Deeq A.

Nomad
  • Content Count

    212,826
  • Joined

  • Last visited

  • Days Won

    13

Everything posted by Deeq A.

  1. Canaan waayeel oo ku wajahan aqoonyahanka is magacaabay ee dabarka goostay iyo Dawladan aamuska xeelad siyaasaseed u haysata. Waxaa yaabka yaabkiis umadda reer Somaliland ku noqotay in ay ka war helaan dood ka dhacday Jabuti oo ay soo qabanqaabiyeen, Machad loogu yeedho Heritage oo qadiyada Somaliland lagaga doodayo ama qof walba waxay la tahay uu soo bandhigayo. Hada waa go’aankii umadda Somaliland ay ku gaadheen in ay dawladnimadoodii Somaliya kala soo noqdaan. Aqoonyahankan fududaay, qarkood waxayba u hadlayeen oo ay kuwa Somaliya ka socday waydiisanayeen in hoos loola eego waxa ay Somaliland tabanayso, si loogu gudbo waji kale oo lagu gaadhi karo isku soo noqosho kale. Wuxuu machadkani isugu yeedhay ilaa boqol iyo dheeraad qof oo ka socda Somaliya , dhawr reer Somaliland ah iyo Intii ugu necbayd jiritaanka Somaliland. Aqoonyahankii Somaliland shirka noocaas ah ayay dhex fadhiisteen oo la isla soo hor fadhiistay “adiga maxay kula tahay iyo adigana maxay kula tahay”. Sunxaanaka Yaa Cadiim, shidanaaba shidan. Hadaba, aqoonyahan, aan far waawayn kuugu qoro eh, arinkan idinka dood iyo fikir dhiibasho idiinla muuqdaa, waa go’aan umadeed oo sharci ah, kuna yimid wada tashiyo qoto dheer oo si mug leh looga baaraan degay. Mararka qaar waxaan meelahaa ku arkaa aqoonyahan Somaliland u doodaya, oo marka ay difacayaan dawlad la soo noqoshada Soamliland, ku saleeya doodoo arimo ay ka mid yiihiin: Haddanu reer Somaliland nahay waa nala laayey, Dawladii ayaan wax misaan leh nagala siin, IWM. Iyadoo qodobadaasi ka mid yihiin wixii dhariga karka ka keenay, hadana ma aha tiirarka ugu waawayn ee ay Somaliland dib uga soo noqotay hehiiskii 1960-kii. Walaaluhu had iyo goor waa isdagaalaan, waana ka heshiiyaan oo inta gar laguugu yimaado ayaa lagaa xaal mariyaa, khasaaraha ku gaadhayna waaba laguu mag dhabaa, Dawladdii lagaa qadiyeyna waaba laguu wada dhiibi karaa hadii ay intaa tahay waxa aad uga noqonayso heshiiskii lagu midoowbay. Somaliland sababaha dhabta ah ee ay Somaliya uga tagtay ma aha intaa oo qudha, ee waxaa jira mabda ka qara wayn kuwaa, ay aqoonyahanadu carabka ku adhkeeeyaan inta badan. Umadda reer Somlailand waxay daba socotay ilaa iyo markii ay dawladnimadeedii shuruud la’aan ku gaysay Xamar, oo ay hamuun ba’an u qabtay in ay mar uun hesho Somali isku dhan oo mid ah (Somaliwyn). Waxayse Somaliland arintaa dhulka iska dhigtay markii ay si waafi ah oo aan mugdi ku jirin ugu muuqatay, una taabatay in cid Somalinimo, sideeda ugu hamuun qabtaa aanay jirin. Somaliland, ka dib markii ay si miisaan leh uga arinsatay su’aalihii hor yaalayayey waxay si wada jir ah ugu tashatay in ay gooni u istaagto oo iyadu isku tashato. Bal hadda u fiirso waa markii ay wayday cid Somalinimo dank a leh. Ilaa iyo maanta dadkii aan wax wada lahyan, kama muuqato wax Somalinimo la yidhaahdo. Dadka aad u tagteen, ee Somalinimo kala hadlayseen, ma aha kuwo u jeeda ama u socday dareen wadanimo iyo somalinimo, ee waa dad aan cidna matalin, oo hadba dhaameelka ay NGO-du meelahaa ku qaybiyaan doonta. Waxaa umadda reer Somaliland ku adag in aqoonyahankooda uga shakiyaan, in ay iyaguba dhaameelkaa iyo dilaalida qadiyadda umaddooda ay wax ka dayayeen. Haddii ay aqoontiinu idinku filan tahay ama daacadnimadiinu shaki lahayn, waxaa idiin soo bixi lahayd in Ictraafka Somaliland aanu ku xidhnayn Xamar ee go’aankeeda ay leeyihiin quwadaha aduunyada xooga ku maamula, oo dawladihii Somaliland soo maray, aanay wali fool ka fool qadiyadeena u hor dhigin, kuna guulaysan in ay iyaga ku qanciyaan in ay aqoonsadaan dawladda Somlailand. Waxaa hubaal ah oo muuqata in quwadahaasi ilaa iyo maanta ay Dawladda Xamarna ugu talo galeen in aanay dhulkaba ka kicin, Dawladda Somalilandna ay cagaha iskaga duubaan si aanay meel fog u gaadhin. Aqoonyahan, iyadoo umaddu aanay kuuba diidanayn in aad kaalintaa aqoonyahan ee aad isu magacowday, Somaliland u buuxiso, waxaad maanka ku haysaa in aynaan ahany jabhad ee aynu gaadhay dawladnimo buuxda oo sharci ah. Arimahan aad sahalsanaysaan ee aad “aniga waxay ilatahay” shaashada la soo fadhiisanaysaan, waa arimo umad dhami leedahay oo dastuuri ah, oo miisaankooda leh, oo ka soo maaxay garaadka umad dhan oo reer Somaliland. Umaddu arimahan miisanka noocaas oo kale leh, waxay u igmatay dawlad ay kala xisaabtamayso. Waxaan idinka waanineynaa, in aad ka waantoowdaan mustaqbalka in aad ka qayb gashaan shirarka N.G.O-yadu wataan ee lagu shirqoolayo, laguna wiiqayo rabitaanka dadkiina. In aad Somaliland aqoon yahan u tihiin cidina ma dafirsanma, laakiin qadiyada Somaliland ee umaddu wada leedahay kaligiin tunka kuma qaadan kartaan. Aqoonta (xirfad) iyo garaadku waa laba kala duwan isuna baahan, haddii wax idinka dhiman yihiin, garaadku umaduu ku jiraaye, ha is cajabinina kaligiine, umadda u soo noqda oo wax waydiiya. Dawladda maanta joogta ee Somaliland waxay umadda ugu muuqataa in xirfadeedu aanay dhaafsiisnayn heer maamul oo ay qaybtii hogaamintu meesha kaba baxday. Dawalddu in ay ku mashquusho hawlmaalmeedka shaqo ee maalinlaha ah, ma aha wixii ay umaddu uga fadhiday. Arimo faro badan oo dhacay intii ay dawladdani jirtay waxay kaga falcelisay oo runtii fajac ku noqotay umadda, inn ay ka aamusto. Umaddu waxay tabaysaa hogaan ka saari kara dhibaatooyinka nooc walba ah ee ku geedaaman. “Anigaa tan la ii doortay mana hadlayo”, waa xeelad aan hore loogu arag melena, oo xaqiiqatan ina dhaxalsiin karta dhibaatooyin sida looga dawoobaa ay adkaan doonto. Qoraalkani isma dul istaagayo dhaliilaha ay dawladan maanta joogtaa leeday, oo taa waxaynu ka leenahanay xisbiyo qaran, iskastoo aad moodo in ay libdheen oo la baafinayo, hadana waxaa waxgaradka umadda u muuqata in aynu madaxa la galnay xaalad asqo oo aanay muuqan haybad dawladeed iyo mid hogaamin oo aan meeshaba oolin. Waana ta keentay maanta in aqoonyahanku iska baal maro dadkii taladada dalka loo dhiibtay oo iyaguna xeeladoodii cajibka ahayhd ee ammus kaga falceliyiy. Madaxtooyada maanta talada dalka gacanta ku haysaa, umaddu ka yeeli mayso is yeel yeel danbe. Haddii ay aqoonyahanada aanay wax ka odhan falkan ay ku kaceen, sow N.G.O-yadu ku sii dhiiran mayaan qorshaha loo soo dhiibay ee ah in maalinba ururuda bulshadu ka kooban tahay ee Somaliland, qaar meel loogu yeedho oo layidhaado, idinkuna waa maxay fikirkiinu. Haddii tan laga aamuso, waxaa xigi in marba koox laga biliiqaysto Somaliland sida: ardayda jaamacadaha, ururada haweenka, ganacsatada, culimaa u diinka IWM. Haddii xukuumadani xakamayn waydo dhaqdhaqaaytda noocan oo kale ah, waxay ummadu u qaadan doontaa in ay iyadu hoosta ka wado mashruucanyadan lagu kala furfurayo Somaliland. Dawladda maanta joogta, waxay Umaddu faraysaa in ay dhamaanba joojiso wadahalada Somaliland iyo Somaliya ee ma dhalayska ah, heer Dawladded iyo heer nooc kastaba. Waa in ay dawladdu siyaasad cad oo aan mugdi lahayn ka soo saartaa, sidii qarankan gooni u isutaagiisa looga *****n lahaa. Umadda ma qabato, in Madaxtooyadu hadba ka jawaabto hadalada ka soo yeedha Xamar, ma noqon karaan wax u cuntami kara oo ay ku ganci karaan . Waa in ay dawladu curisaa siyaaasado cad cad oo lagu gaadhi karo himilooyinka reer Somaliland hiigsanayaan oo ay ugu wayn tahay ka mid noqoshada dawladaha caalamka oo laga dhabeeyo. Shacabka reer Somaliland waa dad xariir ah oo dulqaadka iyo samirka badan. Waxaaba mararka qaarkood inoo soo baxda in dad garaadku ku yar yahay ay u qaataan dulqaadkooda duqonimo. Alahayoow nin daalin ah Alahayoow nin daacad ah deeqdaada ha u simin. Aamiin. Abdirizak Ahmed Jama rizakj@yahoo.com Qaran News
  2. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddiga jootataa ah ee Golaha Aqalka Sare ayaa lagu wadaa in maanta kulan ay ku yeeshaan gudaha magaalada Muqdisho. Kulankan ayaa la sheegay in warbixin looga dhageysan doono guddoomiyaha Golahaasi Cabdi Xaashi C/laahi. Warbixinta ayaa la xariirta Safaradii uu dhawaan guddoomiyuhu ku soo kala bixiyay magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose iyo sidoo kale dalka Turkiga. Mudduuyinkii dambe Golaha Aqalka Sare ayaa waday dadaallo xoogan oo lagu dhameynayo tabashada ay qabaan dowlad goboleedyada xubnaha ka ah dowladda Soomaaliya. The post Guddiga joogtada Aqalka Sare Oo kulan ku leh Muqdisho appeared first on Shabelle. View the full article
  3. Doorashada madaxtinnimada ee January ka hor, Isimadda Puntland ayaa qoraal ka soo saaray sidii doorashada ugu dhici laheyd qaab xasiloon kadib wadatashi ay la sameeyey bulshada. Qodobbada ay soo saareen ayaa ahaa: In la wada qaato mas’uuliyad wadareed, cid kastana ay xil iska saarto sidii loo helilahaa doorasha ku dhacda nabad iyo xasilooni. In guddiga doorashada lagu aamino in ay soo ansixiyaan, soona saaraan Xildhibanadai beeluhu soo xusheen isimaddana soo saxiixeen. In musharaxiintu ay yihiin mas’uuliyiin muwaadiniin ah, xilna ka saran yahay lashaqeenta iyo kalsoonida gudigga ansixinta iyo laamaha amniga. In taliyayaasha amniga ay xilkasaaran yahay aminiga guud ahaantiisa, mas’uulna ka yihiin, musharaxiinta ay usiman yihiin dhibna ayna kala kulmin xoriyadooda dhaqdhaqaaq siwadajira ahna loo wada shaqeeyo Goobjoog News Source: goobjoog.com
  4. Ciidamada Burundi ayaa iska diiday dalab uga yimid midowga Afrika oo ahaa inay 1,000 askari oo ciidamadooda ka tirsan ay ka saaraan Soomaaliya February 28 ee sanadka soo socda. Afhayeen u hadlay Burundi Colonel Floribert Biyereke ayaa sheegay in ciidamada Burundi ay xukuumadooda ka dalban-doonaan inay dood ka keento in ciidamada baxaya ay noqdaan dhammaan dalalka AMISOM oo aan lagu koobin uun dalka Burundi. Burundi waa dalka 2aad ee ciidamada ugu badan ka joogaan Soomaaliya, AMISOM guud ahaan waa 21,500, tiro 5,400 oo ka mid ah waa Burundi halka 6,200 ay ka yimaadeen Uganda, waxaa kale oo ciidamo ka joogaan Djibouti, Kenya iyo Ethiopia. AMISOM ayaa waddo qorshe ay ku dhimeyso ciidamdeeda ka jooga Soomaaliya, si ay booskooda u galaan ciidamada xoogga dalka. AMISOM waxaa ay Soomaaliya timid 2007-dii. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  5. Muqdisho ( Sh. M. Network )-Guddoomiye ku xigeenka G/ Banaadir ee dhinaca Maaliyadda, ahna ku simaha guddoomiyaha gobolka Xuseen Maxamed Nuur ayaa shaqo joojin ku sameeyay guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Axmed Maxamed Xasan (Geedow). Wareegto ka soo baxday xafiiska guddoomiye ku xigeenka oo ku taariikheysneyd 23-kii bishan ayaa si rasmi ah shaqadii looga jojiyay guddoomiyaha degmadaasi. Guddoomiye Geedow oo haatan safar dibadda ah ku maqan ayaa lagu eedeeyay arrimo la xariira musuq-maasuq iyo wax is daba marin intaba. Sidoo kale Wareegtadan ayaa lagu xusay in shaqada guddoomiyaha degmada Yaaqshiid uu sii wadi doono guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada ee degmadaasi. Waa markii labaad ee uu Guddoomiye ku xigeenka Maaliyadda gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur uu shaqo joojin ku sameeyo guddoomiye degmo, isagoo ah ku simaha guddoomiyaha gobolka , ahna Duqa Muqdisho Eng C/raxmaan Yariisow. The post Maamulka G/Banaadir Oo shaqada ka joojiyay guddoomiyaha Yaaqshiid appeared first on Shabelle. View the full article
  6. Muqdisho ( sh.M.Network):-Halkaan ka Dhageyso Warka Subax ee Idaacadda Shabelle. Hoos riix si aad u Dhageysato:- http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Warka-Subax-251218.mp3 The post Dhageyso:-Warka Subax Ee Idaacadda Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  7. Garoowe (Caasimada Online) – Waxaa aad loo hadal hayey sanadkan in Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke isu soo taagi doono doorashada Madaxweyne ee Puntland. Cumar oo ah Senator ka mid ah Aqalka Sare, ayaa ku jira siyaasiyiinta sida weyn u dhaliilsan dowladda ay gadh-wadeynka ka yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo Xassan Cali Kheyre. Waxaa aad loo saadaalinayey in sanadkan uu Garowe loolanka ka socda ka qeybgali doono maadama uu ku fashilmay doorashadii 2017 ee lagu doortay Madaxweyne Farmaajo. Halkaas ayaa la qabay in uu saldhigan doono si uu awooddiisa siyaasadeed ee uu ku saameyn karo Villa Somalia ugu yeesho. Cumar Cabdirashiid waxaa la wada ogyahay in u gacan saar weyn la leeyahay Imaaraadka oo lagu tilmaamo in uu yahay DILAALKOODA Soomaaliya iyo Geeska Africa. Maxaa ka reebay doorashada? Sida ay Caasimada Online xog hoose ku heleyso, Cumar Cabdirashiid iyo Imaaraadka shir ay dhawaan ku yeesheen magaalada Dubai ayaa lagu kala dooran siiyey laba midkood; 1 – Halagugu taageero doorashada Puntland, 2 – Ama doorashada 2021-ka Soomaaliya. Ilo wareedyada la hadlay Caasimada Online waxa ay xaqiijiyeen in Cumar Cabdirashiid doortay doorashada Madaxweyne ee Soomaaliya la filayo in ay ka dhacdo 2021-ka, oo booska Puntland loo daayey Cabdiweli Gaas iyo Siciid Deni kii guuleystay. Siyaasiyiinta ugu cad cad ee qorshaha kowaad iyo Labaad u ah Imaaraadka ee Puntland waa Cabdiweli Gaas iyo Siciid Deni. Ma hubna in taageerada Imnaaraadka wax u tari doono Cumar Cabdirashiid, waxaana jirtay in malaayiin dollar oo ay ku bixiyeen sanaddii 2017 ay waxba tari weysay. Caasimada Online Xafiiska Garoowe caasimada@live.com
  8. Caqiidada Siyaasadeed ee Kulmiye waxay Magaalo Xeebeedii Berbera ka dhigtay Goobtii tijaabada mashaariicda mashqaca ah. qalinkii A/rahman fidhinle UK. Ummad kasta wuxuu baaba’eedu bilaabmaa marka Cadaaladu hagaasto ee Xeerarka dastuurku shaqeyn waayaan ee cilmiga iyo caqliga laga maqaar siibto waana arinta maanta Somalilaan ka taagan. Sida hantidii maguurtada aheyd ee ummadda Somalilaan u dhaxaysay ay gacanta ugu gashay shaqsiyaad gaar ah oo sife gaar ah uga faa’ideystay ayaa guryihii waaweynaa ee dawladuna ay gacanta ugu galeen intii loo dirtay ee loo doortay ee loo dhaariyey ilaalinta hantidii qaranka ka dhaxaysay. Waxaanu la yaabnay Kirooyinka lagu soo rogay guryihii dawlada ee dunsanaa ee magaalada Berbera! Waxaanu iyana la yaabnay sababta Gobolka Saaxil degmadiisa Berbera kolba loogu tijaabiyo Mashaariicda mashqaca ah ee aan odoroska iyo alooska hufan laheyn. Waxaana ka mid ah Mashaaciidaa Berbera lagu tijaabinaayo kuwan hoose : 1- Mashruuca Guutada Ciidanka ka hortaga Kacdoonadda iyo Mudaharaadada ,Boowe! hada ciidamadaasi gobolada dalka oo dhan kama jiraan Berbera mooyaane. Ciidamo lama diidana ee waxay Ciidamo ay Ciidamo qaran noqdaan marka ay dalka oo dhan ka jiraan ee ay dastuurka qaranka waafaqsan yihiin ee maaha in gobol gaar ah ciidamo gaar ah la dul-dhigo oo lagu cabudhiyo. Dastuurka qaranku wuxuu cadeynayaa in ay dalka jiraan Sadex ciidan oo kala ah : Boliiska, Asluubta iyo Melateriga. 2- Mashruuca Gudida Xalinta Khilaafaadka dhulka oo aan isaguna ka jirin kana howlgelin Gobolada dalka intiisa kale oo dhan, oo xataa lagu tijaabiyey laakiin ay ka suurtoobi wayday in ay Gudidaasi ka howlgalaan Caasimada Hargeisa, mashruucan ayaa lagu tijaabiyey Magaalada Berbera waana uu ka dhaqan galay, waxaana la wada ogaa wixii ka dhacay Agoontii Marxuun Madaxweyne Cigaal ka tegay markii dhulkoodii lagu qabsaday. Hadaba Xeerarka dhulka ee gudidaasi ku shaqeysaa waxay iyana ay Xeerar iyo xeegaano qaran oo sharci ah noqonayaan marka ay Gobolada dalka oo dhan ka dhaqan galaan. 3- Mashruuca ururinta kirooyinka ee Wasaarada Howlaha Guud ay dhawaan ka bilaabeen Magaalada Berbera. ayaa isna ah mashruuc “geed sare waab ah” maadaama lagu bilaabay mashruucaas mujaahidiintii dan yarta ahaa ee deganaa guryaha dunsan ee magaalada Berbera. Halka ay ahayd in odoroska iyo ururinta Kirada guryaha dawlada ay ka soo bilaabaan Guryaha Waaweyn ee shacabka Caasimada Hargeysa taxan ee ay maquunada isu siiyeen intii dalka loo dhaariyey ee talada qaranka bud-dhigi laheyd. Somaalida ayaa ku maah-maahdaa ” Miskiin ayaa Misko la fuulo leh“, Marna laga yeeli maayo Xukuumada in ay meesha ka saarto xuquuqda aas-aasiga ah ee mujaahidiinta dan yarta ah ee aan awoodin in ay bixiyaan kirooyinka badan ee la dul dhigay. Mujaahidiintaa bilaa camalka ah ee kirada aanay qaadi kareyn la dul dhigay, guryahan ay ku jiraan markii horeba looma siin Hadyad, balse waxay u soo mareen halgan dheer, surimo colaadeed iyo saymo dhaxameed, waxay u soo qubeen dhiig badan, waxaana ay u soo hureen naf iyo maal. Waana Halyeeyadii aan habeenka ledin ee keenay hiilka alleh,guusha iyo garaadaha cas cas ee maanta la isugu faanaayo. Sidaa Daraadeed waxaa xukuumada looga fadhiyaa in ay tixgeliso duruufaha qalafsan ee ku gedaaman mujaahidiintaa iyo dhamaan dadka dan yarta ah ee degan guryaha dawlada ee kirada lagu soo rogay. Waxaan ku soo garoocayaa qormadan : Gobanimo dadka mudan, Galadana Allaa iska leh, Shacabow tiraa ka gedmane wax isu geygeyso !! Alleh ayaa Mahad iyo mudnaanba leh, Wehelkiin Waa-Alleh iyo Nebi(scs) Wa-laahum-Aclum- Waa Billaahi-Taw-fiiq, Qalinkii :A/rahman fidhinle Qoraa Madax banaan Intensive ED BD BA United Kingdom Qaran News
  9. Musharax isu-sharaxaya Madaxweynenimo oo Qaylodhaan & Xiisada ka dhex abuuri doona Puntland Waxaa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in Prof. Cali Ciise Cabdi ka qeybgali doono doorashada Madaxweyne ee Puntland sanadkan. Sida ay wararku sheegayaan uma tartamayo xilka Madaxweyne ku-xigeen, balse madaxweynaha ayuu u ordi doonaa. Waa kuma Cali Ciise Cabdi? Cali Ciise Cabdi waa aqoonyahan aad ugu takhasusay dhaqaalaha oo jagooyin sar sare ka soo qabtay Bangiga Aduunka iyo hay’adda caalamiga ah ee lacagta (IMF). Sidoo kale waxa uu ku dhawaad 30 sano dalal badan oo African ah la taliye ugu ahaa dhinaca kobcinta dhaqaalaha. Hadda, waa guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha ee Soomaaliya. Maxaa ku gaar ah? Haddii ay dhacdo in Cali Ciise isu sharraxo xilka Madaxweynaha Puntland waxaa la filan doonaa – 1 – Qeylo-dhaan beesha Maxamuud Saleebaan Caadiyan, wali ma dhicin in shaqsi sidaas miisaan u leh oo ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn (Sool clan) isu soo sharraxo xika Madaxweyne ee Puntland. Taas, waxa ay wal wal badan ku abuuri doontaa beesha Maxamuud Saleebaan oo 20-kii sano ee ay Puntlad jirtay jagadaas xidhatay, waxaa dhici karta xataa haddii uusan Cali Ciise guuleysan in Majeerteenka kale helaan. Sababta ayaa ah in Cali Ciise xildhibaanada Sool clan intooda badan heli doono, xoog ay hore Maxamuud Saleebaan ku tashan jireen. 2- Reer Puntland oo aan Soo dhaweyn doonin musharaxnimadiisa Cali Ciise Cabdi waxa uu ka mid ahaa aas aaseyaashii maamulka Khatumo State ee 2012 lagu dhisay magaalada Taleex. Waxa uu ahaa siyaasi aad uga soo horjeeda in beesha Sool clan wax la wadaagto Majeerteen, taas waxa ay abuuri doontaa kacdoon uga yimaada reer Puntand oo ay ku qoonsan doonaan. Iyada oo uusan wali xaqiijin musharaxnimadiisa, baraha bulshada waxaa si weyn la’isula dhexmarayaa eedo hordhac ah oo loo jeedinayo iyo digniin ku saabsan musharaxnimada Cali Ciise Cabdi. 3 -Sicir barar ku dhici doona Xildhibaanada Puntland Hore waa loo ogaa, in sanadkan xildhibaanada Puntland ay ka dhargi doonaan dhaqaale tiro badan, hase ahaatee, is sharrixida shaqsi Cali Ciise Cabdi oo kale ah, oo la fahansan yahay in uu gacansaar la leeyahay dowladda Dhexe waxa ay cirka ku toil doontaa qiimaha lagu kala Qaran News
  10. Wargeys shaaciyey dagaal Israel ay qorsheyneyso in ay ku qaado dal Carbeed Wargeyska Nezavisimaya Gazeta ee Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in Israel ay qorsheeneyso dagaal buuxa oo ay ku qaaddo Syria, kadib marka ay ciidamada Mareykanka ka baxaan dalkaas. Wargeyska ayaa sheegay in go’aanka uu madaxweyne Trump ciidamadiisa uga saarayo Syria uu ku qasbay Israel inay wajahdo joogitaanka Iran ee dalkaas. Wargeyska ayaa kasoo xigtay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Israel, Avigdor Lieberman isaga oo leh “Bixitaanka ciidamada Mareykanka waxay sare u qaadday suurta-galnimada ah dagaal baaxad weyn oo ka dhaca waqooyiga, haddii ay noqon lahayd Lebanon ama Syria.” Lieberman ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada Mareykanka ay sare u qaadi doonto niyadda madaxweyne Bashar Al-Assad iyo xulufadiisa Iran iyo kooxda Xizbullah. Wargeyska Nezavisimaya Gazeta ayaa kasoo xigtay khabiir miltari oo Russian ah, Yuri Liamin inuu yiri “Hadalka Lieberman, Iran kama soo qaadi karto mid la iska yiri” Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 19-kii bishan si lama filaan ah ugu dhowaaqay go’aan ciidamada Mareykanka ay uga baxayaan dalka Syria. Aqalka Cad ayaa difaacay go’aanka madaxweynaha, hase yeeshee ma sheegin sababta keentay in lagu dhowaaqo go’aankan iyo in guul laga gaaray kooxda Daacish. Qaran News
  11. Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa wareegto uu soo saaray waxa uu ku magacaabay garsooreyaal ka tirsan maxkmadda sare ee dalka, kadib soojeedin ka timid guddoomiyaha maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed. Garyaqaannada uu Madaxweynuhu u magacaabay xilalka Garsoorenimo ee Maxkamadda Sare ayaa ah: Garyaqaan Xasan Cabdinuur Cabdiraxmaan, Garyaqaan Abuukar Axmed Cali (Qasaali), Garyaqaan Cabdulqaadir Idiris Ciise iyo Garyaqaan Suleymaan Maxamed Maxamuud. Madaxweyne Farmaajo ayaa ku adkeeyey garsooreyaasha uu magacaabay in ay dhawraan sarreeynta sharciga dalka iyo in ay si siman ugu adeegaan shacabka. Tallaabadan uu qaaday Madaxweynaha ayaa qeyb ka ah dardar gelinta Golaha Adeegga Garsoorka iyo wax ka qabashada cabshooyinka dhanka cadaaladda ee ka yimid Muwaadiniinta Soomaaliyeed. Goobjoog News Source: goobjoog.com
  12. Waxaa jira warar isa soo taraya oo sheegaya in Prof. Cali Ciise Cabdi ka qeybgali doono doorashada Madaxweyne ee Puntand sanadkan. Sida ay wararku sheegayaan uma tartamayo xilka Madaxweyne ku-xigeen, balse madaxweynaha ayuu u ordi doonaa. Waa kuma Cali Ciise Cabdi? Cali Ciise Cabdi waa aqoonyahan aad ugu taqasusay dhaqaalaha oo jagooyin sar sare ka soo qabtay Bangiga Aduunka iyo hay’adda caalamiga ah ee lacagta (IMF). Sidoo kale waxa uu ku dhawaad 30 sano dalal badan oo African ah la taliye ugu ahaa dhinaca kobcinta dhaqaalaha. Hadda, waa guddoomiyaha guddiga dhaqaalaha ee Soomaaliya. Maxaa ku gaar ah? Haddii ay dhacdo in Cali Ciise isu sharraxo xilka Madaxweynaha Puntland waxaa la filan doonaa – 1 – Qeylo-dhaan beesha Maxamuud Saleebaan Caadiyan, wali ma dhicin in shaqsi sidaas miisaan u leh oo ka soo jeeda gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn (Sool clan) isu soo sharraxo xika Madaxweyne ee Puntland. Taas, waxa ay wal wal badan ku abuuri doontaa beesha Maxamuud Saleebaan oo 20-kii sano ee ay Puntlad jirtay jagadaas xirtay, waxaa dhici karta xataa haddii uusan Cali Ciise guuleysan in Majeerteenka kale helaan. Sababta ayaa ah in Cali Ciise xildhibaanada Sool clan intooda badan heli doono, xoog ay hore Maxamuud Saleebaan ku tashan jireen. 2- Reer Puntland oo aan Soo dhaweyn doonin musharaxnimadiisa Cali Ciise Cabdi waxa uu ka mid ahaa aas aaseyaashii maamulka Khatumo State ee 2012 lagu dhisay magaalada Taleex. Waxa uu ahaa siyaasi aad uga soo horjeeda in beesha Sool clan wax la wadaagto Majeerteen, taas waxa ay abuuri doontaa kacdoon uga yimaada reer Puntand oo ay ku qoonsan doonaan. Iyada oo uusan wali xaqiijin musharaxnimadiisa, baraha bulshada waxaa si weyn la’isula dhexmarayaa eedo horudhac ah oo loo jeedinayo iyo ka digitaan ku saabsna musharaxnimada Cali Ciise Cabdi. 3 -Sicir barar ku dhici doona Xildhibaanada Puntland Hore waa loo ogaa, in sanadkan xildhibaanada Puntland ay ka dhargi doonaan dhaqaale tiro badan, hase ahaatee, is sharrixida shaqsi Cali Ciise Cabdi oo kale ah, oo la fahansan yahay in uu gacansaar la leeyahay dowladda Dhexe waxa ay cirka ku toil doontaa qiimaha lagu kala iibsan doono xildhibaanada u codeyn doona Madaxweynaha Puntland. W/Q: Mahad Cabdullaahi Jaamac Garoowe, Puntland, Soomaaliya Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid
  13. Maamulka gobolka Banaadir ayaa shaqadii ka joojiyay gudoomiyaha degmada Yaaqshid Axmed Xasan Geedoow. Warqad ka soo baxday Guddoomiye ku xigeenka gobolka Banaadir ee dhinaca Maaliyada ahna kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur ayaa shaqo joojintaasi loogu sameeyay gudoomiyaha . Gudoomiyaha degmada Yaaqshiid Geedoow ayaa safar dhanka dibaa ah ugu maqan dalka dibadiisa. Shaqo joojintaaan lagu sameeyay gudoomiyaha Yaaqshid ayaa la xariirta arimo la xariirta musuq maasuq. Wali Gudoomiyaha kama hadlin eedeeyntaasi loo jeediyay iyo shaqo joojinta lagu sameeyay. Dowlada Soomaaliya ayaa wado olole balaaran oo looga hortagayo musuq maasuqa. Xasan Maxamed Samatar Cowke Puntland Post Muqdisho The post Mid kamid ah gudoomiyaasha Gobolka Banaadir oo shaqadii laga joojiyay appeared first on Puntland Post.
  14. Nairobi (Caasimada Online) – Dukumenti la daabacay bartamihii sannadihii 1970-aadkii ayaa waxa uu muujinayaa inay Milliteriga XDS ka mid ahaayeen Ciiddanka ugu awoodda badan dalalka Geesska Afrika, halka ay Milliteriga Kenya kaalinta ugu hooseysay kaga jirta Cududa Milliteri ee Gobalka. Warbixin dheer oo lagu soo daabacay Wargeyska maalinlaha ee Nation ee ka soo baxa magaalladda Nairobi ayaa lagu muujiyey inay Milliteriga Somalia uu lahaa Jeysh xooggan oo tiradooda dhamayd 20,000 oo Askari oo 3,000 ka mid ahaayeen Ciiddanka Badda, halka 2,700 kalena ahaayeen Ciiddanka Cirka. Waxaa kaloo ciiddankaasi ka mid ah Ciiddanka qaada dagaalka Jabhadaynta, kuwaasi oo aan tiradooda si rasmi ah loo ogeyn. Ciiddanka XDS waxay kaloo lahaayeen Qalabka Dagaalka, oo ay ku jireen 200 ee Taangiyadda T 24 iyo T 54, 310 Gawaarida Gaashaaman, 100 Gantaalladda Lidka Diyaaradaha, 62- Diyaaradaha Dagaalka ee noocoodu ahaa Miig oo lagu soo farsameeyey dalkii Midowga Soofiyeeti (USSR). Waxay kaloo lahaayeen 14 doonyaha dagaalka ee wax burburiya. Warbixinta la diyaariyey sannadihii 1970-aadkii, waxaa lagu xusay inay Ciiddanka Kenya kaalinta ugu hooseysa ku jiraan oo ay lahaayeen 6,500 Askari oo keliya, 700 Ciiddanka Cirka iyo 730 Ciiddanka Badda iyo 1,800 ee Ciiddanka sida Milliteriga u tababaran ee GSU. Gaadiidkooda Milliteri waa koobnaa, waxayna Warbixintu sheegtay inay lahaayeen 10 Gawaarida Gaashaaman, 14 Diyaaradaha Dagaalka ee Hunter FGA 9, 16 Hoobiyayaasha cabirkoodu kala ahaa 81 milimitir iyo 120 milimitir, 4 doonyaha wax lagu ilaaleeyo oo uu saarnaa qoriga BOFORS oo dhumucdiisu ahaye 4.4 milimitir. Dhinaca kale, Wareysi lala yeeshay Wasiir ka tirsanaa Dowladii Kenya ee uu Madaxweynuhu ka ahaa Jomo Kenyatta, oo lagu magacaabo Geoffrey Kareithi waxa uu ku sheegay inay Awoodda Ciiddankii XDS ahayd cabsida ugu weynaa ee Kenya, taasi oo sababtay in la qaado tallaabooyin ay isku hubeynayaan. Geoffrey Kareithi oo la hadlay Wargeyska Nation waxa uu tilmaamay inay Ciiddanka XDS sannadkii 1978-kii dagaal la galeen Ethiopia, taasina ay keentay inay Diyaaradaha Dagaalka Somalia soo dul-maraan Hawada Kenya si ay u duqeeyaan Ethiopia. Waxa kale oo uu intaasi ku daray inay Taangiyadda dheereeya ee Somalia ka gudbi jireen magaalladda Mandera, si ay uga duqeeyaan dalka Kenya. “Ciiddanka XDS waxay xilligaasi nagu khasbeen inaan wax ka bedelno Istraaatijiyadda Difaaceena” ayuu yiri Geoffrey Kareithi.
  15. Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa markale Shaqo joojin ku sameeyay guddoomiye Degmo xili uu dalka ka maqan yahay guddoomiyaha gobolka Banaadir Eng Yariisow. Axmed Maxamed Xasan ayaa laga joojiyay shaqada guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, waxaana ka joojiyay guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaiiyadda gobolka Banaadir. Sababta ugu weyn ee guddoomiyaha degmada Yaaqshiid Shaqada looga joojiyay ayaa lagu sheegay inay tahay musuq maasuq iyo isdaba marin dhaqaale oo lagu arkay, sida xogaha aan ku heleyno. Waa markii labaad ee uu Guddoomiye kuxigeenka Maaliyadda Gobolka Banaadir Xuseen Maxamed Nuur uu shaqo joojin ku sameeyo guddoomiye degmo isagoo ah kusimaha guddoomiyaha gobolka Banaadir. Guddoomiye ku xigeenka dhanka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir ayaa horey sidan oo kale shaqo joojin ugu sameeyay Cumar Shariif Jeeg oo ahaa guddoomiyihii degmada Xamarweyne. Marka laga yimaado eedeymaha Musuq maasuq ee xubnaha gobolka Banaadir lagu eedeeyo ma jirto ilaa iyo hadda shaqsi ka tirsan gobolka oo Maxkamad loosoo taagay. Caasimada Online Xafiiska Muqdisho Caasimada@live.com
  16. Moscow (Caasimada Online) – Wargeyska Nezavisimaya Gazeta ee Ruushka ayaa shaaca ka qaaday in Israel ay qorsheeneyso dagaal buuxa oo ay ku qaaddo Syria, kadib marka ay ciidamada Mareykanka ka baxaan dalkaas. Wargeyska ayaa sheegay in go’aanka uu madaxweyne Trump ciidamadiisa uga saarayo Syria uu ku qasbay Israel inay wajahdo joogitaanka Iran ee dalkaas. Wargeyska ayaa kasoo xigtay wasiirkii hore ee gaashaandhigga Israel, Avigdor Lieberman isaga oo leh “Bixitaanka ciidamada Mareykanka waxay sare u qaadday suurta-galnimada ah dagaal baaxad weyn oo ka dhaca waqooyiga, haddii ay noqon lahayd Lebanon ama Syria.” Lieberman ayaa sheegay in bixitaanka ciidamada Mareykanka ay sare u qaadi doonto niyadda madaxweyne Bashar Al-Assad iyo xulufadiisa Iran iyo kooxda Xizbullah. Wargeyska Nezavisimaya Gazeta ayaa kasoo xigtay khabiir miltari oo Russian ah, Yuri Liamin inuu yiri “Hadalka Lieberman, Iran kama soo qaadi karto mid la iska yiri” Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa 19-kii bishan si lama filaan ah ugu dhowaaqay go’aan ciidamada Mareykanka ay uga baxayaan dalka Syria. Aqalka Cad ayaa difaacay go’aanka madaxweynaha, hase yeeshee ma sheegin sababta keentay in lagu dhowaaqo go’aankan iyo in guul laga gaaray kooxda Daacish. Caasimada Online Xafiiska London Caasimada@live.com
  17. Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo ka mid ah xildhibaanadda baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka hadlay qaraxyada mudooyinkii dambe kusoo batay Muqdisho oo ay geysanayaan Al-Shabaab. Jeesow oo la hadlay idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Shabaab ay dadka ku dhex dhuuntaan, islamarkaana ciidamadda ammaanka dowladda Soomaaliya aysan ogaan karin cida Shabaabka ah iyo cida aan aheyn. Sidoo kale waxa uu sheegay in kontoroolka ay ku sugan yihiin Ciidamadda dowladda ay waqti walba maraan ragga ka tirsan Shabaab, balse aan la ogaan karin Shabaabka halkaas maraya. “Sida ay ku badbaadi karaan shacabka ayaa ah, kii ganacsade ah, kii guri leh, kan garaashka leh, kan wadada maraya in ay soo sheegaan ragga Shabaab ka tirsan. Shabaab dadka ayay ku dhex jiraan, Kontorooladda ayay maraan, si ay usii jirto dowladdnimadda Soomaaliya, waa in hal meel loogu soo wada jeestaan ragga ka tirsan Shabaab” ayuu yiri Xildhibaan Jeesow. Hadalka Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow ayaa imaanaya xili todobaadkaan laba qarax ay ka dhaceen xarunta tiyaatarka, iyo taalladda Daljirka Daahsoon ee magaaladda Muqisho, waxana ku dhintay 23-qof oo shacab iyo ciidamo isugu jirey. Al-Shabaab ayaa sheegtay mas’uuliyadda qaraxyadan. Hoos ka dhageyso codka xildhibaan Jeesow https://www.caasimada.net/wp-content/uploads/2018/12/cod-xilibaan-jeesoow.mp3Caasimada Online Xafiiska Muqdisho caasimada@live.com
  18. Baligubadleh Caasimadii Hal-ganka Iyo Xornimadoonka Somaliland Iyo 28 Kadib Oo Abaalkeedii La-Xabaalay W/q: Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare) Hordhac: Taariikhdu waxay ku beegnayd horaantii 1963kii markii ugu horeysay ee Magaaladda Baligubadle loo magacaabay in ay noqoto Degmo ka tirsan Degmooyinkii Jamhuuriyadii Soomaaliya, kadib markii 1962kii ay magaladaas ka bilaameen dhaqdhaqaaqyo codsiyo ah oo odayaashii deegaanku ku codsanayeen in Baligubadle looga dhigo Degmo ka tirsan waddanka intiisa kale, waxaanay maamul ahaan ka tirsanayd Gobolka Maroodi-jeex, wakhtigaas oo uu Maroodi-jeex badhasaab ka ah Alla ha u naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuure). Taariikhdu iyadda ayaa is qortee, sidoo kale waxay ku beegnayd intii u dhaxaysey 20kii March ilaa 15kii May 2018kii markii Madaxweynihii wakhtigaas taladda Somaliland hayey Mudane Madaxweyne Daahir Riyaale Kaahin uu ku dhawaaqay 7-gobol oo ku dhex sameeyey 6-dii Gobol ee hore u jiray, halkaas oo Baligubadle ku noqotay magaalo madaxdii Gobolka Hawd. Hadii aan intaas kaga gudbo sidii Magaaladda Baligubadle u asaasantay iyo taariikhdii ay ku lahayd deegaamaynta Dalka, aan hoos ugu daadego Taariikhdii ay ku lahayd Halgankii iyo xornimodoonkii Somaliland. Waxay ku beegnayd 28 sano ka hor, 1990-kii wakhtigaas oo Baligubadle lugu doortay Gudoomiyihii 5aad Ururka dhaq-dhaqaaqa Soomaaliyeed ee SNM, iyadoo wakhtigaas loo doortay in uu SNM Gudoomiye ka noqodo Alla ha u naxariistee Cabdiraxmaan Axmed Cali (Tuur), halka ku-xigeena loo doortay Muj. Xasan Ciise Jaamac. Maanta oo kale 28 sanno ka hor, dagaal gaadmo ah oo labba saacadood socday, ayaa Ciidamadii Dawladdii Somaliya ku qabsadeen, Xaruntii Ururkii Dhaqdhaqaaqa Waddaniga Somaliyeed ee (SNM).oo ahayd Magaalada Baligubadle. Waxay gubeen magaaladdii, waxayna dagaalka ku qabsadeen gaadhigii Gudoomiyihii SNM. Muj:Cabdiraxman Axmed Cali.(Tuur). Subaxnimadii 30.12.1990, ayaa Guuto ka mida Guutooyinkii SNM, oo ahayd Guutada Koodbuur, oo uu Hogaaminaayey Mujaahid Xasan Maxamed Ubaxle (Xasan Ganey). iyo Ciidan deegaanka ahi, ay labba jiho ka soo galeen magaalada Baligubadle, iyagoo ku guuleystey Ciidankii Somaliya, ee magaalada Qabsaday inay, debeda uga saaraan. Waxaana dagaalkaas ku dhintay Mujaahidiin shan iyo tobban gaadheysa, oo uu ku jiro Muj.Maxamed AW Ismaciil oo ahaa Gudoomiyihii Magaalada Baligubadle. Haddaba Maanta Waa sidee Magaladii Baligubadleh 28 Sanno kadib? Su’aashan oo aan u banadhigay Qaar kamid ah Dadkii intaas oo dhan ku noolaa magalada ayaa ka muujiyey walaacyo aad u darran, iyo maamul la’aan baahsan oo ka jirta guud ahaan gobolka Hawd gaar ahaan Magalada Baligubadle. Dadka aan weydiiyey waxay ii sheegeen in Kabayaashii dawladu uu meesha kamaqanyahay, isla markaana waxay cadeyeen in Dawladu Hal saldhig, laba dugsi iyo hal MCH oo caafimaadka ah ka hirgelisay, laakiin ay iska ilowday dhamaan daruuriyaadkii kale ee Nolosha oo ay ugu Muhiimsanyihiin Biyaha iyo Daaqa oo Dadka degaanku Badi ay u badanyihii Beeralay iyo Xoolo dhaqato. Dadka degaanka ayaa ku dhawaaqay Muddo sanaddo badan laga joogo in ay dhisaan waddada u dhaxaysa Baligubadleh iyo Caasimada Somaliland Ee Hargeysa, Laakiin intii taaktooda ah markii ay ku guulaysteen ayaa meesha waxaa ka baxay balanqaadyo dhowr ah oo Dawlada iyo Madaxweynihii hore Axmed Maxamed Maxmuud Siilaanyo ay kaga dhawaaqeen baligubadle dhexdiisa. Ilaa Hadda Baligubadle kama muuqadaan astaamo sheegaya In Xukumadihii kala dambeeyey ee Axmed Siilaanyo Iyo Dalwaddan hadda ee Madaxweyne Muuse Biixi ay ka hirgeliyeen, Waxaa kajira Khilaafyo baahsan oo badiba soo kala dhex gala, qaybaha sar sare ee Dawlada ka jooga oo u badan dad iska shaqaysato ah, oo ku kala baahsan gobolada kale ee Somaliland. Baligubadle waxaa kuyaaley Kastam ay kasoo Xaroodaan dhaqaalaha iyo Takhliga gobolka hawd ku shaqeeyo, Laakiin Muddo sanado laga joogaba ma shaqaynin Kadib markii Xukumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo u wareejisay Kastamkii Gobolo kale, Isla markaana kala dirtay Shaqaalihii joogay. Magaaladan Taariikhda iyo Ilbaxnimada weyn kuleh dib u Xorayntii Somaliland, Isla markaana ahayd 28 sanno kohor maanta oo kale magaalo la aqoonsanyahay wakhtigaasna lagaga sheekaysan jiray Villa Somaliya ayaan Maanta lugu soo Hadal qaadin Madaxtoyada Somaliland. Dad da’a ah oo aan la kulmay ayaa ii sheegay in Caruurtoodii oo Xiligaas ahaa kuwo mudakiriin caqli wanaag lasoo barbaaraya ay ku waayeen dagaladii ka dhacay baligubadle, kuwaas oo ku cataabay In dawladii Axmed siilaanyo iyo Dawladan Madaxweyne Muuse Biixi aanay waxba ka qaban baahiyahooda. LASOCO QAYBTA XIGTA Wabilahi tawfiiq. Mr. Hamse Bashe (Wiyeer-yare) Qoraa / Saxafi madax banaan E-mail: Xamse18@gmail.com www.wiyeeryare.blogspot.com www.twitter.com/wiyeeryare www.facebook.com/wiyeeer Hargeysa -Somaliland Qaran News
  19. PUNTLAND DIASPORA FORUM DOORASHADA MADAXWEYNAHA PUNTLAND BAAQ FURAN IYO BARAARUJIN 23 December 2018 KU: Dhammaan Murashixiinta u tartamaya xilka Madaxweynenimo ee Puntland KU: Guddiga Xallinta [...] Source
  20. HOYGII ROOXAANTA DHIIGA JECEL (MUQDISHO) Q.1AAD Qalinkii Cabdi Caawiye Yaa Muqdisho sidan ka dhigay? 30 sannadood maxaa xal loogu waayey? 30 kaa sannadood yaa dhibka Ku hayey? Waxaa sida dayaxa u cad oo lawada ogyahay aduunyada ilaal halka cadceedu kasoo baxdo ilaa halka ay ka dhaco xaalada caasimada u ah ee soomaaliya. Marka dadku soo xasuustaan ama dhagahooda ay kusoo dhacdo muqdisho Waxaa ogaalkooda iyo malahooda kusoo dhaca qaraxa ama dad tacshiirad lagu furey.waxa kale ogaalka dadka kusoo degdega xukun laysku hayso mooshin laysku boobaayo, saxaafad la toocinaayo, weriye xalay lagu dilay meel uu Ku caweynaayey, askar toogatay dad rayi, qarax lala beegsaday meel hebla.IWM. Haddaba waxa aan si hoose ugu dhaadhici magaalada aan Ku magacaabay hoygii rooxaanta iyo dhiiga oo aan macnaha uga jeedo meel aan cid wax dilaysa iyo ujeedo ay u dilayso oo cadaana ilaa hadda la garanayn, meel 30 sannadood aan yididiilo fiican aanay kaba soo muuqanayn, kuwa sidaa u galayaana ay yihiin kuwii dadku aamineen ama qaar muwaadiniin iska dhigayey oo xoog ku qabsaday. Waxa maankayga kusoo dhacay HAL-ABUURKII MAXAMED XASHI DHAMAC GAARIYE midho ka mid ahaa MAANSADIISII DABA-TAXAN Nin dawee la leeyahay Dambi uu badh leeyahay Xalka doon la leeyahay Isaguu u daranyoo Inuu daaro ma ogala markasta oo loo kaco oo aduunku wax isku geegeeyo waxa bidhaama ifiin la is yidhaahdo waxa soomaaliya u beryey waa cusub oo nabad iyo dagaan ayey heleen. Maalmo ka dib waaba tii oo kasii dartay oo hub iyo aalado wax gumaada la isku helay.waayo dhibaatada waxa wada kuwa xalka wada qaar ka mid ah. Bal hadda aynu kasoo bilowno markii ay dhacday dawladii KALIGII TALISKII SIYAD BARRE markii ay burburtay, inkstoo ay u nolol iyo mustaqbalba dhaantay dadka rayidka ah ee ay dadka rooxaanta iyo bahalaha noqday ee maalin kasta gumaadaya hooyooyin iyo dhalaan aan ab iyo isir far iyo fikir mid na ku lahayn dilkaa iyo qaraxaa ku dhacaaya. soomaaliya waxaa ka bilaabmay dagaalo iyo qulqulatooyin sokeeye kasoo ilaa maanta raad Ku leh ta socota. Muqdisho waxay noqotay magaalo lagu cuno unuunka abaydibka iyo hooyada madfucu ka dul heesayey 30 sannadood, waxa ay noqotay god ka mida godadka naarta macnaha dhibka badan ee ka jira awgeed. Haddaba markii laga takhalusay nidaamkii macangaga ahaa ee SIYAD BARRE AHN ,isagoo kaliya lagama takhalusin ama lama ridine waxa la raaciyey nidaamkii kala dambayntii, wadaninimadii, iyo iimaan qabkiiba. Waxa fadhato iyo bililiqo lugu bilaabay xarumihii dawlada ee uu yaalad asadkii iyo docomentigii dadka soomaaliyeed. Waxa la galay jahan wareer iyo ninkastaaba kii uu godobta uu u hayey ee ay dawladu ka hor taagnayd uu qori caaradii Ku raadsado. Intaa ka dib iyadoo dhibkaa badani baahay waxaa lagu dhaqaaqay oo la isugu habar wacaday dawlad in la dhiso oo xisiloonidii iyo kala dambayntii lasoo celiyo. Waxaana la dhisay dawlada loogu magac daray SAL-BALAADH oo ah halkii ay kasoo bilaabantay qulqulatooyinka siyaasadeed iyo aargoosiga qabyaaladeed ee ay sodonka sano ay dhex muquuranayso muqdisho iyo inta hoos timaada oo uu madaxweyne ka ahaa GEENERAL MAXAMED FAARAX (CAYDIID) marka hore waxaan soo gudbin doonaa daariikhdii Caydii bilow ilaa dhamaad. B. YUU AHAA MAXAMED FARAX CAYDIID? 15 Diseembar 1934 – 1 Agoosto 1996) Wuxuu dhashay taariikhdu markay aheyd 1934, wuxuuna ku dhashay Magaalada Beledweyne- ee Gobolka Hiiraan. Wuxuu ahaa nin ka tirsan ciidamada Soomaaliya isla markaan ka mid ahaa Hogaamiye Kooxeed[1] Iyo madaxweynihii Dawladii SALBALAADH Wuxuuna ifka uga tagay 14 caruur ah.mahad,saciid.cabdıcasıs.yusuf.cabdirahman WAXBARSHADIISII 1946–1949:Dugsiga Hoose,dhexe: Mo 1952–1953:Dugsiga Tababarka ee Dhanaane Accountancy and Office Management. 1953–1954:Dugsiga Xamar Jajab. DHANKA CIIDMADDA IYO XILAALKII UU SOO QABTEY (MILITARY ACADEMY) Wuxuuna ka qaatay Diploma. Wuxuuna ku bartay Cilmiga kala duwan ee Militariga (Military sciences), wuxuuna noqday Sarkaal Militari, Maadaama marka uu dalka ku soo noqday la Baabi’iyay militarigii talyaaniga ee ka jiray dalka, wuxuu ku biiray ciidanka Booliiska, darajadiisuna waxay aheyd labo xiddigle. 1956–1956: Wuxuu qaatay tababar- howlaha ciidanka, Mogadishu, Somalia. 1956–1960: Military academy- Cesano, Roma, Italy. Wuxuu ku soo qaatay tababarka Hogaaminta Ciidamada, wuxuuna ka qaatay Diploma. 1963–1966: Akademiyada sare ee Istaraatiijiyada dagaalka iyo hoggaaminta (Frunze Academy- USSR), wuxuuna ka qaatay Diploma. WAAYO ARAGNIMADII SHAQO (EXPERIENCE Lasoco qaybo badan oo dambe Qalinkii Cabdi Cawiye Shaywaal12@gmail.com +252636115877 Qaran News
  21. Muqdisho (Sh.M.Network) – Dhageystayaasha idaacada Shabelle ee ku taxan website-keena waxaan halkaan hoose idin kugu soo gudbineynaa Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle. Hoos riix si aad udhageysato http://radioshabelle.com/wp-content/uploads/2018/12/Bar__Qubanaha-241218.mp3 The post Dhageyso: Barnaamijka Qubanaha Wararka Shabelle appeared first on Shabelle. View the full article
  22. Muqdisho:- War aynu ka helnay ilo ku dhow-dhow madaxtooyada dowladda federal-ka Soomaaliya ayaa sheegaya in maalinta berri ah (Dec.25,Talaadada) uu magaallada Garowe ku soo fool [...] Source
  23. (SLT-Burco) Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mud. Cabdiraxmaan Saylici iyo xubno Wasiiro ah ayaa Gurigiisa uu ka deganyahay magaalada Burco ku booqday Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi ) Hoos ka DAAWO Source