-
Content Count
215,347 -
Joined
-
Last visited
-
Days Won
13
Content Type
Profiles
Forums
Calendar
Everything posted by Deeq A.
-
(SLT-Nairobi)-Ugu yaraan laba qarax oo waaweyn ayaa lagu soo waramayaa in ay ka dhaceen gudaha magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya. Afhayeen u hadlay Al-Shabaab ayaa sheegatay in iyaga ay mas’uul ka yihiin waxa uu ku sheegay hawlgalka Nairobi. Inkastoo aysan faafaahin dheeraad ah bixin, Shabaabku waxa ay sheegeen in ay weerareen dhismo muhiim ah oo ku yaal xaafadda Westlands ee Nairobi isla markaana dagaallameyaashoodu ay gudaha u galeen dhismahaasi. Dad goobjoogeyaal ah ayaa BBC-da u sheegay in afar nin oo hubeysan ay gudaha u galeen dhismaha uu weerarka ka dhacay. Qaraxyada ka dib waxaa la maqlayay dhawaqa rasaasta. Ciidamada ammaanka ayaa gaadhay goobta uu weerarka ka dhacay oo ah dhismo ay ku yaaliin hoteel iyo xafiisyo. Qof ku sugan gudaha goobta uu weerarka ka dhacay ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in uu weerar ku socdo. Dhawr baabuur ayaa la arkayay iyaga oo gubanaya, waxaa la arkayay dad dhaawac ah oo laga saaraya goobta uu qaraxa ka dhacay. Ciidamada ammaanka ayaa isku gaadaamay goobta uu weerarka ka dhacay. Booliska Kenya ayaa xaqiijiyay weerarkaasi, waxaana qoraal uu boolisku soo dhigay Twitter-ka lagu sheegay in la xidhay waddooyinka ka ag dhow goobta uu weerarka ka dhacay. Kenya ayaa dhawr jeer oo hore waxaa ka dhacay weerarro argagixiso oo intooda badan ka dhacayay deegaannada u dhow xudduudda Soomaaliya. Bishii Sebteembar ee 2013 mintidiinta Al-Shaabab ayaa galay Westgate oo ah goob laga dukaameysto oo ku taal Nairobi, waxa ayna halkaasi ku laayeen dad rayid ah oo halkaasi ka dukaameysanayay. Weerarkaasi oo socday sku dhawaad afar maalmood ayaa waxaa ku dhintay 67 qof. Laba sano ka dib, Al-Shabaab ayaa geysatay weerarkii ugu dhimashada badnaa oo ay ku dhinteen qiyaastii 150 qof ka dib markii ay weerar ku qaadeen Jaamacad ku taal magalaada Garissa ee woqooyi bari Kenya. Source
-
Nairobi (Sh.M.Network) – Fahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa weerar loo adeegsaday qaraxyo, oo ay xigtay rasaas oo ka dhacay caasimada Kenya ee Nairobi. Qaraxyadda oo lagu beegsaday Hoteelka Dusit ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac. Inta la xaqiijiyay 4 ruux ayaa ku dhimatay, halka ay ku dhaawacmeen tirro intaas ka badan oo ka badan 10. Kooxda Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda qaraxyadaan, sidda ay ku beehisay baraheeda Internet-ka. Dhismaha la weeraray ayaa ka kooban Hoteelo, Bankiyo iyo xafiisyo ay degan yihiin hay’addo caalami ah. Bishii April 2-deeda, 2015, ayay ahayd markii ay Al-Shabaab ku dishay 148 ruux weerar ay ku qaaday Jamaacada Garissa, ee Koonfurta dalka Kenya. The post Al-Shabaab oo sheegatay weerar ka dhacay caasimada Kenya appeared first on Shabelle. View the full article
-
(SLT-Nairobi) Weerarka qaraxyada ku billowday ee magaalada Nairobi ayaa weli socda, waxaana la rumeysan yahay inuu yahay weerar qorsheysan oo ay soo qaadeen kooxaha argagixisada. Weerarka ayaa lagu qaaday dhisme uu ku yaallo hotel-ka caanka ah ee Dusit iyo xafiisyo kale, oo ku yaalla deegaanka Riverside Drive ee xaafadda Westlands. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in la xaqiijiyey ugu yaraan dhimashada saddex qof, islamarkaana uu jiro dhaawac badan. Dad kasoo baxday dhismaha la weeraray ayaa sheegay inay arkeen ugu yaraan afar nin oo hubeysan oo hotelka galaya, balse laga yaabo inay ka badnaan karaan. Weerarka ayaa ku billowday laba qarax oo xooggan, waxaana kadib xigay weerar rasaas ah. Qaraxyada ayaa dhawaqooda laga maqlay illaa in ka fog shan KM goobta uu weerarka ka dhacay. Illaa iyo hadda lama yaqaan cidda weerarka fulisay, hase yeeshee waxaa loo malaynayaa inay tahay kooxda Al-Shabaab. Maanta waxa ay ku beegan tahay sanad-guuradii saddexaad ee kasoo wareegtay weerarkii ciidamada Kenya loogu gaystay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, oo looga dilay in ka badan 150 askari. Dadka ayaa sheegaya in sanad-guuradii weerarkaas iyo weerarka hadda ka socda Naiorbi aysan si si aan ku talo-gal ahayn isugu soo aadin, balse ay Al-Shabaab qorsheysay. Source
-
Weerarka Nairobi Qaraxyo xoogan ayaa ka dhacay maqaaxi ku dhex-taala Dusit Hotel magaalada Nairobi ee dalka Kenya. Inta la hubo labo qarax ayaa la maqlay, waxaana cirka isku shareeray qiic iyo uuro, intaas kadib rasaas xoogan oo muddo socotay ayaa laga maqlayay xaafada Westland oo uu ku yaallo Hotel-ka la wareeraray. Dablay hubaysan ayaa la xaqiijiyay in ay gudaha u galeen Hotel-ka, kuwaas oo ka dhex dagaalamaya Khasaaraha ka dhashay weerarkaas ilaa hadda si dhab ah looma xaqiijin karo, waxaana wali socda howgal. Sida la xaqiijiyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf iyo wafdi la socday ayaa ku sugnaa Hotel-ka la weeraray oo ay shir kula la haayeen hay’adda SSF. War ka soo baxay madaxtooyadda Galmudug ayaa lagu sheegay in Madaxweyne Xaaf ay weerarka kadib Hotel-ka ka saareen ciidamada amaanka Kenya, isaga oo nabad qaba. Al-shabaab ayaa war ay soo saartay ku sheegatay masuuliyadda weerarka Nairobi. Wixii ku soo kordha waxaad kala socon doontaan halkan. PUNTLAND POST The post Weerar ka dhacay Hotel ku yaalla Nairobi oo ku sugnaa Madaxweynaha Galmudug appeared first on Puntland Post.
-
Somali armed group al-Shabab claimed responsibility for an attack in an upscale neighbourhood in the Kenyan capital. Two explosions and gunfire were heard at an upscale hotel and office complex in Kenya’s capital on Wednesday afternoon, said a woman working in a neighbouring building. “We are under attack,” another person in an office inside a complex in the Dusit hotel told the Reuters news agency, then hung up. Local television showed smoke rising from the area. The Nairobi police commander Philip Ndolo said they had cordoned off the area around Riverside Drive due to a suspected robbery. Flames and plumes of black smoke billowed into the sky from the parking lot of the compound where several vehicles were on fire, with scores of people fleeing the compound, some of them lightly injured. Somalia-based armed group al-Shabab claimed responsibility for the attack that came a day after the trial began in deadly Westgate mall attack case that left 67 people dead. “We are currently conducting an operation in Nairobi,” the group’s military operations spokesman told Al Jazeera. Kenyan prosecutors say the four suspects committed a “terrorist act” under Kenya’s anti-terrorism laws and used false documents. The men deny all the charges. The country faced a spate of attacks after it sent its army into Somalia in October 2011 to fight the al-Qaeda-linked group. Tuesday attack comes exactly three years after the armed group overrun a Kenyan army base in Somalia killing dozens of soldiers. On April 2, 2015, another al-Shabab attack killed 148 people at the university in Garissa, eastern Kenya. The post Al Shabaab claims attack in Kenyan capital appeared first on Shabelle. View the full article
-
Nairobi (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxaysa weerarka ka socda hotel-ka Dusit ee ku yaalla magaalada Nairobi, halkaasi oo ay ku jiraan dagaal-yahanno ka tirsan kooxda Al-Shabaab. Saraakiisha booliska ayaa sheegay in ugu yaraan afar nin oo hubeysan ay galeen hotelka. Waxa ay sidoo kale xaqiijiyeen in dagaal-yahannada ay xiran yihiin jaakadaha xabadda aysan karin, taasi oo adkeyn doonta in si sahal ah looga adkaado. “Dad badan ayay gudaha ku haystaan, waxaana sugaynaa inaan helno taageero dheeri ah, si aan u galno hotelka” ayuu yiri sarkaal boolis oo warbaahinta la hadlay. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in la xaqiijiyey dhimashada ugu yaraan shan qof, islamarkaana uu jiro dhaawac badan. Al-Shabaab waxay sheegtay in weerarka lagu daah furay qarax xooggan kadibna waxaa xigay rag hubeysan oo galay gudaha Hotelka bartilmaameedka ah, oo lagu magacaabo Dusit. “Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta ayaa howlgal ka wada magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, wararka hordhaca ah ee aan helaynno waxay xaqiijinayaan in ciidamada mujaahidiintu gudaha hadafkii ay beegsanayeen u daateen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab.
-
(SLT-Nairobi)-Ciiddan ka tirsan kuwa GSU ee dalka Kenya ayaa loo daad-gureeyey Hotelka Dusit Hotel, halkaasi oo laga maqlay Qarax iyo Israasayn xooggan. Goobjoogayaal ayaa sheegay inay koox hubeysan ay weli ka dagaalamayaan gudaha Hotelka, waxaana la maqlayaa is-rasasaayn xooggan. Boliska waxay dadweynaha kula taliyey in aanau u soo dhawaanin Hotelka la weeraray. Qaar ka mid ah dadka ku go’doonsan Dhismayaasha ku dhow Hotelkaasi ayaa sheegay inay ka soo baxeen hulal ay ka duleeliyeen Xafiisyadooda. Ciiddan hubeysan oo dhar cad wata iyo Saraakiil labisan ayaana isku gedaamay Dhismayaasha ku hareeraysanHotelka la weeraray. Warbaahinta Kenya ayaa sheegayo in Hotelka la weeraray uu ku yaallo Degmadda Westland see Bartamaha Nairobi, waana Hotel ay ku dhex yaallaan Xafiisyo badan. Muuqaallo la xidhiidha Qaraxa iyo Israasaynta ka dhacday Hotelka Dusit ayaa lagu baahiyey Baraha Bulshadda, wuxuuna weerarkaasi ku soo aadayaa hal maalin kadib, markii Maxkamadda Nairobi la soo taagay dhowr qof oo lagu tuhunsan yahay Weerarkii ka dhacay Xarunta laga Dukaamaysto ee Westgate bishii September 21-dii ee sannadkii 2013-kii. Source
-
Nairobi (Caasimada Online) – War rasmi ah oo goordhow kasoo baxay kooxda Al-Shabaab ayay ku sheegatay weerar qaraxo ku billowday oo ka socda magaalada Nairobi caasimadda wadanka Kenya. Al Shabaab waxay sheegtay in weerarka lagu daah furay qarax xooggan kadibna waxaa xigay rag hubeysan oo galay gudaha Hotelka bartilmaameedka ah, oo lagu magacaabo Dusit. “Ciidamo ka tirsan Mujaahidiinta ayaa howlgal ka wada magaalada Nairobi ee caasimadda Kenya, wararka hordhaca ah ee aan helaynno waxay xaqiijinayaan in ciidamada mujaahidiintu gudaha hadafkii ay beegsanayeen u daateen” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Al-Shabaab. Dad kasoo baxday dhismaha la weeraray ayaa sheegay inay arkeen ugu yaraan afar nin oo hubeysan oo hotelka galaya, balse laga yaabo inay ka badnaan karaan. Weerarka ayaa ku billowday laba qarax oo xooggan, waxaana kadib xigay weerar rasaas ah. Qaraxyada ayaa dhawaqooda laga maqlay illaa in ka fog shan KM goobta uu weerarka ka dhacay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Weerarka qaraxyada ku billowday ee magaalada Nairobi ayaa weli socda, waxaana la rumeysan yahay inuu yahay weerar qorsheysan oo ay soo qaadeen kooxaha argagixisada. Weerarka ayaa lagu qaaday dhisme uu ku yaallo hotel-ka caanka ah ee Dusit iyo xafiisyo kale, oo ku yaalla deegaanka Riverside Drive ee xaafadda Westlands. Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in la xaqiijiyey ugu yaraan dhimashada saddex qof, islamarkaana uu jiro dhaawac badan. Dad kasoo baxday dhismaha la weeraray ayaa sheegay inay arkeen ugu yaraan afar nin oo hubeysan oo hotelka galaya, balse laga yaabo inay ka badnaan karaan. Weerarka ayaa ku billowday laba qarax oo xooggan, waxaana kadib xigay weerar rasaas ah. Qaraxyada ayaa dhawaqooda laga maqlay illaa in ka fog shan KM goobta uu weerarka ka dhacay. Illaa iyo hadda lama yaqaan cidda weerarka fulisay, hase yeeshee waxaa loo malaynayaa inay tahay kooxda Al-Shabaab. Maanta waxa ay ku beegan tahay sanad-guuradii saddexaad ee kasoo wareegtay weerarkii ciidamada Kenya loogu gaystay deegaanka Ceel-cadde ee gobolka Gedo, oo looga dilay in ka badan 150 askari. Dadka ayaa sheegaya in sanad-guuradii weerarkaas iyo weerarka hadda ka socda Naiorbi aysan si si aan ku talo-gal ahayn isugu soo aadin, balse ay Al-Shabaab qorsheysay. Caasimada Online Xafiiska Nairobi caasimada@live.com
-
Qarax loo adeegsaday gaari wax yaabaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lagu weeraray mid ka mid ah Hotelada waa weyn ee ku yaala magaalada Nayroobi [...] Source
-
Sawirro+Faah-faahin: Dagaal Is-rasaaseyn & Qaraxyo ka Socda Hotel ku yaal Badhtamaha Nairobi+Khasaaraha Qaraxyo aad u xooggan ayaa ka dhacay hotelka Dusit Hotel ee ku yaal magaalada Nairobi, waxaana lasoo warinayaa in qaraxa kadib la maqlay rasaas culus. Qaraxa ayaa ka dhacay goob maqaayad ah oo isla hotel-ka Dusit Hotel ah, waxaana cirka isku shareeray uuro iyo holoc ka baxaya halka qaraxu ka dhacay. Waxaa sidoo kale la maqlayaa rasaas culus oo dhaceysa. Wararka ayaa sheegaya in rasaasta laga maqlayo xaafadda Westland oo idil. “Qarax ayaa billowday, kadibna waxaa xigay rasaas xooggan. Rasaasta ayaa hadda socota 15 daqiiqo” waxaa sidaas yiri qof ku sugan dhismaha rasaasta laga maqlayo. Ciidamo fara badan ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, mana cadda ilaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Sawiro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaaya baaxada qaraxa uu la eg yahay iyo khasaaraha uu geystay, iyadoo xaalada tahay mid kacsan. Qaran News
-
Bangiga dhexe ee federaalka ah hadda uma sameysna qaab bangi dhexe, mana qabto inta badan shaqadii laga rabay bangi dhexe. Bangiga waxaa uu si rasmi ah bangi dowladeed ahaan u noqday xilligii dowladii madaxweyne Xasan Sheekh, ilaa hadda shaqadii markaas lagu bilaabay iyo laamihii waxba laguma darin. Haddaba, Dastuurka Qodobkiisa 123aad ayaa qeexaya shaqada bangiga dhexe ee federaalka (1) Sharci baarlammaanka Federaalku ansixiyay ayaa lagu dhisiyaa Bangiga dhexe ee Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. (2) Bangiga dhexe ee Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa masuul ka ah dejinta iyo hirgelinta siyaasadda maaliyadda iyo lacagta, bangiyada oo dhammina waxay u hoggaansamaaan xer-nidaamiyayaasha uu dhejiyo Bangiga Dhexe ee Federaalka. (3) Xilaalka ugu mudan hawlaha Bangiga Dhexe ee Federaalka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa weeye: (a) Soo saaridda lacagta (b) Hubinta negaanshaha ascaarta (c) Negaanshaha heerka sarrifka; iyo (d) Nidaam bangi oo maangal ah. (4) Siyaasadda maaliyaddu waa inay ku tiirsanaato dhaq-dhaqaaqa suuqa ee aan go’aanno maamul saldhig looga dhigin amah-bixinta. (5) Bangiga Dhexe ee Federaalka ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya wuxuu leeyahay awood madaxbannaan oo dhammaystiran oo uu ku guto siyaasadda lacagta. (6) Bangiga Dhexe ee Federaalka waa Bangiga Keydka Qaranka. Xukuumadda Goobjoog News Source: goobjoog.com
-
Nairobi (Caasimada Online) – Qaraxyo aad u xooggan ayaa ka dhacay hotelka Dusit Hotel ee ku yaal magaalada Nairobi, waxaana lasoo warinayaa in qaraxa kadib la maqlay rasaas culus. Qaraxa ayaa ka dhacay goob maqaayad ah oo isla hotel-ka Dusit Hotel ah, waxaana cirka isku shareeray uuro iyo holoc ka baxaya halka qaraxu ka dhacay. Waxaa sidoo kale la maqlayaa rasaas culus oo dhaceysa. Wararka ayaa sheegaya in rasaasta laga maqlayo xaafadda Westland oo idil. “Qarax ayaa billowday, kadibna waxaa xigay rasaas xooggan. Rasaasta ayaa hadda socota 15 daqiiqo” waxaa sidaas yiri qof ku sugan dhismaha rasaasta laga maqlayo. Ciidamo fara badan ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, mana cadda ilaa hadda khasaaraha ka dhashay weerarkaasi. Sawiro laga soo qaaday goobta ayaa muujinaaya baaxada qaraxa uu la eg yahay iyo khasaaraha uu geystay, iyadoo xaalada tahay mid kacsan.
-
Dhoobley (Caasimada Online)- Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya ayaa xalay gubay xarun ay laheyd Shirkadda Isgaarsiinta ee Hormuud. Ciidamadan oo watay Gaadiid gaashaaman ayaa waxa ay kasoo tallaabeen xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya, waxa ayna qaraxyo loo adeegsaday Miinooyin ku burburiyeen xaruntii Shirkadda Hormuud ee Tuulada Calibuley oo 30KM dhanka waqooyi uga beegan Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubada Hoose. Ciidanka ayaa jirdilay qof ka mid ah shaqaalaha shirkadda oo ku sugnaa xarunta & sidoo kale 2 qof oo dadka deegaanka ah. Waxaa weli hawada ka maqan Isgaarsiinta Deegaannada Calibuley, Diif, Dhuyacgaroon & Girey oo ka kala tirsan Gobollada Jubada-Hoose & Gedo, kuwaas oo Link-ga ka qaadan jiray Xarunta la Gubey ee Calibuley, xarumahaan ayaa Shacabka halkaas ku nool siin jiray adeegyo kala duwan oo isugu jiray Isgaarsiin iyo adeegga EVC oo muhiim u ah nolosha dadka halkaas ku nool. Ciidanka Kenya ayaa sidaan oo kale u burburiyey xarunta Calibuley Bishii August ee sanadkii lasoo dhaafay, iyadoo tani ay noqoneyso markii labaaad oo geystaan Falkaan Burburinta ah, waxay Ciidankani horay u burburiyeen Xarumo ay laheyd shirkadda Hormuud Telecom oo ay kamid ahaayeen Ceelbaande, Dhamase, Khadiijo Xaaji , Dhegalaab iyo Dhuuntow oo ku wada tirsan Gobollada Jubada-Hoose & Gedo, waxayna xaruntaan hadda la gubay noqoneysaa middii 7aad oo ay ciidamada Kenya si bareer ah u gubaan. Ilaa hadda si rasmi ah looma oga sababta keentay inay Ciidamada Kenya ugaarsadaan xarumaha Shirkadda Hormuud oo ay saami ku leeyihiin dad Soomaaliyeed oo aad u badan, waxaase dadka falanqeeya arrimaha geeska Africa ay sheegayaan in Kenya dooneyso in ay dhulka ku teedsan xudduudda labada waddan ka dhigto Lama degaan. Caasimada Online Xafiiska-Muqdisho Caasimda@live.com
