaale kula saaxiibo oo uu boobka u ogolaaday inay xeedhada gacanta la galiyaan, “Sida Ganacsatadii intii Wax haysatay oo kale”. 3- in iska danyar ahayd oo uu Shaqooyin yaryar siiyey oo bariiskooda ilaashada. 4- iyo in uu Cagta hoosteeda galiyey uuna ku amar kutaagleeyo oo ka cabsanaysa inay isagga iyo Maafiyada uu ku adeegtaaba ay dhibaato u gaystaan, Oo sugaaya uun inta uu meesha dhaafayo, ama iyaguba helayaan meel kale oo ay uga guuraan berbera. Maayar Cidin, wuxuu samaystay dhalinyaro ay intooda badan hayb wadaagaan, Oo uu Mushahar ku siiyo sidii ay u buunbuunin lahaayeen, Oo ay Baraha bulshada uga faanin lahayeen, Wuxuu sameystay adeegayaal aan hawl kale ku mushahar qaadan oo u kala joogaa, Hargeisa, Burco, Berbera, gobolada kale ee Somaliland iyo dalka debadiisaba. Wuxuu leeyahay darbaneyaal Sawira oo markiiba sawiradiisa u kala dira Daafaha dunida, iyagoo dadka ka iibinaaya IIDHEHYO raqiisa oo ah “Cidinbaa Geed laan ka jaray, Maayarkiiba, Cashuur dhaaf sameeyey, Maantana laamiguu istaagay, Caawana wuu khudbadeeyey, Maayarka Maayaradda, Ma cidbaa gaadhi karta, oo gaadhaysa. Bala bala bala” Iyo waxaan dhaamin. Waxaaba uu Hadda marayaa Mashruuci ahaa “Anna I muuji oo Miidhayaha iga amaan adna Maal iyo Mushahar qaado”. In uu yidhaahdo anniga iyo Maayar Soltelco-da Hargeisa iskaaya garab dhiga oo waxaad tidhaahdaan “Laacibka Berbera Sagaalka uga ciyaara Mr Cidin oo reer Hargeisa soo dalbadeen si uu Maayar ugu noqdo”. Kkkkkkkkkkkkk. Waxaa uu ku bixiyaa dhaqaalihii ummada, ee ay ahayd inuu danyarta ugu adeego. QORMOOYINKEENA DAMBE WAXAYNU KUSOO QAADANAYNAA, 1- Dhaqaalaha ay Berberi hesho sanadkii cadadkiisa, iyo halkuu maro. 2- Berbera iyo Hargeisi ma yahiin laba magaalo oo lays garab dhigi karo waayo? 3- Hadii berbera dhaqaalaheeda 50% ka mida loogu shaqayn lahaa siday noqon lahayd intuu Cidin Haystay oo kaliya? W/Q, EngAhmed Muse Mohamed Lasoco qaybaha dambe Sent from Yahoo Mail on Android Qaran News
-
Muqdisho ( Sh.M.Network)Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-181218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online)-Waxaa maanta gabi ahaanba ku eg waqtigii dowladda Kenya loo qabtay inay kaga jawaabto dacwaddii dhanka badda oo dowladda Soomaaliya ay ka gudbisay, waxaana laga sugayaa inay jawaabto la wadaagto maxkamadda Caddaaladda ee ICJ. Bishii Febraayo ee sanadkaan maxkamadda ICJ waxay go’aamisay in la furi karo galka murun badeedka u dhaxeeyo dowladaha Kenya iyo Somalia, waxaana dhinac walbaa laga dalbaday soo dhameystirka Sheegashada badda. kaddib dood dhexmartay Qareenada labada dhinac oo ay Maxkamadda dhegeysatay ayey kuwa Kenya u qabatay in ay soo gudbiyaan kiiskooda la xiriira muranka ay ka qabaan dacwaddan in ay Maxkamadda qaaddo iyada oo u qabatay inta u dhaxeysa 18ka June ilaa 18ka December 2018 oo maanta ku eg. Dacwadda Badda ayaa waxaa furtay dowladdii uu hogaaminayay madaxweyne Xasan Sheikh Maxamuud, kadib markii dowladda Kenya ay ruqsad siisay shirkado shidaal sahmiya, kuwaasi oo baaritaanka ka sameynayay meel kamid ah biyaha Somalia. Kenya ayaa ku doodday in muranka biyaha ee labada dal u dhaxeeya ay tahay in ay meel gaar ah oo aan Maxkamadda ahayn ku xalliyaan,hayeeshee Soomaaliya ayaa ka biyaddiiday, waxaana ay ku guuleysatay in Maxkamadda gasho kiisaas oo ilaa hadda taagan. Caasimada online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Somalia oo shirkad uu leeyahay Matt Bryden (Aasaasihii Akademiyada Somaliland) mamnuucday Somalia Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa gabi ahaanba dalka ka mamnuucday Shirkadda Cilmi Baadhista ee Sahan kaddib markii sida laga sheegay lagu helay falal lid ku ah amniga Somalia. Shirkaddan waxaa aasaase iyo masuul ka ah Matt Bryden oo hore uga tirsanaa kooxda Kormeerayaasha QM ee Soomaaliya,Kana mid ahaa Aasaasayashii Akademiyada Nabada & Horumarinta Somaliland (APD),Madaxna ka noqday,Mudo dheerna deganaa Somaliland,Xididna la ah. Hoos ka aKhriso Qoraalka oo faahfaahsan:- Qaran News
-
Qormo Xiiso leh+Xaalka Murashaxiinta Madaxweyne ee Puntland: Xeradu waa wada ulo oo Ula qaato ma leh! Sacadda iyo Waqtiga dib ugu celi SHAN SANO kahor! Puntland waxaa meel walba ka daarneyd ama laga dhageysan jiray heestii ahayd “Xildhibaanow tusmeeyo, taabba gali is bedelkoo, uturoo dadkaagoo, Talo Yey ku seegine, soo tuur codkaagoo Cabdiweli ku taageer!” Puntland doorashadii tan ka horreeysay bulshadeedu waxa ay lahaayeen DOOKH, qaar ayaa doonayey in Cabdiraxmaan Faroole oo xilligaas ahaa Madaxweyne in dib loo doorto, halka inta badan ay rabeen, u heeseen, u ilmeeyeen, u damaashadayeen Cabdiweli Cali Gaas (Madaxeynaha hadda), oo markaas ka soo laabtay Muqdisho oo looga soo adkaaday doorashadii Madaxtinimo ee 2012. Hase ahaatee, shan sano kaddib, Puntland yey u heeseysaa, yaa ugu cad cad, yaa mudan? Dhammaan su’aalahaas haddii aad weysiiso qof reer Puntland ah kama heleysid jawaab, kaliya inta uu madaxa ruxo ayuu kuugu jawaabayaa ‘La isma dhaamo!” Puntland sanadkan waxaa iska soo sharraxay siyaasiyiin kor u dhaafaya 30 oo inta badan ay mushtamaca ku cusub yihiin. Laakiin, kuwa la yaqaan ee aan tirada badaneyd kuma jiro mid bulshadu xiiso u qabto ama ku tuhmayaan hoggaamin siyaasadeed iyo hiigsi sare. KUWA CAANKA AH 1-Cabdiweli Cali Gaas 2-Siciid Deni 3-Cabdi Siciid Juxa 4-Faarax Cali Shire 5-Maxamed Siciid Xirsi (Morgan) 6-Daahir Mire Jibriil 7-Awaare 8-Saadaq Enow 9-Asad Diyaano 10-Cali Xaaji Warsame Tiradaas kore waa kuwa ay bulshada si weyn u taqaan, hayeshee, ma jiro mid mid dhaama walow labada siyaasi ee Daahir Mire Jibriil oo ka mid ahaa aas aaseyaashii jabhaddii SSDF iyo Saadaq Enow (Aqoonhan) la oran karo xogaa waxa ay heli karaan rayyi caam wanaagsan. Kuwa aan la aqoon iyagu xisaab ma leh oo waxaa ka mid ah Jabiye (Maalqabeen), Jibriil iyo kuwo kale. Iyaga kama odorosi karo siyaasadooda maadama aan hore loo soo tijaabin, waana sababta keentay in aysan ilaa iyo hadda saameyn muuqata ugu lahayn ol’olaha socda. JUXA, Cali Xaaji iyo Deni maxaa ka qaldan? JUXA – Waa siyaasi xilal kala duwan heer Federal iyo mid maamul gobolleed soo qabtay, hase ahaatee, waxa uu ku ceeboobay Wasaaradda Arrimaha gudaha ee dowladda Federal-ka ah marka laga yimaado in uu hawleheeda ku fashilmay hadana waxa uu dhex bartanka ka galay dagaal QABIIL kaddib markii ay is qabteen Professer Yaxye oo xog-haye joogta ah u ahaa. Reer Puntland wax ay halkaas ku barteen dabeecaddiisa iyo sida uu u maareyn karo haddii khilaaf siyaasadeed haddii uu yimaaddo. CALI XAAJI – Siyaasigan inta badan wey adag tahay in la fahmo siyaasaddiisa balse waxaan shaki ku jirrin in uu ka mid yahay urur diimeedyada (Ictisaam). Shacabka Puntland in aysan diyaar u ahayn in uu hoggaamiyo shaqsi ku lug leh urur diimeedyada dalka ka jira ee ragaadiyey siyaasadda dalka. SICIID DENI – Waa siyaasiga loogu neceb yahay Puntland laba sababood awgeed; Ka mid ahaanshaha koox ganacsato ah oo dhiigmiirato looga yaqaan Puntland, 2, in uu yahay musharaxa ugu weyn ee ay Daam-jadiid taageerayaan. Deni ma aha siyaasi Puntland saameyn ku leh,hase ahaatee, waxa uu wasiir ka soo noqday xukumaddii Cabdiweli Shiekh Axmed ee dowladdii Xassan Shikeh. Deni waxa uu can ku yahay in uu qeyb ka ahaa Wasiiraddii dhaawacay gadaalna ka tooktay Rai’sul Wasarihii dalka iyada oo loo ballan qaaday in isaga lagu bedeli doono. Sidoo kale waxa uu ka mid yahay urur diimeedyada daka ka jira ee aysan shacabka Puntland dooneyn in uu hoggaamiyo. Marka aad isku soo wada duubtay dhammaan qodobadaas, waxaa kuu soo baxaysa in xaaladda doorasho iyo ol’ole ee Puntland shacabka quus ka joogaan, badankoodna musharixiinta u arkaan “Xerada waa wada ul oo mid la qaato ma leh!”. W/Q: Mahad Xuseen Guuleed Qaran News
-
Xubno ka tirsan golaha shacabka Soomaaliya oo ka soo jeeda deegaanada maamul gobolleedka Koonfur Galbeed ayaa Muqdisho ku yeeshay shir ay ku dhalleeceeyeen falalka dowladda ka waddo mamaulkooda. Xildhibaanada waxa ay soo saareen war-saxaafadeed qodobeysan oo ay uga hadleenn xarigga Sheekh Mukhtaar Roobow Cali, farogalinta doorashada Koonfur Galbeed iyo dhibta lagu hayo shucuubta maamulkaas. Sawir noocee ah ayuu gudbiyey kulankaas? Toddobaadkanba waxaa isa soo tarayey cabashada iyo baaqyada ka imaanayey bulshada reer Koonfur Galbeed oo aad uga gadooday dhacdooyinka Koonfur Galbeed ka soo cusboonaaday oo ay ugu weyn tahay xariggii lagula kacay Roobow. Waxaa horey isku casilay Wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guriyenta Cabdifataax Geesey halka uu muddo go’doonsanaa Gudoomiyaha baarlamaanka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan. Farriinta ama sawirka uu bixiyey kulankii xildhibaanada ay isugu yimaadeen xubnaha baarlamaanka waxa uu ahaa in mucaaradka ku kacsan dowladda laba weji yahay oo aysan isaga qaldamin. Wajiga Kowaad: Mucaaradkii awalba ku kacsanaa ee isugu jiray haraadigii Daamjadiid iyo xubnaha Daljir oo ay kaabayaan Kudladda Horusocod. WAJIGA LABAAD: Beesha Digil iyo Mirifle Mucaaradda kale waxa ay dowladda ka wajaheysaa beesha Digil iyo Mirifle waana mid ka xoog badan tan hore maadama ay TABASHO qoys jirto. Arrintan waxaa daliil u ah sida uu cirka isugu sharreeyey qalalaasaha Baydhabo kaddib markii ay dowladda soo xirtay tartankana ka reebtay Mukhtaar Roobow Cali. Haddii mucaaradka hore ku saleysan yahay xifaaltan siyaasadeed kan dambe waa mid xasaasiyad leh maadama ay CUQDAD riixeyso iyo TABASHO. Dowladda maxaa la gudboon? Dowladda waxaa la gudboon in aysan isaga qaldamin xifaaltanka kala dhexeeya kooxaha mucaaradka awalba ahaa iyo Tabashada Digil iyo Mirifle oo ay la timaado waddo ay ku qanciso uguna muujiso in aysan iyaga si gooni ah baartilmaameed ugu ahayn. Qolada kale, waxba kuma jabna haddii ay sida jiirkii iyo mukulaashii ilaa iyo dhammaadka is eryadan! W/Q: Istar Cali Mataan Toronto, Canada Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa beeniyay in laga tanasulay mooshinkii laga keenay madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo. Arrintan ayaa soo shaac baxday kadib kulankii axaddii ay Muqdisho ku yeesheen guddoonka baarlamanka Soomaaliya, oo la sheegay in heshiis lagu gaaray. Xildhibaan Cabdixakiim Macallin Axmed, oo ka mid ah xildhibaanada mooshinka ka keenay madaxweynaha ayaa idaacadda Simba ee Muqdisho u sheegay in xal iyo tanaasul uusan jirin ,islamarkaana kulamada baarlamaanka Soomaaliya marka dib loo furo looga doodi doono mooshinka. Sidoo kale waxa uu sheegay in kulankii u dhaxeeyay gudoomiyaha iyo ku-xigeenadiisa looga hadlay kaliya sidii loo xallin lahaa khilaafka dhexdooda ka jira, balse aan looga hadlin arrimaha mooshinka madaxweynaha. Hadalka xildhibaanka ayaa imaanaya xili ay soo baxeyn warar ku aadan in xal laga gaaray mooshinkii xilka ka qaadista ee laga gudbiyay madaxweynaha dalka. Hoos ka dhageyso codka xildhibaanka https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/cod-yaxye-xildhibanadda.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Riyadh (Caasimada Online) – Sacuudi Carabiya ayaa ku gacan seertay qaraarka Aqalka Senate-ka Mareykanka ee ku baaqay in Mareykanka uu soo geba gebeeyo taageerada uu siiyo dagaalka Sacuudiga ee Yemen, islamarkaana dhaxal-sugaha dalkaas ku eedeeyey dilka weriye Jamaal Khaashuqji. Bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibedda Sacuudiga, ayaa lagu yiri “Boqortooyada waxay cambaareeneysaa qaraarka Aqalka Senate-ka Mareykanka oo saldhig looga dhigay eedeymo aan hubneyn, waxayna diideysaa faro-gelin lagu sameeyo arrimaheeda gudaha”. Riyadh ayaa ka digtay inaysan u dulqaadan doonin waxa ay ugu yeerya xushmad darro lagu sameeyo xeerarkeeda, waxayna ku sheegtay in qaraarkan uu farriin qaldan u dirayo dadka doonaya inay khilaaf ka dhex abuuraan xiriirka Sacuudiga iyo Mareykanka. Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa toddobaadkii diidmo taariikhi ah u muujiyey dalka Sacuudi Carabiya oo muddo fog xulufo la ah Mareykanka, kadib markii uu ansixiyey laba sharci oo ka dhan ah. Senate-ka ayaa meel-mariyey qaraar ku baaqaya in Mareykanka uu soo geba-gebeeyo taageeridda faro-gelinta milatariga Sacuudiga ee dagaalka sokeeyey ee Yemen, iyo qaraar kale oo lagu cambaareynayo dilka weriye Jamaal Khaashuqji. Labada qaraar ayaa diidmo qayaxan ku ah siyaasadda maamulka madaxweyne Trump oo doonayey inaan la qaadin tallaabo dhaawici karta xiriirka wada-shaqeyn ee Washington iyo Riyadh. Caasimada Online Xafiiska Riyadh Caasimada@live.com
