Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,105
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Nairobi (Caasimada Online) – Warbixin ay soo saartay kooxda QM ee la socodka cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya iyo Eritrea ee UN Monitoring Group, ayaa shaaca looga qaaday shirqool Imaaraadka Carabta Carabta ay u maleegeen dowladda federaalka Soomaaliya, oo ay ku lug lahaayeen siyaasiyiin Soomaali ah. Kulankan ayaa toddobadii April 2018 ka dhacay maqaayad ku taalla magaalada Nairobi ee dalka kenya. Sida warbixinta ay sheegtay, waxaa kulanka yeeshay diblomaasiyiin kasoo jeeda dalka Imaaraadka Carabta iyo sarkaal sare oo horey uga tirsanaa hay’adda nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA. UN Monitoring Group ma shaacin sarkaalka Soomaaliga ah ee kulanka ka qeyb-galay, waxaase magaciisa loo gudbiyey golaha ammaanka ee QM. Xubinihii kulanka ka qeyb galay ayaa dejiyey qorshe lagu fashilnayo dowladda federaalka Soomaaliya. Waa qorshaha qeyb ka ahaa in la sameeyo isbaheysi ka kooban madaxda dowlada goboleedyada Soomaaliya, xubnaha baarlamanka Soomaaliya ee mucaaradka ah iyo taliyeyaasha ciidamada qaranka. Dhinacyadaas ayaa marka la mideeyo waxaa qorshuhu ahaa in la qaado dagaal siyaasadeed iyo mid amni oo lagu fashilanayo dowladda Soomaaliya. Sida warbixinta kooxda QM ay sheegtay, Imaaraadka Carabta ayaa dhammaan xubnaha la isku keenayey u adeegsanayo in la siiyo lacag lalauush ah, si ay uga qeyb qaataan qorshaha Imaaraadka. Ma cadda halka uu ka dambeeyey qorshahaas iyo in dagaalka ay hadda maamul goboleedyada ku hayaan dowladda iyo xildhibaanada mucaaradka ee aadka u weerara dowladda ay qeyb ka yihiin qorshahaas. Maalin kadib markii kulankaas uu dhacay, ayaa sideedii bishii April 2018 waxa ay dowladda federaalka garoonak Aadan Cadde ku qabatay lacag dhan 9.6 milyan oo dollar oo kaash ah, oo Imaaraadka Carabta uu lahaa. Ma cadda haddii kulankii Nairobi iyo qorshaha lagu laaluushayey mucaaradka Soomaalida iyo qabashada lacagta ay xiriir leeyihiin, balse sidaas ayay u muuqataa. Warbixinta kooxda QM ee Soomaaliya ayaa waxaa ku jira sir badan oo xasaasi ah, waxaana idiin soo gudbin doonaa kuwa ugu xiisaha badan, Insha Allah. Ku xirnow Caasimada Online. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  2. (SLT-Hargeysa)-Somaliland Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadashay Heshiisyada Dalalka Itoobiya, Eritrea Iyo Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  3. (SLT-Hargeysa)-Bisha Nofeembar 14-keeda, sannad kasta waxaa la xusaa maalinta cudurka macaanka ama sokorowga ee adduunka, waxaana sannadkan haldhidhigga munaasabaddaas laga dhigay “Qoys macaan qaba”, BBC Somali ayaana la kulantay qoys qaba Macaan. Macaanka waa xanuun qofka nolosha la qeybsada oo sababa in heerka sokorta ee dhiigga uu aad sare ugu kaco. Wuxuu cudurkan leeyahay labo qeybood oo waaweyn, kuwaasoo kala ah: Qeybta 1aad ee macaanka – oo ah marka uu difaaca jirka weerar ku qaado isla markaana burburiyo unugyada dhiigga ee soo saara sokorta. Qeybta 2aad ee macaanka – oo ah marka uusan jirka si buuxda u soo saari karin sokorta, ama unugyada qaabilsan soo saarista sokorta aysan awood lahayn. Waa cudur dilaa ah oo ka jira guud ahaan dunida, waxaana maanta oo kale, oo ay taariikhda ku beegantahay 14-ka bisha kow iyo tobanaad loo asteeyay in la xuso, si loo xoojiyo dagaalka ka dhanka ah cudurkaas iyo caawinta dadka la ildaran. Inta badan dadku waxay aaminsanyihiin in xanuunkan uu bartilmaameedsado dadka waaweyn iyo kuwa jirkooda uu cayilka ka batay, laakiin dhakhaatiirta caalamka ayaa walaac xoogan ka muujinaya in Sokorowga uu hadda faro ba’an ku hayo carruurta. BBC Somali ayaa xuska sannadkan ku soo beegtay war bixin ay ku faahfaahineyso sida ugu haboon ee loo xannaaneyn karo dhallaanka la nool cudurkaas, maadaama ay jiraan carruur Soomaaliyeed oo la daalaa dhacaya Macaanka. Waxaan la kulannay qoys Soomaaliyeed oo uu ka mid yahay wiil yar oo qaba Macaanka, si aan wax badan uga ogaanno sida loo xannaaneeyo ilmaha ay dhibaatadaas heysato. Hooyada qoyskaas oo lagu magacaabo Farxiyo Maxamed Cali ayaa BBC-da u sheegtay in wiilkeeda curadka u ah saddex carruur ah oo ay dhashay uu soo ritay xanuunka macaanka ama sokorowga, isagoo 4 sano jir ah. Waxay aad uga taxadartaa xannaannada wiilkeeda xanuunsan iyo raashinka uu cuno, waxayna nooga sheekeysay sida ay markii ugu horreysay ku ogaadeen nooca uu cudurkiisa yahay. “Waxaan aad ula yaabnay waxa ku dhacay, waayo anigu waligey ma arkin qof qaba Sokoroow. Muddo 15 maalmood ah ayuu ku caatoobay, tabarti oo dhan ayaana ka dhammaatay. Ka dib gabar dariskeenna ah ayaa nagu tiri cunugan amuu qabaa sokorow, waxaan geynay isbitaalka dhakhaatiirtiina waxay noo sheegeen inuu qabo qeybta koowaad ee cudurka sokorta, cimrigiisa inta ka dhimanna uu cirbad qaadan doono”. Sidee loo xannaaneeyaa ilmaha qaba cudurka macaanka? Farxiyo ayaa noo sheegtay in wixii ka dambeeyay xilliga ay wiilkeeda ku aragtay cudurka Sokorowga ay nolosheeda wax badan iska baddaleen. “Aniga waan shaqeysan jiray laakiin waan iska dhaafay shaqadii, asaga dartiis ayaan guriga u fadhiyaa. Marka ay sokortiisa kacsantahay wax yar oo khalad ah hadduu ilmaha ku arko wuu xanaaqayaa, ma u dul qaadan karo, wuu oynayaa, balse marka ay sokortiisa daggantahay waa iska caadi”. Waxay sheegtay in ay ka ilaaliso wax kasta oo ay carruurta isticmaalaan, oo uu macaan ku jiro sida: Nacnaca, Buskutka noociisa sokorta leh, doolshada iyo Jallaatada. Lahaanshaha sawirkaTHINKSTOCK Farxiyo waxay maalintii ilaa saddex jeer wiilkeeda ka cabirtaa heerka sokorta, sidoo kalena habeenkii ayay kacdaa si ay u hubiso. “Habeenki hadduu jiifo xitaa waxaan taabtaa wadnihiisa waana ka cabiraa sokorta. Haddii ay hoos u dhacsantahay waxaan siiyaa malab” ayay tiri. Maxamed Cabdullaahi, oo ah wiilka ay Farxiyo dhashay ee qaba sokorta ayaa isaga qudhiisa la qabsaday xanuunkan wuxuuna iska ilaaliyaa wax walba oo dhibaato u keeni kara. Wuxuu mararka qaar gacantiisa iskula duraa cirbadda uu joogtada u qaato. Hase ahaatee carruurta aysan da’doodu gaarin heer ay is xannaaneeyaan ayaa waalidkooda looga baahanyahay iney ku dadaalaan xannaaneyntooda. Dr. Cabdisalaan Maxamed Macalin oo ah dhakhtar ku takhasusay cudurrada carruurta ayaa BBC-da uga warramay saameynta uu cudurkan ku leeyahay carruurta. “Nooca 1aad ee cudurka macaanka marka uu carruurta ku dhaco intooda badan waxay ku dhiman jireen guriga, laakiin hadda dadka way fahmeen waxayna si deg deg ah ula xiriiraan isbitaallada, si wakhti hore loo ogaado” ayuu yidhi. Wuxuu Dr Cabdisalaan sidoo kale sheegay in cudurka Sokorta uu 10% ku dhaco carruurta, loona baahanyahay in si aad ah loogu dadaalo xannaaneyntooda. Source
  4. R’isilwasaaraha Soomaaliya mudane Xasan Cali Kheyre ayaa guul u rajeeyay xulka qarankeena Soomaaliya galabta ay la leeyihiin dhigooda dalka Itoobiya. Ra’isilwasaare Kheyre ayaa qoraal uu soo dhigay Twitter-ka ku sheegay in uu guul u rajeeynayo Ciyaartooyda dalkeena Soomaaliya. Ciyaar xiiso badan ayaa goordhow ka dhici doonto dalka Itoobiya oo u dhaxeeysa Soomaaliya iyo Itoobiya oo ah kulan katirsan isreeb reeb-ka Olombikada aduunka oo sanadkan lagu qabanayo dalka japan. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Ra’isilwasaare Kheyre oo guul u rajeeyay Xulka Soomaaliya oo la Ciyaaraya Itoobiya appeared first on Puntland Post.
  5. Balad Xaawo (Caasimadda Online) – Maamulka magaalada Balad Xaawo ee gobolka Gedo ayaa ku amray xaasaska u dhaxay ragga Al-Shabaab iyo carruurtooda inay isaga baxaan magaalada ka dib markii ay ku eedeeyeen Al-Shabaab inay afduubtaan dadka samafalka ka shaqeeya ee taga nawaaxiga magaalada. Gudoomiyaha magaalada Maxamuud Xayd Cusmaan ayaa BBC-da u xaqiijiyay amarka lagu musaafirinayo xaasaska iyo carruurta Al-Shabaab ee ku nool Balad Xaawo, wuxuuse ka gaabsday faahfaahin intaa ka badan inuu bixiyo. Amarkan ayaa markii uu soo baxay waxay Al-Shabaab kaga jawaabeen inay la soo hadlaan ganacsatada iyo waxgaradka deegaanka kana dalbadaan inay maamulka ku qanciyaan inuu ka laabto go’aankiisa haddii kale ay qaadi doonaan talaabo aargudasho ah. Ganacsatada iyo Odayaasha deegaanka ayaa kala hadlay maamulka codsiga Al-Shabaab balse waa uu ku gacan seyray inuu ka laabto go’aankiisa maamulka Balad Xaawo. Al-Shabaab iyana waxay soo saareen go’aan ay ku sheegeen inay ku go’doomiyeen magaalada Balad Xaawo sida ay ka sameeyeen magaalooyin kale oo ku yaala Koonfurta Soomaaliya taas oo warwar iyo walaac ku beertay dadka deegaanka. Haddii uu dhaqangalo go’aanka Al-Shabaab waxay ka dhigantahay in marinada kaliya ee hadda kadib Balad Xaawo wax uga imaan karaan ay tahay magaalada xadka Kenya ku taala ee Mandheera iyo dhinaca dalka Itoobiya. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
  6. Jabuuti ( Sh. M. Network )-Sanataro ka tirsan Xildhibaanada Mareykanka ayaa dowladda Shiinaha uga digay in ay qabsato Dakedda Dorale ee Dalka Jabuuti. Sanataradani oo kala ah Marco Rubio iyo Chris Coons, kana kala tirsan Xisbiyada Jammuuriga iyo Demuqoraadiga ayaa warqad u diray wasiirka arriamha dibadda Mareykanka Mike Pompeo iyo wasiirka gaanshaadhigga Jim Mattis, taas oo ay kaga dalbanayaan wasaaradahaasi in tallaabo milatari iyo mid siyaasadeed ay ka qaadaan xukuumadda Beijing, haddii ay isku daydo in ay la wareegto Dekedda Jabuuti. Sidoo kale Xidhibaanadani ayaa hoosta ka xariiiqay isbalaarinta gacansiga Shiinaha ee Africa ay tahay mid ka hor imaaneysa danaha Dhaqaale iyo tan Ammaanka ee Mareykanka, islamarkaana aysan u dul qaadan karin la wareegitaanka Dekeddaasi. Dowladda Jabuuti ayaa dhawaan ruqsadii kala noqotay dalka Imaaraadka Carabta oo horay u maamulayay Dakedda Dorale ee dalkaasi ,islamarkana la sheegay in haatan Dekeddaasi ay lawareegi doonto Dowladda Shiinaha. Arrintani oo salka ku heysa dagaalka Ganacsiga ee u dhexeeya Mareykanka iyo Shiinaha ayaa laga cabsi qabaa in xiisaddu ay isku bedasho mid Militari oo dhexmarta labada dal. The post Mareykanka iyo Shiinaha Oo isku haya Dekedda Jabuuti appeared first on Shabelle. View the full article
  7. (SLT-Hargeysa)-Cabdillahi Maxamed Ducaale Wasiirkii wasaaradda arrimaha dibadda ee xukuumadii Madaxweyne Daahir Riyaale ayaa ka digay in cunaqabataynta hubka laga qaado Soomaaliya, Halkan hoose ka DAAWO Source
  8. Ciyartoyda xulka qaranka dalka Soomaaliya ee 23-jirada ayaa manta ciyaraya kulan katirsan isreeb reeb-ka Olombikada aduunka oo sanadkan lagu qabanayo dalka japan. Soomaaliya ay galabta wajihi doonto dhigoda Ethiopia kulan Xiiso badan oo isla Itoobiya ka dhici doono galabta oo Arbaco ah. Kulankani ayaa ah mid aad u xiiso badan waxana labada dal ee sida wayn u xifaaltama ee Soomaaliya iyo Itoobiya kulankooda uu ka dhaca doonaa garonka kubada cagta ee Adisababa ee loo yaqaano IS oo kuyala maglda Addis Ababa ee caasimada dalka Itoobiya. Kulankaasi ayaa waxa uu soo dhici doonaa 3:30 PM xiliga geeska Africa. Wiilasha qaranka Soomaaliya ayaa sanadkaan waxaa ay qaban rajo kawayn kuwii hore iyadoo taasi lo sababeeynayo tababaro dheeriya oo ay helen ciyartoyda qaranka Soomaaliya. Waxaa la xusuustaa ee sanadkii hore ciyaartooyda 17-jirada ay gaareen kulanka kama danbesta finalka ee CECafa. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Soomaaliya Iyo Itoobiya oo Ciyaara Galabta kulan Xiiso Badan leh appeared first on Puntland Post.
  9. Kismaayo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Cali Maxamed Geedi iyo xubno la socda ayaa maanta tegay magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka Jubaland. Mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ayaa garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay ra’iisul wasaarihii hore ee dowladii KMG aheyd ee Soomaaliya xiligii madaxweyne Cabdillaahi Yuusuf Axmed. Safarka Cali Maxamed Geedi, oo ahaa mid aan horay loo sii shaacin ayaa, xog aan helnay ay sheegeysaa inuu la xiriiro sidii wada-hadal uu u dhex mari lahaa maamulka Jubaland iyo dowladda federaalka Soomaaliya. Ilaa hadda ma cadda in Cali Maxamed Geedi uu iskiis isku xilqaamay iyo inay dirtay dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. Cali Maxamed Geedi ayaa ka mid ah siyaasiyiinta aadka ugu dhow islamarkaana la dhacsan siyaasada ay hadda dalka ku maamusho dowladda federaalka Soomaaliya. Waxaa la filayaa inuu la kulmo oo uu wada-hadal la yeeshay madaxwenaha maamulka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
  10. New York ( Sh. M. Network )-Maxamed Tahliil oo ka mid ahaa Burcadbadeed Soomaali ah oo Afduubtay Wariye Michael Scott Moore oo ka soo jeeda Mareykanka ayaa lagu xiray magaaladda New York ee dalkaasi. Maxamed Tahliil oo la sheegay in uu Mareykanka ku tagay qeybtii kaga soo aaday Lacag madax furasho ah oo ay ka qaateen Burcadbadeedu Wariyahaasi ayaa la qabtay, kadib markii uu aaladda Facebooka kala xiriiray Wariye Moore oo muuq iyo magac ahaan uu garanayay, maadaama uu ka mid ahaa koox Burcadbadeed ah muddo 2 sano iyo bar ku heysatay meel u dhow magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Lahaystihii hore iyo eedeysane Maxamed Tahliil oo ahaa saaxibo aad ugu dhow ayaa la wadaagay sheeko ku saabsan taariikhdooda inta aan la xirin ka hor, waxaana uu u sheegay Maxamed Saaxibkiis Wariye Michael Scott Moore in inta badan dhexdoodu ay is dileen Burcadbadeedii ay saaxibada ahaayeen, kadib markii ay isku maan-dhaafeen qeybsashada Lacagtii Madax Furashada ay kaga qaateen Wariye Moore, taas o dhameyd 1.2 Million oo Dollarka Mareykanka ah. Sidoo kale waxa uu la wadaagay Wariyaha Sawirradiisa iyo kuwii Saaxibiidiisi kale, balse ugu dambeyntii Maxamed Tahliil ayaa xasbiga la dhigay xilli aan la shaacin taariikh ahaan balse ku aadan bil ka hor. Gaalkacyo ayaa ka mid aheyd Magaalooyinkii ay ku xooganaayeen Burcadbadeeda Soomaalida 10-kii sano ee la soo dhaafay, iyagoo ka afduubtay Muwaadiniin shisheeye oo ay ka heleen Malaayiin Dollar oo Madax fuarsho ah. The post Shaqsi ka tirsanaa Burcadbadeeda Soomaalida Oo lagu xiray dalka Mareykanka appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka ee BFS ayaa maanta cod Aqlabiyad leh ku Ansixiyay ku noqoshada Miisaaniyadda dowladda ee 2018-ka, kadib kulan ay ku yeesheen magaalada Muqdisho. Ugu horreyn Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya waxaa qaraarka lagu Ansixinayay Miisaaniyaddani ka hor akhiriyay Xildhibaan C/laahi Maxamed Nuur oo xubin ah guddiga Maaliyadda iyo Miisaaniyada ee Golaha Shacabka. Intaasi ka dib Xildhibaanada ayaa Cod gacan taag ah u qaaday ku noqoshada Miisaanadda dowladda ee 2018-ka. 153 Xildhibaan ayaa ogolaaday, 2 xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay 3 Mudane, sida uu ku dhawaaqay guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya. Ugu dambeyn wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaabe Beyle oo goob joog ahaa kulanka Golaha Shacabka ayaa kaga mahadceliy meelmarinta ku noqoshada Miisaaniyadda 2018-ka. Sidoo kale wasiir Beyle ayaa xusay in uu diyaar u yahay in uu Golaha Shacabka la wadaago arrimaha ku aadan Maaliyadda dalka. Waa kulankii 25-aad oo qeyb ka ah Kalfadhiga afaraad ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. The post BFS Oo Ansixiyay ku noqoshada Miisaaniyadda 2018-ka appeared first on Shabelle. View the full article
  12. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay xubin ka tirsan kooxda Daacish, sida uu sheegay Taliska NISA. War kooban oo ka soo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in qabashada sarkaalkan ka tirsan Daacish ay dhantaaleyso marinada dhaqaale ee ISIS, maadaama uu u qaabilsanaa kala gudbinta Dhaqaalaha. “Ciidamada Amniga ayaa fiidnimadii xalay oo ku beegan 13-ka Nofembar 2018, Magaalada Muqdisho kasoo qabtay shakhsi Ururka ISIS ee Soomaaliya iyo Xagjirka wadamada kale ka jira u kala gudbin jiray dhaqaalaha, Qabashada shakhsigan ayaa dhantaalaysa marinada dhaqaale ee ISIS”.ayaa lagu yiri war kooban oo lasoo dhigay Twitterka NISA. Magaalada Muqdisho iyo qaar ka mid ah Gobollada dalka waxaa ka socda Howgalo ay wadaan Ciidamadda Hay’adda nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, iyagoona ku soo qabtay xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab. The post NISA Oo gacanta ku dhigtay Xubin ka tirsan Al Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
  13. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye Hay’adda Barakacayasha Somaliland Cabdikariin Xinif ayaa waxa uu jJawaabay Ku Xigeenkiisa, Halkan hoose ka DAAWO Source
  14. Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Duhur-141118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  15. Mundane madaxwayne bulshadeena reer somaliland waxa weeye bulsho dhaqaale ahaan u badan sabool , Aqoon ahaan u badan dad aan waxna akhriyin waxna qorin , dhaqan ahaan reer guraa ah , isgaadhsiintooduna tahay maxaa la yidhi, markaynu intaa ka nimaadno , waxay aaminsanyiin in uu shakhsi beeshooda ah uu wax uga keeni karo maamulka iyo dawlada markaa jirta , waxan ku matali karaa joharad iftiimaysa oo ay nuurka ka qaataan, Waxa hubaal ah shaqsiyaadkaasi inaanay waxtar ulahayn gaar ah dadkaas lkn waa aaminaad bulsho, inuu hebel kasoo jeeda beeshoodu haduu ka muuqdo maamulka ay ugu dhantay iyaga . Guntii iyo gunaanadkii , mudane madaxwayne dadwaynaha ku kasbo qodabadan soo socda, 1. Daacadnimo, waxad qabanayso iyo waxaad magacaabaysaba. 2. Cadaalad, inaad ku maamusho dadka iyo dalkaba , oo aad dadka tusto in aad madaxwayne uwada tahay kuuna simanyiin, 3, inaanad cidna ka ogolaan ku tagrifal hantiyeed , awoodeed iyo mid maamul , xataa ka dad kuugu xiga ha ahaadee. 4. Jihayn , inaad dadka ka jihayso siyaasada una jihayso barnaamijyo waxqabadleh , sida waxbarashada, nadaafada deegaanka iyo fanka iyo suugaanta iyo waxii lamida 5. Ladagaalnka sixirbararka , inaad jaangoyso sixirka iyo dhaqaalaha wadanka, ood abuurto ilo dhaqaale si loo badiyo shaqo abuurka. 6. Tayaynta waxbarashada, in kor loo qaado tayada jaamacadaha lana yareeyo kuwii aan u qalmin. 7. Siyaasada dibada . Inaynu raadsano asxaab ka duwan kuwii hore inagoo ka iibinayna waxaynu khayraad iyo istraatiijiyad leenay. Todobadaa qodab hala share gareeyo si at u gaadho madaxwaynaha ama maamulka ka agdhaw ay u gaadhsiiyaan . Dr . Mohamoud cabdi qiyaas . Source
  16. Stories of bandits arrested after attempting to contact their former victims are by no means uncommon, but for American journalist Michael Scott Moore, it was a terrible flashback of the two and a half years he was held hostage by Somali pirates. One of the kidnappers, Mohamed Tahlil, was arrested in New York in the United States After Adding Ex-Hostage to Facebook. The story appears in criminal documents related to the arrest of the pirate, which happened in recent months, at a date also unspecified. Many snippets of the report were suppressed, but it is known that the conversation lasted for months and involved the exchange of images and information not only about the criminal but also about other pirates involved in the abduction and the days that the reporter passed under the yoke their. Tahlil approached the victim identifying himself as a “friend” and claiming to want to talk to him. The journalist acknowledged the former guard for the only available view image in the profile and described the conversation as kind and humorous, sometimes written in poor English and sometimes in Somali, with Moore using an online translator to communicate. Moore was kidnapped in January 2012 in the town of Galkayo, more than 600 km from the capital of Somalia, Mogadishu. He was working on a report on piracy when he was captured, spending the next two years under the captivity of the kidnappers, having been transferred between different locations and spent some time offshore on a pirate ship with other hostages. Souvenirs of the captivity are part of the official document, such as Moore’s comments about breaking his wrist during capture, and handing over items such as pens, books, medicines and cookies by the guard, acts seen as a sign of good faith. It is not known, however, what the kidnapper was doing in New York or how the conversations contributed to its location. According to the chat, still, much of the original pirate group killed each other because of disputes over dividing the $ 1.2 million paid as a ransom to Moore. According to the investigation, the report coincides with the information of the death of some pirates in a dispute for money soon after the release of the journalist. As part of the conditions, the criminals also demanded a letter signed by then-US President Barack Obama that they would be acquitted of any consequence of the abduction. Tahlil is being held without bail and has been indicted for crimes such as kidnapping, hostage-taking, conspiracy, and others, and may face life in prison. Moore said he was not as happy as he could imagine with the kidnapper’s arrest and the news of the deaths of other criminals involved in his two and a half years in Somalia. His book on the case, The Desert and the Sea: 977 Days Arrested on the Pirate Coast Somali, a free translation, was released in the United States in July and is not yet available in Brazil. The publication, as well as Moore’s own testimony to the FBI after his release, are cited as providential investigations into pirates and crimes committed by them against American citizens, common targets of kidnapping because of the high dollar value in the country. The post Somali Pirate Arrested After Adding Ex-Hostage to Facebook appeared first on Shabelle. View the full article
  17. Sawirka. Xasuuseed: Siyaasadii Arrimaha Debadda Ee Wakhtigii Daahir Rayaale . Source
  18. Mudanayaasha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda dowladda sannadkan 2018. Ku noqoshada miisaaniyadda 2018 ayaa waxaa si wadajir ah usoo diyaariyay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya iyo guddiga maaliyadda ee Golaha shacabka. 153 mudane ayaa ogolaaday ku noqoshada miisaaniyadda, 2 xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay 3 xubnood oo kale. Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo kulanka ka hadlay ayaa golaha shacabka ugu mahad celiyay sida wanaagsan oo ay u ansixiyeen. PUNTLAND POST The post Golaha shacabka oo ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda 2018 appeared first on Puntland Post.
  19. Magacaabista Dr.Yassiin Faraton ee wasaaradda arrimaha Dibeddu waxay buuxinaysa waax wayn oo dawlad Wanaagga Somaliland ka maqna intii ka dambaysey Madaxwyne Cigaal ka iyo Rayaale. Aragtida Somaliland State ma aha in loo arko mid ku kooban beesha dhexe. Waxaa loo baahanyahay in loo arko mid ka kooban dhamman beelihii Somaliland ka koobnaan jirtey muddadii Gumaysiga Ingiriiska. Maanta haddii la xasuustay taas maanta waa ilaahay mahaddii. Waxana loo baahan yahay in la ogaado oo si buuxda loogu dhaqmo u sinaanshaha dhamman wasaaraddaha hal-bowlaha ah (ee dunida ilbaxa ah) looga Yaqaan : “Sovereign Ministerial Posts”, sida wasaaradda Arrimaha Dibadda, tan Gudaha, tan Maaliyada, iyo sida Guddoomyiha Maxkamada Sare, Xeer ilaaliyaha guud, taliyayaasha ciidamada iyo dhamman madaxda Hay’adaha loo yaqaan “Sovereign State institutions’’, af Somaliga lagu odhan karo Manaasibta ‘’Siyaadada dawladnimada’’. Arrinka oqoonsi raadintu waxuu ku xidhan yahay oo sharddi u ah in beelaha Somaliland laga wada dhex arko dhamman maamul qaybsiga iyo dhuuni qaybsiga. Aqoonsiga Somaliland halkaas bu ku xidhan yahay ee yaan meelo kale laga raadin lagana doonin. By Adam Muse Jibril adamjibril@gmail.com Source
  20. (SLT-Jabuuti)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti Ismaaciil Cumar Geele iyo xukuumadiisa, ayaa u qaadan la’ sida ay dawladda Soomaaliya ee Maxamed Cabdillaahi Farmaajo uga hoos dustay islamarkaana ay xidhiidh siyaasadeed iyo mid diblomaasiyadeed ula bilowday dalka Ereteriya oo ay Djibouti ka dhaxayso colaad guun ah oo aan weli xal loo helin. Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, ayaan qayb ka ahayn siyaasadda ay wadaan Madaxweynaha Ereteriya Issias Afawerki, Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Farmaajo iyo Raysalwasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Axmed. Madaxweyne Geele, waxa Soomaaliya ka jooga ciidamo kala duwan oo loo yaqaano Hiil walaal, waxaana intaas dheer taageero dhinacyo kala duwan ah oo ay Djibouti la soo garab taagnayd Soomaaliya tan iyo sannadkii 1991. Laakiin Madaxweyne Farmaajo wuxuu hadda soo dhawaystay Madaxweyne Afawerkiga Ereteriya oo uu weliba dalbaday in cunaqabtaynta tobanka sannadood saarnayd laga qaado. Sida ay laanta Afka Soomaaliga ee BBC shalay baahisay dawladda Djibouti waxay filaysay in arrimaha Soomaaliya lagu tixgelin doono, waxna laga weydiino doono. Waxay kaloo ka filaysay Soomaaliya in ay kala tashato wixii go’aan ah ee ay ka qaadanayso arrimaha mandaqadda iyo isbeddellada socda. Labadaba waxay u muuqdaan in aanay dhicin, oo uu Madaxweyne Farmaajo jid cusub jeexday. “Gaar ahaan tan dambe waxay ka cadhaysiisay Jabuuti oo cadhadeeda si ficil ah u muujisay ka dib markii ay safiirkeeda Soomaaliya ka fadhiya u yeedhatay.” Sidaas ayay BBC ku tidhi warbixinteeda. Safiirka dawladda Djibouti u jooga Muqdisho Dr. Aadan Xasan Aadan ayaa wakhtigaas BBC u sheegay dareenka Djibouti “Annagu waxaan ka sugaynay Soomaaliya inay annaga iskaaya barbar taagto, oo ay tiraahdo, haddii ay oranaysaba, ‘Jabuuti dhulkeeda Eritrea ha ka kacdo, maxaabiista walaalaheen ah ee reer Jabuutina ha la sii daayo’, laakin inay tiraahdo Eritrea cunaqabataynta ha laga qaado, waxaan u aragnaa walaalahayo is barbartaag ay isbarbar taageen ciddii naga gardarnayd, taana ma ahayn mid aan filanaynay” ayuu yidhi safiirka Jabuuti u fadhiya Soomaaliya Aadan Xasan Aadan oo BBC u warramay. BBC, waxay sheegay Inkastoo Madaxweynaha Soomaaliya uu booqday Jabuuti, waddooyin diblomaasiyadeedna loo maray in la dhayo dhaawaca soo gaadhay xidhiidhka labada dawladood, misna weli ma cadda heerka lagu tilmaami karo inuu maanta joogo xidhiidhkaasi. Madaxweyne Farmaajo ayaa markii uu booqday dalka Djibouti, waxa ay madaxda Djibouti diideen inay shirjaraa’id u qabtaan wada jir Madaxweyne Geele iyo Madaxweyen Farmaajo oo ay rayul caamka u bandhigaan in la dhayay khilaafkii diblomaasiyadeed ee labada dhinac. Mid ka mid ah baraha bulshada ee laga maamulo Muqdisho oo sanduuq twitter ah ayaa si weyn loogu weeraray toddobaadkan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geele, iyadoo ay ku eedaynayaan inuu ka soo horjeedo isfahamka wadamada gobalka Geeska Afrika oo ay sheegeen inay madaxda Soomaaliya, Ereteriya iyo Itoobiya barwaaqo gaadhsiinayaan shucuubta bariga Afrika. Source
  21. Dunida Umad iyo dal waliba waxa ay leeyihiin qaab dhismeed nololeed oo ka midho rogta tiirarka mabaadiida’ dhaqan kooda, diintooda iyo siyaasadooda gaarka ah; isla 3dan ayey badankoodu waafajiyeen nidaamyadooda dimuqraadiyada ama hanta goosadka ku dhisan , tanina waa ta keenta kala duwanaashaha danaha iyo qaab xisaabtanka umadaha dunida. Somaliland waxa ay u baahantahay dimuqraadiyad ku dhisan dhaqankeena, diinteena iyo siyaasadeena gaarka ah oo dhamaantood u baahan faham fog oo qoto dheer si hanashada dalka iyo dadkuba u habsami u hanaqaadaan. Tallo siinta Dadweynaha iyo wasiir abgaal: Malahayga xaqiiqda dhabta ee magacaabistii madaxweynaha ee u dambeysay ku dhisnayd waxa ay tahay sida tan : Waxa aan arkaa in booskasta oo uu madaxweynuhu magacaabo , xilka -kaqaado ama uu u badalo meelkale ay ku dhisantahay isku darka 3 arimood : 1) xikmad siyaasadeed oo mudeysan 2) dhaqan u eegid haboon 3) muhiimada iyo mudnaanta xilkaasi , goobtaasi iyo qofkaasiba leeyahay iyadoo loo eegayo xil-doone kasta cuudka, cududka , baaxada beesha iyo muhiimada deegaanka iyo meesha ay degaani leedahay. Magacaabistii madaxweyha ee u dambeysay waxa ay ku dhisnayd sabab dhaqan iyo dan siyaasadeed oo hada taagan darteed oo kala ah sidan: 1).Magacaabista wasiirka maaliyada hada iyo horeyba waxa ay ku dhisnayd sabab dhaqan oo ah : dhaqan ahaan waxa maaliyada iyo hantida loo dhiiban jiray 3 dumar ah mid kood, oo kala mudnaa, ku waasi oo kala ahaa 1. Sodohdaa, hadaaney jirin 2. hooyadaa, hadaaney jirin 3. gabadhaada; kaalintaa waxa ku jirey wasiirkii hore ee maaliyada oo ka soo jeeday beesha guud madaxweynaha hooyadii , imikana kaalintaa waxa ku jira wasiir sacad oo ka soo jeeda beesha xaaska weyn ee madaxweynaha; waxase ka sii wanaagsaneyd in wasiiradani ahaan la haayeen qof dumar ah oo kaalintaa buuxin kara halka rag ay ka yihiin hada iyo horey intaba. 2).Magacaabista Wasiirka arimaha Dibada: waxa ay ku dhisantahay xikmad siyaasadeed iyo dan wakhtigeedu ooganyahay sabankan la marayo, siyaasada arimaha dibada si qolof rid iyo jilid fiican loogu sameeyo ayey muhiim u noqotay in loo magacaabo masuul sare oo ka soo jeeda Gobolka Sool, maadaama uu xaalku yahay ( Hawl Nin kaa xigo iyo arin Nin kaa xigo midna laguma degdego ) arimaha geeska afrika maanta ka socda ee isirka soomaali ninka u ciyaarayaa noqday Farmaajo, Ninka ugu yaraan Xan la xogsado ka keeni kara waxa uu noqday Wasiir Faratoon , waayo Faratoon ayuun baa Farmaajo shax ahaan maanta inagaga aadmi kara !! haday noqoto waxa socda iyo hadey noqoto wada-hadalada Somaliland iyo Somalia dhexmari karaya intaba. Tallo siinta Khadar Sh.C/Laahi : Gudoomiye khadar Sheekh C/laahi waxa aan leeyahay sxb waan kula dareemi karaa xanuunka hayeeshee , Hadal aamus baa u dawo ah, xilka qaadistaada sharafteedu waa aamusnaan, aniga oo aan difaac kaa xigsaneynin madaxweynaha waxa aan filayaa in madaxweynuhu ka xishooday in magaca aabbahaa Sh.C/Laahi Sh.Cali Jawhar qiimaha iyo qaayaha uu leeyahay qoyska reer sheikh Cali Joohar iyo tixgalin gaara oo ay u hayaan madaxweynaha iyo madaxweyne ku xigeenka ay u quudhi kari waayeen ku qorista warqad xilka-qaadis ah magacyadani karaamada leh; adiga ayaana lagaa rabaa in aad sirtaasi fahanto wallaal. Arinta tacabka aad sheegtay ee ku jirtay hadalkaagii wallaal qofkasta oo muwaadin ah oo aad ku jirto adigu tacab ayuu dalka galiyey haba lagu kala badnaadee, balse qoys ahaan reer Sh.Cali Jawahar tacabkooda dalkoo dhan baale, gaar ahaan Awdal gaar ahaan Ba’ Doobiro , gaar ahaan Bahaber Cabdale , waxa aan aad u rajeynayaa in qof kale oo Bahaber Cabdale ah badal lagaaga dhigo adigana waxkale oo ka sii wanaagsan ayaan kuu rajeynayaa insha’allah. Dr.khadar -Libaaxley dr.khadar05@gmail.com gargorey4@gmail.com Regional political analysts 11/14/2018 Source
  22. Abwaan gabyey baa yidhi; aduunyadu waa silsilad socotoo wareegta subaxba waa ceeyne, waa qoraal aan doonayo inaan dadka somaliland u iftiimiye cadeemo buuxa, oo ku kaceen muuse biixi inta racsan , isla markaana dadka tuseysa siyaasada qalfsan ama guracan ee muuse biixi. WAA GABEY GABEY KA HADLAYA SOO GUDBINTA XOGTA DHABTA AH IYO XALADA DHABTA AH EE KA JIRTA DALKA SOMALILAND. Waa maanso hadii aad dhagutid ama dhageystid ku iftimiseya dulmiga iyo xogta dhabta ah ee ka jirta dalka somaliland, waad og tihiin dalka somaliland iney xidhmeen, 378 dukaan oo ahaa kuwii asaaska nolosha , hadey tahey , bakhaaro ama gacansto bagaashaka iibiya iyo tukamada iibiya waxayabaha asaasak ah ee lagu nool yahey, dallkiiba wuu hadaraban yahey wale, markaa si aan taas dadka u tuso waxaan soo qaatey gabey la yidhaado garacwatdii domaliland, gaawracato waa gabey gowracya dadka dalka dhacaya, waxeyna u hiilineysaa dadka laga gardaran yahey ee lagu hayo dulmiga. Gar ilaahey nimankey bulshadu garabka moodeeyso. waa sida gamuusha iyo xagaag geed cidlaa yaalee guumanaha iney naga jareen garaba meeysaane. garaad la wayasheey dhibey noo guntimanaayne iilaheene iney guranyaaba garabameey saaane waa ganacsi iyo gooxo aanu gilibku saarneyne caqligoo la gooyiyoo dulmiga gacan la siinaaayo diintoo la gaasiraayoo googa laga doortey. garsoorkoo intuu geed tagey xaajo guruufeeyey gudiga oo gaanka iyo riyaga oo ganacsaduhu eebshey oo geela ninkii dhab u lahaa gabi banaan taaga. god dhibaato iney qodayaaan garabeeysaane. godobtiyo rafaadkiyo fidmada garabka u saran. goowrashada dhamaadiyo rabashada guusha fileeynsa. Guurtida badhkeed baa nadey guurdarada taale. haduunbaan garwaaq siin ninkii gibi ka sarnaaye. colaadaha nakala gaabiyeey ee wali gowwda heeyne Gashiga iyo eedaha gudbane laga gardiidaaayo. CIDA nagu garqaatiye na galisa guurtida iyo baarlmaka au badane. Waa guruub guumasigii ka daran gallaada ahaaye. waa guruub go,aan koodu yahey maal uun soo gura ee waa guruub geesiga ka jaceyl kii la goowracaye. iney goows wax kale goobayaan garabeysaane. WALAAL gabeygan waxuu ka ahdlaya iney muuse iyo inta haya,adood ee dalka kira hadey tahey, parmalka aama guurtida, iyo dhamaan yahada dalka dohan sida policeka iyo dawoladaha hosoe aay wada yihiin tuug. SUaashu waxey tahey somaliland halkaad u soctaa? goormaad dantaada garan. waxa qorey fuaad maxamed qawdhan arimaha bulshada london mr_qawdhan@hotmail.co.uk facebook fuaad qawdhan tel 00447383135563 thanks ilaaheybaa mahadleh. Source
  23. Two prominent U.S. senators expressed alarm on Tuesday about the military and political consequences if China gains control of a port terminal in Djibouti, and said they were concerned it could further boost Beijing’s influence in East Africa. In a letter to Secretary of State Mike Pompeo and Secretary of Defense Jim Mattis, Republican Senator Marco Rubio and Democratic Senator Chris Coons said they were concerned about Djibouti’s termination of a contract for the Doraleh Container Terminal with United Arab Emirates-based DP World in February and the nationalization of the port in September. Reports that Djibouti, heavily indebted to Beijing, would likely cede the port’s operations to a Chinese state-owned enterprise were “even more alarming,” they said. The letter was the latest in a series of efforts by members of Congress who want to counter China’s growing international influence, which they see as a threat to U.S. economic and security interests. Trump has been focusing on the economic threat from China and has brought the two countries to the brink of a trade war, but many lawmakers want to ensure the administration also treats the country as a security threat. A tiny nation strategically located at the entrance to the Red Sea on the route to the Suez Canal, Djibouti became home to China’s first overseas military base last year. A U.S. base located just miles away stages operations against Islamic State, al Qaeda and other militant groups. Rubio and Coons sent Tuesday’s letter as lawmakers returned to the Capitol for the first time in several weeks after congressional elections on Nov. 6. Asked for comment, a Pentagon spokesman said the Defense Department welcomed infrastructure and other investment that could benefit the region, but added “countries should be wary of piling on monumental debt.” A State Department spokesman had no immediate response. The Senate last month passed legislation overhauling the way the federal government lends money for foreign development, in a shift meant largely as a response to Chinese influence. U.S. officials say they worry about what they call China’s “debt trap” diplomacy, in which countries end up giving up control of major assets such as ports or roadways when they fund infrastructure projects with Chinese loans that they cannot pay back. Marine General Thomas Waldhauser, the top U.S. military officer for Africa, told a Congressional hearing earlier this year the U.S. military could face “significant” consequences if China took the port in Djibouti. The post U.S. senators alarmed if China gets control of Djibouti port appeared first on Shabelle. View the full article
  24. Ahead of the upcoming presidential election in Somalia’s South West State, a senior United Nations official today urged all stakeholders in the poll to act in accordance with established rules for the balloting in order to promote a free, fair and transparent vote in the state’s regional assembly. “We have a stake in the election in the sense that we want to see a credible one, (but) we don’t support any particular candidate,” the UN Secretary General’s Deputy Special Representative for Somalia, Raisedon Zenenga, said in Baidoa, the interim capital of the South West State. “We are there to support the process and make it more transparent and more credible so that the result is not contentious and is accepted widely,” he added. While in Baidoa, the UN official met with senior federal and state government officials, as well as a dozen presidential candidates. Mr. Zenenga began his visit by meeting Abdulkadir Sharif Shekhuna, the Speaker of the South West State regional assembly who was named interim president following the resignation of Sharif Hassan Sheikh Aden last week. He emphasized the world body’s stance of impartiality in his discussions with Mr. Shekhuna, who will oversee the voting in the state legislature, and other key officials and stakeholders. Members of Mr. Zenenga’s delegation also met with six clan elders from the Federal Member State. The balloting is scheduled to take place in the state’s 149-seat regional assembly on Saturday, 17 November, but the resignation of most of the members of the election’s organizing committee earlier this month has cast doubt on the timing of the vote. “The date is not a priority for us – the priority is to ensure that a proper process is followed and that all stakeholders are consulted.” Mr. Zenenga emphasized. “Our role is to support the Somalis, who own and lead this process, to ensure that the election is free, fair and devoid of violence.” The state’s former president Sharif Hassan resigned on 7 November and withdrew from the upcoming election, citing widespread interference in the poll. The UN Assistance Mission in Somalia (UNSOM) has previously called on all parties and stakeholders in the federal member state’s presidential contest to work together and avoid any actions that could spawn conflict or undermine the integrity of the electoral process. UNSOM also recently accepted an invitation from the South West State government to assign election observers who will monitor the voting for possible irregularities. During his meetings today, Mr. Zenenga offered the resources of the UN to conduct capacity-building workshops for members of the election organizing committee, with a focus on their duties and responsibilities. The post UN deputy envoy calls for free and fair election in Southwest state appeared first on Shabelle. View the full article
  25. Muqdisho (Caasimadda Online) – Ciidamada Amniga oo howlgal qorsheysan ka fuliyay Magaalada Muqdisho ayaa gacanta ku soo dhigay Xubin ka tirsan Argagixisada Daacish, sida uu sheegay Taliska NISA. War kooban oo kasoo baxay Taliska Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad-sugidda Qaranka ee NISA ayaa lagu sheegay in qabashada Dhagar qabahan ka tirsan Daacish ay dhantaaleyso marinada dhaqaale ee ISIS maadaama uu u qaabilsanaa kala gudbinta Dhaqaalaha. “Ciidamada Amniga ayaa fiidnimadii xalay oo ku beegan 13-ka Nofembar 2018, Magaalada Muqdisho kasoo qabtay shakhsi Ururka ISIS ee Soomaaliya iyo Xagjirka wadamada kale ka jira u kala gudbin jiray dhaqaalaha, Qabashada shakhsigan ayaa dhantaalaysa marinada dhaqaale ee ISIS”.ayaa lagu yiri war kooban oo lasoo dhigay Twitterka NISA. Magaalada Muqdisho iyo qaar kamid ah Gobolada Dalka waxaa ka socda Howgalo ay wadaan Ciidamadda Hay’adda nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka iyagoona gacanta kusoo dhigay Horjoogayaal iyo Maleeshiyaad qorsheynayay inay waxyeelo u geystaan Shacabka Soomaaliyeed. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com