-
Content Count
212,806 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Garoowe)-Khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya arrimaha doorashooyinka, ayaa ka dhex qarxay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas iyo ku xigeenkiisa Cabdixakiim Camey. Khilaafka labadan masuul ayaa banaanka u soo baxay ka dib markii uu Madaxweynaha Puntland, magacaabay guddi uu ugu magac daray ansixinta iyo xalinta khilaafaadka golaha wakiilada cusub ee Puntland. Hasayeesehee yagleelidda guddiga ayaa waxaa ka dhashay buuq u dhaxeeya madaxda ugu sareysa Puntland. Madaxweynaha Puntland, Cabdiwali Maxamed Gas oo magacaabay guddigaasi aya waxaa ka soo horjeystay ku xigeenkiisa, oo madaxweynaha ku eedeeyay in uu baalmaray hab-raaca magacaabidda guddiga khilaafaadka. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa isna dhankiisa soo magacaabay guddi kale oo uu sheegay inuu yahay guddiga ansixinta iyo xalinta khilaafaadka ee golaha wakiilada Puntland, kadib markii uu sheegay in Cabdiweli Gaas lagu qancin waayay in wadahadal lagu dhammeeyo khilaafkaasi. Camey ayaa sidoo kale sheegay in qaar kamid ah guddiga uu soo xulay madaxweynaha ay yihiin kuwa qaraabo dhaw la ah madaxweynaha, una shaqeeya dowladda. Cabdixakiin Cabdullaahi ayaa sidoo kale sheegay in madaxaweynaha, ku xigeenkiisa iyo guddoonka barlamaanka ay tahay inay isu yimaadaan, kana wada tashadaan magacaabidda guddigan. Qaar kamid ah musharaxiinta doorahsada madaxweynaha ee Puntland oo ka hadlay khilaafka soo kala dhexgalay madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa ayaa sheegay inay la safanyihiin madaxweyne ku xigeenka, sheegay na in guddigaasi uu yahay mid u shaqeynaya madaxweynaha oo keliya. Geesta kale, Cabdiweli Gaas, ayaa la sheegay inuu diyaarsaday ninka uu doonayo inuu u noqdo madaxweyne-xigeen oo ka soo jeeda deegaanka Taleex ee gobalka Sool, waxaanu meesha ka saaray Mr. Camey oo labadii sannadood ee u dambeeyay uu khilaaf ka dhex jiray. Source
-
Musharrixiintii ka hor yimid guddi uu magacaabay madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa taageeray guddi kale oo kaas la mid ah oo uu magacaabay ku xigeenkiisa, Injineer Camey. Musharaxiinta oo Shir jaraa’id ku qabtey Garoowe, ayaa sheegay in xubnaha ku jira guddiga uu magacaabay Gaas aysan noqon karin kuwo cadaalad iyo dhexdhexaad ah, maadaama badankood yihiin mas’uuliyiin katirsan Puntland iyo saaxiibo ku dhow Gaas. Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo ka kooban 8 xubnood ayaa mgacaabistooda waxay dhalisay xiisad siyaasadeed oo u dhaxeysay Madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa, Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar “Cumey” oo ka hor-yimid Guddiga. Camey ayaa isna magacaabey Guddiga kale, isagoo sheegay in Gaas uu ka leexday habraacii loo mari jiray dhismaha guddidan qaabilsan xalinta khilaafka ka dhasha soo xulista Xildhibaanada, islamarkaana aan lagala tashan isaga iyo musharaxiinta. Musharixiin uu kamid yahay Cabdi Faarax Saciid (Juxa) ayaa ka digay khilaafka iyo is barbar yaaca dhismaha Guddiga anisixinta iyo xallinta khilaafaadka Baarlamanka. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/CODKA-MUSHARRIXIINTA-04-12-2018.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Hargeysa)-Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan baarlmaanka dawladda Ingiriiska, ayaa xaqiijiyay Somaliland in ay tahay dal madax-bannaan oo buuxiyay dhammaan shuruudihii looga baahnaa dal xor ah oo la aqoonsan yahay, waxaanay intaa raaciyeen in ay dedaalkooda ka midho dhalinta ictiraafa raadinta Somaliland ay sii wadayaan oo aanay ka daalayn. Kulan ballaadhan oo habeen hore ku qabsoomay xarunta baarlamaanka Ingiriiska oo lagu qaabilay xubno ka mid ah weftiga xukuumadda Somaliland ee socdaalka shaqo ku jooga dalka Ingiriiska oo uu hoggaaminayo Wasiirka deegaanka iyo horumarinta Reer miyiga Shugri Xaaji Ismaaciil Baandare, kana mid ahaayeen wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda Somaliland Liibaan Yuusuf Cismaan, ergayga Somaliland u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya Drs. Edna Aada Ismaaciil, Safiirka Somaliland u joogta Ingiriiska Ayaan Maxamuud Cashuur iyo xubno ka socday ururada bulshada rayidka ah ee Somaliland. Kulanka baarlamaanka Ingiriisku ku qaabilay weftiga, ayaa dhanka dawladda Ingiriiskana waxaa ka socday oo shirka ka qayb galay wasiirka Dekedaha iyo badaha Ingisriiska Mr Nus Ghani oo kana tirsan baarlamaanka dalkaas, Wasiirkii Hore Arimha Dibeda MB Boris Jonson iyo xildhibaanno ka tirsan labada gole baarlamaan ee dalka Ingiriisak. Xildhibaan Zac Gold Smith oo ah xildhibaan ka tirsan baarlamaanka Ingiriiska ayaa sheegay in Somaliland caalamku go’doomiyay oo uu duudsiyay xaqa ay u leedahay aqoonsi caalami ah isla markaana ka markhaati furay waxay Somaliland qabsatay iyo siday u buuxisay dhammaan shuruudihii looga ee dawlad lagu aqoonsan lahaa. Waxaanu intaa raaciyay in ay taageersan yihiin in Somaliland caalamka ay ka hesho aqoonsi caalami ah oo ay xaq u leedahay, waxaanu caddeeyay in ay sii wadayaan dedaalka ay ugu jiraan in Somaliand ka midhi dhalinta aqoonsiga Somaliland isla markaana ay kala shaqaynayaan dawladda Somaliland sidii ictiraaf raadinta ay goleyaal kala duwan oo heer qaran ah ay ugu soo bandhigi lahayd loona dhegaysan lahaa,waxaanu dawladaha caalamka ugu baaqay inay dhegaystaan xaqiiqada dhabta ah ee Somaliland oo ay aqoonsadaan. Xildhibaan Zac Gold Smith,oo ka hadlayay Somaliland iyo siday u buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa ee dawlad lagu aqoonsan lahaa,ayaa yidhi. “Dalka Somaliland waa dal buuxiyay dhammaan shuruudihii dal looga baahnaa waxaanay ku guulaysteen, muddo soddon sano ah iyagoo ku jiray go’doon siyaasadeed in ay dhistaan dhammaan kaabayaasha dhaqaale iyo waxyaabihii looga baahnaa dal madaxbannaan,waxaanu aad ugu faraxsannahay in aanu si wayn ula shaqayno isla markaana ka dedaalno sidii loo horumarin lahaa qadiyadda madaxbannaanida Somaliland.”ayuu yidhi xildhibaan Zac oo ka tirsan baarlamaanka dalka Ingiriiska oo ka hadlayay kulanka weftiga xukuumadda Somaliland ay ku qaabileen baarlamaanka Ingiriisku. Waxaa kale oo kulankaa ka hadlay mudaneyaal miisaan ku dhex leh baarlamaanka Ingiriiska oo sheegay dhammaantood sida ay u bar bar taagan yihiin qaddiyada aqoonsi raadinta Somaliland isla markaana ballan qaaday in ay kala shaqayn doonaan xukuumadda Somaliland iyoshicibkeeda ictiraaf raadinta qaranka Somaliland. Dhinaca kale wasiirka deegaanka iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibedda iyo ergayga Somaliland u qaabilsan wada hadalada Soomaaliya iyo Safiirka Somaliland u joogta dalka Ingiriiska oo kulankaa ka hadlay ayaa si qoto dheer uga warramay marxaladihii kala duwanaa ee ay Somaliland soo martay iyo halka ay maanta taagan tahay iyo higsiga yoolkeeda horumarinta qarankeeda ee u jeexan iyo in aanay ka daalayn in ka midho dhalinta ictiraafka Somaliland xaqa u leedahay in ay hesho. Source
-
Baardheere ( Sh. M. Network )-Saraakiisha Ciidanka Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in saaka Bandow ay ku soo rogeen magaalada Baardheere ee G/ Gedo. Bandowga oo ah mid balaaran ayaa waxaa la sheegay in uu saameyn ku yeeshay guud ahaan shacabka ku dhaqan magaaladaasi. Waxaana Albaabada la’isugu dhuftay goobaha Ganacsiga, Waxbarashada iyo Caafimaadka, sida ay Shabelle u xaqiijiyeen Ilo wareedyo ku sugan halkaasi. Arrintan ayaa timid, kadib markii uu sii xoogeystay is qabqabsiga dhinaca maamulka ah ee ka jira magaalada Baardheere ee gobolka Gedo. Xaaladda ayaa haatan mid kacsan, iyadoona Ciidamada badan lagu arkayo gudaha magaaladaasi. The post Bandow xoogan Oo lagu soo rogay M/ Baardheere appeared first on Shabelle. View the full article
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Guddiga amniga maamulka K/ Galbeed Soomaaliya ayaa saacadihii la soo dhaafay kulan gaar ah magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay kula qaatay saraakiil ka tirsan Wasaarada amniga Soomaaliya. Kulankan oo ahaa mid muhiim ah ayaa waxaa abada dhinac ay ka wada hadleen arrimo la xariira ammaanka magaaladaasi. Xildhibaan Bashiir Cabdi oo ka mid ah xubnaha guddiga amniga Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta ka warbixiyay kulankaasi. Ugu horreen Xildhibaanada ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ka guddi ahaan Ciidamada Booliska ah oo ay dhawaan DFS ay geysay halkaasi. Waxaana uu shaaca ka qaaday in xilligani baahi weyn loo qabay Ciidamadaasi oo kaalin ka qaadanaya sugida amniga doorashada maamulkaasi. Dhinaca kale waxaa xalay M/ Baydhabo ka dhacay weerar loo adeegsaday Bam Gacmeed, kaas oo lagu qaaday bar koontarool oo ku taalla gudaha magaaladaasi. Inta la xaqiijiyay waxaa Bamkaasi ku dhaawacmay illaa 4 Askari oo ka tirsan Booliska Koonfur Galbeed, sida ay xaqiijiyeen dad Goobjoogayaal ah. Weerarkan ayaa qeyb ka noqonaya falal amaan dari oo maalmihii la soo dhaafay ka dhacayay gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta KMG maamulkaasi. The post Guddiga amniga K/ Galbeed Oo la kulmay xubno ka tirsan DFS appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Hargeysa)-Wasaaradda horumarinta Beeraha Somaliland,ayaa ku dhawaaqday in guud ahaan dalka laga mamnuucay siidhadhka ama shinnida dalagyada kala duwan ee dibedda laga keenayay isla markaana dalka loo sameeyay kayd shinni ama siidhka beeraha oo kala duwan oo ah shinnidii dalka. Wasiirka wasaaradda horumarinta beeraha Somaliland Axmed Muumin Seed oo ka hadlay sababta loo joojiyay siidhkii dalka dibedda ka ka soo gali jiray iyo ka lagu bedelay,ayaa tilmaamay in siidhadhka dibad laga keenka ah ee laga ganacsadaa ay sabab u yihiin dhibaatooyin badan oo beeraha dalagyadii ka soo gu’I lahaa waxyeeleeyay,waxaanu intaa raaciyay in dalka loos sameeyay kayd Siidh oo hadda ay ku kaydiyeen soddon kun oo tan oo siidhadh beereed kala duwan ah. Waxaanu wasiirku sidaa ku sheegay waraysi uu siiyay VOA-Somali. Wasiir Seed oo arrimahaa ka hadlayaana waxaa uu yidhi “siidhku debadda ayuu ka iman jiray oo ganacsi ayuu galay adduunkana waddan iska furan oo siidhka la geeyaa ma jiro , markaan xilka la wareegnay khubarro cilmiga beeraha bartay ayaanu talo badan is waydinay , waxaanan ogaanay in siidhka waddanka meel walba kasoo gelayaa uu dhibaatooyin ku hayo , waxaanan ogaanay in siidhka debedda ka imanayaa aanu ku habboonayn carrada dalka , markaa waanu joojinay, goob walba oo dalka lagasoo galana waxaanu dhignay waraaq qoraal ah oo sheegaysa in wixii siidh ah ee debedda ka imanayey aanu joojinay” Wasiirka oo hadalkiisa sii wata,ayaa intaa raaciyay“Waxa aanu beernay siidhkii oo kala duwan waxaanan kayd ka dhignay aburriin oonu ugu talo galnay in lagu kaydiyo siidhka dalka Sannadka 2018 ,waxaanu soo saarnay illaa soddon kun oo tan oo aanu ka beernay deegaano kala duwan illaa imika waxa lagusoo ururiyaa aburriin .” Wasiirka oo ka hadlayay qorshaha wasaaradda ee wakhtiga dhaw,ayaa yidhi “Waxa noo qorshaysan in sannadka soo socda aanu beeralayda siino siidhka, Intii xukuumaddaydu joogtay tababarrada meel walba waanu uga furnay beeralayda, waxaa naga caawiyey hay’ado badan sida FOA, iyo kuwa kale oo badan , imika waxa aanu ku dedaalnay in qofkasta oo beeralay ah oo ku nool dalka Somaliland hadday tahay khudaarley ama beer roobaad , waxaanu u gaynay qalab, waxaanu samaynay koox illaa afar baabuur ah oo gobol iyo degmo walba afar habeen wareegaya oo dadka tababar u samaynaaya , dawooyinkana ka cawinayaa” Source
-
(SLT-Hargeysa)-Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal oo ka mid ah mudanayaasha golaha guurtidda Somaliland, ayaa si wey uga dayriyay dhalinyaro kooxo kooxo ah oo xilliyada habeenkii khalkhal ku haya amniga caasimadda Somaliland. Xildhibaanku waxa uu sheegay in wakhtiyadii hore ay dhalinyaraddu ku fooganaayeen oo kaliya qaadashadda iyo boobka Mobiladda, balse haatan ay xaaladoodu gaadhay qudh-gooyo. Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal, waxa uu baaq u diray ciidamadda booliska, xukuumadda Somaliland iyo walidiinta ubadkani dhalay, waxaanu sidan ka sheegey mar uu shalay warbaahinta kula hadlayay gudaha magaalada Hargeysa. Xildhibaan Khadar Xuseen Sahal oo arrimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxaa jira dhalinyaro badan oo kooxo kooxo ah oo ku soo badanaya magaalada Hargeysa. Dhalinyaradaasi hawshoodu markii hore waxay ahady kaliya inta ay Moobil qof ka qaadaan in ay la cararaan. Laakiin imika waxa ay noqotay qudhgooyo, waa khaatiliin, xaafadaha qaar baa la sheegayaa inta ay toban toban isu soo raacaan iyaga oo afka soo duubtay, in ay cidkasta oo ka hor timaada ay baadhaan, iyaga oo qofkii baadhay ayay hadana midiyo la dhacayaan.” Xildhibaan Khadar isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaasi ku daray “Waxaan u ugu baaqayaa ciidamada booliska Somaliland in arrinkaasi ay xooga saaran sidii ay wax uga qaban lahaayeen.” “Arrintaasi haddaan wax laga qaban oo aan jeelal waaweyn iyo goobaha dhalinyaradan dhaqan celin loogu sameeyo aan loo diyaarin xaaladdu way sii fogaanaysaa, waana in la isu kaashado madax dhaqameed, boolis iyo xukuumadda taladda dalka heysa, markaa waxaan soo jeedinayaa in dhalinyaradaa ammaanka wax u dhimaysa la xanuujiyo oo tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado,” ayuu yidhi xildhibaan Khadar Xuseen Sahal. Source
-
Kismaaayo ( Sh. M. Network )-Kadib kulan looga hadlayay amniga oo ay magaalada Kismaayo ku yeesheen Madaxda Jubbaland iyo saraakiil ka socota AMISOM ayaa waxaa looga hadlay ammaanka deegaanada maamulkaasi. Kulankan oo ahaa mid xasaasi ah ayaa waxaa si gaar ah diirada loogu saaray howlgallada ka dhanka ah Al Shabaab ee ka socda gobollada Jubbooyinka. Lataliyaha dhanka Amniga ee Madaxweynaha Jubbaland Janaraal Cabdi Mahdi oo kulanka kadib la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in guulo waa weyn laga gaaray dagaalka lagula jiro Al Shabaab. Waxaana uu sheegay in sanadkii la soo dhaafay Dagaalyahannada Al Shabaab lagala wareegay deegaano dhowr ah oo hoos yimaada maamulkaasi. Ciidanka Jubbaland iyo kuwa Kenya ayaa muddooyinkii dambe sare u qaaday howlgallada milatari ee ka socda Koonfurta Soomaaliya. The post Jubbaland Oo shaacisay in ay guullo ka gaartay dagaalka Xarakada Shabaab appeared first on Shabelle. View the full article
-
Awdhiigle ( Sh. M. Network )-Faah faahinno dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa duqeyn dhinaca cirka ah oo xalay diyaarado dagaal ay ka fuliyeen degmada Awdhiigle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Duqeynta oo aheyd mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in lala bartilmaameedsaday goobo Al Shabaab ay ku lahaayeen gudaha degmadaasi. Meelaha la duqeeyay ayaa waxaa ka mid ah xarun Al Shabaab ay ku qaadaan Canshuuraha iyo Saldhiga ay ku leeyihiin halkaasi. Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in Gantaalo xoogan lala beegsaday xarumahaasi, islamarkaana ay burbureen. Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in duqeyntan lagu burburiyay Gaari nuuca raaxada ah oo ay lahaayeen dagaalyahannada Xarakada Al Shabaab. Wararka ayaa intaasi ku daraya in duqeynta kadib Ciidamo hubeysan ay gudaha ugu daateen Awdhiigle, kadibna iska hor imaad culus uu ka dhacay degmadaasi. Lama oga khasaaraha rasmiga ee Xarakada Al Shabaab ka soo gaaray duqeynataasi. Illaa iyo haddana ma cada heybta diyaaradaha dagaal ee duqeynta ka fuliyay halkaasi. Xaaladda ayaa saaka kacsan, iyadoona dadka deegaanku ay soo wajahday cabsi xoogan, kadib duqeyntaasi. The post Diyaarado dagaal Oo duqeyn ka fuliyay Shabeelaha Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar qorsheysan oo xalay ciidamada Mareykanka iyo kuwa dowladda Soomaaliya oo iskaashanayo ay ku qaadeen deegaanka Awdheegle ee gobolka Shabeelaha Hoose. Ciidamada Isbaheysanaya ayaa weerarka ku qaaday deegaanka oo Al Shabaab ay xarun ku leeyihiin, waxaana weerarka ka dhashay khasaaro kala duwan, walow aanan la shaacin heerka khasaaraha uu gaarsiisan yahay. Saraakiisha Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ayaa shaaciyay in howlgalkaasi uu ahaa mid qorsheysan, islamarkaana lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa oo Al Shabaab damacsanaayeen inay weeraro ku geystaan. Ciidamada Mareykanka oo taageero ka helaya ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa gudaha u galay deegaanka iyaga oo ka degay diyaarado ay adeegsanayeen. Al Shabaab dhankooda waxay sheegeen inay iska caabiyeen kooxaha weerarka kusoo qaaday, waxaana baraha ay ku faafiyeen wararkooda ay ku sheegeen in jab ay gaarsiiyeen dadkii soo weeraray. Mareykanka ayaa sare u qaaday howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab waxaana todobaadyadii la soo dhaafay ay duqeyn ka geysanayeen Maamullada Galmudug,Hirshabeelle iyo Koofur Galbeed. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Muqdisho (Sh. M. Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-051218-1.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Moscow)-Wadamada isbahaysiga gaashaanbuurta Nato ayaa ku eedeeyay Rushka in uu jabinayo oo uu ku tumanayo heshiiskii xakamaynta gantaalada riddada Dhexe. Mareykanka ayaa Ruushka u qabtay muddo kama dambeys ah oo 60 maalmood ah in ay dib ugu soo laabtaan u hogaansamidda heshiiskii xakamaynta hormarinta gantalada riddada dhexe ee la saxiixay 1987. Mareykanka ayaa ku hanjabay in haddii aysan Ruushka arrintaas samayn ay heshiiska ka bixi doonaan. Xoghayaha arrimaha dibadda ee Mareykanka Mike Pompeo ayaa hadalkan ka sheegay shirka wasiirada arrimaha dibadda ee wadamada gaashaanbuurta NATO ee Brussels ka dhacay,waxaana muuqata in ay jirto taageero guud oo loo muujiyay go’aanka Mareykanka, balse taxadarna uu ku jiro. Heshiiskan gantaalada riddada dhexe ayaa udub dhaxaad u ahaa xakamaynta hubka xilligii dagaalkii qaboobaa. Waxaa heshiiskani meesha looga saaray dhamaan madaafiicda goobta ee ridadoodu u dhaxeyso 500 ilaa 5,500 oo kiilo Mitir. Balse muddo imika dhowr sano ah Mareykanka ayaa ka walaacsanaa waxa ay ku tilmaameen dadaalka uu Ruushka ugu jiro in uu heshiiskaasi uu burburiyo. Ruushka ayaa sida ay Mareykanka sheegeen waxa ay daadgureeyeen gantaalo cusub taasi oo halis ku ah bartilmaameddyo Yurub ku yaalla. Dowladda Mareykanka ayaa imika waqti kama dambeys ah u qabtay xukuumadda Moscow in ay dib ugu soo laabtaan u hogaansamidda heshiiskii xankamaynta hormarinta gantaalada ridada dhexe. Mareykanka ayaa waxay ka digeen in haddii Ruushka muddada 60 maalmood ah ay heshiiska ugu hogaansami waayaan ay mareykankana joojin doonaan dhaqangalintiisa. Wadamada gaashaanbuurta NATO ayaa dhankooda taageeray go’aanka Mareykanka ee ka dhanka ah Ruushka. Ruushka ayaa dhankooda beeniyay in ay dhisayaan gantaalo jabinaya heshiiskaasi xakameynta gantaalada riddada dhexe iyo riddada gaaban. Cabsida la qabo imika ayaa waxay tahay in haddii heshiiskani xakamaynta gantaalada ridada dhexe uu burburo ay arrintan gacan ka gaysan karto in meesha ay ka baxaan dhamaan nidaamka heshiiyada lagu xakamaynayo hubka kuwaasi oo muhim u ahaa istaraatijiyada daganaashiyaha caalamka. Source
-
Kismaayo (Caasimada Online)-Mid kamid ah xildhibaanada baarlamaanka maamulka Jubbaland ayaa ka hadlay dhibatooyin uu sheegay in madaxweynaha Jubbaland uu ku hayo xildhibaanada iyo guddoonka baarlamaanka. Xildhibaan Maxamed Nuur Buulle oo kamid ah xildhibaanada baarlamanka Jubbaland ayaa sheegay in madaxweyne Axmed Madoobe ku hayo handadaad iyo cago jugleyn joogto ah, waxii ka dambeeyay markii ay baarlamaanka ka celiyeen guddi xuduudeed la doonayay in loo sameeyo Jubbaland. Xildhibaanka ayaa sheegay in sababta guddigaasi ay u diideen inuu yahay in dastuurka uusan Jubbaland u ogolaaneyn inay sameeyaan guddi ka shaqeynaya arrimaha xuduudaha, maadaama ay tahay shaqada dowladda. Isaga iyo xildhibaano kale ayuu sheegay inay soo jeediyeen in arinta guddiga xuduudaha loo daayo dowladda Soomaaliya, maadaama Jubbaland dastuurka uu u ogolaanayo sameynta guddiyada Doorashada iyo maamulka gudaha. Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaano damacsanaa in Magaalada Muqdisho ay usoo aadaan Tababar uu bixinayo Xafiiska Mashaariicda Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayuu tilmaamay in Madaxweynaha Jubbaland uu kahor istaagay, sida uu hadalka u dhigay. Xildhibaanka ayaa ugu dambeyn sheegay inay u baahan yihiin badbaadin lagu sameeyo siyaasadda iyo xoriyadda hadalka ee Jubbaland, maadaama uu sheegay inay dhibaato ka heysato arimahaasi. Ma jiro Jawaab maamulka Jubbaland ay ka bixiyeen hadalka kasoo yeeray xildhibaanka kamid ah baarlamanka Jubbaland. Caasimada Online Xafiiska Kismaayo Caasimada@live.com
-
(SLT-Doha)-Boqorka Sacuudi Carabiya Salmaan Bin Cabdulcasiis ayaa martiqaad u diray Amiirka dalka Qatar Sheikh Tamim Bin Hamad Al Thani, si uu uga soo qeyb galo shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka ee ka dhici doona magaalada Riyadh 9-ka bisha December. Sida ay shaacisay Wakaalada Wararka ee Qatar Amiirka dalka Qatar ayaa helay martiqaad uga yimid Boqorka Sacuudiga, balse ma sheegin inuu Amiirka ka qeyb galayo iyo in kale. Dowladda Qatar ayaa weli shaacin heerka ay shirkaas uga qeyb geli doonto, iyadoo inta badan shirka Golaha Iskaashiga Khaliijka ee sanadlaha uu sanado ka hor ahaa mid ay ka qeyb geli jireen dhammaan madaxda dalalka Khaliijka Martiqaadkan ayaa ku soo aaday, iyadoo Qatar ku dhawaaqday inay isaga baxday Ururka dalalka dhoofiya Saliida ee OPEC. Shirkii sanadkii hore ee Golaha Iskaashiga Khaliijka ku yeesheen dalka Kuwait ayaa dalalka Sacuudiga, Imaaraadka Carabta iyo Baxreyn ay u direen Wasiiro iyo Ra’iisul Wasaare kuxigeeno, bedelkii la filayay in madaxdooda ay tagayaan Isbaheysiga Sacuudiga hoggaamiyo ayaa xiriirka u jaray dalka Qatar, iyadoo ku soo rogay xayiraado hawada, badda iyo dhulka ah, kaddib markii ay ku eedeeyeen inay taageerto Argagixisada, inkastoo Qatar ay iska fogeysay eedeymahaas. Source
-
(SLT-Washington)-Masuuliyiin ol’olaha doorashada u qaabil sanaa xisbiga Jamhuuriga ayaa email-ladooda la jabsaday ka hor doorashadii xiliga dhexe ee dalka Maraykanka, sida hadda soo baxday. Guddiga xisbiga Jamhuuriga ee Congres-ka oo magaciisa loo soo gaabiyo NRCC ayaa sheegay in email-ladooda loo dhacay, isla markaasna aysan garanayn cidda sidaas yeeshay, balse ay ku wargaliyeen hay’dda dambi baarista Maraykanka ee FBI. Masuuliyiin xisbiga ka tirsan ayaa sheegay in aan la shaacinin email-ladii loo dhacay. Barta wararka daabacda ee Politico oo markii u horraysay warkan tabisay ayaa sheegtay in weerarkaas lagu bartilmaameed saday afar kaaliye oo sarsare. Waxay sheegtay in email ladaas lala socday bilooyin balse bishii Abriil ayuu ogaaday masuul ka tirsan NRCC kaas oo guddiga war galiyay. Guddiga NRCC ayaa isku duba rida ol’olaha murashaxiinta xisbiga Jamhuuriga ee ka qaybqaadanaya doorashada Aqalka Wakiillada. Website-ka Politico oo soo xiganaya masuuliyiin xisbiga ka tirsan ayaa sheegay guddiga NRCC uusan masuuliyiinta xisbiga Jamhuuriga la wadaagin macluumaadka email-lada loo dhacay. Guddiga ayaan sidoo kale la wadaagin xubnaha baarlamaanka taas oo adkaynaysa in la ogaado ciddii ka dambaysay dhibaatadaas. Source
-
(SLT-São Paolo)-Gabadh caafimaad qabta ayaa dhalatay iyadoo la adeegsanayo makaan la talaalay oo laga soo jaray mayd. Qalliin 10 saacadood qaatay iyo dawayn dhanka taranka ah oo markii dambe la sameeyay oo ka qabsoomay magaalada São Paolo ee dalka Brazil sannadkii 2016. Hooyadan umusha ah oo 32 sano jirta ayaa dhalatay iyadoo aan makaan lahayn. Soddon iyo sagaal makaan oo ay ku tabaruceen dad nool ayaa horay loo tallaalay waxaana ku dhashay 11 carruur ah. Dadka tabarucaadaas ka qayb qaatay waxaa ka mid ah hooyo gabadheeda u hibaysay makaankeedii. Balse toban ruux oo dhimatay oo horay la isugu dayay in makaankooda qof kale loogu tallaalo ayaa natiijo la’aan ku dambeeyay ama carruur dilanta. Dawooyin la siiyay Arrintan hadda taaganse waa makaan ay ku tabarucday hooyo da’da afartameeyada ku jirtay oo saddex ilmood soo dhashay, taas oo u dhimatay dhiig maskaxda kaga furmay. Gabadhan loogu deeqay minka ama makaanka ayaa qabtay xannuunka Mayer-Rokitansky-Küster-Hauser kaas oo ku dhaca mid ka mid ah 4,500 ee dumar ahba, kaas oo horseeda in uusan sidoodii u samaysmin xubinta taranka ee dumarka ama makaanka. Si kastaba ha ahaatee ugxanteeda ayaase fiicnayd, dhakaatiirta ayayna u suuragashay in ay ka soo saaraan oo ay ku bacrimiyaan mani ayna kaydiyaan. Gabadha ayaa la siiyay dawooyin daciifiya habka difaaca jidhkeeda si aysan u weerarin xubinta lagu tallaalay. Guul caafimaad oo la gaadhay Lix toddobaad ka dib ayay billawday in ay caado hesho. Toddobo bilood ka dibna ukumihii la bacrimiyay ayaa lagu tallaalay. Markii uu uurku caadi noqdayna qalliin ayaa lagaga dhaliyay 15 Disembar ee sannadkii 2017. Dr Srdjan Saso oo ka tirsan Imperial College London ayaa sheegay in warkan uu yahay mid aad iyo aad u wanaagsan. Source
-
(SLT-Washington)-Senetarro maqam ku leh Koongareeska Mareykanka ayaa Talaadadi shalay sheegay in ay jiraan daliilo cad oo muujinaya in dhaxal-sugaha Boqortooyada Sacuudiga Mohammed bin Salman uu ka danbeeyay dilki magaalada Istanbul loogu geystay wariye Jamal Kashikji. Mudanayaashaan ayaa diiday hadalki madaxweyne Trump ee ahaa inuunsan marnaba lumin doonin saaxibtinimada Sacuudiga. Gudoomiyaha guddiga Xiriirka Arrimaha Dibadda ugu qaabilsan mudanayaasha Jamhuuriga Golaha Senetka Bob Corker, ayaa sheegay in haddii guddi xeer beegto ah la horgeyn lahaa Maxamed Bin Salman, aysan muddo 30 daqiiqo ah ku qaada laheyn caddeynta ah in uu gacan-ku-dhiigle yahay. Mudane kale oo ka tirsan xildhibaanada Jamhuuriga kana soo gala Koongareeska Mareykanka gobolka South Carolina, Senator Lindsey Graham ayaa sheegay in ay jiraan cadeymo muujinaya in Maxamed Bin Salman uu amray dilka wariye Kashikji. Sacuudiga ayaa beeniyay in dhaxalsugaha Boqortooyada uu wax lug ah ku lahaa dilka saxafiga loogu geystay qunsuliyadda Sacuudiga ee magaalada Istanbul, labadii bishii October. Source
-
(SLT-Washington)-La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka Maraykanka ee Madaxweyne D. Trump, Micheal Flyn ayaa macluumaad aad u badan siiyey dambi baaraha gaarka ee faragalinta Ruushka ee doorashada Maraykanka Robert Mueller. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay in wax xabsi ah aanu gali doonin, sida lagu xusay warqadihii maxkamadda ee Talaadadii shalay, iyada oo wadashaqeyntiisa lagu sheegay mid aad weyn. Waraaqahan maxkamadda ee uu xereeyey Robert Mueller ayaa faahfaahinaya kaalmada uu Flyn ka geystay baarista faragalinta Ruushka, isaga oo dacwad-oogashu ay la yeesheen 19 wareysi. Warkan ayaa imamaya labo toddobaad ka hor, xiligii Flyn la xukumi lahaa iyo muddo hal sano in yar ka badan xiligii uu qirtay in uu been u sheegay hay’adda FBIda, shirkii uu la yeeshay danjirihii Ruushka ee xiligaas, isaga oo D. Trump wakiil ka ah. Source
-
Axmed Aadan Carab oo kamida guddi khilaaf dhaliyey oo uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Dawlada Puntland Eng Cabdullaahi Cumar Camey inay noqdaan guddiga khilaafaadka iyo ansixinta baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inuu iska casiley kamid ahaanshaha guddigaas. Axmed oo shir jaraaid ku qabtay Magaalada Garowe ayaa ku tilmaamay magacaabistaas mid aan lagala tashan, wuxuuna ka codsaday Madaxweyne ku-xigeenka inuu ka noqdo magacaabistaas oo uu sheegay inay khal-khal ku abuuri karto Dawladnimada, wuxuuna intaa raaciyey inuu tageersan yahay uuna mida saxa uu arko gudigii uu magacaabay Madaxweyne Gaas. Dhanka kale sida ay helayso PUNTLAND POST xubno kale oo ah guddiga uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa iyaguna qorshaynaaya inay iska casilaan saacadaha soosocda. Carab ayaa saxiibadiisa kale ee lala magacaabay ugu baaqay inay wadadiisa maraan si loo ilaaliyo wadajirka Puntland. Arimahan ayaa kusoo aadaaya xili Madaxweyne Gaas iyo Ku-xigeenkiisa Camey ay iska soo dabasaareen labba guddi oo is khilaafsan, mana jirto wax xal ah oo illaa iminka khilaafkaas laga gaaray walow ay dad is xilqaamay dadaal ugu jiraan inay khilaafkan soo afjaraan. PUNTLAND POST The post Mid kamida guddigii uu magacaabay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo is-casiley appeared first on Puntland Post.
-
Ilo ku dhow guddoonka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in shalay Talaado ay kulan gaar ah lahaayeen guddiyada joogtada ah ee golaha shacabka, kuwaas iyagana aan horay u shiray ku dhowwaad muddo bil ah. Guddoomiyaha golaha shacabka ee BF Maxamed Mursal ayaa ka codsaday guddiyada joogtada ah ee golaha iney isaga u daayaan xal ka gaarista arrintii kala dirista guddiga maaliyadda, horayna loo wadao ajendayaasha kulamada golaha, arrintaas oo la isla gartay. Iyada oo heshiiskaas laga ambaqaadayo, waxaa maanta dib u qabsoomaya kulamada golaha shacabka, kadib markii ay horay kulamada u baaqdeen ilaa 3 jeer sababo la xiriiray khilaafka kala dirista guddiga maaliyadda. Ajendaha kulanka maanta ee golaha shacabka waxaa lagu sheegay akhtinta 3aad ee hindise sharciyeedka Mashruuca Liiltirka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Waxaa maanta lagu wadaa inuu qabsoomo kulanka golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah, kadib markii ay horay kulamada u baaqdeen ilaa 3 jeer sababo la xiriiray khilaafka kala dirista guddiga maaliyadda. Ajendaha kulanka maanta ee golaha shacabka waxaa lagu sheegay akhtinta 3aad ee hindise sharciyeedka Mashruuca Liiltirka. Waxaa dib loo dhigay xal ka gaarista go’aankii kala dirista guddiga maaliyadda ee golaha shacabka. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Dowladda Mareykanka ayaa shaacisay inay dhawaan dib ay u fureyso saafaradii ay ku lahaayeen magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda. Qoraalka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Washington ay dib u bilaabeyso dhaqdhaqaaqi diblomaasiyadeed ee joogtada ahaa ee magaalada Muqdisho. Go’aakaasi ayaa ka dambeeyay kadib markii ay soo hagaagtay xaaladda Soomaaliya, sida qoraalka lagu sheegay, waxaana ay horseedeysaa in Mareykanka ay dib safaaradooda kaga furtaan magaalada. Heather Nauert oo ah afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa cadeysay in dib u furashada Safaaradooda ay keeneyso sii xoojinta xiriirka kala dhaxeeya Soomaaliya. Waxay sidoo kale sheegtay in maamulka madaxweyne Trump uu ku kalsoon yahay in xiriirka Soomaaliya iyo Mareykanka la wanaajiyo. Mareykanka ayaa safaaraddiisa Muqdisho xiray waxii ka dambeeyay Sanadkii 1991kii, xiligaasi oo ay dhacday dowladdii dhexe dalkuna galay kala dambeyn la’aan. Sidoo kale Mareykanka ayaa shaqaalahiisa diblomaasiyadeed iyo kuwa kale ee samafalka iyo muwaaddiniintiisa kala baxay Muqdisho sanadkii 1993dii markaas oo uu dhacay Weerarkii Black Howk Down, oo ay ku dhinteen kumanaan Soomaali ah iyo 18 Askari oo Mareykan ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 4AAD Siday hore idiinku sheegeen wariye Khaalid Foodhaadhi iyo wariye Abdi Bidhaan Dahir LIBERLAND dulkeedu wuxuu Dhanyahay 7km2. Hadaba Ma ogtahay inay LIBERLAND ka wayntahay Dawlada ( Republic MONACO) oo dulkeedu dhan yahay 2km2, waxana dagan 38.000 qof Monaco waa dal ku dhex yaala FRANCE oo dunidana laga ictiraaf sanyahay. Waxa aad loo yaqaanaa naadiga kubada cagta ee Manoco kana ciyaara horyaalka France waxa hada tobabare u ah laacibkii waynaa ee Thierry Henry. Muwaadin kasta oo reer Monaco ah sanadkii waxa soo gala lacag dhan 151,000 iyagoo noqonaya shacabka ugu dakhliga badan dunida. Ma ogtahay inay LIBERLAND ka wayntahay dawlada Vatican ka oo dhulkiisu leeg yahay 0.4km2 wuxay in yar ka wayn yahay garoonka kubada cagta ee Hargaysa. Ma ogtahay in dalka Republic of NAURU yahay dal la qoon sanyahay oo dhulkiisuna dhan yahay 21km2. Ma ogtahay in dalka TUVALU laqoon sanyahay dulkiisuna dhan yahay 26km2. 5taa dawladood een xusay Dhamaan tood waxa ka wayn magalada HARGAYSA oo dhan 33km2. Waa halkii TELESOM ee Muhiimadu waa TAYADA maaha Baaxada, LIBERLAND oo ah 7km2 waxay leedahay 80 safaaradood oo waxay qancisay sideetan dal inay xafiisyo kafurato. Inaguna, mee Rooble Mohamed . Lasoco TAXANAHA LIBERLAND QAYBTII 5AAD Amb Ahmed Safiina Sawiradan hoosta ka muuqda waa MONACO oo dhan 2km2 11 Qaran News