-
Content Count
213,501 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Somalia’s militant Islamist group al-Shabaab has killed three men execution-style, accusing two of them of working for the army. The third man it killed was an elderly clan leader who helped choose candidates for the 2016 parliamentary elections. Media linked to al-Shabaab reported the killings took place in front of a crowd in Mubarak village in southern Somalia. The militants, who are affiliated to al-Qaeda, control much territory in rural areas of Somalia and are fighting to overthrow the un-backed government. The militants are known for killing suspected informants, including those accused of spying for the U.S. And other foreign intelligence agencies. The post Al-Shabaab executes three men, including former electoral delegate appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Habeen-121218.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Riyadh (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa magaalada Riyadh ee dalka Sacuudiga kula kulmay boqorka Dalka Sacuudiga Salmaan Bin C/casiis Al-Sacuud. Wasiir Axmed Ciise Cawad ayaa afar arin kala hadlay boqorka Sacuudiga oo kala ahaa xoojinta xiriirka ka dhaxeeya labada dowladood, Adkeynta amaanka gobolka, horumarinta Ganacsiga iyo Maalgashiga Dalalka dhaca Geeska Afrika oo ay Soomaaliya u horreyso. Wasiirka ayaa sidoo kale la kulmay wasiirada arrimaha Dalalka Yemen, Sudan, Masar iyo Jabuuti, isaga oo kala hadlay isbadalka gobolka Geeska Africa iyo sidii xiriirada dalalkaasi kala dhaxeeya Soomaaliya loo wanaajin lahaa. Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya uu kulan kale la qaatay wasiirada iyo boqorka Sacuudiga kaasi oo ujeedadiisa ay aheyd sidii loo dhisi lahaa Urur ay ku mideysan yihiin Waddamada Gacanka Carbeed iyo Dalalka Afrika ee kulaala Badda Cas. Waxaa soo wanaagsananaya Xiriirka Sacuudiga iyo Soomaaliya oo mugdi uu galay waxii ka dambeeyay markii Somalia dhexdhexaad ay ka noqotay go’doomintii lagu sameeyay Dalka Qatar. Caasimada Online Xafiiska Jeddah Caasimada@live.com
-
(SLT-Hargeysa)-Madaxweynaha JSL Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadhimo-sharafeed u samayn doona xildhibaanada golaha wakiilada, Sabtida haddii Alle idmo. Guddoomiyaha Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa shalay fadhigii golaha wakiilada oo saxaafadda banaanka looga saaray, wuxuu xildhibaanada u sheegay in Madaxweyne Biixi uu Sabtida hadhimo u sameeyay xildhibaanada. Guddoomiyuhu ma bixin faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan qadadan iyo inay jirto ujeedo siyaasadeed oo ka dambaysa qadada uu madaxweynuhu ku casuumay xildhibaanada. Laakiin xildhibaanada ayaa aaminsan in Madaxweyne Biixi uu kala hadli doono arrimo siyaasadeed oo laga yaabo inay ugu horayso muddo kordhinta la doonayo in loo sameeyo golaha wakiilada markii shannaad maadaama oo ay doorashadii dib u dhacday. Waxa suurtogal ah in Madaxweynuhu xildhibaanada ka codsado inay la qaataan in muddo kooban oo bilo ah loo kordhiyo golaha si aanay doorashada wakiiladu u dhaafin sannadka 2019. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ku bogaadiyey xildhibaannada Golaha Aqalka Sare ansixinta Sharciga Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah. Madaxweyanaha ayaa tilmaamay in ansixinta sharcigan ay aasaas u tahay mideynta iyo dardargelinta dadaallada iyo qorsheyaasha lagu kaabayo nolasha dadkeenna naafada ah. “Waxaan uga mahadcelinayaa xildhibaannadeenna sharafta leh ee Aqalka Sare ansixinta Hindise Sharciyeedka Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah. Sharcigaan waxa uu saldhig u yahay xaqiijinta xuquuqda ay leeyihiin dadka naafada ah ee Soomaaliyeed”, ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo. Madaxweynaha ayaa faray Xukuumadda Federaalka Soomaaliya in ay kaalinteeda hoggaamineed ka qaadato hirgelinta Dhismaha Hay’adda Dadka Naafada ah iyo dardar gelinta qorsheyaasha ku qotoma xal u helista dhibaatooyinka ku xeeran nolasha dadka naafada ah. Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa todobaadkii hore ugu baaqay Golaha Aqalka Sare in ay dadejiyaan ansixinta Sharciga Dhismaha Hey’addan oo ay horey u soo gudbisay Xukuumaddu, ayna ansixiyeen Golaha Shacabka. Madaxweyne Faraamjo ayaa tilmaamay in falalka arxan darrada ah ee argagixisada Alshabaab ay ku bartilmaamsadeen shacabka Soomaaliyeed ay kordhiyeen tirada dadka naafada ah, isagoona sheegay in shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed ay gacanna kula dagaalamayaan cadawgaas, gacanta kalena ay ku dhisayaan dalkooda. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Shaafi Raabi Kaahin, xoghayaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed ahna Guddoomiyaha rugata ganacsiga ee Jubalnd ayaa isaga oo la hadlay Goobjoog News waxa uuu Sheegay in aysan waxaba ka quseyn ka hadlidda Mooshinka Madaxweyne Farmaajo laga gudbiyey. Kaahin ayaa sheegay in warqad kasoo baxday guddoomiyaha rugtan aanay waxbo kala socon, islamarkaana iyagu yihiin ganacsato, oo aan siyaasad waxbo ka quseyn. Waxa uu sheegay Xoghayuhu in guddoomiyaha rugta ganacsiga looga baahan yahay in uu ka hadlo dhibaatada ganacsatadda Soomaaliyeed lagu hayo sida baadda iyo dilalka lagula kaco. Sidoo kale, xoghaye Shaafi ayaa sheegay in warqaddan lagu dalbadey in la joojiyo mooshinka madaxeyne Farmaajo aanay waxbo kala socon xubnaha rugta ganacsiga Soomaaliyeed ee isagu ku jiro. Halkaan hoose ka dhageyso: https://goobjoog.com/wp-content/uploads/2018/12/XOGHAYAHA-RUGTA-GANACSIGA-SOOMAALIYEED-AHNA-GUD-RUGTA-GANACSIGA-JUBALAND.mp3 Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Istanbul (Caasimada Online) – Intii u dhaxeysay 15- 18kii bishii November ayuu guddoomiyaha baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya safar qarsoodi ah ku tagay Jaziiradda Qubrus qeybta ay maamusho Turkey, balse shaaciyay in uu dalka Turkiga u tagayo arrimo qoys, laakiin waa meesha ay ka soo billaabatay fikradda mooshinka. Guddoomiye Mursal ayaa hotelka uu Qubrus (Cyprus) ka dagay ee Mediterranean Beach Hotel kula kulmay ku xigeenka madaxa golaha amniga qaranka dowladda Imaaraatka Ali Mohammad Hammad Al Shamsi, iyada oo ay soo if baxeyso waxyaabihii ay ka wada hadleen oo ahaa in muddo saddex bilood ah lagu rido dowladda hadda jirta, kadibna la keeno dowlad cusub oo Imaaraadka taageersan. La-taliyaha guddoomiyaha Baarlamaanka C/Qaadir Maxamed Nuur (Jaamac) horayna u ahaa ku xigeenkii NISA ayaa kulanka fududeeyay isaga sidoo kale qaatay mas’uuliyadda dhanka sirdoonka iyo habka loo fulin karo qorshahan ay imaaraadku dejiyeen. Mursal ayaa loo ballan qaaday qarashka ku baxaya kala qeybinta baarlamaanka iyada oo safaaradda Imaaraadku ay gawaari ugu geyn doonto hotelka oo uu iminka degay. Sidoo kale Imaaraadka ayaa xiriir la sameeyay qaar kamid ah safaaradaha reer galbeedka ee Xalane Deggan si ay magangeliyo u siiyaan guddoomiye Mursal iyo qaar kamid ah xildhibaannada haddii uu qorshahan ka fashilmo. Qorshaha Imaaraadka ayaa hadda u muuqda mid ka rajo wanaagsan sidii hore, maadaama Mursal uu hadda gacanta ugu jiro xisbiga Daljir, kana suurtoobaan wax badan. Waxyaabaha cabsida leh ee hadda jira ayaa ah in haddii mooshinka madaxweynaha loo waayo xildhibaano taageera, in Mursal kulan u qabto xildhibaanada mooshinka keenaya kadibna shaaciyaan inay rideen madaxweynaha, taasi oo dowladda burburin karta ama carqalad gelin karta. Caasimada Online Xafiiska Istanbul Caasimada@live.com
-
Waxaa maanta heshiis ku wada saxiixday magaalada Muqdisho Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Mudane Siciid Xuseen Ciid, Safiirka Dowlada Talyaaniga Danjire Carlo Campanile, Wakiilka Soomaaliya ee Hey’adda Horumarinta Talyaaniga Guglielmo Giordano (Italian Agency for Development Cooperation) iyo Hey’adda Qaramada Midoobay ee Beeraha iyo Cuntada oo u saxiixay wakiilkeeda Soomaaliya Serge Tissot , heshiiskaan ayaa khuseeya horumarinta Beeraha iyo Waraabka dalka. Heshiiska waxaa qayb ka ah dib-u dayactirka Xaruntii dhexe ee Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka ee Muqdisho, hirgalinta mashaariic beeralayda ka caawinaysa qaababka casriga ah ee Waraabka (Meodern Irrigation Technology) iyo Kaabayaasha Waraabka iyo saadaasha dhinaca waraabka iyo beeraha. Dowlada Talyaaniga ayaa waxay ka mid tahay wadamada taageera Dowlada Soomaaliya gaar ahaan dhinaca dib u dhiska Kaabayaasha dhaqaalaha iyo tababarada, waxay sidoo kale door weyn ku lahayd casriyeynta beeraha Soomaaliyeed, iyadoo si weyn loogu xusuusto kaalinteedii beerida iyo suuq-geynta mooska Soomaaliyeed. Heshiiskaan ayaa waxaa farsamo ahaan hirgalin doona Hey’adda FAO ee Qaramada Midoobey iyo Wasaaradda Beeraha. Waxaa munaasabada kasoo qayb galay Wasiiru dowlaha Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Cabdulaahi Xaamud, Wasiir ku-xigeka Beeraha Xaamul Cali Xasan iyo Agaasiimaha Guud ee Wasaaradda Beeraha Maxamuud Maxamed Maxamuud. Wasaaradda Beeraha ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa dadaal ugu jirta sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka dalka, isla markaana loo dhiiri gelin lahaa beeraleyda Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
(SLT-Washington)Haweeney soomaali ah ayaa loo doortay golaha deegaanka ee South Portland City ee gobolka Main ee dalka Mareykanka. Deeqa Dhalac ayaa ka guuleysatay nin ganacsade caddaan ah oo caan ka ahaa deegaankaasi. Gabadhan oo horay uga shaqeyn jirtay arrimaha bulshada ayaa noqoneysa qofkii ugu horreeyay oo Muslim ah oo deegaankaasi laga doorto. Doorashadan ayaa ahayd mid gaar ah, kaddib markii uu ninkii xilka haayey iska casilay. Horaantii bishii October ayaa Deeqo iyo musharixiin kale waxa ay loollan u galeen kursigaasi. Deeqa ayaa waxa ay ka guulaysatay nin aad caan u ah oo ganacsiyo ku leh magaaladaas oo lagu magacaabo Donald, kaasoo helay 7 boqol oo cod halka ay Deeqo heshay laba jibaar tirada uu helay Donald. Deeqa ayaa waxa ay daganayd magaalada South Portland muddo 10 sano ah, waxa ayna ka soo qabatay barnaamijyo kala duwan sida qaybta xanaanada carruurta, qaybta guryaha ee magaalada iyo barnaamijyo caafimaad. Magaalada lagu soo doortay Deeqo ayaa waxa aad ugu yar Soomaalida, balse waxaa jira dad Soomaali ah oo dagan magaalo aad ugu dhaw oo lagu magacaabo Bonland. Barasaabka magaaladaas ayaa waxa uu horay Soomaalida dagan ugu amray inay ka guuraan. Dalka Mareykanka ayaa waayadan dambe waxa laga tixgeliyaa isdhexgalka bulshada, waxaana la soo dhaweeyana dadkii horay la takoori jiray, taas oo ka dhacday gobolo uu ka mid yahay Minesota oo laga soo doortay Ilhan Cumar siyaasiyiin kale oo Soomaali ah. Source
-
Burburkii Somaliya Ka dhacayna kaalinta ugu weyn bay ku lahaayeen,dib u qaabeynta Juqraafiyada somaliya iyo Siyaasada fed eralka Somaliya iyaga ayaa hormood ka ah.Qalalaase badan oo ka jira gudaha Somaliyana waxay ka yihiin dabka lagu shido waxaa aan sidaa u lee yahay arimo badan oo jira oo aan u muuqan Karin dadka caadiga ah balse qof kasta oo caadi ahiba garan karo marka la tilmaamo waxay yihiin.Waxaa aan ka xusi karnaa kuwan:- I- Siyaasada Abuuritaankii Dawlad Goboleedka Puntland II- Qaab dhismeedka Dawlada Federalka Somaliya iyo Fikirka Federalismka III- Dhul balaadhsiga Siyaasadeed ee dhinaca Juquraafiyada : a) Jubaland b) Sool iyo Sanaag oo lagu qodbo Dawlad goboleedka Puntland. IV- Muruanka Juqraafiyadeed ee Gaal kacayo (labada Dawlad Goboleed) I- Siyaasada Abuuritaankii Dawlad Goboleedka Puntland Dawlad Goboleedka Puntland waxaa la aasaasey Sanadkii 1998 waana fikir ka abuurmey ka dib waayo aragnimadii Somalidu ka heshay dhismihii iyo dib ula soo noqoshadii Xoriyadii 26 June 1960 ee Jamhuuriyada Somaliland,taas oo Somalida garansiisay qaabka ku dayashada mudan ee dadkii Somaliyeed ee boqortooyada Midowday (United Kingdom) gumeysan jirtey u sugeen nabad gelyada dalkooda iyo dadkooda oo intey Shirweyne iskugu yimaadeen magaalada Burco ee Jamhuuriyada Somaliland meel iska dhigeen kala qaysanaantii uu Kaligii taliyihii Maxamed Siyaad ku kala qaybiyey hubkana iskugu dhiibey,kana gaadheen hashiis iyo in la isa saamaxo oo walaalnimadii iyo wada jirkii Somaliland dib loo soo cesho wadankana lawada dhisto,loo istaago dhismaha qaran Somaliland oo mid ah.Arintaasi waa mid Somali oo dhan garansiin karta heerka garaadka dadka reer Somaliland ee bisil caalamkana garansiin karta hadii la arabo in Siyaasada Somaliya si aan hagrasho lahayn oo daacada wax looga qabto in ugu horeyn Somaliland talada wax laga siiyo waayo waxay ku najaxeen dhismaha dalkooda,amaanka geeska iyo aduunka,oo dhan iyada oo aan beesha caalamku waxba la qaban,taageerin ayey ku guuleysteen 1991 dhisme dad iyo dal leh haykal dawladnimo. Dastuurka Puntland waxaa uu qorayaa qodobadiisa tilmamaya Dawlada Puntland Sidan: Qodobka 4aad Dawladda Puntland waa qayb ka mid ah Soomaaliya, xil ayaana ka saaran hirgelinta Dawlad Soomaaliyeed oo ku dhisan habka Federaaliga ah. Awoodaha Dawladda Puntland ay ku wareejin doonto dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo xuquuqaha ay yeelanayso Puntland, waxa ay ku imaanayaan wada xaajood iyo heshiis dhexmara Dawladda Federaalka iyo Dawladda Puntland, taas oo lagu qeexi doono Dastuurka Federaalka iyo kan Dawladda Puntland Inta laga dhammaystirayo Dastuur federaal ah oo Puntland wax ka ansixisay ka dibna afti dadweyne lagu meelmariyey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan. Dawladda Puntland waxaa u bannaanaanaysa in ay dib u eegto arrimaha ku xusan faqradaha 1aad, 2aad iyo 3aad ee isla qodobkan, haddii: (b) Soomaalidu ku heshiin weydo qaab-dhismeed dawladeed oo aan ka hooseyn nidaamka Federaaliga ah. (t) Ay daba dheeraadaan daganaansho la’aanta iyo dagaallada ka aloosan qaybaha kale ee Soomaaliya. Mowqifka cusub ee Xukuumadda Puntland ka qaadato arrimahaas waxaa cod saddex meelood laba (2/3) ku ansixinaya Golaha Wakiillada, ka dibna waxaa loo qaadayaa afti, sida ku cad qodobka 139-aad faqradiisa 1aad ee Dastuurkan. Qodobkaa 4aad farqada 3aad Wuxuu qeexaya in Puntland ilaa inta afti loo qaadayo dastuur federal ah oo ay Somaliya yeelato Puntlandna wax ka ansixisey, Puntland waxay lahaaneysaa awood Dawlad madaxbannaan.Sidaa darteed Punland imiga waa dawlad Madaxbanaan waayo dastuur federal ah oo afti loo qaadey ma jiro.Qodabada kale ee xisaha leh waxaa ka mida kuwan: Qodobka 5aad DADKA Dadka Dawladda Puntland waa dadka u dhashay Puntland iyo qof kasta oo Puntlandnimada ku helay qaab sharci ah. Xeer u gaar ah ayaa qeexi doona Puntlandnimada, xaqa degenaanshada iyo kasbashada meeqaanka Puntlandnimada .Qodabada ka hadlaya muwaadinimada puntland waa kuwo ka hor imanaya nidaanka federalka ah waayo waxaa aan meelna kaga jirin xuquuqda qofka Somaliga ah ee federalka ay wadaagaan,kaasi ma waxaa loola dhaqmayaa ruux ajanabi ah .Qodobka 7aad DHULKA IYO SOOHDIMAHA Dhulka Puntland waxa uu ka kooban yahay gobollada Bari, Nugaal, Sool, Cayn, karkaar, Mudug, Heylaan iyo Sanaag. Midnimada dhulka Puntland waa lama taabtaan, lagumana xadgudbi karo, lamana kala qaybin karo. Puntland waxay soo dhaweyneysaa lana xaajooneysaa degmo iyo gobol kasta oo doonaya inuu ku soo biiro Dawladda Puntland. Dhulka Puntland waxaa ku dhan hawada sare, berriga iyo dhulka hoostiisa, jiidda dhaqaalaha ee badda oo dhan 200 maylka badda ah oo ka bilawda halka uu ku dhammaado hirka ugu dambeeya, waxaana mas’uul ka ah Dawladda. Qodabadani waa kuwo halis ku ah nabadgelyada mandaqada waayo Puntland waxay dastuurkeeda ku darsatey gobolo iyo degmooyin dal deris la ah oo aaney cidna wax ka weydiin iyada oo ku xadgudubtey xeerarka caalamiga ee xududaha la aqoonsan yehay waayo Somaliland Xuduudaheedu waa kuwii shanta Somaliyeed lagu dhisay ee lagu kala qeybiyey,isku keenida shantii Somaliyeedna waa arin kale oo hada aan haabkaba lagu haynin waana dalal kala madax banaan maanta.Sidaa darteed Caalamku waa in uu Puntland gardaradeeda meel saaraa. Lasoco Qaybaha dambe………. M J Farah source hogaanka.org rashiid64@outlook.com Source
-
(SLT-Muqdisho) Dawwladda Soomaaliya ayaa shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha siisay 32 ruqsadood shati Kalluumeysi ah, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda C/llaahi Bidhaan Warsame. Shirkadda la siiyay ruqsada ayaa lagu magacaabaa COFA oo laga leeyahay dalka Shiinaha, ruqsad bixintan ayaa ah markii u horeysay muddo 30 sano ah oo si daah furan loo bixiyo shatiyo kalluumeysi ah oo la siinayo iskaashatooyin ka soo jeeda Shiinaha. Wararka ayaa sheegaya in 32 shati ee ay bixisay Wasaaradda Kalluumeysiga lagu bixiyay lacag dhan Hal Milyan oo dollar, waxaana lacagtan ay si toos ugu dhici doontaa Bangiga Dhexe. Ruqsadaha kalluumeysi ee la bixiyay ayaa waxaa fududeeyay heshiis bishii Febraayo ee sanadkan dhex maray dowladda Federaalka iyo dowlad Goboleedyada oo ku heshiiyay qaabka loo qeybsanayo kheyraadka dalka. Dhinaca kale Wasiirka Xanaanada Xoolaha iyo Khayraadka Badaha Somaliland Xasan Maxamed Gaafaadhi Oo Saxaafadda la hadlay ayaa Sheegay In aanu Somaliland khusayn heshiiskaasi, sherkadaha Shiinaha ahina aanay iman karin badaha Somaliland . Source
-
(SLT-Muqdisho)Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Dalkaasi Soomaliya Maxamed Mursal ayaa la sheegay inuu ka guuray Madaxtooyada, kaddib xayiraad saarneyd afar cisho, tan iyo markii uu qabtay Mooshinkii xil ka qaadista ee laga keenay Madaxweyne Farmaajo. Xildhibaan C/risaaq Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada mucaaradka ayaa sheegay in lagu soo wargeliyay in Guddoomiye Maxamed Mursal uu ka guuray deegaankiisa gudaha Madaxtooyada. “Waxaa la igu soo wargeliyay in Guddoomiye Maxamed Mursal uu ka guuray deegaankiisa gudaha Madaxweynaha, kaddib markii uu Madaxweynaha u diiday Xildhibaanada inay la kulmaan”ayuu yiri Xildhibaan C/risaaq Cumar oo qoraal soo dhigay bartiisa Twitter-ka. Xildhibaan C/risaaq Cumar ayaa sheegay in arrintan ay sare u qaaday xiisada siyaasadeed ee horay u jirtay. Wararka qaar ayaa sheegaya in Guddoomiye Mursal u guuray agagaarka Hotel ku dhow Garoonka Diyaaradaha Muqdisho. Guddoomiye Mursal ayaa degenaa Guriga Martida ee Madaxtooyada ee loo yaqaano Villa Uganda oo aan sidaa uga fogeyn Hoyga iyo Xafiiska Madaxweynaha, waxaana Guddoomiyaha uu in muddo ah ku degenaa hoygaas si KMG ah. Madaxtooyada Soomaaliya ayaa loo diiday inay galaan Xildhibaanada, si ay ula kulmaan Guddoomiye Mursal, waxaana Xildhibaanada ay sheegeen in Guddoomiyaha la geliyay xabsi guri, lana xadiday dhaq dhaqaaqiisa Source
-
Markii ay Eritrea xornimada qaadatay sanadkii 1993-kii, Itoobiya waxay noqotay dal aan lahayn xeeb iyo bad toona, waxayna qaadday tallaabadii la filan karay oo ahayd in la kala diro ciidammadii badda. Balse hadda dib ayay uga fiirsanaysaa go’aankaas, waxaana muuqata saansaan ah in ay raadinayso saldhig badeed oo laga doonayo dalalka dariska la ah. Ra’isulwasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa dhawaan taleefishinka dalkaasi ka yidhi “Waxaan dhisaynaa ciidammo xoog badan oo badeed, kuwaas oo ugu xoog badan Afrika”. Maxaa kalifay tallaabadan? Wakaaladda wararka ee Fana ayaa Ra’isulwasaare Abiy kasoo xigatay in uu yidhi in ciidammada ay la jaanqaadayaan waxyaabaha kasoo kordhay adduunka, islamarkaasna sameeyaan isbadalada loo baahanyahay. Markii Itoobiya iyo Eritrea ay dagaalameen, waxaa dhacday in Itoobiya aanay isticmaali karin dekada Eritrea si la mid ah sidii hore loo samayn jiray, sidaasi awgeed, Itoobiya waxa ay raadsatay wax ay ku badalato. Dhawaan waxa ay Itoobiya heshiis la saxeexatay Jabuuti, kaas oo ay ku heshay saami ka mid ah dekad halkaas ku taala. Dekadaha Jabuuti waxaa hadda kasoo dega 95% waxa ay Itoobiya soo degsato ama dhoofiso. Waxaa jira qad tareen oo isku xidha labada dal kaas oo dhan 759 km, kaas oo sahlay in badeecadaha iskaga kala gooshaan labada dhinac. Balse Itoobiya kuma qanacsana sida ay Jabuuti wax uga jiraan, tusaale Roba Megerssa Akawak oo ah madaxa wakaaladda Xamuulka iyo adeegyada daabulaadda Itoobiya ee ESLSE ayaa wargeyska Blooomberg u sheegay in Itoobiya ay ka walwalsantahay saldhigyada ciidammada shisheeye ee Jabuuti ku yaala. “Waxaan ka cabsanaynaa in Jabuuti xitaa ay go’aan ku yeelan weydo waxa ka dhacaya gudaha dalkeeda, oo lagala wareego awoodda, tanina waa halis soo foodsaartay Itoobiya” ayuu yidhi Roba. Mar uu ka hadlay ciidammada badda ee la samaynayo, ayuu sheegay in ay difaaci doonaan 11-ka markab ee ganacsiga ah ee Itoobiya leedahay, kuwaas oo ka shaqeeya badda cas. Waxa uu sheegay in ay jiraan dano siyaasadeed oo is diidan. Maraakiibtaan ayaa waxa ay baroorsinka dhigtaan Jabuuti, iyaga oo u kala goosha qaaradaha adduunka. Itoobiya waxa ay sidoo kale leedahay mac-had lagu tabobar xirfadlayaasha badda, waxaana sanad kasta kasoo baxa 500 qof oo leh xirfado kala duwan, waxaana la qorsheynayaa in tiradaas la gaarsiiyo 1,000. In ciidammo meel eber ah laga soo dhiso, gaar ahaan kuwa bad waa shaqo aad u culus, una baahan dhaqaale baddan. Itoobiya waxa ay heshiisyo la saxeexatay Suudaan iyo waliba Jamhuuriyadda Somaliland, halkaas oo dekada Berbera ay Itoobiya ku leedahay 19% saamiga. Dib uga fiirsashada Eritrea Mr Abiy waxa uu sidoo kale ka shanqariyay in uu wadahadal la furayo dowladda Eritrea oo ay muddo dheer dagaashanaayeen, isaga oo sheegay in xitaa uu xiriir dhiig ka dhaxeeyo. Hadalkiisa ayuu ka dhabeeyay kadib markii uu ogolaaday go’aankii guddiga dhexdhexaadinta labada dal, kaas oo ahaa in Itoobiya ay ka baxdo magaalada Badme. Balse si kasta oo uu u hagaago xidhiidhka labada dal, ma muuqato saansaan ah in ay soo dhowdahay in Itoobiya ay dekada Casmara ugu ugu tiirsanaan karto sidii hore oo kale. Diblumaasi hore oo Itoobiyaan ah Birhanesmeskel Abebe ayaa sheegay in Itoobiya ay xaq u leedahay in ay isticmaasho biyaha caalamiga ah, taasna ay keeneyso in ay yeelato meel u noqota saldhig ciidammada badda. Waxa uu intaas ku daray in Jabuuti, Kenya ama Somaliland ay ka midyihiin meelaha suurtagalka ah ee saldhigaas laga samayn karo. Mr Birhanemeskel ayaa yidhi “Waa in dalalka geeska Afrika loo mideeyaa qaab dhaqaale, ciidammo badna mashruucaas ayuu qeyb ka yahay”. Mr Abiy ayaa isbadello badan keenay tan iyo markii uu xilka qaaday, abuuridda dib u heshiisiinta qowmiyadaha dago gudaha dalka. Dowladdiisa waxa ay soo afjartay xaaladdii degdega ee ka jirta dalka. Suurtagal ma tahay in la hirgaliyo qorshahan? Timothy Walker oo ka tirsan mac-hadla ISS ayaa qaba in Itoobiya ay tobonaan sano ku qaadan karto in ay dhisato ciidammo badeed, balse wuxuu qirey in ay samayn karaan laamo yaryar oo xagga badda ah.. Waxa uu xusay in dalalka Afrika badankood aanay lahayn saldhigyo ciidan bad oo ku filan, kuwa lehna ay yihiin dalalka shisheeye ee xoogga baddan soo dul dhigay gobolka. Sidaas oo ay tahay, Itoobiya waxa ay u muuqataa in ay ka go’antahay in ay dhisato ciidamo badan. Xigasho:-Wargeyska Geeska Afrika Source
-
The speaker of Somali house of the people, Mohamed Mursal, has moved out of the official residence in Villa Hargeisa, a member of parliament close to his office has confirmed on Wednesday. Mohamed Mursal has been at loggerheads with president Farmajo after he accepted a motion of no confidence against the President. Sources close to the office of the speaker confirmed that speaker Mursal has formally relocated to another residence, hotel Shabelle, near the well-fortified Mogadishu’s Aden Adde international airport. The move complicates the already tense political crisis looming the horn of African state. More than ninety members of Somali parliament submitted the motion to impeach the president on the basis of conspiring against the country by breaching the provisional constitution. The lawmakers blamed president Farmajo for signing treaties with neighboring Ethiopia and Eritrea without consent from cabinet and parliament as a constitutional requirement. The first and second deputy speakers of the house have since come out terming the move by the speaker and opposition members null and avoid. On the other the general secretary of the federal parliament, Abdikarim Abdi Buh said the impeachment motion against president Farmajo has failed due to lack of requisite quorum. According to Buh, the impeachment motion became flop after 14 members of Somalia’s federal parliament denied being part of the signatories of the motion and protested to the clerk through writing that they were illegally added without their consent. The article 92 (2) of the constitution articulates: “The motion for dismissing the President of the Federal Republic of Somalia may be introduced by no less than one-third (1/3) of the total membership of the House of the People of the Federal Parliament, and may be presented to the Constitutional Court, which shall preside over the case to see whether it has legal grounds.” The post House speaker relocates to hotel amid political crisis appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ayaa maanta ka guuray gurigii iyo xafiiskii uu ka daganaa Madaxtooyada Soomaaliya waxa uuna dagay guriga ay Muqdisho ku leeyihiin xubnaha Xisbigii Daljir ee ku biiray Xisbiga uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Xasan Sheikh. Xildhibaano ka kala tirsanaa Daljir iyo Damul-jadiid laakiin hadda ku midoobay UPD oo ay ka mid yihiin Axmed Macalin Fiqi, Cabdisaabir Nuur Shuuriye, Mahad Maxamed Salaad, C/laahi Maxamed Nuur, Cabdiraxmaan Odawaa ayaa wadahadal ay kula jireen Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo qaatay muddo 3 maalin ah kaddib ugu dambayn ku guuleystay in ay ka raraan Madaxtooyada. Warar hoose oo la xiriira guuritaanka Guddoomiye Mursal ayaa xaqiijiyay in uu meel fiican marayo qorshe ah in Mursal uu ku biiro Xisbiga Mucaaradka ah ee UPD qorshahaas ay lacag fara badan ku bixineyso dowladda Imaaraadka. Laga soo bilaabo markii shalay Xoghayaha Baarlamaanku sheegay in uu jabay mooshin 9-kii bishaan ay xubno ka mid ah Golaha shacabku sheegeen in ay gudbiyeen Madaxweynaha, waxaa hoos u dhacday xiisad siyaasadeed oo taagneed labadii maalin ee ka horeysay laakiin talaabadan cusub ee Guddoomiye Mursal uu ku dhaqaaqay ayaa dad badan shaki kale ku abuurtay. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimada@live.com
-
Sababta Guddoomiyaha Barlamaanka Somalia uga guuray Villa Somalia oo la shaaciyey Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa maanta ka guuray Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya, iyada oo uu wali jiro khilaafka dhinaca siyaasadda ee u dhaxeeya isaga iyo ku xigeennadiisa. Xildhibaan C/risaaq Axmed Maxamed Jindi, oo ka mid ah Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in Guddoomiye Mursal uu degay Dhisme ku yaalla agagaarka xarunta Hay’adda UNDP ee Magaalada Muqdisho oo lagu magacaabo Hotel Shabeel. Xildhibaan Jindi ayaa sheegay in sababta uu Guddoomiyaha u guuray ay tahay qatar dhinaca amaankiisa la xiriirta. Waxaa uu intaas ku daray in mas’uuliyiin ka mid ah Dowladda Federaalka ah ay amaankiisa qatar geliyeen islamarkaana uu qatar galay amnigiisa. Xildhibaan Jindi ayaa sheegay in goobta hadda uu degay Guddoomiyaha Golaha shacabka uu amaankeeda suganyahay islamarkaana aysan jirin wax amnigiisa la xiriira oo ay shaki ka qabaan. Ma jirto cid si madax banaan u xaqiijin karta hadalka xildhibaan Jindi ee ah in halis la geliyey nolosha guddoomiye Mursal Muqdisho waxaa wali ka jira khilaaf u dhaxeeya Golaha Shacabka Soomaaliya kuwaas oo isku khilaafay mooshin ay ka gudbiyeen Madaxweyne Farmaajo. Qaran News
-
Gabadh Soomaali ah oo doorasho kaga guuleysatay ganacsade caaan ah Deeqo Jibril Haweeney soomaali ah ayaa loo doortay golaha deegaanka ee South Portland City ee gobolka Main ee dalka Mareykanka. Deeqa Dhalac ayaa ka guuleysatay nin ganacsade caddaan ah oo caan ka ahaa deegaankaasi. Gabadhan oo horay uga shaqeyn jirtay arrimaha bulshada ayaa noqoneysa qofkii ugu horreeyay oo Muslim ah oo deegaankaasi laga doorto. Doorashadan ayaa ahayd mid gaar ah, kaddib markii uu ninkii xilka haayey iska casilay. Horaantii bishii October ayaa Deeqo iyo musharixiin kale waxa ay loollan u galeen kursigaasi. Deeqa ayaa waxa ay ka guulaysatay nin aad caan u ah oo ganacsiyo ku leh magaaladaas oo lagu magacaabo Donald, kaasoo helay 7 boqol oo cod halka ay Deeqo heshay laba jibaar tirada uu helay Donald. Deeqa ayaa waxa ay daganayd magaalada South Portland muddo 10 sano ah, waxa ayna ka soo qabatay barnaamijyo kala duwan sida qaybta xanaanada carruurta, qaybta guryaha ee magaalada iyo barnaamijyo caafimaad. Magaalada lagu soo doortay Deeqo ayaa waxa aad ugu yar Soomaalida, balse waxaa jira dad Soomaali ah oo dagan magaalo aad ugu dhaw oo lagu magacaabo Bonland. Barasaabka magaaladaas ayaa waxa uu horay Soomaalida dagan ugu amray inay ka guuraan. Dalka Mareykanka ayaa waayadan dambe waxa laga tixgeliyaa isdhexgalka bulshada, waxaana la soo dhaweeyana dadkii horay la takoori jiray, taas oo ka dhacday gobolo uu ka mid yahay Minesota oo laga soo doortay Ilhan Cumar siyaasiyiin kale oo Soomaali ah. Qaran News
-
Gaalkacyo ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee maamulka Puntland ayaa maanta howlgallo ka sameeyay magaalada Gaakacyo ee xarunta gobolka Mudug. Howlgallada oo ahaa kuwa ballaaran ayaa waxa ay Ciidamadu ka sameeyeen xaafadaha Waqooyiga magaaladaasi. Qaar ka mid ah Saraakiisha ammaanka ee Puntland ayaa sheegay u jeedka howlgalladaasi ay ahaayeen kuwa lagu xaqiijinayay amniga. Sidoo kale waxa ay saraakiishu intaasi ku dareen in howlgalladani looga hortagayay suurta galnimada falal ammaan dari oo ka dhaca halkaasi. Muddooyinkii dambe ayaa waxa falal ammaan dari oo isugu jira dhac iyo dilal qorsheysan ay ka dhacayeen qeybo ka mid ah magaaladaasi. The post Howlgallo ballaaran Oo laga sameeyay M/ Gaalkacyo appeared first on Shabelle. View the full article
-
Popular Contributors
