Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,718
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Stanbul ( Sh. M. Network )-Waxaa maalintii labaad ka soconaya magaalada Stanbul ee dalka Turkiga shir lagu xoojinayo xiriirka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Turkig kaas oo ay soo qaban qaabisay Hay’adda Bariga Afrika u qaabilsan horumarinta iyo baarista Cilimiga. Shirka waxaa ka qeybgalay ku xigeenka madaxweynaha Turkiga Fouad Aktay , waxaana Soomaaliya ku matalaya masuuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Qorsheynta, maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Mudane Jamaal Maxamed Xasan iyo khubaro kala duwan Shirkan oo socda maalintii labaad waxay kaloo khubarada ka qeyb galaysa kaga hadli doonaan dhowr qodob oo ay ka mid tahay xiriirka Turkiga iyo Afrika, dhinacayada iskaashiga Tacliinta, in la abuuro jawi saaxibtinimo ee mustaqbalka u horseedaya danaha shucuubta Afrika iyo kan dalka Turkiga guud ahaan gaar ahaan waxaa shirkaasi diirada lagu saarayaa danaha ay wadaagaan Soomaaliya iyo Turkiga oo ah laba dal oo ay ka dhaxayso saaxibtinimo iyo xiriir wanaagsan. The post Dowladaha Somalia iyo Turkiga Oo xoojinaya xiriirkooda appeared first on Shabelle. View the full article
  2. The leadership of the Ogaden National Liberation Front (ONLF) is expected to arrive in Jigjiga town on Sunday. Authorities of Somali regional state are in the final stage to welcome the ONLF officials. Speaking to the media, Abdikadir Hirmoge, the group’s spokesman said the delegation will be accompanied by officials from regional and federal governments. “The delegation will today be heading to Jigjiga town. Jigjiga Stadium will be meeting venue where they will address the public before holding talks with leaders from Somali region,” he said. Top officials of ONLF have returned to the country on Saturday from their base in Eritrea. Led by Admiral Mohamed Omar, the delegation arrived at the Bole International Airport where they were received by Finance Minister Ahmed Shide and president of the Somali Regional State, Mustafa Omer. Their return comes barely two weeks after hundreds of its fighters flew from the Eritrean capital, Asmara to the capital of Somali Regional State (SRS) Jijiga. The government of Ethiopia and the Front signed a peace deal in the Eritrean capital Asmara last month. The two sides reached a historic deal that allowed the ONLF to undertake peaceful political struggle in Ethiopia. The post ONLF leaders to arrive in Jigjiga, the capital of Somali regional state in Ethiopia appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ololaha isxilqaan oo uu horey u iclaamiyay madaxweynaha jamhuuriyada FS ayaa ah mid looga gon’lee yahay in umuda Soomaaliyeed ay gacmahooda ku dhistaan dalkooda oo kasoo kabanaayo marxalad bur bur ah islamarkaana aan lagu tashanin gacan shisheeye. Madaxda gobolka Banaadir iyo ururka dhallinyarada gobolka Banaadir ayaa si wadajir ah barnaamijka Isxilqaan ka fuliyay xarunta Tiyaatarka qaranka oo kamid ah xasuusihii astaamaha qaranka waxaana masuuliyiintan iyo dhallinyarada ay si isxilqaan ah ku nadiifinayay xarunta tiyaartarka si loo so celiyo bilicdii iyo heybadii ay xaruntani laheyd birisamaadkii, Guddoomiyaha ururka dhallinyarada gobolka Banaadir Cabdikaafi Maxamuud Makaaran ayaa kawarbixiyay hoosha ay maanta usoo baxeyn, Xog’hayaha maamulka gobolka Banaadir Cumar Cabdirisaaq Xuseen waxa uu tilmaamay in maamulka gobolka uu taageerayo qorshahan lagu horumarinayo dalka. Guddoomiye kuxigeenka arimaha bulshada maamulka gobolka Banaadir Basma Caamir Jakeeti ayaa kamid aheyd masuuliyiinta goobta ka hadashay, Guddoomiye kuxigeenka amniga iyo siyaasada gobolka Banaadir Maxamed Cabdullaahi Maxamed ( Tuulax) waxa uu sheegay in barnaamijka isxilqaan uu yahay fursad hortaala Ummudda Soomaaliyeed. The post Maamulka G/ Banaadir Oo ka qeyb galay Ololaha Isxilqaan appeared first on Shabelle. View the full article
  4. Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-02122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  5. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiyaha Garabka Dhallinyarada Heer qaran ee Xisbiga WADDANI Maxamed Siddiiq Dhamme ayaa waxa uu eedaymo culus u jeediyay golaha deegaanka Hargeysa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  6. Magaalada Kismaayo ee xarunta amamulka Jubaland ayaa waxaa lagu soo gaba gabeeyay bandhiga Carwadii ganacsiga ee Jubaland oo mudo sadax maalin ah ka socotay magaalada [...] Source
  7. Garoonka Bole international Airport ee magaalada Addis Ababa ayaa waxaa haatan ka soo duulay madaxda ugu sarraysa Jabhada Wadaniga xoraynta Ogaadeniya (ONLF) iyagoo ku wajahan magaalada JigJiga ee Xarunta dowlad Degaanka Soomaalida. Hoggaanka Jabhada ONLF ayaa waxaa safarka ku weheliya madaxda ugu saraysa ee dowlad degaanka Soomaalida, iyo marti xildhibaano ah oo ka socda dalka Kenya waxaana wadooyinka garoonka iyo waliba garoonka kubada cagta ee magaalada Jig jiga kusii sugaaya shacabka aad u badan oo u diyaarsan soo dhowaynta madaxda ONLF. Magaalada jig jiga ayaa waxaa si wayn looga dareemayaa imaatinka madaxda JWXO waxaana meel walba oo magaalada kamid ah lagu xardhay Astaamaha ururka iyo sawirrada madaxdiisa. PUNTLAND POST The post Madaxda sare ee ONLF oo Jigjiga ku wajahan appeared first on Puntland Post.
  8. Baydhabo (Caasimadda Online) – Musharrax madaxtinimada Maamulka Koonfur Galbeed C/Casiis Xasan Lafta-Gareen, ayaa ka hadlay Xildhibaannada ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ee Warbaahinta ka hadal haya Ciidamada ay dowladda dhexe geysay Baydhaba. C/Casiis,waxaa uu sheegay in Xildhibaannada Federaalka ay shaqadoodu tahay in xaqa degaannada ay matalaan ka keenaan dowladda dhexe ee aysan ku mashquulin dowlad Goboleedyada gaar ahaan Koofur Galbeed. Waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda dhexe geyneyso Magaalada Baydhaba ay codsadeen maamulka Koofur Galbeed. Lafta-Gareen ayaa sheegay in amniga dalka ay mas’uul ka tahay dowladda dhexe,islamarkaana Ciidanka horay u joogay Baydhaba iyo kuwa hadda la geeyayba ay leedahay dowladda Federaalka ah. Musharax Cabdi Casiis Xasan Maxamed laftagareen ayaa ka mid ah musharixiinta Madaxweynaha Koonfur Galbeed, waxaana dad badan ay aaminsan yihiin in dowladda federalka Soomaaliya ay wadato. Hoos Ka Dhageyso Codka Cabdi Casiis laftagareen. https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Musharax-laftagareen.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  9. The most terrible thing that political deficiency can do to humans is that it makes humans linger in abstraction. And when societies linger in abstraction their wisdom starts to fade away and their destiny then looks like a quilt of merry-go-round. Experience itself is a recollection of what we meet when we make plans in our life. As we remember the past, societies always reconstruct their culture in accordance with what is important and what is not. The observation is tthat Somaliland people never seem to make sure that their own political culture remains realistic and resilient in the midst of the ordinary and sometimes extraordinary occasions, activities, events, pressures and responsibilities that shape they way they live today. There is no fancy way to say that Somaliland people are still trapped in cycles of suspicion and uncertainty. The bounds of our fundamental basics and principles of politics are excessively and unwisely invaded. One wonders where – if anywhere – our political culture is heading to when people do not care about moral authority. One also wonders whether there are any barriers of decency and dignity left when all people want to go to heaven but no one walks pure before God. Presidents of every country usually make official internal tours for various reasons. Number one, to shape the domestic mandate on how to set out policies and plans according to the outlook they see them right. Number two, to know the needs, demands, and requirements of the people living in the regions they travel to. When presidents get engaged with such tours, they are only welcomed and received by high ranking government officials. Masses are not mobilised to welcome presidents. Government employees never leave their jobs to welcome presidents. Public offices never remain closed. Public services never get interrupted. Everything goes as usual. In Somaliland, the opposite is true. Main roads remain closed without notice. All modes of transport get suck in every street, causing unnecessary traffic jams, people oohing and aahing, policemen struggling for keeping street vendors out of the main road, students unable to reach their schools, a lot of painful disruptions and so on and so forth. How stupidly we believe that our petty politics is evolutionary. How stupid we become when we come to believe that monotony may after all be the best condition for creation when all else fails. Ultimately the truth finds its way out and that pain is greater than the pain of the first wrong done. The truth is that we always reguriitate the old useless traditions when we vertually fail to come up with new ideas and even become unable to elaborate whatever we experienced from our history. The reception and the welcome home paid to Colonel Muse Biixi by inhabitants in East of Hargeisa Districts was quite overwhelming according to those who arranged the events of this occasion. But the final analysis of this presidential reception that happened in East of Hargeisa suggests indications that might lead people into two extremes like the age of “Militia and Marya Alool.” Learning the nature and the structure of conditioning brings order and outstanding culture; not the order of society which is disorder. The analysis and indications of the homage rendered to Colonel Muse Biixi and his accompanying delegation are in an emberyuonic stage. Whoever articulates them, will have rung a wake-up call. By : Jama Falaag Hargeisa, Somaliland. jamafalaag@gmail.com As per usual the opinions expressed in this articale are those of the author and do not reflect the opinions of qarannews.com Qaran News
  10. Muqisho (Caasimadda Online) – Magaalada Muqdisho oo ah caasimadda dalka ayaa wajahaysa wasqayn xad dhaaf ah oo ay mu kacayaan shirkado ku shaqaysta Hagaajinta Nadaafadda oo qaarkood ay AMISOM Qandaraas ka qaateen, Kawaanlayaan iyo kooxo kale oo Iskood isu abaabulay oo gaadiidka qashanka wada lacag uga qaata goobaha ay wasaqaynayaan. Deegaannada sida joogta ah loo wasaqeeyo waxaa kamid ah Xeebaha Jazeera iyo Gubadlay ee koonfuta iyo Bariga Caasimadda oo lagu daadiyo qashan laga keeno gudaha Xalane iyo magaalada inteeda kale kaas oo ay geeyaan shirkado Qandaraaslayaal la shaqaysta AMISOM iyo shirkado kale. Wasaqaynta magaalada ayaa loo adeegsadaa Booyado iyo Baabuur kale oo waawayn oo qashan kasoo daabula gudaha Xalane kuna shuba dhinacyada waddada Jazeera, gudaha Badda iyo agagaarka Saldhigga Ciidanka ciidanka lagu tababaro ee Turk-som. Taliska Saldhigga Booliiska Wadajir ayaa si ay u baaraan xiray laba wade iyo labo caawiye oo waday laba booyadood oo ay leedahay Shirkadda Sahan oo kamid ah shirkadaha qandaraaska ka haysta AMISOM, kuwaas oo gacanta lagu dhigay iyaga oo ku guda jira ficillada wadaqaynta caasimadda Haraadiga iyo qashanka Kawaan Xoolaha lagu qalo ee ku yaalla agagaarka xeebta Jazeero ayaa sidoo kale joogto loogu daadiyaa deegaanka Jazeera. Xeebta Gubadlay ee degmada Kaaraan ayaa kamid ah goobaha sida joogtada ah loo wasaqeeyo, iyada oo qashanka gaadiidku ay ku rogaan oo xad dhaaf ah uu dhibaato ba’an ku hayo xeebta liido ee ay shacabka Soomaaliyeed u dalxiis tagaan. Waxaa kale oo jira Kooxo ka faa’iidaysta wasqaynta caasimadda oo gaadiika qashanka keenaya lacag uga qaata wasaqaynta deegaanka.
  11. Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Jigjiga ee xarunta Somali State ay gaaraan hoggaanka jabhadda ONLF oo maalintii shalay ahayd lagu soo dhoweeyey magaalada Addis [...] Source
  12. Hoggamiyaha jabhahda ONLF, Admiral Maxamed Cumar, oo ka hadlayey xaflad soo dhoweyn ah oo loo sameeyey isaga iyo xubno la socady ayaa sheegay in halganka aanu hadda bilaaban isaga intaas raaciyey in gobolka uu ku jiro xilli kala guur ah. Maxamed Cusmaan oo ka hadlaya wuxuu yiri“Ururka ONLF ma aha mid hadda bilowday, oo muddo dheerbuu soo jiray, muddadaas waxaa uu ku magacawnaa muddo qoray isu dhiib ah, oo shucladdii gobanimmo-doonka, qolaba qolo kale u dhiibeysay, Axmed Guray laga soo bilaabo ilaa maanta halgankaas wuu socday, halgankaas xaq-doon buu ahaa, gobannimadooda iyo xuquudooda ayey intaas raadinayeen, qoloba qole ayey soo badaleysay, ma joogsanin halgankaas gobannimo-doonka ee Axmed Guray soo bilowday, waxaa la diidan yahay gumeysi, waxaa la doonayaa cadaalad, dadkii intaas la cabanayey iney tiri, isbadalka cusub madaxda Itoobiya waxaa ay yiraahdeen waxaa rabnaa iney dadka wada noolaadaay, oo umadiihii xaq u leeyihiin, dadkii halgamanayey dalkaas si xor ah ku soo galaan, golaha dhexe ayaa go’aan qaatay, sidaas ayaa dalka ku soo galnay”. Admiral Maxamed Cumar Maxamed Cumar oo sidoo kale ka hadlay kala guurka waxaa hadaladiisa ka mid ahaa“Waxaan moodaa in xafladda ay tahay mid kala guur ah, oo waqti hore oo dhib badnaa, oo kala qeysan, dagaallo iyo is xaqiraad badan ay ka jirtay iney waqtigaas soo dhameyneysaa ayaa moodaa, waxaad moodaa iney ku baaqeyso ama bilaabeyso in caadaalad lagu wada noollaado, qof walbana xuquuqdii helo, marxaladdaas iney bilaabatay ayaad moodaa in xafladdan bilow u tahay, waxaan rajeneynaa in xafladda sidaas noqoto, oo dulmigii iyo is xaqiraaddii dhamaato, oo cadaaladdii iyo horumarkii xafladdan ka bilaabato. Mr. Maxamed Cusmaan ayaa isaga iyo wafdigiisa waxaa ay ku sii jeedaan Jigjiga, iyada oo halkaas ay bilaabi-doonaan wada hadal dheer, oo la xiriira nabadda iyo horumarka deegaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Madax ka socoto Wasaaradda Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka qeyb gashay shir looga hadlaayay baahida Soomaaliya ay u qabto ka hortaga Walxaha Qarxa si ay u fuliso waajibaadka ka saaran in ay bur-buriso Miinooyinka Dhulka iyo Walxaha qarxa, maadama Dowladda Soomaaliya ay qeyb ka tahay Dowladdaha Saxiixay heshiiska Ottowa Treaty iyo Caqabadaha hortaagan in laga dhigi Soomaaliya meel ka madax banaan Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa. Shirka oo lagu soo gaba gabeeyey magaalada Geneva ee dalka Switzerland ayaa waxaa ka qeyb galay Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Amniga Cabdinasir Siciid Muuse oo ahaa Madaxa Wafdiga Soomaaliya, Safiirka Somaaliya ee Switzerland Faaduma Cabdullaahi Maxamed iyo Wafdi kale oo ka socday Hay’adda Miinooyinka iyo Walxaha Qarxa (SEMA) ee Soomaaliya. Waxaa sidoo kale kaso qeyb galay shirka Dowladdo daneynaya in ay wax ka qabtaan Soomaaliya iyo Hay’addo Caalami ah, sida Netherlands, Finland, European Union, Canada, Norway, UNDP, UNMAS iyo kuwa kale, iyadoo shirar gooni gooni lala yeeshay Hay’addaha kala ah UNMAS, UNDP ITF and DDG. Wasiir Ku xigeenka Wasaaradda Amniga Cabdinasir Siciid Muuse waxuu ka sheegay shirkaas si loo gaaro in ay Soomaaliya noqoto meel ka madax banaan miinooyinka sanadka 2022 in loo baahanyahay dardargelinta howlaha miino saarka Dalka ay ka hayaan Hay’addaha Caalamiga ah. Sidoo kale waxuu sheegay in Wasaaradda Amniga Gudaha ay geyn doonto Baarlamanka sharciga Miino Saarka Dalka Soomaaliya iyo kan Hay’adda SEMA iyo in sidoo kale la caawiyo dadka Ku wax yeelobay qaraxyadda Miinoyinka iyo walxaha. PUNTLAND POST The post Soomaaliya oo laga caawinayo saarista qaraxyada dhulka ku aasan appeared first on Puntland Post.
  14. Magaalada Garoowe ayaa waxaa lagu qabtay shir lagu lafa gurayay sharciga low labar 7 oo lagu maamulo dowladdaha hoose ee Degmooyinka Puntland, kaas oo la sameeyay [...] Source
  15. Madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Cumar Muxumed oo ka hadlayey xaflad lagu soo dhoweynayey hoggaamiyaha jabhadda ONLF, Admiral Maxamed Cumar ayaa ammaanay jabhadda gobannimo-doonka ONLF isaga oo sheegay in loo baahanyahay sidii dhibaatooyinkii dhacay looga qaadan lahaa cashar. Mustaf Cumar oo arrinkaas ka hadlayey wuxuu yiri “ Waxaa loo baahanyahay shalay wixii dhacay in aan waxbarasho ka qaadano, feejignaano, oo aan ka feejignaano wax kasta oo nagu celin kara wixii shalay dhibaatooyinka keenay, in wadatashi iyo dulqaad aan uga gudubno wax walbo oo dhexdeena yaalo”. Madaxweyne Mustaf waxaa uu ka hadlay in Itoobiya gashay siyaasad cusub “Dalka siyaasad cusub ayuu galay, siyaasaddaas cusub nafteeda diyaar-garow ayey u baahantahay, innaga diyaar ayaan u nahay in shacabka iyo jabhadda ONLF aan kala shaqeyno sidii danta guud looga wada shaqeyn lahaa, wax kasta oo soo baxa waa in si degan, oo caadifad laheyn looga xaajoodo, waxaan wada hadal u tagi-doonnaa Jigjiga, soo dhawaada dhammaan xubnaha muddada dheer ka dhiidhiyey dhibaatooyinka shacabkooda”. Hadalkan wuxuu ka jeediyey xaflad Adis loogu qabtay hoggamiyaha jabhahda ONLF, Admiral Maxamed Cumar, madaxda jabhadda oo Itoobiya dib ugu soo laabatay ayaa maanta ku sii-jeeda Jigjiga. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  16. La taliyahay arimaha isboortiga Gobolka Banaadir Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar) oo marti ku ahaa Barnaamijka Xeyndaabka ciyaaraha Goobjoog TV ayaa sheegay qurbajoogta dalka u imaanaysa ciyaaraha saaxiibtinimo iyo is dhaxgalka bulshada laga faa’idayo waxyaalo badan oo dalka u ah wanaag iyo horomar “Kooxda jaaliyada Australia waxa ay albaabada u furtay bahda ciyaaraha ee ku nool dalka dibadiisa imaatinkooda wadanka ladii sano ee laga soo gudbay ayaa keentay in Mqudisho iyo caasimadaha kale ay kusoo dhiiradaan qurbajoog badan waxaana arintaas ka dhalatay in Xiriirka kubbadda cagta ay dalbadaan xirfadlayaasha ku barbaaray qurbaha si ay u difaacan calanka iyo magaca dalkooda hooyo ee Soomaaliya”waxaa sidaas Xeyndaabka isboortiga Goobooj TV u sheegay Cabdiqaadir Muxidiin Xaaji (Dacar) oo La taliyahay arimaha isboortiga Gobolka Banaadir 17-30-October 2018 waxaa caasimada Muqdisho ciyaaro saaxiibtinimo iyo is dhaxgal bulsho u imaaday macalimiin iyo ciyaartooy Soomaaliyeed oo ku nool qurbaha,iyagoo aan waligooda arkin dalka ay iyaga lee yihiin waxayna ka kala yimaadeyn wadamada Egland,Sweden,Norway,America iyo Kenya “Bishii Lasoo dhaafay laacib Feysal Xasan Axmed ayaa markii ugu horeesay u saftay xulka qaranka dalka,isagoo gool cajiib ah ka dhaliyay Ethiopia ciyaaraha is reeb reebka olimikada aduunka,Feysal iminka waxa uu tusaale u yahay xirfadyahano badan oo ku haminaya in ay xertaan maaliyada dalkooda hadii aanu nahay bahda isboortiga gudaha iyo qurbajoogta waxaana xoojiaynaa horomarinta ciyaaraha gudaha” Si kastaba Wasaarada ciyaaraha iyo dhalinyarada,xiriirka kubbadda cagta iyo maamulka Gobolka Banaadir ayaa wada daa’daalo ku aadan in caasimada Muqdisho iyo magaalooyinka kale ee dalka sanadaha soo aadan lagu qabto ciyaaraha Somali Week oo ay inta badan ciyaaraan kooxaha qurbajoogta hadii arinta hergashan dad badan ayaa aaminsan in laga faa’ididoono wax badan oo horomar u ah kobaca ciyaaraha gudaha Halkan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Imaatinka Kooxaha Qurbajoogta Ee Soomaaliya W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
  17. (SLT-Hargeysa)-Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa saaka kulan la qaatay Madaxa Xafiiska Midawga Yurub ( EU ) Mr.David Korpela kulankaas oo Ka dhacay Hotel Maansoor, Labada Geesood Waxay ka wadahadleen Doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiilada iyo Golayaasha Degaanka ee Ku mudaysnaa Bisha March 2019. Komishanka Doorashooyinka Qaranka ayaa warbixin Ka siiyey xaalada doorashooyinka iyo halka Komishanka wax u marayaan. Safiirka ayaa Komishanka uga waramay sida ay diyaar ugu yihiin inay gacan ka gaystaan Dimuqraadiyada Somaliland. Source
  18. Muqdisho (Caasimada Online)-Madaxa howgalka Zambia ee Soomaaliya haweeneyda lagu magacaabo Cecilia Kabube ayaa hoos u dhigtay amaanka magaalada Muqdisho oo mudooyinkii ugu dambeeyay laamaha amaanka guulo ay ka sheeganayeen. Haweeneydaan waa hogaamiyaha dhowr ciidan oo kamid ah booliska AMISOM ee ka howlgala Soomaaliya, iyagoo qeyb ka qaata xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho iyo howlgalada ay sameeyaan ciidamada. Haweeneyda ayaa waxaa wariyaal ka socday Africa ay kula kulmeen magaalada Muqdisho, iyada oo hogaamineysay ciidamo ka kooban Soomaaliya, Ghana,Seire Leone ,Kenya iyo kuwo kale. Kadib wareysi ay bixisay ayay ku sheegtay inay adag tahay marka ciidamada ay howlgal ka sameynayaan magaalada Muqdisho, iyadoo sheegtay in xaaladda amaan aysan mar walbaa hagaagsaneyn. “Waa howl adag, qof la aamini karo ma jiro, ma taqaanid qofka doonaya in uu ku dilo, mararka qaar kuwo boolis isu ekeysiiya ayaa dilaya biri mageydada, ma aamino booliska, iyaguna nama aaminaan, ilaa aan muddo dheer isla shaqeyno, waxaa ay wataan gaadiid u gaar ah,annagana waxaan wadannaa gaadiid noo gaar ah.”ayay tiri haweeyneydaan. “Waxa na ilaaliya waa cibaadada,dhaqan ayey u tahay saraakiisha halkan in ay cibaadeystaan, ma jirto meel amaan ah Muqdisho gudaheeda,dhimashada caadi ayey ka tahay, rasaasta xilli kasta ayaad maqleysaa, Qaraxyada ayaa la mid ah,” ayey hadalkeeda raacisay Kabube. Laamaha amaanka ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay sheegay inay ku guuleysteen xaqiijinta amaanka magaalada Muqdisho, balse waxaa dhacayay dilal qorsheysan oo kooxaha ka horjeeda dowladda ay geysanayeen. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  19. Somalia’s top leaders have held a special meeting at the office of the President in the heavily fortified hilltop presidential compound in the capital, Mogadishu on Saturday night. The meeting was deliberate between the President, the Prime Minister, the Senate chairman, and House of the People of the Federal parliament speaker and his two deputies. The meeting was attended by President Mohammed Abdullahi Mohamed Farmajo. A source close to the meeting said that the overnight meeting was focused on the controversy among members of the House of the People and the Southwest election. Since the disbanding of the House of the People’s Finance committee last week, there has been a standoff and wrangling among the Members of the Somali Parliament. The post Somalia’s top leaders meet over current situation in the country appeared first on Shabelle. View the full article
  20. (SLT-Jigjiga)-Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Jigjiga ee xrunta Somali State ay gaaraan hoggaanka jabhadda ONLF oo maalintii shalay ahayd lagu soo dhoweeyey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Wararka waxay sheegayaan in si weyn looga diyaar garoobay Jigjiga, islamarkaana dadka ay doonayaan in si hufnaan ah kusoo dhoweeyaan madaxda ONLF. Waddooyinka waaweyn ee Jigjiga ayaa lagu xardhay calanka ONLF iyo sidoo kale sawiradda madaxda jabhaddaasi. In ka badan 20 sano ayeey ONLF la dagaallamayeen ciidanka Itoobiya iyo Soomaalidii taageereysay, wallow isbedallada Abiy ay sababeen in madaxda ONLF iyo ciidankoodaba si nabad ah ku tagaan Jigjiga. Source
  21. Maanta ayaa lagu wadaa in magaalada Jigjiga ee xrunta Somali State ay gaaraan hoggaanka jabhadda ONLF oo maalintii shalay ahayd lagu soo dhoweeyey magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya. Wararka waxay sheegayaan in si weyn looga diyaar garoobay Jigjiga, islamarkaana dadka ay doonayaan in si hufnaan ah kusoo dhoweeyaan madaxda ONLF. Waddooyinka waaweyn ee Jigjiga ayaa lagu xardhay calanka ONLF iyo sidoo kale sawiradda madaxda jabhaddaasi. In ka badan 20 sano ayeey ONLF la dagaallamayeen ciidanka Itoobiya iyo Soomaalidii taageereysay, wallow isbedallada Abiy ay sababeen in madaxda ONLF iyo ciidankoodaba si nabad ah ku tagaan Jigjiga. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  22. Shacabka ku dhaqan nawaaxiga isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho ayaa saakay kusoo baraarugay dhagxaan ay dowladda federaalka ku xirtay kala wareeggii Isgoyskaasi. Gaadiidka ka yimaada dhanka KM-4 islamarkaana u socda dhanka Buulo-xubey ayaan suurtagal ahayn inuu ka leexdo Isgoyska Zoobe, wuuxna aadi doonaa dhanka Banaadir. Sidoo kale, gaariga ka yimaada dhanka Buulo-xuubey una socda dhanka Isgoyska Banaadir ayaa kasoo wareegan doona Laami yaraha Zoobe ee Muqdisho. Tani waxay sii keeni doontaa saxmad daran oo wadadan ah, iyadoo meelaha gaadiidka kasoo kala leexan doonaan ay tahay meello yar yar oo aan suurtagal ahayn gaadiid badan in si caadi ah isaga soo kala gudbaan. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  23. Maalmihii lasoo dhaafay waxaa jirtay hadalhayn aad u badan oo ku aaddan in musharraxiin u taagan xilka madaxweyne ee maamulka K/galbeed ay ciidamo la tageen magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Wasiirka warfaafinta K/galbeed Xasan Cabdi ayaa xaqiijiyey in musharraxiinta qaar ay ciidan iyo hubba la tageen magaaladaasi, balse waa uu sababeeyey. Waxa uu tilmaamay in qaarkood ay xilal sar-sare ka hayeen dowladda dhexe, xaaladda dalka ka jirta awgeedna ay ku qasbanaadeen in ilaaladooda horey usoo kaxeystaan. Sidoo kale, waxa uu sheegay in wax dhib ah aanay ku jirin in musharraxiinta ay wataan askar dowladda ah, maadaama ammaanka la xaqiijinayo. Horey saraakiisha ammaanka magaalada Baydhabo ayaa ka dalbaday musharraxiinta in ciidamadooda aanay ku dhex milmin waxa socda, islamarkaana ay joojiyeen dhaq-dhaqaaqyada wax u dhimi kara ammaanka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  24. Sacuudiga miyuu bedelay mowqifkii Qatar+Boqor Salman oo tallaabo cusub oo aan la fileynin qaaday Diblumaasiyiin xog ogaal ah ayaa u sheegay wargeys kasoo baxa dalka Kuwait in xoghayaha Guud ee Golaha iskaashiga Khaliijka uu booqan doono magaalada Doha ee dalka Qatar, isaga oo ka wakiil ah Boqorka Sacuudiga Boqor Salmaan. Ujeedada Booqashada Xoghayaha uu ku tagayo magaalada Doha ayaa ah in Amiirka Dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad inuu ku casuumo ka qeyb galka Shirka golaha iskaashiga Khaliijka. Shirka ayaa la qorsheynayay in 9 December uu ka furmo magaalada Damaam ee bariga dalka Sacuudi Carabiga, laakiin xogaha ayaa sheegaya in hadda lagu qaban doono Dalka Cuman, oo tariiq wanaagsan ku leh dhexdhexaadinta khilaafka wadamada Khaliijka. Ujeedada shirka looga badalay magaalada Damaam ayaa ah in lagu dajiyo xiisadda soo bilaabatay sanadkii 2017 islamarkaana la xaqiijiyo guulaha iyo ujeedooyinka shirka laga leeyahay. Dowladda Kuwait, ayaa dadaal badan ku bixisay in shirkaasi la qabto iyadoo ay xaadir yihiin madaxda dalka Qatar, waxaana hadda la doonayaa in xoghayaha guud ee Golaha iskaashiga Khaliijka uu ku qanciyo boqorka dalka Qatar in shirkaasi uu ka qeyb galo. Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Qatar Khaalid Al Jarallah ayaa sheegay in shirka la qaban doono waqtigiisa iyada oo ay ka qeyb galayaan dhamaan wadamada ku bahoobay golaha iskaashiga Khaliijka. Qaran News