-
Content Count
211,291 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
Nairobi (Caasimada Online)-Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur Warsame ayaa warbixin ka qoray habka dhaqanka Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ee aan marka hore soo bandhigin aragtidooda hogaamineed, balse marka doorashada soo dhawaato usoo hanqal taaga hogaaminta dalka. Siyaasiga, ayaa sheegay in hab dhaqankaasi kaliya laga helo Soomaaliya, isaga oo sheegay inay taasi cadeyn u tahay in shaqsi walbaa oo aan soo bandhigin aragtidiisa sanado ka hor doorashada, inuu doonayo kaliya talada dalka oo xalka dalka uusan dooneyn. Hoos ka akhriso qoraalka Siyaasi C/raxmaan Cabdi Shakuur:- Dawladnimada casriga ah ee dunida maanta ka jirta iyo hannaanka siyaasadeed ee Dimoqaraadiga ahi waxay ku dhisan yihiin in siyaasigii han kaga jiro hogaan heer qaran ama gobol in uu bulshadu u soo bandhigo aragtidiisa iyo mowqifkiisa ku aadan waxa dalkiisa ama deegaankiisa ka dhacaya. Hadii uu ku qanacsan yahay sida ay wax u socdaana waa in uu ku taageeraa oo uusan ka bakhaylin hogaanka talada haya heer Qaran ama Gobol. Hadii uu ka aragti duwan yahayna waa in uu dhaliisha uu qabo iyo mowqifka uu kaga duwan yahay si hufan u soo jeediyaa. Maan gal maaha in uu yiraahdo ma jirto wax aan dhaliilay ama la dhacay, mowqif ma lihi meel dhexaan taagnahay . Soomaaliya keliya uun bay ka suurowdaa in aad saacadaha ugu danbeeya soo dhacdo adigoo ku doodaya aniga kaga haboon kan hoggaanka haya, iyadoo aysan jirin wax aad dhaliishay iyo mowqif aad dhibsatay ama aad ku taageetay oo aan ka ahayn in aad kursi rabto oo keli ah. Waa tan keentay in siyaasadeenu ay noqoto saadaal la’aan, saacadaha ugu danbeeya, saf wada siman iyo nasiibku wuxuu kaa siiyo oo aysan aragti, mowqif, wax aad u taagnayd aysna macno ku fadhiyin. Tani kuma eka hogaanka heer qaran oo keli ah, bal eeg Puntland iyo Koonfur Galbeed. Imisa musharax ayaa taagan oo aysan jirin cid horay u maqashay aragti ama mowqif ay Gaas ama Shariif Xasan kaga duwanaayeen, ku dhaliileen, ama ku taageereen oo aan ka ahayn in ay kursiga uun ka kacsan rabaan. Haddaba, annigoo taa ka duulaya ayaan waxaan halkan ka bogaadinayaa Gudoomiyaha Xisbiga Ilays Xildhibaan C/qadir Cosoble oo soo bandhigay aragtidiisa ku aadan wixii soo dhacay iyo xaalka uu maanta dalku marayo. Waxaan si gaar ah uga mahadcelinayaa sida uu uga hadlay weerarkii xadgudubka ahaa ee sanad ka hor lagu qaaday hoygayga Muqdisho. Haddaba hadii uu hankaagu yahay hogaan heer dal ama deegaan oo uusan hoos ka tuur kale jirin cadeey aragtidaada iyo mowqifkaaga si Shacabku u ogaado waxa aad qabto iyo halka aad taagan tahay. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimad@live.com
-
Wararka laga helayo degmada B/xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in gudaha degmadaas dabley hubaysan ay toogasho ku dileen mid ka mid Saraakiisha ciidamada Nabad sugidda ee ka howlgala degmadaasi sida ay Goobjoog u xaqiijiyeen xubno ka tirsn Maamuka degmada. Cabdi Qani Axmed Faarax oo ka mid ahaa Saraakiisha Ciidamada Nabad Sugida ee degmada Baladxaawo ee Gobolka Gedo ayey Xaley goor dambe waxaa toogasho ku diley Labo nin oo ku hubeysan Bistoolado,iyagoona dilka ka dib halkaasi ka Qaatey Qori Ak47 oo uu ku hubaysnaa sarkaalkaasi. Dableydii dilka geysatey ayaa durbadiiba goobta isaga baxsadey,waxaana maanta Baladxaawo ka soconayaan baaritaanno ay sameynayaan Ciidamada Jubbaland ee ku sugan degmadaasi. Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Tension brewing on the outskirts of Jowhar following battle
Deeq A. posted a topic in News - Wararka
Reports from Jowhar indicate that the fighting took place at the outskirts of the town, which is the regional capital of Middle Shabelle. The tension which is brewing between two tribal militias who fought in the area in the past few days forced many families to flee their houses and seek shelters nearby villages. Meanwhile, Somali military forces were reported to have left for the battle zones to de-escalate the tension and prevent the continuation of the war in Mandheere and Kongo. Abdullahi Mohamed, one of the Somali military commanders in the region, told Radio Shabelle that the two sides welcomed the peace efforts by the Somali government. The post Tension brewing on the outskirts of Jowhar following battle appeared first on Shabelle. View the full article -
(SLT-Laascaanood)-Maayarkii hore ee magaalada Laascanood isla markaana iminka ah xildhibaan ka tirsan golaha deeganka ayaa waxaa uu sheegay in uu dhaliilsan yahay safarkii madaxweyne Biixi ku yimid gobalka Sool isaga oo sabab uga dhigay in madaxweynuhu aanu waxba xadhiga ka jarin waxna aanu dhagax dhigin intii uu ku sugnaa magaalada Laascaanood, Halkan hoose ka DAAWO Source
-
(SLT-Ohio)-Saraakiisha Booliiska gobolka Ohio ee dalka Mareykanka ayaa baadhitaan ku wada sababta ka danbeysay gaadhiga labo gabdhood oo walaalo ahaa oo shil baabuur ku geeriyooday habeenkii Axad ee todobaadkan. Labada gabdhood ayaa lagu kala magacaabi jiray Amaal Maxamed iyo Anisa Maxamed, waxaa sidoo kale shilka uu dhaawac ka soo gaaray Amina Maxamed oo ay walaalo ahaayeen hablaha geeriyooday. Baaritaan hor dhac ah oo ay saareen saraakiisha Booliiska ayaa sheegaya in gabdhahan uu shilka ku dhacay kaddib markii gaarigooda oo xowli sare ku socday uu ku dhacay gaari kale. Saddexda Gabdhood ayaa la sheegay in ay ka soo laabteen booqasho ay ugu tageen dad ay asxaab ahaayeen waxaana waqtiga uu shilkan ku dhacay ay ku soo socdeen gurigooda. Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa aad uga naxay geeridda ku timid labada Gabdhood ee walaalaha ah oo la sheegay markii ay shilka galaayeen in ay booqasho ka yimaadeen. Dhawaan ayeey aheyd markii Labo Gabdhood oo Soomaali ah ay ku geeriyoodeen shil gaari oo ka dhacay Mareykanka, ka dib markii goob wabi ah ay kula dhaceen gaarigii ay wateen. Source
-
(SLT-Qaahira)-Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee dalka Masar, Dr. Daariq Al-mala ayaa shaaca ka qaaday inay Khubaro u soo diri doonaa dalka Soomaaliya, si ay sahmin ugu sameeyaan Kaydadka Shidaalka ee Soomaaliya, isla markaana ay gacan ka geystaan Soo-saarka Shidaalka. Wasiir Daariq Al-mala waxa uu hadalkaasi ka sheegay mar uu Xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka Batroolka iyo Kheyraadka Dabiiciga ee Soomaaliya, Md. C/rashiid Maxamed oo maalmahan booqasho ku jooga Caasimadda dalka Masar ee Qaahira. Wasiir C/rashiid Maxamed oo ka hadlay Kulankaasi waxa uu ka codsaday dhigiisa dalka Masar inay Somalia u soo diraan Khubaro gacan ka geysta Sahminta iyo Soo-saarista Shidaalka iyo Kheyraadka Dabiiciga, wuxuuna hoosta ka xariiqay in ay Somalia leedahay xeebta ugu dheer ee Qaaradda Afrika, isla markaana ay ku jiraan Kaydadka dihan oo Shidaaal iyo Gaaska Dabiiciga. Source
-
(SLT-Yeman)-Diyaarad ay leedahay Qaramada Midoobay ayaa daad gurayn doonta dagaalame yaal ka dhaawacmay jabhadda Xuutiyiinta, sida ay sheegeen xulafada la dagaalamaysa jabhadda. Arrintan ayaa looga golleeyahay in lagu dhiso kalsoonida ka hor wadahadallada ay labada dhinac yeelanayaan. Konton jabhad oo dhaawac ah ayaa lagu wadaa in laga qaado magaalada caasimadda ah ee Sanca taas oo ay gacanta ku hayaan Jabhaduhu, iyaga oo galinka dambe ee maanta la gayn doono Caman. Wadahadallada ay Qaramada Midoobay taageerayso ee u dhaxeeya jabhadda iyo dawladda uu Sacuudigu taageerayo ayaa lagu wadaa in uu dhaco maalmaha foodda inagu soo haya. Dagaalkan ayaa horseeday mashaakilkii banii’aadminimo ee ugu xumaa adduunka ee dhaca taariikhda dhaw. Dagaalka afarta sano ku dhawaadka ka socda Yemen ayay ku dhinteen kumannaan dad ah, malaayiin dad ahna waxay qarka u saaran yihiin macaluul. “Diyaaradda Qaramada Midoobay ayaa Isniinta ka dagi doonta garoonka caalamiga ah ee Sanca. Saddex dhakhtar oo Yemen u dhashay iyo dhakhtar Qaramada Midoobay ka socda ayaa dhaawacyada ka qaadi doona Sanca waxayna gayn doonaan Masqad.” Sida uu sheegay qof habeennimadii u hadlay xulafada. Wuxuu sheegay in tallaabadan uu codasaday Martin Griffiths oo ah ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Yemen, arrintaasna la isku agfartay si kalsooni loogu helo shirka Sweden ka dhacaya. Source
-
(SLT-Washington)-Warbixin ay daabacday CNN ayaa lagu sheegay in fariimo ay isku weydaarsadeen WhatsApp Khashoggi iyo Cumar Cabdulcaziz oo ah arday ku nool dalka Canada inay iftiimin karaan dilka weriye Khashoggi. CNN oo heshay illaa afar boqol oo farriimo oo ay is weydaarsadeen Cumar iyo Khashoggi ayuu mid ka mid ah fariimahaas waxa uu weriyaha la diley ee Khashoggi ku tilmaamay dhaxalsugaha Sacudi Carabiya Maxamed Bin Salman inuu yahay bahal aan cidna deyneyn xitaa kuwa taageerayaasha u ah. “Xariga waa mid aan loo meel dayin,waana kaligii taliye jecel xoog iyo cadaadis, waa sida bahalka oo kale oo jecel marwalba inuu wax cuno,lamana yaabayo in cadaadiska uu gaaro xitaa kuwa u sacaba tumaya iyo kuwo kalaba Allaa wax og,”ayaa ka mid ahayd farriimaha uu direy Khashoggi. Farriimahan oo uu Cumar Cabdulcaziz tusay CNN ayaa waxaa ka mid ah codad,sawiro iyo muuqaalo iyadoo qoraaladuna ay kashifayaan in labadooda ay qorsheynayeen inay sameeyaan dhaqdhaqaaq dhalinyaro oo aalada internetka ku shaqeeya. Cumar Cabdulcaziz ayaa aaminsan in fariimaha ay is weydaarsanayeen dhexda loo galay oo ay boqortooyada Sacudi Carabiya ogaatay bishii August taasna ay u fududeysay shirkad laga leeyahay Israel. Cumar ayaa doonaya hadda in uu dacwad sharciga ah la tiigsado shirkada sameysay aalad lagu jabsaday taleefankiisa. “Jabsiga mobaylkeyga ayaa ahayd sababta ugu weyn ee keentay in la dilo Khashoggi.”ayuu CNN u sheegay Cumar Cabdulcaziz. Abdulaziz ayaa bilaabay inuu ka soo horjeesto isagoo arday ah kuna sugan dalka Canada,waxana ay boqortoyada Sacudiga ay kala laabatay deeq waxbarasho oo ay hore u siisay balse waxaa u oggolaaday in uu waxbarashadiisa sii wato dowlada Canada iyadoo saddex sano kadibna siisay magangalyo uu ugu noolaan karo dalka Canada. Source
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Askari ka tirsanaa ciidamada NISA dhaawac daranna uu kasoo gaaray weerarkii Sanad ka hor ka dhacay Hotelka Naasa Hablood 2, ayaa waayay shaqadiisa kadib cabasho uu muujiyay. Askarigaan oo magaciisa ku koobay Nuur Samawade, ayaa sheegay in dhaawac halis ah uu kasoo gaaray weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Naasa Hablood 2, Bishii October ee sanadkii lasoo dhaafay. Dhaawaciisa ayaa la geeyay xarumaha caafimaad ee ku yaala magaalada Muqdisho, laakiin waxay siiyeen daawooyin kaalmaati ah, Maadaama sida uu sheegay lagu wargeliyay inaan dalka dhaawacyadiisa qaar wax looga qaban karin. Kadib Wareysi uu bixiyay oo uu kaga hadlayay xaaladiisa caafimaad ayuu ku dalbaday inaan la dayacin xaaladiisa, isaga oo ka dalbaday hay’ada ay quseyso inay wax u qabato, maadaama sida uu sheegay uu kasoo baxay waajibaadkii saarnaa. Maalmo kadib ayuu markale kasoo muuqday warbaahinta isaga oo sheegay in cabashadiisii ay sababtay in laga qaado ID-Card kii Hay’adda nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka, laguna wargeliyo in shaqada laga ruqseeyay. Waa Niyad Jab iyo dhibato kale oo ciidamada ay la kulmaan marka ay ka dhamaadaan gudashada waajibadka saaran ayuu yiri Nuur Samawade “Marka aan caafimaad qabay waa la ii baahnaa, hadda oo aan dhaawacmayna waa lay tuuray”ayuu hadalkiisa kusii daray. Ma jiro jawaab dowladda iyo hay’adaha ay quseyso ay siiyeen Samawade, balse waxaa jawaab looga dhigay in shaqada laga joojiyay isaga oo dhaawac ah. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
(SLT-Taliban)-Mid ka mid ah abaanduulayaasha sarsare ee kooxda Taliban ayaa lagu dilay duqayn ay Mareykanka ka fuliyeen dalka Afqanistan. Mullah Cabdul Manan Akhund ayaa ahaa ” barasaabka “iyo madaxa militariga Taliban ee gobolka Helmand. Waxaa lagu dilay hogaamiyahani degmada Nawzad oo ka tirsan gobolka Helmand habeenimadii Sabtida ,sida ay sheegeen saraakiisha maamulka gobolkaasi. Kooxda Taliban ayaa waxa ay dhimashadiisa ku tilmaameen “jab wayn oo soo gaaray”. Balse waxa ay sheegeen in dilkiisa aysan ka hor istaagi doonin dadaalka ay ugu jiraan in ay dib ula wareegaan guud ahaan dalka Afqanistan. Afhayeenka wasaarada arrimaha gudaha ee Afqanistan Najib Danish ayaa u sheegay wakaalada wararka ee AFP in dhimashada Mullah Cabdul Manan ay jab wayn ku tahay Taliban “ayna hoos u dhigi doonto niyadooda”dagaalka ay ka wadaan Koonfurta dalkaasi. Gobolka Helmand ayaa ah goobtii ay ciidamada Britain ku sugnaayeen muddo 8 sano ah ka hor intii aan laga soo daadgureyn 2014. Qaybo badan oo gobolkaasi ka mid ah ayaa waxa imika gacanta ku haya kooxda Taliban. Baaritaan ay BBC samaysay horraantii sanadkan ayaa muujinayay in Talibaan ay dhul badan la wareegeen tan iyo 2014. Baaritaanka ayaa lagu ogaaday in 15 milyan oo qof oo ah kala bar dadka dalkaasi ay ku nool yihiin dhulka ay gacanta ku hayaan Taliban . Source
-
(SL-T Nairobi)-Dowlada Tallyaaniga ayaa bilowday inay wadahadal la gasho xubno la aamisan yahay inay Al Shabaab yihiin oo Kenya kasoo afduubay haweenay u dhalatay dalkaasi, sida warbaahinta Kenya ay baahisay. Al Shabaab ayaa 20-Kii Bishii lasoo dhaafay deegaanka Chakama kasoo afduubay haweeney lagu magacaabo Silvia Romano oo udhalatay dalka Talyaaniga, waxaana la rumeysan inay dhanka Soomaaliya lasoo aadeen. Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay ku raadjoogaan dadka Afduubay haweeneyda, balse dowladda Talyaaniga ayaa dooneysa in wadahadal lagu soo daayo haweeneyda, taasina ay sabab u tahay wadahadal ay la bilowday kooxda Al Shabaab oo afduubta ka dambeysay. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in kooxaha afduubka geystay ay la aadeen haweeneyda deegaanka Booni ee Keynta ah, waxaana socda baaritaanka lagu badbaadinayo haweeneyda. Source
-
(SL-T Israel) – Madaxa madhabta Evangelical-ka ee Kirishtan ee dalka Mareykanka Joel Rosenberg, ayaa shaaciyey in dhaxal-sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu u ballan-qaaday in kaniisado laga dhiso dhulka labada masjid ee barakeysan, balse uu waqti siiyo. Rosenberg oo ah nin u ololeeya, si aad ahna u difaaca Israel, ayaa wareysi uu siiyey teleefishinka Israel ee i24 ku sheegay in kulan uu Bin Salmaan bishii October kula yeeshay Riyadh uu kala hadlay sidii kaniisado looga furi lahaa Sacuudiga. Rosenberg ayaa sheegay in Maxamed bin Salmaan uu ballan-qaaday inuu arrintan kala hadli doono culimada, si uu ogaado waxa diinta ka qabto. “Wuxuu ii sheegay in kaniisad la furo waqtigan ay hadiyad u noqon karto Al-Qacida, balse wuxuu codsaday waqti dheeri ah iyo inuu ka shaqeynayo arrintan” ayuu yiri Rosenberg. Bin Salmaan ayaa waftiga kirishtan-ka ku marti-qaaday Riyadh, bishii October, taasi oo qeyb ka ah dadaal uu ku doonayo inuu reer galbeedka ugu muujiyo inuu yahay is-beddel doon diyaar u ah inuu dunida la macaalimo, sidoo kalena xiriir wanaagsan la yeesho Israel. Rosenberg waa mid ka mid ah taageerayaasha ugu weyn Israel, wuxuuna mar la-taliya dhinaca warbaahinta ah u ahaa ra’iisul wasaaraha Israel Benjamin Netanyahu. Ninkan ayaa horey u daabacay buug uu ugu magac daray “The Torah and Damuscus” oo ku baaqaya in la burburiyo caasimadda dalka Syria, si loogu guuleysto damaca kirishtanka ka hor soo bixitaanka waxa ay ku sheegaan “bad-baadiyahooda”. Buugaas ayaa ka mid ahaa kuwii loogu iibsiga badnaa Mareykanka sanadii 2016. La-kulanka Maxamed Bin Salmaan, ee Rosenberg – oo ah nin sidoo kale lacag u ururiya ciidamada Yahuudda ee haysta dhulka Qudus – ayaa ka careysiiyey muslimiin badan. SomalilanToday.Com Source
-
Muqdisho (SL-T Djibouti)-Wararka laga helayo magaalada Jabuuti ee caasimada dalkaasi ayaa sheegaya in kulan gaar ah uu dhex maray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iy kaaliyaha arrimaha dibadda Mareykana u qaabilsan Africa. Tibor P. Nagy, oo Safar ku maraya dalalka Geeska Africa ayaa madaxweyne Geelle kala hadlay seddex arin oo ay kamid tahay isbadalka Geeska Africa oo dowladaha Soomaaliya, Ethiopia iy Eritrea ay hormuudka ka yihiin. Ciidamada Jabuuti ka jooga Soomaaliya iyo dagaal xuduudka u dhaxeeyay Eritrea iyo Jabuuti ayaa qeyb ka ahaa waxyaabaha labada masuul ay ka wada hadleen, waxaana madaxda Jabuuti ay sheegeen in wanaag uu kusoo dhamaaday Shirka. Dowladda Mareykanka ayaa il gaar ah ku heysa isbadalka Geeska Africa oo dowladaha Soomaaliya, Eritrea iyo Ethiopia ay wadaan, maadaama Mareykanka uu dagaal dhaqaale kula jiro Dowladda Shiinaha oo saameyn ku leh geeska Africa. Jabuuti Ciidamo ka socda kuna howlgala Magaca AMISOM ayaa ku sugan Bartamaha Soomaaliya, waxaana wararka ay sheegayaan in ballanqaadyo lagu hormarinayo Ciidankaas ay ka heleen Mareykanka. Dowladaha Sudan, Kenya, Uganda iyo Jabuuti ayaa doonaya dhankooda inay qeyb ka noqdaan isbadalka geeska Africa, waxaana madaxda dalalkaasi ay kulamo la qaateen madaxda dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia, si qeyb kaga noqdaan isbadalka geeska Africa. SomalilandToday.com Source
-
Muqdisho ( Sh. M. Network )-War qoraal ah oo ka soo baxay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha ayaa lagu sheegay in dib loo bilaabayo bixinta Baasaboorka Soomaaliga oo maalmihii la soo dhaafay hakad ku jiray. Ugu horreyn hay’adda ayaa shaacisay in ay aad uga xun tahay mudada kooban ee hakadka uu ku yimid bixinta baasaboorka, iyadoo raalli gelin ka bixisay arrintaasi. Sidoo kale war ka soo baxay Hay’adan ayaa lagu sheegay in maalmihii la soo dhaafay ay wadeen horumarin iyo dib u habeyn lagu sameynayay habka bixinta Baasaboorka Soomaaliga ah, lana bilaabi doono bixinta baasaboorka maalinta Talaadada ah ee soo socota kuna beegan 4ta December’. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya ayaa xarumo ka furtay magaalooyin dalka ka mid ah kuwaasoo laga qaadan karo Baasaboorka Soomaaliga ah, waxayna taasi u fududeysay shacabka in iyagoo aan imaan caasimadda in gobolada ay ku sugan yihiin ku helaan baasaboorka, iyadoo loo qabanayo adeegyada ay u baahan yihiin. The post DFS Oo shaacisay xilliga dib loo bilaabayo bixinta Baasaboorka appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online)-Dowlada Tallyaaniga ayaa bilowday inay wadahadal la gasho xubno la aamisan yahay inay Al Shabaab yihiin oo Kenya kasoo afduubay haweenay u dhalatay dalkaasi, sida warbaahinta Kenya ay baahisay. Al Shabaab ayaa 20-Kii Bishii lasoo dhaafay deegaanka Chakama kasoo afduubay haweeney lagu magacaabo Silvia Romano oo udhalatay dalka Talyaaniga, waxaana la rumeysan inay dhanka Soomaaliya lasoo aadeen. Booliska dalka Kenya ayaa sheegay inay ku raadjoogaan dadka Afduubay haweeneyda, balse dowladda Talyaaniga ayaa dooneysa in wadahadal lagu soo daayo haweeneyda, taasina ay sabab u tahay wadahadal ay la bilowday kooxda Al Shabaab oo afduubta ka dambeysay. Warar kale oo soo baxaya ayaa sheegaya in kooxaha afduubka geystay ay la aadeen haweeneyda deegaanka Booni ee Keynta ah, waxaana socda baaritaanka lagu badbaadinayo haweeneyda. Dowladda Talyaaniga ma sheegin halka uu marayo wadahadalka, haddii ay madaxfurasho weydiisteen qolada wax afduubtay iyo in uu guuleystay wadahadalka. Al-shabaab oo lagu eedeeyay afduubkaas wali kama hadlin, waxaana kaliya ku eedeysay Dowladda Kenya. Caasimada Online Xafiiska Kenya Caasimada@live.com
-
Baydhabo ( Sh. M. Network )-Cabdalla Maxamed Aadan oo ka mid ah siyaasiyiiyinka ka soo jeeda deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa baaq culus u diray guddiga doorashada maamulkaasi. Siyaasi Cabdalla Maxamed Aadan oo wareysi gaar ah siiyay Shabelle ayaa ka dalbaday guddiga doorashada in ay dardar galiyaan howlaha shaqo ee loo igmaday, islamarkaana ay fiiriyaan rabitaanka shacabka ku dhaqan deegaanada K/ Galbeed. Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray in DFS aysan saameyn gudaha ah ku laheyn doorashadaasi, balse kaliya ay ku leedahay Talo, sida uu hadalka u dhigay. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Soofa.mp3 The post Siyaasi Soomaaliyeed Oo Baaq u diray Guddiga Doorashada maamulka Koonfur Galbeed appeared first on Shabelle. View the full article
-
Jowhar ( Sh. M. Network )-Wararka naga soo gaaraya Sh/ Dhexe ayaa ku warramaya in saaka xiisad dagaal ay ka taagan tahay duleedka M/ Jowhar ee xarunta gobolkaasi. Xiisada oo ah mid xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay u dhexeyso laba Maleeshiyo Beeleed oo shalay ku dagaalamay halkaasi. Dhinaca kale Ciidamo ka tirsan kuwa Milatariga Soomaaliya ayaa lagu soo warramayaa in ay ku baxeen arrintaasi, si looga hortago sii socoshada colaadaasi. C/laahi Maxamed oo ka mid ah saraakiisha Ciidamada dowladda ee G/ Shabeelaha Dhexe ayaa sheegay in Ciidamo ay u direen deegaanada Maandheere iyo Kongo ee gobolkaasi. Waxaana uu tilmaamay in Odayaasha labada dhinac ay soo dhaweeyeen dadaallada nabadeed ee ay wadaan Ciidamada dowladda Soomaaliya. Halkan hoose ka dhageyso Codka. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Cabdi-Qani-.mp3 The post Xiisad xoogan Oo ka taagan duleedka M/ Jowhar appeared first on Shabelle. View the full article
-
Muqdisho (Sh. M. Network) –Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u dhageysato. http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-031218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
-
Wafdi uu horkacayo guddoomiyaha ONLF ayaa axaddii soo gaaray magaalada Jigjiga ee caasimadda dowlad deegaanka Itoobiya. Wafdiga waxaa ka mid ahaa: Guddoomiyaha ONLF Admiral Maxamed Cusmaan, xogheyaha guud ee ururka Cabdiraxmaan Mahdi, waxaa kale oo la socday madaxweynaha cusub ee Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya Mustafe Cumar Muxumed, xubno ka tirsan baarlamaanka iyo golihiisa wasiirrada iyo mas’uuliyiin kale, Xildhibaanka degmada Kamukunji, Nairobi Yusuf Xasan, Guddoomiyaha Garisa Cali Qorane, AMP. Maxamed Abdi Afey oo ah u qaabilsanaha UNka ee arrimaha qaxootiga geeska Afrika, Xildhibaan Axmed Xaashi oo ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo qaar kale. Guddoomiyaha ONLF oo mar sii horeysay hadlayey ayaa sheegay in Jigjiga ka bilaabayaan wada hadal ay ka galaan dowladda deegaanka iyo federaalka ah oo ku saabsan siyaasadda iyo dhaqaalaha, waxaa kale oo ay qaban-doonaan shirka midnimada iyo safar ay ku tagaan gobollada dalka. Arrimaha ugu muhiimsan ay ururka iyo maamullada ay ka wada hadli-doonaan waxaa ugu muhiimsan aayo ka talinta dadka Soomaalida. Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka laga helayo magaalada Jabuuti ee caasimada dalkaasi ayaa sheegaya in kulan gaar ah uu dhex maray madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle iy kaaliyaha arrimaha dibadda Mareykana u qaabilsan Africa. Tibor P. Nagy, oo Safar ku maraya dalalka Geeska Africa ayaa madaxweyne Geelle kala hadlay seddex arin oo ay kamid tahay isbadalka Geeska Africa oo dowladaha Soomaaliya, Ethiopia iy Eritrea ay hormuudka ka yihiin. Ciidamada Jabuuti ka jooga Soomaaliya iyo dagaal xuduudka u dhaxeeyay Eritrea iyo Jabuuti ayaa qeyb ka ahaa waxyaabaha labada masuul ay ka wada hadleen, waxaana madaxda Jabuuti ay sheegeen in wanaag uu kusoo dhamaaday Shirka. Dowladda Mareykanka ayaa il gaar ah ku heysa isbadalka Geeska Africa oo dowladaha Soomaaliya, Eritrea iyo Ethiopia ay wadaan, maadaama Mareykanka uu dagaal dhaqaale kula jiro Dowladda Shiinaha oo saameyn ku leh geeska Africa. Jabuuti Ciidamo ka socda kuna howlgala Magaca AMISOM ayaa ku sugan Bartamaha Soomaaliya, waxaana wararka ay sheegayaan in ballanqaadyo lagu hormarinayo Ciidankaas ay ka heleen Mareykanka. Dowladaha Sudan, Kenya, Uganda iyo Jabuuti ayaa doonaya dhankooda inay qeyb ka noqdaan isbadalka geeska Africa, waxaana madaxda dalalkaasi ay kulamo la qaateen madaxda dalalka Soomaaliya iyo Ethiopia, si qeyb kaga noqdaan isbadalka geeska Africa. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
-
Istanbul (Caasimada Online) – Wargeyska Yeni Şafak ee laga leeyahay dalka Turkiga ayaa Maalintii Sabtida aheyd qoray inay Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay wafdi ka koobnaa laba Askri iyo laba sirdoon usoo direyn Deegaanada ay heystaan Kooxda gooni isku taagga ah ee Kurdiyiinta ee ku xooggan waqooyiga Suuriya. Wargeyska ayaa sheegay in Sababta loo soo diray wafdigaan ay tahay sidii loo maal gelin lahaa illaa 12 Fadhiisin oo ay dagi doonaan Ciidamo Mareykan ah oo caawin doono Kurdiyiinta. Sida uu qoray wargeyskaan oo si weyn ugu dhow Dowladda Turkiga, xukuumadda Ankara ayaa u fahamtay in Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta ay iclaamiyeen Dagaal ka dhan ah Dalka Turkiga. Waxaa la sheegay in Wafdigaan gaaray halkaas ay qorshihiisa lahaayeen Dhaxal Sugaha Sacuudiga Maxamed Bin Salman iyo Amiirka Imaaraadka Maxamed Bin Zaid. Wafdigaan ay direeen Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa Booqasho ku tagay deegaano ay kamid yihiin Al-Hasakah, Kobanî, Manbij iyo Tell Abyad, waxayna kulamo la qaateen hoggaamiyaal ka tirsan Kooxda Kurdiyiinta waxaana la isku fahmay meelaha laga sameynsan doono Saldhigyada. Sida uu Wargeyska Sheegay wafdigaan isugu jiray Sacuudiyaan iyo Imaaraad waxaa hoggaaminayey Wasiirka Sacuudiga u qaabilsan Arrimaha Bariga Dhexe Thamer Al-Sabhan. Wafdigaan ayaa markii ugu horeysay kulamo kul qaatay Deegaanka Al-Hasakah Ergeyga Madaxweynaha Mareykanka Trump u Qaabilsan Gobolka Brett H. McGurk, waxayna labada dhinac isku raaceyn in Mushaar la siiyo illaa 30 Kun oo kamid ah Ciidamada Kurdiyiinta ee halkaas ku sugan. Waxaa sidoo kale lagu heshiiyey in Ciidamadaan loo bixiyo (Ilaaliyaasha Xuduuda) waxaana Dowladaha Khaliijka loo xil saaray Tababarka iyo Hubeynta Ciidamadaan. Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa sidoo kale Ballan qaaday inay bixin doonaan Saadka ku bixi doono Ciidamadaas. Arrintaan ayaa sii kala foggeyn doonto Dowladaha Sacuudiga, Imaaraadka iyo Turkiga, waxaana muuqato inuu go’i doono xiriirka u dhaxeeyo Dowladahaan oo markii hore mugdi ku jiray. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com