-
Content Count
215,317 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Gudoomiyaha maxkamada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in ay baaritaano ku hayaan qareeno la sheegay in qaataan laaluush. Baashe Yuusuf oo ka hadlayay munaasabad lagu dhaarinayay qareeno ayaa uga digay qareenadaasi in ay musuq maasuqaan danaha dalka. “Waxaan heynaa cadeymo aad u badan kuwaas oo ku aadan dhanka Musuq maasuqa. waxaa jiro qareeno qaata laaluush balse waxaa jiro baaritaano joogto ah oo aan dadkaas ku heyno, musuqa waxaan kula jirnaa dagaal aad u balaaran.” Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa isbdal ku sameeyay qareenada isaga oo shaqada ka joojiyay qareeno kuwo kalena soo magacaabay. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Dowlada Soomaaliya oo sheegtay in ay baaritaano ku heeyso qareeno qaato laaluush appeared first on Puntland Post.
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Kulanka guud ee mudanayaasha golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa maanta looga hadlay hal ajende oo ahaa Warbixinta iyo ka doodista Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2019-ka,waxaana ugu horeyn guddoomiyaha Golaha Shacabka Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxman oo kulanka shir gudoominayay uu sheegay in kalfadhigan geba-gebada maraya uu wax badan qabtay islamarkaana uu ansixiyay afar hindise sharciyeed,wuxuuna Xildhibaanada ka codsaday in Miisaaniyada ansixiyaan maadaamaa ay dalka muhiim u tahay. Guddiga Miisaaniyadda,Maaliyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka ayaa golaha u aqriyay warbixin hour dhac ah oo ku saabsan odoroska miisaaniyadda dowladda ee sanadka 2019-ka. Kulanka oo uu sidoo kale ka qeyb galay guddoomiye k-xigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad ayaa qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka aragtiyadooda ka dhiibtay Warbixinta uu gudiga soo gudbiyay, iyagoo qaarkood su’aalo miisaaniyada ku saabsan weydiinayay Madaxda Wasaaradda oo kulanka joogtay. Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa xildhibaanada u faah faahiyay qodobada qaar oo warbixin miisaaniyadeedka ku xusnaa. Guddoomiyaha Guddiga Miisaaniyadda,Maaliyadda,Qorsheynta iyo la xisaabtanka Hay’adaha Dowladda ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamuud Cabdullaahi Siraaji ayaa uga mahad celiyay xildhibaanada golaha shacabka talooyinka ay warbixinta miisaaniyadda ku biiriyeen. Guddoomiye kuxigeenka labaad ee golaha shacabka Mudane Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka soo xiray ayaa sheegay in gudiga iyo wasaaradda ay iska kaashanayaan talooyinka xildhibaanada kulanka kan xigana miisaaniyadda cod la gelin doono. The post Golaha shacabka Oo ka dooday Miisaaniyadda 2019-ka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Amb Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ka hadlayay kulankii Baarlamaanka ee maanta ka qabsoomay xarunta Golaha shacabka ayaa ka hadlay mooshinkii laga keenay madaxweynaha iyo saameeynta uu keenay. Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in saameeynta mooshinkaasi laga dareemay gudaha dalka iyo dibadiisa xalkiisana ay qadatay waqti badan. Waxaa uu u mahad ciliyay xildhibaanadii aqbalay in ay mooshinka ka laabtaan islamarkaasina ay tanaasulaan. “Markii ay timaado arrin taabaneyso masiirka iyo maslaxada Ummadda Soomaaliyeed waxa ay naga sugayaan wax maslaxooda ku jirto,xildhibaanadii tanaasulay iyo kuwii nagu hurdo beelay waan u mahad celineynaa,waxayna ka mid aheyd waxyaabihii la idiin doortay. Xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa dhowaan mooshin ka soo gudbiyay madaxweyne Farmaajo inkastoo markii dambe ay sheegeen in ay ka tanaasuleen markii dambe. Maanta waxaa muddo bil ah kadib furmay kulankii Baarlamaanka oo qilaafaadkaasi dartiis hakad ugu jiray. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Mursal” Mooshinkii Madaxweynaha dalka ayuu sameeyn ku yeeshy” appeared first on Puntland Post.
-
Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo magaalada Garowe ayaa sheegaya in Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas uu laamaha aminiga ku amray in si dhaw loola socdo oo la xadido dhaqdhaqaaqa siyaasi Dr Cali Ciise Cabdi oo shalay gaaray Puntland. Dr. Cali Ciise Cabdi ayaa la filayaa in uu ku biiro musharixiinta u taagan xilka madaxweyne ee Puntland. Warbixinada waxa ay intaas ku daraayaan in Cali Ciise ku adkaatay la kulanka xildhibaanada cusub, xilli uu xalay ku hoyday guriga madaxweynahihii hore Puntland, Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Maxamuud Faroole. Sida uu xildhibaan codsaday in aan magaciisa la xusin u sheegay Caasimada Online, waxyaabaha la faray laamaha amniga waxaa ka mid ah in Dr. Cali Ciise Cabdi si dhaw loola socdo waxyaabaha uu qabanayo, kulamada uu sameyno si ay ugu adkaato in uu sameeyo ol’olihiisa doorasho. Caasimada Online waxa ay sidoo kale heleysaa warar sheegaya in Dr. Cali Ciise u baqay naftiisa oo uu bedelay hoygii uu markii hore qorsheystay in uu dago, kaas oo ahaa guriga Madaxweyne ku xigeenka Puntland Injineer Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey. Dr. Cali Ciise waxa uu hadda dagay guriga Faroole oo uu ka dhigan doono saldhigiisa si uu uga badbaado shirqool iyo in lagu handado Garowe. Cali Ciise Cabdi waa siyaasi saameyn badan oo ruxay ol’oleha doorasho ee Garowe taas oo soo keentay in uu Gaas bedelo qorsheyaashiisii hore. Puntland waxa ay maanta soo saartay qoraal ay ku mamnuuceyso in madaxda dowladda Federal-ka ay ku soo galaan Garowe inta ay doorashada socoto. Dadka qoraalka lagu xusay in aysan Puntland imaan karin waxaa ka mid ah Wasiiraro, shaqaalaha Villa Somalia, shaqaalaha rayidka ah iyo dhammaan dadka ku lugta ah dowladda dhexe. Caasimada Online Xafiiska Garoowe Caasimada@live.com
-
Cadaado ( Sh. M. Network )-Wafdigan oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha gudaha XFS Cabdi Maxamed Sabriye ayaa maanta ka ambabaxay M/Muqdisho, iyaga oo gaari doona deegaanada lagu dagaalamayo ee gobolka Galgaduud. Xubnaha Wafdigani oo ka kooban wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan labada Gole ee BFS ayaa marka hore tagi doona M/ Cadaado oo ay ka bilaabi doonaan kulamo nabadeed. Labadii maalin ee la soo dhaafay ayaa waxaa dagaal Beeleedyo xoogan ay ka dhacayeen agagaarka deegaanka Kaxandhaale ee gobolkaasi. Cabdi Maxamed Sabriye wasiirka arrimaha gudaha Soomaaliya oo Warbaahinta la hadlay ayaa ka warbixiyay u jeeka socdaalkooda. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/cod-wasiirka.mp3 The post DFS Oo wafdi xal raadin ah u dirtay G/ Galgaduud appeared first on Shabelle. View the full article
-
Boosaaso ( Sh. M. Network )-Kooxo hubeysan ayaa lagu soo warramayaa in saacadihii la soo dhaafay dil ay ka geysteen gudaha M/ Boosaaso ee xarunta gobolka Bari. Dilkan ayaa la sheegay in loo geystay Gabar ka tirsaneyd shaqaalaha dowladda hoose ee Boosaaso, gaar ahaan waaxda Canshuuraha ee degmadaasi. Rag ku hubeysan Bastoolado ayaa la sheegay in Toogasho ay ku dileen Marxuumadda, kadibna ay goobta isaga baxsadeen. Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee Puntland ayaa gaaray meesha ay wax ka dhaceen, kuwaas oo baaritaano ka sameeyay halkaasi. Ammaanka Boosaaso ayaa muddooyinkii dambe ahaa mid faraha ka sii baxayay, iyadoona ay ka dhaceen falal ammaan dari oo u badan dilal qorsheysan. The post Kooxo hubeysan Oo dil ka geystay magaalada Boosaaso appeared first on Shabelle. View the full article
-
Xudur ( Sh. M. Network )-Madaxweynaha Koonfur Galbeed C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa maanta gaaray degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool. Madaxweyne Lafta Gareen waxaa socdaalkan ku wehlinaya mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaasi, iyadoona si diiran loogu soo dhaweeyay halkaasi. U jeedka socdaalka Madaxweynaha K/ Galbeed ayaa la sheegay in uu la xariiro u kuur galida xaaladaha ammaan iyo tan nololeed degmada Xudur ee gobolka Bakool. Waxaana uu inta uu ku sugan yahay Xudur kulamo uu la qaadan doonaa qeybaha bulshada iyo maamulka magaaladaasi. Waa socdaalkii ugu horreeyay ee Madaxweynaha cusub maamulka K/ Galbeed uu kaga ambabaxo Baydhabo, tan iyo markii lagu doortay magaaladaasi. The post Madaxweynaha cusub ee K/ Galbeed Oo gaaray Xudur appeared first on Shabelle. View the full article
-
mudane Cabidraxman Guuleed oo ku dhawaaqaya murashaxnimo 29.12.2018 Siyaasi Cabdiraxmaan Guuleed Cali ayaa Sabtida maanta ah Garoowe kaga dhawaaqay in uu u sharraxanyahay xilka madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland. Munaasabad si heer sare ah loo agaasimay oo ay ka soo qeyb galeen siyaasiyiin,aqoonyahanno,ganacsato,isimo iyo qeyba kale ee bulshada,ayaa siyaasigan ka shaaciyay in uu u tartamayo xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland ee doorashada ay haatan maalmaha kooban ka harsan yihiin. Murashaxa oo khudbad kooban jeediyay ayaa sheegay in in haddii loo doorto xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland uu si mugleh wax ka uga qaban doono hawlaha horumarinta Puntland,islamarkaana uu noqon doono adeege bulsho oo u shaqeeya shacabkiisa. Sidoo kale wuxuu sheegay in uu taariikh nololeedkiisa iyo qorshihiisa siyaasadeed oo qodobaysan uu si faahfaahsan ugu soo bandhigi doono Baarlamanka hortiisa,qoraal ahaanna bulshada ula wadaagi doono. Dhinaca kale Dr Cabbaas oo aqoon durugsan u leh murashaxa ayaa ku tilmaamay tiir adag oo wax badan ka qabtay arrimaha waxbarashada Puntland oo uu sheegay in uu kaalin laxaad leh ka qaatay hannaanka waxbarasho ee Puntland ka hirgelay,isagoo in mudda ah ka shaqeynayay kobcinta iyo tayaynta waxbarashada Puntland. Garaad saleebaan Buraale oo kamid ah isimada waaweyn ee Puntland kana soo qeyb galay munaasabadda ayaa si weyn u bogaadiyay murashaxa cusub,wuxuuna sheegay in uu yahay aqoonyahan bulshadiisa garab istaagay xilliyadii adkaa,islamarkaana mudan in lagu abaal-mariyo xilkaan. Si lamid ah, Garaad Cabdullaahi Cali Ciid ayaa sheegay in murashaxa uu yahay aqoonyahan macallin ahaan u shaqeeyay oo dad badani ka aflaxeen sidoo kalena in mudda ah hay’adaha caalamiga ah kala shaqeynayay tayaynta iyo kobcinta waxbarashada Puntland,waxaana Garaadku sheegay in murashaxu ku soo beegmay wakhti loo baahanyahay,maadaama hore loogu yaqaannay kaalinta uu bulshada Puntland ugu jiro. SuldaanSiciid Maxamed Maxamuud(Irbad) oo isna hadalka qaatay ayaa sheegay in dadka miisaanka iyo magac leh ee ka soo qeyb galay munaasabaddiisa ay caddeyn u tahay maqaamka uu bulshada Puntland ka dhex joogo mudane Cabdiraxmaan Guuleed Cali;murashaxa cusub,wuxuuna u rajeeyay guul. Ugaas Xassan Ugaas Yaasiin ayaa dhankiisa murashaxa cusub bogaadiyay si lamid ah isimadii hadalka uga horreeyay,isagoo si gaar ah u ammaanay doorka as’aaasiga ah ee murashax Cabdiraxmaan ka soo qaatay arrimaha waxbarashada Puntland. Dhammaan aqoonyahannadii,isimadii iyo siyaasiyiintii munaasabadda ka hadlay ayaa si midaysan u soo dhoweeyay murashaxan cusub ee u tartamayaa xilka madaxweyne ku xigeenka Puntland, mudane Cabdiraxmaan Guuleed Cali. PUNTLAND POST The post Siyaasi Cabdiraxman Guuleed oo Garoowe kaga dhawaaqay murashax madaxweyne ku xigeen appeared first on Puntland Post.
-
Dhuusomareeb ( Sh. M. Network )-Wararka laga helayo gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya ayaa ku warramaya in maanta Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga dalka, gaar ahaan qeybta 21-aad la geeyay deegaanka Kaxandhaale ee gobolkaasi. Ciidamadani ayaa kala dhexgalay Labo Maleeshiyo oo maalmihii la soo dhaafay ku dagaalamay dagaalkaasi. Dagaalkii ugu dambeeyay oo dhacay shalay ayaa waxaa ku dhintay illaa 10 Ruux, halka ay ku dhaawacmeen tiro intaasi ka badan. Xaaladda ayaa haatan dagan, iyadoona ay socdaan dadaallo nabadeed oo ay wadaan waxgaradka deegaanka iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Galmudug. The post Ciidamo ka tirsan kuwa Xoogga Oo la geeyay Kaxandhaale appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Maxmakada sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa kullan lagu dhaarinayay garsooyaal uu magacaabay madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi ka sheegay in ay jiraan qareeno qaata laaluush. Guddoomiye Baashe waxaa uu si weyn uga hadlay arrimaha musuq maasuqa, waxaana uu sheegay inay jiraan qareeno qaata laaluush, kuwaas oo dagaal lagula jiro sidii banaanka loo soo dhigi lahaa. “Waxaan heynaa cadeymo aad u badan kuwaas oo ku aadan dhanka Musuq maasuqa. waxaa jiro qareeno qaata laaluush balse waxaa jiro baaritaano joogto ah oo aan dadkaas ku heyno, musuqa waxaan kula jirnaa dagaal aad u balaaran.” Gudoomiyaha Maxmakada sare eedalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa ugu dambeyntiina waxa uu u digay dadka u dacwooda shabaab oo sheegay in cadaalada ay soo taagi doonaan. Dhinaca kale, guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka waxaa uu digniin u daray dadka looga guuleystay dacwadaha ay maxkamadaha dalka qaadaan kuwaas oo u taga Maleeshiyaadka Al-Shabaab si ay u cabsiiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. Hoos ka dhageyso codka guddoomiyaha https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/maxkamadaaaaa.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal saaka aroortii hore ka dhacay duleedka magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Dagaalka oo ahaa mid xoogan ayaa waxa uu u dhexeeyay Ciidamada K/ Galbeed, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Xarakada Al Shabaab. Waxaana la sheegay in dagaalka uu yimid, kadib markii Dagaalyahanno ka tirsan Al Shabaab ay weerar ku qaadeen deegaanka Goof Gaduud Buurey ee gobolkaasi. Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in Al Shabaab ay u suura gashay in ay la wareegaan gacan ku heynta deegaankaasi. Warar Al Shabaab ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka ayaa waxa ay ku sheegeen in ay dagaal kula wareegeen guud ahaan deegaanka Goof Gaduud Buurey oo qiyaas ahaan 30 KM u jira magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay. Al Shabaab ayaa sidoo kale intaasi raaciyay in ay dagaalkaasi ay ku dileen illaa 10 Askari oo ka tirsanaa Ciidanka Koonfur Galbeed, sida ay hadalka u dhigeen. Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo ka soo baxay dhanka Saraakiisha Ciidanka mamaulka K/ Galbeed oo ku aadan dagaalkaasi. Xaaladda ayaa haatan kacsan, iyadoona dhaq dhaqaaqyo xoogan laga dareemayo deegaano ka tirsan gobolka Baay ee koonfurta Soomaaliya. The post Al Shabaab Oo la wareegay deegaan ka tirsan G/ Baay appeared first on Shabelle. View the full article
-
Garoowe ( Sh. M. Network )-Guddiga amniga doorashada Puntland ayaa maanta soo saaray go’aan ay deegaanada maamulkaasi ka mamnuucayaan shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya. War ka soo baxay guddiga ayaa lagu sheegay in inta ay ka dhaceyso doorashada Puntland aysan deegaanada maamulkaasi tagi karin xubno ka socda dowladda Soomaaliya. Halkan hoose ka Akhriso:- The post P/land Oo deegaanadeeda ka mamnuucday madaxda DFS appeared first on Shabelle. View the full article
-
At least eight soldiers have been in Al-Shabaab dawn attack on a military base in Gofgadud Burey village in Bay region. Heavily Al-Shabaab fighters have reportedly attacked the military base manned by Somali army prompting fierce fighting between the sides. Reports say the crash caused heavy casualties on both sides as fighting lasted for almost an hour. According to sources who to spoke to Halbeeg News, the fighting claimed lives of eight soldiers including a commander identified as Hassan Isak Mohamed Indhagaduud. Mr. Hassan was the commander of the 43rd unit of the 60th Division of Somali National Army based in the area. In a statement posted on the group’s affiliate media, Al-Shabaab claimed the responsibility of the attack saying its fighters ran over the base. Al-Shabaab claimed to have killed over ten soldiers and seized huge cache of weapons but Somali army dismissed the claims. The military officials who declined to give details of the attack and the subsequent fighting denied the claims of Al-Shabab that they ran over the base adding that Somali soldiers repelled the attack and are still in control of the area. The attack comes amid Somali forces backed African Union mission in Somalia (AMISOM) have vowed to intensify the operations against Al-Shabaab fighters in South and central. The post Al-Shabaab briefly seizes town outside Baidoa city appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-Garsoorayaashan ladhaariyey waxaa soo magacaabay dhawaan Madaxweynaha Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” waxaana ay kamid noqonayaan Gorsoorayaasha Maxkamadda Sare ee Dalka. Munaasabadda dhaarinta waxaa ka qeyb galay Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed,Wasiirka Cadaaladda Mudane, Xasan Xuseen Xaaji, Guddoomiyaha Maxkamdda Racfaanka Garyaqaan Abshir Cumar Cabdullahi ,Taliyaha Ciidanka Booliska Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo Shaqaalaha kala duwan ee Garsoorka dalka. Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Baashe Yuusuf Axmed ayaa sheegay in Garsoorayaashan ay qeyb weyn ka qaadanayaan dib u soo celinta dalka Dowlad nimadiisii. “Waxaan rajeynayaa in aad kaalin weyn ka qaadataan dib u soo celinta dowladnimadii dalkan taas oo in muddo ah maqneyd, hadda waxaan heynaa shaqo aad u adag waxaana rajeynaa in aad isbedel wanaagsan nagu soo kordhisaan.” Guddoomiye Baashe waxaa uu si weyn uga hadlay arrimaha musuq maasuqa, waxaana uu sheegay inay jiraan qareeno qaata laaluush, kuwaas oo dagaal lagula jiro sidii banaanka loo soo dhigi lahaa. “Waxaan heynaa cadeymo aad u badan kuwaas oo ku aadan dhanka Musuq maasuqa. waxaa jiro qareeno qaata laaluush balse waxaa jiro baaritaano joogto ah oo aan dadkaas ku heyno, musuqa waxaan kula jirnaa dagaal aad u balaaran.” Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka waxaa uu digniin u daray dadka looga guuleystay dacwadaha ay Maxkamadaha dalka qaadaan kuwaas oo u taga Al Shabaab si ay u cabsiiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed. “hadda waxaa xiran 3 qof waxaa ay wateen cadeymo been ah waxaana looga guuleystay Maxkmadda, balse waxaa ay u tageen cowga dalka iyaga oo doonaya inay cabsiiyaan qofka kale ee dacwada kala dhaxeyso, sidaas waxaa sheegay Gudoomiyaha Maxkamadda Sare ee Dalka Baashe Yuusuf Axmed. Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya Xasan Xuseen Xaaji ayaa dhankiisa waxa uu tilmaamay Garsoorka dalka uu isbedel weyn ka muuqdo taas oo in halkaas laga siiwado ku dhiiri galinayaan Madaxda Maxkamadaha kala duwan ee dalka. The post Guddoomiye Baashe “Waxaan heynaa cadeymo Musuq ah” appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho ( Sh.M.Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Duhur-29122018.mp3 The post Dhageyso:-Warka Duhur Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal oo maanta ka hadlay aqalka markii ugu horreysay tan iyo khilaafkii siyaasadeed ee dalka, ayaa sheegay in khilaafkii dhacay laga qaadanayo cashar, oo looga nabad-geli-doono inta ka dhiman xil heyntooda. Mursal waxaa uu sheegay in sharci badan ay qabyo yihiin “Waxyaabaha sababay dood sharciyeed oo ay ka mid tahay qabyo-nnimada dastuurka, xeer-hoosaadka oo aan dib u eegis lagu sameyn tan 2013-kii, hey’adihii dastuurka iyo fasiraadda dastuurka oo qabyo ah, qaarna aysan dhisneyn, go’aanada aan qaadanay waxaa hubaal ah inaysan noqon mid garab ka qoslisa, marka la raadinayo xal siyaasadeed, mar walbo waxaa lama huraan ah in la isku miisaamo, oo la qanciyo aragtiga kala duwan”. Waxaa uu sidoo kale ka hadlay xalka khilaafka“Xildhibaannadii tanaasulay iyo kuwii iskood isku xilqaamay ee lagu hurdada beelay, waxaan leenahay dadaalkiina waan idiinka mahadcelineynaa, mas’uuliyad idiin saaran ayey aheyd in umadda Soomaaliyeed wixii la idiin soo doortay u qabataan, sidaasi oo kale waxaa jiray siyaasiyiin iyo culimaa’udiin xikmad nala garab joogay”. Maxamed Mursal waxaa uu qirtay in shaqo badan hakad u gashay muranka “Kalfadhigan aad ee golaha shacabka, waxaa uu ahaa mid la eegayo ismariwaaga na dhex-galay hakad-geliyay habsami u socodka howlihii baarlamaanka”. Dhinaca kale, guddoomiye Mursal waxaa uu ku dooday in kalfadhigan ay qabteen shaqo ka badan 3dii kalfadhi ee ka horeysay “ Kalfadhiga waxaa uu ahaa mid ka soo wax saar badan marka la isugu geeyo 3dii kalfadhi ee ka horeysay, 3dii kalfadhi ee hore waxaa la ansixiyey 3 sharci, kalfadhigan waxaa la ansixiyey 4 sharci oo kala ah: Dhismaha hey’adda naafada, mihnadlayaasha caafimaadka, xuquuqda siyaasiyiinta iyo kabidda miisaanidda 2018-ka” Ugu dambeyntii, waxaa uu guddoomiye Mursal sheegay in 7 sharci oo kale ay mareen akhriska heerarkii kala duwan, isaga oo intaasi raaciyey in guul-darro ahaan laheyd in 31-ka bishan la gaaro iyada oo golaha xiran yahay, lana xalin khilaafka guddiga maaliyadda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
