-
Content Count
212,095 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Baydhabo (Sh.M.Network) – Ku simaha Madaxwaynaha ahna Afhayeenka Baarlamaanka Koonfur Galbeed, Cabduqaadir Shariif Sheekhunaa Maye, ayaa maanta oo Isniin ah shir gudoomiyay kulanka Gollaha Wasiirada maamulkaan. Shirka oo ahaa mid aan caadi ahayn ayaa diiradda lagu saarey arrimaha doorashooyinka dowlad goboleedkan, amniga iyo sidoo kale amar la dul-dhigay xubno ka tirsan xukuumada maamul goboleedkan. Maye ayaa faray dhamaan Wasiiradda inay kusoo gudbiyaan Hantida ay hayaan qaab qoraal ahaan si aysan udhicin ku tagri fal awoodeed, maadaama xaalad kala guur ah uu dowlad goboleedkan dhexda uga jiro. Doorashada Koonfur Galbeed oo ay murashaxiin dhowr ah utaagan yihiin waxaa loo mudeeyay inay qabsoonto 17-ka bishaan November 2018, xili caasimad goboleedka Bay ee Baydhabo laga dareemayo qaban-qaabo wayn. The post Gollaha Wasiirada Koonfur Galbeed oo kulan yeeshay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Guddoomiyaha degmada Balanbal Xuseen Liibaan ayaa sheegay in xaaladda magaalada ay tahay mid wanaagsan. Waxaa uu sheegay in tirada dhimashada dagaal beeleedka ay marayso afar qof halka lix kalena ay dhaawacmeen. Warar soo baxayay ayaa sheegayay in dhimashada ay ka badan tahay toban ruux oo u badan dhinacyadii dagaallamayay. Malleeshiyaadka ayaa waxaa kala dhex galay odayaal labada beel iyo maamulka degmada. HOOS KA DHAGEYSO: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/GUDDOOMIYAHA-BALANBAL-12-11-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxwaynaha Puntland ayaa Odayaasha soo Xulaya Xildhibaanada ka codsaday in qoonadada haweenka inay siiyaan Xildhibaannada soo socda. Dhanka kale wasiirka haweenka ayaa iyan ka hadashay qoondada haweenka ee aqalka wakiillada Puntland 2019-ka. Warbixinta hoos ka dhagayso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Warbixinta-Qoonadada-Haweenka-kaga-hadlay-Gaas-by-Cawil-Cali-jamac-12-11-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Shacabka degmada Waaberi ee gobolka Banaadir ayaa maanta sameeyey arrin cajiib ah kadib markii ayaga oo isku duuban ka adkaadaan nin hubeysan oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Ninkan ayaa ka mid ahaa laba nin oo Bistoolado ku hubeysnaa kuwaas oo maanta degmada ka geystay dil qorsheysnaa. Ninka kooxdaani ay dileen ayaa magaciisa lagu soo koobay in uu ahaa Deeq waxa uuna ahaa sarkaal ka tirsan maamulka Degmada Waaberi ee lagu dhex dilay. Mid kamid ah kooxda dilka geystay ayaa waxaa kadib gacanta ku dhigay dadka deegaanka oo arkayay markii ay rasaasta ku furayeen sarkaalka geeriyooday, waxa ayna ku wareejiyeen Ciidamada amaanka Degmadaasi. Wasiirka amniga Somaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaalle iyo Xildhibaan C/qaadir Carabow ayaa tagay saldhigga booliska degmada Waaberi, waxayna shacabka uga mahadceliyeen talaabada geesinimada leh ee ay qaadeen. Ciidamada amaanka ayaa gaaray goobta uu dilka ka dhacay waxayna wadaan baaritaano ay ku baadigoobayaan ninka kale ee baxsaday iyagoo su’aallo weydiinaya ninka ay haayaan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya dil ay dabley hubeysan ka geysteen xaafad ka tirsan degmada Waaberi ee gobolka Banaadir. Dilka ayaa loo geystay sarkaal ka tirsanaa maamulka degmadda, kaasi oo magaciisa lagu soo gaabiyay Deeq. Goobjoogayaal ayaa idaacadda Shabelle u sheegay in mid kamid ah ragii falka fuliyay ay qabteen dad Rayid ahaa, oo Saldhiga degmada geeyay. Wasiirka Amniga Maxamed Abuukar Islow Ducaale iyo Xilldhibaan Cabdiqaadir Carabow, oo Saldhiga tegay ayaa shacabka ku bogaadiyay talaabada ay qaadeen. Masuuliyiin ka tirsan maamulka Degmada ayaa tilmaamay in Hay’adda amniga ay ku raad-jooga ruuxa kale ee falkaan ku lug-lahaa. Mudooyinkii dambe amaanka Muqdisho ayaa faraha kasii baxayay, inkasta oo hay’addaha nabad-gelyadda ay wadaan howlgalo amaanka lagu sugayo. The post Shacab qabtay Rag dil ka geystay degmada Waaberi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Habeen-121118.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saddex maalmood ka hor taleefonka kula hadlay dhiggiisa Kenya Uhuru Kenyatta, sida ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ay u sheegeen Caasimada Online. Wada-hadalladan ayaa waxaa diiradda lagu saaray arrimo ay ka mid yihiin iskaashiga labada dal, xoojinta xiriirka amni iyo mid dhaqaale iyo isbeddelada ka socda Geeska Afrika. Farmaajo ayaa sida aan xogta ku helnay Kenyatta kala hadlay sidii Kenya ay qeyb uga noqon lahayd dadaallada saddex geesoodka ah ee ay wadaan dalalka Somalia, Ethiopia iyo Eritrea. Madaxda saddexdan waddan oo toddobaadkii tegay ku kulmay magaalada Gondar ee dalka Ethiopia ayaa ka shaqeynaya heshiis is-dhexgal dhaqaale looga abuurayo Geeska Afrika, kaasi oo Farmaajo uu doonayo in Kenya iyo Jabuuti ay sidoo kale qeyb ka noqdaan. Kulankii ugu horreeyey ee saddexda hogaamiye ayaa la qabtay bishii September si loo dejiyo naqshadda heshiiska, oo weli aan faahfaahin laga hayn. Kenya ayaa qeyb ka ah ururka Bulsahada Bariga Afrika ee EAC, oo ay ku jiraan dalalka Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi iyo South Sudan, waxaana ay wajahaysaa cadaadis ku saabsan inaysan ururkan kale ka miq noqon, kaais oo loo arko inuu halis ku noqon karo midkan cusub. Caasimada Online Xafiiska Jedaah Caasimada@live.com
-
Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa shaaca ka qaaday awaamiir ay ka soo saartay Somaliland caweyska, fanka iyo xafladaha. Wasiirka oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay “waxaan halkan isugu kiin yeeray, in aan fariin u diro, dhammaan Hotelada waaweyn ee dalka, waxaan fariin u dirayaa taliyeyaasha ciidanka, Barasaabada gobollada oo dhan, inay tixgeliyaan qoraalka aan u soo qoray, oo aan ku amreyno Hoteello, waxaan u sheegeynaa Hoteeleyda in waqtiga la caweynayo ama xafladaha la qabanayo, aaney ka dambeynin 11.50 habeennimo”. Dhinaca kale, Wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye wuxuu intaas ku daray in caweysyada ay mamnuuc ka tahay khamro, xashiishad, shiishad iyo wixii kale ee la mid ah. Ugu dambeyntii, waxaa la faray ciidamada booliiska inay howshaad qabtaan, wixii caawa ka dambeeya. Tilaabo middaas la mid ah, Maamulka gobolka Banaadir ayaa ku amray makhaayadaha iyo hoteellada ku yaalla xeebta Liido ee magaalada Muqdisho in aysan shaqeynin wixii ka dambeeya Saqda dhexe ee habeenkii, ayagoo arrintaas u sababeeyay “falal anshax xumo ah oo halkaas ka dhaca waqtiyada dambe ee habeenkii”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
MA RUNBAA WAXYAABO LAGU HESHIIYEY LAAKIIN AAN LA SHAACIN Waxaa la sheegayaa heshiis qarsoodi ah oo ay wada galeen Abiy Axmed, Isaias Afwerki iyo Farmaajo kaa soo aan la shaacin lagana soo derin war murtiyeedka ay sedexda nin soo saareen dhamaadkii shirkooda. Waxaa la sheegayaa in lagu heshiiyay: In 1500 Askari oo Eratariyaan ah la keeno Muqdisho, gaar ahaan madaxtooyada In 5000 oo Askari Itoobiyaan ah la geeyo Baraawe iyo Marka In 3000 oo ciidamo Itoobiyaan ah Ka soo galaan dhanka Galgudiud. Ciidamadaas waxay ka soo geli doonaa dhinaca Guriceel Iyo Caabudwaaq, waxayna isku furi doonaa Gobolka Mudug iyo Hiiraan. In ciidan Itoobiyaan ah lageeyo Gobolka Sool ee dhanka Somaliland IyoPuntland. In Ciidamo Itoobiyaan ah oo dheeri ah la geeyo Baidhaba. In 1000 Askari oo Eratariyaan ah la geeyo Baydhabo si ay iskugu furaan Baydhabo ilaa Muqdisho, dhinaca waxay u gogol xaarayaan 5000 ee Itoobiyaan ah oo Gedo kasoo geli doona iyaga Jubada dhexe ku wajahan. In Itoobiyaanka lagu wareejiyo dekadaha Kismaayo, Marka, Baraawe, iyo Hobyo In Eratariya lagu daro Ciidanka nabad ilaalinta Midowga Afrika si shaqo loogu helo askartii dagaalka Itoobiya ku wajahnayd. HADDII ARRINTAASU DHAB NOQOTO, SOW XAALADDU UMA MUUQATO IN DAL DHAN IYO UMMAD DHAN GACANTA LOO GESHO CADOWGEEDII TAARIIKHIGA AHAA SI MARKAAS AWOODDA CADOWGA LOOGU DHISO BOQORTOOYO XUKUN QABIIL HUWAN DHAR AARGOOSI OO KEENIKARTA DAGAALLO KA HOLCA GEESKA AFRIKA. Ibrahim Mohamed ibrahim_hg@yahoo.com Dhamaan maqaalada ku soo baxa shabakadani waa aragtida akhristayaasha Sent from my iPad Qaran News
-
Muqdisho-[Puntland Post]-Golaha Shacabka ee BJFS ayaa baaq nabadeed ka soo saaray colaadda ka taagan gobolka Galgaduud gaar ahaan degmada Balanbale. Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka mudane Mahad Cabdalla Cawad oo ku hadlaayay magaca Golaha Shacabka ayaa sheegay in ay ka xun yihiin colaadda ka soo cusboonaatay gobolka Galgaduud. Guddoomiye Mahad ayaa dawladda Soomaaliya ka codsaday iney xoogga saarto joojinta colaadaas iyo in beelaha walaalaha la heshiisiiyo. hoos ka daawo Muuqaalka baaqa Cabdiqani Boos Puntland Post The post Golaha Shacabka oo ku baaqay in la joojiyo colaadda ka taagan Gobolka Galgaduuud appeared first on Puntland Post.
-
Wasiirka maaliyadda ee JFS Cabdiraxmaan Beyle ayaa maanta golaha shacabka ka dalbaday inay ansixiyaan $22 Milyan oo degdeg ah oo mushaarka ciidanka. Cabdiraxmaan Beyle oo arrintaas ka hadlayey wuxuu yiri“Sida aad ogtihiin ciidamo ku dhawaad ilaa 8,000 oo askari ayaa mushaarkooda waxaa bixin jiray dowlado kale , dowladihaasina waa ay joojiyeen lacagahaas ay ciidanka ku bixin jireen, waxa ayna noqotay annaga inay nagu soo wareegto, waxa ayna noqotay inaan samayno waxa aan sameyn karno, aanana wax uraadino, marka lacagbaa ku soo biirtay misaaniyadii sanadkaan 2019ka, cadadkeeduna waxa uu gaarayaa 17milyan, cadeentana waxa ay ku cadahay warqadii aan idiin soo gudbinay ama dheeli tirka 17milyan ayuu nuxuxkeedu yahay” Dhinaca kale waxaa uu Beyle sheegay 5.5 milyan Oo RCF “Waxaa kaloo jira lacagaha RCF oo aad kawada warheysaan would bank –ka, qoladan shirka ka imaanaysa kuwaas oo aan miisaaniyadda noogu jirin oo ilaa 5.5 milyon ah, 5.5milyan waa inay ka muuqdaan maaliyada waraaqadeena , waan ubaahanahay labadas arrimood, kaliya ayaan maanta ajandaheenu ku kooban yahay, waxaan ubaahanahay in ciidankii mushaarkoodii isu taagno, sidaan u bixin laheen adinkoo aad umahadsan sharafweyna aniga iga mudan iyo wasaaradda maaliyada in intaas yare qajacdaa aad noo ansixisaan maantaoo aanan isugu soo noqon “ Xildhibaannada golaha shacabka oo goobta ka hadlay ayaa ogolaaday in ciidamo mushaar la siiyo, iyaga oo su’aalo badan ka keenay, halka ay joogaan ciidamadaasi, kuwa ay yihiin, qoodada ka maqan midkiiba waa imisa iyo guud ahaan tiradooda, su’aalahaas oo aanu ka jawaabin wasiir Beyle. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali(Gaas) oo talaadada maanta ah ka qayb galay kulan lagu taageerayey haweenka ayaa ku baaqay in la hirgeliyo qoondada haweenka 30% ee xulista golaha wakiilada Puntland ee 2019. Kulankan oo ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Haweenka iyo Arimaha Qoyska Puntland ayaa waxaa Madaxweynaha munaasibaddaasi ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan goleyaasha dowladda Puntland, odoyaal dhaqameed, haween, dhalinyaro, qaar ka mid ah ururada bulshada rayidka ah iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne Gaas ayaa madasha ka jeediyey hadal ku aaddan ka qeyb gelinta haweenka baarlamaanka soo socda iyo in ay saami muuqda ku yeeshaan siyaasadda dalka,waxaana uu ku tilmaamay in ay yihiin laf-dhabarta bulshada. ” runtii arinta maanta meesha looga hadlayo arin muhiim ah weeye oo mudan in si dhab ah looga doodo sababtuna waxay tahay waxa laga hadlayaa wax cid laga baryayo maahan waa xuquuq haweenku leeyihiin, waxaa lagu soo celceliyey nabadoonoow waxa lagaa rabo lacag jeebkaaga ku jirta ma’ahan waa xuquuq dumarku leeyihiin, waa xuquuq maqan, waxaan rabnaa marka in sidaas loo fahmo, haddii marka nabadoonoow la idin xurmeeyey micnaheedu maahan in aan la idinla xisaabtami karin, dumarku waa laf dhabarta bulshada waana dhab ee ma ahan hadal la iska yiri, haweenku suuqay idinka soo shaqeeyan cunaday idiin kariyaan waxaa la rabaa marka, maanta maxay u istaahilaan xilka?” ayuu yiri Gaas. Madaxweynaha oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “arkii Soomaaliya burburtay 1991 oo la qaxay oo la iskugu yimid geedaha hoostooda oo dhibaatadu dhacday markii kii ladnaa iyo baahanihii meel iskugu yimaadeen, yaa isku hayey bulshada?, yaa suuqa fadhiyey oo yaanyada iibinayey?, yaa ilmaha masruufayey?, shalay markii dhibtaas looga soo gudbay ma waxaan ugu abaal gudnay fariista oo waxba ma tihiin?!, sax ma ahan taasi, dhibtay idinla qayb sadeen waxay ahaayeen kuwii idin dhiirigalinayey oo idiin mashxaradayey markaa guulaysanayseen”. Dhinaca kale madaxweynaha ayaa isimada Puntland ka codsaday in ay haweenka il gaara ku eegaan tixgaliyaanna, qoondadooda siyaasadeed,islamarkaana baaq ujeediyey odoyaasha iyo dhammaan cid walba oo ay ka go’odo danta bulshada Puntland, Sidoo kalena tilmaamay in ay qiimeeyaan qoondada haweenka Puntland ee 30% ee soo xulista baarlamaanka Puntland 2019. PUNTLAND POST The post Madaxweyne Gaas oo ku baaqay in haweenku qoondo fiican ka helaan Baarlaamnka appeared first on Puntland Post.
-
Istanbul (Caasimada Online) – Sida lagu daabacay Wargeyska Sabah Newspaper oo kasoo baxa dalka Turkey waxaa la helay hadaladii u dambeeyay ee uu ku dhawaaqay Jamaal Khaashoqji, ka hor inta uusan dhiman Wariyaha 2 September ee sanadkan. Cod la helay ayaa muujinaya in Jamal uu ku dhawaaqayay hadalo ay adag tahay in la fahmo, balse waxaa la dareemay inuu cabursanaa, Waxayna ahaayeen hadaladii u dambeeyay ee la maqlay “Waan Cabursanahay, Bacdaan ka bixiya madaxeyga, Neef ayaan qabaa”. Waxaa muuqata in Mr Khaashoqji uu ka doodayay dilka ay u geysanayeen kooxaha horey loo diyaariyay ee kusugnaa gudaha Qunsuliyadda Sacuudiga ee dalka Tureky. Sida laga dheehan karay Codka la duubay waxaa Jamaal ay ku qaadatay 7 daqiiqo inuu dhinto, waxaana codka uu muujinayaa inuu ka dooday dilkiisa. Kooxda Dilka ka dambeysay ayaa dabaqa Afaraad ee Dhismaha ku diyaariyay bacda halkaasi oo lagu googooyay Jirka Wariyaha, waxaana ka dambeeyay falkaasi madaxa golaha Seynisyahanada Sacuudiga Salax Al Tubaigy, iyadoo ay ku qaadatay 15 daqiiqo. Waxaa loo malaynayaa in jirka Wariyaha kadib lagu qariyay bacda kadibna la geliyay boorsooyin, iyadoo laga fogeeyay goobta falka lagu geystay oo aheyd gudaha Qunsuliyadda, waxaana lagu qaaday gaari Qunsuliyadda leedahay. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa markale jeediyay hadal xiisad cusub ka dhex abuuri kara Soomaalida, kadib markii uu shaaciyay in dalalka Soomaaliya , Ethiopia iyo Eritrea ay yeelanayaan hal madaxweyne. Shacabka Soomaaliyeed ayaa hadalkaan u arki kara fulinta qorshaha Ethiopia waligeed lagu xaman jiray oo ah inay damacsan tahay la wareegida Dalka Soomaaliya, iyadoo ujeedada ugu weyn ay tahay xeebta dheer ee Soomaaliya. Dr Abbiy Axmed, ayaa horey u jeediyay khudbad hadal heyn badan ka dhex abuuray Soomaalida, taasi oo aheyd in la isku furayo xuduudaha dalalka Ethiopia iyo Soomaaliya, waxaana looga fal celiyay siyaabooyin kala duwan. Waxaa la isweydiinayaa sax ahaanshaha hadalada is furfuraya ee ka soo baxaya ra’iisul wasaare Abby Axmed iyo saaxiibtinimada dhow ee kala dhaxeysa madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Horey waxaa shaki badan looga qabay heshiiskii dekadaha ee ay kala saxiixdeen Soomaaliya iyo Ethiopia, waxaa ku xigay isku furitaanka Soomaaliya iyo Ethiopia, iyadoo ay u dambeysay damaca hal madaxweyne loogu sameynayo seddexda dal. Ciidamada Badda ee ay dhisaneyso Ethiopia iyo magacaabida wasiirka Dekadaha ee Ethiopia waxay ahaayeen kuwo shakiyo badan sii dhaliyay, waxaana ka dhashay su’aalo ah, halkey ilaalinayaan ciidamada Badda Ethiopia?, muxuuna ka shaqeyn doonaa Wasiirka dekadaha. Waxaa kaloo shakiga kordhin kara mar walbaa oo ay kulmaan madaxda Soomaaliya iyo Ethiopia Waxaa Abby uu ka shanqariyaa hadal xanaf hor leh abuuri kara. Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa la gudboon inay ka jawaabto hadalada kasoo yeeraya ra’iisul wasaaraha Ethiopia haddii aysan waxba kala socon, haddii kale waxay sii kordhin karaan dhab ahaanshaha warbixinada xanafta leh ee ka imaanaya Ethiopia. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
“.Madaxweyne Biixi oo si Xirfadaysan uga Jawaabay Go’aankii Gacan-libaax, kadib markii dhan uu isu raacshay cabashadda Beeshii halkaa ku shirtay, taasoo kolkii hore wax ka dhinaayeen, balse hadda kamilan ama dhamaystiran. Sidaana Madaxweynuhu waxa uu ku sheegay warsaxaafadeed kasoo baxay xafiiska maanta, kaasoo uu xilkii Wasaaradda Maaliyadda uu kaga qaaday Wasiirkii hore ee Maaliyadda oo kasoo jeeday deegaan ahaan beeshii halkaa ku shirtay. Waxaan ku xasuusinayaa M/weyne Mar hadaad Madaxtooyadiina Galbeedka u Rartay Wasiiradii Maqnaana soo celisay Magaca jamhuuriyadana badal. Waanad Asiibtay baanu ku leenahay”. Siyaasi Axmed Cali yare (Axmed Like). Source
-
kaftanka maanta, bamtina miyey inoo hadhsan tahay ,, . Sheekaba sheeko ayay keentaaye , beiribaa nin aan dareewal xariifa ahayni kaxeeyay baabuur wayn oo siisooya , dabeeto intaani istaadhin ayaa geer kaga dhacay,gaadhigii oo geerki Ku jiro markuu istaadhay buu booday , markaasuu nin meel halkana tn Ku dhuftay ,ninkiina sidii shilin la giraangiriyey meel halkana Ku duulay . Baabuurki markiiba wuu bakhtiyay ilayn saani uma istaadhminoo geerka ayuun buu la boodaye , markaasaa ninkii gaadhigu jiidhay lagu soo uruuray , dareewalkii shilka galayna intuu soo degey ninkii isa soo dultaagay. Ninkii hadii laggu qayliyay oo la yidhi ninka maxaad u jidhayna , wuxuu Ku jawaabay isagoo sakatisan ,waar ninka taayarka horre ayuun baan Ku dhuftaye , dhamalkiiba saw uma hadhsana , imika waa halka ninkaase hunu hunuu baynu la yaabanqhaye , bamtiina tolow miyey inoo hadhsan tahay Source
-
Muddadii koobnayd ee Muuse xilka hayay, Somaliland wax usoo kordha mooyee ,wax ka dhacay lama sheegi karo.. Madaxwaynuhu si xikmadi ku jiro, ayuu u soo celiyay dhulkii iyo hantidii dawladda – Haamihii Berbera, Shaybaadhkii, Adegyadii Airportka , Diiwaan-galinta Hantida Dawladda. Musuqmaasuqii HANDRAAB ayuu sudhay. Qaylada aad maqlaysaa waa tuugtii oo nonqottay Haad Geed Waayay. Dhaqaalihii iyo dakhilgii dawladdu kor ayay u kaceen. Shilinkii Somaliland waa la dajiyay – Marka loo eego dawlado gobolka aad ayaynu u wanaagsannahay. Odoroskii Miisaaniyadda ee lagu talo-galay 2018 oo dhan, bishii 8aad ayaa la soo xareeyay . Sidaa awgeed waxa la filayaa in Mushaharka shaqaalaha 100% illaa 200% la kordhiyo Beerihii, Biyihii, Degaankiii , ingaadhsiintii hawlo balladhan ayaa ka socoda. Tukaraq : Waa goob Istratiji ah oo Somaliland gacanteeda soo gashay. Puntland 10 bilood ayaa garba-duub loo hayaa, waxay leedahay waan dagaalmayaa. Illa hadda ri’gees kamay ridin. Sheekadu waxa noqottay SHAAGLE LAGA BAQAY IYO JAMAL CABDUNAASIR – 1956 Badhan: Waa mashruuc Ina Gaas ku doonayo in doorashada Puntland dib loogu dhigo. Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin looga warrami maaayo goorta iyo goobta lagu dagaalammo. Sheikh Cirro oo loo dhiibo ayaad garan lahayd – oo sheikh Ismailna la tallinayo. Dekadda Berbera iyo Ganacsiga Ethiopia: Ballaadhintii Dekadda dhawaan ayaa la bilaabayaa . DP World oo Djibouti dhulka la dhacaday ayaa goáan ku gaadhay inay Bebera cirka gayso . Berbera Waxay ku socotaa halkii uu sheegay Richard Burton 1853 (165 sano ka hor) markuu lahaa “Äwrka Berbera iyo Awrka Herer way isu Muuqdaan”. Waxaa la filayaa oo weelka loo culayaa inay soo noqdaan Abbaanadii iyo Kabaadhe Somalilanders. Pertolka iyo Gaasta : Ceelkii petrolka ee ugu horieeyay ayaa la qodayaa badhtamaha 2019. Wadahadalba haadkaasa ka Hadhay. Saami qaybsiga: Waa Mashruuc Baad iyo sadbursi lagu raadsanayo. Dhawannna waxa ku soo biiray mashuuc Xamaraysan oo ku doodaya: “Amma baad keena ama Farmaajaan u tagiyaa” . Somaliland runta ha isu sheegto. Waa halkii MD Igaale: “Qaawanida ayaynnu ku wada hadli ”:. Cidda saami ka maqanyaha dadka ha ka dhaadhciso siday u xisaabtantay. Awdal ayaa ugu qaylo dheer . Maxaa ka maqan oo tifiq-tiran ummadda ha u sheegaan. Gobolka Awdal 5tii doorasho ee la qabtay, Somaliland waxay ka noqdeen 14% ilaa 15% . Parlimankana reer Awdal waxay manta ku fidhiyaan 13 xubnood oo u dhigma 16% tirada Parlamaanka. Adeer, iyagaaba dheeraad la socdaa ee qaylada ha joojiyaan. Runta ha lagu wada hadlo oo khayaalka iyo abhinta ha laga baxo. Haddii kale “Wuxuu Idhi Aw Gaas: Wallee in Meel Dheer Laga Dooni”. Somaliland ninna laga laaluushi mayo . Danbaa isu keen keenttay ee waddanka aynu wada illaashanno. In badan ayaan dhagaystay doodad reer Awdal. Reer Awdal waxay ka badin waayeen “”Bari hore ayaa ballan naloo qaaday” : Hadii ballankii bari hore la idiin qaaday khalad ku dhisnaa oo dhibaato iyo burbur keenayo, waa laga noqonayaa ee la fulinmaayo. Doorashooyinka : Waxaan qabaa in doorashooyinka la qabto xilligoodii . Arrinkaas Madaxwaynaha Xil gaar ah ayaa ka saaran. Guddida Doorashooyinka 2 xubnaad waa lagu dari . Haseyeeshe UCID iyo Wadani soo magacaabi maayaan . Waxaan odhan lahaaa, labada xubnood Mid ha soo doortaan Golaha Parlamaanku , midna Golaha Maayardu. Shaqo-qarran: Shalay oo u dammbaysay waxaa lagu dhawaaqay inay xukuumadda Somaliland 1,500 oo ardayda oo jaamacadaha ka baxay u qaadanayso Shaqo-qaran (National Service Program). Waxxaa barnaamj ballaadhan oo qotto-dheer ( omprehensive ) oo loogi talo galay: Tababar & Jarayn, u diraayin Shaqo iyo Nolol, Waddaninmo & Dal iyo Dad Barasho , Isdhex-gal bulsho, Rajo-galin & shaqo Garantee ah. Allahumma Zidna, Wa Baarik Lanaa Xasan Cabi Yousuf Riyadh Saudi Arabia Hassan_ayousuf@hotmail.com Source
-
Wax Ka Baro Reer Ala Sucuudka Somaliland. Mareexaanaytii Oo Xadhkaha Goosatey iyo Shacabkii oo Yaaban. Tariikhdu Way Is Qorta War iyo Sheeko Ayaa Ka Hadha, Ninka Maanta Isleh Adiga Ayaa Wax Walba Iska Leh, Tollow Barri Maxuu Samayn? Ninka Manta Sidan Cadaalad U Arkaaya Tollow Cadaalad Darrada Maxuu U Yaqaan? Somaliland Ma Meel Yar Oo Kooban Oon Dadka Wada Qaadahayn-baa? Beelaha Somaliand Siiba Kuwa Darafyadda Waxaan leeyahay Xaal Qaata Oo Waad Arkaysaan Boqortooyadda Saamaysmaysa, Beelaha Kale Ee Isaaqna Waxaan Leeyahay SNM Tacabkii Galay Waa Lagu Khasaaray Kolayba Hadii Reer Meesha Xukumayo Maxaa Loo Dumiyey Dawladii Somalia Markaas Ayeynu Ictiraaf Iyo Aqoonsiba Haysane. Ilaahii Oofsadey Mujahidiintii Xalaasha Ahayd Ayaa Mahad Iska Leh Kuwaas oo Aan Maanta Noolayn Soona Gaadhin Somaliland-ta Maanta Waxan Hubaa In ay Farta Dhexda Ka Qaniini Lahaayeen Hadii Ay Manta Nool Yihiin. Lixle, Dayib Gurey, Maxamed Cali, Koodbuur,Xassan Yonis, Ina Mooge iyo Qaar Kaloo Badan. Ilaahay Wa Idin Asturey Waanu Idin Jecla Madaamo oo Idin Oofsadey. *Adigoon Waaya Arag Noqon *Cirka Haysku Waabine *Naftan Waalaneysaa *Waano Kaama Maqashee *Hadaad Maanta Wacan Tahay *Maku Waari Doontaa? Barasho Wanaagsan Boqortooyadda Cusub 1.Wasiirka Maaliyadda 2.Wasirka Bosaha, Isgadhsiinta & Teknolojiyad 3.Wasiirka Warfaafinta iyo Dhaqanka 4.Wasiirka Gaadiidka&Hormarinta Wadooyinka 5.Wasiir Ku Xigeenka A/Gudaha iyo Amniga 6.Hanti Dhawraha Guud ee Qaranka 7.Mareeyaha Hawada iyo Madaarada (Wasaaradii Hawada) 8.Mareyaha Kahortaga Abaraha & K/Rashinka 9.Gudoomiyaha gobalka gabiley 10.Gudoomiyaha Gobalka Salal 11.Gudoomiyaha Gobalka Saraar 12.Gud ku xigeenka Gobalka Maroodijeex 13.Safiir ku xigeenka Ethiopia 14.Aggasimaha guud ee Madaxtooyada (Wasaraddi Madaxtooyadda) 15.Aggasimaha guud Ee caafimadka 16.Aggasimaha guud ee Maaliyada 17.Aggasimaha Guud Maalgashiga 18.Agasimaha Guud e Shaqada & A/Bulshada 19.Aggasimaha Guud ee Qorshaynta Qaranka Agaasimaha Guud ee Waxbarashada Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe Agaasimaha Guud ee Gaadiidka/Q liisank Agasimaha Gud e Mihnahada Cafimadka 20.Gud ku xigeenka Haayada tayada Guddoomiyaha Maxkamadda Sare La Taliyaha Madaxweynaha ee Amniga La Taliyaha Madaxweynaha ee Sharciga La Taliyaha Madaxweynaha e Dhaqaalah La Taliyaha Madaxweynaha ee Somalia Guddomiye kuXigeenka Maxkamada Sare Maayarka Caasimadda Hargeisa Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Taliye ku Xigeenka Booliska Somaliland Taliyaha Ciidanka Dabdamiska Qaranka Taliye ku xigeenka Sirdoonka Qaranka Ku xigeenka Xeer ilaaliyaha Guud Safiirka Somaliland ee Imaaraadka Chief of Staff ka Xafiiska Madaxweynaha Gudoomiyaha Mihnadlayasha Cafimadka Garyaqaanka Guud ee Qaranka Ku xigeenka xisaabiyaha Guue ee Qaranka Safiirka Djibouti Safiirka Sweden Maarreeyaha Dekadda Berbera Maarreeye ku xiggeenka Hay’adda tayada Komishanka Qabdaraasyada Qaran ka (2 xubnood) Komishabka Maamul wanaagga (3 xubnood) Komishanka Aids-ka (4 xubnood) Komishanka Tacliinta Sare. Maarreeyaha wakaaladda Biyaha Hargaysa. Maarreeyaha Cusbitaalka Guud ee Hargaysa Guddoomiye xiggeenka Gob. Gebiley Guddoomiye xiggeenka Gob. Saaxil Maarreeyaha Dawan Maarreeyaha Radio Hargaysa Maarreeyaha Mashruuca PFM. Qaran News
-
Waxa aan aad iyo aad uga xumahay in uu mujaahid usoo halgamay Siddii caddaalad iyo Sinaan loo heli lahaa uu isagii ku sifoobo wixii uu ka dhiidhiyey, waxa wax aan indhaha laga qarsankarin ah ficilka iyo talada maamul iyo maarayn ee caddaalada, sinaanta iyo wax wada lahaanshaha baal marsan ee madaxweynaha jamhuuriyada Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi, halka Isaga oo sanad joogin uu mutaystay in la barbar dhigo xisbigii kacaanka shuuciga ahaa ee Kaligii taliyihii kala irdheeyey Soomaali Una sabab ahaa xukunkiisu xasuuqii iyo burburkii somaliland kadhacay iyo kii ka dhacay soomaaliya ee welina ka socda soomaaliya illaahay haka saaree. Horaa loo yidhi ‘’ ruuxaan Waxa soosocda garanayn Waxa jooga ma garto!’’ siddaa awgeed idinkaa dhaadiye dhab u fiirsada oo dhugta kulmiye dhabadii Kacaankii ayuu afka saaraye. Haddii aan si kooban u saafo :- Kacaankii madaxweyne Waxa u ahaa askari Janan M Siyaad, Wasiiradiisana janano askar ah baa ku jiray, halka xukuumada Kulmiye uu madaxweyne u yahay askari , kornayl M Biixi, Wasiiradiisana kornaylo askar ah baa ku jira. Kacaankii caddaalad darada, cabudhinta iyo cago-juglaytu waxay ahayd habkuu dalka ku maareeye. Kulmiyena sidoo kale. Kacaankii cid dhag umuu jalaq siin jirin kulmiye sidoo kale, Kacaankii ciddii cabata waa la xidhi jiray, kulmiyena sidoo kale. Kacaankii dadkoon maxkamad la marin ayaa jeelka lagu tuuri jiray, sidoo kale xadhigii xukun markuu ka dhamaadana jeelkaa lagu hayn jiray wakhti Dheeraad ah. Kulmiyena siddoo kale. Kacaankii wadankoo Colaad iyo dagaal ka socdo oo baaba’aaya ayuu odhan jiray barwaaqo iyo Nabad baa dalka maasheeysay. Kulmiyena dalkoo Colaad iyo dagaal iyo macaluuli iyo sixirbarar ka jirto ayuu leeyey Dhulkeena nimcaa fadhida. Kacaankii kaaliyaha ayaa wasiirka u hanjabi jiray. Kulmiye sidoo kale ay u dheertay in wasiirka shaqada looga eeryo kaaliye iyo in agaasime iyo wasiir jaafaa jirqaan iyo sidoo kale in wasiir dhan shaqalihii amar diidaan. Kacaankii qaraabo kiil awgeed wadanka qoysbaa maamulaayey. Kulmiye sidoo kale 90ka xil ee ugu mudan dalka 67 waa qaraabo kii hal Qoys, 23ka soo hadhay waa cawri reeb iyo dadka intii kale. Kacaankii saraakiishii iyo ciidankii xooga dalka ayaa u adkaysan waayey cadaalad darada maamulka qalafsan ee macangaga ah, oo duurka u galay siday dadka uga xoreyn lahaayeen. Kulmiye siddoo kale saraakiil qaran baa ka dhiidhidey cadaalad darada dalka ku habsatay oo duurka u galay. Kacaankii may jirin xoryatal qowl lamana ogolayn fikir aragtiyeed in ciddi ku soo tabiso hab qoraal ama cod murtiyeysan. Kulmiye siddoo kale oo wuu gabyey ama maqaal buu qoray ayaa dad lagu xidhaa. Kacaankii Isaga oo kadeed dalka ku haya ayuu I amaana odhan jiray oo heeso amaan ah loo qaadi jiray. Kulmiye siddoo kale ayuu odhan ee bal ha labo ama Saddex jirsado!!. Isku eenkaashaha kulmiye iyo Kacaankii wax qoraal lagu soo koobi karo maaha, se hubaal kornayl muuse sidduu u yimid kulmiye iyo Kacaankii isku kaan noqde. Runta sheeg, Dacar Haday ka qadhaadhay. Fuad Fartaag Fartaagmuwaadin@gmail.com Source