-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Hargaysa) Wariyayaal caan ka ah Somaliland ayaa qoraal ay ku saxeexan yihiin oo ay soo sareen wuxuu u dhignaa sidan. “Waxa aanu nahay wariyeyaal ka soo horjeeda ururka suxufiyiinta ee SOLJA , oo u arka in aanu na matalin ee uu isagau is matalo, sidaa awgeed waxa aanu shaacinaynaa islamarkaana ugu baaqaynaa wariyeyaasha Somalilnd ee nala aragtida ah in ay nagu soo biiraan si aanu aayahayaga uga wada tashano ,annaga oo kala ah wariyeyaasha magacyadoodu hoosta ku xusanyihiin : 1- Cali Aadan Daahir 2- C/Sataar Cabdilaahi( Sabri ) 3- Nuuradiin Colujoog 4- C/Maalik Sh.Muuse Coldoon 5- Mawliid Digeed 6- Nuux kadiye 7- Ibraahin Faarax Macaaneeye 8- C/Risaaq Faarax ( Nakruuma) 9- Cali-Daahir Maxamed Boos 10- Maslax Sidde 11- Cabdirisaaq-Teerra 12- Xabiib Cige 13- Maxamed-Jookar 14- Sakariye-Jaakarta 15-C/Risaaq Qaasin Jaamac 16-Mahad-Soomane 17-C/Fataax Xasan Xuseen ( Xareed) 18-C/Qaadir Cismaan Dubad 19- Maxamed Dirir 20- Mahad Cali Goodir 21- C/fataax Ismaaciil Caarshe 22 -Axamed Muuse Sh.Xasan ( Buudhi) 22- Cali Aadan Dirir 23- Faarax Dubad 24- Jaamac Boodacadde . 25- Axmed Maxamed Nadiif. 26-Cabdillaahi Abu Xaniifa . 27-Maxamed Bashiir Nuur-Giriig 28- Siciid Cagjar. Source
-
Somaliland waxay dib mar kale u hantiday madax bannaanidii iyo xorriyaddii ay lumisay 1960, waxay se ugu kacday qiime aad u sareeya iyo nabarro saamayn ku yeelan doona noloshooda sanado badan, sidaas oo ay tahay Somaliland wali lagama hadhin. Xukumadda Soomaaliya, Ururo iyo dawlado la xulufo ah dhammaantood waxay ku foogan yihiin sidii loo mijo xaabin lahaa JSL iyaga oo adeegsanaya xeelado iyo midabo badan. Madaxda Soomaaliya halkii ay ku mashquuli lahaayeen dhismaha nidaam dawladeed oo shaqaynaya iyo sidii ay uga xoroobi lahaayeen ciidamada shisheeyaha ah ee dusha ka haysta wuxu wakhtigu kaga lumay la dagaallanka Somaliland, maalmahan waxay xoogga saareen kala qaybinta bulshada reer Somaliland waxay ku soo abaabuleen colaado la soo dhex mariyay Puntland waxay dhinac wadaan olole diblamaasiyadeed oo ka dhan ah danaha Somaliland iyo in laga faquuqo beesha caalamka laakiin, waa wax aan dhici Karin in Somaliland lagu muquuniyo midnimo iyo fikradda Soomaali weyn oo bari hore dhimatay oo ah riyo laga soo toosay dibna loo arki doonin. Si kastaba ha ahaatee Somaliland oo boqolaal sanadood la soo dhisayay waxa lagu dumiyay maalmo yar gudahood si dib loogu dhisana waxay qaadan doonta wakhti aad u dheer iyo hawl adag oo u baahan in loo dhibar adaygo, sidaa daraadeed marba marka ka dambeeya waxa sii yaraanaya samirka, waxa hoos u dhaca ‘momentum-ka bulshadu wax ku wadday, waxa bata in hawsha la isku hiifo iyo in dhalliisha la isku riixriixo, canaanta xooggeeda waxa dusha loo saara hadba kuwa talada haya. Runtii duruufaha dalka soo maray iyo kuwa haddaba jira qaarkood way ka awood badan yihiin dhammaantood xukumaddii dalka ka soo taliyay laakiin, shicibku wuxuu dareemaya in arrimaha qaarkood madaxdoodu hagratay oo wax badan oo la qaban karayay lahaa laga gaabiyay, sidaas awgeed bulshadu waxay u siman tahay wixii inaga baaqday ama dib u dhacay sababtoo ah dhammaanteen waxaynu wada saaran nahay dooni qudha. Saluugga iyo cabashada dadweynuhu ma aha wax la soo koobi karo hadddana dadka qaar kama rajo xuma mustaqbalka iyo in wax kastaba hagaagi doono barrito ka maalin, hase ahaatee waxa jira qaybo kale oo u nuglaaday ama xammili kari waayay dhibaatada nolosha ka haysata iyo markii ay hore u arki waayeen guulihii ay filayeen in si degdeg ah loo gaadhi doono oo ku xallila in ay sameeyaan dhibaato ka culus wixii ay ka cabanayeen, niyad xumida shicibka iyo in ay mustaqbalka ka werweraan waxa ku sii shida siyaasiyiin aan bislayn (immature or second class politicians) oo siyaasadda u yaqaana kala qaybinta bulshada. Akhrista bal dhugo sheekadan oo dadka qaar ku dhacaan marka caqligu ka lumo: Xayn jiir ah(Tiro) ayaa waxay ku noolaayeen aqal, ninkii aqalka lahaa markii uu habeenkii ka seexan kari waayay sanqadhii ama u adkaysan waayay dhibaatooyinkiisii kale ayuu gurigii dab qabad siiyay si uu jiirka u laayo, dabcan jiirkii wuu dhintay laakiin, gurigii sidii uu u dhammaa wuu gubtay iyo waliba wixii hoos yaallay (We must not burn down the house to kill the rats). Sheekadu waxay inagu baraarujinaysa haddii aad neceb tahay ama aanad ku qanacsanayn hoggaaminta madaxweynaha marka talada haya mucaaradadaadu yaanay kula gaadhin heer dhaawici kara Qarannimada iyo dawladnimadii aad ku soo tacabtay ee aad naftaada iyo maalkagaba u soo hurtay. Dalkan waxa lagu xoreeyay wada jir, Qarankan waxa lagu yabyabay oo lagu dhisay wada jir, waxa lagu difaaci kara wada jir, xooggeenu waa midnimadeena sina uma kala maarantan sidaas daraadeed waa in laga ilaaliya tafaraaruqa iyo wax kasta oo wiiqi kara wada jirka umadda. Isma Hurtooy isu hambee. W/Q Cabdiraxmaan Cadami Abdirahmanadami22@gmail.com Source
-
(SLT-New York)Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa isku raacay in cunaqabateynta saarneyd dalka Eritrea laga qaado. Eritrea ayaa xayiraadahani lagu soo rogay sagaal sano ka hor, xilligaasi oo lagu eedeeyay in ay taageerto mintidiinta Soomaaliya ee Al-Shabaab. Arrintan ayaa ku soo aadaysa iyadoo calaaqaadka gobolku uu soo hagaagayo, heshiis taariikhi ahna ay la galeen dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya. Qaraar qabyo ah oo ay Britain hor dhigtay Qaramada Midoobay ayaa sheegayay in kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan la socoshada arrintaas ay ku guul darraysteen in ay keenaan caddaymo lagu xoojiyo eedaymaha Eritrea loo soo jeediyay. Tallaabadan golaha ammaanka ee Qaraamda Midoobey ayaa meesha ka saaraya cunaqabatayntii Eritrea ka saarnayd soo iibsashada hubka, shaqsiyaad dhaqaalahooda la xannibay iyo xayiraaddii dhanka socdaalka. Dhawaan ahay ahayd markii hoggaamiyeyaasha dalalka Soomaaliya, Eritrea iyo Itoobiya ay kulan ku yeesheen magaalada Bahr Dar ee dalka Itoobiya, halkaasi oo ay kaga wada hadleen heeshisyadii ay ku kala saxiixdeen Asmara. Waxyaabihii inta badan kulanka ka dib laga hadlayay waxaa ka mid ah arrinta la xiriirta suuragalnimada ah inay midoobaan dalalkan mustaqbalka. Isbadalka maamul ee ka dahcay dalka Itoobiya oo ay coalad 20 sano kala dhaxeysay Eritrea ayaa sahlay in hadda xayiraadihii laga qaado xukuumadda Asmara. Source
-
WASHINGTON--Two prominent U.S. senators expressed alarm on Tuesday about the military and political consequences if China gains control of a port terminal in Djibouti, and said they were concerned it could further boost Beijing's influence in East Africa. In a letter to Secretary of State Mike Pompeo and Secretary of Defense Jim Mattis, Republican Senator Marco Rubio and Democratic Senator Chris Coons said they were concerned about Djibouti's termination of a contract for the Doraleh Container Terminal with United Arab Emirates-based DP World in February and the nationalization of the port in September. Reports that Djibouti, heavily indebted to Beijing, would likely cede the port's operations to a Chinese state-owned enterprise were "even more alarming," they said. The letter was the latest in a series of efforts by members of Congress who want to counter China's growing international influence, which they see as a threat to U.S. economic and security interests. Trump has been focusing on the economic threat from China and has brought the two countries to the brink of a trade war, but many lawmakers want to ensure the administration also treats the country as a security threat. A tiny nation strategically located at the entrance to the Red Sea on the route to the Suez Canal, Djibouti became home to China's first overseas military base last year. A U.S. base located just miles away stages operations against Islamic State, al Qaeda and other militant groups. Rubio and Coons sent Tuesday's letter as lawmakers returned to the Capitol for the first time in several weeks after congressional elections on Nov. 6. Asked for comment, a Pentagon spokesman said the Defense Department welcomed infrastructure and other investment that could benefit the region, but added "countries should be wary of piling on monumental debt." A State Department spokesman had no immediate response. The Senate last month passed legislation overhauling the way the federal government lends money for foreign development, in a shift meant largely as a response to Chinese influence. U.S. officials say they worry about what they call China's "debt trap" diplomacy, in which countries end up giving up control of major assets such as ports or roadways when they fund infrastructure projects with Chinese loans that they cannot pay back. Marine General Thomas Waldhauser, the top U.S. military officer for Africa, told a Congressional hearing earlier this year the U.S. military could face "significant" consequences if China took the port in Djibouti.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka jawaabay go’aankii maanta ay golaha ammaanka QM ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen in dalka Eritrea laga qaado cunaqabateynta Qoraal uu soo dhigay twitter, ayuu Farmaajo ku sheegay inay soo dhoweynayaan in xayiraaddii Eritrea lagu qaaday codsi ay Soomaaliya qeyb ka ahayd. “Waxaan uga mahad-celinayaa Golaha Ammaanka QM farogelinta waqtigeeda kusoo aadday ee wax ku oolka ah. Gobolka Geeska Afrika wuxuu sameynayaa horumar ku aadan wada-shaqeyn iyo is-dhexgal dhaqaale” ayuu yiri Farmaajo. Qaraarka cunaqabateynta looga qaaday Eritrea, ayaa waxaa soo diyaariyey dowladda Britain, waxaana taageerayey dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, inkasta oo aysan xubin ka ahayn glaha ammaanka, iyo Ethiopia. Jabuuti oo Eritrea ay ka haysato dhul ayaa aad uga soo horjeeday in xayiraadda laga qaado. Eritrea ayaa cunaqabateynta la saaray sanaddii 2009 markii lagu eedeeyey inay taageerto kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya. Eritrea ayaaa dhowr mar beenisay eedeymahaas. Qaraarka ayaa lagu sheegay in kooxda QM ee kormeerka xayiraadda hubka ee saaran ee Soomaaliya iyo Eritrea “Aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in Eritrea ay taageerto Al-Shabaab” Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Afgooye (Sh.M.Network) – Wararka laga helayo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi lagu dilay Nabadoon caan ka ahaa degmadaasi, sida idaacadda Shabelle ay uxaqiijiyeen dadka degaanka. Dilka marxuum Xuseen “Suuqa Xoolaha” ayaa waxaa la sheegay inuu fuliyay Askari inuu ka tirsan yahay ciidamada dowlad ee ku sugan degmadda, kaasi oo goobta uu dilka ku geystay isaga baxsaday. Ma cadda sababta dhabta ah ee ka dambeysa dilka Oday dhaqameedka uu ugeystay Askariga ka tirsan ciidanka dowladda, kaasi oo ay masuuliyiintu sheegeen inay ku raadjoogaan. Ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay maamulka degmada iyo kan gobolka oo ku aadan faalkan lagu khaarijiyay Nabadoonka, kaasi oo qayb ka ah dhacdooyinka nabad-gelyadda lidiga ku ah ee soo laab-laabtay. The post Nabadoon caan ah oo lagu dilay degmada Afgooye appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in Shirka seddexaad ee Dalalka Eritrea, Ethiopia iyo Soomaaliya uu ka dhacayo magaalada Muqdisho. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo sharaxaad ka bixinayay isbadalka Geeska Africa ayaa sheegay in shirka seddexaad ee madaxda seddexda dal uu ka dhici doono magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya. Farmaajo wuxuu sheegay in shirkaasi la filayo inay balaariyaan oo ay kusoo daraan dowladda Jabuuti oo hadda xiriir soo wanaagsanaanaya kala dhaxeeya Dowladda Eritrea oo horey ay u dagaalsanaayeen. Madaxweyne Farmaajo, Wuxuu sheegay in shirkaasi ay mustaqbalka qorsheynayaan inay balaariyaan oo ay kasoo qeyb galaan dalalka Deriska la ah Soomaaliya, waxaana uu sheegay in faa’idada ugu badan Soomaalida inay heli doonaan, maadaama ganacsigooda uu gaaray wadamo badan oo ilaa Galbeedka Africa ah. Labadii Shir ee lasoo dhaafay waxaa ka maqnaa Jabuuti, waxaana hadda qorshaha uu yahay in dalka ugu horeeya ee shirka Afar geesood ka dhigaya in Jabuuti ay noqoto si xal waara looga sii gaaro xiisada kala dhaxeya Eritrea. Lama oga sida Jabuuti ay kaga qeyb gali karto shirkan, iyadoo aan xal waara laga gaarin xiisadda kala dhaxeysa dowladda Eritrea, Sidoo kale madaxweyne Farmaajo ma sheegin waqtiga uu shirkaasi ka dhacayo magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Madaxwaynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed [Farmaajo] ayaa wuxuu ka warbixiyay shirkii saddex geesoodka ahaa ee uu la yeeshay hogamiyaasha Itoobiya iyo Eritrea, kaasi lasoo gabgabeeyay horaantii bishaan. Farmaajo ayaa shaaciyay in ugu horeyntii uu kala hadlay Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed faragelinta uu dalkiisa ku hayo Soomaaliya, isaga oo daboolka ka qaaday inuu soo dhaweeyay qodobadda uu miiska u saaray. Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu Madaxwaynaha daboolka ka qaaday in sidoo kale ay isla soo qaadeen Abiy Axmed is-dhexgal ay ka yeeshaan Soomaaliya iyo Itoobiya dhinaca amniga iyo dhaqaalaha. Hoos ka dhageyso warka oo Cod ah http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Nuuradiin.mp3 The post MD Farmaajo oo fahfaahiyay shirkii lagu soo gabagabeeyay Itoobiya appeared first on Shabelle. View the full article
-
New York (PP) ─ Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in dalka Eritrea laga qaado cunna-qabateynta hubka ee saarnayd, kaddib heshiis dhex-maray waddankaas iyo Itoobiya oo ay daris yihiin, isla markaana uu soo wanagsanaanayo xiriirka Eritrea kala dhaxeeya dalak kale ee ay dariska yihiin ee Jabuuti. Warbixinta xayiraadda looga qaaday Eritrea ayaa ku boorisay Xukuumadda Asmara iyo Jabuuti inay ka shaqeeyaan sidii ay xiriirkooda dib ugu soo celin lahaayeen, ayna heshiis ka gaaraan muranka xuduudeed ee u dhexeeya. Dalka Eritrea ayaa cuna-qabateynta la saaray Sannaddii 2009-kii markii lagu eedeeyey inay taageerto kooxda Al-shabaab ee Somalia. Laakiinse Dowladda Eritrea ayaa dhawr jeer beenisay eedeyntaas. Go’aanka uu qaatay Golaha Ammaanka ayaa lagu sheegay in kooxda QM ee kormeerka xayiraadda hubka ee saaran Somalia iyo Eritrea aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in Eritrea ay taageerto Al-shabaab. Sidoo kale, Qaraarka ayaa waxaa soo diyaariyay Dowladda Britain, Waxaana taageerayay dalal ay ka mid yihiin Somalia, inkastoo aysan xubin ka ahayn golaha ammaanka ee QM iyo Ethiopia. Xukuumadda Jabuuti oo dhul ballaaran ay ka haysato Eritrea ayaa aad uga soo hor-jeesatay in xayiraadda hubka ee saaran laga qaado, iyadoo Eritrea ku eedeysay inay weli khatar ku tahay ammaankeeda, maadaama aysan ka bixin dhulkii ay ka qabsatay. Dhanka kale, Go’aanka xayiraadda looga Qaaday Eritrea ayaa badankiis loo sababaynayaa xiriirka wanaagsan ee dalkaas kala dhaxeeya dalka ay dariska yihiin ee Itoobiya, ayna dhex-mareen dagaalo ay ku naf-waayeen kumanaan kun oo qof oo isugu jiray askar iyo shacab kasoo kala jeeda labada waddan. Ugu dambeyn, Xukuumadda Washington oo aad uga soo hor-jeeday in dalka Eritrea laga qaado xayiraadda hubka ayaa ka tanaasushay dhawr toddobaad ka hor, taasoo dhabaha u xaartay go’aanka maanta. PUNTLAND POST The post Golaha Amaanka ee QM oo Xayiraadii mudada dheer saarnayd ka qaaday Waddanka Eritrea appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-141118.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (PP) ─ Warbixin ay soo saareen guddiga Qaramada Midoobay u qaabilsan cunna-qabteynta hubka ee Somalia iyo Eritrea ayaa sheegtay in hubka soo gala Dowladda Soomaaliya loo adeegsado qaab-siyaasadeed, waxaana laga digay in golaha Ammaanka ee QM uu Muqdisho ka qaado cunna-qabateynta hubka mustaqbalka dhow. Guddigan ayaa qoraalkooda ku sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ku guul-dareysatay inay hubka ka xakameyso gacanta ganacsatada iyo kooxaha kale ee hubeysan. Sidoo kale, Warbixinta ayaa lagu sheegay in Somalia aanay u hoggaansamin cunna-qabateynta hubka ee saaran, waxaa intaas dheer in laga waayay xogta rasmiga ah ee la xiriira hubka iyo rasaasta ay Dowladdu keensato, iyadoo Villa Somalia ay u diiday guddiga Qaramada Midoobey inay arkaan meelaha hubku yaallo. Waxaa kaloo qoraalka lagu xusay in la ogaaday in hubka ay dowladdu leedahay lagu iibiyo suuqyada, iyadoo ay iib-geeyaan saraakiil ciidanka DF ka tirsan, kuwaasoo isugu jira kuwo sare iyo kuwo hoose iyo weliba xubno mas’uulyiin ah oo ka tirsan xukuumadda Khayre. “Hubka lagala baxo xarumaha Dowladda ayaa waxay u badan yihiin kuwa loo yaqaanno RPG-7, iyadoo ay tani caqabad weyn ku tahay xasiloonida siyaasadeed ee dalka, waxayna tani xaqiijinaysaa in hub oo la xado ay ka tahay Somalia arrin aad ugu badan,” ayaa lagu yiri warbixinta Guddiga QM. Guddiga ayaa waxay qoraalkooda ku sheegeen in illaa 20,000 oo Qori iyo 75 milyan oo rasaas ah ay heshay Dowladda Somalia, kuwaasoo ay ku jiraan 70,000 oo rasaasta qoriga RPG-7 ah. Waxaa kaloo warbixinta ay su’aal ka keentay inay kala badan yihiin hubka loo ogolyahay Dowladda Somalia inay keensato kaddib markii laga qafiifiyey cuna-qatabeynta hubka iyo kan rasmiga ah ee ay heystaan ciidanka xoogga dalka. Dhanka kale, Kooxdan waxaa ay sheegeen in 21 Konteenar oo hub ah oo ay ku jiraan nooca Soomaalida u taqaanno Baasuukaha la geeyey gudaha Villa Somalia bishii May ee sannadkan 2018-ka, waxaa loo diiday SEMG inay soo arkaan hubkaas. “Inta badan hubka dowladdu ay haysato waxay si qarsoodi ah gacanta ugu galaan ganacsato iyo kooxo hubka ka ganacsada oo jooga Magaalooyinka Mogadishu, Baydhabo iyo Dhuusa-mareeb,” ayaa lagu yiri warbixinta SEMG. Warbixinta Guddiga Qaramada Midoobay waxaa kaloo lagu xusay in hub lagu qabtay kooxo ka tirsan Al-shabaab oo joogay Gudaha Waddanka Kenya ay ahaayeen hub ay lahaayeen Ciidamada Dowladda Soomaaliya. Ugu dambeyn, Qoraalkan Guddiga SEMG ayaa lagu xusay in hubka Dowladda Somalia ay halis ugu jiraan in la qaato ama la xado oo aanay xakameyn karin, iyagoo tusaale u soo qaatay wixii ka dhacay xerada Gordon oo markii la jabsaday oo qoriga AK-47 lagu iibsanayey $1,000 oo keliya. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo lagu eedeeyay inaysan Xakameyn karin hubka ay ka hesho Caalamka appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Hargeysa)-Haweenka Beesha Ciidagale oo mudooyinkii ugu danbeeyey cabasho ka muujinaayey buug uu Qoray wasiir Guribarwaaqo ayaa waxaa ay fariin u direen golaha Guurtida Somaliland oo arintaasi hore guddi ugu saarey , waxaana ay ku baaqeen in arintaasi si deg deg ah jawaabteeda loo soo dadajiyo. Sidoo kale haweenkani waxaa ay sheegen in hadii cabashadooda waxba laga qaban waayo in ay Haaya’dda ha xuquuqul iinsanka ay arintooda u gudbin doonan, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Hargeysa)-Siyaasi Cali Cantar oo ka tirsan xisbiga mucaaridka ah ee Waddani ayaa waxaa uu ka Hadley xaalada Gobalada Bariga Somaliland gaar ahaan gobolka Sool , waxaana uu si gaar ah uga Hadley dhex dhexaadinta beelahii ku dagaalmay konfurta gobalka Sool oo loo raray magaalada Jig jiga . Siyaasi Cali Cantar waxaa uu sheegay in habaradey gobalada Sool iyo Sanaag isla markaana hadii ay gobaladaasi ay meesha ka baxaan gobalka Togdheer-na uu ku xigi doono, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
New York (Caasimada Online) – Golaha ammaanka QM ayaa cod aqlabiyad ah ku ansixiyey maanta in dalka Eritrea laga qaado cunaqabateynta kadib heshiis dhex maray dalkzas iyo Ethiopia, islamarkaana uu soo wanagsanaanayo xiriirka kala dhaxeeya Jabuuti. Qaraarka cunaqabateynta looga qaaday Eritrea, ayaa ku booriyey ayaga iyo Jabuuti inay ka shaqeeyaan sidii ay caadi uga dhigi lahayeen xiriirkooda ayna heshiis uga gaari lahaayeen muranka dhanka xuduudda. Eritrea ayaa cunaqabateynta la saaray sanaddii 2009 markii lagu eedeeyey inay taageerto kooxda Al-Shabaab ee dalka Soomaaliya. Eritrea ayaaa dhowr mar beenisay eedeymahaas. Qaraarka ayaa lagu sheegay in kooxda QM ee kormeerka xayiraadda hubka ee saaran ee Soomaaliya iyo Eritrea “Aysan helin wax caddeymo ah oo muujinaya in Eritrea ay taageerto Al-Shabaab” Qaraarka ayaa waxaa soo diyaariyey dowladda Britain, waxaana taageerayey dalal ay ka mid yihiin Soomaaliya, inkasta oo aysan xubin ka ahayn glaha ammaanka, iyo Ethiopia. Jabuuti oo Eritrea ay ka haysato dhul ayaa aad uga soo horjeeday in xayiraadda laga qaado. Go’aanka xayiraadda looga qaaday Eritrea ayaa badankiis loo sababaynayaa xiriirka wanaagsanaaday ee dalkaas kala dhaxeeya Ethiopia. Dowladda Mareykanka oo aad uga soo horjeeday in Eritrea laga qaado xayiraadda ayaa ka tanaasushay dhowr toddobaad ka hor, taasi oo dhabaha u xaartay go’aanka maanta. Caasimada Online Xafiiska New York Caasimada@live.com
-
Xulalka 23-jiarada Soomaaliya iyo Ethiopia ayaa wada dheelay kulankooda kowaad ee is reer reebka ciyaaraha olimikada aduunka ooo lagu qabandoono magaalada Tokoyo ee dalka Japan Kulanka ayaa ku bilaawday dar daro xoogan waxaana qeybta hore lagu kala maray 2-0 oo ay hogaanka ku hayaan wiilasha dalka Ethopia waxaana goolasha u dhaliyay daqiiqadihii 28, 38-aad Canaan Israel eshetu. Qeybta labaad kulanka xulkeena ayaa soo bandhigay ciyaar ku dheehan farsamo,balse gool ku laad loo dhigay xidigaha Ethiopia ayay dhaliyeen waxaana caalamada casaanka ka qaatay mid ka mid ah ciyaaryahanadooda waxayna ciyaarta kusoo idlaatay 4-0 oo ay guusha ku qaatay wiilasha 23-jirada ee Ethiopia “Waxaan taageerayaasheena ka raali gelinaynaa guul darada ina soo gaartay waxa aan soo bandhigay ciyaar wanaagsan,balse wixii qornaa ayaa dhacay waxaana xooga saaraynaa kulanka labaad ee aan Ethiopia kula ciyaarayno dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti” waxaa sidaas Goobjoog Sports u sheegay Maxamed Cabdulle Faryare oo macalinka xulka qaranka 23-jirada Soomaaliya. Si kastaba lugta labaad ayay labada wadan kuwada dheelidoonaa Khamiista soo aadan wadanka Jabuuti oo guri ahaan u ah xulkeena sanadihii laga soo gudbayna tartamo kala gedisan ku ciyaaray Dhawaan Filo warbixin dheeraad ah iyo sawirro ku saabsan ciyaarta Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in soddonkii sano ee lasoo dhaafay ay dowladaha dariska ah faragalin qaawan iyo mid dadban ay ku hayeen arrimaha Soomaaliya, Muuqaal dhawr daqiiqo ah oo la faafiyay ayaa Madaxweynuhu kaga warbixiyay tallaabooyinkii ugu horreeyay ee uu kusoo afjaray faragalintii joogtada ahayd ee Itoobiya ay ku heysay Soomaaliya, isagoo sheegay in kulankii ugu horreeyay ee uu la qaatay Ra’iisul Wsaarihii Itoobiya Hailemariam Desalegn uu kala hadlay in Itoobiya ay joojiso faragelinta, lana tixgeliyo madaxbannaanida iyo dowladnimada Soomaaliya. Madaxweyne Farmaajo ayaa xusay in isbedelka ka socda Gobolka Geeska Afrika uu ku saleysan yahay iskaashi iyo wax wada qabsi, meelna looga soo wada jeesto waxkasta oo caqabad ku ah horumarka iyo xasiloonida Gobolka, taas oo ay ka midesysan yihiin Madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretereya. Madaxweynaha ayaa tilmaamay in la ballaarin doono shirka seddax-geesoodka ah ee socda iyadoo laga qeybgelin doono dalalka Gobolka ee aan qeybta ka ahayn sida dalka aan waalalaha nahay ee Jabuuti. Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in shirkii Bahra Daar la isku afgaraty qodobbo hor u socod u ah horumarka Gobolka, sidoo kalena la isla qaatay in magaalada Muqdisho ay marti geliso shirka xiga. Halkan ka dhageyso codka madaxweynaha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/Farmaajocod.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku-xigeenkii hay’adda qaxoontiga iyo barakacaayasha Somaliland Khadar Sheekh Cali Jawhar ayaa jawaab adag ka bixiyay eedaymo ugu yimid guddoomiye Cabdikariin Xinif. Khadar Sheekh Cali Jawhar ayaa sidoo kale waxa uu eedaymo musuq-maasuq u soo jeediyay guddoomiye Cabdikariin Xinif. Halkan hoose ka akhriso qoraal kooban soo dhigay barta uu ku leeyahay facebooka oo kaga hadlay arrimahaasi: “Gudoomiye xinif wuxuu saxaafada lasoo waa caadadii lamana yaabayo waayo somalidu waxay tidhaa bahal qaydhin madaayo laba wajiilenimaduna waa dhawankiisa 9 bilood een xilka hayay isku xafiis maanu fadhiisan jirin anigu waxan fadhiisanayay xafiiskii hore ee wasaarada dib udajinta isaguna wuxuu fadhiisanay fooqan imigiration ka agtiisa shaqada aan iman waayay ee sheegayo ma wuxuu doonayay xafiiskiisa inaa iska soo xaadiriyo shaqada uu leehay qaybaan udhiibay ilaahay been usheegay shaqo iska daaye shaanbadii ku xigeenka in la sameeyo daalbuu ka galay. Lacagaha mushaarka midna waa mushaarkii dawlada midana lacagaha UN iyo UK- AID ay nasiiyaan isagaa account gooniya usamaystay lacaga IOM isla isagaa jeebkiisa ku soo dhacdaa. Takale tan uu leeyahay warqada waa lasiiyay ma diidani balse anigu waxan diiday sobobta magacayga loo qariyay Insha allah musuqmaasuqa oo ku kacay xinif iyo qabyaalada uudhaqan ka dhigtay saxaafada ayaan soo bandhigayaa” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirka difaaca ee Israa’iil ayaa xilka iska casilay kaddib markii golaha wasiirada dalkaasi ay gaadheen go’aan ah inay aqbalaan heshiis xabad joojin ah oo lagu soo afjarayo dagaalka laba maalmood socday ee u dhexeeyo Israa’iil iyo ururka Xamaas. Avigdor Lieberman ayaa xabad jooojinta ku tilmaamay in laisku dhiibay argagixisada. Wasiirka wuxuu sheegay in xisbigiisa uu ka bixi doono dowladda. Siddeed qof ayaa lagu dilay Qaza labadii maalmood ee lasoo dhaafay, diyaaradaha Israa’iil ayaa duqayn ka waday halkaasi halka ururka Xamaas ay gantaallo ka badan 400 ay u rideen dhinaca Israa’iil. Source
-
(SLT-Boosaaso)-Askari ka tirsan ciidamada badda maamul goboleedka Puntland ayaa habeenimdii xalay magaalada Boosaaso ku dilay laba askari oo ciidamada Badda maamulka Puntland ay ka wada tirsanaayeen. Askariga ayaa la sheegay in askarta geeriyootay uu raas ku furay iyaga oo kuwada jira hawlga ay amaanka ku sugayaan. Qaar ka mid ah saraakiisha ciidamada Badda Puntland oo ay VOA la xidhiidhay ayaa sheegay in ay gacanta ku hayaan askarigii dilka gaystay, islamaraana ay ku hawlan yihiin baritaanka sababta ku kaliftay in askarigaani toogasho ku dilo labadan askari ee ay hawlgalka kuwada jireen. Source
-
Baardheere ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha degmada Baardheere ee gobolka Gedo Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax oo maanta shir jaraa’id Warbaahinta ugu qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hor yimid xilka qaadis la sheegay in lagu sameeyay . Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax ayaa xusay in uu isagu uu yahay guddoomiyaha saxda ah ee degmada Baardheere, sida uu hadalka u dhigay. Waxaana uu tilmaamay in warqadaha is daba jooga ah ee ka soo baxaya Jubbaland aysan wax ka bedali doonin maamulka uu ka hayo degmadaasi. Sidoo kale Guddoomiyaha Baardheere Ismaaciil Sheekh Cabdi Qorax ayaa ku baaqay in aan qal qal siysaasaded la galin shacabka ku dhaqan degmadaasi. Waxaana uu DFS ka codsaday in ay soo faragaliso xiisada ka taagan gudaha degmadaasi Baardheere. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Qor.mp3 The post Guddoomiyaha Baardheere Oo ka horyimid Xilka qaadis lagu sameeyay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Warbixinta kooxda QM oo shaacisay xog xasaasi ah oo ku saabsan hubka Dawlada Somalia+Cadadka & Noocyada Hubka so gaadhay Sanadkan Warbixin dheer oo ay soo saareen Somali and Eritrea Monitoring Group (SEMG) ayaa lagu sheegay in hubka soo gala Soomaaliya loo adeegsado qaab siyaasadeed, waxaana laga digay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu Muqdisho ka qaado cunaqabateynta hubka mustaqbalka dhow. Warbixintan waxaa ku jirta in dowladda Soomaaliya ay ku guul-dareysatay inay hubka ka xakameyso gacanta ganacsatada iyo kooxaha kale. Qoraalkan, waxaa kale oo lagu sheegay in Soomaaliya aaney u hoggaansamin cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaa intaas dheer in laga waayey xogta rasmiga ah ee la xiriira hubka iyo rasaasta ay dowladda keensato, waxaa ay diiday Villa Somalia inay Qaramada Midoobey arkaan meelaha hubka yaalaan, iyada oo la ogaaday in hubka ay dowladuu leedahay suuqyada u iib-geeyaan saraakiil ciidamada ah(kuwoo hoose iyo kowoo sare), mas’uulyiin xukuumadda ka tirsan. Hubka oo lala baxo, iibintiisa gaar ahaan kuwa keydan sida nooca RPG-7, waxaa ay caqabad ku tahay xasiloonida siyaasadeed, taasi oo sii adkeyneysa qeybinta iyo dusinta hubka ay aad ugu sareyso gudaha Soomaaliya. Hubka Ay Dowlada Somalia Heshay: 20,000 Sida ku qoran warbixinta SEMG, dowladda Soomaaliya waxaa ay heshay ilaa 20,000 oo qori iyo 75 million oo rasaas ah, oo ay ku jiraan 70,000 oo ah RPG-7, waxaa kale oo warbixinta ay su’aal ka keentay inay kala badan yihiin hubka loo ogolyahay dowladda Soomaaliya inay hesho kadib markii laga qafiifiyey cunaqatabeynta hubka iyo midka rasmiga ah ee ay heystaan ciidamada xoogga dalka. Kooxdan waxaa ay sheegeen in 21 Konteenar oo hub ah oo ay ku jiraan nooca Soomaalida u taqaanno “Baasuukaha 7” la geeyey gudaha Villa Somalia bishii May 2018, waxaa sidoo kale loo diiday SEMG inay soo arkaan. Warbixinta Qaramada Midoobey waxaa ku jirta in hub ay lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacanta u galeen ganacsato iyo kooxo hubka ka ganacsada oo jooga magaalooyinka Mogadishu, Baydhabo iyo Dhuusamareeb. Qoraalka UN-ka waxaa ku jirtay oo kale, in hub lagu qabtay kooxo ka tirsan Al-shabaab oo joogay gudaha Kenya ay ahaayeen hub ay lahaayeen ama ay aheyd inay yaalaan bakhaarada ciidamada dowladda. Ugu dambeyntii, Qoraalkan UN-ka, waxaa lagu sheegay in hubka dowladda Soomaaliya ay halis ugu jiraan in la qaato ama la xado, oo aaney xakameyn Karin, waxaa ay tusaale usoo qaateen wixii ka dhacay xerada Gordon, oo markii la jabsaday oo qoriga AK-47 lagu iibsanayey $1,000. Qaran News
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ka tirsan Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka ayaa ku eedeeyay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka C/Weli Muudey inuu sameeyay xadgudub ka baxsan xeer hoosaadka Baarlamaanka, isagoo sheegay inuu afduubtay Baarlamaanka. Xildhibaan Cosoble oo la hadlayay telefishinka Dalsan TV, kaddib markii uu soo dhamaaday kulankii Baarlamaanka ayaa sheegay in Xildhibaanada Baarlamaanka ay maanta si aqlabiyad leh ku ansixiyeen qaraarkii ay soo jeediyeen Guddiga Maaliyadda ee ku aadanaa dib u eegista Miisaaniyadda sanadka 2018. Hase ahaatee waxaa uu xusay in qalad aad u weyn sameeyay Guddoomiye ku xigeenka 1-aad C/Weli Muudey oo shir guddoominayay kulankii maanta. “Maanta qalad weyn ayuu sameyay Guddoomiye Muudeey wax auu xildhibaanada u diiday waxyaabo ay xaq u leeyihiin oo uu xeer hoosaadka u ogolaanayo taas ah ra’yigooda soo jedineed ama diidmeed ayuu yiri Xildhibaan Cabduqaadi Cosoble. Sidoo kale waxaa uu sheegay in Guddoomiye C/weli Muudey uu diiday inay Xildhibaanada hadlaan, taasoo uu ku tilmaamay inay tahay afduub aad u weyn. “Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Baarlamaanka waa afduubtay, Xildhibaanada inay hadlaan waa diiday Xildhibaanka dalbaday inuu hadlo oo wax saxo waa ka diiday, taasna waa arrin khilaafsan xeer hoosaadka, waa dhaqan aad u liitay oo xun oo aan loo baahneyn inuu Baarlamaanka ku sii socdo, anaga uma dooran Guddoomiye C/weli Muudey inuu Baarlamaanka ka dhigo dugsi qur’aan asiga leeyahay wixii uu doono marsiiyo”ayuu si kulul u yiri Xildhibaan C/qaadir Cosoble Cali oo ah Guddoomiyaha Guddiga Arrimaha Dibadda Baarlamaanka. Halkana hoose ka daawo https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/11/kalsan-46125254_337449600366653_219738159020244992_n.mp4 Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Siyaasi Xilal Muhiima hore uga soo qabtay Somaliland oo in Aqoonisga Somaliland ku Xidhan yahay Saamiqeybsiga Xilalka & Manasiibta Dalka oo loo sinaado balse aanay Beel keliya urursan. Magacaabista Dr.Yassiin Faraton ee wasaaradda arrimaha Dibeddu waxay buuxinaysa waax wayn oo dawlad Wanaagga Somaliland ka maqna intii ka dambaysey Madaxwyne Cigaal ka iyo Rayaale. Aragtida Somaliland State ma aha in loo arko mid ku kooban beesha dhexe. Waxaa loo baahanyahay in loo arko mid ka kooban dhamman beelihii Somaliland ka koobnaan jirtey muddadii Gumaysiga Ingiriiska. Maanta haddii la xasuustay taas maanta waa ilaahay mahaddii. Waxana loo baahan yahay in la ogaado oo si buuxda loogu dhaqmo u sinaanshaha dhamman wasaaraddaha hal-bowlaha ah (ee dunida ilbaxa ah) looga Yaqaan : “Sovereign Ministerial Posts”, sida wasaaradda Arrimaha Dibadda, tan Gudaha, tan Maaliyada, iyo sida Guddoomyiha Maxkamada Sare, Xeer ilaaliyaha guud, taliyayaasha ciidamada iyo dhamman madaxda Hay’adaha loo yaqaan “Sovereign State institutions’’, af Somaliga lagu odhan karo Manaasibta ‘’Siyaadada dawladnimada’’. Arrinka oqoonsi raadintu waxuu ku xidhan yahay oo sharddi u ah in beelaha Somaliland laga wada dhex arko dhamman maamul qaybsiga iyo dhuuni qaybsiga. Aqoonsiga Somaliland halkaas bu ku xidhan yahay ee yaan meelo kale laga raadin lagana doonin. By Adam Muse Jibril adamjibril@gmail.com Qaran News