-
Content Count
213,209 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Duqa Muqdisho Cabdiraxmaan Cumar Cusman Yariisow ayaa muddooyinkan aad uga gaabsaday dhibaata joogta ah oo lagu hayo dadka degan deegaanka Garasbaaley, oo laga dhibaateenayo degmada Dayniile ee ku dheggan. Guddoomiyaha degmada Dayniile ayaa bishan gudaheeda weerar khasaare xooggan dhaliyay ku qaaday deegaanka Garasbaaleey oo dhaca duleedka Muqdisho. Wax war ah ama tallaabo ah kama soo saarin maamulka gobalka Banaadir arrintaas, waxaana lagu warramayaa in sababta ay tahay cabsi uu ka qabo ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xildhibaan Mustaf Dhuxulow. Odayaasha iyo siyaasiyiinta ka soo jeeda Garasbaaleey ayaa dhowr jeer oo hore ula kulmay duqa Muqdisho, isagoo u ballan qaaday in uu wax ka qaban doono dhibaatada lagu hayo deegaanka, balse ugu dambeyntii waxba kama suurt-gelin arrintaas. Deegaanka Garasbaaleey ayaa sanadihii lasoo dhaafay ay ka muuqatay horumarro aad u waa weeyn oo ay u guntadeen bulshada qaybaheeda kala duwan ee kasoo jeeda deegaanka. Weerarada uga imaanayay degmada Dayniile ayaa labadii bilood lasoo dhaafay joogta ahaa. Maamulka Dayniile ayaa doonaya in Garasbaaleey looga arrimiyo Dayniile, halka bulshada ay doonayaan inay noqdaan degmo madax banaan. Odayaasha dhaqanka deegaanka ayaa sheegay in Yariisow uu maamulka gobolka Banaadir ku yahay oo kaliya magac u yaal, oo uusan gobolka isaga maamulin. “Gobolka waxaa maamulka Kheyre iyo xubnaha ku dhow, Yariisow waa iska magaacaban yahay” ayey yiraahdeen. Dad ku dhow Yariisow ayaa iyagana laga soo xigtay in haddii uu qaado tallaabo aysan raali ka ahayn Kheyre iyo kooxdiisa uu u baqayo xilkiisa. Degmada Dayniile ayaa waxaa degan beesha ra’iisul wasaaraha, halka Garasbaaley ay ku badan yihiin beesha Yariisow. Odayaasha beesha Yariisow ayaa hadda ka fakaraya inay qaadaan tallaabo ay ku dalbanayaan in maamulka gobolka loo dhiibo qof ayaga matal, maadaama Yariisow uusan sidaas u muuqan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar isugu jiray qaraxyo iyo mid toos ah oo saaka waaberigii hore lagu qaaday xarun uu Koofurta magaalada Gaalkacyo ka degenaa Wadaad muran badan ka dhex dhaliyay bulshada, kaasoo lagu magacaabi jiray Sheekh C/weli Cali Cilmi Yare. Qaraxyo ismiidaamin ah oo loo adeegsaday gaari ayaa lagu weeraray xarunta wadaadka, iyadoo qaraxa kaddib ay xarunta gudaha u galeen dabley hubeysan. Wararka ayaa sheegaya in weerarka lagu dilay Sheekh C/Weli Cali Cilmi Yare, Xaaskiisa iyo 13 kale oo xertiisa ka mid aheyd. Haddaba dad badan ayaa is waydiinayo Taariikhda Shiikh Cabdiweli oo uu dhalay Shiikh Cali Cilmi Yare oo ahaa wadaad Diinta Islaamka si weyn ugu faafiyey Gobolka Mudug kaasoo Diinta Islaamka Caalim ku ahaa. Halkaan hoose ka daawo Taariikhdiisa oo dhameystiran
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Ugu yaraan 10 Qof ayaa ku dhimatay halka dad ka badan 20 kale ay ku dhaawacmeen kaddib markii qarax uu ka dhacay suuqa Kalluunka oo uu ku dhowyahay Suuqa Qaadka ee Xaafadda Kaawo Godeey. Gaadiidka Gurmadka Deg degga ah ayaa goobta ka qaaday dadkii ku dhaawacmay iyo Meydadkiiba,waxaana la geeyay Isbitaallada. Goobjoogayaal ku sugan goobta uu shilka ka dhacay ayaa sheegay in Ciidamada Booliska ee Dharkenley ay qabteen Ninka waday Gaariga qarxay, oo ka horta inta uusan qarxin ay Ciidamada dowladda qabteen. Goobjoogaha ayaa sheegay in Ninka la qabtay ay Ciidamada ka shakiyeen islamarkaana mar laga fogeeyay uu gaarigu qarxay halkaas oo uu ka dhashay khasaaraha soo gaaray dadka rayidka ah. Gaariga walxaha Qarxa siday ayaa ciidamada amniga ku joojiyeen bar-kontarool oo ku taalla xaafadda kaawo Godey ee degmada Wadajir, halkaasi oo markii dambe uu ku qarxay. Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa SONNA u sheegay in ninkii waday gaariga gacanta lagu soo dhigay kadib markii uu isku dayay inuu ka baxsado ciidamada amniga. Ciidamada ammaanka ayaa ninka ay qabteen waxa ay ula dhaqaaqeen mid ka mid ah xarumahooda baarista, si sharciga loo horgeeyo. Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmahan dambe wuxuu noqday mid faraha ka baxay, kadib markii ay kordheen dilalka iyo falalka kale ee ammaanka ka baxsan. Halkan ka daawo Muuqalaka Qaraxa
-
Iyadoo Xukuumada Federaaæku ay Malaayiin Dollar ay ku bixiyeen iney Madaxweyne uga dhigaan Koonfur Galbeed Musharax Cabducasiis Xasan oo looyaqaan Lafta-gareen, isla markaasna ay Itoobiya [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa walaac ka muujiyey baaqashada warbixintii guddiga maaliyadda iyo shirkii maanta ee golaha shacabka, iyaga oo intaas raaciyey in ay xukuumadda carqaladeyneyso howlaha golaha, una yeeray Mursal inuu si degdeg ah golaha u guddoomiyo. Xildhibaan Cabdifitaax Cusmaan Daahir oo u hadlay ayaa yiri “Annaga oo ah xildhibanno ka tirsan golaha shacabka, waxaan idiinku yeernay in aan muujinno walaaca aan ka qabno sidii loo maamulay dooddi sabtidii 24-kii bisha ay aheyd in aan ka yeelanno warbixinta maaliyadeedkii lagu gaaray qaraar baarlamaan, waxaa kaloo muujineynaa walaaca aan ka qabno inuu maanta baaqday shirkii golaha shacabka iyada oo goluhu u yaallaan ajendayaal muhiim ah, oo uu ka mid yahay ajendihii aan xirmin maalintii dhoweyd, ee warbixin maaliyadeedka ah iyo kii hanti-dhowrka oo akhrintii 3aad soo gudbay in golihii xirnaado walaac ayaan ka qabnaa, waxaan aaminsanahay xirirtaanka golaha shacabka ee maanta inuu qeyb ka yahay dadaal ay xukuumaddu ugu jirto carqladeynta howlaha baarlamaanka oo ay ugu muhiimsan tahay korjoogteynta, taasina waxaa daliil u ah sidii loo maamulay iyo foolxumadii ka dhacday maalintii dhoweyd golaha shacabka”. Shir guddoonka ayey ku eedeeyeen inuu ku tuntay xeer hoosaadka golaha shacabka “Golaha shacabka, guddiga maaliyadda u qaabilsan waxaa ay soo diyaariyeen warbixin aan aaminsannahay inay xogo badan ku jireen, oo umadda Soomaaliyeed ay u baahnaayeen in looga jawaabo, laakin waxaa taasi ka hor istaagay shir guddoonka, oo si sharciga baal marsan u duudsiiyey xuquuqda xildhibaannada iyo tii shacabka u lahaayeen inay maqlaan sida loo maamulo howlaha maaliyadeed ee dalka, waxaa si bareer ah loogu tuntay qodobka 30aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka oo dhigaya in la sugo xuquuqda xildhibaanka u leeyahay inuu ka doodo howlaha markaa horyaalla baarlamaanka”. Xildhibaannada waxaa ay caddeeyeen in hab raaca uu sax ahaa “ishortaagga waxaa si qaldan loogu daliilashaday in gudbinta waxbixinta aan loo soo marin si waafaqsan xeer hoosaadka golaha shacabka, taasi waan beenineynaa, waxaana daliil u ah shir guddoonka, oo khibrad u leh howlaha baarlamaanka uu aqbalay in warbixintaas si sharci ah loo soo gudbiyey, ajendaha golaha shacabkana laguma daro wax aan loo soo marin hab raaca saxda ah, marka guddigu sidii saxda ahaa wey soo mareen, laakin sida cudur-daarka ugu yeelay shir guddoonka, umadda Soomaaliyeedna ugu sheegay inay qaldameen, qaladkaas guddigu ma laheyn, dooddoodu in la carqaladeeyo ma aheyn”. Xukuumadda waxaa ay ku eedeeyeen kala qeybinta guddiga maaliyadda “Guddiga maaliyadda waxaa mudan in la xuso in 14-ka bisha, qaraar ay baarlamaanka ku gaareen in warbixintan la keeno ay daba socdeen ayna keeneen 19-kii bishan, xog badan iyaga oo soo uruuriyey, 23-kii November oo ah maalin ka hor doodda, waxaan ka war heynaa in xukuumadda oo kaashaneysa guddoonka ay dadaal u gashay qeybinta guddiga maaliyadda si buuq loogu furo golaha, loona hor istaago in warbixinta ay umadda Soomaaliya waxa ku jira la ogaato, warbixinta waxaa ay aheyd la hor keeno, laga doodo, kadibna loo yeero wasiirrada ay khuseyso si su’aalaha ay golahu qabaan ka jawaabaan, haddii guddigu wax qaldan keeneen waxaa ay caddaan laheyd doodda Ugu dambeyntii, Xildhibaannada golaha shacabka waxaa ay soo-jeediyeen talooyin sida “In golaha loo ogolaado in uu ka doodo, wasaaradaha loo yeero, si ay uga jawaabaan, in ajende kasta oo golaha ka keenayo ay yeeshaan guddiga joogta ah iyo ajendayaasha golaha u codeeyaan, inay arkaan in kaalinta baarlamaanka la wiiqayo, in guddiyada la carqaladeynayo gaar ahaa kuwa si fiican u shaqeeyo loo kala diro qaab aan sharci aheyn, iyaga oo ku soo gabagabeeyey in guddoomiye Mursal uu soo gal mar haddii uu guddoonka uu ku guul-dareystay howlihii socday”.
-
Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Garoonka diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Wafdi ka kooban 27-xubnood oo ka socda Guddiga nabad galyada iyo amniga Midowga Afrika. Guddiga oo ka kooban 15-dal, ayaa ujeedka socdaalkooda wuxuu yahay iney arkaan horumarka dhinac amniga ee ka jira Soomaaliya. Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada Dowladda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in muhiimada wafdigan ka socda Midowga Afrika u yimaadeen Soomaaliya ay tahay iney qiimeeyaan xaaladda dalka sida horumarka, amniga iyo waliba Xaaladda ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan Soomaaliya. Maxamed Idiris Faarax,Safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya oo wafdigan hogaaminaya ayaa warbaahinta u sheegay inaan la xaqiri Karin horumarka laga gaaray amniga ee xilligan ka jira Soomaaliya,wuxuuna dhanka kale sheegay iney kormeeri doonaan ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeir,aayaa ku tilmaamay xaaladda amni ee Soomaaliya mid soo hagaageysa,isla-markaana Dadka Soomaliyeed ku dhiiran yihiin inay horumar gaaraan. Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha dibadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta Garoonka diyaraadaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Wafdi ka kooban 27-xubnood oo ka socda Guddiga nabad galyada iyo amniga Midowga Afrika. Guddiga oo ka kooban 15-dal, ayaa ujeedka socdaalkooda wuxuu yahay iney arkaan horumarka dhinac amniga ee ka jira Soomaaliya. Wasiiru Dowlaha arrimaha dibada Dowladda Soomaaliya Mudane Cabdiqaadir Axmed Kheyr ayaa sheegay in muhiimada wafdigan ka socda Midowga Afrika u yimaadeen Soomaaliya ay tahay iney qiimeeyaan xaaladda dalka sida horumarka, amniga iyo waliba Xaaladda ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee ku sugan Soomaaliya. Maxamed Idiris Faarax,Safiirka Jabuuti u fadhiya Itoobiya oo wafdigan hogaaminaya ayaa warbaahinta u sheegay inaan la xaqiri Karin horumarka laga gaaray amniga ee xilligan ka jira Soomaaliya,wuxuuna dhanka kale sheegay iney kormeeri doonaan ciidamada AMISOM ee nabad ilaalinta u jooga Soomaaliya. Ergayga gaarka ah ee Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya ahna Madaxa howlgalka AMISOM Francisco Madeir,aayaa ku tilmaamay xaaladda amni ee Soomaaliya mid soo hagaageysa,isla-markaana Dadka Soomaliyeed ku dhiiran yihiin inay horumar gaaraan. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-Wafdi ka socda Midowga Afrika Oo soo gaaray Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta guddoomiyay shir looga hadlayay dib-u-habaynta qorshayaasha amniga dalka iyo ku hoos shaqeynta tubta amniga iyo caddaaladda ee xukuumaddu u qorsheysay in dalka xasillooni lagula soo dabbaalo. Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa kulanka ka sheegay in dawladdu ay dadaal badan u gashay sidii dib-u-habayn ballaaran loogu samayn lahaa hay’adaha amniga dalka, ayna ka go’antahay in la helo amni la’isku hallayn karo. “Waxaa la joogaa xilligii la samayn lahaa maal-gelin waqtiga la jaanqaadaysa, si toos ahna looga wada qayb qaato fulinta qorshayaasha Qaranka ee amniga dalka lagu sugayo” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre. Shirkan waxaa ka qeyb galay, talisyada ciidamada, Wasaaradda gaashaandhigga iyo wasaaradda arrimaha gudaha, halka ay matalayaasha dalalka aan saaxiibada nahay, kuwa ciidamada nabad ilaalinta ugu deeqayna ay goob joog ka haayeen. Safiirka cusub ee Mareykanka u soo magacaabay Soomaaliya Amb.Don Yamamoto oo shirka la guddoomiyay Ra’iisulwasaaraha ayaa xukuumadda ku ammaanay waxqabadka dhanka amniga iyo qorshayaasha cad cad ee ay la timid si amniga dalka loo sugo. Halkan hoose ka daawo Sawirrada:- The post Sawirro:-R/W Kheyre Oo guddoomiyay shir muhiim ah appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xildhibaanno ka tirsan golaha shacabka oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa walaac ka muujiyey baaqashada warbixintii guddiga maaliyadda iyo shirkii maanta ee golaha shacabka, iyaga oo intaas raaciyey in ay xukuumadda carqaladeyneyso howlaha golaha, una yeeray Mursal inuu si degdeg ah golaha u guddoomiyo. Xildhibaan Cabdifitaax Cusmaan Daahir oo u hadlay ayaa yiri“Annaga oo ah xildhibanno ka tirsan golaha shacabka, waxaan idiinku yeernay in aan muujinno walaaca aan ka qabno sidii loo maamulay dooddi sabtidii 24-kii bisha ay aheyd in aan ka yeelanno warbixinta maaliyadeedkii lagu gaaray qaraar baarlamaan, waxaa kaloo muujineynaa walaaca aan ka qabno inuu maanta baaqday shirkii golaha shacabka iyada oo goluhu u yaallaan ajendayaal muhiim ah, oo uu ka mid yahay ajendihii aan xirmin maalintii dhoweyd, ee warbixin maaliyadeedka ah iyo kii hanti-dhowrka oo akhrintii 3aad soo gudbay in golihii xirnaado walaac ayaan ka qabnaa, waxaan aaminsanahay xirirtaanka golaha shacabka ee maanta inuu qeyb ka yahay dadaal ay xukuumaddu ugu jirto carqladeynta howlaha baarlamaanka oo ay ugu muhiimsan tahay korjoogteynta, taasina waxaa daliil u ah sidii loo maamulay iyo foolxumadii ka dhacday maalintii dhoweyd golaha shacabka”. Shir guddoonka ayey ku eedeeyeen inuu ku tuntay xeer hoosaadka golaha shacabka “Golaha shacabka, guddiga maaliyadda u qaabilsan waxaa ay soo diyaariyeen warbixin aan aaminsannahay inay xogo badan ku jireen, oo umadda Soomaaliyeed ay u baahnaayeen in looga jawaabo, laakin waxaa taasi ka hor istaagay shir guddoonka, oo si sharciga baal marsan u duudsiiyey xuquuqda xildhibaannada iyo tii shacabka u lahaayeen inay maqlaan sida loo maamulo howlaha maaliyadeed ee dalka, waxaa si bareer ah loogu tuntay qodobka 30aad ee xeer hoosaadka golaha shacabka oo dhigaya in la sugo xuquuqda xildhibaanka u leeyahay inuu ka doodo howlaha markaa horyaalla baarlamaanka”. Xildhibaannada waxaa ay caddeeyeen in hab raaca uu sax ahaa “ishortaagga waxaa si qaldan loogu daliilashaday in gudbinta waxbixinta aan loo soo marin si waafaqsan xeer hoosaadka golaha shacabka, taasi waan beenineynaa, waxaana daliil u ah shir guddoonka, oo khibrad u leh howlaha baarlamaanka uu aqbalay in warbixintaas si sharci ah loo soo gudbiyey, ajendaha golaha shacabkana laguma daro wax aan loo soo marin hab raaca saxda ah, marka guddigu sidii saxda ahaa wey soo mareen, laakin sida cudur-daarka ugu yeelay shir guddoonka, umadda Soomaaliyeedna ugu sheegay inay qaldameen, qaladkaas guddigu ma laheyn, dooddoodu in la carqaladeeyo ma aheyn”. Xukuumadda waxaa ay ku eedeeyeen kala qeybinta guddiga maaliyadda “Guddiga maaliyadda waxaa mudan in la xuso in 14-ka bisha, qaraar ay baarlamaanka ku gaareen in warbixintan la keeno ay daba socdeen ayna keeneen 19-kii bishan, xog badan iyaga oo soo uruuriyey, 23-kii November oo ah maalin ka hor doodda, waxaan ka war heynaa in xukuumadda oo kaashaneysa guddoonka ay dadaal u gashay qeybinta guddiga maaliyadda si buuq loogu furo golaha, loona hor istaago in warbixinta ay umadda Soomaaliya waxa ku jira la ogaato, warbixinta waxaa ay aheyd la hor keeno, laga doodo, kadibna loo yeero wasiirrada ay khuseyso si su’aalaha ay golahu qabaan ka jawaabaan, haddii guddigu wax qaldan keeneen waxaa ay caddaan laheyd doodda Ugu dambeyntii, Xildhibaannada golaha shacabka waxaa ay soo-jeediyeen talooyin sida “In golaha loo ogolaado in uu ka doodo, wasaaradaha loo yeero, si ay uga jawaabaan, in ajende kasta oo golaha ka keenayo ay yeeshaan guddiga joogta ah iyo ajendayaasha golaha u codeeyaan, inay arkaan in kaalinta baarlamaanka la wiiqayo, in guddiyada la carqaladeynayo gaar ahaa kuwa si fiican u shaqeeyo loo kala diro qaab aan sharci aheyn, iyaga oo ku soo gabagabeeyey in guddoomiye Mursal uu soo gal mar haddii uu guddoonka uu ku guul-dareystay howlihii socday”. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Aqalka Sare ee Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulankoodii 7 aad oo qeyb ka ah Kalfadhiga Afaraad ee Golahaasi ku yeeshay magaalada Muqdisho. Xubnaha Aqalka Sare ayaa dhageystay akhrinta labaad ee Sharciga sameynta Gudidga Madaxa Banaan ee Ladagaalanka Musuqmaasuqa. Hindise Sharciyeedka Dhismaha Guddigan waxa uu ka soo gudbay Golaha Shacabka ee BFS 21/11/2017-kii, wuxuuna soo gaaray Aqalka Sare 28/11/2017-kii, si waafaqsan qodobka 44 aad ee xeerhoosaadka Golahaasi. Wasiirka Cadaalada Soomaliya Mudane Xasan Xuseen Xaaji ayaa ka hor akhriyay Hindise Sharciyeedkan fadhiga guud ee Golaha 24/04/2018-kIi Gudoomiyaha Golaha Aqalka Sare Cabdi xaashi C/laahi ayaa 29/04/2018-ka, si rasmi ah ugu gudbiyay Hindise Sharciyeedkan guddiga Garsoorka ee Aqalka Sare. Xildhibaan Sam Sam Ibraahim Cali oo ah guddoomiyaha guddiga Garsoorka, arrimaha Diinta , Awqaafa, Xuquuqul Insaanka Haweenka iyo Caruurta ayaa ka sheekeysay marxaladaha uu soo maray sharcigan. Ugu dambeyn Cabdi Xaashi C/laahi guddomiyaha Aqalka Sare ayaa amar ku siiyay xubnaha Golahaasi in ay muddo 3 cisho ah ay Isha ku soo maraiyaan Sharcigaasi. Sidoo kale waxa uu ka dalbaday mas’uuliyiinta Wasaaradda Cadaaladda oo soo diyaariyay Hindise Sharciyeedkan in ay Sabtida ay hor yimaadaan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka ee federaalka Soomaaliya. Halkan hoose ka daawo Sawirrada. The post Sawirro:-Golaha Aqalka Sare Oo kulan ku yeeshay Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee DFS oo howlgal qorsheysan ka sameeyay degmada Hodan ee gobolka Banaadir ayaa ku guuleystay in ay soo saaraan qarax Miino ah oo lagu aasay gudaha degmadaasi. War ka soo baxay Hay’adda Nabad sugidd iyo sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, ayna soo dhigeen barta ay ku leeyihiin Twitterka ayaa lagu sheegay in ay ku guuleysteen in ay fashiliyaan Miinadaasi oo ku aasnayd xaafadda KPP ee degmaad Hodan. NISA ayaa sheegtay in howlgalkaasi ay iska kaashadeen Ciidanka Booliska iyo Nabadsugidda, kuwaasi oo gacan ka helaya shacabka Muqdisho. Halkan hoose ka Akhriso:- The post NISA Oo fashiliyay qarax lagu aasay degmada Hodan appeared first on Shabelle. View the full article
-
At least eight people were killed and scores others wounded when a car laden with explosives exploded in a busy market in Mogadishu. Medical sources said more fifteen injured people were also taken to various hospitals in the city. The explosion occurred in Kaba Godey khat market approximately 12:30 PM local time. Local media report that a suspect who parked the car was arrested by the police. No one has claimed the responsibly of the attack. The attack comes hours after more than more 20 people including a controversial cleric and his followers were killed in the central Somali city of Galkacyo. Armed group Ashabaab claimed the responsibility of the attack saying the cleric insulted the holy prophet P.B.U.H Four fighters were neutralized in the attack at religious centre on Monday morning. The post Eight killed in Mogadishu market bombing appeared first on Shabelle. View the full article
-
Mahadaay ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Shabeelaha Dhexe ayaa ku warramaya in barqanimadii maanta Askari ka tirsan Ciidamada dowladda uu Qof Rayid ahaa ku dilay gudaha degmada Mahadaay ee gobolkaasi. Marxuumka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cadiraxmaan Cadow Maxamuud, sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen qaar ka mid ah Ehelladiisa. Ruuxa la dilay ayaa la sheegay in uu dhawaan ka yimid deegaan hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabeelaha Dhexe. Lamana oga illaa iyo hadda u jeedada rasmiga ah ee ka dambeysa dilka loo geystay Marxuumkaasi. Sidoo kale wararka qaar ayaa sheegaya in gacanta lagu dhigay Askarigi dambeeyay dilkaasi. Weli ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxaya maamulka HirShabelle oo ku aadan dhacdadaasi. Inta badan Ciidamada Milatariga Soomaaliya ayaa dhibaatooyin xoogan u geysta dadka Rayidka ah ee aan waxba galabsan. The post Askari ka tirsan Ciidanka DFS Oo dil ka geystay Mahadaay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Faah faahin dheeraad ah ayaa ka soo baxeeyso qarax qasaare geeystay oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho. Qaraxaasi oo ahaa gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa waxa uu ka dhacay suuqa Kaawa-Goodey oo katirsan degmada wajir ee Muqdisho. ku dhowaad 10-ruux oo dhamaantood ahaa dad shacab ah ayaa ku dhintay qaraxaasi tiro ku dhow 20-ruuxna waa ay ku dhaawacmeen. Xiliga uu qaraxa dhacayay suuqa ayaa ahaa mid mashquul badan dad badan oo ka tukaameeysanayayna ay goobta ku sugnaayeen. Dhinaca kale hay’adaha amaanka dowlada Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxaasi maanta ka dhacay Muqdisho. Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa Wakaalada wararka Soomaaliyeed ee SONNA u sheegay in ninkii waday gaariga gacanta lagu soo dhigay ka dib markii uu isku dayay inuu ka baxsado Ciidamada amniga. Hoos ka Daawo Sawirada Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Faah Faahin: Qarax qasaare geeystay oo ka dhacay Muqdisho appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee dowladda federaalka Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay gacanta darawalkii waday Gaari maanta ku qarxay Suuqa ku yaalla degmada Wadajir ee gobolka Banaadir. Gaariga qarxay ayaa la sheegay in Ciidamada amnigu ay ku joojiyeen bar-kontarol oo ku taalo xaafadda Kaawo Godey ,halkaas oo uu markii dambe uu ku qarxay. Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa SONNA u sheegay in ninkii waday Gaariga gacanta lagu soo dhigay, kadib markii uu isku dayay inuu ka baxsado Ciidamada amniga. Qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawac uu ka soo gaaray dad u badnaa Rayid oo ku sugnaa halkaasi. The post Darawalka waday Gaarigii ku qarxay Wadajir Oo la qabtay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baladweyne ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan. Wafdiga madaxweynaha ayaa magaalada Baladweyne waxaa si diiran ugu soo dhoweeyay Madaxda Maamulka Gobolka Hiiraan iyo dad shacab ah. Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan waxaa horay u gaaray wafdi uu hoggaaminayo abaanduulaha Ciidamada Xoogga dalka,kuwaas oo ujeedkooda uu yahay dardar gelinta howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab iyo tirakoobka Ciidamada Xoogga dalka. Madaxweyne Waare ayaa inta uu joogo magaalada Baladweyne wuxuu la kullamo la qaadan doonaa Mas’uuliyiinta Maamulka Gobolka,Saraakiisha Ciidamada Xoogga dalka iyo Odayaasha dhaqanka,kuwaasi oo uu kala hadli doono arrimaha amniga iyo in la dar-dar geliyo dagaalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab. The post Madaxweynaha HirShabelle Oo gaaray Baladweyne appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaraxan oo loo adeegsaday Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarax ayaa duhuurnimadii maanta ka dhacay degmada Wadajir ee G/Banaadir. Gaariga qarxay ayaa la sheegay in la dhigay Suuq ku yaalla xaafada Kaawo Godey oo xilligaasi ay ku sugnaayeen dad badan oo Rayid ah. Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay qaraxaasi, walow aan si rasmi ah loo xaqiijin karin inta uu la’egyahay. Goobjooge la hadlay Idaacadda Shabelle ee magaalada Muqdisho ayaa ka warbixiyay sida ay wax u dhaceen. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Goobjooge.mp3 The post Qarax Gaari Oo ka dhacay degmada Wadajir appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) – Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-26112018-wg.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Somali President Mohamed Abdullahi Farmajo on Sunday held a telephone conversation with Amir Sheikh Tamim bin Hamad al-Thani. During the phone call, they reviewed bilateral relations and ways to boost them, in addition to a number of issues of common interest. They discussed the political, security and economic developments in Somalia, and the efforts of both countries in combating terrorism and extremism so as to enhance the unity and stability of Somalia. President Farmajo expressed his thanks and appreciation to the Amir for Qatar’s support to Somalia as well as its efforts and backing for the fraternal Somali people and providing relief and development aid on a regular basis, especially in the fields of health, education, and infrastructure. Qatar is one of Somalia’s political and economic ally. The Gulf country provided millions of USD in aid and investments in the recent year. Last year, Qatar Fund for Development (QFFD) signed a partnership agreement with the Somali government aimed at strengthening its efforts in the area of stability and economic development. QFFD pledged to support the Somali economy through a $200mn package of projects in the areas of infrastructure, education, economic empowerment and the re-establishment of state offices and institutions. The agreement provided for the implementation of several development projects, including the construction of the 90km Mogadishu-Jawhar road and the 30km Mogadishu-Afgoye road. The agreement also includes the rehabilitation of the Somali Government’s headquarters, rehabilitation of the building of Somalia’s Ministry of Planning, Investment and Economic Development, rehabilitation of the building of the Mogadishu Municipality. Qatar will also launch rehabilitation and construction of the Diplomatic Institute building in addition to Silatech Foundation’s support to unemployed Somali youth through vocational and technical training projects in various Somali states. Somalia has extensive investment opportunities in the livestock, agriculture, mining, sugar and salt sectors, as well as fisheries, which are important economic sectors because of Somalia’s long coastlines on the Indian Ocean. Somalia’s most important wealth and exports are agricultural products, livestock, fisheries, coal, uranium, some minerals, salt, and natural gas. It also has some oil reserves. There are existing industries in Somalia such as plastics, fish canning, meat processing, and sugar. Among the most important imports are industrial and petroleum products, foodstuffs, medicines, building materials, cars, light and heavy equipment, electrical and electronic appliances, household appliances and clothing. The post Qatar Amir holds phone conversation with Somalia President appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Ceerigaabo)-Maayirka magaaladda Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur ayaa Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi ku soo dhaweeyay magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, waxaanu si waafi ah uga hadlay ahmiyada gobolku u leeyahay Somaliland iyo baahiyaha ka jira, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa Qarax khasaare geystay oo duhurnimadii maanta ka dhacay Isgoyska Kaawo-godey ee Degmada Wadajir, sida ay inoo sheegeen saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska. Qaraxan oo loo adeegsaday Gaari walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ayaa waxa uu si gaar ah uga dhacay Isgosyka Kaawo-godey ee Degmada Wadajir. Waxaa jira Khasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jira oo ka dhashay Qaraxa oo loo adeegsaday gaari Nooca raaxadda ah oo la dhigay Igoyska Kaawo Godey. Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa waxa ay gaareen goobta, si ay u soo qaadaan dhaawacyada halkaasi yaalla, si loo gaarsiiyo Isbitaalada oo xaaladooda caafimaad wax looga qabto. Wasiirka amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa SONNA u sheegay in dhagar ninkii waday gaariga gacanta lagu soo dhigay ka dib markii uu isku dayay inuu ka baxsado Ciidamada amniga. Ciidanka ammaanka ayaa waxa ay xireen goobta uu Qaraxa ka dhacay, iyagoo dadka ku amraya in ay goobta ka fogaadaan.
-
The president of Somalia, Mohamed Abdullahi Farmajo has arrived in the capital city of Kenya, Nairobi to attend the Sustainable Blue Economy Conference. The delegation led by President Farmajo was welcomed at the airport by Kenyan authorities. The historic conference which focuses on environmental protection will be the first-ever Sustainable Blue Conference and will kick off today in Nairobi. The three-day conference has high global support with over twenty world leaders in Nairobi for the event. A number of environment-friendly civil society organizations are also in attendance. The leaders will discuss ways to harness the potential of the oceans, seas, lakes, and rivers to improve the lives of all, particularly people in developing states, women, and youth and Indigenous peoples. The conference organized by the governments of Japan, Canada and Kenya will be attended by over 4000 delegates including business people and environmental experts representing different countries. The federal government of Somalia is expected to present its plans towards investment, rebuilding and modernization of its ports since Somalia have the longest coastline in Africa. Leverage of the latest innovations, scientific advances and best practices to build prosperity while conserving the waters for future generations is a major task. The Sustainable Blue Economy Conference builds on the momentum of the UN’s 2030 Agenda for Sustainable Development, the 2015 Climate Change Conference in Paris and the UN Ocean Conference 2017 “Call to Action” The post Somali president attends key summit in Kenya appeared first on Shabelle. View the full article