-
Content Count
215,307 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Weriyaha Goobjoog News ee ka qeyb-galaya madasha Heritage ee Djibouti ayaa soo diray sawirka Cabdikarim Qalbi-dhagax oo dhexda ka fadhiya ra’isul wasaaraha ku-xigeenka dowladda federaalka ah Mahdi Guuleed iyo wasiirka dastuurka Cabdi Xoosh, waa sawir hadlaya, oo dhambaal badan xambaarsan. Lama hubo in ninka hore raalli-gelin bixiyey laakin shalay Cabdikarim Qalbi-dhagax, waxaa si gaar ah u raalli-geliyey wasiirka dastuurka ee dowladda federaalka ah Cabdiraxmaan Xoosh Jibril. Arrintaas kadib, Cabdiraxmaan Ceynte, wasiirkii hore ee qorsheynta federaalka ah ayaa bartiisa Twetterka soo dhigay “Madaxa meel ka sarreeysa oo la taabto ma lahan. Waa dhaqan Soomaaliyeed. Waana bogaadinayaa Xoosh, Waxaase iga talo ah in: a) Dowladdu raalli galin siiso Qalbi-Dhagax. b) ONLF ka saarto liiska argagixisada. c) Magdhow siiso Qalbi-Dhagax. d) hubiso inaan loo laaban dambigaas. Dhiibistii Qalbi-dhagax: August 27, 2017, Maamulka Farmaajo waxaa uu Cabdikarim Qalbi-dhagax oo ah muwaadin ka tirsanaa ciidamada xoogga dalka u gacan-geliyey Itoobiya, ilaa iyo hadda raali-gelin rasmi ah kama bixin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Pyongyang)-Kuuriyada Waqooyi ayaa cambaareysay maamulka madaxwayne Trump oo cunaqabatayn cusub ku soo rogay . Dowladda Mareykanka ayaa cunaqabatayn ku soo rogtay saraakiil ka tirsan Kuuriyada Waqooyi. Kuuriyada Waqooyi ayaa imika ka digtay in ay hor istaagi doonaan arrinta ah in ay ka talabaxaan barnaamijkoda niyukleerka. Xukuumadda madaxwayne Trumpa yaa cunaqabatayn cusub ku soo rogay saddax sargaal oo ka tirsan dowladda Kuuriyada Waqooyi. Mareykanak ayaa wacad ku maray in ay xannibi doonaan hantida Choe Ryong-hae, oo ah nin ay si aad ah isugu dhaw yihiin Kim Jong Un,wasiirka amniga Jong Kyong-thaek iyo sarkaalka dhanka dacaayadaha u qaabilsan Kuuriyada Waqooyi Pak Kwang-ho. Tallaabada Mareykanka ayaa ka dambeysay ka dib markii ay soo baxeen warar sheegaya in xannibaado cusub ay soo rogtay Kuuriyada Waqooyi taasi oo ay ka mid tahay in la xiray dad daawaday aflaan ajnabi ah. Bayaan ay soo saartay xukuumadda Pyongyang ayaa lagu sheegay in tallaabada Mareykanka uusan ku qasbi doonin in ay wax ka badasho barnaamijkeeda Niyukleerka. Hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi, Kim Jong Un, ayaa bishii June kulan uu la yeeshay madaxwayne Trump uu la saxiixday heshiis aan kala cadeyn oo aan faahfaahin badan laga bixin. Balse heshiiskaasi wax hormar ah lagama samayn tan iyo xilligaasi. Wadahadalo dheeraad ah oo labada dhinac dhex mari lahaa ayaa la baajiyay bishii November. Xukuumadda Kuuriyada Waqooyi ayaa ka mamnuucday baarayaasha Qaramada Midoobay in ay booqdaan dalkeeda. Source
-
Jabuuti (Caasimada Online)-Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorsheynta C/raxmaan Yuusuf Cali Ceynte ayaa dowladda Soomaaliya usoo jeediyay Afar qodob oo xal u noqon karta gefkii laga galay C/kariin Sheikh Muuse Qalbi dhagax. Wuxuu ugu horeyn bogaadiyay talaabadii uu wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jabriil uu cafiska iyo madax salaaxida ugu sameeyay Qalbi Dhagax, isaga oo sheegay inuu sameeyay arin wanaagsan. Sawir Shalay qabsaday baraha Bulshada ayaa muujiyay sida Wasiir Xoosh uu cafiska kaga dalbaday C/Kariin Qalbi Dhagax oo si wadajir ah ay kaga qeyb galeen Shir ka dhacay magaalada Jabuuti. Wasiirkii hore ee qorsheynta C/raxmaan Ceynte ayaa usoo jeediyay dowladda Soomaaliya Afar arin oo ay ugu horeyso in Cafis la weydiisto Qalbi dhagax. “Madaxa meel ka sarreeysa oo la taabto ma lahan, Waa dhaqan Soomaaliyeed, Waana boggaadinayaa C/raxmaan Xoosh, Waxaase iga talo ah in: a) Dowladdu raalli galin siiso Qalbi-Dhagax. b) ONLF ka saarto liiska argagixisada. c) Magdhow siiso Qalbi-Dhagax. d) hubiso inaan loo laaban dambigaas. Bishii September ee sanadkii hore golaha wasiirada xukuumadda Soomaaliya ayaa Argagixiso u aqoonsaday ONLF, waxaana Qalbi Dhagax la sheegay inuu xiriir la lahaa Al Shabaab, halisna ku ahaa amaanka Soomaaliya. Ilaa iyo hadda ma jiro wax raali gelin cad oo dowladda Soomaaliya kasoo baxay, balse madaxweynaha Soomaaliya ayaa la sheegay inuu raali gelin siiyay madaxda ONLF mar uu kula kulmay magaalada Asmara. Caasimada Online Xafiiska Jabuuti Caasimada@live.com
-
(SLT-Muqdisho)-Wasiirkii hore ee Qorsheynta ee Xukuumaddii hore Cabdiraxmaan Yusuuf Cali Ceynte ayaa boggaadiyay tallaabadii Wasiirka Dastuurka C/raxmaan Xoosh Jibriil raalli gelinta iyo madax salaaxida ugu tagay Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo sannadii hore ay dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya. Shalay ayaa waxaa baraha bulshada qabsaday sawir laga qaaday Wasiirka Dastuurka Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil iyo C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo ku wada sugan Jabuuti shirka ay qabatay Machadka Heritage, iyadoo Mr Xoosh uu madax gacanta ka saaray Qalbi Dhagax oo aheyd mid raalli gelin ah. Cabdiraxmaan Ceynte ayaa qoraal kooban uu soo dhigay bartiisa Facebook tallooyin ugu diray dowladda Soomaaliya. “Madaxa meel ka sarreeysa oo la taabto ma lahan, Waa dhaqan Soomaaliyeed, Waana boggaadinayaa C/raxmaan Xoosh, Waxaase iga talo ah in: a) Dowladdu raalli galin siiso Qalbi-Dhagax. b) ONLF ka saarto liiska argagixisada. c) Magdhow siiso Qalbi-Dhagax. d) hubiso inaan loo laaban dambigaas. “ayuu yiri C/raxmaan Ceynte. Golaha Wasiirada ayaa lixdii bishii September ee sanadkii hore waxay ka dhawaajisay in C/kariin Sheekh Muuse uu xiriir la lahaa Al-Shabaab, falal amni darro ku lug lahaa, iyadoo ku eedeysay Ururka ONLF inuu yahay urur Argagixiso. Illaa iyo hadda dowladda Soomaaliya raalli gelin kama aysan bixin, hase ahaatee Madaxweynaha ayaa la sheegay inuu raalli gelin siiyay Madaxa ONLF, xilli ay ku kulmeen magaalada Asmara, balse raalli gelintaas ma aheyn mid rasmi ah. Source
-
(SLT-Addis Ababa)-Ciidammada Itoobiya ayaa bilaabay inay ka baxaan deegannada xadka labada dal ee horraan dagaalka horseeday, waxayna arrintani daba socotaa markii Eritrea iyo Itoobiya bishii July ee sannadka ay kala saxiixdeen heshiis nabadeed. Wasaaradda difaaca ee dalka Itoobiya waxay sheegtay in tallaabadan ay ka qeyb tahay dhaqan gelinta heshiiska labada dal ay kusoo afjareen colaaddii dhanka xadka oo ay kumanaan qof ku dhinteen. Shan bilood kaddib markii hoggaamiyeyaasha Eritrea iyo Itoobiya ay kala saxiixdeen heshiiskii nabadeed, wasaaradda gaashaandhigga ee Itoobiya waxay xaqiijisay in ciidammada ay kasoo saari doonaan deegaannada xadka dhaca ee lagu muransanaa. In Itoobiya ay ciidammada kasoo saarto halkaasi waxay ka mid ahayd codsiyadii ugu muhiimsanaa ay Eritrea soo jeedisay ka hor heshiiska. Source
-
Baydhabo (Caasimada Online)-Maalintii Labaad waxaa saldhiga magaalada Baydhabo buux dhaafiyay waalidiin caruurtooda lagu xiray saldhiga waxii ka dambeeyay banaanbaxyadii ka dhacayay magaalada. Waalidiinta qaar ayaa raadinaya haween iyo caruur ka maqan oo la waayay maalin kadib markii ciidamada booliska iyo meletariga ay awood u adeegsadeen dadkii banaanbaxyada ka dhigayay magaalada Baydhabo. Ma jirto cid waalidiinta la hadasha kana qancisa sababta caruurtooda ay u xiran yihiin, waxaana wararka ay sheegayaan in ku dhawaad 200 oo ruux ay ku xiran yihiin saldhiga magaalada Baydhabo. Dadka Banaanaxa dhigayay ayaa ka xumaaday xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur oo dowladda ay Khamiistii lasoo dhaafay kasoo xirtay magaalada Baydhabo. Dhinaca kale waxaa magaalada Baydhabo lagu soo gabo gabeynayaa dhageysiga Khudbadaha ay jeedinayaan musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha Koofur Galbeed, iyadoo shalay seddex musharax la dhageystay. Labo Musharax ayaa maanta la dhageysan doonaa, waxaana maalinta Arbacada ka dhaceysa magaalada Baydhabo doorashada madaxweynaha Koofur Galbeed.
-
Boosaaso ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha gobolka Bari ee maamulka Puntland Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo ) oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgallo ballaaran oo laga sameeyay gudaha magaalada Boosaaso ee xarunta gobolkaasi. Guddoomiye Dhedo ayaa sheegay in howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay magaaladaasi lagu soo qab qabtay illaa 5 Qof oo ka kala tirsanaa Al Shabaab iyo Daacish. Waxaana uu tilmaamay in 4 ka mid ah Raggaasi ay ka tirsanaayeen Kooxda Daacish, halka midka kalena uu xusay in uu ka tirsanaa Xarakada Al Shabaab. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in Raggani ay ka dambeeyeen dilal qorsheysan oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacay M/ Boosaaso ee xarunta Ganacsiga Puntland. Ugu dambeyn Yuusuf Maxamed Wacays guddoomiyaha G/ Bari ayaa wacad ku maray in ay xoojin doonaan howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab iyo Daacish ee gobolkaasi. The post Puntland Oo qabatay 5 nin Oo ka kala tirsanaa Al Shabaab iyo Daacish appeared first on Shabelle. View the full article
-
Sida ku qoran jadwalka doorashada koonfur galbeed ee Soomaaliya waxaa lagu wadaa maanta in ay khudbado jeediyaan ilaa 2 murashax. Murashaxiinta khudbadaha ku qoran ayaa kala ah: Cabdi Casis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo Sayid Axmed Sheekh Daahir, waxaa muuqato in Roobow tartanka laga reebay. Shalay, guddiga doorashada koonfur galbeed oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in Mukhtaar Roobow aanu u tartameyn doorashada madaxtinnimada koonfur galbeed ee 19-ka Bishan ka dhici-doonta magaalada Baydhabo. Guddiga ayaa intaasi raaciyey in Roobow uu dhameystiray hab-raacii doorashada balse ay ku dheggantahay dowladda federaalka ah, isla markaana nin maqan aanu tartami karin. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa saaka xiran inta badan waddooyinka magaalada Muqdisho, iyadoo dadka ku soo tooseen ciidamo meel walbo daadsan. Waddooyinka xiran waa kuwii hal-bowlaha u ahaa ganacsiga iyo isu socodka magaalada, dadweynaha reer Muqdisho ayaa lugeynaya, waxaana xiran waddooyin badan oo aan horay looga baran in Ciidamada ammaanka ay xirana, sida qeybo ka mid ah Dabka, Banaaidir, Jidka Sodonka, Tarbuunka, illaa Ex Koontarool Afgooye iyo meelo kale. Xirnaanshiyaha waddooyinka muhiimka ah ee magaalada ayaa ku kaliftay dadka inay maalaan lugahooda masaafo aad u dheer si ay eheladooda iyo asxaabtooda ay u booqdaan. Lama oga sababaha dhabta ah ee loo xiray waddooyinka, ma jirto wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka oo ku aadan xirnaanshaha waddooyinka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga XFS Xasan Maxamed Cali (Amar Dambe) oo xalay Warbaahinta kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa beeniyay wararka sheegaya in uu Is Casilayo. Wasiir Amar Dambe ayaa dacayad iyo waxba kama jiraan ku tilmaamay wararkaasi oo saacadihii la soo dhaafay ay bulshadu isla dhexmareysay. Waxaana uu tilmaamay in ay ka go’an tahay in uu u sii shaqeeyo Shacabka iyo Qaranka Soomaaliyeed. Shalay ayey aheyd markii uu is Casilay wasiirkii Howlaha Guud ee Soomaaliya Mudane C/fitaax Ibraahim Geesey. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Xasan-1.mp3 The post Wasiirka Gaashaandhigga XFS Oo beeniyay in uu Is Casilayo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Dagaal gaystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhacay deegaanada Shimbiro iyo Miiraalle oo 25km dhanka bari uga beegan magaalada Bosaaso ee xarunta [...] Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya ciidamada Mareykanka ayaa howlgal Wadajir ah oo ay sameeyeen waxay ku dileen xubno badan oo ka tirsan Al Shabaab. Howlgalka oo ahaa mid qorsheysan ayaa ka dhacay deegaanka Gandershe ee gobolka Shabeelaha Hoose, waxaana la sheegay in ku dhawaad 25 xubnood oo ka tirsan Al Shabaab lagu dilay deegaanka. Xubnaha lagu dilay weerarka ayaa la sheegay inay qorshaynaayeen weeraro ka dhan ah Ciidanka dowladda ee ku sugan gobolka Shabeellaha Hoose sida lagu sheegay war kasoo baxay dowladda Soomaaliya. “Dawladda Soomaaliya iyo saaxiibadeeda caalamiga ah waxaa Ka go’an in ay sii wadaan Dagaalka lagu wiiqayo awoodda Al-Shabaab oo Ku taagaan waxyeelaynta shacabka Soomaaliyeed” ayaa lagu yiri warka. Sidoo kale taliska ciidamada Mareykanka ayaa sheegay in duqeyn diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ay geysteen lagu dilay xubno ka tirsan Al SHabaab. War qoraal ah oo kasoo baxay taliska Ciidamada Mareykanka ee Afrika ayaa lagu sheegay in Sideed xubnood oo ka tirsan Shabaab lagu dilay duqeyn ay ka fuliyeen Shalay meel ku dhaw deegaanka Gendershe ee Gobolka Shabeelada Hoose Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network)-Waxaa saaka xiran qaar ka mid ah Waddooyinka waa weyn ee M/ Muqdisho, iyadoona lagu arkayo Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Soomaaliya. Sidoo kale Ciidamada amniga ayaa howlgallo ka wada qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga. Lama oga sababta ka dambeysa Xirnaashaha Waddooyinka qaar ee magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho. Balse Shacabka ayaa la arkayaa, iyaga oo maalaya Cagahooda, maadaama aan loo ogoleyn in Gaadiidku isticmaalaan Waddooyinka xiran. The post Qaar ka mid ah Waddooyinka Muqdisho Oo saaka xiran appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network)Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-171218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maxkamada Gobolka Banaadir ayaa shalay dhageysatay dacwada loo heysto Muqtaar Mahad Daa’uud, wasiir ku-xigeenkii arrimaha dibadda Soomaaliya kaasi oo dhowaan lagu soo eedeeyay inuu ku kacay arrimo la xiriira ku tagrifal Hantida Qaranka. Ugu horeyn, Maxkamadda ayaa dhageysatay eedda ay soo diyaariyaan xafiiska xeer ilaalinta, waxaana eedda uga wakiil ahaa jeedinteeda ku-xigeenka koowaad ee xeer ilaaliya Guud ee Qaranka Dr. Jamaal Maxamed Axmed. Wuxuuna weydiistay Maxkamadda in laga guddoomo cadeymaha decument, sawirro laga soo qaaday qasnad lacageed oo ay amreen Xafiiska Hanti dhowrka inaan la taaban karin ilaa amar dambe, balse uu jeexay warqadahaasi wasiir ku-xigeenka, waxa ayna Maxkamadda aqbashay dhageysiga markhaatiyaasha. Waxayna sidoo kale Maxkamadd guddoontay warqadaha lagu saaray lacago laga isticmaalay dakhliga wasaaradda, waxayna ugu dambeyn codsadeen xafiiska xeer ilaalinta Quud ee Qaranka in la waafajiyo qodobada ay ku soo eedeeyeen. Dhanka kale, qareenada u doodayay eedeysanaha ayaa iyagana ku dooday in aysan jirin hanti si gaar ah uu u isticmaalay wasiir ku-xigeenka, balse uu ku bixiyay baahiyo Wasaaraddu qabtay, sidaas darteed uu jiray sharci u diidayo ka hor inta aysan golaha wasiirada diidin. Guddoomiyaha Maxkamadda gobalka Banaadir garyaqaan Muuse Macallim Maxamed oo ugu danbeyn ku dhawaaqay go’aanka Maxkamadda ayaa sheegay in Maxkamada ay ku weysay Muqtaar Mahad Daa’uud qodobada kala ah 241, 255 oo Ku saabsanaa Ku tagrifal hantida umadda,Waxaana maxkamaddu u cadaaday in ficilka uu Ku dhaqaaqay Muqtaar Mahad Daa’Jud uu yahay fujinta warqadii uu Ku dhajiyay qasnadda Dowladda, waxa ayna dul saartay ganaax gaarayo 7kun oo dollarka mareykanka ah, rafcaan ayaana ka furan Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Jabuuti (Caasimada Online)-Ra’iisul wasaare ku xigeenka Dalka Mahdi Maxamed Guuleed Khadar oo ka qeyb galayay kulan ka dhacay dalka Jabuuti ayaa faahfaahin ka bixiyay waxyaabaha shakiga dhaliyay ee ka dambeeyay mooshinka madaxweynaha. Kulanka looga hadlayay isbadalka gobolka oo ka dhacay magaalada Jabuuti ayaa wuxuu ka sheegay in markii hore dowladaha Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea ay iska kaashanayeen Ammaanka, ganacsiga iyo Siyaasadda oo Soomaaliya ay dan ugu jirto. Wuxuu sheegay in xubnaha baarlamaanka iyo shaqsiyaadka kalaba inay fasiraad qaldan ka bixiyeen kulamadii ay lahaayeen madaxda ugu sareyso seddexda dal, balse aysan jirin heshiis rasmi ah oo ay gaareen madaxweynayaasha. Mahdi Guueed, ayaa u sheegay dadka fasiraadda qaldan ka bixiyay kulamada madaxweynaha inay ogaadaan in dalka uu leeyahay labo gole iyo dowlad goboleedyo islamarkaana madaxweynaha kaligii inuusan ogolaan karin in hal madaxweyne ay yeeshaan dalalka Ethiopia, Somalia iyo Eritrea. Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka ayaa tilmaamay in hadii heshiis uu yahay is afgaradka Madaxda Dalalka Soomaaliya, Itoobiya iyo Eretareeya ay soo bandhigi lahaayeen Madaxda Labada dal waa Ethiopia iyo Eritrea. Shaki badan ayaa ka dhashay is afgaradka madaxda Geeska Africa waa tan keentay in xildhibaanada mooshinka ay ka gudbiyeen madaxweynaha ku cadeeyaan in heshiisyo halis gelin kara dalka uu galay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Qaar kamid ah waddooyinka magaalada Muqdisho ayaa saaka gabi ahaanba xiran, waxaana dadka la arkayaa iyaga oo ku lugeynaya hareeraha waddooyinka. Ciidamo Cusub oo dheeraad ah ayaa la dhigay qaar kamid ah isgoysyada magaalada Muqdisho, waxaana goobaha ciidamada dheeraadka ah la geeyay kamid ah Isgoysyada Tarabuunka, Banaadir iyo Taleex. Wadada Maka Al Mukarama iyo waddooyin kale ayaa gabi ahaanba xiran, waxaana jirin faahfaahin rasmi ah oo laamaha amaanka ay ka bixiyeen xernaanshaha waddooyinka magaalada Muqdisho. Ciidamada cusub ee la dhigay isgoysyada Tarabuunka, Banaadir iyo Taleex ayaa si adag u baaraya Gaadiidka, iyadoo aysan u ogoleyn inay kasii gudbaan. Xernaanshaha waddooyinka ma ahan kuwo horey loosii shaaciyay, waxayna shacabka ku waabariisteen waddooyinka ugu muhiimsan dhaqdhaqaaqa Muqdisho oo xiran. Warar aan heleyno ayaa sheegaya inay jiraan baaritaano ka duwan kuwoo hore oo laga sameynayo qaar kamid ah degmooyinka gobolka Banaadir, sidaasi darteedna waddooyinka loo xiray. La soco waxii kusoo kordhaa Insha Allah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Bayhdbao (Caasimada Online) – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa war rasmi ah kaalintooda xariga Mukhtaar Roobow Abu Mansuur iyo haddi ay wax ka ogaayeen. Wasiirka Warfaafinta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Ugaas Xasan Cabdi Maxamed ayaa sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya uusan ka warqabin xarigga dowladda Federaalka ah u geysatay Abuu Mansuur. Wasiir Xasan ayaa sheegay in Koonfur Galbeed ay tahay dowlad Goboleed ka mid ah dowadda Federaalka ah islamarkaana amniga dalka ay u xil saarantahay dowladda Soomaaliya. Ugaas Xasan ayaa sheegay in uusan jirin dambi ama dacwo maamulka Koonfur Galbeed uu u heysto Mukhtaar Rooboow laakiin dowladda Federaalka ah ay u gaartahay eedaha ay u heysato Abuu Mansuur. Wasiir Xasan ayaa intaas ku daray in maamulkooda uusan la ogeyn dowladda Federaalka ah xarigga Abuu Mansuur oo ka mid ah musharrixiinta doorashada Koofur Galbeed oo lagu wado in la qabto 19ka Bishan. Sidoo kale, taliska ciidamada Amisom ayaa shalay iska fogeeyey inay wax lug ah ku lahaayeen xariga Mukhtaar Roobow, oo iminka ku jira xabsi ay gacanta ku hayso dowladda Soomaaliya oo ku yaalla Muqdisho. Hoos ka dhageyso codka wasiirka warfaafinta maamulka Koonfur Galbeed https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/Cod.mp3Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
-
Ergo Siyaasiyiina Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Wada Hadalsiiyay Xisbiyada Ucid,Waddani & M/weyne Muuse Biixi+war-murtiyeed ay soo saareen Ergo waan waan ka dhex waday maalmihii u danbeeyay Mucaaridka Somaliland iyo Xukuumadda ayaa caawa Madaxtooyada isugu keenay labada dhinac. Kulan kaas kadib ayaa war-saxafadeed nuqul kamid ahi soo gaadhay shabakadda wararka Somalilandtoday madaxtooyadu ka soo saartay kaas oo u dhignaa sidan. WAR-MURTIYEED: 16/12/2018 Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo uu wehelinaayo Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa caawa kulan muhiima la qaatay hoggaanka axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore, siyaasiyiin iyo madaxda ururrada bulshada rayidka ah. kulankan uu madaxweynuhu madaxweynuhu isugu yeedhay axsaabta qaranka, madaxweyne ku xigeenadii hore iyo ururrada Bulshada rayidka ah, ayaa ujeedadiisu ahayd sidii wada-jir iyo isku duubni loogu wajahi lahaa arrimaha ku gedaaman qabsoomidda doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo deegaanka, waxana ay hoggaanka axsaabta qaranku muujiyeen muhiimadda ay leedahay qabsoomidda doorashooyinku si loo xaqiijiyo geeddi-socodka Dimuqaariyadda Somaliland iyo in meesha laga saaro caqabadaha hortaagan qabsoomidda doorashooyinkaas, isla markaana lagu diyaarin lahaa jawi ay doorashooyinku ku qabsoomi karaan. Ugu dambayntii waxa ay hoggaanka saddexda xisbi ee UCID, KULMIYE iyo WADDANI wada jir u go’aamiyeen qodobbadan hoos ku qoran: In doorashada goleyaasha wakiillada iyo deegaanku ku qabsoonto dhammaadka sannadka 2019-ka. In si wada-jir ah ay uga wada-hawl galaan xallinta iyo dhammaystirka wax kasta oo ku xidhan qabsoomidda doorashada. In si niyadsami ah loo sii wado wada-tashiga iyo wada-hadallada saddexda guddi ee xisbiyada qaranka. In wixii caqabad ah ee soo kordha laga wada-tashado. ALLAA MAHAD LEH Qaran News
-
Waxaa shalay is-casilay wasiirkii Hawlaha Guud iyo Guriyeenta ee Dowladda Federal-ka Cabdifataax Geesey kaas oo saddex qodob u sababeeyey tallaabada uu qaaday. Arrintan oo naxdin iyo dhaawac ku noqotay Xukumadda uu hoggaamiyo Raisul Wasaare Xassan Cali Kheyre ayuu Cabdifataax Geeseey u aaneeyey faragalinta qaawan ee ay Xukumadda ku haysay doorashada Koonfur Galbeed, Xariggii Mukhtaar Roobow Cali iyo la tashi la’aanta mas’uuliyiinta ka soo jeedda maamulkaas ee ku matala dowladda dhexe. Hadaba, maadama tallaabadan ahayd mid lama filaan ah, sidee ayey u saameyn kartaa Xukumadda Raisul Wasaare Kheyre? Caadiyan bulshada waxa ay aaminsantahay in xasillooni daradda dalka ka jirta uu mas’uul ka yahay Kheyre oo aysan mas’uuliyiinta kala duwan ee dalka la dhicin ama jecleysan hab-dhaqankiisa kala fogeynta ah. Is casilaadda Geesey waxa ay bannaanka soo dhigtay tabashada bulshada Koonfur Galbeed ay xukumadda Kheyre afduubtay iyada oo duud siiyey xaqii uu dastuurka siiyey ee ahaa in ay iyaga ka tashan karaan masiirkooda. Taas waxa ay sidoo kale dhabbaha u xaari doontaa in ay is casilaan xubnaha kale ee golaha Wasiirada ku matala maamulka Koonfur Galbeed sida la hadal hayo. Haddii ay taasi dhacdo oo ay is wada casilaan xubnaha golaha Wasiirada ugu jira maamulka KGS, waxa ay cambbaar ku noqon doontaa Raisl Wasaare Kheyre iyada oo sidoo kale muujin doonta siyaasad xumada xukumadda uu hoggaamiyo. Rai’sul Wasaare Kheyre tan iyo markii la soo magacaabay dowladda waxa ay ka bixi weysay xasarado iyo xasillooni siyaasadeed taas oo ay keentay in bulshada intooda badan qabaan in la gaarin xilligii la bedeli lahaa si dowladda labada sano ee u harsan ay dalka u sii hoggaamin lahayd. Waxaa xusid mudan in mooshinka laga keenay Madaxweyne Farmaajo ay fallanqeeyeaasha siyaasadda badankood qabaan in loogu dan leeyahay Rai’sul Wasaare Xassan Cali Kheyre. W/Q: Safiya Cabdullaahi Garaad Muqdisho, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Kadib kulan ka dhacay magaalada Muqdisho una dhaxeeyay odayaasha iyo waxgaradka kasoo jeeda deegaanada Koofur Galbeed ayaa waxay kaga hadleen arrimo dhowr ah. Kulanka oo ujeedadiisa ay aheyd sidii taageero loogu muujin lahaa Mukhtar Roobow Abuu Mansuur ayaa waxaa dadkii ka hadlay ay sheegeen inay ka xun yihiin xariga Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur. Waxay sidoo kale sheegeen inaysan aqbaleyn in Mukhtaar Roobow laga saaro liiska musharixiinta Koofur Galbeed iyaga oo dalbaday in xoriyadiisa la siiyo, maadaama si baal marsan Sharciga loo xiray. Xubnaha ka hadlay kulanka ayaa soo hadal qaaday go’doonka uu ku jiro guddoomiyaha baarlamaanka, iyaga oo sheegay in wax la aqbalo karo aysan aheyn go’doonka la geliyay guddoomiye Mursal. Waxay sheegeen in guddoomiye Mursal uu yahay shaqsiga labaad ee ugu sareeyo dalka, balse lagu qasbay inuu isaga guuro madaxtooyada Soomaaliya, kadib markii culeesaad la saaray. Ugu dambeyn waxay dalbadeen in dadka kasoo jeedo Koofur Galbeed laga daayo cadaadis iyo dhibaatada lagu hayo islamarkaana Guddoomiye Mursal la siiyo fursad uu ku dhaqdhaqaaqi karo, Abuu Mansuurna lasii daayo. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
