Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,209
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. The Deputy Speaker of the Somali Lower House has apologized to the finance ministry for controversial report tabled and debated on Saturday. Hon. Mahad Awad apologized to the finance ministry on what he described as mistakes committed by house finance committee. “ I want to apologize in that debate was tabled in the house without first submitted to the house business committee,” he said. Awad added that there is no USD 40 Million missing from 2019 budget as previously claimed by some members of the parliament and finance committee. “ The parliament didn’t say USD 40 M is unaccounted for, so we want to apologise to the people and ministry of finance,” He added that since the debate by the finance ministry that created social media uproar in the country did not pass the right procedure via the house it can’t be tabled again. Finance MinisterDr. Abdirahman Duale cut short his travel and appeared before the house on Saturday together with deputy central bank chairperson to defend the allegations made against his ministry. The meeting was also marred by a division between the members of the finance committee that originally tabled the debate. They claimed more than 20 million USD that was donated by the Saudi government was unaccounted for in the 2019 budget, acclaim rubbished by the minister. The post Somali parliament apologizes to Finance Minister For “Wrong Report” appeared first on Shabelle. View the full article
  2. WASHINGTON — A week before Donald Yamamoto arrived in Mogadishu, three car bombs exploded in the heart of the city, just outside the Sahafi Hotel. Dozens of nearby motorists and pedestrians were killed or maimed. A fourth bomb went off when first responders arrived, bringing the death toll to at least 52, with more than 100 casualties. It was the latest in a string of attacks by the Islamist terror group al-Shabab, which for more than a decade has sought to dismantle the Somali federal government. But Yamamoto, the United States’ new ambassador to Somalia, isn’t deterred. By strengthening its institutions and economy, Somalia can achieve security and stability, Yamamoto told VOA’s Somali service. “We see hope. I think, for the first time in a long time, we’re seeing opportunities that are expanding and growing,” Yamamoto said. ‘We’ve got to be seen’ Yamamoto brings 20 years of experience, both in Somalia and the broader East Africa region, to his new post. He has held top diplomatic positions in Eritrea, Ethiopia and Djibouti. In Somalia, his experiences include engagement with both the Islamic Courts Union and the Somali Transitional Government, competing factions that preceded the current federal government. Yamamoto hopes to use his experiences to build on unprecedented rapprochements among East African neighbors to create new opportunities for Somalia. Now, the goal is to establish a permanent diplomatic presence in the capital, Mogadishu, and find ways to support the Somali people in their efforts to build peace and prosperity. “What is the old American adage? It’s ‘90 percent is to be seen’? And so we’ve got to be seen. We’ve got to be present. And I travel through most of Somalia, so I think I’d like to do that as well,” Yamamoto said. He plans to be operating out of Mogadishu on a permanent basis, with a small team, in the next few weeks. Multipart strategy Yamamoto acknowledges the work ahead won’t be easy. Despite an international presence, routine U.S. airstrikes, and elections in 2016 and 2017, security remains elusive. “Is it dangerous? Sure. Is it challenging? I think it is. But we need to do it because it’s important,” he said. Yamamoto has nearly four decades of experience in U.S. Foreign Service. He attended Columbia College, at Columbia University, in New York. His graduate degree in international affairs and language studies prepared him for his career in diplomacy where, at the State Department, he has received four Superior Honor awards for exceptional service. The post New US Ambassador to Somalia Sees Path to Peace, Prosperity appeared first on Shabelle. View the full article
  3. At the invitation of His Excellency Yoweri Kaguta Museveni, President of the Republic of Uganda, His Excellency Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo, President of the Federal Republic of Somalia paid a one-day official visit to the Republic of Uganda on 24th November 2018. His Excellency President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo was received at State House, Entebbe by his host His Excellency President Yoweri Kaguta Museveni. 2. In a cordial and friendly atmosphere, the two Heads of State held Official talks at State House Entebbe, on a wide range of bilateral, regional and international issues. 3. Their Excellencies noted with satisfaction the existing bonds of friendship and mutually beneficial cooperation between the two countries, which they committed to strengthening. In this regard, they reviewed the areas of cooperation particularly in the sectors of Peace and Security, Education, Trade, and Investment. 4. His Excellency President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo briefed His Excellency President Yoweri Kaguta Museveni on the situation in Somalia. He mentioned that the security situation has tremendously improved notwithstanding, the Alshabab operations in the South, despite sporadic local conflicts, the negative propaganda and other spoilers of peace. 5. He commended the transition cooperation in Defence and the support extended by AMISOM in the transitional process. He noted the positive progress made with Ethiopia and Eritrea through the signing of the Tripartite Agreement. He alluded to the cooperation as a timely initiative that will facilitate the resolving of political differences and end conflict in the region as well as boost the economies of the three countries particularly Somalia, given her strategic location. 6. His Excellency President Museveni commended His Excellency President Farmajo and Their Excellencies, President Isaias Afwerki of the State of Eritrea and, His Excellency Prime Minister Abiy Ahmed of the Federal Democratic Republic of Ethiopia for the timely conclusion of the Tripartite Pact in September 2018; noting that this was a step in the right direction in ensuring peace, stability and prosperity of the region. 7. His Excellency President Yoweri Kaguta Museveni expressed his profound gratitude to His Excellency President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo for honouring his invitation and for the fruitful discussions held. He invited the Somali delegation to a luncheon and encouraged them to enjoy the beauty of Uganda before their departure. 8. His Excellency President Mohamed Abdullahi Mohamed Farmajo on his part, expressed profound gratitude and appreciation to His Excellency President Yoweri Kaguta Museveni, the Government and People of the Republic of Uganda for the warm reception and hospitality accorded to him and his delegation during the visit. The post Somali president meets with his Ugandan counterpart in Kampala appeared first on Shabelle. View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Xildhibaanada golaha wakiilada ayaa la filayaa in markii 5aad loo sameeyo muddo kordhin muddo xileedkooda ah, ka dib markii sida muuqata aanay doorahada baarlamaanka iyo deegaanku wakhtigooda ku qabsoomayn. Golaha wakiilada oo la doortay bishii September ee sannadkii 2005, ayaa sharciyan waxay ahayd inay kuraasta golaha wakiilada ku fadhiyaan shan sannadood oo ku beegnayd sannadkii 2010, laakiin waxa loo sameeyay afar goor oo muddo kordhin ah. Doorashada baarlamaanka oo la qorsheeyay inay qabsoonto bisha March ee kal dambe ayaa u muuqata inaanay ku qabsoomayn wakhtiga loogu tallo galay, iyadoo ay sabab u yihiin duruufo kala duwan oo caqabad ku noqday qabsoomida doorashadaas. Waxaana la filayaa in dhawaan golaha wakiilada loo kordhiyo markii shanaad. Wakhtiyadii kala duwanaa ee golaha wakiilada loo sameeyay muddo kordhinta, ayaa waxa ay kala yihiin sidan: Waxa loo kordhiyay laba sannadood oo ka bilaabantay 30/10/2010, kuna beegnayd 30/6/2013 Waxa loo kordhiyay laba sannadood bil iyo 27 maalmood oo ku beegnayd 2/27/2015 Mar saddexaad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo kaga eekayd 27/10/2017 Markii afraad waxa loo kordhiyay laba sannadood oo iyaduna kaga beegan 28/4/2019 Dhawaana waxa la filayaa in loo kordhiyo markii shanaad. Si kastaba ha ahaate, halkii ay sharciyan ka ahayd inay xildhibaanada golaha wakiiladu kuraasta fadhiyaan 5 sannadood oo ku beegnayd sannadkii 2010 waxay u muuqataa inay ku gaadhayaan sannadka 2020. Source
  5. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa ka hadlay socdaalka Madaxweynaha ee Gobolada Barri, wada hadalada Somaliya ee uu Madaxweynuhu joojiyey, qaabka uu Faysal Cali Waraabe uga hadlay iyo is bedelada Siyaasadeed ee Geeska. Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamur), oo ka mid ah hogaanka sare ee Xisbiga Waddani, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Komishanka Doorashooyinka u soo jeediyey inay is casilaan, waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka jawaabaya joojinta wada hadalada Somaliya iyo qaabka uu Faysal Cali Waraabe uga hadlay “Wadanku wuxuu Wadan ku yahay ilaalinta qawaaniinta iyo sharciga u yaala, in la ilaaliyo mucaarad iyo muxaafidba, qof caadiya iyo qof siyasiyaaba, ama qof madax ahba, in si isku mid ah Sharciga loo ilaaliyo ayaa Wadanku Wadan ku noqonayaa,laakiin Sharcigii loogu ogolaaday in Xukuumaddu la hadasho Somaliya, waa Sharci soo maray Golayaasha, oo la weydiiyey Golayaasha in Xukuumadda loo ogolaado inay iyadu wada hadal la furi karto Somaliya, iyada oo halkaas danaha dalka ka dhawaraysa, waxyaabaha ay sheegtay darteed ayaa Golayaashii Sharcidejintu ayey ka ogolaadeen in Xukuumaddu la hadli karto Somaliya, in Somaliland Somaliya la hadashana waxa micnaheedu yahay inay Xukuumaddu masuul ka tahay la hadalka Somaliya, oo cid kale oo ka masuul ahi aanu jirin, markaas iyada ayaa xaq u leh inay wada hadalka furto ama xidho, marka sharciga la eegayana, Xisbiyada qaranka iyo Golayaasha waxaa saaran xisaabin iyo ka war hayn, oo ah qaranimadii ma waxbaa loo dhimay, mise waxba lagu kordhiyey, markaas kadib ayaa laga keeni karaa dood ah in la joojiyo wada hadalka oo la xidho, haddii loo arko inay Somaliland, dhib ku tahay, waa haddii ay Xukuumaddu tidhaahdo waanu sii wadaynaa, haddii ay si fiican u wadana waxa la odhan karaa sidaas u sii wad, markaas wada hadalka Somaliya ee ay Xukuumaddu tidhi waanu joojinay, waxaan u arkaa inay iyadu xaq u leedahay, madaama Dawladda Farmaajo ay Somaliland ula dhaqmayaan sidii Maamul Goboleed oo kale, in Xukuumaddu joojiso, oo ay halkeedii hore u caliso, iyada ayaa xaq u leh, wax dhib ah oo ku jiraana ma jirto”. Mar aanu wax ka weydiinay is bedelada Siyaasadeed ee ka socda Geeska, is bedelka Xidhiidhka Somaliland iyo Itoobiya ayaa yidhi “Arrimaha Itoobiya wey soo fara badanayaan, warar xogogaal ah oo aanu helanayna waxay sheegayaan in Safiirka Itoobiya ee Somaliland, in aan la eriyin, ee ay Muqdisho sameeysay, Muqdishana dayaacado fara badana wey inagu wadaa, arrimo Siyaasadeed oo inaga dhan ahna wey inagu wadaa, Somaliland iyo itoobiyana waxaa ka dhexeeya xidhiidh fiican, oo dhinacyo badan leh, Dhaqaale, Amni iyo Dhulbaa inaga dhexeeya, markaas haddii ay u gacan haadiyaan, Farmaajo oo wax ka khuseeya Somaliland aanay jirin, Siyaasad xumo tii ugu weynayd ee ay Itoobiya ciyaarto ayey noqonaysaa, cidda u dhitanaysaana iyada weeye, Qarankani mid dhaw iyo mid fogba, midna ka gaban maayo, marka ay noqoto sharaftiisa, iyo jiritaankiisa oo la isku dayo in wax loo dhimo, Axmed Abay, waa nin cusub, Siyaasada noocaasna waanu uga digaynaa, isagana waxaa dhibaato ugu filan, dal dhibaataysan, oo balaadhan, oo kala go go’an, oo dadku kala qoomiyadu yihiin, ayaa gacanta loo galiyey, inuu tiisa guddaha uu hagaajiyo ayey dantu ugu jirtaa, arrimaha imika socda, ee ah isku taga Elatariya, Itoobiya iyo Somaliya, danahooda dhaqaale, iyo siyaasadeed iyaguu khuseeya, laakiin arinta aanu uga digaynaa waxaa weeye in aanay marnaba xisaabta ku darsan wax Somaliland khuseeya, anagu Xisbi ahaan waxaanu leenahay wax la aqbali karo ama wax la yeeli karo maaha in qaranimada Somaliland waxyeeladeeda lagu dheerado, sida aanu haddaba ka maqalayno Warbaahinta, inta aan arintaas la soo gaadhina waxaan soo jeedinayaa in difaac adag la xidho wax kasta oo waxyeelo ku ah Somaliland, isku day kasta oo loo maleegayo Somaliland aynu ka hor tagno” Mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko Safarka Madaxweynaha ee Gobolada Barri ayaa ku jawaabay “Safarka Madaxweynuhu wuxuu muujinayaa in dadka reer Somaliland yihiin dad aad u wanaagsan, wuxuu muujinayaa safarka Madaxweynuhu in dadka reer Somaliland yihiin dad jecel madaxdooda, iyo qarankooda, Madaxweynuhu soo daweeyan xoogan ayuu kala kulmay meeluhu islahaa aad lagaagama soo dhaweeynayo, taasina waa bilsayl ay dadka reer Somaliland leeyihiin, waana u amaanaynaa in dadka reer Somaliland ka midaysan yihiin waxyaabaha guud ee qaranka, iyada oo qaranimadeenii khatar ku jirto, maaha in buuq fara badan iyo kala daadsanaan guddaheena ah la dareemo, qaranimadeena guud ee dalka waa inaynu adkaynaa, khatar kasta oo inagu soo waajahana waa inaynu ka hor tagna, iyada oo qabsoomidii Doorashadu diyaar inaga tahay inuu Madaxweynuhu safar galaa wey ka sii wanaagsanaan lahayd, laakiin candhaba waa xubin, ee mar haddii uu maataba tagay, ee waxaanu kula dardaarmaynaa in halkay Ciidamadu joogaan iyo Xuduudaha Barriga, Tukaraq, Badhan iyo Laas-qorayba inuu wada gaadho, oo uu u hoydo, oo uu joogo, oo muwaadiniinta halkaas jooga inuu dhegaysto baahidooda, oo uu la sheegaysto, oo uu balan cad u soo qaado wuxuu qabanayo, waxaa la yidhi haani gunta ayey ka tolantaa, oo marka aad badhida ku fadhido ayaad wax qabsan kartaa, ee Beelaha darafyadu waa inay si dhab ah Somalilad raali uga noqdaan, waxayna raali uga noqonayaan in heshiisyadoodii hore la fuliyo, baahidoodana la dhegaysto, horumarkia iyo dawladnimadana la gaadhsiiyo, taasina waa waajib qaran, oo Madaxweynaha looga fadhiyo”. Mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Sidii aanu horeba u sheegaynay Doorashadu dib bay u dhacaysaa, sababtuna waa Komishanka, maxaa yeelay khilaafka Komishanku wuxuu keenay in Doorashadu dib u dhacdo, Xisbi ahaana waxaanu qabnaa in Komishanka la kala diro, waana soo jeedinay kala dirkiisa, in badana waanu ku cek-celinay, Xisbi ahaana Komishankani inta uu joogo Doorasho gali mayno, mana dhacayso, maxaa yeelay Komishankan laguma kalsoonaan karo, Garsoor dhex ah oo daacad ahna maaha, Todobada xubnood ee Komishanka sharaftoodu waxay ku jirtaa inay is casilaan, si loo dhaqaajiyo hawlaha Doorashooyinka, balse haddii ay is casili waayeen, waa u sharaf daro, Doorashooyina dhici mayaana, waxayna ku calaamad sanaan doonaan Komishankii Doorashooyinka dib u riday” Source
  6. (SLT-Hargeysa)-Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa mar kale ka dayriyay Hogaaminta Madaxweyne Muuse Biixi dalka ku hagayo, waxa uu wal wal wayn ka muujiyay oo uu sheegay inay ka cabsi qabaan inay Somaliland ku dul burburto Madaxweyne Muuse Biixi oo uu gaadhsiin waayo doorashada dambe marka loo eego buu yidhi sida uu wax u wado. Gudoomiye Faysal Cali Waraabe ayaa sidan ka sheegay maruu warbaahinta Doraad kula hadlay Magaalada Hargeysa,waxaana uu sheegay in Xisbiyadda Mucaaridka ah ee UCID iyo WADDANI ay hadda diyaar u yihiin inay gorgortan Siyaasadeed la galaan Madaxweynaha iyagoo ka shidaal qaadanaya xaaladda dalku kujiro, islamarkaana ay ogol yihiin inay qaataan oo ay soo dhaweeyaan waxa ay go’aamiyaan Saddex masuul oo uu sheegay inay Madaxweyne ku xigeeno kasoo noqdeen Somaliland kuwaasi oo ay ergo ahaan ugu direen Madaxweyne Muuse si xal loogu helo ismarin waaga ka dhex aloosan Madaxweyne Muuse iyo Xisbiyadda siyaasadda ee Mucaaridka ah, taasi oo salka ku haysa qodobo door ah oo ay fulintiisa isku khilaafeen kuwaasi oo ay ka mid tahay in Xubnaha Gudida Doorashooyinka la kala diro oo kuwa Cusub la sameeyo ama Laba Xubnood oo kale oo Cusub Xisbiyadda Mucaaridka loogu daro. Eng Faysal ayaa waxa hadaladiisii ka mid ahaa“Anagu haddii aanu isleenahay sidii tii Siilaanyo Nafta waad ku gaadhaysaan illaa doorashadda soo socota ha iska buluq buluqleeyee, Finland-baan iska tagi lahaa oo waan iska soo Nasan lahaa, ee waxani inay wada go’aan ayaan ka yaabayaa,oo waxaanu isleenahay Nafta ku gaadhi maysaan sida uu imika wax u wado illaa doorashada soo socota, iyo inay isaga Somaliland israacaan oo ay burburaan, markaa haddana waxaanu u dirnay saddexdii Madaxweyne Ku xigeen, haddana waxaan idiinku bishaaraynayaa saw WADDANI-gaa ma arkaysid, anigu waxaan diyaar u ahay inaan WADDANI ka keeno Xal (Comprise), Waxay nimankaasi “Saddexdaa Madaxweyne ku Xigeen” noo keenaan waanu soo dhawaynaynaa, oo Doorashada uuni inoo dhacdo,Nafteenii weeyaan taasi, taasi ayaan idiinku balan qaadayaan insha ALLAH”. Ayuu hadalkiisa ku soo koobay Gudoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Yidhi. Source
  7. (SLT-Laascaanood)-Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo maalmahan safar ku marayay gobolada Bariga Somaliland ayaa xalay waxa uu seexday magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa la sheegay in uu kulamo la qaatay Waxgaradka iyo Madax-dhaqameedka magaalada Laascaanood. Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa uu noqonayaa Madaxweynihii labaad ee u hoyda magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, taasi oo uu uga horreeyay Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. Waxa shalay magaalada Laascaanood ka dhacay dibad-baxyo lagaga soo horjeedo imaanshiyaha Madaxweynaha walow si weyn madaxweynaha loogu soo dhaweeyay magaalada Laascaanood. Wararka naga soo gaadhaya magaalada Laascaanood ayaa waxa ay sheegayaan in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu saaka subixii hore ka jarmaaday magaalada Laascaanood isaga oo kuna sii jeedo gobolka Sanaag waxaana wararku intaa ku darayaan in uu maanta bookhanayo Degmada Gar-adag iyo Ceel-afweyn Halkan kala soco wixii ka soo kordha safarka Madaxweynaha Source
  8. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaan Maxamed Cumar Dalxa oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa sheegay in warbixintii ka soo baxday guddiga Maaliyada Baarlamaanka Soomaaliya ay aheyd mid siyaasadeysan. Xildhibaan Dalxa oo u warramayay Shabelle ayaa carabka ku dhuftay arrintani ay ka dhalan karto in Soomaaliya uu Adduunka markale ka niya jabo. Waxaana hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in isla xisaabtan dhab ah uu dhexmaro Xukuumadda iyo Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Dalxa-.mp3 The post Dalxa Oo ka hadlay warbixintii guddiga Maaliyadda Ee BFS appeared first on Shabelle. View the full article
  9. Muqdisho (Caasimada Online)-Saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa shaaciyay in deegaanada Hirshabeelle dhawaan laga bilaabayo duqeyn joogto ah oo lala eeganayo saldhigyada Al Shabaab ku leeyihiin Hirshabeelle. Taliyaha qeybta 27-aad ee ciidanka Meletariga Maxamuud Maxamed Koronto, ayaa shaaciyay in iyaga oo kaashanaya diyaaradaha aan duuliyaha laheyn, inay duqeymo ka geysan doonaan deegaanada Al Shabaab ka joogaan Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan. Dagaalada ka dhanka ah Al Shabaab ayuu sheegay inay ka socdaan deegaanada Hiiraan gaar ahaan degmada Maxaas halkaa oo ciidamada dowladda ay kula dagaalamayaan Al Shabaab. Arinta ayaa imaanaysa iyadoo saraakiil, xildhibaano iyo ciidamo Al Shabaab ay ku dileen deegaanada Hirshabeelle, waxaana dhimashada ugu badan ay ka dhacday inta u dhaxeyso Jowhar iyo Balcad. Waxaa uu sheegay in iyaga oo taageero dhinaca cirka ah ka helaya Mareykanka ay duqeyn iyo dagaal ku billaabi doonaan AL-shabaab. Deegaanada Galmudug ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay waxaa ka dhacayay duqeyn ka dhan ah Al Shabaab, waxaana saraakiisha Hirshabeelle ay sheegeen in sidaasi oo kale Al Shabaab ugu beegsan doonaan Shabeelaha Dhexe iyo Hiiraan. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  10. Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo hadda xarun KMG ah maamulka Koonfur Galbeed waxaa maanta oo sabti ah ka biloowday diiwaangalinta musharixiinta u taagan qabashada xilka madaxtinimo maamulkaas Guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed ayaa diiwaangalinaya Musharixiinta doonaya in u tartamaan xilka madaxtinimo ee maamulkaasi. Guddiga ayaa sidoo kale siinaya shahaada loogu ogolaanayo in ay isku soo taagaan jagada madaxtinimo ee maamulka koonfur Galbeed. Musharax kasta oo ka mid ah musharixiinta u loo lamaya in uu noqdo madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa laga doonayaa in uu bixiyo qiimo lacageed oo gaareysa 20,000 oo Dollarka Mareykanka ah. Doorashada Koonfur Galbeed ayaa dhaceysa 28-Ka November ee sanadkaan aan ku jirno 2018-ka oo ku beegan Arbacada soo socoto haddii alle idmo. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post The post Diiwaangalinta Musharixiinta Koonfur Galbeed oo Baydhabo ka bilaabatay appeared first on Puntland Post.
  11. (SLT-Paris)-Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa waxa uu cambaareeyay dibadbaxyada qalalaasaha wata ee dabayaaqada todobaadkii labaad ka dhacaya guud ahaan waddankakaasi. Dibadbaxayaasha ayaa waxa ay ka soo horjeedaan kharashka lagu kordhiyay canshuurta laga qaado shidaalka. Madaxweyne Emmanuel Macron ayaa meesha ka saaray dalabka dadkii dhigayay dibdabaxa, kuwaa oo ka cabanayay qiimaha shidaalka oo sare u kacay. Waxaa uu na yiri ceeb dushiina ha ahaato, dhammaan kuwii weeraray ciidammada booliska, shacabkii kale iyo weriyeyaasha. Waxaa kale oo uu yiri qalalaase meelena ugama banaana dalka Faransiiska. Madaxweynaha ayaa sidoo kale ku bogaadiyay laamaha ammaanka kartidooda iyo qaabkii wanaagsanaa ee ay u guteen waajibaadkooda. In ka badan 100,000 oo qof ayaa ka qeyb qaatay dibadbaxyadan looga soo horjeedo kororoka qiimaha shidaalka oo shalay ka dhacay magaalada Paris. Afhayeen u hadlay dibadbaxayaasha ayaa ku adkaystay in si nabad ah ay ra’yigooda ku soo bandhigayeen. “Halkan uma joogno inaan booliska kula dirirno, waxaan doonaynaa oo kaliya in dowladdu ay ina dhageysato,” Saraakiisha ayaa sheegaya in 19 qof ay iskudhacyada ku dhaawacmeen, kuwaas oo ay ka mid yihiin afar askari oo boolis ah. Afartan qof ayaa xabsiga loo taxaabay. Warbaahinta qaranka Faransiiska ayaa waa ay ku warrantay in dhowr weriye lagu weerraray magaalooyinka koonfurta ku yaal ee Toulouse iyo Béziers. Wasiirka arrimaha gudaha Christophe Castaner ayaa waxa uu dibadbaxayaasha ku eedeeyay in dabada ay ka riixaysay hogaamiyaha xisbiga midig fog Marine Le Pen. Hasayeeshee dhankeeda farriin ay soo dhigtay barta Twitter-ka ayaa waxa ay wasiirka ku eedaysay inuusan daacad ahayn. Qiimaha naaftada, taas oo ah shidaalka ugu badan ee ay isticmaalaan gawaarida dalkaasi Faransiiska ayaa 12-kii bilood ee la soo dhaafay waxa uu sare u kacay ku dhawaad 23%. Source
  12. Rabat ( Sh. M. Network )-Sida ay sheegeen saraakiil ka tirsan Milatariga dalka Morocco Meydadka illaa 15 ka mid ah Muhaajiriin Afrikaan ah ayaa laga soo saaray Xeebaha Badda Mediterranean-ka ee u dhexeysa dalalka Spain iyo Morocco, kadib markii Doontii ay saarnaayeen ay Badda kula Qalibantay. Sidoo kale, saraakiisha dowladda Morocco ayaa sheegay in 53 ka mid ah Muhaarijiintaasi ay nolol ku soo badbaadiyeen, kuwaas oo ay ku jiraan 8 Haween ah, islamarkaana ay geeyeen Dekedda Nador ee dalkaasi. Doontani ayaa la sheegay in ay ka baxday Xeebaha Morocco, islamarkaana ay ku sii jeeday dalka Spain oo xuduud dhanka Biyaha ay wadaagaan dalkaasi. Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabislan dhanka socdaalka ee IMO ayaa sheegtay in in ka badan 50,000 oo Muhaajiiien Afrikaan ah ay sanadkni gudaha ugaleen dalka Spain, halka 630 kalen ay Badda ku dhinteen. Inta badan Tahriibayaashani ayaa ka cararaya cadaadisyada, colaadaha ka jira Qaaradda Africa, iyagoo doorbidaya in ay Yurub ka raadiyaan nolol dhaanta tan dalalkooda. The post Muhaajiriin badan Oo laga soo badbaadiyay xeebaha Morocco appeared first on Shabelle. View the full article
  13. (SLT-Uganda)-Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Uganda Yoweri Museveni ayaa shalay ku kulmay qasriga Madaxtooyada Entebbe. Kulanka labada Madaxweyne ayaa laga soo saaray war murtiyeed ka kooban illaa sideed qodob, waxaana ka mid ahaa:- 1. Madaxweynaha Soomaaliya Mudane, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo iyo wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta (Shalay) booqasho ku tagay dalka Uganda,waxaana si weyn Madaxtooyada Uganda ee Entebbe ugu soo dhoweeyay dhiggiisa Yoweri Kaguta Museveni. 2.Soo dhoweyn diiran ka dib,labada madaxweyne waxay wadahadal rasmi ah ku qaateen Aqalka Madaxtooyada Entebbe, oo ay uga wada hadleen arrimo badan oo quseeya labada dal, gobolka iyo waliba guud ahaan arrimaha caalamka. 3.Madaxweynayaasha waxay xuseen in ay ku qanacsan yihiin saaxiibtinimada joogtada ah iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, kuwaasoo ay ballanqaadeen inay xoojiyaan,waxayna arrimaha kale ee diirada ay saareen labada madaxweyne ka mid ah arrimaha iskaashiga gaar ahaan qeybaha NabadA iyo Amniga, Waxbarashada, Ganacsiga, iyo Maalgashiga. 4.Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa warbixin kooban siiyay Madaxweynaha Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni. Wuxuu xusay in xaaladda nabad galyo ee Soomaaliya ay si weyn u soo hagaagtay,islamarkaana la wiiqay awoodii Alshabab ee Koonfurta. 5.Wuxuu ammaanay iskaashiga ku-meel-gaadhka ah ee Difaaca iyo taageerada ay AMISOM ku kordhisay geeddi-socodka ku-meelgaarka ah. Waxa uu sheegay in horumarka wanaagsan laga gaaray arrimaha Itoobiya iyo Eritariga, iyada oo loo marayo saxiixidda Heshiiska saddex-geesoodka ahaa. Wuxuu ku nuuxnuuxsaday wadashaqayntu iney fududeyneyso xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo joojinta Khilaafka gobolka iyo sidoo kale kor u qaadidda dhaqaalaha saddexda wadan, gaar ahaan Soomaaliya, iyada oo la siinayo goob istaraatiijiga ah. 6.Madaxweyne Museveni ayaa ammaanay Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee September 2018 ay wada gaadheen madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo,madaxweynaha Eriteria Isaias Afwerki iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed,isagoona xusay in arrintan ay ahayd tallaabo loo qaaday jihada saxda ah ee hubinta nabadda, xasiloonida iyo barwaaqada gobolka. 7.Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni ayaa wafdiga madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ujeediyay mahad celin ballaaran martiqaad sharafeedka uu u sameeyay iyo mira dhalka wada xaajoodka ay yeesheen, wuxuuna ku boorriyay Wafdiga Soomaalida inay ku raaxeystaan quruxda Uganda ka hor intaanay tegin. 8.Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa dhankiisa muujiyay mahad celin iyo qadarinta uu u hayo madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni,Dowladda iyo Shacabka Jamhuuriyadda Uganda ee ku aadan soo dhoweynta diiran ee loo soo sameeyay isaga iyo wafdigiisa. Source
  14. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddiga cusub ee doorashada Koofur Galbeed ayaa maanta bilaabaya diiwaan gelinta musharixiinta Koofur Galbeed ee u tartamaya xilka madaxweynaha. Waxaa saacadihii ugu dambeeyay magaalada Baydhabo ka socday kulamo kala duwan oo ay yeelanayeen xubnaha guddiga cusub ee doorashada, iyaga oo kaga hadlayay cadaadiska saaran iyo diiwaan gelinta musharixiinta. Waxaa soo baxaya in maanta qorshaha uu yahay inay bilaabaan diiwaan gelinta xubnaha guddiga doorashada Koofur Galbeed, iyadoo aysan wali shaacin go’aanka ay ka qaadan doonaan seddex musharax oo la doonayay inay doorashada ka reebaan. Xubnaha Guddiga ayaa Caasimadda Online u sheegay inay iska diideen dalabka ah inay xubno gaar ahaaneed ka reebaan doorashada Koofur Galbeed, ayna u wada siman yihiin musharixiinta tartameysa. Xubnaha la doonayo in guddiga ka reebaan doorashada Koofur Galbeed ayaa waxaa kamid ah Mukhtaar Roobow Mansuur, Aadan Saransoor iyo taliyihii hore ee Hay’adda Nabad Sugidda Qaranka. Shanta bisha soo socoto ee December ayaa qorshaha uu yahay in doorashada madaxweynaha ay a dhacdo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, iyadoo wali laga digayo dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  15. Bosaso[Puntland Post]-Musharax Siciid Cabdullaahi Deni oo u taagan xilka Madaxweynaha Dawladda Puntland doorashada 8 Janaayo 2019, kana mid ah musharaxiinta ugu cad-cad ayaa hadal dheer ka jeediyey kulanka Deni iyo Dadweynaha Boosaaso oo ay ka soo qeybgaleen haldoorka iyo Shacabka Magaalada Boosaaso, Musharaxa ayaa ka hadlay marxaladaha ay maanta kusugan tahay Puntland-ta 20 sanno jirsatay. Dhammaan Mas’uuliyiinta ka hadlay kulanka ayaa sheegay in ay ku kalsoonyihiin Hoggaaminta Musharax Siciid Deni oo wax badan u qabtay Shacabka Puntland xilli ay adkeyd in qof walbo ka soo baxo kaalintiisa, halka qaar kamid ah dadka u ordaya Hoggaaminta Puntland ay ahaayeen kuwa naftooda iyo maalkoodaba kala cararay dalka waqtigii adkaa. Musharax Siciid Deni ayaa soo qaaday dil-dilaaca loo geystay midnimada Puntland, wuxuuna canbaareeyey booqashada Hoggaamiyaha Somaliland Muuse Biixi ku yimi gobalka Sool oo kamid ah dhulka Puntland ee la haysto “Waxyaabaha foolxumada ku ah Puntland waxaa kamid ah in Muuse Biixi oo calan cas ah oo SNM ah uu maalin walba kusoo ordayo deegaano aysan dadkiisu degan xukumin-na, waana uga digaynaa arrintaas, Hadaad SNM ahayd, halkaan SSDF, USP rag ah ayaa jooga ninkii wanaag diida dadkaan jawaab adag ayay ka bixinayaan, Midnimada Puntland waa mid dastuuri ah, cidna si gaar ah cid kale heshiis ulama gali karto” Musharax Deni ayaa sheegay in Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday uu hanaanka dawladnimada ka leexiyey Wadadii ay ku socotay “Dawlad nimada aan dooneyno waa Dowladnimadii aan ku heshiinay,cidii ka weecisay wadadii ay laheyd waa lala xisaabtamayaa, Madaxweyne Gaas Wadadii ay Puntland ku socotay waa uu ka leexiyey Magaalooyinka waa weynaa Cabsi ayaa lala joogi la’yahay”.. Musharaxu wuxuu sheegay in Xukuumadda Gaas ay ku fashilantay sugida Amniga gudaha iyo kan difaaca, magaalooyinka Gaalkacyo, Boosaaso ay dadweynihii oo dhan cabsanayaan, sidaas oo kale wuxuu nasiib darro musharaxu ku sifeeyey in caasumadii Puntland oo ah muraayadda Puntland loo soo raro waxa loogu yeeray Xasilinta caasumadda oo Muqdisho lagu yaqaanay, meelna looga dhacayo sharafta Puntland. Musharaxa ayaa ku dhaliilay Cabdiweli Gaas in uu ku fashilmay Mashaariicda Horumarinta Puntland “Hal mashruuc oo taabo galay oo laga hirgaliyey ma jiro Puntland, Airporada Garoowe iyo Boosaaso diyaar bay ahaayeen waa lagu wareejiyey uun, inta uu Madaxweyne Gaas talada hayey 5-tii Sano ee dhamaatay, waxaa nasiib daro ah Mashruucii qiimaha badnaa ee lagu dhisi laha Wadada Garoowe iyo Gaalkacyo in uu fashilmay lana Og-yahay wixii ka dhacay, Maanta ma mudno in Puntland lagu sii hogaamiyo wadadii ay soo martay”…. Musharax Deni ayaa ugu baaqay Isimadda Puntland in ay maanta taladdu la taalo oo ay gacanta ku hayaan masiirka Ummadda, loogana baahan yahay in ay xooga saaraan sidii loogu xuli lahaa Xildhibaano Mas’uliyad qaadi kara, oo xaaladda si dhaw ula socdo, kana badbaadiya Puntland marxaladaha ay kusugan tahay. Musharax Siciid Deni ayaa sheegay in xilligaan la joogo waqtigii Isbadalka “Puntland Isbadal dhab ah ayay u baahantahay, Ma’ahan meel loo soo shaqo tago, waa meel loo shaqeeyo, Midnimada Puntland waa lama taabtaan cidna gorgortan kama gali karto, lamana kala qeybin karro Shacabka Puntland wada dhistay”……. Musharax Madaxweyne Siciid Deni ayaa soo dhaweeyey Dhismaha Dekada Garad oo sheegay in ay u istaageen Dhismaheeda Shacabka Puntland,Xukuumadda hada jirtana aysan wax gacan ah ka geysan,waxa uuna ballan qaaday in Mashaariic taaba gala in ay Puntland ka hirgalin doono haddii uu guuleysto. Musharax Siciid Deni ayaa Sheegay in dhalinyaradda loo sameyn doono Siyaasad cad oo lagu yareenayo Shaqo la’aanta “Dhalinyarada Puntland Dalxiis wey u aadi karaan Gobolada Dalka, Laakiin Rajo xumo iyo niyad beel in ay Puntland ugu tagaan ma dhici doonto,waxaa sameyn doonaa Siyaasad cad oo lagu hagayo dhalinyaradda oo xoogga lagu saari doonaa baahiyaha ay qabaan” Musharax Siciid Deni ayaa ka mahadceliyey soo dhaweynta iyo Taageerada ay u muujiyeen Shacabka Magaalada Bosaso oo ku tilmaamay in ay yihiin dad diyaar u ah Dowladnimo iyo Nidaam ka hirgala mandiqada Puntland. Cabdiqani Boos Puntland Post-Bosaso The post Musharax Siciid Deni “Puntland Isbadal dhab ah ayay u baahan-tahay appeared first on Puntland Post.
  16. (SLT-Switzerland)-Codbixiyayaasha dalka Switzerland ayaa maanta u dareeraya goobaha codibixinta, si ay go’aan uga gaaraan in dib loo qoro iyo inkale dastuurkooda si shuruucda maxalliga ah mudnaanta looga siiyo kuwa caalamiga ah iyo heshiisyada ay dowladdu gasho. Taageerayaasha codbixintan ayaa sheegaya in arrintan ay dimuqraadiyaddii tooska aheyd ee Switzerland dib ugu soo celin doonto booskeedii saxda aheyd, taas oo ah codbixiyayaasha ay yeeshaan codka ugu dambeeya ee siyaasadaha dalka loo dajinayo. Kooxaha ka soo horjeeda hindisahan oo ay dowladdu ka mid tahay waxa ay ka digayaan in taasi ay horseedi karto in Switzerland ay faraha ka laabato waajibaadkeedii caalamiga ahaa ee ku aadanaa heerka xuquuqda aadanaha iyo weliba heshiisyada ganacsi. Hindisahan wax looga bedelayo dastuurka dalkaasi ayaa waxaa dabada ka riixaya xisbi u janjeera dhanka midig, xiriir na la leh doorashooyin horay uga dhacay dalkaasi oo lagu meel mariyay arrimo ay kamid yihiin in la yareeyo qulqulka muhaajiriinta iyo in la tarxiilo dadka ajnabiga ah ee dembiyada ka geysta dalka Switzerland. Xisbiga people’s party ee wadankaasi ayaa waxaa uu sheeegay in waxyabahaasi oo dhan ay daaqadda ka tureen xildhibanaada barlamaanka ee dalkaasi, si loogu hogaansamo shuruucda caalamiga ah oo ay kamid yihiin xuquuqda aadanaha iyo isu socodka xorta. Dadka qunyar socodka ee dalka Switzerland ayaa caqabad kala kulmayay hey’ado caalami ah oo ay kamid tahay midowga Yurub oo aysan kamid aheyn iyo Qaramada Midoobay oo ay ku biireen sannadii 2002-dii. Hasayeshee dowladda dalkaasi iyo hogaamiyeyaasha ganacsatada waxaa ay sheegayaan in hindisahan uu yahay mid aad loogu fogaaday, waxaana ay ka digeen in la meel mariyo. Xukuumadda dalkaasi ayaa sidoo kale sheegtay in hadii la meel mariyo qorshahan wax lagaga bedelayo dastuurka Switzerland uu caqabad horleh ku keeni doono kalsoonida lagu qabo dalkaasi iyo inay waxyeeleyn doonto xuquuqda aadanaha, taasi oo horseedi doonta ayay yirahdeen in la takooro dalka Switzerland siyaasad iyo dhaqaale ahaan ba. Source
  17. Xog Muhiima:Qorshe ay ku kulmayaan madaxweyne Farmaajo iyo Muuse Biixi oo socda Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaalida danjire Nicholas Haysom, ayaa la sheegay inuu ka shaqaynayo sidii ay kulan fool-ka-fool ah u yeelan lahaayeen madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdillaahi Farmaajo. Ma jiro wax war ah oo ay Hargeysa iyo Muqdisho ka soo saareen warkan, laakiin sida ay Waraabhinta u sheegeen ilo xogogaal ahi, ergaygan oo dhawaan xilka kala wareegay ergaygii hore ayaa kulamo kala duwan oo uu la yeeshay Biixi iyo Farmaajo, waxa la sheegay inuu u soo bandhigay doonistiisa ah inay yeeshaan kulan toos ah si dib loogu bilaabo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee hakadka ku yimid. Laakiin lama garan karo inuu weli labada madaxweyne ku qanciyay qorshihiisa ah inay kulmaan. Sida ay xogahani sheegeen danjire Nicholas Haysom, oo ah diblomaasi khabiir ah, wuxuu doonayaa inta aanu sannadka dhammaanin inuu kulansiiyo Madaxweyne Biixi iyo Madaxweyne Farmaajo, waxaanay wararkani intaas ku darayaan inay suurtogal tahay in kulanka labada madaxweyne ka dhaco dalka Koonfur Afrika oo uu danjire Nicholas Haysom dhalasho ahaan ka soo jeedo, waase haddii ay Somaliland iyo Soomaaliya isla gartaan inay wada hadalo bilaabaan. Kulankan ayaa lagu sheegay inuu noqon doono mid loogu gogol xaadhi doono inay dib u bilaabmaan wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya ee istaagay bishii March ee sannadkan oo la filayay inay Biixi iyo Farmaajo ku kulmaan dalka Djibouti. Kulankaas Djibouti waxa hakiyay mawqifkii ay dawladda Soomaaliya ka qaadatay maalgashiga DP world ee dekedda Berbera. Lama saadaalin karo in kulanka uu ergayga Qaramada Midoobay dhexda u xidhay qabsoomi doono iyo inuu fashilmi doono sidii kulankii hore u qorshaysnaa. Madaxweyne Biixi ayaa toddobaadkan khudbad uu ka jeediyay magaalada Burco wuxuu meel adag iska taagay wada hadal u bilaabma Somaliland iyo Soomaaliya, laakiin hoggaamiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa ka horyimid go’aanka Madaxweyne Biixi, waxaanu sheegay inaanu Madaxweyne keligii xaq u lahayn inuu joojiyo wada hadalada Somaliland iyo Soomaaliya. Qaran News
  18. (SLT-Jigjiga)-Ugu yaraan afar qof oo ka tirsan shaqaalaha caafimaadka ee Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa ku dhintay shil ka dhacay waddada u dhaxeysa magaalooyinka Qabribayax iyo Jigjiga. Shaqaalaha oo ahaa saddex rag ah iyo hal dumar ah ayaa ka yimid Dagmada Guunagado oo ay ka wadeen baaritaan la xiriira Nafaqa darrada hooyooyinka iyo carruurta. Shilka ayaa dhacay kaddib markii ay hawshoodi shaqo soo guteen, waxaana durbaba lagu aasay xabaalaha buurta-Kaara-Mardha ee magaalada Jigjiga. Cabdisalaan Yuusuf Ibraahin oo ah madaxa baarista shilalka gobolka faafaan ayaa BBC-da u sheegay in shilka uu ka dhashay kaddib markii baabuurkii ay la socdeen shaqaalaha caafimaadka uu si xowli ah ku socday isla markaasna darawalkii baabuurka uu lumiyay kontroolka. Wuxuu intaasi ku daray in darawaliinta qaar aysan haysanin sharciga ay ku kaxeeyaan baaburta ee dowladda siiso qofka sida habsamida leh u bartay dhammaan shuruucda waddooyinka iyo kaxeynta baabuurta. Source
  19. Guud Ahaan Waxaa Jira Wadamo Magac Ahaan Is shabaha Oo Isu Dhawaq dhow’ Xaga Qoraalkana Qaarkood Aad isugu sii Eeg-yihiin’ xataa Dadka Aqoonta leh ee dawladahaas yaqaanaa ay Isku Khaldaan Badanaa Magacyada Wadamadaasi Tusaale: Madaxweyne D. j Trump Ayaa Mar Uu Ka hadlayay Dal kamida Wadamada Afrika yidhi Wadanka Nambia’ Maaha Dal- jira Nambia’ Ee waa Uu ku khaladmay Isagoo Kala saari waayey gambia zambia ama namibia U jeedkiisuna Ahaa Gambia inuu Sheego. 2011-kii Waxa Uu ahaa Sanadkii Ugu Khaladka badnaa dhanka Duulimaadyada Warbixino ay Soo saareen Shariikaadka duulimaadyadu Waxay sheegeen Inay 2200- Oo Dalxiisayaal ah’ Una kala dhashay Dalalka Canada Britain france , Ay Goosteen Tigidho Khaldan Dababdeedna Dalxiis Ay Ku tegi lahaayeen Wadamadan Ay iskaga Khaldmeen, Sida Niger , Zambia , Gambia , Nigeria . Waxaa jira sidoo kale Kumanaan Qof Oo Sanadkiiba Duulimaadyo Khaldan U raaca Wadamadaasi Isku magaca ah’ iyagoo ku Khaldama’ Dawladahaasi isku Magaca dhow Qaarkoodna Magaca-Ay wadaagaanba. 1- Ghana- Guyana- French Guiana. —Ghana Oo ku taal Galbeedka Qaarada Afrika, iyo Guyana Oo ku Taal koonfurta America iyo sidoo kale French Guiana oo ku taala waqooyiga Afrika. 2- Samoa- America Samoa. — Samoa iyo America Samoa oo ah’ Deegaan jasiiradeed ku yaala America . 3- Slovakia- Slovenia — slovakia oo ku Taal badhtamaha yurub iyo Dalka slovenia Oo kamida wadama Balkan’ska labada Dalba waxay xuduud la leehiyiin Dalka hungary 4- Australia – Austria. — Dalka Austria ee dhaca yurub iyo Dalka Australia ee dhaca Qaarada Australia 5- Guinea -Equatorial Guinea – papua new guinea. — Guinea oo ku yaal Galbeedka Afrika iyo equatorial guinea oo ku yaal badhtamaha Afrika iyo sidoo kale guinea bissau oo ku taal Galbeedka afrika Dhamaantood waxay ku yaalaan afrika Waxaanay Kala dhacaan galbeedka iyo badhtamaha afrika. halka papua new guinea Ay ku taal qaarada Australia, Hadaba Guud ahaantood Waa Wadamo Aad laysugu Khaldo. 6- Dominica – Dominican — dominica oo ku yaal Karibiyaanka “caribbean” dominican republic waana labo wadan oo jasiirado ah. 7- Uruguay – Paraguay. — Uruguay iyo paraguay waa labo wadan oo dhaca koofurta America. 8- Niger – Nigeria. — Niger iyo Dalka Nigeria Labada wadanba Waxay ku yaalaan afrika waxaana loogu magac daray webiga niger. 9- Romania – Armenia. — Romania Oo deris la ah’ hungary , Iyo Armenia Oo deris la ah’ Turkey . 10- Zambia -Gambia. — Zambia iyo Gambia Oo Africa Ku yaala. 11- Czech – Chechnya. — Czech Oo Ku Taal badhtamaha yurub, Iyo chechnya Oo Ka Tirsan Dhul-weynaha Russia . 12- American Virgin – British virgin. — American virgin iyo British virgin Oo Ah’ Laba Jasiiradood. 13- Mauritania – Mauritius. — Mauritania Oo Ku Taal waqooyiga afrika, Iyo Mauritius Oo ah’ jasiirad ku taal badweynta india . 14- Switzerland – Swaziland. — switzerland Oo Ku taal Yurub, iyo swaziland Oo ku taal, Africa. 15- Tajikistan – Uzbekistan- Kazakhstan- Turkmenistan- Kyrgyztan- pakistan- Afghanistan. — tajikistan , uzbekistan , kazakhstan , turkmenistan , kyrgyztan, dhamaantood waxay Ahaayeen wadamo ka tirsanaajirey midowgii soviet, halka afghanistan iyo pakistan ay yihiin wadomo Madax banaan Oo Gooni ah. 16- DRC-Congo- RC Congo. — DRC-Congo iyo RC-Congo Oo ku yaal Qaarada Africa. 17- Monaco- Morocco. — Monaco Oo ku taala Yurub iyo Morocco oo Ku taal Waqooyiga Afrika. 18- Taiwan- Thailand. — Taiwan Oo ku taal Bariga China 180-KM Keliya U jirta China, iyo Thailand oo ku taal koonfurta Qaarada Asia . 19- Iceland – Ireland. — Iceland Oo ah waqooyiha Yurub “ Nordic Island Nation” iyo Ireland oo Kamida Great Britain . 20- Iraq- Iran. — Iraq oo ku taal Waqooyiga Asia iyo Iran oo Ku Taala Bariga Dhexe. 21- Liberia – Libya. — Liberia iyo Libya oo ku yaala qaarada afrika. 22- Barbados – Barbuda. — Barbados oo ah “Country in the Caribbean” iyo Barbuda oo ah iyaduna Caribbeanka’ Ahna Jasiirada Labaad Ee Ugu Weyn “Nation Island Caribbean” 23- Grenada -Grenadines. — Grenada oo Dal Kamida Caribeanka iyo Grenadines,oo iyaduna Kamida Jasiiradaha Sil-siladaha ah’ ee Caribbeanka 24- Colombia- Cambodia. — Colombia Oo Ku taal Koonfurta Amrica iyo Cambodia oo ku taal koonfur bari Asia. 25- Bahamas- Bahrain. — Bahamas oo Ku taal Caribbeanka iyo Bahrain oo ku taal bariga dhexe. 26- Brunei- Burundi. — Brunei oo ku taal Jasiiradaha Bada Loo yaqaan “South China Sea” kuna Xeeran Malaysia iyo Burundi oo ku taal Bariga africa. 27- Comoros- Cameroon. — Comoros oo ku taal bariga africa iyo Cameroon oo ku taal afrikada Dhexeda. 28- Estonia – Ethiopia. — Estonia Oo kutaal waqooyiga yurub xadna la leh Bada baltic iyo Gacanka finland iyo Ethiopia oo ku taal Bariga afrika gaar ahaan geeska afrika. 29- Togo- Tonga. — Togo oo ku yaala waqooyiga Afrika iyo Tonga oo ku taala Oceania kana mida boqortooyada Polynesia. 30- Zimbabwe – Zambia -Gambia. — Zimbabwe oo ku yaal koonfurta afrika iyo Zambia oo ku taal Bariga afrika Gambia Oo ku taal Afrika. 31- Mexico -Micronesia. — Mexico Oo ku taala koonfurta america iyo Micronesia oo ku taala Oceania kana kooban kumanaan jasiiradood oo ku yaala Bada Pacific’ka. 32- Madagascar -Macedonia. — Madagascar oo ah jasiirada ugu weyn oo ee ku taala xeebta bariga afrika iyo Macedonia Oo kamida wadamada Lagu magacaabo Balkans’ka, Waxaanay dhacdaa koonfur bari yurub . 33- Lesotho – Laos. — Lesotho oo ku taal Koonfurta Afrika iyo Laos oo ku taala koonfur bari Asia. 34- Andorra – Angola. — Andorra oo ku Taala Yurub una dhexeeya spain iyo France iyo Angola ku taala afrikada dhexe. 35- Somalia- Samoa- Suriname. — Somalia oo ku taal bariga afrika gaar ahaan geeska afrika iyo Samoa oo ku taal oceania iyo suriname Dalkan oo ku yaala xeebaha Waqooyi bari Ee Koonfurta america. Waxaa Qoray Oo Diyaariyey: Fadxi Garaad Ciise. Cont: 63-4001631 facebook: Fadxi Greenford Qaran News
  20. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa sheegay in warbixintii ka soo baxday Guddiga Maaliyadda Golaha Shacabka ay doonayeen Xildhibaano ka tirsa BFS in ay ku fushadaan dano gaar ah oo ay leeyihiin . Wasiir Beyle ayaa shaaca ka qaaday in sababta ka dambeysay Warbixintaasi uu u arko mid lagula dagaalamayay isaga, islamarkaana qaar ka mid ah Xildhibaanadu ay weydiisteen in uu u fuliyo mashruuc, sida uu hadalka u dhigay. Waxaana uu xusay in Xildhibaanada BFS aan looga baahneyn xilligan in ay ka shaqeeyaan dano gaar ah, lagana doonayo in ay eegaan danta guud ee Qaranka. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/shardi.mp3 The post Wasiir Beyle “Waxaa la’igu heystaa Mashruuc ii fuli” appeared first on Shabelle. View the full article
  21. (SLT-Paris)-Nin ku hubeysnaa bambo gacmeed ayaa codsaday inuu la kulmo madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron xilli dalkaasi ay ka socdaan dibadbaxyo. Wuxuu codsanayay in dadka dibadbaxyada dhigayay loo ogolaado inay la kulmaan madaxweyne Macron. Ninkan ayaa lagu xiray galbeedka dalka Faransiiska xilli la arkay isagoo wato bambo gacmeed. Wuxuu qabay dharka dadka dibaxayada dalkaasi ay xirtaan, wuxuu is dhiibay saacado un badan kaddib markii booliska Faransiiska lagu wargeliyay ninkan. Dhacdadan ayaa imaaneysaa xilli tobonaan kun oo shacabka Faransiiska ah ay wadaan dibadbaxyo ay uga soo horjeedaan qiimaha shidaalka oo sare u kacay. Sida laga soo xigtay booliska maxalliga, Ninkan 45 jir ahaa wuxuu gacanta ku sitay bambo gacmeed isla markaasna codsanayay inuu madaxweynaha Faransiiska kula kulmo gurigiisa. Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionNinkan ayaa lagu xiray goob baabur la dhigto oo la yiraahdo ‘Angers’ Wuxuuna qeyb ka ahaa dadka mudaaharaadayay ee ka careysan qiimaha shidaalka dalkaasi. Ninka ayaa markii hore wakhti badan la qaatay dibadbaxyaasha kuwaaso ku kulmay agagaarka xarunta laga dukaameysto ee Espace Anjou, sida ay saraakiil ay u sheegeen wakaaladda wararka ee AFP. Bernard Gonzalez oo ah sarkaal ka tirsan laamaha ammaanka ayaa sheegay in waxyaabaha qarxa ee ninkan uu gacanta ku sitay ay hadda baarayaan khuburrada bambaanooyinka isla markaasna uu yahay mid aanan ‘been abuur aheyn’. Lahaanshaha sawirkaAFPImage captionDibadbaxyada oo ku baahay Faransiiska Wakaaladda wararka Reuters ayaa ku warrantay in dad ka badan 30,000 la filayo maanta inay ka qeyb qaataan dibadaxyada Faransiiska ka socda gaar ahaan magaalada Paris. Waxaana boolis gaaraya 3,000 loo daabulay gudaha magaalada caasimadda ah oo kaliya ah si ay uga hortaggaan dibadbaxyaasha. Source
  22. Kampala ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo iyo dhiggiisa Uganda Mudane Yoweri Kaguta Museveni oo maanta kullan ku yeeshay madaxtooyada Uganda ayaa waxay kaga wada hadleen arrimo badan oo ku saabsan labada dal iyo guud ahaan gobolka. BAYAANKA WADAJIRKA AH EE MUNAASABADDA BOOQASHADA MADAXWEYNAHA JFS EE UGANDA ayaa sidan u qornaa:- 1.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa booqasho rasmi ah oo hal maalin ku tagay Jamhuuriyadda Uganda 24-kii Nofeembar, 2018, kaddib markii uu martiqaad ka helay Mudane Yoweri Kaguta Museveni, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Uganda. Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxaa Qasriga Dowladda ee Entebbe ku qaabilay Mudane Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni. 2. Labada Madaxweyne soo dhoweyn diiran kaddib, waxay wada hadal rasmi ah ku yesheen Aqalka Madaxtooyada Entebbe, oo ay uga wada hadleen arrimo badan oo Khuseeya labada dal, gobolka iyo waliba guud ahaan arrimaha caalamka. 3. Labada Madaxweyne waxay qireen xiriirka saaxiibtinimo ee joogtada ah iyo iskaashiga u dhaxeeya labada dal, kuwaas oo ay ballanqaadeen inay xoojiyaan. Si gaar ah waxay isla eegeen dhinacyada iskaashi, gaar ahaan nabadda, amniga, waxbarashada, ganacsiga iyo maalgashiga 4. Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo waxa uu xaaladda Soomaaliya uga warbixiyey Mudane Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni. Waxa uu xusay in xaaladda amni ay si xoog leh uga soo raysay marka laga yimaaddo hawlgallada Alshabaab ee Koonfurta, khilaaf sokeeye oo marar dhaca, dacaayadaha aan salka laheyn iyo waxyaabaha kale ee nabadda carqaladeeya. 5. Waxa uu bogaadiyey iskaashiga dhinaca Difaaca ee xaaladda kala guurka ah, iyo taageerada ay AMISOM fidiso inta lagu jiro xilliga kala guurka ah. Waxa uu xusay horumarka wanaagsan ee laga gaaray arrimaha Itoobiya iyo Eriteriya, iyada oo loo marayo Heshiiska saddex-geesoodka ahaa. Wuxuu ku adkeeyay wada shaqayntu in ay fududeyneyso xallinta khilaafaadka siyaasadeed iyo joojinta Khilaafka gobolka iyo sidoo kale kor u qaadidda dhaqaalaha saddexda waddan, gaar ahaan Soomaaliya, iyada oo la eegayo goobta istaraatiijiga ah eey ku taalo. 6. Madaxweyne Museveni ayaa ammaanay Heshiiskii saddex geesoodka ahaa ee September 2018 ay wada gaareen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo, Madaxweynaha Eriteria Isaias Afwerki iyo Ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, isagoona xusay in arrintan ay ahayd tallaabo loo qaaday jihada saxda ah ee xaqiijinta nabadda, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka. 7. Madaxweye Museveni ayaa Madaxweyne Farmaajo iyo Mudane Madaxweyne Isaias Afwerki, iyo Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed, ku bogaadiyey in ay wakhtigii loogu talagalay ku dhammaystireen heshiiska saddex-geesoodka ahaa ee bishii Sebteembar, 2018; isaga oo xusay in ay tani ahayd tallaabo loo qaaday jihada saxda ah ee sugidda amniga, xasilloonida iyo barwaaqada gobolka. 8. Madaxweyne Yoweri Kaguta Museveni waxa uu Mudane Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo uga mahadceliyey aqbalaadda martiqaad sharafeedka uu u fidiyey iyo wadahadalladii miradhalka ahaa ee ay yeesheen. Intaas kaddibna waxa uu wafdiga Soomaaliyeed ku casuumey qado, wuxuuna ku dhiirrigeliyey inay ka bogtaan quruxda Uganda inta aanay safrin. 9. Dhankiisana, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo, ayaa muujiyay mahadcelin iyo qaddarinta uu u hayo Madaxweynaha Uganda Yoweri Kaguta Museveni, dowladda iyo shacabka Jamhuuriyadda Uganda ee ku aaddan soo dhoweynta iyo marti soorka diirran ee loo soo sameeyay isaga iyo wafdigiisa. Bayaankan waxaa lagu qoray Qasriga Dowladda ee Entebbe, 24-ka bishan Nofeembar, 2018. The post Madaxweynaha JFS Oo la kulmay dhiggiisa Uganda appeared first on Shabelle. View the full article