-
Content Count
212,105 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Warbixin dheer oo ay soo saareen Somali and Eritrea Monitoring Group (SEMG) ayaa lagu sheegay in hubka soo gala Soomaaliya loo adeegsado qaab siyaasadeed, waxaana laga digay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu Muqdisho ka qaado cunaqabateynta hubka mustaqbalka dhow. Warbixintan waxaa ku jirta in dowladda Soomaaliya ay ku guul-dareysatay inay hubka ka xakameyso gacanta ganacsatada iyo kooxaha kale. Qoraalkan, waxaa kale oo lagu sheegay in Soomaaliya aaney u hoggaansamin cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaa intaas dheer in laga waayey xogta rasmiga ah ee la xiriira hubka iyo rasaasta ay dowladda keensato, waxaa ay diiday Villa Somalia inay Qaramada Midoobey arkaan meelaha hubka yaalaan, iyada oo la ogaaday in hubka ay dowladuu leedahay suuqyada u iib-geeyaan saraakiil ciidamada ah(kuwoo hoose iyo kowoo sare), mas’uulyiin xukuumadda ka tirsan. Hubka oo lala baxo, iibintiisa gaar ahaan kuwa keydan sida nooca RPG-7, waxaa ay caqabad ku tahay xasiloonida siyaasadeed, taasi oo sii adkeyneysa qeybinta iyo dusinta hubka ay aad ugu sareyso gudaha Soomaaliya. Hubka Ay Dowladdu Heshay: 20,000 Sida ku qoran warbixinta SEMG, dowladda Soomaaliya waxaa ay heshay ilaa 20,000 oo qori iyo 75 million oo rasaas ah, oo ay ku jiraan 70,000 oo ah RPG-7, waxaa kale oo warbixinta ay su’aal ka keentay inay kala badan yihiin hubka loo ogolyahay dowladda Soomaaliya inay hesho kadib markii laga qafiifiyey cunaqatabeynta hubka iyo midka rasmiga ah ee ay heystaan ciidamada xoogga dalka. Kooxdan waxaa ay sheegeen in 21 Konteenar oo hub ah oo ay ku jiraan nooca Soomaalida u taqaanno “Baasuukaha 7” la geeyey gudaha Villa Somalia bishii May 2018, waxaa sidoo kale loo diiday SEMG inay soo arkaan. Warbixinta Qaramada Midoobey waxaa ku jirta in hub ay lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacanta u galeen ganacsato iyo kooxo hubka ka ganacsada oo jooga magaalooyinka Mogadishu, Baydhabo iyo Dhuusamareeb. Qoraalka UN-ka waxaa ku jirtay oo kale, in hub lagu qabtay kooxo ka tirsan Al-shabaab oo joogay gudaha Kenya ay ahaayeen hub ay lahaayeen ama ay aheyd inay yaalaan bakhaarada ciidamada dowladda. Ugu dambeyntii, Qoraalkan UN-ka, waxaa lagu sheegay in hubka dowladda Soomaaliya ay halis ugu jiraan in la qaato ama la xado, oo aaney xakameyn Karin, waxaa ay tusaale usoo qaateen wixii ka dhacay xerada Gordon, oo markii la jabsaday oo qoriga AK-47 lagu iibsanayey $1,000. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Xildhibaanada Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta cod aqlabiyad leh ku ansixiyay ku noqoshada miisaaniyadda dowladda 2018. Ku noqoshada miisaaniyadda 2018 waxaa si wadajir ah usoo diyaariyay wasaaradda maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya iyo guddiga maaliyadda iyo miisaaniyadda ee Golaha Shacabka. 153 xildhibaan ayaa ogolaaday, 2 xildhibaan ayaa diiday, waxaana ka aamusay 3 xildhibaan. Wasiirka Wasaaradda Malaiyadda ee Xukuumada Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo kulanka ka hadlay ayaa golaha shacabka ugu mahad celiyay sida wanaagsan oo ay u ansixiyeen. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Xasan Cali Kheyre ayaa guul u rajeeyay ciyaaryahanada 23-jirada dalkeena Soomaaliya oo maanta la dheelidoona dhigooda Ethiopia kulan ka tirsan is reeb reebka ciyaaraha olimikada aduunka oo lagu qabandoono wadanka Jaban “Waxa aan guul u rajaynayaa xulkeena kubbadda cagta kulanka ay la yeelanayaan dhigooda Ethiopia,dhamaan shacabka,mas’uuliyeenta iyo qarankaba way idin garab taaganyihiin”waxaa sidaas lagu soo qoray barta twitter-ka ee xafiiska Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre Wasiirka Arimaha Dibada iyo iskaashiga Iskaashiga Caalamiga dowlada Amb. Axmed Ciise Cawad ayaa isna xalay kulan dhiiri gelin ah magaalada Addis Abba ee Ethiopia kula qaatay ciyaaryahanada iyo tabarayaasha matalaya Soomaaliya,isagoo sheegay in laga sugay natiijo wanaagsan madaxda dowladana ay garab taaganyihiin xulka Wasiirka ciyaaraha iyo dhalinyarada xukuumada Khadiija Maxamed Diiriye ayaa iyadana barteeda twitter-ka kusoo qortay qoraalkan “Xulka Qaranka 23-Jirada ka yar guul baan u rajeynayaa ciyaarta manta Inshaa Alla” Dowlada ayaa garab istaag iyo soo dhaweyn u samaysay xidigaha 17-jirada ee kaalinta labaad ka galay tartankii Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka dhacay dalka Burundi Bishii April 2018 W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbaahinta kooxda Al-shabaab ayaa baahisay warbixin ku saabsan mid ka mida raggii fuliyey qaraxyadii ka dhacay Hotelka Saxafi Jimcihii 9-ka Novembar 2018. Ninkan oo wareysi lala yeeshay markii uu isu diyaariyey weerarka ayaa lagu magacaabi jiray Axmed Aadan Mursal oo ku magac dheeraa (Axmed Guduud), wuxuuna kasoo jeedaa beesha Hadamo gaar ahaan jufada Liksi ee degta gobolka Bakool, isagoo ku dhashay degmada Rabdhuurre ee Bakool. Ninakn ayey Alshabaab baahisay taariikhdiisa iyo sida uu kooxda ug biiray, isagoo ka hadlay sababaha keenay inuu is-miidaamiyo, waxaana caado u ah Alshabaab inay baahiso magacyada iyo dardaraaranka is-miidaamiyeyaasha fuliyo qaraxyada waaweyn. Weerarkii Hotel Saxafi ayaa waxaa ku dhintay dad gaaraya 52 ruux, waxaana ku dhaawacmay 106 ruux oo dhamaantood ahaa dad shacab masaakiin ah, waxaana loo adeegsaday saddex gaari oo qaraxyo sida. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa codsi rasmi ah u gudbisay Urur Goboleedka Ganacsiga ee Bariga Afrika oo ay dooneyso in ay xubin ka noqoto. Danjiraha Soomaaliya ee Dalka Tanzania Mohamed H. Abdi , ayaa waxaa uu dalkaas kula kulmay Xoghayaha Guud ee Ururka Ganacsiga Bariga Afrika Liberat Mfumukeko. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay codsiga Soomaaliya ee ah ku biirista Ururka Ganacsiga ee ay ku wada jiraan inta badan Waddamada Bariga Afrika. Liberat Mfumukeko, ayaa sheegay in dhamaadka Bishan Novermber ay khubarro qiimeyn ku sameeya xaaladda Soomaaliya ee xubin ka noqoshada ururkan iman doonaan Soomaaliya. Xeerarka ururkan waxaa ka mid ah in dalka xubin ka noqonaya ay ka jirto dimuqraadiyad,dowlad Wanaag,u hoggaansanka sharciga, dhowridda xuquuqda aadanaha, iyo qodobo kale. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Caasimadda Online) – Warbixin dheer oo ay soo saareen Somali and Eritrea Monitoring Group (SEMG) ayaa lagu sheegay in hubka soo gala Soomaaliya loo adeegsado qaab siyaasadeed, waxaana laga digay in golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey uu Muqdisho ka qaado cunaqabateynta hubka mustaqbalka dhow. Warbixintan waxaa ku jirta in dowladda Soomaaliya ay ku guul-dareysatay inay hubka ka xakameyso gacanta ganacsatada iyo kooxaha kale. Qoraalkan, waxaa kale oo lagu sheegay in Soomaaliya aaney u hoggaansamin cunaqabateynta hubka ee saaran, waxaa intaas dheer in laga waayey xogta rasmiga ah ee la xiriira hubka iyo rasaasta ay dowladda keensato, waxaa ay diiday Villa Somalia inay Qaramada Midoobey arkaan meelaha hubka yaalaan, iyada oo la ogaaday in hubka ay dowladuu leedahay suuqyada u iib-geeyaan saraakiil ciidamada ah(kuwoo hoose iyo kowoo sare), mas’uulyiin xukuumadda ka tirsan. Hubka oo lala baxo, iibintiisa gaar ahaan kuwa keydan sida nooca RPG-7, waxaa ay caqabad ku tahay xasiloonida siyaasadeed, taasi oo sii adkeyneysa qeybinta iyo dusinta hubka ay aad ugu sareyso gudaha Soomaaliya. Hubka Ay Dowladdu Heshay: 20,000 Sida ku qoran warbixinta SEMG, dowladda Soomaaliya waxaa ay heshay ilaa 20,000 oo qori iyo 75 million oo rasaas ah, oo ay ku jiraan 70,000 oo ah RPG-7, waxaa kale oo warbixinta ay su’aal ka keentay inay kala badan yihiin hubka loo ogolyahay dowladda Soomaaliya inay hesho kadib markii laga qafiifiyey cunaqatabeynta hubka iyo midka rasmiga ah ee ay heystaan ciidamada xoogga dalka. Kooxdan waxaa ay sheegeen in 21 Konteenar oo hub ah oo ay ku jiraan nooca Soomaalida u taqaanno “Baasuukaha 7” la geeyey gudaha Villa Somalia bishii May 2018, waxaa sidoo kale loo diiday SEMG inay soo arkaan. Warbixinta Qaramada Midoobey waxaa ku jirta in hub ay lahaayeen ciidamada dowladda Soomaaliya ay gacanta u galeen ganacsato iyo kooxo hubka ka ganacsada oo jooga magaalooyinka Mogadishu, Baydhabo iyo Dhuusamareeb. Qoraalka UN-ka waxaa ku jirtay oo kale, in hub lagu qabtay kooxo ka tirsan Al-shabaab oo joogay gudaha Kenya ay ahaayeen hub ay lahaayeen ama ay aheyd inay yaalaan bakhaarada ciidamada dowladda. Ugu dambeyntii, Qoraalkan UN-ka, waxaa lagu sheegay in hubka dowladda Soomaaliya ay halis ugu jiraan in la qaato ama la xado, oo aaney xakameyn Karin, waxaa ay tusaale usoo qaateen wixii ka dhacay xerada Gordon, oo markii la jabsaday oo qoriga AK-47 lagu iibsanayey $1,000. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
In Xukuumadu Xaddidaa Xilliga Waa Xalka Tir-tiraya Tumashadii Ka Taaba Gashay Dalka’ Gaar ahaan Hargeisa. • Go-Gol Xaadhka Qormada: Adolf Hitler Ayaa Dagaalkii Labaad ee Dunida Duullaan Ku qabsaday Dalka Faransiiska. Intaa Kadib Ayuu Dadkii Dhamaan uu Isugu yeedhay oo isugu keenay barxada paris waxaanu U jeediyey Qudbad Saameyn weyn ku yeelatay Dalkaasi faransiiska oo Taariikhda Gashay wuxuu aad u canaantay Faransiiska Tumashadii badnayd ee ay ku jireen awgeed, Hadalkii Uu halkaa ka yidhi Ayaa hal-ku dhigan Dhiganta taariikhda galay Ee dalkaas ilaa haatan ka Damqado ee uu ku yidhi ahaa Sidan ( Reer Faransiisow intaad ku mashquulsanaydeen Cabbirka Naaska Hablaha anaguna cabbirka Dhuunta Qoriga ayaanu ku mashquulsanayn Waana Sababta Aan idiinka Guulaysanay) Sideedaba Dhalinyaro ama Dad Haday tumasho iyo Tiyaayax ku Foogan yihiin Ma Horu maraan mana Hana Qaadaan. 1886-dii Waxaa la Asaasay Goobtii Ugu horeysay Ee Night Club kaasoo lagu magacaabo Webster Hall waxaana Laga Hir geliyey Gudaha maraykanka’ Sanado kadib waxaa la dhisay Meelo badan oo habeenkii lagay caweeyo’ Markii uu maraykanku Dareemay Inay tahay Wax aan faa’iido u lahayn anshaxa Bulshada Waxaa La mamnuucay Goobaha habeenkii lagu caweeyo’ kadib markii dadkii Hawshan ku fooganaa Dhulka hoostiisa ka sameeyeen Goobo lagu caweeyo waxay Dawladu Gacan adag ku qabatay Maamulidii goobahaasi Iyadoo Xadiday Wakhtiga Waxaanay Ka qaaday cashuuro xoogan Keliya ilaa maanta waxaa taga dhulkaas dad xun-xun Oo Cambaarysan, Waanay sii dabar-go’ayaan goobahaasi, Guud ahaan Dunida. Hadaba maxaa inoo diiday inagoo bulsho 100% muslima Inaynu Xadidno oo xakamayno Xumaanteena, Maxay dadka Qaar Arinkaa u taageersanyihiin uguna Dhaliilayaan xukuumada’ Mise talow waxay Hog-seegsan yihiin Dareenkan U damqashada Dalkeena ee Xakamihii Xayada ka Xaydaya Xayntan Tumanaysaa iyo u Damiir bislaanta Diinteena. • Gudo-Gal Hargeisa Waxaa Beryahan Dambe Laga Bineeyey Hotelo Bilayaal ah oo Boqolaal Gaadhaya’ Kuwaasoo Bilic iyo Bidhaan Wanaagsan Kusoo Kordhiyey Muuqaalka Iyo Mitaawada Dalka, Se Waxaan Been ahayn In Hotelada Qaarkood Ku duuganyihiin Kuna Dahaadhanyihiin Arrimo Xumaan Iyo Xubeero ah’ Waana Goobo Tumasho, Faxsho iyo Fisqi badani Ka jiro, Waxaanay Si dadban U huwanyihiin Magaca Fool-xumada badan ee ( Night Club) ee Koobsanaya Meel-Lagu Tunto Oo Lagu Taqwo-iyo Toobad seegay. Waxaa Jira Goobo Si Cad oo Aan Caad saarnayn Loogu tunto Anigoon Si Gaara Cid u beegsanayn una Bartilmaameedsanayn, Hadana Bulshadu Aad bay ugu Baraarugsanyihiin Goobahaasi. Hoteladan Waxaa lagu isticmaalaa Qaybaha kala duwan ee Maan-dooriyayaasha, Rag iyo Dumarba iyadoo Laysku Dhex jiro, Laguna Tigaadayey Tiirarkii Diinteena ee Tilmaamayey Kala Taganaanta Dumarka iyo Raga, Hadaba Waxaa Hoteladaas Xumuhu Ka Tis-qaaday ee Caadiga iyo Caadada ka Noqday Ku Curdin dha-dhay Oo Ku Caar-Caaray Hablo Badan oo ahaa Cawlkeenii iyo Cisigeenii, Waxay Galeen Xabaasha Belwad-bariisinka Iyagoo Jiifsaday Iilka Xayo, xurmo, iyo Xeerin, La’aanshaha. Waxayna Ku mabeen Maal-qabeenada iyo Madax Badan Iyagoo Noqday shaxaadayaal Shilimaysato ah’ oo Sharaftoodii U Tolay Shaadhka Xishood-la’aanta. • Fariinta Uu Xambaarsanyahay Qoraalku. Waxay Xambaarsantahay Qormadani Taageere Xukuumadeed Oo Aan Shuruud Iyo Shaki lahayn. Hadaba Caqliga Saliimka ah’ ee sida Salmiga ah u fekerayaa Waa Ka Taageeraya Muslima ahaan, Muxaafad ahaan, Mucaarad ahaan, iyo Muwaadin ahaanba. Mawqifkan Milgaha leh ee Xukuumadu Ka Dhawaajisay, Ee Xilli Xaddidka iyo Xumo-Xayiraada ah’ Isla markaana Lagu Bad-baadinayo Magoolka iyo Muraayada Qaranka Ee Maan-dooriyaasha Qabatimay ee Haatana Mugdiga Nololeed Fooda Daray. Waxaan qabaa dadka Fikradan Kasoo Hor jeestaa inay yihiin Xumo kal-kaal Ceeb-Dugaashato ah’ Oo aan Dalka iyo Diintaba Lexo jeclo Ka Qabin isl markaan Damiirkoodu Qaydhinyahay W/Q: Fadxi Garaad Ciise. Qaran News
-
(SLT-Hargeysa)-Waxaa saacadaha soo socda la filayaa in xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey u codeeyaan qaraar cunaqabateynta lagaga qaadayo Eritrea, iyadoo warbixin laga dhageysan doono Guddiga la socodka cunaqabateynta saaran Soomaaliya iyo Eritrea. Xubnaha 15-ka dal ee Golaha Ammaanka ayaa loo soo jeedin doonaa qaraarka cunaqabateynta lagaga qaadayo Eritrea, waxaana kaliya u baahan tahay 9 cod. Qaraarka cunaqabateynta hubka lagaga qaadayo Eritrea ayaa waxaa soo gudbisay dowladda Ingiriiska oo ka mid ah xubnaha joogtada ee 15-ka dal ee Golaha Ammaanka, isla markaana ah 5-ta dal ee codka qayaxan ee VETO ku leh Golaha. Eritrea ayaa rajo weyn ka qabto in laga qaado cunaqabateynta saaran ee dhinaca hubka, socdaalka, hantida iyo kuwa kale, waxaana Eritrea ka bixi doontaa go’doonka ay ku jirtay sagaalkii sano ee la soo dhaafay. Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sanadkii 2009 cunaqabateyn ku soo rogay Eritrea, kaddib markii lagu eedeeyay inay hub siiso ayna taageerto Al-Shabaab, isla markaana diiday xal u helidii muranka xuduuda ee u dhaxeeyay iyaga iyo Jabuuti. Is bedelka ka dhacay Gobolka iyo Itoobiya ayaa albaabada u furay inuu caadi ku soo laabto xidhiidhkii diblomaasiyadeed ee Itoobiya iyo Eritrea, kaddib 20 sano oo colaad u dhaxeysay. Dhinaca kale Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobeya ayaa sanad kale ku kordhin doona cunaqabateynta saaran Soomaaliya, waxaa la filayaa in la gaarsiiyo 15 November sanadka 2019. Source
-
Qaran News
-
Xulka Ethiopia ayaa ciyaar xiiso badan la leh xidigaha 23-jirada ee dalkeena Soomaaliya waxayna ciyaartan ka dhacaysa magaalada Addis Abba oo ay xulkeena gaareyn 10-kii bishan November Labada xul waxa ay wada ciyaaridoonaan kulan ka tirsan is reerbka ciyaaraha olimikada aduunka oo 220 lagu qabandoono magaalada Tokoyo ee dalka Japan waxayna xulkeena sameeyeen tababaro kala duwan tan iyo bishii October,iyagoo garoonka Jaamacadaha saddex waqti ku qaatay tababaro adag Ethiopia iyo Soomaliya ma ahan markii ugu horeesay oo ay wada ciyaarayaan kulamo ka tirsan qaarada Afrika,balse waxaa labada dhinac kawada dhaxeeyo xifaaltan adag maadaam labada wadan ay daris yihiin “Si wanaagsan ayaan iskugu diyaarinay kulankan xiisaha badan waxaa inaga go’an in aan guul usoo hooyno taageerayaasheena oo marlaba jecel wada guulaha,balse kubbaddu waxa ay lee dahay saddex heer anagana waxaan diyaar u nahay in aan qaadno midii ina soo gaarta”waxaa sidaas Goobjoog Sports uga waramay Ciise C/qaadir Ibraahim oo ah kabtanka xulka 23-jirada Soomaaliya Da’yarada Soomaliya iyon Ethiopia ayaa bishii April ee sanadkan kuwada hardamay ciyaarayaha 17-jirada Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka dhacay Burundi inkastoo Soomaaliya ciyaartaas laga adkaatay hadana Ethiopia waxaa laga qaaday dhibicii iyo goolashii ay dhalisay sababo ku aadan in ay soo safatay ciyaaryahan ka da’weyn 17-sano waxaana xulka Ethiopia lagu ganaaxay Lacag dana 15-kun oo dollar “Xulka Ethiopia waxa uu caan ku yahay qayaanada da’da ama (Age Cheating),balase aniga ma qabo in sidaas samaynaynaa kulankan sababtoo ah ciyaartii u danbeesay ee labad wadan dhax martay waxaa ogtahay in Ethiopia lacago faro badan laga ganaaxay aniga ahaa waxaa ii muuqda diyaar xoogan oo ay labada dhinac sameeyeen waxaa Goobjoog Sports u sheegay C/Wali Colaad Qanyare (Gaatamow) oo ugu ciyaaray xulka qaranka iyo kooxda Banaadir SC Ogeysiiska Kulanka Tartanka:-Is Reeb Reebka Olimkada Dalalka-Ethiopia VS Somalia Taariikhda:-14-11-2018 Maalinta:-Arbaco Xiliga Ciyaarta:-3:30pm Daawashada Kulanka: – azamtv Tanzania Garoonka:-Addis International Stadium Halkaan Ka Daawo Falanqeyn Ku Saabsan Ciyaarta Adag Ee Soomaaliya Iyo Ethiopia W/D-Maxamed Xuseen Qalinle Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ay kala direen kooxdii Dabagalka Cunaqabateynta hubka ee saaran dalalka Soomaaliya iyo Eritrea. Wararka ayaa intaasi ku daraya in golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay inay go’aamiyeen kala dirista guddiga oo 10 kii sano ee u dambeeyay arimahaan ka shaqeynayay, waxaana la go’aamiyay in Dalka Eritrea Cunaqabateynta laga qaado. Eritrea ayaa u baahan Sagaal cod oo kamid ah 15 cod ee xubnaha golaha amaanka, iyadoo kadib laga qaadi doono Cunaqabateynta hubka ee Saaran Eritrea, waxaana loo codeynayaa maanta. Eritrea ayaa cunaqabateyntan la saaray sanadkii 2009kii,markaas oo lagu eedeeyay in ay faragelin ku heysay dalalka deriska la ah sida Jabuuti iyo Soomaaliya oo lagu eedeeyay in ay AL-shabaab taageerto. Eritrea ayaa diiday dhamaan eedahaas,waxaana Qaraar Qabyo ah oo ay soo gudbisay Dowladda Ingiriiska la isku raacay in maanta cunaqabateynta Hubka,Socdaalka iyo dhaqaale laga qaado Eritrea. Guddiga la kala diray ee Monitoring Group loo aqoon jiray ayey Golaha amaanka ku beddeleen Guddiga Khubarrada Soomaaliya oo kali ah (Panel of Experts on Somalia). Guddiga SEMG ee la kala diray ayaa la socon jiray dhaq dhaqaaqa cunaqabateynnada Saaran Soomaaliya iyo Eritrea,waxaa sidoo kale ay wax ka qori jireen dowladaha sida dadban ama tooska ah ugu lug lahaa maalgelinta Al-shabab. Guddiga cusub ee u gaarka ah Soomaaliya ayaa shaqeyn doona ilaa 15ka December 2019,waxaana uu heystaa muddo xileed Hal Sano ah. Xubnahaan ayaa dowladda Ruushka waxay soo jeedisay in Shan xubnood laga dhigo, halka dalalka kale ay so jeediyeen in lix xubnood la gaarsiiyo, taasi oo dhalisay in tirada guddigan cusub uu noqonayo la isku khilaafo. Caasimadda Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@Live.com
-
Afgooye ( Sh. M. Network )-Guddoomiye ku xigeenka dhinaca Maaliyadda ee maamulka gobolka Shabeelaha Hoose C/fitaax Xaaji Cabdulle ayaa sheegay in Isbaarooyin hor leh la soo dhigay deegaano ka tirsan gobolkaasi. C/fitaax Xaaji Cabdulle oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee M/ Muqdisho ayaa xusay in Jidgooyooyinkan Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya ay soo dhigteen inta u dhexeysa degmooyinka Wanlaweyn iyo Afgooye ee gobolka Shabeelaha Hoose. Sidoo kale waxaa uu intaasi ku daray guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda ee Sh/ Hoose in ku dhawaad 300 oo Gawaari ah ay ku xaniban yihiin degmada Afgooye ee gobolkaasi. Waxaana uu ugu baaqay madaxda dowladda federaalka Soomaaliya in ay wax ka qabtaan dhibaatooyinkaasi. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-1-sh-hoose.mp3 The post Isbaarooyin hore leh Oo la soo dhigay Shabeelaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha Maxkamada Guud ee dalka Itoobiya ayaa shalay booqatey xarumaha Booliska ee ku yaala magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kuwaas oo lagu hayo maxabiis danbiyo kala duwan lagu soo eedeyey Xabsiyada ay booqatey Gabadha madaxweynaha ka ah maxamada guud ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ka mid ah Saldhiga uu ku xidhan yahay Madaxweynihii hore ee Somalida Itoobiya Md Cabdi Maxamuud Cumar waxaana uu u sheegay in gobta uu hada ku xidhan yahay ay tahay goob aad u fiican, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Riyadh)-Dhaxal-sugaha Sacuudiag Maxamed Bin Salmaan ayaa sheegay in unug argagixiso oo qorsheeyey inay isaga khaarijiyaan lagu xidhay waqooyiga jasiirad u yaalka Siinaay ee dalka Masar. Wargeyska Jerusalem Post ayaa qoray in Maxamed Bin Salmaan uu xogtan shaaca ka qaaday markii uu la kulmay koox haysata madhabta Evangelical ee Kirishtanka oo magaalada Riyadh booqday kowdii November, ayaga oo ka tegay Mareykanka. Bin Salmaan ayaa sheegay in unugan ay ku jireen dad u dhashay Sacuudiga. “Cadowgeyga waxay qorsheynayaan inay i khaarijiyaan” ayuu Bin Salmaan u sheegay wafdiga Mareykanka, sida laga soo xigtay ,adaxa waftiga Mareykanka Joel Rosenberg, oo ah Israeli-Mareykan, kaasi oo horey ula shaqeeyay ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Ilaa iyo hadda wax faahfaahin buuxda ah lagama bixin kooxda uu Maxamed Bin Salmaan sheegay inay doonayeen inay dilaan, balse sida laga soo xigtay Rosenberg, waxa uu cadowgiisa ku sheegay madaxweyne Erdogan, Iraaniyiinta iyo Ruushka. Rosenberg ayaa dhinaca kale sheegay in Bin Salmaan uu u sheegay in dilkii suxufi Jamaal Khaashuqji uu ahaa qalad, islamarkaana la ciqaabi doono dadkii fuliyey. Source
-
Kumannaan ka mid ah shaqaalaha dabdamiska Mareykanka ayaa la tacaalaya dab xoog leh oo ka ololaya qeybo ka mid ah koofurta iyo waqooyiga gobolka California. Ugu yaraan 44 ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen dabkaan oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kuwii ugu khasaaraha badnaa ee soo mara gobolka Califronia. Bulshooyin badan ayaa barakacay, guryo badanna dhulka ayay la sinmeen dhinaca koofureed ee California gaar ahaan deegaannada u dhaw dhaw magaalada Los Angeles. Dabeeylo xawaarahoodu sarreeyo iyo huur aanan sidaasi u badneyn ayaa la sheegay in ay sii hurinayaan dabkan. Source
-
Kismaayo ( Sh. M. Network )-Wasiiru dowlihii hore ee wasaaradda Aminga Jubbaland Maxamed Cabdi Kaliil oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa eedeyn kulul u jeediyay madaxda sare ee maamulkaasi. Mr Kaliil ayaa sheegay in Madaxda Jubbaland ay ku howlan yihiin iska hor keenida Beelaha wada daga gobollada Jubbooyinka iyo Gedo ee K/ Soomaaliya. Waxaana uu ugu baaqay DFS in ay il gaar ah ku heyso dhibaatooyinka lagu hayo shacabka ku dhaqan deegaanada maamulka Jubbaland. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/cod-jaamac.mp3 The post Wasiiru dowlihii Amniga Jubbaland Oo eedeeyay madaxda maamulkaasi appeared first on Shabelle. View the full article
-
Askari ka tirsan ciidamada badda ee (PMPF) ayaa toogasho ku dilay laba askari oo kale,kuwaasoo kala tirsanaa ciidamada, sida ay xaqiijiyeen saraakiisha PMPF. Shakhsiga dilka u gaystay labada askari ayaa sida wararku sheegayaan ka carooday hadal ay kula kaftameen, xilli ay ku sugnaayeen goob maqaaxi ah, waxaana dilkaasi ka dhacay magaalada Boosaaso. Ilaaa iyo haatan ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay taliska ciidanka badda Puntland ee(PMPF) oo faahfaahin looga bixiyay dhacdadaasi. Wixii ka soo kordha kala soco: Puntland Post The post Laba askari oo ka tirsan ciidanka badda Puntland oo toogasho lagu dilay appeared first on Puntland Post.
-
(SLT-Thailand)-Geerida wiilkan 13 sano jirka ah ayaa sababtay jug ka soo gartay cayaar dhanka feerka ah. Wiilkaan oo lagu magacaabo Anucha Kochana ayaa la sheegay in jug maskaxda ka soo gaartay uu dhintay laba maalmood kadib cayaartaasi. Dhacdadaan ayaa horseedday cadaadis cusub oo ku aaddan in cayaarta feerka ee caruurta laga joojiyo dalka Thailand. Waxa uu ka qeeyb qaatay 170 dagaal oo dhanka feerka ah tan iyo dideed jirkiisii, taas oo qooyskiia ka caawisay in uu dhaqaalohooda kordho. Baarlamaanka Thailand ayaa dib u eegis ku sameeynaya sharci cruurta da’doodu ka yartahay 12 sano ka mamnuucaya in ay ka qeeyb qaataan cayaaraha feerka. Cayaarta feerka ee Thailand oo loo yaqaano Muay ayaa aad caan uga ah dalkaasi. waxa ayna kumaanaan dhalinyarada feerka cayaara ah iyo qoosaskooduba u arkaan in feerka uu yahay fursad lacag lagu sameeyo. Balse waxaa jira shuruuc yar oo lagu hago cayaaraha, qaar ka mid ah dadkana waxa ay ka soo horjeedaan hindise sharciyeedka caruurta ka mamnuucaya cayaaraha feerka, waxa ayna ku doodayaan in cayaaraha feerka ee da’yarta ay mid yihiin dhaqanka qadiimiga ah ee waddanka. Lahaanshaha sawirkaAFP Shacabka reer Thai ayaa ka naxay geerida Anucha, dhanka kalana qaar ka mid ah feeryahanada caanka ah ayaa tacsiyeeyay dhacdadaan. Muuqaal la duubay intii ay cayaarta socotay ayaa muujinaya labada wiil ee ka qeeyb qaadanayay cayaarta feerka oo aan madaxa ku xirnayn qalab difaaca jugta. Anucha ayaa la sheegay in madaxa feer looga dhuftay ka hor inta uusan dhulka ku dhicin. Thailand waxaa ka diiwaan gashan 10,000 oo feeryahan, kuwaasi oo ay da’doodu ka yartahay 15 sano jir. Source
-
Mooyaale ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal culus oo u dhexeeyay Qowmiyadaha Oromada iyo Soomaalida oo saaka aroortii hore dib uga qaraxay degmada Mooyaale oo dhacda xadka ay wadaagaan dalalka Kenya iyo Ethiopia. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in la’isku adeegsaday hubka nuucyadiisa kala duwan. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in dagaalka uu ku sii fiday deegaano hoostaga degmadaasi Mooyaale. Ma cadda illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee labada dhinac ka soo gaaray dagaalkaasi. Waxgaradka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa in durbo ay bilaabeen dadaallo lagu qaboojinayo xiisadaasi. Xaaladda ayaa weli kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo iska soo horjeeda laga dareemayo deegaanadii lagu diriray ee xadka Kenya iyo Ethiopia. The post Oromada iyo Soomaalida Oo ku dagaalamay Mooyaale appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Paris)-Ciidammada Faransiiska ayaa u muuqda in ay ku jeesjeeseen madaxweyne Trump shalay iyaga oo Twitterka adeegsanaya, arrintaas ayaa timid ka dib markii madaxweynaha Maraykanku uu baajiyay booqasho uu ku tagi lahaa qubuur ay ku aasan yihiin dadkii ku dhintay Dagaalkii Koobaad ee Adduunka, isaga oo arrintaas ku micneeyay cimilada oo xumayd awgeed. “Roob baa da’aya dhibse ma jiro” ayaa lagu soo qoray ciwaanka ay ciidammadu ku leeyihiin Twitterka. Waxayna soo raaciyeen #MondayMotivation oo macnaheedu yahay dhiirigalinta Isniinta. Trump ayaa aad loogu dhaliilay in uusan booqanin qubuuraha Aisne-Marne American ka hor xuskii boqol guuradii ka soo wareegtay markii uu dhammaaday Dagaalkii Koobaad ee Adduunka. Ciidammada Faransiiska ayaa intaas ka dibna sheegay in ay Twitterka ula jeedeen tababarkooda. “Way mahadsan yihiin taageerayaashanada qoraalkan sii faafiyay” ayay soo qoreen ciidammada oo dabo socda qoraalkoodii hore waxayna intaas sii raaciyeen “waan ka xunnahay kuwa sida khaladka ah u fahmay, wax kale oo looga gollahaa ma jiro oon ka ahayn hawlihii caadiga ahaa ee ciidammada u yaallay taas oo maanta uu roob ku soo aaday!” Af-hayeenka Aqalka Cad, Sarah Sanders, ayaa difaacday go’aanka uu madaxweynuhu uga baaqday munaasabadda qubuuraha ee Sabtidii, waxayna sheegtay in cimiladdu ay aad u xumayd oo aragga uu saameeyay isla markaasna uu ka baaqsaday in uu kolonyo baabuur ah ku dhex maro Paris isaga oo diidaya in waddooyinka loo xiro ka dibna arrintaasi dadka saamayn ku yeelato. Isla Isniintiina Aqalka Cad ee Maraykanka looga arrimiyo ayaa xaqiijiyay in madaxweynuhu uusan ka qaybgalayn xuska lagu qabanayo qubuuraha Arlington National Cemetery. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada dowladda Soomaaliya ee kusugan inta u dhaxeyso Degmada Afgooye ilaa deegaanka Carbiska ayaa lagu eedeeyay inay xanibeen gaadiidkii ugu badnaa oo u socday Koofur Galbeed. Inka badan 200 oo Gaadiidka xamuulka qaada ayaa ciidamadan waxay ku xanibeen agagaarka deegaanka Carbiska, waxaana maamulka Shabeelaha Hoose ay sheegeen in gaadiidkaan ciidamada ka doonayaan dhaqaalo aad u badan. Guddoomiye ku xigeenka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in ciidamadan ay ku amreen gaari kastaa inuu bixiyo dhaqaalo gaaraya 5 kun oo doolar, sida uu hadalka u dhigay, taasina ay caqabad weyn ku tahay dadka uu rarka u saaran yahay gaadiidka. Bagaash badan oo laga bixiyay dekada magaalada Muqdisho ayaa saaran gaadiidka, waxaana leh ganacsatada Gobolada Baay, Bakool iyo Gedo, iyadoo taasi ay caqabad kale noqon doonto haddii aan la xalin. Ma jirto wax jawaab ah oo kasoo baxday saraakiisha ciidamada dowladda Soomaaliya ee eedeynta loo jeedinayo, iyadoo horey madaxweynaha Soomaaliya uu ka digay in gaadiidka lagu dhibaateeyo gobolka Shabeelaha Hoose. Mid kamid ah wadayaasha gaadiidka ayaa sheegay in muddo lix maalin ay ku xayiran yihiin agagaarka degmada Afgooye, “Baabuurta wey xayiran yihiin, ilaa Carbiska ayay safan yihiin, waxay u socdeen Gedo, Baay iyo Bakool, Ciidan labisan ayaa heysta Gaadiidkaasi oo raashiin wada”ayuu yiri Mid kamid ah wadayaasha Gaadiidka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Xildhibaanada Golaha Shacabka BJFS ayaa maanta kulan ka yeelanayo u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018, taas oo ay wasaaradda maaliyadda u soo gudbisay xubnaha Golaha Shacabka. Ajandaha kulanka ayaa ah u codeynta ku noqoshada miisaaniyadda 2018 iyo aqrinta saddexaad ee hindise sharciyeedka Golaha Mihnadlayaasha Caafimaadka. Xildhibaanada golaha shacabka ayaa Isniintii la soo dhaafay dood dheer ka yeeshay ku noqoshada miisaaniyadda,iyadoo ay soo bandhigeen talooyin ku saabsan ku noqoshada miisaaniyadda oo ay ku jiraan xuquuqda iyo mushaarka ciidamada Qaranka ee Bilaha kala ah October, November iyo December ee Sanadkan. The post Golaha Shacabka Oo Cod u qaadayo ku noqoshada Miisaaniyadda Dowladda 2018 appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/11/Warka-Subax-141118.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Maxamed Cabdi Kaliil, wasiiru dowlihii hore ee amniga maamulka Jubbaland ayaa wareysi uu siiyey Goobjoog Nerws, waxa uu kaga hadlay arrimo ku aadan xil ka qaadis uu shalay ku sameeyey madaxweyne Axmed Madoobe. Kaliil ayaa sheegay in markii horeba uu damacsanaa in xilkaasi uu iska casilo, islamarkaana waxa uu tilmaamay iney jiraan sababo badan oo aan looga sii mid ahaan karin Jubbaland. Waxa uu ku dhaliilay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe inuu yahay shaqsi doonaya inuu kaligiis taliyo, islamarkaana uu isku dirayo qabiillada waa sida uu hadalka u dhigaye. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/11/Wasiiru-Dowlahii-Amniga-Jubbaland-oo-is-Casiley.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta lagu wadaa inuu cod u qaado cunaqabateynta saaran dalka Eritrea, arrintan oo timid kadib markii xiriirkooda caadi ku soo noqday dalka Itoobiya ayna iso soo dhowaadeen Djibouti. Wararka waxaa ay sheegayaan in isniintii la isku afgartay qaar ay Ingiriiska soo geliyeen oo ku aadan qaadista cunaqabateynta, taas oo saarneyd ilaa 2009-kii. Qaraarka si uu ansax u noqdo waa loo baahanyahay 9 cod iyo in aanu codka vetoes adeegsan mid ka mid ah dalalka Mareykanka, Shiinaha, Ruushka, Ingiriiska iyo Faransiiska. Cunaqabateynta la qaadayo waxaa ay kulmi-doontaa hubka, cunaqabateynta safarada, hantida la xayiray iyo arrimo kale. Waxaa kale oo lagu baaqi-doonaa in la dhameeyo muranka waqti-dheer soo-jiitamayey ee Eritrea iyo Djibouti, kana wada shaqeeyaan is afgarad. Goobjoog News Source: goobjoog.com