Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,095
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay kala direen kooxdii Dabagalka Cunaqabateynta hubka ee saaran dalalka Soomaaliya iyo Eritrea. Wararka ayaa intaasi ku daraya in golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay inay go’aamiyeen kala dirista guddiga oo 10 kii sano ee u dambeeyay arimahaan ka shaqeynayay, waxaana la go’aamiyay in Dalka Eritrea Cunaqabateynta laga qaado. Eritrea ayaa u baahan Sagaal cod oo kamid ah 15 cod ee xubnaha golaha amaanka, iyadoo kadib laga qaadi doono Cunaqabateynta hubka ee Saaran Eritrea, waxaana loo codeynayaa maanta. Eritrea ayaa cunaqabateyntan la saaray sanadkii 2009kii,markaas oo lagu eedeeyay in ay faragelin ku heysay dalalka deriska la ah sida Jabuuti iyo Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay AL-shabaab taageerto. Eritrea ayaa diiday dhamaan eedahaas,waxaana Qaraar Qabyo ah oo ay soo gudbisay Dowladda Ingiriiska la isku raacay in maanta cunaqabateynta Hubka,Socdaalka iyo dhaqaale laga qaado Eritrea. Guddiga la kala diray ee Monitoring Group loo aqoon jiray ayey Golaha amaanka ku beddeleen Guddiga Khubarrada Soomaaliya oo kali ah (Panel of Experts on Somalia). Guddiga SEMG ee la kala diray ayaa la socon jiray dhaq dhaqaaqa cunaqabateynnada Saaran Soomaaliya iyo Eritrea,waxaa sidoo kale ay wax ka qori jireen dowladaha sida dadban ama tooska ah ugu lug lahaa maalgelinta Al-shabab. Guddiga cusub ee u gaarka ah Soomaaliya ayaa shaqeyn doona ilaa 15ka December 2019,waxaana uu heystaa muddo xileed Hal Sano ah. Xubnahaan ayaa dowladda Ruushka waxay soo jeedisay in Shan xubnood laga dhigo, halka dalalka kale ay so jeediyeen in lix xubnood la gaarsiiyo, taasi oo dhalisay in tirada guddigan cusub uu noqonayo la isku khilaafo. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  2. Afgooye ( Sh. M. Network )-Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda ee maamulka gobolka Shabeelaha Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in Isbaarooyin hor leh la soo dhigay deegaano ka tirsan gobolkaasi. C/fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa xusay in Jidgooyooyinkan Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya ay soo dhigteen inta u dhexeysa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda ee Sh/ Hoose in ku dhawaad 300 oo Gawaari ah ay ku xaniban yihiin degmada Afgooye ee gobolkaasi. Waxaana uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-1-sh-hoose.mp3 The post Isbaarooyin hore leh Oo la soo dhigay Shabeelaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  3. (SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Maxkamada Guud ee dalka Itoobiya ayaa shalay booqatey xarumaha Booliska ee ku yaala magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kuwaas oo lagu hayo maxabiis danbiyo kala duwan lagu soo eedeyey Xabsiyada ay booqatey Gabadha madaxweynaha ka ah maxamada guud ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ka mid ah Saldhiga uu ku xidhan yahay Madaxweynihii hore ee Somalida Itoobiya Md Cabdi Maxamuud Cumar waxaana uu u sheegay in gobta uu hada ku xidhan yahay ay tahay goob aad u fiican, Halkan hoose ka DAAWO Source
  4. (SLT-Riyadh)-Dhaxal-sugaha Sacuudiag Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in unug argagixiso oo qorsheeyey inay isaga khaarijiyaan lagu xidhay waqooyiga jasiirad u yaalka Siinaay ee dalka Masar. Wargeyska Jerusalem Post ayaa qoray in Maxamed Bin Salmaan uu xogtan shaaca ka qaaday markii uu la kulmay koox haysata madhabta Evangelical ee Kirishtanka oo magaalada Riyadh booqday kowdii November, ayaga oo ka tegay Mareykanka. Bin Salmaan ayaa sheegay in unugan ay ku jireen dad u dhashay Sacuudiga. “Cadowgeyga waxay qorsheynayaan inay i khaarijiyaan” ayuu Bin Salmaan u sheegay wafdiga Mareykanka, sida laga soo xigtay ,adaxa waftiga Mareykanka Joel Rosenberg, oo ah Israeli-Mareykan, kaasi oo horey ula shaqeeyay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Ilaa iyo hadda wax faahfaahin buuxda ah lagama bixin kooxda uu Maxamed Bin Salmaan sheegay inay doonayeen inay dilaan, balse sida laga soo xigtay Rosenberg, waxa uu cadowgiisa ku sheegay madaxweyne Erdogan, Iraaniyiinta iyo Ruushka. Rosenberg ayaa dhinaca kale sheegay in Bin Salmaan uu u sheegay in dilkii suxufi Jamaal Khaashuqji uu ahaa qalad, islamarkaana la ciqaabi doono dadkii fuliyey. Source
  5. Kumannaan ka mid ah shaqaalaha dabdamiska Mareykanka ayaa la tacaalaya dab xoog leh oo ka ololaya qeybo ka mid ah koofurta iyo waqooyiga gobolka California. Ugu yaraan 44 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dabkaan oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee soo mara gobolka Califronia. Bulshooyin badan ayaa barakacay, guryo badanna dhulka ayay la sinmeen dhinaca koofureed ee California gaar ahaan deegaannada u dhaw dhaw magaalada Los Angeles. Dabeeylo xawaarahoodu sarreeyo iyo huur aanan sidaasi u badneyn ayaa la sheegay in ay sii hurinayaan dabkan. Source
  6. Kismaayo ( Sh. M. Network )-Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Aminga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa eedeyn kulul u jeediyay madaxda sare ee maamulkaasi. Mr Kaliil ayaa sheegay in Madaxda Jubbaland ay ku howlan yihiin iska hor keenida Beelaha wada daga gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee K/ Soomaaliya. Waxaana uu ugu baaqay DFS in ay il gaar ah ku heyso dhibaatooyinka lagu hayo shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka Jubbaland. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-jaamac.mp3 The post Wasiiru dowlihii Amniga Jubbaland Oo eedeeyay madaxda maamulkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Askari ka tirsan ciidamada badda ee (PMPF) ayaa toogasho ku dilay laba askari oo kale,kuwaasoo kala tirsanaa ciidamada, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha PMPF. Shakhsiga dilka u gaystay labada askari ayaa sida wararku sheegayaan ka carooday hadal ay kula kaftameen, xilli ay ku sugnaayeen goob maqaaxi ah, waxaana dilkaasi ka dhacay magaalada Boosaaso. Ilaaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay taliska ciidanka badda Puntland ee(PMPF) oo faahfaahin looga bixiyay dhacdadaasi. Wixii ka soo kordha kala soco: Puntland Post The post Laba askari oo ka tirsan ciidanka badda Puntland oo toogasho lagu dilay appeared first on Puntland Post.
  8. (SLT-Thailand)-Geerida wiilkan 13 sano jirka ah ayaa sababtay jug ka soo gartay cayaar dhanka feerka ah. Wiilkaan oo lagu magacaabo Anucha Kochana ayaa la sheegay in jug maskaxda ka soo gaartay uu dhintay laba maalmood kadib cayaartaasi. Dhacdadaan ayaa horseedday cadaadis cusub oo ku aaddan in cayaarta feerka ee caruurta laga joojiyo dalka Thailand. Waxa uu ka qeeyb qaatay 170 dagaal oo dhanka feerka ah tan iyo dideed jirkiisii, taas oo qooyskiia ka caawisay in uu dhaqaalohooda kordho. Baarlamaanka Thailand ayaa dib u eegis ku sameeynaya sharci cruurta da’doodu ka yartahay 12 sano ka mamnuucaya in ay ka qeeyb qaataan cayaaraha feerka. Cayaarta feerka ee Thailand oo loo yaqaano Muay ayaa aad caan uga ah dalkaasi. waxa ayna kumaanaan dhalinyarada feerka cayaara ah iyo qoosaskooduba u arkaan in feerka uu yahay fursad lacag lagu sameeyo. Balse waxaa jira shuruuc yar oo lagu hago cayaaraha, qaar ka mid ah dadkana waxa ay ka soo horjeedaan hindise sharciyeedka caruurta ka mamnuucaya cayaaraha feerka, waxa ayna ku doodayaan in cayaaraha feerka ee da’yarta ay mid yihiin dhaqanka qadiimiga ah ee waddanka. Lahaanshaha sawirkaAFP Shacabka reer Thai ayaa ka naxay geerida Anucha, dhanka kalana qaar ka mid ah feeryahanada caanka ah ayaa tacsiyeeyay dhacdadaan. Muuqaal la duubay intii ay cayaarta socotay ayaa muujinaya labada wiil ee ka qeeyb qaadanayay cayaarta feerka oo aan madaxa ku xirnayn qalab difaaca jugta. Anucha ayaa la sheegay in madaxa feer looga dhuftay ka hor inta uusan dhulka ku dhicin. Thailand waxaa ka diiwaan gashan 10,000 oo feeryahan, kuwaasi oo ay da’doodu ka yartahay 15 sano jir. Source
  9. Mooyaale ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhexeeyay Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida oo saaka aroortii hore dib uga qaraxay degmada Mooyaale oo dhacda xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Ethiopia. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu ku sii fiday deegaano hoostaga degmadaasi Mooyaale. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaasi. Waxgaradka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa in durbo ay bilaabeen dadaallo lagu qaboojinayo xiisadaasi. Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo deegaanadii lagu diriray ee xadka Kenya iyo Ethiopia. The post Oromada iyo Soomaalida Oo ku dagaalamay Mooyaale appeared first on Shabelle. View the full article
  10. (SLT-Paris)-Ciidammada Faransiiska ayaa u muuqda in ay ku jeesjeeseen madaxweyne Trump shalay iyaga oo Twitterka adeegsanaya, arrintaas ayaa timid ka dib markii madaxweynaha Maraykanku uu baajiyay booqasho uu ku tagi lahaa qubuur ay ku aasan yihiin dadkii ku dhintay Dagaalkii Koobaad ee Adduunka, isaga oo arrintaas ku micneeyay cimilada oo xumayd awgeed. “Roob baa da’aya dhibse ma jiro” ayaa lagu soo qoray ciwaanka ay ciidammadu ku leeyihiin Twitterka. Waxayna soo raaciyeen #MondayMotivation oo macnaheedu yahay dhiirigalinta Isniinta. Trump ayaa aad loogu dhaliilay in uusan booqanin qubuuraha Aisne-Marne American ka hor xuskii boqol guuradii ka soo wareegtay markii uu dhammaaday Dagaalkii Koobaad ee Adduunka. Ciidammada Faransiiska ayaa intaas ka dibna sheegay in ay Twitterka ula jeedeen tababarkooda. “Way mahadsan yihiin taageerayaashanada qoraalkan sii faafiyay” ayay soo qoreen ciidammada oo dabo socda qoraalkoodii hore waxayna intaas sii raaciyeen “waan ka xunnahay kuwa sida khaladka ah u fahmay, wax kale oo looga gollahaa ma jiro oon ka ahayn hawlihii caadiga ahaa ee ciidammada u yaallay taas oo maanta uu roob ku soo aaday!” Af-hayeenka Aqalka Cad, Sarah Sanders, ayaa difaacday go’aanka uu madaxweynuhu uga baaqday munaasabadda qubuuraha ee Sabtidii, waxayna sheegtay in cimiladdu ay aad u xumayd oo aragga uu saameeyay isla markaasna uu ka baaqsaday in uu kolonyo baabuur ah ku dhex maro Paris isaga oo diidaya in waddooyinka loo xiro ka dibna arrintaasi dadka saamayn ku yeelato. Isla Isniintiina Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa xaqiijiyay in madaxweynuhu uusan ka qaybgalayn xuska lagu qabanayo qubuuraha Arlington National Cemetery. Source
  11. Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ee kusugan inta u dhaxeyso Degmada Afgooye ilaa deegaanka Carbiska ayaa lagu eedeeyay inay xanibeen gaadiidkii ugu badnaa oo u socday Koofur Galbeed. Inka badan 200 oo Gaadiidka xamuulka qaada ayaa ciidamadan waxay ku xanibeen agagaarka deegaanka Carbiska, waxaana maamulka Shabeelaha Hoose ay sheegeen in gaadiidkaan ciidamada ka doonayaan dhaqaalo aad u badan. Guddoomiye ku xigeenka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ciidamadan ay ku amreen gaari kastaa inuu bixiyo dhaqaalo gaaraya 5 kun oo doolar, sida uu hadalka u dhigay, taasina ay caqabad weyn ku tahay dadka uu rarka u saaran yahay gaadiidka. Bagaash badan oo laga bixiyay dekada magaalada Muqdisho ayaa saaran gaadiidka, waxaana leh ganacsatada Gobolada Baay, Bakool iyo Gedo, iyadoo taasi ay caqabad kale noqon doonto haddii aan la xalin. Ma jirto wax jawaab ah oo kasoo baxday saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee eedeynta loo jeedinayo, iyadoo horey madaxweynaha Soomaaliya uu ka digay in gaadiidka lagu dhibaateeyo gobolka Shabeelaha Hoose. Mid kamid ah wadayaasha gaadiidka ayaa sheegay in muddo lix maalin ay ku xayiran yihiin agagaarka degmada Afgooye, “Baabuurta wey xayiran yihiin, ilaa Carbiska ayay safan yihiin, waxay u socdeen Gedo, Baay iyo Bakool, Ciidan labisan ayaa heysta Gaadiidkaasi oo raashiin wada”ayuu yiri Mid kamid ah wadayaasha Gaadiidka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  12. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta kulan ka yeelanayo u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018, taas oo ay wasaaradda maaliyadda u soo gudbisay xubnaha Golaha Shacabka. Ajandaha kulanka ayaa ah u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018 iyo aqrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa Isniintii la soo dhaafay dood dheer ka yeeshay ku noqoshada miisaaniyadda,iyadoo ay soo bandhigeen talooyin ku saabsan ku noqoshada miisaaniyadda oo ay ku jiraan xuquuqda iyo mushaarka ciidamada Qaranka ee Bilaha kala ah October, November iyo December ee Sanadkan. The post Golaha Shacabka Oo Cod u qaadayo ku noqoshada Miisaaniyadda Dowladda 2018 appeared first on Shabelle. View the full article
  13. Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-141118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Maxamed Cabdi Kaliil, wasiiru dowlihii hore ee amniga maamulka Jubbaland ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog Nerws, waxa uu kaga hadlay arrimo ku aadan xil ka qaadis uu shalay ku sameeyey madaxweyne Axmed Madoobe. Kaliil ayaa sheegay in markii horeba uu damacsanaa in xilkaasi uu iska casilo, islamarkaana waxa uu tilmaamay iney jiraan sababo badan oo aan looga sii mid ahaan karin Jubbaland. Waxa uu ku dhaliilay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe inuu yahay shaqsi doonaya inuu kaligiis taliyo, islamarkaana uu isku dirayo qabiillada waa sida uu hadalka u dhigaye. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Wasiiru-Dowlahii-Amniga-Jubbaland-oo-is-Casiley.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta lagu wadaa inuu cod u qaado cunaqabateynta saaran dalka Eritrea, arrintan oo timid kadib markii xiriirkooda caadi ku soo noqday dalka Itoobiya ayna iso soo dhowaadeen Djibouti. Wararka waxaa ay sheegayaan in isniintii la isku afgartay qaar ay Ingiriiska soo geliyeen oo ku aadan qaadista cunaqabateynta, taas oo saarneyd ilaa 2009-kii. Qaraarka si uu ansax u noqdo waa loo baahanyahay 9 cod iyo in aanu codka vetoes adeegsan mid ka mid ah dalalka Mareykanka, Shiinaha, Ruushka, Ingiriiska iyo Faransiiska. Cunaqabateynta la qaadayo waxaa ay kulmi-doontaa hubka, cunaqabateynta safarada, hantida la xayiray iyo arrimo kale. Waxaa kale oo lagu baaqi-doonaa in la dhameeyo muranka waqti-dheer soo-jiitamayey ee Eritrea iyo Djibouti, kana wada shaqeeyaan is afgarad. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. Waxaa maanta dunida laga xusayaa maalinta cudurka Macaanka, maanta oo kale waxaa dadka laga wacyigeliyaa khatarta cudurka macaanka iyo sida looga hortago. Waa maxay cudurka macaanka (diabetes)? Cudurka macaanka ama sokorowga waa cudur leh sababa kala duwan dadka qabaahina ay dhiigoodu ku badantahay sokorta waxaana loo yaqaanaa ‘’hyperglycemia’’. Cudurka macaanka waxa uu ku imaan karaa : In jirku uusan helin insulin ‘hormone’ kufilan Iyo in jirka uu san ka jawaabin insulinta. Insulin waxaa sameeya xameetiga oo ah xubin kutaala caloosha gadaasheeda , xameetiga waxaa ku jira unugyo ‘‘islets’’ kuwaasi oo sameeya insulinta kadibna ku dara dhiiga si ay u yareeso sokorta badan eek u jirta dhiiga. Waqti dheer hadii cudurkan uu sii raago waxa uu keeni karaa caqabado ay kamid yihiin: cudurada wadnaha, sida wadnaha oo istaaga, kilyaha oo shaqa gaba, indha la’an dhibaatooyin dhanka ilkaha ah farxd darro iyo dhibatoyin dhanka uurka ah hadii mamada xaamilada ah uu kudhaco sokorta. Noocyada cudurka macaanka: Cudurkan waxa uu leeyahay seddex nooc oo kala ah : Nooca 1aad: waxaa sababa in jirku uusan helin insulin kufilan taas oo katimid burbur kuyimid unugyadi soo saari lahaa waxa uuna inta badan ku dhacaa caruurta iyo dadka da’da yar. Sababaha ugu badan ee qofka uu kugu dhici karo cudurka waxa ay noqon karaan kuwa dhaxal ah oo kaga yimid waalidkiisa oo horay uqabay cudurka macaanka, sababa la xiriira degaanka sida cunada uu qofku cunayo iyo in burbur uu kuyimado unugyadii soo saari lahaa insulin. Nooca 2aad: noocan waxaa keena sababa ay kamid yihiin jirka oo ka jawaabin insulin ama in uusan helin insulin ku filan ama unugyada beerka oo aan si wanaagsan u isticmaalin insuinta lasoo saaray. Nooca 2aad ee cudurka macaanka waxa uu ku dhacaa dadka da’ dhaxaadka ah , dadka duqoobay iyo sidoo kae dadka aadka u cayilan, uma badna in uu ku dhaco dadka yar yar haddii aysan ahayn kuwa ciyilkoodu xad dhaaf yahay. Sababaha ugu badan ee noocan lala xiriiriyo waxaa kamid ah , cayilka saa ‘idka ah , jimicsi la’aanta , jirka oo insulinta si haboon u adeegsan , iyo beerka oo soo saaro sokor aad u badan taa oo keenta in dhiiga ay sokor badan ka buuxsanto. Dadka halista ugu jira nooca 2aad: Da’da 45sano iyo wixii kabadan. Dadka cayilka xad dhaafka ah. Dadka aan jimicsiga sameyn. Dadka cadaadiska dhiigoodu uu ka sareeyo 140/90. Dadka qaba cudurada wadnaha. Nooca 3aad: noocan waxa uu ku dhacaa haweenka uurka leh oo kaliya (gestational diabetes) waxaana sababa isbadalo kuyimaada hormonada. Doorka insulintu ay jirka ku leedahay: Waxa ay caawisaa murqaha beerka iyo xeerta iyada oo soo nuugta sokorta dhiiga ku jirta si ay hoos ugu dhigto heerka sokorta ee dhiiga. Waxa ay kicisaa murqaha iyo beerka si ay u keediyaan sokorta dheeraadka ah ee uusan jirku u baahnayn. Waxa ay yareesaa sokorta uu beerka soo saarayo. Calaamadaha lagu garto kaadi macaanka: Oon badan. Kaadi badan. Gaajo badan. Daal badan. Meelaha dhawaca soo gaaro oo aan dhaqsa reysan. Araga oo daciifo. Miisaanka qofka oo yaraado. Caabuq soo noq noqda. Dawooyinka loo adeegsado cudurka macaanka Dawooyinkan ujeedada ugu weyn ee loo adeegsanayo waxa ay tahay in lagu daweeyo calamadaha ay kamid kayihiin kaadida badan , gaajada, miisaanka yaraanaya iyo caqabadaha ka iman kara hadii cudurkan uu sii daba dheeraado. Dawooyinka afka laga qaato ee cudurkan lagu daweeyo waxaa loo qeybiyaa shan qeybood oo kala ah: Sulfonylureas oo kicisa xameetiga si uu u soo saaro insulin Meglitinides waxa ay kicisaa xameetiga si uu usoo daayo insulinta. Biguanides sida Glucophage waxa ay yareesaa sokorta badan ee beerka. Thiazolidinediones sida Actos waxa ay hagaajisaa shaqada insulinta. Alpha-glucosidase inhibitors sida Glucobay waxa ay yareeysaa sokorta laga soo nuugayo mindhicirada yaryar. Source: goobjoog.com
  17. Xildhibaanada Golaha Shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta kulan ka yeelanayo u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018, taas oo ay wasaaradda maaliyadda u soo gudbisay xubnaha Golaha Shacabka. Ajandaha kulanka ayaa ah u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018 iyo aqrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa Isniintii la soo dhaafay dood dheer ka yeeshay ku noqoshada miisaaniyadda,iyadoo ay soo bandhigeen talooyin ku saabsan ku noqoshada miisaaniyadda oo ay ku jiraan xuquuqda iyo mushaarka ciidamada Qaranka ee Bilaha kala ah October, November iyo December ee Sanadkan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  18. Riyadh (Caasimada Online) – Dhaxal-sugaha Sacuudiag Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in unug argagixiso oo qorsheeyey inay isaga khaarijiyaan lagu xiray waqooyiga jasiirad u yaalka Siinaay ee dalka Masar. Wargeyska Jerusalem Post ayaa qoray in Maxamed Bin Salmaan uu xogtan shaaca ka qaaday markii uu la kulmay koox haysata madhabta Evangelical ee Kirishtanka oo magaalada Riyadh booqday kowdii November, ayaga oo ka tegay Mareykanka. Bin Salmaan ayaa sheegay in unugan ay ku jireen dad u dhashay Sacuudiga. “Cadowgeyga waxay qorsheynayaan inay i khaarijiyaan” ayuu Bin Salmaan u sheegay wafdiga Mareykanka, sida laga soo xigtay ,adaxa waftiga Mareykanka Joel Rosenberg, oo ah Israeli-Mareykan, kaasi oo horey ula shaqeeyay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Ilaa iyo hadda wax faahfaahin buuxda ah lagama bixin kooxda uu Maxamed Bin Salmaan sheegay inay doonayeen inay dilaan, balse sida laga soo xigtay Rosenberg, waxa uu cadowgiisa ku sheegay madaxweyne Erdogan, Iraaniyiinta iyo Ruushka. Rosenberg ayaa dhinaca kale sheegay in Bin Salmaan uu u sheegay in dilkii suxufi Jamaal Khaashuqji uu ahaa qalad, islamarkaana la ciqaabi doono dadkii fuliyey. Caasimada Online Xafiiska Jedaah Caasimada@live.com
  19. Degmada Hobyo ee gobolka Mudug waxaa xalay kulan ku yeeshay waxgaradka degmadaasi, iyadoo shirkaasi looga hadlayey dilal dhowaan ka dhacay Hobyo, kuwaasi oo salka ku haya aanooyin qabiil. Wariyaheena Cali Cayn ayaa soo sheegaya in waxgaradkan ay si hordhac ah heshiis u gaareen, islamarkaana isla fahmeen sidii loo sii amba qaadi lahaa wadahadallada kala ee dhanka nabadda ah. Odoyaashan kulmay ayaa sidoo kale isugu imaan doono kulamo kale oo ku aadan sidii loo gaari lahaa heshiis kama dambeys ah, mar kalena aanay usoo noqon wixii dhacay. Waxyaabaha hadda ay isla garteen waxaa ka mid ah in aanay dhib kale dhicin, islamarkaana cid walbo oo dhibaato geysata la mariyo waxa uu sharciga ka qabo. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/WAR-CALI-CEYN-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  20. Muqdisho (Caasimada Online)-Dagaal xoogan oo u dhaxeeya Qowmiyadaha Soomaalida iyo Oromada ayaa dib kaga biloday saaka Degmada Mooyaale ku taala xuduuda u dhaxeya labada dal. Ku dhawaad 10 ruux ayaa wararka la helayo saaka ay sheegayaan inay ku dhinteen dagaalka, iyadoo dhaawaca uu intaasi ka badan, sida ay sheegeen dadka deegaanka lagu dul dagaalamayo. Qaar kamid ah waxgaradka deegaanka ee Soomaalida ah ayaa sheegaya in dagaalka ay qeyb ka yihiin ciidamo Ethiopian ah oo halkaasi u tagay inay kala dhex galeen labada Qowmiyadood, laakiin ma aysan sheegin cidda ay la safteen. Dadka deegaanka ayaa sheegay in Cabsi xoogan ay ka jirto taasi oo soo foodsaartay Soomaalida ku nool deegaanka Mooyaale, waxaana ay sheegeen in dagaalka uu intaasi kasii xoogeysan karo. Xaaladda deegaanka ayaa saaka kacsan, waxaana fashilmay wadahadalo maalmihii ugu dambeeyay ee la doonayay in lagu dhameeyo dagaal beeleedka u dhaxeeya labada qowmiyadood. Gelinkii dambe ee shalay ayuu dagaal sidaan oo kale ah uu dhexmaray labada Qowmiyadood, waxaana madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida laga dalbaday inuu arintaan xal ka gaaro. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  21. WAFDIGII UU HOGAMINAAYAY GUDDOOMIYAHA BAANK DHEXE EE SOMALILAND OO KULAMO LA YEESHAY SHIRKADO MAALIYADEED IYO CALANKII SOMALILAND OO LAGA TAAGAY XARUMAHOODA. Wafdagii uu hogaaminaayay Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee Somaliland ee u anbabaxay dalka Ingriiska aya kulamadoodii ugu horeeyay la qaatay qaar ka mid ah shirkadaha waawayn ee Maaliyadeed ee ka hawl gala dalka Ingriiska. Wafdiga ka socday Somaliland waxa si diiraan usoo dhaweeyay Madaxdii shirkadaha ay la kulmeen waxaana calanka Somaliland ee towxeedku ku xardhanyahay laga barbartaagay Calanka dawladda Ingriiska , taaso muujinaysa meeqaamka iyo ixtiraamka ay Somaliland ku leedahay fagaarayaasha caalamka , inkasta oo aanay weli ictiraaf buuxa helin. Ujeedooyinka ugu waawayn ee Wafdigu ugu baxeen dalka Ingriiska waxa ka mid ah inay cilaaqaad lasoo sameeyaan baananka caalamka , aqoon korodhsi iyo inay la kulmaan Baanka Dhexe ee Ingriiska. Wafdiga oo saddex cisho ku sugnaa Magaaladda London, waxay u sii gudbi doonaan magaalooyinka Manchester iyo New Castle halkaaso oo ay kulamo muhiim ah kula yeelan doonaan shirkado Maaliyadeed oo xaruntoodu tahay magaalooyinkaas . Halkan ka Daawo Muqaalka Warkaas:- Qaran News
  22. Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan ka heleyno magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in shirar kala duwan kadib dib loo dhigay doorashada Koofur Galbeed oo la filayay in 17 bishaan ay ka dhacdo magaalada Baydhabo. Qaar kamid ah xubnaha guddiga doorashada Koofur Galbeed ayaa sheegay in muddo 10 maalin ah ay ku darsadeen guddiga si loo dhameystiro dhamaan shaqooyinka ka harsan doorashada Koofur Galbeed. Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in ujeedada ugu weyn ee waqtigaasi loogu daray doorashada ayaa ah in lasoo dhameystiro xubnihii dhawaan iska casilay xubinimada guddiga doorashada. Sidoo kale waxaa la filayaa in dhamaan xildhibaanada baarlamaanka ay dib ugu laabtaan magaalada Baydhabo si ay u dhageystaan khudbadaha musharixiinta Koofur Galbeed, iyadoo ay ka horeyso diiwaan gelinta dhamaan musharixiinta Koofur Galbeed. Maanta ayaa la filayaa in xubnaha guddiga doorashada ay ku dhawaaqaan muddo kordhinta 10-ka maalin ah, waxaana arinta ay ka dambeysay kadib kulan saacado qaatay oo dhex maray sii haya xilka guddoomiyaha baarlamaanka iyo xubnaha ka haray guddiga doorashada. Xaaladda siyaasadeed ee doorashada Koofur Galbeed ayaa isbadashay waxii ka dambeeyay markii uu iscasilay Shariif Xasan Sheikh Aadan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  23. Mudanayaasha Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya ayaa Arbacada maanta kulan ka yeelanaya u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda dowladda ee sannadka 2018. Ajendaha kulanka ayaa ah u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018 oo ay soo diyaarisay wasaaradda Maaliyadda iyo aqrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka. Dood dheer oo xildhibaannada Golaha shacabku ay Isniintii ka yeesheen ku noqoshada miisaaniyadda 2018 ayay ku soo bandhigeen talooyin kala duwan oo ku saabsan ku noqoshada qodoba ay kamid yihiin xuquuqda iyo mushaharka ciidamada dowladda ee saddexda bilood ee u dambeeya sannadkan 2018. PUNTLAND POST The post Golaha shacabka oo mar kale u codaynaya miisaaniyadii 2018 appeared first on Puntland Post.