Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,327
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Muqdisho (Caasimada Online) – Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helayo Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgalo qorsheysan ka Fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Shabellada Hoose, waxaana lagu dilay saraakiil ajaaniib ah oo kasoo jeeda Al-Shabaab Ciidamada Danab iyo Ciidamada Mareykanka ayaa Howlgalka ka fuliyay degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka mid ah degaanada hoostaga degmada Janaale ee G/Shabellada Hoose. Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in Howlgalada si wadajir ah looga fuliyay Saldhigyo Nabadiidka Al-shabaab ay ku lahayeen degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka wada tirsan G/Shabellada Hoose. Saraakiisha Danab ayaa tilmaamay in Saldhigyada laga fuliyay Howlgalka lagu bartilmaameysaday Xubno sare oo ka tirsan Nabadiidka Al-shabaab. Ku dhawaad 85 Maleyshiyaad iyo horjogayaal isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa lagu dilay howlgaladii ugu dambeeyey oo ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano kaladuwan oo maleeshiayada Alshabaab saldhigyo ku lahaayeen. Saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya waxa ay Idaacadda Ciidamada qalabka Sida u sheegeen Magacyada Horjogayaasha lagu dilay weerarka iyo Dalalka ay u dhasheen. Horjogayaasha lagu dilay weerarka Howlgalka ayaa Magacyadooda lagu kala sheegay Abuu Xamsa Bin Shaam kasoo jeeda dalka Masar kaasi oo Nabadiidka u qaabilsanaa Tababarada Maleyshiyada, Aweys Abu Xamza Almifsali oo heesta dhalashada dalka Tanzania , Abuu Bilaal Zubeyr ayaa heesta Dhalashada Mauritania ayaa Hore u ahaa ku xigeenka Ibraahim Afgaan, Aadan Abuu Musiyaan kasoo jeeda dalka Suuriya iyo Feysal Bin hayaan kasoo jeeda dalka Yaman. Saraakiisha Danab ayaa ugu dambeynti sheegay in goobta weerarka laga fuliyay ay eheed Saldhigyo lagu tababaro Maleyshiyaad ka mid noqonaya Kooxda Al-Shabaab. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  2. Magaalada Bosaaso waxaa maalmihii udambeeyay qaati laga taagnaa dhalinyaro maalin iyo habeen dadka Mobilada ka furata ,iyagoona dil iyo dhaba ka gaysta bartamaha suuqa iyo [...] Source
  3. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ciidamada kumaandooska Soomaaliya ee Danab oo taageero ka helayo Ciidamo Mareykan ah ayaa Howlgalo qorsheysan ka fuliyay degaano ka tirsan Gobolka Shabellada Hoose. Ciidamada Danab iyo Ciidamada Mareykanka ayaa Howlgalka ka fuliyay halka loo yaqaano Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo hoostaga degaanka Janaale ee Gobolka Sh/ Hoose. Saraakiil ka tirsan Kumaandooska Soomaaliya oo la hadlay Idaacada Ciidamada qalabka Sida ayaa sheegay in Howlgalada si wadajir ah looga fuliyay Saldhigyo Al Shabaab ay ku lahaayeen degaanada Baladul Amiin iyo Hanti wadaag oo ka wada tirsan G/Shabellada Hoose. Saraakiisha Danab ayaa tilmaamay in Saldhigyada laga fuliyay Howlgalka lagu bartilmaameysaday Xubno sare oo ka tirsan Xarakada Al Shabaab. Ku dhawaad 85 dagaalame iyo saraakiil isugu jira Soomaali iyo Ajaanib ayaa lagu dilay howlgaladii ugu dambeeyey oo ay ciidamadu ka fuliyeen deegaano kala duwan oo Al Shabaab saldhigyo ku lahaayeen. Saraakiisha Kumaandooska Soomaaliya waxa ay Idaacadda Ciidamada qalabka Sida u sheegeen Magacyada saraakiisha lagu dilay weerarka iyo Dalalka ay u dhasheen. Magacyada xubnaha la dilay ayaa lagu kala sheegay Abuu Xamsa Bin Shaam oo kasoo jeeda dalka Masar, una qaabilsanaa Al Shabaab Tababarada, Aweys Abu Xamza Almifsali oo heesta dhalashada dalka Tanzania , Abuu Bilaal Zubeyr oo heesta Dhalashada Mauritania ayaa Hore u ahaa ku xigeenka Ibraahim Afgaan, Aadan Abuu Musiyaan oo kasoo jeeda dalka Suuriya iyo Feysal Bin Hayaan oo kasoo jeeda dalka Yaman. Ugu dambeyn saraakiisha Danab ayaa sheegay in goobta weerarka laga fuliyay ay aheyd Saldhigyo lagu tababaro Dagaalyahannada ka mid noqonaya Al Shabaab. The post DFS Oo shaacisay magacyada saraakiil lagu dilay Sh/ Hoose appeared first on Shabelle. View the full article
  4. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku-xigeenkii xisbiga UCID Cabdinaasir Buuni ayaa waxa uu ka hadlay sababta keentay in uu iska casilo xisbigaasi, Halkan hoose ka DAAWO Source
  5. Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa soo gebegebeyay isla-xisaabtanka golaha wasiirrada oo si joogta ah u socday muddo shan maalin ah. Ra’iisul wasaaraha ayaa wasiirrada kula xisaabtamayay shaqooyinkii ay ka qabteen hal-beegyada qorshohoodu ahaa in lagu guulayso sannadkii tegay ee 2018, waxaa kale oo wasiirradu ay saxiixeen halbeegyooda ay doonayaan in ay fuliyaan sannadka 2019. Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaamud, ayaa sheegay in si guul ah uu kusoo dhamaaday isla xisaabtana oo ra’iisul wasaaruhu ku xaqiijinayay wax-qabadka 26-ka wasaaradood ee xukuumaddu ka koobantahay iyo Bangiga dhexe, laguna jaangoynayay wax-qabadka sannadka bilaawga ah. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa si joogta ah ula xisaabtama wasiirrada si looga guul gaaro qorshayaasha qaran ee horay loogu ballamay in lagu fuliyo waqti leesla ogyahay, looguna gudbo qorshayaasha kale ee muhiimka u ah horumarinta hannaanka dawlanimo iyo himilooyinka ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed. Hoos ka daawo Xaamud oo arrintan ka hadlaya Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  6. Puntland president, Said Abdullahi Dani has directed his finance minister to lift tax exemptions for a government department and non-governmental organizations. In a statement, President Dani ordered the termination of tax reduction and exemption that had been implemented by the former administration of Puntland led by Abdiweli Ali Gaas. According to the statement the order took effect on 12th January 2019. “I want to inform the government institutions, non-governmental organizations as well as the private business entities through the ministry of finance that no tax exemptions or reductions will be applicable from 12th January 2019,” President Dani said in the new directive. This is the second decree issued by the new president of Puntland within a week since his election as president on 8th January. The new president has issued executive order to freeze the state’s account to avert embezzlement during the transition period of power one day after his election. The directive issued shortly after his swearing ordered all private and public banks to immediately halt withdrawals from the state accounts to curb misappropriation during transitional power period. The post Puntland President terminates tax exemptions on public and private organizations appeared first on Shabelle. View the full article
  7. (SLT-Hargaysa) Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaji Xasan Oo Warbaahinta la hadlay kana hadlay mawqifka Xisbiga ee Muranka doorashooyinka. Hoos ka DAAWO Su’aalihii Saxaafaddu waydiisay . Source
  8. (SLT-Hargeysa)-Waxa aanu halkan idinku soo gudbinaynaa ruwaad cusub oo la magic baxday geyaankii waad aragtaan raggii guur laga waa ee daawasho wanaagsan Source
  9. Wax walba maxsuulka la eega, waxa gabyey abwaan, xukuumaduna waxay kaga jawaabtay xadhig. Talaabada ay xukuumadu qaaday iyo Abwaanka gabyey keeba hada faa’iiddo jooga, dee faa’iidada waxa helay Abwaanka, sababtuna waa sidan:. Hadii aan ku horeeyo faa’iidada uu abwaanka: 1.Abwaanka haddii in yari taqaanay hadda soomaali oo dhan way baratay xadhigana sababay. markii la xidhay waxa kor u kacday dhagaysiga ama daawashada sugaantiisii hore iyo kuwii xalay, qof waliba wuxuu xiisaynayey inuu ogaado wixii lagu xidhay ee uu abwaanku yidhi. sida ay SNM ugu faanto SNM-nimada ayuu isna ugu faani doona inuu damiirkiisu diiday inuu wax khaldan oo uu arkay ka aamuso, taasina waxay u noqonaysa CV fiican oo taariikhda u gasha, waxaanu hadda la masaal yahay Hadraawi iyo Cabdiqays oo ahaa labadii abwaan ee ugu xadhiga badnaa nidaamki Siyaad Bare, hadii uu maanta isa soo sharaxana dadku ugu codeyn lahaayeen. 4.xadhigaasi wuxu horseedi doonaa dhalinyaro badan oo hal abuur leh oo iyaguna si ay caan u noqdaan oo jidkan oo kale u mari doonna inay ku soo baxaan, dadkeenu waxayba ka helaan hebel waxaas buu neceb yahay ama waxaas waa laga xanaaqaa. Dhinaca xukuumadda ee ceebta ay u keenayso xadhigaasi. Dawladnimada iyo dimuqraadiyadaba ceebay ku tahay qof baa hadlay oo la xidhay,taasina waxay fool xumo u keenaysa aragtidii caalamku inaga qabay inay hoos u dhacdo ayey sababaysaa. Wixii aynu ku faani jirnay ee xoriyatul qawlka iyo inuu qof kasta dareenkiisa cabiro karo ee dastuurku damaanad qaadayna calaamatul su’aal bay galinaysaa oo dastuurkii waxay ka dhigaysa waraaqo la iska qortay oo aan shaqaynayn. Dalalkii ina taageeri jirey iyo beeshii caalamka ee dimuqraadiyadeena dhaqaalaha ku bixin jirtay ee caalamka kale ka dhaadhicin jirey dal yar oo aan la aqoonsan baa jira Afrika ka jira oo dimuqraadi ah waji gabax bay ku noqonaysaa. Warka xun ayaa ka dheereeya warka fiican, boqolkii fiicnaa ee aynu qabsanay waxa laf jab ku noqonaysa xadhigaasi abwaanka. Hay’adaha xuquuqda aadanaha u doodda waxay xadhigaasi gaadhsiinayaan meel kasta oo ay sheegayaan in Somaliland xoriyatul qawlkii iska daysay kuna sii socoto nidaamkii digtaytarka oo kale., waxaas oo fadeexadana gacanteeda waxa ku abuuranaysa waa xukuumadda. Hadaba, labadaasi dhinac iyama faa’iido taagan, Abwaanka waa la iska sii deyn, laakiin qarankii dhamaa ceebtii soo gaadhay iyama door bideen. Maanta hadii aan la xidhi lahayn cid badan may ogaateen, balse waxa xiiso u yeellay suugaantiisii waa xadhigaasi, marka faa’iidada ugu badan waxa helay waa Abwaan Cabdiraxmaan Abees. Barkhad-ladiif Mohamed Omar Source
  10. Maamulka degmada Buuhoodle iyo waxgaradka gobolka Cayn ayaa maanta baaq nabadeed kasoo saaray colaad beeleedyo ka taagan gobolka Cayn halkaas oo ay ka dhaceen dilal [...] Source
  11. Waxa fiican qof ku marka uu dood soo dhigayo waa inuu raaciyaa qodobada sharci ee taageeraya dooddiisa Si doodu ay u noqoto(Validity) dood shaqaynaysa,madaxweynaha Cusub ee Puntland wuxu xariiqday xuduud qabiil oo reernimo.isaga oo iska indho tiray ama lagaba yaabaa inaanu aqoonba u lahayn xuduudaha caalamiga ah iyo shuruucda ka taallaa. Haddii aan Tusaale u soo qaatto Somaliland waxay ku doodaysaa Xuduudka Somalia iyo Somaliland waxa la kala madaystay 1894 waxana la kala calaamadsaday 1929 waxa kala calaamadsady guddi ka kala socotta Britain iyo Talyani(ANGLO-ITALIAN COMMISION) dhamaan dhigaha iyo loolka ay dhacdo waa la wada yaqaan. Haddaba qaraarka tirsigiisu yahay (AG/Res 16(1) ) ee soo baxay 1964 shirkii waddamada Africa ku qabsaden Qaahira Masar wuxuu si cad u bayaamiyay Doctrine (UTI posidetas) sharcigan oo dhigaya in Xuduudihii laga dhaxlay Gumaysiga ay yihiin sharci lama taabtaan ah. Qodobkan wuxu ku aroorayaa oo laga soo dhanbalay Maxkamadda Caalamiga ah ee Adduunka (International Court of Justice ICJ). Qodobkan sharci ma khuseeyo Haddii Somaliland la aqoonsado iyo haddii kale ee waa wax mar kasta sidiisa u shaqaynaya haddii aan la helin sharci cusub oo odhanay ciddii isku reer ah ama is doonaysaa xuduud way jeexan karaan Sidaas darteed Madaxweynaha Cusub ee Loo doortay Puntland waxanu leenahay Dooddaada sharci ku soo lifaaq oo waddo cad qabadsii. Rashiid Odowaa khadarsalaan@gmail.com Source
  12. (SLT-Oslo)Maxkamadda Rafcaanka ee Borgarting ee ku taalla caasimadda dalkaasi ee Oslo waxay daaqadda ka tuurtay Rafcaan uu qaatay Mahad Maxamuud, isla markaana Kansal-gareysay Muwaadinimadiisa Norway (The Norwegian citizenship). Wargeyska Aftenposten ayaa qoray in Mahad Maxamud oo dalka Norway tegay sannadkii 2000 uu sheegtay inuu yahay Muwaadin Somali oo 14-jir ah, waxaana la siiyey Deganaansho KMG. Sannadkii 2008-dii waxaa la siiyey Dhalashadda ama Muwaadinimadda Norway, waxa uu bartay Cilmiga Biyoengineer, isagoo shaqo ka helay Isbitaalka Ullevål Hospital. Sannadkii 2013-kii, Guddiga Rafcaanka Muhaajiriinta ee dalkaasi (UNE) waxay heleen Far-muuqis ku aadan inuusan Mahad Maxamuud ahayn khiyaanay Maamulayaasha dalka Norway, Boliska waxay la xiriireen isaga, waxay fureen baaritaanka Kiiskiisa, iyadoo 3 sanno kadib ay Guddiga Rafaanka Muhajairiinta ee dalkaasi u soo baxday inuu Mahad Maxamudu oo 29-jir ah uusan ka imaanin Somalia. Waxa uu lumiyey Dhalashaddii Norway iyo shaqadiisa, isagoo aaday Maxkamad si uu u helo Go’aanka dib loogu eegay Kiiskiisa, balse, Maxkamadda Degmadda Oslo waxay go’aansatay sannadkii 2017-kii in Shahaadada Dhalashadda ee Mahad Maxamuud tahay mid la been abuuray, isla markaana markii uu iska dhiibayey Norway da’diidsu u dhexeysay 18 ilaa 20-jir. Maxkamadda Degmadda Oslo waxay kaloo sheegtay in Mahad Maxamuud isaga iyo Qoyskiisa ka yimaadeen dalka Jabuuti oo aysan ka imaanin Somalia. Si kastaba ha ahaatee, Maxkamadda Rafcaanka ee Borgarting waxay haatan xaqiijisay in ay laaleen Codsigiisa ku aadanaa inuu sii joogo dalka Norway, Source
  13. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa soo gebegebeyay isla-xisaabtanka golaha wasiirrada oo si joogta ah u socday muda shan maalin ah Ra’iisul wasaaraha ayaa wasiirrada kula xisaabtamayay shaqooyinkii ay ka qabteen hal-beegyada qorshohoodu ahaa in lagu guulayso sannadkii tegay ee 2018, waxaa kale oo wasiirradu ay saxiixeen halbeegyooda ay doonayaan in ay fuliyaan sannadka 2019. Wasiiru dawlaha xafiiska Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdullaahi Xaamud, ayaa sheegay in si guul ah uu kusoo dhamaaday isla xisaabtana oo ra’iisul wasaaruhu ku xaqiijinayay wax-qabadka 26-ka wasaaradood ee xukuumaddu ka koobantahay iyo Bangiga dhexe, laguna jaangoynayay wax-qabadka sannadka bilaawga ah. Ra’iisul wasaare Xasan Cali Khayre ayaa si joogta ah ula xisaabtama wasiirrada si looga guul gaaro qorshayaasha qaran ee horay loogu ballamay in lagu fuliyo waqti leesla ogyahay, looguna gudbo qorshayaasha kale ee muhiimka u ah horumarinta hannaanka dawlanimo iyo himilooyinka ay leeyihiin dadka Soomaaliyeed. The post RW Khayre Oo soo gebagebeeyay la xisaabtanka Golihiisa wasiirada appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Cadaado ( Sh. M. Network )-Ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug ayaa maanta howlgallo ballaaran ka sameeyay gudaha magaalada Cadaado ee G/Galgaduud. Howlgallada oo ahaa kuwa qorsheysan ayaa waxa ay Ciidamadu ku soo qabteen illaa 3 Qof oo dhalinyaro ah, kuwaas oo lacago sharci darro ah ka qaadi jiray dadka deegaanka. Guddoomiyaha degmada Cadadaado C/laahi Cabdiraxmaan Xuseen (Tootoole) oo la hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay howlgalladaasi. Waxaana uu tilmaamay in dhalinyarada la qabtay ay dadka deegaanka isaga dhigi jireen kuwo hay’ado ka socda, islamarkaana ay ka qaadi jireen Lacago diiwaangelin ah. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Tootoole.mp3 The post Galmudug Oo howlgallo ka sameysay M/ Cadaado appeared first on Shabelle. View the full article
  15. (SLT-Liverpool)Kooxda Liverpool ayaa guul kasoo gaartay dhigeeda Brighton and Hove Albion kaddib ciyaar adag oo ay labada dhinac soo bandhigeen, Brighton ayaa diyaar u ahayd inay dhibaatayso Reds laakiin Mohamed Salah ayaa kulankan saddexda dhibcood usoo qaaday kooxdiisa. Goolka ay Liverpool guusha ku gaartay ayaa ahaa mid gool kulaad ah oo yimid bilawga qaybtii dambe waxaana xiddiga qaladka lagu galay ahaa Mohamed Salah oo marka dambe gool u bedeli doona. Shaxaha Labada Kooxood Ee Kulankan: BRIGHTON (4-5-1): David Button; Martin Montoya, Shane Duffy, Lewis Dunk, Gaetan Bong; Solly March, Pascal Gross, Dale Stephens, Davy Propper, Jurgen Locadia; Glenn Murray. LIVERPOOL (4-2-3-1): Alisson; Trent Alexander-Arnold, Fabinho, Virgil van Dijk, Andrew Robertson; Jordan Henderson, Georginio Wijnaldum; Xherdan Shaqiri, Roberto Firmino, Sadio Mane; Mohamed Salah. Falanqaynta Guud Ee Kulanka: Liverpool ayaa daqiiqadii 9-aad e ciyaarta abuurtay fursad halis badan, Andrew Robertson ayaa kubadda goolka soo hor mariyay, Kubadda ayaa daba martay Sadio Mane oo xawaare ku socday balse waxa lugta la helay Roberto Firmino kaas oo gees ka mariyay goolka. Brighton ayaa markeeda fursad heshay, Glen Murray ayaa boos ka dhex helay Fabinho iyo Arnold kaddib darbad madax ah oo uu galay xiddiga ayaa kubadda halka sarre ka mariyay goolka. Intaa kaddib Liverpool ayaa weeraro is xigay qaaday, Xiddigaha kala ah Fabinho iyo Xherdan Shaqiri ayaa labaduba ku dhawaaday inay hoggaanka u dhiibaan kooxdooda, Fursadahooda oo labaduba ahaa kuwo madax ay ku dhalin rabeen ayaan suurogalin. Ciyaarta ayaa noqotay mid ay gabi ahaanba fursada halista badani ku yaraadeen, Reds ayaa qaadayay weerar joogto ah iyaga oo ahaa kooxda kubadda haysta laakiin Brighton qudheeda ayaa si adag u wajahaysay xiddigaha Klopp. Qaybta hore ee ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay bar-bardhac goolal la’aan ah, Qaybtan ayaa ahayd mid ay labada kooxoodba ku fashilmeen inay bar-tilmaameed goolka ah sameeyaan. Liverpool ayaa fursad weeraro rogaal celis ah ay ku heshay ku wajahay goolka Brighton, Mohamed Salah ayaa kubadda ku tuuray goolka Seugulls laakiin waxa ka badbadiyay goolhaye Button. Rigoore: Reds ayaa gool kulaad helay daqiiqadii 49-aad ee ciyaarta, Xiddiga ree Germany ee Pascal Gross ayaa qalad ku galay Mohamed Salah isaga oo ku dhex jiitay diilinta ganaaxa. GOOAL: Mohamed Salah oo ahaa xiddiga qaladka lagu galay ayaa gool u sarifay gool kulaadka kooxdiisa lagu abaalmariyay isaga oo darbad xoogan dhex dhigay goolka uu masuulka ka ahaa Button. Brighton ayaa daqiiqadii 68-aad ee ciyaarta samaysay fursad gool noqon kartay, Jurgen Locadia ayaa meel 25 yard u jirta goolka Liverpool ka darbeeyay kubad joog hoose ku socota oo ugu dambayn hareer martay goolka. Khadka dhexe ee Liverpool ee Wijnaldum ayaa kubad ka helay Salah markii wakhtiga rasmiga ah ee kulanka ay ka hadheen 9 daqiiqo, Xiddiga ree Holland ayaa isku dayay inuu kubada ka fogeeyo goolhaye Button laakiin fogaanshihiisa ayaa sababay in isku daygiisu goolka dhinac maro. Wakhtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta lagu daray Brighton ayaa samaysay fursad halis badan, Andone ayaa kubad halis ah goolka soo hor mariyay balse waxa kubadda oo ku socotay Locadia ka fogeeyay da’yarka Arnold, Fursadan ayaa halis weyn ku noqon kartay Reds. Ugu dambayn, Ciyaarta ayaa kusoo dhammaatay 0-1 ay guushu ku raacday kooxda martida ahayd ee Liverpool isla markaana uu Mohamed Salah ahaa shaqsiga kulanka go’aamiyay. Source
  16. (SLT-Hargeysa)-Taliye ku-Xigeenka Cabdiraxmaan Liibaan Fooxle iyo af-hayeenka Ciidamada Booliska Somaliland Faysal Xiis ayaa ka hadlay xadhiga abwaan Cabdiraxmaan Abees, Halkan hoose ka DAAWO Source
  17. Baydhabo (Caasimada Online) – Ciidamada Booliska dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa maanta joojiyay Siminaar uu soo qaban qaabiyay Xisbiga uu hogaamiyaha ka yahay Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud. Senator Xuseen Sheekh oo ka tirsan Xisbigaas islamarkaana hadda ku sugan Magaalada Baydhabo ayaa sheegay in la hakiyay Siminaarka ka dib Amar kasoo baxay maamulka Koonfur Galbeed. “Dhamaan Bulshada Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaan ka raali gelinaynaa inuu baaqdey Kulankii Aqoon kororsiga ahaa ee galabta ka dhici lahaa Hoteelka Horyaal. Kulanka waxaa sababta baajintiisa lahaa Maamulka Koonfur Galbeed” ayuu yiri Sanetarka. Waxaa uu Senatar Xuseen Sheekh Maxamuud in Maamulka Konofur Galbeed isaga oo qiimeynaya xaalado jira uu ka dalbaday in la baajiyo sidaasna lagu joojiyay kulankii ay galabta lahaayeen Xisbiga UPD ee ka dhici lahaa Baydhaba. Sidaan oo kale todobaadkii hore waxaa laga joojiyay Xisbiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame xilli uu siminaar ka waday Hoteel ku yaalla Magaalada Muqdisho. Caasimada Online Xafiiska Baydhaba caasimada@live.com
  18. New York ( Sh. M. Network )-Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres ayaa dowladda Libya ugu baaqabay in ay wax ka qabato dhibaatooyin ka lagu hayo muhaajiriinta ku xiran qaar ka mid ah xabsiyada dalkaasi Mr Guterres oo warbixin siiyay golaha ammaanka ee QM ayaa xusay in ay sare u sii kacayso xadgudub ka dhan ah aadanaha oo ku sii fidiya goobaha dadka lagu qabto ee ku yaalla dalkaasi Xoghayaha guud ayaa sheegay in kumanaan ruux oo qaxooti ah lagu qabsado deegaano ay gacanta ku hayso dowladda, halkaas oo lagu kaco jirdil,cagajugleyn iyo handadaad. Sidoo kale waxa uu tilmaamay in dadka lagu dhibaateeyo dalka Libya ay isugu jiraan caruur,haween iyo rag, kuwaas oo dhamaantood doonayay in ay u safraan qaar ka mid dalalka Yurub. Warbixinta uu sii xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay golaha ammaanka ayaa waxaa uu dowladda Libya ugu baaqay in ay ka hortagto jirdilka iyo tacdiyada lagula kaco muhaajiriinta ku sugan gudaha dalkaasi Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in nus malyuun ruux oo muhaajiriin ah ay ku sugan yihiin gudaha dalka Libya, kuwaas oo u badan caruur iyo haween. The post QM Oo ka hadashay xaaladaha muhaajiriinta ku sugan Libya appeared first on Shabelle. View the full article
  19. Garoowe ( Sh. M. Network )-Saciid C/laahi Deni madaxweynaha cusub ee maamulka goboleedka Puntland ayaa soo saaray wareegto si toos ah ugu socota wasaaradda Maaliyadda ee maamulkaasi. Madaxweyne Deni ayaa amray madaxda wasaaraddaasi in la joojiyay canshuur dhaafkii loo sameynayay hay’daha dowladda iyo kuwa caalamiga ah ee ka howlgala Puntland. Digreetadan oo ku taariikheysneyd 12 bishan oo shalay ku beegneyd ayaa lagu wargaliyay mas’uuliyiinta wasaaradda Maaliyadda maamukaasi in ay fuliyaan amarkani. Halkan hoose ka Akhriso:- The post Akhriso:-Madaxweynaha P/land Oo saaray amaro culus appeared first on Shabelle. View the full article
  20. (SLT-Hargeysa)-Xisbiga mucaaridka ah ee UCID ayaa waxa uu sheegay in uu xilkii ka qaadey guddoomiye ku xigeenkaasi Cabdinaasir Muxumed Buuni. Guddoomiye ku xigeenka mucaaridka ah ee Xisbiga UCID Cabdinaasir Muxumed Buuni oo la hadlay warbaahinta ayaa waxa uu isaguna sheegay in uu xilkaasi iska casilay. Goordhaw la soco warkan oo faah-faahsan Source
  21. Muqdisho ( Sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Duhur ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Duhur-13012019.mp3 The post Dhageyso:-Warka DuhurEe Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Ciidamada booliska Soomaaliya ee ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa maanta joojiyay siminaar uu soo qaban qaabiyay Midowga Nabadda iyo Dimoqraadiyadda UPD. Senator Xuseen Sheekh Maxamud oo arrinta wax ka qoray aya yiri “Raali Gelin: Dhamaan Bulshada Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaan ka raali gelinaynaa inuu baaqdey Kulankii Aqoon kororsiga ahaa ee galabta ka dhici lahaa Hoteelka Horyaal. Kulanka waxaa sababta baajintiisa lahaa Maamulka Koonfur Galbeed”. Lama oga sababta, laakin arrintan ayaa caado ka noqotay meelo badan oo dalka ah, waxaa ay horay uga dhacday caasimadda Muqdisho. Dastuurka KMG ah, Qodobka 20aad: Xorriyadda Kulanka, Bannaanbaxa, Cabashada iyo Codsi-wadareedka (1) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay in uu abaabulo, kana qaybgalo kulammo ama bannaabax oo si xasilooni ah cabasho loogu muujinayo, iyada oo aan oggolaansho loo baahnayn. (2) Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu cabasho qoraal ah u gudbiyo hay’adaha Dawladda. Goobjoog News Source: goobjoog.com