Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    215,327
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Waa maxay ujeedada uu Muuse Biixi ka lahaa Casuumadii Odayada West Burco Clan uu ugu qabtay Madaxtooyada. Sida aynu kala soconay Warbaahinta Somaliland waxaa Todobaadkan dhammaadka ah ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada Casuumad uu Madaxweyne Muuse Biixi u fidiyay Madax dhaqameed iyo Odayaal kasoo jeeda Beelaha West Burco Clan oo in muddo ahba laga ururinayay Gobolada Dalka, aakhirkiina Hargaysa la isugu soo ururiyay. Casuumadan ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uga mahad celinayay Beelaha West Burco Clan sidii Milgaha iyo Sharafta lahayd ee ay u soo dhaweeyeen markii uu dhawaan Safarka ku tegay Gobolada Bariga Dalka. Hawshan ayaa sida Muuse Biixi Goobtii Casuumada khudbadii uu ka jeediyay ka sheegay uu door Shariif ah ku lahaa Suldaan Maxammed Xirsi Qani, sida uu Muuse Biixi sheegayna ilaa in muddo ah uu ku hawlanaa. Waxaa sidoo kale door wayn ku lahaa Ashkhaasta Beelaha West Burco Clan kaga jira Xukuumada oo uu Budh Tuur u ahaa Gudoomiyaha Bangiga Dhexe Cali Baqdaadi. Haddaba waxaa Reer Somaliland guud ahaan, gaar ahaana Dadka ku abtirsada Beelaha West Burco Clan iswaydiiyeen markii ujeedada Casuumadu soo shaac baxday sababta Madaxweynuhu Beeshan sida gaarka ah ugu beegsaday maadaamaa Deegaanada uu socdaalka ku marayay ay degan yihiin Beelo kaleba oo dhammaantood si Mug iyo Miisaan leh u soo dhaweeyay. Waxa kale oo iyana shacabka Beelaha West Burco Clan ku abtirsadaa iswaydiiyeen haddii uu Madaxweynuhu gartay inuu Beeshan, siday doontaba ha ka ahaatee, uu Casuumo uu u baalmaray Gudida ay ku doorteen Buurta Gacan Libaax islamarkaasna uu wax uga qaban waayay Qodobadii Gudidu hore ugu gudbisay. Somalidu waxay tidhaahdaa “maxaa Sacabka habeenkii loo tumaa haddii aan Xeeladi ku jirin” Haddaba sida xoggo isa soo tarayaa tibaaxayaan, Dad badana islamarkiiba fahmeen , waxay Casuumadani ahayd mid ujeedooyin badan ay Xukuumadu ka leedahay ha uguba horayso,doonitaanka Xukuumada ee ah inay abaabulaan Shir dambe oo West Burco Clan oo Xukuumada Muuse Biixi ay Daaha dabadiisa ka riixayso iyadoo ay u fulinayaan Shakhsiyaadka u dhegaha nugul ee haddaba Hormoodka ka ahaa inay Casuumadani qabsoonto iyadoon Gudidii West Burco Clan lasoo marin. Waxaa Muuse Biixi iyo inta uu Talada ka qaato ka go’an inaanu waxba ka qaban Tabashooyinkii Gudida Beelaha West Burco Clan hore ugu soo gudbiyeen ee ku salaysnayd Masaalixda guud ee Qarankan aan weli 30 jirsan u Danta ah. Waxaana Xukuumadu ku foogan tahay faragelin ay doonayso in Gudi cusub lagu sameeyo, haddii ay u suurtogashana Dano kale oo siyaasadeed lagu fushado islamarkaasna talaabada 2aad ee qorshaysani ay tahay sidii dagaal loogu qaadi lahaa Xisbiyada Mucaaridka, gaar ahaan Xisbiga Waddani. Waxaa muhiim ah in Beelaha West Burco Clan, gaar ahaan Dhalinyaradu aad uga feejignaadaan Haydaarooyinka iyo Dabinada lagu kala furfurayo Beelaha West Burco Clan ee la rabo in iyagu la isku mashquuliyo. Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumadiisu runtii Dalkan iyo Dadkan duruufaha adagi ku gedaaman yihiin uma hayaan Xal aan ahayn inay iyaga isku mashquuliyaan, kadibna ka xoogsadaan.n Xisbiga Waddani. Waxaa muhiim ah in Beelaha West Burco Clan, gaar ahaan Dhalinyaradu aad uga feejignaadaan Haydaarooyinka iyo Dabinada lagu kala furfurayo Beelaha West Burco Clan ee la rabo in iyagu la isku mashquuliyo. Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumadiisu runtii Dalkan iyo Dadkan duruufaha adagi ku gedaaman yihiin uma hayaan Xal aan ahayn inay iyaga isku mashquuliyaan, kadibna ka xoogsadaan. Qaran News
  2. (SLT-New Yourk )Maalmo kadib Khilaafkii ay DFS iyo QM ku kala irdhoobeen, waxa uu Khilaaf kale ka dhex dhashay QM iyo Dowladda Burundi, iyadoo la xiray Xafiiskii QM ee Xuquuqda Aadanaha ku lahaa dalkaasi. Wargeyska Inner City Press ee ka soo baxa Maraykanka waxa uu Warbixin ka qoray Khilaafka Burundi iyo QM, wuxuuna Cinwaan kaga dhigay: Burundi oo xirtay Xafiiska QM ee Xuquuqda Aadanaha iyo Fashilka kale ee Guterres, sidii Somalia oo kale. Wargeysku waxa uu qoray inay Dowladda Madaxaweynaha Burundi, Piyeer Nakununsisa doonayeen in dhamaan Hay’addaha Xuquuqda Aadanaha ee haatan joogta dalkiisa ka wada baxaan, iyadoo uu Xoghayaha Guud ee QM, Antonio Guterres sheegay inaysan taasi micno lahayn Sida laga soo xigtay Ilo dhinaca gudaha waxay Dowladda Burundi sheegtay in si KMG ah loo xiro Xafiiskaas, iyadoo ku wargelisay Hay’adda QM ugu qaabilsan Arrimaha Xuquuqda Aadanaha (The United Nations High Commissioner for Human Rights) ee ay Xarunteeda Dhexe ku taallo magaalladda Geneva ee dalka Switzerland. Dowladda Burundi waxay bishii December 31-dii ee sannadkii hore albaabadda u laabtay 4 Xafiis Gobaleed oo ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ku lahayd gudaha dalkaasi. Dhinaca kale, Wargeyska Inner City Press waxa uu qoray in Khilaafka QM iyo Burundi ku soo beegmay, iyadoo Dowladda Burundi ku gacan sayrtay Qorshaha Ururka Miowga Afrika ee AU-da ku doonayaan in lagu dhimo Tirada Ciiddanka Burundi ee qeybta ka ah Hawlgalka AMISOM. Afhayeenka Ciiddanka Burundi, Kolonel Floribert Biyereke waxa uu Bishii December 24-dii ee sannadkii hore, gaashaanka ku dhuftay Codsigii AU-da ee ahaa in Kun Askar looga dhimi doono Ciiddanka Burundi marka la gaaro bisha Feberaayo 28-da ee sannadkan. Afhayeenka waxa uu ku baaqay in dhamaan dalalka ay Ciiddamadda ka joogaan Somalia si isku mid ah looga dhimo tirada Ciiddanka laga daad-dureynayo Somalia. Burundi waxaa haatan Somalia ka jooga ciiddan tiradooda dhan tahay 5,400 Askari, waana dalka 2-aad ee ay Ciiddanka ka joogaan Somalia, marka laga reebo Ciiddanka Uganda oo ay 6,200 Askari ka joogaan Somalia. Si kastaba ha ahaatee, Khilaafka Dowladda Burundi kala dhexeeyo QM iyo Ururka Midowga Afrika ayaa weli taagan meel xasaasi ah, mana kala cadda inay Madaxda Ururka AU-da ka qaadan doonaan Go’aanka lagu dhimayo tirada Ciiddanka Burundi ka jooga Somalia iyo in ay labada dhinac gaari doonaan Heshiis xaal-mastuur oo kale ah. Source
  3. Doorashada baarlamaanka iyo Deegaanku waxay u muuqdaan in ay kala hadhayaan . Haday kala hadhaan , waxaa muuqata in Doorashada deegaanku qabsoomi dooto xili ka mida sanadka 2019 . Haday dhacdo doorashada deegaanku waxaa suurta gala isbadal aan hada dadka u wada muuqan . hadii isbadalkaasi yimaado , xiise cusub iyo xamaasad cusub ayaa iman doonta . Hadii xiisahaasi yimaado , jeegaan danbe la maqli mayo . Hadii jeegaan la maqli mayo , magacyo kalena lamaqli mayo . Hadii magacyadaa la maqli waayana jilayaal cusub ayaa soo bixi doona . Hadii kuwaasi soo baxaana , ciyaartay cusub ayaa soo bixi doona , haday soo baxaana ciyaaro cusub baa iman doona . ugu danbayn ,caawa faaladu waa buuxso meelaha banan. Source
  4. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Bar___-Qubanaha-Wararka-Shabelle-13012019-d.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  5. Beledweyne (Caasimada Online)-Wararka ka imaanaya magaalada Beledweyne ayaa sheegaya in halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay askari loo gacan geliyay Al Shabaab. Maamulka Gobolka Hiiraan ayaa sheegay inay shaqsiyaad u qabteen askari ka tirsan ciidamada xooga dalka oo loo gacan geliyay Al Shabaab. Guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee maamulka gobolka Hiiraan, C/raxiin Muhumad Taakooy ayaa sheegay in gacanta ku hayaan shaqsiyaad ku eedeysay in askari ka tirsan ciidamada dalka ay gacan geliyeen Al Shabaab. Dhacdadaan ayaa ka dhacday habeen ka hor magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, waxaana xiisadda ay salka ku heysaa dhaawac uu askariga u geystay Gabar ku sugneyd magaalada Beledweyne. Askariga kadib waxaa lagu dhaawacay aaladda Tooreyda, waxaana dhaawaca u geystay labo wiil oo gabadha ay isku reer yihiin iyaga oo kadib u dhiibay Al Shabaab, sida wararka ay sheegayaan. Guddoomiye ku xigeenka dhanka amaanka gobolka Hiiraan ayaa sheegay in dadka askariga u gacan geliyay Al shabaab aysan ku laaban karin degmada Beledweyne, wuxuuna sheegay inay qabteen dhalinyaro falkaasi ku lug lahaa. Guddoomiyaha ayaa sheegay dhalinyarada la qabtay ay maxkamad usoo taagi doonaan eeda loo heysto, waxaana arintan ay xiisad ka dhex abuurtay dadka ku dhaqan magaalada Beledweyne. Caasimada Online Xafiiska Hiiraan Caasimada@live.com
  6. Muqdisho (PP) ─ Maalmo kadib Khilaafkii ay Dowladda Federaalka Somalia iyo Qaramad Midoobay uu muran badan dhaliyay, ayaa waxaa soo baxay Khilaaf kale oo ka dhex dhashay QM iyo Dowladda Burundi, iyadoo la xiray xafiiskii QM ee Xuquuqda Aadanaha ee ku yaallay dalka Burundi. Wargeys kasoo baxay Mareykanka oo lagu magacaabo Inner City Press ayaa warbixin uu ka qoray khilaafka Burundi iyo QM, wuxuu cinwaan uga dhigay: Burundi oo xirtay Xafiiska QM ee Xuquuqda Aadanaha iyo Fashilka kale ee Guterres, sidii Somalia oo kale. Madaxweynaha dalka Burundi, Pierre Nakurunziza ayuu wargeysku qoray in uu doonayo in hay’adaha Xuquuqda Aadanaha ee haatan joogta dalkiisa ay ka baxaan, iyadoo xoghayaha guud ee Ummadaha Midoobay, Antonio Guterres uu sheegay inaysan taasi wax minco ah lahayn. Sidoo kale, Warar laga soo xigay Xukuumadda Burundi ayaa sheegtaya in si KMG ah loo xirayo xafiiskaas, iyadoo ku wargelisay hay’ada QM ee arrimaha Xuquuqda Aadanaha (The United Nations High Commissioner for Human Rights) ee ay xarunteeda magaalada Geneva ee dalka Switzerland inay ka baxaan dalka. Dowladda Burundi waxay bishii December 31-dii ee sannadkii hore albaabadda u laabtay 4 Xafiis Gobaleed oo ay Hay’adda QM ugu qaabilsan Xuquuqda Aadanaha ku lahayd gudaha dalkaasi. Dhinaca kale, Wargeyska ayaa qoray in khilaafka QM iyo Dowladda Burundi uu imaanayo iyadoo dhaawan Dowladda Burundi ay didday Qorshaha Ururka Miowga Afrika uu ku doonayaan in lagu dhimo tirada Ciidamada Burundi ee ka hawl-gala Somalia, qaybtana ka ah AMISOM. Afhayeenka Ciidamada Burundi, Col. Floribert Biyereke ayaa Bishii December ee sannadkii hore gaashaanka ku dhuftay codsigii Midowga Afrika ee ahaa in 1,000 askari laga dhimi doono Ciidanka Burundi ee Somalia ku sugan. Balse afhayeenka ayaa ku baaqay in dhammaan dalalka ay ciidamadu ka joogaan Somalia laga wada dhimo tiro isku mid ah. Xukuumadda Burundi, waxaa haatan Soomaaliya ka jooga ciidan tiradooda tahay 5,400 askari, waana dalka labaad ee ay ciidanka ka joogaan Somalia, marka laga reebo dalka Uganda oo ay 6,200 askari ka joogaan Somalia. Ugu dambeyn, Khilaafka soo dhex-galay dowladda Burundi, QM iyo Ururka Midowga Afrika ayaa weli taagan meel xasaasi ah, mana kala cadda inay Madaxda QM iyo AU-da ka qaadan doonaan go’aanno adag iyo in kale. PUNTLAND POST The post Khilaaf soo dhex-galay Dal ka mid ah kuwa ay Ciidammadu ka joogaan Soomaaliya iyo QM appeared first on Puntland Post.
  7. Muqdisho (PP) ─ Ciidanka Kumaandoosta Somalia oo taageero ka helaya ciidamada Mareykan ayaa Hawl-galo qorsheysan ka fuliyay deegaanno ka tirsan Gobolka Shabellaha Hoose, gaar ahaan deegaanno hoos-yimaada Janaale. Deegaannada hawl-galka laga fuliyay ayaa waxay kala yihiin; Baladul-amiin iyo Hanti-wadaag, waxaana saraakiisha ciidamadu ay sheegeen inay halkaas ku burburiyeen saldhigyo ay Al-shabaab lahayd, ayna dileen saraakiil ajnabi ah oo ka tisranaa kooxda iyo kuwo Soomaali ah. “Saldhigyadan waxaan ku dilnay ku dhawaad 85 xubnood oo Al-shabaab ka tirsan, kuwasoo ay ku jireen saraakiil isugu jiray Somali iyo ajaabin ka bar-bar dagaalami jiray Al-shabaab,” ayay saraakiisha kumaandoosta Somalia u sheegeen warbaahinta. Xubnaha Ajaanibta ah ee Al-shabaab ka tirsanaa ee hawlgalkan lagu dilay ayay saraakiisha kumaandoosta Somalia ku sheegeen magacyadooda; Abuu Xamsa Bin Shaam oo u dhashay Masar, kaasoo u qaabilsanaa tababbarrada, Aweys Abu Xamza Almifsali oo u dahshay dalka Tanzania, Abu Bilaal Zubeyr oo haysta dhalashada Mauritania, horay u soo noqday ku xigeenka Ibraahim Afgan, Aadan Abuu Musiyaan oo u dashay Suuriya iyo Feysal Bin hayaan oo u dhashay dalka Yaman. Dhanka kale, Saraakiisha ciidamada gaarka ah ee Somalia ayaa sheegay in saldhigyada ay weerarka la beegsadeen ay ahaayeen xarumo lagu tababaro xoogagga Al-shabaab, isla markaana weerarada laga soo abaabuli jiray. Ururka Al-shabaab ayaan weli ka hadlin hadalka kasoo baxay kumaandoosta Somalia ee ah in la dilay tiro ka tirsanaa xoogaggooda oo ajaanib iyo Somali isugu jiray. Ugu dambeyn, Al-shabaab oo ka tirsan deegaanno ballaaran oo ku yaalla Koonfurta Somalia ayaa dhawr jeer oo hore weerarro noocan oo kale ah lagula beegsaday deegaannadooda, inkastoo sannadkii hore ay dileen laba ka mid ah ciidamada Mareykanka ooh awl-gallo noocan oo kale ah fulinayay. PUNTLAND POST The post Dowladda Somalia oo Shaacisay in ay Dileen Xubno Ajaanib ah oo ka tirsanaa Al-shabaab appeared first on Puntland Post.
  8. Wararka ka imaanaya deegaanka Kalabayr ee gobolka Bari, ayaa sheegaya, in ciidamada Puntland ee halkaasi ku sugan ay gacanta ku dhigeen, koox hubaysan oo caawo gaari rakaab ku rasaaseeyay buundada Goxosh oo u dhexaysa tuulooyinka Laag iyo Kalabayr ee gobolka Bari. Hal qof ayaa ku dhintay, mid kalena waa ku dhaawacmay, rasaasta ay kooxda hubaysan ku weerartay gaariga oo dad shacab ah saarnaayeen,sida uu Puntland Post u xaqiijiyay sarkaal ka tirsan ciidamada ku sugan deegaanka Kalabayr. Kooxda hubaysan oo ka koobnaa 4 nin, ayaa mid kamid ah ku dhintay hawlgalka. Saddexdii kale ayaa ciidamadu nolosha ku qabteen,waxana haatan ku socda baaritaan. PUNTLAND POST The post Ciidamada Puntland oo soo qabtay koox weerar ka geystay gobolka Bari appeared first on Puntland Post.
  9. (SLT-Hargeysa)-Prof. Cabdi Cali ayaa waxa uu Duray Jawaab Ay maanta Bixiyeen Taliska Booliska Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  10. “Waxaa jira dagaal xoog leh oo dibadda innagaga socda oo loogu talogalay in bulshada Somaliland lagu majaro-habaabiyo, oo dawladeedda lagaga horkeenno” (SLT-Hargeysa)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Md. C/raxmaan C/laahi Faarax (Guri-barwaaqo), ayaa sheegay in uu jiro dagaal xoog leh oo Somaliland dhinaca dibadda kaga socda, kaasoo ay soo abaabulayso dawladda Itaalka daran ee Muqdisho. Waxaanu tilmaamay in barnaamijka loo yaqaano is-dhexgalka bulshaddu uu yahay mid la doonayo in lagu majaro-habaabiyo ummadda reer Somaliland, isla markaana la iskaga horkeenayo dawladda Somaliland iyo shacabkeedda. Wasiir Guri-barwaaqo, waxa uu sheegay in xukuumadda Somaliland ay il gaar kula socoto cid kastoo arrintaasi ka danbeysa ama ku lug leh, waxaanu xusay in aan loo dul qaadan doonin in shaqsiyaad Somaliland ku dhex nooli ay Somaliland uga dhex ololeeyaan Soomaaliya. Wasiirka Warfaafinta oo shalay shir jaraa’id ku qabtay xafiiska isgaadhsiinta ee Wasaaradda, waxa kaloo uu ka hadlay safar uu dhawaan ku tegay dalka Ingiriiska, waxaanu sheegay in warkii la xidhiidhay kulankii uu la yeeshay ergayga ay dawladda Ingiriisku u soo magacawday Somaliland la majaro-habaabiyey. Waxaanu wasiir Guri-barwaaqo tilmaamay in warbaahinta madax banaan ay si qaldan u turjumeen hadalkiisii uu ka sheegay TV-ga qaranka ee kulankii uuLondon kula yeeshay ergayga UK u soo magacowday Somaliland. “Waxaa jira dagaal xoog leh oo dibadda innagaga socda arrinta loo yaqaano is-dhexgalka bulshada, waa arrin loogu talogalay in bulshada Somaliland lagu majaro-habaabiyo, oo dawladeedda lagaga horkeenno. Haddaba, haddii ay taasi jirtay, dawladdu indho Qudhaanjo ayey leedahay, waanay og tahay hadduu TV yahay, hadduu Wargeys yahay, hadduu yahay nin madax ah, haddii uu yahay nin ganacsade, cid alla cidda ku xidhan Xamar dawladdu way og tahay. Sannadkan cusub, waxaa loo kala baxayaa Somalilander iyo Somaliland diid. Markaa ninkii aan Somaliland Hunguri ka qabin ama aan ku kalsoonaynoow, Xamar way kuu bannaan tahay. Hase yeeshee lagaa yeeli maayo in aad isku dirto bulshada reer Somaliland, kana shaqeysato, isla markaana aad naxli kala dhex dhigto bulshada reer Somaliland,”ayuu yidhi Wasiirka Warfaafintu. Sidoo kale C/raxmaan Guri-barwaaqo, ayaa farriin adag u diray qaybaha kala duwan ee Warbaahinta madaxa bannaan ee Somaliland, waxaanu yidhi; “Waxaan TV-yada iyo Wargeysyadda dhammaantood, waxaan ku boorinayaa in ay aqoontooda Af-Soomaaliga iyo ka shisheeyaha ah ee ay wax ka soo hal tebinayaanba ay bartaan. Hal-tebintu waa aqoon jaamacado loo galo. Maaha aqoon inta lagu riyaaqo dabadeedna la iska qoro. Eray kasta eraygiisa iyo aragti kasta aragtideedda siday afkaa ugu dhigan tahay haddii aanad aqoonin, fadlan waxba ha hal-tebinin.” Geesta kale, Wasiirku waxa uu faahfaahin ka bixiyay safarkii uu dhawaan ku tegay dalka Ingiriiska iyo kulankii uu la yeeshay ergayga ay dawladda Britain u soo magacowday Somaliland. “Socdaalkaygii aan toddobaadkii hore ugu maqnaa dalka Ingiriiska, wixii soo qabsoomay iyo wixii aan la kulmay intaba waxa laga sii daayay warbaahinta qaranka, hase yeeshee markii ay arrintaasi warbaahinta madaxa bannaan qaadatay siyaabo kale ayaa loo dhigay. Waxaa la yidhi ‘wuxuu la kulmay safiirkii loo soo magacaabay Somaliland iyo eray bixin qaldan oo la adeegsaday oo aheyd ‘ergaygii’. Waxaan dadweynaha u sheegayaa labadaa eray in aanay aniga afkayga ka soo bixin. Erayga safiir waa Carabi, af-Soomaaliga-na waa danjire. Markaa anigu ma odhan danjire ayaan la kulmay. Qofkii haya in aan eraygaa idhi bannaanka ha soo dhigo. Erayga ‘ergay’, Af-Ingiriisiga waa ‘envoy’. Kaasna maan adeegsan. Ninkii igu beeninayaa ha yimaado hortayda. Erayga aan adeegsaday waa u qaybsane, ama u qaabilsane, waxaanu la mid yahay erayga af- Ingiriisiga ah ee Representative.” “Maalintii aan London ka soo baxay kadib, ninkii aan la kulmay wuxuu la shiray bulshada reer Somaliland ee degan magaalada London, waxaana la yidhi ‘waxba lama magacaabin’ haddaba; haddii aan ninkaasi la magacaabin muxuu bulshada Somaliland ee UK ula kulmay? Markaa waxaa halkaa ka muuqata in dhawr arrimood ay ka soo baxeen, oo kala ah in hab-maamuuskii dawladnimo lagu tuntay, oo ay tahay in aan laga been sheegin wasiirrada ama masuuliyiinta dawladda. Warkuna waa in siduu yahay loo sheego. Qoddobka labaad wuxuu yahay in aan erayadda anshaxa ka baxsan warbaahintu adeegsan. Halkaana waxaa ka muuqata aqoon darro xagga xulshada erayada ah in ay meesha ka maqan yihiin. Nin madax ah been buu sheegay waa laga wanaagsan yahay. Haddaba haddii ninkii aan la kulmay uu bulshadii reer Somaliland la kulmay, waxa la buriyey ama la beeniyey muxuu yahay? Waxaa iyana layaab leh, TV-ga Horn Cable oo ka mid ahaa TV-yada aan ugu hanka weynaa in ay labadaas eray ee isku midka ah war ka sameeyeen. Qoraalkii waxaa ku qoran representative, anigana codkaygu wuxuu ku soo baxay u-qaysane, waana isla midkii. Waxa markaa meesha laga saaray ee la beeniyey maxay tahay? Ma laga yabaa hawshan iyo sidan hadalka loo dhigay in ay u jeeddo ka danbayso la doonayo in la iska hor keeno dawladda iyo dadweynaha,”ayuu yidhi Wasiir C/raxmaan Guri-barwaaqo. Waxa kaloo, Wasiirka Warfaafintu ka hadlay xeerka Saxaafadda oo uu sheegay in uu hadda dhammaad ku dhaw yahay, isla markaana marka xeerkaasi la dhammaystiro aanay jiri doonin wax khilaaf ah oo dhex mara warbaahinta iyo Xukuumadda, waxaanu yidhi; “Waxaa meel wanaagsan noo maraya, dhammaad na ku dhaw xeerkii Warbaahinta. Xeerkaasi oo noqon doona mid dhan walba raali geliya, haddii ay tahay warbaahinta madax baNnaan iyo warbaahinta dawladaba. Waa mid noqon doona in aan dib danbe la isku qab-qabsan, ee uu jiro xeer haddii qolo qolo ku gefto lagu kala saarayo. Shaqo ayaa innaga dhexaysa ee nacab kale innagama dhexeeyo dawladda iyo warbaahinta madax bannaan. cid la xidhayaa ma jirto. Hase ahaatee, waxaa jirta maxkamad iyo xeer ina kala saaraya.” Dhinaca kale Wasiir C/raxmaan C/laahi Faarax, oo Weriyeyaashii shirka jaraa’id joogay waydiiyeen su’aal la xidhiidhay in shaqaale ka tirsan wasaaradda warfaafinta ay u shaqo tegeen ama ka hawl galaan warbaahinta madax bannaan gaar ahaana TV-yadda, waxa uga qorshaysan ka wasaarad ahaan, waxaanu ku jawaabay “Wasaaradda warfaafinta lagama yaacayee, waa la Doog dhabanayaa ama waa la cosob sanayaa. Waxaa la rabaa in wasaaradana laga shaqeeyo, meelaha kalena laga shaqeeyo. Waan soo dhaweynayaa ninkii wasaaradda warfaafinta ka tirsan ee waraaq ii soo qora, ee yidhaahda shaqadii waan ka tegay, waayo? Magaalada intaas oo nin oo saxafiyiin ah oo u baahan shaqo ayaa jira. Hase yeeshee, maanta (shalay) laga bilaabo qof keliya oo u shaqeeya Wasaaradda Warfaafinta, oo ka shaqayn kara warbaahin kale oo madax bannaan ma jiri doono. Waxaan halkan u farayaa nin kasta oo Wasaaradda Warfaafinta ka tirsan oo meel kale ka shaqeeya, haddii aanu doonaynin Wasaaradda Warfaafinta, annagu waanu soo dhaweynaynaa, weliba waanu sii sagootiyaynaa, warqadiisana ha noo soo qoro uu kaga tegayay shaqada.Haddii kale ma dhacayso in uu xirfadii iyo aqoontii la geliyay ee dawladu gelisay uu meel kale ugu shaqeeyo. Waa in uu caddaystaa mowqifkiisa.” Wasiirku waxa kaloo uu ka warbixiyay waxyaabihii u qabsoomay Wasaaradiisa kal-hore iyo waxyaabaha u qorshaysan sannadkan cusub ee 2019-ka.Waxaanu sheegay in ay sannadkii hore tayeeyeen qaybaha kala duwan ee Wasaaradda, sida TV-ga, Wakaallada Wararka ee SOLNA oo uu sheegay in ay ku soo kordhiyeen in warside kooban oo la geeyo xafiisyada dawladda. Wasiirku kaloo uu tilmaamay in sanadkan cusub ee 2019-ka ay u qorshaysan tahay sidii loo tayayn lahaa qaybaha kala duwan ee Warbaahinta dawladda gaar ahana TV-ga iyo idaacadda Radio Hargeysa. Source
  11. (SLT-Hargeysa)-Waxa maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa Alle ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil oo ka mid ahaa aasaasayaashii Golaha Guurtidda Somaliland. OLYMPUS DIGITAL CAMERA Marxuumku waxa uu ka mid ahaa xildhibaannadii Golaha Guurtida ee kaalinta weyn ka qaatay halgankii dib u xoraynta dalka, nabadayntii iyo dawlad dhiskii Somaliland, isaga oo sidoo kalena kaalin weyn ka ciyaaray dedaaladii loogu jiray horumarinta dalka. Xoghayaha Guud ee Golaha Guurtida Somaliland Garyaqaan C/naasir Aaden Beegsi ayaa Wakaalada Wararka ee SOLNA, u sheegay in marxuunku uu ahaa tiir weyn oo ka baxay Golaha Guurtida, isla markaana uu ka mid ahaa xubihii faro ku tiriska ahaa ee lagu aasaasay Golaha Guurtida xilligii halgankii dib u xoraynta dalku uu socday dabayaaqadii Siddeetamaadkii. Geesta kalena, Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamuud Aaden ayaa qoyska, qaraabada iyo shacbiga Somaliland ka tacsiyadeeyey geerida Marxuun Xildhibaan Xaashi Cabdi Shiil, waxaanu ilaahay uga baryey in uun jannooyinkiisa ku casuumo. Source
  12. (SLT-Hargeysa)-Barkhad Jaamac Batuun xoghayaha cadaalada xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa waxa uu si adag u dhaliilay hanaanka cadaaladda Somaliland, Halkan hoose ka DAAWO Source
  13. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa warka Habeen. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2019/01/Warka-Habeen-13012019.mp3 The post Dhageyso: Warka Habeen ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  14. Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indhaqarshe ayaa Shir Jaraaid oo uu ku qabtay Magaalada Muqdisho wuxuu kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab. Shirkan jaraa’id ayuu Indha-Qarshe ku saxay hadal uu sheegay in si qaldan looga baahiyey. Indha Cadde ayaa horey u amray in bartii lagu qabto lagu toogto xubnaha Shabaabka ah, hase yeeshee wuxuu hadda u muuqdaa inuu hadalkaas dib ula laabtay. General Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed uu marnaba ku xad gudbi doonin Sharciga u dagsan dalka. Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka ayaa tilmaamay in dagaalyahanada ka tirsan Al-Shabaab ee lagu qabto dagaal ama howlgal ay horgeyn doonaan Sharciga. S/gaas Daahir Aadan Cilmi Indha-Qarshe ayaa sheegay inaysan waxba ka jirin inuu sheegay in la dili doono raga ka tirsan Al-Shabaab ee lagu qabto Howlgalada Ugu Dambeynti, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa wuxuu xusay in ujeedada Ciidanka Xoogga Dalka uu yahay in ay si adag ula dagalamaan Al-Shabaab, Balse aysan ka tagi doonin sharciga iyo kala dambeynta u dagsan dalka. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  15. (SLT-Hargeysa)-Cabdikariin Axmed Mooge ayaa waxa uu si adag uga hadlay xadhiga abwaan Cabdiraxmaan Abees, Halkan hoose ka DAAWO Source
  16. (SLT-Baydhabo)-Maamulka Koofur Galbeed ayaa joojiyay kulan aqoon kororsi ahaa oo lagu waday inuu ka dhaco magaalada Baydhabo, kaasoo uu soo qaban qaabiyay Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ee uu hoggaamiyo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh Maxamuud. Guddoomiye kuxigeenka Xisbiga UPD ahna Senator ka tirsan Aqalka Sare Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa khudbad ka jeedin lahaa kulanka aqoon kororsiga ah ee maanta lagu waday inuu ka dhaco Baydhabo. “Dhamaan Bulshada Koonfur Galbeed ee Baydhabo waxaan ka raalli gelinaynaa inuu baaqdey Kulankii Aqoon kororsiga ahaa ee galabta ka dhici lahaa Hoteelka Horyaal. Kulanka waxaa sababta baajintiisa lahaa Maamulka Koonfur Galbeed”sidaa waxaa yiri Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo bartiisa Facebook soo dhigay qoraal kooban. Tallaabadan lagu baajiyay kulanka uu qaban qaabinayay Xisbiga ayaa noqoneysa tii u horeysay oo Baydhabo ka dhacdo, tan iyo markii xilka Madaxweynaha Koofur Galbeed loo doortay Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Dowladda Federaalka ayaa horay sidan oo kale u joojisay kulamo iyo siminaar uu Muqdisho ku qaban lahaa Xisbiga Wadajir ee uu hoggaamiyo Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame. Source
  17. (SLT-Hargeysa)-War-saxaafadeed ay xurunta xuquuqal iinsaanka soo saartay ayaa lagu cambaareeyay xadhiga Abwaan Cabdiraxmaan Abees, oo shalay ciidamada boolisku xidheen. Sidoo kale waxa war-saxafeedkan ay xarunta xuquuqal iinsaanku walaac kaga muujisay dacwad ciqaab ah oo lagu soo oogay suxufiyiinta wargeyska Foore. War-saxaafadeedkan oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandtoday.com ayaa u dhignaa sidan; “Maalintii sabtida ahayd ee 12 January 2019 waxa dawladda Somaliland ay xidhay abwaan Cabdiraxmaan Abees oo ah muwaadin dhalashada Somaliland iyo Ingiriiska haysta. Xadhiga abwaanku waxa uu la xidhiidhaa gabayo uu ka tiriyay 11 January maagalada Hargeysa, sida ay Xarunta Xuququqal Insaanka u xaqiijiyeen saraakiil dawladda ah iyo ehelka abwaanku. Abwaanku wuxuu madal lagu qabtay Hargeysa ka akhriyay laba gabay oo ka hadlay “hab-dhaqan qalafsan oo booliiska ah, “xadhiga aan sharci ahayn” iyo “hogaan xumo.” Wuxuu hada ku xidhan yahay Xarunta Dembi Baadhista ee Hargeysa, unugga la dagaalanka argagixisada. Abwaan Abees waxa laga xidhay maqaaxi ku taal Hargeysa iyada oo aan la tusin amar maxkamadeed oo xadhigiisa amraya, dad goob joog ah iyo ilo kale ayaa sidaas u xaqiijiyay Xarunta. Qodobka 25(2) ee Dastuurka Somaliland wuxuu sheegayaa inaan qofna la xidhi karin hadii aanu markaas dembi faraha kula jirin ama amar garsoore oo sababaysan loo haysan xadhigiisa. Qodobka 32(1) ee dastuurku wuxuu u damaanad qaaday qof walba xorriyada inuu aragtidiisa dhiibto. Xadhiga abwaanku waxay xad gudub ku tahay dastuurka Somaliland, waana cabudhin. Qoyskiisa iyo qareenadiisa waa loo diiday inay la kulmaan abwaanka, sida uu Xarunta u sheegay abwaanka aabihii iyo qareenkiisa, qareen Sacad Yaasiin Maxamuud. Isku day ay doontay Xaruntu inay kula kulanto abwaanka waa loo diiday. Qodobka 27(1) ee Dastuurku wuxuu sheegayaa in qofka la xidho sida ugu dhaqsaha badan uu ula kulmi karo qaraabadiisa, qareenkiisa iyo cidii kale ee uu codsado. Dhinaca kale, waxa maanta Maxkamadda Gobolka Hargeysa ay yeedhmo u qortay suxufiyiinta wargeyska Foore, Maxamed Maxamuud Yuusuf iyo Cabdirashiid Cabdiwahaab Ibraahim oo lagu eedeeyey inay qoreen “war been abuur ah” iyo “cay,” sida ku qoran yeedhmada. Lama faah-faahin waxa ay dacwadoodu tahay. Xaruntu si aad ah ayay uga walaacsan tahay xadhigga Abwaan Abees iyo dacwadda ciqaabta ah ee lagu soo oogay suxufiyiinta wargeyska Foore. Waxaay ka codsanaysaa dawladda Somaliland inay sii dayso Abwaan Cabdiraxmaan Abees, ayna la noqoto eedaha ka dhanka ah suxufiyiinta Foore. Guleid Ahmed Jama Agaasimaha Ku-meel gaadhka ah ee Xarunta Xuquuqal Insaanka Email: hrcsomaliland@gmail.com Source
  18. (SLT-Hargeysa)-Muranka Ka Taagan Dhalashada Fannaanada Caanka Ah Ee Nimco Yaasiin Oo Sii Xoogaystay, Halkan hoose ka DAAWO Source
  19. Taliyaha ciidamada xooga dalka Soomaaliya General Daahir Aadan Cilmi Indha Qarshe oo wariyaasha kula hadlay Muqdisho ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al-Shabaab. Indha Qarshe ayaa sheegay in dhawaan ay bilaabayaan howlgal culus oo ay Al-Shabaab kaga saarayaan deegaanada ay ku suganyihiin ee Gobolada dalka Soomaaliya. Taliyaha ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay ku gacan siiyaan dowlada la dagaalanka Al-Shabaab iyo in laga saaro goobaha ay ku suganyihiin. Dhinaca kale taliyaha ayaa ka hadlay war uu hore u sheegay oo ahaa in la dili doono ragii laga soo qabtay Al-Shabaab isaga oo sheegay in warkaasi si qaldan loo fasirtay. Ciidamada Dowlada Soomaaliya ayaa isku diyaarinaya hadda in ay qaadaan dagaal culus oo Al-shabaab uga saarayaan goobaha ay ku suganihiin ee dalka Soomaaliya. Hoos ka Daawo Muuqaalka Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Taliyaha ciidamada Xooga oo ku dhawaaqy dagaal ka dhan ah Al-Shabaab appeared first on Puntland Post.
  20. (SLT-Hargeysa)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Dheere ayaa waxaa uu ka hadley mawqifka uu xisbiga WADDANI ka taagan yahay arrimaha doorashooyinka, Halkan Hoose Ka Daawo Warkan Source
  21. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Mahad Salaad ayaa dhalleeceeyey go’aankii maamulka Koonfur Galbeed uu maanta ku hor-istaagay barnaamij uu xisbiga UPD ee Xasan Sheekh uu hoggaamiyo uu ku qaban lahaa magaalada Baydhaba. Mahad Salaad ayaa qoraal uu soo dhigay facebook soo dhigay ku sheegay in “Caburinta Xisbiyada Siyaasadeed iyo siyaasiinta ka aragtida duwan Villa Soomaaliya ee labadii sano ee lasoo dhaafay si xowli ah uga socotay magaalada Mogadishu in loo dhoofiyey Koonfur Galbeed” Hoos ka aqriso qoraalka Mahad Salaad. Maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta is hortaag ku sameeyay kulan (Siminaar) Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka (UPD) uu ku lahaa magaalada Baydbabo ee xarunta Gobolka Baay. Kulankaas aqoon kororsiga ah ee maanta lagu waday inuu ka dhaco Baydhabo ayaa xubnaha khudbadaha ka jeedin lahaa waxaa kamid ahaa Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Aqalka Sare islamarkaana ah Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga UPD. Caburinta Xisbiyada Siyaasadeed iyo siyaasiinta ka aragtida duwan Villa Soomaaliya ayaa labadii sano ee lasoo dhaafay si xowli ah uga socotay magaalada Mogadishu, hadana sida muuqatada loo dhoof geeyay maamulka Koonfur Galbeed oo isaga ruuxiisa lagu dhisay qaab jajuub ah oo bulshada reer Koonfur Galbeed aysan raali ka wada ahayn. Dhacdadaan maanta ka dhacday magaalada Baydhabo iyo kuwo kasii horeeyay oo Mogadishu horay uga dhacay ayaa dhamaantood xad gudub ku ah xorriyada hadalka iyo xaqa muwaadiniinta Soomaaliyeed u leeyihiin in ay fikirkooda u cabiraan si nabadgelyo ah sida ku cad dastuurka qaranka iyo shuruucda kale ee dalka u yaalla. Mahadsanidiin Hon. Mahad Salad
  22. Deegaanada Puntland waxaa hoos u dhac weyn ku yimi qiimaha lagu kala sarifto lacagta dollar ,waxaan Arintan loo sababeeyay doolarka oo batay iyo lacagtii Soomaaliga [...] Source