Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    213,501
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Dhuusomareeb (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in khilaaf uu soo kala dhex galay madaxweynaha maamulka Galmudug iyo madaxa xukuumadda. Khilaafka u dhaxeeya Axmed Ducaale Xaaf iyo Sheikh Maxamed Shaakir Cali ayaa ku saleysan doorashada madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug oo la doonayay in lagu qabto magaalada Dhuusomareeb. Wararka ayaa sheegaya in madaxa Xukuumadda oo ka hor yimid in doorashada madaxweyne ku xigeenka Galmudug lagu qabto Dhuusomareeb haddii aan la dooraneyn madaxweyne ku xigeen Ahlu sunna taageersan. Xaaf ayaa dhankiisa wata madaxweyne ku xigeen la dhacsan siyaasadiisa, waana tan keentay in khilaafkaan cusub uu soo kala dhex galo madaxda maamulka Galmudug ee fadhigoodu yahay magaalada Dhuusamareeb. Khilaafkooda ayaa soo jiitamayay tan iyo markii madaxweyne ku xigeenka Galmudug xilka ay ka qaadeen xildhibaanada ku sugan magaalada Dhuusomareeb, balse wuxuu xoogeystay markii la gaaray xiliga doorashada. Khamiistii lasoo dhaafay ayaa qorshaha uu ahaa in doorashada madaxweyne ku xigeenka lagu qabto magaalada Dhuusomareeb ee gobolka Galgaduud. Madaxweyne Xaaf ayaa dadaal dheer ku bixinaaya in uu Ahlu-suna uu ku qanciyo in shaqsiga uu wato uu madaxweyne ku xigeen u noqdo balse ahlu-suna ayaa ka biyo diidan rabitaanka Xaaf. Caasimada Online Xafiiska Galmudug Caasimada@live.com
  2. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa sheegay in door muuqda ay ka qaadan karaan wadahadalla Soomaaliya iyo Somaliland. Nabadoon Xasan Hilowle Cismaan ( Xasan Kacaan ) oo ka ka mid ah waxgaradka Soomaaliyeed oo uu warramay Shabelle ayaa xusay in Odayaasha Dhaqanka ee K/ Soomaaliya ay si weyn uga qeyb qaadan karaan xalinta tabashada ay qabto Somaliland. Xasan Kacaan ayaa ugu baaqay dowladda federaalka Soomaaliya in dadaallada ay wado ay kala kaashato Waxgaradka Soomaaliyeed, si looga mira dhaliyo. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Cod-1-cabdiqani.mp3 The post Nabadoon Xasan Kacaan “Odayaasha Dhaqanku door weyn ayey ka qaadan karaan wadahadallada Soomaaliya iyo Somaliland” appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Nigeria ayaa loo aqoonsaday wadanka Afrika ugu horeeya ee argigixisadu awoodu ku leedahay , sida lagu sheegay warbixin sanad leh oo ay sii daayay hay’ad [...] Source
  4. Bixinta darajada ciidamada Somaliland, waxaa u qaabilsanaa gudi uu madaxweynuhu u magacaabay kuwaas oo la odhan jiray (gudia bixinta darajada ciidamada Somaliland). Wareegoodii u danbeeyey [...] Source
  5. Addis Ababa (Caasimada Online)-Waxaa magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia gaaray madaxweynayaasha dalalka Sudan iyo Jabuuti, kadib casuumad ay ka heleen ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Dr Abiy Axmed Cali. Ujeedada socdaalka labada madaxweyne ay u tageen magaalada Addis Ababa ayaa ah inay ka qeyb galaan xarig ka jarista garoon loo dhisay qaab casri ah oo laga hergeliyay magaalada Jima ee gobolka Oromia ee dalka Ethiopia. Qoraal lagu daabacay Barta Twitter-ka ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia ayaa lagu sheegay in labada masuul ay ka qeyb gali doonaan munaasabadaasi ka dhacaysa magaalada Jima ee dalka Ethiopia. Ra’isul wasaaraha Ethiopia Abiy Axmed ayaa waday isbeddel gudaha iyo dibadda ah oo dhinacyada siyaasadda iyo dhaqaalaha la xiriiray, waxaana la filayaa in labada masuul uu kala hadli ka mid ahaanshaha isbadalka geeska. Dadka falanqeeya siyaasadda geeska Afrika ayaa u arkayay Isbaheysigan oo ay ka maqanyihiin Jabuuti iyo Sudan in uu gaabis yahay sidaas darteedna waxaa ay u badantahay in Abiy uu kala hadlo labada masuul ka qeyb ahaanshaha isbadalka socdo. Caasimada Online Xafiiska Addis Ababa Caasimada@live.com
  6. Dubai (Caasimada Online)-Hogaamiyaha dibad Jooga ah ee Fatax ahna lataliyaha dhaxal sugaha Imaaraatka Carabta Maxamed Dahlaan, ayaa shaaciyay waqtiga uu dhaxal sugaha Sacuudiga uu xilka dalkaasi heyn doono. Maxamed Bin Salmaan, ayuu sheegay in xukunka Sacuudiga uu heyn doono 50 sano oo soo socota, sida uu sheegay lataliyaha dhaxal sugaha Imaaraatka Carabta. Maxamed Dahlaan, ayaa hadalkaan jeediyay kadib wareysi uu siiyay Al Carabiya TV, waxaana uu yiri “Warar xan ah ayay baahiyeen Warbaahinta Qatar iyo Turkey kuwaasi oo lagu carqaladeynayo Masar iyo Sacuudiga”. “Maxamed Bin Salmaan wuxuu awooda Sacuudiga iyo xukunka heyn doonaa 50 sano oo soo socoto, ilaa in faragelin rabaani ah ku timaado mooyee”ayuu yiri Maxamed Dahlaan. Wareysiga lala yeeshay Maxamed Dahlaan ayaa la baahiyay iyadoo ay jiraan mowjado cambaareyn ah oo ku aadan dhaxal sugaha Sacuudiga, taasi oo la xiriirta Dilka Wariye Jamaal Kashoqji oo dhacay 2 October ee sanadkaan. Waxaana Warbixino sirdoon oo soo baxayay ay shaaciyeen in Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu isaga lahaa amarka lagu dilay wariyaha oo ka dhex dhacay Qunsuliyadda ay ku leeyihiin dalka Istanbul. Dahlaan, wuxuu beeniyay in kooxo hubeysan ay si toos ah u weerareen isaga, sabab la xiriirta in dhaxal sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu booqday lanna kulmay Todobaad ka hor. Wargeyska Yeni Safak ee dalka Turkey, ayaa isaga oo soo xiganaayo ilo xog ogaal ah uu u dhashay dalalka Sacuudiga iyo Falastiin wuxuu sheegay in Maxamed Bin Salmaan iyo Boqorka Imaaraatka ay ka dalbadeen Maxamed Dahlaan inuu qaato masuuliyadda dilka wariye Jamaal Kashoqji islamarkaana uu iska dhigi ruuxii qorsheeyay kadibna amray dilka wariyaha, si loo difaaci Bin Salmaan, laakiin wuu iska diiday. Maxamed Dahlaan ayaa fadhigiisu wuxuu yahay magaalada Dubai tan iyo 2011 xiligaasi oo ururka Fatax ay ceriyeen sabab la xiriirta inuu dhaawacayo amaanka qaranka Falastiin, isaga oo sameynaya faa’iido xad dhaaf ah. Caasimada Online Xafiiska DUBAI Caasimada@live.com
  7. Dhuusomareeb ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee Galmudug ayaa saacadihii la soo dhaafay howlgallo ka sameeyay magaaada Dhuusomareeb ee xarunta maamulkaasi. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxaa laga fuliyay xaafadaha kala duwan ee magaaladaasi. Ku dhaawaad 25 Qof oo u badnaa Dhalinyaro ayaa lagu soo warramayaa in lagu soo qab qabtay howlgalladaasi, sida ay xaqiijiyeen ilo wareedyo ku sugan halkaasi. Xiriiro aan la sameynay saraakiisha hoggaamineysay howlgalladaasi ayaa waxa ay ka gaabsadeen in ay faah faahin ka bixiyaan baaritaanadaasi. Balse waxa ay sheegeen in ay shaacin doonaa natiijada marka uu soo gabagaboobaan howlgalladaasi. Maalmihii la soo dhaafay Galmudug ayaa xoojineysa ammaanka Dhuusomareeb, si looga hortago falal ammaan dari oo ka dhaca gudaha magaaladaasi. The post Ciidamada Galmudug Oo howgallo ka sameeyay Dhuusomareeb appeared first on Shabelle. View the full article
  8. Maamulka Jubbaland ayaa sheegay in uu aqbalay wada hadalo iyo kulamo uu la yeesho dowlada dhexe ee Soomaaliya. Arintaasi ayaa ka dambeysay, kadib markii ay Kismaayo gaareen wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha aqalka sare ee Baaralamaanka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi. Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee maamulka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan oo la hadlay wariyaasha ayaa sheegay in Jubbaland ay aqbashay wada hadalo ay la yeelato dowlada Dhexe ee Soomaaliya. Waxaa uu sheegay in ay fashilmeen dadaalo hore oo la doonayay in ay kula hadlaan dowlada, hayeeshee dadaalkaan uu wado aqalka sare ay taaageerayaan in uu miro dhalana ay sugayaaan. Wali waxaa magaalada Kismaayo ku sugan wafdi uu hogaaminayo Gudoomiyaha aqalka sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo halkaasi u tagay xalinta khilaafaadka u dhaxeeyo dowlada dhexe iyo kuwa maamul Goboleedyada. PUNTLAND POST The post Jubbaland oo aqbashay wada hadal ay la gasho dowlada dhexe appeared first on Puntland Post.
  9. Kismaayo ( Sh. M. Network )-Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee BFS Cabdi Xaashi C/laahi Oo ku sugan magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose ayaa kulamo gaar gaar ah la qaatay madaxda sare ee maamulka Jubbaland. Kulamadan oo ahaa kuwa ay albaabada u xiran yihiin ayaa waxaa diirada lagu saaray, sidii xal loogu heli lahaa khilaafka dowladda dhexe iyo Jubbaland. Madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamuud Sayida Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa ka warbixiyay kulamadaasi. Waxaana uu sheegay in Jubbaland ay soo dhaweyneyso dadaallada uu wadoGolaha Aqalka ee Baarlamaanka Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Jaamc-1-.mp3 The post J/land Oo soo dhaweysay dadaallada Golaha Aqalka Sare appeared first on Shabelle. View the full article
  10. Muqdisho ( Sh.M.Network)Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-081218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  11. Guddoomiyaha aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, Cabdi Xaashi C/laahi ayaa sheegay in nabad la isku haleyn karo ay taallo magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku sugan yihiin isaga iyo wafdi uu hoggaaminayo Labadii cisho ee lasoo dhaafay. Jubbaland ayuu ku amaanay dedaalka ay ku bixisey amniga magaalada Kismaayo, isaga oo dhanka kale sheegay in Kismaayo u joogaan ogaanshiyaha tabashada Jubbaland. “Waxaan ku faraxsannahay nabad-galyada taallada Kismaayo, shirkii halkaan ka dhacay wixii kasoo baxay waxaan goosannay inaan ogaanno bal maxaa jira oo tabashadu tahay oo dowlad goboleedyadu ay tabanayaan oo jira” ayuu yiri guddoomiyaha. Jubbaland ayaa ka mid ahayd dowlad goboleedyadii horey u sheegay iney hakiyeen xiriirkii kala dhaxeeyey dowladda federaalka Soomaaliya. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Cabdi-Xaashi.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Hay’d lagu magacaabo Act Alliance una doodda xuquuqda arrimaha bini;aadannimada ayaa ka digtey abaar mar kale ku dhufato Soomaaliya. Waxa ay hay’adda sheegtay in xilligan Soomaaliya ay u baahan tahay gurmad bini’aadannimo oo degdeg ah, haddii aan la helinna xilli walbo la filan karo abaar. Act ayaa sheegtay in roobabkii ka da’ay Soomaaliya ahayn kuwo ku filan dadka xoolo dhaqata iyo beeraleyda ah, sidaasi darteedna sidii dhacday sanado horeba abaar la filan karo. Hay’adaha gurmadka ayeey ugu baaqday iney Labo jibbaaraan gurmadka ay geeyaan Soomaaliya si looga hortago qataraha imaan kara. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  13. Magaalada jowhar ee xarunta gobolka Shabeellaha Dhexe waxaa lagu soo gabagabeeyay shirara loga hadlayay dhisidda goleyaasha deegaanka ee gobolkaasi. Shirka oo shan maalin socday ayaa looga hadlay qodobo badan oo muhiim ah islamarkana wax ka badali kara nidaamkii hore ee wax loo soo magacaabi jiray, iyadoo hadda guddoomiye waliba uu soo dooran doono golaha deegaanka halka uu ku nool yahay. Maxamed Cali Caadle, wasiirka arrimaha gudaha ee maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in muhiimadda shirarkan ahaa kuwo lagu doonayey in lagu barto dhismaha goleyaasha deegaanka. Wuxuu sheegay wasiirka in sanadka 2019-ka dhismaha golaha deegaanka laga hirgelin doono magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/WARKA-JOWHAR-.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  14. Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa sheegay in dalka maanta uu marayo xaalad adag oo u baahan in wax laga qabto. Xaaladda uu maanta dalka ku jiro ayuu sheegay inaanay fahmi karin cid socoto ku timid (dibad joog) balse ay fahmi karto cid walbo oo joogtey dalkan mudadii burburka ka jiray. Waxa uu sheegay Axmed Madoobe in cid walbo oo Soomaaliyeed uu waajib ka saaran yahay in dalkan ay wax ka qabato xaaladiisa. Axmed Madoobe ayaa ku baaqay in loo midoobo dib u dhiska Soomaaliya iyo ka shaqeynta nabadda. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/Axmed-MadoobeFmta-2.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Xildhibaan Maxamed Kheyre oo kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa sheegay in gobolka Hiiraan uu waxyaabo badan kaga duwan yahay gobolka Shabeelaha Dhexe, taasina ay caqabad kunoqon doonto maamulka Hirshabeelle. Gobolka Hiiraan ayuu sheegay in maalin kastaa laga soo xareeyo dhaqaalo ka badan 10 kun oo doolar, oo canshuur ahaan looga soo ururiyo magaalooyinka waaweyn ee gobolka, balse si qaldan loo isticmaalo. Xildhibaanka oo ka hadlayay Barnaamij ka baxayay Mid kamid ah TV-yada Soomaalida, ayaa sheegay in Dhaqaalaha Gobolka Hiiraan ay ku dhacaan gacanta Shaqsiyaad si qaldan u adeegsado lacagtaasi oo ka badan 15 kun oo Doolar. “Lacagta Hiiraan kasoo xarooto maalintii waa 15,000 kun oo doolar, waxay ku dhacdaa gacan qaldan, sida Shabeelaha Dhexe masoo marto hanaanka saxda ee wasaaradda Maaliyadda, Hiiraan wuu ka duwan yahay Shabeelaha Dhexe, Ciidanka jooga meelaha canshuurta lagu qaado iyo shaqsiyaadka maamulka ah ayay gacantooda gashaa lacagtaasi”ayuu yiri xildhibaanka. Wuxuu sidoo kale sheegay arinta labaad ee Hiiraan uu kaga duwan yahay Shabeelaha Dhexe inay tahay isbadalka badan ee dhanka maamulka, waxaana u sabab ah sida uu sheegay awooda ciidan iyo midda beeleed ee shaqsiyaadka loo magacaabayo maamulkaasi. Xildhibaanka wuxuu sheegay in ruux kasta oo la magacaabayo laga fiiriyo hubka iyo ciidanka uu heysto, waxaana wali ku dambeeya Qabiilka iyo isku awood sheegashada, sida uu hadalka u dhigay. Labadaasi qodob ayaa ka dhigeysa Hiiraan mid ka duwan Shabeelaha Dhexe oo aan kamid aheyn maamul ahaan, maadaama wasaaradda maaliyadda aysan awood u laheyn hanaanka Maaliyadda inay marsiiso dhaqaalaha kasoo xaroodo. Sidoo kale waxaa cad in dhaqaalaha Hiiraan ka yimaado ay ku laabtaan Shacabka Hiiraan, balse kan Shabeelaha Dhexe ka yimaadana uu ku dhaco qasnada maamulka islamarkaana la wada qeybsado. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa waxay sheegayaan in si habsami leh u socdaan kulamada u dhaxeeya dowlad goboleedka Jubbaland iyo sidoo kale xubnaha uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha aqalka sare, Mudane Cabdi Xaashi C/laahi. Shalay oo Jimco ahayd waxaa kulmay wafdiga aqalka sare iyo sidoo kale, Labada gole ee dowlad goboleedka Jubbbaland, waxaana looga hadlay arrimaha la xiriira tabashada Jubbaland ee dowladda federaalka ah. Mas’uuliyiin uu ka mid yahay madaxweynaha Koowaad ee Jubbaland, Maxamuud Sayid Aadan ayaa halkaasi ka sheegay waxyaabo badan oo ay ka tabanayaan dowladda dhexe, loona baahan yahay in la xalliyo tabashadaasi. Guddoomiye Xaashi ayaa la kulmi doona maanta mas’uuliyiin kale oo Jubbaland ah, wuxuuna guddoomiyaha doonayaan in la xalliyo waxay tabaneyso Jubbaland. Jubbaland ayaa ka mid ahayd dowlad goboleedyadii horey u shaaciyey iney hakiyeen xiriirkii ay la lahaayeen dowladda federaalka Soomaaliya. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
  17. Baydhabo (Caasimada Online) – Saddex goor ayaa dib loo dhigay doorashada madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya, waxaana ay u muuqata in mar afaraad sidoo kale la hakin doono. Dib u dhaca doorashada ayaa loo sababeynayaa in xukuumadda federaalka ay garwaaqsatay in Roobow uu yahay ninka ugu cad-cad doorashada una badan tahay inuu ku guuleysto, haddii si caddaalad ah loo tartamo, sida uu sheegay Rashiid Cabdi oo ah agaasimaha mashruuca Geeska Afrika, ee ururka xalinta xasaradaha caalamiga ah ee ICG. Qorshaha dowladda federaalka ayaa ah in saddex hab ay uga hortagto Roobow. Tan koowaad ayaa ah in xaalad deganaansho la’aan laga abuuro Baydhaba, tan labaad Soomaalida iyo dalalka gobolkaba lagu beero cabsi ka dhan ah Roobow oo ah inuu yahay nin halis ah, iyo tan saddexaad oo ah caqabado dhinaca sharciga ah la hor dhigo. Qodobka ugu dambeeya ayaa muhiim ah sababtoo ah Roobow ma uusan marin barnaamijka lagu baaro hogaamiyayaasha kasoo goosa Al-Shabaab ee lagu dhaqan celiyo. Tani waa mid Roobow loo adeegsan karo. Cabsida ku aadan Roobow ayaa hadda lagu baahinayaa Bariga Afrika. Ethiopia waa dalka sida aadka ah u diidan Roobow, halka Kenya aysan weli go’aan ka gaarin. Sida Rashiid Cabdi uu sheegay damaca lagu hor-istaagayo Roobow wax ay doontaba ha qaadatee waa mid aan laga fiirsan. Inkasta oo Salafinimada Roobow ay tahay dhibaato, haddana xubno badan oo dowladda ka tirsan ayaa sidaas oo kale ah. Ayada oo mintidiinta Soomaaliya ay inta badan si been ah u muujiyaan in dalka ay ku loolamayaan Islaamiyiinta iyo Calmaaniyiinta ayaa xanibaad lagu sameeyo Roobow waxay tusmeyn doonta in mar kale maamul islaami ah la diiday, taasi oo abuuri doonto xagjiriin cusub. Caasimada Online Xafiiska Baydhabo Caasimada@live.com
  18. Nairobi (Caasimada Online) – Shirkii maal-gashiga Somaliland ee dowladda Hargeysa ay 30-kii November ku qabatay hotel-ka shan xiddiglaha ee Fairmont The Norfolk hotel ee magaalada Naiorbi, ayey guul-darro siyaasadeed iyo niyadjab kala noqotay. Shirkan ayaa Somaliland ay si aad ah u weyneysay, waxaana madaxweyne Muuse Biixi uu u diray afar wasiir oo heer sare ah, oo kala ah: arrimaha dibedda, qorsheynta dhaqaalaha, gacansiga iyo macdanta. Si kastaba, wasiirka gacansiga Kenya Peter Munya, madaxweyne ku xigeenka William Ruto, iyo laba xldhibaan oo kale oo Kenyan ah ayaa diiday casuumad ay Somaliland u fidisay. Ilo-wareedyo diblomaasiyeed oo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in mas’uuliyiinta Kenya ay dideen shirka ayaga oo ka baqaya in iskudhac diblomaasiyeed uu dhex-maro dowladda Soomaaliya ee uu hogaamiyo madaxweyne Farmaajo, oo hadda Kenya ay aad isugu dhow yihiin. Diidmada mas’uuliyiinta Kenya ee shirka, ayaa waxaa kasii daray, markii dhammaan diblomaasiyiinta fadhiya Nairobi ay ku gacan seereen inay shirka tagaan. Waxaa sidoo kale meesha ka marneyn in khibrad la’aanta diblomaasiyadda caalamiga ah ee Somaliland ay xaaladda kasii dartay. Somaliland oo ka hor shirkan si aad ah u buunbuunisay ayaa markii shirka uu dhacay ka gaabsatay inay weyneyso ayada oo inta badan dowladda aysanba soo hadal qaadin, warbaahinta gudahana aysan ku bixin waqti badan. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  19. Muqdisho (Caasimada Online) – Kooxda Al-Shabaab ayaa billowday in si shaacan iyo si qarsoodi ahba ay disho xubno badan oo kooxda ka mid ah, sida ay sheegayaan warar xog ogaal ah oo nasoo gaaraya. Duqeymaha Mareykanka uu kooxdan la beegsanayo oo bilihii dhowaa aad u kordhay ayaa la rumeysan yahay in kooxda ay ku qasbeen in dhex-deeda iska shakiso, sababtoo ah inta badan duqeymaha ayaa ahaa kuwa xubno ka tirsan kooxda lala helay. Xubnaha duqeymaha lala beegsaday balse ka bad-baaday ayaa waxaa ka mid ah afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdulcasiis Abu Muscab oo bishii September lagu beegsaday deegaanka Saakow. Duqeymahan oo boqolaal maleeshiyo kooxda looga dilay ayaa la rumeysan yahay in lagu fuliyo xogta xubno ku dhex-jira kooxda oo la shaqeeya sirdoonka Mareykanka iyo Britain. Ayada oo taas laga duulayo, ayaa Al-Shabaab waxa ay billowday howl-gal looga magac-daray “ka hor-tagga jaajuusiinta”, oo hogaamiyaha kooxda Axmed Diiriye uu ku beegsanayo xubno ka tirsan kooxda. Weerarada Mareykanka ayaa wiiqay awooddii ay kooxda ay isku abaabuli lahayd kuna qorsheyn lahayd qaraxyada ay la beegsato goobaha dowladda iyo dadweynaha. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  20. Nairobi (Caasimada Online) – Khubaro Daraasaysa cilmiga Jiyoolajiga gaar ahaan khayraadka shidaalka ayaa waxa ay sheegeen in Soomaaliya uu ku jiro shidaal badan oo noocyadiisa kala duwan ahi sida Batroolka iyo Gaasta dabiiciga ahba, iyaga oo sheegay in shirkado badani wakhtigan xiisaynayaan in ay shidaal ka soo saaraan Soomaaliya. Khubaradani waxa ya sheegeen in calaamado badan oo la helay ay muujinayaan in shidaal badani ku jiro Soomaaliya marka lagu horreeyo badda Soomaaliya ee Indian Ocean. Astaamahaasi oo ay ka mid yihiin badda salkeeda oo uu ka soo siimoobo (seepage), uuna ka soo burqado isagoo dareere ah ama hawo ah ah. Dayax-gacmeedyada baadha dhulka ayaa waxay ku arkeen badda Soomaaliya meelaha qaar inuu siimowgaasi ka jiro. Taasi waxay ka mid tahay daliilaha tusinaya baadhayaasha in badda salkeeda dhulka ahuu khayraad dabiici ah oo badani yaallo. Waxay sidoo kale sheegeen in oogada dhulka laga dheehan karo goobo badan oo gaas dabiici ahi ku jiro sida Gobolada Togdheer iyo Oodweyne oo hadda hoos-taga Somaliland. Halka dhinaca xeebta Gobollada Saaxil, Maroodi-jeex Awdal iyo Salal-ba ay ka jiraan shidaal noocyo kala duwan ahi. Baadhistii dhinaca dalka Soomaaliya laga sameeyay 2014-2015 ee Soma Oil and Gas iyo tii ka dambaysay ee Spectrum Geo sammaysay (2015-2016) ayaa caddayn buuxda u noqday (Potential) botenshiyaalka (mugga loo maleeyo inuu ku jiro) shidaalka. Waxaa la arkay 3 aag (basin ama shidaal-fadhiisin) oo leh qaababkii iyo dhagaxdii shidaalka dhali lahaa, jidad kii uu ku siimoobi lahaa (migration pathways), dhagaxii kaydin lahaa iyo daboolladii isku dahaari lahaa si u fakanin. Saddexda aag waa Badda Galmudug, Badda Baraawe illaa Warsheikh iyo aagga Webi Jubba meeshuu badda kaga-darsamo. Taas waxaa loo tarjumi karaa biyaha ku beegan maamul-goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed, Banaadir, Hirshabelle iyo Galmudug. Baadhista (Geo-physical) jiyo-fisikadeed intaas ayaa laga sammeeyay. Hore botenshiyaalka shidaalka ee badda Soomaaliya waxaa sheegay Hay’adda Mareekanka ee Sahanka Joolojiyeed (United States Geological Survey – USGS) markay qiyaaseen inta ku jirto shidaalka badda Bariga Afrika (min Mozambique , Tanzania, Kenya iyo Soomaaliya) inay ka badan tahay 28 bilyan oo fuusto shidaal dareere ah. Shirkadaha badda Soomaaliya sahmiyay sida ENI (1977 – Garacad-Mare-1), ExxonMobil (1982/83), Shell 1989/90), Total (2001), iyo Soma Oil and Gas (2014/15) dhammaan waxaa u soo if-baxay in shidaal ku jiro badda hoos teeda. Arag tidaas waxay ku salaysan tahay baaristii ballaarnayd oo ay sameeyeen. Shirkadaha Soomaaliya heshiisyada la galay ama raba inay la galaan way badan yihiin. Shell-ExxonMobil ayaa ugu horraysay oo iyadu waxay la galeen Soomaaliya heshiis waagii Dowladdii Maxamed Siyaad Barre, November 1988 kaasi oo laga baadhay dhinaca gobolo hadda ka mid ah Somaliland. Caasimada Online Xafiiska Nairobi Caasimada@live.com
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka ee madaxweynaha Soomaaliya, Cabdi Saciid Maxamed Cali ayaa weerar culus ku qaaday laanta Af-Soomaaliya ee VOA, oo uu sheegay inay taageerto argagixisada. Cabdi Saciid ayaa saddexdii maalmood ee tagey bartiisa twitter soo dhigayey qoraallo is-daba joog ah oo ka dhan ah idaacadda VOA, kuwaasi oo uu billaabay kadib markii weriye Haaruun Macruuf uu warbixin ka qoray in kooxaha Al-Shabaab iyo Daacish ay ganacsatada Soomaaliyeed ka qaataan lacag baad ah. “VOA waxay buun-buunisaa ficillada dambiyeed ee kooxda Al-Shabaab si ay xaalad argagax ugu abuurto qalbiyada dadka Soomaaliyeed” ayuu ku yiri mid ka mid ah qoraalladiisa. “Waxaa jira xiriir cad oo ka dhaxeeya wararka VOA Somali ee la xiriira argagixisada iyo sida wararkaas ay u horseedaan weeraro cusub” ayuu Cabdi Saciid ku yiri qoraal labaad. Isaga oo sii wada weerarkiisa ayuu mar kale soo qoray “Habka loo weriyo xasuuqa ay gaystaan argagixisada waxay saameyn ku yeelataa halka ay gaarto borobogaanka argagixisada. Sawirrada iyo wararka halka dhinac u janjeera ee VOA Somali waxay magac usii yeelaan kuwa raadinaya inay hor-istaagaan horumarka Soomaaliya, waxaana ka faa’iideysta argagixisada. “Waxaan u malauynaa VOA Somali waxay u baahan tahay dib u eegis ku saabsan sida ay u sheegaan wararka argagixisada oo xaaladda Soomaaliya ka dhiga mid sii xun. Dhibanayaasha argagixisada waa dad dhab ah oo uu baahan in warkooda loo weriyo si la mid ah kuwa argagixisada” ayuu yiri. Idaacadda VOA wax jawaab ah kama aysan bixin dhammaan qoraalladan uu ku weeraray Cabdi Saciid. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  22. Soomaalinimadu waa astaanta dareenka walaaltinimo iyo wadadhalasho ee ka dhexeeya Soomaalida. Waa waxa isku xidha shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay dunida kaga nool yihiin. Inkastoo haddaba Soomaalinimada xilligan dhaawac weyni soo gaadhay, haddana may dhiman mana aha wax dhiman kara inta Soomaalidu jirto. Haweenay Soomaaliyeed oo deggan London, ayaa maalin alaab ay dukaan ka soo iibsatay oo aanay u bogin damacday in laga celiyo oo ay lacagteedii dib u hesho. Waa wax ay xaq u lahayd, haseyeeshee qolyihii dukaanka ka shaqaynayay ayaa yara canaaday, diidayna in ay ka celiyaan iyadoo weiba haysata resiidhkii ay ku gadatay. Wiil Soomaaliyeed oo isna dukaanka wax ka gadanayay ayaa arkay haweenayda Soomaaliyeed ee sida xaqdarrada ah loola dhaqmayo, aad baanu ugu cadhooday arrintii isagoo qoladii dukaanka u sheegay in ay xaq u leedahay in ay celiso alaabta, lacagateedana la siiyo. Haweenaydii oo arrintan ka sheekaynaysa ayaa waxay tidhi: “Nimankii intuu indhaha ka galay ayuu wiilkii Soomaaliyeed ku sigtay in uu la dagalamo, ka dibna lacagtaydii ayay markiiba i celiyeen”. Iyadoo hadalkeedii sii wadata ayaa waxay sii raacisay , “ Hadda wiilka sidaa iigu dagaalamay reer Koonfureed buu ahaaye ka warran”. Dad kale oo badan oo caddaan iyo madawba leh ayaa iyana meesha ka dukaamaysanay cid u dooddayna ma jirin. Haddaba Soomaalinimadu waa dareenka wiilkaa ka yimd Koonfur ku dhaliyay in uu ka dhiidhiyo xaqdarrrada lagu sameynayay hooyadaa Soomaaliyeed ee aanu garanayn ee ka timid Hargeysa, si kastaba siyaasadda ha ugu kala aragti duwanaadeene. Ololaha La Dagaalanka Soomaalinimada ee Itoobiya Maamulladii kala dambeeyay ee gumaysiga Itoobiya waxyaabaha ay mar walba xoogga saari jireen waxaa ka mid ahaa sidii ay shacabka Soomaaliyeed ee ay gumaystaan uga tirtiri lahaayeen Soomaalinimada, uguna bedeli lahaayeen Itoobiyaanimo. Hirgelintii magaca Ogaadeeniya waxa uu qayb ka ahaa ol’olaha la dagaalanka Soomaalinimada ee ay Itoobiya wadday, waayo? Adeegsiga magaca Soomaali waxa uu muujinayaa walaaltinimada iyo mid ahaanshaha shacabka halkaas ku dhaqan iyo Soomaalida xorta ah. Inkastoo wax badan isbeddeleen intii maamulkii Tigreegu horseedka ka ahaa xukunka la wareegeen, haddana Soomaalidu waxay ahaayeen dad si quudhsi ku jiro loola dhaqmo xuquuqahoodiii uu jideeyay dastuurka dalkaasina laga duudsiyay. Madaxda Soomaalida ee ay Tigreegu xurunta Jigjiga ku tallaalaan, iyana waxay ahaayeen marwalba kuwo u adeega cidda xukunka u dhiibatay, oo aan wax dan ah ka lahayn daryeelka iyo horumarinta shacabka ay u taliyaan, iyagoo miciinsanaya ol’olha Soomaalinimo ka cararka. Arrintani waxay sii karaar qaadatay intii uu mujrimkii Ina Ilay ka baarqabaynayay deegaanka Soomaalida. Calanka iyo magacii deegaanka ee ay beddeleen waxaa dheeraa dhoodhoobka taariikh beenabuur ah iyagoo ka dhigay in shacabka Soomaaliyeed ee ay Xabashidu qabsatay ay rabitaankooda ku raaceen Itoobiya. Waxay ururiyeen Odaydhaqmeedyo tiro badan, waxaanay geeyeen Addis Ababa, halkaas oo lagu qabtay shir ballaadhan oo uu goobjoog ka ahaa Keligiitaliye Meles Sanaawi, iyagoo odayadii madashaas ka caddeeyeen farriintii ay loo dhiibay, sheegayaan in ay iyagu doorteen ka mid noqoshada Itoobiya balse cid qabsatay aanay jirin. Yeelkeede, tan iyo intii uu hoggaanka Deegaanka Soomaalida la wareegay madaxweyne Mustafe Muxumed Cumar, waxaad moodaa in Soomaalinimadii dib uga hillaacday Jigjiga oo ka mid ahayd meelihii ugu horreeyay ee dhaqdhaqaaqii gobonimadoonka SYL ka hanaqaaday afartaneeyadii. Waxaa dib loo soo celiyay calankii uu ka dhex muuqday midabka buluuqa ah iyo xiddigta shan-geesta ah ee astaanta u ah Shanta Soomaaliyeed. Jigjiga waxay noqotay meel ay ku soo hirtaan Soomaali badan oo u ol’oleeya Soomaalinimada, iyadoo islamarkaana ay ka dhaceen Shirar maqaamkoodu sarreeyo, oo dhammaantood sal ku leh Soomaalinimada, ayna ka soo qaybgaleen waxgarad iyo aqoonyanno ka kala yimid dhammaan dhulka Soomaalida. Waxaa maamulka iyo shacabka deegaanku u gurmadeen collaadii beelaha walaalaha ah ku dhexmartay gobolka Sool, iyadoo gogol nabadeed loo dhigay magaalada Jigjiga. Madaxweyne Mustafe waxa uu marwalba ku celceliyaa muhimadda ay leedahay Soomaalinimadu iyo in shacabka deegaanka looga baahanyahay in ay ku faanaan Soomaalinimadooda. Dhawaan mar uu kulan la qaatay dhalinyarada deegaanka, waxa uu aad ugu guubaabiyay in ay Soomaalinimadooda ku faanaan isagoo islamrakaana goobta ka qaaday heesta waddaniga ah ee Soomaali baan ahay, kana codsaday dhallintii in ay ka daba qaadaan. Intaas iyo in kale oo aanan halkan ku xusin oo dhanka Soomaalinimada loo qaaday ayuu ku tallaabsaday maamulka Mustafe muddadii gaabnayd ee uu xilka hayay. Bal haddaba inta aanan qoraalkan dulucdiisa u gelin aan arrinta dhinac kale ka eegno. Ugu horreyn aan idinla wadaago dhacdo kale oo Soomaalinimada la xidhiidha. Badhtamihii sannadkii 1992kii, xilligii kalahaadka ee ay beelaha Soomaaliyeed xabadda Isla dhacayeen, anigoo ku sugnaa dalka Holland ayaa gabadh Soomaaliyeed oo xero qaxooti {camp) ka soo baxday la soo dejiyay magaaladii aan degganaa. Waxay iiga sheekaysay dhacdo yar oo intii ay xerada ku jirty la kulantay, run ahaantiina maskaxdayda ku dhegtay. Waxay tidhi, “maalin annagoo dhawr qof oo Soomaali ah oo meel ku urursan ayaa waxaa noo yimid nin Hollandes ah oo ka mid ah shaqaalaha xerada, waanuna iska wada sheekaysanaynay”. Iyadoo gabadhii hadalkeeda sii Wadda ayaa waxay raacisay, “ ninkii Hollandeska ahaa ayaa noo sheegay in uu Soomaaliya ka shaqayn jiray oo uu joogi jiray magaalada Ceerigaabo”. Wiil ka mid ah Soomaalidii gootba joogtay ayaa markiiba su’aal kula soo booday oo weydiiyay ninkii: “ka warran Soomaalidu saw dad ajnabiga jecel oo si fiican u soo dhaweeya maaha?” Jawaabta uu bixiyay ninkii Hollandeska ahaa ayaa ahayd mid waxqaadasho innoogu filan. Wuxuu yidhi, “ Muhiim ma aha in aad ajnabiga soo dhaweysaan oo aad jeclaataan, balse waxaa muhiim ah in aad idinku isjeclaataan oo aad isa soo dhawaysaan”. Haddaba isjeclaanshahaas Soomaalinimada ku dhisan ee uu ninkaas ajnabiga ahi kula taliyay Soomaalidu kama jiro magaalada Jigjiga. Duleedka magaalada waxay Oramadu si joogto ah ugu xasuuqdaa shacab Soomaaliyeed oo dhulkoodii hooyo jooga, mana jirto shacab iyo dawladdii uu xilku ka saarnaa sugidda nabadgelyada naftooda iyo maalkoodaba cid u gurmata oo ay miciinsadaan. In dawladdu u gurmato oo ay difaacdo iska daaye, xitaa kama hadasho dhibta shacabkaas iyo kuwa kale ee Soomaaliyeed ee xuduudda la leh Oramda mar walba soo gaadha. Waa maangaabnimo in shacab Soomaaliyeed oo la gumaadayo la iska daawado dhanka kalena Soomaalinimo laga hadlo. Marka aad maanta fiirisid xaaladda deegeenka Soomaalida ka jirta waxaad is odhanaysaa cidda shacabka meteshaa waa ururka ONLF, waayo waa kooxda keliya ee ka hadasha dhibaatada joogtada ah ee ay Oromadu ku hayso Soomaalida, halka dawladda deegaanku ay aka xidhato, indhahana ka qarsato. Arrintaas ayaanan filayaa in ay qayb ka ahayd soo dhaweyntii weynayd ee hoggaanka sare ee ONLF loogu sameeyay magaalada Jigjiga. Soomaalinimada maanta jigjiga taallaa waa mid ku kooban heeso iyo halkudhegyo shirarka laga yidhaahdo oo keliya. Taasina macno badan oo ay soo kordhinaysaa ma jirto. W/Q: Khaliil Cabdiraxmaan X. Xasan Wardheernews.com
  23. Hooyo wiilkaygii ama gabadhaydiiyey. Hooyo haddaan waynaado oo hadalku i-dhibo, samir—oo ha i dhibsan. Waayo anigu ba adoon hadli jirin baan kuu sabri jiraye. Haddaan cuntada cuni waayo haygu qasbin, markaan u baahdo anaa cunaye, anba kuguma qasbi jirine. Haddaan su’aal kuugu warceliyo si’ deggan iigu jawaab —oo hay dhibsan adiguba waxaad I waydiin jirtay su’aalo badan kumana dhibsan jirine. Waanan kuu sabri jiray. Haddii aan socon kari waayo hay dhibsan—oo ii tartiibi anba saa saan kuugu tartiibin jiraye. Haddii maradaa aan xidhan kari waayo si tartiiba oo naxariis ku jirto iigu xidh. Aniguba kuma dhibsan jirin oo si tartiiba ayaan kuugu xidhi jiree. Haddii suuliga aan tahli waayo, kaadida iyo saxarada iska dhiqi waayo si naxariis leh iiga dhaq. Hana I dhibsan waayo anba kuma dhibsan jirine. Haddii aan hadalada badan iyo su’aalaha soo noqnoqda kugu dhibo hay dhibsan anba kuma dhibsan jirine. Waxaa laga yaabaa in ay khayr badan kuu tahaye. Haddii aan fool xumaado, ilkuhu iga daataan, muuqaalkaygu is-beddelo, dhegaha wax ka maqli waayo, indha beelo, lugahu socon waayaan, gacmuhu wax qaban waayaan, carrabku hadalka yareeyo. Maskaxdu isku darsanto. Saxaradu iska daadato. Kaadida tahli waayo. Maradana aan marwalba wasakheeyo. Hooyo hay dhibsan. Waayo sidan ma ahaan jirin. Xasuus naw inaan ku hayn jiray adoon kaadida iyo saxarada midna iska tiri Karin. Lugo aad ku socoto lahayn. Gacmo aad wax ku qabsato lahayn. Maskax aad wax ku fahantana lahayn. Xasuusnaw in ta aad maanta igu aragtay iyo in ka sii badan in aan kuugu dulqaadan jiray , farxad aan u arkayey waliba aanan maalinna ku dhibsan. Ugu danbayn hooyo ha noqon waalid caasi, caaq, dhibbadane. Hooyo noqo baarri, waalid addeec saa saad ku liibaanaysaa aakhiro iyo adduunba. Ilaahayaw waalidkeenna u naxriiso aakhiro iyo adduun ba. — Name: Sadam Osman Mohamed Phone : 063 4010419 Email: Sadamkabash99@gmail.com Address : mohamed moge village Tittle: Biomedical Scientist / Writer Qaran News